-
Content Count
214,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa faah faahiyey qorshaha uu maamulkiisa uga hortagayo Coronavirus. Muuse Biixi ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay wado dadaallo looga hortagayo xanuunka, iyadoona baaris ka bilowday meelaha laga soo galo Somaliland. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay kiiskii ugu horreeyey ee caabuqa Corona laga helay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan garoonka Aadan Cadde, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-Muuse-Biixi-Coronavirus.mp3 View the full article
-
Qoraal ka soo baxay guddiga ka hortagga iyo u diyaar garoowga xanuunka Coronavirus ee maamulka Soomaaliland, ayaa waxaa muddo 4 todobaad ah lagu hakiyay duulimaadyadii magaalada Muqdisho sabab la xiriirta in kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus laga helay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Sidoo kale qoraalka ka soo baxaya Soomaaliland ayaa waxaa lagu mamnuucay waddamada uu sida darran u saameeyay cudurka ee kala ah Iiraan, Shiinaha, Talyaanig, Kenya, Faransiiska iyo Kuuriyada Koonfureed aysan muddo 4 todobaad ah duulimaadyo ku imaan Karin Soomaaliland. Dhinaca kale Soomaaliland ayaa waxa ay fasaxday dhamaan goobaha waxbarashada ee deegaanadeeda sida dugsiyada, iskuulada iyo Jaamacadaha. Waxaana sidoo kale amar loo jeediyay imaamyada masaajidda oo la faray in muddo 4 todobaad ah ay salaadda faralka ah ku soo koobaan 25 daqiiqo sidoo kalane ay xiraan musqulaha masaajidda ku dhexyaala iyo goobaha lagu weysaqaato. Halkan ka akhriso bayaanka ay soo saareen guddiga Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Shiinaha iyo Mareykanka ayaa is-weydaarsaday hadallo kulul kadib markii Beijing ay ka cadhootay in madaxweyne Trump uu cudurka Coronavirus ugu yeedhay magac cusub oo ah “Fayruska Shiinaha.” “Dowladda Mareykanka waxay si awood leh u taageeri doontaa ganacsiyada, sida diyaaradaha iyo kuwa kale ee uu saameeyey Fayruska Shiinaha,” ayuu Trump ku yidhi qoraal uu Isniintii soo dhigay Twitter. Bejing ayaa Salaasadii sheegtay inay “si xooggan uga cadhootay” hadalkaas, oo ay ku qeexday “mid la macno ah ceebeyn”. Dowladda Mareykanka waa “inay si deg deg ah u joojisaa eedeymaheeda aan loo qiil dayin ee ka dhanka ah Shiinaha,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Geng Shuang. Faallo lagu qoray wakaaladda wararka rasmiga ah ee Shiinaha ee Xinhua ayaa sidaa kale lagu yidhi “isticmaalka magacyo cunsurinimo iyo naceyb ah si dillaaca cudurka loogu eedeeyo dalal kale waxay muujineysaa kaliya mas’uuliyad darrada siyaasiyiinta iyo waxqabad la’aantooda, taasi oo kordhin doonta cabsida Fayruska”. Dagaaklka afka ah ayaa sare usii qaadaya xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal, taasi oo markii hore kasoo billaabay murunka dhanka ganacsiga ah, markii uu xukunka qabtay Trump. Hadalka Trump ayaa waxaa sidoo kale laga dhalleeceeyey guudaha Mareykanka, ayada oo lagu qeexay kuwa dhalin kara fal-celin ka dhan ah bulshada Asian-American-ka ah. “Bulshadeena Asian-American-ka ah – Dadka aad u adeegto – markii horeba way dhibanaayeen. Uma baahnaa inaad sii kordhiso isir naceybka,” waxaa sidaas Twitter ku qoray duqa magaalada New York Bill de Blasio, oo gobolkiisa uu ka mid yahay kuwa uu sida xun u saameeyey cudurka. Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay in kiisaska Coronavirus ee laga diiwaan-gelinayo dunida inteeda kale ay imanka ka badan yihiin kuwa Shiinaha. Coronavirus ayaa waxaa markii ugu horreysay laga helay dalka Shiinaha, dhammaadkii 2019. AFP Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-17032020.mp3 View the full article
-
The Somali National Army (SNA) has on Monday liberated Jannaale town, about 95 kilometers South-West of Mogadishu from Al Shabaab. Janaale is approximately 14 kilometers off the Coastal city and Regional Capital of Marka. Expressing triumph at the latest victory of the SNA, Prime Minister Hassan Ali Khaire said, “The Somali people have now begun reaping the fruits of our efforts to reform our uniformed personnel”. The Prime Minister congratulated the rank and file of the army on liberating this key population center and a critical hub that was key to the operations of the terrorist group. “I commend the battlefield victory attained by our gallant soldiers in their operation to rid the town and surrounding areas of the terrorist influence. Thank you for fulfilling your duty to safeguard the lives and properties of the Somali people”, continued the Somali PM. The latest operations are in line with the Somali Transition Plan meant to hand over security responsibilities to the Somali National Security Forces as the AMISOM peacekeeping troops continue to transit out of the country. The Somali National Armed Forces, together with other Federal and Regional forces are effectively holding areas previously liberated within the same region. These successful SNA-led operations were made possible by comprehensive cross-sectoral reforms, including the Somali Security Sector Reform, spearheaded by Prime Minister Khaire. The reforms, which sought homegrown solutions to inherent security challenges, are capacitating, enabling and transforming SNAF into a contemporary armed force capable of defeating the terrorists and holding liberated areas. “Somali National Armed Forces Reform has progressively improved the capability of our forces, boosted their morale and restored the pride and integrity of our Nation. Operation Badbaado will be sustained until our forces defeat the extremists, expand the governance space and all basic services are decentralized to all Somalis in Somalia,” stated the Somali PM. Operation Badbaado is unlike all other previous operations; a Somali-led, it seeks to liberate areas, hold those areas, provide stability and extend basic services to citizens who suffered so many years of brutal rule at the hands of extremist groups. “Once an area is liberated by the SNA, Somali Police Force will gradually take over the mandate to keep law and order. This will be followed by the establishment of local administrations and the arrival of government and international actors to partner in the stabilization and provision of basic services to these areas”, PM Khaire further explained. Operations Badbaado has considerably contributed to the overall reduction of major incidents of insecurity in the capital Mogadishu. The Government will continue training, integrating and empowering SNAF to ensure they are fully able to assume their mandate to secure Somalia for citizens to enjoy lasting peace and prosperity. —END—- View the full article
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Guddiga udiyaar garowga iyo ka hortaga cudurka Coronavirus ee uu dhawaan Magacaabey Madaxweynaha Somaliland ayaa waxay soo saareen qodobo xasaasi ah oo looga hortagayo faafintaanka Cudurka Coronavirus oo dhibaato xoog leh ku hayo adduunyada. Guddiga oo soo saaray illaa 6 go’aan, ayaa waxaa lagu mamnuucay duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee soo gaari jiray Hargeysa, iyadoo liiska wadamada la mamnuucay lagu soo daray Soomaaliya maadaama Somaliland ay sheegtay inay ka go’day. Go’aanka Guddiga ayaa lagu sheegay in la joojiyey duulimaadyada ama socaalka dalalka laga helay Cudurka Coronavirus, kuwaas oo kala ah, Kenya, Soomaaliya, Shiinaha, Talyaaniga, labada kuuriya, Faransiiska Spain, iyo Kenya laga bilaabi Maalinta berito ah oo ku beegan 19/3/2020. Sidoo kale go’aanada ayaa waxaa qeyb ka ahaa in goobaha waxbarashada la xiro muddo Afar Todobaad ah, in Masaajida ay waqtiga salaada kusoo koobaan 25 Daqiiqo, in la joojiyo kulamada isu imaatinka ah, in qodobo kale. Halkaan hoose ka akhriso dhammaan go’aanada kasoo baxay guddiga
-
Marxuum Saleebaan Axmed Shire Hal ruux ayaa ku dhintay laba kalena waa ku dhaawacmeen weerar ay goor dhoweyd dableey hubaysan ka gaysteen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Weerarka waxaa ku dhintay nin ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo magaciisa lagu sheegay Saleebaan Axmed Shire waxaana ku dhaawacmay hal askari iyo qof shacab ah sida ay sheegeen goob-joogayaal. Dableydii weerarka gaystay oo aan haybtooda la garan ayaa goobta isaga baxsaday mana jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi. Weerarka ayaa ku soo beegmay saacado kadib markii Laamaha Amniga Puntland ay sheegeen in ay Boosaaso ku qabteen xubno lala xiriirinayo malayshiyaadka Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Dableey hubaysan oo weerar dhimasho iyo dhaawac leh ka gaystay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta xarunta madaxtooyada ka bilowday baaris ku aadan cudurka Coronavirus oo shalay kiiskiisii ugu horreeyey laga helay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdosho. Shaqaalo caafimaad ayaa la dhigay xafiisyada qaar ee Villa Soomaaliya, kuwaas oo baaraya mas’uuliyiinta iyo dadka kale ee gudaha galaya xafiisyadaasi, sida xarunta Villa Hargeysa oo uu hadda ku shaqeeyo baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Dadka baarista lagu sameeyey waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka, Mahad Cabdalla Cawad oo boggaadiyey tallaabada ay dowladda qaaday. Sidoo kale wuxuu ku taliyey in goob walba oo ay dadka isugu yimaadaan laga baaro cudurka Coronavirus oo haatan halis badan ku haya caalamka. “Waxaan codsanaynaa in goob walba oo la isugu yimaado laga baaro shacabka caabuqa Coronavirus. Waxaan dhiirigalinaynaa qof walba inuu u hogaansamo, waliba shakhsigu raadsado in la baaro. Villa Hargeysa qof aan la baarin ma soo galayo. Anigu waan is baaray maanta. Muwaadin is baar.” ayuu yiri guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad. Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay dadaallo looga hortagayo cudurkaan iyo baaris ka bilowday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo qofkii horreeyay oo laga helay xanuunka dhowaan lagu qabtay, kaas oo hadda ku jira xaalad karantiil ah.
-
Ethiopia has announced closure of schools and suspension of sporting events, as well as a ban on large gatherings across the country as a precautionary measure to contain the spread of coronavirus (Covid-19). Source: Hiiraan Online
-
Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has sent a message about Coronavirus to all citizens a day after the country has confirmed its first case of Covid-19. The president said in a statement that the Somali government is committed to safeguarding the country’s health and well-being of the people. As the disease spreads to many countries in the world has been reached Somalia after one of the people from Chine who has been under quarantine was diagnose with coronavirus. President Farmajo urged the Somali people and the government to unite and do preventive measures to stop the spread of the deadly virus in the horn of Africa country. “So far we have confirmed one patient in our country. The disease is at such a high risk that it has spread rapidly to many countries including our neighboring Ethiopia and Kenya,” said Somali president. Farmajo called on the people to adhere to health guidelines to prevent the spread of Covid-19 disease by reducing travel and public gatherings. Somali President has instructed the Government to accelerate measures to prevent the disease from spreading to the entire country. View the full article
-
Beled-weyne) – Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hiiraan, Cabdiraxiin Muxumed Taakoy ayaa dacwo ka dhan ah guddoomiyaha maamulka gobolkaasi iyo taliyaha qeybta Asluubta u gudbiyey madaxda sare ee dowlad goboleedka HirShabelle. Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha maxkamadda ayaa waxaa lagu sheegay in guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale iyo taliyaha qeybta Asluubta ee gobolkaasi ay ku takri falayaan awooda iyo sharciyadda mas’uuliyadeed ee ay leeyihiin. Sidoo kale warqadda ayaa lagu sheegay in labadooda ay awood ku sii daayeen maxaabiis dambiyo kala duwan ugu xirnaa xabsiga Beledweyne. Taakoy oo warqadaan u diray madaxweynaha maamulka HirShabelle ku xigeenkiisa ayaa waxaa kaler oo uu ku sheegay in guddoomiyaha gobolka iyo taliyaha ciidanka Asluubta ay faragelin ku hayaan hay’adaha garsoorka gobolka Hiiran ee bartamaha Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu ka digay amni darro uu sheegay inay ka dhalan karta, haddii ay sii socoto deysmada maxaabiista u xiran maamulka. Halkaan hoose ka khriso: Ugu dambeyn Qoraalka ayaa laga digey amni darro ka dhalan karta hadii qof dambiile ah la siidaayo,iyada oo la adeegsanayo awood Maamul. Weli Eedeyntaan loo jeediyey Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Carraale iyo Taliyaha qeybta Asluubta Gobolka Hiiraan kama jawaabin.
-
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Saadiq Xirsi Warfaa ayaa khudbad ka jeediyay shirka wadatashiga Puntland oo maalintii saddexaad ka socda Garowe. Wasiir Saadiq ayaa sheegay in aysan Puntland diidi karin sharciga doorashooyinka Soomaaliya oo dhawaan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo. “Puntland ma dhihi karto ma aqbalayno sharciga doorshooyinka Qaranka ee ay ansaxiyeen Golaha Shacabka iyo Galaha Aqalka sare, kadibna uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo”. ayuu yiri Wasiir Warfaa. Sidoo kale Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ayaa ka codsaday Madaxweyne Deni in uu Muqdsho u raaco, kadibna uu halkaas ka furmo shirweyne Soomaaliyeed. Ugu dambeyn Wasiir Warfaa ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan wixii tabasho ah oo ay Puntland qabto, ayna wax ka qabanayaan, wuxuuna rajeeyey in shirka ay ka soo baxaan wax wanaagsan. PUNTLAND POST The post Wasiir Warfaa: Puntland ma diidi karto sharciga doorashooyinka Federaalka appeared first on Puntland Post.
-
War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Janaale ay Ciidanka Danab ee xoogga dalka ku dileen lix xubnood oo ka tirsan dagaalamyaasha Al- Shabaab una qaabilsanaa deegaannadaasi, sida lagu qoray wakaaladda Sonna. Xubnaha la dilay ayaa waxaa ka mid ahaa laba sarkaal oo kala ahaa Siciid Dheere oo ahaa sarkaal Al Shabaab degaanka Ceel-saliini ilaa janaale u qaabilsanaa iyo Bukhaari oo isna qaabilsanaa degaanka jannaale, waxa ayna sidoo kale ciidamada Danab dileen afar xubnood oo kale, sida uu u xaqiijiyay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida taliyaha guutada 16aad Danab xoogga dalka G/le Ismaaciil Cabdilmaalik Maalin. Howgalka ciidanka xoogga dalka ay kula wareegen magaalada Jannaale ee gobolka shabeelada hoose ayaa waxaa qayb libaax ka qaatay ciidamada Danab iyo Gor-gor oo ka wada tirsan xoogga dalka, si wadajir ahna u howlgalayay. Shalay ayey ahayd markii si buuxda ciidanka dowladda ay ula wareegeen magaalada Janaale ee gobalka Shabeelaha hoose oo muddo fog ay ka arriminayeen dagaalamayaasha Al shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has handed over the security responsibilities of a community near the Halane basecamp back to the Federal Government of Somalia. The handover is part of the Somalia Transition Plan, which is a gradual transfer of security responsibilities from AMISOM to the Somali security forces. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda ee xukuumadda Xasan Cali Khayre oo khudbad ka jeedinayey shirweynaha ka socda Garoowe ayaa dalab xasaasi ah hordhigay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ka mid ah wasiirada dowladda federaalka ee ka qeyb galaya shirweynahaasi ayaa ka dalbaday Deni inuu gogol u dhigo madaxa dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, si looga wadahadlyo khilaafaadka ka jira. “Waxaan rajo ka qabaa in Khilaafka uu meesha ka bixi doono, waxaana ku han weynahay in shirkani uu wax walba soo afjaro,waxaana ka codsanayaa Madaxweyne Deni in uu casuumo Madaxda soomaalida si ay uga wada hadlaan khilaafka dhexdooda ah ayuu yiri.” ayuu yiri wasiir Cabdullaahi Bidhaan Warsame. Sidoo kale wasiir Bidhaan ayaa ka codsaday madaxweynaha Puntland inuu u soo raaco magaalada Muqdisho, si heshiis dhab ah looga gaaro khilaafka labada dhinac. “Waxaan kaloo rajeynayanaa in markaan uu madaxweynaha na sii raaco oo Xamar yimaado.” ayuu markale yiri wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda. Ugu dambeyn wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in wax dan u ah dhammaan Soomaalida uu ka soo bixi doono xiritaanka shirka Garoowe. “Shirkaan Garoowe waxa uu gogol xaar u yahay in lawada hadlo, waxa aan ku rajo waynahay in Soomaalida is doonto si ay kaga hadlaan aayahooda, Puntland waxa ay ku dhiiratay qabashada shirkaan, la’aanta Puntland waxa ay adkaan lahayd in nidaam Soomaaliyeed la dhiso ama uu shaqeeyo.” ayuu hadalka ku soo gabagabeeyey wasiirka. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo halkiisa weli uu yahay khilaafka dowladda federaalka iyo Puntland, kaas oo markale sii xoogeystay, kadib markii wasaaradda waxbarashada Somalia ay shahaadada u diiday ardayda dugsiyada sare ee maamulkaasi.
-
Waa Maxay Koronafayrus? Marka hore aynu ku horrayno fayrusku wuxuu yahay. Ilma-aragtada nololayda ah waxa si kooban loogu qaybiyaa sadeex; Fungi, Backteria iyo Fayrus. Fayruska ayaa ugu sii yaryar saddexdaa oon xataa microscope-ka caadiga ah lagu arki karin, sidoo kale halka labada kale kelidood u tarmi karaan, faryusku keli ma tarmi karo, waxay u baahan yihiin inay unug kale oo nool (sida unugyada dadka, xoolaha, dhirtaa ama bakteriayada) dhexgalaan halkaasna ku tarmaan. Unugyada nololayda kale waxay leeyihiin dhaxal abuurka loo yaqaan DNA iyo maadadda kale ee u dhow ee RNA loo yaqaan oo iyadu inoo samaysa proteinska aan la’aantood la noolaan karin. Fayruska ama RNA bay leeyihiin ama DNA, ma wada laha labadaba. Sidaa daraadeed waxa loo qaybiyaa faryuska laba –––RNA ama DNA fayrus. Koronofayrusku waa RNA fayrus. Waxayna ka mid tahay qayb balaadhan oo loo yaqaan Nidovirales. Jirataankkoda waxa la ogaaday 1960kii. Waxa laga helaa xayawaanka, xoolaha iyo dadkaba. Hore waxaynu u ogayn afar dadka ku dhaca oo kala ahaa HCoV 229E, HCoV 043, HKU1 AND NL63 (2006) oo intuba duriga caadiga ah (common cold) sababa. Hana la kala saaro duriga caadiga iyo cudurka loo yaqaan influenza ama flu oo badiyaa ka xoog badan. Duriga ama common cold waxa sababa caadi ahaan Rhinofayruses halka flu ka ay sababaan Influenza fayruses. Afarta kronofayrus ee aan kor ku sheegaynaya waxay sababaan duriga caadiga ah ama marmar Bronchitis. Waxa laga yaabaa qof wal oo waayeel ah in nololishiisa uu la kulmay afartaa koronofaryus in ka mid ah. Qarnigan aynu ku jirno bilowgiisii waxa inaga soo krodhay saddex koronofayrus oo kale oo intuba ka soo boodeen xawayaan ama xoolo (zoonotic baa markaa loo yaqaan). Horantii 2003kii waxa dad qaadeen cudur neef mareenada ku dhaca oo loo bixiyey Severe Acute Respiratory Syndrome (SARS) waxana sababay koronfayrus ka soo booday Civet cats, waa xayawaan xoorka u dhow. Koronofayruskaa waxa loo bixiyey SARS-CoV. Sanadkii 2012 waxa lagu arkay dalka Saudi Arabia fayrsus kale oo iyanna sababta cudur isna neef mareenada wax yeela oo isna loo malaynayo inuu ka yimid xoolaha geela iyo fiidmeerta. Cudurkaana waxa loo bixiey Middle Eastern Respiratory Syndrome ama MERS, fayruskiina waxa loo bixiyey MRRS-CoV. Lixdaa Koronofayrus ee imika dadka ku dhaca waxa ku soo biiryey mid todobaad oo ah tan imika dunidii wada saamaysay oo laga helay bishii December 2019 gobolka Hubei magaaladiisa Wuhan ee China. Faryuskan markaa cusubaa oo loo bixiyey novel coronoviurus ama koronofayrus cusub waxa la ogaaday in dhaxal abuurkeeda iyo kii hore ee SARS-CoV ay aad isugu dhow yihiin waxa markaa loo bixiyey SARS-CoV-2 hase yeeshee sidii labada cudur aan la isugu khaldin ayaa cudurka cusub loo bixiyey Coronovirus Infectious Disease-2019 ama COVID-19. Fayruskii cusbaana waxay noqotay tii todobaad ee dadka ku dhacda. Weli lama oga dhab ahaan xayawaankay ka soo booday, in kasta oo loo malaynayo inay fiidmeerta ka timid. Sidaybuu dadka ugu dhacaa: Sida uu doonaba dadka ha ku soo gaadho ee imika waxa isqaadsiin kara dadka. Qofka qabaa markuu qufaco, hindhiso ama isaga oon midna samayn wuxuu soo raaci karaa neeftaa ka oo baxda faryruska oo markaa dhibco (droplets) yar yar ah. Qofka aan qabini ama toos bu hawada uga qaadi karaa ama haddii uu taabtay meel dhibicdii fayrusku taalo oo markaa gaadhsiiyo dibnihiisa, sankiisii iyo afkiisa. Koronofayrusku hawada toos uma raaco sida fayruska kale ee measles loo u yaqaan markaa dadka kala fog ma isqaadsiin karaan. Markaa waxa kala qaada labada qof ee isu dhow ama istaabta sida gacan qaadka oo kale oo haddii qof qabaa gacantiisa ku qufaco ama si kaleba ay gacantiisu fayruska u sidato qofka gacan qaadaa uu isna qaadayo haddii isna wajigiisa gaadhsiiyo fayruskii. AMA haddii qofkii qabay kaga tago tusaala ahaan miisaska dushooda oo dadka kalena taabtaan. MARKAA HALKAAS BAYNU KA FAHMI KARNAA SIDII LA ISKAGA DIFAACAYEY: Ha la kala fogaado… Social Space—- ilaa 6 cagood inta ugu yar. Marwal oo aad wax taabataba gacmaahaaga ku mayd saaboon 20 ilbidiqsi ugu yaraan. Caadayso inaanad wajigaaga afkaaga ama sankaaga taaban. Caadi ahaan qof walba intaa wuxuu sameeyaa saacaddii 23 jeer, maaha wax fudud. Haddii aad yeelato calamadihiisa hoos ku xusan, Khasab iskaga dhig inaad ka foogaato dadka kale xataa gurigaaga isku khasabto inaan laguu soo dhowaan ilaa la hubinayo. Qofka qaba ama shakiyaa waa inuu xidhaa MASKA loo yaqaan surgical mask si uu dadka kale uga ilaaliyo. Weli ma arkayo meelo ama xarumo si gaar ah loogu talogalay hubinta cudurkan qofka qaba. Nidaamku waxa weeye in qofka iska shakiyaa iaanu tegin xarumaha caafimaadka ee caadiga ah ee uu tago meelo loogu talogalay—si aan bukaanka kale u gudbin. Waa Maxay Cudurkani iyo Calaaamadahiisu? Qofka qaada COVID-19 waxa uu yeelan karaa; 1-Cabud iyo duuf sanka ah. cunna xanuun 3- qufac aan xaako lahayn (dry cough) 4- Xumad 5- daal Haddii uu sii xumaado Neefta oo qabata Waxaanu ku dambayn karaa pneumonia ama oof. Boqolkiiba sideedtan (80%) waxa laga yaabaa inaanay waxba dareemin ama xanuun fudud oo aan u baahan ba dhakhtar. Laakiin dadka kale way qaadsiin karaan. In kasta oo aanay dawo jirin la siiyaa haddanna sida hargabka looga hortago ayaa inta badan ku filan: Biyaha oo aad badsato Xumad jabin (caruurta ha siin aspirin), dhakhaatiir fransiis ah waxay leeyihiin yaa n la qaadan ibuprofen iyo kuwa la mid ka ah ee ha la qaato Acetaminophen (Paracetomol, Tylonol). Ku luqluqo biyo diiran oo milix leh si cunna xanuunka u yaraado. Fiiro gaar ah: Ilaa imika dadka waayeelka 60 sano ka wayn ayaa ugu badan dadka uu khatarta u leeyahay siiba inta caafimaad daro kale la daris ah sida wadna xanuun, dhiiq kar, macaan (diabetes) iyo sanbab xanuun. Waxa kale oo raaca dadka sigaarka cabba ee laga yaabo sanbabkoodu inaanu marka horeba fayoobayn. Dr. Axmed Xuseen Ciise Guddoomiyaha Abaarso Tech University Phd, Immunology and Infectious Diseases From the Johns Hopkins University Also MSc, Microbiology and Immunology and a Bachelors in Chemistry and Microbiology Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgallo xoogan iyo dhaq dhaqaaqyo ay weli ciidamada milatariga dowladda federaalka Soomaaliya ka wadaan qeybo badan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed. Howlgallada oo ah kuwa qorhsheysan ayaa ka socda deegaanka Janaale iyo tuulooyinka ku xeeran, kadib markii ay la wareegeen ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Gaashaanle Ismaaciil Cabdilmaalik Maalin oo ah taliyaha guutada 16-aad ee Danab ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in Janaale ay ku dileen lix ka tirsanaa Al-Shabaab. Maalin ayaa tilmaamay in lixda xubnood ee la dilay ay ka mid ahaan labo sarkaal oo kala ahaa Siciid Dheere oo uu seegay inuu horjooge u ahaa jabhadaha Al-Shabaab deegaanka Ceel-saliini illaa Janaale iyo sidoo kale horjooge Bukhaari oo isna Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeelaha Hoose , sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dilka saraakiishaasi. Xaaladda ayaa maanta yara degan, balse ciidamada dowladda ayaa isku sii fidinayaa agagaarka deegaanka Janaale oo ay in muddo ah gacanta ku heysay Al-Shabaab. Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa bilihii u dambeeyey sare u qaaday howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
-
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF ayaa saacadihii la soo dhafay waxa ay howlgallo ku soo qabteen xubno lagu tuhmayo ururka Daacish ee ka dagaalama qeybo ka mid ah deegaanada mamulka Puntland. Howlgalkan qorsheysan ayaa waxa uu si gaara uga dhacay magaalada Boosaaso, waxaana saraakiisha ciidanka Puntland ay sheegeen in howlgalka ay sameeyeen ay ka soo saareen bayaan hordhac ah, waxaana qoraal ka soo baxay Taliska PSF lagu yiri sidatan. “Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay labadii habeen ee la soo dhaafay ka wadeen gudaha magaalada Bosaso hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga,hawlgalladaas oo weli socda lagagana hortagayo falal argagixiso oo ay kooxaha cadowga ahi ku doonayaan in ay ku beegsadaan xarumaha dowladda, saldhigyada ciidamada iyo goobaha ay bulshadu ku kulanto sida masaajida iyo suuqyada ee magaalada Bosaso” Waxaana sidoo kale qoraalkan lagu sheegay in ciidanka puntland oo kaashanaya shacabka ay howlgalkaasi ku soo qabteen xubno lagu tuhmayo dagaalamayaasha Daacish, waxaana saraakiisha ay tilmaameen in dadka la soo qabtay lagu wado baaritaano kala duwan. “Ciidanka PSF oo kaashanaya shacabka magaalada Bosaso waxay ku soo qabteen hawlgalladan socda xubno lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha cadowga ah,kuwaas oo baaritaano ku socdaan” ayaa lagu sii daray qoraalka ka soo baxaya taliska PSF. Qeybo ka mid ah deegaanada Puntland ayaa waxaa ka dagaalama xubno ka tirsan Daacish, waxaana mararka qaar ay masuuliyiin kala duwan ku dilaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Laascaanood)-Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud jiidhe ayaa ka hadlay dil xalay Magaalada Laascaanood loogu geystay Taliyihiin Ciidanka Sirdoonka Magaaladas Cabdiqani Guhaad Xasan. Guddoomiye Cabdiqani Maxamuud ayaa marka hore tacsi u diray qoyska iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Taliye Cabdiqani Guhaad oo xalay kooxo hubeysan ay ku dileen afaafka hore ee gurigiisa. Isaga oo war qoraal soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Sool ayaa waxaa ku sheegay in Shacabka ku dhaqan Gobolka iyo laamaha amniga looga baahan yahay inay iska kaashadan sugida amniga gacan adag-na isaga qabtaan ragga geysta falka amniga lidka ku ah. “Waxaan dhammaanteen shacab iyo maamulba inagu waajiba inaan iska kaashano gacan adag-na iskaga qabano cid kastoo lid ku ah ammaankeenna iyo Nolosheena” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiqani Jiidhe. Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Goboolka Sool ayaa laamaha amniga faray inay gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka loo geystay Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Somaliland ee Laascaanood, kaasi oo xalay la toogtay. Source
-
London (Caasimada Online) – Jilaaga caanka ah ee Idris Akuna Elba ayaa xaqiijiyey in laga helay cudurka Coronavirus, kadib baaritaan lagu sameeyey. Elba oo u dhashay dalka Britain ayaa muuqaal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka kaga hadlay xaaladdiisa caafimaad, wuxuun sheegay inuu wanaagsan yahay, balse la karantiilay. Muqaalkaan ayuu sidoo kale ku sheegay in la joogo xilligii laga fikiri lahaa in laga fogaado goobaha ay bulshada isugu yimaadaan. “Waan is karantiilay, si deg deg ah ayaan isku baaray waxaan maanta helay natiijada.. waa xaalad halis ah hadda waxaa la joogaa xilliggii laga fikiri lahaa in laga fogaado goobaha bulshada isugu yimaadaan iyo in gacmaha la dhaqdo.” ayuu yri Idris Akuna Elba. Jilaagaan oo si weyn looga yaqaano dunida, islamarkaana ay u dhaxdo gabar Soomaaliyeed oo la yiraahdo, Sabriina Dhawre ayaa cudurka wuxuu haleelay, kadib markii Jimcihii la soo dhaafay uu la kulmay qof horay loogu arkay cudurka dilaaga ah ee Corona. Sidoo kale Idris Elba ayaa ka dhawaajiyay in xaaskiisa Sabriina aan weli laga baarin cudurka, balse wuxuu carabka ku dhuftay in xaaladdoodu ay wanaagsan tahay. Ugu dambeyn wuxuu taageerayaashiisa ka dalbaday inay muujiyaan feejignaan dheeri ah oo ku aadan cudurkaan ku sii faafaya caalamka ee Coronavirus. “Haddii aad dareento xannuun ama ay kula tahay in aad is baarto, marka waa in aad wax iska qabataa.” ayuu markale yiri Jilaaga. Coronavirus ayaa markiisii hore ka soo bilowday dalka Shiinaha, balse wuxuuna haatan gaaray dalal badan oo caalamka ku yaalla, iyadoona shalay kiiskii ugu horreeyey Soomaaliya ay xaqiijisay xukuumadda federaalka, gaar ahaan wasaaradeeda caafimaadka.
-
Popular Contributors
