-
Content Count
214,385 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Munich (Caasimada Online) – Wada-hadallo la doonayey in lagu soo geba-gebeeyo xayiraadidi ay Qatar saareen dalalka deriska lah, ayaa fashilmay bishii Janaayo, waxaa sidaas Sabtidi shaaca ka qaaday wasiirka arrimaha dibedda Qatar. Dhowr dal oo Carbeed ayaa xiriirka siyaasadeed, kan ganacsi iyo midka socdaalba u jaray Qatar bartimihii 2017, ayaga oo ku eedeynaya inay taageerto argagixisada. Wada-hadallada ayaa billowday October 2019, ayada oo ujeedka uu yahay in lagu soo geba-gabeeyo is-marin waaga. Si kastaba, isaga oo ka hadlayey Shirka Ammaanka Munich, ayaa wasiir Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani waxa uu sheegay in wada-hadallada aysan guuleysan. “Saddex sano ayaa hadda laga joogaa. Ma ahayn kuwa dhibka billaabay, haddana waxaan diyaar u nahay in dhibaatadan la xaliyo,” ayuu yiri. “Nasiib darro dadaalladii socday ma guuleysan, waxaana wada-hadallada la joojiyey bishii Janaayo, Qatar-na mas’uul kama ahan taas.” Wasiirka ma bixin sharaxaad dheeri ah oo ku saabsan hakinta wada-hadallada, inkasta oo bilihii dhowaa ay muuqanayeen astaamo muujinaya inay dib u heshiin karaan Saudi Arabia iyo Qatar. Bishii December, ra’iisul wasaarihii xilligaas ee Qatar Sheikh Abdullah bin Nasser Al Thani ayaa ka qeyb-galay shirkii Golaha Iskaashiga Khaliijka ee Riyadh, isaga oo noqday mas’uulkii ugu xilka sarreeyey ee ka socda Qatar ee ka qeyb-gala shirkaas, tan iyo 2017. Wixii markii ka dambeeyey waxaa jiray isu soo dhowaansho labada dhinac ah, hase yeeshee sida muuqata ma miro dhalin dadaalladii socday.
-
Gudoomiyaha Guddiga soo xulista xildhibaannada cusub ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed Maxamed Keerow Maxamed oo Warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in ay meel fiican marayso soo xulista xildhibaannada Baarlamanka labaad ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Gudoomiyaha ayaa sheegay in wada shaqeyn buuxda ay la leeyihiin Odoyaasha dhaqanka oo beelaha deggan Koonfur Galbeed ee ay kasoo dhex xulaya Xildhibaanada. Mudane Keerow Gudoomiyaha Guddiga soo xulista Baarlamaanka Labaad ee Koofur Galbeed waxa uu ku baaqay in aysan dhibaato keenin kuraasta Xildhibaanada maadaama ay ku loolamayaan shaqsiyaad kala duwan oo mid kasta kuraasta raadinayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa horay Odayaasha dhaqanka ugala hadlay sidii ay usoo xuli lahaayeen Xildhibaanno ka tiro yar kuwa waqtigooda dhamaaday. PUNTLAND POST The post Xulista Xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Koonfur Galbeed oo socota appeared first on Puntland Post.
-
In ka badan 30 ruux ayaa lagu dilay weeraro kooxo hubaysan ay ka gaysteen, tuulooyin ku yaalla gobolka Katsina ee galbeed waddanka Nigeria, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters. Booliiska ayaa laga soo xigtay in weeraradaasi ka dhaceen tuulooyinka Dankar iyo Tsauwa, halkaasi oo dableeyda hubaysan ay ku laayeen dad rayid ah oo tuulooyinka ku noolaa. Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay, in tuulada Tsauwa lagu dilay 21 ruux, islamarkaana lagu dhaawacay tiro kale oo aysan cadadkooda xusin. Sidoo kale, waxay sheegeen in kooxaha weerarka geystay ay tuulada Dankar ku dileen 10 qof oo rayid ah guryo halkaasi ku yaallayna ay burburiyeen. Gobolkaasi Katsina ee galbeedka Nigeria, ayaa bilihii u dambeeyay laga soo sheegayay xaalado amni-darro iyo weeraro ay gaysanayaan kooxo hubaysan. PUNTLAND POST The post In ka badan 30 ruux oo lagu dilay dalka Nigeria appeared first on Puntland Post.
-
Kastamyadu badanka waa haayad madaxbanaan (authority Agency) ama waa waax (department) hoos timaada Waasaradda Maaliyadda/Dakhliga/Ganacsiga. Kastamyadu waxa ay maamulaan isu socodka alaabaha iskaga gudbaya dalalka caalamka, hadii ay soo degayaan (Import), dhoofayaan (export) ama ay gudbayaan (transit). Kastamyadu taariikh ahaan waa haayadaha ugu da’weeyn ee ay dawladuhu leeyihiin, dawlad kastena waxa ay ugu jiraan kaalin muhiim ah, marka loo eego shaqooyinka ay qabtaan culeeyskooga iyo muhiimadooda. Waajibaadka kastamyadu ay dal-kaste u hayaan waxa ka mid ah; Ilaalinta amniga dalka, deegaanka iyo dadkaba. Fullinta sharciyada iyo habraacyada (procedures) kastamyada ee dalka u dejisan. Dakhli abuur ama dakhli soo saaris. Hubinta bad-qabka alaabta dalka soo galaaysa. Fududeeynta isu socodka ganacsiga (Trade Faciliation). Ilaalinta wax-soosaarka dalka (warshadaha iyo beeraha). Ka hor-toga iyo la-dagaalanka alaabta sharcidarada ah (contraband). Joojinta alaabaha la mamnuucay (prohibited goods) in ay dalka soo galaan. La socodka iyo hubinta alaabaha la xadiday (restriction goods) tirada iyo tayada dalka soo gali karta. Ururinta iyo keeydinta xogta ganacsiga. Musuqa ama wax is-dabomarintuna, waa iyadoo awooda ama masuuliyadda uu qofku hayo uga faai’idaaysto in uu dhaafsado laaluush, dano shaqsiyadeed ama dano siyaasadeed. Maadaama uu markaste musuqu u dhaxeeyo labo daraf, musaqa kastamyada ka dhacaana wuxu u dhaxeeyaa madaxda ama shaqaalaha kastamka iyo ganacsatada ama wakiilada ganacsatada (clearance agencies). Si kaste ha ahaatee, kastamyadu waxa ay ka mid yihiin, meelaha la isla qirsanyahay ee aan laga murmi karin in musuq ka dhaco dunida oo dhan, sababta oo ah, waxa si fool ka fool ah u kulma ganacsatada iyo saraakiisha kastamyada, waxana kastamyada lagu tilmaamaa haayaddaha ama waaxyaha ugu musuqa badan ee ay dawladdi leedahay, musuqa iyo wax is-dabomarinta ka dhacdana waxa la dhaafsadaa laaluush, dano shaqsiyadeed iyo kuwa siyaasadeed. Hadaba musuqa ugu badan ee kastamyada ka dhaca waxa ka mid ah; Lunsi cashuureed: waxa si aan sharciga waafaqsaneeyn alaab looga dhimaa ama looga dhaafaa cashuur ku waajibatay. Aqballidda waraaqo been abuur ah: kuwaas oo laga dhigayo, kuwa rasmi ah, oo sharci ah. Sii deynta alaab ka mamnuuc ah in ay dalka soo gasho: alaabtaas oo amaanka dalka, bad-qabka deegaanka, caafimaadka dadka ama wax-soosaarka dalka dhib u geeysan karta. Cashuur ka dhimis: in cashuurta laga dhimo alaab la rabo in ay la tartanto wax-soosaarka dalka, taasi oo sharciguna ku waajibiyey cashuur badan, si loo xadido soo dhoofinteeda. Fududeynta koontarabaanka: waxa alaab dalka loo soo galiyaa si sharciga aan waafaqasaneyn, iyadoo aan kastamka la soo marin, saraakiisha kastamyaduna iska indho-tiraan. Si kastaba ha ahaatee, musuqmaasuqa iyo wax is dabo-marinta ka dhacda kastamyadu, waxa ay liidaan ama ay daciifiyaan maamulka iyo awooda kastamyada, taasi oo marka danbe saameeyn toos ah ku yeelata amaanka, caafimaadka iyo badqabka dadka, dalka iyo deegaankaba, maadaama ay si fudud uga gudbi karaan waxyaabo iyo alaab aad u khatar badan. Waxa intaa dheer musaqa ka dhaca kastamyada waxa uu hoos u dhigaa wax-soosaarka dalka, maadaama ay si fudud uga soo gudbi karaan alaab la tartanta wax-soosaarka warshadaha iyo beeraha dalka, taasi oo daciifinaysa, niyad-jabna ku abuuraysa beeraleyda iyo warshadleyda dalka. Hadaba, musuqa iyo wax is-dabomarintu badanaa waxa ay dhacaan; Marka sharciyada lagu shaqeeynayo ay yihiin kuwo fahamkoodu aad u adagyahay, sidoo kalena ay yihiin kuwa aan daah-furneyn (transparent). Marka hab-raacyada la maraayo ay yihiin kuwa badan oo aan koobneeyn. Marka canshuuraha ku dhacaya alaabtu ay yihiin kuwa qaali ah. Marka maamulka kastamyadu ay yihiin kuwa jilicsan, maamul ahaan iyo awood ahaanba. Marka isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta shaqadu ay tahay mid daciif ah. Badanaa ganacsatada waxa ka dhaxeeya tartan joogta ah oo xalka suuqa ah, ujeedkooda u weeynina waa in ay suuqa keenaan alaab jaban, sidaa darteed waxa ay laaluush ku bixiyaan in alaabtooda qiime jaban lagu cashuuro. dhanka-kalena, maadaama ay ku tartamayaan in mid kaste alaabtiisu suuqa hor-gaadho, waxa ay laaluush ku bixiyaan, in sida ugu dhakhsaha badan loogu dedejiyo la bixitaanka alaabtooda, si ay alaabtoodu suuqa u hor-gaadho, indhaha macaamiisha suuquna alaabtooda u hor-qabato. Waxaa kale oo jirta, in wakiilada ganacsatada alaabta u saarta ay laaluush ku bixiyaan, in alaabta ay cashuurayaan qiime jaban ku cashuuraan, iyo weliba in si degdeg ah loogu saaro, si ay u kasbadaan ganacsato kale oo ay wakiil u noqdaan. Si kaste oo ay tahayba, waxa la isku raacsanyahay oo ay u badantahayna in maamulka kastamku suurta-galiyo in musuqmaasuq ama wax is-dabomarin dhacdo. Sababtoo ah, badanka ganacsatada iyo waakiladooduba waxa ay ku dedaalaan in ay xidhiidh toos ah iyo mid dadbanba la yeeshaan maamulka sare ama hor-joogayaasha (team leaders) kastamyada. Marka laga yimaad maamulka iyo hor-joogayaasha, waxa kale oo jira in shaqaale-hoosaadku xataa ay jecelyihiin marka ay alaab tirinayaan ama ay hubinayaan in ay aad u muujiyaan awoodooda shaqo, si ay u soo jiitaan una baqo-galiyaan ganacsatada ay ogyihiin in maamulka uu xidhiidh kala dhaxeeyo, si ay hadhoow go’aan iyo gorgortan ugu yeeshaan waxa ay ganacsatada iyo maamulka isla meel dhigi doonaan. Marka intaa laga yimaad, waxa jira isku dayo badan oo ay dunidu kula dagaalanto musuqmaasuqa iyo wax is-dabomarinta kastamyada. Waxa dhacda in mararka qaar kastamyadu ka hoos shaqeeyaan maamul adag, mararka qaarna kastamyadu waxa ay la kulmaan kor-joogteeyn iyo daba-gal adag. Hadana, musuqu meesha kama baxo, sababtoo ah musuqmaasuqa iyo wax is-dabomarinta waxa sababa oo shidaaliya mushaharka yar ee ay qaataan shaqaalaha kastamku, marka loo fiiriyo shaqada ay qabtaan muhiimadeeda iyo dakhliga ay soo xareeyaan. Sidoo-kale, laaluush qaadashada waxa dhiirigaliya, kulanka fool ka foolka ah ee dhex mara ganacstada ama wakiiladooda iyo maamaulka ama shaqaalaha kastamka. Si taas loo xaliyo, waxa ay wadamo badan kordhiyeen mushaharaadka shaqaalaha, maadama shaqaalaha kastamyadu yihiin, kuwa u adeega ganacsiga dalka soo galla ama ka baxa, ganacsigaas oo ah ka shidaaliya korniinka dhaqaalaha dal kaste. Sidoo-kalena, shaqaalaha kastamyadu ay yihiin kuwa soo saara dakhliga ugu badan ee ay dawladu ku shaqeeyso. Dhanka kalena, kastamyadu ay yihiin goobaha laga ilaaliyo wax-soosaarka dalka, bad-qabka dadka iyo deegaanka iyo weliba amaanka iyo deganaanshaha dalka. Dhinaca kale, wadamadaas badankoodu waxa ay xoojiyeen isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta shaqada kastamyada, si loo yareeyo ama meeshaba looga saaro fursada uu musuq ku dhici karo. Inkaste oo heerkii musuqmaasuqa kastamyadu hoos u dhac sameeyey, ma noqon mid meesha ka wada baxa. Si musuqa iyo wax is-dabomarinta meesha looga saaro, dunida badankeedu waxa ay dib u habeeyn iyo casriyeeyn (refom and moderanisation) ku sameeyeen kastamyada. Waxa lagu dedaalay in la fududeeyo fahamka sharciyadda iyo habraacyada kastamyada, iyaga oo laga dhigay kuwa daah-furan oo meel kaste laga heli karo, si qofku isagoo fahansan habraacyada uu marayo iyo waxa looga baahanyahay sharci ahaan kastamka u imaado. Intaa waxa dheer, in la koobay habraacyada la marayo, kuwaas oo awel ahaa kuwa badan. Waxa kastmyada lagu soo kordhiyey habraacyo la dagaalamaya musuqa, oo ay ka mid yihiin, in uu ganacsaduhu alaabta u soo dageysa nooceeda iyo tiradeedaba uu isagu soo gubiyo, kuna soo gudbiyo xaashida cadeeynta alaabta (Goods Declaration Form), tani waxa ay meesha ka saartay in laga been abuuro tirada iyo noocyada alaabta, maadaama ganacsatadu iyagu ay soo gudbinayaan, kastamkuna hubin doonno saxnimadeeda. Kastamyada waxa la dhigay kuwa ku shaqeeya hab casri ah, iyadoo la adeegsanayo technology (computerised online system), si loo yareeyo kulanka tooska ah ee u dhaxeeya ganacsatada iyo shaqaalaha kastamka. Tani waxa ay abuurtay in ganacsatada ama waakiiladoodu xaashida cadeynta alaabta ku soo gudbiyaan hab online ah, dabeedna la hubiyo saxnaanta warqada ay soo gudbiyeen iyo in ay isku jaan-go’anyihiin xogta uu soo gudbiyey iyo alaabtiisu, markaa dabeedna la qiimeeyo canshuurta ku waajibtay alaabta, iyada oo hab computerized ah loo adeegsanayo. Dabadeedna, canshuurta uu bixiyo. Habkan dib u habeeynta iyo casriyeeyntu inkaste oo uu yahay mid lagula dagaalamayo musuqmaasuqa iyo wax is-dabomarinta, sidoo-kalena waa hab lagu fududeeyo ganacsiga ka gudbaya kastamyada, iyadoo ay la bixintaanka alaabtu noqon doonto mid degdeg badan. Dhinaca-kalena, waa hab lagu kantaroolo laguna yareeyo khataraha kastamyada ka gudba. In kaste oo musuqmaasuqa badankiisu meesha ka baxay. Hadana, dhibaatooyinka u waaweeyn ee ay kastamyadu ka cabanayaan lana kulmayaan weli waa wax is-dabomarinta ay shaqaalaha iyo ganacsatada ama wakiiladoodu sameeynayaan. Si caqabadaas meesha looga saaro, hada dunida badankeedu waxa ay bilowday, in si joogta ah loo kobciyo anshaxa (ethics) iyo xirfaddaha aqooneed (professionalism) ee shaqaalaha, iyada oo kobcinta xirfaddaha aqooneed ay yihiin daw/dariiq (means), halka anshuxu uu yahay ujeedka rasmiga ah (ends). Qof kastena, qofka uu ka anshax wanaagsanyahay lagu abaalmariyo gunno (bonnus) joogto ah iyo dalacsiin. Somaliland, inkaste oo la curiyey sharci cusub (Sharciga Kastamyada No.73/2016) iyo habraacyo cusub oo lagu dhaqayo kastamyada, kuwaas oo nasakhaya meeshana ka saaraya sharcigii hore iyo habraacyadiisii (Sharciga Kastmayda No.91/1996 oo laga soo dheegtay Sharcigii iyo habraacyadii Kastamyada ee No.1/1961/66). Sharcigan cusubi wuxu xambaarsanyahay, dariiqana u xaadhayaa casriyeeynta iyo dib u habeeynta kastamyada. Madaama, sharcigan iyo habraacyadiisu ay yihiin kuwa daah-furan oo uu qofkaste si fudud uga heli karo mareegta (website) Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. Laakiin waxa nasiib daro ah, in aan sharcigan iyo habraacyadiisaba aan weli lagu tabobarin badi madaxda, maamulka iyo shaqaalaha kastamyada, taasi oo ah caqabad wajahaysa sidii loo fulin lahaa shuruucda, habraacyada iyo ujeedooyinka ay xambaarsanyihiin. Dhinaca-kale, kastamyada Somaliland badanaa waxa ay ku shaqeeyaan hab aan casri aheeyn, taasi oo joogteeynaysa kulamada fool ka fool ka ah ee u dhaxeeya maamulka ama shaqaalaha iyo ganacsatada ama waakiladoodaba. Intaas waxa dheer, musharaadka ay ku shaqeeyaan shaqaalaha kastamku in ay yihiin kuwa aad u yar, marka loo eego shaqada ay qabtaan iyo dakhliga ay soo xareeyaan, taasina waxa ay sababayssa in uu kordho musuqa iyo wax is-dabomarinta ka dhaca kastamyada Somaliland. Waxa kale oo iyaduna jirta, in badanka shaqaalaha iyo maamulka kastamyada Somaliland aan lagu xullan aqoonta iyo xirfaddaha ay u leeyihiin shaqada ay qabanayaan, taasna waxa sababay iyada oo markii horeba aan lagu shaqaaleeyn aqoonta ay u leeyihiin sida ay u shaqeeyaan kastamyada iyo ganacsiga caalamiga ahi. Sidoo-kalena, shaqaalaha badankoodu ma helaan tababaro dhaadheer (long period training), kuwaas oo kor loogu qaadayo xifadooda aqooneed (professionalism) iyo khibradooda shaqo ama kuwa gaagaaban (short period training) oo lagu kobcinayo xirfadooda shaqo, laguna korinayo anshaxooda shaqo. Si kasteba ha ahaatee, musuqa kastamyadu wuxu dhib-weeyn ku hayaa, xataa wadamada horumaray, mana jiro caalamka dal ka fayoow wax is dabomarinta ka dhacda kastamyada. Sababtoo ah, kastamyada ayaa marka horeba ah kuwa u nugul in uu ka dhaco musuqmaasuq. Laakiin wadan kaste, wuxu ku dedaalayaa sidii uu aad ugu dhimi lahaa ama meeshaba uu uga saari lahaa. Isku soo wada duuboo, hababkan lagula dagaalamayo musuqa, waxa ay ina tusayaan, markaste oo kastamyada lagu sameeyo dib u habeeyn iyo casriyeeyn, iyada oo awoodana la saarayo kobcinta; aqoonta, xirfada iyo anshaxa shaqaalaha, ay tahay dariiqa iyo tabta ugu haboon ee lagu yareyn karo, laguna tirtiri karo musuqmaasuqa iyo wax is-dabomarinta, kuwaas oo dhiigbax ku ah dakhliga dawladda, hoosna u dhigaya nidaamka dawladnimada iyo maamul wanaagga, sidoo-kalena khatar iyo dhibaatooyin u horseedaya dalka, dadka deegaanka iyo wax-soosaarka gudaha. W/Q: Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Ibraahim M.A in Customs Administration cabdiraxmanmid@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Madaxweynaha waddanka South Sudan Salva Kiir Mayardit ayaa ogolaaday in uu yareeyo tirade maamul goboleedyada dalkiisa ka dhisan kadib shuruudo ay ku xireen kooxaha mucaarad ah. Dalabka ugu muhiimsan ee Mucaaradka South Sudan ayaa ahaa in la yareeo dowlad goboleedyada ka dhisan dalkaasi si loo soo afjaro colaadda sokeeya ee ka aloosan waddanka loona dhiso dowlad loo dhan yahay. Madaxweyne Salva-kiir iyo madaxii hore fallaagada Riek Machar ayaa cadaadis caalami ah la kulmaya si ay u soo afjaraan meel marinta heshiiska nabadeed oo ay horay u wada gaareen. Waxa labada dhinac loogu baaqay kulankooda toddobaadka soo socda ay yeelanayaan inta aan la gaarin wixi ay isku fahmi la’yihiin in ay xalliyaan. Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir ayaa tallaabadan ku qeexay mid xanuun badan balse ay tahay lagama maarmaan haddii ay nabad keenayso. PUNTLAND POST . The post Salva Kiir oo ogolaaday dalabkii ugu muhiimsanaa ee Mucaaradkiisa appeared first on Puntland Post.
-
Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa sheegay in kusoo biireen qaar ka mid ah ciidamadii ay dhawaan dowladda federaalku geysay gobolka Gedo, oo ka mid ah gobollada maamul ahaan hoos taga Jubaland. Afhayeenka laamaha amniga Jubaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo u waramay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in ciidamo iskugu jira militeri iyo boolis, gaar ahaan kuwa Haramcad ay ku biireen maamulkooda Jubaland, kuwaas oo qeyb ka ahaa sida uu sheegay ciidamadii ay dowladda federaalka Muqdisho ka qaaday ee la geeyey magaalada Beled-Xaawo. Afhayeenku ma shaacin tirada ciidamadaas uu sheegay in ay ku biireen maamulka Jubbaland, balse waxa uu balan qaaday in ay dib kasoo sheegi doonaan. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Jubaland. Cabdinuur ayaa sheegay inay ciidamadan ay si gaar ah uga baxeen magaalooyinka Dolow iyo Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, iyadoo wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan uu ciidamadaas maanta ugu khudbeeyey duleedka magaalada Beled-Xaawo, sida uu yiri. Sidoo kale afhayeenka laamaha amniga Jubaland Cabdinuur ayaa sheegay in ciidamadaas ay ku biireen ciidamada kale ee Jubaland oo uu sheegay in ay difaaac uga jiraan qeybo ka tirsan degmada Beled-Xaawo, halka dhinaca kalena ay uga suganyihiin ciidamada dowladda federaalka ee dhawaan la geeyey gobolkaas. Dhinaca kale wararka aan ka heleyno magaalada Mandheere ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in xubno ka tirsan golaha wasiirada Jubaland iyo madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Maxamuud Sayid Aadan ay halkaas ku leeyihiin kulamo ay uga arrinsanayaan culeysyada Jubaland kasoo wajahay gobolka Gedo iyo ciidamada ku biiray ee ka goostay maamulka Jubaland. Dhinacyadan ayaa la sheegay inay ka fakarayaan tallaabooyinka ay qaadi karaan, xilli ay dadka iyo maamulka Mandhera dalbadeen in magaalada uu ka baxo wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan. Sidoo kale, dhinaca Beled-Xaawo ayaa waxaa si buuxda gacanta ugu haya dowladda, mana cadda halka ay aadi doonaan haddii ay ka baxaan Mandhera.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Bar___Qubanaha-15022020.mp3 View the full article
-
Gorfaynta Buugga Gadhweyne Buugga “Qaran iyo Qabiil”: Laba Aan Is Qaban, ee Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne) waa buuggii iigu saamaynta badnaa ee aan beryahaas akhriyo. Waa shan qaybood buuggu oo xidhiidhsan oo ka kooban 178 bog. Qaradiisu bogag ahaan uma badna sida uu nuxurkiisu u dhumuc weyn yahay. Waa rib isku cufan oo cuddoon badan nuxur, ulajeeddo abbaar iyo qaayo afeed intaba. Marba akhriskiisu wuu ku sii jiidanayaa, sidii qof mawjad badweyn sidato, oo waxa kugu dhalanaya bal ka sal gaadh qoraalka. Adiga oo weli haliil iyo xiise u qaba ayaad xaashida u dambaysa, adiga oo is la baraad la’ aad hirdiyaysaa. Rashiid Gadhweyne waa mufeker. Waa cilmibaadhe bulsheed ka mid ah fara-ku-tiriska foolaadka u ah Soomaalida dhacdooyinka iyo wacaalaha taariikheed iyo bulsheed ka foolisa ee ka falcelisa. Qalinkiisu uma hogto hamrashada, isla markaana xaqiiqada uu baadhayo ama soo gudbinayo waxa uu u barkiyaa xaqsoor ama dhinac u iilasho la’aan iyo adeegsiga shaac-baxyo la hubiyey. Taas baa buuggiisa sadar kasta kaaga dhex muuqanaysa, waana ta saamaynta keenaysa ayaan ku wadaa. Kama laha ulajeeddo kale qoraalkiisa oo ka baxsan mawduuca miiska yaalla ee uu kula gorfaynayo, kama na dareemaysid lifaaqyo kale oo uu jiidanayo iyo wax kale oo u hilan ama u lingaxan oo meel ugu guntan. Rashiid Sheekh Cabdillaahi waxa aan bartay aniga oo da’ yar oo dhul iyo nolol qalaad dhex walhanaya. Waa 1983 iyo sannadihii ka dambeeyey. Radio Halgan baannu isku barannay. Waa Addis Ababa iyo 20 jir caddaysimo ah iyo nolol axmaq ah. Waa jabhado aan cidina cid kale hoos u xaalayn oo badanka qofba inta badan ay tiisu cuslaynayso. Waayahaas ayaa Rashiid iskaaya baray. Waxa aan ku bartay dadnimo, miigganaan iyo hayal toosnaan qofnimo oo daacadnimo iyo xurmo badan. Qof garasho iyo aqoon u saaxiib ah, deeqna ka siiya qofkii u goolmoon. Aniga iyo dhallinyaro kale oo aan aabbe iyo hooyo ag joogin iyo ehel kale toonna doc shisheeye ayuu dugsi hirasho iyo macallin nololeed noogu noqday. Barnaamijyadii uu ka sii deyn jirey Radio Halgan iyo isaga qofnimadiisu berigaas ba saamayn bay igu yeesheen. Taas ayuu buuggani, mar kale, markii aan akhriyey, igu soo kiciyey oo dib ii xusuusiyey. Waa suura-gal in saamayntaas hore ee Rashiid uu aniga qof ahaan igu lahaa ay ka qayb qaadanayso tan dambe ee buugguna hadda igu yeeshay, se waxa hubaal ah in qof kasta oo si dhug leh buuggan u akhriyaa uu ku reebi doono raad weyn oo mawduuciisa ku saabsan, waxba yaanu Rashiid aqoon gaar ah ba u yeelane. Qaran iyo qabiil oo ah laba isir oo badanka maskaxda Soomaalida isku haysta iyo is diiddooyinka waaweyn ee labadaas ka dhexeeya (qaran iyo qabiil) iyo sida uu mid ba ka kale u burinayo ee uga takhalusayo, ayuu qoraaga buuggu si bar-ku-joog ah ugaga yool gaadhayaa. Dhaqanka abtirsiimo-wadaagta Soomaalidu markii reerguuraa loo badnaa iyo haddii magaalo yimi, labada jeerba, waxa uu qoraagu tilmaamayaa, isaga oo caddaymo cuskanaya, marka ay baahi dawladnimo timaaddo, in aanu qaabdhismeedka qarannimo bulshada Soomaalida meel ku lahayn, waayo baahi baan jirin. Sideedabana baahi aan dareenkeeda la qabinni wax ba kama duwana wax aan jirin, sida uu qoraagu soo bandhigayo. Waxa la odhan karaa Soomaalida agteeda baahida qarannimo iyo dawladnimo wax weyn kama aha, kama na goyso. Halkeeda waxa u buuxiya higilka tolwadaagnimo ee marna guud sare ka dhisma, is la jeerkaasna hoos u sii kala filqama ee kala fagma sida basal la dhilayo. Dhinacyo badan ayuu buuggu arrintaas kaga imanayaa. Socotada taariikhda, dhaqanka, nolosha Soomaalida tolwadaagta reerguuraaga iyo dhacdooyinkii ku taxnaa, gudo iyo dibedba lahaa, ayuu kala soo dhex baxayaa tusmooyin iyo caddaymo marag-ma-doon u noqonaya liilintiisa cilmibaadhiseed iyo sida farshaxannimo ee uu kuula falgelinayo dooddiisa xaglaha kala duwan wax kaa tusinaya. Qarniyo hore, doraato, shalay iyo maanta ayuu isugu kaa qodbayaa. Sababaha dawladnimo wanaagsan oo waxtar yeelataa uga hanaqaadi la’ dahay bulshada Soomaalida dhexdeeda ayuu wacaalahaas kaaga soo tuujinayaa oo maanta ku dul keenayaa. Siyaalaha is burineed iyo is diiddada qaran iyo qabiil, iyo sida aanay isu qaban karayn ee uu midi ba ka kale u durkinayo, ayuu, iyaga oo sababaysan, ku soo hordhigayaa oo kugu celcelinayaa ilaa aad madaxa u ruxdo. Qaran iyo Qabiil: Laba Aan Is Qaban, waxa laga ogaanayaa wax badan oo maanta ummadda jid u iftiimin kara ay kaga bixi karto dhibaatada dawlad xumaanta ama dawlad la’aanta ka haysata; ‘dawladdii dawlad-la’aanta’ sida ereybixinta qoraagu u taallo. Tusaale muhiim ah oo buuggu taabanayo waxa ah in magaca Soomaalinnimo ee la isugu soo hiloobey markii gumeysiga shisheeye la iska kicinayey uu ahaa mid ka dhashay qiiro iyo habarwacasho ka horjeedda gumeysiga shisheeye: “Hayaay ka soo kacaay, yaa Soomaali aheey”, oo xidhiidh la leh “hayaay ka soo kacaydii yaa reer Hebelaheey”, xilligii hiilada iyo dagaallada qabaa’ilka. Markii gumeysigii shisheeye tegey ee Soomaalidii isku keliyeysateyna, dhaqankii hilowga iyo hiilada tolliimo ayaa soo miiraabay, oo isla markiiba, ka kor maray oo hadheeyey qiiradii waddaniyadda Soomaalinnimo, sida uu qoraagu soo bandhigayo. Hay’adihii qarannimo ayaa durba qabaa’il loogu loollamay oo lagu kala riixdey. Qoraaga buuggu waxa uu qabaa, in sida dad badani u arkaan, aanay mushkiladdu ahayn midnimada ee ay ahayd maqnaanshaha jidkii midnimo dhab ah oo cid walba waxtar u yeelata keeni lahaa. Muwaaddinku markii uu waayey qaran u dammaanaqaada nabadgelyo ah naftiisa, maalkiisa, sharaftiisa, horumarkiisa nololeed iwm waxa uu intaas ka raadiyey awoodda reertolkii ku leeyahay dawladda. Sidaas ayuu higilkii iyo hirdankii qabaa’ilka reerguuraaga Soomaalida ee geela, daaqa iyo so’da ceelku ugu soo guureen xukunka dawladnimo, isugu na garbiyeen ilihii koobnaa ee dhaqaale, ilaa uu qarankii dhexdooda ku burburay. Bugtadaas halista ah oo aan cilinkeeda weli la fahmin, haddii la gartayna aan la iska cuudin ama la furdaamin, ayuu buuggu si wacan u iftiiminayaa. Waa sida aanay u wada noolaan karin qarannimo macno yeelata, oo waxtarna leh iyo habdhaqanka bulshada isirwadaagta qabiilka isugu xidhanta, isla qabiilka laftiisana ku kala faganta ama furfuranta ee sida ay isugu raacdo si ka fool xun ugu kala tagta. Dawyo iyo jidbixin badan baa halkan ku jirta. Ardayda jaamacadaha ka baxday ama ku jirta iyo inta uu hungurigu kaga jiro in ay ummadda horseed iyo hoggaan u noqdaan ayuu buuggu u ifinayaa dawga ay taas u raaci karaan, kaga na baydhi karaan jidadka qodaxda badan iyo run-la-moodyada cagaagga badan ee muddada dheer bulshadu la soo noolayd ee nugleeyey, asaaggeedna ka reebay. Waxa uu buuggu inagu jalbeebinayaa midowgii Muqdisho iyo Hargeysa waxa soo gabagabeeyey ee burburiyey in uu ahaa dhaqanka is xigtaysiga iyo isu hiilinta qabyaaladeed ee galay siyaasaddii iyo maamulkii guud ee qaranka. Tani waa farriin aan caad saarnayn oo ku socota cidaha Soomaalida ee maanta weli isku milaysa hiilada qabyaaladeed iyo higilka siyaasadeed ee qarannimada, taa oo sida uu qoraaga buugguba caadbixinayo, aakhiritaanka, looga aayayo dawlad la’aan iyo burbur sii baaha. • Dab iyo dhagax Layskuma dhufto. Cali Sugulle, AHN. • Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane. Timacadde, AHN. Arrin kale oo muhiim ah oo xiisaha akhriska buugga iyo tayadiisa kor u qaadaysa, marka laga tago nuxurkiisa, waa qaabqoraalkiisa oo toolmoon. Waa faro-ku-tiris ereyada higgaaddoodu hal meel ka jaban tahay ee aad buugga ku arkaysaa, sida tusaale ahaan ereyga ‘ hiilada’ oo aad meel kula kulmayso isaga oo u qoran ‘hiillada” iyo ereyga ‘ballaadhan’ oo isna hal meel u qoran ‘ballaadan’ iyo dhawr kale oo aan badnayn. Buuggani waa bar-ku-joog ku soo beegmay baahi xilligan joogtaysan iyo bugto jirta oo bulsheed oo bogsiin iyo baanasho u baahan. Waa raasamaal maskaxeed. Aqoonta uu xambaarsan yahay waa muhiim in ay gudubto oo gaadho inta u baahan oo ay ugu horrayso inta wax baranaysa ama baratay, inta hiyiga ku haysa in ay ummadda hoggaaminteeda meel ka soo gasho ama inta eegga ba meel uun kaga jirta iyo idil ahaan bulshada guud ee qubanaha ah. Buugga waxa soo saartay shirkadda Ponte Invisibile (Redsea-online.com) Hargeysa, 2018. Maxamed Baashe X Xasan mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
-
Madasha la magac baxday xisbiyada Qaran ayaa soo saartay baaq ka kooban shan qodob oo ay uga hadleen xaaladda gobolka Gedo. Madaxda ayaa Madaxweynaha iyo Xukuumadda Federaalka ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan waxa ka dhalan kara ciidamada itoobiyaanka ah ee deegaankaas buux dhaafiyay, oo ay sheegeen in loo adeegsanayo xaalado siyaasadeed. Sidoo kale, waxay ugu baaqeen bulshada degaanka in ay u istaagaan nabadeynta iyo in laga hor tago colaad sokeeye oo ka bilaabanta gobolka Gedo. Hoos ka arkhriso war-murtiyeedka PUNTLAND POST The post Madasha xisbiyada Qaran oo ka hadlay xaalada Gedo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaan Tabeellaha Sheekh Ibraahim oo dhaca duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in warshad biyaha sifeysa oo ku taalla halkaas uu dab qabsaday. Dabkan ayaa kacay saacad ka hor waxuuna ku sii fidayaa dhismayaal kale oo ku dhawaa wershadda, sida uu Caasimada Online u sheegay qof ka mid ah dadka ku howlan deminta dabkaas. Gaadiidka dab-damiska dowladda hoose ee gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta gubaneysa, kuwaas oo ku howlan daminta dabkaas, waxaana aad cariiri u ah halka uu ku yaallo dhismaha warshada gubaneysa, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka. Baqdin xoog leh oo ku aadan in dabkaasi ku fido ayaa soo wahday dhamaan dadkii goobka ganacsi ku lahaa suuqa Tabeellaha Sheekh Ibraahim, kuwaas oo laabahooda hadda ka raranaya suuqa. Sidoo kale waxaa babaneysa dabeyl xoog leh, taas oo fududeysay in dabku kuwada fido dhismaha warshadda iyo dhismayaal kale oo kaabiga ku haya, waxaana la tacaalaya gaadiidka iyo shaqaalaha dab-damiska dowladda hoose ee Xamar. Weli lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabkaas, waxaana ku gubtay dhamaan qalabkii warshadda oo aheyd nuuca sifeysa biyaha muyasaxada ama caafiga. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online
-
Madasha xisbiyada qaran ee dalka ayaa maanta war ka soo saaray xaaladda aan cagaha badan ku taagneen ee gobalka Gedo, waxaana ayna baaq arrintaa ku wajahan u direen Madaxweynaha dowladd federaalka Soomaaliya. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madasha oo ka koobnaa 5 qodob soona gaaray Goobjoog News ayaa lagu booriyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xukuumaddiisa iney joojiyaan hurinta colaada iyo kala qeybinta bulshada ku dhaqan gobalka Gedo ee dowlad gobaleedka Jubbaland. Sidoo kale waxaa Madaxweynaha loogu baaqay in dowladda sugidda amniga gobalka ay u deyso ciidamada amniga iyo daraawiishta Jubbaland dowladda federaalka ahna looga baahan yahay in ay ku kaalmeyso sidii deegaannada ka maqan gacanta dowlad gooballeedka loo gaari lahaa. Halkaan Ka Akhriso Qoraalka ka soo baay madasha xisbiyada qaran ee dalka ayaa waxaa ay ku soo aadeysaa ayadoo gobalka Gedo ay ka taagan tahay xaalad amni oo aan cago badan ku taagneyn iyo siyaasado is diidan oo ay sabab u tahay khilaafka u dhaxeeyo dowladda federaalka ah iyo dowlad gobaleedka Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madasha xisbiyada qaran ayaa caawa war-saxaafadeed kasoo saartay xaladaha ka jira gobolka Gedo iyo ciidamada ay dhawaan geysay dowladda federaalka, iyagoo dowladda ku eedeeyey in markii laga soot ago ciidanka qaranka ay dadka reer Gedo u adeegsanayso ciidamo Itoobiyaan ah iyo gaadiidkii ay dowladda Qatar ku taageertay Soomaaliya. Ugu horrayn Madasha ayaa qoraalka ay soo saareen waxay tacsi u direen qoysaska ciidamadii labada dhinac ee ku geeriyooday dagaalkii ka dhacay degmada Beled-xaawo. Iyagoo kuwii ku dhaawacmay Ilaahay uga baryey in uu bogsiiyo. “Madasha Xisbiyada Qaran waxay bilihii u danbeeyay si dhow ula socotay xaaladda murugsan iyo dhiillada colaadeed ee ka sii daraysa ee ka aloosan gobolka Gedo, taaso ka dhalatay ciidammo si gaar ah ay Madaxwaynaha Dawladda Fedaralka & Xukuumadiisu ugu daabushay gobolkaas, iyadoo kaashanaysa ciidamo Itoobiyaan ah oo aan qayb ka ahayn ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM). Madashu waxay aad uga xuntahay in Dowladda Qadar agabkii ay ku taageertay ciidamada qalabka sida in lagu daadiyo dhiigga maatida aan waxba galabsan laguna dumiyo maamulkii ka jiray deegaanadaas” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka oo intaa ka dheeraa ayaa sidoo kale lagu yiri, “Madashu waxay ka xuntahay in ciidamo diyaarado lagu qaado, qarash badanna lagu bixiyo, laguna dhibaateeyo dhul ammaan ah, ayadoo inta badan deegaannada u dhaxeeya Gobolka Gedo iyo Banaadir ay haystaan Argagixisada Al-shabaab. Madashu waxay si adag uga soo horjeeddaa in Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda Fahad Yaasiin uu burburiyay qaab dhismeedkii ciidamada qalabka sida ee Qaranka ee Dastuuriga ahaa, isagoo caado ka dhigtay inuu ciidamada u isticmaalo siyaasad gurracan oo ka duwan waajibaadkii loo igmaday”. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxa ay war-saxaafadeedkooda talo ugu soo jeediyeen madaxda dowladda federaalka, iyagoo tala dooda ku soo koobay shan qodob oo kala ah: In Madaxwaynaha Dawladda Fedaralka & Xukuumadiisu ay joojiyaan kala qaybinta iyo hurinta colaadaha ay ka wadaan Dowlad Goboleedka Jubbaland, gaar ahaan Gobolka Gedo. In Madaxwaynaha Dawladda Fedaralka & Xukuumadiisu ay dadaal ku bixiyaan inay ka xoreeyaan Argagixisada dhulka ay haystaan, kana waantoobaan in Ciidanka Qaranka loo isticmaalo dano gaar ah oo siyaasadeed. In Madaxwaynaha Dawladda Fedaralka & Xukuumadiisu ay u dayso sugidda amniga Ciidamada Daraawiishta ee Jubbaland, kana kaalmeeyso sidii nabaddiidka Dalka looga xorayn lahaa. Dawladdu waa in ay dhageysato cabashada shacabka deegaanka Gobolka Gedo lagana qaado xayiraadda sharci darrada ah ee duullimaadyada Waxaan uga digaynaa ciidamada Itoobiyaanka ah ee deegannadaas ku sugan in loo adeegsado khilaafka siyaasadeed ee halkaas ka jira, waana inay ka fogaadaan waxyeellada shacabka, ilaaliyaanna deris wanaagga. “Ugu danbayn Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka gobolka Gedo waa inay u istaagaan in howlgallada siyaasadaysan ee Xukuumadda Federaalku ay ka waddo Gobolka Gedo aysan isu beddelin dagaal beeleedyo” ayaa lagu soo gaba-gabeeyey qoraalka caawa ka soo baxay madasha xisbiyada Qaran.
-
Click here to read more Qaran News
-
PRESS RELEASE Stop Locusts In East Africa Now Or Pay Much More To Help People Later – World Food Programme (WFP) The regional Food Security and Nutrition Working Group (FSNWG) warned in an update today that desert locust swarms are now multiplying across Somalia, Kenya and Ethiopia ROME, Italy, February 14, 2020/ — It will be vastly more cost-effective to support the Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) to tackle locusts in East Africa now than to help people in the region after their crops have been ruined, said World Food Programme (WFP) Executive Director David Beasley today. “FAO needs US$76 million to help stop the locusts,” Beasley said. “Do nothing now and WFP will need up to 15 times that amount – more than US$1 billion – to assist people devasted by losing crops and livelihoods. Preventing a catastrophe in East Africa is a far better investment than responding to its consequences and impact on the lives of millions across the region.” FAO has so far raised US$22 million out of the US$76 million for which it has appealed in order to mount a comprehensive response to the locust infestation in East Africa. If left unchecked the devastation could further threaten the food security of up to 13 million people. The regional Food Security and Nutrition Working Group (FSNWG) warned in an update today that desert locust swarms are now multiplying across Somalia, Kenya and Ethiopia and more swarms have already also been observed in Eritrea, Djibouti and northeastern Uganda. “Looking forward, given favourable forecast weather conditions, swarms are expected to increase in areas already affected, as well as spread to neighbouring areas. There is also a high risk that locusts will spread to South Sudan,” said the update from the group which includes FAO, WFP, the Famine Early Warning Systems Network (FEWS NET) and the Inter-Governmental Authority on Development (IGAD). The food security update said locusts were expected to breed and spread in coming months. It forecast that the March-April start of the long rains would prompt the locusts to breed anew and spread even further. The desert locust is considered the world’s most dangerous migratory pest. FAO says swarms are the worst in 25 years in Ethiopia and Somalia, and the worst in 70 years in Kenya. A swarm of one square kilometre can consume the equivalent of crops that could feed 35,000 people for a year. Distributed by APO Group on behalf of World Food Programme (WFP). SOURCE World Food Programme (WFP) Qaran News
-
Maxkamadda darajada koowaad ee gobalka Nugaal ee dowlad gobaleedka Puntland ayaa maanta oo sabti ah u fariisatay mar kale eedo la xariira kufsi loo geystay haweeney xaas aheyd iyo gabar da’ yar oo ka dhacay magaalada xarunta ah Garoowe. Maxkamadda ayaa markii hore bilowday dhageysiga dacwad loo heystay todobo rag ah kuwaas oo lagu soo eedeyey in 11-kii bishii Apriil ee sandkii tagay 2019-kii ay kufsi iyo dil u geysteen marxuumad Hodan Abdiraxmaan Shanleyte oo aheyd marwo xaas ah. Xeer ilaalinta dowlad gobaleedka Puntland ayaa maxkamadda ka hor akhriyey eedaha loo heysto todobada ragga ah, maxkamadda ayaa intaas ka dib ku dhawaaqday in kiis dib la isugu soo laabto 22-ka bisha February 2020-ka. Sidoo kale maxkadda ayaa biloday dhageysiga dacwadda wiil dhalin yaro ah kaas oo ka maqnaa fadhiga dacwadda, waxaana loo heystay eed la xariirta gabar da’ay oo kufsi loogu geystay magaalada Garowe. Maxkamadda ayaana eedeysana oo ka maqnaa fadhiga ku xukuntay 5 sano oo xarig ah ganaax lacageed oo gaarayo 1000 dollar iyo bixinta Meherka gabadha kufsiga loo geystay oo aan la shaacin. waxaa xusid mudan in xukunada ay riday maxkamadda darajada koowaad ee gobalka Nugaal aysan ka soo muuqan wax qareenno ah kuwaas oo difaacayey eedeysanayaasha. Dhinaca kale waxaa saakay maxkamadda darajada koowaad ee gobalaka Nugaal la hor geeyey ilaa 18 eedeysane kuwaas oo ku eedeysan dambiyo kale duwan oo kufsigu ka mid yahay , waxaana loo sababeeyey in qareenno aysan imaan Maxkamadda shaqo joojin ay sameeyeen iyaga oo ka cabanayo lacago wasaaradda maaliyadda ay ku soo rogtay. Ugu dambeyn kiissas la xariiro ee kufsiga oo maanta maxkamaddu u fariisatay ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo horay maxkamaddu cadaaladd u horgeystay rag horay gabar ugu kufsaday magaalada Gaalkacyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Xarunta gobolka Banaadir ayaa lagu soo bandhigay gadiid kala duwan oo qeyb ka noqon doono ololaha wacyigalinta bixinta camshuuraha iyo sidoo kale dabagalka la xisaabtanka muwaadiniinta iska dhaga tira iney bixiyaan canshuurta ku waajibtay. Nidaamka qaadista canshuuraha kala duwan ee gobolka Banaadir ayaa laga dhigay qaab casiri ah oo ka duwan qaababkii horey loo qaadijaray waxaana daah-furay ololahaani Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish). Agaasimaha canshuuraha dowlada hoose Xamar Ayaan Cabdi Maxamud ayaa faah faahisay ololahaani. “Gaadiidkan waxey ka howlgali doonaan afarta qeyb oo ay ka kooban tahay magaalada Muqdisho si ay wacyigaliyaan bulshada islamarkaana loo dardargaliyo qaadista Canshuuraha kala duwan ee daqliga”. Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-Ale (Ibraahim Dheere) waxa uu tilmaamay in ay la dagaalami doonaan Musuq-Maasuqa. “Bixinta Canshuuraha waxey ka turjumeysaa sax ahaan shaha muwaadinimada waana waajib saaran qofkaste oo muwaadin ah, kamaamul ahaan waxaa naga go’an la dagaalanka Musuq-Maasuqa”. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay fududeeyaan bixinta Canshuuraha si loogu guuleysto hirgalinta mashaariicda ee adeegyada bulshada. “Waxaan si xushmad kujirto ugu codsaneynaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay si dagan ku bixiyaan canshuurta ku waajibtay si aan dib iyaga ugu celino islamarkaana loogu fuliyo adeegyada aas aasiga ah ee bulshada, waan la xisaabtami doona cidkaste oo aan iska bixinin canshuurta ku waajibtay. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku-xigeenka wakiilka xogyahaya guud ee qaramada midoobay u qaabishan arrimaha Soomaaliya, ahna isku dubba ridka arrimaha gargaarka dalka, Adam Abdelmoula. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Adam Abdelmoul ayaa looga hadlay barnaamijyada dib-u-habeynta, mashaariicda horumarineed ee qaramada midoobay ay ka sameyso Soomaaliya iyo sidoo kale arrimaha gargaarka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Qaramada Midoobay uga mahad celiyay taageeradeeda dadaallada dib-u-habeynta iyo fulinta mashaariicda horumarinta ee qaybta ka qaadanaya gaarimadda mililooyinka ummadda Soomaaliyeed. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-habeen-15022020-sax.mp3 View the full article
-
(SLT-Paris)-Dhimashada uu sababay Caabuqa coronavirus ayaa kor u dhaafay 1,500 Qof, Maalin ka dib markii Markii Dadku ka soo laabteen Fasaxa. Iyadoo hore loo shaaciyey in Caabuqa coronavirus uu ku fiday illaa 20 waddan, ayaa haddana waxa soo baxaya in Dalal badan oo kuwaa ka mid ahi joojiyeen xidhiidhkii Ganacsi ee ka dhexeeyay Shiinaha, maaddaama oo uu jiro Xanuunka halista ah ee coronavirus. Afar Qof ayaa la diwaangeliyey in xanuunka coronavirus uu ku dilay meel ka baxsan Shiinaha, waxaana ka mid ah Dalalkaasi Hong Kong, Philippines, Japan iyo Faransiiska oo Qofkii ugu dambeeyay ku Geeriyooday. Qofka Xanuunkani ku dilay Faransiiska, ayaa noqonaya kii koowaad ee uu Qaaradda Yurub ku dilay coronavirus. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa shaaciyay in uu dhawaan soo bandhigi doono buuggiisi labaad ee uu qoray. Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa buugan oo uu ku magacaabay (Hodanka Baahan iyo Himiladayda) waxa uu sheegay in uu toddobaadkan guddihiisa ku soo bandhigi doono magaalada Hargeysa. Qoraal kooban oo bartiisa Facebook soo dhigay Hoggaamiye Xirsi oo uu arrintan kaga hadlayo ayaa waxa uu ku yidhi “Buuggii cusbaa ee ka midka ahaa Silsiladda Buugaagta ee Dhaxal gal waa diyaar, Todobaadkan gudihiisa ayaan soo bandhigi doonaa Insha allaahu.” Si kasta ha ahaatee shacabka reer Somaliland ayaa si weyn ugu dhag-taagaysa buuggan cusub ee uu soo bandhigi doono Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hore u ballan-qaaday in uu bulshada la wadaagi doono Silsilad Buugaag ah. Source
-
Gen. Stephen Townsend, commander, U.S. Africa Command, completed a two-day trip to East Africa to personally assess the security situation at the Kenyan Defense Force installation at Manda Bay, Kenya, before continuing to Somalia to meet with senior Somali officials to discuss the impact of broader U.S. government programs taking place in Somalia. In Kenya, Townsend surveyed the progress of recent security developments at Manda Bay and met with U.S. service members to gain a firsthand account of the attack by the al-Shabaab terrorist network last month. Al-Shabaab is the most kinetically active al-Qaida-affiliate worldwide. While in Kenya, Townsend thanked the U.S. service members present for their service and highlighted the value of their work alongside our Kenyan partners. “U.S. Africa Command works closely with the Kenyan Defense Force and shares a strong relationship. Kenya’s security contributions help contain the spread of al-Shabaab. Together, we truly understand the danger al-Shabaab poses and why it is important to pursue them,” said Townsend. “Kenya’s extended contributions and commitment to the African Union Mission in Somalia not only reflect their dedication to their own defense, but to the collective defense of their neighbors as well.” Following his Kenya visit, Townsend, accompanied by the U.S. Ambassador to Somalia, Hon. Donald Yamamoto, made multiple stops in Somalia. He visited several cooperative security locations and met with Somali leaders, including Jubaland President Ahmed Mohamed Islam Madobe and Puntland President Said Abdullahi Deni, to discuss regional efforts and the importance of their continued pursuit of al-Shabaab. Discussions centered on security and fostered continued commitment to enhancing mutual goals of regional stability, security, and economic prosperity. “I commended Jubaland President Madobe for coordinated operations by the Jubaland Security Force, Danab, and Somali National Army that have struck at al-Shabaab in the Juba River Valley,” said Yamamoto. “These operations are a model of cooperation between the national government and effective state security forces that the United States seeks to support throughout Somalia. We call on the Federal Government and all Member States to work constructively together to fight our common enemy al-Shabaab” Townsend’s trip highlights the importance of strengthening longstanding military relationships and building enhanced interoperability between the U.S. military and our East African partners to address malign activity and threats on the continent. It also serves as a reminder of what separates the U.S. from other global powers and the existing competition for partnership in Africa. “China and Russia do very little to help Africans combat the brutal terrorist networks plaguing them,” said Townsend. “Conversely, U.S. training, equipment and advice directly support our African partners, including Kenya and Somalia, in our common fight against terrorism. Our efforts are not just an investment in the security and stability of Africa but also provide enhanced security for the U.S. homeland.” View the full article
-
Unknown gunmen have shot and killed a civilian in Jowhar, the regional capital of Middle Shabelle province in southern Somalia on Saturday. A witness said the slain man who was identified as Osman Rageh has been gunned down at the town’s river bridge early in the day. It remains unclear the motive behind the murder. Somali security forces cordoned off the scene near the shooting site and carried out an operation, but no arrest was reported as the killers escaped on foot before their arrival. The city has been stable for the past months as it hosts the top officials of HirShabelle state of Somalia under AMISOM troops protection. View the full article
-
Somalia is eligible for debt relief following economic and institutional reforms by authorities, the Executive Boards of the International Monetary Fund (IMF) and World Bank announced Thursday. The debt owed by Somalia to external creditors is estimated to be more than $5 billion. Somalia owes the single biggest debt, $1 billion, to the United States. In a statement issued after board meetings Feb. 12 and 13, respectively, to consider Somalia’s eligibility, the two financial powers endorsed Somalia’s eligibility for debt relief under the Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Initiative. Countries that become eligible for this initiative have to commit to economic and financial reforms as well as poverty reduction. For several years now, Somalia has been under IMF-staff monitored programs that helped Somalia mobilize revenue and tracked financial records of the government. The monitoring encouraged the two biggest international financial institutions to come to the decision, Somali officials say. In the statement issued Thursday, IMF Managing Director Kristalina Georgieva said the decision “marks a historic moment.” World Bank President David Malpass said, “Today was an important step towards Somalia resuming financing from international financial institutions, including IDA [International Development Association], our fund for the poorest countries.” Malpass said ongoing IMF-staff monitored programs would need to be “satisfactory” for Somalia to complete the journey. He said the World Bank plans to present the operation for clearing the arrears to the IDA by the end of this month. The Prime Minister Hassan Ali Khaire welcomed the statement from IMF and World Bank. “Extremely pleased to achieve this historic milestone in record time,” Khaire wrote via Twitter. “Grateful to the Somali people for their perseverance as we instituted challenging reforms. Our partners, as well for their steadfast support in seeing this through with us.” Professor Hussein Warsame of Calgary University, Canada, says this move by IMF and World Bank paves the way for Somalia to get grants and loans in order to invest in education, health, roads and ports. “Since the Horn of Africa is integrating, and we are in a position to establish trading partnership with Ethiopia, it’s important we take advantage and build our ports and road networks to Ethiopia,” he told VOA Somali. By connecting the roads, ports, education and health services, this reduces poverty, this will be the big benefit, Warsame said. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dabeylo maalmahaan laga dareemay xeebaha gobalka Banaadir ayaa waxaa soo baxayo khasaaro ka soo gaaray kaluumaysada Soomaaliyeed ka jilaabta xeebaha gobalka. Inta la xaqiijiyey ilaa Lix ruux oo Kaluumeysato ah ayaa ku geeriyooday halka Lix kale lagu la’ yahay badda nolol iyo geeri toona, sidoo kale waxaa jira khasaare soo gaaray agabkii ay isticmaalayeen. Mid ka mid ah kaluumeysatada gobalka Banaadir oo wareysi siiyey VOA-da ayaa ka warbixyey xaalada ka jira xeebaha gobalka iyo khasaaraha soo gaaray dhalinyada ka jilaabata badda iyo qalabkii ay wateen waxaana uu yiri “Dhalinyarada 6 ka mid ah meydkooda waa la helay 6-na kale lama haayo doomankii 8 Doomood lama haayo, marka wax hadda badda aada majiraan oo Malaay keydsanaa aya la isticmaala, Malaay in hadda badda la galo oo la soo qabtaa majiro” Sidoo kale kaluumeysatada gobalka ayaa sheegay in ay adag tahay in xiligaan ay ku dhiiradan galitaanka badda, iyaga oo sabab uga dhigay in aysan jirin Doomo waaweyn oo soo badbaadinaya badalkeeda waxaa ay ku qasban yihin in isha ay ka dawaan Hirarka Badda. “Waa laga joogaa annaga Dooman kale oo nasoo badbaadimaayo majiraan Doomaheenna waa Balanbaalis waa kuwo yar yar, kuwo waa weyn ayaa xamar weyne ka baxo iyagana waxaa baxa afar xabo” ayuu yir. Waxaa maalmihii tagay si weyn looga dareemay xeebaha gobalka Banaadir dabeylo xoogan kuwaas oo ay adag tahay doomaha yar yar ay xamilaan waxaana adkaata in lagu kaluumeysto.
