-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kadib dhamaadkii dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyeye awoodaha is diidanaa ee dunida waa USA iyo USSR ama NATO IYO WARSO, qaarada Africa ayaa wajahaysay faragalin kaga imaanaysa awoodahaas si gaar ah wadamada la isku yiraa Horn of Arica oo Soomaalilya ay ka mid tahay. Dawladahan ayaa dawlada maraykanka ka helayey kaalmo milatari iyo mid horumarineed , hadana waxaa xukumkii laga tuuray nidaamkii milatariga ahaa ee Siyaad Barre 26 Janaayo 1991 ka dib weeraro xoogan oo kaga yimid jabhado hubaysan oo isbiirsaday ,laakiin nasiibdarada ugu weyn ee Soomaaliya haleeshay waa iyada oo dawladnimadeedii ay burburtay. Sidaa si lamid ah waxaa meesha ka baxay nidaamkii milatariga ahaa ee dargigii Migistu Xayle Maryem 21 May 1991 ka did markii uu waayey taageeradii milatari ee uu ka heli jiray dalka Ruushka , sidoo kale Eriteriya ayaa hashay ismaamul madax banaan isla bishii 29May 1991, laakiin inay meesha kabaxdo faragalintii lagu hayey wadamadaas ( Greater Horn ) masii socon waqti dheer. Isla waqtigii uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa waxaa soo if baxay nooc kale oo faragalineed oo leh qaabab iyo ujeedooyin kaladuwan . Aan ku hormarno Dano jograafiyeedka iyo dawrka Cusub ee Shiinaha . Isbadaladii waaweynaa ee dunida ka bilaabmay wixii ka dambeeyey burburkii Ruushka waxay soo ifbaxay mawjado faragalineed oo laga dareemay mandiqada geeska Africa una dhexeeyey Shiinaha iyo quwadihii ree Galbeedka ujeedka ugu weyna uu ahaa sidii gacanta loogu dhigi lahaa loona kontrooli ahaa ilaha dhaqaale iyo macaadinta ciiriin ee dhex ceegaagta mandiqada ( Access and Control ). Labada awoodood waxay iskuhawleen sida uu u dhigay qoraaga Chue ( 2007) waxa loo yaqaan dagaal siyaasadeed ( Political warfare) oo ku wajahan qaarada Africa sigaara mandiqada geeska Africa ujeedkuna ahaa sidii ah ugu mara dhalin lahaayeen waxa ay ugu yeereen ( National objectives ) ujeedooyin qaran. Taasoo ku qasbaysay wadamada awooda leh ee hirtanku ka dhexeeyey kuna tartamayey sidii ay u qabsan lahaayeeen qayraadka wadamadan inay siiyaan kaalmo dhaqaale iyo mid horumarineed oo isugu jirta qalabayn milatari iyo tababaristooda iyo sidoo kale xoojinta ciidamada amniga ( security forces )ee wadamada Africa . Laakiin dawlada shiinaha ayaa iyadu xooga saartay a waxa ay ugu yeertay Hirgalinta Dhaqaalaha Africa ( Economic engagement in Africa ) si gaara Greater Horn region ,waxayna si weyn u kordhisay maalgalinta ayka wado ama ay ku samaynayo ilahooda dhaqaale , tusaale ahaan shiinuhu wuxuu kor u qaaday dhaqaalah uu ku maalgalinayo dunida oo Africa ka helaysay sanadkii 2007 3 percent wuxuu gaariiyey 14 percent 2010, sidoo kale 2011 shiinuhu wuxuu qodista macaadinta Africa ku maalgaliyey aduun gaaraya $16 Billion, isla sanadkii 2011 wuxuu sii laba jibaaray maalgashigaas dhaqaale isagoo gaarsiiyey $165 Billion , hawlahaas uu shiinuhu kawado mandiqada ee dardarta wadata ayaa aad uga yaabisay oo kicisay dareenka maraykanka iyo wadamada ree galbeedka maadaama ay iyagu ahaayeen wadamada sida weyn xiriir ganacsi iyo mid maalagshiba lalahaa wadamada geeska Africa oo ay ugu horeeyaan Sudan, Etoobiya iyo Kenya.inakastoo ay wali shirkadaha ree galbeedku ay yihiin kuwo wali ka hawlgala mandiqada ayna wali u xirnanyihiin ilaha macaadinta ee wadamadan, welwekaas waxaa sigaara u iftiimisay Heleray Clinton oo ahayd xoghayihii arimaha dibada ee maraykanka kuna tilmaantay hawlaha maalgashi ee shiinuhu ka wado Africa mid leh muuqaal gumaysi, iyadoo tiri waqtigii gumaystaha waxaa sahal ahayd inaad qabsato afirica, qaadatid khayraadkeeda dabiiciga ah, laaluushtid hogaamiyaashooda iskana baxdid adoon waxba uga tagin dadkii dhuka lahaa , sidaas awgeed marnaba ma aqbalyno inaan markale aragno dhaqankaas leh sifada gumaysi cusub. Dhankiisa ra`iisul wasaarihii Ingriiska David Cameron ayaa isna si xoogan u dhaleeceeyey habdhaqanka maalgashiga shiinaha ee Africa xili uu booqasho ku marayey Negeria isagoo sheegay in ree galbeedku ay isdaba jooga ah uga welwelqabaan dowrka shiinaha ee Africa una arkaan inuu yahay habdhaqan cusub oo lagu boobayo Africa .isagoo cadeeyey inuu aad u danaynayo in la hor istaago ku tilmamay “ duulaanka shiinaha,, wuxuuna isweydiiyey sababta uu xiriirka dhaqaalaha ee shiinuhu uu u yahay mid imbiriyaalisim ah oo ka baaxad weyn kan reegalbeedka. – Emperialism ; waa siyaasad uu isticmaalayey gumaystuhu oo uu rabay inuu awoodiisa military iyo tan dhaqaale uu ku qabsado wadmadii uu gumaysanayey. Laakiin su`aasa xiisaha leh ayaa ah Africa ma u baahan tahay in ree galbeedka uu ka difaaco waxa uu ku tilmaamay David Camerun gumaysiga shiinaha???. Si kastaba ha ahaatee arimaha ee sii xoogaysanay ee shiinuhu ka wado Africa wuxuu si aad ah uga xanaajiyey dalalkii ree galbeedka ee xafiiltanka xoogan kaldhexeeyey , kaasoo ahaa kan kaliya ee iska maamusha khayraadka dabiiciga ah ee Africa xiliyadii gumaystaha iyo wixii ka dambeeyey, wuxuuna cikiyey mawjado faragalin kale oo mardiqada geeska Africa oo foodsaarta. Marka meel la iska dhigo af tahanimada Helery Clinton, dawlada maraykanka ayaa dajisay laba istiraatajiyad oo ay ugu talo gashay inay uga hortagto hawlaha saamayntooda leh ee uu shiinuhu ka wado Africa.istiraatijiyadaas oo si kooban u sharaxaysa xaqiiqada dhabta ah ee loo aasaasay US Africa Command ( AFRICOM), oo ah ujeedada aan u qoray maqaalkan . 1 – istiraajyada koowaad ayaa ah mid xiriir la leh aas aasitaanka xiriir amni oo maraykanku la yeesho dawladaha afirca ( security ties), arintaan oo ah mid xiriir la leh aas aasitaanka howgalka Africom ee 2007 oo ah hay`ad laagu talo galay fulnta siyaasad arimaha dibada ee Maraykanka ee ku wajahan qaarada Africa, Thersa Whelan oo ahayd kaaliyaha wasiirka gaashaandhiga ee arimaha Africa 2007 ayaa laga soo xigtay inay tiri way cadahay in ujeedada ka dambeeya hay`adan ay tahay ahmiyada ay africa ugu fadhido amaanka qaranka ee dawlada maraykanka. Waxaase jira shaki ah sida khayraadka Africa gaar ahaan batrooka iyo macaadintu aysan u noqn kuwo ahmiyad weyn u leh maraykanka oo kaliya balse ay soo jiiteen shinaha iyo quwadaha kale ee quuta khayraadka qaarada Africa. Dhanka kale tartanka loogu jiro gaarista iyo ka faaidaysiga khayraadka dihin ee Africa ayaa kiciyey dareenka dalalka awooda dhaqaalaha iyo tiknooloojiyada leh , kana dhigay qaarada meel u nugul faragalin badan oo saamayn xoogan kuyeesha siyaasadaha xukuumadahooda. Bishii juun 2012 Pentigonka ayaa mar kale aasaasay waxa uu ugu yeeray isku dhafka hawlgalka wada jirka ah ee mandiqada geeska Africa, the Combined Joint Task Force- Horn of Africa.(CJTF-HOA)ujeedka muuqda ee loo sameeyey arintan ayaa lagu sheegay, Baahinta ama xoojinta nabada ee mandiqada, In Cadawga loo diido meeluu gabaad ka dhigto iyo meel nabdoon oo uu ku nagaado,In la kordhiyo awooda wadamada ay ka howlgalaan ciidankaan isku dhafka ah si ay u awoodaan inay gaarsiiyaan dadkooda adeega ay u baahan yihiin iyo sidoo kale la xoojiyo dagaalka lagula jiro argagixisada. Si arintaan u dhaqan gasho Pentagonku waxa uu saldhig ka samaystay dalka Jabuuti 2003 ,saldhigas oo loogu yeero (Camp Lemonnier) wuxuuna dajyey qaybo kamid ah qaybaha uu ciidankiisu ka kooban yahay sida (Ciidanka dhulka , Cirka iyo kan bada). Sanadkii 2006 wuxuu pentagon ku laba jibaaray baaxada saldhigaas kuna kordhiyey qaybo ay isticmaali karaaan diyaaradaha waaweyn sida C-17 Hercules, iyo CV-22O spery air-craft si ay taageero u siiyaan C-17 Globemaster III iyo C-5Glaxiy oo loo adeegsado xamuulka agabka milatariga. Inkastoo AFRICOM saldhigeedu ahaa Germany, hadana saldhiga Jabuuti waxaa loo asteeyey inuu noqdo xarunta fulinta hawlgalada ku wajahan Africa sigaara mandiqada geeska Africa. Waana lawada soconaa in Jabuti ay tan iyo waqti hor ay saldhig u ahayd ciidanka Faransiiska , iyo sidoo kale saldhig ay ka hawlgalaan ciidanka la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya ee uu UN ku sharciyeeye loona yaqaano ( Maritime Interception Operation. MOI) .sidaa si lamid ah Jabuuti waxaa saldhigyo ciidan ku leh dalalka Germany,Talyaaniga,Norwey, Denmark, China,Japan iyo kuwo kale. Sidoo kale Maraykanku waxa uu saldhigyo milataro oo kale ka samaystay meelo kale oo mandiqada ka mid ah sida kan Mombasa- Kenya , Entebe –Uganda oo kagacan siiya dalka Uganda sidii ay ula dagaalami lahaayeen falaagada uu hogaamiyo Joseph Kony oo gaboodyo farabadan oo ka dhan ah bani`aadamka ka sameeyey dalka Uganda, si doo kale waxa uu maraykanku kasamaystay saldhiyo kooban oo ay ay adeegsadaan diyaaradaha loo yaqaan Drons ka sida kan Etoobiya iyo Jasiirada Seychilies ee dhacda badweynta Hindiya . dhankooda dalalka yurub ayaa ku soo biiray hawlgalka maraykanku ka wado qaarada afica una fidiyey maraykanka taageeo dhaqaale iyo mid farsamo si loo yareeyo ama loo ciriiriyo hawgalka dhaqaale ee shiinuhu ka wadado qaarada, gaar ahaan mandiqada geeska Africa. Hawlgalka milatari ee Maraykanku kawado mandiqada gaar ahaan Soomaaliya ayaa wajigiisa muuqdaa yahay ladagaalanka burcad badeeda iyo argagixisada Al-Shabaab iyo sidoo kale falaagada ka dagaalanta dalka Ugaanda ee uu hogaamiyo Joseph Kony, lkn way adagtahay in hawlgalkaas kooban uu maraykanku kawado mandiqada ay marmarsiiyo u noqon karto xajmiga saldhigyada milatari ee uu ku baahinayo kana dhisayo mandiqada. Waxayna u muuqdaan kuwo aan isu dhigmin. Waxayna loo arkaa kuwo ujeedkooda qarsoon uu yahay in algu saameeyo siyaasadaha dawladaha qaarada, hakadna lagu galiyo wadada shiinuhu uu ku doonayo inuu ku gaaro khayraadka dabiiciga ah ee dhex ceegaaga qaarada iyo suuqyadeeda. 2- Istiraatijiyada labaad ee Maraykanku ku doonayo in lagu dabro hawlgalka ganacsi ee shiinuhu ka wado mandiqada sida xawilga ah uga socda qaarada siguud, sigaara Manidqada bariga Africa ayaa ah mid loo marayo dhex gal dhaqaale oo wayn oo gabalka laga hirgaliyo , isitatijiyadaas waxaa dajieyey Obama taasoo qaybka ahayn siyaasadiisa ku aadan Africa,nuxurkeeduna ahaa in maraykanku kordhiyo halwlgalka dhaqaalaha ee uu Africa la leedahay isagoo tilmaamy : 1.loo gogol xaaro wadada hanaan ganacsi iyo maalgashi.2. laga shaqeeyo hagaajinta hanaanka maamulka gancsi.3. la dardar galiyo iskaashi dhexmara dalalka mandiqada.4.in la balaariyo awooda ay Africa ku gaari karto, ugana faaidaysankarto suuqyada caalamka.5.in lagu dhiiri galiyo shirkadaha maraykanka inay la ganacsadaan, maalgashina ku samaystaan Africa . waa sida laga soo xigtay senator ka tirsan gudiga arimaha dibada ee Senedka.2012. Waxaan shaki ku jirin in nolosha iyo horumarka Africa ay waxweyn iska badali lahaayeen waa hadii sifiican ay hogaamiyayaasha wadamada afirika umaarayn lahaayeen tartanka ay ku doonayaan shiinaha iyo maraykanku inay maalgashi iyo wada ganacsi la yeeshaan qaarada Africa soona saaraan khayraadkeeda ay bulshadeeu ka oomantahay. Arintaasina waxay siinaysaa Africa fursad weyn oo ay waxsoosaarkeeda ku geyn karaan suuqyada caalamka.lkn waxaa muuqda gaabis iyo inaan sifiican loo fahman siyaasadaha shiinaha iyo ree galbeedku ka leeyihiin qaarada Africa. Dhanka kale shiinaha ayaa u muuqda in dhaqaalaha Africa uu ka xoreeyey inay daba taagnaadaan barnaamiyo dhaqaale oo ay waqti hore dajyeen ahy`adaha dhaqaalaha dawliga ah iyo wadamada ree galbeedku oo soo jiitamayey tan iyo qarnigii tagey. Waxaase maragmadoonta ah tartanka loogu jiro waxsoosaarka Africa iyo fursadaha maalgashiga oo sifiican loo maamulo, loona maareeyo inay taasi wax weyn ka badali lahayd dhaqaalaha iyo nolosha Africa si lamid ahna ay xoojin lahayd maqaamka xukuumadaha Africa ku leedahay caalamka iyo sidoo kale sare u kici lahaa dhaqaalaha shirkada gaarka loo leeyahay.. Hadaan soo gabagabeeyo, xiriirka amni ee maraykanku kala shaqaynayo xukuumadaha dalalka geeska Africa waxay u muuqdaan kuwa lid ku ah ujeedooyinka istiraatijiyadii uu ku dhawaaqay maamulkii madaxweyne Obama , sababtoo ah waxaa soo ifbaxaya saamaynta xun ee ay ku yeesheen gobolka, oo ay ugu horayso inay khilaaf ka dhex oogeen dalalka gobolka,maadaama dawladaha qaarkood laga doorbidayo kuwa kale, taasoo ku xiran sida ay mar walba xuxuukamadahaasi ugu heelan yihiin taageerida siyaasada maraykanka ee ku wajahan dunida iyo gobolkaba.taasina waxay badali karaysaa awoodaha isku dheeli tiranka ee dawladaha gobolka, sidoo kale waxay abuuri kartaa isku dhac military iyo xasarad ka aloosantay dawladaha gobolka dhexdooda.shakina kuma jiro in habdhaqakaasi uu uu wiiqi karo isdhexgalkii gobolka ee la saadaalinayey ( regional integration)iyo hirgalin siyaasad amni iskaashi wada shaqayn oo dhexmarta dawladaha mandiqada geeska africa. Sidoo kale waxaan hore ula soconay in xiriirkii milatari iyo faragalinta dibada xiligii dagaalka qaboobaa uu qayb lixaad leh ka qaatay baahinta sii xoogaysiga ama bilaabid xasardo ka aloosma gobolka. Mana jirto sabab xoogan oo damaanad qaadaysa in siyaasada loogu magac daray ( Security ties ) ee maraykanku ka hawlgaliyey gobolka geeska iyadoo loo marayo AFRICOM aysan keeneen natiijo kaduwan tii dagaalka qaboobaa oo ka dhigtay geeska Africa deegaan ay xasarado iyo dagaalo ka holcayaan. Sababtoo ah hadii aad si hoose u dhuuxdo ama u faaqido siyaasadaas waxaad arkaysaa inayba taageero siinayso regiimyada kali taliska ah eeka jira gobolka ee sida xoogan u cadaadinaya awoodada dimoqraadi doonka ah. Kusii daroo waxayba u muuqataa siyaasadasi mid khatar ku ah ama dib u dhac ku keeni karta tartankii shirkadaha dalalka horumaray ee dhaqaalaha leh ay ku maalgashan lahaayeen dalalka gobolka , shaki la`aana taasi waxay dhaawac weyn ku keeni kartaa ama lugaha ka dabraysaa hamigii ay dalalka Africa u qabeen soo jiidasho maalgashi iyo sidoo kale waxay daciifinaysaa ama wiiqi kartaa awoodiha gorgortan ee qaarada, sidoo kale Africom waxay kaloo qayb qatahay hawlgalada ay dunida danaha kaleh gobolka ay doonayaan inay iskaga horwareejiyaan khataraha ka ka soo cusboonaaday gobolka si guud iyo tan gudaha wadaha wadamada si gaara kuwaas caqabad ku ah danaha iyo masaalixda ay quwadaha duniduka leeyihiin mandiqada geeska Africa. Axmed Cabdi Xassan ( Axmed Suudaan ) – Waa qunsulkii guud ee hore ee Soomaaliya ee Caden, Yemen ahna la-taliyaha Arrimaha Carabta ee Wasaarada Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga.
-
COVID-19 is also encouraging us to activate regional assistance for the Berbera corridor: basically promoting private sector development, infrastructure and economic links from Berbera to the borders with Ethiopia and Djibouti. https://t.co/UwgEw6htEi — Nicolas Berlanga (@NBerlangaEU) April 21, 2020 Qaran News
-
Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xasan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in hantidooda ay uga qayb qaataan qorshaha xakameynta xanuunka COVID-19. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Ganacsatada ay ku dadaalaan in aan sare loo qaadin qiimaha la kala siisto badeecada gaar ahaan cunnada daruuriga u ah nolosha nolosha bulshda iyo in ay ku tarsamaan wax soo saarka gudaha si looga maarmo ku tiirsanaanta cunnada dibadda laga soo dhoofiyo. Wasiir Cabdullaahi Cali Xasan waxa uu sheegay in xukuumaddu ay xooggeeda isugu geysay in ganacsatada loo fududeeyo wax kasta oo qayb ka qaadan kara horumarinta ganacsiga si aysan dadka nugul aysan dareemin saameynta ka dhalaneysa go’aannada lagu xakameynayo COVID-19. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq u jeedisay Ganacsatada dalka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Xijaar ayaa 15-kii bishaan sheegay in uu si rasmi ah u dhaqan galay Bandowgii lagu soo rogay Muqdisho isagoo shaaciyay xarumo iyo shaqaalaha qaar ee aan Bandowgu qaban karin. Taliye Xijaar ayaa sheegay in Bandowga uusan saameyn doonin Farmashiyaasha, Isbitaalada, Dukaamanka lagu iibiyo Cuntada qalalan. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in Bandowga uusan saameen doonin weriyaasha iyo shaqaalaha caafimaadka balse intaasba waxaa muuqata in Bandowga saameeyay. Hase yeeshee waxaa muuqata in ciidamada booliska qaarkood aysan xog buuxda ka haysan shuruucda bandowga ayaga oo ku xadgudbay inay ahayd inuusan saameyn bandowga. Ciidamada booliska Soomaaliya qaarkood ayaa xiray xarumo caafimaad, gaar ahaan farmashiyeyaal ku yaalla xaafadaha degmooyinka qaarkood, sida ay dhowr ka mid ah u sheegeen Caasimada Online Waxaa sidoo kale qab-qabteen ama ceyrsadeen weriyaal shaqo ku jira iyo dhaqaatiir howl ka soo baxday. Dhamaan dhibaatooyinkaan ayaa ka dhacay degmooyinka qaar ee Muqdisho halka qaar kalane ay cabsi isaga xireen xarumahooda. Degmooyinka aan ka diiwaan gelinay dhacdooyinka ee lagu xiray xarumo caafimaad ama dhaqaatiir iyo weriyaal lagu dhibaateeyay waxaa kamid ah, Dharkenlay, Cabdicasiis, Boondheere iyo Hodan. In la buriyo amarka taliyaha booliska iyo ra’iisul wasaaraha ma ahan mid ay kawada siman yihiin ciidamada amaanka balse waa qaar kamid ah lamana oga sida wax looga qaban doono arrimahaan. Weriyaal badan ayaa ka cabanaya culeysyo badan halka dhaqaatiirta shaqooyinka ka baxa ay sidoo kale wajahayaan dhibaatooyin badan. Arrimahan ayaa badankood loo badinayaa ayada oo aysan ciidamada qaar si wanaagsan u fahamsaneyn amarrada lasiiyey iyo qaar iska indha-tiraya.
-
Garowe (Caasimada Online) – Guddiga wacyi-gelinta iyo ka hor tagga cudurka Coronavirus ee deegaanada maamulka Puntland, ayaa sheegay in mid kamid ah dadkii ku jiray xarun dadka lagu karantiilo uu geeriyooday, iyadoo aysan weli soo bixin natiijada baaritaanka dheecaan laga qaaday marxuumka maalmo kahor. Waa qofkii labaad oo hab nuucaas ah ugu geeriyooda deegaanada Puntland, waxaana bishii lasoo dhaafay geeriyooda qof la tilmaamay in uu lahaa calamaadaha lagu garto xanuunka Corona, inkastoo marxuumkaas aan laga qaadin wax dheecaan ah oo aan lagu sameyn baaritaan. Guddiga ka hor tagga COVID-19 ee Puntland faahfaahin buuxda kama bixin qofka geeriyooday ee looga shakisanaa in uu qabay Coronavirus. Dhinaca kale waxa uu shaaciyey guddigaas in 9 qof oo cusub saacadihii u dambeeyey lagu karaantiilay xarun ku taalla magaalada Garowe. Puntland waxay baaritaanada dadka looga shakiyo cudurkan u dirtaa meel ka baxsan deegaanadeeda, maadaama aysan heysan qalabka lagu ogaado, waxaana illaa hadda laga helay deegaanada Puntland hal kiis oo Coronavirus ah. Haykal Daahir Cumar waa bukaanka kaliya ee laga helay xanuunka Corona deegaanada Puntland, waxuuna sheegay in xaaladiisu ay soo hagaageyso rajo wanaagsana uu ka qabo in maalmaha nasoo aadan uu ka bogsado xanuunkaas.
-
Ururka suxufiyiinta aan xuduuda lahayn ayaa sheegay in Soomaaliya wali safka hore uga jirtaa dalalka ugu halista badan ee Africa oo wariye uu ku shaqeeyo, iyadoo sanadkii 2019 lagu dilay 3 suxufi taasoo ka dhigaysa tirada guud ee lagu dilay dalka 50 wariye 10-kii sano ee lasoo dhaafay. Khilaafaadka siyaasadeed iyo musuq-maasuqa ayaa wiiqay xoriyada saxaafadda, waxaana cadaadiska ay kala kulmaan suxufiyiinta dhinacyada isku haya wadanka. Suxufiyiinta ka biyo diida in faaf lagu sameeyo wararkooda ayaa inta badan noqdo bartilmaameed, iyagoo la kulma dil, hanjabaad iyo xarig. Sanadkii tagey, waxaa ka dhacay Soomaaliya 20 kiis oo la xiriira xarig xaruumo warbaahineed iyo suxufiyiin, oo intooda badan laga soo wariyay Puntland iyo Somaliland. Inta badan wariyeyaasha marka la xiro waxaa lasoo taagoo maxkamado ku shaqeeya sharciyada dowladdii hore ee militeriga. Sharciga saxaafadda ee uu meel mariyay baarlamaanka Soomaaliya waxaa ku jira qodobo lagu caburinayo xoriyada saxaafadda iyo warbaahinta madaxbanaan. Hadii uu saxiixo Madaxweyne Farmajo, waxuu sharcigan horseedi doonaa in lagu xad-gudbo saxaafadda xorta ah, oo mudo dheer lagula kacayay dhibaatooyin kala duwan. Askari booliska Soomaaliya katirsan ayaa ku dilay Muqdisho July 2018 kaamira-maan, waxaana lagu xukumay isagoo maqane ah shan sano oo xabsi ah, isagoo aan wali lasoo xarin. Labo askari ayaa laga saarey ciidanka xoogga kadib markii ay xireen labo suxufi, kadibna uga tagey wadada qarkeeda iyadoo garba-duub u xiran, oo xabadka dhulka u yaalla xili qorax kulul jirto wadada Makka Al-Mukaram. Dhacdadan waxay ahayd midii ugu horeysay oo nooceeda ah oo ka dhacda Soomaaliya. “Soomaaliya kaalin hore bey kaga jirtaa liiska dalalka lagu dhibaateeyo suxufiyiinta, balse waxaa jira tallaabooyin wanaagsan oo la qaadey oo xaaladda wariyeyaasha ku shaqeeyaan wax looga qabanayo,” ayuu yiri Arnaud Froger, oo ah madaxa qeybta Africa u qaabilsan wariyeyaasha aan xuduuda lahayn. Arnaud Froger ayaa intaasi ku daray in sanadkii tagey oo kaliya Soomaaliya lagu xiray 25 suxufi, oo badankooda la dhigay xabsiyo ku yaalla maamulada Puntland iyo Somaliland. View the full article
-
Southwest government has today pressed criminal charges against journalist Mukhtar Mohamed Atosh, VOA reporter, after arresting him yesterday in Baidoa’s city centre, holding him at the Crimes Investigation Department (CID) last night and transferred him today to Baidoa Central Prison. According to the charge sheet, the Southwest authorities took Mukhtar Mohamed Atosh to Bay Regional Court where he was officially charged under Somalia’s outdated penal code and prosecutors requested the court to transfer him to central prison for further detention, which the court granted abruptly without even hearing the defendant. Charges levelled against Mukhtar Mohamed Atosh, who is also member of the Executive Committee of the National Union of Somali Journalists (NUSOJ), are: Penal Code Article 271: Offence against the authorities by means of Damaging information Penal Code Article 326: Intimidation of the Public Penal Code Article 327: Giving False Alarm to Authorities Penal Code Article 328: Publication or circulation of false, exaggerated or tendentious news of capable of disturbing public order “Producing him in court without a lawyer, refusing him to defend himself and swiftly transferring him to the notorious central prison of Baidoa is a mockery as the trumped-up charges brought against him are noticeably politically motivated. The charges must be dropped and Atosh immediately and unconditionally freed. He must not be put through one more day of this kangaroo court brought against him solely for doing his journalistic work,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary General. Mukhtar Mohamed Atosh is a well-respected broadcast journalist whose journalistic work has shed light on the workings of Southwest administration such as covering up uncomfortable truth of a rape case. “The disgraceful fabricated charges against Mukhtar Atosh indicate how the judiciary is ready to rubber stamp the will of political office bearers and the level of intolerance of the Southwest administration for independent practice of journalism,” added Osman. View the full article
-
Xukuumadda Puntland ayaa Caawa shaacisay in bukaan looga shakisanaa xanuunka COVID-19 oo karantiilnaa uu maanta geeriyooday balse weli la sugayo natiijada baaritaan lagu sameeyay si loo xaqiijiyo in uu cudurkaas u dhintay iyo in kale. Qoraal ka soo baxay Guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 u qaabilsan Puntland ayaa lagu sheegay in bukaankaas geeriyooday weli la sugayo natiijada baaritaankiisa balse lama sheegin magaalada uu ku geeriyooday. Sidoo kale guddiga ayaa tilmaamay in maanta oo keliya la karantiilay sagaal ruux oo looga shakiyay xanuunka COVID-19 kuwaas oo baaritaan laga qaadi doono si loo xaqiijiyo in ay cudurka qabaan inkastoo aan la xusin halka ay ku kala sugan yihiin bukaannadaas. Guddiga ayaa ugu baaqay bukaannada karantiilan in aysan guryahooda ka soo bixin inta ay ka bogsanayaan oo laga baxnaaninayo xaaladooda caafimaad si looga hortago in xanuunka Coronavirus bulshada ku dhex faafo. PUNTLAND POST The post Bukaankii u horreeyay ee looga shakisanyahay COVID-19 oo Puntland ku geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga Puntland u qaabilsan Ka hortagga iyo Ka jawaabidda xanuunka COVID-19 ayaa qoraal uu Caawa soo saaray ku sheegay in aysan jirin wax xayiraad ah oo Puntland ku soo rogtay Ganacsiga isaga goosha gobollada Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya. Guddiga ayaa xaqiijiyay in Puntland aysan wax xannibaad ah saarin Ganacsiga isaga gudba dhammaan gobollada dalka Soomaaliya iyo xataa dalalka jaarka ah ee Kenya iyo Itoobiya. Qoraalka guddiga ayaa lagu xusay in Puntland ay sii fududaysay isu socodka Ganacsiga dhammaan gobollada dalka si dadka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo Raashinka daruuriga ah ee ay u baahan yihiin maadaama lagu jiro xaaladda ka dhalatay COVID-19. Hadalka guddiga ayaa ku soo beegmay saacado kadib markii guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya Cali Jeyte Cismaan uu sheegay in Puntland xayiraad saartay Raashinka ka soo degay dekedda Boosaaso ee loo rari jiray Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Puntland oo beenisay in ay xayiraad saartay Ganacsiga u gudba Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) -Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa Idaacadda VOA ayaa lagu soo bandhigay baaritaan ku aadan dhismihii garoonka diyaaradaha ee degmada Baraawe oo dhaliyey hadal heyn badan. Garoonkaas waxaa dhismihiisa xarigga laga jaray 10-kii bishii lasoo dhaafay ee Maarso, waxaana ku baxday lacag dhan 4.3 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah. Hase yeeshee muuqaallo iyo sawirro laga soo qaaday ayaa muujiyey in lacagta ku baxday dhismaha oo ahayd 4.3 milyan lagu dhisi karay garoon ka tayo fiican midkan, oo dhabihiisa diyaaradaha ay ku ordaan uu noqon karay mid laami ah. Sidoo kale roob halkaas ka da’ay maalmo yar un kadib markii la furay garoonka waxa uu burburiyey qeyb kamid ah, balse maamulka degmada Baraawe iyo hey’adihii maalgeliyaba, waxay ku adkeysteen in dhulka uu burburiyey roobkaas uusan ka tirsaneyn qeybaha la dhisay ee garoonka. Garoonka magaalada Baraawe waxaa maal gelisay hey’adda Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya, taas oo ay ku mideysanyihiin hey’ado iyo dowlado deeqda bixiya. Doorka maamulka Koonfur Galbeed uga soo aaday dhismaha garoonkaas waxaa lagu sheegay in uu ahaa inay keenaan halkii laga dhisi lahaa oo kaliya. Caqabadaha ugu badan dhismaha garoonka Baraawe waxa ay kasoo wajaheen ururka Al-Shabaab oo diidanaa sida la sheegay in Baraawe garoon laga dhiso iyo inay caasimad u noqoto Koonfur Galbeed. Barnaamijkan waxaa shaaca looga qaaday in Al-Shabaab oo Baraawe laga saaray Sebtember 2014-kii ay weerarro joogto ah ku hayeen howsha dhismaha garoonka diyaaradaha Baraawe. Nuur Cali Buubaal oo ah maamulaha guud ee shirkadda qaadatay qandaraaska dhismaha garoonka Baraawe ayaa barnaamijka Galka Baarista u sheegay inay weli ku suganyihiin Baraawe, taasina ay ka mid aheyd heshiiskii la galay. Sababta ay weli u joogaan halkaas maadaama uu dhamaaday dhismihii garoonka Nuur waxa uu ku sheegay inay tahay xaqiijinta in aysan cilado ka imaan dhismihii lagu sameeyey garoonka, sida in aysan degin ama burburin biyaha kasoo hoora roobka. Halkan ka dhageyso barnaamijka oo dhan https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/e8668226-8ded-4c48-887c-cddd407db914_48k.mp3
-
Mogadishu (HOL) - Somalia government Tuesday came under heavy criticism from the European Union over arbitrary arrest of journalists and silencing of dissenting voices with the bloc’s ambassador warning the Horn of Africa nation was risking a freedom of information ‘pandemic’. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar___Qubanaha-Shabelle-210420.mp3 View the full article
-
Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in tiradii ugu badnayd oo dad ah ay maanta oo Tallaado ah u geeriyoodeen xanuunka Coronavirus. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in 6 qof ay maanta gudaha dalka ugu geeriyoodeen xanuunka Coronavirus. Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliy ayaa sheegtay in ay soo kordheen 49 kiis oo cusub oo Coronavirus ah, kuwaas oo dalka laga helay saacadihi ugu dambeeyay, halka ay ka bogsadeen 2 qof . Dowladda Soomaaliya ma sheegin halka ay dalka kaga sugan yihiin dad u geeriyooday iyo cusub ee ku dhacay xanuunka Coronavirus. Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa noqonaysa 286 qof, halka dhimashadu ay gaareyso 13 ruux, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Maalmihii ugu dambeeyay waxaa si xowli ah u sii kordhayay kiisaska Coronavirus ee laga helayo gudahah dalka. PUNTLAND POST The post Tiradii u badnayd oo maanta u geeriyootay Corona appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in isbitaalka Martiini loo dhammeystiray qalabkii caafimaad ee loo baahnaa, kaas oo ka mid ah isbitaalada lagu dabiibo dadka uu soo rito xanuunka Coronavirus. Dowladda ayaa maanta qolalka xaaladda degdegga ah ACU ee Isbitaalka ku xirtay 20 sariirood oo loo dhammeestiray qalabkii loo baahnaa si loogu baxnaaniyo dadka xaaladoodu aadka u adagtahay, sida lagu sheegay qoraal goor dhaw kasoo baxay xukuumadda. Isbitaalka waxaa sidoo kale laga howl geliyay Dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal takhasus u leh xirfadaha loo baahanyahay, kuwaas oo kala ah 10 dhakhtar iyo 10 kalkaaliye oo Isbitaalka Digfeer horay uga howlgeli jiray. Saraakiishaas caafimaad ayaa hada qayb ka qaadanaya xakameynta COVID-19, waxaa sidoo kale qoraalkan lagu sheegay in dhawaan ay ka howl billaabayaan Martiini la taliyaal sare oo caafimaad, kuwaas oo ku takhasusay maareynta cudurrada faafa iyo cudurrada ku dhaca neef mareenka. Isbitaalka Martiini oo lagu howl billaabay bishii hore Maarso16-keedii ayaa lagu qaabilay 218 bukaan oo 21 kamid ah la jiifiyay, halka afar kamid ah bukaannadii la jiifiyay ay ka bogsadeen xanuunka COVID-19, sida lagu sheegay warbixintan. Haatan Martiini waxaa jiifa oo lagu baxnaaninayaa 17 bukaan, waxayna xukuumaddu sheegtay in lasii dardar gelinayo horumarinta isbitaalkan. Ugu dambeyntii dowladda federaalka ayaa mar kale bulshada ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad, si gaar ah waxaa looga deyriyey in dadka qaba xanuunada daaha hadii uu ku dhaco cudurkan ay gelayaan xaalad halis ah.
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in ay korortay tiradda kiisaska iyo dhimashada ee Coronavirus. Warbixin kasoo baxday guddiga ka hortagga ee heerka qaran ayaa lagu xaqiijiyey lix qof oo cusub oo u dhintay cudurka. Sidoo kale, waxaa lasoo wariyey 49 kiis cusub oo ah cudurka Covid-19, taas oo wadarta guud ka dhigeysa 286 kiis. “49 qof ayaa maanta laga helay xanuunka COVID-19. Waxaa u geeriyootay 6 ruux waana tiradii ugu badneyd ee hal maalin u dhimata cudurka. 2 qof ayaa ka bogsootay,” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga. Fahfaahinta hoos ka eeg View the full article
-
Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa fartay maamulayaasha isbitaallada gaarka loo leeyahay inay bukaannada daryeelka caafimaad usoo doonanaya ay u qaabilaan sida ugu habboon, ugu fudud, uguna taxadarka badan. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa isbitaallada ku yaalla Muqdisho fartay in ay qaabilaan bukaannada si looga fogaado dayac ku yimaada bukaano u baahan daryeel caafimaad, iyadoo sheegtay in ay si taxadar leh u ogaan karaan xaaladda bukaanka kaddibne ay u soo gudbi karaan wasaaradda caafimaadka marka ay uga shakiyaan cudurka karoona fayris. Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in maamulada laga doonaayo in ay bixiyaan adeegyadii Caafimaadka ee horay ay u bixin jireen,Waxaa ayna sidoo kale sheegtay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin in daryeel xumo ay u dhintaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay qaar kamid ah dadka Muqdisho isla dhex marayeen warar ku saabsan in qaar kamid ah isbitaallada ay albaabada ka xirteen bukaannada u baahan daryeel caafimaad iyagoo ka cabsi qaba cudurka karoona fayris. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo ay wehliyaan Hey’addaha Garsoorka, Taliska Qeybta Galbeed ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaha Degmada Wadajir ayaa Saldhiga Booliiiska degmada Wadajir ku gubay 51 jawaan oo Maandooriyaha Qaadka ah, kaasi oo si sharci darro ah lagu soo geliyay Muqdisho. Taliyaha Qeybta Galbeed ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Yuusuf Xundubeey ayaa sheegay in xalay Howlgal ay fuliyeen ugu suura gashay in ay gacanta kusoo dhigaan gawaari lagu siday Khaat sharci darro ah. Dhinaca kale Xeer ilaalinta iyo Maxkamada Gobolka Banaadir oo goobta ku sugnaa ayaa xukunno 6 bilood oo xarig ah ku riday Milkiilayaasha Gawaaridaasi oo Afar ruux ah, kuwaasi oo baxsad ah, iyadoona sidoo kale Laamaha Garsoorka oo cuskanaya qodobo dastuuri ah sheegay in lala wareegay 4 Gawaari oo ahaa kuwii lagu qabtay qaadka Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin kuwa aan u hogaan-samin awaamiirta Dowladda oo ahaa in aan wax khaat ah lasoo gelin-karin dalka maadaama lala dagaalayo Cudurka COVID19, isla markaana Khaat-ka uu ka mid yahay Maandooriye aan caafimaad ahaan Bulshada u wanaagsaneen sahli karana faafitaanka COVID19. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxa ay laamaha Ammaanka ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan, Doomo iyo Gawaari si sharci darro ah Magaalada Muqdisho kusoo gelinayay maandooriyaha Khaat-ka, iyadoona lala wareegay gaadiidkaasi jibiyay amarada Dowladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (SMN) – Guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga fayruska Corona ayaa xaqiijiyey in uu dhintay qof ay kaga shakiyeen cudurkaas. Warbixintooda maalinlaha ee 21-ka April sanadka 2020 ayay ku sheegeen in aysan wali xaqiijin hadii qofkaas uu qabo Covid-19. Natiijada baaritaankiisa ayay tilmaameen in ay dhowaan heli doonan maadaama ay ku maqan tahay baaritaanka wadanka Kenya. Dhanka kale, guddiga wuxuu xaqiijiyey in ay maanta karantiileen sagaal qof oo ay ka baarayaan caabuqaas dilaaga ah. Tani ayaa ka dhigan in wadarta guud ee dadka lagu tuhmay Corona ee ku sugan degaanada Puntland ay haatan mareyso 15. Dhowaan ayay ahayd markii Puntland ay xaqiijisay kiiskii koowaad ee Coronavirus, waxaana laga helay muwaadin aan safar dibada ah gelin. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa caawa soo saartay warbixintii Coronavirus ee 24-kii saac ee u dambeyey, waxaana lagu shaaciyey in dadkii ugu badnaa ay gudaha dalka saacadihii lasoo dhaafay ugu dhinteen cudurkan. 6-qof ayaa lagu sheegay inay 24-kii saac ee lasoo dhaafay Soomaaliya ugu geeriyootay xanuunka COVID-19. Sidoo kale 49-qof oo ah kiisas cusub oo cudurka Coronavirus ah ayaa loo diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafa, sida lagu shaaciyey warbixinta wasaaradda caafimaadka. 30 kamid ah 49-ka qof ee maanta laga helay cudurkaas waa lab ama rag, halka 19-ka kalena ay dumar yihiin. Warbixinta caawa ka soo baxday wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in laba qof ay kasoo bogsatay xanuunkaas, waxayna noqoneysaa tiradii ugu badney oo bogsasho ah oo hal maalin la shaaciyo. Tirada guud ee gudaha dalka Soomaaliya dadka laga helay Coronavirus ayaa gaartay 286 kiis, waxaa u geeriyootay 14 ruux, hal ay ka bogsatay 6-qof. Warbixinta wasaaradda caafimaadka Soomaaliya laguma xusin halka ay ku kala noolyihiin dadkaas loo diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay in ay qabaan Coronavirus, sidoo kale laguma xusin goobaha ay ku kala noolaayeen kuwa dhintay iyo kuwa ka bogsadayba.
-
Guddoomiyaha Maxkamdda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa shaqo joojin ku sameeyey guddoomihii maxakamadda gobolka Banaadir Muuse Macalin Cabdi, Guddoomiye Baashe Yuusuf Axmed ayaa xilkaas si ku meel gaar ah waxaa uu u magacaabay xilka maxkamadda gobolka Cabdisalaan Macalin Cabdi oo ah guddoomiyaha Maxkamadda degmada Howlwadag ee gobolka Banaadir. Shaqo joojinta lagu sameeyey guddoomiyihii maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ay ka dambeyso khilaaf soo kala dhex galay guddoomiyaha maxkamadda gobolka iyo guddoomiyaha Maxakamadda Sare Baashe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kala hadlay kuna dhaliilay caburinta ay xukuumaddisu ku heyso Suxufiyiinta Soomaaliyeed. Safiirka iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayuu kulankaas ku dhex maray qaab Online ah, waxuuna Danjire Nicolas kula taliyey xukuumadda Soomaaliya in aysan xal aheyn caburinta ay ku heyso kuwii xaqiiqada jirta bulshada u soo gudbiya. Qoraal Nicolas Berlanga safiirka Midowga Yurub uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka kadib kulankii dhex maray wakiilada beesha caalamka iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayuu ku sheegay in hadallada xanafta leh ee saxaafadda ay yihiin qeyb ka mid ah dimuqraadiyadda. “Cambaareynta waa qeyb ka mid ah hannaanka dimuqraadiyadda, xadeynta xoriyadda hadalku ma noqon karto cudur kale oo faafa, haddii saxafiyiintu dayacaan macluumaadka, xabsi ama xiritaanku xal ma ahan,” ayuu yiri Nicolas Berlanga Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya. PM Khaire VTC with International Community, EU message: “criticism is part of the democratic process. Limitation of Freedom of Expression cannot become another pandemic. If journalists neglect information, prison or detention is not an option” pic.twitter.com/DRw8sTjmOd — Nicolas Berlanga (@NBerlangaEU) April 21, 2020 Halkan kasoo yeeray beesha caalamka ee lagu dhaleeceeyey caburinta ay weriyaasha Soomaaliyeed kala kulmayaan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ku soo aadaya iyadoo mudo ku dhaw laba bilood uu Weriye Maxamed Cabdiwahaab Nuur ‘Abuuja’ u xiranyahay madaxda dowladda, isagoo aan helin wax cadaalad ah. Shalay oo ugu dambeysay waxaa magaalada Baydhaba lagu xiray Weriye Mukhtaar Maxamed Catoosh oo ka howlgala Idaacadda VOA laanteeda af-Soomaaliga. Sidoo kale intii ay jirtay dowladan uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo waxaa caadi noqotay caburinta iyo caga jugleynta saxaafadda Soomaaliya, waxaana jira weriyaal badan oo dowladan ay ku canaaday xoriyadda hadalka, qaar ayaa dalka iskaga tegay, qaar ayaa xiran, halka inta kalena loo caga jugleeyo.
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya oo ku dadaaleysa in sida ugu habboon uguna dhaqsaha badan loo xakameeyo cudurka CODIV-19, ayaa qalabkii caafimaad ee loo baahnaa u dhammeystirtay isbitaalka Martiini ee loo asteeyay in lagu daweeyo bukaannada uu soo rito cudurka safmareenka ah ee dunida oo dhan dhibaatada badan ku haya. Dowladda ayaa maanta qolalka xaaladda degdegga ah (ACU) ee Isbitaalka ku xirtay Labaatan (20) sariirood oo loo dhammeestiray dhammaan qalabkii loo baahnaa si loogu xanaaneeyo dadka xaaladoodu aadka u adagtahay. Isbitaalka waxaa sidoo kale laga howl geliyay Dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal leh dhammaan takhasusyada loo baahanyahay oo ay kamid yihiin 10 dhaqtar iyo 10 kalkaaliye oo Isbitaalka digfeer horay uga shaqeyn jiray, hadana qayb ka qaadanaya xakameynta COVID-19, waxaa sidoo kale dhawaan ka howl billaabaya la taliyaal sare oo caafimaad oo ku takhasusay maareynta cudurrada faafa iyo cudurrada neef mareenka. Isbitaalka oo lagu howl billaabay March 16, 2020 ayaa lagu qaabilay 218 Bukaan oo 21 kamid ah la jiifiyay. Afar kamid ah bukaannadii la jiifiyay ayaa cudurka ayaa ka bogsooday dibna looga saaray, waxaana xilligaan jiifa 17 bukaan oo xaaladooda lagula tacaalayo, kuwaas oo uu kamid yahay Bashiir Qaasim Maxamed oo caddeeyay inuu ka helay adeegya caafimaad oo tayo keh. Dowladda oo caddeysay in horumarinta lasii wadayo, ayaa bulshada ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad maadaama marka uu Xanuunka soo rito dadka qaba xauunnada raaga ay wax ka qabashadoodu adagtahay. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Eng. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in hantidooda ay uga qayb qaataan qorshaha xakameynta COVID-19, sidoo kale ay ku dadaalaan inaan sare loo qaadin qiimaha la kala siisto badeecada gaar ahaan cunnada aasaaska u ah nolosha bulshda iyo inay ku tarsamaan wax soo saarka gudaha si looga maarmo ku tiirsanaanta cunnada dibadda laga soo dhoofiyo. Eng. Cabdullaahi Cali Xasan waxuu sheegay in xukuumaddu ay xooggeeda isugu geysay in ganacsatada loo fududeeyo wax kasta oo qayb ka qaadan kara horumarinta ganacsiga, cunnada qaarna cashuur dhaaf iyo canshuur dhimis loogu sameeyay, sabab la xariirta in dadka nugul aysan dareemin saameynta ka dhalaneysa tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19. Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada, Fowsiya Abiikar Nuur, oo sheegtay in dib-u-dhis ballaaran lagu wado Isbitaal Banaadir, qaybta loogu tala galay la tacaallida COVID-19, ayaa u mahad celisay shirkadda Isgaarsiinta Horumuud oo bixineysa qarashaadka ku baxay dib-u-dhiska. Maamullada Isbitaallada gaarka loo leeyahaya ayey wasiirku ugu baaqday inay bukaannada si wanaagsan u qaabilaan, baaritaan marsiiyaan iyaga oo taxadaraya, bukaankii ay ka shakiyaanna ay ku wareejiyaan qaybka ku shaqada leh la tacaallidda cudurka COVID-19, si looga baaqsado in qof Soomaaliyeed uu dhibaato usoo gaarto daryeel xumo. Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID 19, Dr Maxmed Cali Fuje, ayaa bulshada kula darmaarmay inay qaataan tillaabooyinka caafimaad, si ay qayb uga noqdaan qorshaha xakameynta cudurka dilaaga ah “Walaalayaal COVID19 Hargab daran ma aha. Waa xanuun halis ah, Waa xanuun wata qandho daran, cune xanuun iyo in uu marka dambe qofku neefsan waayo oo sambabadu istaagaan, taas oo keeneysa geeri”, ayuu yiri Dr. Fuje Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo maanta kulan la qaatay safiirrada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan ayaa ku war geliyay in dhammaan barnaamijyadii qorsheysnaa ee dowladda lagu caawinayay loo leexiyo wax ka qabashada cudurka halista ah ee COVID-19 iyo caawinta dadka nugul ee saameynta ay ku yeelanayaan tillaabooyinka lagu xakameynayo cudurka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay fal dambiyeedka kufsiga oo dhawaanahaan ku soo badanayey gudaha waddanka. War-saxaafadeedka View the full article
