-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay meesha ka saaray safar la sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu la socdo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, uu doonayey inuu ku tago Hargeysa. “Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya Somaliland, horta waa hadal heyn, laakin hadal heyntaaba xun, madaxweynaha Soomaaliya ma imanayo Hargeysa, maya maya,” ayuu yiri Muuse Biixi. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda hadda ka jirta Soomaaliya ay tahay “tii ugu cadaawadda badneyd dhinaca Somaliland”. Prof. Ibraahim Bursaliid ayaa ka hadlaya waxa uu hadalkan u dhimayo isku dayga uu Dr Abiy Axmed ku doonayo in labada dhinac la isku soo dhaweeyo. “Hadalkan Muuse Biixi uu sheegay wuxuu markhaati u yahay in wadahadallada ay curdan ahaayeen oo aan xitaa ceyriin gaarin. Laakiin waxaa la rabay in wadahadallada lasoo gaarsiiyo siyaasad, oo hoos laga soo billaabo. Marka waa la dadajinayaa waxaadna mooddaa wadahadallo la rabo in la iskula daarto,” ayuu yiri Bursaliid oo la hadlay BBC. Tan iyo markii uu xilka madaxweynaha qabtay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa hakad ku jiray wadaxaajoodyadii u dhaxeeyay guddiyada ka kala socday Soomaaliya iyo Somaliland. Inkastoo madaxweynaha Dowladda Federaalka uu soo magacaabay guddiga u qaabilsan wadahadallada, haddana waxaa jiray ismari waa ku aaddan halka laga sii ambaqaadayo howsha. Somaliland ayaa dhankeeda shuruud ka dhigtay in haddii miiska la isugu imaanayo ay wadaxaajoodyadu kasii socdaan halkii ay marayeen markii ay jirtay dowladdii ka horreysay Farmaajo.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dawladda Kenya ayaa cabasho ka muujisay olole xoogan oo ay dawladda Djibouti waddo, kaas oo ku saabsan kursiga qaaradda Afrika ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay. Midowga Afrika ayaa wuxuu sanadkii hore ee 2019 kursigaas u caleemo saaray dalka Kenya oo gudaha Midowga Afrika kaga cod badatay Djibouti, iyadoo uu Midowga Afrika go’aankaas u gudbiyay New York si loo xaqijiyo in kursigaas uu Midowga Afrika u gartay Kenya. Laakiin Djibouti ayaan joojin ololihii kursigaas ay ku doonaysay, waxaanay Kenya dhaqdhaqaaqa Djibouti ku tilmaantay mid ixtiraam darro ka muuqato oo ka soo horjeeda qawaaniinta Midowga Afrika. Doorashada rasmiga ah ee kursigan ayaa bisha June ee sannadkan ka dhici doonta New York. Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa Djibouti ku eedaysay inay garab martay go’aankii Midowga Afrika oo ay waddo olole ka dhan ah soo jeedinta Midowga Afrika iyo natiijadii ka soo baxday Midowga Afrika ee tartankii dhex maray kal hore. Dawladda Djibouti ayaa iyaduna qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay inay si sharci ah u hor istaagtay murashaxnimada Kenya ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo ay sheegtay inaanay ansixin guddiga fulinta ee Midowga Afrika. Gole lagu magacaabo PRC oo ah wakiilada joogta ah ee Midowga Affrika oo ah safiirada Midowga Afrika u qaabilsan dalalkooda ayaa waxay qoraal u qoreen safiirada Afrika ee New York jooga, waxaanay ka codsadeen inay tixgelin gaar ah siiyaan murashaxnimada Kenya ee kursigaas, waxaanay ku wargeliyeen in ay tartan ku galeen Addis Ababa dalalka Djibouti iyo Kenya oo ay Kenya ku guulaysatay inay kursigaas Afrika u metesho. Golahan the Permanent Representatives Committee (PRC), ayaa awood u leh inay gaadhaan go’aamada cidda Afrika u metelaysa golaha ammaanka Qaramada Midoobay, waxaana awooda siiyay madaxweynayaasha Afrika. Hase yeeshee Djibouti ayaa u muuqata inaanay u hoggaansamin soo jeedinta golahan iyo Midowga Afrika, waxaanay Djibouti sheegtay inay haysato taageerada dalal badan oo ay saaxiib yihiin, iyadoo Kenya ku eedaysay inaanay qaadi karin masuuliyada ammaanka Afrika. Codayntaas uu Midowga Afrika qaaday bishii August ee sannadkii hore, ayaa waxay Kenya heshay 37 cod, halka ay Djibouti heshay 13 cod oo ka mid ah dalalka Midowga Afrika.
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu dalkiisa xiriir diblomaasiyadeed la leeyahay dhammaan dalalka Carabta marka laga reebo laba ama seddex dal. Sida laga soo xigtay Channel-ka Cibraaniga ah ee “i24news”, Ra’iisul wasaaraha Israel oo khudbad ka jeedinayey shir ay isugu yimaadeen hoggaamiyaasha urururada waaweyn ee Yahuuda dalka Mareykanka oo ka dhacay magaalada Qudus ee xoogga lagu heysto ayaa sheegay inuu sii wadayo hormarinta xiriirada dalalka Carabta iyo wadamada Islaamka. Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan idiin sheegi karaa in tirada wadamada Islaamka ama Carabtu oo aynan xiriir qoto dheer la lahayn ay yihiin kaliya laba ama saddex.” Ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa soo hadal qaaday booqashadii uu dhawaan ku tagay Suldanada Cumaan iyo kulankii uu la qaatay madaxweynaha Golaha Suudaan Abd al-Fattah Al-Burhan ee ka dhacay dalka Uganda. Israel ayaa kaliya xiriir diblomaasiyeed oo rasmi ah la leh Masar iyo Jordan oo ka tirsan Wadamada Carabta, halka warbixinada warbaahinta reer Galbeed ay ka hadlaan xiriir sii kordhaya oo ka dhaxeeyo Tel Aviv iyo wadamada Khaliijka sida Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo kuwa kale. Netanyahu ayaa isbadal weyn ku tilmaamay in diyaaradaha Israel ay markii ugu horeysay isticmaalaan hawada dalka Suudaan. Isaga taas ka hadlayo wuxuu yiri, “Dalxiisayaasha Israa’iil ee u safrayo Koonfurta Ameerika waxay ku safri karaan dhanka hawadda Suudaan. Waxaan yareeynay safarkooda qiyaastii seddex saacadood. Wixii hadda ka dambeeya uma baahna inay aadaan Spain ka dibna Afrika iyo Koonfurta Ameerika. Haatan waxay toos uga duuli karaan Sudan ilaa Brazil iyo Argentina.” Netanyahu ayaa tilmamaay inuu kaliya si guud u sheegi karo inuu xiriir dalkiisa la leeyahay wadamada Carabta balse uusan faahfaahin kale ka bixineyn. Wuxuu is waydiiyey “Inta la ogyahay Intee in le’eg ayuu la egyahay xiriirka dowladeed ee aan la leenahay wadamada carabta?” “Waxay ku dhowdahay 10% oo shaacsan, balse inta kale waa xiriiro qarsoon ee aan la ogeyn.” Wuxuu intaas ku daray, “Isbeddelo waa weyn ayaa dhacay maxaa yeelay Israel waxay hadda noqotay awood ay tahay in tixgalin lasiiyo, Dowlad kasta waxay ku qasban tahay inay Israel xiriir la sameysato si ay taas gacan uga geysato xasilloonida, mustaqlka dadka iyo sidii loo hubin lahaa mustaqbalka wanaagsan oo ay helaan dalalka, taasina waxay ku jirtaa maskaxda qof walba”. Mar uu ka hadlayey xiisadda Iran, wuxuu Netanyahu yiri “khatarta ugu weyn ee amniga waddamada Bariga Dhexe iyo waddamada adduunka waxay tahay isku dayga Iran ee ah inay hesho hubka wax gumaado ee Nukliyeerka.”
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilalkii ka qaaday Agaasimeyaashii iyo Taliyeyaashii ciidanka Badda Puntland (PMPF). Digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Deni oo ku taariikhaysan 17 bishan, caawa saqdii dhexena la baahiyey, ayaa xilkii looga qaaday Agaasimihii PMPF Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan, waxaana xilkaas loo magacaabay Cabdirabi Cabdisamed Maxamed. Sidoo kale waxaa xilka ka qaadis lagu sameeyey Taliyahii iyo Taliye ku-xigeenadii ciidanka PMPF, Admiral Cabdirsaaq Diiriye Faarax, Admiral Maxamuud Siciid Ciise iyo Admiral Cabdullaahi Axmed Yuusuf. Waxaana la magacaabay Afar Taliye oo kala ah. G/sare Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac ayaa loo magacaabay Taliyaha howl galinta Ciidanka PMPF G/dhexe Xabiib Faarax Xassan ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka lugta PMPF. G/dhexe Baarri Salaad Axmed ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka kumaandoosta PMPF. G/dhexe Maxamed Cabdi Diiriye ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Qaybta Badda (ABS) ee Ciidanka PMPF. Taliyeyaashii xilalka laga qaaday ayaa loo bedelay Taliska Guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland. Hoos ka akhriso digreetada Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.16 February 17, 2020, kuna saabsan Xil-kaqaadis iyo magacaabid Agaasimaha Guud, Agaasime ku-xigeenka iyo Saraakiisha Sare ee Ciidanka Badda Puntland (PMPF). Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dibu habaynta Ciidanka Badda ee Dowladda Puntland (PMPF). Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyey Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenada Ciidanka PMPF, waxaana loo bedelay Taliska Guud ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. 1.1. Admiral Cabdirsaaq Diiriye Faarax 1.2. Admiral Maxamuud Siciid Ciise 1.3. Admiral Cabdullaahi Axmed Yuusuf 2. Waxaa Cabdirabi Cabdisamed Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka PMPF 3. Waxaa Axmed Yuusuf Axmed loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Ciidanka PMPF 4. Waxaa G/sare Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac loo magacaabay Taliyaha howl galinta Ciidanka PMPF 5. Waxaa G/dhexe Xabiib Faarax Xassan loo magacaabay Taliyaha Ciidanka lugta PMPF. 6. Waxaa G/dhexe Baarri Salaad Axmed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka kumaandoosta PMPF 7. Waxaa G/dhexe Maxamed Cabdi Diiriye loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Qaybta Badda (ABS) ee Ciidanka PMPF Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. =DHAMMAAD= PUNTLAND POST The post Agaasimeyaashii iyo Taliyeyaashii PMPF oo xilalkii laga qaaday iyo kuwo cusub oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay dil maalmo ka hor degmada Afgooye loogu geystay Wariye. War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa si xoogan loogu cambaareeyey dilkii 16-kii bishan loo geystay Wariye Cabdiwali Cali Xasan (Online), kaas oo dhacay magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Safaaraddu waxay tacsi u dirtay xaaskiisa, caruurtiisa, saaxiibadii iyo asxaabtii ay shaqo wadaaga ahaayeen. Safaaraddu waxay sheegtay in beegsiga iyo dilalka dadka warbaahinta ka shaqeeya, oo shaqadoodu tahay in ay warka gaarsiiyaan waxna baraan bulshada ay tahay mid ay Al-shabaab ku doonayso in ay ku aamusiso codadka Soomaaliyeed. Mareykanku wuxuu bogaadiyey howsha weyn ay qabtaan suxufiyiinta Soomaaliyeed, wuxuuna qiray khatarta iyo dhibaatada ku gadaaman shaqadooda. Mareykanku wuxuu tilmaamay in uu garab taagan yahay dhammaan Soomaalida, si ay u difaacaan xuquuqda aan loo dulqaadan karin ee xorriyadda saxaafadda iyo xorriyadda hadalka. Ugu dambayna wuxuu ku baaqay in la soo afjaro dhaqanka rabshadaha iyo ciqaab la’aanta, kuwa wax dila. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo ka hadlay dilkii Wariye Cabdiwali Cali Xasan appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland oo galabta ka baxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxaa qarax la beegsaday dagaalamayaasha Al-Shabaab. Ciidamadan ayaa kusii jeeday degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, balse Al-Shabaab ayaa qarax la beegsaday xilli ay marayeen duleedka degmada Qooqaani, waxaana la sheegay in qaraxaasi uu haleelay gaari Cabdi-bile ah oo ka mid ahaa kolanyada ciidamada Jubbaland. Inta badan ciidankii saarnaa gaarigaas ayaa ku dhintay qaraxa, halka kuwo kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland. Ciidamada la qarxiyey ayaa u jeedka ay Dhoobley ugu socdaalayeen waxa uu ahaa in ay hor dhac u noqdaan wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maalmaha nasoo aadan doonaya in uu socdaal ku tago degmada Dhoobley. Ciidamadan ayaa loo waayey diyaarad lagu geeyo Dhoobley, maadaama qaar ka mid ah deegaanada dhaca inta u dhaxeysa Kismaayo iyo Dhoobley, ay maamulaan Al-Shabaab, waxaana lagu amray in ay xoog ku maraan dhulka ay Al-Shabaab uga suganyihiin inta u dhaxeysa Kismaayo oo ay ka bexeen iyo Dhoobley oo ay u socdeen. Saraakiisha aan la hadalnay waxa ay noo sheegeen in Madaxweyne Axmed Madoobe uu maalmaha nasoo aadan safar dhul ah ku tegi doono degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, inkastoo qaraxii galabta kadib Jubbaland walaac badani kasoo wajahay suurta galnimada socdaalka Axmed Madoobe ee Dhoobley, sida aan xogta ku helnay. Jubbaland ayaa gacanteeda laga saaray magaalooyinkii waaweynaa ee gobolka Gedo, kadib markii ay dowladda dhexe geysay ciidamo ay ka daabushay Muqdisho, waxayna hadda ku fara adeygeysaa gobolka Jubbada Hoose oo ku soo garay gacanteeda maamul. Ururka Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas ayaa war ay kasoo saareen ku sheegay in askarta ay ku dileen qaraxa ay ku jireen laba sarkaal oo hoggaamin jiray ilaalada Axmed Madoobe, kuwaas oo mid kamid ah ay derajadiisa ku sheegeen Gaashaanlle.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Bar___Qubanaha-18022020.mp3 View the full article
-
Geedi socodka nidaamka dowladeed ee aynu unkaynaa waxa uu la daaladhacayaa afkaartà qabyaaladda iyo siyaasada isxambaarsan ee bulshadeenna sida ba’an u aafeeyay, taa soo la odhan karo waxay dhabaha ka leexisay hadafkii iyo u jeedadii aynu dowladnimada ka la hayn. Waxa niyad-jabkeeda leh, in 28-sanadood oo aynu qarannimo yagleelayna ay wali qabyaaladdu innoo tahay halbeeg aynu wax ku cabirayno, islamarkaana ay innaga indho-saabtay waxyaalihii mudnaanta inoo lahaa, sida horumarinta ilaha dhaqaale ee wadankeenna, korinta iyo kaalin-galinta hayado dowladeed oo fulin kara shaqada ay u igman yihiin, hirgalinta adeegyo bulsho oo wax-ku’ool ah, dhisidda iyo dhaabadeynta bulsho xadaarad iyo aqooni hagayso, iyo in aynu ummad ahaan ku tiirsano dowladnimada kana guurno qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta inna daashatay. Sida laga dheehan karo taariikhda iyo waayo-aragnimadii laga soo dhaxlay hayaankii dheeraa ee ay nolosha aadamuhu soomartay, majirto ummad qabyaalad weheshatay oo nolosha ka midho-dhalisaa. waxay se ka dhaxashaa qalalaase, qaxoonti, gaajo, xanuuno iyo colaadaha oo dhulkeeda ku baaha. Waxa kale oo ay dhan-dhamisaa dulmiga iyo cadaaladdarada oo albaabka walba uga soo gala. Markay ummaddi tahli-waydo in ay nolosheeda si waafiya u maarayso, kuna fashilanto horumarinta dhulkeeda iyo bulshadeeda, waxay dunida kalena ka noqotaa tuke cambaar leh,oo aan karaamo iyo sharaftoona ku dhex lahayn. Sida bayjajka taariikhda iyo sooyaalka nolosha aadamuhu soo martay ay qorayaan, majiraan qarannimo iyo qabyaalad meel ku wada hanaqaadaa, waxa se hadba kora oo kaalin gala midka meesha ku soo horaysay, waana riyo iyo dhalanteet in aynu qabyaalad u weel-hayno qarannimona ku raad-joogno. Cidina dafiri-karimayso, in caqabadaha iyo mushliladaha lugta jiidaya dowladnimadeennu ay dhamaan ku aroorayaan aragtida qabaliga ah ee bulshadeenna sida ba’an ugu xididaysatay, taa soo aynu kala soo hayaanay noloshii reerguuraaga iyo raacatada ahayd. Wax-yaalaha maanta dowladnimadeenna iyo himiladeenaba nusqaanta ku ah waxa ka mid ah, musuq-maasuqa, cadaaladdarada, tafaraaruqa, shaqo la’aanta, hal-abuur la’aanta, khilaafaadka iyo fulid la’aanta shuruucda aynu ummad ahaan ku heshiinay, ku waa soo dhamina waxay salka ku hayaan afkaarta qabaliga ah, ee qalbiyada iyo quluubta bulshadeenna ka dhex-guuxaya. Waxaynu ogsoonahay, in cabashooyinka ugu badan ee maanta bulshadeenna ka soo yeedhayaa ay la xidhiidhaan saluugga ay ka qabaan xilgudashada shaqo ee waax-yaha maamul ee qarankeena. Isla-sidaa soo kale ayay hayadaha maamulkuna u tirsanayaan in caqabadaha ugu badan ee ay u dhutinayaan ay yihiin kuwo kaga imanaya bulshadooda ay u adeegayaan, iyaga oo farta ku fiiqaya in xanuunka qabyaaladdu yahay, midka ay ka dhaqaaqi waayeen. Duruufaha siyaasadeed, dhaqan iyo bulsho ee innagu gadaamina waxay hoosta ka xariiqayaan, in haldoorka bulshadu yahay halka ay dabashu innaga hayso, iyaga oo adoodi waayay in ay u ilimo-bixiyaan, shacabkoodan ay qabyaaladdu naafaysay. Si kastaba ha ahaatee, waxa eedo dib u dhacyada bulshadeenna ku gadaamani ay dusha ka fuulayaan, inta ummadda hormuudka u ah, haddii ay yihiin siyaasiyiinta, haddii ay yihiin aqoon yahanka, haddii ay yihiin madax-dhaqameedka, haddii ay yihiin war-baahinta, haddii ay yihiin suugaan yahanka iyo haddii ay yihiin ganacsada wadanku uu leeyahayba. Sababta oo ah, ummad kasta oo horumar iyo barwaaqo ku talaabsatay waxa bud-dhig u ahaa, haldoorkeeda iyo inta bulshada gadh-wadeenka u ah. Halbeegayada lagu cabiro meesha ay ummadi u socoto waxa min-qiyaas u ah, hadba inta bulshada hormuudka u ahi doorka ay ka ciyaarayaan horumarinta dhaqan dhaqaale ee bulshadooda. Haddii boqolleyda tirda ugu badan ee hormuudka bulshadu ay xambaarsan yihiin han iyo himilo durugsan, bulshadaasi waxay cagta saartaa dhabaha horumarka iyo barwaaqada. Haddii se boqolleyda tirda ugu badan ee hormuudka bulshadu ay ka madhan yihiin, aragtida toolmoon iyo hilaadin fog oo ay bulshadooda ugu sahan tagaan, waxay bulshadaasi u cagta saartaa dhabaha fashilka iyo guuldarada. Gun iyo gabo-gabadii, ummad kasta oo ka midho dhalisay hadafkii ujeedooyinkii ay la hayd, waxay ku gaadhay midnimo iyo wadajir, laakiin kuma ay gaadhin kooxaysi, danaysi iyo danyarta oo salaan laga dhigto. By Cumar Axmed Cali, cumaraxmed331@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isul wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wado isku day uu ku doonayo inuu ku heshiisiiyo Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo horey u sheegay inay ka go’een Soomaaliya. Ra’isul wasaare Abiy Ahmed ayaa doonayey inuu Magaalada Hargeysa geeyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse wuxuu isku daygaan kusoo dhamaaday guuldaro markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu si qaxayan u diiday . Muuse Biixi ayaa sheegay in uusan marnaba ogolaaneyn in uu Madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku yimaado caasimada Somaliland ee Hargeysa. Muuse Biixi ayaa si adag uga horyimid safarkaasi la sheegay ee Farmaajo, isagoona ku sheegay wax aan la aqbali karin in uu Farmaajo yimaada Somaliland, isagoo sheeganaya Madaxweyne. Haddaba Prof Ibraahim Faarax Bursaliid, oo ah aqoonyahan falanqeeya Arrimaha Gobolka ayaa sheegay inuu Abiy Ahmed arrintaan ka lahaa dano siyaadeed xilli uu wareysi siinayey idaacadda BBC qeybteeda Afka Soomaaliga. Bursaliid ayaa tilmaamay inuu ugu horeyn Abiy Ahmed ka lahaa arrintaan sidii loo hirgelin lahaa heshiiskii muranka badan ka dhashay ee Dekadda Berbera kaasoo ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabta iyadoo ay saami ku laheyd Itoobiya. “Heshiis labada dhinac dhex mara waa mid u xaglinaya in la xalaaleeyo heshiiskii Berbera ee shirkadda imaaraadka ee DP World, si Itoobiya ay u hesho saamigeedii ahaa 19%”, ayuu yiri. Sidoo kale Prof-ka ayaa sheegay in Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu arrintaan ka lahaa dano shakhsiyadeed. “Abiy Axmed wuxuu rabaa in heshiiskaas uu ku adkeysto billaddii nabadda adduunka ee uu qaatay, isagoo raba inuu wali usii muuqdo inuu yahay hoggaamiye cusub oo geeska Afrika ah, oo nabad doon ah”. Prof Bursaliid ayaa tilmaamay inuu Abiy Ahmed sidoo kale doonayey inuu arrintaan ka dhigto ololo siyaasadeed si uu codka uga helo dadka caalamiyiinta ah ee aaminsan goboleysiga iyo wax lamid ah. “Waa heshiis uu rabo inuu doorashada Itoobiya ka dhaceysa August 2020 cod uga helo dadka caalamiyiinta ah ee aaminsan goboleysiga iyo wax lamid ah, waa heshiis uu rabo inuu kusii xoojiyo qorshihii isdhex galka ahaa ee uu watay”, ayuu yiri Bursaliid.
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay guddiga diyaarinta shirweynaha wadatashiga dowlad gobaleedka Puntland iyo xubnaha ku matala labada gole ee dowladda federaalka siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeedada deegaannada Punland oo dhowaan uu ku baaqay madaxweynaha in uu dhacayo 15-ka bisha soo aadan. War qaraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay madxweynaha isagoo ka duulaya warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkii golaha xukuumadda dowlad gobaleedka Puntland ee ku qabsoomay magaalada Boosaaso, Bishii February 07, 2020, Shirkaas oo nuxurkiisa ay ka mid ahayd in la qabto shir weyne wadatashi ah 15-ka Bisha March 2020. Shirkaas oo ay isugu imaanayaan Goleyaasha Dowladda gobaleedka Puntland iyo wakiillada ku matala dowladda federaalka, dhaqanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka si looga tashado mustaqbalka Dowladda Puntland iyo doorkeeda ku aadan midnimada iyo hirgelinta hanaanka Federaaleynta Dalka. Sidaas darteed, Madaxweynaha Dowladda gobaleedka Puntland wuxuu u magacaabay Guddiga Qabanqaabada Shirka wada-tashiga Dowladda gobaleedka Puntland xubnaha hoos ku xusan oo kala ah : 1. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda _ Gudoomiye. 2. Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada _ Gudoomiye ku-xigeen. 3. Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha _Xubin. 4. Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha _ Xubin. 5. Laylo Cabdi Cartan, Lataliyaha Madaxwaynaha _ Xubin. 6. Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan _ Xubin. 7. Mahdi Siciid Xasan, Xildhibaan _ Xubin. 8. Cabdiraxmaan Maxamed Bangax, Bulshada rayidka _ Xubin. 9. Maxamuud Ismaaciil Ciyoon, Bulshada rayidka _ Xubin. 10. Axmed Cabaas Axmed, Bulshada rayidka _ Xubin. 11. Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Shuuqe), Bulshada rayidka _ Xubin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka hadlay khudbadii uu Madaxweyne Biixi uu ka hor jeediyay labada gole ee baarlamaanka Somaliland, isagoona sheegay in uu hayo xogo la xiriira kulankii Addis-Ababa. Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in diidmada Biixi ay timid kadib markii uu arkay in dadweynaha reer Somaliland ay si weyn uga hor-yimaadeen safarkii la hadal hayey ee Farmaajo ku imanayey Hargeysa. Faysal Cali ayaa xusay in Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi ay gaareen heshiis hoose, kaasi oo horseeday in Raysul wasaare Abiy Axmed uu ku hirto in uu Farmaajo isku soo raacaan Somaliland. Faysal ayaa waxa kale oo uu sheegay in ‘Diidmada qayaxan’ ee uu Muuse Biixi ku diiday imaanshaha Farmaajo, ay tahay mid ay ku kalifeen shacabka reer Somaliland, balse uu go’aankiisu ka badalnaa markii hore. Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu shaaciyay in uu hayo Xogo la xiriira kulankii Madxweyne Muuse Biixi iyo Farmaajo ku dhex-maray magaalada Addis-Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. “Waxani waa wax ay ku soo heshiiyeen markuu arkay mawjaddii shacabka Somaliland ayuu is baddalay, xogo kalana waan hayaa iyo waxaa ku kallifaya” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid. Madaxweynaha Somaliland, oo maanta khudbadii sanadlaha aheyd ee Dastuuriga ka horjeedinayey labada gole ee baarlamaanka, ayaa sheegay in uusan marnaba ogolaaneyn in uu Madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku yimaado caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu soo dhaweeyay Raali-gelin uu dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya uu ka bixiyey xasuuqii dowladda kacaanka ay ku qaaday Somaliland, isagoona arrintaasi ku sheegay mid kedis ku noqotay oo uusan fileyn.
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay xoghayaha maamulka urur gobaleedka IGAD, Dr. Wrorkneh Gebeyehu iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid dalka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iy0 Dr. Wrorkneh Gebeyehu ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimaha gobalka, guud ahaan xaaladda dalka iyo garab istaagga IGAD ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Dr. Wrorkneh Gebeyehu oo socdaalkiisa uu dalka ku yimid uu ahaa booqashadiisii ugu horreysatay intuu uu ahaa xogyahaya IGAD ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay soo dhaweyta, waxuuna hoggaanka dalka ku bogaadiyay dadaalka iyo ka go’naashahooda hormuudka u noqday in horumar laga gaaro qorshaha dib-u-habeynta. Soomaaliya ayaa kamid ah aasaasayaashii urur gobaleedka IGAD oo ay ku mideysanyihiin dalalka Soomaaliya Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Suudaan, Sudaanta Koonfureed iyo Uganda. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-maamuuseed ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka, Xog-hayaha Guud ee urur-goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu. Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Xoghayeha cusub ee IGAD xilkan dhawaan loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ka miro-dhaliya qorsheyaasha heer gobol ee kor u qaadista iskaashiga, nabadda iyo horumarka dalal ku mideysan IGAD oo Soomaaliya ay ka mid tahay bud-dhigeyaasha ururkan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Habeen-18022020.mp3 View the full article
-
Mogadishu ( PP Features Desk) – Already grappling with crippling unemployment Somali women face a starker challenge in the labour market of their homeland. Some employers demand physical relationship from female job applicants in exchange for a job. 5TV has interviewed a 19-year-old Somali girl in Mogadishu whose experience in navigating the labour market in the capital city beggars belief. The female applicant applied for a cleaning job with one of the universities in Mogadishu. The employer promised to recruit her if she “agrees to his proposal to have his carnal desire satisfied by her.” “I was shocked at his demand,” the girl told 5TV. The girl’s divorced mother is stranded in war-torn Sana’a, Yemen. She lives with her father and stepmother. “Living with a stepmother is challenging and that is why I had to look for a job,” she said. Somali women face discrimination from private sector employers in Mogadishu The experience of the Somali girl brings to light the fact that the society is unaware that sexual predators in well-regarded institutions prey upon vulnerable job-seeking Somali girls. She applied for another cleaning job with a major Mogadishu-based company. The HR Officer was more honest with her about what she will encounter at the workplace if she joins the staff. “Somali and non-Somali men can grab any part of your body or fondle you at work. This job will damage your reputation,” the HR Officer told the job-seeking girl. The girl did not accept the conditional job offer. Somali women face widespread discrimination in the labour market. Monopolistic businesses and patriarchal tradition made worse by post-1991 identity politics conspire to put women at disadvantage when seeking gainful employment. The gradual recovery of Somalia from the civil war would not have been possible had not Somali women assumed the role of the breadwinner after the state collapse and attendant displacements from 1991. Somalia does not have a law barring employers from discriminating against employees or job applicants. The absence of such a law predisposes some employers to use their position and power to try to pressure female job applicants into sexual relationship. “There is no an equal opportunity employment policy to which employers subscribe,” says a Ahmed Said, a Somali lawyer in Mogadishu. Somali women have less than 30% representation in the Federal Parliament and the Upper House. “Proposing and passing a law against employment discrimination should be made the legislative agenda of the current or the next Parliament and the Upper House,” added Said. © Puntland Post, 2020 The post Employers Demand Physical Relationship from Somali Female Jobseekers appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gaalkacyo ayaa sheegaya in maanta ciidamo cusub oo ka tirsan kuwa Puntland lagu arkay waqooyiga degmadaasi. Ciidamadaan oo lagu soo daadiyey jidadka magaalada, gaar ahaan xaafadda Garsoor ayaa dhaq dhaqaaqyo cusub iyo howlgallo baaritaano ah ka bilaabay halkaasi. Sidoo kale ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamadu ay su’aalo dheeraad ah weydiinayaan dadka ay ka shakiyaan, si loo hubiyo. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ujeedka uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga dhinaca waqooyi ee Gaalkacyo oo marar qaar ay ka dhacaan falal amaan darri. Xalay ayey aheyd markii mas’uul ka tirsanaa maamulka Gaalkacyo lagu dilay xaafadda Garsoor oo waqooyiga ku taalla, kaas oo ay toogashadiisu sheegatay Al-Shabaab. Dhaq dhaqaaqyada ay haatan Puntland bilowday ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyadoo dhowaan guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulkaasi, Mudane Axmed Muuse Nuur uu ka digay qorshe ay waddo dowladda federaalka, oo sida uu sheegay, ay ciidamo ugu daabuleyso qeybo kamid ah Gobolka Mudug. Guddoomiye Axmed, ayaa sheegay in bisha Sedexaad ee sanadkaan ay Dowladda Soomaaliya dooneyso inay ciidamo geyso Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Mudug si ay u qabsato guud ahaan Gobolka Mudug oo ay isla maamulaan Puntland iyo Galmudug. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inay Dowladda Soomaaliya qorshahaas ugu magac dartay Xoraynta Gobolka Mudug isla markaasna ay ujeedada tahay sidii loogala wareegi lahaa Maamulka Puntland qeybaha ay ka maamusho Gobolkaas.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaaladda Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti. Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jabuuti kusoo dhaweeyay, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Warfaafinta Jabuuti Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka dabiiciga ah Yoonis Cali Geedi, Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Ambassador Aadan Xasan Aadan iyo Wakiilka Puntland ee Jabuuti Siciid Mahdi, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid iyo Saraakiil ka tirsan madaxtooyada. Puntland ma sheegin u jeedada safarka Madaxweyne Deni ee Jabuuti, balse ilo’ xog ogaal ah yaa Puntland Post u sheegay in safarkaasi la xiriiro marti-qaad Madaxweyne Deni ka helay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, islamarkaana safarkiisu ku saabsanyahay iskaashiga Puntland iyo Jabuuti. Warar kale oo Puntland Post heshay, oo aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya, in madaxweyne Deni safarkiisu ka dambeeyay, kulan uu dhowaan la qaatay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika Gen. Stephen J. Townsend. Gen. Townsend ayaa sida wararku sheegayaan madaxweyne Deni kala hadlay, in Talis cusub ay AFRICOM ka sameysato Boosaaso, si loo xoojiyo la-dagaallanka Argagixisada. Balse, arrintaas oo ay horay uga wada-hadleen dowladda Soomaaliya iyo Taliska AFRICOM, ayeysan weli Puntland go’aan rasmiya ka qaadan. Xogtu waxay intaas ku daraysaa, in Saraakiil sare oo Maraykan ah uu madaxweyne Deni kula kulmi doono magaalada Jabuuti, si arrintaas loo sii dhaqaajiyo. Maraykanka ayaa la aaminsanyahay in uu si weyn u raadinayo saldhig kale oo ka sameysto Badda Cas, halkaasi oo uu ku yaallo Gacanka Cadmeed ee Istiraatiijiga ah. Dalka Jabuuti, waxaa saldhig ciidan ku leh dalal kala duwan oo awood leh, kuwaas oo uu kamid yahay waddanka Shiinaha oo Maraykanka kula xifaaltama Qaaradda Afrika. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo lagu soo dhaweeyay Jabuuti appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland leader, Mise Abdi Bihi has lauded President Mohamed Farmaajo’s move to apologize to Somaliland over atrocities committed by Mohamed Siyad Barre’s regime in 19980s. Addressing both houses of Somaliland, Bihi said the move by president will promote peace and brotherhood between the sides. “We welcome the apology by president Mohamed Abdullahi Farmajo and this good step towards peace,” Bihi said. Bihi also detailed about his trip to Addis Ababa saying he visited Ethiopia after he was invited by prime minister Abiy Ahmed. He said he met with African leaders to discuss over issues related to Somaliland’s development. The development comes barely three days after Somali government for first time in over four decades extended apology to Somaliland people over alleged atrocities. Siyad Barre’s regime was said to have committed massacre which claimed lives of over thousands of people in 1980s. Barre’s regime reportedly killed people esmated to be people between 50,000 and 100,000. Last week president Farmajo and Somaliland leader Muse Bihi in Addis Ababa town of Ethiopia but it is yet unclear what they discussed. Since 2014, when Federal Government of Somalia and Somaliland signed accord following three-day talks moderated by the Turkish Foreign Ministry, the authorities in Somalia have been trying to resolve the concerns of Somaliland leaders. The sides agreed in 2014 that they continue the talks facilitated by Turkey but months later Somaliland rescinded its decision and accused Turkey of supporting Somalia against Somaliland. It is six years down the line since Somalia, and Somaliland talks brokered by Turkey had collapsed with no tangible progress reached following intransigence by the sides. Somaliland, a former British protectorate proclaimed independence from the rest of Somalia after the collapse of the central government collapsed in 1991. View the full article
