-
Content Count
214,299 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Turkey is building on its already-strong relationship with Somalia as it accepts an invitation to explore for oil in its seas. Ankara has spent years building trust in the region as it seeks to increase its influence. Source: Hiiraan Online
-
A Burundian soldier serving under the African Union Mission in Somalia (AMISOM) was killed on Wednesday in a roadside blast in the outskirts of Mogadishu, local media and police said. Source: Hiiraan Online
-
Somalia, UN agencies seek 1.03 bln USD to help 3 mln people
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somalia, the UN and humanitarian agencies on Wednesday launched the 2020 Somalia Humanitarian Response Plan (HRP), seeking 1.03 billion U.S. dollars to provide life-saving assistance and livelihood support to three million people. Source: Hiiraan Online -
Wadaad ka tirsanaa ISIS oo laga soo saaray hog uu ku dhuumaaleysanayay “Wadaad” 250 kiilo culeyskiisu yahay islamarkaana ka tirsanaa, una fatwoon jirar kooxda ISIS ee dalka Ciraaq ayay ciidamada Ciraaq kasoo saareen hog uu ku dhuumaaleysanayay in muddo ah. imamen Shaifa al-Nima oo wadaadkan lagu magacaabo ayaa lagu eedeynayaa in yahay ninkii ka dambeeyay amar ama fatwada lagu bur-buriyay goobaha taariikhiga ah ee Ciraaq, waxaana sidoo kale lagu eedeynayaa in uu amray in la laayo wadaadada kale ee ka laba-labeeyay ku biiridda ISIS. Wadaadkan ayay ciidamadu kasoo saaree hog uu kaga dhuumaaleysanayay hay`adaha ammaanka oo ku yaal magaalada Mosul. Dhibka jiray ayaa ahaa in wadaadkani eysan ciidamadii soo qabtay ku qaadan waayeen gawaaridii ay wateen, waxaana loogu yeeray wiish iyo gaari weyn oo qaada. Qaran News
-
The submarine cable linking the coast of East Africa has officially landed in La Siesta Beach in Djibouti and the marine installation is underway. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa markii u horeysay ka hadashay xadhig Internet oo magaciisu yahay DARRE oo dowladda Jabuuti shaacisay inay soo marineyso badda Berbera. Somaliland ayaa si cad u sheegtay in dowladda Jabuuti ayna wax xiriir ah kala soo sameyn arrinta Xadhigaasi Internetka ee ay ugu magac dartay DARRE, kaasi oo la marin doona magaalooyinka Berbera, Muqdisho iyo Mombasa. Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland oo arrintaasi wax laga weydiiyay ayaa sheegay in dowladda Jabuuti aysan wax dalab ah oo ku aadan xadhigaasi u soo gudbin, isagoona xusay in ogolaansho la’aan xarigaasi la soo marin doonin badda Berbera. “Dowladda Jabuuti ilaa hadda nagalama soo xiriirin arrinta xadhiga Internetka ee Berbera, hadey dowladda jabuuti naga codsato waxa loo eegi doona xeerka, hadduu ogolaadana markaas baa la siin doona liisan ogolaanshiyo, laakiin ilaa hadda nagamay soo dalban” ayuu yiri Wasiirku. Xukuumada Somaliland ayaa hore u siisay heshiis ogolaanshiyo dhanka xadhkaha Internet-ka ah Shirkada Somcable, midaasi oo loo ogolaaday muddo dhan shan iyo labaatan sanno, oo u ansixiyey Baarlamaanka Somaliland Dowladda Jabuuti ayaa si rasmiya u shaacisay maalintii Isniintii xadhiga Internet-ka ee DARRE, kaasi oo ay Berbera qeyb ka tahay magaalooyinka la soo marinayo xarigaasi Internet. Markabka xadhiga Internet-ka sida ayaa la sheegaya in uu usoo jiheystay badda Berbera, isaga oo aan wax ogolaanshiyo ah ka haysan xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi, midaasi oo xiisad cusub ka dhex abuuri karta Dowladda Jabuuti iyo Somaliland. Wararka qaar ayaa sheegaya in Dowladda Jabuuti ay ogolaanshiyo uga soo qaadatay xadhigaasi in badda Berbera la geeyo dowladda federaalka Soomaaliya, ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo. Somaliland ayaa iyadu ku dooda inay tahay dal madax banaan, inkasta oo ay Beesha caalamka ka haysan aqoonsi buuxa, una arkaan maamul ka tirsan dowladda Soomaaliya, haddana inta badan waxay u dhaqantaa sidii dowlad madax banaan. Xiisad cusub oo ka dhex qarxaysa Somaliland iyo Jabuuti kana qeyb tahay DF
-
Madaxweyne la Siinayo Nus malyuun Dollar & Guri Raaxo markuu xilka dego Bilaha soo socda000 guri waynna loo dhisayo Xildhibaannada ayaa waxa ay soo jeediyeen in Mr Nkurunziza loo doorto xilka “hogaamiyaha ruuxiga” kaddib markii uu shaqada ka tago bisha May Baarlamaanka Burundi ayaa waxa uu u codeeyay in madaxweyne Pierre Nkurunziza la siiyo $530,000 sidoo kalana loo dhiso guri uu ku raaxaysto markii uu xafiiska banneeyo. Sharcigan qabyada ah oo la horgayn doono golaha wasiirrada si ay u ansixiyaan ayaa sidoo kale waxa uu madaxweynaha u ogolaanayaa mushaar uu qaadan doono inta uu nool yahay. Waxaa sidoo kale la soo jeediyay in Mr Nkurunziza loo doorto xilka “hogaamiyaha ruuxiga” markii uu xilka madaxweynenimada banneeyo bisha May. Burundi ayaa 2015-kii waxa ay gashay qalalaase dhinaca dastuurka ah kaddib markii Nkurunziza uu markii saddexaad oo xiriir ah uu u tartamay xilka madaxtinimada. Tallaabadaas ayaa waxa ay dhalisay dibadbaxyo qalalaase wata oo ay ku dhaqaaqeen taageerayaasha mucaaradka taas oo markii iskubadeshay weerraro kacdoon ah. Sanadkii aynu ka soo gudubnay guddi uu leeyahay Qaramada Midoobay ayaa waxa uu dowladda Burundi ku eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo ay ka mid yihiin dil, xarig aan loo meeldayin, jir dil iyo dhibaatayn galmo. Burundi ayaa eedahaasi ku tilmaantay “been”. Sanadkii la soo dhaafay Burundi ayaa waxa ay dalkeeda ka mamnuucday inay ka shaqeyso warbaahinta BBCda, iyadoo ku eedaysay inay soo saartay barnaamij waxyeeleeyay sumcadda dalkaas. Sharcigan cusub oo ay Talaadadii meelmariyeen 98 xildhibaan ayna ka soo horjeesteen laba xildhibaan ayaa waxaa ka faa’iidaya madaxweynayaashii hore ee sida dimuqraadiga ah un lagu soo doortay. “Madaxweyne awoodda kula wareegay codka koox siyaasiyiin ah lalama meel dhigi karo mid si dimuqraadi ah loo soo doortay,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda Aimee-Laurentine Kanyana oo la hadlayay xildhibaannada golaha qaranka, wakaaladda wararka ee AFP ayaa sidaas ku warrantay. Madaxweynaha howlgabka noqda ayaa sidoo kale waxa uu helayaa waxyaabaha la siiyo madaxweyne ku xigeenka todoba sanadood kaddib markii uu xilka banneeyo, inta noloshiisa ka dhimanna waxa uu heli doonaa kharash u dhigma midka uu qaato xildhibaanka, warbixinta ayaa sidaas tilmaantay. Madaxweyne Nkurunziza ayaa Burundi maamulayay tan iyo 2005 Sharcigan qabyada ah ayaanan qeexayn dhaqaalaha ku baxaya iyo baaxadda uu yeelan doono guriga loo dhisayo madaxweynaha. Diblumaasi saldhiggiisu yahay waddanka Burundi ayaa waxa uu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in qorshuhu uu yahay mid layaab leh hasayeeshee uu sidoo kale yahay tallaabo wanaagsan, sababtoo ah waxa uu tilmaamayaa in Madaxweyne Nkurunziza uusan tartami doonin doorashada 20-ka May. Dastuur cusub oo la meelmariyay 2018-kii kaddib afti la qaaday ayaa waxa uu u ogaalanayay inuu awoodda sii hayn karo ilaa 2034. Qorshahan dhaqaalaha badan uu ku baxaayo ayaa sikasta oo uu xaal ahaadaba waxa uu ka hor imanayaa heerka nololeed ee inta badan dadka Burundi, halkaas oo in ka badan 65% dadka ay ku nool yihiin saboolnimo, halka kala bar dadkeeda 10-ka milyan ahna aanay haysan cunno ku filan, sida ay sheegayso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada adduunka ee WFP. Mr Nkurunziza ayaa ah Hutu hore u soo hogaamiyay fallaago, waxa uunna noqday madaxweynihii labaad ee Burundi lagu soo doorto qaab dimuqraadi ah. Waxaa la doortay 2005-tii kaddib markii uu dhammaaday dagaalkii sokeeye. Qaran News
-
Qaran News
-
Hoggaanka sare ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (ONLF), ayaa shaaciyay in ay si rasmiya ugu biireen, Isbahaysi ku dhisan Nidaamka Qowmiyadaha badan oo looga dhawaaqay dalka Ethiopia Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Mahdi Maadeey, ayaa saxiixa ku duugay ku biirista Isbahaysiga oo la magac baxay Alliance Multination Democractic Federalism (AMDF) Isbahaysigan noocan u dhisan, oo ah kii ugu horeeyay ee ka hirgala waddanka Ethiopia, waxaa ku bahoobay, ururro badan oo aaminsan nidaamka Federaalka, Xoriyada, Sinaanta, Cadaalada iyo hirgelinta Dimuqraadiyada, waxaana Arbacadii shalay lagu as’aasay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalkaasi. Ururada ku midaysan Isbahaysigan cusub, oo dhammaantood aaminsan Aayo ka tashiga dadkooda, ayaa qaarkood halgan hubaysan u soo galeen sidii ay Qowmiyadahooda uga dul qaadi lahaayeen dhibaatooyinkii ay u gaysteen dowladihii soo maray Ethiopia. Isbahaysigan Alliance Multination Democractic Federalism (AMDF), ayaa lagu tilmaamay in uu noqon doono midka ugu balaarran ee kulmiyay ururada Qowmiyadaha ku dhisan ee Ethiopia, kuwaasi u taagan hirgelinta Nidaamka Federaalism-ka iyo Dimuqraadiyada dalkaasi. PUNTLAND POST The post Jabhadda ONLF oo ku biirtay Isbahaysi ballaaran oo looga dhawaaqay Ethiopia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan dhaxmaray guddoomiyaasha labada gole ee baarlamanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa looga heshiiyay arrin oo ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in kulankaan oo ka dhacay guriga guddoomiye Mursal looga hadlay sharciga dooashooyinka Soomaaliya ee dhawaan ka soo gudbay islamarkaana hada horyaala Golaha Aqalka Sare. Mursal iyo Cabdi Xaashi, ayaa ku heshiiyay in aan la xirin Kalfadhiga labada Gole ee baarlamaanka ilaa madaxweynaha ka saxiixo Sharciga doorashooyinka Qaranka, kaas oo la filayo in ka hor 10-ka bisha Febaraayo ay meel mariyaan Aqalka Sare. Guddoomiye Musal ayaa Cabdi Xaashi u sheegay in sharcigaan oo ay diidan tahay madaxtooyada ay soo ansixiyeen Golaha Shacabka haddana ay doonayaan in aan Kalfadhigaan la xiran ilaa madaxweynaha ka saxiixo maadaama uusan raali ka aheyn, ayna waajib tahay in lala ogaado ka hor inta uusan kulanka xirmin. Cabdi Xaashi ayaa sheegay in guddi ay u saareen sharcigaan islamarkaana ay dhawaan ansixin doonaan islamarkaana uu raali ku yahay in uusan kalfadhiga xirmin ilaa dalka uu ka yeesho sharci doorasho. Sida caadiga kalfadhiga labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qorshuhu ahaa in la xiro 10-ka bisha Febaraayo, waxaase la filayaa in uu dhaafi doono, hadii aysan isbadalin xaaladda ku saabsan doorashooyinka qaranka.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa ku baaqay in la joojiyo, dhammaan hawlaha doorashada ee ka socda magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana dadka reer Galmudug ay isu’gu yimaadan gobol dib u-heshiisiineed, si loo dhammeeyo khilaafka dhexdooda ah. Madaxweyne Xaaf, ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya, ay fara-gelin qaawan ku hayso dowlad goboleedka Galmudug, taasi oo sida uu sheegay keentay qeyb-sanaanta bulsho iyo tan maamul ee uu wajahayo maamulkaasi. Sidoo kale, Xaaf ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay, in ay musuq maasuqday liiska saxda ah ee odayaasha dhaqanka Galmudug, kuwaasi oo ay qaarkood meesha ka saartay, si ay u soo xulato xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Galmudug. Mudane Xaaf, ayaa tilmaamay in qaar kamid ah xildhibaannada ay soo xulatay Villa Somalia, ay yihiin dareewaliintii iyo ilaaladii gaarka ahayd ee madaxda sare dowladda Federaalka, loona diyaariyay in ay madaxweynaha Galmudug u doortaan wasiir ka tirsanaa xukuumadda Khayre oo hadda u taagan doorashada madaxtinimada Galmudug. Dhinaca kale, wuxuu soo dhaweeyay culimaa’uddiinka Ahlusunna iyo musharrixiinta qaarkood oo qaaddacay doorashada madaxtinimada Galmudug, kadib markii ay sheegeen in Villa Somalia afduubtay hawlihii doorashadaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xaaf oo ku baaqay in la joojiyo hawlaha doorashada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa loo magacaabay booskii la sheegay inuu iska casilay Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade). Danjire Cabdiraxmaan Guulwade ayey dowladdu sheegtay inuu iska casilay xubinihi Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland. Danjiraha ayaa qiil u sameeyay hawlgalkii Ciidamada Militariga Somaliya ee Gobolada Waqooyi (Somaliland), sanadkii 1988-kii. Cali Axmed Jaamac (Jangeli), Afhayeenka Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa sheegay inay ka xun yihiin hadalka ka soo yeeray Danjire Guulwade, isla-markaana uu yahay mid isaga uun ku kooban. Afhayeenka oo u waramay Laanta afka Somaliga ee BBC ayaa sheegay in Danjire Guulwade uu warqadda istiqaalada soo gudbiyay 8-dii bishan, lagana aqbalay 9-kii bishan. “Guddiga Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadaxaajoodka Dowladda Federaalka iyo Somaliland, xubin ka tirsanaa wuxuu istiqaaladiisa dhiibay bisha 8-deedii, waxaana laga ogolaaday bisha 9-keedii, wuxuuna sheegtay daruufo gaar ah.” Ayuu yiri Afhayeenka. Jangeli ayaa tibaaxay inaanu Danjire Guulwade ka tirsanayn Guddiga Wadahadalada, markii uu jeedinaayay hadalkiisan uu ku sheegay inay sax ahayd duulaankii Dowladdii Dhexe ee Gobolada Waqooyi, isagoo intaa ku daray in booskiisii toddobaad ka hor loo soo magacaabay Xildhibaan Dalxa. “Guddiga xubin kama aanu ahayn markii uu hadalkan jeedinaayay, waxaana bedelkiisii la magacaabay toddobaad horteed. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa lagu soo bedelay.” Ayuu yiri Jangeli. War qoraal oo ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in hadalka Danjire Guulwade uu dhaawacayo wadahadalada haatan loogu gogol xaarayo in la isugu soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay, dibna loogu yegleelayo dowladnimo Soomaaliyeed oo loo dhan yahay.
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa xalay shir guddoomiyay kulan ku saabsanaa Amniga Muqdisho oo lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir. Kulanka oo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiinta degmooyinka gobolka Banaadir iyo agaasimayaasha waaxyaha ayaa lagu soo bandhigay barnaamijka la magic baxay Bulsho Bile oo ah barnaamij cusub oo loogu tala galay is dhex galka bulshada, nabadda iyo dhiira gelinta hal abuurka.. Waxaa kaloo shirka looga hadlay dardargelinta amniga magaalada Muqdisho iyo nadaafadda xaafadaha kala duwan oo muddooyinkii u dambeeyay Maamulka gobolka Banaadir oo xoogga saarayey . Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa sidoo kale warbixino ka dhegaystay mas’uuliyiinta maamulka degmooyinka isagoo kula dardaarmay inay dardargeliyana ka shaqeynta horumarinta iyo Amniga Muqdisho. PUNTLAND POST The post Cumar Finish oo shir-guddoomiyay kulanka Amniga Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Galmudug ayaa qaaday dhabo uu maamulkaasi ku yeelan karo saddex maamul, ka dib khilaaf ba’an oo hareeyay habsami socodka dhismaha Galmudug-ta cusub. Caqabadaha wiiqay hannaanka ay tahay in loo maro dhismaha Galmudug loo dhan yahay ayaa ka yimid dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, ka dib markii ay muujisay sida aanay dhexdhexaad uga ahayn doorashadaasi. Xilli khilaafka uu ahaa mid muddooyinkii ugu dambeysay soo jiitamaayay, balse markii dambe loo arkaayay mid u muuqday in wa-xoogaa horumar ah laga gaaray ayaa waxaa markeliya dhegaha dadka soo gaaray dhawaaq xoogan, oo ka soo yeeray Madaxweynaha weli talada Galmudug haya, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf). Madaxweyne Xaaf oo bilowgii bishan gaaray Magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay inuu Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya dib ugala soo noqday walaayadii uu ugu wakiishay dhismaha maamulkan, ka dib markii uu ka horyimid dhabaha ay dowladda u mareyso dhismaha maamulkaasi. Madaxweynuhu wuxuu xilligaa ka digay maamul gacan ku rimis uu ku sheegay inay dowladdu la dooneyso dadka reer Galmudug, haddii aanay hadda dadku hadalkiisa rumeysana ay maalmaha dhow aqbali doonaan, tiiyoo aad mooddo inay soo ifbaxday. Xaaf waxa uu markaasi uu dadka reer Galmudug ugu yeeray inay Gaalkacyo isugu yimaadaan shir lagu soo dhisayo Galmudug loo dhan yahay, guddigii uu magacaabayna waxayba soo xuleen Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad, sidoo kalena waxay soo saareen jadwal doorasho. Saamileydii kale ee siyaasadda Galmudug ee ay dowladdu ku yab yabeysay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay qaadaceen sida ay arrimuhu ku socdaan, oo ay ku macneeyeen afduub doorasho. Ahlu Sunada Gobolada Dhexe oo muhiim u ahayd maamulka la doonayo in lagu dhiso Magaalada Dhuusamareeb ayaa qaadacday Doorashada Xafiiska Madaxtooyada, haddii ay dowladdu sad-bursi sameysay, ayna kala qaybsamayn Guddigii Doorashada Madaxtooyada, waxay sidoo kale soo saartay jadwalka doorashada ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug. Afar ka mida musharaxiinta u taagan jegada Madaxweynaha Galmudug ayaa waxay xalay sheegeen inaanay suurtagal ahayn in laga qaybgalo doorasho, uu kala qaybsan yahay guddigii garwadeenka ka noqon lahaa. Musharaxiinta waxay ku baaqeen in Guddoonka Baarlamaanka Galmudug uu xal u raadiyo kala qaybsanaanta ku yimid guddiga, hase ahaatee ma jirin cid warkooda wax ka soo qaaday. Maxamed Nuur Gacal, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo wax laga weydiiyay cabashada ay musharaxiinta qaarkood ka keynayn kala qaybsanaanta Guddiga Doorashada Madaxtooyada ayaa si aan laga fiirsan u sheegay inaanay musharaxiintaasi buuxin shuruudihii laga doonaayay. “Sharci ahaan marka la fiiriyo musharaxu marka uu is diiwaangeliyo, shuruudaha laga rabo uu biixyio, shahaadadana uu qaato ayuu musharax rasmi ah noqonayaa. Marka dad badan oo hadda hawo iyo hami ku jiraa jira, oo yiraahdeen waxaan rabnaa inaan u tartano Madaxtinimada Dowlad Goboleedka Galmudug, laakiin weli shuruudihii ma soo dhameystirin. Dadka qaar intii habraacii iyo nidaamkii aysan dhameystirin ayay dhexda ka laabtaan, ayagoo doorashada ama ka baqa ama laga yaabo inay buuxin waayaan shuruudihii laga rabay. Warkoodu sharci ahaan markaan u fiirino macno maka samaynayo maamul u samaynta Galmudug.” Ayuu yiri Gacal. Wararka ayaa sheegaya in musharaxiinta ay ka caroodeen hadalka ka soo yeeray Gudoomiye Gacal, waxayna markale ay caawa Magaalada Dhuusamareeb kulan kula leeyihiin Hoggaanka Sare ee Ahlu Sunada Galmudug. Wakiilada Xisbiyada KMG ee dalka ka dhisan iyo musharaxiinta ayaa waxaa la aaminsan yahay inay isbaheysi wadaag la yihiin Ahlu Sunna, isla-markaana ay u badan tahay inay taageeraan jadwalka doorasho, ee ay soo saartay Ahlu Sunna, haddii aan la xalin tabashooyinka jira. Dowladda Federaalka oo garab ah iyo saamileyda siyaasadda Galmudug oo dhinaca kale ah ayaa ku kala fogaaday dhismaha maamulka, ay tahay inuu noqdo mid ay raali ka yihiin dadka deegaanka. Saamileyda Galmudug isuma diidana inay dowladdu dayacday kaalinteedii ahayd inay doorashadu dhexdhexaad ka noqoto, inkastoo saamileyda ku kala sugan Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ay oogayaan laba maamul, oo ka dhanka ah midka ay dowladdu ka waddo Xarunta Gobolka Galgaduud. Dadka reer Galmudug iyo beesha caalamkaba oo doorkoodu uu ku soo uruuray inay indhaha uun ka daawadan waxa ka socdo Dhuusamareeb ayaan dhanka kale la dhacsanayn kala qaybsanaanta ka dhashay dhismaha Galmudug, oo sababteeda ay leedahay Dowladda Federaalka. Iskusoo wada-duuboo xaalka Galmudug oo mid Allow sahal ah ayay dadka qaarkii ka walaacsan yihiin in gacan ka hadal uu ka dhasho doorashada la isku diidan yahay, bacdamaa aanay muuqan dadaalo looga baaqsan karo, loogana gudbi karo khilaafkan taagan.
-
Taliyaha Ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa gaaray Saldhigga Balidoogle oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Kumaandooska DANAB. Taliyaha wuxuu Kulamo la qaatay saraakiisha iyo Ciidamada waxaana uu bogaadiyay askarta iyo Saraakiisha Kumaandooska ee ka hawlgala Ballidoogle isagoo ku boorriyay in ay soo xoojiyaan hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab. Sidoo kale, Taliyaha ayaa halkaas kulamo kula qaatay Howlgalada Mareeykanka iyo Amisom kuwaasi oo looga hadlay sidii loo dardargalinlahaa dagaalka ku jihaysan Al-shabab Jeneraal Odawaa ayaa wuxuu kormeer ku sameeyay dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay xerada Balidoogle oo ah taliska guutada 16-aad ee kumaandooska. PUNTLAND POST The post GEN Odowaa oo la shiray saraakiisha Maraykanka ee Ballidoogle appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dowladda Soomaaliya ay Amaal Nuur Cusmaan oo ah gabar qoyskeeda ka maqneyd mudo laba bilood ay ku wareejisay dowladda Denmark, kadib markii maalin ka hor Taliska boolisku shaaciyey inay gacanta ku hayaan gabadhaas. Gabadhan ayaa la sheegay in galabkii Arbacada laga dhoofiyey garoonka Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay dowladdu ku wareejisay xubno ka socday safaaradda dowladda Denmark u qaabilsan Soomaaliya, taas oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Amran Xalane oo ah hooyada dhashay Amaal Nuur ayaa sheegtay in aysan garaneyn meel la geeyey gabadheedii dowladuna aysan weli la kulansiin, ayada oo ogeynna loo gacan geliyey dad kale. Hooyo Amran waxay sheegtay in xalay ay la xariirtay Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdinuur oo isagu kala shaqeynayey baadi goobka gabadheeda, iyadoo ka duulaysa hadalkii taliyaha booliska oo ay sheegtay inuu farxad geliyey. Hooyo Amran ayaa sheegtay inuu Cabdinuur ku balamiyey guri uu ka deganyahay Muqdisho, markii ay u tageena uu ku wargeliyey in gabadheedii loo dhoofiyey dalka Denmark oo ay iyadu dalbatay dhalasho labaadna ay ka heysatay. Sidoo kale hooyo Amran ayaa sheegtay inay la xiriirtey xubno ka tirsan qoyskeeda oo degan Denmark, kuwaas oo u cadeeyey in gabadha aan la geyn dalkaas. Gabadhan ayey hooyadeed dalka dibadiisa uga soo celisay dhaqan celin, iyadoo waayihii bambe kula nooleyd caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxayna arintan noqonaysaa kiiskii labaad oo dowladda Soomaaliya ay dal kale ugu dhiibtay qof Soomaali ah, kadib dhiibistii Qalbi-Dhagax oo arintiisu ay soo cusboonaatay waayahaan dambe. Talaabadan ayaa u muuqanaysa mid lagu daboolayo eedihii ay hooyo Amran todobaadkii hore warbaahinta u marisay ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya oo ay sheegtay inay afdoob u heystaan gabadheeda madax furashana weydiisteen. Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa noo sheegay in Amaal Nuur ay aheyd qof qaan gaar ah oo go’aan ka gaari karta masiirkeeda, isla markaana ay diiday in lala kulansiiyo hooyadeed, taas oo sababtay in la fuliyo dalkeeda iyo mid dowladda uga yimid safaaradda Denmark u qaabilsan Soomaaliya. Taliyaha Booliiska Soomaaliya ayaa maalin ka hor warbaahinta dowladda u sheegay inay gacan amaan ah ku jiro gabadhaas labada bilood ka maqneed qoyskeeda, isagoo sheegay inay tahay qof qaan gaar ah da’deedana ku sheegay 18-sano jir, halka hooyadeed ay sheegtay in aysan qaan gaarin, taas oo uu ku beeniyey taliyihu. Qoyska Amaal oo ay ugu horeyso hooyadeed Amran ayey amakaag ku noqotay in gabadhoodii dalka laga dhoofiyo xataa iyadoo aan lala kulansiin, kadib laba bilood oo ay raadinayeen.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar-Qumanha-Wararka-22012020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dab xoog leh ayaa caawa qabsaday qeyb ka mid ah dhismaha xarunta hey’adda dembi baarista booliska Soomaaliya ee CID-da. Dabkan oo aan weli la garan sababta uu ku yimid ayaa gabi ahaanba burburiyey qeybta sawirada looga qaado dadka loogu adeego xaruntaas iyo maqaaxi ku dhex taalay dhismaha xarunta. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen shaqaale ka tirsan xarunta dembi baarista booliska Soomaaliyeed ee CID, waxaa gabi ahaanba bas beelay labadii dhisme ee Photada iyo maqaaxidii ku dhex yaalay xarunta, kadib markii la waayey meel loo marsiiyo gaadiidka deb-damiska . Waxaa caawa xiran wadada hor marta xarunta CID-da, wixii ka dambeeyey markii uu bilaawday dabkaas qabsaday qeybo ka tirsan dhismaha xarunta. Gaadiidka isticmaaliya wadada hal bowlaha ah ee Maka Al-mukarama ayaa loo diidayaa inay maraan wadada hor marta xarunta CID-da, iyadoo laga lee xinayo KM4, waxaana aagga xarunta la dhigay ciidamo badan oo boolis ah. Dad ka agdhaw goobta ay ku taallo xarunta dembi barista booliska ee CID-da ayaa Caasimada Online u sheegay in uu weli gudaha xarunta ka baxayo dab xoog leh, isla markaana ay demintiisa ku howlanyihiin gaadiidka deb-damiska ee maamulka gobolka Banaadir. Taliska ciidanka booliska Soomaaliya oo ay hoos tagto xaruntan ayaan weli ka hadlin arintan, waxaana jira shaki badan oo durba laga muujinayo waxa sababay dabkaas. Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay kulan galabta dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabateynta hubka ee saran Soomaaliya. Sida lagu sheegay warka Madaxweyne Farmaajo ayaa guddigan la wadaagay warbixin ku saabsan deegaanada dowladdu ay ka xoreysay Alshabaab, kuwa ay heystaan, qorshaha dib u habeynta ciidamada xoogga dalka iyo la dagaalanka fikirka xagjirnimada. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa guddigan kala hadlay inay dib u eegis ku sameeyaan cunaqabateynta hubka ee saran Soomaaliya, iyadoo lagu jaangoynayo taageerada ay u baahanyihiin ciidamada Soomaaliya, sibaa la yiri loo soo afjaro dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah ee ka socda dalka. Halkan Hoose ka aqriso warka ka soo baxay Villa Somalia Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan deegaannada Dowladdu ay ka xoreysay argagixisada Alshabaab, qorshaha dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka iyo dagaalka lagu dabar-gooynayo fikirka xagjirnimada. Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey guddiga Qaramada Midoobey ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Danjiraha dalka Belgium Mudane Marc Pecsteen in dib u eegid lagu sameeyo nidaamka cunaqabataynta saaran dalkeenna, iyadoo lagu jaan-gooynayo taageerada muhiimka u ah ciidamada Soomaaliyeed, si ay u soo afjaraan dagaalka argagixisada lagaga sifeynayo dalka. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa dul istaagay dadaallada wax-ku-oolka ah ee Dowladdu ay ku mideysay qorshaha wadajirka ah ee dalka lagaga xoreynayo Alshabaab, diyaarinta sharciyada lagu wiiqayo ilaha dhaqaale ee argagixisada iyo dhismaha Xafiisyada Amniga Qaranka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Golaha Ammaanka iyo Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka sida ay uga go’an tahay taageerada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca nabadeynta iyo xasilloonida waarta. DHAMMAAD
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Odayaasha saxiixay qaar kamid ah xildhibaanada Galmudug ayaa ugu goodiyay xildhibaanada Ahlu Sunna ugu jira Baarlamaanka Galmudug in ay badali doonaan haddii ay kusoo xaroon waayaan muddo 12 saacadood ah. Odayaashaan oo kulan ku yeeshay xarunta Gudigga doorashada ee Shiirkole ee Dhuusomareeb ayaa saxaafadda u sheegey in Xildhibaanada Ahlu-Sunna ay ugu baaqayaan soo xaadirida xaruntaasi mudo 12-saac ah gudahood , haddii aysan soo xaadirinna ay ku badi doonaa Xildhibaano kale sida ay hadalka u dhigeen. Sida ay Caasimadda Online ogaatay odayaashaan ayaa wadahaddallo saacado badan qaaatay la yeeshay wasaaradda arrimaha Gudaha oo kulan kaan soo abaabushey, waxayna gunaanadka kulankooda soo saareen baaq ay u direen 20-ka Xildhibaan ee ka soo galay dhanka Ahlu Sunna Waljamaaca. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lacago aan rasmi loo ogaan tiradeeda u qeybisay odayaashaan, wuxuuna qorshahaan mar ku dhawaaday inuu fashilmo markii ay odayaasha sheegeen inay yar tahay lacagta ay wasaaradda bixin rabto, taasoo keentay in ugu dambeyn la isku fahmo tirada lacagta. Arrintaan ayaa u muuqata mid sii xoojin karta Khilaafka Xooggan ee ka jira dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo muddo badan u xayirneyd khilaaf u dhaxeeyo Ahlu Sunna iyo Dowladda Dhexe. Saacado ka hor ayey aheyd markii Xildhibaanada garabka Ahlu Sunna ay soo saareen jadwalka doorasho kale oo ka dhici doonto Dhuusamareeb, waxayna taas muujineysaa heerka ay gaarsiisan tahay xiisadda u dhaxeyso labada garab. Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa inay Galmudug geyso madaxweyne ay iyada wadato si ay uga fushato danaheeda siyaasadeed ee doorashada la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya, waxayna qeyb ka tahay cadaadiska ay ku heyso maamul Goboleedyada dalka.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-22012020.mp3 View the full article
