Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,299
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. 'Food insecurity' raises the likelihood of infectious diseases and suicide, new study shows. Source: Hiiraan Online
  2. Dubai : Nearly 250 workers of a Dubai-based ready mix company are out of job for the last seven months. Source: Hiiraan Online
  3. Buug Faransiiska ku faafay oo lagu sheegay in ‘CIA-da ay ka dambeysay qaraxyadii 9/11’ 3,000 oo ruux ayaa lagu dilay weerarkaas oo lagu fuliyay 4 diyaaradood oo ay Al-Qaacidda afduubatay Madbacad ku taalla waddanka Faransiiska ayaa raalligalin bixisay ka dib markii buug maaddada taariikhda lagu baro ardayda Iskuullada dalkaas lagu arkay jumlad lagu sheegayo in weerarkii daaraha mtaanaha ee Mareykanka lagu qaaday 11-kii bishii September, 2001-dii “ay abaabushay hay’adda sirdoonka ee CIA-da”. Buuggan ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay si weyn ugu faafay Faransiiska. Sheekada ku saabsan weerarkii 9/11 ee lagu arkay buuggan ayaa markii hore lagu shaaciyay baraha xiriirka bulshada, waxaana dibadda usoo saaray koox macallimiin ah. Buuggan oo lagu koobay taariikhda qarnigii 20-aad ayaa loogu talagalay ardayda ku jirta waxbarashada hoose ee iskuullada. Madbacadda ayaa boggeeda internet-ka ku sheegtay inay khalad tahay jumladdaas ay kasoo muuqato buugga. “Jumladdan waxay qeexeysaa sheekooyin qarsoodi ah oo aan xaqiiqda ku saleysneyn, loomana baahneyn inay soo muuqato. Ma aha qoraal ka turjumaya waxa ay tifaftireyaasha madbacadda iyo qorayaasheeda aaminsan yihiin”, ayaa lagu yiri bayaan ku qornaa luuqadda Faransiiska. Buuggan loo soo saaray ardayda Iskuullada ayaa markii hore lagu qeexay inuu yahay mid si dhammeystiran uga sheekeynaya taariikhdii lasoo maray qarnigii tagay, iyadoo lagu wada xusay taariikhdii Faransiiska, Yurub, iyo guud ahaan dunida inteeda kale. Waxaa qoray Jean-Pierre Rocher, oo ah macallin wax ka dhiga maaddooyinka taariikhda iyo juqraafiga, horayna cilmiga seyniska uga qalin jabiyay jaamacadda Po ee magaalada Paris. Inkastoo buuggan uu soo baxay bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay, waxaa sheekadan la ogaaday markii gabar uu macallin dhalay ay soo iibsatay, kadibna uu labadooda midkood arkay jumladda ku saabsan arrinta CIA-da. Usaama Bin Laadin wuxuu ka mid ahaa dadka ay sida weyn u doon-dooneysay FBI-da Mareykanka Bogga 204-aad ee buugga ayuu qoraagu ku sharraxay mowduuca ku saabsan sida loo abuuray ururka jihaad doonka ah ee la magac baxay al-Qaacida iyo “habkii uu u dhacay weerarkii 11/9 2001 lagu qaaday daaraha New York iyo Washington”. Kadibna wuxuu qoray jumladda soo socota; “Dhacdadan caalamka oo dhan laga arkayay – wuxuusan shaki ku jirin inay qorsheeyeen (laamaha sidoonka) ee hay’adda CIA-da, ujeeddadooduna ma waxay ahayd inay saameynta Mareykanka ku fidiyaan gobolka Bariga dhexe? – Waxaa Mareykanka laftiisa lagu waxyeelleeyay caalamaddii uu isaga sameystay”. Macallinkii jumladdan helay ayaa si deg deg ah ugu faafiyay bogga ay Facebook-ga ku leeyihiin macallimiinta. Afhayeenka boggaas ayaa wargeyska Le Monde u sheegay in “islamarkiiba ay arrintu cirka isku shareertay”. Madbacadda ayaa sheegtay in dib loo sixi doono buuggaas, mar kalena lagu shaacin doono waddanka Faransiiska. Sheekadan waxaa durbadiiba soo qaatay wargeys ka faallooda arrimaha sirdoonka, kaasoo ka cawday in jumladdaas lagu xusay macluumaad been abuur ah oo sheegaya in arrimo sir ah ay ku lifaaqan yihiin weerarkii 11-kii September. Wuxuu wargeyskan sheegay in daraasad la sameeyay bishii December ee sanadkii 2018-kii ay muujisay in 21% ka mid ah dadka ay da’doodu ka hooseyso 35 sano ay aaminsan yihiin in Mareykanku uu si uun ugu lug lahaa fulinta weerarkaas, buugganina hadda dadka loogu talagalay ay yihiin kuwa da’daas ah. In ka badan 19 sano ka dib markii ay 19 qof oo ka tirsan al-Qaacidda ay diyaarado lasoo afduubay ku qarxiyeen daartii ganacsiga adduunka, daartii gaashaandhigga Mareykanka iyo barxad ku taalla gobolka Pennsylvania, waxaa isbuucan la filayaa inuu maxkamad milatari oo Mareykan ah kasoo muuqdo nin loo heysto mas’uuliyadda qaraxyadaas. Khaalid Sheekh Maxamed ayaa lagu hayaa xabsiga Guantanamo Bay, wuxuuna ahaa nin aad ugu dhawaa hoggaamiyihii hore ee al-Qaacida Usaama Bin Laadin. 2,997 ruux ayaa naftooda ku weysay weerarkii lagu burburiyay daaraha mataanaha ah. Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Laga bilaabo shalay waxaa bandow lagu soo rogay waddo muhiim ah oo soo gasha madaxtooyada Soomaaliya, waxa uuna amarkaan ka soo baxay taliska Villa Somalia. Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in shalay lagu wargeliyay maqaayadaha Dalsan iyo Blue Sky, in aysan banaanka soo dhigi karin kuraas wixii ka dambeeya afarata galabnimo (4:00 pm). Bandowgaan ayaa saaran kaliya wadada madaxtooyada ka soo gasha dhanka Xaawo Taako, waxaana la sheegay in uu amarkaan socon doono ilaa 10-ka bisha 2-aad ee sanadkaan. Sidoo kale waxaa la joojiyay isticmaalka gaadiidka ee wadadaasi iyo socodka dadweynaha, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka iyo qaar ka mid ah dadkii caawa laga celiyay aagaasi. Dhowr qof ayaa caawa laga hor-istaagay in ay ka soo gudbaan waddada Xaawo Taako, oo ah halka uu bandogu saaran yahay, waxaana xiran ilaa madaxtooyada. Lama oga sababta ka dambeysa go’aankaan, balse xog aan helnay ayaa sheegeysa in qorshuhu yahay in la daah-furo Tiyaatarka qaranka markii la gaaro 8-da bisha labaad ee sanadkaan, markaas oo ku beegan saddex sano guuradii ka soo wareegatay doorashada madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Al-Shabaab ay damacsan yihiin in qarax ismiidaamin ah ay ku qaadaan Tiyaartarka qaranka iyo dhismaha Maktabadda oo laabdooduba lagu sameeyay dayactir muddo dheer kadib.
  5. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Afar ka mid ah musharaxiinta u sharaxan Xafiiska Madaxtooyada Galmudug ayaa ka horyimid jadwalka Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, uu soo saaray garab ka mid ah Guddugii Doorashada ee Talaadadii kala qaybsamay. Musharaxiinta kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Cabdullaahi Faarax Wehliye, Cabdi Cabdullaahi Axmed (Cabdi Dheere) iyo Kamaal Daahir Guutaale oo lagu tiriyo musharaxiinta mucaaradka ayaa si rasmi ah uga horyimid jadwalka. War saxaafadeed ay xalay soo saareen ayay ku sheegeen inay Dowladda Federaalka garab gaar ahi u afduubtay hannaanka maamul u samaynta Galmudug, taasina ay tahay mid aan la aqbali karin. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inaanan la tixgelin cabashadii musharaxiinta ee ku aadaneyd in kow iyo labaatan maalmood dib loo dhigo doorashada, sababo ku aadan iyagoo aan weli fursad u helin inay la kulmaan Xildhibaanada, sidoo kalena aan la tixgelinin heshiisyadii horey loo wada gaaray. Musharaxiintan ayaa waxay ku taliyeen in laga gudbo sharciyaynta garab gaar ahi loogu afduubayo Guddiga Doorashada, sidoo kalena uu Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ka shaqeeyo mideynta Guddiga Doorashada, ee labada garab u kala jabay. Go’aankan ayaa waxaa loo arkaa mid xoojinaya khilaafka ba’an ee wiiqay geedi-socodka dhismaha Galmudug-ta cusub, taasoona ay eedeyda ugu weyn qaadi doonto Dowladda Federaalka. Haddii Dowladda Federaalka loo wakiishay maamul u samaynta dadka reer Galmudug ayay dadku ku doodayan ay ahayd inay Doorashada Galmudug la dhigto mid daahfuran, bedelkii ay garab gaar ahi taageeri ugu muujin laheyd.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Zubair Al-Muhajir oo ka mid ahaa Saraakiisha Ajaaniibta ee ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu bixiyay wareysigii ugu horeeyay, maalin kadib markii Caasimada Online ay baahisay xogtiisa, isagoona kaga hadlay sida uu dalka ku yimid, qaabka uu Shabaabka uga soo goystay, waxa ku kalifay iyo farriin uu bulshada la wadaagay. Zubair Al-Muhajir oo ka mid ahaa Saraakiisha Ajaaniibta ugu sareysa ee Al-Shabaab la joogta ayaa wareysi uu siiyey VOA ku sheegay in uu Soomaaliya yimid sanadkii 2006-dii, xilligii Midowga Maxkamadaha Islaamiga. Ninkan oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Ivory Coast ayaa burburkii Maxkamadaha ka dib ku biiray Ururka Al-Shabaab, waxaana uu ka soo mid noqday Golaha Shuurada ee Ururka Al-Shabaab. Zubair Al-Muhajir ayaa wareysiga ku sheegay sanadkii 2013 inuu isaga baxay Ururka Al Shabaab, balse deegaanada uu ururkaasi maamulo uu isaga soo tagey bishii October sanadkii 2019. Su’aal ahayd waxa ku khasbay inuu isaga soo baxo Al-Shabaab ayaa sheegay inay sababuhu badan yihiin, ayna ka mid yihiin inaanay cadaalad wax ku xukumin, hoggaankooduna aysan ku dhaqmin Shareecada Islaamka. “Sababaha igu kalifay way badan yihiin, waxaa ka mid ah inaysan cadaalad wax ku xukumeynin, inay umadaha Muslimiinta ah gaaleysiinayaan iyo qof kasta oo xiriir la leh, inaysan hoggaankooda isku dhaqin Shareecada, inay dhiigga Muslimiinta daadinayaan, inay shacabka dulminayaan iyo inay dadka danyarta ah canshuur uga qaadaan magaca Zako.” Mar la weydiiyay goorta uu ogaaday inay qaab guracan u shaqeeyan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa wuxuu yiri “Inay khaldan yihiin waxaan ogaaday 2009, qaraxii Hotel Shaamow ka dib.” Qaraxii Shaamow miyaad weydiisay Madaxda Al-Shabaab, maxayse ka yiraahdeen oo la weydiiyay ayaa wuxuu yiri “Haa waan weydiiyay Abuu Zubeyr/Ina Godane, markuu joogay, wuxuu iigu jawaabay hadalkii uu hadda Cali Dheere sheegay, taas ayuu iigu jawaabay ma fahamtay? Anigana waxaan ogaaday inuu khaldan yahay.” Mar la weydiiyay waxa uu jeclaan lahaa inuu dadka uga sheego waxaysan ka ogayn Al-Shabaab ayaa carab ***** inuu dadka ogeysiinayo inaanu ujeedku Shabaab ahayn ku dhaqanka Shareecada Islaamka, balse ay dadka khaldayaan. “Dadka waxaan ogeysiinaynaa inaysan nimankan dantoodu ahayn Shareecada, ee ay dadka marin habaabinayaan, dano gaar ah ayayna leeyihiin nimankaas, aan Shareecada ahayn.” Ayuu yiri Sarkaalka ka soo goystay Al-Shabaab. Su’aal kale oo la weydiiyay ayaa ahayd sidee Al-Shabaab looga hortaggi karaa, weeraradooduna lagu joojin karaa, waxa uu ku jawaabay “Maadaama Al-Shabaab sheeganayaan in dagaalkoodu uu ku saleysan yahay Diinta, waxaa lagama maarmaan ah in lagu qanciyo dhalinyarada in dagaalkoodu uu Diinta khilaafsan yahay. Laakiin waxaa la rabaa Culimo fahamsan fekerkooda oo raadin kara maraajiicda khaldan ay ka duulayaan.” Adiga hadda qorshahaagu muxuu yahay oo la weydiiyay ayaa yiri “Aniga hadda waxaan rabaa inaan dhalinyarada u bayaamiyo in dagaalkan uusan Diinta waafaqsanayn, maslaxada dantana uusan ku jirin. Arrintaasna waxaan ka diyaariyay buug, waxaan rajeynaa inaan soo bandhigo dhawaan, Insha’Allah.” Zubair Al-Muhajir oo ka jawaabayay su’aal ahayd maku laabanaysaa wadanka aad ka timid ee Ivory Coast mise waxaad sii joogeysaa Soomaaliya, ayaa wuxuu yiri “Ilaahay baa og, waan arkaynaa Insha’Allah.” Su’aashii ugu dambeysay ee la weydiiyay ayaa ahayd waxa uu u jeedin lahaa Ajaaniibta ka barbar dagaalanta Al-Shabaab, waxa uuna yiri “Horta dadka waxaan rabaa inaan u sheego waxaa jira dad badan oo aaminsan in Muhaajiriinta ay Shabaab u yihiin dhibka jira, laakiin xaqiiqda saas maaha. Muhaajiriinta waxay u yimaadeen inay walaalahood Soomaaliyeed caawiyaan, balse markii ay arkayn dhaqanka Al-Shabaab iyo diin la’aantooda ay ka hor yimaadeen, taasaa sababtay in qaar ay dilaan, qaar musaafuriyaan, qaarna ay illaa iyo hadda xabsiyadooda buux dhaafiyeen.” Zubair Al-Muhajir oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ku hadla luqado kala duwan, sida Faransiiska, Carabiga, Ingiriiska iyo Somaliga. Muuqaalkii uu soo duubay iyo wareysigan lala yeeshay ayuu labadaba ku jeediyay af Somali. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/Zubair-Al-Muhajir.mp3
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, xubno ka tirsan IGAD iyo qaar kamid ah safiirada beesha caalamka ayaa is faham ka gaaray xiliga ay qabsoomeyso doorashada HirShabeelle kadib kulamo ka dhacay Muqdisho. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dhinacyadu ay ku heshiiyeen in doorashada HirShabelle la qabto bilaha March ilaa April, waqtigeedana laga soo hormariyo afar ilaa saddex bil. Sidoo kale dhinacyada ayaa isku afgartay in wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya ay maamulka kala shaqeyso jawiga doorashada iyadoo ay wasaaradu waajib ka saaran tahay in doorasho daah furan ka qabsoonto Jowhar. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in madaxweyne Waare lagula heshiiyay in loo magacaabo xil sare oo ka tirsan xafiiska IGAD ee Soomaaliy,a kaas oo ah mid ku yimaada codsiga iyo magacaabista dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in madaxweyne Waare lala galay heshiis kale oo aan la soo bandhigin, kaas oo u dhaxeeya isaga iyo xukuumadda waxaana heshiiskaas lagu sheegay in uu yahay sharuud ku xiran shaacinta xiliga doorashada hadii ay xukuumadda ka soo bixi weysana laga yaabo in madaxweyne Waare iska diido natiijada heshiiska doorashada HirShabeele ee soo hormarinta ah. Waxaa la aaminsan yahay in xukuumadda Soomaaliya aysan dhib badan ka mari doonin dhismaha HirShabeelle markii loo eego Galmudug oo ay ku raagtay. HirShabelle hadda waxaa saameen weyn ku leh dowladda Soomaaliya, waana sababta keeneysa in dowladda aysan wal wal badan ka qabin xaalada doorasho ee HirShabelle.
  8. Afar musharrax oo muhiim ah, ayaa qaaddacay doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Galmudug, kadib markii ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay af-duubtay Hannaankii doorashada. Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Cabdullaahi Faarax Weheliye, Kamaal Daahir Guutaale iyo Cabdi Dheere oo dhammaantood u sharraxan xilka madaxweynaha Galmudug, ayaa si wadajir ah u shaaciyay go’aankaasi. Sidoo kale, musharrixiinta ayaa guddoonka Baarlamanka Galmudug ku eedeeyay, in uu kala qeybiyay guddiga doorashada madaxtinimada maamulkaas, islamarkaana uu hal dhinac la saftay, sidaasi darteedna aan lagu kalsoonaan Karin doorasho hal dhinac qabteen. Musharrixiinta ayaa guddoonka Baarlamanka Galmudug ugu baaqay in uu dib u mideeyo xubnaha guddiga doorashada madaxtinimada Galmudug, si loogu kalsoonaado shaqada guddigaasi. Dhinaca kale, kooxda Ahlusunna ayaa shalay qaaddacay doorashada madaxweynaha Galmudug, kadib markii ay dowladda Federaalka ku eedeeyeen, in ay afduubatay hawlihii guddiga doorashada. Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka musharrixiinta PUNTLAND POST The post Afar musharrax oo qaaddacay doorashada madaxtinimada Galmudug appeared first on Puntland Post.
  9. One of the most senior foreign fighters with Somali militant group al-Shabab says he has defected and is now in Mogadishu with the Somali government. Source: Hiiraan Online
  10. Abshir Gaarane Axmed Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Fannaan sheegay in uu ka tirsan yahay ururka Al-shabaab. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya (NISA) ayaa caawa boggeeda Twitter-ka soo dhigtay muuqaal qirasho ah iyo bayaan kooban oo lagu sheegay in lagu qabtay Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka gobalka Banaadir, una qaabilsanaa Al-shabaab xuuraanka iyo maaliyadda. “Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka gobalka Banaadir, una qaabilsanaa Argagaxisada Al-shabab xuuraanka iyo maaliyadda ayaa dabagal dheer kadib NISA gacanta kusoo dhigtay, iyadoo loo gudbinayo hay’adaha garsoorka” ayaa lagu yiri bayaanka NISA. Abshir Gaarane ayaa muuqaalka ku qirtay inuu ururka Al-shabaab ku biiray sanadkii 2013, isla markaana uu u qaabilsanaa uruurinta macluumaadka iyo maaliyadda. “Kooxdan Al-shabaab waxaan la shaqo bilaabay 2013-kii, shaqadeeda waxaa waaye Fanaan, waxaana ka shaqeeyaa gobolka Banaadir, qaybtiisa Fanka iyo Suugaanta. Aniga waxaan u qaabilsanaa qaybta macluumaadka iyo dhanka maaliyadda.” ayuu yiri Abshir Gaarane. Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa Argagaxisada Alshabab xuuraanka & Maaliyadda ayaa Dabagal dheer kadib NISA gacanta kusoo dhigtay, Iyadoo loo gudbinayo Hay’adaha garsoorka. pic.twitter.com/SCmo35JY9s — NISA (@HSNQ_NISA) January 21, 2020 Abshir Gaarane ayaa wararku sheegayaan in uu horey uga tirsanaa NISA, isla markaasna uu heeso u qaaday, hadana muddo lagu waday baaritaan. PUNTLAND POST The post Fannaan Shabaab sheegtay oo la soo bandhigay appeared first on Puntland Post.
  11. Waxaa maalmahaan aad loo hadal yahaa xal-u-helidda fatahaadda magaalada Beledweyne. Runtii, fatahaaddu ma aha arrin ugub ah oo waxaa dhacdooyinka taariikheed u diwaangashan in 60-kii sano ugu dambeeyay kuwii darnaa dhaceen: Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar___Qubanaha-21012020.mp3 View the full article
  13. President Trump on Tuesday confirmed he plans to expand his controversial travel ban that bars citizens of certain countries from entering the United States. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa caawa barteeda Twtter-ka ku baahisay muuqaal kooban oo muujinaya fanaanka Abshir Gaarane Axmed oo qiranaya inuu ka tirsanyahay ururka Al-Shabaab. Caasimada Online ayaa shalay si gaar ah u baahisay xogta ku saabsan in la qabtay fanaankan ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana uu sidaas qirtay. NISA ayaa qoraal kooban oo ay soo raacisay muqaalka fanaanka waxay ku tiri, “Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa Argagaxisada Alshabab xuuraanka & Maaliyadda ayaadabagal dheer kadib NISA gacanta ku soo dhigtay, iyadoo loo gudbinayo Hey’adaha garsoorka”. Abshir Gaarane ayaa isagoo qiranaya ka mid ahaanshihiisa Al-Shabaab waxa uu yiri, “Al-Shabaab waxaan u shaqa bilaabay sanadkii 2013-kii, shaqadeydu waa fanaan, waxaan ka shaqeynayey gobolka Banaadir, qeybtiisa fanka iyo suugaanta, Al-shabaab waxaan u qaabilsanaa macluumaadka iyo dhanka maaliyadda, siiba dhanka maaliyadda.” Halkan ka Daawo muuqaalka
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Soomaaliya Maxamed Siid Cabdullaahi ayaa maanta lagu rasaaseeyay degmada Boodheere ee gobalka Banaadir, gaar ahaan bar kontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka. Falkaan oo dhacay xiliga duhur waqtiga magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay kontaroolka ku yaala taalada Daljirka Daahsoon, waxaana wasiirka lagu riday ugu yaraan 3 baalooto. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidanka ay rasaaseeyeen wasiirka oo watay gaari nuuca raaxada ah oo ka soo gudbay kontaroolka, isagoon ciidamada u geysan aqoonsiga si loo hubiyo islamarkaana uusan qaadan digniino loo jeediyay ka hor inta aan la rasaaseynin. Ma jirto cid xaqiijin karta in wasiirka ka war qabay sharciga kontaroolka oo ah in qofka ka soo dago gaariga, aqoonsina ugeesto ciidanka oo u jira dhowr talaabo. Sidoo kale ma jirto cid xaqiijin karta in wasiirka uu arkay islamarkaana uu ka dhaga adeegay digniinta la siiyay iyo in kale. Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Soomaaliya ayaa kaligiis saarnaa gaarigii uu watay oo nuuciisa yahay Baraado, waxaana muddo dood taagneyd kadib wasiirku loo ogolaaday in uu wadadaasi maro. Lama oga in wasiirka ku qancay doodii dhaxmartay isaga iyo ciidanka iyo in kale mana jirto wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay wasiirka iyo taliska ciidamada.
  16. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la filaya in uu maalmaha soo socda safar aan la sii shaacin ku tego, magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya. Ilo’ lagu kalsoonyahay, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in madaxweyne Deni uu maalmaha soo socda socdaal ku tegi doono magaalada Nairobi, halkaasi oo uu shir kula yeelan doono xubno ka socda Wakiilada Beesha Caalamka iyo dalalka loo yaqaanno Deeq-bixiyaasha ee ku sugan Nairobi. Madaxweynaha iyo xubnaha Beesha Caalamka, ayaa la xaqiijiyay in ay ka wada-xaajoon doonaan arrimaha Amniga iyo Siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaanna doorashada 2021-ka, dib u-eegista Dastuurka, Khilaafka Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka iyo deeqaha Caalamku ku bixiyo magaca Soomaaliya.. Weli ma cadda, in cid kale oo ka socota dowladda Federaalka ama dowlad goboleedyada dalka ay ka qeyb-geliso kulankaasi oo ku soo beegmaya, xilli Puntland iyo Jubaland ay qaaddaceen, arrimo ay sheegeen in aysan dowladda dhexe kala tashan sida Sharciga Batroolka, Sharciga doorashooyinka, kan Saxaafadda iyo sidoo kale hannaanka loo wado dib u-eegista Dastuurka dalka. Puntland iyo Jubaland, ayaa ku baaqay in shir wada-tashiya ay isu’gu yimaadan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, si looga wada-tashado arrimaha masiiriga ah ee waddanka, loogana gudbo xaaladda cakiran dalku marayo. PUNTLAND POST The post XOG: Deni oo ku wajahan Nairobi iyo ujeedka socdaalkiisa appeared first on Puntland Post.
  17. Boosaaso (SMN) – Dabley ayaa lagu waramayaa in ay magaalada Boosaaso ku dileen gudoomiyihii hore ee degmada Qandala. Maxamed Quurshe ayaa la sheegay in lagu toogtay nawaaxiga Kaalinta Shidaalka ee lagu magacaabo Allaadi. Ma cadda cidda ka dambeyso dilkiisa iyo sababta loo bartilmaameedsaday. Walina kama hadlin hay’addaha nabad-gelyada. Ammaanka magaalo madaxda gobolka Bari ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid aad looga dayrinaayey, wallow ay socdeen howlgalo. Al-Shabaab iyo Daacish ayaa inta badan sheegta falalka noocaan ah ee ka dhaca degaanada kala duwan ee maamulka Puntland. View the full article
  18. Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa, dil fiidnimadii Caawa magaalada Boosaaso loogu geystay, Guddoomiyihii hore ee degmada Qandala ee gobolka Bari Jaamac Maxamed khuurshe. Dableey hubaysan, ayaa bartamaha Boosaaso ku toogtay mas’uulka, xilli uu ka soo baxay hotel halkaasi ku yaalla, waxaana goobta ka baxsaday dableeydii sida ay sheegeen goob-joogayaal. Ciimado ka tirsan kuwa Amniga gobolka Bari oo goobta dilkaas ka dhacay gaaray, ayaa hawlgallo ka sameeyay aga’gaarka halka wax ka dhaceen, inkasto aysan weli jirin cid loo qabtay dilka, sida ay saraakiisha xaqiijiyeen. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkii caawa loo gaystay Guddoomiyihii hore ee degmada Qandala Jaamac Maxamed Khuurshe, balse saraakiil dhanka Amniga ah, ayaa dilkaasi la xiriiriyay kooxda Argagixisada ah ee Daacish. Marxuum Jaamac Maxamed Khuurshe, waxaa Guddoomiyaha degmada Qandala loo doortay 18 January 2012, xilligaasi oo degmada Qandala ay yeelatay Golihii Degaan ee ugu horreeyay. Jaamac Khuurshe ayaa xilka Guddoomiyaha Qandala laga qaaday, 30-May-2018, wakhtigaas oo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas uu kala diray Golihii Degaanka Qandala, islamarkaana si ku meel gaar ah Guddoomiye ugu magacaabay Yuusuf Maxamed Ciise (Qixiye). PUNTLAND POST The post Boosaaso: Dilka Guddoomiyihii hore ee Qandala oo Daacish lala xiriiriyay appeared first on Puntland Post.
  19. Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir oo qoraal soo saaray ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay afduubatay Doorashada Galmudug. Qoraal ka soo baxday Xafiiska Sheekh Shaakir ayaa lagu sheegay in ay Dowladda Soomaaliya afduubatay soo xulista 69-ka Xildhibaan ee la rabay inay soo xulaan odayaasha Dhaqanka, sidoo kalana ay afduubatay doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka. Warka kasoo baxay Sheekh Shaakir ayaa lagu sheegay in afduub lagu sameeyay Guddigii doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka laguna amray in la magacaabo Guddoomiye u afduubo dowladda Federaalka doorashada Galmudug, iyadoo Guddiga sharciga ahaa uusan u dhameyn. Sheekh Shaakir ayaa sheegay inaysan qeyb ka aheyn boobka ay wado Dowladda Soomaaliya isla markaasna aysan aqoonsan doonin natiijada kasoo baxdo doorashadaas. Hoos ka akkriso qoraalka PUNTLAND POST The post Ahlusunna oo qaaddacday doorashada Galmudug appeared first on Puntland Post.
  20. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka madaxwaynaha iyo madaxwayne ku-xigeenka Galmudug ayaa shaaciyay shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynaha iyo madaxwayne ku-xigeenada Galmudug. Guddiga doorashada ayaa soo saaray 9 qodob oo looga baahan yahay inay fuliyaan musharaxiinta, waxaana ugu muhiimsan inuu qofka yahay muwaadin Soomaaliyeed kana soo jeeda deegaanka Galmudug, islamarkaana uu haysto shahaado jaamaceed ama waayo aragnimo hogaamineed oo 5-sano ah. Sidoo kale shuruudaha ayaa waxaa qeyb ka ah in musharaxa u tartamaya xilka madaxweynaha laga doonayo inuu bixiyo lacag dhan 20,000 oo dollar, halka madaxweyne ku-xigeenada laga doonayo inay bixiyaan lacag dhan 10,000 oo dollar. Hoos ka akhriso shuruudaha ay soo saareen guddiga doorashada Galmudug
  21. Dhuusamareeb (SMN) – Guddiga Doorashooyinka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka DGM oo shaaciyay shuruudaha laga rabo tartamayaasha Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Galmudug. Hoos ka akhriso warqadda View the full article
  22. Ankara (SMN) – Lix qof oo qabay dhaawacyo daran oo ka soo gaaray qaraxii argagixiso ee Ex-control Afgooye ayna ku jireen howlwadeenno u dhashay dalka Turkiga oo maanta ka ambabaxay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Garoonka waddankaas ayaa waxaa kusoo dhoweeyey diyaaraddii sidday wasiirka Caafimaadka dalka Turkiga iyo saraakiil ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Hoos ka daawo sawiradda View the full article
  23. Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmudug ayaa goordhow shaaciyey shuruudaha laga rabo Murashixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa. Qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha guddiga doorashada Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil ayaa lagu xusay ilaa 9 qodob, kuwaas oo looga baahan yahay in ay soo buuxiyo Murashax waliba oo doonaya inuu ka qeyb galo doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa. Doorashada xilka Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in la qabto 30 bishaan waxaana ku loolami doonaan dhowr murashax oo mid waliba doonayo inuu Galmudug hoggaamiyo 4-ta sano ee soo aadan. Halkaan ka Akhriso Qodobada Shuruudaha: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-21012020-sax.mp3 View the full article
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay safiirrada dalalka Turkiga iyo Qatar, maamulaha Shirkadda Enez iyo taliyaasha booliiska iyo xoogga oo uu wehliyo taliyaha booliiska gobalka Banaadir. Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay dardar gelinta mashruuca dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo sugidda amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya, waxaana la isla gartay in argagaxisada aysan hor-joogsan karin mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa faray taliyaasha ciidanka ee kulanka ka qayb galay inay la yimaadaan hannaanka ugu haboon ee lagu xaqiinayo ammaanka si howl wadeennadu ay si dhaqsa ah ugu soo gebagebeeyaan dhismaha wadada oo muhiim u ah isu socodka bulshada, horumarinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha. Safiirrada Turkiga iyo Qatar ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay dadaalkiisa ku aaddan bed-qabka howl wadeennada shaqada ku jira iyo ka mira dhalinta mashruuca dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye, kaas oo qeyb ka qaadanaya gaaritaanka himilooyinka ummadda Soomaaliyeed ee dhanka horumarka iyo dib-u-dhiska dalka. Sanduuqa horumarinta Qatar ayaa maal geliyay mashruuca dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye, oo dhismihiisa ay fulineyso Shirkadda Enez oo laga leeyahay dalka Turkiga. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shalay kulan gaar ah la qaatay maamulaha shirkadda, Seracettin Aksun ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mas’uuliyad buuxda iska saareyso ammaanka howl-wadeenna ka shaqeynaya dhismaha waddada.