-
Content Count
214,385 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa magacaabay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Sh/Hoose. Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Lafta Gareen ayaa waxaa xilkaasi loogu magacaabay, Maxamuud Axmed Maxamed Mahad All. Xilkan ayaa waxaa horay u hayey Cumar Carab oo ku geeriyooday bam gacmeed lagu weeraray hoy uu ka daganaa degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Halkaan hoose ka akhriso: View the full article
-
Maydka gabadha yar ee kufsiga iyo dilka loogu gaystay Lughaya Taliska Booliiska Somaliland, ayaa shaaciyay in ay gacanta ku soo dhigeen, nin ku eedaysan in uu kufsi iyo dil arxan-darro ah u gaystay, gabadh yar oo da’deedu ahayd 15-sano jir. Taliyaha Booliiska Somaliland Gen. Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa warbaahinta u xaqiijiyay, in la qabtay shakhsigaasi ku eedaysan kufsiga iyo dilka gabadha yar, oo todobaadkan gudihiisa ka dhacay degmada Lughaya ee gobolka Awdal. Booliiska Somaliland, weli ma shaacin magaca iyo da’da ninka loo qabtay kufsiga iyo dilka gabadha yar, balse waxay sheegeen in isla maanta loo gudbiyay dhinaca magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal, si sharciga loo horgeeyo. Inta badan kufsiga iyo daroogada ayaa caadi ka noqday degaanno ka tirsan Somaliland, inkastoo kufsiyada ka dhaca halkaas uusan dil wehelin jirin, marka laga reebo mid haatan laga soo sheegay degmada Lughaya ee gobolkaasi Awdal. Dhacda taasi lamid ah ayaa bishii February 2019-kii ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee Puntland, kadib markii kufsi iyo dil arxan-daran loo gaystay gabadh yar oo 12-sano jir ahayd. 11-kii bishan February 2020 ayaa Puntland cadaaladda marsiisay laba xukmane oo kiiskaasi lagu helay, kuwaasi oo lagu qisaasay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Kiis lamid ah kii Caa’isha Ilyaas oo ka dhacay Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo diyaaradahooda ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee ku yaalla koonfurta Soomaaliya. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa taliska Africom wuxuu sheegay inay la beegsadeen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa agagaarka degmada Jilib ee gobolkaasi. Warsaxaafadeed ka soo baxay AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeyntaasi oo ay gacan ka geysteen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya lagu burburiyey saldhig ay dagaalyahannada Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi. Ma shaacin khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ee ka dhashay weerarkaan, marka la tago burburinta saldhiggaasi. Sidoo kale warka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeynta ay fuliyeen diyaaradahooda aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah. Ugu dambeyn dowladda Mareykanka ayaa ballan qaaday inay xoojin doonto dagaalka adag ee ay kula jirto Al-Shabaab, gaar ahaan duqeymaha ay la beegsato kooxdaasi. Tan iyo 2019-kii Mereykanka ayaa sare u qaaday howlgalkiisa ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
-
War qoraal ah oo ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa faah faahin looga bixiyey duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubada Hoose. Mareykanka ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ay duqeyn la beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi. Sidoo kale Mareykanka ayaa qoraalka ka soo baxay ku sheegay in duqeyntaasi ay ku burburiyeen xarun Al-Shabaab ay ku lahaayeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose. Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah uusan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah. Maalmihii la soo dhaafay Mareykanka ayaa sare u qaaday dagaalka uu kula jiro Al-Shababa, gaar ahaan duqeymaha uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo dagaalyahannada Al-Shabaab oo weerar ku qaaday magaaladaasi. Wasiirka amniga HirShabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo ka warbixiyey dagaalka ayaa sheegay inuu ka dhacay barkoontarool oo ku taalla xaafadda Horseed. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in dagaalkaas uu uga dhaawacmay hal askari, isaga oo intaasi ku daray inay hortageen weerarka uga yimid dhinaca Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa isku dayay iney amaanka qal qal galshaan waxeyna Rasaas Kusoo Tuur Tuureen Bar Fariisan u ah ciidanka amaanka Hirshabelle oo bananka Magalada ah , taasoo laga Kontoroolo Dhaq dhaqaqa dadka soo galo Magalada iyo Dadka kabaxa, kooxahii soo Rabshadeyayna Fariisimahena ciidanka Amniga ayaa ku daba jiro sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ayuu yiri”. wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre. Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa lagu soo warramayaa inay saaka degan tahay, islamarkaana goobihii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM. View the full article
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga maamulka HirShabelle ayaa faah faahin ka bixisay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi. Wasiirka wasaaradaasi, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay xaafadda horseed ee magaaladaasi. Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in dagaalka uu yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen barkoontarool oo ku taalla halkaasi, taas oo uu xusay in lagala socda dhaq dhaqaaqa dadka soo galaya Jowhar. Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in ciidanka amniga ay ka hortageen weerarka, islamarkaana uu uga dhaawacmay kaliya hal askari. “Al-Shabaab ayaa isku dayay iney amaanka qal qal galshaan waxeyna Rasaas Kusoo Tuur Tuureen Bar Fariisan u ah ciidanka amaanka Hirshabelle oo bananka Magalada ah , taasoo laga Kontoroolo Dhaq dhaqaqa dadka soo galo Magalada iyo Dadka kabaxa, kooxahii soo Rabshadeyayna Fariisimahena ciidanka Amniga ayaa ku daba jiro sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ayuu yiri”. wasiirka amniga ee maamulka HirShabelle. Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo la xariira dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana ciidamadu howlgallo baaritaano ah ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku fuliya deegaanada HirShabelle, kuwaas oo ku xoogan deegaanada maamulkaasi.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-180220.mp3 View the full article
-
Booliiska Waddanka Jaramlka ayaa laga soo xigtay in ay xireen kooxo xagjir ah oo qorshaynayay in ay weeraraan masjid ku yaala dalkaasi, kaddib markii ay Booliisku heleen xog ka sii heleen. Kooxda la xiray oo ka kooban 12 qof ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin Xagjiriinta Muslimka neceb ee Der harte Kern oo ah koox ka dhisan dalkaas. Xagjiriintas ayaa ku caan baxay necaybka iyo faquuqa Muslimiinta iyo dadka magangalyo doonka ah ee jooga waddanka Jarmalka. Sidoo kale Booliisku waxa ay baadi goob ugu jiraan xubno kale oo ka tirsan xagjiriintan kuwaasoo qeyb ka ahaa qorshaha weerarka. Dalka Jarmalka waxa ku sugan kooxaha cansuriyiinta midigta fog oo abaabula weerarro ka dhan ah dadka Muslimiinta ah oo ay ku jiraan dadka magangelyo doonka ah. PUNTLAND POST The post Booliiska Jarmalka oo xiray koox qorshaynayay in ay Masaajid weeraraan appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa qaabilay Wakiilka cusub ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Arrimaha Soomaaliya. Wasiir Cawad, ayaa nuqul kamid ah Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Dr. Mamunur Rahman Malik oo ah Ergayga cusub ee Hay’adda WHO ugu xil saaran Arrimaha Soomaaliya. Kulanka inta uu socday, waxa ay labada dhinac kawada hadleen Iskaashi wadaagga, Wax ka qabashada Baahida dhanka Caafimaadka iyo Isbitaalada ku yaalla Soomaaliya sidii ay gacan u siin lahayd Hay’adda WHO. Sidoo kale, waxa ay isla garteen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Wakiilka Hay’adda Caafimaadka Qaramada Midoobe u qaabilsan, sidii loo sameyn lahaa wacyi-gelin loogu talagalay adeegyada Caafimaadka iyo hirgelinta mashaariic kala duwan. PUNTLAND POST The post Wasiir Cawad oo qaabilay Wakiilka cusub ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay halkaas dagaal xoogan uu ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hirshabeelle iyo Al-shabaab. Dagaalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii Al-shabaab ay weerar ku bilowday Bam gacmeed ku qaadeen laba fariisin oo Ciidanka Hirshabeelle ay ku leeyihiin Xaafadaha Horseed iyo Buulo-Sheekh ee Jowhar. Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in xalay ay maqlayeen jugta rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayeen Ciidanka Hirshabeelle iyo Al-shabaab, wallow markii dambe uu dagaalka joogsaday. Wasiirka wasaaradda amniga maamulka Hirshabeelle Maxamed Kherie ayaa ka hadlay dagaalkii xalay ka dhacay Magaalada Jowhar, waxaana uu sheegay in Al-shabaab ay isku dayeen inay weerar kusoo qaadan Jowhar. “Al-shabaab ayaa isku dayday iney amaanka qal qal galshaan waxeyna Rasaas Kusoo Tuur Tuureen Bar Fariisan u ah ciidanka amaanka Hirshabelle oo bananka Magalada ah , taasoo laga Kontoroolo Dhaq dhaqaqa dadka soo galo Magalada iyo Dadka kabaxa, kooxahii soo Rabshadeyayna Fariisimahena ciidanka Amniga ayaa ku daba jiro sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa” ayaa yiri Wasiirka Ilaa iyo hada lama war sugan lagama hayo Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay Magaalada Jowhar ku dhexmaray Ciidanka Hirshabeelle iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Dagaal xooggan oo xalay ka dhacay magaalada jowhar appeared first on Puntland Post.
-
War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada dowladda Mareykanka u qaabilsan qaaradda afrika ee Africom ayaa lagu sheegay in weerar ay si wadajir ah u fuliyeen iyaga iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku beegsadeen Al-Shabaab. Weerarka oo ahaa duqeyn dhanka cirka ayaa si gaar ah uga dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubadda dhexe halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalayaasha al-Shabaab. War saxafaadeedka kasoo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu burburiyay qalab ay Al-shabaab lahaayeen inkastoo aysan faahfaahin sii bixin. Taliska AFRICOM ayaa intaasi raaciyay in ay xaqiijiyeen duqeyntaas in aan qof shacab ah wax ku noqon waxaana ay ballan-qaadeen in ay sii wadayaan hawlgallada noocaas oo kale ah si loo cirib-tiro Argagixisada. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo faahfaahiyay duqeyn uu la beegsaday Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Weerar ismiidaamin ah, ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay meel u dhaw goob isu soo bax diini ah ka socday magaalada Quetta ee dalka Pakistan. Inta xaqiijiyay 7 qof ayaa ku geeriyootay, halka 25 kalena waa ku dhaawacantay qaraxaas. Saraakiil u hadlay dowladda, ayaa waxaa ay sheegeen in nin wata mooto uu is qarxiyay, xili ciidamada amaanka ay su’aalo waydiinayeen, waxaana ay tilmaameen in baaritaano socdo Weli ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaasi. PUNTLAND POST The post Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Pakistan appeared first on Puntland Post.
-
President Trump on Monday accused former President Obama of "trying to take credit" for the strong economy. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta lagu wadaa inuu khudbad ka horjeediyo Barlamaanka maamulkaasi, Khudbaddaas oo uu kaga hadlayo arrima kala duwan. Khudbad-sannadeedkiisa ayuu ka horjeedin doonaa Baarlamaanka Soomaaliland madaxweyne Biixi, waxaana la filayaa in Madaxweynuhu Golayaasha uga warramo qorshayaashiisa wax-qabad ee sannadkan, waxyaabaha u qabsoomay Xukuumaddiisa , Safarkii uu Itoobiya kaga soo laabtay toddobaadkii hore iyo kulankii uu Madaxweyne Farmaajo kula qaatay Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya. Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliland ayaa khudbadiisa waxaa uu kaga hadli doonaa Arimaha doorashooyinka , amniga iyo arimo kale. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Biixi oo maanta Khudbad ka jeedinaya Baarlamanka Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
A senior al-Shabab militant on Monday surrendered to Somali National Army (SNA) forces in Hudur town in the southern region of Bakol, officials confirmed. Source: Hiiraan Online
-
Climate change: A major global threat The climate change, that is, the change of the global climate and in particular the changes in meteorological conditions that extend on a large time scale, is a major global existential threat. The greenhouse effect causes the increase of temperature of the planet primarily due to the tremendous increase in carbon dioxide, which has increased by 35% since the beginning of the industrial revolution. And of course the lion’s share in pollution of the atmosphere with 50% of all carbon dioxide have Europe and North America. All other countries together are responsible for the other half, while the poorest countries are the least responsible. However, the people who live in these countries it is they who will suffer more strongly of the consequences. The causes of climate change are mainly identified in combustion of fossil fuels (coal, oil, gasoline, natural gas, etc.) which account for 50% of total emissions, in the production and use of synthetic chemicals, in disaster of forest areas which contributes to the production of additional gases in the atmosphere and of course to the greenhouse effect by 15% and in conventional agriculture and livestock farming, which account for 15% of emissions. The expert scientists knock the danger bell and warn that if there is no urgent global coordinated action by political leaders, governments, industries and citizens around the world, the temperature of the planet is likely to rise above 2°C relative to pre-industrial levels by 2060 and the increase could even reach 5°C by the end of the twenty-first century, fact that will make the lives of future generations problematic. Such an increase in the temperature of our planet will have a devastating impact on nature, bringing about irreversible changes in many ecosystems and consequent loss of biodiversity, that is, all living organisms and species that make up life on the planet, that is, animals, birds, fish and plants (fauna and flora). Many species are expected to disappear from areas that will be directly and severely affected by climate change. Today, compared to 1850 -from when recording data began- a temperature increase of 1.1°C is observed. So, it is vital importance, the increase not to exceed 1.5°C, because as scientists estimate, beyond this crucial point there will be no way back. The climate change, however, which is due to human activities, is a tangible ominous reality and is already adversely affecting our planet. The sectors responsible for the production of greenhouse gases are primarily the sector of energy produce (units of production of electrical power, refineries) but also industrial activities, the modern means of transport (cars, airplanes, etc.) and the activities of the primary production sector. So, the extreme weather events, the uncontrolled fires in forests such as the Amazon that have been characterized as the “lung” of the planet, the heat waves, the heavy rainfall, the prolonged droughts that create serious eating problems in the affected areas of the planet, the very powerful hurricanes, are becoming constantly more often and more intensively, costing tens of thousands of lives every year and causing huge disasters. The ice at the same time and snow on the poles are melting, with the Arctic being the biggest victim to date, and the world average sea level goes up, as a result to be caused floods and erosion on coasts and lowland coastal areas and to be created environmental refugees. If this unfavorable development continues, areas such as the Netherlands and Venice will be at risk of being permanently lost under the sea waters as new Atlantis. The climate change also increases existing diseases worldwide but also creates new ones, and can also lead to premature death. Too many diseases are particularly sensitive to temperature change. To them included communicable diseases such as yellow fever, malaria, encephalitis and dengue fever, but also eating disorders, mental illnesses, cardiovascular diseases as well as respiratory diseases. The climate change will also have negative impacts on the economies of the countries given the fact that the high temperatures undermine the productivity of most sectors of the economy, from the agricultural sector to processing. Valid scientists predict that by the end of the century, global GDP will have fallen by 7.22% from what it would have been without climate change. The teenager Swedish activist against climate change, Greta Thunberg, has managed in the most vigorous and loud way to pass the debate over this huge problem, by the heads of state and government and public dialogue, in society and in the friendly discussions, mobilizing millions of people around the world, especially young people, who began to demonstrate demanding by governments the immediate taking of measures for the confrontation of climate change. So, Swedish MPs rightly suggested her for the Nobel Peace Prize. And of course Greta Thunberg has big right when she says that the measures are being taken to reduce greenhouse gases and, above all, carbon dioxide are not sufficient. So, what are the appropriate measures to be taken without delay to effectively reduce greenhouse gas emissions by 2050 and keep the temperature at + 1.5°C? The basic policies for resolutely mitigating of the problem consist in promoting and utilizing renewable energy sources (wind, solar, biomass, etc.), the enhancing energy efficiency, the drastic reduction of the exploitation of oil and gas deposits and the imposition of carbon taxes in order that to limit the use of fossil fuels and thereby to reduce significantly carbon dioxide emissions by 2030 and eliminate them by 2050 at the latest, the rapid reduction of emissions of methane, carbon black and other short-lived pollutants that burden the climate, the restoration and protection of ecosystems and, above all, forests. The Paris Agreement, the first universal, legally binding agreement for the climate, entered into force in 2016 with great optimism and manifest ambitions, despite the official US departure statement, which are one of the biggest polluters. Four years have passed since then and there are no substantial results, fact which raises serious questions as to whether there is really the political will to tackle this particularly threatening global problem. In closing, I would like to emphasize that the effects of climate change will be so dramatic that human civilization will be in danger to collapse as a paper tower. So, in the face of this extremely dangerous climate crisis, the citizens around the world should increase their mobilization even further and the political leaders to finally stand up at the height of the circumstances and take immediately the necessary drastic measures, before it is too late, to reverse this unsustainable course and save the planet. Curriculum vitae Isidoros Karderinis was born in Athens in 1967. He is a novelist, poet and columnist. He has studied economics and has completed postgraduate studies in the tourism economy. His articles have been published in newspapers, magazines and sites worldwide. His poems have been translated into English, French and Spanish and published in poetry anthologies, in literary magazines and literary sections of newspapers. He has published seven poetry books and three novels. His books have been published in USA, Great Britain, Spain and Italy. Email: skarderinis@hotmail.gr Facebook: Karderinis Isidoros Twitter: isidoros Karderinis Qaran News
-
Tehran (Caasimada Online) – Dowladda boqortooyada Sacuudiga ayaa fariin ay ku dalbaneyso wada-hadal u dirtay Dowladda Iiraan, sida uu shaaca ka qaaday Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Mohammad Javad Zarif. Wasiirka arrimaha dibada ee Iiraan ayaa sheegay in dilkii Jeneraal Qasim Suleymani kadib ay dowladda Sacuudigu u dirtay Warqad ay kaga dalbanayaan wada-hadal. Waxa kale oo uu Wasiirku xusay in dowladda Sacuudigu aysan ka soo jawaabin fariintoodii aqbalaad ee ay kaga fal-celisay dowladda Iiraan dalabkii Sacuudiga ee wada-hadalka. Wasiirka ayaa arrintaasi ku sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray, kaasi oo uu si cad ugu xusay in Dowladda Tehran ay diyaar u tahay in dalalka dariskeeda ay la furto wada-hadal, midaasi oo ay ku jirto Dowladda Riyadh. Wuxuu sheegay Wasiirku in wadankiisu uu rumeysan yahay in Amniga dalalka dariska uu kaalin muhiima ka ciyaaro amnigooda, wuxuuna yiri “Waxaan jawaab wanaagsan ka bixinay farriintooda waxaanan ku dhawaaqnay inaan diyaar u nahay, laakiin wax jawaab ah kama aanu helin Sacuudiga”. “Waxaan diyaar u nahay maanta inaan wada-hadal la yeelano dhammaan waddamada deriska ah, maxaa yeelay gobolka waxaa iska leh dhammaan waddamada deriska ah. Waddamada gobolka ayaana mas’uul ka ah xaqiijinta amniga iyo xasilloonida gobolkaba”. Wuxuuna intaas kusii daray “Haddii dalalka deriska nala ah ay doonayaan inay yareeyaan xiisadaha, waxaa jira habab badan oo lagu gaaro arrinkaasi, laakiin waxa ugu muhiimsan ayaa ah rabitaanka dhabta ah ee waddamada ee arrintaasi la xiriira”. Wasiirka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey inaysan jirin Talaabooyin uu qaaday Sacuudigu oo uga dan leeyahay yareynta xiisadaha taagan ama ansixinta barnaamijka Nabadda ee Hormuz. Wuxuuna ugu dambeyntii sheegay Wasiirku in Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadku ay xaalad abuur cusub ka wadaan gobolka, iyagoona ka dhex raadinaya xiisado hor leh. Sacuudiga iyo Iiraan oo ah labo dowladooda oo awood leh ayaa inta badan waxay si weyn ugu loolamaan galaangalka gobolka Bariga Dhexe, taasi oo marar badan sababtay xasillooni la’aan siyaasadeed oo gobolka oo dhan soo wajahda.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan magaalada Boosaaso kaga dhawaaqay shir uu ugu magac daray “shir wada tashi oo lagaga arrinsanayo aayaha Puntland” maadaama, sida uu sheegay, dowladda Soomaaliya ay garab martay nidaamkii federaalka ayna faro gelin joogto ah ku hayso maamul goboleedyada. Su’aasha isweydiinta mudan waxa ay tahay Puntland iyadu ma ka *****say mabaadi’dii loo asaasay ma se ilaalisay xuquuqdii dastuuriga ahayd ee dadkeeda ka hor inta aaney cid kale ku eedayn in ay dastuur baal martay oo xuquuq ku tumatay? Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “maroodigu takarta isaga saaran ma arkee ta kan kale saaran buu arkaa.” Waxay kaloo ku maahmaahdaa “wiil is hubaa heesa”. Maamul goboleedka Puntland waxaa la asaasay sannadkii 1998 dii, kadib markii ay shir isugu yimaadeen oday dhaqameedkii, siyaasiyiintii iyo waxgaradkii 5ta gobol iyo degmada lagu asaasay maamulkaas, kuwaas oo kala ahaa gobollada Bari, Nugaal, Waqooyiga Mudug, Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle. Yagleelida maamulka waxaa laga lahaa laba hadaf oo waaweyn. Kan kowaad ayaa ahaa in dadka ku nool gudaha maamulkaas ay helaan dowlad ilaalisa nabadgelyada iyo kala dambeynta, ku shaqaysa caddaalad iyo sarreynta sharciga, ku dhisan caddaalad, bixisana adeegyada asaasiga ah ee bulshada. Kan labaad ayaa ahaa in maamulkaas ka shaqeeyo raadinta dowladnimo Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaam federaal ah oo dadka Soomaaliyeed waxna wada leeyihiin waxna kala leeyihiin. Haddaba maxaa ka hirgalay labadaas hadaf? Haddii aan ku horeyney dhanka arrimaha maamulka gudaha ee Puntland, waxaa la oran karaa Puntland qayb ahaan waa ku fashilantay hadafkaas. Dhanka nabadgelyada, qaybo ka mid ah gobollada Bari iyo Sanaag waxaa ku sugan kooxaha argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish oo meelaha qaar ka hawl gelayey in ka badan 10 sano. Waxa ay dhibaato amni darro ku hayaan magaalada Boosaaso iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolladaas. Ilaa hadda ma muuqato istiraatiijiyad cad oo lagu soo afjarayo kooxahaas, marka laga reebo diiwaan gelin iyo tababaro is dabajoog ah oo la siiyo ciidamo ku mushahar qaata in ay difaac kaga jiraan aagaggaas balse aan marna gaarin natiijo weyn oo la taaban karo. Magaalada Boosaaso waxaa lagu daad gureeyaa ciidamo laga keenay gobollo kale oo aan aqoon u lahayn dadka iyo deegaanka, kuwaas oo aan tiro maahe tayo ku kordhin sugidda amniga. Dhanka kale waxaa ka maqan gacanta dowladda Puntland qayb weyn oo ka mid ah xuduuddeedii dhuleed ee dastuuriga ahayd. Gobolka Sool waxaa muddo 13 sano ah ka arriminaya maamulka Somaliland, gacan ku haynta gobollada Sanaag iyo deegaanka Buuhoodle na ma aha mid sugan oo waxaa si xor ah u booqda, ciidan iyo shaqaale maamulna uga qoran yahay Somaliland. Dhanka caddaaladda, sarraynta sharciga iyo maamul wanaaga, maamulka Puntland kama samayn wax horumar ah oo la taaban karo. Maamulku waxa uu noqday mid xilalka ugu sarreeya ay ku kooban yihiin hal jifo. Tan iyo asaaskii Puntland waxaa xilka madaxweynaha isku bedbedelayey saddex qoys oo jifadaas ka tirsan iyaga oo ka dhigtay waxa Soomaalidu u taqaan “hagbad”. Iyada oo hadba qoyska taraha soo socda leh uu galo 5 sano oo diyaar garow ah kadib na soo sharaxo tobannaan qof oo jagada madaxweynaha u taagan, beelaha kale murashaxiintoodana loo adeegsado taatikooyin kala duwan oo lagaga niyad jebinayo in ay galaan tartan adag, sida in qaarkood laga celiyo in ay soo galaan magaalada Garowe ama loo diido in ay sameeyaan xaflado ay barnaamijyadooda waxqabad ku soo gudbiyaan, ama lagu qanciyo in ay tartanka ka haraan si ay wasiirnimo u helaan. Waxaa kale oo ka mid ah taatikooyinkaas in hadba ninka madaxweynaha markaas ah uu iska dhigo mid markale u sharraxan jagada in uu ku soo noqdo kadib na uu xulafaysi la sameysto mid kamid ah murashaxiinta qoys hoosaadka taraha leh si uu ugu wareejiyo codadkiisa uu ku iibsaday canshuurtii uu 5 ta sano shacabka ka ururinayey. Si aan hagbaddu u khaldamin waxa la hor istaagey in uu hirgalo nidaam dimqoraadi ah oo dadku qof iyo cod madaxda ku soo doortaan, iyada madaxweyne kasta sameeyo guddi doorashooyin oo maqaar saar ah kaas oo ujeeddada keli ah ee laga leeyahay ay tahay in beesha caalamka lagaga mashaariic laga sameeyo xoogaa lacag ah. Marka waqtiga doorashadu dhawaatona waa la kala diraa guddiga oo waxaa dib loogu laabtaa xildhibaanno odayaal soo qoraan oo codka laga iibsado. Sarraynta sharciga iyo maamul wanaaggu wax muhiimad ah uma laha maamulka Puntland. Tusaale, muddo 22 sano ah ee uu maamulkaasi jirey hal qof oo xil sare ka haya laguma soo eedayn oo maxkamad laguma soo taagin musuqmaasuq ama lunsasho hanti dadweyne, innaga oo og in Soomaaliya ay tahay waddanka ugu musuqa badan caalamka. Awoodda oo dhan waxa isku kooba madaxweynaha, iyada oo baarlamaanka shaqadiisa laga dhigo fadhiid, haddii ay xildhibaanadu damcaan in ay la xisaabtamaan xukuumaddana la isugu daro laaluush iyo cago jugleyn marar badan keenta in la bedelo guddoonka baarlamaanka. Dhanka adeegga bulshada, maamulka Puntland ma bixiyo wax adeeg bulsho ah marka laga reebo deeqaha caalamka ee la soo marsiiyo wasaaradaha waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha kuwaas oo taakulo kooban gaarsiiya meelaha qaar, sida qaybinta buugaag, dhisidda qolal waxbarasho iyo qodidda ceelal biyood. Dhammaan goobaha waxbarashada waaweyn ee Puntland sida dugsiyada hoose iyo sare, jaamacadaha iyo macaahidda gaar ayaa loo leeyahay (private). Waxa ka soo hara dhowr dugsi oo ay ka tagtay dowladdii hore ee Soomaaliya kuwaas oo iyagana sida dugsiyada private ka ah ardayda lacag uga qaata. Korontada iyada warkeedaba ha sheegin oo waxaa iska leh shirkado gaar ah oo lacag aad u fara badan ka qaada shacabka danyarta ah taas oo caqabad ku ah horumarka dhaqaale iyo ganacsi. Waxa intaas dheer shirkadahaas qayb ka mid ah waxa ay ku shaqeystaan qalabkii iyo xarumihii korontada ee dowladdii Soomaaliya! Waxa intaas dheer in kaabayaashii dhaqaale ee ugu muhiimsanaa Puntland sida dekedda Boosaaso iyo airport keeda lagu wareejiyey shirkado Imaraati ah oo xoogaa lacag laaluush ah laga qaatay, ayna afduub ku haystaan iyaga oo aan wax horumarin iyo ballaarin ah ku sameyneyn. Waddadii laamiga ahayd ee dheerayd ee isku xiri jirtey Boosaaso ilaa Gaalkacyo na uu ka muuqdo dayac iyo burbur aan waxba laga qaban 22 kii sano ee maamulkaasi jirey. Hadafkii labaad ee ahaa raadinta dowlad Soomaaliyeed maxaa ka hirgalay? Laga soo bilaabo 1998 kii, maamulka Puntland waxa uu isku mashquuliyey in dowlad kasta oo loo dhiso Soomaaliya ay noqoto mid u shaqaysa sida maamulkaas doonaayo. Waxa uu maamulkaasi ka qayb qaatay curyaamintii dowladdii lagu soo dhisay Carta- Djibouti sannadkii 2000 maadaama aaney qaadan hab federaal. Waxa loo adeegsaday hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho iyo gobollada kale ee koonfurta Soomaaliya, iyada oo la dhisay isbahaysigii SRRC. Kadib markii ay dhammaatay muddadii dowladdii Carta waxaa sannadkii 2004 shirkii ka dhacay Nairobi madaxweyne loogu doortay Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ahaa madaxweynihii waqtigaas ee Puntland, iyada oo isla markaasna la qaatay nidaamkii federaalka ahaa. Maamulka Puntland waxa uu naf iyo maal ba u huray in dowladdaas ay guulaysato. Iyadoo ugu dambeyn lagu guuleystay in dowladdu caga dhigato Villa Soomaaliya, kadib markii ciidamada Ethiopian ah ay dalka soo galeen ayna dhaceen dagaallo ay ku dhinteen tobannaan kun oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah. Taas ma la oran karaa Puntland iyadaa bilowday in la fara geliyo maamulka gobollada kale ee Soomaaliya? Waa su’aal jawaab mudan. Intii ka dambeysey dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf, Puntland waxa ay caan ku noqotay in ay la shaqayso dowladda dhexe keliya marka labada xi lee ugu sarreeya uu midkood hayo siyaasi ka soo jeeda jifada xukunta Puntland. Markii taas la waayo na dowladda lagu iclaamiyo dagaal shaati looga dhigaayo waxa ay ka hortimid nidaamkii lagu heshiiyey ee federaalka. Soomaalidu waxa ay tiraahdaa “baroortu orgiga ka weyn” iyo “nin meeli u caddahay meeli u madow”. Sida aynu uga barannay maamulka hadda jira ee Puntland joojin maayo buuqa iyo cabashada ilaa madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu noqdo qof la jifo ah madaxweyne Deni. Arrimahaas kor ku xusan waxa ay sababeen in inta badan shacabka reer Puntland ay ka niyad jabeen maamulkooda. Kadib markii shaqooyinkii iyo xilalkii ay caddaalad noqon waayeen, in badan oo ka mid ah dhalinyaradii reer Puntland waxa ay u baqooleen oo jaanisyo ka raadsadeen magaalada Muqdisho iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dad badan oo kale na waxa ay bilaabeen in ay cabasho muujiyaan, waxaana loogu jawaabey xarig iyo cago jugleyn. Waana ta keentay in cabashada ay u wareegto baraha bulshada, iyadana Deni waxa uu ku eedeynayaa dowladda Soomaaliya in ay dhaqaale ka bixiso! Waa yaabe dadku miyaaney iyagu dareen lahayn oo garan karin dhibaatooyinka haysta haddii aan lacag lagu siin. Gebegabadii waxaa la joogaa waqtigii dadka Puntland isugu iman lahaayeen talo iyo dib u eegis lagu sameeyo sida maamulkoodu u shaqeeyo iyo sidii loo sixi lahaa waxyaabaha badan ee khaldan, ka hor inta aan la xagxagan dowladda dhexe oo wax kasta iyada lagu eedayn. W/Q: Abdi Isse isseabdi@aol.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Washington (Caasimada Online) – Saraakiisha Itoobiya ayaa sheegay in wada-xaajoodyo toddobaadkii tegay ka dhacay magaalada Washington ay ku guul-darreysteen inay xaliyaan muranka muddada fog kala dhaxeeya Masar ee salka ku haya biyo-xireenka Nile. Kulanka oo socday laba maalmood ayaa ahaa wareegii ugu dambeeyey wada-hadallo ay fududeysay wasaaradda maaliyadda Mareykanka, oo soo faro-gelisay murankan kadib markii madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi uu la hadlay madaxweyne Trump, oo ay xulufo dhow yihiin. Itoobiya ayaa sheegtay in biyo-xireenka – oo noqo doona warshadda ugu weyn Afrika ee koronto ka dhalisa biyaha – uu muhiim u yahay dhaqaalaheeda. Hase yeeshee Masar ayaa ka cabsi qabta in mashruucan uu waxyeeleyn karo webigan oo 90% soo saara biyaha laga cabo dalkaas. Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan booqdo Itoobiya. Fitsum Arega, oo ah safiirka Itoobiya ee Mareykanka, ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku sheegay in wada-hadallada “ay dhamaadeen ayada oo aan la gaarin heshiis kama dambeys ah.” Wasiirka biyaha Itoobiya Seleshi Bekele ayaa sidoo kale twitter ku sheegay in horumar la sameeyey hase yeeshee loo baahan yahay “shaqo dheeri ah” si heshiis loo gaaro dhammaadka bishan, oo ah waqtiga kama dambeysta ah ee ay dhinacyada qabsadeen. Saleshi ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradaha biyaha iyo arrimaha dibedda Itoobiya ay “wada tashiyo qaran yeelan doonaan maalmaha soo socda.” Warbaahinta ku xiran dowladda Itoobiya ee FANA ayaa sheegtay in qodobka la isku mari waayey wada-hadalladii ugu dambeeyey uu yahay heera la buuxinayo biyo xireenka oo qaadi kara 74 bilyan oo kubik meter oo biyo ah. Masar ayaa ka cabsi qabta in Itoobiya ay si deg deg ah u buuxin doonto biyo-xireenka, taasi oo yareyn doonta biyaha soo gaara dalkeeda.
-
Spotting And Combatting “Fake News” As we have seen on mulitiple platforms, The Presiden4t of the Republic of Somaliland, Muse Bihi Abdi and the head of the federal administration in Somalia, Mohamed Abdilahi “Farmajo”, met briefly in Addis Ababa on the sidelines of the AU summit. Did such a meeting take place? We can only speculate. This article is written to talk about the need to spot the difference between what is real news and what is not real news. Countries, corporations and individuals have taken to spreading “fake news” to further their agendas. Sorting through the minutiae of their diatribes is difficult and knowing what is real or not can be hard to determine. Common sense and a little research can right any wrong news, but what about the more sinister, intricate conniving lies that can send panic through a society. A nation like Finland has been dealing with “fake news” and the harm it can do to their society. You see, Finland has since its independence been dealing with a powerful neighbour, Russia. This feud has led to several wars with enormous losses for Finland. As the price they have had to pay has been so huge, a term was created to describe what they have gone through, Finlandisation. A staggering price in lives, property and resources. Yet, today, Finland is one of the Global leaders in every category you can think of. Dealing with Finlandisation and the continuing threat of inference from neighbours, Finland set about teaching its children how to spot “fake news” on social media. It is telling that they saw the need to teach school age children to use common sense and seek instructor advice for matters that are outside the realm of their understanding. Creating a social media savvy society is a bulwark against the harmful effects of “fake news”. Somaliland is very much in the same theatre of social media and the attempts by some to manipulate the news. We are in dangerous waters and while we are an open society with a relatively free press, and while those who wish us ill might not be as sophisticated as others, it is important for our children to spot “fake news” and it should be added to our schools curriculum. Whether it is homemade or not, “fake news” needs to be ferreted out of society. Our security depends upon it. Allaa Mahad Leh Long Live Somaliland Hassan Mohamed Abokor abocar33@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Bar____-Qumanha-Wararka-17022020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Wakiilka cusub ee Hey’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Soomaaliya, Dr. Mamunur Rahman Malik, oo warqadihiisa aqoonsiga wakiilnimo ku wareejiyay Wasiirka, isagoo ah wakiilka hey’adda ee ka howlgalaya dalka. Kulanka qaabilaadda intii lagu guda-jiray, ayaa waxaa lagaga wadahadlay iskaashi wadaagga iyo wax ka qabashada baahida dhanka caafimaadka iyo isbitaallada ku yaalla Soomaaliya , iyadoo la dejinayo barnaamijyo ka hortag iyo wacyigelin oo loogu talagalay kuwa bixiya adeegyada caafimaadka iyo hirgelinta mashaariic wax-ku-ool ah oo taabagelinaya habab si wadajir ah looga shaqa-galo. View the full article
