Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,299
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. THE HAGUE/COX’S BAZAAR, Bangladesh (Reuters) - The International Court of Justice on Thursday ordered Myanmar to take urgent measures to protect its Rohingya population from genocide, Source: Hiiraan Online
  2. JOHANNESBURG (AP) — Locusts by the millions are nibbling their way across a large part of Africa in the worst outbreak some places have seen in 70 years. Source: Hiiraan Online
  3. The Security Council Committee pursuant to resolution 751 (1992) concerning Somalia held its first informal consultations of the year to meet with the Panel of Experts on Somalia renewed by resolution 2498 (2019). Source: Hiiraan Online
  4. The U.S. military on Thursday released new details of the Jan. 5 attack on a Kenyan airbase used by U.S. troops following a New York Times report that described the scene as chaotic. Source: Hiiraan Online
  5. Washington (Caasimada Online) – Taleefonka bilyineerka iska leh shirkadda Amazon ee Jeff Bezos ayaa la jabsaday sanaddii 2018 kadib markii uu farriin WhatsApp ah ka helay cinwaanka dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman, waxaa sidaas weriyey wargeyska The Guardian. Jeff Bezos ayaa sanadihii 2018 iyo 2019 kaalinta koowaad ka galay liiska majaladda Forbes ee dadka ugu taajirsan caalamka. Farriin la rumeysnaa inay sugan tahay oo uu Maxamed Bin Salman usoo diray Jeff Bezos ayaa waxaa la ogaaday inuu ku jiray Fayrus, kaasi oo sahlay in taleefonka la dhex galo kadib markii uu Bezos furay fariinta, sida lagu ogaaday baaritaan. Taxliiliyayaal computer ayaa sheegay inay u badan tahay in taleefonka lagu jabsaday video la socday fariinta Bin Salmaan uu soo diray. Marka file-ka Fayruska wata lasoo dirayey, ayaa Jeff Bezos iyo Bin Salmaan waxaa WhatsApp-ka ku dhex-marayey wada sheekeyso saaxiibtinimo, sida ay ilo-wareedyo xog-ogaal ah u sheegeen The Guardian. Saacado gudahood ayaa faylal kumanaan gaaraya loogala baxay taleefonka Bezos, sida uu sheegay qof xog-ogaal u ah arrintan. Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa ay ahaayeen falayasha. Sheekadan ayaa abuureyso su’aal ku saabsan kaalinta uu Maxamed Bin Salman ku lahaa sawirro sir ah oo muujinayey xiriir qarsoodi ah oo Jeff Bezos uu lahaa gabar, kuwaasi oo uu daabacay wargeyska National Enquirer, islamarkaana hoggaamiyey in Bezos iyo xaaskiisa kala tagaan. Tallabaadan ayaa la rumeysan yahay in looga dan lahaa in loogu goodiyo Jeff Bezos, si wargeyska Washington Post, oo uu leeyahay, uu u joojiyo qorista sheekooyinka Jamaal Khaashuqji oo wargeyska wax ku qori jiray, kuwaasi oo fadeexad weyn ku noqday Bin Salmaan. Sacuudi Carabiya way beenisay in jabsashada taleefonka Bezos ay dhiir-geliyeen ficillo siyaasadeed. Dad ku dhow Maxamed Bin Salmaan ayaa u sheegay wargeyska Wall Street Journal inay ka war hayeen qorshahaha jabsashada, balse aysan waxba ka ogeyn in ujeedku ahaa in loogu hanjabo Jeff Bezos. Waxay sidoo kale sheegeen in falkan uu ka dambeeyey Saud Al-Qahtani oo ahaa jaajuus u shaqeynayey Maxamed Bin Salmaan, uuna doonayo inuu ku cabsi geliyo Jamaal Khaashuqji.
  6. Soomaaliya ayaa mar kale u tallaaba-qaadday ​ka faa’iidaysiga kheyraadka shiidaalka, kaddib markii Aqalka Sare ee Baarlamaanka uu ansixiyay January 6, 2020 Sharciga Batroolka dalka. Walow sharcigu uu soo raagay, haddana waxaa la filaayaa inuu soo jiidan doono maalgashiga shirkadaha shidaalka caalamiga ah. Balse, waxaa murugo ka taagan tahay in ansaxintii sharciga uu ku soo beegmay xilli olole​ doorasho, iyo rabshado argaggixiso dalka ay ka bilowdeen, taas oo baqdin gelin karta maanka maalgashatada shisheeyaha. Haddaba, su’aashu waxay tahay: Maxaa muhiim ka dhigaya udugga saliidda Soomaaliya laga sheegayo? Tobankii sanadood ee la soo dhaafay, waxaa si xoog leh looga helayay gaaska dabiiciga ah iyo saliidba, inta u dhaxeysa Mozambique iyo Kenya. Warbixin uu qoray wargeys ka soo baxay Houston Wasiirka Shidaalka iyo Macdanta, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed wuxuu ku yiri, “Muhiimadeenna maanta waa inaan caddeynaa jiritaanka harooyin kayd iyo xaqiijinta mugga saliidda” (Chron – 12/02/2019). Soomaaliya waxay magaalada London ku soo bandhigtay February 7da, 2019 macluumaad laga soo uruuriyay sahmintii Spectrum ee “Juba-Lamu Basin, Coriole Basin, and Obbia Basin.” Halkaas, waxaa ka soo ifbaxay in dalku uu ka mid noqon karo mid ka mid ah baraha saliidda ugu muhiimsan ee xeebaha Bariga Afrika. Walow dhulka Soomaaliya shidaal laga baarayay tan iyo 1956dii, haddana saliidda dhawaan lagu sheegay xeebaha Soomaaliya waxaa muhiim ka dhigaya baaxadda kaydka iyo waddanka oo ku dhow suuqyada Aasiya (Hindiya iyo Shiinaha), kana fog colaadda Bariga Dhexe. Shirweynihii shidaalka qaaradda Afrika ee November 2019 ka dhacay magaaladda Cape Town, ee dalka Koonfur Afrika ayaa Wasiir Cabdiraxmaan Maxamed Axmed ku ballan qaaday in Dowladda Federalka Soomaaliyeed ay billaabi doonto sanadka 2020 shati bixinta 15 xirmo. War laga soo xigtay wargeyska Financial Times ayaa sheegaya, in Shirkadaha Royal Dutch Shell iyo Exxon Mobil ay safka hore uga jiraan maalgashiga kheyraadka badda Soomaaliya, waxaase muuqan shirkadda Talyaaniga ENI Energy oo magac weyn ku yeelatay helidda gaaska Mozambique. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegayaa in ENI Energy oo shuraaka kula ah Imaaraadka Carbeed sahminta aagga badda Soomaaliyeed ee Kenya ay sheeganeyso inay ku sugan tahay xaalad ishaa falateen ah (wait and see). Si kastaba ha ahaatee, kharashyada wax soo saarista oo sii kordhaya iyo macaashka laga helaaya oo hooseeyo ayaa shirkadaha waaweyn ee saliidda iyo gaaska ka hakinaya inay foodda daraan khatarta aan la ogeyn. Taas ayaa shirkadaha yaryar horumuud uga dhigtay sahminta saliidda iyo gaaska gobolka, kuwaas oo ku dhiirran u bareeridda khatarta maaliyadeed iyo ka howlgalka dhul aan hore loo tijaabin sahmintiisa. Dhinaca kale, waxaa soo kordhaya ifafaale tilmaamaya in shirkadda Fransiiska TOTAL oo shuraako kula ah “Qatar Petroleum,” baarista saliidda Kenya iyo Namibia ay daneyneyso saliidda Soomaaliya, waxaase lama filaan noqotay, in Madaxweyne Recep Tayib Erdogan uu ku dhawaaqo in Muqdisho ku casuntay sahminta saliida Soomaaliya. Suuqa shidaalka adduunku wuxuu soo maray marxalado kala duwan. Shirkadaha shidaalka caalamiga ah waxay 60-yadii xuquuqda hantida “royalties” u siin jireen dalka shidaalka laga helo 1.80 doolar barmiilkii. Arrintaas waxay isbeddeshay kadib markii 1973kii uu shidaalka adduunka galay khalkhal, taas oo keentay in la kordhiyo xuquuqdaas. Haddaba su’aashu waxay tahay: Maxaa ku kallifay Madaxweyne Erdogan inuu warkiisa warbaahinta u soo mariyo Soomaaliya, asagoo heli karo habab ka habboon? Baaqa Madaxweyne Erdogan, wuxuu siday farriin u baahan in la dhuuxo nuxurkeeda. Yuusuf Gaandi oo ka faallooda siyaasadda “Horn of Africa Geopolitics” ayaa yiri, “Siyaasaddu ma aha oo keliya inta muuqata ee waxaa loo baahan yahay in la fahmo inta miiska hoostiisa ka socota.” Turkiga wuxuu ku soo galay Soomaaliya ujeeddooyin laysku ogaa, hase yeeshee isbeddelka siyaasadda Maraykanka ee ku jahaysnayd dagaalka xagjiriinta Geeska Afrika, ayaa diblomaasiyadda nabadda u gacan banneysay Boqortooyadda Sacuudiga iyo Imaaraadka Carbeed, iyadoo aan loo cayi​min xuduudaha ​ay ciyaari karaan. Maanta, waxaa muuqata in Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya ay ka jiraan qalalaaso u baahan xal degdeg ah. Falanqeeyaasha siyaasadda waxay rumeysan yihiin in xalkii Turkiga ee Syria iyo Libya uu beddelay isla-ekaanta cududda, taas oo dalal badan ku qasabtay inay dib uga fiirsadaan ujeeddooyinkoodii siyaasadeed. Miyaysan haddaba, afeefta Erdogan u muuqan inay u socoto dalal aan la magac dhabin, balse door ku leh fidnada Soomaaliya, iyadoo loo sii marsiinayo Ingiriiska oo iskuduwe ka ah mashruuca Geeska Afrika. Sidoo kale waxaa muhiim ah, in dalalka gobolka ay u baahan yihiin inay iska kaashadaan, islamarkaasna iska caabbiyaan faraggelinta Amiiradda Imaaraadka Carbeed ee meel ka dhaca ku ah siyaasadooda gudaha iyo xuriyaddooda qarannimo, ​iyadoo la soo dhaweenayo iskaashiga faa’iidada labada dhinac ku dhisan. Madaxweyne Erdogan, waxuu hurdada ka kiciyey shirkadaha shiidaalka ee quuddarraynaaya kheyraadka Soomaaliya, balse aan maalgashi diyaar u ahayn inay sameeyaan xilligan, sababo amni awgood. W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qaasim AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  7. Nairobi (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa wada-shaqeyn ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, taasi oo uu sheegay inay muhiim u tahay horumarka siyaasadeed ee 2020 iyo mustaqbalka Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in danjire Donald Yamamoto uu la kulmay afar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, islamarkaana uu kala hadlay baahida loo qabo in si wada jir ah wax looga qabto caqabadaha taagan, wanaag Soomaaliya darteed. “Dib u billaabidda hanaanka wada-hadal iyo isu-tanaasul ayaa muhiim u ah dhammaan dhinacyada. Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an sare u qaadiida hadafyada aan wadaagno ee ah xaqiijinta Soomaaliya barwaaqo u ah dhammaan Soomaalida. Dadka Soomaaliya ayaa dalbanaya, jiilka mustaqbalka ayaa rajeynaya, waana in hoogaamiyayaasha Soomaaliya ay fuliyaan” ayaa lagu yiri qoraalka. Yamamoto ayaa 23-kii bishan la kulmay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe kalana hadlay baahida deg degga ah ee loo qabo in samai-leyda siyaasadda Jubaland ay dhameeyaan is-marin waaga siyaasadeed, islamarkaana si isku mid ah diiradda loo saaro la-dagaalanka Al-Shabaab. Danjiraha ayaa sidoo kale 23-kii bishan la kulmay madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, kalana hadlay taageerada Mareykanka uu siiyo ciidamada ammaanka ee Puntland, muhiimadda doorasho qaran oo laga wada qyeb-galo, iyo baahida deg degga ah ee loo qabo wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Toddobaadkii tagay danjiraha ayaa la kulmay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen kalana hadlay arrimaha ammaanka iyo horumarka iskaashiga gobolka Shabeellaha Hoose. Waxa uu sidoo kale la kulmay madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, kalana hadlay muhiimadda xoojinta saaxiibtinimada Mareykanka iyo Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo wada shaqeynta Amisom. Kulamadan ayaa kusoo aadaya ayada oo maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland ay ku gacan seereen habka ay xukuumadda u wajaheyso hanaanka doorashooyinka 2020, iyo ansixinta sharciga doorashooyinka ee baarlamanka.
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulan ay Shalay magaalada muqdisho ay ku yeesheen intabadan duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa soo saaray bayaan digniin ah oo ku aadan dhismaha Goloyaasha deegaan oo la doonaayo in qaar ka mid ah degmooyinka Hiiraan loo dhiso xilli ay jirto ammaan daro degmooyinka oo go’doonsan iyo beelaha oo aan weli si rasmi ah ugu hishiin dhibaatooyinkii dhex maray. Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran. KU: Madaxweynaha JFS KU: Ra’iisul Wasaaraha JFS KU: Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle KU: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle KU: Guddoonka Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle KU: Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ee ka soo jeeda Hirshabeelle KU: Wasiirrada Dowladda Federaalka ah ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan KU: Hay’adaha ku howlan dhismaha Goleyaasha deegaanada Hiiraan OG: Hay’adda Center for Research and Dialogue (CRD) OG: Hay’adda Finish Church Aid (FCA) OG: Hay’adda Somali Stability Fund (SSF) Taariikh: 23/01/2020 Ujeeddo: Digniin Dhismaha Goloyayaasha Deegaan Annaga oo ah Duubabka Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ee magacyadoodu ku saxiixan yihiin halkan waxa aan maalmihii la soo dhaafay shirar is-daba-joog ah ku lahayn Magaalada Muqdisho, annaga oo kaga hadlaynay xaaladda gobolka iyo sidii wax looga qaban lahaa, waxaa si gaar ah u dul-istaagnay. 1. Xaaladda nabad-gelyo, siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee degmooyinka Gobolka Hiiraan. 2. Odoyaashu waxay hoosta ka xarriiqeen in gobolku ka mid yahay gobollada ugu badan ee aysan degmooyinkiisu isku gudbi karin, iyadoo degmooyinka qaarkood ay go’doon ku jiraan, taas oo saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo sidii loogu gurman lahaa, loona gaarsiin lahaa adeegyada dawladeed. 3. Odoyaashu waxay ka deyriyeen xaaladda nololeed ee gobolka oo u dhexeeya mar uu la tacaalayo biya-baxo iyo mar ay dadkiisu u dhintaan macluul ka imanaysa biyaha webiga uu gura, iyadoo gobolku ka mid ahaan jiray gobollada ugu kheyraadka badan dalka. 4. Odoyaashu waxay is dul-taageen xaaladda deggenaan la’aanta siyaasadeed ee ka jirta gobolka, taas oo sababtay in dhowrkii biloodba mar la beddelo guddoomiyaha gobolka. Annaga oo tixgelinay dhammaan arrrimahan ayaa waxa aan ku talinaynaa:- 1. In dib-u-heshiisiin dhab ah loo sameeyo beelaha wada daga Gobolka Hiiraan oo qaarkood ay dhexmareen Dagaal-Sukeeyo welina ay jirto kala-fikir-duwanaansho keenta colaad soo noqnoqota. 2. In Dawladda Federaalka ay gacan ka geysato hanaan dib-u-heshiisiineed oo loo qabto reer Hiiraan, taas oo aasaas u noqon doonta horumar ka hana-qaada gobolka. 3. In maadaama xilligaan aysan suurtagal ahayn in Golo deegaan loo dhiso Degmooyinka Gobolka Hiiraan oo u baahan marka hore in laga shaqeeyo ammaanka iyo sidii go’doonka looga saari lahaa degmooyinka. 4. In Hey’adaha Maxaliga iyo kuwo caalamiga ah ee ku howlan dhismaha sida Center for Research and Dialogue (CRD), Finish Church Aid (FCA), Somali Stability Fund (SSF), iyo hay’adaha kale ee maxaliga ah ee la shaqeeya ay ka fogaadaan inay colaad ay ka dhex abuuraan beelaha wada daga Gobolka Hiiraan oo marka hore u baahan in dhexdooda ay heshiiyaan. 5. In Dawladda Federaalka mashaariic gaar ah u sameyso gobolka oo ka haray Soomaaliya inteeda kale, kuwaas oo wax looga qabanayo kaabayaasha dhaqaalaha gobolka sida biya-xireennada wabiga, jidadka, garoomada, iwm. 6. In xildhibaannada labada aqal baarlamaanka JFS iyo Xubnaha Golaha Wasiirraha heer federal ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan in ay arrintan soo faragaliyaan si degdeg ahna u joojiyaan. Hoos ka aqriso Magacyada Dhuubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ee kulanka yeeshay. Magaca Duubka Beesha Saxiixa 1. Ugaas Cali Ugaas Xasan. Makanne 2. Ugaas C/raxman Ugaas C/llaahi Gaaljecel 3. Ugaas C/xakiin Ugaas Maxamed Baajamaal 4. Ugaas Cismaan Ugaas Cilmi Ujeejeen 5. Ugaas C/naasir Ugaas Nuur Jidle 6. Wabar Maxamed Wabar Axmed Baada-cadde 7. Caaqil Maxamed Maxamuud (Deefoow) Surre 8. Wakiil Wabar Cismaan Shiikh Xasan. Jajeele 9. Wakiil Wabar Cabdi Xuseen Dagoodi
  9. Boorama (Caasimada Online) – Waxa shalay la aasay Askarigii dhowaan lagu dilay deegaanka Abu-qays ee duleedka magaalada Boorama, kadib wada-hadal dheer, iyadoona Aas qaran loogu sameeyay magaalada Boorama ee gobolka Awdal. Marxuumka oo lagu magacaabi jirey Axmed Ibraahim ayaa ahaa Askari ka tirsanaa Ciidamada Somaliland ee gobolka Awdal, kaasi oo koox hubeysan ay ku toogteen deegaan uu ka socday Mashruuca Biyo balaadhinta Boorama. Meydka Askariga ayaa muddo Saddex cisho ah la diidanaa in la aaso, kaasi oo si adag uga hor-timid beesha uu ka soo jeedo in la aaso, iyadoo aan la soo qaban Dableydii dilka u geystay. Sida ay Caasimada Online ogaatay Maamulka gobolka Awdal iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliland, ayaa Beesha uu ka soo jeedo Marxuumka ku qanciyey in loo qisaasi doono cidii dilkaasi ka dambeysay, isla markaana ay cadaalada marsiin doonaan Dableydaasi. Kulamo magaalada Boorama uga socday dhowrkii maalin ee u dambeeyay Beesha uu ka soo jeedo Askarigaasi la dilay iyo Wafdi ka socda Hargeysa oo ay ku wehlinayaan Maamulka gobolka Awdal, ayaa xal looga gaaray xiisad ka dhalatay dilkaas. Odayaasha iyo Ehelka Marxuumka ayaa ugu dambeyntii ku qancay in la aaso Meydka marxuumka oo muddo Saddex cisho ah ay hor-taagnaayeen in la aaso, kadib Markii xukuumada Muuse Biixi ay Wafdi ka socda Hargeysa usoo dirtay Beesha. Shalay ayaa magaalada Boorama lagu aasay Marxuum Axmed Ibraahim AUN, kaasi oo ay Aaskiisa ka qeyb galeen Wasiiro iyo Mas’uuliyiin ka tirsan degmada & gobolka Awdal, kuwaasi oo si wada-jir uga tacsiyadeeyay ehelkiisa, iyagoona hoosta ka xariiqay in gacan ku dhiiglayaasha cadaalada la marsiin doono.
  10. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender iyo saraakiil ka socotay safaaradda dalkaasi. Sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, Madaxweyne Deni iyo Ambassador Ben Fender ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee dowladda Ingiriisku ka taageerto Puntland ee dhinacyada caafimaadka, daweynta xoolaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay dib u milicsiga waxyaabihii qabsoomay, dhammaystirka mashaariicda hadda socota iyo qorshaynta mashariic horleh. Madaxweyne Deni waxaa kulankaasi ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan Golaha fulinta iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa Nairobi kulamo gaar-gaar ah kula yeelanaya safiiro ka socda Beesha Caalamka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni iyo Safiirka Ingiriiska oo kulan ku yeeshay Nairobi appeared first on Puntland Post.
  11. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto, saraakiil ka tirsan safaaradda iyo masuuliyiin ka socda hay’adda USAID ayaa saacado ka hor ku kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. War ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni iyo Danjire Yamamoto ay kulankooda uga wada hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya, arrimaha Amniga, si gaar ah la dagaalanka argagixisada, koboca dhaqaalaha, mashaariicda horumarineed ee USAID ka waddo Puntland iyo hirgelinta mashaariic horleh Dhanka kale war-saxaafadeed ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Danjire Yamamoto iyo Madaxweyne Deni ay ka wada hadleen taageerada Mareykanka ee ciidamada Amniga Puntland, muhiimadda ay leedahay doorashooyin qaran oo loo dhan yahay, horumarinta gobolka, iyo baahida degdegga ah ee iskaashiga iyo wadahadalka dowladaha xubnaha ka ah iyo dowladda Federaalka. “Danjire Yamamoto wuxuu la kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay ka wada hadleen taageerada Mareykanka ee ciidamada Amniga Puntland, muhiimadda ay leedahay doorashooyin qaran oo loo dhan yahay, horumarinta horumarka gobolka, iyo baahida degdegga ah ee iskaashiga iyo wadahadalka dowladaha xubnaha ka ah iyo dowladda Federaalka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa sidoo kale Nairobi kula kulmay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, isagoo kala hadlay xaalada siyaasadda, Amniga iyo horumarka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Nairobi: Maxay ka wada hadleen Deni iyo Yamamoto? appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska booliiska Soomaaliya ayaa warbaahinta u dusiyey muuqaalka gabadhii ay u gacan geliyeen dowladda Denmark, ee Amaal Nuur Cusmaan oo ay wareysaneyso Taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed. Amaal ayaa ah gabar baxsad ka ah reerkeeda oo raadinayey muddo laba bilood ah, kadib markii ay ka baxsatay xarun lagu dhaqan celinaayey oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Gen. Zakiya ayaa muuqaalkan su’aallo ku weydiinaysa gabadhan oo sheegtay in mudadii ay ka maqneyd reerkeeda ay la joogtay asxaabteeda wax dhibana aysan arag, haaranna ay dooneyso in lagu celiyo dalkii ay ka heysatay dhalashadeeda labaad ee Denmark. Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Xijaar oo maalmo ka hor warbahinta kula hadalay Muqdisho ayaa sheegay in gabadhaas ay hayaan, isla markaana ay gacan amaan ah ku jirto. Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in Amaal Nuur mudadii ay ka maqneed reerkeeda ay gacanta ku heysay hey’ad ka shaqeysa daryeelka haweenka oo la yiraahdo ‘Center for Women Development’ halka gabadhani ay sheegtay inay la nooleyd asxaabteeda. Xilliga ay wareysanaysay Jeneraal Zakiya gabadhan waxaa garab fadhiyey safiirka Denmark ee Soomaaliya Mette Knudsen, oo sida la sheegay inay wado gabadhan darteed uga soo duushay magaalada Nairobi oo fadhi u ah safaaradda dowladda Denmark u qaabilsan Soomaaliya. Galabkii Arbacada ayaa gabadhan lagu magacaabo Amaal Nuur Cusmaan laga dhoofiyey garoonka Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo aan lala kulansiin waalidkeed oo raadinayey mudo laba bilood ah, taas oo wal-wal iyo walbahaar ku abuurtay ehelka gabadhan oo ay ugu horeyso hooyadeed Amran Xalane, taas oo horay warbaahinta uga soo muuqatay iyada oo u oyneysa aragtida gabadheeda. Ujeedka muuqaalka loo dusiyey ayaa sida aan xog ku helnay ah in lagu muujiyo in aan Amaal wax dhib ah loo gaysan islamarkaana aysan afduuban ciidamada Villa Somalia, sida ay hooyadeed ku eedeysay. Hase yeeshee, muuqaalkan ayaa carro leh ku abuuray shacabka, oo wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda ay Denmark u gacan geliso gabar loogala soo cararay diinteeda darteed, iyo cabsi laga qabay inay waddada saxan ee Islaamka ay ka leexato, taasi oo hadda ay halis ugu jirto, maadaama lagu celiyey Denmark. Halkan ka Daawo muuqaalka
  13. Taliyaha Ciidamada Cirka ee Dawladda Iiraan, Amiir Cali Xaaji Zaada ayaa soo bandhigay xog dheeraad ah oo ku saabsan Dalalka ka qeyb qaatay duqayntii lagu dilay Qaasim Suleymaani. Wuxuu sheegay taliyuhu in Mareykanka uu ugu yaraan 4 Saldhig Militari u adeegsaday dilka Taliyihii Ciidamada Qudus , Qassem Soleimani. Amiir Zada, waxa uu caddeeyey in ay heleen xogo rasmi ah oo muujinaya in Diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee bartilmaameedsaday kolonyada Soleimani ay kasoo keceen saldhigga Mareykanku ku leeyahay Dalka Kuweyt. Xaaji Zadeh, wuxuu intaas ku daray in waddankiisu uu kormeerayay qaadista Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo Helikobtarro wata qalab fara badan oo Rasaas ah, maalintii la dilay Soleimani. “Diyaaradaha MQ-9 waxaan ogaanay in ay kasoo duuleen saldhigga Cali Al-Saleem ee Dalka Kuweyt, sidoo kale waxaan baaritaan dheer ku xaqiiqsannay in Diyaaradahaasi ay howlgalka kahor joogeen Hawada sare ee Caasimadda Baqdaad “ ayuu yiri Amiir Zaada. Dawladda iiraan ayaa intaa ku dartay in ay welwel ka qabto meesha ay ku danbayn doonaan Dalalka Carbeed ee u adeegaya Maraykanka iyo xulufadiisa Yuhuudda, waxayse sheegtay in iiraan ay ku filan tahay difaaca Dhulkeeda iyo Dadkeeda. PUNTLAND POST The post IIraan oo sheegtay in ay heshay xog ku saabsan dilkii Qaasim Suleymaani appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar___Qubanaha-23012020.mp3 View the full article
  15. Dowlada Puntland waxay sare u qaadey Amaanka Masuuliyiinta ugu saraysa Puntland, inkastoo Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa uu Amaankooda adkaa ayna Amaankooda Masuul ka yihiin Ciidanka [...] Source
  16. Maxay iska shabahaan Mayor cidinka Berbera iyo Erdoganka madaxweynaha ka ah Turkey. 1994-1998 ayuu Erdogan ka’noqday Istanbul Mayor hadaba intaa ka hor siday ahayd Istanbul. sidee ayuuna wax uga qabtay Waxay ahayd magaalo meelkasta khashin buuxo , wadooyinku xunyihiin , waxbarashadu liidato dadkeeduna baahanyihiin oo meelkasta caruur iyo tuug loo mariwaayey cid u dalxiis tagta daayo dadkeeda ayaa ka haajiri jiray, Maxaa isbedaley markuu qabsaday magalada 1-Waxa uu wax ka qabtay biyo xumaantii ka jirtay magalada 2-Wadooyinka dadka iyo gadiidku maro oo xanibnaa oo uu dib u habayn iyo balaadhin ku sameeyey 3-Xarumaha waxbarashada oo uu kor u qaaday 4-bilicda magalada oo uu hagaajiyeu , … Mantana ah magalada ugu dalxiiska badan aduunka uguna airportka wayn. Mayor Cabdishakuur Maxamud Xasan (Cidin) Eryagii reer Berbera odhan jireen ee ahaa Berberaay xaqaga la qari ayuu u bedelay iftiinba Berbera ka baxaya ! isbedelka uu magalada ka sameeyey waa mid 6da milyan ee reer Somaliland oo dhami wada mahadiyeen tabatayna oo manta debada iyo gudaba ah masuulka loogu hadal haynta badanyahay lana mahadiyey isbadalka baxada leh ee dhankastaba ah ee uu ka sameeyey magalada Berbera haday tahay ! 1-Dhismaha wadooyinka casriga ah 2- kor u qaadida waxbarashada 3-kor u qaadida caafimaadka 4- beerida iyo dhiraynta bilicda magalada anoo halkan kusoo kobi Karin waxa uu maglada ka qabtay Mayor Cabdishakur oo Somaliland iyo aduunkuba markhaati ka yohiin isbadelka uu ku sameeyey magalada ee dhankastaba ah oo sababtay in u dhisanto Berberi dhankastaba sida xarumaha ganscsiga ee Hotelada iyo goobaha dalxiiska . Bal aan dib idinku celiyo siday ahayd Berbera shalay . Waxay ahayd magalada kaliya ee aan dhismin intii somaliland dib ula soo laabatay madaxbanaanideeda iskadaa inuu qofku hantidiisa galiyee xataa kuwa ka shaqeeya ay caruurtooda iyo reerahooda kala yacaan tusaale waxa kugu filan malintii iskaraabka shamiitada la iibiyey ee reer Berbera mudaharaadeen Markii ruug cadaagii BBCda u shaqaynayey ee Axmed Siciid Cige waraystay sedexdii masuul ee magalada maamulayey midkasta waxa uu wariyaha u sheegay inuu Hargaysa jooga oo uu la joogo reerkiisi oo halkaa degen ,La soco qaybta danbe …. Qore , Abdirahman Mahmoud (Abdi ingriis ) Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in shalay Barqadii sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab uu iska dhiibay degmada Xamar Weyne ee gobalka Banaadir. Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in sarkaalaan uu u tagay ciidamo boolis ah oo saldhig ku leh agagaarka Xabsiga dhexe, kadibna uu u sheegay inuu yahay Al-Shabaab baxsad ah. Ninka is dhiibay ayaa ciidamadu u sheegay in uu ka tirsan qaybta Zakawaadka ee Al-Shabaab, islamarkaana uu qaabilsanaa ganacsiga magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa uu sheegay in uu mar kamid noqday kooxda Al-Shabaab u qaabilsan in ganacsatada Muqdisho canshuurta laga soo aruuriyo. Ciidanka uu isu dhiibay Sarkaalkaan Shabaabka ah ayaa ku wareejiyay Maxamed Xaashi oo ah sarkaal ka tirsan Taliska Asluubta Soomaaliya, gaar ahaan Xabsiga dhexe, waxayna wararku sheegayaan in lagu wareejiyay Booliska Soomaaliya. Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in ninkaan uu u yimid isagoo dalbanaya in la badbaadiyo, dadkana laga badbaadiyo kadib markii uu sheegay in la soo diray howlgal laga fulin doono Muqdisho. Mas’uuliyiinta amniga ayaa ka gaabsaday in ay faah-faahin buuxda ka bixiyeen sarkaalka isu dhiibay, hasa yeeshee waxey wararku sheegayaan in uu ahaa qof ay dowladu doon dooneysay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Qoyska reer Sayid Cali Sheekh Axmed Mataan oo degan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar uu si xoog ah uga kicinayo dhul ay ku leeyihiin degmadaas. Dhulkaas ayaa ku yaalla xafadda Jabad-Cadde ee degmada Deyniile, waxayna sheegeen qoyskan in dhulkoodu uu sharciyeysanyahay, isla markaana ay u heystaan Sabar-loog ay bixisay dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre oo u sharciyeeysay qoyskooda reer Sayid Cali Sheekh Axmed Mataan. Qoyskaas ayaa sheegay in guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar uu ku amray inay baneeyaan dhulkooda, isagoo ku war geliyey inuu ka sameynayo garoon diyaaradeed. Maxamuud Maxamed Seyid Cali oo ka mid ah qoyska reer Sayid Cali ayaa sheegay in guddoomiye Jacfar oo ciidamo wata uu galabta tegay dhulkaas, isagoo ciidamadii ku amray inay burburiyaan, kuwaas oo burbur u geystay guryahoodii. Sidoo kale Maxamuud Maxamed Seyid Cali oo ka mid ah xubnaha u dhaqdhaqaaqa qoyskaas ayaa sheegay in jirdil loo geystay xubno ka tirsan qoyska oo ay ku jirto xaaskiisa oo xaamilo ah, isagana guddoomiye Jacfar uu ugu hanjabay xarig hadii uusan baneyn dhulkaas. Madaxda dowladda federaalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayey qoyska reer Sayid Cali Sheekh Axmed Mataan ka dalbadeen in laga qabto guddoomiye Jacfar oo ay sheegeen inuu u adeegsano shaarka dowladda xoogna, uu uga saarayo dhulkooda ay sharciga u heystaan.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa kulankoodii Khamiislaha ahaa ee maanta ku meel mariyey dib u eegis lagu sameeyay sharciga la-dagaallanka Burcad-badeeda iyo ka hor tagga Afduubka. Sidoo kale golaha wasiirrada ayaa maanta ansixiyey laba heshiis oo kala ah, heshiiska dalalka Soomaaliya iyo Rwanda ee duullimaadyada iyo heshiiska is dhaafsiga xarumaha Diblamaasiyadeed, kaas oo horay u dhex maray dalalka Soomaaliya iyo Turkiga. Ugu horeyntii golaha ayaa kulankooda ku ansixiyey Sharciga la-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka hor tagga Afduubka ee lambarkiisu yahay (Lr 36), kaas oo soo baxay 30-kii Abriil 1975-kii. Muhiimadda sharcigan ayaa ah tilmaamidda iyo nidaaminta dembiyada la xariira burcad-badeednimada, afduubka iyo xukunnada ka dhalanaya fal-debmiyeedyadaas. sidoo kale sharcigan ayaa xadeynaya dembiyada ka dhaca biyaha iyo hawada Soomaaliya ee loo geysto diyaaradaha, maraakiibta iyo doomaha isaga goosha xudduud badeedka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kulanka shir guddoomiyay, waxaa sidoo kale la hor keenay golaha, isla markaana ay meel mariyeen heshiis laba geesoodka ah oo Soomaaliya iyo Rwanda ay ka gaareen dhanka duullimaadyada iyo heshiiska is dhaafsi xarumo Diblamaasiyadeed, kaas oo horay u dhex maray dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.
  20. Safiirka Maraykanka ee Arimaha Soomaaliya u qaabilsan Donald Yamamoto ayaa maanta wuxuu siyaabo kala duwan ula kulmay Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada Soomaaliya. Madaxweyne Deni oo la [...] Source
  21. Muqdisho (SMN) – Guddiga Doorashooyinka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Galmudug ayaa diiwaan geliyay qaar ka tirsan musharixiinta u tartamaysa xilka madaxwayne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug. Sidoo kale, guddiga ayaa sheegay waqtiga araaji qabashada lagu daray sadex maalmood maalinta Jimacahana uu shaqeyn doono guddiga waxayna ku eg-tahay diiwaan-gelinta musharixiinta 26-ka bisha Janaayo sanadka 2020-ka. Hoos ka daawo sawiradda View the full article
  22. Wada dhaqameed ka dhacday maanta Duleedka Magaalada Garowe ayaa ahayd Casumaad ay Isimadu u sameeyeen Wafdi dhaqameed ka yimidJigjiga oo mentalt soo gaaray Garowe. Qaar [...] Source
  23. Muqdisho (SMN) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen dib-u-eegis lagu sameeyay Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka. Ujeedda sharcigaan ayaa ah tilmaamidda iyo nidaaminta dembiyada la xariira burcad-badeednimad iyo afduubka iyo xukunnada ka dhalanaya fal-debmiyeedyadaas loo geysto dadka, diyaaradaha, maraakiibta iyo doomaha isaga goosha xudduud badeedka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah. Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka ee Sharci Lr. 36 ayaa soo baxay Abriil 30, 1975. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay kulanka oo sidoo kale lagu meel mariyay heshiiska laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Rwanda ee duullimaadyada iyo heshiis is-dhaafsi xarumo Diblamaasiyadeed oo dhex maray Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Turkiga. View the full article
  24. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-23012020.mp3 View the full article
  25. Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ayaa waxaa maanta Nairobi uga bilowday Kulamadii uu la qaadan lahaa Beesha Caalamka, wuxuuna kulankiisa ugu horeeya la qaatay Maraykanka. Safiirka Maraykanka [...] Source