Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,299
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. In late December, the Somali regional government asked the House of Federation to revise the region’s representation in the federal parliament. Source: Hiiraan Online
  2. Lagos, Nigeria - African travellers flying on international airlines to and from the continent say they are fed up with receiving poor service from flight attendants and ground staff, and tired of being transported in older carriers. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, Tibor P. Nagy. Kulanka ayaa looga hadlay xariirka iyo iskaashiga labada dowladood, la dagaallanka argagaxisada iyo qorshaha deyn cafinta ee gebabeda maraya. Tibor P. Nagy oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay soo dhaweynta ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed kala shaqeyso dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska dalka, waxuuna dowladda ku ammaanay dadaallada horumainta dalka. Dowladda Mareykanka ayaa qeyb ka ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Dowladda federaalka Soomaaliya ee ka caawiya dib-u-dhiska hey’adaha dowladeed. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, Tibor P. Nagy. Kulanka ayaa looga hadlay xariirka iyo iskaashiga labada dowladood, la dagaallanka argagaxisada iyo qorshaha deyn cafinta ee gebabeda maraya. Tibor P. Nagy oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay soo dhaweynta ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed kala shaqeyso dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska dalka, waxuuna dowladda ku ammaanay dadaallada horumainta dalka. Dowladda Mareykanka ayaa qeyb ka ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Dowladda federaalka Soomaaliya ee ka caawiya dib-u-dhiska hey’adaha dowladeed.
  5. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta wuxuu u duulay Nairobi. Safarka Madaxweynaha oo ah Safar shaqo sida lagu wargaliyey Saxaafada ayaa wuxuu kaloo [...] Source
  6. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan deegaannada Dowladdu ay ka xoreysay argagixisada Alshabaab, qorshaha dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka iyo dagaalka lagu dabar-gooynayo fikirka xagjirnimada. Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey Guddiga Qaramada Midoobey ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Danjiraha dalka Belgium Mudane Marc Pecsteen in dib u eegid lagu sameeyo nidaamka cunaqabataynta saaran dalkeenna, iyadoo lagu jaan-gooynayo taageerada muhiimka u ah ciidamada Soomaaliyeed, si ay u soo afjaraan dagaalka argagixisada lagaga sifeynayo dalka. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa dul istaagay dadaallada wax-ku-oolka ah ee Dowladdu ay ku mideysay qorshaha wadajirka ah ee dalka lagaga xoreynayo Alshabaab, diyaarinta sharciyada lagu wiiqayo ilaha dhaqaale ee argagixisada iyo dhismaha Xafiisyada Amniga Qaranka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Golaha Ammaanka iyo Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka sida ay uga go’an tahay taageerada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca nabadeynta iyo xasilloonida waarta. View the full article
  7. Madaxtooyada Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixisay iscasilaadii uu sameeyey Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo xubin ka ahaa guddiga dab- u heshiisiinta wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade ) in Villa Soomaalia ay aad uga xun tahay waxaa ay in isigana ay gooni u tahay ayna ka turjumaynin mowqifka dowladda Sooaamiya ayaa lagu yiri. “Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay caddeynaysaa in Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu iska casilay xubinnimadii Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland. Hadalka uu warbaahinta siiyay Danjire Guulwade waa mid kafog waaqaca aan maanta ku nool nahay, wuxuuna dhaawacayaa wadahadallada haatan loo gogol xaarayo in la isugu soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay, dibna loogu yagleelayo dowladnimo Soomaaliyeed oo loo dhanyahay. Shacabka Somaliland waxay dhiig iyo dhaqaale ku bixiyeen sidii dalkan looga xoreyn lahaa gumeystihii kusoo duulay, iyagaana hormuud u ahaa midnimadii labada gobol. Midnimadaas kuma iman khasab iyo gacan ka hadal ee waxay ku timid wada hadal, is qancin, is-qaadasho iyo isu tanaasul. Waxaan aad uga xunnahay hadalka danjiraha, annaga oo adkeynayna inuu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka turjumeynin mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan Guddiga uu ka tirsanaa.” DHAMMAAD Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Bashiir Tukaale Oo kamida Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Dawlada Jabuuti Ku Eedeeyay in ay kusoo duushay Somaliland Isaga Oo ka hadlayay cable dhinaca Internetka ah Oo laga keenayo dalka Jabuuti Waxaa kale Oo uu sheegay in Ciidamada Badda Jabuuti ay Rasaaseeyeen Ciidamada Badda Somaliland, halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Arbaco ah safar aan la sii shaacin ugu baxay, magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya. Ilo’ ku sugan Boosaaso, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in madaxweyne Deni uu saaka si qarsoodiya ugu dhoofay magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya, halkaasi oo uu kulamo kala duwan kula qaadan doono, safiiro ka socda dalalka qaar, xubno matalaya wakiilada Beesha Caalamka, iyo saraakiil ka tirsan waddamada loo yaqaanno Deeq-bixiyaasha. Madaxweynaha Puntland iyo xubnaha Beesha Caalamka, ayaa sida la xaqiijiyay, waxay Nairobi ku yeelan doonaan shir la xiriira arrimaha Amniga iyo Siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaanna doorashada 2021-ka, dib u-eegista Dastuurka, Khilaafka Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka iyo deeqaha Caalamku ku bixiyo magaca Soomaaliya. Weli ma cadda, in cid kale oo ka socota dowladda Federaalka ama dowlad goboleedyada dalka ay ka qeyb-geliso kulankaasi oo ku soo beegmaya, xilli Puntland iyo Jubaland ay qaaddaceen, arrimo ay sheegeen in aysan dowladda dhexe kala tashan sida Sharciga Batroolka, Sharciga doorashooyinka, kan Saxaafadda iyo sidoo kale hannaanka loo wado dib u-eegista Dastuurka dalka. Puntland iyo Jubaland, ayaa ku baaqay in shir wada-tashiya ay isu’gu yimaadan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, si looga wada-tashado arrimaha masiiriga ah ee waddanka, loogana gudbo xaaladda cakiran dalku marayo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo safar qarsoodiya ugu baxay magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.
  10. Dowladda Sucuudiga ayaa beenisay in dhaxal sugaha dalkaas, Maxamed Bin Salmaan uu ka dambeeyay dhac loo geystay xogta telefoonka madaxa shirkadda Amazon,Jeff Bezos. Farriin laga soo diray telefoon uu adeegsan jiray Maxamed Bin Salmaan ayaa loo adeegsaday in lagu jabsado telefoonka madaxa shirkadda Amazon, sida ay wararka sheegayaan. Safaaradda Sucuudiga uu ku leeyahay Mareykanka ayaa eedeymaha ku tilmaantay ‘aarin aan macquul aheyn’ isla markaasna ku baaqday in la baadho. Waxaa hore loo tebiyay in eedeymaha ay soo baxeen markii lala xidhiidhiyay Maxamed Bin Salmaan inuu ku lug lahaa dilkii qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul loogu geystay weriye Jamaal Khaashuqji. Jeff Bezos waa milkiilaha shirkadda weyn ee Amazon iyo wargeyska Washington Post. Jeff Bezos ayaa xogtiisa la dhacay markii farriin looga soo diray WhatsApp-ka Maxamed Bin Salmaan, sida uu ku warramay wargeyska The Guardian. Safaaradda Sucuudiga uu ku leeyahay Mareykanka ayaa beenisay eedeymaha loo jeediyay Maxamed Bin Salmaan, waxay ku baaqday in la baaro arrintaas. Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Kiiskii Ugu Yaabka Badnaa Ee Socday Muddo 50 Sanno Ah Oo Maxkamadda Sare Ee Somaliland Ay Soo Gebogebeysay Maanta, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa masuul cusub u magacaabay guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee dalka Jarmalka, halkan hoose ka akhriso Source
  13. AQOONSIGA JAMHURIYADA SOMALILAND WAXA UU DAN U YAHAY GUUD AHAAN ADUUN WEYNAHA MARKA AAD EEGTO DURUUFAHA GOBOLKA GEESKA AFRICA 28KII SANADOOD EE UGU DAMBEEYEY !! Siyaasadii Arimaha dibada Somaliland halkay maraysaa intii Xukuumadihii kulmiye dalka maamulayeen ? Wadamada iyo Ururada aduunku maxay ugu cadaalad sameyn waayeen Somaliland iyo Somalia? Xukuumadii uu hogaaminayey halgamaagii iyo ruug cadaagii daalay ee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa ay wax ka badashay shuruucdii dalka u taalay ee xaga siyaasada Somaliland iyo Somalia , waxaana ay qaadatay dariiq kale oo ay ku waajahayso siyaasada ictiraaf raadinta iyo aqoonsiga Somaliland kaasi oo ay u aragtay marka aynu xaga niyadsamida ka eegno in Somaliland iyo Somalia oo wadahadla ay fursad dhow oo aqoonsi u noqon karto Somaliland. Haseyeeshee waxa aanay kaba fikirin dawlad Somalia la yidhaahdaa ma jirtaa , hadii ay jirto wadahadalka aad la furtaan muxuu midho dhali doonaa , dabcan waxa ay ahayd siyaasad aduunkuna dabada ka riixayey oo dhaqaale badan lagu bixiyey waana sababihii marqudha loo mal-malay siyaasadii arimaha dibada Somaliland oo aan awal ku xidhnayn wadamada carbeed isla markaana ay ka xidhnayd in Somalia wadahadal lala galo. Markii aan raadiyey siyaasada Somaliland ee arimaha dibadu sababta aanay xiligaa hore u danaynayn wadamada carabta ayaa waxa aan ogaaday in wadamada carabtu ay dhagaha ka fureysteen qadiyada Somaliland iyo Somalia oo laba dal kala noqdaa , iyaga oo laba sababood ay kalifayeen oo kala ahaa wadamada carabta oo ay haystaan hogaamiyeyaal iyo boqoro talada intooda badani awood ku haystaan dalwalbana ay jiraan dad diidan maamulkiisa oo ay wado ku furi doonto iyo Somalia oo ay u arkayeen dal dawlado shisheeye kala goynayaan iyaga oo Ethiopia farta ku godaya iyo wadamada reer galbeedka. Dawladaha carabtu waxa ay iska indho tireen in Somaliland iyo Somalia ay ahaayeen laba dal oo hore isugu biiray , waxa kale oo ay iska indho tireen waxii dhibaatooyin iyo xasuuq burbur naf iyo maalba lahaa loogu gaystay dawladnimadii Somalia dadka reer Somaliland oo waxa ay duudsiyeen gar iyo xaq ay lahaayeen dadka Jamhuriyada Somaliland oo mudnayd in la dhagaysto loogana garaabo si loo heli karo xal . Haddaba wadahadaladii Somaliland iyo Somalia maxay dhaleen , yaa ka faaiidey , yaa ku khasaaray maxaa laga baran karaa , iyo su’aalo badan oo kale waxa ay jawaabahoogu noqonayaan sida tan . Wadahadaladaasi waxa ku faaiidey dawlada Somalia ee aan Muqdisho wada maamulin oo kaga baxday dawladii ku meelgaadhka ahayd , waxa ay heshay aqoonsi dawladii Jamhuriyadii Somalia lahayd waxaana magaalada Muqdisho u soo guuray safaaradihii aduunka oo dhan , waxaa loo ogolaaday in ay isticmaasho meeqaamkii iyo magacii Jamhuriyadii Somalia iyada oo meel kale iska daaye magaalada Muqdisho maamuli kari la . Arimahani Somaliland waxa ay gaadhsiiyeen dhaawac wayn oo aanay ilaa maanta ka soo kaban , heshiisyadii lawada galay waa la fulin kari waayey waxaana wax waliba ku socdeen sida ay jeceshahay maamulka VillaSomalia dhex fadhiya , khiyaamada Somaliland ku dhacday waxaa kow ka ahaa dawladaha dhex-dhexaadinayey wadahadalku waxa ay ahasteen qaar aan arimaha Somaliland iyo Somalia dhex ka noqon karin oo dhinaca Somalia u badan , waxaana ugu horeysa dawlada Turkey. Halkaa marka ay marayso ayaa siyaasadihii Gobolka Geeska Africa iyo tii khaleejka carabta iyo guud ahaan siyaasada aduunka isbadelo waaweyni ku dhaceen , waxaana abuurmay xulafooyin iyo dano siyaasadeed dhaqaale iyo ciidan , waxaa soo baxay laba xulafo oo dhinac ay hogaaminayeen Turkeyga iyo Qatar dhinaca kalena Saudi Arabia iyo imaaraatka Carabtu kuwaasi ayaanay arimihii Somaliland iyo Somalia ku dhex milmeen , Somaliland waxa ay si aan gabasho lahayn ula safatay dawladaha S.Arabia iyo UAE halka Somalia u janjeedhsantay Turkey iyo Qatar , waxaa iyaguna bilaabmay tartanka dhaqaalaha ee reer Bariga Aduunka iyo reer Galbeedka Aduunku Afrika ku kala hororsanayaan. Markii intaasi dhacday ayaa waxa gobolka Geeska Africa ka dhacay isbadel siyaasadeed saameyn weyn yeeshay oo uu hogaaminayey Abiyi Ahmed Ali raisal wasaaraha dalka Ethiopia kaasi oo soo af jaray kala colaadihii Ethiopia iyo Erateria , iskuna xilqaamay in uu siyaasadihii ku dhisnaa colaadaha iyo cadaawaha guunka ah nabad iyo isku-furnaan wax wada qabsi iyo horumar lagu badelo , waxaana uu socdaal ku tagey wadamada Masar , Sudan , iyo Somalia/Muqdisho oo uu u bandhigey siyaasada uu wato , aadna waa loogu riyaaqay xiligaasi. Isbadelka dambe muu noqon mid niyadsamidii Abiy Ahmed iyo qorshayaashaasii sidii uu dardarta u lahaa u hanaqaada , sababaha ugu waaweyni waxa ay ahaayeen waxa uu iska indho tiray xaqiiqada Gobolka Geeska Africa ka jirta oo Somaliland iyo Djibouti oo labaduba dawladiisa muhiim u ahaayeen ayuu indhaha ka laliyey taasina waxa ay dhashay in uu guuleysan waayo dardartii uu waday oo hadii la rabo in Geeska Africa wax noqdo marka hore waa in la dhameeyaa caqabadaha jira oo dhan sida qadiyada Somaliland iyo Somalia , ishaynta iyo khilaafka Djibouti iyo Erateria , Somalia nabadeynteeda iyo culaysyada siyaasadeed ee Ethiopia gudaheega ka jira. Haddaba ilaa maanta waxa dawlado iyo ururo badani dedaal ugu jiraan Somaliland iyo Somalia wadahadalkooda iyaga oo dhamaantood Somaliland oo 28 sano dawlad ahayd is maamushay oo dhul iyo bad iyo cirba xadkeedu yahay mid nabdoon oo aduunyada iyo Geeska Africa ba ku reeyey ay ka xagliyeen oo aqoonsadeen dawlad aan magaalada Muqdisho maamulin , taasina ay gef ku tahay dadka iyo dawlada Jamhuriyada Somaliland . Qadiyada Somaliland iyo Somalia dhextaalaa waa mid sharci oo la rabo in midowga Afrika AU , uu ixtiraamo shuruucda uu ku dhisan yahay isla markaana uu isku xilsaaro sidii uu miiska wadahadalka ugu furi lahaa Somaliland iyo Somalia , waayo waa hawl ay leeyihiin , cidii kale ee aduunka kale danaynaysaana ay u daba fadhiistaan Ururka Midowga Afrika ee AU oo isaga la xoojiyo si xal waara looga gaadho arinkan. Somaliland oo aqoonsi heshaa waxa ay dan u tahay aduunka oo dhan sababaha ugu waaweyni waa goobta ay ku taallo , Somaliland marin-biyoodka Badacas ee aduunka ahmiyada weyn u leh waxa ay xad badeed u leedahay 900km oo wax yar dhiman oo nabadgalyadeeda ay ilaalisaa iyada oo aan caawimo dheeraad ahna cid kale ka helin , waxa ay xad dheer la leedahay dalka Ethiopia oo xadkaasi ay Somaliland kaga beegan tahay nabadgalyo kaga ladey , waxa ay xad la leedahay Djibouti oo iyaduna sidaasi oo kale nabad galyo kaga noolaata dhinaca Somaliland ka xigto , Somaliland waxa ay xad la leedahay Somalia oo ay aad isaga ilaaliso in dhibaatooyinka ka dhacaya Somalia ka soo gudbaan , iyo in aanay Somaliland argagixisadu u soo dhuuman iyaga oo hore weeraro ugu soo qaaday Somaliland. Hadii aduunku dhayalsado arimahani Somaliland iyo Somalia waxa ay khatar ku yihiin guud ahaan aduun weynaha iyo Gobolka Geeska Africa oo laga yaabo isaga oo awalba dib u dhac weyni ku jiray in uu dib u dhac dhibaatooyin dib loogu laabto , markaa waxa haboon in dawladaha jaararka ay yihiin Somaliland iyo Somalia iyo kuwa aduunkuba ay galaan hawlaha lagu kala furdaaminayo Somaliland iyo Somalia . Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Qaran News
  14. More details are coming out of an airstrike conducted by suspected US military warplanes in the Middle Juba region of southern Somalia on Wednesday. The air raid took place at an area named Hargeisa Yarey, located about 12 kilometers away from Jilib, a main Al-Shabaab stronghold in the region. Sources within the Somali army said the airstrike was targeted Al-Shabaab and killed several members of the Al-Qaeda-linked militant group. In the past few weeks, Somali troops with their allied foreign troops have intensified operations against Al-Shabaab in areas under the Jubaland state of Somalia. View the full article
  15. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Mette Knudsen oo ay wehelinayso ku xigeenkeedu Nina Berg. Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal, iskaashiga mashaariicda horumarinta ee ay Somaliland ka hesho sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF), oo ay dawladda Denmark qayb ka tahay, sidii loo dardar gelinlahaa korna loogu qaadi lahaa sannadkan cusub ee 2020-ga, sidoo kale waxa laga wada hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland. Ugu danbayntiina waxa kulankaa lagu soo qaaday nabadgelyada mandaqada geeska Afrika sidii loo adkayn lahaa loogana wada soconlahaa. Waxaana Madaxweynaha Kulanka ku wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  16. War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu cadeeyay in hadalkii uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo ka mid ahaa guddiga Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Wadahadallada dowladda feederaalka iyo Somaliland uu ahaa mid isaga gaar u ah. Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay caddeynaysaa in Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu iska casilay xubinnimadii Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland. Hadalka uu warbaahinta siiyay Danjire Guulwade waa mid kafog waaqaca aan maanta ku nool nahay, wuxuuna dhaawacayaa wadahadallada haatan loo gogol xaarayo in la isugu soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay, dibna loogu yagleelayo dowladnimo Soomaaliyeed oo loo dhanyahay. Shacabka Somaliland waxay dhiig iyo dhaqaale ku bixiyeen sidii dalkan looga xoreyn lahaa gumeystihii kusoo duulay, iyagaana hormuud u ahaa midnimadii labada gobol. Midnimadaas kuma iman khasab iyo gacan ka hadal ee waxay ku timid wada hadal, is qancin, is-qaadasho iyo isu tanaasul. Waxaan aad uga xunnahay hadalka danjiraha, annaga oo adkeynayna inuu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka turjumeynin mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan Guddiga uu ka tirsanaa. Danjire Guulwade ayaa hadalkaasi ku dhawaaqay, kadib wareysi gaar ah oo uu siiyey Barnaamijka Garnaqsi ee ka baxa telefishinka caalamiga ah ee Shabelle. View the full article
  17. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, Tibor P. Nagy ayaa maanta kulan ku qaatay Muqdisho Kulanka ayaa looga hadlay xariirka iyo iskaashiga labada dowladood, la dagaallanka argagaxisada iyo qorshaha deyn cafinta ee Soomaaliya. Tibor P. Nagy ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed kala shaqeyso dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska dalka, waxuuna dowladda ku ammaanay dadaallada horumainta dalka. Dowladda Mareykanka ayaa qeyb ka ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah dowladda Soomaaliya ee ka caawiya dib-u-dhiska hey’adaha dowladda iyo ammaanka. PUNTLAND POST The post Tibor P. Nagy oo la kulmay Ra’iisul Wasaare Kheyre appeared first on Puntland Post.
  18. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo Guddigaas la wadaagay warbixin ku saabsan deegaannada dowladdu ay kala waeegtay Al-shabaab, qorshaha dib u habeynta ciidamada xoogga Dalka iyo dagaalka lagu dabar-gooynayo fikirka xagjirnimada. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu u soo jeediyey Guddiga Qaramada Midoobey ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Danjiraha dalka Belgium Mudane Marc Pecsteen in dib u eegid lagu sameeyo nidaamka cunaqabataynta saaran Soomaaliya, iyadoo lagu jaan-gooynayo taageerada muhiimka u ah ciidamada Soomaaliyeed, si ay u soo afjaraan dagaalka argagixisada lagaga sifeynayo dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu dul istaagay dadaallada dowladdu ay ku mideysay qorshaha wadajirka ah ee dalka lagaga xoreynayo Alshabaab, diyaarinta sharciyada lagu wiiqayo ilaha dhaqaale ee argagixisada iyo dhismaha Xafiisyada Amniga Qaranka ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed. Ugu dambeyn waxaa lagu sheegay qoraalka in Madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyey Golaha Ammaanka iyo Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka sida ay uga go’an tahay taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca nabadeynta iyo xasilloonida waarta. PUNTLAND POST The post Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddiga QM ee cunaqabateynta hubka? appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in Abshir Gaarann Axmed oo ah fanaan ay xirtay hay’adda NISA usuan ka tirsaneyn kooxda Al-Shabaab. Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay Warbaahinta Kooxdaas ayaa sheegay in shakhsiga lagu magacaabo Abshir Gaarane Axmad ee uusan wax xiriir ah haba yaraatee la lahayn kooxda Al-Shabaab. “Ninka muuqaalkiisa lagu faafiyay warbaahinta ee lagu magacaabay Abshir Gaarane Axmad ma aha nin wax xiriir ah la lahaa Shabaab ama la shaqayn jiray, tallaabada ay qaadeen ee ay ninkaas eedaha noocaas ah ugu soo jeediyeen waa arrimo lagu yaqaanno oo iyaga dhexdooda ay dhibaato isku geystaan, qaarkoodna eedo aanan jirin ay dusha iskaga tuuraan iyagoo xilal ama dhaqaale kala riixanaya” ayuu sarkaalkaas. Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa xalay barteeda Twtter-ka ku baahisay muuqaal kooban oo muujinaya fanaanka Abshir Gaarane Axmed oo qiranaya inuu ka tirsanyahay ururka Al-Shabaab. NISA ayaa qoraal kooban oo ay soo raacisay muqaalka fanaanka waxay ku tiri, “Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan kooxda fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa Argagaxisada Alshabab xuuraanka & Maaliyadda ayaadabagal dheer kadib NISA gacanta ku soo dhigtay, iyadoo loo gudbinayo Hey’adaha garsoorka”. Abshir Gaarane ayaa isagoo qiranaya ka mid ahaanshihiisa Al-Shabaab waxa uu yiri, “Al-Shabaab waxaan u shaqa bilaabay sanadkii 2013-kii, shaqadeydu waa fanaan, waxaan ka shaqeynayey gobolka Banaadir, qeybtiisa fanka iyo suugaanta, Al-Shabaab waxaan u qaabilsanaa macluumaadka iyo dhanka maaliyadda, siiba dhanka maaliyadda.” Al-Shabaab ayaan inta badan ka hadal shakhsiyaadka ka tirsan ee ay xiraan hay’adaha ammaanka Soomaaliya, waxaana sababta ay u doorteen inay beeniyaan kiiska Abshir Gaarane Axmed ay abuureyso su’aalo ku saabsan ujeedka ay ka leeyihiin.
  20. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Mr. Nicolás Berlanga Martinez. Kulankani ayaa ujeedkiisu ahaa dardargalinta mashaariicda horumarineed ee ka socota Caasimadda oo ay fulinayaan Midowga Yurub iyo sidii loo dar dargelin lahaa mashaariicdaas. Kulanka kadib ayaa duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish iyo Safiirka Midowga yurub ee Soomaaliya ayaa si Wadajir ah u daahfuray mashruuca Saanqaad oo ah mashruuc cusub oo uu maamulka gobolka Banaadir ugu talagalay in lagu xoojiyo horumarinta ganacsiga cusub ee Caasimadda. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  21. Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka sameeyey waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay kooxo burcad ah iyo gaadiid ay dhaceen, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha Booliska gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Jaamac Maxamed Axmed. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in raggaasi ay haatan ku xiraan xabsiga Gaalkacyo, islamarkaana laga qaadi doono tallaabo adag. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay ciidanka amniga kala shaqeeyaan sugida nabad gelyada, si looga hortago kooxaha burcada ee hubeysan. View the full article
  22. Wasiirada shaqaalaha ee dalal dhaca bariga iyo geeska Africa ayaa shir caalami ah oo arrimo badan looga hadlay ku yeeshay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Wasiiradaasi ayaa ka qeyb galay shir goboleed looga hadlay arrimo ku saabsan socdaalka shaqaalaha ee wadamada geeska Africa. Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumada Soomaaliya, Sadiiq Warfaa oo ka qeyb galay shirka ayaa kulan doceed la qaatay wasiirada shaqaalaha dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, Ethiopia, South Sudan, Eritrea, Djibouti, Rwanda iyo Burundi. Dhammaan wasiirada ayaa isku raacay in la xoojiyo dedaalada fududeynta safarada iyo socdaalka shaqaalaha wadamada kulanka yeeshay,si ay ugu suura gasho in waqti kooban ay uga faaideystaan fursadahooda shaqo. Ugu dambeyn wasiir Warfaa ayaa markii uu shirka soo dhammaaday saxiixay war-Murtiyeed wadajir ah oo bilow u ah Hab-raaca shirkaasi, si loo meel mariyo siyaasadaha socdaalka shaqaalaha ee gobolka. View the full article
  23. (SLT-Hargeysa)-Cabdiwali Sheekh Cabdillaahi Suufi wasiir wasaaradda isgaadhsiinta iyo technologiyada Somaliland ayaa ka hadlay xadhig internet ah oo la sheegay inay Jabuuti soo marinayso badda Berbera, halkan hoose ka DAAWO Source