-
Content Count
214,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar rogaal celis ah oo dagaalyahannada Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Sh/Hoose. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa ragg fuliyey waxa ay la bartilmaameedsadeen saldhig duleedka Janaale ay ka sameysteen ciidamadii dhowaan qabtay deegaankaasi. Wararka ayaa sheegaya in weerarka oo socday in muddo ah ay labada dhinac sidoo kale isku weydaarsadeen tiro madaafiic ah. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidanka Bangarafta Soomaaliya ee dhowaan la geeyey deegaanka Janaale. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, waxaana ilo deegaanka ah ay innoo sheegeen ciidamada dowladda ay howlgallo cusub ka bilaabeen duleedka deegaanka. Janaale oo maalin ka hor ay si buuxda ula wareegeen ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ka talinayey dagaalyahannada Al-Shabaab.
-
Raysal wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu horkacaya ayaa saaka u duulay Dalka Itoobiya. Lama oga ujeedka Safarka Raysal wasaaraha laakiin [...] Source
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen qeybo ka mid ah gobolka Sh/Hoose. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Janaale ee gobolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in labada dhinac ay sidoo kale is-weydaarsadeen tiro madaafiic ah. Ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidanka Bangarafta Soomaaliya ayaa ku dhintay weerarka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Xaaladda Janaale oo dhowaan ay la wareegeen ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa hadda degan, iyadoona ciidamadu dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilaaabeen halkaasi. View the full article
-
(SLT-Burco)-Shirkii magaalada Burco uga socday beelaha Habar-jeclo iyo West Burco Clan ayaa goor-dhawayd la soo gabo-gabeeyay. Gabagabadii shirkan ayaa waxa maanta lagu soo casuumay dhammaan Salaadiinta Guud ee Beelaha Somaliland. Shirkan oo muddo afar maalmood ah ka socda Huteelka City Plaza ee Magaaladaasi Burco ayaa maanta waxa laga soo saaray go’aamo ka kooban 9 qodob. Warkan oo faah-faahsan goor dhaw la soco Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa soo jeediyey in aad looga taxadiro goobaha la iskugu yimaado, waxayna ku baaqeen in la galo fasac qaran, si looga feejignaado xanuunka Coronavirus,waxayna baaqyo ka duwan u direen Xukuumadda iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada, iyagoo ku taliyey in la joojiyo qaadka dalka yimaada. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) iyo Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) wuxuu hadalkiisi ku bilaabay “Coronavirus waa Cudur halis ah oo khatartisa wata ee ALLE ha inaga hayo, ee baaqyada iyo wacyigelinta Xukuumadda gaar ahaan wacyigelinta Wasaaradda Caafimaadka aynu qaadano, oo Bulshada qaybaheeda kala duwani ka qaadato wacyigelinta la wado, Wadamadii aynu jaarka ahayn Xanuunkani uu soo gaadhay, ee anigu waxaan odhan lahaa xitta qaadka aynu iska joojino, si aanu xanuunkani inoogu soo talaabin”. Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo isna arintan ka hadlay ayaa yidhi “Anigu waxaan soo jeedin lahaa in la fasaxo Dugsiyada iyo Barlamaanka aadna looga taxadiro meelaha la iskugu yimaado, sidaas darteed Dalakiii aynu jaarka ahayn sida Itoobiya, Kenya iyo Somaliyaba xanuunkani uu soo gaadhay, haddii aynaan is ilaalina si yar oo fudud ayuu xanuunkani inoogu soo gudbi doona, ee taxadirkeeda aynu lahaana, oo qof walba oo dalkeena soo galaya aynu caafimaadiisa sugno, aadna aynu u baadhno, aynu ku dadaalno nadaafada iyo ilaalinteeda, ILLAAHAYNA waxayna ku baryeynaa inuu inaga hayo xanuunkan, xaalada aynu arkayno maaha xaalada aynu Doorashooyin ku qabdan karno, ee xittaa kharashkii aynu Doorashooyinka ku qabsan lahayn, aynu iskaga ilaalino xanuunkani sidii aanu dalkeena u soo gali lahayn, ILLAAHAY ayaa wax ilaaliya, ee ILLAAHAY ha ina ilaaliyo mar walba”. Dhana kale Xildhibaanadan ayaa soo jeediyey in lagu dadaalo sidii dalka wax soo saar lagu sameeyn lahaa. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Kooxo Dilaaliin ayaa magaalada Hargeysa ka guray agabka caafimaadka iyo daawooyinka lagu faraxasho, kuwaas oo hadda cidhiidhi ku ah suuqyada Hargeysa, waxanaa la sheegay inay u daabuleen dalka Djibouti. Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in kooxo dilaalin ahi ay dalka Djibouti u rareen maryaha afka lagu daboosho ee loogu tallo galay in lagaga hortago xanuunada faafa iyo daawooyinka lagu faro xasho. Af-daboolka iyo daawooyinka lagu fara xasho ayaa hadda qaliil ku ah suuqyada Hargeysa, xilli ay dunida iyo Somalilandba la tacaalayso ka hortagga xanuunka Corona Virus oo dunida gilgilay. Guddiga uu Madaxweyne Biixi u magacaabay la dagaalanka iyo ka hortagga xanuunka Corono Virus, ayaa qoraalo amar ah oo ay shalay soo saareen waxay ku dareen qodob ay kaga digayaan in agabka caafimaadka iyo daawooyinka laga saaro dalka. “Waxa reebban in dalka laga saaro dhammaan agabka caafimaadka iyo daawooyinka.” Sidas waxa u dhignaa qodobka ay dawladu ku mamnuucayso in dalka laga saaro agabka caafimaad ee dalka. Shir ay Hargeysa ku yeesheen ganacsatada dalka iyo xukuumadda Somaliland oo aan saxaafadda loogu tallo gelin ayaa lagaga hadlay arrintan, waana sababta keentay in guddiga ka hortagga Corona Virus ay shalay mamnuucaan in dalka dibada looga saaro agabka caafimaadka iyo daawooyinka. Agabka af daboolka iyo daawooyinka faro-xalka ayaa ku yar magaalada Hargeysa, waxaana cidda hesha lagaga iibinayaa qiime aad u sareeya. Lama oga in dilaaliintani iib ahaan u geeyeen dalka Djibouti agabkan caafimaad ee ay Hargeysa ka daabuleen iyo inay dawladda Djibouti soo diratay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay dhanka magaalada Addis Ababa ee caasimadda wadanka Itoobiya. Khayre iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku sii sagootiyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaliya. Lama shaacin u jeedka safarka deg-dega ah ee uu ra’iisul wasaaruhu ugu ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Warar hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaase sheegaya in safarka Khayre uu la xariiro kulamo uu la qaadan doono madaxda sare ee dalkaasi, iyaga oo ka wada hadli doono xiriirka labada dowladood, arrimo ku aadan cudurka Corona iyo xaaladda gobolka. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ayaa kulamo la qaadan doono qaar ka mid ah xubnaha safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi. Safarka Khayre oo aan horay loo sii shaacin ayaa ku soo aadaya, iyadoo qorshuhu yahay in caawa 12:00 saqda dhexe la joojiyo duulimaadyada caalamiga ah ee garoonka diyaaraha magaalada Muqdisho, sababo la xariira cudurka Corona oo fara ba’an ku haya caalamka.
-
R/Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho,iyagoo u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Wafdiga R/wasaaraha oo ay gariinka diyaaradaha ku sii sagootiyeen xubno ka tirsan dowladda,waxa ay kulamo la xiriira xoojinta xiriirka labada dal la yeelan doonaan madaxda dalka Itoobiya iyo qaar ka mid ah xubnaha safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi iyo hoggaamiyaasha bulshada ee halkaasi View the full article
-
(SLT-Nairobi)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhiggiisa Masar Abdel-Fattah El-Sisi u sheegay in Kenya ay taageersan tahay mowqifka Masar ee muranka ka dhaxeeya Itoobiya ee salka ku haya biyo-xidheenka ay Addis Ababa ka sameyneyso webiga Nile. Afhayeenka El-Sisi, Bassam Rady ayaa sheegay in madaxweynaha uu taleefon ka helay dhiggiisa Kenya, kaasi oo ay kaga wada-hadleen muranka biyo-xidheenka kadib markii ay burbureen wada-hadalladii Washington ay dhex-dhexaadineysay ee Masar, Itoobiya iyo Sudan. Kenyatta ayaa mowqifka Masar ku qeexay mid ku saleysan “rabitaanka siyaasad daacad ah”, sida lagu sheegay bayaanka. Xiisadda Masar iyo Itoobiya ayaa kasii dartay kadib markii Addis Ababa ay ka baaqatay wareegii ugu dambeeyey ee wada-hadallada ee 26-kii February lagu qabtay magaalada Washington, ayada oo sheegtay inay u baahan wada-tashi dheeri ah. Kadib markii Itoobiya ayna ka qeyb-galin kulankii Washington, wasaaradda arrimaha dibdda Masar ayaa cambaareysay waxa ay ugu yeedhay “maqnaanshaha aan cudurdaarka lahayn ee Itoobiya ee marxalad muhiim u ahayd wada-hadallada.” “Masar waxay adeegsan doontaa wax kasta oo ay awooddo oo ay ku difaaceyso danta dadkeeda,” ayaa lagu yidhi qoraalka. Taageerada Kenya ay u muujisay Masar ayaa muujineysa sida ay usii kala fogaanayaan Nairobi iyo Addis Ababa, oo markii horeba ku loolamayey siyaasadda gobolka. Halkan hoose ka akriso source warkan Kenya Supports Egypt’s Position in Nile Dam Rift With Ethiopia Source
-
Ciidamada dowladda Federaalka ee Haramcad Dowladda Puntland ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay, in ay dhisayso ciidamo hal dhinac ka raran oo aan isu’ dheelli tirnayn, islamarkaana Khatar ku ah Amniga iyo Xasiloonida dalka. War-muriyeedkii shalay ka soo baxay Shirkii Garoowe, ayaa qodob kamid ah lagu xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay baal-martay Heshiiskii dhismaha Ciidan Qaran oo la saxiixay sannadkii 2017, kaasi dhigayay in dalka loo dhiso Ciidamo Qaran oo midaysan. “Wuxuu Shirweynuhu walaac ka muujiyey in ay dowladdu dhiseyso ciidan dhinac u raran oo aan isu’dheelii tirnayn khatarna ku noqon kara Amniga, Xasiloonida iyo Wadajirka dalka” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Shirweynaha Wada-tashiga Puntland. Sidoo kale, Qoraalkaas ayaa lagu sheegay in Shirweynuhu xukuumadda Puntland ugu baaqayo, in ay la-xisaabtan adag la gasho dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha ku gacan-siiya Tababarka ciidamada, si wax looga weydiiyo Ciidamada halka dhinac ah ee la hubaynayo. Xukuumadda Puntland, waxay marar kala duwan ku cel-celisaa, in Hannaanka Tababaridda iyo Qalabeynta Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, uu yahay mid dhinac u raran oo Beelo gaar ah la hubaynayo, balse uusan ahayn mid lagu dhisayo Ciidamo Qaran oo midaysan. PUNTLAND POST The post Puntland oo Walaac ka muujisay Ciidamada loo tababarayo dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Addis Ababa)-Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Caddde ee Magaalada Muqdisho. Raysal Wasaare Kheyre iyo wafditiisa oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada iyo xubno kale ayaa u ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, iyagoona laga sii sagootiyay garoonka Aadan Cadde. War qoraal ah oo laga soo saaray Xafiiska Raysal Wasaare Kheyre ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu Addis Ababa kulamo kala duwan uu kula qaadan doono Madaxda dowladda Itoobiya. Faah-faahin intaas ka badan laga bixin Safarka uu Xasan Cali Kheyre ugu ambabaxay dalka Itoobiya, hayeeshee waxaa la xaqiijiyay inuu la kulmi doono Madaxda Itoobiya. Si kastaba Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyrea ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo Maanta uu ku egyahay duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee Soomaaliya imaan jiray iyo kuwii ka bixi jiray, waxaana xusid mudan in dalka Itoobiya laga helay dhowr qof oo qaba Cudurka haliska ee Coronavirus Source
-
(SLT- Florida)-Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Joe Biden ayaa qarka u saaran inuu noqdo Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ee la tartami doona Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Joe Biden ayaa guullo iska daba joog ah ka soo hoynayay tartanka is reeb reebka doorashada ee Musharaxiinta xisbiga Dimoqraadiga. Mr Biden ayaa guulo muhiim ka soo hoyay Gobolada Florida, Illinois iyo Arizona, isagoo kaga adkaaday Bernie Sanders. Warbixinada laga helayo Gobolka Florida ayaa sheegaya in Mr Biden uu 62% ku hoggaaminayay, halka Mr Sanders uu helay illaa 23%, sida ay qortay wakaalada wararka AP. Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ee ku guulleysta doorashada is reeb reebka waxaa uu bisha November ee sannadkan la tartami doonaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo dadaal ugu jira sidii uu xilligii labaad ugu guulleysan lahaa xilka Madaxtinimada dalkaas. Source
-
(SLT-West Vergina)-Cudurka Coronavirus ayaa gaadhay dhammaan 50-ka gobol uu dalka Mareykanku ka kooban yahay, iyada oo gobolka West Vergina kiiskii ugu horreeyey ee cudurka laga helay shalay. Marki shaaca laga qaadayey kiiska ugu horreeyeyna Badhasaabka Wes Virginia Jim Justice wuxuu yidhi: “waanu ogayn iney tani imaneyso.” Magaalada New York waxaa la saaray xayiraad la mid ah midda saaran San Francisco aagga Bey. Dalka Mareykanka ilaa iyo iyo hadda inta la xaqiijiyey waxaa laga helay 6,000 oo kiis oo cudurka Coronavirus iyada oo ay dhimashaduna gaadhay 105. Dunida oo dhan kiisaska cudurka ee la helay waaxaa lagu qayaasaa 200,000 oo kiis iyo 8,000 oo dhimasho ah. Source
-
Kumanaan Kun Oo Maxaabiis Oo Laga Sii Daayay Xabsiyada IRAN
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Tehran)-Dowladda Iiraan ayaa si ku meel gaadh ah xabsiyada uga sii deysay kumaan maxbuus oo dheeraad ah oo ay ku jiraan siyaasiyiin ka tirsan Mucaaradka. Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay sidii lagu yareyn lahaa khatarta caabuqa Corona oo ay dowlada Iiraan culeys kala Kulmeyso. Amarka ay ku dhawaaqday xukuumada Tehraan ayaa imaanaya, iyadoo toddobaadkii hore waaxda garsoorka ay si ku meel gaadh ah u sii deysay 70,000 oo maxbuus kuwaasi oo aan galin dambiyo Culus. Afhayeenka waaxda garsoorka Iiraan Mr Qulaam Xuseen Ismaaciili ayaa sheegay shalay in 85,000 maxbuus xabsiyada laga sii daayay, kadib markii ay soo baxday cabsida la xidhiidha caabuqa Corona. Maxaabiista la sii daayay ayaa badi waxay ahaayeen dad lagu qabtay mudaaharaadyadii looga soo horjeeday dowlada Iiraan ee dhacay bishii November ee sannadkii hore. Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in ay dib ugu laabtaan xabsiyada 3-da bisha soo aadan ee April. Dalka Iiraan ayaa wuxuu ka mid yahay wadamada ugu badan ee uu saameeyay cudurkaan oo ay dad badan u dhinteen. Source -
Ra’iisul Wasaare Khayre oo saaka u ambabaxay dalka Ethiopia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Waddanka Ethiopia. Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in uu halkaasi kulamo kula yeelan doono madaxda dalka Ethiopia inkastoo aan qoraalka lagu shaacin arrimaha ay ka wada-hadli doonaan. “Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay Addis Ababa. Waxay kulamo la yeelan doonaan madaxda dalka Ethiopia.” Ayaa lagu yiri qoraalkaas. Ra’iisul Wasaaraha waxaa socdaalkiisa ku weheliya xubno ka tirsan Golihiisa Xukuumadda iyo saraakiil ka socda Xafiiskiisa. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo saaka u ambabaxay dalka Ethiopia appeared first on Puntland Post. -
Ciidanka ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay gacanta ku dhigay ruux sheegtay inuu qabo cudurka Coronavirus oo kiiskiisii ugu horreeyey dhowaan laga helay muwaadin Soomaaliyeed oo ka yimid dalka Shiinaha. Ruuxa sheegay inuu isaga shakiyey xanuunka ayaa lagu qabtay agagaarka isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Ciidanka ammaanka ayaa isku hareereeyey gaariga uu watay ninkaasi, iyadoona sidoo kale goobta ay tageen dadweyne fara badan. Maalin ka hor ayey aheyd markii dowladda ay ku dhawaaqday kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus oo laga helay muwaadin lagu karantiilayey garoonka Aadan Cadde View the full article
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay in xukuumaddiisa lacag gaareysa shan milyan oo Doller-ka Mareykanka ah ay ugu talagashay la tacaalida cudurka Coronavirus oo dhowaan soo gaaray Soomaaliya. Khayre ayaa sidoo kale sheegay dhammaan la xirayo goobaha waxbarashada muddo 15 maalin ah, taas oo isla maanta bilaabaneysa. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in dowladda federaalka ay goobo gaar ah u diyaarisay in lagu daaweeyo dadka uu soo ritay xanuunkaasi. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed inay muujiyaan taxadar, islamarkaana ay yareeyaan goobaha goobaha inta badan la’isugu yimaada. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-180320.mp3 View the full article
-
Ra’iisul Wasaaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay 5 Milyan oo Doollarka mareykanka ah u qoondeysay la tacaalidda caabuqa COVID- 19, dhammaan dalka oo dhan. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha aya ku dhawaaqay in la xirayo dhammaan goobaha waxbarashada sida dugsiyada iyo jaamacadaha, laga billaabo Maanta, iyada oo ay xirnaan doonaan muddo 15 maalin ah, si looga hortago faafidda caabuqa CONVID-19. Ra’iisul Wasaaraha ayaa muwaadiniinta faray in la joojiyo kulamada waaweyn, iyo isku soo baxyada fagaarayaasha. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku howlantahay dhamaystirka xarumo lagu karantiilo, laguna hubiyo dadka looga shakiyo cudurka, halka Isbitaalka Martiini loo asteeyay in lagu daweeyay bukaannada uu cudurku haleelo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in loo midoobo, ka hortagga caabuqan, isla markaana la raaco timaamaha hay’adaha dowladda ee ku howlan howshan. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in la xiro dhammaan Goobaha Waxbarashada dalka appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Warbixin sanadle ah, oo ay wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka kasoo saartay xaaladda xuquuqda aadanaha Soomaaliya, ayaa eedeymo culus loogu jeediyey dowladda federaalka, si la mid ah kooxda Al-Shabaab. Warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya, Al-Shabaab iyo maleeshiyo beeleedyo ay ku kaceen xadgudubyo waa weyn oo xuquuqda aadanaha ka dhan ah, oo ay ku jiraan dilal ka baxsan sharciga oo ka dhan ah dad rayid ah. Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale lagu eedeeyey mas’uuliyadda dad la waayey, jirdil, falal cadowtooyo, kuwa ka baxsan bani’aadannimada iyo dhaqan liidid ama ciqaab ah, si la mid ah maleeshiyada Al-Shabaab iyo maleeshiyo beeleedyo. “Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada waxay geysteen xarigyo ay ka dambeyso siyaasad oo ay ku jiraan kuwa ka dhan ah suxufiyiinta,” ayaa lagu yiri warbixinta wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka. Warbixinta ayaa sidoo kale dowladda ku eedeysay ficillo dhowr oo musuq-maasuq ah, xadidaadda iyo is-hortaagga in dadka ka qeyb galaan hanaanka siyaasadda iyo si qaldan ugu adeegsashada caruurta askar ahaan, si la mid ah maleeshiyada Ahlu-Sunna iyo maleeshiyo beeleedyada. Dhanka kale, warbixinta ayaa si gaar ah ugu eedeysay Al-Shabaab iyo Ahlu-Sunna rabshado ka dhan ah haweenka iyo gabdhaha, taasi oo qeyb ahaan sabab looga dhigay ficil la’aanta dowladda federaalka ah. Maleeshiyo beeleedyada iyo Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyey inay sii wadaan xadgudubyo waa weyn oo ka dhan ah xuquuqda aadana. Warbixinta ayaa si gaar ah Al-Shabaab ugu eedeysay inay fulisay xadgudubyad ugu darran xuquuqda adanaha ee ka dhacay gudaha Soomaaliya. Haddii dooneyso warbixinta oo dhameystiran oo English, halkan ayaad ka heli kartaa. Warbixinta Mareykanka ee xaaladda Soomaaliya
-
Washington (Caasimada Online) – Shahaadada nikaaxa Ilhaan Cumar iyo Tim Mynett, oo ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in Tim uu isaga un garsoore ka ahaa nikaaxa iskuna mehriyey Ilhaan. Nikaaxa ayaa ka dhacay magaalada Washington DC, halkaasi oo sharci ay ka tahay in qofka uu isku noqon karo caruuska iyo garoosaraha, taasi oo u muuqata waxa uu sameeyey Tim Mynett. Shahaadada ayaa waxaa ka muuqata in Tim Mynett iyo Ilhaan Cumar ay is mehersadeen Arbacadii 11-ka March. Xafladda ayaa ka dhacday beerta John Marshall oo ku dhow maxkamadda Moultrie Courthouse, oo ay ka qaateen shahaadada nikaaxa. Sida ku cad warqadda, Mynett ayaa waxa uu haystaa shatiga fulinta nikaaxa ee magaalada Washington DC, taasi oo u sahashay inuu isku nikaaxo Ilhaan. Nikaaxa ay fuliyaan arooska ama aroosadda ayaa waxaa Mareykanka looga yaqaan “midow shakhsi ah”, balse waa wax naadir ah oo inta badan aan dhicin. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo afhayeen u hadlay Ilhaan Cumar uu xaqiijiyey in Tim Mynett uu diinta Islaamka qaatay ka hor inta aan la qaban xafladda nikaaxa, hase yeeshee ma bixin faah-faahin intaas dheer. Si kastaba, waxaa suurta-gal ah in Tim iyo Ilhaan isku mehersadeen diinta Islaamka, kadibna ay sidoo kale sameeyeen nikaax kale oo ay ku helaan warqadda shahaadada ee dowladda Washington DC. Hoos ka arag warqadda nikaaxa
-
Stark warning from state TV comes as death toll in the country nears 1,000, with at least 16,000 confirmed cases. Source: Hiiraan Online
-
The announcement comes weeks after President Trump limited the number of Chinese citizens who can work in the United States for five state-run Chinese news organizations. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
