Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Saraakiil ka tiran ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ahaa iyo dagaal xigay oo saaka Al-Shabaab ay ku qaaday deegaanka Ceel-Saliini ee gobolka Shabheelaha Hoose. Saraakiishaan ayaa sheegay inay ka hortageen weerarkaasi, islamarkaan ay khasaare kala duwan ku gaarsiiyeen dagaalyahannadii hubeysnaa ee weerarka qaaday. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen saraakiishu in iyagoo ku jira feejignaan uu dagaalku dhacay, taasina ay sahashay inay fashliliyaan, sida ay hadalka u dhigeen. “Ciidamada oo ka feejignaa weerarka Al-Shabaab ayaa ka hortagay isku daygaasi oo ay soo qaadeen Al-Shabaab, balse Khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa lagu gaarsiiyay halkaasi”. ayaa lagu yiro qoraal ka soo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka. Dhanka ka kale war qoraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay weerarkaasi dagaalyahanadooda ay ku dileen 41 askari, sida ay hadalka u dhigtay. Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in gabi ahaan ay gubeen gawaaridii dagaalka ee tiilay saldhigga, kuwaas oo gaarayey illaa 6 baabuur. Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas, marka laga tago sheegashada guulaha ee labada dhinaca. Xaaladda deegaanka Ceel-Saliini ayaa hadda degan, waxaana weli gacanta ku haya ciidamada milatariga Soomaaliya oo dhaq dhaqaaq ka wada halkaasi. View the full article
  2. Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hirshabeelle ahna kusimaha Madaxweynaha Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe ayaa Magaalada Jowhar kulan kula qaatay Saraakiil Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM. Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle iyo Saraakiisha AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ee ka howlgala Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan maamulkaas. Sidoo kale Cali Guudleewe ayaa Saraakiisha AMISOM kala hadlay sugida amniga degaanada Hirshabeelle iyo dardar gelinta hawlgalada ka dhan ah malayshiyaadka Al-shabaab. Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay Muqdisho kula kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM, iyagoo ka wada hadlay arrimaha Ammaanka DeegaanadaHirshabelle iyo Qorshaha Xoreynta, furista Wadooyinka ay go’doomiyeen Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-Xigeenka Hirshabeelle oo Kulan La Qaatay Saraakiil ka tirsan AMISOM appeared first on Puntland Post.
  3. Xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku yeeshay kulan ayaa waxa ay meel mariyeen hindise sharciyeedyo kala duwan oo gaaraya ilaa iyo 7 hindise sharciyeed. Hindise sharciyeedyada ay meel mariyeen mudanayaasha aqalka hoose ayaa waxa ay kala yihiin hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka ee heer federal, hindise sharciyeedka duulista rayidka, hindise sharciyeedka jaan-goynta iyo tayo dhowrka dalka, hindise sharciyeedka tirakoobka qaranka, hindise sharciyeedka xeerka warbaahinta, hindise sharciyeedka howlgabka iyo xaqsiinta ciidamada, hindise sharciyeedka dib u eegista iyo kaabista sharciga xisbiyada siyaasada dalka. Halkan ka akhriso: Hindise sharciyeedyadan ayaa waxa ay sharci rasmi ah noqon doonaan marka uu saxiixo madaxweynaha Soomaaliya Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Wararka laga helayo gobolka Mandera ayaa sheegaya in weerar lala beegsaday baabuur bas ah uu maanta ka dhacay degaankaas. Warbaahinta Maxalliga ah iyo dadka degaanku ayaa laga soo xigtay in maleeshiyo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerareen baabuurka oo u socday magaalada Nairobi. Wararka hordhaca ah oo halkaas laga helayo waxay sheegayaan in uu jiro khasaare nafeed oo ay gaysteen maleeshiyada weerartay baabuurkaas baska ah. Warbaahinta dalka Kenya ayaa werinaya in weerarka lagu dilay ugu yaraan saddex qof, islamarkaana lagu dhaawacay shan kale. Baska la weeraray ayaa waxaa iska leh shirkadda lagu magacaabo Moyale Raha, waxaana uu ka mid yahay basaska ay isticmaalaan dadka rayidka ah ee iskaga kala gooshaya gobollada Kenya. PUNTLAND POST The post Bas u socday Nairobi oo lagu weeraray Mandera appeared first on Puntland Post.
  5. Bas ka yimid Magaalada Mandheera oo u socdey Nairobi ayaa kooxo hubaysan ay jidka u galeen, kooxdaasoo loo badinayo iney yihiin Al-Shabaab. Sadex Qof ayaa [...] Source
  6. Wasir ku xigeenka wasaaradda Dastuurka Soomaaliya, Dr; Xuseen Cabdi Cilmi ayaa soo xiray kulan looga hadlayay dib u eegista Dastuurka. Kulanka oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Dastuurka iyo Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxaa looga dooday hannaanka faderaaleynta, maaliyadda, awood qeybsiga, nidaamka caddaaladda iyo amniga, maqaamka Muqdisho, kheyraad-wadaaga, nooca qaab-dhismeedka Dowladda iyo qodobbo kale oo muhiim u ah dhameystirka Dastuurka. Wasiir Ku-xigeenka ayaa u mahad celiyay wasaaradaha, hay’adaha Dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee ka qayb qaatay 18-kii Cisho ee ay socdeen kulamo-howleedyada, isagoo si ah u dul istaagan kaalinkii ay ku lahayd Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Wuxuuna sheegay in ay rajeynayaan qaban-qaabada banbax-howleed ay yeelan doonaan Golaha Wasiirrada, iyada oo la horgeeyn doono arrimihii laga shaqeeyay intii ay socdeen kulamadan. Wasaaradda Dastuurka ayaa lagu wadaa in Sanadkan gudahiisa ay dhameystirto dib u eegista Dastuurka, iyada oo xoojineysa wada shaqeynta kala dhaxeeysa dhamaan Guddiyada iyo hay’adaha kale ee Dowladda ee ku lugta leh arrimaha Dastuurka ee u baahan in heshiis siyaasadeed laga gaaro. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  7. Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu oo booqasho rasmi ah ku jooga Soomaaliya ayaa kulan la qaatay ergeyga IGAD ee arimaha Soomaliya, Maxamed Cali Guyo iyo wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya. Francisco Maderia. Kulanka dhexmaray mas’uuliyiintaan ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin ammaanka, kobaca dhaqaalaha iyo guud ahaan xaaladda amni ee gobolka. Sidoo kale kulankan inta uu socday wakiilka gaarka ah ee ururka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya, Francisco Madeira ayaa boggaadiyay taageerada IGAD ee ku aadan horumar laga sameeyo dhinaca ammaanka ee Soomaaliya iyo geeska Africa. IGAD iyo AMISOM ayaa dhanka kale isku soo qaaday doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan Soomaaliya iyo qorshaha ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee daba socda qaraarkii golaha ammaanka ee QM iyo sida AMISOM ay ugu diyaar garoobeen. Si kastaba ha’ahaatee shalay ayey aheyd markii xoghayaha urur goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Kheyre oo ugu hambalyeeyey xilka xoghayaha cusub ee ururkaasi View the full article
  8. By: Prof. Dr. Bischara Ali Egal “Let us resolve that never again will we send the precious young blood of this country to die trying to prop up a corrupt military dictatorship abroad. This is also the time to turn away from excessive preoccupation overseas to the rebuilding of our own nation. America must be restored to a proper role in the world. But we can do that only through the recovery of confidence in ourselves…. together we will call America home to the ideals that nourished us from the beginning. From secrecy and deception in high places; come home, America. From military spending so wasteful that it weakens our nation; come home, America.”—George S. McGovern, former Senator and presidential candidate (1) A) In Search Of Bases & Mineral Resources To Loot And Pillage al a Iraq/Syria A US delegation headed by US AFRICOM commander Gen. James C. McConville , US ambassador for Somalia Donald Yamamoto, US deep state directors for The Horn (Somalia included) paid a visit to President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajoo (Former American citizen who since August 2019 renounced his US citizenship) on January 8th, at Villa Somalia, Mogadishu, Somalia. They had the audacity/gall to diplomatically pressure the president and Somalia to ‘sever/cut relations with Turkey and to close their military base in Mogadishu, Somalia. And requested if the US could establish a huge military base on the Indian Ocean coastal town of Jazeera (22 km from Mogadishu) where they said they will train Somali National Army (lies + Deceit Deception); which President Farmajoo politely declined, refused and rejected by telling them that Turkey was and still is the only nation that came to Somalia’s assistance during the country’s humanitarian and political crisis with humanitarian aid, diplomatic, military, economic and cultural support since 2014 . B) Turkish-Somali Relations Prime Minister Recep Tayyip Erdoğan’s courageous visit to Mogadishu in August 2011 at the height of the famine and his decision to open an embassy gave fresh impetus to efforts to establish lasting peace. Widespread Somali gratitude for Turkish humanitarian endeavours and the country’s status as a Muslim and democratic state established Turkey as a welcome partner. Ankara has signaled that it is in for the long haul. However, it must tread prudently, eschew unilateralism and learn lessons to avoid another failed international intervention. (2) This relationship is based on mutual bilateral relationship which emanates from the historic Ottoman Empire contacts and relations with pre-colonial Somalia, specially in the Northern and Northeastern regions of the country. Both Somalia and Turkey are Sunni Muslims and belong to the Organization of Islamic Cooperation. Turkey offered over 5700 University scholarships to Somali students since 2013 for free, especially in the agricultural, educational, engineering, social and applied studies fields, which Somalia lacked most since the post- civil war period. Turkey opened its biggest overseas military base on Saturday in Somalia’s capital, cementing its ties with the volatile but strategic Muslim nation and building a presence in East Africa. More than 10,000 Somali soldiers will be trained by Turkish officers at the base, a senior Turkish official said ahead of a ceremony in Mogadishu attended by Turkish military chief of staff Hulusi Akar. The opening of the $50 million base signals ever-closer ties between Turkey and Somalia. Turkey’s relations with the Horn of Africa date back to the Ottoman Empire, but President Tayyip Erdogan’s government has become a close ally of the Somali government in recent years. At the opening ceremony on Saturday, Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire thanked the Turkish government for opening the training school and said it would help the government “reconstruct” its national force — “not based on clan…not from a particular place, but well-trained forces that represent the Somali people.” He noted that the military school was Turkey’s biggest overseas. The facility can train and house 1,000 soldiers at a time and also has sports courts and a running track. Erdogan, whose roots are in political Islam, is an outspoken defender of Muslims, particularly those in need of humanitarian aid, such as Syrian refugees and Myanmar’s Rohingya. (3) Analysts say that, in the aftermath of the Arab Spring, as Turkey’s foreign policy forays close to home have floundered, Ankara has found a willing partner in Somalia. The Somali Federal government and the people see Turkish- Somali relationship as win- win unlike the US/EU/AFRICOM/NATO empire subjugation. The Somali people expect the Turks to be much more different both culturally, psychologically and historically, than their experiences with the American and European Empires in assisting/rebuilding Somalia’s National Military and Police forces with both financial and technical support;  Help Somalia create a professional, decentralized police force, which, rather than external forces such as AMISOM (which will be leaving in 2021) will be responsible for the consolidation of peace and security;  Coordinate with other countries and international agencies to prevent overlap and ensure aid is provided strategically;  Ensure Turkish businesspeople operating in Somalia neither exploit vulnerable Somalis nor are exploited by Somali elite; (4) Thus, Somalis have a traumatic political experience with US political and military cooperation support which dates back both with the Kennedy (1962-3) and Carter (1977-8) Administration and left them in da angerous and disastrous security , diplomatic, economic and geo-strategic crisis. C) Tomorrow’s Battlefield: U.S. Proxy Wars and Secret Ops in Africa since 9/11 The U.S. military reportedly has more than 1.3 million men and women on active duty, with more than 200,000 of them stationed overseas in nearly every country in the world. Those numbers are likely significantly higher in keeping with the Pentagon’s policy of not fully disclosing where and how many troops are deployed for the sake of “operational security and denying the enemy any advantage.” As investigative journalist David Vine explains, “Although few Americans realize it, the United States likely has more bases in foreign lands than any other people, nation, or empire in history.” Don’t fall for the propaganda, though: America’s military forces aren’t being deployed abroad to protect our freedoms here at home. Rather, they’re being used to guard oil fields, build foreign infrastructure and protect the financial interests of the corporate elite. In fact, the United States military spends about $81 billion a year just to protect oil supplies around the world. The reach of America’s military empire includes close to 800 bases in as many as 160 countries, operated at a cost of more than $156 billion annually. As Vine reports, “Even US military resorts and recreation areas in places like the Bavarian Alps and Seoul, South Korea, are bases of a kind. Worldwide, the military runs more than 170 golf courses.” This is how a military empire occupies the globe. Already, American military service people are being deployed to far-flung places in the Middle East and elsewhere in anticipation of the war drums being sounded over Iran. (5) Somalia does not want to be “Tomorrow’sBattlefield” in the US empire’s hegemonic military power/empire. There are already over 5000 illegal, illegitimate and unauthorized US personal in Somalia on the pretext of the Fake War On Terror (GWOT) since 2014. Somali People and their political/social/cultural leadership have a painful experience and memory of the US’ destructive brutality, wanton violence, vicious racism, death and the destruction of Somali infrastructures including both public and private properties; not to mention outright looting, pillaging and exploiting without any regard for international laws and human rights in the fake phony ‘Operation Restore Hope “ of 1991-4 by PresidentGeorge Hubert W. Bush Sr. “Gripping and meticulous, Nick Turse’s reporting on Africa sheds much-needed light on shadowy missions the U.S. military would rather keep secret. His investigations of U.S. military missions in Africa in Tomorrow’s Battlefield reveal a secret war with grave implications for Africans and Americans, alike. the secret war that the USA has been waging in Africa since 2001 is a perfect example of the upcoming future wars that the American Empire world intends to fight around the world and a perfect example is what is currently happening in Iraq, Syria and Iran in the M.E. D) Conclusions Finally, on a planet still impressively heavily garrisoned by Washington, hardly noticed by anyone and rarely written about, the U.S. military has for years been quietly moving into Africa in a distinctly below-the-radar fashion (6). As for the military base built by Turkey, it will stay in Somalia for the next 50 years, while the Americans just leave behind physical, structural and social destruction that will last many decades to come. Prof. Dr. Bischara Ali Egal is Executive Director, Chief Researcher of The Horn of Africa Center for Strategic and international Studies (Horncsis.org) Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You Footnotes: https://www.lewrockwell.com/2020/01/john-w-whitehead/come-home-america-stop-policing-the-globe-and-put-an-end-to-wars-without-end/ (accessed January 9h, 2020) https://www.crisisgroup.org/africa/horn-africa/somalia/assessing-turkey-s-role-somalia (Accessed January 9th, 2020) https://www.reuters.com/article/us-somalia-turkey-military/turkey-opens-military-base-in-mogadishu-to-train-somali-soldiers-idUSKCN1C50JH (Accessed January 9, 2020) https://www.crisisgroup.org/africa/horn-africa/somalia/assessing-turkey-s-role-somalia (Accessed January 9th, 2020) https://www.lewrockwell.com/2020/01/john-w-whitehead/come-home-america-stop-policing-the-globe-and-put-an-end-to-wars-without-end/ (accessed January9, 2020) Nick Turse:Tomorrow’s Battlefield: U.S. Proxy Wars and Secret Ops in Africa (Dispatch Books)Paperback– May 19, 2015 Ibid https://www.tomdispatch.com/blog/175818/tomgram%3A_nick_turse,_american_proxy_wars_in_africa (accessed January 9, 2020)
  9. At least three people were on Wednesday killed and six others injured during an Al Shabaab attack on a passenger bus in Mandera. Source: Hiiraan Online
  10. Wasaaradda cadaaladda, arrimaha Diinta iyo dhaqan-celinta ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa si KMG ah shaqo joojin ugu sameysay shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka iyo Cumrada ee ka howlgala deegaanada maamulkaasi. Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka wasaaradaasi, Mudane Cawil Sheekh Xaamud ayaa si rasmi ah loogu hakiyey shaqooyinkii shirkadahaasi. Sidoo kale waxaa mas’uuliyiinta shirkadahaan loo qabtay muddo todobo cisho inay ku yimaadaan xarunta wasaaradda, si loo hubiyo. Halkaan hoose ka akhriso: View the full article
  11. Wasiirka maaliyada xukuumada federaalka ee dalka Ethiopia Axmed Shide ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal, waxaana ku soo dhaweeyay xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Muuse Biixi Cabdi, iyadoona uu isla maanta kulan gaar ah madaxweynaha uu kula qaadan doono qasriga madaxtooyada ee Somaliland. Safarka wasiir Axmed Shide ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo arrimo la xiriira wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Wararka ka imaanaya Hargaysa ayaa sheegaya in socdaalka wafdigan Ethiopia ee booqashada ku tegay halkaasi ay soo dadajisay qorshihii dhiciska noqday ee abiy Axmed, maadaama Somaliland ay iska diiday in Farmaajo uu booqdo magaaladaasi. Madaxweynaha Soomaaliland oo shalay khudbad ka horjeediyey labadda gole ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa cadow ku tilmaamay dowladda federaalka, wuxuuna cod dheer ku sheegay in ay la gashay Somaliland dagaal toos ah iyo mid dadban intaba. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-19022020.mp3 View the full article
  13. Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Wuxuu shalay la hadlay Shacabka Soomaaliland isagoo Guud maray marxalado dhowra oo horyaal Xukuumadiisa iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya. Muuse Biixi wuxuu [...] Source
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Maleeshiyo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday bas ka yimid magaalada Mandhera una socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Ugu yaraan saddex qof oo rakaab ahaa ayaa illaa hadda la xaqiijiyey in lagu dilay weerarkan oo ka dhacay degaanka Sarman ee Mandhera, ayada oo shan kalena lagu dhaawacay. Maamulka shirkadda Moyale Raha, oo lahayd baska la weeraray, ayaa sheegay in baska oo Mandhera ka tagay aroortii hore ee saaka, rasaas oodda looga qaaday isaga oo ku wajahan Nairobi. “Waxaa nalo sheegay in kooxda hubeysan ay baska rasaas uga fureen taayarada, hase yeeshee darawalka uu xawaaraha dheereeyey kadibna rasaas kale uu la kulmay,” waxaa sidaas yiri qof ka tirsan shirkadda. Guddoomiyaha County-ga Mandhera, Onesmus Kathya ayaa xaqiijiyey weerarka, hase yeeshee waxa uu sheegay in xafiiskiisa uusan hayn faah-faahin dheeri ah. “Waxbaa dhacay, balse waxaan weli sugayaa faah-faahinta,” ayuu yiri Onesmus Kathya. Naga filo faah-faahin dheeri ah dhowaan Insha Allah.
  15. Taliyaha guutada 1-aad ee ciidanka xoogga Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici) oo la hadlay Goobjoog News ayaa beeniyay wararka sheegaya in gaashaanluhu uu ku dhaawacmay weerarkii Al shabaab saakay ay ku qaadeen deegaanka Ceel Saliini ee gobalka Shabeelaha hoose. Xasan Jaamici ayaa yiri “Aniga waan fiicanahay Alxamdulilaah waxba ima gaarin wax dhibaata ah ma qabo waan fiicanahay” Dhinaca kale Gashaanlahan ayaa inoo xaqiijiyay in qaraxyadii iyo weerarkii saakay ay ku geeriyoodeen 4 askari isga ogaantiisa, waxa unna tilmaamay in haatan ay xaaladdu degantahay. Ugu dambeyn Xasan Jaamici taliyaha guutada 1-aad ee ciidanka xoogga ayaa sheegay in haatan deegaanka ay gacanta ku hayaan islamarkaana ay iska caabiyeen weerarkii uga yimid Al shabaab. Saakay aroortii ayaa Al shabaab waxa ay weerar ku bilawday qaraxyo ka geysteen deegaanka Ceel Saliini iyo degmada Qoryooleey oo kawada tirsan gobalka Shabeelaha hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Cali Khayre ayaa guddoomiyey shir uu isugu yeeyay taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada, kaas oo looga hadlay dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Kulanka oo ka dhacay xarunta taliska Booliiska Soomaaliyeed ee Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka qeybo galay wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka. Ilo ku dhow shirka ayaa innoo sheegay in inta badan diirada la saaray sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay heysato, loogana hortagi lahaa weerarada ay fuliso. Sidoo kale ra’iisul wasaare Khayre oo madasha ka hadlay ayaa faray dhammaan wasiirada iyo taliyeyaasha ciidamada kulanka ka qayb galay inay dar-dar geliyaan dadaallada lagu diyaarinayo howlgallada cusub ee ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab. Gabagabada shirkan oo looga hadlayey amniga, gaar ahaan howlgallada ciidamada ayaa laga soo saaray go’aano ku aadan dagaalka Al-Shabaab, iyada oo la’isla gartay in sida ugu dhaqsaha badan lagu dhameystiro qorshaha Al-Shabaab looga saaro dalka. Taliyeyaasha ciidamada ayaa dhankooda ballan qaaday fulinta amarada iyo go’aanada ka soo baxa golaha wasiirada, iyaga oo intaasi ku daray inay ka go’an tahay in la dardar geliyo howlgallada ka socda gobollada dalka. Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan qeybo ka mid ah dalka, waxaana weeraro qorsheysan iyo qaraxyo ay ka fulisaa meelo badan oo ay ugu horeyso magaalada Muqdisho.
  17. HARGEISA (HOL) - An Ethiopian delegation led by Finance Minister Ahmed Shide arrived in Hargeisa Wednesday in what sources said was set to lay the groundwork for PM Ahmed Abiy’s mediation for a visit of President Mohamed Farmaajo to the break-away region of Somaliland. Source: Hiiraan Online
  18. MOGADISHU (HOL) - Somali security forces killed five Al-Shabaab extremists on Wednesday in a fierce fight in Qoryoley town in the southern region of Lower Shabelle, a military officer confirmed. Source: Hiiraan Online
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland uu goordhoweyd gaadhay wafdi uu hogaaminayo wasiirka maaaliyada Itoobiya, Axmed Shide. Wasiirka ayaa waxaa madaarka magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Muuse Biixi Cabdi, iyadoona uu isla maanta kulan uu madaxweynaha kula qaadan doono qasriga madaxtooyada Somaliland. Sida ay ogaatay Caasimada Online ujeedka safarka wasiirkan ayaa ah sidii loo dar-dar gelin lahaa xidhiidhka labada dhinac, iyo weliba arrimo la xidhiidha wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu wasiirku qeyb ka yahay cadaadsiyo ay dowladda Itoobiya ku saareyso xukuumadda Biixi inay Hargeysa ku soo dhaweeyaan Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Booqashada wafdigan ayaa ku soo aadeysa xili uu shalay Madaxweynaha Somaliland uu si qayaxan uga horyimid safarka uu Madaxweyne Farmaajo ku imanayo Hargeysa Madaxweynaha Somaliland ayaa khudbad uu ka horjeedinayey labada gole ee Baarlamaanka si cad ugu sheegay inuusan marnaba aqbaleyn inuu Farmaajo safar ku imaado magaalada Hargeysa, isaga oo la socda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xukuumadda oo ku aadan booqashada wafdigan ay saaka ku imaadeen Hargeysa, balse waxa la filayaa in saacadaha soo socda ay ka hadlaan.
  20. Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda cadaaladda, arrimaha Diinta, dastuurka iyo dhaqan-celinta ee dowlad goboleedka Puntland ayaa si ku meel gaar ah shaqo joojin ugu sameysay shirkadaha ka shaqeeya arrimaha xajka iyo cumrada. Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka cadaaladda maamulkaasi, Mudane Cawil Sheekh Xaamud ayaa si rasmi ah loogu hakiyey shaqooyinkii shirkadahaasi, waxaana loo qabtay muddo todobo cisho inay ku yimaadaan xarunta wasaaradda, si loo hubiyo. Sidoo kale warqadaan ayaa lagu sheegay in shirkadii fulin weysa amarkasi laga qaadi doono talaabo adag oo waafaqsan sharciga. Ugu dambeyn wasaaradda cadaaladda Puntland ayaa tilmaamtay in ujeedada u tahay in lala socdo tayada iyo habsami u socdkaa shaqooyinka ay qabtaan shirkadaasi. Hoos ka akhriso
  21. Al-Shabaab Islamists on Wednesday carried out attacks on two Somali military bases, using a suicide vehicle bombing and dozens of heavily armed militants, a military official said. Source: Hiiraan Online
  22. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal saakay aroortii Al shabaab ay ku qaadeen degmada Qoryooleey iyo deegaanka Ceelsaliini ee gobalka Shabeelaha hoose. Al shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilawday waxa ay ku qaadeen degmada Qoryooleey, waxaana markaas wixii ka dambeeyay degmadaasi ka bilawday dagaal fool ka fool ah oo ciidanka dowladda iyo Al shabaab u dhaxeeyay, waxaana la soo sheegayaa in dagaalkaasi uu qaaatay saacado. Al shabaab waxa ay sheegteen in dagaalkaasi ay khasaare xooggan ku gaarsiiyeen ciidanka dowladda, iyaga oo sidoo kale sheegtay in gacanta ku heynta Qoryooleey ay gacanta ku dhigeen. Dhinaca kale Al shabaab waxa ay sheegeen in deegaanka Ceel Siliini ay weerareen islamarkaana ciidankii halkaasi ku sugnaa ay ka qabsadeen gaadiid iyo saanad hub, sida lagu daabacay bogoga lagu taageero dagaalamayaasha Al shabaab. Saraakiil ka tirsan dowladda kuna sugan goobaha saakay la weeraray oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxa ay dhinacooda sheegeen in weeraradii saakay ay soo qaadeen Al shabaab ay iska caabiyeen islamarkaana khasaare kala duwan ay gaarsiiyeen dagaalamayaashii weerarka ku soo qaaday. Marka laga yimaado sheegashada labada dhinac ay kala sheeganayaan, ma jirto war rasmi ah oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarada lagu kala qaaday degmada Qoryooleey iyo deegaanka Ceel Saliini ee gobalka Shabeelaha hoose. Inta badan Al shabaab ayaa weeraro kedis ah ku qaada fariisimaha ciidanka dowladda ay ku leeyihiin gobalka Shabeelaha hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. (SLT-Hargeysa)-Wefti uu hoggaaminnaayo Wasiirka Maaliyadda ee dalka Ethiopia Axmed Shidde ayaa la filayaa inay Maanta soo gaadhaan Caasimadda Hargeisa ee xarunta Somaliland. Ma jiro war rasmiya oo dawladda Ethiopia ka soo saartay Booqashadda Weftiga uu hogaaminaayo Wasiirka Maaliyadda ee dalkaas, balse Ilo wareedyo kala duwan ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Arbacadda maanta ah ay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ay soo gaadhi doonnaan Wefti uu hoggaaminnaayo Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee dalka Ethiopia Mudane, Axmed Shidde iyo Wasiirul-dawladdaha arrimaha dibadda ee dalkaas, waxaanna la filayaa inay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kala hadli doonnaan, isla markaanna u gudbin doonnaan dhambaalo iyo farriimo ay uga siddaan Ra’iisul-wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed. Warku waxa uu intaas ku daray in Xubnaha Weftiga dalka Ethiopia ee uu hoggaaminnaayo Wasiirka Maaliyadda ee dalkaas Ahmed Shidde ay Muuse Biixi Cabdi ku qancin doonnaan aqballaada Booqasho ay si wada-jir ah ugu yimaaddaan Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, taasoo sida wararku sheegayaan uu toddobaadkii hore kula soo qaatay magaalada Addis ababa oo ay kulan ku yeesheen madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, taasoo wax iska badalleen markii uu Hargeisa soo gaadhay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Si kastaba ha ahaatee, Weftigan uu horkacaayo Wasiirka Maaliyadda Ethiopia ayaa la filayaa inay Madaxweyne Muuse Biixi u soo bandhigaan fullinta qoddobadii uu ku soo aqbalay magaalada Addis ababa ee dalka Ethiopia, iyaddoo uu madaxweynuhu kunna khudbad sanadeedkii uu maalintii shalay uu u jeeddiyay goleyaasha uu ku sheegay inaanay suurto-gal ahayn booqasho uu Madaxweyne Farmaajo ku yimaaddo Caasimadda Somaliland ee Hargaysa, hase yeeshee waxa aynu isha ku hayn doonnaa Qoddobadda ay Weftigaaasi u soo gudbiyaan iyo go’aannada uu ka qaaddo Muuse Biixi Cabdi Source
  24. Muqdisho (Cassimada Online) – Saraakiil ka tiran ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahiyey weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah iyo dagaal xigay oo saaka Al-Shabaab ay ku qaaday deegaanka Ceel-Saliini ee gobolka Sh/Hoose. Saraakiishaan ayaa sheegay inay ka hortageen weerarkaasi, islamarkaan ay khasaare kala duwan ku gaarsiiyeen dagaalyahannadii hubeysnaa ee soo qaaday. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen saraakiishu in iyagoo ku jira feejignaan uu dagaalku dhacay, taasina ay sahashay inay fashliliyaan, sida ay hadalka u dhigeen. “Ciidamada oo ka feejignaa weerarka Al-Shabaab ayaa ka hortagay isku daygaasi weerarka ah oo ay soo qaadeen Al-Shabaab, balse Khasaaro oo dhimasho iyo dhaawacba leh lagu gaarsiiyay halkaasi”. ayuu yiri qoraal ka soo baxay taliska ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Dhinac kale Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegatay weerarkaasi iyo dagaalka xigay, sida ay ku baahisay baraha Internet-ka. War qoraal ah ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi ay ku dileen askar badan, sidoo kalena ay la wareegtay gacan ku heynta deegaankaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona weli dhaq dhaqaaqyo ay ka socdaan halkaasi. Al-Shabaab ayaa saaka weeraro ballaaran ku qaaday qeybo badan oo ka mid ah Sh/Hoose, gaar ahaan degmada Qoryooley iyo deegaanka Ceel-Saliini ee gobolkaasi.
  25. Garowe (PP News Desk) — Puntland Ministry for Justice, Religious Affairs and Constitution suspended yesterday services of Haj and Umrah agencies to review the quality of their services and compliance with rules. The Ministry instructed agencies to present themselves at the Ministry premises within seven days. Failure to comply with the Ministerial instruction will lead to consequences ranging from a fine to a loss of an agent’s license. Puntland Minister for Justice, Religious Affairs and Constitutional Mr Awil Sheikh Haamid signed the letter to the agencies. The subject of the letter reads in translation: Registration of Haj and Umrah Agencies but the content of the letter reflects dissatisfaction with how Haj and Umrah agencies in Puntland go about their businesses. “One wonders if Haj and Umrah agencies are not registered with the Ministry of Justice, Religious Affairs and Constitution if the aim is to instruct them to register their agencies with the Ministry. Agencies must be certified otherwise scammers will pose as Haj and Umrah agencies” says a Puntlander, who uses agencies’ services. Preparations are underway for the Haj season. Some agencies get oversubscribed but fail to honour travel arrangements for pilgrims and refund money. The Ministry is said to be interested in introducing periodic customer satisfaction assessment of Haj and Umrah agencies in Puntland. Haj and Umrah Agencies must have proper registration Puntland Post, 2020 The post Puntland State Suspends Haj and Umrah Agents appeared first on Puntland Post.