-
Content Count
214,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-London)-Jilaaga caanka ah Idris Akuna Elba oo u dhashay dalka Britain ayaa laga helay cudurka Coronavirus kaddib markii la baadhay, sida uu ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka. Wuxuu sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay isla markaana la karantiilay. Elba oo muuqaal soo geliyay Twitter-ka xilli ay la joogtay xaaskiisa, Sabriina wuxuu sheegay in cudurka uu iska baadhay markii uu Jimcihii la kulmay qof hore loogu arkay cudurka Corona. Wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in xaaskiisa Sabriina aan laga baadhin cudurka , xaaladdeena ay wanaagsantahay. “Waan is karantiilay, si deg deg ah ayaan isku baadhay waxaan maanta helay natiijada.. waa xaalad halis ah hadda waxaa la joogaa xilliggii laga fikiri lahaa in laga fogaado goobaha bulshada isugu yimaadaan iyo in gacmaha la maydho” Wuxuu ka codsaday taageerayaashiisa inay feejignaadaan, ” haddii aad dareento xannuun ama ay kula tahay in aad is baadho..marka waa in aad wax iska qabataa” Horraantii sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Idiris uu la aqal galay Sabrina Dhawre oo ah gabadh Soomaali ah, arooskooda wuxuu ka dhacay Huteel ku yaalla dalka Morocco. Source
-
(SLT-Canada)-Raysal Wasaaraha Canada, Justin Trudeau ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa laga mamnuucay inay galaan dadka ajaaniibta ah marka laga reebo muwaadiniinta Mareykanka iyo dadka heysta deganaanshaha joogtada ee waddankaasi. Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay xakameynta fayraska Corona. Shirkadaha diyaaradaha ayaa lagu amray in aysan geyn wadankaasi dadka lagu arko calaamadaha cudurka, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha. Mr Trudeau wuxuu ka dhawaajiyay in go’aannada uu dalkiisa qaatay uu ku wargeliyay hogaamiyeyaasha dalalka G7 ee uu iskaashiga kala dhexeeyo. “Xilli fayraska uu sii faafayo, waxaan go’aansannay in aan qaadno tallaabooyin si aan u ilaalinno badqabka qoysaska,” ayuu yidhi Trudeau. Raysal wasaaraha wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in tallaabooyinka ay ka qeybqadaan karaan badbaadinta dad badan. Source
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo qorsheysan oo habeenadii la soo dhaafay ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Puntland ay ka wadeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Howlgallada oo ay fuliyey ciidamada gaarka ah ee loo yaqaano PSF ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaaladaasi. Taliska PSF ayaa sheegaya in baaritaanadaasi lagu soo qab qabtay xubo lala xiriirinayo kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab oo weeraro ka fuliya deegaanada Puntland. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ayaa sidoo kale lagu sheegay in haatan ay baaritaano ku socdaan dadka la soo qabtay. Ugu dambeyn taliska ayaa ugu baaqay shacabka inay kala shaqeeyaan amniga, islamarkaana ay la soo wadaagaan xogaha ay hayaan, iyagoo soo wacaya 338. Maalmihihii dambe waxaa Boosaaso ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo uu ugu dambeeyey qarax shalay gaarigiisa loogu xiray nganacsade ku sugnaa magaaladaasi.
-
Ra’isulwasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa ka dhawaajiyay in dalkiisa laga mamnuucay ajaaniibta faraha badan marka laga reebo dadka u dhashay dalka Mareykanka iyo dadka heysta degenaanshaha joogtada ah ee dalkaasi. Go’aanka ra’isulwasaaraha Canada ayaa looga gonleeyahay sidii loo xakameyn lahaa caabuqa dunida ku sii fidiya ee Coronavirus. Sidoo kale waxaa shirkadaha diyaaradaha lagu amray in aysan soo qaadin dadka lagu arko astaamaha cudurkan, waxaana ra’isulwasaaraha Canada uu sheegay in go’aankan ay ku wargaliyeen wadamada uu iskaashiga kala dhaxeeyo. “Xilli fayraska uu sii faafayo, waxaan go’aansannay in aan qaadno tallaabooyin si aan u ilaalinno badqabka qoysaska,” ayuu yiri Trudeau. Tallaabooyinka cusub ee ay shaaca ka qaaday Canada waxay si rasmi ah u dhaqan galayaan Arbacada, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas. Dowladda Mareykanka ayaa la sheegayaa in ay isku dayeyso in ay hesho tallaalka Coronavirus oo fara ba’an ku haya guud ahaan caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mandera Governor Ali Roba has said the county is still unstable and Jubaland security forces are still holed up in the county. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha gobalka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo ka hadlay dilkii xalay magaalada Laascaanood loogu geystay taliyihii sirdoonka gobalkaasi Cabdiqani Guhaad Xasan ayaa ugu horeyn waxa uu tacsi u diray qoyskii, qaraabadii, maamulkii iyo ehelkii uu ka baxay taliyaha waxa uuna yiri. “Alle ha u naxariisto Cabdiqani Guhaad Xasan oo ahaa taliyaha nabad sugidda gobolka Sool oo caawa lagu dilay magaalada Laascaanood, Waxaan geeridiisa uga tacsiyadaynnayaa maamulka, Taliska sirdonka, qoyskiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa, bulshada gobolka Sool iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland waxaana leeyahay dhammaanteen samir iyo iimaan Allaah inaga siiyo” Dhanka kale guddoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo dadkii ka dambeeyay dilka taliya isaga oo shacabka Laascaanoodna ku booriyay in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka ee magaaladaasi. “Laamaha nabad gelyada ee xilli kasta u taagan sugidda nabad gelyada, xilligana ku hawlan baadhitaannada iyo daba-galka falkan fulaynnimada ah ayaan shacabka Laascaanood ku boorinayaa inay garab istagaan oo ay la shaqeyaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha gobalka Sool. Amaanka magaalada Laascaanood ayaa faraha ka sii baxaya xilli todobaadyo gudahood magaaladaasi lagu dilay laba masuul oo kii labaad uu xalay ku noqday taliyihii sirdoonka gobalka Sool ee maamulka Soomaaliland waxaa ka sii horeeyay oo magaladaasi lagu dilay guddoomiyihii maxkamadda gobalkaasi oo qarax gaarigiisa loogu xiray u geeriyooday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidanka Amniga Puntland ee PSF ayaa gudaha magaalada Boosaaso ku qabtay xubno lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab. Qoraal ka soo baxay Taliska PSF, ayaa lagu sheegay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen xubno lagu tuhmayo, in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, kuwaasi oo haatan baaritaan lagu hayo. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay, in ciidanku ay labadii habeen ee la soo dhaafay hawlgallo ka wadeen gudaha magaalada Boosaaso, si looga hortago weerarada kooxaha Argagixisada ah. Taliska PSF, waxay sheegeen in hawlgalladaas oo lagu beegsanayo Daacish iyo Al-shabaab ay weli ka socdaan xaafadaha kala duwan ee Boosaaso, si loo xaqiijiyo Amniga magaalada. Sidoo kale, waxay u mahadceliyeen shacabka ku nool Boosaaso oo sida ay sheegeen ku garab siiyay helidda macluumaadka kooxaha Argagixisada ah ee Daacish iyo Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo Boosaaso ku qabtay xubno lagu tuhmayo Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Booliska maamulka Somaliland oo howlgal ka sameeyey gudaha magaalada Laascaabood ayaa gacanta ku soo dhigay dad lala xiriirinayo dilka taliyihii sirdoonka gobolka Sool, Cabdiqani Guhaadoo xalay lagu khaarijiyey magaaladaasi. Taliyaha Booliska ee gobolka Sool, Axmed Cabdullaahi Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay in dilkaasi ay u soo qab qabteen illaa saddex ruux oo la tuhmayo. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in raggaasi ay ku wareejiyeen hay’adaha Garsoorka Somaliland, islamarkaana ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Ammaanka Laascaanood ayaa muddooyinkii la soo dhaafay faraha ka sii baxayey, iyadoo dhowaan lagu dilay guddoomiyihii maxkamadda gobolka Sool, Xasan Sheekh. View the full article
-
Kooxo hubeysan ayaa saacadihii la soo dhaafay gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilay mid ka mid ahaa dadka deegaanka. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cabdullaahi Weydow oo ahaa sida la tilmaamay madaxa laanta shirkadda Hormuud ee xaafadda Nasteexo. Ilo deegaanka ah ayaa innoo dheegay in dilka uu ka dhacay isgoyska Nasteexo, iyadoona raggii fuliyey ay goobta isaga baxsadeen. Wararka qaar oo ay heshay Shabelle ayaa sidoo kale sheegaya in dilka marxuumka uu salka ku hayo aano Qabiil. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas ioo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, balse ma jirto weli faah faahin ay ka bixiyeen dhacdadaasi. View the full article
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa soo dhoweeyey howlgalkii lagula wareegay deegaanka Janaale ee gobolka Sh/Hoose. Khayre oo War-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka ay guullo ka soo hoyeen howlgalladii ugu dambeeyey ee gobolkaasi. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ayaa u qornaa:- Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa taliska Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay xoreynta deegaanka Jannaale oo kamid ahaa fariisimaha ugu waaweynaa Argagixisada. “Waxaan bogaadinayaa guusha ciidamadeenna geesiyaasha ah ka soo hooyeen howl-galka Argagaxisada looga dul qaadayay shacabka ku dhaqan Janaale iyo deegaannada ku xeeran. Waad ku mahadsantihiin gudashada waajibaadka idinka saaran ilaalinta dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu. Guusha CXD ayaa ka dhalatay dib-u-habayn iyo tayeyn uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha oo lagu sameeyay qeybaha kala duwan ee ciidamada, taas oo horseedday in taliska ciidanku la wareegaan hoggaanka howlgalka argagixisada dalka looga saarayo. “Dib-u-habeyntii aan ku sameynay ciidanka, waxay sare u qaadday tayadooda iyo niyaddooda, waxayna soo celisay haybadda qarankeena, taas oo suurtagelisay in cadowga laga sifeeyo dhul ay sanado badan ku sugnaayeen, taas oo qeyb ka ah qorshaha Badbaado ee Al-shabaab dalka looga saarayo”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu hadalkiisa raaciyay . Howlgalkan oo ka duwan Howl-galladii hore ayaa u jeedkiisu yahay gaarsiinta adeegyada muhiimka ah dhammaan deegaannada cadowga laga xoreynayo, taas oo looga gol-leeyahay inaan argagixisadu dib ugu soo laaban deegaannada laga xoreeyo. “Si loo hubiyo soo celinta nolosha deegaannada la xoreynayo, howlgalkani waxuu isugu jiraa; Ciidanka Xoogga oo wiiqaya argagixisada, Booliska oo xoreynta kadib la wareegaya amniga, dhismaha maamullada deegaannada iyo hay’adaha kale ee dowladda oo adeegyada aasaasiga ah gaarsiinaya”, ayuu sheegay sidoo kale yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. View the full article
-
Qodabada saakay ugu waa weynee warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin Faah-faahinno kala duwan ayaa laga bixiyay Taliye ciidan oo xalay lagu dilay Magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool. Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in laga billaabo maainta berri ah la joojiyay duulimadyadii Caalamiga ahaa. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomalaiya ayaa shaacisey in qofkii ugu horeeyey ee qaba caabuqa Caronavirus ay ku haayaan Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in Soomalaiya ay leedahay hal cadow oo uu ku sheegay inay yihiin Al-Shabaab. Xildhibaan ka tirsan Jubbaland ayaa sheegay in safarka Madaxweynaha Jubbaland ee deegannada Maamulkasi uu la xiriiro xoreynta goobaha gacantooda ka maqan. Dhakaatiir iyo Culimo Soomaliyed oo ku nool Mareykanka ayaa faah-faahiyay astaamaha lagu garto iyo cudurka CORONAVARUS iyo sida looga hortagi karo. Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Najiib Cabdulaahi Xalane https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/saakay-iyo-goobjoog-17-03-2020-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-17032020.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Taliyaha Booliska gobolka Sool, Axmed Cabdullaahi Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howlgallo baaritaano ah oo laamaha ammaanka ay ka sameeyeen magaalada Laascaanood, kadib markii xalay lagu dilay taliyihii sirdoonka gobolkaasi, marxuum Cabdiqani Guhaad. Taliyaha qeybta Booliska ayaa sheegay in dilka marxuumka ay u soo qab qabteen illaa saddex qof oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen dhacdadaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raggaasi ay ku wareejiyeen hay’adaha Garsoorka Somaliland, islamarkaana ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Marxuum Guhaad ayaa Salaadii Cishaha kadib rag hubeysan waxa ay ku toogteen afaafka hore ee gurigiisa, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib. Taliyaha la dilay ayaa gacanta ku hayey baarista qaraxii labo todobaad ka hor lagu khaarajiyey guddoomiyahii maxkamada gobolka Sool, Xasan Sheekh. Maalmihii dambe waxa faraha ka sii baxayey amniga Laascaanood, iyada oo aysan jirin howlgalo ka dhan ah falalka lidiga ku ah nabad-gelyada ee ka dhacayay magaaladaasi.
-
Wararka ka imaanayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi lagu xiray dad kala duwan kadib markii xalay magaalada lagu dilay Taliyihii Sirdoonka Somaliland ee gobolka Sool. Taliye Cabdiqani Guhaad ayaa fiidnimadii xalay lagu dilay gurigiisa hortiisa kadib markii dableey hubaysan ku weerartay halkaasi sida ay sheegeen goob-joogayaal ku sugan Laascaanood. Ciidanka Booliiska Somaliland oo dilkaasi kadib hawlgallo ka sameeyay gudaha Laascaanood ayaa soo qabtay ilaa saddex ruux oo lagu tuhmayo dilka Taliye Guhaad kuwaasi oo haatan ay gacanta ku hayaan laamaha Dambi barista. Magaalada Laascaanood ayaa maalmahan dambe waxa ku soo badanayey dilalka qorshaysan iyadoo horay halkaas loogu dilay Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Sool ee Somaliland Xassan Sheikh Maxamuud. PUNTLAND POST The post Laascaanood: Dad loo qabtay dilkii Taliye Guhaad appeared first on Puntland Post.
-
Beled Xaawo (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata inay ku gacan seertay cadaadiska ay beesha caalamka ku saartay inay qaboojiso xiisadda dagaal ee ka taagan gobolka Gedo, oo horey dagaal uu uga dhacay. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay gobolka gaareen diyaarado sida hub iyo ciidamo dheeraad ah, kuwaasoo xoojin u ah kuwii horay loo geeyay. Ciidankan iyo hubkan ayaa badankood la geeyey degmooyinka Doolow iyo Beled-Xaawo, oo labadii bishan March ay ku dagaalameen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland ee uu hogaamiyo Cabdirashiid Janan, waxaana dhowr diyaaradood ay ka dageen degmada Beledxaawo iyo Doolow. Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay horey u ballan-qaadeen in xiisadda la qaboojiyo, islamarkaana ay labadooda ku kulmaan magaalada Nairobi, si xal buuxa loo gaaro. Hase yeeshee kulankaas ayaa loo baajiyey sababo lagu sheegay faafitaanka cudurka Coronavirus, inkasta oo Caasimada Online ay heshay xog ku saabsan in baajinta kulanka ay horseeday is-aaminaad la’aan, oo aysan shaqo ku lahayn Coronavirus, taasi oo sharxeysa ciidanka cusub ee dowladda ay gaysay gobolka Gedo. Degmada Beledxaawo ayaa durba laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo xoojinta difaacyada ciidanka leeyihiin, ayada oo laga cabsi qabo inuu mar kale dagaal ka dhaco Beledxaawo iyo agagaarka xudduudka Kenya oo ay ku sugan yihiin ciidamada Jubaland ee uu hoggaaminayo C/rashiid Janan. Dhinaca kale, wararka ayaa intaas ku daraya in Kaaliyaha Taliyaha NISA C/llaahi Kulane uu Axaddii gaaray degmada Beledxaawo, isaga iyo Ciidamo si aad ah u hubeysan. Kulane oo ku beel ah Madaxweyne Farmaajo ayaa ah ninka u qaabilsan howsha Gobolka Gedo.
-
Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud jiidhe ayaa ka hadlay dil xalay Magaalada Laascaanood loogu geystay Taliyihiin Ciidanka Sirdoonka Magaaladas Cabdiqani Guhaad Xasan. Guddoomiye Cabdiqani Maxamuud ayaa marka hore tacsi u diray qoyska iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Taliye Cabdiqani Guhaad oo xalay kooxo hubeysan ay ku dileen afaafka hore ee gurigiisa. Isaga oo war qoraal soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Sool ayaa waxaa ku sheegay in Shacabka ku dhaqan Gobolka iyo laamaha amniga looga baahan yahay inay iska kaashadan sugida amniga gacan adag-na isaga qabtaan ragga geysta falka amniga lidka ku ah. Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Goboolka Sool ayaa laamaha amniga faray in ay gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka loo geystay Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Somaliland ee Laascaanood, kaasi oo xalay la toogtay. PUNTLAND POST The post Somaliland oo ka hadashay dilkii Taliye Cabdiqani Guhaad appeared first on Puntland Post.
-
British actor Idris Elba is the latest celebrity to test positive for coronavirus, tweeting in a video Monday that he had no symptoms yet but was quarantining. Source: Hiiraan Online
-
Turkish Airlines oo joojisay duulimaadyadii Soomaaliya Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa waxay qaaday tallaabo ay si ku-meel-gaar ahi ugu joojineyso duulimaadyadeedii Magaalada Muqdisho, ka gadaal markii la xaqiijiyay in hal qof laga helay caabuqa Coronavirus. Tallaabadan ayaa ka dambey kadib amar ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo shalay lagu sheegay in Soomaaliya ay joojisay dhammaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray, si lagula dagaalamo faafitaanka Coronavirus. Xanibaadda ay soo rogtay Xukuumadda Muqdisho oo shan iyo toban cisho qaadan doonto ayaa lagu wadaa inay dhaqangasho habeenka Arbacada, oo taariikhduna ay ku beegan tahay 18-ka bishan. Safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho ayaa war qoraal ah oo xalay ka soo baxay ku sheegtay in duulimaadyadii Turkish Airlines ee Magaalada Muqdisho hakad la gelin doono muddo shan iyo toban maalmood ah, ayna bilaaban doonto, ka dib marka ay saaka duulimaadkii ugu dambeeyay uga amba-baxdo Magaalada Muqdisho, iyadoona rakaabka gayn doonto Magaalada Istanbul. “Xanibaadda lagu soo rogay diyaaradaha ayaa qayb ka ah ka hortagga faafitaanka COVID19, Dowladda Federaalkana waxay sheegtay in la joojiyay duulimaadyadii caalamiga ahaa, oo ay ku jiraan duulimaadyada bani’aadanimada, laga bilaabo maalinta Arbacada ee 18-ka March.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Safaaradda. Warka ayaa lagu yiri “Turkish Airlines waxay hakineysaa duulimaadyadii Muqdisho shan iyo tobanka cisho ee ina soo aadan, duulimaadkii ugu dambeeyay ee loo qorsheeyayna waxaa lagu taggayaa Istanbul, subaxnimada March 17.” Turkish Airlines ayaa noqoneysa diyaaraddii ugu horeysay oo caalami ah, oo u hoggaansanta awaamiirtii ay Dowladda Soomaaliya ku xanibtay dhammaanba duulimaadyadii dibadda ka imaanayay. Caabuqa COVID19 oo si xowli ah ugu fidaya dalalka dunida ayaa walaac xoogan ku dhaliyay madaxda caalamka, kuwaa oo qaarkood soo saaray amaro lagu joojinayo duulimaadyadii caalamka oo dhan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Korneyl Cabdinuur Jaamac Jookar oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo u warramay Idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan xiisada u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya. Jookar ayaa wareysigaan ku sheegay inay jiraan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo si aad u taageersan dowladda Kenya, sida uu hadalka u dhigay. Siyaasiga Korneyl Cabdinuur Jaamac Jookar ayaa ku eedeeyey xildhibaanadaasi inay xiriir dhow la leeyihiin madaxda dowladda dalka Kenya, islamarkaana ay taageersan yihiin siyaasad ahaan, inkastoo uusan carab dhabin magacyadooda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Kenya TV-yadeeda ay mar-weliba ka sheegto in kaliya ay wax ku heystaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, balse baarlamaanka dowladda federaalka ay ku dhex leeyihiin 90 xildhibaan oo uu shaaciyey inay dooneyso in ay u adeegsato, kuna dhabar jabiso madaxda Qaranka Soomaaliyeed. “Dowladda Kenya waxaad ka maqleyseen inay Tv-yadeeda ay ka leedahay anaga laba nin baa wax nagu heysata, waana ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha, 90 xildhibaan baan dowladdda Soomaaliya ku leenahay, iyaganaa Mooshin u isticmaaleynaa inaanu ku ridno labada nin” ayuu yiri Korneyl C/nuur Jaamac Jookar oo ah siyaasi Soomaaliyeed. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu maqan yahay doorkii baarlamaanka Soomaaliyeed, islamarkaana shaqo qurux badan aysan ka socon dhankooda, xilli uu dalku ku jiro marxalad adag oo u baahan in loo wada istaago wax ka qabashadeeda. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ay sii xoogeysaneysay xiisada Soomaaliya iyo Kenya oo horay isugu hayey kiiska Badda ee weli horyaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICJ. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/Korneyl-Jookar.mp3
-
Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Gobolka SOOL oo la dilay Warar na soo gaadhaya ayaa sheegaya in caawa magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool lagu dilay Taliyihii Sirdoonka ee gobolkaas Cabdiqani Guhaad Taliye Cabdiqani Guhaad ayaa caawa rag la sheegay inay ku hubeysnaayeen Bistoolado ku toogteen afaafka hore ee Gurriga uu ka dagan yahay magaalada Laascaanood Ragga toogtay Taliyaha ayaa goobta iskaga baxsaday, inkasta oo ay halkaas gaadheen Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland oo isla markiiba bilaabay baadi-goobka ragii toogashada fuliyey. Taliyahan caawa la dilay ayaa la sheegayaa in uu gacanta ku hayey baadhista qaraxii labo todobaad ka hor lagu khaarajiyey Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Soo, Xasan Sheekh. Ilaa hadda majiro wax war ah oo ay Laamaha amnigu ka soo saareen dilka ay caawa raga hubeysani u geysteen Taliyihii Sirdoonka gobolka Sool ee Somaliland. Qaran News
-
Istanbul (Caasimada Online) – Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa waxay qaaday tallaabo ay si ku-meel-gaar ahi ugu joojineyso duulimaadyadeedii Magaalada Muqdisho, ka gadaal markii la xaqiijiyay in hal qof laga helay caabuqa Coronavirus. Tallaabadan ayaa ka dambey kadib amar ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo shalay lagu sheegay in Soomaaliya ay joojisay dhammaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray, si lagula dagaalamo faafitaanka Coronavirus. Xanibaadda ay soo rogtay Xukuumadda Muqdisho oo shan iyo toban cisho qaadan doonto ayaa lagu wadaa inay dhaqangasho habeenka Arbacada, oo taariikhduna ay ku beegan tahay 18-ka bishan. Safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho ayaa war qoraal ah oo xalay ka soo baxay ku sheegtay in duulimaadyadii Turkish Airlines ee Magaalada Muqdisho hakad la gelin doono muddo shan iyo toban maalmood ah, ayna bilaaban doonto, ka dib marka ay saaka duulimaadkii ugu dambeeyay uga amba-baxdo Magaalada Muqdisho, iyadoona rakaabka gayn doonto Magaalada Istanbul. “Xanibaadda lagu soo rogay diyaaradaha ayaa qayb ka ah ka hortagga faafitaanka COVID19, Dowladda Federaalkana waxay sheegtay in la joojiyay duulimaadyadii caalamiga ahaa, oo ay ku jiraan duulimaadyada bani’aadanimada, laga bilaabo maalinta Arbacada ee 18-ka March.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Safaaradda. Warka ayaa lagu yiri “Turkish Airlines waxay hakineysaa duulimaadyadii Muqdisho shan iyo tobanka cisho ee ina soo aadan, duulimaadkii ugu dambeeyay ee loo qorsheeyayna waxaa lagu taggayaa Istanbul, subaxnimada March 17.” Turkish Airlines ayaa noqoneysa diyaaraddii ugu horeysay oo caalami ah, oo u hoggaansanta awaamiirtii ay Dowladda Soomaaliya ku xanibtay dhammaanba duulimaadyadii dibadda ka imaanayay. Caabuqa COVID19 oo si xowli ah ugu fidaya dalalka dunida ayaa walaac xoogan ku dhaliyay madaxda caalamka, kuwaa oo qaarkood soo saaray amaro lagu joojinayo duulimaadyadii caalamka oo dhan.
-
Popular Contributors
