-
Content Count
214,298 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Members of the National Medical Rescue Team departed for Somalia’s capital Tuesday to bring those wounded in a suicide car bombing over the weekend back to Turkey. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka magaalada Ankara ee dalka Turkiga loo qaaday dhaawacyada 9 qof oo ay ku jiraan 3-dii Injineer ee Turkiga uga dhaawacmay weerarkii ismiidaamiinta ahaa ee sabtidii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho. Diyaarad Milatari oo ay leedahay dowladda Turkiga ayaa dhaawacyadaasi looga qaaday garoonka Aadan Cadde ee M/ Muqdisho. Sidoo kale dhaawacyada la qaaday ayaa waxaa ka mid ah taliye ku xigeenka ciidanka Haramcad ee gobolka Banaadir, askar iyo dad rayid ah oo ku dhaawacmay qaraxaasi. Dhaawacyadaan ayaan tan iyo sabtidii ku jiray isbitaalka Erdogan, Ex Digfeer oo uu shalay ku booqday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre. Turkiga oo si kulul uga hadlay weerarkaasi ayaa sheegay in uusan saameyn doonin howlaha uu ka wado gudaha Soomaaliya. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale hadda bilowday qorshe cusub oo lagu sugayo amniga jidka isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ay dhiseyso shirkad Turki ah. Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa shalay la geeyey wadadaasi, kuwaas oo dhagxaan ku gooyey meesha uu ka socdo dhismaha. Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah shaqaalaha iyo Injineerada Turkiga ee dhisamaha ka wada jidka Afgooye, waxaana weerarkaan ka horreeyey kii Ex-Control.
-
Sida ay xaqiijiyeen ilo’-xog ogaal ah, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ,ayaa todobaadkan kulan gaar ah ka yeeshay xallinta Tabashooyinka ay tirsanayaan dadka ka soo jeeda Beesha Harti ee ku nool Jubaland. Kulanka labada madaxweyne oo Warbaahinta laga qariyay, ayaa looga arrinsaday xal u helidda cabashooyin la sheegay in ay ka yimaadeen odayaasha iyo ganacsatada ka soo jeeda Beesha Harti ee ku dhaqan Jubaland, gaar ahaanna magaalada Kismaayo. Odayaasha iyo ganacsatada, ayaa madaxweyne Deni horay ugu soo gudbiyay tabashooyin ay ka qabaan maamulka Jubaland, kuwaasi oo ku salaysan u sinnaanta fursadaha dhanka ganacsiga, waxbarashada, shaqaaleysiinta iyo saamiga siyaasadda. Sidoo kale, waxay qaarkood cabashooyin ka muujiyeen cabburin iyo handadaad ay sheegeen in uu ku hayo maamulka Jubaland cid kasta oo kaga ra’yi duwan arrimaha siyaasadda. Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya, in kulanka Deni iyo Axmed Madoobe uu ku soo dhammaaday isfaham ku aaddan in la xalliyo tabashooyinkaasi, inkastoo aan faahfaahin sii dheer laga helin. PUNTLAND POST The post Muxuu ku saabsanaa kulanka la qariyay ee Deni iyo Axmed Madoobe? appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (HOL) - Former intelligence chief Abdullahi Sanbalolshe has said he is apologetic for his role in the renditioning of ONLF official Abdikarim Muse aka Qalbi Dhaqah to Ethiopia in 2017 and called on the government remove the group from its list of designated terror groups. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (HOL) - Former intelligence chief Abdullahi Sanbalolshe has said he is apologetic for his role in the renditioning of ONLF official Abdikarim Muse aka Qalbi Dhaqah to Ethiopia in 2017 and called on the government remove the group from its list of designated terror groups. Source: Hiiraan Online
-
Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa saakay laga duuliyey dhaawacyada Injineero u dhalatay wadanka Turkiga, kuwaas oo ku dhaawacmay qarax 18-ka bishan lagula eegtay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha hoose. Diyaada laga lahaa dalka Turkiga ayaa qaaday dhaawacyada oo tiradoodu gaareyso ilaa 9 ruux, sidoo kale waxaa lala qaaday dhaawacyada askar ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaas oo ku dhaawacyo ka soo gaareen qaraxa. Injineeradaan ayaa ahaa kuwo ku howlanaa dhismaha wadada u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye oo dhismaheeda ay qaadatay shirkad laga lahaa dalka Turkiga, waxaana qarash gareynaya dowladda Qadar oo saaxiib dhow la ah dowladda Soomaaliya. Kooxaha caafimaadka oo saarnaa nooca diyaaradaha A400M ee militariga ayaa timid si ay u qaado 3 Turki ah iyo 6 Soomaali ah, waxaana amarka bixiyey Erdogan. Dec. 28, ugu yaraan 85 qof oo ay Turki ku jiraan ayaa sidoo kale ku dhintay halka 150 dhaawucu gaaray qarax ka dhahay halkaasi. Goobjoog News. Source: goobjoog.com
-
(SLT-Canada)-Dowlada Shiinaha ayaa soo cusbooneysiisay baaqeeda ahaa in la sii daayo madaxa fulinta ee shirkada Huawei Ms Meng Wanzhou, oo ku xidhan Canada. Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Shiinaha Geng Shuang, ayaa sheegay in xukuumada Ottawa looga baahan yahay in ay saxdo khaladkeeda. Ms Wanzhou ayaa Mareykanka ku eedeeyay in macaamil ay la gashay shirkado laga leeyahay Iiraan. Shiinaha ayaa dhanka kale meesha ka saaray in Meng ay ku lug leedahay arimo Siyaasadeed. Haweeneyda ah madaxa dhanka maaliyada shirkada taleefanada shiinaha ayaa bishii December ee sanadkii 2018-kii lagu xidhay magaalada Vancouver kadib codsi Canada uga yimid Mareykanka. Si kastaba ha ahaatee haweeneydaan ayaa la filayaa in markale ay ka soo muuqato Maxkamada Canada. Source
-
(SLT-London)-Sharci-yaqaano ku sugan UK ayaa Booliska London u gudbiyay codsi ah in xidho madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Siisii oo ay ku eedeeyeen doorkii uu ku lahaa geerida Maxamed Mursi. Madaxweynihii hore ee sida dimuquraadiga ah ay u soo doorteen shacabka Masar ayaa istaaga ka dhacay, isagoo ku sugnaa Maxkamada magaalada Qaahira. Sharci yaqaanadaan ayaa intaa ku daray in dowlada Masar ay si khaldan u adeegsatay awoodeeda taasi oo sabab u ah in xanuun uu u dhinto madaxweyne afganbiga xilka looga qaaday Cabdifataax Al-Siisii. Baaqaan ayaa imaanaya iyadoo Madaxweyne Cabdi Fatah Al-Siisii Isniintii shalay socdaal laba maalmood ah ay uga bilaabatay UK. Source
-
(SLT-Tehran)-Taliyaha cusub ee ciidanka kacaanka Iiraan ayaa sheegay dilkii Mareykanka u gaystay Janaraal Qaasim Suleymaani in uu ahaa fal lagu doonayay in lagu wiiqo Awooda Iiraan. Xaflad ka dhacday shalay magaalada caasimada ah ee Tehraan ayaa Janaraal Ismaaciil Qaani wuxuu balan qaaday in Mareykanka ay ka aargudan Doonaan. Mareykanka wuxuu dilay Suleymaani ilaah ayaan ku dhaartay waan burburin doonaa Cadowgiisa inaga oo u mareyna qaab casri ah ayuu yidhi taliyaha cusub ee ciidanka kacaanka Iiraan. Duqeyn diyaaradeed oo Mareykanka ka geestay 3-dii bishan agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Baqdaad ayaa lagu khaarijiyay Mr Suleymaani. Tani ayaa keentay cabsi xoogan oo la xidhiidha dagaal ka dhaca bariga dhexe oo u dhaxeeya Washington iyo Tehraan. Balse xaalada ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay caadi ku soo noqotay kadib markii laba mar ciidanka kacaanka Iiraan ay weerar ku qaadeen Milatariga Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq. Source
-
Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay weli isku hor fadhiyaan qeybo ka mid ah degmada Shangaani ee G/Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in laga cabsi qabo in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi, waxaana ciidamo ay isku hayaan goobo la doonayo in laga raro dad rayid ah. Lada dhinac ayaa shalay dagaal xoogan waxa uu ku dhexmaray dhabarka dambe ee safaaraddii hore ee Itoobiya oo ku yaallo dhulka la’isku heysto. Xaaladda ayaa kacsan, waxaana dadka deegaanku ay codsanayaa in la soo kala dhex galo ciidamadaasi, si loo baajiyo dagaal markale ka dhaca halkaasi. View the full article
-
Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan gaar ah oo u dhexeeyey hoggaanka sare HirShabelle oo xalay ka dhacay guriga Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe). Kulanka oo saacado badan qaatay, islamarkaana uu soo qaban qaabiyey, Cali Guudlaawe ayaa waxaa looga hadlay khilaafkii u dhexeeyey Madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, Sheekh Cismaan Barre Maxamed. Afhayeenka HirShabelle, Daa’uud Xaaji Cirro oo ka warbixiyey kulankaasi ayaa sheegay in xal kama dambeys ah laga gaaray khilaafkaasi, islamarkaana la soo afjaray. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxda ay ku ballaameen in la dardar geliyo shaqooyinka culus ee horyaalla. Ugu dambeyn Madaxweyne Waare iyo guddoomiye Barre ayaa Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle uga mahadceliyey dadaalladii dhex dhexaadinta ee uu sameeyey. Khilaafkaan oo mudo taagnaa ayaa saameyn ku yeeshay wada shaqeynta labada dhinac waxaana socday mooshin ka dhan ahaa Waare.
-
Af Soomaaligu wuxuu ka mid yahay luuqadaha Geeska Afrika looga hadlo kuwa dadka ugu tirada badan ay ku hadlaan. Dadka Soomaaliyeed ee ku hadlana waxay ku dhaqan yihiin deegaan ballaaran oo u dhexeeya gacanka Tojorra ilaa iyo webiga Tana ee Waqooyiga Kenya. Inkastoo af Soomaaligu ay ku hadlaan dad tiradaas lehi ee ku baahsan dhulka baaxadaas leh, haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaalidu ku dhaqmaan ma jirin. Muddadii intaas ka horreysay qoraallada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xiriiri jireen waxay ahaayeen luqadaha Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga. Bishii Oktoobar 21keedii, sannad guuradii saddexaad ee Kacaankii Oktoobar sanadkii 1972kii ayuu Guddoomiyihii Golihii Sare ee Kacaanka Jaalle Maxamed Siyaad Barre ku dhawaaqey go’aanka ah in farta Laatiinka loo isticmaali doono qoraalka farta Soomaaliga, iyadoo wax yar oo isbeddel ah lagu sameeyey nidaamka erayada loo kala qeybinayo. Bishii Jannaayo 21keedii 1973dii, sanad kaddib markii lagu dhawaaqay qoraalka afka Soomaaliga ayay ahayd markii ugu horreysay ee uu dalka ka soo baxo wargeys ku hadlaya Afka Soomaaliga, maalintaasaana loo asteeyay iney noqoto maalinta warfaafinta Soomaaliyeed. Wargeyskii xiddigta Oktoobar oo ku qoran af Soomaali ayaa subaxdaas lagu waabariistay iyaodoo farxad darteed qof walba uu sito nuqul ka mid ah wargeyskaas. Ma rabo inaan taariikhda dheer ee qoraalka iyo wargeysayada Soomaaliya hadda u guda galo, hase ahaatee wargeyska Xidigta Oktoobar oo maalintaas ku soo baxay af Soomaali, wuxuu ku soo bixi jiray afafka Taliyaaniga iyo Ingiriisiga, waxaana soo saari jirtay wasaaradda warfaafinta. Wargeyskan kahor intaan lagu qorin Af Soomaaliga waxaa la dhihi jiray Stella d`Ottobre waxaana la soo saaray markii uu curtay Kacaankii Oktoobar 1969kii, wuxuuna ku ekaa 1973dii markii magaciisa laga dhigay Xiddigta Oktoobar af Soomaalina lagu qoray. Wargeyskan wuxuu lahaa qayb Ingiriisi ah oo ay isku mar soo wada baxeen 1969kii, hase ahaatee sanad kaddib istaagay 1970ki. Wargeyskan inta uusan Kacaanku la wareegin waxaa la dhihi jiray Corriera della Somaliya wuxuuna ku soo bixi jiray afka Taliyaaniga, wuxuuna soo bilaabmay 1950kii, wuxuuna socday ilaa 1969kii ee uu Kacaanku la wareegay. Markii haddaba uu bilowday wargeys ku hadla afka Soomaaliga ayaa waxaa iyana kordhay dadkii wax ku qorayay af Soomaaliga. Taasina waxay keentay inuu kobco af Soomaaligii oo ay soo baxaan ereyo badan oo loo adeegsado xafiisyada, dugisyada iyo Warbaahinta. Warbaahintu waxay u ahayd macallin bulshada, waxay mar walba soo saareysay ereyo af Soomaali ah oo loo adeegsado dhinacyo badan ee nolosha ah. Ereyadii waagaas ay warfaafintu sameysayna ilaa iyo maanta waa kuwa loo adeegsado warbaahinta. Waxaase nasiib darro ah in markii uu Kacaankii meesha ka baxay uu afkii agoontoobay, siina kori waayay, iyadoo ay taasi ugu wacan tahay daryeel la`i qabsatay afkii iyo qoraalkiisii oo waayay cid halkii ka sii qaadda. Dhallinyaradii ku soo biirtay warbaahintana ay waayeen daliil amaba hage u horseeda una tilmaama adeegsiga iyo higaadda afka Soomaaliga. Taasina waxay keentay in qof walbaa siduu rabo uu wax u qorto, uguna hadlo. Waxaa sii lumay heerkii afka iyo qoraalkiisa, walow imin dhow ay bilaabmeen ururro iskood isu xilqaamay oo ku baraarugay iney tahay muhiim in wax laga qabto afka iyo qoraalkiisa. Waxaase nasiib darro ah, dhallinyaradii saxaafadda meheradda ka dhigtay oo aan u soo jeedin iney hagaajiyaan aqoontooda afka iyo qoraalka Soomaaliga oo sidey rabaan wax u jacburiya, iskuna dayeyn xataa iney wax kororsadaan. Sidaas darteed waxaan rabaa inaan u sheego waayeelka warfaafinta Soomaaliyeed iyo qalinleyda aqoonta fiican iyo khibradda u leh afkan iney u huraan waqtina siiyaan dhallinyarada meherdleyda ah ee doonaya iney wax qoraan iney waqtigooda wax ka siiyaan oo ay tababarro u furaan, dhallinyaradana ay ka faaiideystaan oo ay iyaguna waqti siiyaan waa haddii ay doonayaan iney meheraddan ku shaqeeyaan bulshadana anfacaan. 21-ka Janaayo 1973-kii waa maalintii ugu horreysay ee uu soo baxo Wargeys ku qoran Afka Soomaaliga, 6-dii aroornimo ee maalintaasi ayaa laga dhaqangaliyay Xafiisyada Dawladda in lagu shaqeeyo Qoris iyo akhrisba, iyadoo lagu dhawaaqay in la hirgaliyo Farta Soomaaliga 21-kii Oktoobar 1972-kii, tan iyo waqtigaasi, waxay Wasaaradda Warfaafinta 21-ka Janaayo ee sanad kasta u aheyd maalin ay u dabaaldegto, kuna soo bandhigaan waxqabadka Hey’adahooda, sidaasi darted anagoo xuseyna maalintaa waxaan halkaan ku soo bandhigayaa Taariikhda Saxaafadda Soomaaliyeed iyo heerarkii ay soo martay. Taariikhda Saxaafadda Soomaaliyeed marka laga hadlaayo waxaa loo qeybin karaa 4 heer ama marxaladood, waxayna kala yihiin:- 1. Xilligii Xorriyadda ka hor 1930 ilaa iyo 1960-kii. 2. Xilligii Dowladihii Rayidka 1960-kii ilaa iyo 1969-kii. 3. Xilligii Dowladdii Millitariga 1969-kii ilaa iyo 1990-ii. 4. Iyo marxaladdii bur-burka dalka ka dib. (1). Xilliggii Xorriyadda ka hor: Saxaafaddu waxay ka bilaabatay meel Eber ah, sababtoo ah ma jirin Dad aqoon iyo xirfad u leh Cilmiga Saxaafadda iyo waxtarkeeda, balse waxaa soo baxay Dad kooban, kuwaasi oo ka dhiidhiyay falalka gumeystayaasha Faransiiska, Ingiriiska iyo Talyaaniga ay ku hayeen Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed, waxaana Magaalada Jabuuti markii ugu horreysay 1933-kii laga soo saaray Wargeys la magic baxay Codka Shaqaalaha, kaasi oo xambaarsanaa ficillo wata farriimo Xornimo doon ah, waase la xiray markii dambe, wuxuuna gumeysigu u arkay in isaga lagu kicinayo Dadkii uu gumeysanayay. Sidoo Magaalada Hargeysa waxaa ka soo if baxay 1936-kii Wargeys kale oo lagu magacaabi jiray (Af Soomaal),kaasi oo lagu daabici jiray Magaalada Cadan ee Dalka Yemen, halkaasi oo ay degenaayeen Dad Soomaaliyeed oo si toos ah ugu xiran dhaqdhaqaaqyadii Xornimo doo nee ka socday Dhulka Soomaalida oo dhan, balse gumeysigii Ingriiska markii uu arkay saameynta Wargeyskaasi ku yeeshay Dadka ku nool Gobolada Waqooyi, waxa uu amray in si dhaqso loo xiro Wargeyskaasi, uuna soo galin Gobolada uu gumeysto, hase ahaatee taasi ma noqon mid joojisa Wargeyskii iyo dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka ee shacahka wada saameeyay, waana sii xoogeystay ilaa ay is raacaan 2-dii Gobol ee Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya 1-dii Luuliyo 1960-kii. Dhinaca kale, aas-aaskii Ururkii SYL, 15 May 1943-kii ka abuurmay Magaalada Muqdisho, wuxuu isna billaabay soo saarista Wargeys la magic baxay (Al-Wuxda), kaasi oo xariir la lahaa dhaqdhqaaqyadii ka socday Magaalooyinka Jabuuti iyo Hargeysa oo si qarsoodi ah Wargeysyo uga soo bixi jireen. Haddaba Saxaafadda Soomaliyeed ee waqtigaasi waxay ahaayeen kuwo iftiin u ah Xorriyaddii la qaatay 1960-kii iyo aas-aaskii Saxaafadda, Raggii aas-aaska u dhigay Saxaafadda Soomaaliyeed waxaa hormuud u ahaa:- Maxamuud Jaamac Uur-doox, oo ahaa Ninkii ugu horreeyay oo Hargeysa ka soo saaray Wargeys 1935-kii. Xaaji Cabdi Ducaale, waa Ninkii ugu horreeyay ee ka hadla Idaacadda Hargeysa 1943-kii. 3. Soogare Maxamed Cadde oo ahaa Ninikii ugu horreeyay ee Filim qaade ka noqda Muqdisho 1947-kii. 4. Xuseen Cabdi Farmashiye waa Ninkii ugu horreeyay ee Muqisho ka noqda Sawir qaade 1950-kii. 5. Aaden Isaaq Timacade, waa Ninkii ugu horreeyay ee Muqdisho ka noqda Sawir-gacmeed sameeye (Artiste) 1950-kii. 6. Daahir Ibrahim Cabdi waa Ninkii ugu horreeyay ee keensada Madbacad wax lagu daabaco 1952-kii. Raggani waxay mudan yihiin in ay xasuusta ku hayaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee maanta jooga, kuna daydaan dadaalkii naf hurnimo ee ay soo galeen aas-aaska Saxaafadda Soomaaliyeed. Wargeysyadii Dalka ka soo bixi jiray Xorriyadda ka hor:- Somali Journal—- Dowli ——-1950 ilaa 1960-kii. Al-Liwaa ——— gaar ah —–1958 ilaa 1960-kii. 3. Qarni Afriqiya —–SNL ———1957 ilaa 1960-kii. 4. Al-Wuxda —–SYL ———-1957 ilaa 1960-kii. 5. War Somali side –Dowli Ingiris -1953 ilaa 1960-kii. 6. Corriere del Somalia-Dowli Talyaani-1950 ilaa 1960-kii. 7. Al-Sariixa ———– Gaar———–1957 ilaa 1960-kii. (2). Xilligii Dawladda Rayadka 1960-1969-kii. Markii Xorriyadda la qaatay durbadiiba waxaa furmay xorriiyaddii hadalka, waxaaa abuurmay Wargeysyo badan oo si furan u hadli jiray, kuwaasi oo ku soo bixi jiray Afaf kala duwan sida:-Carabi, Ingriis iyo Talyaani, hase yeeshee waxaa meesha ka maqneyd tirade Dadka Soomaaliyeed eek a faaideysan kartay, sababtoo ah Dadkeennu inta waxbaratay aad iyo aad ayay u yareyd. Dhinaca kale waxaa Dalka ka jiray 2- Idaacadood oo kala ahaa:- Raadiyo Hargeysa oo la furay 1943-kii, xilligii Gumeysiga Ingiriiska iyo Raadiyo Muqdisho oo la furay 1951-kii xilligii Gumeysiga Talyaaniga oo Maxmiyad ku haystay Gobolada Koofureed, waxaana Labadaasi Idaacadood Maamulkooda gacanta ku hayay Xukuumaddii Rayadka ee Soomaaliya, kadiba waxaa ku soo biiray oo la unkay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, oo la aas-aasay 5-tii Janaayo 1964-kii, iyadoo hoos imaanaysay Wasaaradda warfaafinta, sida Labada Idaacadood. Wargeysyadii soo bixi jiray Xilligii Dawladdii Rayadka 1960-1969-kii. 1. Corriere Del Somalo Dawli 1960-1969. Maalinle. 2. Sowtu Soomaal Dowli 1960-1969. Maalinle. 3. Somali News Dawli 1960-1969. Maalinle. 4. Somali review Dawli 1964-1967. 3 Biloodle. 5. Li Oriente Gaar 1967-1069. Todobaadle. 6. La Tripuna Gaar 1967-1969. Bille. 7. Kifaax Xisbiga SDU 1963-1964. Todobaadle. 8. Itixaad Al-shacab SDU 1964-1968. Toddobaadle. 9. Al-Waxda Xisbiga SYL 1957-1969. Toddobaadle. 10. Al-Xaqiiqa SYL 1965-1969. Toddobaadle. 11. Al-shacab Gaar 1967-1969. Toddobaadle. 12. Dalka Gaar 1968-1969. Bille. 13. Al-Jihaad Gaar 1968-1969. Toddobaadle. Taariikhda Saxaafadda waxay xilligaasi ku soo beegantay Maamul-millitari, waxaana ugu horreyntii la joojiyay Xorriyaddii hadalka, sidoo kalana waxaa la xiray qeybihii Saxaafadda gaarka ahaa, inta aan ka aheyn Wargeysyada faafiya siyaasadda Kacaanka iyo labada Idaacadood ee Raadiyo Muqdisho iyo Raadiyo Hargeysa oo horayba Dawladdu gacanta ugu haysay. In kastoo Dawladdii Militariga xirtay dhammaan Saxaafaddii gaarka ahayd, hadana waxaa guul weyn u aheyd taariikhda Saxaafadda Soomaaliyeed, waayo waxa ay hirgalisay:- Hirgalintii qoraalka Farta Soomaaliga 21-kii Janaayo 1973-kii, waana markii ugu horreysay ee uu soo baxay Wargeys Afka Soomaaliga ku qoran, loona aqoonsaday inay noqoto maalinta Saxaaafadda Soomaaliyeed. Abuuridda Machadka Tababarka Saxaafadda 1976-kii. 3. Dhismihii Kulliyadda Saxaafadda 1980-kii. 4. Furitaanka TV-ga Qaranka Soomaaliyeed 1983-kii. Horumarka Saxaafadda Soomaaliyeed, waxaa fure u ahaa qoritaankii Farta Soomaaliga, taasoo dhaxalsiisay inay noqoto mid ay ka faa’ideystaan Dadka Soomaaliyeed oo dhan Miyi iyo Magaalaba, oo markii hore ku ekaa dhageysiga Idaacadaha, kuwaasi oo bartay akhriska iyo qorista intaba, tanina waa guul u soo hoyatay Saxaafadda Soomaaliyed iyo shacabkaba. Marxaladdii (4-aad). Bur-burkii Dawladdii dhexe kadib. Xilligaasi waxay Saxaafadda Soomaaliyeed ku soo beegantay waqti aan Dawlad dhexe oo xooggan aysan Dalka ka jirin, waxay ku soo beegantay Qaran bur-buray iyo Bulsho Bahaloowday oo aan kala gar qaadanayn, eed joogta ah oo la xariirta qoraalada shalay iyo manta, qoraaladooda oo ay markasta macaamiishu dhaliilsan yihiin. Dhinaca kale waxay Saxaafaddu la soo kulmeen adeegsiga farsamooyin casri ah ee loo adeegsado Saxasafadda, taasoo ay nasiib u yeesheen inay si fudud uga faa’iideystaan farsamadaasi, waxase jirta in howlaha Saxaafaddu ay tahay arrin u baahan xeelad iyo xirfad aqoon Saxaafadeed, dhaliishu ma reebana balse dhib abuurista ayaa ka daran dhaliil yar oo laga indho qabsan karo oo si kam ah ama aqoon darro ku dhacday, si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in Saxaafaddu ka shaqeyso horumarinta danaha guud ee Dalka iyo Bulshada, oo dan gaar ah ka leexin danihii guud ee Dalka iyo Dadkaba. Marxaladaan Saxaafadda Soomaaliyeed way ka baxday farsamo ahaan iyo tiro ahaan, waxaa abuurmay Wargeysyo farabadan, Idaacado iyo T.V-yo Madax banana oo gaar loo leeyahay, balse waxay dhibtu ka jirtaa xagga tayada aqoonta Suxufiyiinta Da’da yar oo hadda Saxaafadda ku soo biiray oo aan laheyn khibrad Xirfadeed Saxaafadeed oo sax ah laakiin ay niyad ka tahay howshooda iyo horumarinta Dalkooda iyo Dadkooda, waxay u baahan yihiin rag khibrad Saxaafadeed leh oo deggan wax u bara oo had iyo jeer ku dhex jira, si loo helo Saxaafad u adeegta danta guud ee Bulshada Soomaaliyeed ee Maanta. Xigasho: Somali National News Agency (SONNA) PUNTLAND POST The post Taariikhda Xuska Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
-
Sida aan ku heleyno wararkii ugu dambeeyay waxaa saaka garoonka diyaaradaha Aadan Cade fadhisa diyaarad Turki u qaadeyso dhaawacyadii ka dhashay weerarkii sabtidii la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka oo ahaa ismiidaamin ah ayaa waxaa ku dhaawacmay qiyaastii 20 qof oo isugu jiray Injineero Turki ah iyo ciidamo ilaalo u ahaa. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas oo ay sheegtay inay khasaare ku gaarsiiyey shaqaale Turki ah iyo ciidamo Soomaali ah. Shalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale dhaawacyada Injineerada Turkiga ku booqday isbitaal Digfer ee magaalada Muqdisho. View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid ku dhawaaqista jadwalka doorashada madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa. Arrintaan ayaa waxay muujineysaa in Galmudug ay lugaha la sii galeyso khilaaf hor leh, kadib markii Ahlu Sunna ay ka hortimid guddiga doorashada madaxweynaha Galmudug. Ahlu Sunna ayaa ku doodeyso in guddoomiyaha guddiga doorashada uu ka yimaado dhankeeda mar haddii dowladda dhexe ay qaadatay guddoonka baarlamaanka Galmudug. Sidoo kale Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka Ahlu Sunna ayaa ku goodiyey inay qaadici doonaan doorashada, haddii aan loo fulin dalabkooda. Galmudug ayaa muddo dheer ku jirta is jiid jiid siyaasadeed oo dib u dhigay qorshaha lagu doonayo in gobollada Galgaduud iyo Mudug loo sameeyo maamul loo dhan yahay. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-21012020.mp3 View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) -Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ay fashiliyeen qarax nooca miinada oo lagu aasay qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Ciidanka Booliska gobolka Bari iyo kuwa loo yaqaano PSF oo howlgal ka sameeyey agagaarka Masjidka Rashiid ayaa ka hortagay qaraxaasi. Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari Gashaanle Sare Xuseen Cali Maamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa lagu qariyey guri ku yaalla halkaasi. Sidoo kale taliyaha ayaa u mahaceliyey ciidamada fuliyey howlgalka, isagoo intaasi ku daray in miinadaan la doonayey in lagu waxyeeleeyo shacabka. Gashaanle Sare Xuseen Cali Maamuud ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidanka amniga, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad gelyada. Magaalada Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga ee Puntland ayaa waxaa inta badan weeraro gaadma ah iyo dilal qorsheysan ka fulisa kooxda Al-Shabaab. Si kastaba ha’ahaatee muddooyinkii dambe ciidamada Puntland ayaa kordhiyey howlgallada lagu xaqiijinayo amniga magaaladaasi.
-
Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, ayaa sheegay in dhaawacyada Qaraxii Ex-Kantarool ee la geeyay waddanka Qatar ay xaaladooda caafimaad soo hagaageyso, islamarkaana ay heleen daryeel caafimaad oo dhameystiran. Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano oo u waramay warbaahinta dowladda Soomaaliya sheegay in 23-ka qof ee la geeyay isbitaalka dhexe ee dalka Qatar, ay sideed ka mid ah xaaladooda caafimaad hagaagsanyihiin. “Qaraxu 28-kii ayuu dhacay 30-kii bisha ayaan soo qaadnay 23 qof oo dhaawac ah iyo 23 oo caawineysa dadka dhaawaca ah, sideed ka mid ah isbitaalka wey ka soo baxeen Hotel ayayna joogaan, laakiin waxay leeyihiin balamo kala duwan oo firiro looga bixinayo, daweyntooda qaab bukaan socod ayay noqoneysaa” ayuu yiri Safiirka. Safiirka ayaa sheegay inay weli socoto daweynta dhaawacyada kale ee isbitaalka ku haray, isagoo intaa ku daray inaysan jirin dad hada xaalad adag ku jira . “Dhaawacyada saddex qof ayaa u darna oo lugta kaga jaray, balse sida kale ay xaaladooda caafimaad wanaagsantahay’ ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Qatar. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay Dhaawacyada Qaraxii Ex-Kantarool ee la geeyay Qatar appeared first on Puntland Post.
-
Waa kuma hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Aayatullah Cali Khameney? Aayatullah Cali Khameney waa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan, waana mas’uulka dhinaca maamulka ugu sarreeya waddankaas. Wuxuu leeyahay amarka ugu dambeeya ee dhammaan arrimaha la xiriira siyaasadda Iiraan. Ninkan, oo si weyn loogu yaqaanno inuu jecel yahay fikirka ay ku dhisan tahay jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, ayaa marar badan weerar afka ah ku qaaday dalalka Reer Galbeed-ka, gaar ahaan Mareykanka, oo uu aad u neceb yahay. Inkastoo uu si buuxda u taageerayay kooxda dalkiisa u qaabilsaneyd wadaxaajoodyada barnaamijka nuclear-ka Iiraan, haddana Aayatullah Khameney wuxuu marar badan muujiyay sida uusan ugu qanacsaneyn natiijadii kasoo baxday wadahadalladii dhex maray Iiraan iyo dalalka quwadaha waaweyn ee caalamka. Aayatullah Cali Khameney wuxuu sanadkii 1989-kii baddalay hoggaamiyihii ruuxiga Iiraan ee ugu horreeyay, ahaana ninkii aasaasay jamhuuriyadda Islaamiga Iiraan, Aayatullah Ruuxullah Khumeyni. Xilligaas ka hor wuxuu labo jeer oo isku xigta madaxweyne kasoo noqday Iiraan intii u dhaxeysay 1981-kii ilaa 1989-kii. Madaxweyne Xassan Ruuxaani oo booqday Aayatullah Cali Khameney ka dib markii qalliin looga sameeyay kaadi-heysta Bishii September 2014, Aayatullah Khameney, oo 72 jir ah, wuxuu magaalada Tehran ku maray qalliin looga sameeyay kaadi-heysta. Lama sii shaacinin wax macluumaad ah oo ku saabsan qalliinka, maadaama xaaladda caafimaad ee Aayatullah ay tahay mid mar walba la qariyo. 7 sano ka hor waxaa soo baxay warar la isla dhexmarayay oo ku saabsanaa geerida Aayatullah, kuwaasoo ku faafay Iiraan iyo guud ahaan caalamka. Sababta loogu maleeyay inuu dhintay waxay ahayd inuusan sheegin hargab daran oo ku dhacay, sidaas awgeedna uu ka qeyb gali waayay munaasabadaha dadweynaha. Awoodaha su’aalaha la galiyay Xilligii uu madaxweynaha ahaa Aayatullah Khameney wuxuu si joogto ah khilaaf usoo kala dhex gali jiray Ra’iisul Wasaarihii markaas xilka hayay, Mirhossein Mousavi, kaasoo uu u arkayay inuu dhinaca bidix u janjeeray. Hase ahaatee, maadaama uu Mr Mousavi taageero ka heystay hoggaamiyihii ugu sareeyay xilligaas ee Aayatullah Ruuxullah Khumeyni, dhammaan aragtiyada kala duwan ee ay ka qabeen arrimaha dhaqaalaha, bulshada iyo diinta waxay ahaayeen kuwo sii xoogeysanayay marba marka ka dambeysay. Mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu horreeyay ee uu qaaday Aayatullah Cali Khameney, kadib geerida hoggaamiyihii hore, waxay ahayd inuu isbaddal ku sameeyay dastuurka uuna meesha ka saaray kursiga Ra’iisul Wasaaraha. Cali Khameney(bidix) waa hoggaamiyaha ruuxiga Iiraan ee labaad, waxaana ka horreeyay Ruuxullah Khumeyni(midig) Aayatullah Cali Khameney wuxuu gartay inuusan heysanin jacaylkii iyo taageeradii loo hayay ninkii uu baddalay. Ruuxullah Khumeyni wuxuu ahaa wadaad heer sare gaarsiisan, oo wax kasta loola soo noqdo. Markii uu Cali Khameney- oo aan ahayn qof wax kasta loola soo noqdo – uu xilka qabtay, waxaa lagu khasbanaaday in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, si xilka qofka wax walba loola noqdo ay u qabtaan wadaaddo darajo hoose ah. Wuxuu kursigiisa hoggaamiyaha ugu sarreeya ah ku xoojiyay inuu sameystay shabakado kala duwan oo isugu jira hay’ado iyo laamaha ciidamada amniga, gaar ahaan ciidanka awoodda badan ee ilaalada jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan(IRGC). Sanadkii 1997-kii, waxaa si weyn u soo shaac baxday inuu isku dhac dhex maray Aayatullah Cali Khameney iyo Aayatullah Xuseyn Cali Montazeri, oo ah sheekh si aad ah loo qaddariyo. Aayatullah Montazeri, oo ahaa nin hadalkiisa dhagta loo wada raaricin jiray, oo dhintay 2009-kii, wuxuu su’aal galiyay awoodaha la siiyay hoggaamiyaha ugu sarreeya Iiraan. Arrintaas waxay sababtay in la xiro Dugsigiisii islaamiga ahaa, oo weerar lagu qaado xafiiskiisa ku yaalla magaalada Qom, islamarkaana muddo kooban la galiyay xabsi guri. Cali Khameney wuxuu cabi jiray sigaarka, arrintaasoo aan lagu aqoonin dadka wadaaddada ah Sida uu go’aannada u qaato Aayatullah Cali Khameney ayaa sidoo kale la cambaareeyay. Markii uu la saftay madaxweynihii hore ee Iiraan, Maxamuud Axmadinajaad, ka dib markii lagu murmay guushiisii natiijada doorashadii 2009-kii, dad badan oo reer Iiraan ah ayaa waddooyinka ku mudaharaaday iyagoo kasoo horjeeda natiijada. Musharraxiintii looga guuleystay doorashada, Mirhossein Musavi iyo Mehdi Karroubi waxay dood ka keeneen natiijada kama dambeysta ahayd. Laakiin labadoodaba waxaa la xiray bishii February ee sanadkii 2011-kii, waxaana wehlinayay Mr Musavi xaaskiisa Zahra Rahnavard, ka dib markii ay shacabka ugu baaqeen inay waddooyinka ku dibad-baxaan, si loo taageero dhaqdhaqaaqyada dimuqraaddiyad doonka ah ee ka socda Masar iyo Tuniisiya. Maamulka lagu koobay siyaasiyiinta garabka midig Aayatullah Cali Khameney, maadaama uu yahay hoggaamiyaha ugu sarreeya wuxuu awood u leeyahay inuu si toos ah iyo si dadbanba usoo xulo xubnaha golaha mas’uulka ka ah kormeerka doorashada iyo turxaan-bixinta musharraxiinta. Xilligii ay dhaceysay doorashadii 2004-tii, golahaas waxay gaashaanka u daruureen kumannaan musharrax oo u soo istaagtay kuraasta baarlamaanka, kuwaasoo ay ku jireen siyaasiyiin badan oo dhex-dhexaad ah, kuwo isbaddal doon ah iyo xubno ka tirsanaa dowladdii hore. Xisbiga talada hayay ayaa ku guuleystay 70% ka mid ah codadkii laga dhiibtay doorashada. Sanadkii 2013-kii, golahaas waxay tartanka xilka madaxweynaha ka hor istaageen Akbar Hashemi-Rafsanjani, oo ah madaxweynihii hore ee Iiraan, iyagoo u sababeeyay in da’diisu ay weyntahay. Waxaa la xasuustaa in Mr Rafsanjani uu taageeray dibadbaxyadii ka dambeeyay doorashadii 2009-kii. Aayatullah Cali Khameney wuxuu si joogto ah u taageersanaa siyaasiyiinta garabka talada haya, iyadoo xitaa ay soo baxayeen dhaliilo ku saabsan in la xagal daaciyay dimuqraaddiyadda. Xiriirrada Arrimaha dibadda Munaasabaddii xilka madaxweynaha loogu caleema-saarayay 1981-kii, Aayatullah Cali Khameney wuxuu ku ballanqaaday inuu bannaanka soo dhigi doono “dadka damacsan in la baddalo hannaanka maamul ee Iiraan, kuwa fikirrada kale mudnaanta siiya iyo waliba kuwa garabka bidix ee uu saameynta ku leeyahay Mareykanka”. Cali Khameney wuxuu madaxweynaha Iiraan ahaa muddadii u dhaxeysay 1981 ilaa 1989 Sanadkii 2009-kii, markii uu madaxweynaha Mareykanka Barack Obama usoo bandhigay Iiraan “billow cusub” oo dhinaca diblomaasiyadda ah, Aayatullah Cali Khameney wuxuu ka bixiyay jawaab dabacsan. Wuxuu sheegay inuusan wax isbaddal ah ka arkin hab-dhaqanka Mareykanka iyo siyaasaddiisaba, isagoo farta ku fiiqayay taageerada Washington ee Israa’iil iyo cunaqabateynnada ka dhanka ah Iiraan. Laakiin wuxuu sheegay in haddii madaxweyne Obama uu wax ka baddalo mowqifka Mareykanka, ay Iiraan iyaduna dhankeeda diyaar ka tahay. Sanadkii 2013-kii, markii loo diyaar garoobayay wadaxaajoodyadii u dhaxeeyay Iiraan iyo quwadaha caalamka, Aayatullah Cali Khameney wuxuu sheegay “inuusan kasoo horjeedin diblomaasiyadda”. Isagoo aan horay looga baranin hadallo noocaas ah ayuu sheegay in diblomaasiyadda ay horseed u tahay “dhoollacaddeynta”, wuxuuna codsaday in wadaxaajoodka la guda-galo. Bishii November ee sanadkii 2013-kii, Iiraan iyo dalalka quwadaha adduunka waxay isla gaareen heshiis hordhac ah oo ku saabsan nuclear-ka, kaasoo ay jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku aqbashay inay hakiso barnaamijkeeda nuclear-ka, taas baddalkeedana laga khafiifin doono cunaqabateynta. Laakiin 7-dii bishii July, 2014-kii, labo isbuuc uun ka hor inta aan la gaarin xilligii kama dambeysta ahaa ee loo qabtay in heshiiska nuclear-ka la gabagabeeyo, Aayatullah Khameney wuxuu khudbad uu shacabka u jeedinayay ku fashilay arrimo farsamo, isagoo sheegay in Iiraan looga baahnaa inay awood weyn u yeesho uranium-ta laga sameeyo hubka nuclear-ka. Xiiligii heshiiska loo qabtay ee ahaa bishii July waa la dhaafay, labada dhinacna waxay qabsadeen ilaa bisha November, 2014-kii. Ka hor iyo ka dib intii uu socday dagaalkii uu Mareykanku horkacayay ee lagu qaaday Ciraaq, Khameney wuxuu dhaleeceyn jiray siyaasadaha maamulka Washington. “Qabsashada Ciraaq kama dhigna cunto afka la gishto oo uu Mareykanku liqi karo”, ayuu yiri. Bishii June, 2014-kii, ka dib markii ay xoogagga mintidiinta jihaad-doonka ah ee IS qabsadeen waqooyiga Ciraaq, Aayatullah Khameney wuxuu mar kale kasoo horjeestay faragalintii uu Mareykanku ku sameeyay Ciraaq. Laakiin bishii August ee isla sanadkaas, wuxuu soo dhaweeyay magacaabista Xeydar al-Cabaadi, oo laga dhigay Ra’iisul Wasaarihii Ciraaq, wuxuuna jaray taageeradii ay Iiraan u heysay Nuuri Maaliki, oo horay xulafo ula ahaa. Qaran News
-
Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland & Wefti uu Hogaaminayo oo ka qayb galay Shirweyne Caalamiya oo lagu gorfeynayey Horumarinta Beeraha Africa. Berlin -Wasiirka Wasaarada Horumarinta Beeraha Somaliland , Mudane Axmed Muumin Seed iyo Wefti uu Hogaaminayo ayaa ka qayb galay Shirweyne Caalami ah oo lagaga Hadlayo Horumarinta Beeraha Africa. (6th German-African Agrobissiness Forum) kaasi oo ay ka soo Qayb galeen Wasiirada Beeraha ee Africa, Wasiirka Beeraha iyo Cuntada ee dalka Jarmalka, in ka badan saddex boqol oo ergay oo ka kala socday caalamka iyo todobaatan wasiirada beeraha ah oo ka kala yimid qaaradaha dunida, baanka horumarinta afrika, deeq bixiyeyaasha, midowga yurub iyo midowga Afrika, Safiiro iyo Shirkado caalami ah. Wasiirka cuntada iyo beeraha ee dalka jarmalka Julia Klöckner oo furtay shirka ayaa dalkeeda kusoo dhoweysay kasoo qayb galayaasha shirkan. Shirka ayaa lagaga hadlay iskaashiga dhinaca beeraha, sidii kor loogu qaadi lahaa waxsoosaarka, sidii loo suuq geyn lahaa isla markaana la isaga kaashan lahaa in dal waliba waxa uu soo saaro uu u suuq geeyo dalalka kale, dhibaatooyinka qaarada Afrika ka haysta dhinaca wax soo saarka iyo isbedelka ku yimid cimilada dunida. intii shirku socday ayaa kulamo gooni gooni ah uu wasiirka horumarinta beeraha somaliland mudane axmed muumin seed waxa uu la yeeshay wufuudii shirka kasoo qayb gashay oo ay ka mid ahaayeen wasiirada beeraha ee dalalka Uganda, Kenya iyo Ethiopia. Waxa kale oo uu wasiirku kulamo la qaatay maal gashadayaal caalami ah oo uu uga waramay fursadaha maalgashi ee ka jira somaliland, iyagoo dhankooda usoo bandhigay sida ay u xiisaynayaan inay maalgashi ku sameeyaan Somaliland, gaar ahaan dhinaca wax soo saarka beeraha. Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed iyo weftigii la socday ayaa sidoo kale waxay u qaybiyeen ergadii shirka kasoo qayb gashay warbixin guud oo ka hadlaysa waxsoosaarka beeraha Somaliland iyo sidii beeralayda dalkeena looga caawin lahaa dhinacyada aqoonta casriga ah ee wax beerashada iyo suuq geynta. Shirkan ayaa ah fursad qaali ah oo Somaliland uga faa’iidaysan doonto horumarinta dhinaca beeraha iyo adeegsiga hababka casriga ah ee beerashada dalagyada kala gadisan. Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa intii uu shirku socday waxa uu halkaasi kula kulmay qaar ka mid ah wasiirada beeraha Afrika iyo wasiirka cuntada iyo beeraha ee dalka Jarmalka, waxaanu wasiir axmed kala hadlay siday Somaliland iyo dalalkaasi isku weydaarsan lahaayeen aqoonta casriga ah ee dhinaca beeraha isla markaana beeralayda Somaliland u heli lahaayeen suuqyo ay u iib geeyaan wax soo saarkooda. Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland mudane Axmed Muumin Seed ayaa tan iyo markii uu qabtay xilka wasaarada waxa uu ku dadaalay sidii uu horumarin ugu sameyn lahaa guud ahaanba wax soo saarka dalka ee dhinaca beeraha iyadoo dhanka kalena xidhiidho caalami ah lala yeelanayo dalalka caalamka si la iskaga kaashado isla markaana la wadaago aqoonta beeraha, taasoo ujeedada laga leeyahay tahay sidii Somaliland u gaadhi lahayd isku filaansho dhinaca cuntada ah. Wasiirka beeraha ee dalka Ethiopia Mr.Tefera Deribew oo ay shirkan ku kulmeen ayaa wasiirka beeraha ee somaliland u fidiyay martiqaad rasmi ah oo ka dhici doona caasimada itoobiya ee Adis Ababa. Maxamed Cismaan Dubbe Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Qaran News
-
Somali forces claimed to have killed at least 12 al-Shabaab militants and liberated five villages from al-Qaeda affiliated group in the country’s south. Source: Hiiraan Online
-
The Directorate of Criminal Investigations (DCI) has opposed bail and bond terms for two Somali nationals accused of selling their counterpart to slavery in Libya. Source: Hiiraan Online
-
Maroodi hoteel deggan oo marti ahaan loo qaabilay Natta Kota hadda wuxuu ku nool yahay hoteelka Dad badan marka ay dalxiis u aadayaan waddanka Sri Lanka, waxay jecel yihiin inay mar qura indhaha saaraan Maroodi, iyagoo duurka u aada si ay usoo arkaan. Laakiin ma jiro qof ka fikira in haddii uu albaabka qolkiisa furo uu arki karo maroodi socda oo barxadda wareegaya. Hase ahaatee, hoteelka lagu magacaabo Jetwing Yala, oo ku yaalla koonfurta-bari ee dalkaas, sidaas ayaa maalin walba ka dhacda. Muuqaal laga soo duubay maroodigan lagu agacaabo Natta Kota, oo dhex wareegaya hoteelka, isagoo gacankiisa meelaha wax uga raadsanaya, ayaa si weyn u faafay dabayaaqadii Isbuuca. woke up to a text from my mom about how a wild elephant went into a Sri Lankan hotel and gently wandered around while poking stuff with his trunk pic.twitter.com/C2biQT8C30 — Upuli (@upidaisy) January 19, 2020 Halka ay dadka qaarkood ka daawanayeen muuqaalka, kuwo kalena xiiseynayeen, shaqaalaha hoteelka Jetwing, ee u dhow xerada xayawaannada lagu xannaaneeyo ee Yala, waxay sheegeen in maroodigan uu halkaas dagganaa tan iyo sanadkii 2013-kii, uuna ahaa “macmiilka ugu daacadsan ee hoteelka”.. “Sannadihii hore, Natta Kota wuxuu booqasho ku imaan jiray xilliyo gaar ah, dhowrkii biloodba mar ayuu kasoo bixi jiray duurka si uu hoteelka u imaado. Intii mudadaas lagu guda jiray, wuxuu sidoo kale booqasho ku tagi jiray goobaha kale ee dalxiiska, ee ku teedsan xeebta”, sidaas waxaa BBC-da u sheegay afhayeen u hadlay hoteelka Jetwing. “Dhowr sano ka hor, wuxuu go’aansaday inuu si toos ah usoo dago hoteelka Jetwing, waxaana loo oggolaado inuu marti ka noqdo, nabadna ku joogo. Natta Kota wuxuu mararka qaar seexdaa geedaha hooskooda, halka mararka qaarna uu hoteelka luuqyadiisa iska wareego”, ayuu yiri afhayeenka. Maroodigan mar walba dhaqankiisa ma wanaagsana. Waxaa lagu yaqaannaa inuu khudaarta iyo raashinka ka xado gawaarida hoteelka dhex taalla iyo xitaa jikada gudaheeda. Laakiin intii la ciqaabi lahaa, shaqaalaha hoteelka waxay u dhaafaan wax kasta oo uu dafo, iyagoo dhanka kalena macaamiishooda kula taliya inay raashinkooda ka ilaashadaan. Silig koronto lagu xiray ayaa hadda ka ilaaliya inuu u gudbo jikada iyo bakhaarrada hoteelka. “Dabeecadda wanaagsan ee uu leeyahay Natta Kota ayuu kusoo jiitay macaamiisha soo daga hoteelka, waxaana laga duubtaa muuqaallo badan oo laga arkayo isagoo daaqaya geedaha ku yaalla hoteelka”, ayey dhaheen mas’uuliyiinta Jetwing Qaran News
-
The mobilisation of army veterans who will serve in the peace keeping mission in Somalia has kicked off countrywide. Source: Hiiraan Online
