Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliska ciidanka qaranka Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa ka hadlay xaalada nabadgelyo ee gobolkaas, siiba ta degaanka Fadhi-gaab oo dhawaan ay ka dhaceen colaado dhibaato gaystay. Sareeye Guuto Muuse Jaamac Dalaf taliyaha ciidanka qaranka Somaliland ee gobolka Sannaag oo warbaahinta kula hadlaayay magaalda Ceerigaabo, ayaa sheegay in xaaladda ammaan ee degaanka Fadhi-gaab ay gacanta ku hayaan ciidanka qaranka Somaliland, taliyuhu wuxuu intaas ku daray in degaanadaas ay ciidanka qaranku ka fuliyeen hawl-galo lagu sugaayo ammaanka nabadgelyaduna hadda tahay mid sugan. Taliye Muuse Jaamac Dalaf taliyaha ciidanka qaranka Somaliland ee gobolka Sannaag wuxuu sheegay iyagoo fulinaaya markii madaxweynaha in cidii lago arko iyagoo degaandaas dhaq-dhaqaaq colaadeed ka wada ay ciidamda qaranku talaabo ku haboon ka qaadi doonaan, taliye Muuse Dalaf wuxuu xusay in ciidanka qaranku aanay ogolayn cid magaalada dhexdeeda hub ku sidata. Ugu dambayn taliyaha ciidanku waxa uu shacabka ku nool gaobolka Sanaag u soo jeediyay in ciidamada qaranka ay gacan ku siiyaan ilaalinta nabadgelyada, isla markaana ay xoojiyaan midnimada Source
  2. Inta la ogyahay Shan Qof ayaa ku Geeriyooday Roobab waaweyn oo Shalay ka da’ay Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti. Shanta Qof ee geeriyooday ayaa saddex ka mid ah Meydkooda la helay oo la aasay, halka laba Dumar ahna uu Daadku qaaday oo Meydadkooda la waayay, sida ay baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du. Saddexda Qof ee la aasay Meydadkooda ayaa laba Dumar ahaayeen, halka midna ka ahaa Wiil. Dhibaatadan ayaa ka dhacday Xaafadda Belbela ee Duleedka Magaalada Jabuuti. Wasiirka Arrimaha gudaha ee Jabuuti, Muumin Axmed Sheekh oo booqday Xaafadda Masiibadani ka dhacday ayaa Shacabka u sheegay inay garab taagan yihiin, isagoo sidoo kalena u Tacsiyadeeyay Ehellada Shanta Qof ee ku dhintay Daadadka ka dhashay Roobka ka da’ay Jabuuti. Daadadka ka dhashay Roobka ayaa sidoo kale burburiyey dhismayaal badan oo Xaafadda Belbela ka mid ah, halka Xaafado kale oo Jabuuti ahna ay khatar geliyeen Source
  3. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Caafimaadka iyoDaryeelka Bulshada XFS, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa mar kale ugu baaqday dadkaSoomaaliyeed inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada laguxakameynayo cudurka sida dhaqsaha u faafa ee COVID-19. Marwo Fowziya Abiikar Nuur oosheegtay in dowlladu ay wado dadaallo aan hakad laheyn oo lagu doonayo in laguyareeyo faafitaanka iyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo cudurka, ayaa caddeysayin wadajirka shacabka iyo dowladdu uu muhiim u yahay howsha socota. “Dowladda Soomaaliya oo daryeelka bulshada u yahay muhiimadda Koowaad ayaa dadaal xooggan ugu jirtaxakameynta cudurkaan COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya caalamka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiaxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inuu hoos u dhacay dakhligii soo gali jiray dowladda federaalka sababo la xiriira cudurka coronavirus. Wasiir Beyle ayaa arrintan ka sheegay shir dhanka internetka (Video Conference) uu uga qeybgalayey shir looga hadlayey ka hortaga cudurka COVID-19 iyo saameynta uu ku yeelan karo Dhaqaalaha Gobalka ayuu kaga hadlay xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya iyo sida uu cudurkaas uu sameyn ugu yeeshay. Shirkan oo ay shir gudoomineysay Marwo Kristalina Georgieva oo ah agaasimaha guud ee hay’adda lacagta aduunka ee IMF, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirada Maaliyadda iyo Agaasimayaasha Bangiyada dhaxe ee dalalka Bariga dhaxe, waqooyiga Africa, Afganistaan iyo Bakistaan, kuwaas oo ku mideysan ururka dhaqaalaha ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano (MENAP). Beeyle ayaa qudbad uu ka jeediyey shirkaas waxaa uu tilmaamay inay muuqato saameynta hordhaca ee uu xanuunka COVID-19 ku yeeshay Dhaqaalaha Soomaaliya. “Cudurka safmarka ah ee Covid 19 waxa uu Soomaaliya u saameeyay si aan horay loo arag, sida dalalka kale, waxaan wajaheynyaa xaalad aan kala caddeyn, waxaase naga go`an inaan sii wadno iskaashiga dadkeenna, bahwadaagta caalamka iyo Hey’adaha Maaliyadeed ee dunida, si aan u xaqiijino dhimista saameeynta waxyeello ee cudurka COVID-19” Sidaas waxaa yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Beyle. Wasiirka Beyle ayaa sharaxay sida cudurka u saameey illaha dhaqaallaha dalka oo u xusay hoos u dhaca canshuuraha laga heli jiray furdooyinka dalka iyo wax soosaarka gudaha madaama aaney jirin dhaq-dhaqaaq ganacsi oo xoogan. Korarka shaqo la’aanta iyo caqabadaha ay xiligan la kulmayaan Xawaaladaha Soomaaliyeed oo ay ku tiirsaneyd nolosha dad badan oo Soomaaliyeed oo kaalmo ka heli jiray ehaladooda ayuu sheegay wasiirku inay qeyb ka tahay Saameynta muuqata ee Soomaaliya kala kulmeyso Xanuunka Covid-19.
  5. Muqdisho (SMN) – Laga bilaabo habeenka ugu horreeya ee bisha Ramadaan, Bandowga xilliyadda habeenkii saarnaa magaalada Muqdisho ayaa muda hal saac ah laga soo horumariyay xilligii hore. Bandawga waxuu bilaaban doonaa 7:00 Fiidnimo, waxuuna ku ekaan doonaa 5:00 Arroornimo. Si sare loogu qaado dadaallada xakameynta faafitaanka COVID-19, milkiilayaasha Makhaayadaha waxaa la farayaa inay makhaayadaha furan 5:00 Galabnimo, adeeggoodana u baddelaan Qaado oo Soco (Take Away), ayna xiraan 7:00 Fiidnimo. Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar),oo warbaahinta la wadaagay amarrada kasoo baxay dowladda ee qaybta ka ah xakameynta faafitaanka COVID-19, ayaa gaadiidka dadweynaha iyo gawaarida gaarka loo leeyahay faray inay yareeyaan dadka ay markiiba qaadaan oo ku ekeeyaan kala bar tirada dadkii markii hore ay qaadi jireen, dakana kala fogeeyaan. Waxaa sidoo kale la mamnuucay in xilliyada oo dhan la fariisto makhyaayadaha iyo goobaha kale ee la isugu yimaado. Dhammaan ammarradii hore ee ku xeernaa bandowga waa sidoodii marka laga reebo wax ka bedelka lagu sameeyay waqtiga uu billaabmayo. Gen. Cabdi Xasan Maxamed ayaa u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed ee sida haboon ugu hoggaansamay dhaqan gelinta bandawga iyo dhammaan amarradii ku xeernaa iyo ciidamada amniga ee iyaguna sidii ay ahaayeen u fuliyay amarradii dowladdu siisay. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Habeen-22042020.mp3 View the full article
  7. Hargeysa (Caasimada Online)-Somaliland ayaa siweyn uga ka hortimid barnaamijka Baxnaano ee dhawaan uu magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka daahfuray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Dowladda Somaliland waxa ay ku war-gelineysaa Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Bankiga Adduunka, in barnaamijka maamulka Muqdisho ula magac baxay Baxnaano, kuna sheegay in qeybo ka mid ah uu ka fulinayo deegaano ka tirsan dhulka Somaliland, uu yahay faro gelin qaawan oo wax yeello ku ah amniga Somaliland, isla markaana uu yahay barnaamij lagu marin habaabinayo bulshada caalamka”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Somaliland. Sidoo kale Somaliland ayaa qoraalkan ku sheegtay in dowladda federaalka Soomaaliya ay uga digeyso isku dayga ay ku faro gelineyso qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland, isla markaana ay ka waan towdo sheegashada Somaliland, sida lagu yiri qoraalka. “Dowladda Somaliland waxa ay si gaar ah uga codsaneysaa Bankiga Adduunka in uu ka fiirsado deeqda lasiiyo maamulka ka dhisan Soomaaliya, kaas oo caadeystay in uu u adeegsado deeqaha iyo caawinaadda la siiyo dano gaar ah iyo kuwo siyaasadeed oo lagu khalkhal gelinayo amniga iyo xasilloonida Somaliland”ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyntii Somaliland ayaa si adag ugu digtay cid kasta oo ka qeyb qaadata isku day ay sheegtay in lagu fulinayo mashaariic ku xad gudbeysa madaxbanaanida Somaliland.
  8. Somaliland ayaa maanta ka hortimid barnaamijka baxnaano oo dhawaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka furay Muqdisho, Barnaamij Baxnaano ayay sheegtay dowladda Soomaaliya in lagu taakulaynayo dadka danta yar ee Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Dalka oo ay wajigiisa 1-aad ka faa’iideysan doonaan 1.3 milyan qof. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in Baraamijka Baxnaano uu qeyb ka mid ah ka fulaayo deegaannada ka tirsan Somaliland. Soomaaliland ayaa ku tilmaamay Baxnaano mid xad gudub ku ah, waxayna sheegtay in uu faragelin qaawan iyo waxyeelo amni uu ku yahay Somalailand, wasaaradda ayaa intaas ku dartay inuu yahay barnaamij lagu marin habaabinayo beesha caalamka. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Banka Adduunka uu ka fiirsado deeqda uu siinayo Soomaaliya kaas oo ay Soomaaliland ku sheegtay qoraalkeeda in loo adeegsado dano gaar ah iyo kuwo siyaasadeed oo lagu qalqal gelinayo amniga iyo xasiloonida ka jirta Soomaaliland. Ugu dambeyn wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa digniin u dirtay cid kasta oo isku dayda ama lug ku yeelata fulinta mashruucaan, oo ay sheegtay inuu ka hor imaanayo madax bannaanideeda iyo qaranimadeeda sida lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland dowladda iskeed isku magacowday. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa caawa ku dhowaaqday in waxa laga beddelay saacadaha bandowga saaran magaalada Muqdisho, laga billaabo maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, oo loo badinayo inay noqoto Jimcaha. Taliyaha ciidamada booliska Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in laga billaabo maalinka koowaad ee Ramadan uu bandowga billaaban doono 7-da habeennimo halka markii hore uu ka ahaa 8-da habeennimo. Bandowga ayaa weli ku ekaan doono 5-ta subaxnimo oo taasi waxba iskama beddelin, sida uu sheegay taliyaha. Dowladda ayaa horey u sheegtay in bandowga wax laga beddeli doono bisha Ramadan, hase yeeshee lama fileyn in saacadaha lasii adkeyn doono, oo waxay dadku ku rajo weynaayeen in laga qafiifin doono. Taliyaha ayaa dhanka kale sheegay in maqaayadaha aan la ogoleyn inay furnaadaan maalinta bisha Ramadan, balse waxa uu sheegay in la furi karo laga billaabo 5-ta galabnimo, ayna qasab tahay in la xiro 7-da habeennimo. Taliye Xijaar ayaa sidoo kale soo rogay amar ah in gudaha maqaayadaha aan wax lagu cunin karin, balse la ogol yahay oo kaliya dalabka safaariga ee ah in cunada laga qaato maqaayadda oo guryaha lagu cuno. Wuxuu sidoo kale soo rogay amar ah in baabuurta rakaabka laga doonayo inay qaadaan bar ka mid ah intii ay qaadi jireen markii hore, taasi oo macnaheedu yahay in gaarigii qaadi jiray 20 qof, uusan hadda qaadin karin wax ka badan 10, halkii marba. Taliyaha ayaa sheegay in cid kasta oo u hoggaansami weyda amarradan laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
  10. Magaalada Baladxaawo waxaa maanta ka dhacay Dagaal dhex maray Ciidamadii ay Dowlada Federaalku ay geeyeen Gobolka Gedo. Dagaalka ayaa wuxuu u dhacay qaab qabiil oo [...] Source
  11. PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: Notification Note on COVID-19 Situational Update (22 April 2020) Five (4 from Addis Ababa and 1 from Dire dawa) people recovered from the virus making the total number of recoveries twenty one (21) ADDIS ABABA, Ethiopia, April 22, 2020/ — The total laboratory tests conducted within twenty-four hours are 1073; of this two (2) of them are confirmed positive for COVID-19 and the total confirmed cases as of today is one hundred sixteen(116). Additionally, five (4 from Addis Ababa and 1 from Dire dawa) people recovered from the virus making the total number of recoveries twenty one (21). The Details of today’s cases are presented below; S. NO Citizenship Residence Age sex Travel history of abroad Contact with confirmed case 1 Ethiopian Afar Region Gewane woreda 22 Male No Under investigation 2 American (Ethiopia-Born) – 54 Male He has travel history from USA and is in mandatory quarantine No COVID-19 Situational Update as of today Total laboratory test conducted 9771 Laboratory tests conducted within 24 hours 1073 Number of confirmed cases within 24 hours 2 Total patients of COVID-19 in the treatment center 90 Patients in intensive care 0 Newly recovered 5 Total recovered 21 Total deaths 3 Returned to their country 2 Total confirmed cases as of today 116 The Ministry of Health and Ethiopian Public Health Institute would like to advise the public if any person had contact with confirmed COVID-19 patient should immediately call 8335 or 952 or report to the regional toll free lines or to the nearby health facilities. Furthermore, the public is advised to strictly adhere to all precaution measures including avoiding mass gatherings, wash hands with water and soap and maintain physical distancing. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News
  12. Baydhaba (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka warbixiyey xarigga Weriye Mukhtaar Maxamed Catoosh, oo ka tirsan Idaacadda VOA, kaas oo maalin ka hor lagu xiray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay. Wasiirka wasaaradda warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, oo faahfaahin ka bixiyey xarigga Weriye Mukhtaar, ayaa sheegay in Catoosh loo heysto warbixin “been buur ah” uu u diray VOA. Wasiirka ayaa sheegay in warka loo heysto Weriye Mukhtaar uu ku saabsanaa kufsi ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose oo loo geystay gabdho sida la sheegay lagala degay gaari kasoo baxay Muqdisho, kuna socday Baydhaba oo xarun ku meel gaar ah u ah maamulka Koonfur Galbeed. Ugaas Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhaba ayaa sheegay inay daawadeen warbixinta wariyaha uu gudbiyey oo muuqaal aheyd, intaasi kadibna ay raadiyeen waxa ka jira dhacdadaas, balse ay ogaadeen in uusan jirin kufsi ka dhacay inta u dhaxeysa Walanweyn iyo Leego oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Wasiirka ayaa sheegay in shalay maxkamad ku taalla magaalada Baydhaba la hor geeyey Weriyaha, isla markaana uu hadda ku xiranyahay xabsi ku yaalla magaalada, isagoo balan qaaday inay ku dadaalayaan sidii Weriye Mukhtaar uu u heli lahaa cadaalad, sida uu hadalka u dhigay. Wasiirka waxa uu intaas ku daray in Catoosh aan loo xirin arrimo siyaasadeed, sida dadka qaar ay u dhigeen, buu yiri. Maamulka Koofur Galbeed ee uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa lagu eedeeyaa in uu caburiyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan iyo wariyayaasha ka howlgala deegaanada maamulkaasi. Hoos ka daawo shirka Jaraa’id
  13. Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: Al-Shabaab ayaa la sheegay in ka badan 40 Ruux ku dileen dalka Mozambique ee qaaradda Africa. Khilaaf xooggan ayaa ka dhex curtay Maxadda Hirshabelle Kaddib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka uu sharci darro ku tilmaamay wareegto ka soo baxday Madaxtooyada. Dowladda Somaliya ayaa digniin culus u dirtay Ganacsatada Soomaliyeed. Midowga Yurub oo Dowladda Soomaaliya Kala Hadly Xorriyadda Warbaahinta Soomaaliya, xilli Dowladda ay kordhiska cadaadiska ay ku hayso Saxaafadda madaxabannaan. Soomali badan Oo Ku Xayiran Dalka Turkiga Ayaa Madaxda Dowladda Ka Dalbaday In Loo Fududeeyo Sidii Ay Dalka Ku Imaan La Haayeen. Tirada dadka uu u soo ridanayo xanuunka CORONA ayaa cirka isku sii shareertay kaddib markii la diiwan geliyay kiisas cusub oo hor leh. Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaysa Maariya Haarliin https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-galabnimo-22-04-2020-ok.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. MOGADISHU (HOL) - The Lower House will resume business next month, Speaker Mohamed Mursal has said amid the fast spreading COVID-19 which calls for social distancing. Source: Hiiraan Online
  15. Maputo (Caasimada Online) – Booliska dalka Mozambique ayaa sheegay in xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee dalkaas ay tuulada Xitaxi ee gobolka Cabo Delgado ee Waqooyiga dalka ku dileen 52 qof oo shacab ahaa. Afhayeenka Booliska dalka Mozambique, Orlando Mudumane ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in dadkaasi la dilay badi ay ahaayeen dhallinyaro diiday inay ku biiraan ururka Al-Shabaab ee ka aas-aasan dalka Mozambique. “Si naxariis darro ah ayaa 7-dii Bishaan loo dilay dadkaas, qaar waa la gowracay, qaarna waa la toogtay waana wax lala yaabo. Dowladda tallaabo ay kaga jawaabeyso ayay qaadi doontaa,” ayuu yiri afhayeenka. Mudumane ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka shacabka ah, gaar ahaan dhallinyarada dalka inay ka fogaadaan meelaha ay ku sugan yihiin dagaalyahanada ururka Al-Shabaab. Ma jiraan wax sheegasho ah oo dhankooda kasoo baxay Al-Shabaab marka laga soo tago hadalka afhayeenka booliska dowladda Mozambique ee ku aadan dadka badan ee lagu dilay waqooyiga dalkaas. Kooxda la magac baxday Al-Shabaab ayaa ka dagaalanta waqooyiga dalka Mozambique, waxaana la ogeyn inay xiriir la leedahay ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya, hase yeeshee warbixino hore ayaa sheegay in dagaal-yahanada kooxdan ay ku jiraan ajaaniib qaarkood ay Soomaaliya yihiin. Kooxaha Islaamiyiinta ee dalka Mozampque ayaa toddobaadyadii dhowaa kordhiyey weerarada ay ka fulinayaan gobolka shidaalka qaniga ku ah ee Cabo Delgado, halkaasi oo ay doonayaan inay ka dhisaan dowlad Islaami ah.
  16. War-saxaafadeed ka soo baxay Somaliland ayaa waxaa looga hadlay mashruuca la magac baxay baxnaano ee uu dhowaan daah-furay madaxweynaha Soomaaliya. Somaliland ayaa si weyn uga hortimid mashruucaasi, iyada oo sheegtay in aan laga fulin doonin deegaanadeeda. Barnaamijkaan oo ah mid ballaaran ayaa waxa ay dowladda federaalka sheegtay in loogu tala-galay caawinta dadka danta-yar ee ku dhaqan gudaha dalka. Hlakaan hoose ka aqriso:- View the full article
  17. Isu socodka Gaadiidka Boosaaso & garoowe oo xaniban+Sababta keiftay Gaadiid wada safaro ka soo baxay magaalada Boosaaso ayaa tan & Saaka oo Arbaco ah ku xanniban nawaaxiga kantaroolka Koonfureed ee Boosaaso kadib markii ay go’day buundo halkaasi ku taallay. Buundada ayaa go’day kadib markii daadad xooggan oo ka dhashay roobabka gu’ga ay ku soo rogmadeen degaanka islamarkaana buux dhaafiyeen togga ay saarantahay buundadaas go’day sida ay Warbaahinta u sheegeen dad halkaasi ku xayiran. Gaadiidka ayaa haatan labada dhinac kaga xanniban buundada go’an waxaana jirta in gaadiidka u badan ay ku xanniban yihiin dhinac Boosaaso xigta kuwaas oo ay saaran yihiin dad ka soo ambabaxay gudaha Boosaaso. Qaran News
  18. U diyaar garowgii u dambeeyey ee qabashada tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa ka soconaya xarunta dhexe ee magaalada Muqdisho. Isku aadka degmooyinka ayaa la sameeyey maanta, iyadoona tartanka ay ka qeyb-galayaan 16 degmo oo ka kala tirsan gobollada Banaadir, Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe. Cumar Sheekh Axmed (Cumar Shaam) ayaa sharraxaya sida ay isugu soo aadeen degmooyinka qeyb galaya tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Halkaan hoose ka dhageysyo codka oo dhameystiran. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/cod-2.mp3 View the full article
  19. Illaa 7 ruux ayaa lagu soo warramayaa in cudurka Shuban Biyoodka ay ugu geeriyoodeen deegaanka Garashbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho. Dadka geeriyooday ayaa isugu jira caruur iyo dad da’ah, waxaana jira cabsi laga qabo in cudurku uu ku sii fido xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla halkaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Idaacadda Shabelle uga warantay, sida ay xaaladoodu tahay. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/cod-1.mp3 View the full article
  20. Wasaaradda awqaafta iyo arimaha Diinta Soomaaliya ayaa maanta soo saartay go’aano ka kooban illaa 24 qodob ku socda Masaajidda dalka, lana xiriiro cudurka Coronavirus. Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa talooyin muhiim ah loogu jeediyey Imaamyada Masaajidda iyo dadka ku tukanaya ama ku cibaadeysanaya. Qodobada ayaa waxaa ugu muhiimsan in Masaajidda loogu deeqo qalabka lagu baaro heer kulka qandhada qofka, lana baaro dadka galaya, in la badiyo Qur’aan aqriska, in qofka Muslimka ah uu ku tukan karo gurigiisa marxaladaan oo kale. Sidoo kale wasaarada ayaa shaacisay inay xaaran tahay in qof qaba cudurka ama isaga shakiyey uu tago Masjidka. Ugu dambeyn Wasaaradda awqaafta iyo arimaha Diinta ayaa amartay in la xiro goobaha weysaqaadka iyo musqulaha ama suuliyada. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horay u soo saartay go’aano lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Covid-19, iyadoo mamnuucay isu imaatinada dadka. Halkaan hoose ka aqriso:- View the full article
  21. Xilli waqti kobaan ay ka dhiman tahay bilashada bisha Ramadaan ayaa waxaan laga daremeynin suuqyada magalada Muqdisho wax dhaq dhaqaaq ganacsi ah. Arrintaan ayaa waxa loo sababeynayaa inay la xiriirto cabsida laga qabo cudurka Corona iyo xayiraada la soo rogay, iyadoo aysan jirin lacago ka imaanaya dalka dibadiisa. Maalmahaan oo kale ayaa waxaa suuqyada caasimadda ay ahaan jireen kuwo si aad ah looga dareemo u diyaar garowga bisha Soon. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Safa.mp3 View the full article
  22. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Kuumaandooska Soomaaliya ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobolkaasi. Ciidamada oo qaaday howlgal qorsheysan ayaa gacanta ku dhigay deegaanada Dhanaane, Gandarshe iyo Jilib Marko oo ku yaalla dhinaca xeebta. Taliyaha guutada 16-aad ee ciidamada Danab, Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay si nabdoon kula wareegeen deegaanadaaasi oo ay horay ugu sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab. Sidoo kale taliyaha ayaa carabka ku dhuftay inay sii wadi doonaan howlgallada ka socda gobolka Sh/Hoos ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan halkaasi. Maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sare u qaaday howlgallada milatari ee ka socda koonfurta iyo bartamaha wadanka Soomaaliya, iyaga oo deegaano hor leh kala wareegay dagaalyahanada Al-Shabaab. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article