Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,385
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The World Bank and the International Monetary Fund on Thursday said they had taken a next historic step toward forgiveness of Somalia’s $5.3 billion in debt, with a final decision possible by the end of March. Source: Hiiraan Online
  2. ADDIS ABABA, Ethiopia - Ethiopian lawmakers on Thursday approved a controversial law aimed at curbing hate speech and disinformation, especially online, just months ahead of a major election. Source: Hiiraan Online
  3. Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mareykanka, General William Bar oo la hadalay ABC News ee Mareykanka ayaa sheegay in uu ka sahqeysan la’ yahaymadaxweyne Donald Trump oo uu wiiqayo shaqadiisa, una adeegsanayo Tweeter-ka, taas aysan u surtagalineynin in uu shaqadiisa qabsado. Dhaleceynta uu u jeediyay Madaxweynaha ayaa timid xilli isha lagu hayo sida waaxda cadaaladda ee Mareykanka ay ula tacaamusho kiis la xiriira Roger Stone oo la taliye u ahaa madaxweyne Donald Trump balse la xukumay. Xeer ilaalinta ayaa lagu eedeeyay in ay u liiceen cadaadis uga imanayay madaxweyne Donald Trump. Hogaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka sare ee senetka, Mitch McConnell ayaa sheegay in Madaxweynaha looga baahan yahay in uu dhageysto hadalka xeer ilaaliyaha. PUNTLAND POST The post Xeer Ilaaliyaha guud ee Maraykanka oo sheegay in uu ka shaqeyn waayay Trump appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareysi uu bixiyey waxa uu uga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan siyaasadda dalka, sida xiriirka dowladaha deriska la ah Soomaaliya, sida Kenya iyo Itoobiya, khilaafka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada qaar, kan wadamada Khaliijka, doorashooyinka iyo arimo kale. Madaxweyne Farmaajo oo wareysigan siiyey TV-ga Universal xilli uu joogay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxa uu qiray in dowladda Kenya uu khilaaf muranka badda ah kala dhaxeeyo Soomaaliya, iyadoo taas ka duuleysana ay fara gelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, si gaar ah waxa uu sheegay in ay adeegsaneyso Jubbaland, taasna aysan aqbali doonin. “Kenya fara-gelin hanagu sameyso laakiin maxaa ka galay Jubbaland, Kenya Jubbaland waxba kalama dhaxey karaan fara gelinna kuma sameyn karto, waxaa naga dhexeeya arrin badda ah, meel kasta ayeyna u mareysaa sidii ay saameyn ugu yeelan laheyd Jubbaland, anagana ma dooneyn Jubbaland in ay u ekaato wax naloo is ticmaalo, cidii la shaqeyneysana waxaan u aqoonsanaynaa qof aan danta Soomaaliya ka shaqeyneyn” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. “Arinta Jubbaland waa arrin qadiyadda badda ah in la fahmo ayaa la rabaa, Kenya waxay dooneysaa saameyn in ay ku yeelato Jubbaland, markii ay hesho meel ay naga gacma maroojiso in aan dhahney rabtaa waayehee arrinta badda aan ka wadahadalno, taasna awoodeeda malihi baddaasna go’aan kama gaari karo oo waxaa wax ku leh ilma Soomaaliyeed oo aan weli dhalan.” “Waxaa naloo dhaariyey difaaca dalka ma ogolaan doono faro-gelin shisheeye anaguna ma fara geli doono arrimaha gudaha ee Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo wadamada kaleba, mana aqbaleyno in dowlad goboleedyadeena qaarkood oo aan ognahay in dibadda laga soo dhistay oo IGAD loo soo xil saartay dhismahooda in ay caqabad nagu noqdaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo oo wax laga weydiiyey sida uu u arko seddaxdii sano ee lasoo dhaafay iyo waxa u qabsoomay dowladiisa ayaa waxa uu sheegay in uu ku qanacsanyahay wax qabadka dowladiisa siyaasadda dalkana ay xasiliyeen, sida uu sheegay, balse waxa uu qiray in weli dhib ka heysto ka rumaynta riyadii shacabka. Farmaajo oo wax laga weydiiyey waxa adkeeyey xiriirka dowladiisa iyo maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay in mudo laba jeer ah uu Puntland tegay intii uu talada hayey Madaxweyne Deni, dhawr jeerna uu ka dalbaday in uu Xamar ugu yimaado oo safarada dibadda ah uu yareeyo, balse uu ka dhega adeygay safaradiisiina uu iska wato. “Walaalkey Saciid Deni madaxweynaha Puntland, dhawr jeer ayaan casuumay oo Xamar ku casuumay oo aan ku iri walaalow hana dul marin, ee bal mar nagu soo deg oo noo imaaw, aan wada fariisano, balse kama suurta gelin” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Muranka ka tagan bixinta shahaadada arday reer Puntland waxa uu ku tilmaamay nasiib darro, maantana aysan ku habooneyn in muran la geliyo mustaqbalka arday Soomaaliyeed, balse halka loo socdo ay tahay tayeynta waxbarashada dalka. Halkan ka Daawo wareysiga oo dhameystiran
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga fal celisay warbixin ay shalay soo saartay hey’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International, taas oo ka hadleysay xadgudubyada ay la kulantay saxaafadda Soomaaliya seddaxdii sano oo ay jirtay dowladan. Warbaahinta dowladda ayaa baahisay qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya, kaas oo lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga warqabto mas’uuliyadeheeda ee ku aadan xuquuqda uu leeyahay qofka muwaadinka ah. “Waxaa nasoo gaaray qoraal kasoo baxay hey’adda Amnesty International,oo ka hadlaya arrimo la xiriira xadgudub ka dhan ah xoriyadda hadalka, dowladda Soomaaliya waxay si buuxda uga warqabtaa mas’uuliyadeheeda ee ku aadan in xuquuqda uu leeyahay qofka muwaadinka ah,ayna u taagantahay in la ilaaliyo xoriyadda hadalka iyo midda shaqsiyadeed” ayaa lagu yiri qoraalka. Jawaabta dowladda ayaa lagu sheegay in warbixinta Amnesty ay tahay mid been abuur ah, oo magan geliyo looga raadsanayo dalalka reer Yurub, sida lagu sheegay qoraalka. Qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in aysan jirin cadeymo loo hayo eedeynta loo jeediyey dowladda federaalka, ee ku aadan xad-gudubyada suxufiyiinta. Iyadoo ku tilmaantay mid laga leeyahay dano siyaasadeed.
  6. The Executive Boards of the International Monetary Fund (IMF) and World Bank met, on February 12 and 13, respectively, to consider Somalia’s eligibility for debt relief under the Enhanced Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Initiative. Source: Hiiraan Online
  7. Beeni raad ma leh,Kooxda Villa Somaaliya ayaa maanta naf ka raadiyey oo Shacbiga Somaaliyeed ku jahawareeriyey hadalo maran oo qeyb ka ahaa khudbad COPY aheyd [...] Source
  8. Washington (Caasimada Online) – Guddiga fuinta ee Banka Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa maanta ku dhowaaqay in Soomaaliya ay u qalantay in deynta laga cafiyo. Guddiga ayaa ammaanay dadaallada joogtada ah ee mas’uuliyiinta Soomaaliya ay ku sameynayaan is-beddelo maamul iyo kuwa dhaqaale, xilli ay wajahayaan caqabado dhowr ah. “Guddiga waxay isku raaceen in ayada oo la eegayo qiimeyn horudhac ah, ay Soomaaliya u qalantay caawimaad loo marayo barnaamijka HIPC ee dalalka ay dul-saaran tahay deyn ka tan badan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Banka Adduunka iyo IMF. Qiimeyntan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday cafinta deynta lagu leeyahay Soomaaliya oo gaareysa 5.3 bilyan dollar. “In Soomaaliya laga cafiyo deynta waxay ka caawin kartaa inay hesho kheyraadka ay u baahan tahay si ay sare ugu qaado kobaceeda, islamarkaana u yareyso saboolnimada, taasi oo ahmiyad u leh IMF,” waxaa sidaas tiri agaasimaha IMF Kristalina Georgieva. “Waxaan Soomaaliya ku amaanayaa inay sameysay is-beddelo muhiim ah oo dhiir-gelinaya yareynta saboolnimada, waxaana saaxiibada caalamka uga mahad-celinaya inay naga caawiyeen in Soomaaliya lasoo gaarsiiyo marxaladdan muhiimka ah,” waxaa sidaas yiri madaxweynaha Banka Adduunka David Malpass. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Soomaaliya ay marxaladda kusoo gaartay waqtigii ugu deg degta badnaa. Soomaaliya ayaa hadda waxaa u harsan kaliya in barnaamijka SPM Staff-Monitored Program ee lagula socdo nidaamkeeda maaliyadeed lagu dhowaaqo in lagu qancay, taasi oo dhici karta ka hor dhammaadka bisha March. Haddii sidaas ay dhacdo, Soomaaliya waa laga cafinayaa deymaha.
  9. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Bar___Qubanaha-130220.mp3 View the full article
  10. Ciidamo gaaraya 34 Askari iyo taliyohooda oo lagu magacaabo Canjeex ayaa waxay shalay Galab ka goosteen Dowlada Federaalka waxayna u galeen Ciidamada Jubbaland ee Gobolka [...] Source
  11. PRESS RELEASE Ethiopian Prime Minister (PM) arrives in UAE Sheikh Abdullah welcomed Prime Minister Abiy Ahmed and discussed friendship ties and cooperation between the UAE and Ethiopia ABU DHABI, United Arab Emirates, February 13, 2020/ — Prime Minister of Ethiopia, Abiy Ahmed arrived today in the UAE for a several-day visit. H.H. Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation and H.H. Sheikh Theyab bin Mohamed bin Zayed Al Nahyan, Chairman of Abu Dhabi Crown Prince’s Court, received the Ethiopian Prime Minister and his accompanying delegation at the Presidential Flight airport in Abu Dhabi. Sheikh Abdullah welcomed Prime Minister Abiy Ahmed and discussed friendship ties and cooperation between the UAE and Ethiopia and ways to enhance them in all fields during a meeting, which also tackled a number of issues of mutual interest. The accompanying delegation of the Ethiopian Prime Minister included Ethiopian First Lady, Zinash Tayachew; Minister of Culture and Tourism Dr. Hirut Kassaw; Minister of Revenues Adanech Abebe, and Ethiopian Minister of Peace Muferiat Kamil. Also present were Ambassador of Ethiopia to the UAE, Suleiman Dedefo and Shehab Ahmed Al Fahim, Assistant Under-Secretary for Protocol Affairs of the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation. Distributed by APO Group on behalf of United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation. SOURCE United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation Qaran News
  12. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya madaafiic lagu weeraray nawaaxiga Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya. Hoobiyeyaasha oo lagu sheegay laba xabo ayaa la tilmaamay in ay ku dhaceen agagaarka goob uu ku yaalo Ceel. Ma cadda khasaaraha ka dhashay falkaas. Sidoo kale, waxaanan jirin koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda weerarkaan. Tirro dhowr jeer ah ayay u horey u dhacday in weeraro noocaan ah lagu qaadey xarumo dowladeed oo ku yaala magaaladda caasimadda ah. View the full article
  13. Guddiga tirakoobka iyo dib u habaynta casriga ah ee ciidamada Puntland ayaa maanta gaaray fariisimaha ciidamada ee buuraleyda Galgala. Wafdigan oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Abdisamed Mohamed Gallan iyo Taliyaha ciidamada Daraawiishta Gen. Yasiin Omar Dheere ayaa u jeedkoodu ahayd u guur-galka xaaladaha ay ku sugan yihiin ciidamada difaaca Puntland ee ka hawlgala buuralayda Galgala iyo sidii tirakoob iyo diiwaangalin casri ah loogu sameyn lahaa. Intii ay wafdiga ku sugnaayeen Galgala waxay tirakoob ku sameeyeen qaar kamid ah ciidamada Puntland ee halkaas ku sugan, sidoo kale waxay booqdeen goobo taariikhi ah oo ay ka mid tahay Isha biyaha Galagala. Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku howlanayd tirakoob iyo dib u habayn ay ku sameynaysay ciidamada. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horey u balanqaaday in uu dhisi doono ciidamo tiradooda iyo tayadooda la hubo. PUNTLAND POST The post Guddiga tirakoobka ciidamada Puntland oo booqday Galgala appeared first on Puntland Post.
  14. Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka caawa laga helayo magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in qarax uu ka dhacay goob ku taalla bartamaha magaalada oo ay ku caweynayeen dad u badan dhallinyaro. Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad u badan dhalinyaro oo halkaas ku sugnaa, waxaana la sheegay in goobta uu qaraxu ka dhacay ay aheyd biibito lagu cayaarayey Dublad. Dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxaas loo adeegsaday Bam gacmeed lagu weeraray maqaaxida oo ku taalla bartamaha magaalada Kismaayo, gaar ahaan isgoyska Golol. Weli si rasmi ah looma xaqiiji karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, waxayna dadka noo waramay ay sheegeen in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, dadkii ay wax yeeladu soo gaartana loola cararay cisbitaalka guud ee magaalada Kismaayo. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online
  15. Kismaayo (SMN) – Fahfaahino ayaa kasoo baxaya qarax ka dhashay bam gacmeed oo caawa ka dhacay magaalada Kismaayo, xarunta gobolka Jubada Hoose. Bamka ayaa lagu waramayaa in lagu weeraray goob maqaaxi ah oo ku taala magaala madaxda ku meel gaarka ah ee maamul goboleedkaas. Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku geeriyooday, sagaal kelana way ku dhaawacmeen, sidda ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan weerarkaas oo kasoo baxay laamaha ammaanka. Sidoo kale, ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkaas. Qaraxaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo todobaadkan ay bartamaha magaalada isku rasaaseeyeen Ciidamada Jubaland iyo ilaalada siyaasi Cabdinaasir Seeraar. View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamad Cabdillaahi Cirro oo dalka dib ugu soo laabtay galabta ayaa ka kulan ay Madaxweyne Muuse Biixi ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyo kulan kale oo dhex-maray Muuse Biixi iyo Farmaajo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Muqdisho (SMN) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyay xubna lagu biiriyay guddiga sare ee bangiga dhexe ee dalka oo ka kooban shan xubnood. Xubnaha guddiga kamdi noqnaya maamulka sare ee baniga ee la meel mariyay oo kala ah, Prof. Xuseen A. Warsame, Dr. Aweys Sheekh, Dr. Abdisamad N. Looyaan, Sakhaawadiin M. Mohamed iyo Mr. Cusmaan S. Gabeyre, ayaa buuxiyay shuruudaha looga baahnaa mas’uuliyiinka kamid noqonaya guddiga maamulka bankiga. Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale lagu meel mariyay siyaasadda deegaanka, heshiis dhex maray wasaaradda waxbarashada dalka iyo UNESCO iyo is afgarad dhex maray wasaaradda ganacsiga dalka iyo wasaaradda maalgashiga dalka Masar. View the full article
  18. Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulan ku yeeshay Muqdisho, waxaana shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Kheyre. Wasiir ku xigeenka Warfaafin Soomaaliya Aadan Isxaaq Cali oo ka warbixiyey kulankaas, ayaa sheegay in Golaha Wasiirada ay ansixiyeen xubno lagu biiriyay Guddiga sare ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaarada Maaliyadda. Xubnaha la meermariyey oo ka kooban shan xubnood ayaa kala ah Prof. Xuseen A. Warsame, Dr. Aweys Sheekh, Dr. Abdisamad N. Looyaan, Sakhaawadiin M. Mohamed iyo Mr. Cusmaan S. Gabeyre. Xubnahan ayaa sida uu sheegay wasiirku buuxiyay shuruudihii looga baahnaa mas’uuliyiinka kamid noqonaysa Guddiga maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Warfaafin Soomaaliya ayaa sheegay in Goluhu ay meelmariyeen siyaasadda deegaanka, heshiis dhexmaray Wasaaradda Waxbarashada iyo UNESCO iyo is afgarad dhexmaray Wasaaradda ganacsiga iyo Wasaaradda Maalgashiga Masar. PUNTLAND POST The post Xubno lagu daray Guddiga sare ee Bangiga Dhexe appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (SMN) – Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah xayiraaddii kaga qaaday shirkaddii Al-Barakaat ee Soomaaliya oo muddo laga joogo ku dhowaad 20 sano ku jirtay liiska argagixisada. Sheekh Axmed Nuur Jimcaale, oo ahaa gudoomiyihii shirkaddii Al-Barakat, oo ka dareen celiyey arrintaan ayaa shaaca ka qaadey in ay wax weyn kaga dhigan tahay arrintaan kuna faraxsan yihiin. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan midda haatan jirta ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayuu daboolka ka qaadey in ay kaalin weyn ka cayaartay sidii looga qaadi lahaa xayiraada. Dhanka kale, Jimcaale ayaa daaha ka rogay in la celiyey dhamaan lacagihii ku xayirmay Bangiga shirkaddii Al-Barakat. Sanadkii 2001-dii ayay ahayd markii liiska argagixisadda lagu daray shirkaddii Al-Barakat waxyar kadib weerarkii Daaraha Mataanaha kaasoo ay dusha saaratay kooxda Al-Qaacida ee Suuriya iyo Iraq. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa jug culus iyo qaraxyo caawa laga maqlay meel u dhaw xerada saraakiisha ciidamada ee degmada Deyniile ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaal lagu weeraray xarunta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya iyo xero Jarmal, kuwaasi oo jugtooda laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada. Qaraxyada kadib ayaa waxaa bilaawday rasaas ay rideen ciidamada dowladda Soomaaliya. Wararka qaar ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha ay ku dhaceen gudahaxarunta wasaaradda oo ku taalla degmada Deyniile, intaas kadibna ay rasaas ka bilaabatay gudaha iyo daafaha xerada. Xaaladda ayaa aad u kacsan welina lama ogaa karo khasaaraha ka dhashay weerarka iyo rasaasta ka dambeysay. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online
  21. Somali journalists are seen in Mogadishu, Somalia December 29, 2019. REUTERS/Feisal Omar/File Photo Ayenat Mersie NAIROBI (Reuters) – Amnesty International has accused Somalia’s government of [...] Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaaska beesha Mareexaan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay aragtidiisa ku aaddan xiisadda ka taagan gobolka Gedo, oo ay isku hayana dowladda dhexe iyo Jubaland. Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Ugaas Yarow oo u waramay Idaacadda Goobjoog ayaa madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in uu hurin colaadeed ka wado gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Ugaas Maxamed ayaa sheegay dowladda federaalka ay masuul ka tahay dhibaatada ka taagan gobalka Gedo, isagoo tilmaamay in haatan ay Gedo ka taagantahay xiisad colaaedeed. “Anagu waxa aan hoos tagnaa Jubaland waxaan ka sii nahay federal, dowladdii federaalka ahayd ayaa dhibaatada ka wadda gobalka Gedo, sidaad la socotaan degmooyinka Luuq, Doolow, Beled-Xaawo guluf colaadeed baa ka jira dowladda federaalka ayaa wada gulufkaas colaadeed” ayuu yiri Ugaas Maxamed. Ugaaskan ayaa sheegay in gulufka colaadeed ee dowladdu ay ka abuurtay gobolka Gedo ay dad ku dhinteen, qoysasna ku barakaceen, waxuuna nasiib darro ku tilmaamay siyaasadda dowladda dhexe ee ku wajahan gobolka Gedo. “Waa lagu geeriyooday gulufkaasi colaadeed waa lagu dhaawacmay waa lagu qaxay, dhibaatadaas foosha xun baa ka jirta gobalka Gedo, nasiib darro weeye dowladdi federaalka ahayd oo ummadda dowladedii ahayd in dhibaatadaas ay waddo nasiib darro aad u xun weeye”ayuu yiri ugaaska beesha Mareexaan. Sidoo kale waxa uu madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in markasta uu gobol nabad ah dhibaato ka abuuro, isagoo kula taliyey in uu taas ka waan toobo waxa uu hadda sameeyana taariikhdu ay qori doonto. Dowladda federaalka ayaa dhawaan ciidamo laga daabulay Muqdisho waxa ay geysay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoog leh, waxayna qarka u saaranyihiin in ay dagaal la galaan ciidamada maamulka Jubblanad oo gobolkaasi uu hoos tago.
  23. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-habeen-13022020-sax.mp3 View the full article
  24. MOGADISHU (HOL) - Somali government has dismissed the just released Amnesty International report on media freedom in the country as ‘fabrications’ and ‘ludicrous claims’ devoid of any evidence. Source: Hiiraan Online