Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Shaqaalaha Dowladda waxaa lagu qaadan karaa oo keli ah hab tartan ah oo waafaqsan Sharciga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda; Sharciga Shaqada 1972 (Labour Code) iyo mabaadii’da guud ee #Dastuurka KMG ah. Sidoo kale in shaqo bannaan la xayeysiiyo & in qofka lagu xiro shahaado jaamacad waa arrin waafaqsan Sharciga Shaqaalaha Rayidka, Sharciga Shaqada iyo mabaadii’da guud ee Dastuurka KMG (Eeg Qod.3aad ee Xeerka Shaqada, Qoddobada 5aad, 9aad, 10aad, 11aad & 12aad ee Sharciga Shaqaalaha Rayidka & Qod.118aad ee Dastuurka KMG ah). Balse Sharcigu ma ogola in gabar & wiil midna lagu xiro da’. Maxaa yeelay taas waxa ay ka hor imaanaysa Qod.5aad & Qod.9aad ee Xeerka Shaqaalaha Rayidka oo xeerinaya in qof kasta oo haysta shahaado jaamacadeed uu la tartamayo dadka dhiggiisa ah ee u soo tartamay isla jagadaas. Qod.3aad ee Sharciga Shaqada 1972 wuxuu farayaa in qof kasta uu helo fursad loo siman yahay iyada oo aan cidna la takoorin. Da’na laguma xiri karo shaqaalaha rayidka oo aan ka ahayd da’da qaangaarka(18). Eeg Qod. 5aad(2) ee Sharciga Shaqaalaha Rayidka & Qod. 29aad(8) ee Dastuurka KMG ah. Sharcigu ma ogola in astaamo jireed (dherer, qurux iwm) lagu faquuqo muwaadin gaar ah, taas oo ka hor-imaanaysa u-sinnaanta fursada shaqada. Eeg Qod.11aad (3) & Qod.118aad (5) ee Dastuurka, Qod.3aad ee Sharciga Shaqada 1972, & Qoddobada 5aad, 9aad, 10aad, 11aad & 12aad ee Sharciga Shaqaalaha Rayidka. Sidaas darteed, Hay’adaha Dowladda waa in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara faquuq iyo kala sooc lagu sameeyo qaar ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed marka ay qaadanayaan shaqaale cusub isla markaasna waa in ay maraan habraaca sharci ee shaqo qorista. W/Q: Senator Abshir Maxamed Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka sare ee BFS. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Taliyayaasha Booliska Gobolada Nugaal, Mudug, Bari, Sool, Karkaar iyo Ceyn ayaa tababar Sadex maalmood socdey loogusoo gabagabeeyey Magaalada Garowe. Madaxweyne Deni ayaa dhowaan magacaabay Taliyaashaan [...] Source
  3. Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Maamulka Somaliland ayaa shaaciyey in saddex xaaladood oo horleh, oo Covid-19 ah laga helay degaano kamid ah Somaliland. Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi ayaa maanta shaagay in saddex bukaan laga helay xannuunka Covid-19, kuwaas oo labo kamid ah ay ku noolyihiin magaalada Hargeysa, halka kankale uu ku sugan yahay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Wasiir Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa xusay in saddexdan qof oo kamid ahaa afar iyo labaatan qof oo baaritaan loo diray, ay hadda xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay. Somaliland ayaa horey u sheegtay in ay hayso labo xaaladood oo Covid-19 ah, waxayna hadda tirada guud ee dadka xannnuunkaas laga helay noqonaysaa Somaliland shan qof oo mid kamid ah yahay Ajnabi. Guud ahaan Soomaaliya ayaa xannuunka Covid-19 laga helay dad ku dhow soddon qof oo intooda badan ku sugan Koofurta Soomaaliya, waxaana u geeriyooday labo kamid ah oo mid yahay Wasiir ka tirsan maamulka Hirshabeelle. Gudaha Soomaaliya wali laguma baaro xanuunkan, waxaana bukaanada looga shakiyo dhacaankooda loo diraa dalka dibadiisa. PUNTLAND POST The post Somaliland oo laga helay kiisas horleh oo ah Covid-19 appeared first on Puntland Post.
  4. Wasiirka arrimaha gudaha waddanka Turkiga Suleyman Soylu ayaa Axaddii shalay is-casilaaddiisa u gudbiyay madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan kadib markii uu cambaarayn xooggan kala kulmay bandow uu soo rogay si looga hortago faafidda COVID-19. Balse madaxweynaha Turkiga Reccep Erdogan ayaa diiday in uu aqbalo iscasilaadda wasiirka ee ka dhalatay xannibaada degdega ah ee uu ku soo rogay dalka taasi oo keentay in dadku guryahooda ku yaacaan kadib markii ay dareemeen cabsi iyo argagax la xiriira Coronavirus. Go’aankaas ayaa kumanaan qof ku qasbay in ay ku cararaan suuqyada islamarkaana is dhex yaacaan taasi meesha ka saartay xeerkii kala fogaanshaha bulshada. Waddooyinka magaalooyinka Istanbul iyo Ankara ayaa sidoo kale buuxsamay ayadoo la arkayey safaf dhaadheer oo loo galay dukaamada cuntada bankiyada iyo goobaha kale. Kadib jaahwareerkii ka dhashay xanibaadda ayaa dhaqan-gashay waxaana u hogaansamay inta badan shacabka. Dalka Turkiga waxaa laga xaqijiyay 57,000 kiis oo COVID-19 ah waxaana u dhintay 1,200 oo qof sida ay sheegtay dowladda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Turkiga oo diiday iscasilaadda Wasiirkiisi arrimaha gudaha appeared first on Puntland Post.
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa goordhoweyd shaacisay in deegaanadeeda laga helay dad hor leh oo qaba cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus ama Covid-19. Somaliland ayaa xaqiijisay in maanta laga helay saddex qof cudurkaasi, kuwaasi oo ku kala nool magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama. Xukuumada ayaa sheegtay in labo kiis ay yihiin caasimada magaalada Hargeysa, halka midka kalena uu yahay magaalada Boorama ee gobolka Awdal. Tirada kiisaska cudurkaasi ee Somaliland ayaa noqoneysa 5-Kiis, xilli tirada guud ee dalkuna ay noqoneysa 28-Kiis, midaasi oo cadeyn u ah xawliga uu gudaha dalka ugu dhex faafayo cudurkaasi. Somaliland ayaa muddooyinkii dambe aad looga cabsi qabay in cudurku si weyn u dhex-qaado, maadama hore looga helay magaalooyinka Berbera iyo Burco, oo ay xukuumaduna ay soo saarin awaamiir adag oo lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqa dadka. Cudurka Coronavirus ayaa u muuqda mid halistiisu ay ka taagan tahay gudaha Soomaaliya, xili ay magaalada Muqdisho ugu geeriyoodeen Labo ruux, oo midkood ahaa Mas’uul ka tirsan maamulka Hir-Shabelle.
  6. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa iskaraantiilay sababo la xariiro caabuqa Coronavirus oo kiis ka mid wasiiru dowle ka tirsanaa Hirshabeelle ugu geeriyooday Muqdisho oo lagu baxnaaninayey xaaladiisa. Madaxweynaha oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in hadda xaaladiisa ay fiican tahay lakiin uu doortay in si shaqsi ah uu si karaantiilo asbuucii la soo dhaafay waxaana uu xusay in ay tahay taxadar. Karaantiilka uu is geliyey madaxwenaha ayaa ku soo aadayo iyadoo wasiiru dowlihii cadaaladda dowlad goboleedka Hirshabeelle Khaliif Muumin Tooxoow uu u geeriyooday caabuqa COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. JOHAR (HOL) - HirShabelle president Mohamed Ware has dismissed reports that he is sick after one of his ministers died of COVID-19 noting he is fine but on self-quarantine. Source: Hiiraan Online
  8. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntand, Siciid Cabdullaahi (Deni) oo xalay warbaahinta ugu warramay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dhismaha ciidamada Xoogga dalka. Deni ayaa marka hore ka digay in la siyaasadeeyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida Soomaaliya, iyadoo loo adeegsanayo dano gaar ah ama kuwa kooxeed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in looga baahan yahay ciidamada Qaranka Soomaaliyeed in ay la yimaadaan hanaan shacabka Soomaaliyeed u qalma, sida uu hadalka u dhigay. “Waan ka digeynaa in ciidamadda qaranka la siyaasadeeyo, la qabiileeyo, la kooxeeyo, dano gaar ah lagu fushado, waan u rajeyneynaa saraakiisha hogaamisa ciidamadu in ay sifadaas ku sifoobaan, oo a ku yimaadaan hanaan shacabka Soomaaliyeed u qalma” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Deni. Ugu dambeyn wuxuu qiray in ciidamadu ay ku soo shaqeeyeen daruufu adag, islamarkaana ay soo muujiyeen dhabar adeeg mudan in lagu xormeeyo, laguna taageero. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay ay ku beegneyd 60-sanad guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ciidamada Xoogga dalka oo ka kooban ciidanka Dhulka, ciidanka Cirka iyo ciidanka Badda, walow aan la xusin maalintaan, sababo la xariira Coronavirus.
  9. Gudiga Wacyigalinta Corona Virus yaa sid muuqata guul fiican ka gaaray wacyigalinta ku aadan Cudurka Corona Virus, iyadoo inta badan Shacabkuna ay u hogaansmren. Madaxweynaha [...] Source
  10. Madxaf ku yaalla magaalada Dresden ee dalka Jarmalka ayaa laga helay kaaadhka aqoonsiga ah ee ay qaataan askarta basaasiinta ahi, kaasi oo uu isticmaali jiray, Vladamir Putin oo xilligaasi u basaasi jiray dalkii la oran jiray Jarmalka Bari. Putin oo hadda ah madaxweynaha dalka Ruushka ayaa sannadihii 1980-meeyadii si qarsoodi ah uga howl gali jiray magaalada Dresden, isagoo basaas u ahaa hay’adda Ruushka KGB oo dhanka amniga u qaabilsanayd maamulkii midowga Soviet. Hase ahaatee waxa uu isticmaali jiray kaadh aqoonsi oo muujinaya inuu ahaa askari ka tirsan hay’adda Stasi, oo ahayd laanta dhinaca ammaanka ee jamhuuriyaddii shuuciga ahayd ee horay loo oran jiray Jarmalka Bari. Kaarkiisa aqoonsiga ee uu ugu shaqeyn jiray hay’adda Stasi ayaa la helay iyadoo cilmi baaris lagu sameynayo xiriirkii wada shaqeyneed ee ka dhexeeyay hay’adaha KGB iyo Stasi. Mr Putin oo xilligaas ahaa sarkaal ka tirsan KGB ayaa kaadhkan aqoonsiga ah helay sannadkii 1985-kii. Waxaa loo siiyay si uu ugu shaqeeyo hay’adda Stasi, balse waxaa suuragal ah in aanu iyaga u basaasi jirin. Bayaan ay dhawaan soo saartay hay’ad uruurisa taariikhda hay’addii la oran jiray Stasi ayaa lagu sheegay in Mr Putin kaarkaas loo siiyay in uu fuliyo howlaha KGB, arrintaasi na ay qeyb ka ahayd wada shaqeyn dhex mari jirtay labada hay’adood. Sida dhabta ah, magaca Stasi wuxuu ahaa naaneys ay lahayd wasaaradda amniga qaranka ee xukuumaddii Jarmalka bari. Mr Putin, oo ku dhashay magaalada Leningrad (oo hadda loo yaqaanno St Petersburg), ayaa Jarmalka bari loo diray sannadkii 1985-kii, xilligaas oo uu ahaa 33 sano jir. Waxa uu howsha basaasnimada ah halkaasi ka hayay tan iyo bishii Diseembar ee sannadkii 1989-kii, xiligaasi oo ay xukuumaddii jarmalka bari ku burburtay mudaharaadyo looga soo horjeeday oo lagu taageerayay Dimuqraadiyadda. Kaadhkiisa aqoonsiga ee Stasi waxaa la cusboonaysiin jiray saddexdii biloodba hal mar, sida ay muujiyeen shaabadaha ku yaalla kaadhka dushiisa. Balse ma cadda sababta uu kaadhkiisa ugaga tagay goobta lagu keydiyo feylasha Stasi ee magaalada Dresden. 5-tii bishii Diisambar ee sannadkii 1989-kii, wuxuu goob joog u ahaa dad mudaharaadeyaal ah oo la wareegay xarunta dhexe ee ay hay’adda Stasi ku laheyd magaalada Dresden, iyadoo ciidammadii ammaanka ee uu ka tirsanaa ay qarka u saarnaayeen in ay rasaas ku furan shacabka. Bishii Nofeembar ee isla sannadkaas ayey mudaharaadeyaasha bariga Baarliin dumiyeen darbigii Baarliin. Mr Putin ayaa xilligaas si fiican ugu hadli jiray luuqadda Jarmalka, wuxuuna sheegay in uu si shakhsi ah u dajiyay dadkii mudaharaadayay ee hareereeyay xarunta hay’adda KGB, isagoo markaas siinayay digniin ah in meeshaasi ay ahayd dhul uu leeyahay midowga Soviet. Intii uu waday howshii uu KGB uga hayay magaalada Dresden, Mr Putin waxaa loo dallacsiiyay darajada ciidan ee laba-xiddigle korneyl. Sannadkii 1989-kii, xukuumaddii shuuciga ahayd ee jarmalka bari ayaa Putin abaal marin ku siisay sidii uu daacadda ugu ahaa ciidammada milatariga ee qaranka, sida lagu qoray barta internet-ka ee Kremlin. Markii uu ku laabtay Ruushka, Mr Putin waxaa loo dallacsiiyay inuu noqdo madaxa hay’adda amniga ee federaalka, taasi oo baddashay hay’adda horay loo odhan jiray KGB. Wuxuu madaxweynaha dalka Ruushka noqday sannadkii 2000. Bishii Juun ee sannadkii 2017-kii, Mr Putin wuxuu shaaca ka qaaday in shaqadii sirdoonka ee uu u hayay hay’adda KGB ay qeyb ka ahaayeen macluumaad basaas ah oo “si sharci darro ah loo ururiyay”. Isagoo ka hadlayay Telefishinka Qaranka ee Ruushka ayuu sheegay in dadkii wax u basaasi jiray KGB ay ahaayeen dad “tayo gooni ah leh, si gaar ah wax u go’aamiya, isla markaana dabeecad gaar ah leh”. Putin ma wuxuu basaas u ahaa Midowgii soviet ee Ruushka mise iyaga ayuu basaasi jiray? Heshiis qarsoodi ahaa oo dhex maray hay’adaha KGB iyo Stasi, oo ay BBC-du aragtay ayaa muujinayay in KGB ay 30 askari u joogeen Jarmalka Bari, kuwaasi oo si toos ah ula shaqeyn jiray hay’adda Stasi. Afhayeen u hadlay bogga Internet-ka ee Kremlin oo lagu magacaabo Dmitry Peskov ayaa dadka ku baraarujiyay kaadhka aqoonsiga ee Mr Putin uu hore u isticmaali jiray. “KGB iyo Stasi waxay ahaayeen hay’ado sirdoon oo lamaane ah, sidaas awgeed ma garan kartid sababta ay kaadhadhka noocaas ah u kala badasheen”, Source
  11. Afhayeen Barkhad Batuun iyo Wasiir Faratoon: Mucaarid Muujiyey Lexejeclo iyo Muxaafid la Yimid Masuuliyad-darro Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Xisbiga WADDANI Md. Barkhad Jaamac Batuun oo saxaafadda la hadlay (Axad, 12 April 2020), ayaa muujiyey astaamaha lagu yaqaan mucaaridnimada dhabta ah ee ku salaysan lexejeclo muwaadinimo, sheegista waxa fiican ee la qabtay iyo tilmaamista khaladaadka jira ama gal-daloolooyinka u baahan in la gufeeyo (Objective criticism), isagoo Madaxweynaha iyo Xukuumadda Somaliland uga mahadnaqay in Guddi Heer Qaran ah loo sameeyo xakamaynta iyo wacyigelinta xannuunka Covid-19., halka uu Wasiirka Khaarajiguna la yimid masuuliyad-darro ah inuu baal-maray nidaamka loo dejiyey in dadka safarka ka yimaada lagu karantimeeyo hudheelo lagu ilaaliyo. “Xisbi ahaana waannu uga mahadnaqaynaa, maantana Mucaarid, muxaafid iyo muwaadinba waa inay intuba mid ka noqdaan badbaabada caafimaadka bulshada Somaliland.” Sidaa waxa yidhi Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun oo sidoo kalena ugu baaqay bulshada Somaliland in heegan loo galo aafada cudurkan anfariirka ku riday dunida, kaasoo uu xusay in lagaga bixi karo feejignaan iyo midnimo dhexdeena ah, wacyigelin iyo baraarujin bulshada dhexdeeda ah. “Waxa aynu guud ahaan ku dedaalaynaa in aynu wax tarno dadkeena masaakiinta ah ee aan waxba haysan, agoomaheena, cusbitaallada ay ku jiraan dadka waalan, dadkeena naafada ka ah indhaha iyo dadkeena ay ku gedaaman yihiin duruufaha nololeed. Waxa hadda inoo dhammaanaysa bil khayr qabta (shabcaan), waxaanna inoo soo gelaysa bishii ugu fadliga badnayd bilaha oo ramadaan ah. Sadaqada iyo wax-bixintu waa shayga keliya ee dammiya cadha Ilaahay, waana shayga cimriga dheereeya, waa shayga caafimaadka barakeeya ee ay ku timaado naxariista rabbi, markaa guud ahaanteen aynu ku dedaalno sidii aynu wax u tari lahayn dadkeena baahan,” ayuu yidhi Barkhad Batuun. Afhayeenka Xisbiga WADDANI, ayaa soo bandhigay gal-daloolooyinka ka muuqda shaqada wacyigelinta iyo qaab-dhismeedka Guddida Heer Qaran ee U-diyaargarawga iyo Ka-hortagga Xannuunka Coronavirus (Covid-19) oo Madaxweyne Muuse Biixi uu wareegto ku magacaabay taariikhdu markii ay ahayd 14 March 2020, balse marar kala duwan tiradooda la kordhiyey, Guddoomiyena looga dhigay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland. “Guddidaas il-duuf badan ayaa runtii jira oo aannu talo ahaan qabno, Madaxweynahana u jeedinayno. Madaxweyne, waad ku mahadsan tahay in aad Guddi Heer Qaran ah samayso, laakiin saddex tiir oo bulshada muhiim u ah ayaan ku jirin Guddida, wayna fiicnayd in dib lagaga daro Guddida. 1) In Guddida Heer Qaran lagu daro cid metelaysa saxaafadda Somaliland, lagalana tashado Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), aad ayeynta taasi u qurux badnayd, sababtuna waxa weeyaan saxaafaddu waa cidda keliya ee tebinaysa wararka iyo wacyigelinta Bulshada, door muhiim ah ayeyna maanta kaga jirtaa nolosha ummadda Somaliland. 2) In lagu daro culimada oo culimo aan ka tirsanayn Xukuumadda Somaliland ay ku jiraan Guddida way fiicnaan lahayd, sababta aannu xisbi ahaan sidaas u leenahay waxa weeyaan magaalo kasta oo dalka ka mid ah, xaafad kasta oo ku sii taala, ugu yaraan toban masaajid ayaa ku yaal, masjidkastana makarafoon ayaa saaran. Wacyigelinta Bulshada iyo wax-u-sheegooda qayb weyn ayey culimadu ka qaadanaysaa, waana dadka uu hadalkoodu galo mushtamaca, waayo waxay sheegaan qowlka Ilaahay iyo qawlka Rasuulka (NNKHA). 3) Waxa kaloo uu il-duuf kale ka jiraa Abwaanada oo waa in lagu daro xubin metelaysa Abwaanada Qaranka, taasina muhiim ayey ahayd, waayo hibo hal-abuur ayey leeyihiin, waana dadka samayn karaya hal-ku-dhegyada wacyigelinta, waana dadka meteli karaya, ummaddana u soo bandhigi karaya riwaayado waaqica iyo mashaakilka uu ummadda ku sababi karayo xannuunkaasi. Il-duufka kale ee muuqdaa waxa weeyaan in aanay wacyigelintu gaadhin qaybo badan oo bulshada Somaliland ah, waxa aannu xisbi ahaan ku talinaynaa in loo dhug-yeesho oo loo dheg-raariciyo tallooyinkan; • In Masuuliyad gaar ah la iska saaro in dadka aragga naafadda ka ah ay u heli lahaayeen wacyigelin gaar ah oo waa qayb ka mid ah ummadda, xisbi ahaana ay muhiim noo tahay in mudnaan gaar ah la siiyo. • In waycigelin gaar ah la siiyo dadka maqalka naafadda ka ah, waana inay jirto istaraatiijiyad iyo qorshe lagu wacyigelinayo, ilayn bulshada ay badh ka yihiine. Waxa il-duufku ka taagan yahay dalku waxa uu leeyahay hal Radiyow (Idaacad qudha), waana Radio Hargeysa oo ay Xukuumaddu gacanta ku hayso, idaacaddaas gelinka hore marka aad shido hees ayaa ka baxaysa, gelinka dambe marka aad shidana hees ayaa baxaysa, habeenkiina hees ayaa baxaysa, waxayna ahayd in lagu ibo-furo, laguna xidho wacyigelinta bulshada lagaga wacyigelinayo aafada cudurkan anfariirka ku riday dunida. Waxa kaloo uu il-duuf ka jiraa, sida aannu maqalnay Wasaaradda Warfaafinta waxa ka ka shaqeeya 850 qof oo isugu jira abwaano iyo suxufiyiin, awooddaas Wasaaradda dhextaala ee uu qaranku leeyahay ee suxufiyiinta iyo abwaanadaba leh in iyagana laga shaqaysiiyo, wacyigelintana qayb weyn oo mug iyo miisaan leh ay ka qaataan,” ayuu yidhi Afhayeenka WADDANI. Md. Barkhad Jaamac Batuun, waxa kaloo uu ka hadlay faa’iidooyinka bulshada ugu jira in la karantimeeyo dadka safarka ah ee ka yimaada dalalka dibadda, gaar ahaan meelaha uu sida xooggan ugu faafay xannuunka Covid-19 oo ah Qaaradda Yurub iyo Woqooyiga Ameerika, isagoo soo bandhigay dhacdooyinka wax-ku-qaadashada mudan ee uu kala kulmay goob ku taal Hargeysa uu ku karantimaysnaa muddo 14 maalmood ah, kadib markii uu ka soo laabtay safar dalka dibaddiisa ah. “Muddadii aannu karantimaysnayn candhuuf ayaa la naga qaaday, dheecanno ayaa la naga qaaday, dhiigag ayaa la naga qaaday oo anaga oo caafimaad qabna ayaannu ka soo baxnay, waana Alxamdullilaahi. Waxyaabaha murugada iyo muraaradillaaca lahaa intii aannu madashaas joognay waxa ka mid ahaa muwaadin anaga naga mid ahaa (dadkii la karantimeeyey) oo reer Somaliland ah oo hooyadii dhimatay oo geeridii loo sheegay ayaa bixi kari waayey oo inuu isagu baxo iyo in bulshadu badbaadi waydo, badbaadada bulshada ayaannu eegnay oo waannu joojinay inuu baxo, waxa nagu jiray muwaadin kale oo xaaskiisii foolatay oo qalliin u baahatay oo in isagu baxo iyo in bulshadu badbaado, waxa la qaatay in bulshadu badbaado, waana laba dhibaato in dhibka yar la doorto oo waa qaaciido sharci ah, waxa sidaas loo sameeyeyna badbaadada shacabka ayey ahayd, arrimaha noocaas ah waxa aan idinkula wadaagayaana waxa weeye in aannu idin dareensiino mudnaanta uu caafimaadkiinu leeyahay, arsaaqda Ilaahay (SWT) bixiyana waxa ugu mudan caafimaadka.” Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun waxa uu ugu baaqay muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland inay sharciga u hoggaansamaan, laguna shaqeeyo isku-xukunka sharciga (rule of law), lana ilaaliyo nidaamka iyo kala-dambaynta, arrimahaas oo uu xusay inay yihiin waxyaabaha lagu yahay qaranka Somaliland. “Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland dhawr maalmood ka hor ayuu yimid magaalada (Hargeysa), madaarka ayuu ka soo degay oo gurigiisa ayuu tegay…Madaxdu waa inay tusaale hoggaamineed u noqotaa muwaadiniintooda oo muwaadiniintu waxay ku dhaqmaan waxa ay madaxdooda ka arkaan. Waxa ay ummaddu isweydiinaysaa sharciga xubin xil ka haysa Xukuumadda u saamaxaya inuu tago xafiiskiisa iyo xaafaddiisa, muwaadinka uu cashuurtiisa qaatana laga dhigo maxbuus? Waxa isweydiin leh askarta ilaalinaysay Wasiirka, darawalkiisii soo qaaday ee guriga geeyey, Wasaaradda uu tegay dadkii joogay sidee ayaa loola dhaqmaa? Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddidaas waxa aannu weydiinaynaa su’aasha ah; muwaadinka maxaa maxbuus ka dhigay, xubinta xil ka haysa Xukuumaddiina maxaa mudnaanta siiyey ee au xafiisyada iyo xaafadahooga u tegayaan? Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun hadalkiisa uu duuban waxa uu socday muddo 12 daqiiqo ah, isagoo in ka badan 8 daqiiqo kaga hadlay waano guud oo ah in ummaddu isku naxariisato, mahadnaq ah tallaabada lagu dhisay Guddida Heer Qaran, faa’iidooyinka bulshada ugu jira karantimaynta iyo in la iska ilaaliyo xannuunkan halista ah, naqdi ama dhaliil wax-dhisid ah (constructive criticism) iyo tallooyin muhiim ah oo uu u jeediyey Guddida Heer Qaran, halka qiyaastii ilaa 4 daqiiqo uu kaga hadlay safarka uu Wasiirka Khaarajigu kaga yimid dalka Ingiriiska iyo sida isagoo aan wax karantimayn ah lagu samayn uu u tegay Gurigiisa iyo Xafiiska Wasaaradda Khaarajiga, waxaannu su’aallo arrintaas khuseeya u soo bandhigay Guddida Heer iyo Madaxweyne-ku-xigeenka oo ah Guddoomiyaha Guddida, balse si shakhsi ah uma weerarin shaqsiyada Wasiirka ah, manuu jeedin wax eedayn ah oo si gaar ah ugu socotay Wasiir Faratoon. Hasayeeshee, Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo waraysi siiyey telefiishanka Bulsho TV xalay, waxa uu si shaqsi ah u weeraray Afhayeenka xisbiga WADDANI oo uu ku sifeeyey inuu yahay; “in shaqada loo siiyey inuu wax caayo”, halka sidoo kale uu Wasiirku been ku tilmaamay hadalka Barkhad Jaamac, balse haddana Wasiir Faratoon waxa uu ka markhaati kacay hadalka Afhayeenka ee ahaa inuu safar dalka dibaddiisa ah ka yimid, iyadoo aan la karantimayna uu si toos ah u tegay Gurigiisa, sidoo kalena tegay Wasaaradda Khaarajiga, taasoo u muuqata in Wasiirku noqday muxaafid isku meeraystay oo aan waaqif ah ummadda uga qancin sababta loogu karantimayn waayey si la mid ah qaabkii loo karantimeeyey dadka ka yimid dalalka dibadda oo hudheelo lagu ilaaliyo muddo 14 maalmood ah. “Arrimahaasi qaarna waa been cad oo aanay waxba ka jirin oo ku tusaysa xil-kasnimada iyo miisaanka uu leeyahay qofka ku hadlaya waxaas beenta ah ee cad, midna sida uu u sheegayo waxba kama jiraan oo iyada qudheeda been ayaan ku sheegi karaa oo anigu kama soo degin Madaarka Cigaal oo madaarkana anigu indhawayd wax diyaarado ah oo yimidba garan maayo,” ayuu yidhi Wasiirku. Waxa kaloo uu qiray inuu ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka Ingiriiska oo ka mid ah dalalka uu saamaynta xun ku yeeshay, sida xooggana ugu dhexfaafay xannuunkan Coronovirus, diyaaradna u soo raacay ilaa Madaarka magaalada Addis Ababa, iyadoo muddo afar maalmood ah lagu karantimeeyey hudheel ku yaal Caasimadda Itoobiya, balse markii dambe ay dowladda Itoobiya u ogaalatay inuu u soo baxo dhinac Somaliland, isagoo soo maray dhinaca dhulka, kana soo gudbay xadka Wajaale, xiligana uu si iskii ah isugu karantimeeyey gurigiisa ku yaal Caasimadda Hargeysa. Haddaba, marka aad daawato ama dhegaysato hadalka Afhayeenka xisbiga WADDANI, waxa kuu muuqanaysa in cidda fariintu ku socoto aanay ahayn Wasiirka Arrimaha Dibadda, laakiin ay tahay mid ku socota Guddida Heer Qaran, jawaabta rasmiga ahna laga sugayo Guddida uu hormuudka u yahay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland. Halkan ka kaga bogo hadalka Afhayeenka WADDANI oo dhammaystiran doodda Wasiirka Khaarajiga Somaliland halkan ka eeg Waxa isku soo ururiyey Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland. Source
  12. Warbixin uu soo saaray xafiiska isku xirka arrimaha bani’aadanimada Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa looga hadlay saameynta cudurka faafa ee Coronavirus uu ku yeeshay Soomaaliya iyo dadaalada lagu xakameunayo cudurkaan ee ka socda dalka. OCHA ayaa sheegtay in 16-kii bishii la soo dhaafay Soomaaliya ay xaqiijisay kiiskii 1-aad ee COVID-19, tan iyo markaasina kiisaska la helay ay kor u dhaafayaan 20 ruux. Sidoo kale warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay xaqiijisay kiisas laga helay dad aan dalka ka bixin, taasoo muujineysa in cudurka uu bulshada ku dhex faafayo, arintaasina ay ka walaacsan yihiin hay’adaha samafalka iyo Qaramada Midoobay, maadaama ay yar tahay awooda looga hortagi karo. Si kastaba ha’ahaatee xafiiska isku xirka arrimaha ban’aadanimada QM ee OCHA ayaa ka digay inuu sii faafo cudurka Coronavirus, kaas oo saameyn kara awoodda hay’adaha samafalka ay uga jawaabi karaan xaaladaha dhanka bani’aadanimo ee Soomaaliya. View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa soo saartay qorshe qaran oo loogu magac daray “Qorshaha Heer Qaran ee U Diyaar Garawga iyo Ka Jawaabista Covid 19” oo loogu talo galay in qaranku ku shaqeeyo muddoda u dhaxaysa Bishan April illaa Diisambar 2020. Qorshahan oo odoroska miisaaniyadda loo qoondeeyey ku kacayso lacag ka badan 15 Milyan oo Doollarka Maraykanka ayay Wasaaraddu ku sheegtay in ay Miisaaniyaddaasi ku bixi doonto 9 Tiir oo aasaas u ah qorshahan kuwaasi oo ay xustay in ay noqon karaan kuwo mar walba ku tiirsan hadba xaaladda iyo wadciga xanuunkani ka noqdo dalka iyo hadba sida ay arrimuhu isu baddalaan. Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland waxa ay Bulshooyinka Caalamka, Hay’adaha Qaramada Midoobay, Daneeyayaasha Caafimaadka iyo Xukuumadda Somaliland ugu baaqday in ay qaadhaankoodaku daraan sidii loo fulin lahaa qorshahan. Wasaaradda Caafimaadka Somaliland waxa ay qorshahan ku salaysay in uu noqdo qaab u muunad eg hannaankii waddanka Shiinuhu u maareeyey la tacaalidda cudurkan dunida faraha baas ku haya iyada oo dhinaca kalena sheegtay in qorshahani ku salaysan yahay qiyaas ahaan dadka la fili karo in uu Somaliland ka haleelo oo ay ku qiyaastay 6,800 oo qod oo uu ku dhici karo cudurka COVID 19 oo u baahnaan doona Cisbitaallo, daryeello caafimaad iyo adeegyo kaleba. 9-ka Arrimood ee Wasaaraddu qorshahan ku sheegtay in ay ku bixi doonto lacagtan ayaa ah sidan: Isuduwidda heer qaran, qorshaynta & hawlgallada – $2,010,000 Isgaadhsiinta ka jawaabista Halisaha iyo diyaarinta/Abaabulidda Bulshada- $1,330,000 Ilaalinta, Kooxaha Jawaab Degdega ah Bixin Doona & Kiiska Baadhitaan – $900,000 Goobaha Laga Soo Galo- $1,225,000 Shaybaadhka Qaranka Ee Tayada Leh Iyo Helitaanka Ogaanshaha Waqtiga Adeegyada – $700,000 Maareynta kiiska- $3,790,000 La socodka iyo ka hor tagga infakshanka – $1,600,000 Loojistikada iyo Maaraynta saadka – $2,900,000 Taageero nafsiyeed – $750,000 Wadarta Guud ee Miisaaniyadda – $15,205,000 Si kastaba ha ahaatee, Inkasta oo Wasaarada Caafimaadka Somaliland soo ban dhigtay odoroska qorshaha qaran eek a hor tagga iyo ka jawaabista Xanuunka COVID 19 haddana waxa ay dad badani is waydiinayaan halka lacagta intaa le’egi ka iman doonto, cidda maamuli doonta ee hannaan hufan oo ka madhan musuq ugu hawl gali doonta iyo waliba qaabka shaxaysan ee ay ku salaysay baahiyaha kor xusani sida ay u yihiin kuwo la jaan qaadi kara xaaladda iyo curfiga dhaqan dhaqaale ee dalka. Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee cudurka Coronavirus. Ugu horreyn wuxuu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay qaataan talooyinka caafimaadka, si loo yareeyo faafitaanka cudurkaasi. “Alle ayaan ka magan-galeynaa cudurkaan halista ah, Bulsho kala duwan ayuu dhibaato u geystay, xitaa Xaramka ayaa loo xiray, sababtu waa in aysan dadku is qaadsiin, yaan la yareysan tallooyinka Caafimaadka, waana xalka ugu fudud ee looga hortagi karo Fayruska, si gaar ah waxa aan fariintaan la wadaagayaa dadka goobaha kala duwan isugu tago” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu cudurka sii faafayo marba marka ka dambeysa, isagoo sababta ku sheegay inay yar-tahay feejignaanta dadka Soomaaliyeed. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carabka ku dhuftay in weli ay dadka isugu tagaan hoteelada, goobaha aroosyada, maqaaxiyada iyo meelaha ah kulanka bulshada. “Cudurku waa uu sii faafaya, waxaa yar feejignaanta dadka, waxa ay isugu tagaan Hoteelada, Goobaha Aroosyada, Maqaaxiyada iyo meelaha ah kulanka Bulshada, Xamarka alle oo dad badan isugu tagaan ayaa loo xiray in aysan dadku isqaadsiin, sidaas awgeed Cudurku ma sahlanyo ee yaan la sahlan, ducada hala badiyo waana xalka kaliya ee looga hortagi karo” ayuu markale yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo wasaarada caafimaadka Soomaaliya ay shaacisay kiisas cusub oo Coronavirus ah, taas oo ah tirada ka dhigtay illaa 25 qof oo karantiil ku jira.
  15. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay xilka madaxtnimada Galmudug ku wareejiyey madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor. Madaxweynihii hore Axmed Geelle Xaaf oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu yiri ” Ummadada, dadkaaga iyo dalkaaga caawa xilbaa ku saaray, ha moodin inuu fudud yahay, waa dhurwaa dhagihii haddii uu rabo, laakin inaan u adkeysato ayaa muhiim ah, inaad u samirto ayaa muhiim ah, inaad dadkaaga Senatarada iyo xildhibaanada inta aaney hadda tagin balama haddii shaqana u dir, haddii kale adiga ayey kaa shaqeynayaan, war ilaahbaa indiin ku dhaarshee aan gobolka u shaqeyno, gobollada waan xoreyneynaa, dekaddana waan furaneynaa”. Dhankiisa, Madaxweyne Cabdi Cabdi Qoor-qoor oo isna hadlay ayaa yiri “Habeen taariikhda Galmudug ka galay baal dahab ah, ..waxaan rabaa inaan si gaar ah u xuso madaxweynihii hore ee Galmudug tanaasulkii, walaalninadii iyo odeynimadii uu u muujiyey Galmudug, iyada oo roonaan iyo u turid Galmudug waxaan aheyn aysan ku jirin ayaa isu tanaasulnay, isna aqbalnay, waa odey Galmudug, waa aabihii Galmudug taariikhda ayaa xusi doonta”. Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoo-qoor ayaa waxaa horyaallo arrimo badan oo dib u heshiisiinta, xureynta deegaanka, dib u dhiska iyo arrimo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Riyadh)-Wadamada soo saara Shidaalka ayaa waxay ku heshiyeen in la dhimo wax soo saarka dhanka Shidaalka taasi oo ah dadaal lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka dhanka qiimaha ah ee ka dhex qarxay Sacuudiga iyo Ruushka. Wadamada ururka ay ku bahoobeen dalalka soo soo saara shidaalka ee OPEC iyo dalalka kale ee shidaalka dhoofiya ayaa waxay dhimayaan 10 milyan oo barmiil maalinkii. Tan iyo horaantii bishii March, qiimaha shidaalka ayaa waxaa ku yimid hoos u dhicii ugu wayn ku dhawaad muddo 20 sano ah, waxaana arintan loo aaneyay cudurka Corona. Waa hoos u dhigidii ugu waynayd ebed ee wax soo saraka shidaaka caalamka hoose loo dhigo si qiimaha uu sare ugu kaco. Heshiiiskan ayaa waxaa imika soo dhaweeyay hogaamiyayaasha caalamka oo qaarkood ku tilmaamay heshiis wayn. Isniintii dalalka Eeshiya waxaa Foostadii shidaalka ah ay hoos u dhacday in ka badan $1. Waxaa aad hoos ugu dhacay isticmaalka shidaalka saddex meelood hal meel ka dib markii in ka badan 3 bilyan oo qof lagu amray in aysan guriyahooda ka soo baxayn sababo la xidhiidha cudurka Corona. Waxaa xaaladda sii murjiyay ka dib markii Sacuudiga iyo Ruushka uu ka dhex qarxay dagaalka dhanka Shidaalka ah taasi oo sababtay hoos u dhici ugu wayn muddo 20 sano ah. Balse waxaa markii dambe soo dhex galay madaxwayne Trump oo ku baaqay in la soo afjaro khilaafka labada dal ee ugu soo wax soo saarka badan dhanka shidaalka . Madaxwayne Donald Trump ayaa imika soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen dalalka soo saara shidaalka ee ku bohoobay ururka Opec. Waxaa uu sheegay in heshiiskan u badbaadinayo kumannan kun oo shaqo gudaha dalka Mareykanka. Madaxwayne Trump ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay madaxwaynaha Ruushka Putin iyo boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan. Source
  17. (SLT-Tel Aviva)-Madaxweynaha Israa’iil ayaa diiday codsi uga yimid afhayeenka baarlamaanka Benny Gantz, uu ku doonayay wakhti dheeri ah si xukuumad wadaag uu ula soo dhiso ra’isul wasaare Benjamin Netanyahu. Mr Gantz oo ka tirsanaa saraakiisha sare ee millatariga ayaa afar todobaad ka hor madaxweyne Reuven Rivlin wuxuu siiyay fursad uu ku dhiso xukuumad wadaag ah kadib doorashadii 2-dii bishii march ka dhacday Israa’iil. Natiijada ayaa keentay in xisbiga Netanyahu uu ku guull-dareestay in uu helo awood uu ku soo dhisi karo xukuumada Xigta. Waa markii saddexaad muddo sannad gudaheed ah Israa’iil ay ka dhacdo doorasho aan wali lagu kala bixin. Xisbiga haya tallada ee Netanyahu ayaa bishii hore si lama filaan ah doorashadii afhayeenka aqalka baarlamaanka ugu coddeeyay Gantz, si ay u yaraato caqabada ka heysata dhankiisa. Gants iyo Netenyahu oo kala hoggaamiya labada xisbi ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay lahaa wadahadal, walow aan natiijo midha dhal ah laga gaadhin. Source
  18. Kulanti wacan oo wanaagsan dhageystayaal ku soo dhowaada barnaamij wareedka subaxnimo ee Goobjoog qodobada ugu waa weyn waxaa ka mid ah. Warbaahinta Goobjoog ayaa ka Cabanaysa Xadgudub ay Kala kulmaan Wasiir Khadijo Diiriye Iyo Guddoomiye Cabdiqani Carab. Mdaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa xalay xilka madaxtinimada maamulka Galmudug ku wareejiyay Madaxweynaha cusub Mudane. Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho ku soo rogtay Bandow xilliyada habeenkii ah, iyadoo ay sii kordhayaan kiisaska caabuqa Coronavirus. Wasiirka Caafimaadka Soomaliya ayaa sheegtay in ay soo kordheeen kiisas kale oo la xiriira Caabuqa COVID-1, iyo tirada guud oo sare u sii socota. Somaliland ayaa sheegtay in lagu wareejiyey Qalab lagu baaro Cudurka COVID 19 oo ay ka heshay Hey’adda Caafimadka addunka. Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Cabdi kariim Cali Aadam iyo Xamdi Mahad Diiriye. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/13-0-4-2020.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Askar ka tirsan ciidanka Militariga dowladda Soomaaliya, oo ku sugan degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada hoose, ayaa lagu eedeeyay in ay halkaas ku kufsadeen gabar aan weli qaan-gaarin iyo haweeney xaamil ahayd. Guddoomiyihii hore ee degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, Xassan Macallin Cumar, oo la hadlay idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in askar ka tirsan Militariga Soomaaliya ay degaanka Jannaale kufsi ba’an ugu gaysteen gabar yar oo 13-sano jir ahayd iyo haweeney xaamila. Xassan Macallin, ayaa tilmaamay in gabadha yar ee 13-jirka ah ay ciidanku xoog kaga wateen gudaha degaanka Jannaale, kadibna ay kufsi ba’an u gaysteen, islamarkaana haatan ay xaaladeeda caafimaad liidato. Sidoo kale, wuxuu sheegay in haweeneyda xaamilka ah saddex askari oo ka tirsan Militariga Soomaaliya ee ku sugan Jannaale ay gaari kala dageen, kadibna kufsi fool-xun u gaysteen. Labada dhibbane, ayaa haatan xaaladooda caafimaad lagu dabiibayaa gudaha magaalada Muqdisho, sida laga soo xigtay guddoomyihii hore ee Marka Xassan Macallin Cumar. Taliska Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaan dhankooda weli ka jawaabin eedaymaha kufsi ee loo jeedinayo ciidamada dowladda ee ku sugan degaanka Jannaale. PUNTLAND POST . The post Militariga Soomaaliya oo la sheegay in ay kufsi ba’an ka geysteen degaanka Jannaale appeared first on Puntland Post.
  20. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare uu ka mid yahay dadkii la kulmay wasiiru dowlihii wassaaradda cadaaladda maamulkaasi, Xildhibaan Khaliif Muumin oo shalay u geeriyooday COVID-19. Qoraal uu Madaxweyne Waare soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa wuxuu ku sheegay inuu is-karantiilay muddo todobaad ah. “Ilaaheey uunbaan xanuunsan. Balse OK ayaan ahay. Toddobaadkii tegay ayaan doortay inaan is karantiilo ayada oo ay iga tahay taxaddar iyo inaan tusaale u noqdo dadkayga. Waan sii wadi doonaa inaan sidaas sameeyo si la mid ah dadka.” ayuu yiri Waare. Dhinaca kale wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka HirShabelle, Muumin Mukhtaar Macalin oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in lagu daba jiro mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi iyo dad kale oo la kulmay xildhibaankii u geeriyooday COVID-19. Muumin ayaa tilmaamay in la karantiili doono shaqsiyaadkaasi muddo laba todobaad ah, si loola socdo xaaladooda caafimaad. Soomaaliya oo cabsi badan ka qabta faafitaanka Coronavirus ayaa illaa iyo hadda tirada dadka laga helay cudurka waxay mareysaa 25 qof, kuwaas oo karantiil ku jira. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-13042020.mp3 View the full article
  22. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in qalab muhiim ah ay kala wareegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO. Wasiirka wasaaraddaasi, Mudane Cumar Cali Cabdullaahi (Bade) ayaa sheegay in qalabkaasi loogu tala-galay baaritaanka cudurka faafa ee Coronavirus. Bade ayaa tilmaamay in markii hore baaritaanka ay u diri jireen dalka Kenya, islamarkaana ay waqti badan ku qaadan jirtay inay jawaabta helaan. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay inuu u mahad-celinayo ha’yadda WHO oo horay qalabkaan u ballan qaaday, islamarkaana haatan ku wareejisay. Ugu dambeyn wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa shaaciyey in aysan jirin illaa iyo hadda kiisas cusub oo la xarira xanuunkasasi. Somaliland ayaa horay u xaqiijiisay illaa labo kiis oo COVID-19 ah, kuwaas oo haatan ku jira xaalada karantiil ah.
  23. Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa xalay si rasmi ah xilka ugu wareejiyay madaxweynaha Cusub ee maamulkaas, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor. Munaasabad kooban oo xalay ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, ayuu Ex. Madaxweyne Xaaf xilka ku wareejiyay madaxweynaha cusub Mr Qoor Qoor, waxaana munaasabadda ka qayb-galay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaannada Galmudug, siyaasiyiin iyo marti sharaf kala duwan. Munaasabadda xilka wareejinta, ayaa intii ay socotay waxaa laga jeediyay Khudbado looga hadlay arrimaha ku wajahan siyaasada Galmudug iyo isku tanaasulka la sameeyay. Ex. Madaxweyne Xaaf ayaa isagu dhawaan shaaciyay in uu u tanaasulay danta iyo dhismaha Galmudug, isla markaana uu ka shaqeyn doono dib u heshiisiinta maamulkaas, uuna garab-siin doono madaxweynaha cusub. PUNTLAND POST The post Xaaf oo si rasmiya xilka ugu wareejiyay Qoor Qoor appeared first on Puntland Post.
  24. DUBAI (Reuters) - The Saudi energy minister said on Sunday that effective oil supply cuts by OPEC and its allies, a group known as OPEC+, will amount to 12.5 million barrels per day, Source: Hiiraan Online