-
Content Count
214,385 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kulankii Ethopia waxa uu qayb ka ahaa qorshe maraykan wado, Ethopiana ay fulinayso oo lagu kaabayo dhismaha Somalia iyo Somaliland. dawladda Soomaaliya waxa lagala shaqaynayaa sidii wax looga qaban lahaa, waxna looga beddeli lahaa nidaamka federaalka oo qaabka uu imika u shaqeeyo lagu macneeyay mid caqabad ku ah in dawladda dhexe awooddeedu shaqayso. Tallaabada koowaad ee qorshahan ayaa ah in lagu qanciyo madaxda maamul goboleedyada ay dawladda dhexe ismaandhaafsanyihiin in ay u hoggaansamaan awaamiirta iyo siyaasadda dawladda dhexe. Haddii taas lagu guul daraysto waxa xigta In taageero dhaqaale iyo mid dhisme ciidan ahba dawladda Soomaaliya lala garab istaago si meesha looga saaro madaxda maamul goboleedyada qaarkood looguna beddelo kuwo gacanta lagu haynkaro. Qorshahan ayaa dhanka Somaliland waxa laga caawindoonaa Laguna garab istaagidoonaa in ay xuduudeheeda dhamaan gaadho kana taliso maamul ahaan. Si arrintan aan wax muran ah uga iman waxa madaxda Soomaaliya lagu qanciyay in habayaraatee aanay wax farogalin ah ka samayn gudaha Somaliland maaddaama taas beddelkeeda lala dhisayo dawladnimo at ay taladeeda faraha ku wada hayaan oo aan maamulgoboleed awood badani caqabad ku noqon. Waa qorshayaal labada madaxweyne Biixi iyo Farmaajo midba si dan uga dhex arkay fulintiisuna bilaabantay. Wada hadalka Somaliland iyo Somaliya ayaa qorshahan isna garab socon doona. In Somaliland iyo Somaliya laga dhiso nidaamyo dawladeed oo ammaankoodu sugan yahay, ka dibna arrinka u dhexeeya wadahadal lagu dhameeyo waxa dabada ka riixaya dano dhaqaale iyo kuwo milletry oo kow ay ka tahay baddacass iyo barta ay dhacdo. Illo xogogaal ah. Sadiiq Burmad Source
-
(SLT-Laascaanood)-Maayarka Degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool Cabdicasiis Maxamed Xuseen Taarwale ayaa shaaciyey inay xalay 11kii habeenimo ku guulaysteen inay bakhtiiyaan dab qabsaday Dooxada Ooda-gooye ee bariga Laascaanood. Maayarka Laascaanood oo u warramay Warbaahinta Dawladdu waxa uu u mahadceliyey Maamulka degmada, ka gobolka, Ciidammada Ammaanka iyo shacbiga Laascaanood oo ka qaybgalay gurmadkii lagu bakhtiiyey dab shalay iyo xalay saddex jeer ka kacay dooxada Ooda-gooye ee bariga Laascaanood. Maayarka Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale waxa uu intaas ku daray in ciidammada ammaanku ay baadhayaan sababtii uu dabku u qabsaday dooxadaas oo baaxadeedu dherer tahay 20km, waxaanu u mahadceliyey shacbiga iyo laamaha dawladda Gobolka Sool oo aan u kala hadhin damintii dabkaasi. Maayarka Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale waxa uu soo dhaweeyey isla markaana uu ku ammaanay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta inay baahinta Radio Hargeysa soo gaadhsiiyeen magaalada Laascaanood, waxaanu xusay inay kaalin weyn ka qaadatay wacyigelinta bulshada reer Laascaanood oo uu tilmaamay inay u jeellanaayeen dhegaysiga idaacadda Radio Hargeysa. Source
-
Kastamyadu badanka waa haayad madaxbanaan (authority Agency) ama waa wax (department) hoos timaada Waasaradda Maaliyadda/Dakhliga/Ganacsiga. Kastamyadu waxa ay maamulaan isu socodka alaabaha iskaga Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Yemen)-Mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee boqortooyada Sucuudiga ayaa ku burburtay gobolka waqooyiga yemen ku yaalla ee Aljawf sida ay sheegtay wakaalada wararka Sucuudiga ee SPA. Kooxda Xuutiyintii ayaa sheegtay inay soo rideen diyaaradaas oo nooceedu ahaa Tornado, hase yeeshee Afhayeen u hadlay xulafada Sucuudiga ee Yemen waxaa uu sheegay in diyaaradu ay soo dhacday xilli ay ku guda jirtay howlgal lagu caawinayay ciidammada Yemen. Xuutiyiintu waxay sheegeen in gantaal nooca lidka diyaaradaha oo ay ka ganeen dhulka uu soo riday diyaarada Sucuudiga. Dhinaca kale, Xuutiyiintu waxay ku eedeeyeen diyaaradaha xulufada sucuudigu hoggaamiyo ay duqaymo ku dileen ugu yaraan 30 qof oo shacab ah gobolka Al-jawf maalintii shalay. Source
-
The telecommunication giant Hormuud has created thousands of employment opportunities for the Somali people. Before the private sector revival, the only job opportunities were largely in agriculture and fishing. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Doha)-Wada-hadallo la doonayey in lagu soo geba-gebeeyo xayiraadii ay Qatar saareen dalalka deriska lah, ayaa fashilmay bishii Janaayo, waxaa sidaas Sabtidii shalay shaaca ka qaaday wasiirka arrimaha dibedda Qatar. Dhowr dal oo Carbeed ayaa xidhiidhka siyaasadeed, kan ganacsi iyo midka socdaalba u jaray Qatar badhtimihii 2017, iyaga oo ku eedeynaya inay taageerto argagixisada. Wada-hadallada ayaa billaamay October 2019, iyada oo ujeedka uu yahay in lagu soo geba-gabeeyo is-marin waaga. Si kastaba, isaga oo ka hadlayey Shirka Ammaanka Munich, ayaa wasiir Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani waxa uu sheegay in wada-hadallada ayna guulleysan. “Saddex sano ayaa hadda laga joogaa. Ma ahayn kuwa dhibka billaabay, haddana waxaanu diyaar u nahay in dhibaatadan la xaliyo,” ayuu yidhi. “Nasiib-darro dadaalladii socday ma guuleysan, waxaana wada-hadallada la joojiyey bishii Janaayo, Qatar-na mas’uul kama aha taas.” Wasiirka ma bixin sharaxaad dheeri ah oo ku saabsan hakinta wada-hadallada, inkasta oo bilihii dhowaa ay muuqanayeen astaamo muujinaya inay dib u heshiin karaan Saudi Arabia iyo Qatar. Bishii December, ra’iisul wasaarihii xilligaas ee Qatar Sheikh Abdullah bin Nasser Al Thani ayaa ka qeyb-galay shirkii Golaha Iskaashiga Khaliijka ee Riyadh, isaga oo noqday mas’uulkii ugu xilka sarreeyey ee ka socda Qatar ee ka qeyb-gala shirkaas, tan iyo 2017. Wixii markaa ka dambeeyey waxaa jiray isu soo dhowaansho labada dhinac ah, hase yeeshee sida muuqata ma midho dhalin dadaalladii socday. Source
-
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyey tallaabadii raalli gelinta aheyd oo uu qaaday madaxweynaha Soomaaliya. Xasan Daahir ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo aadna uu ugu faraxsan yahay garowshiyaha uu bixiyey madaxweyne Farmaajo ee ku aadanaa arrimaha Somaliland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lala soo daahday, islamarkaana ay muhiim u aheyd in mar hore la saxo khaladkii laga galay walaalaha Soomaaliyeed ee dega gobolada Waqooyi. Halkaan hoose ka dhageys codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/888.mp3 View the full article
-
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta XFS Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray shir u dhexeeya Wasaaradda Hawlaha Guud DFS, Wasaaradaha Hawlaha Guud ee maamul goboleedyada dalka iyo Hay’adda UNOPS,kaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Howlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Shirkan ayaa lagaga wada tashanayey mashruuca tayaynta Shaqaalaha Wasaaradaha Hawlaha Guud SSIWPP,Waxaana ka qaybgalay Madaxda Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasiirada Hawlaha Guud ee Maamul goboleedyada dalka, iyo Xubno kasocday UNOPS ee Qaramada midoobey ee dhinaca mashaariicda. Inta uu socdo shirkan ayaa diiradda ;lagu sari doonaa sare u qaadista heerka aqooneed ee shaqaalaha wasaaradda Howlaha guud ee DFS iyo kuwa dowlad gobaleedyada,waxaana hadafka ugu weyn uu yahay in shaqaalaha ay noqdaan kuwo khibrad iyo aqoon durugsan u leh adeegyada ay qarankooda u qabanayaan. Axmed Nur Sheekh Maxamed oo ah wasiirka Howlaha guud ee Koonfur Galbeed oo ku hadlay magic dowlad gobaleedyada ayaa ku ammaanay Madaxda wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya wadashaqeynta ay la leedahay wasaaradaha kale ee heer dowlad gobaleed. Mudane Jamaal Xasan Cismaan wasiir kuxigeenka Howlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hadal ka jeedinayay furitaanka shirkaasi ayaa sheegay in wasaaradaha Howlaha guud ee heer Federaal iyo heer Dowlada gobaleed ay wadashaqeyn buuxda ay ka dhexeyso,wuxuuna intaasi ku daray in shaqooyin badan ay si wada jir ah u soo qabteen,ayna ku guuleysteen. Shirkan ayaa socon doona muddo laba maalmood ah waxaa ugu dambayn laga soosaari doonaa war murtiyeed ku saabsan ahmiyadda shirkan. View the full article
-
Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa waxa ay sheegtay in ay dhankooda u soo goosteen ciidan ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo dhawaan la geeyay qeybo ka mid ah gobalka Gedo. Afhayeenka wasaaradda amniga maamulka Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo la hadlay Goobjoog News ayaa tilmaamay in ciidan isugu jira Mileteri iyo booliska Haramcad loo yaqaan ay u soo goosteen dhankooda, waxa uuna ka dhawaajiyay in ciidankaasi ay iska diideen in colaad ay ka huriyaan gobalkaasi. Dhinaca kale afhayeenka oo aan weydiinay tirade askarta isi soo dhiibtay ayaa ka gaabsaday in uu sheego balse waxa uu tilmaamay in ay gadaal ka sheegi doonaan, isagoona geesta kale baaq u jeediyay ciidanka kale ee la midka ah kuwa haatan isi soo dhiibay. Ma jirto wali waxa wara oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka dowladda oo ay kaga hadlayaan ciidankan la sheegay in ay u goosteen maamulka Juubaland, waxaana isku daynayay in aan xiriir la sameyno saraakiisha ku sugan gobalka Gedo balse kama aysan jawaabin wicitaanadeenii. Horay ayaa baaqyo kala duwan loogu jeediyay dowladda federaalka kuwaas oo ku aadanaa in ay ka baaqsato faragalinta ay ku hayso Jubbaland, iyada oo dowladdu arrinkaasi dhagaha ka fureysatay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo saaka aroortii hore ka dhacay agagaarka deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar jidgal ahaa ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa K/ Galbeed oo ku socdaalayey halkaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyey intaba. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyey in ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidanka Koonfur Galbeed lagu dilay dagaalka, sidoo kalena la dhaawacay tiro kale. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi. Xaaladda ayaa hadda degan, iyadoona ciidamada Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa dowladda ay howlgallo cusub ka bilaabeen qeybo ka mid ah gobolka Baay. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-16022020.mp3 View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar iyo dagaal is xigay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid culus, islamarkaana socday ku dhowaad hal saac ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar dhaba gal ahaa ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed oo marayey agagaarka deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalkaan oo uu ka dhashay khasaare kala duwan la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Inta la xaqiijiyey illaa iyo hadda waxaa weerarkaas iyo dagaalka xigay ku dhintay ugu yaraan hal askari, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ka tirsanaa maamulkaasi. Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa guullo ka sheegtay, waxaana ay tilmaameen inay khasaaro ku gaarsiiyeen dagaalyahannadii weerarka soo qaaday ee ka tirsanaa Al-Shabaab. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada huwanta oo dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay halkaasi. Inta badan dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya wadooyinka isku xira gobollda Baay iyo Bakool ee koonfurta dalka Soomaaliya.
-
Letter from Africa: 'Why I'm glad I left the UK to go home'
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
In common with a lot of Africans who have lived outside the continent, as I neared 60 I started to plan a return home, after spending far too long living in the West. Source: Hiiraan Online -
By PETER KAGWANJA Somalia is one of the 22 African countries slated to hold elections in 2020. But Villa Somalia’s new love affair with Siyaad Barre’s model of aggressive centralisation of authority is undermining federalism and shrinking democratic space. The year 2020 is thus a pivotal year for Somalia as the up and coming election is a make or break event for its uncertain democracy. Since 2011, Somalia has been pondering on how best to implement agreements on holding a “one-person, one-vote” election to replace the clan-based power-sharing, the 4.5 system that characterised elections in Somalia. But universal suffrage in the 2020/21 election remains nothing more than a good idea whose time has not yet come. As in the 2017 election, 14,000 clan delegates will still choose 329 lawmakers who make up the Lower House and Upper Houses of parliament, and who, in turn, will elect the president. Villa Somalia is even toying with extending Farmajo’s term in a classic “third term” style. Giving legs to this obnoxious idea, in December 2019 the lower house of the Somali parliament passed a controversial electoral law that allows a delay of elections if serious events arise like natural disasters, diseases, droughts and technical problems, the Bill states, thus enabling the incumbent to stay in office past December 2020. But the road to the 2020 election is mired with serious ideological battles between ‘federalists’ calling for the deepening of the federal system and ‘centralists’ pushing for the centralisation of authority in Somalia. The centralising logic indelibly linked to the incumbent and a few politicians and backed by some powerful diplomatic missions in Mogadishu is riding on the flawed belief that the Somali nation, in its current anarchy and uncertainty, requires a strong central government with all its institutions under the control of an absolute and powerful president. Proponents of an imperial presidency in Somalia appear hell-bent on dismantling and disassembling any process which strengthens and improves a federal system in Somalia. Uncannily, their inspiration comes from former brutal dictator Major General Siyaad Barre and his Supreme Revolutionary Council and Somali Revolutionary Socialist Party, modelled on Marxist-Leninism, which sadly pushed Somalia down the cliff in the 1990s. Since 2018, warriors for ‘imperial presidency’ in Villa Somalia have waged an unrelenting war on the federal system. Their psychological moment of attack is during elections aimed at deepening the federalisation process. The regime has moved ferociously to forcibly remove all ‘rebellious’ federal state presidents and to replace them with loyalists. The result are the most acrimonious and farcical federal state elections in Somalia’s history. (A new constitution to be passed by June 2020 might as well seal the fate of the federal system). Democratic campaigns and elections have given way to gun-boat diplomacy and mercenary heists. In the Southwestern State, the Electoral Commission cleared Mukhtar Robow to contest the December 19, 2019 election. But on December 13, Ethiopian troops, arrested Robow and flew him to Mogadishu. Violent protests ensued. At least 12 people were killed by Ethiopian troops and Somali Special Forces in Baidoa. This mercenary heist cleared the way for the “election” of the regime’s man: Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen. The regime’s effort to replicate its Southwest triumph in the Federal State of Jubaland has gone awry. Here, on the eve of the Jubaland election, Ethiopian troops made a daring attempt to capture the Port of Kismayu and to arrest Madobe and deport him to Mogadishu as they had done with Robow. During the August 22, 2019 election, Madobe easily defeated Transport and Aviation Minister Mohamed Abdullahi Salad, President Famajo’s choice for Jubaland president. The victory of President Madobe, most ardent federalist and practically Farmajo’s most powerful enemy, struck a mortal blow on Mogadishu’s centralists. Mogadishu, which refused to recognize Madobe’s victory, is rolling out a mercenary-style regime-change strategy. In November, non-Amisom forces from Ethiopia arrested and forcibly took away officials in Jubaland for “refusing the work with the Somali government”. And on February 7, 2020 FGS arrested Mohamed Hussein the Deputy Governor Gedo region and immediately replaced him with a loyalist, Abdi Moalimu. Recently, in Galmudug, Mogadishu endorsed and quickly swore in Ahmed Abdi Kariye Qoorqoor after declaring him winner in the presidential elections which were boycotted by four candidates in January 30, 2020. Villa Somalia’s relations with Puntland have dipped. On May 28, 2019, the federal state suspended its cooperation with FGS and re-called its representatives in Mogadishu for consultations on February 6, 2020. The creation of the New Horn Cooperation (NHC) with Eritrea and Ethiopia gives Somalia a new regional lynchpin for its centralising agenda. Wary that more autonomy for Jubaland could worsen secessionist claims within its own Somali-inhabited Ogaden region, Abiy’s Ethiopia, itself pursuing a centralist agenda, has fully backed Mogadishu’s agenda of centralising power. Globally, militarisation is boosting Somalia’s regime change agenda in Federal states and its efforts to centralise power. Farmajo plans to use troops recently trained by Turkey, which invested billions of dollars in infrastructural projects and opened its largest overseas military training camp in Mogadishu in September 2017, to defeat the federalists and push his centralisation of power to whole new level. By training its guns on the federalists and not terrorists, Mogadishu is giving a new lease of life to the Al-Shabaab terrorists. In 2019 alone, the militia’s activities in Mogadishu were between 256 and 342 activities leading to 1,400 fatalities. Its war rhetoric is also undermining friendly relations with Somalia’s neigbours like Kenya. Peter Kagwanja is the President and Chief Executive of Africa Policy Institute and former Government Adviser. Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
Qatar Charity (QC) signed a co-operation and partnership agreement with the Ministry of Energy and Water Resources in Mogadishu, Source: Hiiraan Online
-
B-52s have a reconnaissance capability and their presence can act as a deterrent, as well as a training opportunity for U.S. and local forces. Source: Hiiraan Online
-
Maxay taleefonka uga wada hadleen madaxweyne Farmaajo iyo amiirka Qadar? Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qadar Amiir Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani ayaa yeeshay wadahadal dhanka taleefoonka ah. Wargeyska Al-Sharq ee laga leeyahay Dalka Qadar ayaa qoray inuu wadahadalkaas dhacay isla markaasna ay labada Mas’uul ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo waxyaabo kale. Wargeyska Al-Sharq ayaan faahfaahin dheeri ah ka bixin wadahadalka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qatar, sidoo kalana weli ma aysan xaqiijin madaxtooyada Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya iyo Qadar ayaa waxaa ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo ku qotamo iskaashi iyo in la is dhaafsado danaha labada dhinac. Dowladda Qadar ayaa tan Soomaaliya ugu deeqday mashaariic kala duwan oo laga fulinayo Soomaaliya kuwaas oo isugu jiro kuwa dhamaaday, kuwa socdo iyo kuwa kale oo la filayo inay dhacaan. Dowladda Qadar ayaa xiriir qoto dheer la leh Dowladda Soomaaliya ee uu hadda taladeeda hayo madaxweyne Farmaajo, waxayna Soomaaliya lumisay wadamo kale oo ka tirsan Khaliijka sida Imaaraadka Carabta iyo xuladeeda maadaama ay Dowladda Soomaaliya diiday inay xiriirka u jarto Qatar. Dowladda Qadar ayaa Dowladda Soomaaliya siiso lacag aad u badan oo lagu kabo miisaaniyadda Dalka, waxaana dhawr jeer Dowladda Soomaaliya lagu cadaadiyey inay xiriirka u jarto Qadar oo ah wadan yar oo qani ah. Qaran News
-
Guddiga qaran ee Caafimaadka dalka Shiinaha, ayaa maanta oo Axad ah shaaciyay, in tirada dadka dalkaasi ugu dhintay cudurka coronavirus ay hadda gaartay 1665 ruux. Tirada dadka coronavirus ugu dhintay dalka Shiinaha, ayaa Sabtidii shalay maraysay 1,500 oo qof, balse guddiga ayaa maanta shaaciyay in tirada dhimashada ay ku korrotay 165 ruux oo horleh. Guddiga ayaa sheegay, in gobolka Hubei uu noqday halka laga diiwaan-geliyay, dhimashada ugu badan ee soo korortay, taasi oo gaaraysa 139 qof oo horleh. Sidoo kale, guddiga ayaa xaqiijiyay in 68, 500 oo bukaan ay hadda marayso tirada dadka uu soo ritay cudurkaas coronavirus guud ahaan waddanka Shiinaha. PUNTLAND POST The post SHIINAHA: Dhimashada coronavirus oo gaartay 1665 ruux appeared first on Puntland Post.
-
Magaaladii Haweenka:Goob ay isugu tageen Haweenkii rabshadaha Colombia saameeyeen Waddada ugu weyn Magaalada Haweenka Intii lagu jiray rabshadihii hubaysnaa ee in kabadan nus qarni ka socday Colombia, isla mar ahaantaana dhiigga badani ku daatay ee u dhexeeya jabhadaha iyo milletariga wadankaasi ayaa ku qasbay ku dhawaad sideed milyan oo qof inay guryahooda ka cararaan. Haweenka iyo afrikaanka Kolombiyaanka ah gaar ahaan waxaa si gaara u taabtay qalalaasaha iskahorimaadka ah oo inta badan keensatay ina aadaan dhul fog fog oo aysan waxba ka jirin. Xaafad sabool ah oo ku taal magaalada xeebta leh ee Cartagena, koox haween ah oo barokacayaal ah ayaa go’aansaday inay dhistaan. Waxay samaysteen Ururka Haweenka barokacay waxayna 2003 bilaabeen inay dhisaan tuuladan si iskaa wax u qabso ah iyagoo ugu magacdaray: Magaaladii Haweenka. Magaaladan, oo u dhaw gobolka Turbaco, ayaa laga sameeyey 100 guri, oo ay dumarka isugu tegey gacmahooda ku dhisteen. Lahaanshaha sawirkaMEGAN JANETSKYImage captionCalaamad ay ku taal ‘Ka digtoonow dumar waxyeellayn’ oo ka ag dhaw halka ay ka dhisteen boqolka guri Intii lagu guda jirey rabshadihii hubaysnaa, kufsiga iyo waxyeellaynta dumarku waxay ahayd waxa ugu weyn ee laga biqi jirey. Dumar badan oo tuuladaas ahi waa kuwo ka soo badbaaday rabshadahaas. Sidoo kalena waxay sheegeen inay soo dhawaynayaan dumarka ku nool degaammada ay ka jiraan dilka, kufsiga isla mar ahaantaana dumarka ula dhaqmaan si xun. Halganka ay soo galeen ayaa mideeyey oo ka dhigay inay noqdaan awood iskaabta oo si weyn u wada shaqeeya. Caadooyinka iyo bulshooyinka u daran dadka soo barakacay weli waxay ka jiraan meelo badan oo dalkaas ah. Lahaanshaha sawirkaMEGAN JANETSKYImage captionWaxay sheegeen inay yihiin sidii walaalo oo kale ‘ Midkaayaba ta kale ayay ilaalisaa’ ayay sheegtay hoggamiyahooda Lubis (oo ta dhexda ku jirta ah) “Dagaalka ayaa naga burburiyey guryahayagii, isagaa oo noloshayadii caadiga ahayd, riyooyinkayagii iyo dhulkayagiiba naga soo fogeeyey’ Consuelo Villega Mendoza, waa da’aadda 44, waxay ka timi tuulo ku taal gobolka Sucre, iyado lagu qasbay inay ka soo cararto kaddib markii ay bilaabmeen xasuuqa dadkii u dhawaa. Haween banaanbax ka dhigay Togo Dhaqtarad kumanaan haween ah ka badbaadisay kansarka ku dhaca naasaha Maxay isu madoobaynayaan dumarkan midabkoodu cadyahay? “Waa dhibaato aad dareemi karto marka ay kugu dhacdo’ ayay sheegtay. ‘Waxaan uga soo tagnay cabsi awgeed” ayay intaasi ku dartay. iyada iyo inanteediiwaxay sheegeen inay sidoo kale kasoo tageen hudheel ay ku lahaayeen tuuladas oo ay cuntooyinka, sharaabka ay ku iibin jireen. Lahaanshaha sawirkaMEGAN JANETSKY “Ka qayb noqoshada Golaha Dumarka Baracakay ayaa iga caawiyey ina baray si aan hore ugusii socdo’ iyadoo akhriyaysa dawo ilkood, ayaa intaasi ku dartay in sharafta iyo deggananta tahay riyada gabadh walba. Lahaanshaha sawirkaMEGAN JANETSKY Haweenka Magaalada ku nool waxay u soo halgameen n sidii ay ugu heli lahaayeen caddaalad dambiyadiiu lagu galay, laakiin dhammaan 159 kiis ee tacaddiyada ku saleysan jinsiga iyo barakaca ee ay sheegteen wali lama xallin. Alneris Orozco Caupo, 47, waxay u yaalla gurigeeda ku yaal Magaalada Haweenka sawirro la geliyey muraayad laga dhex arki karo. Asal ahaan waxay ka timid gobolka waqooyi-galbeed ee Cesar, waxaa lagu qasbay inay la cararto labadeeda caruur ah in ka badan 20 sano ka hor dagaalka dhuleed ee u dhexeeya ciidamada militariga iyo falaagada lagu magacaabo Farc. Waxay si sharaf leh noo tustay sawirrada carruurteedaoo ka qalinjabiyey dugsiga sare iyo jaamacadda, taas oo aysan weligeed ku guulaysateen rabshadaha awgeed. Lahaanshaha sawirkaMEGAN JANETSKYImage captionErika Maria Gamarra Caro, 42, (ta dhexda) waxay qoslaysaa xilli ay shir ku jireen xubnaha golaha haweenku Erika Maria Gamarra Caro, waxay jirtaa 42, waxay ka timi El Carmen de Bolívar waxayna usoo carartay Cartagena kadib markii xubno kamid ah qoyskeeda ladilay intii lagu xasuuqayey ciidammada garabka midig markii ay hore laayeen fallaagada garabka bidix ee Farc. Waxay sheegtay in si isdaba joog ah loogu faraxumeeyey intii ay ku jirtay qaxitaankeeda laakiin Ururkan ayaa ka caawiyay sidii ay uga soo kaban lahayd. Qaran News
-
Hoggaamiye Xirsi Oo Shaaciyay Wakhtiga Uu Soo Bandhigayo Buuggiisii Labaad ee uu ugu magac-daray…. Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa shaaciyay in uu dhawaan soo bandhigi doono buuggiisi labaad ee uu qoray. Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa buugan oo uu ku magacaabay (Hodanka Baahan iyo Himiladayda) waxa uu sheegay in uu toddobaadkan guddihiisa ku soo bandhigi doono magaalada Hargeysa. Qoraal kooban oo bartiisa Facebook soo dhigay Hoggaamiye Xirsi oo uu arrintan kaga hadlayo ayaa waxa uu ku yidhi “Buuggii cusbaa ee ka midka ahaa Silsiladda Buugaagta ee Dhaxal gal waa diyaar, Todobaadkan gudihiisa ayaan soo bandhigi doonaa Insha allaahu.” Si kasta ha ahaatee shacabka reer Somaliland ayaa si weyn ugu dhag-taagaysa buuggan cusub ee uu soo bandhigi doono Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hore u ballan-qaaday in uu bulshada la wadaagi doono Silsilad Buugaag ah. Qaran News
-
Dowladda Waddanka Sri Lanka ayaa si rasmiya u shaacisay in ay kaalinteeda ka qaadanayso ololaha Deyn Cafinta Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Sri Lanka iyo mas’uuliyiinta Bangiga dhexe ee waddankaas ayaa laga soo xigtay in ay lacag saddex milyan oo dollar ku taageerayaan hawlaha Deyn Cafinta Soomaaliya. Warbaahinta maxalliga ah ee dalka Sri Lanka ayaa ku warramaysa in lacagtaasi lagu shubayo bangiga hay’adda lacagta adduunka ee IMF si loo de dejiyo hannaanka Deyn Cafinta. Go’aankaas ayaa ku soo aadday maalmoka dib markii Bangiga Adduunka iyo hay’adda lacagta IMF ay si wadajir ah u shaaciyeen in ay Soomaaliya u qalanto in laga cafiyo Deynta lagu leeyahay muddo ka badan soddon sanno. IMF iyo Bankiga Adduunka waxay labaduba sheegeen in Soomaaliya ay mudantahay in si buuxda looga saamaxo Deynta lagu leeyahay oo dhan $5.3 bilyan oo doollar. PUNTLAND POST The post Sri Lanka oo shaacisay in ay saddex malyan oo Dollar ku bixinayso Deyn Cafinta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada Koonfur Galbeed uu ka dhacay degaanno ka tirsan gobolkaasi. Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii malayshiyaadka ka tirsan Al-shabaab ay weerar jid-gal ah u dhigeen ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed xilli ay ku socdaalayeen wadada laamiga ah ee xiriirisa degaanka Daynuunaay iyo magaalada Baydho ee xarunta gobolkaasi. Wararku waxay sheegayaan in dagaalkaas oo mudda socday uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray Al-shabaab iyo ciidamada Koonfur Galbeed inkastoo aan si rasmiya loo xaqiijin khasaaraha. Malayshiyaadka Al-shabaab waxay dhankooda sheegeen in dagaalka ay ku dileen hal askari oo ka tirsan ciidamada Koonfur Galbeed tiro kalena ay ku dhaawaceen balse ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. PUNTLAND POST The post Al-shabaab iyo Ciidamada Koonfur Galbeed oo ku dagaallamay gobolka Baay appeared first on Puntland Post.
