Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,329
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. aliyaha Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM Gen. Tigabu Yilma iyo wefdi saraakiil ah uu hogaaminayo ayaa maanta oo Sabtiya gaaray Degmada Dhoobley ee Gobalka Jubbada Hoose. Taliyaha ayaa booqday saldhigyada Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin Degmada Dhoobley, isaga oo halkaas kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidamada, wuxuuna kala hadlay arrimo kaka duwan. Taliye Tigabu Yilma ayaa waxaa uu Saraakiisha Ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan Dhoobley kala hadlay xaaladda guud ee Gobolka gaar ahaan tan degmada iyo mida nololeed ee Ciidamada ku sugan yihiin. Wuxu ku booriyay iney sii laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii looga saari lahaa deegaanada ay ku harsan yihiin gobolkaasi. PUNTLAND POST The post Taliyaha Ciidamada AMISOM oo booqday degmada Dhoobley appeared first on Puntland Post.
  2. Some of the presidential candidates in Galmudug have come out with new conditions they set on their participation in the upcoming election in the Somali Federal State by the end of this month. In a joint statement, the candidates – Abdi Ahmed (Abdi Dheere), Abdirahman Mohamed (Odowaa), Abdullahi Farah Weheliye and Kamal Dahir Gutale called for the formation of a fresh inclusive electoral committee ahead of the presidential vote. The aspirants said they want an independent third-party to oversee the electoral process to avoid vote-rigging and irregularities that could lead to post-election conflict in Galmudug. “We will not participate in an election that is organized by one group of the divided elections committee; that any elections held by some members of the committee and election timetable they have released are unacceptable,” the statement issued by the presidential candidates read in part. The latest development comes after the influential moderate Islamist group Ahlu Sunna Wal Jama’ah also announced its rejection of the ongoing federal government-led election process in Galmudug. View the full article
  3. Wararka saakay laga helaayo gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in deegaanka Farlibaax oo 45km u jira magaalada Baledwene ay la wareegeen dagaaalamayaal ka tirsan xarakada tirsan Al-shabab, kuwaas oo weerar ku soo qaaday degaanka. Dagaal kooban oo ku dhexmaray kooxo hubeysan oo deegaanka ah oo loo yaqaano Macawisley iyo Al-shabaab ayaa waxaa u suuragashay in Al-shaab ay gudaha u galaan deegaanka, sidoo kale kooxihii Macawislaydii ayaana iskaga baxay. Sidoo kale wararka ay helayso Goobjoog News ayaa sheegayo in deegaanka hadda lagu arkay meydadadka Sadddex ruux waxaana hadda deegaanka ka jiro xaalad kacsanaan ah madaama Labada dhican ay ka joogaan duleedyada deegaanka, waxaana saacad waliba la filan karaa inuu dagaal dhexmaro Labada dhinac. Deegaanka Farlibaax oo 45 km u jira magaalada B/weyne gobalka Hiiraan ayaa waxa ay gacanta ciidamada dowladda iyo kooxaha Macawislayda ku jirtay muddo Lix Sano ku dhow, dowladda ayaana ciidamadi u wareejisay dowladda dowlad gobaleedka Galmudug, intaasi wixii ka danbeeyey waxaa gacanta ku haayey deegaanka ciidamada Macawisleyda oo dowladda federaalka ay horey u sheegtay in la qarameynayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidanka AMISOM Gen. Tigabu Yilma iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray degmada Dhoobleye ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi loogu soo dhoweeyey si diiran. Taliyaha ayaa ugu horreyn booqday saldhig ay ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ku leeyihiin degmadaasi, isagoo kulan la qaatay saraakiisha ku sugan halkaasi. War ka soo baxay AMISOM, islamarkaana ku aadanaa socdaalka taliye Gen. Tigabu Yilma oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay inuu safarkiisa ugu kuur galayey xaaladda ciidamada iyo sidoo kale howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu ciidanka markii uu xog-wareystay kadib kula dardaarmay inay xoojiyaan dhaq dhaqaaqyadooda iyo howlgallada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka. Safarka taliyaha ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM aya ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ay kordhiyeen howlgalladooda Milatari, iyaga oo Al-Shabaab ka saaray deegaano dhowr ah oo dhaca K/Soomaaliya.
  5. Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka warbixiyey halka uu maraayo khilaafkii dhanka waxbarashada ee wasaaradda iyo dowlad gobaleedka Puntland. Wasiirka Goodax oo wareeysi siinaayey BBC ayuu sheegay in aysan macquul aheyn in dowladdu imtixaan aysan qaadin ama wasaaraddu koorjoogto ka aheyn inay ku bixiso Shahaadooyinka fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ee dalka. “Puntlan aratidoodu waxaa waaye in ay yiraahdaan Imtixaanka annaga ayaa qaadaneyna, wasaaradda waxbarashada ee dhexe oo imtixaanka agaasinto marabno inaan wax lawadaagno oo macluumaadka ardayga aan u sheegno qofkii annaga aan dhahno waa uu baaasay Shahaado siiya ” ayuu yiri wasiir Goodax. Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa siiwata ayaa xusay in aragtida ay soo jeediyeen dowlad gobaleedka Puntland uusan u cuntamin dowladda dhexe iyo wasaaradda waxbarashada. “Annagana waxaan dhahnay taasi macquul maahan, marka in iyagu ismaamulaan oo annaguna aan noqon (represented) oo Shahaado kaliya bixiya taas macquul maahan inaan Puntland Shahaado siinno lana mid ah midda aan siinnay ardaygii iyaguna aysan shaqeysan macquul maahan” Dhanka kale, wasiir Goodax Barre oo ka hadlayey mowqifka wasaaraddiisa ee Puntland ayaa waxa uu yiri. “Wax badan ayaan isla soo marnay xitaa in ayagu agaasimaan laakiin annagu aan kormeerno ma ogola, arrintu Puntland ayey agtaalaa in shacabka Soomaaliyeed ay lasoo mid noqdaan imtixaankooda la galaan shahaadaooda la qaataan, haddii ayagu aaminsan yihiin in ayagu ka tayo fiican yihiin kuwa kale buundayaasha ugu waaweyn ayeeyba qaadanaayaan” Ugu dambeyn wasiirka wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare Cabdullaah Goodax Barre ayaa ka warbixiyey deeqaha waxbarasho ee dowladda ay hesho sanadkii iyo sida loo maareeyo ”Deeqo waxbarasho waxaan helnaa 95 deeqo waxbarasho ayaan helnaa sanadkii inta badan waxaan ka helnaa wadamada Ethiopia, Suudaan iyo Masar, xoogooda meelahaas ayaan ka helnaa, sida loo qeybiyo intii aniga iga horeysay ayaga ayaa yaqaan lakiin inta aan aniga joogay qaabka aan u qeybiyo, dowlad gobaleedyada imtixaankii aan qaadnay meeqo ayuu ka helay aradaydii baastay meeqo ayuu ka ahaa 100% haddii 20% uu helo 20% ayuu ka helaa” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay akhrinta koowaad marsiiyaan Hindise sharciyeedka Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed. Maareeyaha Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed mudane Axmed Macallin Xasan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in sharcigaan uu muhiim u yahay dalka,isagoo aqalka sare ka codsaday in ay meel mariyaan si adeegyo badan oo hadda aysan awood u leheyn ay ugu qabtaan bulshada Soomaaliyeed maadaama dalku uusan laheyn sharci duulis. Xildhibaannada Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay usoo meelmariyay sharciga Hay’adda duulista rayidka, waxaana la filaa in Aqalka sare uu meel mariyo kaddib markuu marsiiyo heerarka Akhrinta ee sharcigaan. View the full article
  7. Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xarakada Al-Shabaab oo saaka aroortii hore ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen deegaanka Farlibaax oo 45 KM u jira Beledweyne. Wararka ayaa sheegaya in ciidanka dowladda iska hor imaadka kadib ay ka soo baxeen, halkaasi, ayna gacan ku heynta kala wareegeen dagaalyahannadii weerarka qaaday. Sidoo kale ilo deegaanka ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in haatan kooxda Al-Shabaab dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilowday halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaaas iyo weerarka ka horreeyey inta Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska hor horjeeda laga dareemayaa duleedka degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa si aad ah ugu xoogan gobolkaan, iyaga oo gacanta ku haya deegaano muhiim ah oo ay ku leeyihiin saldhiyo ciidan iyo maxkamado ay ugu yeeraan dadka shacabka ah iyo ganacsatada intaba.
  8. (SLT-Washington)-Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka, balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Ciraaq oo lagu magacaabo Dalia Al-Aqidi ayaa sheegtay in doorashada soo socota ee Mareykanka ay dooneyso in Ilhaan Cumar ay kula tartanto kursiga congress-ka ee gobolka Minnesota. Haweenay oo ka tirsan isla xisbiga Ilhaan ee dimuqraadiga ayaa sheegtay in Ilhaan Cumar “ay tahay mixnad horleh oo kusoo korodhay siyaasadda Mareykanka”, waxayna intaa raacisay in khaladaadka Ilhaan ay ku boorisay in ay u tartanto kursiga Aqalka Congress-ka ee Ilhaan ay ku matesho Minnesota. “Sababta igu dhalisya in aan kursiga kula loolamo Ilhan Cumar ayaa waxay tahay in waxyeelada Ilhaan Cumar ayna ku koobneyn oo keliya gobolka laga soo doortay, balse uu saameeyay guud ahaan dalka Mareykanka, ka muwaadin ahaan mas’uuliyadeyda waxay tahay in aan ka hortago naceybka iyo cunsurinimada ay ku baahineyso bulshadeeda iyo guud ahaan caalamka”, ayay tidhi Dalia Al-Aqid. Dalia ayaa intaa raacisay in Ilhaan Cumar looga fadhiyo in ay ka jawaabto su’aala badan, maadaama sida ay sheegtay ay “dhibaato u geysata dad badan oo American ah “. Waxaa kale oo ay sheegtay in Ilhaan Cumar looga fadhiyo in ay wax u qabato deegaankii laga soo doortay, sharci walba oo ay meelmarisana uusan waxtar u lahayn dadka ku nool halka laga soo dortay Haweenaydan oo ah saxafiyad hore uga soo shaqeysay warbaahinta caalamka ayaa dalka Mareykanka qaxooti ahaan ku gashay sanadkii 1993, waxaana ay qoyskeedu kasoo jeedaan dalka Ciraaq. Arrintan ayaa kusoo aaday xilli Ilhan Cumar ay shaacisay ololaheeda doorashada oo ay markale ku dooneyso in lagu doorto. Ilhaan ayaa bilawday hal ku dhigga ah “dib ugu celi aqalka Kongreska” oo ay ula jeedo dib u doorashadeed. Dooraahada Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo bisha November ee sanadkan 2020-ka, waxaana inta ka horeysa la geli doonaa doorashada xisbiyada dhexdooda, halkaas oo ay kusoo bixi doonaa hadba dadka xisbi walba ku mateli doonaa doorashada guud ee Mareykanka. Ilhan Cumar oo ah gabadh Soomaali, qaxooti ahaanna ku tagtay dalka Mareykanka ayaa ka mid ah siyaasiyiinta aadka looga bartay dalka Mareykanka sanadihii dambe, waxaana ay kamid tahay dadka aadka u dhaliila siyaasadda madaxweyne Donald Trump. Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa dib u soo celiyey dagaalka wasaaradiisa kala dhexeeyey Puntland, wuxuuna sheegay in ardayda maamulkaasi aysan sii doonin Shahaadada dugsiga sare, haddii aysan ka qeyb gelin Imitixaanaadka dowladda dhexe. Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadlay Telefishinka BBC-da ayaa tilmaamay in weli aan xal dhab ah laga gaarin khilaafkii ka taagnaa Imtixaanka ee dowladda iyo Puntland. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Puntland ay rabto inay Imtixaanka qaado, islamarkaana ay iyagu ka wasaarad ahaan ka soo horjeedaan arrintaasi. “Puntland aragtidooda waxa waaye Imtixaanka annagaa qaadeyno, Wasaaradda Waxbarashada oo Imtixaanka agaasinto ma rabno in aan wax la wadaagno in macluumaadka ardayga u sheegno, anaga agaasimeena, kaliya Wasaaradda waxbarashada shahaadada ha siiyaan, anagana waxaa niri arrintaas macquul ma ahan, inay ayaga is maamulaan anagana aan shahaado bixino oo aysan shaqeysan cadaalad ma ahan.“ ayuu yiri Wareysigaan ku yiri wasiir wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Puntland ay ka wada hadleen arrimahaan, balse ay ku adkeysaneyso in aysan ka qayb gali doonin imtixaanadka dowadda dhexe. Goodax Barre ayaa sidoo kale ugu baaqay Puntland in ay ka qayb gasho imtixaanka ama ay isku tashato, sida uu hadalka udhigay. “Puntland waa in ay imtixaanka galaan ama aysan shahaado soo raadsan oo ay isku filnaadaan”ayuu mar kale yiri wasiirku. Weli madaxda sare ee Puntlad kama jawaabin hadalka ka soo yeeray xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradeeda waxbarashada, kaas oo ku soo aadaya iyadoo horay Puntland ugu eedeysay dowladda federaalka inay Shahaadada u diiday ardaydii galay Imtixaanaadkii dugsiyada sare ee deegaanada maamulkaasi sanad dugsiyeedkii la soo dhaafay.
  10. Madaxweynaha mamaulka Puntland, Siciid C/laahi Maxamed Deni ayaa kulan kula qaatay Nairobi wakiilka urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya, Maxamed Cali Guyo. Madaxweyne Deni iyo wakiilka IGAD ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, wada shaqaynta IGAD iyo Puntland, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaa Nairobi kula kulmay safiirka France u qaabilsan wadamada Soomaaliya iyo Kenya, Ambassador Aline Kuster-menager. Kulanka oo ay sidoo kale ka qeyb galeen qunsulka safaarada France u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Emmanuel Dagron-Halim iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan siyaasadda, amniga iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda maamulkaasi. View the full article
  11. (SLT-Ankara)-Dhul-gariir xoog badan ayaa waxa uu ku dhuftay bariga waddanka Turkiga, halkaas oo ay guryo ku soo dumeen ayna ku dhinteen ugu yaraan 18 qof. Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Sulaymaan Soylu ayaa sheegay in shan boqol oo qof oo kale ay dhulgariirka ku dhaawacmeen. Waxa uu sheegay in kooxaha gurmadka degdega ah ay baadigoobayaan 30 qof oo ku xayiran burburka hoostiisa. Dhul-gariirka ayaa ku dhuftay bariga Turkiga abaare 9-kii fiidnimo ee xilliga dalkaasi, waxaa uuna dhulka ku daray dhismooyin iyadoona la arkayay dadka deegaanka oo ku cararyay waddooyinka. Boqaal shaqaalaha samatabixinta ayaa lagu dabaalay gudaha iyo banaanka deegaankaasi. Waxay isticmaalayeen, cagaf-cagafyo, agabka korontada iyo xitaa gacmahoodo si ay usoo samatabixaayn daka ku xayitan dhismooyinka buburay Source
  12. Wararka naga soo gaaraya Jowhar ayaa sheegaya in Aabe xalay wiilkiisa curadka ahaa uu ku Gowracay magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka HirShabelle. Falkaan naxtinta leh ayaa ka dhacay waaxda Faanoole oo ka tirsan xaafadda Horseed ee magaaladaasi, kadib markii Aabe lagu magacaabo Cismaan Ibraahim uu wiilkiisii oo la oran jiray Ibraahim Cismaan uu Minid ku gowracay, kaas oo isla goobta ku dhintay. Marxuum Ibraahim ayaa 14 jir ahaa, waxaana sababta uu Aabahan wiilkiisa u dilay lagu sheegay, kadib markii uu wiilka booqday Hooyadiis oo ay Aabuhu kala tageen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Aabe Cismaan Ibraahim uu goobta isaga baxsaday falka kadib, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah,. Dhinaca kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle ayaa tegay guriga qoyskaas, waxaana haatan socda baaritaano lagu baadi goobayo Aabaha geystay dilkaasi. Dhacdadaan ayaa si aad ah waxaa saaka looga hadal hayaa guud ahaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. View the full article
  13. Musharaxiinta madaxtinnimada dowlad goboleedka Galmudug Cabdiraxmaan Odawaa, Cabdullaahi Wehliye, Kamaal Gutaale iyo Cabdi Dheere ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in loo baahanyahay dhinac 3-aad ee korjoogteeya doorashada Galmudug iyaga oo soojeediyey in Galmudug ka dhacdo hal doorasho, Ahlu sunnana ay qeyb ka ahaato hannaanka doorashada, dhacdo doorasho loo simman yahay ayna murshaxiinta la kulmi karaan dhammaan xildhibaannada. Halkan Ka Akhriso: Source: goobjoog.com
  14. Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahinno ayaa ka soo baxay dil arxan darro ahaa oo Aabe xalay wiilkiisa ugu geystay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe. Dhacdadaan xanuunka badan ayaa timid, kadib markii Aabe lagu magacaabo Cismaan Ibraahim uu wiilkiisii curadka ahaa oo la oran jirey Ibraahim Cismaan Ibraahim uu ku gowracay laanta Faanoole oo ka tirsan xaafadda Horseed ee magaaladaasi. Marxuum Ibraahim ayaa 14 jir ahaa, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in sababta uu Aabahan u dilay wiilkiisa ay aheyd kadib markii uu booqday Hooyadiis oo ay Aabuhu kala tageen, islamarkaana uu ka carooday, isagoona markii dambe Mindi ku Gowrcay wiilka oo isla goobta ku geeriyooday. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Aabe Cismaan Ibraahim oo goobta isaga baxsaday falka kadib mararka qaar laga qab jiray maskaxda, balse uu wanaagsanaa sanadihii u dambeeyey. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle, gaar ahaan kan degmada Jowhar ayaa falka kadib tegay guriga Qoyskaas oo ay xalay dhacdadu ka dhacday. Ciidamada ammaanka Jowhar ayaa sidoo kale saaka wada baaritaano dheeraad ah oo lagu baadi goobay Aabaha geystay falkaasi oo xoogsato ka ahaa magaaladaasi. Dhacdadaan oo murugo badan ku reegtay dadka deegaanka ayaa waxaa si aad ah looga hadal hayaa magaalada Jowhar ee Caasimada maamulka HirShabelle.
  15. The Force Commander of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) Lt. Gen. Tigabu Yilma on Wednesday visited troops on the frontline in Dhobley town near the Somali-Kenyan border to check on their condition and operational plans. Source: Hiiraan Online
  16. Allaha u naxriistee waxaa magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ku geeriyooday fanaankii Soomaaliyeed ee Daa’uud Cali Masxaf oo mudDooyinkii ugu dambeeyey ku xanuunsanayay gudaha dalka Itoobiya. “Inaa Lilaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun, Allaha u naxariisto waxaa hadda isoo gaartay geerida Fanaanka Caanka ah Daa”uud Cali Masxaf oo muddooyinkaan ku noolaa magaalada Jigjiga ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya”. ayuu yir Ismaaciil Oranjo afhayeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Dhanka kale wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayri Maareeye oo ka tacsiyadeyeey geeriada Al-Fanaan Daa’uud Cali Masxaf oo ka tirsanaa Hobalada Qaranka ee Waaberi ayaa eebe uga baryay in uu janadii Fardowso uu ka waraabiyo. Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si gaar ah uga tacsiyadeyeey Hobalada Qaranka ee Waaberi oo uu ka tirsana aiyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan eheladiisa. View the full article
  17. Cabdullaahi Goodax Barre wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadda federaalka aysan siin doonin Shahaadada dugsiga sare Ardayda Puntland, haddii aysan ka qeyb galin Imtixaanka Qaran ee ay qaado dowladda dhexe. Wasiir Goodax Barre ayaa tilmaamay in dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay dhowr jeer ka wada hadleen arrintaan, hase’ahaatee ay ku adkaysanayaan in aysan ka qayb gali doonin imtixaanka ay qaado wasaaradda waxbarashada DF Soomaaliya. Sidoo kale wasiirka ayaa Puntland ugu baaqay in ay ka qayb gasho imtixaanka ama ay isku tashato, sida uu hadalka udhigay Halkaan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/www-1.mp3 View the full article
  18. Qaar ka mid ah musharraxiinta u taagan hoggaanka Galmudug ayaa shuruudo adag ku xiray ka qeyb galka doorashada Madaxweynaha ee maamulkaasi. Musharaxiintaan oo kala ah, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa|), Cabdullaahi Faarax Wehliye, Kamaal Daahir Guutaale, iyo Cabdi Axmed (Cabdi Dheere) ayaa soo saaray shuruudo 7 gaaraya oo ku aadan qabsoomida doorashada madaxtinimada Galmudug. Shuruudaha ayaa waxaa ugu mhiimsan in la sameeyo guddi doorasho cusub, oo ay ku midaysan yihiin dhinacyada ay khusayso doorashada oo Ahlu Sunna qeyb ka tahay. Halkaan hoose ka akhriso: View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-25012020-SX.mp3 View the full article
  20. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi, oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa hallkaasi kulamo kala duwan kula qaadanayaa qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka iyo safiirada dalalka daneeya Arrimaaha Sioomaaliya. Madaxweyne Deni, ayaa xalay oo u dambaysay magaalada Nairobi kulan kula qaatay Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Mohamed Ali Guyo, sida lagu sheegay qoraalk soo baxay madaxtooyada Puntland. Qoraalka ayaa lagu sheegay, in madaxweyne Deni iyo Danjire Guyo ay kulankooda uga wada hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya, wadashaqaynta IGAD iyo Puntland, mashaariicda horumarineed ee IGAD ka taageerto Puntland, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay isla magaaladda Nairobi kula kulmay Safiirka dowladda France u qaabilsan wadamada Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Aline Kuster-menager, waxaana ay ka wada-hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya, Siyaasadda, Amniga iyo mashaariicda horumarin ee Puntland ka socda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Nairobi kula kulmay Wakiilka Urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  21. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa saacadihii la soo dhaafay kulan gaar ah la qaatay wakiilka gaarka ee IGAD u qaabilan Soomaaliya, Maxamed Cali Guyo. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa arrimaha looga hadlay ka mid ahaa doorashooyinka soo socda ee la filayo in dhowaan ay ka dhacaan Soomaaliya, gaar ahaan sida loo wajahayo, maadaama uu weli u jiro khilaaf u baahan in la xaliyo. Labada dhinac ayaa isla qiray inay muhiim tahay la gaaro xal siyaasadeed ka hor doorooshiyinka 2020/2021, si ay doorashada ugu dhacdo qaab hufnaan oo xor iyo xalaal ah. Sidoo kale waxaa kulanka Madaxweyne Deni ergeyga IGAD ee Soomaaliya lagu soo qaaday mashaariicda horumarineed ee urur goboleedkaan uu ka taageero dowlad goboleedka Puntland, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada rayidka. Siciid Cabdullaahi (Deni) oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Nairobi ayaa kulamo ka waday gudaha magaaladaasi, isagoo la kulamy mas’uuliyiin uu ka mid yahay Safiirka France u qaabilsan arrimaha dalalka Soomaaliya iyo Kenya ,Ambassador Aline Kuster-menager, kaas oo ay uga wada hadleen xaaladda dalka. Kulamadaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli mad madow siyaasadeed oo saameeyey xiriirka iyo wada shaqeynta Puntland iyo dowladda dhexe uu u dhexeeyo labada dhinac.
  22. Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabtiya akhrinta koowaad marsiiyaan Hindise sharciyeedka Hay’adda duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed. Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in sharcigaan uu muhiim u yahay dalka,isagoo aqalka sare ka codsaday in ay meel mariyaan si adeegyo badan oo hadda aysan awood u laheyn ay ugu qabtaan bulshada. Xildhibaannada Golaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa horay usoo meelmariyay sharciga Hay’adda Duulista Rayidka, waxaana la filaa in Aqalka sare uu meel mariyo kaddib markuu marsiiyo heerarka Akhrinta ee uu mudanyahay. PUNTLAND POST The post Aqalka sare oo maanta Akhrinta koowaad marsiinaya Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka appeared first on Puntland Post.
  23. Associated Press says Vanessa Nakate was excised from image, which also featured Greta Thunberg, ‘purely on composition grounds’ Source: Hiiraan Online
  24. Iiran oo shaacisey inay heshay xoggo ku saabsan Dilkii Qasim Soleimani+Dal carbeed oo……. Taliyaha Ciidamada Cirka ee Dawladda Iiraan, Amiir Cali Xaaji Zaada ayaa soo bandhigay xog dheeraad ah oo ku saabsan Dalalka ka qeyb qaatay duqayntii lagu dilay Qaasim Suleymaani. Wuxuu sheegay taliyuhu in Mareykanka uu ugu yaraan 4 Saldhig Militari u adeegsaday dilka Taliyihii Ciidamada Qudus , Qassem Soleimani. Amiir Zada, waxa uu caddeeyey in ay heleen xogo rasmi ah oo muujinaya in Diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee bartilmaameedsaday kolonyada Soleimani ay kasoo keceen saldhigga Mareykanku ku leeyahay Dalka Kuweyt. Xaaji Zadeh, wuxuu intaas ku daray in waddankiisu uu kormeerayay qaadista Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo Helikobtarro wata qalab fara badan oo Rasaas ah, maalintii la dilay Soleimani. “Diyaaradaha MQ-9 waxaan ogaanay in ay kasoo duuleen saldhigga Cali Al-Saleem ee Dalka Kuweyt, sidoo kale waxaan baaritaan dheer ku xaqiiqsannay in Diyaaradahaasi ay howlgalka kahor joogeen Hawada sare ee Caasimadda Baqdaad “ ayuu yiri Amiir Zaada. Dawladda iiraan ayaa intaa ku dartay in ay welwel ka qabto meesha ay ku danbayn doonaan Dalalka Carbeed ee u adeegaya Maraykanka iyo xulufadiisa Yuhuudda, waxayse sheegtay in iiraan ay ku filan tahay difaaca Dhulkeeda iyo Dadkeeda Qaran News