Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,385
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dil ka dhacay xaafadda Haanta-Dheer oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir Warka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dilkaasi oo ay fuliyeen xoogag hubeysan loo geystay Gaashaanle Dhexe Maxemed Cabdulle oo ka tirsanaa dowladda. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay ninka la toogtay uu ahaa madaxii zaadka guutada 6-aad ee ciidanka dowladda, sida ay hadalka u dhigeen. “Mujaahidiinta ayaa Muqdisho ku dilay madaxii zaadka guutada 6-aad ee ciidamada murtadiinta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay kooxda Al Shabaab. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka degmada Dayniile oo ku aadan dilkaasi. Inta badan dagaalyahannada hubeysan ee kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro dilal qorsheysan iyo qaraxyo u badan nooca miinada ka fuliya magaalada Muqdisho. Muddooyinkii la soo dhaafay sidoo kale wuxuu amniga gudaha caasimada ahaa mid degan waxaana howlgallo ka waday ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliyeed.
  2. Wararka aan ka heleyno dooxada Ooda-gooye ee duleedka magaalada Laas-caanood gobolka Sool ayaa sheegay in halka uu ka kacay Dab xoog leh,dabka ayaa lagu soo waramayaa in uu ku sii fiday deegaano horleh waxana socoto dadaalo lagu doonayo in lagu damiyo Dabka. Qoysas farabadan oo daganaa baadiyaha laas –caanood aya lagu soo waramayaa in ay bilaabayn in ay ka barakacaan guryahood iyagoo ka cabsi qaba in Dabka uu ku sii fido deegaanada ay ku nool yihiin. Ilaa hada lama oga sababta keentay dabka, dabylah todobadkan ayaa waxaa laga dareemay qaar kamid ah gobolada dalka dabeylo kuwaas oo sahalay in dabku si deg-deg ah ugu sii fido dadka dagan dooxada Ooda-gooye ee duleedka magaalada laas-caanood ee gobolka Sool. View the full article
  3. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay uu dab xoogan ka kacay dooxada Ooda-Gooye oo ku taalla duleedka maaalada Laas-Caanood ee waqooyiga dalka Soomaaliya. Dabka ayaa lagu soo warramayaa inuu haatan ku sii fidiyo dhul Keyn ah oo ku yaalla halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inuu barakac ka bilowday deegaano ku dhow dooxada uu dabku qabsaday, iyagoona dadka ay isaga fogaanayaan deegaanadaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya inay socdaan dadaallo looga hortagayo inuu sii fido dabka, islamarkaana ay dhacayaan dabaylo uga sii daraya xaaladda. Illaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay dabkan oo weli ku socda s xawli ah. Dooxada Ooda-Gooye ayaa ku taalla dhul Miyi’ ah oo ku wanaagsan daaqsinka, waxaana sidookale ay ka mid tahay dooxooyinka waaweyn ee gobolka Sool.
  4. Dooxada Ooda-gooye oo weli gubaysa Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in uu weli socdo gurmadka lagu deminayo dab xooggan oo gelinkii dambe ee shalay ka kacay dooxada Ooda-Gooye oo ku taalla duleedka Bari ee Laascaanood. Dabka oo si xawliya ku socda ayaa gelinkii dambe ee shalay ku fiday jihooyin kala duwan oo kamid ah dooxada Ooda- Gooye ee kaabiga ku haysa magaalada Laascaanood waxaana tan iyo xilligaasi socday gurmad lagu deminayo dabkaas. Dadweynaha Laascaanood oo kaashanaya dowladda hoose ee degmadaasi ayaa la sheegaya in ay weli ku gud jiraan sidii loo demin lahaa dabka ku fidaya dooxada Ooda-Gooye oo ah meel daaqsinta ku habboon inkastoo aan ilaa iyo hadda la soo werin khasaare naf banii’aadam iyo xoolo midna. Bulshada ku dhaqan Laascaanood waxay soo sheegayaan in dhul baaxad weyn oo kamid ah dooxadaasi uu gubtay welina uu sii socdo dabka. PUNTLAND POST The post Dooxada Ooda-Gooye oo weli gubaysa appeared first on Puntland Post.
  5. Sida uu soo sheegayo wariyaha Goobjoog News ee gobalka Galgaduud waxaa xaalad deganaansho ah laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug oo maalin ka hor ay soo gaareen dad ka yimid magaalada Guriceel ee gobalkaasi. 13-kii bishan ayaa ciidamo ka tirsan nabad sugidda Soomaaliya gaar ahaan kuwooda ku sugan Galmudug waxa ay is hor istaag ku sameeyeen dad isugu jiray Odoyaal, Haween iyo Carruur kuwaas oo doonayay in ay galaan magaalada Dhuusamreeb oo qaarkood ay la madalsanaayeen madaxweynaha Galmudug garabka Ahlu sunna, waxaana ishor istaagaasi ka dhalatay xiisad. Wararka qaar ee aan helnay ayaa sheegaya in dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda laguna taageerayo Sheekh Shaakir ay abaabulayaan dadkii ka yimid magaalaa Guriceel, waxaana dibadbaxyadaasi ka feejigan ciidanka dowladda ee Dhuusamareeb ku sugan. Amaanka guud ee caasimadda Galmudug ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana waddoyinka lagu arkayaa askar fara badan oo daadsan meelaha ugu muhiimsan ee magaaladaasi. Isku socodka dadka iyo kan ganacsi ee Dhuusamareeb ayaa la soo sheegayaa in uu dib u soo laabtay ka dib muddo kooban oo uu hakad ku jiray. Khilaaf xooggan ayaa ka dhex taagaan ururka Ahlu sunna iyo dowladda dhexe, waxaana xusid mudan in hogggamiyaha ugu sareeya Ahlu sunna ee Macallin Maxamuud uu ku baaqay in dadka ay qaataan hubkooda ka dib ishor istaagii lagu sameeyay dadkii ka yimid Guriceel ee ku wajahnaa Dhuusamreeb kuwaas oo doonayay in ay kulan la qaataan hoggaanka ururkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Riyadh)-Dowladda boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa eedemo culus u jeedisay Turkiga, waxaana ay sheegtay inuu teegeero u fidiyo maleeshiyaadka kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalama dalalka Soomaaliya iyo Liibiya. Caadil Al-Jubeyr oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga oo qabtay shir jaraa’id oo uu kaga warramyey booqashadiisa caasimada Romania, Bucharest ayaa tilmaamay in dowladdiisa ay ka soo horjeedo duulaanka Turkiga ee wadanka Suuriya iyo taageerada uu u fidiyo maleeshiyaadka xagjirka ah ee dalalka Soomaaliya iyo Liibiya. Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay dowladda Turkiga ay ka soo horjeedo xasiloonida dalalka Soomaaliya, Liibiya iyo Suuriya, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Al-Jubeyr ayaa carabka ku goday inuu Turkiga taageeradiisa Soomaaliya haatan u leexiyey inuu caawiyo argagxisada. “Waxaan ka soo horjeednaa galitaanka Turkiga ee Suuriya, waxaanan ka soo horjeednaa taageerada ay Turkigu siinayaan maleeyshiyaadka Soomaaliya, Syria iyo Libya”. ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee boqortooyada Sacuudi Carabiya. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Turkiga uu doonaayo inuu xasilooni daroka abuuro caalamka, isagoo taageerayo kooxaha ka soo horjeeda dowladdaha. Dalalka Sacuudiga iyo Turkiga ayaa siyaasad ah si aad ah, isku haya, balse weli ma jiro wax jawaab ah oo xukuumadda Ankara ay bixisay eedeymaha loo jeediyey. Source
  7. Wararka aan saakay ka helayno magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxa ay ku waramayaan in xalay ilaa iyo habeen hore siyaabooyin kala duwan magaaladaasi loogu dilay dhalinyaro dadka deegaanka ahayd. Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Shabeelaha dhexe ayaa soo sheegaya in xalay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cismaan Raage lagu dilay xaafada buula sheekh ee magaalada Jowhar, waxaana la sheegay in dilkaasi uu geystay askari ku labisnaa dereeska ciidanka dowladda Soomaaliya. Sidoo kale habeen ka hor ayaa agagaarka xaafadda Horseed lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa oo ka mid ahaa dadka deegaanka lamana oga sababta rasmiga ah ee keentay dilalkan. Goobjoog News ayaa la xiriirtay taliska booliska magaalada balse kama aysan jawaabin xiriirkii aan la sameynay mana jirto howlagallo lagu baarayo dilalka saacadiihi la soo dhaafay ka dhacay xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle. Magaalada Jowhar ayaa waxaa muddoyinkii dambe ku soo badanayay dilalka qorsheysan oo magaaladaasi ay ka geysanayaan kooxo hubeysan iyadoo aysan jirin tallaabo lagu joojinayo falalkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil ay xalay kooxo hubeysan ka geyteen gudaha magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka HirShabelle. Dilka oo ahaa mid qorsheysan, loona geystay wiil dhalinyaro ahaa ayaa ka dhacay buundada magaaladaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Raage, iyadoona raggii toogtay ay goobta isaga baxsadeen Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay howlgallo baaritaano ah sameeyeen dilka kadib, kuwaas oo lagu baadiyey kooxaha ka dambeeyey. Illaa iyo haddase ma jirto cid loo soo qabtay falkaasi, welina wax war ah kama soo bixin laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/ Dhexe. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa eedemo culus u jeedisay Turkiga, waxaana ay sheegtay inuu teegeero u fidiyo maleeshiyaadka kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalama dalalka Soomaaliya iyo Libya Caadil Al-Jubeyr oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga oo qabtay shir jaraa’id oo uu uga warramyey booqashadiisa caasimada Romania, Bucharest ayaa tilmaamay in dowladdiisa ay ka soo horjeedo duulaanka Turkiga ee wadanka Suuriya iyo taageerada uu u fidiyo maleeshiyaadka xagjirka ah ee dalalka Soomaaliya iyo Libya. Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay dowladda Turkiga ay ka soo horjeedo xasiloonida dalalka Soomaaliya, Liibiya iyo Suuriya, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Al-Jubeyr ayaa carabka ku goday inuu Turkiga taageeradiisa Soomaaliya haatan u leexiyey inuu caawiyo argagxisada. “Waxaan ka soo horjeednaa galitaanka Turkiga ee Suuriya, waxaanan ka soo horjeednaa taageerada ay Turkigu siinayaan maleeyshiyaadka Soomaaliya, Syria iyo Libya”. ayuu yiri wasiirka arrimaha dibada ee boqortooyada Sacuudi Carabiya. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Turkiga uu doonaayo inuu xasilooni daroka abuuro caalamka, isagoo taageerayo kooxaha ka soo horjeeda dowladdaha. Dalalka Sacuudiga iyo Turkiga ayaa siyaasad ah si aad ah, isku haya, balse weli ma jiro wax jawaab ah oo xukuumadda Ankara ay bixisay eedeymaha loo jeediyey.
  10. Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay si aad ah loo adkeeyey ammaanka guud ee magaaladaasi. Ciidamo faran oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa la soo dhoobay xaafadaha kala duwan ee magaalada Dhuusabareeb oo xarun ah maamulka Galmudug. Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay xireen dhaq dhaqaaqa waddooyin dhowr ah oo ku yaalla degmadaasi. Saraakiisha ciidamada ammaanka ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa nabad gelyada, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad gelyada. Khamiistii ayey aheyd markii qarax ay ku dhaawacmeen illaa saddex qof uu ka dhacay maqaaxi ku taalla magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda gobolka Galgaduud. View the full article
  11. Wasiirka gaashaandhigga XFS, Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay kordhineyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Amar Dambe ayaa faray ciidamada dowladda inay u diyaar garoobaan howlgallo cusub oo Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay weli heystaan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada looga baahan yahay inay wada shaqeyn dhow la yeeshaan dadka shacabka, una turaan. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/faadumo-2.mp3 View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-150220.mp3 View the full article
  13. Wasiirka Amniga Somaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa shaaciyay in dhawaan la qaadi doono dhegxaanta ku go’an wadooyinka Magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa tilmaamay inuu socdo qorshe ay tahay in dhegxaanta looga qaado wadooyinka Magaalada Muqdisho maadaama ay caqabad ku yihiin isu socodka dadweynaha ee magaalada. Wasiirka ayaa xusay in ay dadweynaha reer Muqdisho dhibaato ku qabaan dhegxaanta lagu jaray wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka magaalada. Isloow oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in waqtiga dhow loo guda geli doono sidii dhegxaanta looga qaadi lahaa wadada Wadnaha loona gayn lahaa jidka Warshadaha. Wasiirka Amniga ayaa soo hadalqaaday barraha amniga lagu hubiyo ay ciidamada ka samaysteen wadooyinka Magaalada Muqdisho in ay hoos u dhigeen qaraxyadii Shabaabku uu ka gaysan jiray magaalada. Sidoo kale waxaa uu tibaaxay in ay maleeshiyada Al Shabaab ku adkaatay inay qaraxyo waaweyn soo geliyaan Magaalada Muqdisho iyadoo uu tusaale u soo qaatay qaraxii 28-kii bishii December ee sanadkii 2019 ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye. PUNTLAND POST The post Wasiir Islow: dhagxaanta ku go’an waddooyinka Muqdisho dhowaan ayaa la qaadi doonaa appeared first on Puntland Post.
  14. Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay nin dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cismaan Raage. Wararka waxay intaas ku darayaan in Cismaan Raage lagu dilay agagaarka Buundada Magaalada Jowhar, lamana garanayo cidda dhabta ah ee ninkaasi dishay. Ciidamada Booliska oo gaaray halka uu falku ka dhacay ayaa ka qaaday meydka ninkaasi ka dib markii ay dadka degaanka ku soo wargeliyeen dilkiisa. Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaan ka hadlin dilka xalay ka dhacay Magaalada Jowhar. Waa dilkii labaad oo muddo 24 saac gudahood ka dhaca Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle. PUNTLAND POST The post Dil ka dhacay magaalada Jowhar appeared first on Puntland Post.
  15. Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga Caadil Al-Jubeyr ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka soo horjeeddo Duulaanka Turkiga ee dalka Suuriya. Wasiirka ayaa dowladda Turkiga ku eedeeyay in ay diiddantahay Xasiloonida Waddanka Suuriya islamarkaana ay doonayso in qalalaase ka sii socdo. “Waxaan ka soo horjeednaa u tallaabista Soohdinta Suuriya ee Turkiga waxaan sidoo kale ka soo horjeednaa Taageeristiisa Maleeshiyaadka ku sugan Suuriya” sidaasi yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga. Sacuudiga iyo Turkiga Xiriirkooda siyaasadeed oo xumaa waxa uu khilaafkooda sii xoogeystay Bishii October sanadkii 2018-kii kadib markii Magaalada Istanbul koox Sacuudiga ka socota ay ku dileen Wariye Jamaal Khaashogji. PUNTLAND POST The post Sacuudiga oo eedayn kulul u jeediyay dowladda Turkiga appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda amniga Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo wareysi siiyey teleefishinka Universal ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin basashadii wasiir Janan iyo wadooyinka weli xiran ee Muqdisho. Ducaale ayaa wareysigaan ku sheegay in dowladda dhexe ay baaris ku heyso, sidii uu baxsaday wasiirka amniga Jubbaland oo 28-kii bishii hore ka baxsay halkii uu ku xirnaa. Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay inay eegi doonaan waxyaabihii fudeeyey inuu Janan gaaro magaalada Kismaayo, kana fakado ganta dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray suurta galnimada in xubno ku jira dowladda ay gacan siiyeen eedeysanaha, wuxuuna markale Kenya ka dalbaday inay soo gacan geliso. Dhinaca kale wasiirka amniga gudaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa soo qaaday arrimo ku aadan xirnaashasha wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho. Wasiir Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa xusay in xukuumadda Soomaaliya ay wado ay qorshe dib ugu fureyso jidadkaas oo uu tilmaamay in culeys lagu qabo. Waxa kale uu intaasi iku daray in isbadal dhanka amniga ah ay soo kordhiyeen xirnaanshaha jidadka, islamarkaana ay yaraadeen qaraxyada, siduu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dhowaan la qaadayo dhagxaanta lagu jaray wadooyinka, islamarkaana la geynayo koontaroolada laga soo galo magaalada Muqdisho.
  17. Wasiirka Gaashaandiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed iyo Taliska ciidanka Militariga oo ay wehliyaan taliska xarunta tababarada ciidamada ee Turki-Som ayaa gelinkii dambe ee shalay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay cutubyo ka tirsan kumaandooska Soomaaliya oo tababar gaar ah ku soo qaatay dalka Turkiga. Taliye ku-xigeenka ciidanka Militariga dowladda Federaalka Sareeyo Guuto Maxamed Cali Bariise oo goobta kula hadlay ciidamadan ayaa sheegay in door weyn ay ka qaadan doonaan dadaalada Dowladu ay dooneyso in ay ku xasiliso dalka isagoo intaasi ku daray in ciidanka Militariga Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin dagaalka Al-shabaab. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ayaa isna sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siisay dhismaha ciidanka islamarkaana ay xuquuqdooda heli doonaan. PUNTLAND POST The post Cutubyo ka tirsan Ciidamada Federaalka Soomaaliya oo tababar ku soo qaatay Turkiga appeared first on Puntland Post.
  18. Somaliland and the United Arab Emirates have engaged in a joint effort to help camel farmers improve the quality and quantity of camel milk for the local and export market. Source: Hiiraan Online
  19. A wind power project consortium has approved funding for the construction and operation of a 60 MW wind farm in the Ghoubet area, near Lake Assal in Djibouti. Source: Hiiraan Online
  20. The African Union (AU) has unanimously elected President Paul Kagame as the new chairperson of one of its new agencies that will drive the continent towards vision 2063. Source: Hiiraan Online
  21. The expansion of the Somaliland Port of Berbera and the meeting between Somaliland and Somalia leaders will be among the discussions points between Ethiopia Prime Minister Aby Ahmed and the United Arab Emirates leadership this weekend. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee Africom ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay socdaal ay dhowaan magaalooyinka Kismaayo iyo Boosaaso ku tageen taliye Jeneral Stephen Townsend iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto. Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Townsend iyo Yamamoto ay madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni kala hadleen dadaallada gobolka iyo muhiimadda ay leedahay sii wadista beegsashada kooxda Al-Shabaab. “Waxaan ka ammaanay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe dadaallada wadajirka ah ee ciidamada ammaanka ee Jubaland, Danab, iyo Xoogga Dalka ee Al-Shabaab ku weeraray dooxada webiga Juba,” ayuu yiri Yamamoto. “Howl-galladaas waxay tusaale u yihiin wada-shaqeynta wax ku-oolka ah ee dolwadda dhexe iyo ciidamo goboleedyada ee dowladda Mareykanka ay raadineyso inay ku taageerto Soomaaliya.” Yamamoto ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay si wax ku ool ah uga shaqeeyaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen “cadowgooda guud ee Al-Shabaab.” Africom ayaa sheegtay in safarka Townsend uu muhiim u yahay xoojinta xiriirka militari ee qotada dheer ee Mareykanka uu la leeyahay saaxiibadiisa Bariga Africa.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa meel sare gaaray khilaaf ka dhex oogan wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo hobollada qaranka ee Waaberi. Khilaafkan ayaa soo shaac baxay khamiistii, markii muuqaal ay soo duubeen qaar ka mid ah hobollada ay ku sheegeen in agaasimaha maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabduqaadir Cabdi Yuusuf Shubbe iyo xubno ka mid ah hobollada laga celiyey xarunta wasaaradda warfaafinta, islamarkaana Maareeye amray in agaasimaha uusan soo geli karin xarunta wasaaradda. Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf iyo Oday Cabdulle oo ku hadlay magaca hobollada ayaa si carro leh u sheegay in Maareeye uu meel uga dhacay hobollada qaranka, sharaftana ka qaaday. Waxay sidoo kale Maareeye ku eedeeyeen inuu haysto, islamarkaana diiday in hobollada uu siiyo qalab ay usoo iibisay dowladda. Maareeye ayaa qoraal jawaab ah oo uu soo saaray waxa uu Abwaan Shubbe u sheegay in shaqadiisa tahay xarunta tiyaatarka qaranka loogana baahan yahay inuu ku mashquulo, oo uu xoogga saaro. Waxa uu sidoo kale weerar culus ku qaaday hobollada Waabeeri qaarkood oo uu sheegay “inay bil walba dowladda ka qaataan lacag ku dhown kun dollar, haddana aysan wax shaqo ah u qaban, oo shaqadooda ay ka dhuuntaan.” “Taa beddelkeed waxay 200 dollar ugu shaqeeyaanw warbaahi gaar loo leeyahay. Waa ay dhammaatay xilligii isla xisaab la’aanta,” ayuu yiri Maareeye. Hoos ka aqriso qoraalka Maareeye
  24. Waxaan si deggan u daawaday waraysigii madaxweyne Farmaajo uu Adis Ababa ku siiyey TV-ga Universal, qiimayntayda kuma arkin xog muhiim ah oo ku dhexjirta waraysigaas oo uu wax ka faa’idi karo qof u hamuunqaba hadalka hogaamiyaha dalkiisa oo muddo dheer aamusnaa, balse waxaa iiga soo baxdey arrimo dhowr ah: 1. Maadaama muddo xileedkii madaxweynuhu ay gebagabo ku dhow-dahay waxaa qasab noqotey inuu hadlo, halkudhiggii shirkii uu ka qeybgalay ee ahaa “ aamusinta qoriga” in ay kooxdiisu u bedelaan “ka hadalsiinta musharaxa” ama afjooga looma adeego. 2. Waraysigu wuxuu u muuqday sidii caadada u ahayd madaxtooyada mid si aad ah loo soo jar-jaray, nuxurkiina laga soo reebay taasoo dhadhankii waraysigan yeelan lahaa kala dhantaashay. 3. Qiyaastii wariyhu wuxuu weydiiyey 17 su’aalood oo u ekaa kuwo la soo jasuureeyey, wariyuhuna uu u dhagaysanayey jawaabaha sidii loox laga baxayo oo kale, dhanka kalena jawaabaha uu ka bixinayey madaxweynuhu su’aalaha la weydiiyey badankoodu ma ahayn kuwo is leh, tusaale ahaan markii la weydiiyey sanadkaan halkudhigga shir madaxeedka midowga Afrika ee 33-aad ee ahaa “Aamusinta Qoriga” wuxuu ku jawaabay waxaan codsannay in Soomaaliya cunaqabateynta hubka laga qaado, ma ahan jawaab u qalanta ama u dhow inuu madaxweynuhu fahmay shirka uu ka qeybgalayo waxa uu ku saabsanaa. 4. Madaxweynaha waxaa wax laga weydiiyey waxa u qabsoomay 3-dii sano ee la soo dhaafay, ololihiisii doorashada arrimihii uu ku ballanqaaday ee la xiriiray amniga dalka in uu xaqiijinayo, la dagaalanka musuqmaasuqa, khilaafka dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada, aamusnaantiisa marka dadka Soomaaliyeed ay argagixisadu xasuuqdo, muranka shahaadada ardayda Puntland, Ciidamada maamulkiisu uu geeyey Jubaland iyo go’doominta gobolkaas, Doorasho qof iyo cod ah qabashadeeda, su’aal jilicsan oo la xiriirta kulamada dhexmara asaga, Abiy iyo Afwergi.. iyo su’aalo kale oo aan filayo in xafiiska madaxtooyadu ku darsaday. 5. Jawaabaha uu bixinayey waxey iila ekaayeen, kuwo isuga jira: faan, sheegasho khibrad, caashaq asaga iyo raysulwasaaraha ka dhexeeya, in doorashadii la galay 2017 uu ku tilmaamay mid sharciga hareer-marsan, fashilka amniga iyo arrinta musuqmaasuqa wuxuu ku muddeeyey in waqti kale loogu daro oo ay u baahan yihiin arrimahaasi waqti dheer si loo xaqiijiyo, uma muuqan madaxweynuhu nin raba inuu dhammeeyo khilaafka kala dhexeeya dawlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland wuxuuna ku tilmaamay maamullo shisheeye u shaqaynaya taasoo ah marinhabaabin iyo daboolid fashilka ka soo waajahay isku haynta dalka. 6. Waraysiga madaxweynaha laguma soo qaadin doorashadii Galmudug, is aragga asaga iyo madaxweynaha Somaliland, dhammaystirka dib u eegista dastuurka, kiiska badda oo faahfaahsan, arrimaha isdhexgalka geeska Afrika ee uu madaxweynuhu ku mashquulsanaa sanadihii la soo dhaafay, haddii uu ka cudurdaaranayo dhiibistii Qalbidhagax, dalka sidee doorasho uga dhacaysaa haddii uu la dirirsan yahay dawlad goboleedyadii qaarkood, inaan la weydiin su’aalahaas waa midda shakiga dhalinaysa in su’aalaha madaxtooyadu wax ka soo diyaarisay ama loo diiday wariyaha in uu su’aalo kuwan la mid ah weydiiyo. Gabagabadii waraysigaan wuxuu banaanka soo dhigay in odogu weli aysan maskaxdiisa ka bixin muddo kororsigii uu ku riyoonayey, gaar ahaan markii uu ku tilmaamay doorashadii 2017 in ay sharcidarro ahayd, taas la macno ah doorasho qof iyo cod ah haddii ay dhici waydo 2020, kursiga xoog ayaan ku sii haysanayaa, wuxuuna ku celceliyey dalku isbedel uma baahna maadaama anigoo wanaagsan oo waaya-arag ah aan joogo waxaa lagu tilmaami karaa jawaabta madaxweynana in ay tahay “nin kaligii garramay”. Halbeegga lagu cabbirayo waxqabadkii madaxweynaha waa ballanqaadyadii uu ka hor aqriyey barlamaanka todobaadkii koowaad ee bishii Febraayo 2017, haddii la rabo in la bogado waxqabadkiisana meesha la fiirinayo waa magaalada madaxda dalka ee Muqdisho sida ay u eg tahay. Madaxweynaha waxaa laga sugayey dhowr shaqo inuu muhimadda siiyo waa dhammaystirka dastuurka, doorasho qof iyo cod ah in ay dhacdo sanadka 2020, iyo amniga dalka in la sugo oo lagala wareego ciidamada AMISOM waxaan qiyaasayaa in aan midkoodna muuqan in wax la qabtey kulligoodna lagu fashilmay, ayadoo intaas oo fashil oo dhex muquuranayo ayuu Md. Farmaajo sii raadinayaa inuu kursiga xoog iyo xeelad muddo aan tii sharcigu siiyay ahayn uu sii joogo. W/Q: Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  25. Waxaan in badan oo ka mid ah warbaahinta iyo qaar ka mid ah wariyayaasha Soomaalida maalmahaan ka maqlayay erayo ay ka mid yihiin “Ciidamada dowladda oo ku duulay gobal hebal ama degmo hebla”. Marka aan maqlay erayadaan waxaa niyadayda kusoo dhacay oo aan is waydiiyay su,aalahaan hoose: Yaa duulay, yaase lagu guudlay? Kuwa haddaladaan sheegaya ma yihiin kuwa fahansan macnaha dowladnimada dalkeenna iyo isticmaalka erayga “duulitaan”? Ciidamo xuduudaha dalkooda la geeyay maloo isticmaali karaa erayga “duulitaan” Marka la fiiriyo nidaamka ka jira Soomaaliya maanta ee la yiraahdo “Federalism” waxaa jira waxyaabo ama waajibaad dastuuri ah oo saaran dowladda dhexe ee Soomaaliya kuwaas oo ay ka midyihiin Ilaalinta xuduudaha, ka baaraan-dagidda siyaasadda arrimaha dibadda, difaaca iyo lacagta. Dalalka maanta dagaaladu daashadeen waxaa ka mid ah wadanka Afghanistan oo dowladdu ka taliso wax ka yar 30% hadana waxaan ognahay in wadankaas ka mid yahay wadamada ugu xuduudaha adag marka la fiiriyo wadamada dhaca koofurta Aasiya. Waan tabaryarahay micnaheedu maahan xuduudayda ma ilaalsan karo ama ma tagi karo, waxaana in ciidan qaran tagaan xuduudaha dalka tahay ficil wanaagsan waa haddii loo fiiriyo dhanka aragtida fiyow. Ku dhaqanka iyo fahamka federalku waa in dowladda dhexe iyo dhowlad-gobaleedyadu ogaadaan in qolo walba leedahay waajibaad gaar ah oo saaran iyo inay jiraan waxyaabo ka dhexeeya oo u baahan wada-tashi iyo wada-xaajood. Haddii arrinta laga hadlayo ay tahay mid qusaysa ilaalinta xuduudaha dalka waa in maamul-gobaleedku fahmaan in arrintaan ay tahay waajib saaran dowladda dhexe sidoo kalana ay ka gacan siiyaan sidii ammaanka xuduudaas loo sugi lahaa, balse haddii laba ciidan oo midna yahay kii qaranka midna yahay kii maamul-gobaleedka ay dhufays isugu jiraan taasi waxay calaamad u tahay faham la’aanta nidaamka federalka wayna adkaan doontaa in hormar la gaaro ilaa laga fahmayo laguna dhaqmayo waxa aan haysano oo ah nidaamka federalka. Way imaankartaa kala aragti duwanaan u dhaxaysa maamul-gobaleedyada iyo dowladda dhexe, balse taas waxaa xal looga gaari karaa in qolo walba aqoonsato kuna dhaqanto waxa uu u ogaalnayo dastuurka dalku. Dad badan ayaa maanta qaba in halaagga iyo hormar la,aanta na hortaagan ay tahay federalka halka kuwa kale ay qabaan in hannaankan uu yahay mid aan ku gaari karno hormar waara. Gunaanad Waxaa hormar lagu gaari karaa kala danbaynta iyo garashada qolo walba ay garato waxa dastuurku u ogalaanayo iyo waxa uu ka reebayo. Waxaa muhiim ah in dadka shacabku ay muujiyaan dareenkooda maadaama aysan jirin maamul ama dowlad dhisnaan karta ilaa ay haysto kalsoonida dadka deegaanka. Sidoo kale kabashada dalkeenna waxaa qayb wayn ka qaadan kara saxaafadda, waxaana kula talin lahaa madaxda warbaahinta iyo wariyayaasha inay ogaadaan in hadalkoodu meel dheer gaarayo sidaas dartedna ay isku dayaan inay soo tabiyaan wax u wanaagsan dalka iyo dadka oo aan keenayn colaad iyo kala fogaansho. W/Q: Duran Xassan-yare duraanhassan530@hotmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid