-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Muqdisho)-Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay wada-hadallo khadka taleefanka ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov. Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ku sheegay inuu ku faraxsan yahay wada hadal muhiim ah oo dhinaca qadka taleefanka inuu dhex-maro Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka. Arrimaha labada dhinac ka wada hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, iyo iskaashiga ku aadan dadaalada lagaga hortagayo cudurka Coronavirus. Sidoo kale bogga Wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka ayaa lagu daabacay wada hadalada khadka taleefanka ee dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya. Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa haatan soo shaac-baxay khilaaf xoogan oo u dhexeeyo labada maamul ee HirShabelle iyo Puntland, kaas oo ka dhashay xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus ee dhowaan ka dilaacay Soomaaliya. Khilaafka ayaa yimid, kadib markii Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) uu faray ganacsatada deegaanada maamulkiisa in aysan raashin u iib-geyn karin deegaanada kale, sida maamullada Galmudug iyo HirShabelle. Deni ayaa arrintaan oo saameyn ku yeelatay reer Hiiraan ku sheegay mid lagu xakameynayo cudurka Covid-19 oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya. “Waxa aan halkaan ugu soo jeedinayaa Ganacsatada reer Puntland, inaga oo eegeyna go’aamadii xannibaadda aan soo saarnay in la joojiyaa Badeecadaha loo iibgeeyo meelaha ka baxsan Puntland si aan qiimo koror u imaan.” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni. Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ee HirShabelle, Cali Jeyte Cismaan oo ka jawaabay arrintaan ayaa shaaciyey in wax laga xumaado ay tahay hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland, isaga oo sheegay in ganacsatada maamulkaas iyo kuwa gobollada dhexe uu ka dhexeeyo xiriir ganacsi oo aad u xoogan. Sidoo kale Jeyte oo warbaahinta ugu warramayey magaalada Beledweyne ayaa raalli-gelin ka dalbaday Madaxweyne Deni, wuxuuna wacad ku maray haddii uu bixin waayo inay qaadi doonaan tallaabo ka daran mida ay qaadeen, sida uu hadalka u dhigay “Haddii uusan Deni Raalli gelin iyo ka laabasho ka sameyn hadalkiisa, waxa aynu qaadi doonaa tallaabo ka daran tan uu qaado, Puntland waxaa dadka Hiiraan uga yimaado Raashinka kasoo dega Dekeda Boosaaso, balse halkaan waxaa laga qaadaa Khudaarta, Caanaha, Xoolaha iyo badeecado kale” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay haddii ay sii socoto arrintaan inay kor u qaadi doonaan ka maamul ahaan lacagaha Canshuuraha ee xoolaha iyo Khudaarta laga qaado gobolka Hiraan ee la geeyo deegaanada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. “Ganacsatada waxa aan u ballan qaadeynaa in aan Canshuur dhaaf u sameyno badeecadaha ay ka keensadaan Puntland, taa badalkeed waxa aan kordhineynaa Canshuurta Xoolaha iyo Khudaarta laga qaado Gobolka Hiiraan.” ayuu markale yiri Jeyte. Khilaafkaan ayaa durbo saameyn ku yeeshay xiriirka ganacsi ee HirShabelle iyo Puntland, iyadoona dhibaatada ugu daran ay wajahayaan ganacsatada labada dhinac.
-
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) condemns in the strongest terms possible the arrest of a prominent journalist in Baidoa, Southwest State of Somalia, for a news report featuring rape case. Journalist Mukhtar Mohamed Atosh, a reporter for Voice of America (VOA) Somali Service and Secretary of Trainings of NUSOJ, was today arrested in Baidoa by Southwest State police and taken to Crimes Investigation Department (CID), where he will be spending the night. A dozen of Southwest Police officers, led by Divisional Commander for Bay region Mr. Amin Mohamed Osman, carried out the operation to arrest the journalist at Jeeri Tower in the centre of Baidoa at around 17hrs. Police officers indicated Atosh was arrested for reporting yesterday the death of 14 years old girl who was raped and taken to Baidoa hospital where she died due to injuries sustained in the rape attack. “It is very appalling that instead of targeting the suspected rapists, Southwest administration chose to arrest and persecute journalist Mukhtar Mohamed Atosh for informing the public about the rape case and serious bodily harm that caused the victim’s death. The journalist has a right to shed light on this crime and Mukhtar Mohamed Atosh must regain his freedom,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary-General. Following the VOA news report about the rape case, Southwest Authorities ordered the administration of Bay regional hospital to not talk to journalists and deny that the rape victim died at the hospital. Consequently, local journalists who sought to conduct interviews today were denied any information. “Clearly the arrest and detention of Mukhtar Atosh is in an attempt to silence his reporting on a serious sexual assault and the ramification of his arrest is to stop local journalists spreading the truth. This must stop now, people must know the truth, the rape victim deserves justice and journalists must continue doing their journalistic work freely and without intimidations” added Osman. View the full article
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shaqo joojin ku sameeyey wasiiru dowlihii wasaaradda dastuurka maamulkaasi, Xildhibaan Saadaq Mukhtaar Cabdulle, kadib warqad uu soo saaray. Qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay in wasiirka uu si buuxda u jabiyey amarkii Madaxweynaha ee ahaa in aan la’isugu imaan karin kulamo dadweyne, isagoona lagu eedeeyey inuu shalay ka qeyb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar. Amarka la sheegay inuu jabiyey Xildhibaan Saadaq Mukhtaar Cabdulle ayaa la xariira mid looga hortagayo cudurka Coronavirus, kadib markii dadka u geeriyooday uu ka mid noqday wasiiru dowlihii wasaaradda cadaaladda maamulkaasi, marxuum Khaliif Muumin. HirShabelle ayaa geerida mas’uulkaasi, kadib mas’uuliyiinteeda oo ugu horreeyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare waxa ay is-galiyeen xaalad go’doon ah ama karantiil, si loo xakameeyo cudurka faafa ee Coronavirus oo ah mid saf-mar ah. Soomaaliya ayaa illaa iyo hadda xaqiijisay kiisas gaaraya illaa 237 qof, waxaana tirada ugu badan ay ku sugan yihiin gudaha magaalada Muqdisho.
-
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyey qeybo ka mid ah degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu baadi goobayey rag hubeysan oo dil qorsheysan ka geystay gudaha degmadaasi. Saraakiisha horkaceysay baaritaanadaasi ayaa sheegay in kooxda dilka fulisay ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, islamarkaana ay ay ku raad-joogaan, sida ay hadalka u dhigeen. Al-Shabaab ayaa intra badan weeraro gaadmo ah ka fuliya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. View the full article
-
The signs for Dahabshiil, the Somali money transfer company, are a familiar sight in some London's streets. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho(Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Khayre oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa faah faahin ka bixiyey wadahadal qadka taleefanka ah oo uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergey Lavrov. Khaye ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay Ruushka ka dalbatay inay ka gacan siiyo la dagaalanka cudurka saf-marka ah ee Coronavirus. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu Sergey Lavrov kala hadlay xoojinta xiriirka labada iyo adkeynta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka. “Waxaan wada-hadal muhiim ah la yeeshay Wasiirka Arimaha Dibadda Ruushka H.E Sergey Lavrov. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga wada hadlay waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ku aadan dadaallada lagu xakameynayo Covid19.” ayaa qoraalkiisa ku yiri R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya. Ruushka ayaa la filayaaa inuu ka jawaabo codsiga Khayre, islamarkaana uu Soomaaliya u soo diro qalab caafimaad iyo dhaqaatiir ka qeyb qaadata xakameynta Covid-19. Kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya oo marba marka ka dambeysa sii kordhaya ayaa illaa hadda waxaa la diiwaan-geliyey illaa 237 qof oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.
-
Waxaa isa soo taraya baaqyada nabadeed ee loo jedinayo beelo walaalo ah oo saacadihii la soo dhaafay ku dagaalamay qeybo kamid ah gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Senator Nuuro Faarax Jaamac oo ka mid ah Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi siisay Shabelle ayaa ugu baaqday maleeshiyaadka diriraya inay xabada joojiyaan, islamarkaana ay wax weliba ku dhameeyaan wadahadal. Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in waqtiga haatan lagu jiro aysan habooneen in dagaalladu ay sii socdaan. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/cc-1.mp3 View the full article
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daahfuray ololihii ugu horeeyay ee lagu buufinaayo sunta ka hortaga faafinta cudurka Covid-19 oo si adag u saameeyay Caalamka. Booyada siday sunta looga hortago cudurka faafa ee Coronavirus ayaa lagu buufinayay qaar kamid degmooyinka gobolka Banaadir waxaana ololahaani daah-furkiisa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir. Cumar Filish oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ololaha uu socon doono illaa laga adkaanayo kiisaska cudurka Coronavirus ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Muqdisho ay la mid tahay magaalooyinka kale ee caalamka ee uu ka socdo ololaha lagula dagaalamayo cudurka Covid-19. Muqdisho ayaa ah meesha ugu badan ee laga diiwaan-geliyey kiisaska Coronavirus, iyadoona haatan tirada guud ay mareyso illaa 237 ruux oo ku jira xaalad karantiil ah. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa iska hor imaad khasaare geystay oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Is-rasaaseynta oo u dhexeysay ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa waxaa ku dhintay hal askari, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay is-rasaaseynta dhex-martay ciidamadaasi oo ku soo aadeysa, xilli bandow habeenkii ah uu ka dhaqan-galay magalaadaasi. Sidoo kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay Puntland oo ku aadan iska hor imaadkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana si caadi ah ku socda dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka intaba. View the full article
-
Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo saartay warbixinteedii maalinlaha aheyd ee cudurka Covid 19 ayaa ku shaacisay tiradii ugu badneyd la diiwaan geliyo mudo 24-saac gudahood. Warbixinta waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay gudaha Soomaaliya laga diiwaan geliyey 73 qof oo qaba cudurka COVID-19, kuwaas oo noqonaya tiradii ugu badneyd oo halmar ay shaaciso wasaaradda caafimaadka. 51 kamid ah 73-da qof ee laga helay cudurkaas waa lab halka 22-ka kalena ay dhadig, waxayna tirada guud ee dadka loo diiwaan geliyey in uu ku dhacay COVID-19 ay gaartay 237 xaaladood oo qaar ay ka bogsoodeen qaarna u dhintay. Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa horey u sheegtay in kiisaska cudurka ee laga helayo dalka ay sare u sii kaceyso maalinba maalinta ka dambeysa, loona baahan yahay shacabka iney ku dhaqmaan talooyinka ka hortaga ah si loo yareeyo faafida cudurkan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-21042020-SX.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay waddooyinka iyo suuqyada qaar ee magaalada Muqdisho ku buufiyey sunta looga hortago faafista cudurka halista badan ee Coronavirus, iyadoona uu ololahaan daah-furay Cumar Filish. Maamulka gobolka ayaa arrintaan u adeegsaday booyado gaar ah oo sunta laga soo buuxiyey, si looga hortago Feyruska sababa xannuunka Corona. Guddoomiye Filish oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ololaha uu socon doono illaa laga adkaanayo kiisaska cudurka Coronavirus ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la gaarsiin doono dhammaan xaafadaha kale ee caasimadda iyo goobaha kale ee muhiimka ee dadka isugu tagaan. Filisha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in Muqdisho ay la mid tahay magaalooyinka kale ee caalamka ee uu ka socdo ololaha lagula dagaalamayo cudurka Covid-19. Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan xakameynta cudurkaan, una hoggaansaman awaamiirta dowladda. Muqdisho ayaa ka mid ah meelaha uu sida daran u saameeyey Coronavirus, iyadoo laga diiwaan-geliyey illaa 237 kiis, waana tirada ugu badan ee guud ahaan Soomaaliya. .
-
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa si adag uga jawaabay codsi uu dhowaan madaxweyne deni u diray ganacsatada Puntland oo la xiriiray in aysan wax Raashin ah u rarin meel ka baxsan Puntland si loo beekhaamiyo Raashinka yaalla gudaha Puntland. Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in hadalka madaxweyne Deni uu saamayn xooggan ku yeeshay gobolka Hiiraan maadaama dadka ku nool Hiiraan noloshoodu ay ku tiirsantahay Raashinka laga keeno dekedda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Mudane Jeyte ayaa ku hanjabay in haddii aysan Puntland ka laaban go’aankaas ay dadka Reer Hiiraan ganacsigooda la aadi doonaan dekedaha kale ee Soomaaliya islamarkaana ay joojin doonaan Khudaarta loo iib-geeyo degaannada Puntland Isagoo hadalkiis sii wata ayuu sidoo kale sheegay in ay canshuur xad-dhaaf ah ku soo rogayaan Khudaarta loo iib-geeyo degaannada Puntland si ay u joogsato khudaartaas. Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo hanjabaad culus u diray Puntland appeared first on Puntland Post.
-
As the COVID19 pandemic rages across the world, what is becoming all too clear is that the most disadvantaged countries with weak or non-existent public health care systems and finite resources will feel the brunt of the Source: Hiiraan Online
-
Immigration to US to be suspended amid pandemic, Trump says
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
President Donald Trump has said he will sign an executive order to temporarily suspend all immigration to the US because of the coronavirus. Source: Hiiraan Online -
Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Turkiga ayaa markii u horeysay ka hadashay dadaalada lagu rabo in dib loogu furo wada-hadalada mudada badan hakadka ku jirey ee Soomaaliya iyo Somaliland. Mehmet Yilmaz, Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhaweeyay kulankii ay dhowaan Addis Ababa ku yeeshen Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi, kaasi oo uu garwadeen ka ahaa Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed. isagoona lahaa qorshaha kulankaasi. Safiirka ayaa kulankaasi ku tilmaamay horumar muhiim ah oo laga gaaray wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, midaasi oo dhalineysa isku soo dhawaansho labada dhinaca ah, gaar ahaan Madaxda. Mehmet Yilmaz ayaa sidoo kale bogaadiyey raali-gelintii uu reer Somaliland siiyey Madaxweyne Farmaajo, taasi oo ku aadaneyd xasuuqii dowladdii kacaankii ay ka geysatay deegaanada Somaliland. Yilmaz ayaa ka dhawaajiyey in dowladda Turkiga oo ay Somaliland u aragto mid la safan dowladda federaalka ay dhex-dhexaad ka tahay wada-hadalada labada dhinac, isla markaana ay ka shaqeyn doonto isku soo jiidkooda. Safiirka ayaa waxa kale oo uu soo dhaweeyay cid kasta oo dabada ka riixeysa furitaanka wada-hadaladaasi iyo dadaalada dib loogu furayo, midaasi oo ay ka qeyb tahay qorshayaasha Abiy Axmed uu ka leeyahay Wada-hadalada. “Dhawaan waxaa dhacay horumar aad muhiim u ah, oo ku saabsan mawduucan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland ayaa ku kulmay Itoobiya. Raali gelin baa dhacday, Waxayna ahayd horumar taagan oo aad u wanaagsan, gaar ahaana raali gelintii madaxweynaha Soomaaliya iyo weliba aqbalaadiisii arrintan, waxaan u aragnaa in ay tahay natiijo wanaagsan” ayuu yiri Safiirka Turkiga ee Soomaaliya. Wuxuuna intaas kusii daray “Keliya waxay u baahan tahay in la isku duba-rido, oo la dhamaystiro. waayo Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya wuxuu leeyahay dhinacyo kala duwan. Sida siyaasadda iyo warbaahinta oo kale. Waxaan mar-walba leenahay dadka hawshan qaban doona, hagi doona, ee isku duba-ridayaa, waa dhinacyadda uu wadahadalku u dhexeeyo”. “Waxaan rabaa in aan mar kale ku celiyo in doorkayagu yahay dhex-dhexaadin. Sidaas darteed Anagu keliya waxaan joognaa booska dhex-dhexaadinta ah, taas anagoo ka duulayna, ayaan dhinacyadda ka rabnaa in ay anaga na hagaan. Dabcan, anagu tallooyin iyo soo jeedin ba waanu ku lahaan karnaa.ayuu yidhi danjiraha Turkiga u jooga Muqdisho”. Dadaalada lagu rabo inay dib u furmaan Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa muddooyinkii dambe sii kordhayey, iyada oo ay soo if-baxdeyna qorshayaal uu Abiy Axmed dabada ka riixayo si ay u furmaan wada-hadaladaasi.
-
Somalia oo shaacisay in Kiisaska Covid 19 ee laga helay Muqdisho aad u korodhay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa caawa soo saartay warbixinteedii maalin laha aheyd ee cudurka Coronavirus, waxayna ku shaacisay in tiradii ugu badneyd oo loo diiwaan geliyo mudo 24-saac gudahood inay qabaan xanuunka COVID-19. Warbixinta waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay gudaha Soomaaliya laga diiwaan geliyey 73 qof oo qaba cudurka COVID-19, kuwaas oo noqonaya tiradii ugu badneyd oo halmar ay shaaciso wasaaradda caafimaadka. 51 kamid ah 73-da qof ee maanta laga helay cudurkaas waa lab ama rag, halka 22-ka kalena ay dumar yihiin, waxayna tirada guud ee dadka loo diiwaan geliyey in uu ku dhacay COVID-19 gaartay 237 kiis oo qaar ka bogsaday qaarna u dhintay. Warbixinta caawa soo baxday waxaa sidoo kale lagu sheegay in hal qof maanta loo diiwaan geliyey in uu u dhintay Coeonavirus, waxayna tirada guud ee dhimashada cudurkaas gaartay sideed ruux. Sidoo kale qof kale ayaa kasoo bogsaday xanuunkaas, sida lagu shaaciyey warbixinta, waxayna tirada dadka ka bogsaday COVID-19 gudaha Soomaaliya gaartay 4 qof. Warbixinta wasaaradda caafimaadka Soomaaliya laguma xusin halka ay ku kala noolyihiin dadkaas loo diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay in ay qabaan Coronavirus, sidoo kale laguma xusin goobaha ay ku kala noolaayeen kan u dhintay iyo kan ka bogsadayba. Qaran News
-
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo xalay warbixin horleh ka soo saartay Xanuunka Covid 19, ayaa shaacisay kiisaskii ugu badnaa ee dalka laga diiwaan geliyo mudo 24-saac gudahood. Warbixinta Wasaaradda ayaa lagu sheegay, in 24-kii saac ee lasoo dhaafay gudaha Soomaaliya laga diiwaan geliyay 73 bukaan oo qaba xanuunka Coronavirus, kuwaas oo noqonaya tiradii ugu badnayd oo halmar ay shaaciso wasaaradda caafimaadka. 51 kamid ah 73 bukaan ee laga helay xanuunkaas waa lab, halka 22-ka kalena ay dhadig yihiin, waxayna tirada guud ee dadka loo diiwaan geliyay COVID-19 ay gaartay 237 xaaladood sida wasaaraddu sheegtay. Sidoo kale, warbixinta Wasaaradda waxaa lagu sheegay in 24-saac ee la soo dhaafay xanuunka COVID-19 uu ka bogsaday hal qof mid kalena u dhintay. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in kiisaskii ugu badnaa COVID-19 laga helay dalka appeared first on Puntland Post.
-
SEOUL (Reuters) - North Korean leader Kim Jong Un was not gravely ill, two South Korean government sources said on Tuesday, following reports he had undergone a cardiovascular procedure and was now in “grave danger”. Source: Hiiraan Online
