Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)-Madaxweyne Donald Trump ayaa salaasadii shalay ku dhawaaqay in maamulkiisa uu si ku meel gaadh ah, muddo 60 maalmood ah uu u joojinayo, soo saarista aqoonsiga Green Card-ka loo yaqaano ee la siiyo dadka loo ogolaado inay ku noolaadaan Mareykanka. Go’aankaan ayaa inay Mareykanka soo galaan ka hor-istaagi doona, tobnaan kun oo qof oo qorshuhu ahaa inay so dagaan Mareykanka. Hase yeeshee, waxa aanu saameyn doonin shaqaalaha la shaqeeya wax soo saarka beeraha. Trump ayaa sheegay inay khalad iyo caddaalad-darro ku tahay dadka shaqooyinkooda ku waayay cudurka COVID-19, inay baddalaan shaqaalo soo galooti cusub ah oo Mareykanka yimaada. Waxaa kale oo uu sheegay in mudadda gaaban ee hakadka la geliyay Green Card-ka uu xal iyo dhowrsanaan u noqon doono, nidaamka caafimaadka waddanka oo hadda uu aad uga tan badiyay cudurka Caronavirus. Madaxweyne Tump wuxuu sheegay in uu filayo in sharcigan uu saxeexi doono Arbacada maanta ah. Dadka dhaliila siyaasaddiisa ayaa sheegaya, in sababta uu madaxweynaha u hakiyay soo saarista Green Card-ka ay tahay, inuu mar kale uusoo jiito taageerayaashiisa, xilli ay kusoo wajahantahay doorashada madaxtinimada ee dalkaan ka dhici doonta bisha November. Source
  2. (SLT-Garoowe)-Guddiga Puntland u qaabilsan Ka hortagga cudurka Coronavirus ayaa ku dhawaaqay in qof looga shakisanaa COVID-19 uu geeriyooday, iyadoo baadhitaankii laga qaaday ay ka dhineyd natiijadiisu. Qoraal ka soo baxay Guddiga ka hortagga COVID-19 ayaa lagu sheegay in qofkan uu karantiil ahaa, iyadoo aanay sheegin halka uu ku geeriyooday, balse lagu caddeeyay qoraalka inuu ku geeriyooday deegaanada Puntland. Sidoo kale qofkan karantiilka ku jiray ee geeriyooday natiijadiisa baadhitaan la sugayay, lana filayo in maanta la helo natiijadaas. Haddii la caddeeyo inuu u dhintay COVID-19 waxaa uu noqon doonaa qofkii u horreeyay ee ugu geeriyooda deegaanada Puntland cudurkan. Source
  3. Dowlad goboleedka Jubaland ayaa shaaciyay in aysan soo gaarin saamigii ay ku lahaayeen lacago min hal malyan ah oo dowladda Soomaaliya sheegtay in loo fasaxay dowlad goboleedyada dalka. Guddoomiyaha guddiga Jubaland u qaabilsan ka hortagga iyo La tacaalidda xanuunka COVID-19 ayaa sheegay in Jubaland aysan soo gaarin lacagtii dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in ay u fasaxday dowlad goboleedyada si loogu isticmaalo la tacaalidda xanuunka Coronavirus. Maxamed Warsame Darwiish oo sidoo kale ah wasiirka Arrimaha gudaha Jubaland waxa uu tilmaamay in maamulkooda aysan haysan dhaqaale ay kula tacaalaan ka hortagga iyo xakamaynta xanuunka COVID-19 islamarkaana ay hay’adaha caalamiga ah kaalmo weydiisteen balse ay ka waayeen. Mudane Darwiish ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafaad ka dhex jira guddiga Jubaland u qaabilsan ka hortagga iyo xakamaynta cudurka Coronavirus oo ku muransan arrimo dhexdooda ah. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Jubaland: Cid lacag na siisay ma jirto Shilinna ma haynno appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xiisada ganacsi ee u dhexeysa maamul goboleedyada Puntland iyo HirShabelle. Goodax Barre ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in tallaabada ay qaaday Puntland ka dhalan karto cunaqabateUn dhaqaale oo ay isku rogaan gobollada dalka, taas oo uu carabka ku dhuftay inay saameyn karto nolosha muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa ka dalbaday in Puntland ay dib uga fiirsato go’aankaasi, inta ganacsatada reer Hiiraan aysan sahansan ilo kale, sidoo kalena maamulka gobolka Hiiraan uusan dul-dhigin cunaqabateyn, sida uu hadalka u dhigay. “Talaabadan Puntland qaaday waxaa ka dhalankara cunaqabateen dhaqaale ee Goboladu isku soo rogaan, taas oo ugu dambayntii cuuryaamin doonta nolosha muwaadiniinta, haba ugu darnaato deegaanada Puntland iyo Dowlad Goboleedka Puntland, Waxaa ila haboon in dowladda Puntland ay dib uga fiirsato, inta ganacsatada reer Hiiraan aysan sahansan ila kale iyo inta Maamulka Hiiraan aysan duldhigin cunaqabateen dhaqaale.” ayuu yiri wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay HirShabelle ay si weyn uga hortimid hadalkii Madaxweynaha Puntland ee ahaa in ganacsatada maamulkaasi aysan raashin ama badeeco geyn karin deegaanada kale, sida maamullada Galmudug iyo HirShabelle. Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jeyte Cismaan oo tallaabadaas ka hadlay ayaana ku goodiyey inay canshuurta ku kordhin xoolaha iyo Khudaarta laga qaado gobolkiisa ee la geeyo deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
  5. Xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku soo dhOweeyey kulan muuqaal oo ay yeesheen Ra’iisul wasaare Xasan Cai Khayre iyo xubnaha beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya. Warka ka soo baxay UNSOM ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka ay muuqaalka ku yeesheen xubnaha beesha caalamka iyo Ra’iisil wasaaraha xukuumadda Soomaaliya uu muhiim u yahay wax ka qabashada xaaladaha cudurka Coronavirus ee ka jira dalka. Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweysay sida xubnaha beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya ay u ballan qaadeen garab istaagga dowladda Soomaaliya oo ku howlan xakameynta cudurka saf-marka ah ee COVID-19, oo ku dhawaad illaa 300 boqol oo kiis ay xaqiijiisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Si kastaba ha’ahaatee shalay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, safiirada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan ayaa yeeshay kulan muuqaal ah, waxayna ka wada hadleen xaaladaha Coronavirus. View the full article
  6. Cabdiraxmaan Yuusuf Raabi oo ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha ayaa ka hadlay xaaladda adag ee ka dhalatay cudurka Covid-19, kaas oo sababay sare u kac ku yimid maciishada quutul daruuriga ah. Mr. Raabi oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Shabelle ayaa ka dhawaajiyey in magaalooyinka dalka xilligaan laga dareemayo is-bedal ku yimid qiimaha raashinka iyo bagaashka, taas oo uu sheegay inay sameyn daran ku yeelatay dadka shacabka ah. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ganacsatada Soomaliyeed inay u naxariistaan dadkooda, islamarkaana ay la qeybsadaan dhibaatada adag ee ay haatan wajahayaan. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ay ganacsatada uga digtay inay macaash ka raadiyaan xaaladda lagu jiro. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Raabi.mp3 View the full article
  7. Gaadiid wada dad ka soo xagaa baxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa saaka oo Arbaco ah ku xanniban nawaaxiga kantaroolka Koonfureed ee Boosaaso kadib markii ay go’day buundo halkaasi ku taallay. Buundada ayaa go’day kadib markii daadad xooggan oo ka dhashay roobabka gu’ga ay ku soo rogmadeen degaanka islamarkaana buux dhaafiyeen togga ay saarantahay buundadaas go’day sida ay Puntland Post u sheegeen dad halkaasi ku xayiran. Gaadiidka ayaa haatan labada dhinac kaga xanniban buundada go’an waxaana jirta in gaadiidka u badan ay ku xanniban yihiin dhinac Boosaaso xigta kuwaas oo ay saaran yihiin dad ka soo xagaa baxay gudaha Boosaaso. PUNTLAND POST The post Isu-socodka gaadiidka Laamiga Boosaaso oo saaka go’an appeared first on Puntland Post.
  8. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka gaabisay dhismaha maxkamad Dastuuri ah, xilli la qorsheynayo inay dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Dalxa oo u warramayey Shabelle ayaa sheegay in loo baahnaa in xilli la hirgeliyo maxkamaddaasi, si haddii ay u yimaadaan murano ku aadan doorashada ay u xaliso. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan suuragal aheyn inay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, iyadoo aan la dhisin maxkamadda Dastuuriga ah, sida uu hadalka u dhigay. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Dalxa.mp3 View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu faah faahiyey dil shalay gelinkii dambe xaafadda Arjantiin ee degmada Kaaraan loogu geystay Abwaan Baashi Macalin Maxamuud, oo sidoo kale ka tirsanaa kooxda Heegan ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Qoraalka taliska ayaa tacsi loogu diray ehellada marxuumka iyo ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo uu muddo la shaqeynayey, sida lagu sheegay warbixinta. Sidoo kale warsaxaafadeedkaan ayaa waxaa lagu sheegay in Abwaan Baashi uu ahaan nin au ku weyneyd dowladnimada iyo u adeegida Ummadda Soomaaliyeed. “Dhamaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Dableyda Alifleeyda iyo dhamaan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) Allaha unaxariisto Abwaan Baashi oo ahaa nin ee ku weentahay Dowladnimo iyo u adeegida Shacabka waxuuna aha Sargaal ka tirsan Ciidan Booliiska Soomaaliyed waxa uuna ka baxay Dhamaan umadda Soomaliyeed ayaa lagu yiri” ayaa lagu yiri qoraalka taliska ciidanka Booliska Soomaaliya. Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkaan, iyadoo baahisay in toogashada ay fuliyeen xoogag ka tirsan kuweeda. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa amniga Muqdisho wuxuu ahaa mid yare degan, iyadoona ay yaraadeen weeraradii qaraxyada ee mararka qaar ka dhici jiray.
  10. Saudi King Salman Bin Abdul Aziz amidst the deadly pandemic outbreak has approved a reduced version of performing Taraweeh prayers in the two Holy mosques Mecca and Medina. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-220420.mp3 View the full article
  12. War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa looga hadlay xubno ka tirsan Shabaab oo habeen hore miino ay aasayeen ku qaraxday. Qarax ayaa wakhtigaas ka dhacay waddo ku taalla Isgoyska degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, halkaas oo xubnaha Al-shabaab ku aasayeen qaraxa miino. Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, ayaa xaqiijisay in mid kamid ah raggii aasayay miinadaasi uu ku dhintay isla qaraxa,halka laba kalena la qabtay,kuwaasi oo dhawac uu ka soo gaaray falkii ay maleegayeen. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale cambaaraysay falka noocaas ah ee fuleynimada ah waxaana ay boogaadisay ciidankii ka hawlgalay soo qabashada raggaas. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xubno ka tirsan Al-shabaab oo miino ay aasayeen la qaraxday appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay beddeleen habkoodii dagaalka, kadib markii “guul-darrooyin xooggan ay kala kulmeen” Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayna caddeyn u tahay dhacdadii habeen hore ee Muqdisho. Qoraal kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxii habeen hore ka dhacay jidka dheer ee Isgoyska degmada Heliwaa uu ahaa miino macmal ah oo ku qaraxday Al-Shabaabkii halkaas ku aasayey. “Xeeladahan ay miinooyinka ku aasayaan jidadka ayay argagaxisadu u tahay ololahooda dagaal ee ay la beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed. Maadaama awoodda argagaxisadu sii daciifayso, oo aysan wajihi karin dagaal toos ah oo ay la galaan Ciidanka Xoogga Dalka ayay maciinbadeen habkan daciifninada ah ee ay jidadka shacabka isticmaalo ugu aasaayaan miinooyin,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. Qoraalka ayaa intaas ku daray in “guuliihii looga adkaaday argagaxisada Al-Shabaab ee magaalooyinka muhiimka ah ee Jannaale, Mubaarak , Awdheegle iyo qaar kale ayaa gayaysiiyey in ay falalka noocaan ah ku qariyaan jabkooda.” Ugu dambeyn dowladda ayaa sheegtay inay cambaareynayso falalka noocan, oo ay ku qeexday mid “fuleynimo ah.” Bilihii dhowaa waxaa aad u yaraaday qaraxyadii iyo dilalkii kooxda Al-Shabaab ay ka fulin jirtay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayada oo xiritaanka jidadka iyo feejignaanta ciidamada amniga ah u muuqdaan kuwa hor-istaagay Shabaabka.
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee Jubbaland, ahna guddoomiyaha guddiga ka hortagga cudurka Covid-19 ee maamulkaasi, Mudane Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in aysan weli heli lacagihii min halka milyan ee ay dowladda federaalka sheegtay inay u fasaxday maamul goboleedyada dalka. Darwiish oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ayaa carabka ku dhuftay in ay akoonkoooda ka fiiriyeen lagactaasi oo loogu talagalay la dagaalanka cudurka Coronavirus, balse ay ka waayeen, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka maamul ahaan aysan haysan dhaqaale ay haatan kula tacaalaan ka hortagga iyo xakamaynta xanuunka oo ah mid saf-mar ah. Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in aan la siyaasadeyn dagaalka lagula jiro cudurkaan oo saameyn ballaaran ku yeeshay caalamka. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan khilaaf siyaasadeed uu u dhexeeyo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, kaas oo saameeyey wada shaqeynta labada dhinac. Soomaaliya oo ah dal soo koraya ayaa waxaa fara ba’an ku haya Covid-19, waxaana laga xaqiijiyey kiisas ku dhow illaa 300 oo qof oo badi ku sugan magaalada Muqdisho.
  15. MINNEAPOLIS (FOX 9) - To allow Minneapolis residents to pray together during Ramadan while maintaining social distance during the coronavirus pandemic, Adhan—the call to prayer—will be played over a loudspeaker in the Cedar-Riverside neighborhood five times per day for the duration of the Islamic holy holiday. Source: Hiiraan Online
  16. LONDON – The English Premier League has been asked by human rights activists and one of its major broadcast partners to consider blocking Saudi Arabia's attempt to buy Newcastle. Source: Hiiraan Online
  17. Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa ka hadlay walaac laga qabo in dib u dhigista furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka ay horseeddo dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya. Saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19 oo Soomaaliya gaaray ayaa sababtay in la hakiyo howshii Baarlamaanka, taasoo udub dhexaad u ahayd hannaanka doorashada xigta ee dalka. Hase yeeshee, guddoomiye Mursal ayaa ku adkeystay in xal loo heli doono sidii doorashada xilligeeda loo qaban lahaa. “Waxaan rabaa in hal qodob si fiican loo fahmo. Sharcigan doorashada waxaa loogu talagalay baarlamaanka, oo kala ah Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare. Muddooyinkii ugu dambeeyay ee aan kasoo gudubnay oo ay ugu dambeysay 2016-kii, doorashada la aadi jiray waxay ahayd doorasho dadban, marka waxa la dooranayo waa 275 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 54 oo Aqalka Sare ah, sidaas awgeed waxay ila tahay intaas xal loo waayi maayo”. “Waxaan magacownay guddi kasoo shaqeeya qodobbada ka dhiman sharciga doorashooyinka, iyagoo kaashanaya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, howshiina way wadaan inkastoo arrintaan coronavirus ay u saamixi waysay shaqooyinka qaar, laakiin shaqo fiican ayey qabteen ilaa hadda, waxaana aaminsan nahay inay soo dhammeystiri doonaan, waqtigii loogu talagalayna ay doorashada dhici doonto”, ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka. Wuxuu Mursal meesha ka saaray suurtagalnimada in la kordhin doono muddo xileedka Baarlamaanka iyo madaxweynaha. “Waddankan dastuur ayuu leeyahay, dastuurkaasna xilli ayuu ugu talagalay muddada xil-heynta Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha. Waxaan rabnaa intaan xilligaas la gaarin ka hor inay doorasho dhacdo”, ayuu yiri Guddoomiye Mursal. ‘Baarlamaanku uma diyaar garoobayo inuu muddada kordhisto’ Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa dhanka kale sheegay inuusan jiri doonin walaac ku aaddan in laga tashado muddo kororsi uu sameysto baarlamaanka, taasoo horseedi karta in waqtiga xil-heynta madaxweynaha lasii dheereeyo. “Dastuurka ku meel gaarka ah markaad akhriso, qodobka 64-aad wuxuu sheegayaa in xil-heynta baarlamaanka ay tahay 4 sano, qodobka 91-aad markaad fiirisana wuxuu dhigayaa in xil-heynta madaxweynaha ay tahay 4 sano. Marka ma jirto meel ay baarlamaanka ugu bannaan tahay inay xilka korosadaan, baarlamaankuna hadda uma diyaar garoobayo inuu xil kororsadee wuxuu u diyaar garoobayaa in shuruucdii dhinneyd uu dhammeystiro”. Coronavirus ma sababi karaa in dib loo dhigo Doorashada Soomaaliya? Horaantii bishan guddiga wadajirka ku meel gaarka ah ee diyaarinta xeerarka dhammeystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ee Somaaliya ayaa sheegay inay si ku meel gaar ah u hakiyeen howlihi ay wadaan, coronavirus awgiis. Guddign oo ah mid isku dhaf ah oo laga soo kala xulay labada aqal ee baarlamaanka, oo si wada jir ah uu guddoonka baarlamaankla u magacaabay, ayaa howlaha loo xilsaaray waxaa ka mid ah qoondada haweenka ee baarlamaanka waxay howshoodu billaabeen bishii February ee sanadkan. Su’aalaha ugu waaweyn ee soo ifbaxay kaddib hakinta shaqadii guddigan waxaa ka mid ah in doorashada Soomaaliya ay suurtagal tahay inay dib uga dhacdo waqtigii loo qorsheeyay. Guddoomiyaha guddiga Ibraahim Isaaq Yaroow, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dib u dhac ku yimaada doorashada uusan hadda xisaabta ku jirin. “Ilaa hadda arrintaasi iima muuqato, baarlamaankiiba haddii uu isku soo laabto annagu waan geyn karnaa xeerarka….doorasho qof iyo cod ahna wali rajo ayaa laga qabaa in ay dhici karto. Ilaahay ha naga haayo masiibo naga celiso iyo Coronavirus-kan in uu soo xakameysmo oo ay noo suurowdo isu socodkii iyo in aan ku dhiirran karno nolol iyo mustaqbal,” ayuu yiri. Ibraahim Isaaq ayaa sheegay in hadda ay xubnaha guddigu shaqadooda kasii wadaan guryahooda, laakiin ay joojiyeen kulamadii ay isugu imaan jireen. Howlaha ugu waaweyn ee hakadka galay waxaa ka mid ah wadatashiyadii uu guddigan la sameynayay dhammaan dhinacyada kala duwan ee ay arrintani khuseyso. Doorashada Baarlamaanka Federaalka ayey tahay inay dhacdo dabayaaqada sanadkan, halka doorashada madaxweynahana ay ku beegan tahay bisha February ee sanadka xiga ee 2021-ka. Sanadkii 2017-kii ayaa la doortay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa soo doortay madaxweynaha, isagoo markaas kaddibna soo dhisay xukuumaddana Laakiin sida ay dowladda federaalka horayba u ballan qaaday, doorashada xigta ee Soomaaliya ayaa loo ballansan yahay inay noqoto mid qof iyo cod ah. Haddii ay taasi hirgasho waxay Soomaaliya u tahay tallaabo horumar leh oo muddo badan lagu riyoonayay. Isha: BBC Somali
  18. Canadian police had yet to determine a motive for the country’s worst mass shooting, as the death toll from the carnage in Nova Scotia over the weekend climbed to 23 from 19, the Royal Canadian Mounted Police (RCMP) said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  19. 6 qof ayaa maanta kaliya Muqdisho ugu geeeriyootay cudurka Coronavirus, waana tiradii ugu badnayd ee hal mar cudurka u geeriyoota tan iyo markii uu dalka ku faafay. Waxaa kale oo la diiwaan gaaliyay 49 xaaladdood oo cusub, taasoo tirada guud ee kiisaska cudurka ka dhigaysa 286 kiis. Shalay iyo maanta, in ka badan 120 kiis ayaa la diiwaan galiyay, waxaana kororka nuucaan ah uu muujinayaa in cudurku xargaha soo goostay isagoo ka faa’idaysanaya unuglaanshaha bulshada. Sidoo kale, dhimashada cudurka ayaa hadda umuuqata mid sameynaysa koror degdeg ah marka loo eego lixda qof oo maanta hal mar u geeriyootay, waxaana tirada guud ee dhimashadu maraysaa 14 qof. Wasiirka caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in la balaarinayo isbitaalada loogu talo galay bukaanada Covid19, maadaama cudurku aad u faafayo. Qeyb kamid ah Isbitaalka Banaadir ayaa loo asteeyay in lagula tacaalayo bukaanada Covid19. Qaran News
  20. Muslim essential workers across industries prepare for the challenges of working through the coronavirus pandemic while fasting for Ramadan. Source: Hiiraan Online
  21. Qorshaha Mareykanka damacsan yahay haddii uu geeriyoodo Kim Jong Un+Haweenayda karta Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay qorshe xooggan oo la xiriira Korea-da Waqooyi, kaasi oo ku talo-galaya musiibo bani’aadannimo oo dalkaas ka dhacday, haddii hoggaamiye Kim Jong Un uu geeriyoodo, waxaa sidaas weriyey taleefishinka Fox News. Arirntan ayaa imaneysa ayada oo ay jiraan warar is-khilaafsan oo kasoo baxaya xaaladda caafimaad ee Kim. Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka, gaar ahaan CNN iyo Bloomberg, oo soo xiganaya saraakiil dowladeed ayaa sheegaya in hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi uu ku sugan yahay “xaalad halis ah” kadib markii qalliin looga sameeyey wadnaha. Si kastaba, saraakiisha China iyo Korea-da Koonfureed ayaa shaki geliyey warbixinada sheegaya in Kim uu xanuunsan yahay, ayaga oo sheegay inaysan jirin wax astaamo qayrul caadi ah oo ka imanaya dalka Korea-da Waqooyi. Wax ay ahaataba, Mareykanka ayaa u muuqda mid u diyaar garoobay xaalad kasta oo suurta-gal ah. “Dowladda Mareykanka waxay mar hore dejisay qorshe xooggan oo la xiriira marka meesha uu ka baxo Kim, ayada oo xisaabta lagu darayo caqabadaha ka dhalan doona dhimashadiisa,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Mareykanka oo la hadlay Fox News. Sarkaalkan ayaa sheegay inay kadib marka meesha uu ka baxo Kim ay dhibaato bani’aadannimo ka dhalan doonto Korea-da Waqooyi, ayada oo malaayiin qof ay wajihi doonaan macluul, islamarkaana malaayiin kale ay u qaxi doonaan Shiinaha. Sarkaal sirdoon ayaa u sheegay Fox News in qeyb ka mid ah qorshahan uu si xooggan isugu haleynayo Shiinaha, si ay usoo faro-geliyaan gacanna uga gaystaan maareynta xaaladda gudaha Korea-da Waqooyi, sababo la xiriira u dhowaanshaha Shiinaha ee Korea-da Waqooyi, iyo dhibaatooyinka farsamo ee Mareykanka uu ka wajihi karo inuu gar-gaar bani’aadannimo siiyo dalkaas. Inkasta oo Korea-da Waqooyi weli aysan shaacin cidda beddeli doonta, haddii uu geeriyoodo ama xaalad caafimaad darteed oo shaqeyn kari waayo, haddana khubarada ayaa rumeysan in walaashiid Kim Yo Jong ay noqon doonta hogaamiyaha cusub ee Korea-da Waqooyi, ugu yaraan muddada xaaladda kala-guurka ah. Khubaro kale ayaa rumeysan in Korea-da Waqooyi ay si wadajir ah u maamuli doonaan hoggaanka ama dadka ugu xisbiga talada haya, si la mid ah Midowga Soviet kadib geeridii Stalin. Qaran News
  22. WASHINGTON (Reuters) - President Donald Trump’s new executive order banning immigration to the United States will last 30 to 90 days with the chance of renewal and apply narrowly to those seeking permanent immigration status, a senior administration official said. Source: Hiiraan Online
  23. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Qalabkii caafimaad u dhammaystirtay isbitaalka Martiini si loogula tacaalo bukaannada qaba xanuunka COVID-19. Dowladda ayaa sheegtay in ay qolalka xaaladda degdegga ah ee Isbitaalka ku xirtay Labaatan (20) sariirood oo loo dhammeestiray dhammaan qalabkii loo baahnaa si loogu xanaaneeyo dadka xaaladoodu adagtahay. Sidoo kale waxay sheegtay in ay Isbitaalka ka hawlgelisay Dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal leh dhammaan takhasusyada loo baahanyahay oo ay kamid yihiin 10 dhaqtar iyo 10 kalkaaliye oo Isbitaalka digfeer horay uga shaqeyn jiray hadana qayb ka qaadanaya xakameynta COVID-19. Isbitaalka oo lagu howl billaabay March 16, 2020 ayaa lagu qaabilay 218 Bukaan oo 21 kamid ah la jiifiyay. Afar kamid ah bukaannadii la jiifiyay ayaa xanuunka ka bogsooday dibna looga saaray waxaana xilligaan jiifa 17 bukaan oo xaaladooda lagula tacaalayo sida ay sheegtay dowladda. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Isbitaalka Martiini oo la sheegay in loo dhammaystiray Qalabkii Caafimaadka appeared first on Puntland Post.
  24. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay qorshe xooggan oo la xiriira Korea-da Waqooyi, kaasi oo ku talo-galaya musiibo bani’aadannimo oo dalkaas ka dhacday, haddii hoggaamiye Kim Jong Un uu geeriyoodo, waxaa sidaas weriyey taleefishinka Fox News. Arirntan ayaa imaneysa ayada oo ay jiraan warar is-khilaafsan oo kasoo baxaya xaaladda caafimaad ee Kim. Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka, gaar ahaan CNN iyo Bloomberg, oo soo xiganaya saraakiil dowladeed ayaa sheegaya in hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi uu ku sugan yahay “xaalad halis ah” kadib markii qalliin looga sameeyey wadnaha. Si kastaba, saraakiisha China iyo Korea-da Koonfureed ayaa shaki geliyey warbixinada sheegaya in Kim uu xanuunsan yahay, ayaga oo sheegay inaysan jirin wax astaamo qayrul caadi ah oo ka imanaya dalka Korea-da Waqooyi. Wax ay ahaataba, Mareykanka ayaa u muuqda mid u diyaar garoobay xaalad kasta oo suurta-gal ah. “Dowladda Mareykanka waxay mar hore dejisay qorshe xooggan oo la xiriira marka meesha uu ka baxo Kim, ayada oo xisaabta lagu darayo caqabadaha ka dhalan doona dhimashadiisa,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Mareykanka oo la hadlay Fox News. Sarkaalkan ayaa sheegay inay kadib marka meesha uu ka baxo Kim ay dhibaato bani’aadannimo ka dhalan doonto Korea-da Waqooyi, ayada oo malaayiin qof ay wajihi doonaan macluul, islamarkaana malaayiin kale ay u qaxi doonaan Shiinaha. Sarkaal sirdoon ayaa u sheegay Fox News in qeyb ka mid ah qorshahan uu si xooggan isugu haleynayo Shiinaha, si ay usoo faro-geliyaan gacanna uga gaystaan maareynta xaaladda gudaha Korea-da Waqooyi, sababo la xiriira u dhowaanshaha Shiinaha ee Korea-da Waqooyi, iyo dhibaatooyinka farsamo ee Mareykanka uu ka wajihi karo inuu gar-gaar bani’aadannimo siiyo dalkaas. Inkasta oo Korea-da Waqooyi weli aysan shaacin cidda beddeli doonta, haddii uu geeriyoodo ama xaalad caafimaad darteed oo shaqeyn kari waayo, haddana khubarada ayaa rumeysan in walaashiid Kim Yo Jong ay noqon doonta hogaamiyaha cusub ee Korea-da Waqooyi, ugu yaraan muddada xaaladda kala-guurka ah. Khubaro kale ayaa rumeysan in Korea-da Waqooyi ay si wadajir ah u maamuli doonaan hoggaanka ama dadka ugu xisbiga talada haya, si la mid ah Midowga Soviet kadib geeridii Stalin.