-
Content Count
214,342 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Weriye Cumar Soomane Booliska Pumtland ayaa Garowe ku xiray Cumar Maxamed Soomane oo ahaa weriyihii gaarka ahaa ee madaxweynaha Puntland. Xariga Soomane waxaa xaqiijiyey Booliska gobolka Nugaal, waxayna sheegeen in loo hayso eedeymo la xiriira warar lid ku ah Puntland oo u diray warbaahinta Muqdisho. Maalintii shalay weriye Cumar Soomane ayaa bartiisa Fecebook-ga soo dhigay qoraal uu ku sheegay in uu raaligalin kaga bixinayo war uu u diray mid kamid ah warbaahinta Muqdisho. Soomane inta uusan dhawaan noqon shaqaale dowladeed, wuxuu ahaa Suxufi ka howlgala warbaahinta madaxa bannaan ee Soomaalida. PUNTLANS POST The post Garowe: Weriye ka tirsan Madaxtooyada Puntland oo la xiray appeared first on Puntland Post.
-
Soomaaliland ayaa maanta ganacsatada ku nool deegaannadaas u dirtay digniin ku aadan in wax gaadiid Dabdamis ah aysan ka soo dajin Karin Soomaalilan. Waxsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda gaadiidka iyo hormarinta Jidadka ayaa lagu sheegay in ay mamcuuc tahay dowladdana ay xaq u leedahay in ay soo dajiso ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Waxaana la sheegin u jeedada looga jiijiyey ganacsada soo dajinta gaadiidka Dabdamiska, mana jiro wax war ah oo wali ka soo baxay ganacsada Somaliland oo ku aaday hadalka ka soo baxay wasaaradda gaadiidka iyo hormarinta jidadka. Halkaan Ka A khriso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Sooomaaliya Dr. Cabdi raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta wadanka Jabuuti kula kulmay safiirka dowladda Ruushka u qaabilsan Soomaaliya H.E. Mikhail Golovanov. Wasiirka kulanka uu la yeeshay safiirka ayaa looga wada hadlay dhinacyo badan oo ay ka mid ahaayeen xiriirka iskaashiga labada wadan iyo arrimaha deyn cafin maadaama dowladda Ruushka ay ka mid tahay dowladaha lacagaha badan ku leh Soomaaliya. “Waxaa maanta la kulmay Safiirka Dowladda Ruushka ee Soomaaliya H.E. Mikhail Golovanov oo aan ka wada hadalnay arrimaha deyn cafinta Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Beyle. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in xukuumadda hadda jirta ay ku dadaalayso sidii dalka deynta looga cafin lahaa, waxaana uu xusay in dowladda Ruuska ay tahay dowladda 2-aad ee lacagaha ugu badan ku leh Soomaaliya. “Ruushka waa dalka 2-aad ee deyn cafinta ugu badan nagu leh, wada hadalkeenu wuxuu ku saleysnaa sidii ay deymahaas nooga cafin lahaayeen,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Beyle. Kulanka wasiirka uu maanta la qaatay safiika doladda Ruushka u qaabilsan Soomaaliya H.E. Mikhail Golovanov ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo maalmaan wasiirka uu waday kulamo uu la qaadanaayey dowladaha deymaha ku Soomaaliya oo balanqaaday in ay diyaar u yihiin in ay ka cafiyaan haddii ay soo buuxiso shuruudaha deyn cafinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Khartoum (Caasimada Online) – Israel iyo Sudan ayaa billaabay inay ka shaqeeyaan sidii ay u yeelan lahaayeen xiriir diblomaasi maalin kadib markii ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu iyo hogaamiyaha golaha xukuma Sudan ee militariga , Abdel Fattah al-Burhan ay ku dhowaaqeen inay caadi ka dhigayaan xiriirkooda. Sudan ayaa la rumeysan yahay in sababta ay u dooneyso inay xiriir ula yeelato Israel ay tahay inay ka caawiso sidii ay u horumarin lahayd xiriirka kala dhaxeeya Mareykanka, kaasi oo Sudan ku calaamadeeyey dal taageera argagixisada, 1993-kii. Abdel Fattah al-Burhan oo hadlayey kadib kulankii qarsoodiga ahaa ee uu Netanyahu kula yeeshay dalka Uganda, ayaa sheegay in sababta uu ula kulmay ra’iisul wasaaraha Israel ay tahay “inuu ilaaliyo danta amni iyo midda siyaasadeed ee shacabka Sudan.” Al-Burhan ayaa intaas ku daray in dalkiisa weli uu aaminsan yahay “mabaadi’ida qadiyadda Falastiin iyo xaqa ay shacabka Falastiin u leeyihiin inay helaan dal madax banaan.” Imaaraadka Carabta ayaa la rumeysan yahay inay abaabuleen kulanka Netanyahu iyo al-Burhan oo Isniintii ka dhacay magaalada Entebbe ee dalka Uganda. Mas’uuliyiinta Sacuudiga iyo Masar ayaa sidoo kale lagu war-geliyey. Sudan ayaa iclaamisay dagaal ka dhan ah Israel, sanadihii 1948-kii iyo 1967-kii, markaasi oo sidoo kale dalal kale oo Carbeed ay dagaal ku qaadeen Israel. Kadib markii uu dhammaaday dagalkii Lixda Maalmood ee 1967-kii, Khartoum waxay sheegtay inaysan marnaba heshiis iyo wada-xaajood la galeyn Israel, islamarkaana aqoonsan doonin. Si kastaba, ayada oo dalal kale oo Carbeed oo badan, sida Sacuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta, Cuman iyo Baxreyn ay sanadihii dhowaa si qarsoodi ah ula heshiiyeen Israel, Sudan ayaa rumeysan in xiriir wanaagsan oo ay la yeelato Israel ka caawin karto in laga saaro liiska Mareykanka ee dalalka taageera argagixisada. Al-Burhan ayaa maalin ka hor la-kulanka Netanyahu waxa uu la hadlay xoghayaha arriamaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo, waxaana Pompeo uu al-Burhan uga mahad-celiyey “Hoggaankiisa wanaagsan iyo hagaajinta xiriirka Israel.” Xoghayaha guud ee jabhadda xoreynta Falastiin ee PLO, Saeb Erekat ayaa cambaareeyey xiriirka Israel iyo Sudan, wuxuuna kulankii Entebbe ku qeexay mid dhabarka looga mindiyeeyey shacabka Falastiin.
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaraddaha dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo gaba gabeeyay shir ku saabsan imtixaanka Qaranka ee sanada 2019/2020. Waxaa ka soo qeyb-galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Feysal Cumar Guuleed Wasiiradda Wasaaradaha Waxbarashada Maamul Gobaleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka. Sidookale waxaa shirka Goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Agaasimayaasha Wasaaraddaha Waxbarashada Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir. Shirka ayaa Qodabada laga soo saaray waxaa ka mid ahaa. 1 Qorshaha imtixaanka Qaranka Fasalka 8-aad iyo Fasalka12-aad si looga baaraandago qorshayaasha xiga ee soo aadan iyo Ansixinta Qorshaha imtixaanka Fasalka 12-aad oo ah waajibaad Qaran oo dhawaan la galayo. 2-In la dhowro mas’uuliyadda dastuuriga ah ee ku saabsan hubinta helitaanka adeegyo Waxbarasho oo tayo leh oo ay helaan ardayda Soomaaliyeed. 3- Sidoo kale waxaa la isla gartay xaqiiqada ku qotanta in la hirgeliyo iyo in la xaqiijiyo hab mideysan oo ardayda loo siinayo shahaadada dugsiga sare iyo in la qaado imtixaanka shahaadiga ah oo mideysan dalka oo dhan. 4-Waxaa la isku raacay in la qaado imtixaan shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2019/2020 inta u dhaxeysa 15 ilaa iyo 29 Abriil, waxana la isla gartay in arday kasta oo aan galin imtixaanka shahaadiga ah ee mideysan uusan xaq u yeelaneyn in uu helo shahaadada ay bixiso Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. 5-Sidookale waxaa la isla gartay in ardaydii ku dhacday imtixaankii laga soo gudbay ay ka qeyb galaan imtixaanka islmarkaan ay hada xaq u leeyihiin in ay ka qeyb galaan imtixaan sanad dugsiyeedka 2019/2020 si waafaqsan sharuudaha iyo hab raacyada kale ee u dagsan imtixaanka Qaranka. Waxaa la isku raacay in dowlaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay dajiyaan islamarkaan ay qaadaan imtixaanka fasalka 8 –aad ee dugsiyada Hoose iyo dhexe si loo hubiyo sugnaanta iyo tayada waxbarashada ardaga u soo gudbaya heerka fasalka 1-aad ee dugsiga Sare. Sidoo kale shirku waxa uu ku booriyay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, in ay xaqiijiso hergalinta iyo badqabka shahaadada Qaranka oo sumcad balaaran ku leh caalamka intiisa kale . Ugu danbeeyntii xubnaha shirka ka qeyb galay waxa ay ugu baaqeen Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Puntland in ay ku soo biiraan hannaanka Waxbarashada dalka, isla markaana ay doorkooda ka qaataan mideynta iyo tayada waxbarashada ee uu dalku leeyahay si loo badbaadiyo mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay dadaal uga jirto siddii guud ahaan Goballada dalka looga xorreyn lahaa Al-Shabaab ayaa ciidamado geysay degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo.. Qaar ka mid ah Gobalada dalka ayaa maalmihii la soo dhaafey waxaa gaarey ciidamo si gaar ah u tababaran oo dowladda Federalka ugu talagashey in ay la dagaalamaan Al-Shabaab. Saraakiisha ayaa sheegay in Gobalka Gedo degmooyin badan oo ka tirsan 3-dii maalin ee ugu dambeysey ay soo gaarayeen ciidamo aad u qalabeysan oo dowladda ka tirsan. Meelaha Ciidamadan la geeyey ayaa waxaa ka mid ah Degmooyinka Baardheere, Beled-Xaawo iyo Luuq ee ka tirsan Gobolka Gedo, waxaana ay xoojin doonaan ciidamadii hore ee halkaasi ugu howlgeli jirey. Saraakiisha Ciidamada ayaa intaas ku daray in ammaanka deegaanadaas ay yihiin kuwo dowladda ay si guud gacanta ugu heyso xiligan, ayna qorsheynayaan inay balaariyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay faragalinta siyaasadeed iyo midda amni ee dowladda Kenya ay ka waddo gudaha dalka. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay mowqifka dowladda ee ah inay ka xuntahay faragelinta siyaasadeed iyo midda amni ee ay dowladda Kenya ka waddo gudaha Soomaaliya, taasi oo aan u wanaagsaneyn xiriirka labada dal. “Waa in aan Dowladda Kenya u adeegsan ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya macaga dalada AMISOM faragelinta arrimaha siyaasadda gudaha iyo khalkhal-gelinta amniga gudaha ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Habeen-05022020.mp3 View the full article
-
Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaraddaha dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo gaba gabeeyay shir ku saabsan imtixaanka Qaranka ee sanada 2019/2020, waxana ka soo qeyb-galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Feysal Cumar Guuleed Wasiiradda Wasaaradaha Waxbarashada Maamul Gobaleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka. Sidookale waxaa shirka Goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Agaasimayaasha Wasaaraddaha Waxbarashada Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir. Shirka ayaa Qodabada laga soo saaray waxaa ka mid ahaa. 1 Qorshaha imtixaanka Qaranka Fasalka 8-aad iyo Fasalka12-aad si looga baaraandago qorshayaasha xiga ee soo aadan iyo Ansixinta Qorshaha imtixaanka Fasalka 12-aad oo ah waajibaad Qaran oo dhawaan la galayo. 2-In la dhowro mas’uuliyadda dastuuriga ah ee ku saabsan hubinta helitaanka adeegyo Waxbarasho oo tayo leh oo ay helaan ardayda Soomaaliyeed. 3- Sidoo kale waxaa la isla gartay xaqiiqada ku qotanta in la hirgeliyo iyo in la xaqiijiyo hab mideysan oo ardayda loo siinayo shahaadada dugsiga sare iyo in la qaado imtixaanka shahaadiga ah oo mideysan dalka oo dhan. 4-Waxaa la isku raacay in la qaado imtixaan shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2019/2020 inta u dhaxeysa 15 ilaa iyo 29 Abriil, waxana la isla gartay in arday kasta oo aan galin imtixaanka shahaadiga ah ee mideysan uusan xaq u yeelaneyn in uu helo shahaadada ay bixiso Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. 5-Sidookale waxaa la isla gartay in ardaydii ku dhacday imtixaankii laga soo gudbay ay ka qeyb galaan imtixaanka islmarkaan ay hada xaq u leeyihiin in ay ka qeyb galaan imtixaan sanad dugsiyeedka 2019/2020 si waafaqsan sharuudaha iyo hab raacyada kale ee u dagsan imtixaanka Qaranka. Waxaa la isku raacay in dowlaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay dajiyaan islamarkaan ay qaadaan imtixaanka fasalka 8 –aad ee dugsiyada Hoose iyo dhexe si loo hubiyo sugnaanta iyo tayada waxbarashada ardaga u soo gudbaya heerka fasalka 1-aad ee dugsiga Sare. Sidoo kale shirku waxa uu ku booriyay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, in ay xaqiijiso hergalinta iyo badqabka shahaadada Qaranka oo sumcad balaaran ku leh caalamka intiisa kale . Ugu danbeeyntii xubnaha shirka ka qeyb galay waxa ay ugu baaqeen Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Puntland in ay ku soo biiraan hannaanka Waxbarashada dalka, isla markaana ay doorkooda ka qaataan mideynta iyo tayada waxbarashada ee uu dalku leeyahay si loo badbaadiyo mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beled Xaawo (Caasimada Online) – Maamulka degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa ka hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya ee shalay la wareegay gacan ku haynta magaaladaas. Ciidamada dowladda ayaa halkaas gaaray islamarkaana la wareegay saacado un kadib markii uu magaalada soo galay wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan, kaasi oo markii dambe ka baxay magaalada una gudbay magaalada Mandhera ee waqooyi Bari Kenya. Guddoomiyaha degmada Beled-Xaawo ee dhanka dowladda Cabdi Casiis Xareed ayaa shegay inay ku faraxsan yihiin soona dhoweynayaan ciidamada dowladda. Cabdicasiis ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in qorshaha ciidamada dowladda ay ku galeen Beled-Xaawo uu qeyb ka ahaa heshiis horey u dhex maray maamulka iyo dowladda. “Ciidamada dowladda waan soo dhaweyneynaa, dadkana waxaan u sheegayaa in dowladda federaalka ay mas’uul ka tahay xuduudaha badda, dhulka iyo cirka, ciidanka dowladda cadaw ma ahan, waana in lasoo dhaweeya” ayuu yiri Cabdi Casiis Xareed. Waxa uu intaas ku daray “Waxaan difaacayaa oo aan ku shaqeynayaa heshiis aan lasoo galnay dowladda dhexe.” Cabdi Casisi ma uusan faah-faahin waxa uu yahay heshiiska, hase yeeshee dowladda ayaa horey inta badan maamulka gobolka Gedo uga dhaadhicisay inay ka goystaan Axmed Madoobe, oo ay hoostagaan dowladda dhexe.
-
(SLT- Switzerland)-Wargeys ka soo baxa dalka Switzerland ayaa warbixin uu daabacay maalintii shalay waxa uu Somaliland ku tilmaamay rajo dhalaalaysa, marka loo eego dalalka dariska lah. Warbixinta Wargeyska Swiss International Newspaper ayaa u qornayd sidan:- Somaliland waxay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya 1991-kii, laakiin waddanna adduunka kama aqoonsana. Si kastaba ha noqotee, waxyaabo qaar ayaa halkaas ka sii fiicnaanaya marka loo eego deriskiisa. Meesha baabuurta la dhigto ee ilmuhu ku jeedo waa waddan aan si rasmi ah u jirin. Goobta ayaa ah “Huteel Guled” oo ku yaal magaalada Hargeysa, ee caasimada Somaliland, waa Dal madaxbannaan oo ku yaal geeska bariga Afrika. Sannadkii 1991-kii waxay ku dhawaaqday Somaliland inay ka go’day Soomaaliya. Maanta waa dal loogu yeedho de facto State oo leh dowladd, ciidan iyo lacag intaba, shilinka Somaliland. Marka loo eego sharciga caalamiga ah, Somaliland wali ka mid tahay Soomaaliya; Ma jiro wadan aduunka ka mid ah oo aqoonsan, sideed wadan oo kaliya ayaa aqbala baasaboorka Somaliland. Somaliland, oo sawir qaade François Klein uu u socdaalay, ayaa inta badan waxa ka maqan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah. Sannadkii 2014, Bangiga Adduunka wuxuu qiyaasay in ku dhawaad 40 boqolkiiba dadka ku nool miyiga ay liitaan. Si kastaba ha noqotee, Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday Madaxbanaanidu waxay leedahay dimoqraadiyad sifiican u shaqeyneysa iyo nidaam dhaqaale oo xasiloon. Soomaaliya waxaa loo arkaa “Waddan guuldaraystay”, Somaliland waxay tusaale u tahay guusha. Sababtaas awgeed, muhaajiriintii hore sida Cali Guuleed, badanaa waxay ku noqdeen dalkoodii. Wuxuu ku noolaa Texas wuxuuna ka shaqeyn jiray warshadaha batroolka, magaalada Hargeysa wuxuu ka aasaasay “Guled Hotel”, oo sidoo kale xarun ganacsi u leh maalgashadayaasha. Iyagu aad bay muhiim ugu yihiin Somaliland: sababta oo ah aqoonsi la’aanta caalamiga ah awgeed, majirto wax kaalmo horumarineed ah oo waa inay lafteedu hubiso in lacag soo gasho dalka. Somaliland run ahaantii maanta waxay leedahay xafiisyo shaqaynaya, oo aad ufiican oo shaqeynaya maanta. Sidaa darteed waxay aad u soo jiidaneysaa maal-gashadayaasha. Muuqaalka Magaalada Hargeysa, Caasimadda Somaliland. Waqti fog ma ahan in magaalada gabi ahaanba la dumiyo. Markii uu kaligii taliyihii Siyaad Barre xukunka la wareegey dabayaaqadii sannadihii 1970-yadii, wuxuu dalka oo dhan gacanta ku dhigay, waxkastaba, wuxuu ku dhuftay woqooyiga, oo ah meesha ay ku taalo Hargaysa. Sanadkii 1988 ayuu magaalada duqeeyey. Magaalada Hargeysa si weyn ayaa loo burburiyey, ku dhawaad 50,000 oo rayid ah ayaa la diley. Sannadkii 1991, fallaagadu waxay ka kaxeeyeen ciidammada Soomaaliya Somaliland waxayna afgembiyeen kaligii-taliyihii. Muddo yar ka dib, gobolku wuxuu ku dhawaaqay madax-bannaanido. Dib-u-dhiska Hargeysa ayaa la bilaabay 1991-kii, oo ay maalgeliyeen inta badan deeq-bixiyeyaasha maxalliga ah iyo tabaruc ka timid qurbo-joogga. Magaalada dekeda ah ee Berbera kadib, Hargeysa ayaa hadda ah meheradda labaad ee ugu weyn Somaliland. Qofna ma oga sida saxda ah ee dadka deggan magaalada. Xisaabinta laga soo bilaabo 2017 waxay qaadataa qiyaastii 861,000 oo qof, qiyaaso kale ayaa sidoo kale ka socda in ka badan hal milyan. Marka la barbardhigo Mogadiscio, oo ah caasimada Soomaaliya, waxaad si xor ah ugu dhex wareegi kartaa magaalada Hargeysa, maleeshiyada argagixisada ah ee al-Shabab badanaa waxay weeraraan koonfurta. Sawirku wuxuu muujinayaa nolosha magaalada: waxaa jira makhaayado iyo kafateeriyaal, waxbadan ayaa la hagaajiyay. Sharafta iyo farxadda dalka waa carwada sanadlaha ah ee caalamiga ah. Bashiir Xussein ayaa fadhi ku yeeshay Rugta Guurtida ee baarlamaanka Somaliland. Baarlamaanku wuxuu ka kooban yahay laba gole: Golaha Wakiilada, ay doortaan dadku, iyo Golaha Guurtida, oo ay ku fadhiyaan gudoomiyaasha qabaa’ilka kala duwan. Gobolka waxaa qaabeeyey reeraha waaweyn ee taariikhiga ah, qabiilooyinka, qarniyo badan. Hoggaamiyayaashoodu waxay leeyihiin saameyn aad u weyn iyo isku dhacyo fudud. Somaliland horumar iyo gadaal ayey ka tahay isla waqtigaas. Doorashooyin xor ah ayaa dhacay dhowr jeer tan iyo 1991, markii lagu dhawaaqay madax-bannaanida, iyo hannaanka baarista iris-ka ee doorashadii madaxtinimada ee dhowaan 2017 ka hor istaagtay cod-bixiyeyaasha laba jeer. Si kastaba ha noqotee, xaqiiqda ah in doorashada dib loo dhigay laba sano ayaa cadho ka dhex abuurtay dadka, dawladuna waxay si xun uga falcelisay mudaaharaadyada. Wax yar oo kale waa la khilaafsan yahay: qoraa ayaa la xiray 2019 maxaa yeelay wuxuu ku baaqay in dib u habeyn lagu sameeyo xabsiga iyo nidaamka garsoorka dambiyada ee gabay; sedex nin oo kale ayaa loo xiray barta Facebook ee dhaleeceynta dowladda. Maaddaama Islaamku yahay diinta dawladda, haweenku wax yar bay leeyihiin oo waxay kaloo ka hadlaan siyaasadda. 98 boqolkiiba dumarka iyo gabdhaha waa la gudaa. Laga soo bilaabo 2018, naafeynta xubinta taranka waxay ahayd dambi fal ah, isku midna waxaa lagu dabaqayaa ku xadgudubka galmada. Adhijir da ‘yar oo u dhow xeradiisa teendhooyinka ee Somaliland. In kabadan nus dadka waa reer guuraa. Sanad walba waxay la socdaan riyaha, idaha iyo geela min waqooyi-bari ee Itoobiya iyagoo aadaya dekedaha ku teedsan Gacanka Cadmeed, halkaasoo xoolaha looga dhoofiyo, gaar ahaan Sacuudi Carabiya. Qoysas badan ayaa noloshan ku noolaa qarniyo. Nolol maalmeedka bulshada waxay ku dhaceysaa iyaga midba midka kale, kaasoo ah midda u daacad ah midba midka kale. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xuntahay faragelinta siyaasadeed iyo mid amni oo ay ka wado dowladda Kenya gudaha Soomaallya, taasoo aan u wanaagsanayn xidhiidhka labada dal iyo labada shacab ee Walaalaha iyo deriska ah. iyo xal u helida mushkiladaha gobolka ee ay kamid tahay la dagaalanka Argagixisada. War-saxafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku jooga magaca Amisom iyo midowga Afrika ay sameeyeen farogalin siyaasadeed iyo khalkhal galin amniga oo gudaha ah. “Sida ay qabaan xeerarka caalamiga ah oo ay ku jiraan kuwa Golaha Amniga iyo African Union ee Ciidamada AMISOM ku joogaan dalka Soomaaliya, waa in aan Dawladda Kenya u adeegsan Cildamadeeda ku jooga Soomaaliya magaca dalada AMISOM faragelinta arimaha siyaasada gudaha iyo khalkhal-gelinta amniga gudaha ee Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka. Dawladda Federalka Soomaaliya waxay hadalkeeda ku dartay in mar waliba raadinaysaa daris wanaag, ixtiraam iyo nabad ku wada noolaasho, ayna aqbali doonin faraglin iyo khalkhal abuuris, taasoo aysan ku Jirin maslaxada gobolka iyo nolosha shucuubta dagta. Source
-
Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta markale ku ceeliisay in maamulka Isbitaalka Yardimeri laga rabo in sida ugu dhaqasiyaha badan ay ku soo cadeeyaan shaqada ay ka hayaan magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay wasiirka wasaaradda caafimaadka Fowziyo Abuukar Nuur ayaa lagu sheegay in wasaaradda mar kale Yardimeri hospital ay warqad u dirtay, lakiin maamulka isbitaalka wali aysan wax jawaab ah soo celin. Sidoo kale qoraalka wasiir Fowziyo ayaa xusay in wasaaradda uu xil ka saran yahay hey’addii ka shaqeeyo arrimaha caafimaadka ruqsad shaqo ee dalka aanan heysan in ay shaqo joojin ay ku sameyn karto maadaama loo igmaday arrimaha caafimaadka. “Wasaaradda Caafimaadku waxay u xil saaran tahay ilaalinta arrimaha caafimaadka Dalka, shaqada naloo igmaday ayaan gudanaynaa, balse ma aha inaan daba gal ku hayno shaqo aanaan lahayn, hay’ad kasta oo ka shaqaysa arrimaha caafimaadka haddii aysan haysan ruqsad ay kaga shaqayso Dalka, waxaa waajib nagu ah inaan shaqada ka joojino, balse ciddii haysato ruqsad shaqo oo sharci ah kuna saabsan arrimaha caafimaadka, nidaamka Dowladnimo ayaa u oggol inay shaqeyaan” ayay tiri Wasiirka Wasiiradda Caafimaadka Soomaaliya. Dhanka kale wasiir Fowziya Abuukar Nuur ayaa intaa ku dartay in gudashada shaqadooda aysan cid kale marti uga ahaan doonin, Wasaaradduna ay markasta si dhow u ilaaliso shaqada loo igmaday ee ku saabsan arrimaha caafimaadka Dalka. Ugu dambeyn Hadalka maanta ka soo baxay wasiirka waasaradda caafimaadka iyo daryeelka burlshada xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa u kuu aadayaa ayadoo dhawaan wasaaraddu ay isbitaalaka Yardimeri ku soo eedeysay inuu si ruqso shaqo caafimad uusan heysan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda dil Xalay Magaalada Muqdisho loogu geystay nin ganacsade ah. Ninkaan oo Xalay lagu dilay Degmada Dharkeynley gaar ahaan Suuq Boocle ayaa lagu magacaabi jiray Hilowle Aboor, wuxuuna ahaa ganacsade caan ka ah suuqaas isagoo iibin jiray Mooska. Saacado kadib dilkaas, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay iyada fulisay dilkaas, waxayna sheegatay inuu marxuum Hilowle ahaa sarkaal ka tirsan Nabadsugidda Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan qeyta Dhar -Cadka. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay masu’uuliyadda dil kale oo Xalay ka dhacay Degmada Hiliwaa, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin waxa uu ahaa qofka ay dileen. Nabadsugidda Dowladda Soomaaliya ayaan ka hadlin sheegashada Al-Shabaab iyo xataa in laga dilay sarkaal iyada ka tirsanaa, mana jirto sidoo kale illo madax banaan oo xaqiijiyey in Marxuum Hilowle uu ka tirsanaa Nabadsugidda Dowladda Federaalka. Kooxda Al-Shabaab ayaa dilal joogto ah ka fuliso Magaalada Muqdisho, waxayna inta badan beegsataa xubnaha kala duwan ee ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay ka xuntahay fara-gelin Siyaasadeed oo ay ku eedaysay in dowladda Kenya ka waddo gudaha dalka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya, waxay sheegtay in fara-gelintaasi aysan u wanaagsaneyn xiriirka labada dal iyo Xal u helidda Mushkiladaha gobolka oo ay ku jirto la’dagaallanka Argagixisada. Qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sidoo kale ku baaqay in laga wada- shaqeeyo Nabadda iyo Barwaaqada labada dhinac, islamarkaana wixii labada dowladood ka dhexeeya loo maro hannaan sharciga waafaqsan. Qoraalka ay soo saartay dowladda Soomaaliya, ayaa dhinaca kale Kenya uga digaya, in aysan ciidamadeeda magaca AMISOM huwan u adeegsan arrima siyaasadeed iyo khal-khal gelinta Amniga gudaha Soomaaliya. Ugu dambeyntii, Soomaaliya waxay ku hanjabtay in aysan aqbali doonin fara-gelin iyo khal-khal abuuris in laga sameeyo dalkeeda. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Kenya fara-gelin ku hayso dalka appeared first on Puntland Post.
-
Warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda federaalka ayey ku sheegaty in ay si aad ah uga xuntahay faragalinta siyaasadeed ee dowladda Kenya ku hayso gudaha Soomaaliya, waxa ayna ka dhawaajisay in arrinkaasi uusan u wanaagsanayn labada dhinac xiriirkooda. Sidoo kale warmurtiyeedka ayaa lagu xusay in xuduudaha masuuliyadooda ay si wadajira u leeyihiin caasimadaha labada dal waxa ayna dowaldda federaalka sheegtay in loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii shacabka labada dal ay nabad ugu noolaan lahaayeen. “Xuduudaha labada dal waxaa masuul ka ah caasimadaha dalalka, waana in ay kawada shaqeeyaan sidii labada shacab ay uga wada noolaan lahaayeen nabad iyo barwaaqo, wixii labada dowladood dhexdooda ah waxaa jira wadiiqooyin sharci ah oo lagu xaliyo, sida dacwadda badda ee labada dal dhextaal oo ay Soomaaliya ku dhegantahay mowqifkeeda ahaa in loo dhaafo maxkamadda oo laga warsugo go’aanka” ayey tiri dowladda Soomaaliya. Dowladda federaalka oo soo xiganaysa xeerarka caalamiga ah ayaa sheegtay in Kenya aan loo baahnayn in magaca AMISOM ay ku faragaliso arrimaha siyaasadda gudaha iyo in aysan ka shaqeyn khalkhal galin amni. “Sida ay qabaan xeerarka caalamiga ah oo ay ku jiraan kuwa golaha amniga iyo African Union ee ciidamada AMISOM ku joogaan dalka Soomaaliya, waa in aan dowladda Kenya u adeegsan ciidamadeeda ku jooga Soomaaliya magaca dalladda AMISOM faragalinta arrimaha siyaasadda gudaha iyo khalkhal gelinta amniga ee gudaha Soomaaliya” ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay DF. Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in mar waliba ay raadinayso wanaag iyo nabad kuwada noolaansho. “DFS waxa ay markasta raadinaysaa daris wanaag, ixtiraam iyo nabad kuwa noolaansho, waxa ayna shacabkeeda u baalanqaadeysaa in aysan aqbali doonin faragalin iyo khalkhal abuuris taas oo aysan ku jirin maslaxada gobalka iyo nolasha shacabka degta” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalkan. Qoraalkan ayaa imaanaya xilli wasiirkii ka baxsaday dowladda ee Janan uu gaaray magaalada Nairobi inkastoo markii dambe uu maryimid Beladxaawo oo uu kasii tagay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay ka xun tahay faragelin siyaasadeed iyo mida amni, oo ay sheegtay in dowladda Kenya ay ka waddo gudaha Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in faro-gelintaas “aysan u wanaagsanayn xiriirka labada dal iyo shacab ee walaalaha iyo deriska ah, iyo xal u helida mushkiladaha gobolka ee ay ka mid tahay la-dagaalanka Argagixisada.” “Xuduudaha labada dal waxaa masuul ka ah caasimadaha dalalka, waana iney ka wada shaqeeyaan sidii labada shacab ay ugu wada noolaan lahaayeen nabad iyo barwaaqo. Wixii labada dowladood dhexdooda ah, waxaa jira wadiiqooyin sharci ah oo lagu xaliyo, sida dacwada Badda ee labada dal dhextaala oo ay Dowlada Soomaaliya ku dhegantahay mawqificeeda ahaa in loo dhaafo maxkamada oo laga war-sugo go’aankeeda,” Ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda warfaafinta. Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dowladda Kenya inaysan u adeegsan ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya magaca dallada AMISOM faragelinta arimaha siyaasada gudaha iyo khalkhal-gelinta amniga gudaha ee Soomaaliya. “DFS waxay mar walba raadinaysaa daris wanaag, ixtiraam iyo nabad ku wada noolaasho, waxayna shacabkeeda u balan qaadaysaa ineysan aqbali doonin faraglin iyo khalkhal abuuris, taasoo aysan ku jirin maslaxada gobolka iyo nolosha shucuubta dagta,” ayaa lagu yiri qoraalka. Hoos ka aqriso qoraalka
-
(SLT-Dubai)-Sida ay qortay Axios Dowladaha Mareykanka, Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta ayaa yeeshay kulan qarsoodi ah oo ka dhan ah Dowladda Iiraan. Kulankaan oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waxaa lasoo sheegay inay seddexda Dowladood kaga hadleen sidii xal looga gaadhi lahaa xiisadda u dhaxeyso Dowladaha Mareykanka iyo Iiraan si Bariga Dhexe u noqdo aag nabdoon. Seddexda Dowladood ayaa isku soo hadal qaadayey sidii xiisadaan loogu dhameyn lahaa qaab nabadgalyo ah oo aanu dhiig ku daadan. Wakaaladda wararka Axios oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa tilmaamtay inuu kulankaan ahaa mid qarsoodi ah oo saxaafadda laga qariyey balse la ogaaday inuu ahaa mid ka dhan ah Dowladda Iiraan iyo sidii loo qiyaameyn lahaa. Dowladaha Israa’iil iyo Mareykanka ayaa Imaaraadka Carabta u xil saaray arrimaha la xidhiidha Bariga Dhexe iyo xalinta Khilaafka Dowladda Mareykanka iyo Iiraan. Sidoo kale Imaaraadka ayaa laga dalbaday inay ka shaqeyso sidii loo wanaajin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeyo Mareykanka, Iiraan iyo Dowladaha Carabta. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Sarkaal sare oo ka tirsan aqalka Sare, Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiyo Mareykanka iyo xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil. Netanyahu ayaa waqti badan iyo juhdi ku bixiyey sidii uu xidhiidh wanaagsan ula yeelan lahaa Dowladda Imaaraadka Carabta si uu ula dagaalo Dowladda Iiraan. Halkan hoose ka akhriso warbixintan ay qortay Wakaaladda wararka Axios https://www.axios.com/israel-uae-white-house-meeting-iran-trump-kushner-ec81aa24-02db-4920-b4f2-88eec301222c.html Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ay damiin kusii daysay guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Xasan. Axmed Cabdullaahi Xasan, oo tuhun la xiriir inuu yahay Al-Shabaab loo xiray, 23-ka Janaayo, 2020, ayaa lasii daayey dhowr maalmood ka hor, sida aan xogta ku helnay. Axmed Cabdullaahi, oo weli baaritaan uu ku socdo, ayaa shuruudaha lagu sii daayey waxaa ka mid ah inuu toddobaad kasta xarunta NISA u yimaado wareysi, iyo inay damiinta dad lagu kalsoon yahay. Guddoomiye Axmed Cabdullaahi Xasan iyo ku-xigeenkiisa ayaa la xiray toddobaad kadib markii 16-ka Janaayo 2020 ay idaacadda VOA sheegtay in kadib markii muddo saddex sano ah oo la isku mari waayey cidda noqoneysa guddoomiyaha ee rugta ganacsiga gobolka, ay ugu dambeyn soo magacaabeen Al-Shabaab. Hay’adda NISA ayaa 25-kii Janaayo sii daysay guddoomiye ku-xigeenka rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Jimcaale, ayada oo la sheegay inaan waxba loo haysan, laguna waayey wax xiriir ah inuu la leeyahay Al-Shabaab, sida ay ogaatay Caasimada Online. Kooxda Al-Shabaab ayaan illaa iyo hadda ka hadal xariga xubnahan lagu tuhmay, hase yeeshee waxay beenisay inuu kooxdaas ka tirsan yahay Fanaan Abshir Gaarane Axmed oo sidoo kale NISA ay u xirtay inuu Shabaab yahay.
