Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,385
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somali military will intensify operations to fight against al-Shabaab in the country, a military commander said. Speaking to newly Turkish trained Somali soldiers in Mogadishu, Deputy Force Commander of the Somali National Army, Mohamed Ali Barise said the forces will take part in operations to defeat al-Shabaab in the country. “The troops will be joining other forces fighting Shabaab in central and southern Somalia, this is one of the steps to secure the nation and defend it from the terrorists,” he said. Over hundred soldier of Somalia elite forces known as Gorgor forces who completed training course in Turkey have returned the country on Friday. They welcomed at the airport by Somali Defence minister Defense Minister Hassan Ali Mohamed and military commanders. According to Somali National News Agency, the minister said they will play a key role in the government’s efforts to stabilize the country, adding that the Somali forces are ready to stabilize on how the Somali people can cope with the pressure on al-Shabaab terrorists. The minister expressed his Government commitment to defeat terror group and restore stability in the country saying saying the government prioritized the formation of the armed forces, adding that special military training will take place. Somali army backed by African Union Mission in Somalia (AMISOM) have been fighting al-Shabaab fighters in different parts of the country. The group now lost large swath territories to Somali army. View the full article
  2. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qadar Amiir Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani ayaa yeeshay wadahadal dhanka taleefoonka ah. Wargeyska Al-Sharq ee laga leeyahay Dalka Qadar ayaa qoray inuu wadahadalkaas dhacay isla markaasna ay labada Mas’uul ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo waxyaabo kale. Wargeyska Al-Sharq ayaan faahfaahin dheeraad ah ka bixin wadahadalka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qatar, sidoo kalana weli ma xaqiijin madaxtooyada Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya iyo Qadar ayaa waxaa ka dhaxeeyo xidhiidh wanaagsan oo ku qotamo iskaashi iyo in la is dhaafsado danaha labada dhinac. Dowladda Qadar ayaa Soomaaliya ugu deeqday mashaariic kala duwan oo laga fulinayo Soomaaliya kuwaas oo iskugu jiro kuwo dhammaaday, kuwa socdo iyo kuwa kale oo la filayo inay dhacaan. Dowladda Qadar ayaa sidoo kale xidhiidh qoto dheer la leh Dowladda Soomaaliya ee uu hadda talladeeda hayo madaxweyne Farmaajo, waxayna Soomaaliya lumisay wadamo kale oo ka tirsan Khaliijka sida Imaaraadka Carabta iyo xulufadeeda maadaama ay Dowladda Soomaaliya diiday inay xidhiidhka u jarto Qatar. Dowladda Qadar ayaa Dowladda Soomaaliya siiso lacag aad u badan oo lagu kabo miisaaniyadda Dalka, waxaana dhawr jeer Dowladda Soomaaliya lagu cadaadiyey inay xidhiidhka u jarto Qadar oo ah wadan yar oo qani ah. Source
  3. Dabeylo maalmahaan laga dareemay xeebaha gobalka Banaadir ayaa waxaa soo baxayo khasaaro ka soo gaaray kaluumaysada Soomaaliyeed ka jilaabta xeebaha gobalka. Inta la xaqiijiyey ilaa Lix ruux oo Kaluumeysato ah ayaa ku geeriyooday halka Lix kale lagu la’ yahay badda nolol iyo geeri toona, sidoo kale waxaa jira khasaare soo gaaray agabkii ay isticmaalayeen. Mid ka mid ah kaluumeysatada gobalka Banaadir oo wareysi siiyey VOA-da ayaa ka warbixyey xaalada ka jira xeebaha gobalka iyo khasaaraha soo gaaray dhalinyada ka jilaabata badda iyo qalabkii ay wateen waxaana uu yiri “Dhalinyarada 6 ka mid ah meydkooda waa la helay 6-na kale lama haayo doomankii 8 Doomood lama haayo, marka wax hadda badda aada majiraan oo Malaay keydsanaa aya la isticmaala, Malaay in hadda badda la galo oo la soo qabtaa majiro” Sidoo kale kaluumeysatada gobalka ayaa sheegay in ay adag tahay in xiligaan ay ku dhiiradan galitaanka badda, iyaga oo sabab uga dhigay in aysan jirin Doomo waaweyn oo soo badbaadinaya badalkeeda waxaa ay ku qasban yihin in isha ay ka dawaan Hirarka Badda. “Waa laga joogaa annaga Dooman kale oo nasoo badbaadimaayo majiraan Doomaheenna waa Balanbaalis waa kuwo yar yar, kuwo waa weyn ayaa xamar weyne ka baxo iyagana waxaa baxa afar xabo” ayuu yir. Waxaa maalmihii tagay si weyn looga dareemay xeebaha gobalka Banaadir dabeylo xoogan kuwaas oo ay adag tahay doomaha yar yar ay xamilaan waxaana adkaata in lagu kaluumeysto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Jilib (Caasimadda Online) Duqeymo dad rayid ah ay ku dhinteen isla markaana ay fuliyeen ciidamada Mareykanka ayaa ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe sida ay qirteen taliska ciidmada mareykanka ee qaaradda Afrika kaas oo loo yaqaano AFRICOM. Sida xogta lagu helay duqeynta ayaa dhacday horaantii bishaan, waxaana ciidamada mareykanka ay duqeyn u geysteen qoys dagan degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe. Waxaa la ogyahay in duqeymahaas ay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira, waxaa la fahamsan yahay in qoyska dhibaatada loo geystay ay isugu yimaadeen iney si wadar ah u casheeyaan. Tifaftiraha qeybta luqadda Ingiriiska ee wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA (Mohamed Osman Abdi) oo la hadlayay wargeyska Defense Post ayaa xaqiijiyay in duqeymaha ay mareykanka ka geysteen Jilib ay ku dileen qoyskiisa. Mohamed Osman wuxuu kaloo sheegay in marka ay duqeymaha ka dhaceen Jubbadda Dhexe laga soo wacay halkaas loona sheegay in duqeymaha lala beegsaday qoyskiisa.
  5. “Somaliland Waxanu soo galiney Computerkii Caalamka “ Sh Yusuf illaa Faratoon! Bal dib iila milicsada Sannadkii 1992 oo aan idin xasuusiyo dhacdo aan filaayo in aad idinkuna xasuusan doontaan. Goobtu waxay ahay Khayriyada badhtamaha Hargeysa, waa cabaaro 10:00 Subaxnimo, waxaa jirey khudbado ay ummadda Reer Hargeisa u jeedinayeen qaar kamid ah wasiiradii Xukuumadii AHN Marxuum Cabdiraxman Axmed Cali, waxaa kamid ahaa wasiiradaa Marxuum Sh Yusuf Sh Cali Sh Madar oo ahaa Wasiirkii Arimaha Dibedaa ee wakhtigaa, waxaa kamid ahaa weedhihii uu halkaa shacabka uu uga jeediyey isaga oo markaa kasoo laabtay safar uu dibeda ugu baxay oo aqoonsi raadis ahaa. “ Wallaahi Qaranimadda Somaliland waxaan soo galiyey Computerka caalamka” nasiib-darada jirtay wakhtigaa , Computer kaba waxaa loo haystay waxkale. Aqoon la’aan inaga haysatay dartee. Dadka qaarna waxay umalaynayeenba aaladii aqoonsiga keenaysay . Kelmaddaasi waxay shacabku isugu tahniyadaynayeen muddo bilo ah “ Somaliland hadda ayaa la aqoonsanayaa” maadaama oo aynu galnay computerkii dunida. Bal adba….. Xogla’aanta Ujeedadii uu Madaxweyne Biixi ku tagay Ethiopia ee uuna shacabka u sheegin marka laga yimaad haddal kii Wasiir faratoon ee ahaa “ Waftigu waxay ujeedadiisu ahayd ama inuu ka qaybgalo sida caadada u ahayd sanadwalba shirka Africa ee Guud( markaa waxaa isweydiin leh Shirka ma waxaynu uga qayb galnay sida dalalka kale ee Africa ugaga qayb galaan bilow ilaa dhamaad? Wasiirku haddalkiisa sida uu u dhigay waa bilow iyo dhamaad…… mise Xidhitaankii ayaa la inagu casuumay? + kulankii Madaxweyne Biix iyo Farmaajo oo uu Salaan ku tilmaamay iyada oo kulan koodaasi qaatay in ku dhaw hal saac. Haddaba ; Waxaa Xukuumada Madaxweyne Biixi looga baahan yahay in ay ummadda u sheegto Xaqiiqda Safarkooda iyo ujeedadiisa dhabta ah iyo Waxay kasoo wadda hadleen Madaxweynaha Somaliya kulan koodii saacada qaatay. Waxaa jira tuhun ah in ujeedada ay u tageen inay ahayd in ay wada kulmaan FARMAAJO maxaase la qarinaya? Haddaladii qurxoonaa ee Wasiir faratoon waxay I xasuusiyeen “ Somaliland waxaan soo galiney COMPUTERkii Caalamka” Wabillaahi Tawfiiq Cabdirasaaq Askar Hargeysa Somaliland Qaran News
  6. Garowe ( PP News Desk ) The Somali National News Agency Facebook account posted and then deleted a story from the Uganda-based online newspaper, busiweek. The story alleged that talks between the President of Federal Government Mohamed Abdullahi Mohamed and President Muse Bihi Abdi of Somaliland had ended in failure over the UAE plans to expand Berbera Port. The busiweek story in SONNA Facebook account Other Somali news websites re-published the busiweek story. SONNA used the same picture as Busiweek’s story along with the text. It is not clear who alerted SONNA about the unsubstantiated news published by busiweek, which describes itself as “a leading online business newspaper that provides definite coverage of trade, investment and finance news from an Eastern African prospective.”SONNA kept the Busiweek story in its Twitter page, which has sixteen thousand followers. It deleted the story from its Twitter handle as well. The busiweek story in SONNA Twitter account There is a fake Facebook SONNA account that claims to be the “Somali News Agency”. The rival account identifies itself as a media/news company affiliated with somalinewspaper.com. © Puntland Post, 2020 The post SONNA Duped by An Unsubstantiated Busiweek Story appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qadar Amiir Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani ayaa yeeshay wadahadal dhanka taleefoonka ah. Wargeyska Al-Sharq ee laga leeyahay Dalka Qadar ayaa qoray inuu wadahadalkaas dhacay isla markaasna ay labada Mas’uul ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo waxyaabo kale. Wargeyska Al-Sharq ayaan faahfaahin dheeri ah ka bixin wadahadalka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qatar, sidoo kalana weli ma aysan xaqiijin madaxtooyada Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya iyo Qadar ayaa waxaa ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo ku qotamo iskaashi iyo in la is dhaafsado danaha labada dhinac. Dowladda Qadar ayaa tan Soomaaliya ugu deeqday mashaariic kala duwan oo laga fulinayo Soomaaliya kuwaas oo isugu jiro kuwa dhamaaday, kuwa socdo iyo kuwa kale oo la filayo inay dhacaan. Dowladda Qadar ayaa xiriir qoto dheer la leh Dowladda Soomaaliya ee uu hadda taladeeda hayo madaxweyne Farmaajo, waxayna Soomaaliya lumisay wadamo kale oo ka tirsan Khaliijka sida Imaaraadka Carabta iyo xuladeeda maadaama ay Dowladda Soomaaliya diiday inay xiriirka u jarto Qatar. Dowladda Qadar ayaa Dowladda Soomaaliya siiso lacag aad u badan oo lagu kabo miisaaniyadda Dalka, waxaana dhawr jeer Dowladda Soomaaliya lagu cadaadiyey inay xiriirka u jarto Qadar oo ah wadan yar oo qani ah.
  8. Cabdifitaax Nuur Ashkir Muddo maalmo laga joogo (10-2-2020) ayaan hadal ka jeediyay xarunta Telefishinka iyo Raadiyaha dowladda Puntland, munaasabadduna waxay ahayd: xaflad xilwareejin loo sameenayay Agaasimihii hore ee PLTV Jamaal Carab Yusuf, iyadoo ayaan carrabaabay “Duqsiga Elektaronikada” ah, anigoon wax faah faahin dheeri ah ka bixin. Eray bixintaas, ayaa siyaasiyiinta iyo dhillinta baraha bulshada isticmaashaa, si mug leh faallooyin uga bixiyeen. Hadal-jeedintayda ka horna waxaa uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni sheegay in Facebook lagu soo daayay col abaabulan, ujeedkooduna yahay duminta waxay Soomaali ku heshiisay ee ah dhidibba-u- aaska iyo taaabbo-galinta nidaam Federaal ku dhisan. Haddaba waxaan jeclaystay in aan akhristayaasha la wadaago ujeedada eraybixintaas iyo halka ay ka timid? Maxaan dowladda Federalka ah ee Soomaaliyeed ugu summadeeyay? Ciiddamadaan duullaanka ku ah dowladnimada Soomaaliyeed ee curdunka ahi, kuma ayay ahaayeen? Maxaa nala gudboon oon uga hortagi karnaa ciiddaamadaan ku hubeysan aragtida Federaal la dirirka ah?!! Inta aanan u guda galin nuxurka dhambaalkaygani xambaarsanyahay, aan faallada kaga bixinayo ciidammada “Duqsiga Elektaronikada” ah, aan idin xusuusiyo -akhristow- in maalintii ay taariikhdu ku beegnayd:13-2-2020 ay hay’adda “Amnesty International” soo saartay baaq ay kaga warrameyso in dowladda Federalka ah ee Soomaaliyeed ay hawl-galisay, kooxo shaqadoodu tahay la socodka warbaahinta iyo baraha bulshada, ciddii aragti ahaan dowladda Federalka ah ka soo horjeeddana laga xiro cinwaanka uu adeegsado ee Facebook iyo Twitter, cagajuglayn iyo hanjabaadna loo diro qaarkood, waana tallaabo ciriiri galinaysa xorriyatul qawlka iyo saxafiyiinta Soomaaliyeed ee duruufaha adag ku shaqeeya! Maxaa loola jeedaa “Duqsiga Elektaronikada? Eraybixinta “Duqsiga Elektaronikada” Afka Carabigana lagu yiraahdo (AL-DUBAAB AL-ILIKTAROONI) waxay soo shaac-baxday sannaddii 2018-kii, hardankii dowladaha khaliijka ah ka dib, ee qudhiisu ka dhashay markii la jabsaday cinwaanka Wakaaladda Wararka Qatar ay ku leedahay, warka lagu daabacay oo nuxurkiisu ahaa diriro iyo isku dhufasho qaawan la doonayay in Qatar iyo Boqortooyada Sacuudiga laysku diro, ayaa dalka issutagga Imaaraatka Carabta, Sacuudiga, Baxrayn iyo Masar (Egypt) waxay go’aan ku qaateen -durbadiiba- in ay xiriirka u jaraan dalka Qatar. Go’aankaas ka dib, dhinacyada hardanku u dhaxeeyo ee dowladaha Khaliijka waxay billaabeen in ay hawl-galiyaan kooxo shaqadoodu tahay: fidinta farriimo xambaarsan utun-colaadeed, sumcad dilid lagu sameenayo madaxda dalalka khaliijka iyo isu miciyo-lisasho aan la xeerinayn diin iyo derisnimo toonna. Ciiddamadaas carabta is haysa hawl-galiyeen, waxay durbadiiba ku yaaceen in ay sameystaan cinwaano been-abuur ah oo ay ka furteen Twitter-ka iyo Facebook-ga, eraybixintuna waxay ka timid “Duqsiga” oo ah cayayaan xambaarsan wasakh iyo Jeermi, ciiddamada la hawl-galiyana, waxay ahayeen kuwa afkoodu wax kastaa karo, cidna aan ka xishoon, ilaa loo dhaadhacay guryaha madaxda khaliijka qaarkood. Dowladihii Khaliijka ee is hayay, dhammaantood waxay isku adeegsadeen ciiddamadaas qolo waliba ay talis dhexe ee laga hago u sameysatay, farriimaha colaad-hurinta ahna looga qaybiyo. Shinnida iyo Duqsiga! Saxafigii caanka ahaa ee Jamaal Khashoggi ka hor inta aan lagu dilin qunsuliyadda dalkiisa Sacuudiga ay ku leedahay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiya, wuxuu ku hawlanaa dhisidda ciidan kaloo ka horjeeda kan lagu magaacabay “Duqsiga Elektronikada” ah, oo ay ula magax-baxeen -isaga iyo saaxiibkiis Cumar Cabdulcasiis, oo ah mucaarad ku nool dalka Kanada- “Shinniada Elektaroniga ah” , ujeeddadooduna waxay ahayd siduu wareysiyo farabadan ku bixiyay Cumar Cabdulcasiis in ay dhiirrigaliyaan kooxo same-doonno ah, qorana farriimo liddi ku ah kuwa Duqsiga, faafiyana kuwa kaloo samo-raadis xambaarsan, isu soo dhaweyn karana walaalaha Khaliijka ah ee colaaddu dhex-martay. Cumar Cabdicasiis waxa uu sheegay ka hor inta aan la dilin Jamaal, in uu u soo xawilay lacag dhan $5000 (shan kun oo doollar) si uu “Sim cards” ugu iibiyo loona qaybiyo dabadeed ciidamada “Shinnida” ee ku sugan Khaliijka. Jaamacadda Toronto University cilmi-baare ka hawl gala Sheybaarka Jaamacaddaas (Citizen Lap) wuxuu cadeeyay in boqortooyada Sacuudigu ay ka warheshay qorshaha “Shinnida” iyadoo adeegsatay Software la yiraahdo “Pegasus” oo ay dalal badan oo Khaliijka ahi ka soo iibsadeen dalka ay colaadda soo jireenka ah Carabta ka dhaxeyso ee “Israel”, waana barnaamij ay u adeegsadaan dalalkaasi dabagalka mucaaradka iyo cid kasta oo ay u arkaan in ay siyaasaddooda ka soo horjeedaan. Dowladda Federalka Soomaaliya iyo “Duqsiga Elektaroniga” ah! Hoggaanka aan kalsoonida buuxda isku qabin, wuxuu had iyo jeer door-bidaa adeegsiga “barobagandada” iyo dacaayadaha aan sal iyo raadka toonna lahayn. Haddaan soo xooriyo ujeeddada guud ee barobaganda, waxay ku soo aruuraysaa in shacabka la marrin-habaabiyo, xog aan dhammaystirneenna la siiyo, sidii la rabana xogta loogu sheego, waana sida ay dowladda Federal-ka Soomaaliyeed imminkaba ku dhaqanto. Horeyna waxay taariikhdu xustaa in madaxweynihii Mareykanka ee Woodrow Wilson uu adeegsaday saxafi caan ahaa oo la oran jiray George Creel si uu u marin- habaabiyo shacabka Mareykanka oo diidanaa ka qayb-galka dalkooda ee dagaalkii koowaad ee dunida (1914-1918). Woodrow Wilson waji-gabax iyo fadeexad buuna kala kulmay isku daygiisii ahaa marin-habaabinta shacabka. Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaan talo ku siin lahaa in uu guud ahaanba joojiyo colkaa duullaanka ku ah cid walboo damacdaa in ay talo iyo tusaaleynba dowladda Federalka u soo jeediso Buug uu qoray qoraa u dhashay Mareynka oo caan ah Noam Chomsky uguna magac-daray (AL-ASLIXA AL-SAAMITAH FII AL-XURUUBIN HAADI’AH) oo markii Soomaali loo turjumo noqonaya “ Hubka Aamusan ee dagaallada qabow” ahna buug yare xambaarsan dokument sir ah, oo la qoray 1979-kii, oo sida qoraagu uu sheegay ay qortay wakaaladda Sirdoonka ee mareykanka “CIA” wuxuu si aan la filayn dokumentigaas fakaday 1986-kii, markii aad si dhab ahna ugu koor-gasho, 10-ka qorshe ee ku dhigan buuggaas, oo dhammaantood xoogga saaraya adeegsiga warbaahinta, waxaa kuu muuqanaya in dowladda Federaal-ka ah ee imminka talada dalka haysaa, ay ku dhaqanto waxa ku qornaa buuggaas, yoolkiisu yahay: sidee loo dhisaa dowlad kaligi talis xukumo, bulshadana marin-habaabisa! Dowladda Federalku markii ay talada dalka la wareegtay 2017-kii, waxay durbadiiba guda gashay in ay dhisto col abaabulan oo qabta shaqada “Duqsiga Elektaroniga” ah, yoolkooduna yahay: sida ay ula diriri lahaayeen nidaamka Federaalaynta ee Soomaaliya, looguna baddali lahaa nidaam dowlad dhexe oo hal meel laga maamulo. Dowlad-goboleed; ama siyaasi kastaa oo isku daya in uu ummadda Soomaaliyeed u sharxo wixii ay Soomaali ku heshiisay, waxaa si lama filaan ah loogu soo kicinayaa col abaabulan dhinaca baraha bulshada iyo warbaahinta dowladdu maamulkeeda leedahay (hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdirimaan Cabdi Shakuur iyo raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirishiid) baynu tusaale dhow u soo qaadan karnaa, oo weerar qaawan lagu qaaday. Kaaso xambaarsan farriimo dowlad dhexe iyo in nidaamka federal-ku yahay mid dano dowlado shisheeya u sheeqeynaya. Waa dhab, marag ma doonta ah, in warbaahinta loo adeegsado dhinaca faafimta afkaarta dowladuhu doonayaan in ay bulshadooda gaarsiiyaan, oo sida gabaygii Sallaan Carabey tirayayba laga dheegan karo in afku yahay hub la adeegsado: Afkuba wuxuu la xoog yahay magliga Xawda kaa jara’e, misana, waxaa meesha ku jirta in afku dirirku aan loo adeegsan bulsho kala gayn ee loo adeegsado wixii lagu heshiiyay in lagu fuliyo. Waana halka aan ka dooneyno dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliyeed in ay ku dhaqanto, tollow farriintaydaan ma gaari doontaa! Bal adba! WQ:Dr Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir) Email: ashkirnuur84@gmail.com Dr. Ashkir waa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Puntland, waana qoraa ka faallooda arimaha Siyaasadda iyo Taariikhda. The post DUQSIGA ELEKTARONIKADA: Col duullaan ku ah dowladnimada appeared first on Puntland Post.
  9. Eedaysanayaasha Kiiskii Hodan Shanlayste Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa Sabtida maanta ah dhegaysatay, gar-maqalkii u horreeyay ee Kiiska Hodan Shanlayste oo kufsi iyo dil loogu gaystay caasimadda Puntland ee Garoowe. Maxkamadda, ayaa maanta la hor-keenay todoba nin oo ku eedaysan kufsigii iyo dilkii, 11-Apriil 2019 Garoowe loogu gaystay Hodan Axmed Shanlayste oo ahayd haweeney xaas ah. Kadib dhegaysiga dacwadda Xeer Ilaalinta, ayaa maxkamaddu go’aamisay in kiiskaasi mar kale loo fariisto 22-ka bishaan February oo ku beegan Sabtida soo socota. Sidoo kale, maxkamadda waxa la hor-keenay rag kale oo ku eedaysan dambiyo kala duwan, kuwaasi oo qaarkood xukunno lagu riday, halka qaar kalena dib loo dhigay kiisaskooda. Maxkamadda, ayaa isla maanta xukuntay kiis kale oo kufsiya, kaasi oo lagu helay nin kufsi u gaystay gabar bikaaro ah( aan weli guursan). Eedaysanaha ayaa lagu riday 5-sano oo xabsiya, $ 1000 Dollar oo ganaax ah iyo in uu bixiyo wax loogu yeeray “Mahru-misli” oo ah lacag u dhigta meherka gabar bikaaro ah oo la guursaday. Hoos ka daawo Muuqaalka oo faahfaahsan PUNTLAND POST The post Maxkamadda Garoowe oo muddaysay Kiiskii Hodan Shanlayste appeared first on Puntland Post.
  10. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin ayaa sheegay inay sharciga la tiigsanayaan Cuqaal Damiintay dad aan Somaliland u dhalan si ay u qaataan Kaadhka Aqoonsiga Somaliland. Wasiir Kaahin, ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan Liiska Cuqaashaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. MOGADISHU (HOL) - Unidentified aircrafts Friday dropped leaflets in Bay region in south western Somalia containing an appeal for information leading to the capture of a U.S citizen said to be fighting alongside Al-Shabaab in Somalia. Source: Hiiraan Online
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xabsiga u taxaabtay Odayaal iyo Ganacsato badan oo ka soo horjeestay dhul banaan oo ku yaala Wajaale oo ay dhisaneysay Wasaarada Gaadiidku, kaasi oo ay ku sheegen inuu yahay ‘dhul xabaalo ah’. Odayaashan iyo Ganacsatada ay xirtay Xukuumadu ayaa tiradoodu dhan tahay 19-qof, kuwaasi oo faraha ula tagay dhagaxaan ay Wasaarada Gadiidku ku soo rogatay dhulkaasi, oo ay ku doodayaan inuu yahay xabaalaha Wajaale. Dadka la xidhay ee iskugu jira Odayaasha iyo Ganacsatada ayaa iyagu ka biyo diidan in dhulkaasi dhisato wasaarada Gaadiidku, iyagoona ka hor inta aan la xidhin warbaahinta ka sheegay in Xukuumadu ay iibineyso dhulkaasi. Ganacsatada iyo Odayaashaasi ayaa hadda waxay ku xidhan yihiin oo loo dhaadhiciyey Xabsiga magaalada Gabiley, kuwaasi oo u xiran khal-khal gelinta dhul ay wasaaradi dhisaneyso iyo eedeymo la xiriira faafinta warar been abuur ah. Dhinaca kale, Mas’uuliyiinta gobolka Gabiley oo warbaahinta la hadlay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in dhulkaasi la iibineyo, balse ay dhisaneyso Wasaarada Gaadiidka Somaliland, iyagoona carabka ku adkeeyay in sharciga la marin doono cidii xaalad abuur ka sameysa. Muranka ka taagan dhulkaasi ay dhisaneyso wasaarada Gaadiidku ayaa soo shaac-baxay kadib markii Badhasaabka gobolka Gabiley uu shaqadii ka joojiyey Isu-duwaha wasaarada Howlaha guud iyo guryeynta ee gobolka Gabiley, Cabdi Cali Cilmi, oo is hortaag ku sameeyay qorshaha ay dhulkaasi ku dhisaneyso wasaarada Gaadiidku.
  13. The High Court ruled in 2018 that the couple's Islamic "nikah" ceremony fell within English marriage law. Source: Hiiraan Online
  14. Taliyaha ciidamada AFRICOM ee Mareykanka General Steven Towsend oo uu wehliyey safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto ayaa soo gabagabeeyay booqasho maalmo aheyd uu ku tagay qeybo ka mid ah Soomaaliya iyo dalka Kenya, gaar ahaan xerada Manda Bay oo ciidamo Mareykan ah iyo kuwa KenyAan ah ay dagan yihiin. GenerAal Steven Towsend iyo saraakiil uu hogaaminayey oo qeyb ka ah howgalka AFRICOM ayaa intii aysan u dhoofin dalka Kenya, waxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose kulan kula qaateen madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe. Sidoo kale Taliyaha AFRICOM, GeneraAl Steven Towsend ayaa kadib booqashadiisii Kismaayo waxa uu u safray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, isagoo halkaasi kula kulmay madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Saciid Cabdulaahi Deni. Labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland ayaa taliyaha ciidamada AFRICOM wuxuu kala hadlay xaalada ammaanka maamulladaasi iyo dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab Intaa kadib Steven Towsend, Ambassador Donald Yamamoto iyo saraakiil ka tirsan AFRICOM ayaa u safray dalka Kenya, gaar ahaan xerada Manda Bay oo ku taalla magaalada xeebeedka Lamu ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, xeradaas oo Al-Shabaab ay ku qaaday weerar khasaara geystay, kaas oo dhacay horraanti bishii la soo dhaafay ee Janaayo. Taliyaha AFRICOM ayaa indha indheeyey xaaladda amni ee xerada oo ciidamo Mareykan iyo Kenyan isugu jira ay dagan yihiin, isagoo sidoo kale la kulmay saraakiisha xeradaasi ku sugan oo uu ka dhageystay warbixin ku saabsan baaritaanadii laga sameeyey weerarkaasi. Mareykanka ayaa qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoona duqeymo dhanka cirka ah ka fuliya qeybo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. View the full article
  15. Dowladda Shiinaha iyo hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa maanta oo Sabtiya shaaciyay, in tirada guud ee dadka u geeriyooday coronavirus ay kor u dhaaftay 1,500 oo qof. Mas’uuliyiinta magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha, ayaa dhankooda amar ku bixiyay, in dadka ka soo laabanaya fasaxyada ee Beijing ku noqonaya, ay tagaan xarumaha karantiilka oo lagu hayn doono 14 cisho, si loo xakameeyo faafitaanka caabuqaasi. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa sheegaysa in dad ka badan 66,000 oo qof ay la xanuunsanayaan cudurkaas coronavirus, markiisii hore ka bilowday gobolka Hubei ee bartahamaha waddanka Shiinaha bishii December 2019. Coronavirus ayaa markii dambe ku faafay, gobollada kale ee dalkaasi iyo qaar kamid ah waddamada dunida, oo ay ku jiraan dalalka Reer Galbeedka. PUNTLAND POST The post coronavirus oo dilay in ka badan 1,500 oo ruux appeared first on Puntland Post.
  16. Nin Caruus ahaa oo ay xafladiisii kala kicisay Minweyntiisii oo si lama filaana u soo gashay Goobtii xafladu ka socotayNinkan oo lagu magacaabo Asif Sharif Siddiqi ayaa la garaacay, kaddib inuu dhiganayey aroos uu u aqarinayey isagoo xaas hore leh Caruus ayay ka eryadeen arooskiisii dad badan oo cadhaysani, kaddib markii xaaskiisii koobaad soo gashay xafladdii, si ay dadka u ogaysiiso inuu hore u guursaday oo weliba oo uusan hal mar guursane uu laba dumaro oo kale uu qabo. Asif Rafiq Siddiqi, oo nin gadhweyn, yara buuran oo da’diisu tahay 30-meeyada, ayaa waxaa wax gaadhsiiyey oo dhirbaaxo kala daalay dadkii badnaa, funaanadiisii iyo surwaalkiisiiba waa la jeexjeexay waxaana uu ka dhex baaba’ay rabshaddii arooskiisa ka dhacday. Markii hawshaasi dhacday kaddib, ayaa caruuskii oo bas ku dhex dhuumanaya isla mar ahaantaana rafaadsan ay badbaadiyeen dad aan la garanayni. Pakistan, waa wax iska caadi ah guurka badani. Laakin si katastaba ha ahaatee, in kasta oo ninku yeelan karo ugu badnaan ilaa afar xaas, waa inuu helaa ogolaashaha xaaskiisa hore ka hor inta uusan mar kale guursan. Taas oo u muuqata in Mr Siddiqi uu ku guuldaraystay inuu fuliyo talaabadan xasaasiga ah, iyadoo ay markii hore xaaskiisa cusub iyo qoyskeeda ay ogaayeen guurkiisii hore ayaa hal mar haweeney careysan ay soo gashay hoolka xafladda ee magaalada Karachi, oo ah goobta aroosku ka dhaceyey. “Maxaa jira walaal’ ayaa mid ka mid caruusadda qaraabadeedu weydiiyeen gabadha, sida laga arkay muuqaal la duubay intii xafladdu socotay. Kolkaas ayay gabadhii, waa Madia Siddiqi, ay si aanay labalabaynayn u abbaartay dhankiisii. Arooska waxaa qastay gabadh ku andacootay inay tahay xaaskiisii dhabta ahayd “Waa ninkaygii, sidoo kalena waa aabbaha carruurtayda. Waxaanu ii sheegay inuu saddex casho aadayo Hyderbad” ayay ku cabatay, iyadoo gacanta ku wadata wiil yar oo ay sheegtay inuu isagu dhalay. Kaddib ayaa qoyskii arooska dhiganayey, u kaxeeyeen qol gaar ah, halkaas oo ay ku siiyeen fursad ay dadka ku fahansiiso bal waxa dhacay, iyado ay ag tuban yihiin qaar ka mida qaraabadii caruuska. “Taasi waa soddohday, taasina waa dumaashiday Jethani, oo ii sheegtay in hooyadeed oo ninkaygana dhashay ay xanuusanayso saddex cashaba, oo dhakhtar taal” gabadhii Siddiq ayaa sii wadatay hadalkeedii, ka hor intii aysanba toos u abbaarin caruusaddii cusbayd. Waxayna ku tidhi ” Naayaa, ma ogtahay in kani ninkaygii yahay? Xataa kama werwerayo miyaa cunuggiisan yar’ Halkaa kuma ay joogsan waxay sheegtay in ninkani guursaday 2016, xilligaas oo ay kulmeen jaamacadda Karachi’s Federal Urdu University, halkaas oo uu xilligaa ka shaqayn jirey. Kaddib waxaa kale oo ay sheegtay, inuu gabadh labaad si qarsoodi ah u guursaday, taas oo lagu magacaabo Zehra Ashraf, oo macallin ka ah jaamacadda dumarka ee Karachi, sannadku markuu ahaa 2018. Waxayna sheegtay inay ka ogaatay farriimo ay isu dirdireen labadoodu. Mrs Siddiqi ayaa sheegtay inuu markii hore dafiray jiritaanka gabadhaas, laakiin se uu dib ka qirtay. Waxay ahayd Ms Ashraf oo iyaduna ku wargalisay Mrs Siddiqi arooskoodii ugu dambeeyay, iyada oo si ku xumayn ugu dirtay sawirradii xafladaha. Ma cada intaa wixii ka danbeeyey ee dhacay. Laakiin se, booliiska oo gaadhay goobta ayaa u sheegay BBC in ehelka aroosadda cusubi ay garaaceen, oo nabarro gaadhsiiyeen. labo caruus oo maqalka la’a oo ku aqal galay magaalada Garissa Ciidammada dawladda ayaa badbaadiyey, iyagoo u qaadayna saldhiggii ugu dhawaa, laakiin waxaa soo dabagalay qaraabadii caruusadda cusub oo ku sugay jeelka hortiisa si ay mar kale u waxyeelleeyaan. Muuqaal laga soo duubay, markii uu ka dhex dhuuntay gaadhi bas ah oo taagnaa, waxaa la arkayey iyaga oo ku qaylinaya soo bax “so bax haddii kale, baskaba waannu kugu gubi doonnaa” BBC, waxay isku deyday inay la xidhiidho Mr Siddiqi iyo xaaskiisii cusbayd qaraabadeeda si ay u weydiiyaan waxa meesha ka dhacay, bal se ma aannaan helin. Rao Nazim, oo ah taliyaha saldhigga booliis ee Taimuriha ayaa BBC-da u sheegay inaysan hadda jirin wax danbi ah oo cad oo laga gudbiyey. Waxaana uu sheegay in waxani yihiin arrimo qoys oo ay tahay inay iyagu dhammaystaan, ama ay aadaan maxkamad qoys. Qaran News
  17. Qareenada ka hawlgala Garoowe ayaa shaqo joojin sameeyey, iyadoo saaka maxkamada derajada koowaad ay xukuntay eedaysanayaal aan haysan sharci yaqaano difaaca. Qaar ka mid ah qareenadda oo suxufiyiinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in wasaaradda maaliyadda maamulkaasi ay ku soo rogtey cashuur dheeraad ah. Sidoo kale Sheekh Siciid oo ka mid ah qareenadaasi ayaa Shabelle uga warbixiyey shaqo joojinta ay sameeyeen. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/c.mp3 gar View the full article
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Doowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta soo bandhigtay gaadiid ka qeyb qaadan doona wacyi galinta canshuur bixinta iyo la macaamilka dadka ka hor yimaada bixinta canshuuraha ku waajibay. Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daah furay olole casri ah oo dowladda Hoose ee Xamar ka saacidaya habka canshuru aruurinta, waxaana la badalay qaabkii horay looga qaadi jiray. Ayaan Cabdi Maxamuud oo ah agaasimaha canshuuraha dowladda Hoose ee Xamar ayaa faah-faahin ka bixisay ololaha cusub. “Gaadiidkan waxey ka howlgali doonaan afarta qeyb oo ay ka kooban tahay magaalada Muqdisho si ay wacyigaliyaan bulshada islamarkaana loo dardargaliyo qaadista Canshuuraha kala duwan ee daqliga”. Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) oo ah gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa carabka ku adkeeyay iney la dagaalami doonaan musuqa hareeyay waaxda canshuraha. “Bixinta Canshuuraha waxey ka turjumeysaa muwaadinimada waana waajib saaran qofkaste oo muwaadin ah, kamaamul ahaan waxaa naga go’an la dagaalanka Musuq-Maasuqa”. Ugu dambeyntii Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa muwaadiniinta Soomaalida ah gaar ahaan dadka Muqdisho ugu baaqay iney fududeeyaan bixinta canshuuraha si loo hirgaliyo mashaariicda adeegyada Bulshada. “Waxaan si xushmad kujirto ugu codsaneynaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay si dagan ku bixiyaan canshuurta ku waajibtay si aan dib iyaga ugu celino islamarkaana loogu fuliyo adeegyada aas aasiga ah ee bulshada, waan la xisaabtami doona cidkaste oo aan iska bixinin canshuurta ku waajibtay”
  19. Muuqaallo la soo duubay dhowaan ayaa muujinaya shaqaale weli dhismo sharci darro ah ka wada garoonka kubada cagta ee Stadium Muqdisho. Shaqaalaha garoonka dhisaya ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan saxaafadda, balse waxaa muuqata in cid dhisaneysa ay ku xiran tahay DFS, maadaama ay dhowaan dhismahAan ka digtay wasiirka ciyaasarada Khadiijo Maxamed Diiriye oo sheegtay in la joojiyey. Dhinaca kale qaar ka mid ah shacabka Muqdisho ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay wax aan la aqbali karin, iyaga oo ugu baaqay dowladda inay ka hortagto dhismahaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/CCC.mp3 View the full article
  20. Dowladda Mareykanka ayaa heshiis xabbad-joojin oo kooban la gaartay ururka Taliban eek a dagaallama waddanka Afganistan. Heshiiska oo socon doona mudda todobaad ah ayaa u gogol-xaaraya qorshe lagu doonayo in ciidanka Mareykanku kaga baxaan dalka Afganistan. Sarkaal u hadlay Mareykanka ayaa laga soo xigtay in heshiiskaas todobaadka ah uu shigayo in kooxda Taliban ay yarayso rabshadaha. Sidoo kale wuxuu sheegay ayaa sheegay in heshiiska oo dhawaan dhaqan-geli doona uu quseeyo guud ahaan dalka Afghanistan oo ay ku jiraan ciidamada dowlda dalkaasi. Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah in ciidamada Mareykanka ee jooga Afghanistan ay kor kala socon doonaan dhaqangalka heshiiska si loo hubiyo in Taliban ay heshiiska jebisay ama ixtiraamtay. Haddii uu heshiiskan toddobada maalin dhaqan galo waxa la filaya in Mareykanka iyo Taliban ay u gudbi doonaan wajiga labaad ee wadahaddaladda Nabadda Afganistan. Mareykanka ayaa waxaa dalka Afghanistan ka jooga ciidan gaaraya 13 kun oo askari. PUNTLAND POST The post Mareykanka iyo Taliban oo xabad-joojin kooban gaaray appeared first on Puntland Post.
  21. (SLT-Doha)-Mareykanka ayaa heshiis xabbad-joojin hal toddobaad ah la gaadhay ururka Taliban, taasi oo waddada u xaadheysa in ciidanka Mareykanka ay ka baxaan dalka Afghanistan. Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa xaqiijiyey heshiiskan toddobada maalin ah ee dhigaya in kooxda Taliban ay yarayso rabshadaha. Sarkaalka ayaa sheegay in heshiiskan oo dhawaan dhaqan-geli doona uu khuseeyo guud ahaan dalka Afghanistan oo ay ku jiraan ciidamada dowlda dalkaasi. Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah in ciidamada Mareykanka ee jooga Afghanistan ay kor kala socon doonaan dhaqangalka heshiiska si loo hubiyo in Taliban ay heshiiska jebisay ama ixtiraamtay. Haddii uu heshiiskan toddobada maalin dhaqan galo, waxaa ay wararku sheegayaan in Mareykanka iyo Taliban ay u gudbi doonaan wajiga labaad ee wadahaddaladda nabadda Afghanistan. Mareykanka ayaa waxaa dalka Afghanistan ka jooga ciidan gaaraya 13 kun oo askari, waxaana heshiiskaan uu imanayaa xilli muddo kooban ay ka harsan tahay 20-sana-guurada kasoo wareegtay markii ay ciidanka NATO ee uu Mareykanku hogaaminayo ku duuleen dalka Afghanistan Source