-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku dhaliilay in ay u gurman wayday Ardayda Soomaaliyeed ee ku go’doonsan gobolka Wuhan ee dalka Shiinaha oo uu si xawliya ugu faafayo Caabuqa dilaaga ah ee Corona Virus. “Waxay Ardayda Soomaaliyeed ee ku go’doonsan Gobollka Wuhan ee dalka Shiinaha ii sheegeen in aysan ilaa iyo haatan gurmad ka helin dawlada Federaalka ah. Waxay kaloo ii sheegeen in Gobolku uu karantiil ku jiro oo si shakhsi ah looga bixi karin, in ay safaarada dalkaada kaa saarto mooye. Waxay ii sheegeen in dawladaha tabarta yar sida Falastiin Yaman iyo Ciraaq ay dawlado kale la kaashadeen oo ay dadkoodii la baxeen.” Ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Hoggaamiyaha Wadajir, ayaa mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ugu baaqay, in ay waajib iska saran samata-bixinta Muwaaddiniinta ku go’doonsan Wuhan,islamarkaana si deg deg ah ugu gurmadaan, maadaama ay iyagu matalaan magaca Qaranka Soomaaliyeed. “Madaxda Dawladda Federaalka ah maadama ay magacii Qaranka maanta iyagu dawlada Soomaaliya ku metalayaan waajib ayaa ka saaran samata bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Wuhan ku go’doonsan. Dadka gudaha dalka jooga ee dhibaatooyinka caynkaan ahi la soo derisaan, gurmad ayey walaalahooda kale ee Soomaaliyeed ka helaan.” “Laakiin ardayda Gobolka Wuhan ku go’doonsan dawlad keli ah ayaa u gurman karta. Qaran aad magaciisa ku badbaadayso, haddii maalinta aad ugu baahi badan tahay gacan kuu fidin waayo, ma jirto sabab uu macno kuugu sameeyo.”Waxaa la sheegay in Corona Virus ka uu maalintii 3895 ku dhaco. Dawladu degdeg ha ugu gurmato ardaydaas Soomaaliyeed.” ayuu sii raaciyay Hoggaamiyaha Wadajir. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo baaq degdeg ah u jeediyay dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Maraykanka ayaa faah faahin ka bixisay duqayn ay ka fulisay degaan ku yaala duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Qoraal ka soo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqayntaas oo dhacday maalinnimadii talaadada ahayd ee ay taariikhdu ku beegnayd 4ta Febraayo 2020 oo shalay ku beegneyd lagana fuliyay deegaanka Beer Xaani oo ku yaalla galbeedka Kismaayo. Sidoo kale qoraalka AFRICOM waxaa lagu sheegay in duqayntaas lagu dilay xubin ka tirsan ururka Al Shabaab hayeeshee aysan wa khasaaro ah ka soo gaarin dad rayid ah. Sidoo kale Maraykanka ayaa sheegay in uu sii wadi doono hawlgallada ka dhanka ah ururka Al Shabaab iyaga oo tageero siinaya ciidamada xoogga dalka ee ku hawlan cirib tirka kooxdan argagixiso. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyay duqeyn uu ka fuliyay Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.
-
GENEVA/UNITED NATIONS (Reuters) - U.N. Secretary General Antonio Guterres on Tuesday called the situation in Libya a “scandal” even as his envoy cited a “genuine will” by rival military factions as they planned their first meeting to secure a lasting ceasefire. Source: Hiiraan Online
-
Dhakhtarkii ugu horreeyay ee ogaada cudurka Shiinaha ka dillaacay oo isagii iminka sariir la saaran Horraanti bishii January, hay’adaha dowliga ee magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa isku dayay iney qariyaan warka ku saabsan cudurka Cornavirus. Mid ka mid ah dhakhaatiirta magaaladaasi ayaa isku dayay inuu dhakhaatiirta kale ku wargaliyo halista cudurka dillaacay. Laakiin ciidamo ka tirsan booliska ayaa dhakhtarkaas u tagay, waxayna u sheegeen inuu joojiyo digniinta. Bil kaddib dhakhtarkii laftiisa waxaa haleelay cudurkii, isaga oo oo sariirta bukaanka saaran ayuu sheekadiisa la wadaagay bulshada, waxaana lagu tilmaamay halyeey. Farriinta uu dhakhtarka gudbiyay waxay ku billaabmeysay sidan: “dhammaantiin waad salaaman tihiin, waxaan ahay Li Wenliang, oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada indhaha oo ku sugan isbitaalka guud ee magaalada Wuhan”. Waa fajaciso layaab leh oo ku saabsan jawaabta ay ka bixiyeen mas’uuliyiinta maamulka Wuhan markii ugu horreysay uu cudurka Coronavirus dillaacayba. Dr Li wuxuu ka shaqeynayay isbitaalkaas markii uu bishi December cudurkaasi dillaacay, xilligaas oo uu arkay ilaa 7 bukaan oo qaba calaamado u eg caabuqa Sars, oo ah cudurkii dunida khalkhal galiyay sanadkii 2003-dii. Waxaa xilligaaasi la sheegayay in cudurka uu ka yimid suuqa lagu iibiyo hilibka xayawaannada badda, oo ku yaalla Wuhan, iyada oo bukaanada cudurka laga helayna Isbitaalka lagu karantiilay. 30-kii bisha December wuxuu farriin u diray dhakhaatiirta ay shaqa wadaagga yihiin isaga oo farriintiisa ku sheegay cudurka dillaacay waxa uu yahay, si ay isaga ilaaliyaanna ay xirtaan dharka iyo qalabka cudurkaasi looga hortagi karo. Balse dhakhtarku xilligaasi ma ogeyn in cudurkaasi uu yahay caabuqa cusub ee coronavirus. Afar maalmood kaddib waxaa booqday mas’uuliyiin ka socday xafiiska sirdoonka bulshada iyaga u sheegay inuu saxiixo warqad ay sideen. Waxaana warqadda inuu saxiixa laga dalbaday lagu soo eedeeyey “Inuu warar been abuur ah oo khaldan faafinayay” taasoo wax u dhintay “xasiloonida bulshada”. “Waxaan kaaga digeynaa: haddii aad ku sii socota bulshada inaad marin habaabiso, dhaqan xumida iyo inaad falkan sharci darrada ku sii socoto in caddaaladda lagu horgeynayo ma fahantay? Warqadda qaybteeda hoosana Dr Li ayaa ku qoray “Haa, waxa aad iga dalbateen waan sameeynayaa.” Wuxuu Dr Li ka mid yahay siddeed qof oo ay booliska baaritaan ku sameeyeen oo ay ku eedeeyeen “iney baahiyeen warar aan jirin”. Dhammaadkii bishi January Dr Li wuxuu barta xiriirka bulshada ee Weibo ku daabacay nuqul ka mid ah warqadda ay booliska u geeyeen, isaga oo weliba sharraxaad ka bixiyay waxa dhacay. Waxyar kaddibna laamaha ay quseyso wey ka raalligeliyeen wixi dhacay isaga oo sheegay iney raalli gelintooda la soo daaheen. Markii uu 10-kii January warqadda soo dhigay bartiisa Weibo wuxuu billaabay inuu qufaco, maalintii xigtayna xummad ayaa qabatay, laba maalin kaddibna isbitaalka ayaa la dhigay. Sidoo kale waalidiintiisa oo iyaguna bukooday waxaa la dhigay isbitaalka. 10 maalmood kaddib oo ku beegneyd 20-ka January Shiinaha wuxuu shaaaciyey inuu dalkiisu ka dillaacay cudurka coronavirus, islamarkiina waxaa billowday howlaha gurmadka. Dr li wuxuu sheegay in marar badan laga baaray cudurka Cornovirus balse baaritaannada lagu sameeyey oo dhan looga waayay cudurka. Dr Li Wenliang waxaa lagu eedeeyey inuu war xan ah uu baahiyey 30-kii bishii January wuxuu mar kale baahiyey farriin: “Baaritaan kale oo lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday inuu cudurkii uu markii ugu horreysay ka digayay haleeyay, kaddibna sidaa ayaa dawo loogu billaabay.” Farrinta ugu dambeysay ee uu baahiyeyna kumannaan dad ah ayaa ka tala dhiibtay iyada oo dad badanna ay taageero u muujiyeen. Qaran News
-
Haweenay lagu eedeeyay inay aflagaadeysay diinta Islaamka Mila waxay Islamka ku cambaareysay qoraal ay soo dhigtay barta Instagram Gabadh da’yar ayaa dood kulul ka dhex dhalisay dalka faransiiska iyada oo lagu eedeeyay in ay aflagaadeysay diinta Islamka. Gabadhan ayaa barteeda Instagram ku soo qortay in Islaamku yahay”Diin naceyb “. Mila, oo 16 jir ah, ayaa qoraalkeeda soo dhigtay baraha Internet-ka ka dib markii qof Muslim ah uu fikir uu ku dhaliilayo dadka isku jinsiga ah ee is guursada uu bixiyay. Gabadhan ayaa qoraalkasi ka dib waxaa loo jeediyay hanjabaado islamarkana tan iyo xilligaasi ma aysan aadin iskuulka. Balse Mila ayaa diiday in ay ka noqoto mowqifkeeda. Waxaa qoraalkaasi ka dib hawada laga saaray cinwaankii ay ku lahayd Instagram-ka. Qoraalka gabadhan ayaa waxaa uu dalka Faransiiska ka dhaliyay dood ku saabsan xorriyatul qowlka. Dalka Faransiiska ma laha sharci lagu ciqaabo qofka diimaha wax ka sheega islamarkana dastuurkooda waa mid ku dhisan cilmaaniyadda . Booliiska Faransiiska ayaa markii hore furay labo baaritaan oo arrintan ku aadan. Baaritaanka kowaad ayaa ahaa mid lagu baarayay in Mila ay gashay dambi ah naceyb, waxaana baaritaanka labaad uu ahaa dadka iyaga weerarka afka ah ugu geysteen dhanka baraha bulshada. Boliiska Faransiiska ayaa waxa ay imika meesha ka saareen baartitaanka kowaad oo waxay sheegeen in ay Mila cabiraysay fikirkeeda ku aadan Diinta Islamarka aysana shaqsiyaad bartilmaameedsan. Talaadadii ayaa wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, Christophe Castaner waxaa uu baarlamanka dalkasi u sheegay in Mila iyo qoyskeeda ay ilaalinayaan booliiska. Maxay tiri Mila? Xilli ay wareysi siinaysay telefishinka TMC, ayay Mila waxay ka raaligalsay aflagaadada dadka diintooda “si nabad ah ugu dhaqma”. Balse waxay dhanka kale difaacday hadalkeeda “Kama shalaaysani waxa aan iri, waxa ay ahayd fikirkeyga,” ayay u sheegtay qofkii wareysanayay. Siduu murankan ku soo billaabmay? Murankan ayaa billaabmay 18 January, ka dib markii Mila ay muuqaal dhigtay barta Instagram kaasi oo ay kaga hadlaysay jinsiyadeeda. Balse qof Muslim ah oo ka soo dhiibanayay fikirkiisa ayaa Mili ku tilmaamay “in dadka isku jinsiga ah ee is guursada ay yihiin wasakh “. Mila oo arrintan ka jawaabaysa ayaa weerar afka ah ku qaaday Islaamka iyo Kitaabka quraanka “waxaan nacay diinta, quraanka waa diin naceyb,” ayay ku tiri qoraalkeeda. Balse qoraalkan ayaa waxaa ka carooday dad badan oo sheegay in ay aflagaadaysay Islaamka, waxaa sidoo kale gabadhan loo jeediyay hanjabaado ah in la dilayo. Qaran News
-
Marwo koobaad oo loo haysto dilka xaaskii hore ee seygeeda Maesiah Thabane iyo seygeeda Thomas Thabane Marwada koobaad ee dalka Lesotho ayaa loo haystaa dilka xaaskii hore ee ra’iisal wasaaraha waddankaasi Thomas Thabane. Booliska dalkaasi ayaa xaqiijiyay in marwadaasi maanta oo Arbaco ah la soo taagi doono maxkamadda sare ee Lesotho. Haweeneydan oo muddo bil ah dhuumaalaysi ku jirtay ayaa isu soo dhiibtay booliska caasimadda Maseru si ay su’aallo u weydiiyaan. Marwada koobaad oo lagu magacaabo Maesiah Thabane ayaa xalay ku bariday xabsiga, kadib markii shalay oo dhan su’aalo la weydiinayay dilka xaaskii hore ee seygeeda ahna ra’iisal wasaaraha Lesotho. Taliyaha booliska ee dalkaasi Holomo Molibeli ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Mrs Thabane maanta la horgeyn doono maxkamada sare iyadoo si rasmi ah loogu soo oogi doono dilkaasi dhacay 2017. Lipolelo Thabane oo ay si adag isu hayeen seygeedii hore Thomas Thabane ayaa lagu toogtay meel u dhaw gurigeeda oo ku yaalla afaafka hore ee caasimadda, laba maalin uun ka hor inta aan ra’iisal wasaaraha xilka loo dhaarin. Wararka ku aaddan ku lug lahaanshaha marwada koobaad ee dilkaasi ayaa waxaa aad uga hadlay warbaahinta Lesotho, waxaana ay arinta sii adkaatay markii ay haweeneydaasi ka baxsatay dalka. Dilkaasi ayaa sidoo kale waxbadan u dhimay sumcadda ra’iisal wasaaraha. Ma cadda in marwada koobaad ay maxkamadda ka codsan doonto in damaanad lagu sii daayo, balse booliska ayaa sheegay inay maxkamadda ka codsan doonaan in aan la sii deyn. Qaran News
-
Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug waxaa kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor iyo saraakiisha Ciidamada ee ku sugan degaanada maamulkaas. Arrimaha looga hadlayay Kulank waxaa kamid ahaa in la dardar geliyo howlaha Sugidda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug. Madaxweyne Kaariye waxa uu saraakiisha iyo ciidamada ku bogaadiyay kaalintii ay ka qaateen Xasilinta Amniga degaanada Galmudug gaar ahaan waqtii lagu guda jiray Doorashada. Sidoo kale saraakiisha Ciidamada ku sugan Magaalada Dhuusamareeb waxa uu ka dalbaday in ay si midaysan ula shaqeeyaan maamulka cusub ee Galmudug. Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor waxa uu ballanqaaday in uu muhiimad weyn siinayo Ciidamada Ammaanka, waxaana uu sheegay in qorshihiisa ay kamid yihiin sidii Al-Shabaab ay uga qabsan lahaayeen deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo saraakiil ciidan kula kulmay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa mar kale ka hadashay xiisadda kala dhaxeysa isbitalka Yardimeli ee Turkish-ka ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho. Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay inay laba goor warqad u qoreen isbitalka, oo ku saabsan inay caddeeyaan sharciyadda dalka ay ku joogaan, balse aysan weli ka heli wax sharci ah, islamarkaana aysan ka daba hari doonin. “Wasaaradda ayaa dowladda mas’uul uga ah arrimaha caafimaadka, waxaana naga go’an inaan dabagalno, sharciyadda ay dalka ku joogaan,” ayey tiri Fowsiya Abiikar Nuur. Hadalka wasiirka maanta kasoo baxay ayaa daba socda qoraal ay wasaaradda soo saartay labadii bishan oo lagu yiri “Cid kasta oo aan u haysan ogolaansho shaqo iskama bixin karto adeegyada caafimaadka si iskeed ah, mana jirto qolo gaar ah oo wakiil kaga noqon karta Wasaaradda Caafimaadka qorsheynta iyo fulinta adeeg bixinta caafimaadka iyo daryeelka bukaanka Soomaliyeed.” Xiisadda isbitalka iyo wasaaradda ayaa salka ku haysa dhulka laga dhisay isbitalka Yardimeli oo dowladda ay ku dooday inuu yahay dhul dowladeed, balse ay hay’adda Yardimeli ku ganacsaneyso ayada oo aan lacag ka bixin. Dhinaca kale, Yardimeli ayaa ku doodaya in dhulka isbitalka oo ku yaalla degmada Xamar Jabab, uu ahaa dhul ay siisay dowladda Soomaaliya ee Shariif Sheekh Axmed, sanaddii 2011, islamarkaana ay isbital ka dhiseen, si ay ugu faa’iideeyaan shacabka Soomaaliyeed. Xog dheeri ah oo ku saabsan sida ay kusoo billaabtay xiisaddan, halkan ka akhriso.
-
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegaya in ay xalay la wareegeen degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo kadib uu shalay halkaas safar gaabanku tegay wasiirka Amniga dowlad goboleedka Jubaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur Janan. Wararku waxay sheegayaan in sidoo kale dowladdu ay maanta ciidamo horleh oo ka tirsan Booliiska geynayso degmadaasi Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo si ay ugu xoojiso Ciidamadii horay u joogay. Ciidamada dowladda oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa sidoo kale la wareegay degmada Doolow oo ay horay u joogeen Ciidamo taabacsan Wasiirka Amniga Jubbaland. Wasiirka Amniga Jubaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur Janan ayaa isla shalay ka baxay degmada Beled Xaawo xilli ay dowladda Federaalku doonayso in mar kale gacanta lagu soo dhigay kadib markii uu ka baxsaday 28-kii bishii hore ee January. Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday in la soo qabto wasiir Janan waxaana ay sheegeen in ay arrinkaas xiriir kala sameysay Hay’adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERPOL si sharciga loo horkeeno Wasiirka oo ay ku eedeeyeen denbiyo culus. Dhinaca kale dowladda Federaalka ayaa ciidamo ku daabulaysa degmooyinka kala duwan ee ka tirsan gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubaland taasi oo dowlad goboleedka Jubaland ay walaac ka muujisay. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Federaalka oo la wareegay Beled Xaawo iyo Doolow appeared first on Puntland Post.
-
Beled Xaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo heer federaal ah ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmooyinka Beledxaawo iyo Doolow ee gobolkaas. Ciidamada federaalka ayaa la wareegay Doolow galabta, halka Beled-Xaawo ay la wareegeen caawa, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda. Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku haya caawa garoonka diyaarada Doolow. Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii tagey ciidamo ku daabuleysay gobolka Gedo, oo qorshuhu ahaa inay si buuxda ula wareegto, taasi oo qeyb ka ah qorshe ballaaran oo ay gacanta ugu wada dhigeyso deegaanada Jubaland. Qabsashada Beled-Xaawo iyo Doolow ayaa macnaheedu yahay in dowladda ay iminka si buuxda gacanta kugu wada hayso dhammaan degmooyinka gobolka Gedo. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo degmada Beled-Xaawo uu maanta gaaray wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, kaasi oo saacado ku sugnaa kadibna u gudbay magaalada Mandhera ee gobolka waqooyi Bari Kenya, halkaasi oo ay ku hayso dowladda Kenya. Booliska Soomaaliya ayaa maanta dalbaday waaran caalami ah oo lagu soo xirayo Cabdirashiid Janan, oo booliska ay sheegeen in 28-kii bishii Janaayo uu ka baxsaday magaalada Muqdisho.
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Dalka dib ugusoo laabtay kadib mudo laba todobaad ah oo uu howlo shaqo u joogay Magaalada Nairobi. Madaxweynuhu [...] Source
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Bar___Qubanah-04022020-sax.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil caawa kooxo hubeysan ay magaalada Muqdisho ugu geysatay nin oday ah oo sida la sheegay ganacsade ahaa. Dilka marxuumkan oo magaciisa lagu soo koobay Hilowle ayaa ka dhacay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, gaar ahaan Suuq-boocle. Dad goobta ka agdhawaa markii uu dilkan dhacayey ayaa Caasimada Online u sheegay in ruuxa la dilay uu ahaa nin oday ah oo suuqa ku iibi jiray Moos, waxaana goobta iskaga baxsaday raggii geystay dilkaas. Goobjoogayaasha ayaa sheegay in dilkas ay geysteen laba dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa bastoolado, markii uu dalku dhacay kadib ayaa lagu kala cararay suuqa. Ciidamo ka tirsan booliska Somaaliya ayaa durba ku baxay goobta uu dilku ka dhacay waxayna gudaha iyo daafaha suuq-boocle ka bilaabeen baaritaano ay ku baacsanayaan dableydii dilkaas geysatay. Ilaa iyo hada lama oga sababta loo dilay maxruumka, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkiisa. Sidoo kale ma jirto cid loo soo qabtay dilka ganacsade Hilowle caawa loogu geystay gudaha suuq-boocle oo ku yaalla degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo labadii todobaad ee u dambaysay safar ku joogay magaalada Nairobi ee caasimadda Waddanka kenya, ayaa Galabta dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso. Madaxweyne Deni ayaa markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso, waxa uu si toos ah ugu gudbay xarunta madaxtooyada, isagoo aan Warbaahinta uga warbixin Safarkiisi magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya. Mudane Deni, oo 22-kii bishii la soo dhaafay ee January ka dhoofay Boosaaso, ayaa mudadii uu safarka ku joogay Nairobi, waxa uu halkaasi kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka iyo Safiirada dalalka qaarkood u jooga waddanka Kenya, kuwaasi oo uu kala soo hadlay Arrima la xiriira Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaanna Puntland. Sidoo kale, wuxuu Nairobi kula soo kulmay qaar kamid ah Siyaasiyiinta miisaanka ku leh Soomaaliya , xubno ka tirsan Baarlamaannada Soomaaliya&Kenya iyo Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalkaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dib ugu laabtay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil caawa ka dhacay degmada Dharkenley ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Toogashadda ayaa si gaar ah kaga dhacday gudaha Suuq-Boocle, sidda ay Shabelle u xaqiijiyeen dadka degaanka. Ninka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Hilowle ayaa la tilmaamay in uu iibin jiray Muuska ama Mooska. Sidda laga soo xigtay goobjoogeyaal, kooxihii dilka geystay ayaa ka cararay meesha ay wax ka dhaceen. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, kuwaas oo howlgallo baaritaano ah ka sameeyey,wallow ilaa iyo hadda asyan jirin cid ay u qabteen dilkaas. View the full article
-
Beijing (SMN) – Safaaradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa ka hadashay xaaladda muwaadiniinta ku nool magaalada Wuhan, halkaasoo uu khatar ku hayo xanuunka dilaaga ah ee Karona. Hoos ka akhriso bayaanka View the full article
-
Addis Ababa (SMN) – Isaga oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen Xildhibaanada Barlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay in ay fashiliyeen Weeraro ay damacsanaayeen Al-Shabaab. “Al Shabaab waxa ay dooneysay in Weeraro la mid ah kuwa Kenya ay ka fuliso Dalka, balse nasiib wanaag, waxaa arrintaasi diiday oo ka hortagay Ciidamada Ammaanka” ayuu yiri. Ra’iisul Wasaaraha oo arrimaha la weydiiyay ay isugu jireen Siyaasadda, ammaanka, iyo doorashooyinka sanadkaan ayaa tusaale usoo qaatay arrinta Argagaxisada gaar ahaan Shabaab. Waxa uu sheegay in diyaar garow xooggan iyo howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay suurtagalisay in laga hortago Weeraradaasi. “Al-shabaab ayaa magac ahaan la sheegay mooyee waxaa jira xoogag badan oo Al-shabaab ka baxsan oo aan aaminsanahay inay doonayaan wiiqidda amniga Itoobiya,” ayuu hadalka ku daray Abiy. Itoobiya waxaa hadda kusoo wajahan doorashooyin sanadkaan 2020, iyada oo Dowladda ay la tacaaleyso wax ka qabashada ammaanka tan iyo markii uu isbadalka ka dhacay dalkaasi View the full article
-
Dad dhaqan oo Dabar go’aaya!. Q1aad. Intuu Aadame jiray ama Dad dunida guudkeeda ku noolaa waxa Dabar go’ay Qoomiyado aad u tiro badan, kuwaas oo iskugu jira qaar illaaha weyn ee macbuudka ahi rogay iyo kuwo qoomiyado kale kusoo duuleen oo ay Dabar gooyeen, Siddoo kale waxa jira Qoomiyado aan la Dabar goyn se la dhaqan gediyey oo doorsoomay, sabab haw noqoto isticmaar ama deegaankii iyo dagalkii ay ku noolaayeen inta lalasoo degey, la badhxay ama lagaga tiro batayba, siddaa awgeedna uu isbadel iyo dhalan rog uu ku yimi, hidihii ay ku dhaqmi jireen, qaabkay u noolaayeen iyo afkii ay ku hadli jireen intaba, aakhirkana ay dhaxalsiiso in uu ka suulo wixii ay lahaayeen ee lagu yaqaanaay oo ay doorsoomaan. Haddaba waxa jirta Qoomiyad aan ciddi kusoo duulin ciddina isticmaarsan, siddoo kale ciddina lasoo degin haddana sii Dabar-go’aaya HIDE, HAYB iyo HADALBA, Bal amuurta Illaahay, qoomiyadaasi iyada oo dhaqan ayey dunida guudkeeda kasii Dabar go’ayaan ama iyaga oo muuqda ayuu magacoodii iyo waxay Qoomiyada ku ahaayeen, ee ay ku caanbaxeen ee ay ku suntanaayeen kuna soocnaayeen uu kasii masaxmayaa, iyaga oo aan dhaadahay oo aan dareen sanayn oo moogan!. Qoomiyadaasi waa Qoomiyada SOOMAALIDA ah, Qoomiyada Soomaalidu waxa ay ka mid tahay qoomiyadaha ugu caansan Afrikaanka, waana Qoomiyad deegaan ahaan u leh inta ugu badan Dhulka kuyaala geeska Afrika siddoo kale waa Qoomiyad ku faaftay dunida dacaladeeda, ilaa dabayaaqadii qarnigii 20aad iyo qarnigan 21aad, Qoomiyada Soomaalida waxa lagu sheegaa inay tahay qoomiyada ugu tirada badan Dadka ka hayaama deegaankooda ee u tahriiba deegaamo iyo Qaaradaha kale ee dunida, haw sabab ahaato nolol raadis iyo nabad raadise. Dadka Soomaalida ahi waxa ay bariga Afrika ku leeyihiin deegaan ama dhulka ugu weyn Afrika ee Qoomiyad kali ahi ku leedahay Afrikaba, waxa jira dalal ay Sooc ku yihiin Dadka Soomaalida ahi oo aanay ciddi ku tarxin oo kaligood leeyihiin, sidda SOOMAALIYA, iyo SOMALILAND , Siddoo kale waxa jira dalal ay lawadaagaan Qoomiyado kale, sidda JABUUTI, ITOOBIYA iyo KIINIYA, tirada Dadka Soomaalida ah ee kunool dunida waxa lagu qiyaasaa inay kor u dhaafayaan 20 malyan oo ruux, waa dad tiro badan dhul baaxad weyn ku fadhiyana leh, Hadaba siddee ayey ku dhacaysaa ama suuragal u tahay in Ummada intaa leeg ee dhaqan inay sii Dabar go’ayaan?. Waxa u sabab ah ama…… Lasoco qaybta danbe. Illeen Magacaa hajiro Waa Ummad yahay Muuqo. Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
Boosaaso (SMN) – Ugu yaraan hal askari ayaa dhintay mid kalena waa dhaawacmay markii dabley ay rasaas ku fureen bartamaha Boosaaso. Kooxdii dilka ka dambeysay ayaa la sheegay in ay baxsadeen. Askarta dilka iyo dhaawaca loo geystay ayaa la shaqeynayey Waaxda canshuuraha berriga ee wasaaradda maaliyada Puntland. Ma jirto wax war ah oo laamaha ammnigu ay ka soo saareen toogashadda. Sidoo kale, ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda falkaan oo aan ahayn midkii ugu horeeyay oo noociisa oo ka dhaca xarunta gobolka Bari. View the full article
-
Wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya toogasho maanta ka dhacday gudaha magaalada Bosaso ee gobalka Bari ee , waxaana ku dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay ciidamada ammaanka Puntland. Sida uu Goobjoog Newsu sheegay qof goob joog ahaa kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa si gaadmo ah ugu toogtay askarta duhurnimadii bartamaha magaalada xili ay wadeen howlgallo Miino baaris ah. Inta la xaqiijiyey toogashada waxaa ku geeriyooday hal askari oo ka tirsanaa ciidamada Miino barista halka mid kale uu soo gaaray dhaawac kas oo lagu dabiibayo Isbitaalka. Kooxihii dlka iyo dhaawaca u geystay geystay ciidamada miino barista ayaa goobta iskaga baxsaday, ka hor inta aysan ciidamada ammaanka soo gaarin. Ciidamada ammanka dowlad gobaleedka Puntland oo goobta soo gaaray ayaa waxaa ayaa goobta ka qaaday Meydkii iyo dhaawacii askarta, waxaana ay goobta ka sameeyeen baaritaan lagu baadi doonaayo kooxii dilka geystay. Magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa modooyinkii ugu dambeeyey ku soo badanaayey tooshada loo geysanaayo ciidamada iyo dadka kalaba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kooxo ku hubeysnaa Baslootado ayaa goor dhow nin ganacsada ah ku dilay degmada Dharkenley ee gobalka Banaadir. Dilka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Suuq Boocle, waxaana la sheegay in ninka la dilay uu wax ii bin jiray suuqa, waxaana uu ka mid ahaa ganacsatada iibsha Muuska, Marxuumka lagu dilay degmada Dharkenley ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Hilowle sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, kooxii dilka geystay ayaa goobta iskaga baxsaday. Ciidamada dowladda federaalka oo goobta soo gaaray ayaa bilaabay baaritaan lagu baadi goobayo kooxihii dilka geystay, lamaha sheegin cid wali loo qabtay dilkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
