Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,298
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Nairobi)-Orodyahan caan ka ah dalka Kenya ayaa ka baxsaday xero tabbabar lagu siinayay si uu uga cararo saraakiil orodyahanada ka baadheysay dawooyinka sare u qaado tamarta ee aan loo ogoleyn orodyanada adduunka inay isticmaalaan. Waxay arrintani muujineysaa dhibaatooyinka dowladda ay kala kulmeyso dadaallada la xidhiidha in ciyaaraha orodka laga cidhibtiro dawooyinka mamnuuc ah ee la isticmaalo. Saraakiisha ayaa si lama filaan ugu duulay xero lagu tababaro orodyahanada oo ku taal magaalada Kapsabet ee galbeedka Kenya. Orodyahanka ayaa markii uu arkay saraakiisha waxaa uu ka booday deerta xerada isla markaasna si xowli ah ayuu u baxsaday. Barnaba Korir oo kamid ah orodyahanada Kenya ayaa xaqiijiyay dhacdada balse ma ay sheegin magaca orodyahanka ka baxsaday saraakiishi baaritaanka wadday. Waxay u muuqataa in orodyahankan laga ganaaxi doono. Shantii sanno ee lasoo dhaafay 60 orodyahan oo u dhashay dalka Kenya ayaa cunaqabateyn lagu soo rogay markii ay jebiyeen xeerka ka hortagga dawooyinka tamarta kordhiyo. Korir wuxuu sidoo kale sheegay in orodyahanada lagu qabto falalka noocan ah aysan heysan waddo kale oo aan ka aheyn inay baxsadaa. Source
  2. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay saacadihii la soo dhaafay ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Sh/Dhexe. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu si gaar ah uga fuliyeen nawaaxiga deegaanka Basra oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamada dhaq dhaqaaq cusub ay ka bilaabeen halkaasi, islamarkaana xaaladdu ay tahay mid kacsan. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa xoojiyey howlgallada Milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  3. Howgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa 130 sarkaal oo Police ah tababar muddo socday ugu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho. Saraakiisha Police ka ah ee tababarka loo soo xiray ayaa waxay dhamaantood ka soo jeedaan dalka Nigeria, waxaana tababarka ay qaateen uu socday 6 maalmood. Tababarka ayaa ku saabsanaa ciwaano kala duwan oo ay ka mid ahaayeen howlaha AMISOM ee Soomaaliya, arrimaha ban’aadanimada, xeerarka howgalka nabad ilaalinta Ururka Midowga Africa iyo sidii ay u caawin lahaayeen ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Taliyaha Booliska AMISOM Augustine Kailie ayaa ugu baaqay saraakiisha tababarka ka faa’iideystay in ay sida ugu haboon ugu adeegaan Ummadda Soomaaliyeed, si dhawna ula shaqeeyaan ciidankaBooliska Soomaaliya, iyagoo tixraacaya sharciyada u yaalla AMISOM. AMISOM ayaa la filayaa inay dhowaan isaga baxdo dalka,waxaana haatan socda qorshe ay ammaanka ugu gacan galinayaan ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
  4. (SLT-London)-Xildhibaan Stephen Doughty oo ka mid ah Baarlamaanka Ingiriiska ayaa dood ka socotay toddobaadkan aqalka Baarlamaanka ee dalkaas, wuxuu kaga hadlay Somaliland iyo sida ay dawladoodu xidhiidh adag ula yeelan karto, maadaama oo uu ka dhaxeeyo xidhiidh taariikhi ahi. Waxa isna hadalka ku raacay xildhibaan Thomas Tugendhat oo soo dhaweeyay aragtida xildhibaan Stephen. Xildhibaan Stephen Doughty ayaa yidhi “Mudanaha sharafta lihi wuxuu si dareen leh uga hadlay meelo badan oo dunida ka mid ah. Marka ay noqoto Geeska Afrika, wuxuu og yahay inaan ahay qof muddo aad u dheer taageere u ahaa qadiyadda Somaliland, goob ay suurtagal tahay inaynu ganacsi la yeelano islamarkaana ay inaga dhexayso xidiidh taariikhi ah oo dhaqan, goob ahaan jirtay maxmiyadda Ingiriiska, balse sidoo kale Wasaaradda Horumarinta Caalamiga ahi ay ka ciyaarta door muhiim ah. Ma igu raacsan yahay in goboladaas iyo dalalkaasi ay yihiin meelo aynu isugu keeni karno dhamaan qaybaha siyaasadda arimaha debedda ee Ingiriiska?” Xildhibaan Thomas Tugendhat ayaa isna ugu jawaabay, “Saaxiibkayga sharafta leh -waxaan sidaas u leeyahay sababta oo ah waa saaxiibkay- si buuxda ayuu sax u yahay: waa hanaanka aynu iskaashiga ula yeelanayno dalalka adduunka oo dhan, oo ay ku jirto Somaliland, inaga oo waxa aynu isku gaynaynaa aanay ahayn oo keliya dadaalo deeq shisheeye, balse mararka qaarkood caddaalad, isku xukunka sharciga, booliiska iyo xitaa difaaca si aynu u xaqiijino inaynu ku waajahno hab iskaashi ah oo wada socda si anynu uga samayno is-bedel dhab ah dalalkaas. Taasina waa waxa ay tahay inaynu samayno. Doodan ayaa ka qabsoontay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska 13 January oo ah toddob. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Jarmalka Oo Shuruud Ku Xidhay Dhismaha Dugsiga Farsamada Burco, halkan hoose ka Daawo Source
  6. Ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka Jubaland, ayaa isku fidiyay degaano horleh oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose, kadib hawlgallo ay halkaasi ka sameeyeen. Saraakiisha Taliska 16-aad ee Kumaandooska Militariga Soomaaliya, oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan Daraawiista Jubaland, ayaa faahfaahin ka bixiyay hawl gallo saacadihii u dambeeyay ay ka fuliyeen tuulooyin hoosyimaada degaanka Kamsuuma ee gobolka Jubada Hoose. Ciidamada ayaa hawlgalladaasi ku qaaday, degaanno ay gacanta ku hayeen dagaallamayaasha Alshabaab, halkaasi oo iska hor-imaadyo ku dhexmareen labada dhinac. Taliyaha Ururka 5aad ee Guutada 16aad Ciidanka Kumaandooska DANAB, Xasan Aadan Maxamed (Ciraaqi) oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen illaa 12 ka tirsan Al-Shabaab, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawaceen. Taliyaha ayaa sheegay, in Ciidamadu ay la wareegeen tuulooyin degaanka Kamsuuma u jira qiyaastii 37KM kuwaasi oo kala ah Malaayley, Janaale Gaay, Reerneerow, Bandar Jadiid iyo Bengaani. Sidoo kale, Taliyaha ayaa intaa ku daray in ciidamada inta howlgalka sameynayeen ay ku soo saareen illaa 9 Miino oo wadada lagu aasay. PUNTLAND POST The post DANAB: 12 xubnood ayaan ka dilnay Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  7. Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ballaaran oo weli ciidamada Kumaandooska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta 5-aad ee guutada 16-aad ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka J/ Hoose. Howlgallada ayaa xoogoodu ciidamadA waxa ay ka fuliyeen agagaarka degmada Kamsuuma, halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadu dagaallo ay kala kulmeen dhanka Al-Shabaab, islamarkaana uu jiro khasaare kala duwan. Taliyaha ururka 5-aad ee guutada 16-aad ciidanka Kumaandooska Soomaaliya, Xasan Aadan Maxamed (Ciraaqi) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyey howlgalladaasi iyo u jeedkooda, isagoo tilmaamay inay khasaare gaarsiiyeen Shabaab. Ciraaqi ayaa sheegay inay toogasho ku dileen ugu yaraan illaa 12 ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, islamarkaana ay dhawaceen tiro kale, kadib dagaal ay la galeen. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamadu ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanada Malaayleey, Janaale Gaay, Reerneeroow, Bandar Jadiid iyo deegaanka Bengaani, oo qiyaastii 37 km u jira degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in jeedka dhaq dhaqaaqyadaan uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari deegaanada gobolkaasi, islamarkaana ay sii wadi doonaan Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas iyo dagaallada ay la galeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa deegaano iyo degmooyin ka kala tirsan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.
  8. (SLT-Iran)-Dawladda Iiraan ayaa dhaleeceysay Millatariga Faransiiska ee jooga bariga dhexe kuwaasi oo sheegay in ay la dagaalamayaan kooxaha Argagixisada. Afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee Iiraan Cabaas Museyfi ayaa dhaleeceyay ciidanka Faransiiska ee ku sugan bariga xeebaha Khaliijka oo u dhow Iiraan. Hadalkaan ayaa imaanaya laba maalin kadib markii Madaxweyne Emmanuel Macron uu xaqiijiyay in ay xoojinayaan qalabka difaaca ciidankooda ku sugan xeebaha Khaliijka gaar ahaan Sacuudiga. Mr Cabaas ayaa yidhi joogitaanka Millatarigiina waa qalad maxaa yeelay waxay joogaan Biyaheena. Dowlada Iiraan ayaa intaa ku raacisay in ay ogolaan doonin gardarada Faransiiska iyo cidwaliba oo ku soo xadgudubta Biyaheeda. Source
  9. (SLT-Berlin)-Hogaamiyeyaasha wadamada Yurub ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay xabad joojin rasmi ah oo laga gaadho colaada sokeeye ee ka taagan dalka Liibiya oo dhaca waqooyiga Afrika. Qaar ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa shirka dib u heshiisiinta Liibiya oo ka furmay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in ay rajeynayaan heshiis buuxa in ay gaadhaan garabyada ku loolamaya Siyaasada. Shirka ayaa oo ay soo qaban qaabisay dowlada Jarmalka ayaa waxaa lagu casuumay Ra’isul Wasaaraha Fayes Al-Siraaj iyo hogaamiyaha mucaaradka ee heesta dhanka bariga Janaraal Khaliifa Xaftar. Tan iyo markii ay burburtay xukuumadii uu hogaamin jiray Corneyl Mucammar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii ayaa dalkan hodanka ku ah saliida wuxuu madaxa la galay dagaal sokeeye oo laba u kala qeybiyay Liibiy Source
  10. Wararka laga helayo magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in xalay halkaasi dagaal xooggan ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab. Haddaba maamulka degmadaasi Marka ayaa saaka faahfaahin ka bixiyay dagaalka halkaasi xalay ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo dagaallamayaasha Al-shabaab. Guddoomiyaha degmada Marka C/llaahi Cali Axmed Waafow ayaa sheegay inay ka war hayeen weerarka ay Al-shabaab xalay ku soo qaadeen fariisimaha Ciidanka Xoogga dalka ee degmada Marka, gaar ahaanna Guutada 14 October islamarkaana ciidanku iska difaacay weerarkaasi “Meel 8KM u jirta Marka ayay weerar ka soo qaadeen, galabtii ayaa la ogaa, xogtooda waa heynay, dadka deegaanka ayaa farrimahooda na soo gaarsiiyay, waana loo diyaar garoobay, markii ay wax soo tuur tuureen ayaa ciidamada u jawaabeen, waana la iska caabiyay”ayuu yiri Waafow oo warbaahinta la hadlay. Guddoomiyaha ma sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalka inkastoo uu ku gaabsaday in weerarka ay soo qaadeen Al-Shabaab la iska difaacay oo dib loo caabiyay. Xaalada magaalada Marka ayaa saaka ah mid degan, waxaana saaka duleedka magaalada ka socda howlgallo ay wadaan ciidanka Guutada 14 October ee gacanta ku haya ammaanka magaaladaas. PUNTLAND POST The post Maamulka degmada Marka oo faahfaahin ka bixiyay dagaal xalay ka dhacay degmadaasi appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Boosaaso)-Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Xabsi ku yaalla waxaa xalay lagu xidhay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga Maamulka Puntland, kuwaasi oo gaadhay Magaaladaas. Xubno ka tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa xaqiijiyay in Boosaaso lagu xidhay Isu’duwaha Wasaaradda Kuluumaysiga Puntland ee Gobolka Guardafui Mahad Cali Carcar Daa’uud iyo Agaasime waaxeed ka tirsan isla wasaaradda Magaciisa lagu sheegay Eng Maxamed Cali Beeldaaje. Warar la helayo ayaa sheegaya in sababta loo xidhay Mas’uuliyiintan ay tahay, kadib markii lagu eedeeyay arrimo la xidhiidha Musuq-maasuq ay sameeyeen, waxaana markii dambe lagu lagu xidhay Xabsi ku yaalla Magaalada Boosaaso. Weli ma jiro wax war ah faah faahin ah oo laga bixiyay Musuq-maasuqa lagu eedeeyay inay sameeyeen Isu’duwaha Wasaaradda Kuluumaysiga Puntland ee Gobolka Guardafui Mahad Cali Carcar Daa’uud iyo Agaasime waaxeed ka tirsan isla wasaaradda. Source
  12. (SLT-Cape Town)-Koox budhcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay Magaalada Cape Town waxaa ay ku dileen Muwaadin Soomaali ah oo kamid ahaa ganacsatada halkaas kunool, iyadoona mid kale lagu dhaawacay. Dilkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Badhtamaha Xaafadda Soomaalida ku badan tahay ee Bellville ee Magaalada Cape Town, iyadoona muwaadinka ay dhowr xabadood ay ku dhufteen rag hubeysnaa, isagoon goobta ku geeriyooday. Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nuur Degeb, kaasi oo kamid ah dhalinyarada Caan ka ahaa gudaha dalka Koonfur Afrika, waxaana la sheegay in halkaas uu ku lahaa goob ganacsi. Dhinaca kale budhcad Koonfur Afrikan ah ayaa isla xalay Magaalada Cape Town fal dhaawac ugu geystay Muwaadin Soomaali ah oo lagu magaciisa lagu soo gaabiyay Mustaf, kaasi oo kamid ah ganacasatada kunool Magaalada. Qaar kamid ah ganacsatada ku sugan Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegeen in Mustaf falka kadib loola cararay goob Caafimaad oo ku taalla halkaas, isagoona haatan halkaas lagu dabiibayo. Source
  13. Wararka ka imaanaya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay diyaarad Drone ah ay ku dhacday deegaanka Tooratoorow ee gobolkaasi. Diyaaradda oo ay ku xirnaayeen Kaamirooyiin ayaa waxaa loo maleynayaa inay laheyd dowladda Mareykanka. Al-Shabaab oo gacanta ku heysa Tooratoow ayaa soo bandhigtay Sawirro muujinaya burburka diyaaraddaasi. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay taliska Africom iyo sidoo kale saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan diyaaraddaasi. Inta badan diyaaradaha Mareykanka oo ka soo duula garoonka Balidoogle ayaa duqeymo xoogan ka fuliya gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  14. – Waxaan qirsanahay xaaladda adag ee ay mudada labada sano ah kusoo jireen., waxaana ku ayiday go`aankooda ah in ay sameystaan nolol cusub oo u gaar ah”, ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ay soo saartay boqoradda. Qoraal ay horay u soo saareen Amiir Harry iyo marwadiisa Meghan ayay ku sheegeen in ay isaga baxeen safka hore ee daladda reer boqorka Ingriiska kaddib bilo ay arrintani ka baaraandagayeen. Qoyskan da`da yar ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay isku tashan doonaan dhaqaale ahaan iyo in ay keligood taagnaadaan, balse ay taageero buuxda iyo garab-istaag u hayaan boqoradda oo Harry ayeydii ah. Meghan Markle iyo Amiir Harry ayaa sheegay in ay u dhaxeyn doonaan deegaan ahaa Waqooyiga Ameerika iyo Britain. “Khilaafka” u dhexeeya Amiirka iyo qoyskiisa reer boqor ayaa muddooyinkii u dambeeyay bannaanka imaanayay, iyadoona la arkayay faquuq lagu hayo oo ay u dambeeysay dabaaldeggii Chrismaska xilligaas oo sawirka amiirka iyo xaaskiisa laga waayay miiskii ay khudbadda ku akhrineysa boqoradda iyo in ay ka guureen gurigii ay ka dagnaayeen duleedka magaalada London. Meghan ayaa loo badinayaa in ay galaafatay Harry sababo la xiriira in aan lala rabin. Qaran News
  15. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo weli ku sugan Boosaaso ayaa ka hadlay khilaafka ragaaday ee kala dhexeeya dowladda dhexe. Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal la galo madaxda dowladda federaalka, si loo soo afjaro khilaafka labada dhinac. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Jubbaland aysan caqabad ku aheyn dowladda, balse ay wado caburin siyaasadeed,islamarkaana aysan rabin in la wadahadlo. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/jaamac-1.mp3 View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-20012020.mp3 View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka la xiray gabi ahaan wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah darawallada gaadiidleyda ee isticmaala jidkaasi. Gaadiidleyda aaan la hadalnay ayaa sheegay inay u wareegeen jid cade ka baxa dhinaca degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta loo xiray wadadaan oo ay dhismo ka wado shirkad laga leeyahay dalka Turkiga. Sida ay ogaatay Caasimada Online sababta ugu weyn ee gaadiidka kala duwan looga joojiyey isticmaalka wadadaasi ay tahay arrimo amni, iyadoona la sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay inay xoojiso amniga Injineerada iyo shaqaalaha ka shaqeynaya dhismaha jidka isku xiray magaalooyinka Muqdisho & Afgooye. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dowladda Soomaaliya ay shirkadda ka dalbatay in ay sii wado shaqada dhismaha wadadaasi. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale wadada dhismaha ka socdo geysay ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir, waxaana la filayaa in dib loo bilaabo dhismaha jidkaas, islamarkaana halkaas la geeyo qalab cusub oo ay leedahay shirkadda qaadatay mashruuca, maadaama qalabkii hore uu burbur ka soo gaaray qarixii ugu dambeeyey ee dhowaan ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose. Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii la soo dhaafay kordhisay weerarada ka dhanka ah dhismaha wadadan, iyadoo marar kala duwan qaraxyo khasaaro geystay la eegatay Injineerada Turkiga ee dhismaha ka wada halkaasi oo uu ugu dambeeyey mid kii Afgooye.
  18. National flag carrier Turkish Airlines (THY) broke an all-time record in terms of the number of female pilots, Source: Hiiraan Online
  19. National flag carrier Turkish Airlines (THY) broke an all-time record in terms of the number of female pilots, Source: Hiiraan Online
  20. Baarlamaanka cusub ee dowlad gobaleedka Galmudug oo yeeshay kulankoodii labaad kala fadhigii kowaad oo ka qabsoomay xarunta Baarlamaanka dowlad gobaleedka ee Shiirkole ee magaalada Dhuusamareeb,waxaana shir goddoominaayey guddoomiyaha golaha wakiilada Maxamed Nuur Gacal, waxaana goobjoog ahaa labadiisa ku-xigeen. Ajandaha kulanka ayaa ahaa isbarashada xildhibaannada, isxogwareysi iyo sidoo kale ku dhawaaqista guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobaleedka Galmudug waxaana madasha goobjoog ahaa 74 Xildhibaan. Sidoo kale guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka kooban 13 xildhibaan kuwaas laga xulay Baarlaamka dhexdiida waxaana meel mariyey joogay 62 xildhibaan waxaan diiday 8 xildhibaan halka kala fadhiga ay ka maqnaayeen 4 xildhibaan. Dhanka kale markii ansixintu soo idlaatay ayaa Xoghayaha Baarlamaanka doowlag gobaleedka Galmudug Sayid Cali Cumar Xirsi, warbaahinta u aqriyay magacyada 13 –ka xildhibaan ee loo soo xolay in ay noqdaan guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Galmudug. Xildhibaan Maxamed Mire Axmed. Xildhibaan Cabdi raxmaan Axmed Cigaal. Xildhibaan Xasan Xirsi Xaashi. Xildhibaan Mursal Maxamed Yuusuf. Xildhibaan Cabdulqaadir C/llaahi Maxamed. Xildhibaan Shaacir Sheegoow Maxamed. Xildhibaan C/raxmaan Cali Maxamuud. Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahlil. Xildhibaan Axmed C/risaaq C/llaahi. Xildhibaan C/llaahi Abuukar Cali. Xildhibaan Muxiyadiin Sheekh C/llaahi. Xildhibaan Mahad Jilac Warsame. Xildhimaan Amal Axmed Cabdulle. Ugu danbeyn ayadoo lagu dhawaaqay guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa jiray Musharaxiinta ay horay ula kulmeen guddoonka Baarlamaanka ayaga oo ku wargaliyey in la siiyo waqti ay ku soo muujiyaan ololahooda doorashada. Source: goobjoog.com
  21. I used to have pimples and everything. And I have big ears in case you haven’t noticed,” laughs Ebba Tesfaye, now fresh-faced and snappily dressed, in the lobby of a swanky hotel. Rattling through his life story—bullying, drugs, redemption—he pauses only to glad-hand a passing celebrity before rushing to the set of his new tv show. Source: Hiiraan Online
  22. PENANG, Malaysia (AP) — Malaysia has sent back 150 containers of plastic waste to 13 mainly rich countries since the third quarter last year, with the environment minster warning on Monday that those who want to make the country a rubbish bin of the world can “dream on.” Source: Hiiraan Online
  23. Security agencies in Lamu have repulsed a group of about 50 heavily armed suspected Al-Shabaab militants who attempted to attack Pandanguo Village in Witu Division. Source: Hiiraan Online
  24. A United States national is among five terror suspects that are being held by police after they were arrested in Nairobi on Saturday. Source: Hiiraan Online