Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,299
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Boobe Yuusuf Ducaale Oo Si Kulul Uga Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Masuul Ka Tirsanaa Guddi Uu Farmaajo U Magacaabay Wada-hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Boobe Yuusuf Ducaale Oo Si Kulul Uga Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Masuul Ka Tirsanaa Guddi Uu Farmaajo U Magacaabay Wada-hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. (SLT-Jigjiga)-Kadib kulan ka dhacay magaalada Adis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya aya ururka ONLF waxa ay sheegeen in ay si rasmi ah ugu biireen Isbaheysi siyaasadeed oo lagaga dhawaaqay Itoobiya iyaga o ku biiraya Xisbiyada Siyaasadeed eek a jira dalkaas. Isbahaysigan cusub ee uu ku biiray Ururuka ONLF ayaa lagu magacaabaa Alliance Multination Democractic Federalism (AMDF), waana mid ka mid ah ururada taageera Nidaamka qowmiyadaha badan ee Federaalka Dimuqraadiga ah ee dalka Itoobiya. Dhinaca kalana Guddoomiyaha guud ee Ururka ONLF Cabdiraxmaan Sheikh Mahdi Maadeey, ayaa Ururka ONLF u saxiixay ku biirista Isbahaysigaan Siyaasadeed. Guddiga doorashada Dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in 1-dabisha August sanadkan 2020ka ay dalkaas ka dhaceyso doorashada guud,iyada o Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed uu wajahayo tartan culus oo ah kala aragti duwanaanta qowmiyadaha oo kusii fiayo Itoobiya. ONLF oo ku biirtay Isbahaysi cusub oo looga dhawaaqay Caasimada Itoobiya Source
  4. (SLT-Jigjiga)-Kadib kulan ka dhacay magaalada Adis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya aya ururka ONLF waxa ay sheegeen in ay si rasmi ah ugu biireen Isbaheysi siyaasadeed oo lagaga dhawaaqay Itoobiya iyaga o ku biiraya Xisbiyada Siyaasadeed eek a jira dalkaas. Isbahaysigan cusub ee uu ku biiray Ururuka ONLF ayaa lagu magacaabaa Alliance Multination Democractic Federalism (AMDF), waana mid ka mid ah ururada taageera Nidaamka qowmiyadaha badan ee Federaalka Dimuqraadiga ah ee dalka Itoobiya. Dhinaca kalana Guddoomiyaha guud ee Ururka ONLF Cabdiraxmaan Sheikh Mahdi Maadeey, ayaa Ururka ONLF u saxiixay ku biirista Isbahaysigaan Siyaasadeed. Guddiga doorashada Dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in 1-dabisha August sanadkan 2020ka ay dalkaas ka dhaceyso doorashada guud,iyada o Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed uu wajahayo tartan culus oo ah kala aragti duwanaanta qowmiyadaha oo kusii fiayo Itoobiya. ONLF oo ku biirtay Isbahaysi cusub oo looga dhawaaqay Caasimada Itoobiya Source
  5. (SLT-Myanmar)-Maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay, ICJ ayaa Khamiista maanta ah soo saari doonta go’aankeeda ku saabsan xasuuqa loo gaystay muslimiinta Rohingya ee laga tirada badan yahay ee ee ku nool Myanmar. Dacwadda ka dhanka ah Myanmar ayaa waxaa gudbisay Dowladda Gambiya bishii Nofembar ee sanadkii hore iyada oo lagu eedeeyay in Myanmar ay geysatay “xasuuq joogto ah” oo ka dhan ah dadka laga tirada badan yahay ee Muslimiinta Rohingya balse Myanmar ayaa beenisay eedeymahaas. Waa gabood falo bani aadan nimada ka baxsan oo laga fuliyay dalkaasi inkastoo haweenayda madaxwaynaha ka ah dalkaasi ay dafirayso xaqiiqda jirta. Inta badan warbaahinta dalkaasi ayaanan ka hadlayn sida ay u arkaan go’aanka kasoo bixi doono maxkamada iyo sida uu dalkooda u saamayn doono. Source
  6. (SLT-Myanmar)-Maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay, ICJ ayaa Khamiista maanta ah soo saari doonta go’aankeeda ku saabsan xasuuqa loo gaystay muslimiinta Rohingya ee laga tirada badan yahay ee ee ku nool Myanmar. Dacwadda ka dhanka ah Myanmar ayaa waxaa gudbisay Dowladda Gambiya bishii Nofembar ee sanadkii hore iyada oo lagu eedeeyay in Myanmar ay geysatay “xasuuq joogto ah” oo ka dhan ah dadka laga tirada badan yahay ee Muslimiinta Rohingya balse Myanmar ayaa beenisay eedeymahaas. Waa gabood falo bani aadan nimada ka baxsan oo laga fuliyay dalkaasi inkastoo haweenayda madaxwaynaha ka ah dalkaasi ay dafirayso xaqiiqda jirta. Inta badan warbaahinta dalkaasi ayaanan ka hadlayn sida ay u arkaan go’aanka kasoo bixi doono maxkamada iyo sida uu dalkooda u saamayn doono. Source
  7. Dhuusamareeb (SMN) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa kulan la qaatay saraakiil ka socotay ciidamadda AMISOM. Saraakiishaan ayaa maanta oo Khamiis ah socdaal aan lasii shaacin ku tegay magaaladda caasimadda ah ee Dhusamareb. Kulanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saarey ammaanka deegaanada Galmudug gaar ahaan amniga doorashooyinka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka. Dhuusamareeb ayaa lagu waddaa in ay maalmaha soo aadan ay martigeliso doorashooyin xasaasi ah, taasoo loogu coddeynayo hogaanka labaad ee maamulkaas. Hoos ka daawo sawirada kulanka View the full article
  8. (SLT-Hargeysa)-Xukumadda Somaliland oo Si Adag uga Jawaabtay Hadalkii Gen. Guulwade Madaxweynaha Somaliyana Ku Eedaysay In Aanu Daacad Ka Ahayn Wadahadalada U Dhexeeya Somaliland Iyo Soomaaliya, halkan hoose ka DAAWO Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Xukumadda Somaliland oo Si Adag uga Jawaabtay Hadalkii Gen. Guulwade Madaxweynaha Somaliyana Ku Eedaysay In Aanu Daacad Ka Ahayn Wadahadalada U Dhexeeya Somaliland Iyo Soomaaliya, halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa ka warbixiyey kulan uu la yeeshay wafdi caalami ah. Wafdiga ayaa ka socday Hay’adda Cunada Aduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee magaceeda loosoo gaabiyo WFP. Bayle oo qoraal soo saarey ayaa wuxuu ka warbixiyey qodobadda diiradda lagu saarey is-aragaan lagu sheegay mid muhiim ahaa. “Waxaan maanta Xarunta W.Maaliyadda ku kulanay u qeybsanaha Hey’adda Cunada Aduunka ee Soomaaliya (WFP) Mr Cesar Arroyo iyo Wasiirka W.Gargaar ka XFS Xamza Saciid Xamza,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan ka wada hadalnay sidii loo dar-dar galin lahaa howlaha gargaarka ah ee WFP ay ka wado Soomaaliya”. Qaramada Midoobay ayaa kamid ah hay’addaha caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera dhanka dowladnimadda iyo horumarinta dhaqaalaha. View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Guddiga Ku-meel gaarka ah ee Ka Baaraandeggidda Hindise -Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Aqalka Sare -BFS ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Dhinacyadda ayaa laga dhageystay talooyinkooda ku aadan Hinidise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka. Dhanka kale, Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS Mudane Moxamed Mursal Sheikh Cabdiraxamaan ayaa maanta kulan laqaatey UN, Amison iyo Ambassadorada Copenhagen Group. Shirkaan ayaa waxaa loogu hadley Doorashada la filayo in ay ka dhacado Dalka Soomaaliya 2020 -2021 iyo xoojinta wadashaqynta labada dhinac. View the full article
  12. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa Maanta Magaalada dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug kulan kula qaatey Sarakiil ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMSIOM oo halkaas gaaray. Guddoomiyaha iyo Saraakiisha AMISOM ayaa intii uu kulanka socday ka wada hadlay dhawr arrin oo ku saabsan howlaha Doorashada Galmudug oo ka socdo Magaaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas. Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in si wadajir ah looga wada qeyb qaato sugidda Amniga Magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenada Galmudug. Guddoomiye Gacal ayaa Saraakiisha AMISOM uga warbixiyey halka ay mareyso howlaha doorashada madaxweynaha Galmudug iyo khilaafka cusub ee soo kala dhex galay Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay taliska qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka, wuxuuna kulankaan kusoo aadayaa xilli uu meel sare gaaray khilaafka Ahlu Sunna iyo Dowladda Dhexe oo isku heysta cidda noqoneyso hoggaanka guddiga Doorashada. Warar aan la hubin oo la isla dhex marayo ayaa sheegaya in Magaalada Dhuusamareeb uu kusoo wajahan yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf
  13. Bilowgii hore ee Abaabulka Doorashada Galmudug Xukuumada Federaalku haku saxsanaato ama ha ku qaldanaatee waxay Heshiisyo isdaba socda oo midna goonidiisa ah oo ayvisla markaasc [...] Source
  14. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-23012020.mp3 View the full article
  15. Fadhigii 53aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa ay maanta ansixiyeen qabyo qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda carruurta, sidoo kale waxa uu goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska. Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ku ansixiyey qabyo qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda carruurta, xeerkaas oo lagu dabaqi doono illaalinta xuquuqda carruurta, waxa kale oo goluhu dood ka yeesheen qabyo qoraalka xeerka maalgashiga qaranka. Sidoo kale wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa golaha warbixin ka siiyey waxbarashada dadka baahiyaha gaarka ah, isagoo xusay doorka wasaaradda ee dadkaas, waxaana golaha wasiiradu go’aamiyeen in mudnaan gaara la siiyo. Ugu danbayn waxa goluhu dood iyo falaqayn ka yeesheen xaaladda guud ee ganacsiga, kala xadaynta ganacsiga, tayada ganacsiga, iyadoo loo saaray guddida dhaqaalaha ee goluhu inay warbixin buuxda ka soo diyaariyaan xaaladda ganacsi ee dalka. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  16. Fadhigii 53aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa ay maanta ansixiyeen qabyo qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda carruurta, sidoo kale waxa uu goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska. Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ku ansixiyey qabyo qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda carruurta, xeerkaas oo lagu dabaqi doono illaalinta xuquuqda carruurta, waxa kale oo goluhu dood ka yeesheen qabyo qoraalka xeerka maalgashiga qaranka. Sidoo kale wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa golaha warbixin ka siiyey waxbarashada dadka baahiyaha gaarka ah, isagoo xusay doorka wasaaradda ee dadkaas, waxaana golaha wasiiradu go’aamiyeen in mudnaan gaara la siiyo. Ugu danbayn waxa goluhu dood iyo falaqayn ka yeesheen xaaladda guud ee ganacsiga, kala xadaynta ganacsiga, tayada ganacsiga, iyadoo loo saaray guddida dhaqaalaha ee goluhu inay warbixin buuxda ka soo diyaariyaan xaaladda ganacsi ee dalka. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  17. Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo Geeriyooday+Tacsi M/weyne Muuse Biixi u diray TACSI MADAXWEYNE: 23/01/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha guurtida, wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee wasiirkii hore ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha muddooyinkii u danbeeyeyna ahaa Xildhibaan, Marxuum Axmed Cabdi Kaahin Casood oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 23/01/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi golaha wakiilada Somaliland oo uu marxuumku ka tirsanaa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Somaliland, kana mid ahaa odayaashii kaalinta weyn ku lahaa dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha guurtida, wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
  18. Saynisyahano ogaaday sababaha keena cirrada iyo waxa lagu daweyn karo cirro Seeynisyahano ayaa sheegay in laga yaabo in ay heleen in walbahaarka ama walwalka uu timaha ka dhigo kuwa cad ama cirro ah. Waxaa kale oo ay ogaadeen sida looga hortagi karo cirrada iyada oo aanan la isticmaalin madoobayso. Tijaabooyin lagu sameeyay jiir (dooli) ayaa lagu ogaaday natiijooyinkan. Mid ka mid ah jiirarka oo dhogortiisa ay madoobayd ayaa xanuun la marsiiyay, taas oo ku dhalisay welwel badan, dhogortiisana waxa ay ku caddaatay muddo todobaadyo gudahood ah. Cilmibaarayaasha oo ka kala yimid Maraykanka iyo Brazil ayaa sheegay in tan ay horseedday in la raadiyo daawo dadka ka caawin karta in aysan timahooda cirroobin, xitaa haddii ay weynaadaan. Dumarka iyo ragga ayay cirrada ku bilaabataa bartamaha sanadaha sodomeeyada marka ay marayaan, gaar ahaan marka ay waalidiin noqdaan. Inkasta oo cirrada inta badan ay ka dhalato qofka oo ay da’diisa sii weynaato, ayaa haddane waxaa la ogaaday in welwelka iyo walbahaarka uu horseedo. Waxa ay seeynisyahanadan oo ka kala tirsan jaamacadaha Sao Paulo iyo Harvard ay sheegeen in cirrada ay ka dhalato unugyo jirka ah oo siidaada maaddo lagu magacaabo melanin, taas oo bedesha midabka tinta. “Waxaan ognahay hubanti ahaan in welwelka uu mas’uul ka yahay in tinta midabkeeda uu is bedelo” ayuu yiri Prof Ya-Cieh Hsu oo ka tirsan jaamacadda Harvard. Cilmi baarayaasha ayaa dooli kale siiyay dawooyinka welwelka dajiya, islamarkaasna ka hor taga in uu dhiigga koco, kadibna waxaa dhacday in markii la mariyay isla xanuunkii dooligii hore oo kale aysan is badelin midabka dhogortiisa. Balse waxa ay sheegeen in aysan weli dawo u helin cirrada, balse ay tahay arrin biloow u ah in la raadiyo dawada cinrada Qaran News
  19. Ciidankii Kenya ee ilaalinayay saldhigga Mareykanka waxay ku dhuunteen cawska” Saldhigga Manda Bay Wargeyska the New York Times ee kasoo baxa dalka Mareykanka oo soo xiganaya saraakiil milateri oo Mareykan ah ayaa wax ka qoray weerarkii toddobaadyo kahor ururka Al Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin deegaanka Manda Bay ee gobolka xeebta ee dalka Kenya. New York times ayaa kusoo warramay in saraakiisha ciidamada Mareykanka ay aad uga niyad jabeen ciidanka Kenya, kadib weerarkii Manda Bay. Wargeyska oo aan sheegin magacyada saraakiisha uu soo xigtay ayaa sheegay in markii ay Al Shabaab soo weerareen saldhigga ay ciidanka Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran muddo ku qaadatay in ay ka jawaabaan weerarka, maadaama ciidanka Kenya ee loogu talagalay in ay ilaaliyaan saldhigga ay ku dhuunteen cawska markii uu weerarka bilawday. Askarta Mareykanka iyo shaqaalihii kale ee ku sugnaa saldhigga oo xilliga uu weerarka dhacayay la sheegay in aysan ku baraarugsaneyn ayaa markii la weerarary saldhigga, wuxuu wargeyska sheegay in ay ku dhuunteen teendho xerada ku dhisneyd, waxaana ciidanka Mareykanka ay ku qaadatay saacado, si loo samata bixiyo dadka dhaawacmay, kuwaas oo markii dambe la geeyay saldhigga ciidanka Mareykanka ee dalka Jabuuti. “Weerarka wuxuu tusinaya in habacsanaan dhanka ammaanka oo aad u daran ay jirto marka la eego saldhigga halka uu ku yaala oo ah xuduudda Soomaaliya,” ayuu yiri Murithi Mutiga, oo katirsan hey’adda xasaradaha caalamka ee ICG. 200 oo askari ayaa U.S ka jooga saldhigga Manda Bay Ciidanka Mareykanka ayu wargeyska sheegay in ay aad isugu haleynayeen ciidanka Kenya ee ilaalada ka ahaa xarunta, kuwaas oo uu sheegay in loo igmaday in ay ilaaliyaan saldhigga, maadaama ciidmaada Mareykanka ay halkaas ku yar yihiin. “Ciidanka Kenya uma diyaarsana oo uma tababarno sida kuwa Mareykanka, wayna sahlan tahay in Al Shababa ay gudaha u galaan saldhigga marka uu weerar dhaco,” ayuu yiri Michael Waltz oo horay uga soo mid noqday ciidanka Mareykanka ee Afrika jooga. Wargeyska ayaa sidoo kale soo wariyay in saraakiisha Mareykanka ay aad ula yaabeen ciidanka Kenya kadib markii ay shaaciyeen inay gacanta ku dhigeen 6 kamid ah raggii weerarka soo qaaday, kuwaas oo markii dambe la ogaaday in ay ahaayeen dad goobjoogayaal kadibna lasii daayay. Al Shababa ayaa weerarkaas ku burburiyay qalab milateri oo ay lahaayeen ciidanka Mareykanka iyo goob ay ciidanka ku keydsanayeen shidaalka, waxaana weerarkaas Mareykanka kasoo gaaray khasaaro malaayiin doolar ah. Askari Kenyaan ah Warbixin ay soo saartay Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarka lala beegsaday xarunta milatari ay ku dhinteen hal askari iyo laba qandaraasleyaal ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay laba qof oo reer Mareykan ah. Saldhigga ciidamada badda ee Mareykanka ee Manda Bay ayaa waxaa ku sugan ciidan dhan 200 oo askari, kuwaaas oo isugu jira duuliyeyaal, askar milateri iyo shaqaale katirsan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka, waxaan halkaas ay tababar ku siiyaan ciidamada Kenya. Afhayeenka milateriga Kenya, Paul Njuguna oo ka hadlay warbixinta uu qoray wargeyska ayaa beeniyay in ciidanka Kenya ay gabaad ka dhigteen cawska. “Waa wax lala yaabo halka ay warbixinta wargeyska ka timid iyo sababta loogu soo aadiyay xilligan oo aynu sugeyno gabagabada baritaanka ku aadan weerarka, xaqiiqda waxaan ka hadli karnaa marka lasoo dhameystiro warbixinta iyo sida ay wax u dhaceen”, ayuu yiri afhayeenka ciidanka Kenya oo la hadlay wargeyska the Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi. Guddi isku dhaf ah ayaa loo saaray in ay kasoo warbixiyaan weerarka, kadib markii safiirka Mareykanka ee Kenya, Kyle McCarter iyo taliyaha ciidamada badda ee Kenya Jeneraal Levi Mghalu ay booqdeen saldhigga weerarka kadib. Qaran News
  20. Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa dalbaday in la joojiyo dhammaan howlaha ka socda Dhuusamareeb, isagoo ku baaqay in dadka reer Galmudug ay isugu yimaadaan gogol dib u heshiisiineed. Qoraalka Xaaf ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelin qaawan ku heyso Galmudug, ayna musuqmaasuqday Odayaashii dhaqanka Galmudug, soona magacawday Guddi farsamo oo agaasimeyaal ah oo soo saaray liis xildhibaanno ah shaqaale dowladeed, darawaliin iyo ilaalada madaxda Qaranka, kadibna lagu xirtay Guri ku yaalla magaalada Dhuusamareeb sida uu yiri. Wuxuu intaas ku daray in Xildhibanadaas guryaha lagu xirtay lagu amray inay doortaan wasiir ka tirsan Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre. Xaaf ayaa sheegay in maamulkii lagu dhisay Dhuusamareeb uu soo wajahay burbur iyo kala tag, taasoo aheyd midii uu horay uga digay. Xaaf ayaa soo dhoweeyay musharixiinta shaaciyey inaysan ka qeybgaleynin Doorashada madaxweynaha Galmudug iyo Ahlu suna oo uu sheegay in looga baxay heshiiskii lala galey, wuxuuna ugu baaqay in la joojiyo howsha ka socota Dhuusamreeb oo la isugu yimaadaan shir uu isago qabanqaabinayo. Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Xafiiska Xaaf
  21. Somali delegation participating in the opening of the 37th session of Khartoum International Fair discussed the investment economic and commercial opportunities in Sudan. The Secretary-General in charge of the National Investment Authority, Hanan Musnad, met Tuesday, the visiting Somali delegation led by the Somali Minister of Industry and Trade Abdullah Hassan, and discussed the investment, economic and commercial opportunities in the two countries, ways to support and develop them. The Somali Minister expressed his country’s desire to invest in Sudan for the benefit of the peoples of the two countries, pointing to the distinguished economic and trade relations between the two countries. On her part, the Secretary-General in charge of the National Investment Authority provided the visiting Somali delegation with the investment opportunities in Sudan, emphasizing the eternal relations between the Sudan and Somalia. View the full article
  22. Somalia’s federal authorities and international partners today launched a plan requiring more than $1 billion to provide much-needed humanitarian aid to some three million Somalis this year. “As we launch this plan, we must reflect on the nature of the humanitarian crises that Somalia continues to suffer. Just a couple of months ago, more than half a million people were affected by floods that inundated large areas of the country – while most of those who were affected have returned home, many continue to struggle to rebuild their lives,” the UN Humanitarian Coordinator for Somalia, Adam Abdelmoula, said at the launch in the capital, Mogadishu. Also attending the launch of the $1.03 billion Humanitarian Response Plan (HRP) for 2020 was Somalia’s Minister for Humanitarian Affairs and Disaster Management, Hamza Said Hamza. “This plan demonstrates the commitment of the Ministry of Humanitarian Affairs and Disaster Management of the Federal Government of Somalia, our coordination partner, the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) and the international community to the people of Somalia,” he said. “The humanitarian crisis in Somalia was exacerbated by conflict, prolonged droughts and, of course, the fatal flooding as witnessed recently in 2019,” the minister added. View the full article
  23. Maanta ama beri waxaa lagu wadaa inuu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu la kulmo Xubno ka socda Bank Aduunka, Waxay ka wada hadlayaan Waa Mashruucii [...] Source
  24. Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa mar qura isugu tagay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya. Safarka madaxweynayaasha ayaa ah mid isku soo aaday oo ahaa seddexdii maalin ee ugu dambeysay mana jirto ujeedo gaar ah oo mideysan oo ay u tageen Magaalada Nairobi. Seddexda madaxweyne ayaa si kala gaar gaar ah Magaalada Nairobi kulamo ugula qaadanayo Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool halkaas iyo xubno ka tirsan madaxda Soomaalida ee ka mid ah Dowladda Kenya. Sidoo kale Madaxweynayaasha ayaa kulamo la leh qaar ka tirsan xubnaha Beesha Caalamka ee ku sugan Magaalada Nairobi, waxayna u muuqataa in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay isku ujeedo yihiin maadaama ay si wadajir ah uga soo hor jeedaan siyaasadda Dowladda ee ku maamuleyso dalka halka Madaxweynaha Koonfur Galbeed lafta Gareen uu isaga taageersan yahay Dowladda. Waxaa xusid mudan in seddexda madaxweyne ee Puntland, Jubbaland, iyo Koofur Galbeed ay kala dageen seddex Hotel oo ku yaalo Nairobi halkaas oo ay si kala gaar ah u fushanayaan ujeedada ay tageen. Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa maalmo ka hor wuxuu kulan ugu soo dhamaaday Magaalada Boosaaso halkaas oo ay uga soo horjeesteen sharciyo dhowr ah oo uu ansixiyey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ilaa hadda ma caddo haddii sedexdaan madaxweyne ay Nairobi ku qaadan doonaan kulamo gaar ah, waxaana kaliya isku mabda’ ah inta la ogyahay Deni iyo Axmed Madoobe. Khilaafka u dhaxeeyo Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe ayaa meel sare gaaray, waxayna dowladda ku guuleysatay inay aragtideeda ka gado madaxweynaha Hirshabelle halka ay Koonfur Galbeed u sameysay Lafta Gareen oo xilkiisa lagu keenay lacag iyo awood ay isticmaashay Dowladda.