Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha aduunka u diray howlwadeenadda Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha waddanka iyo dibadda. Hoos ka akhriso fariinta Maanta oo ah 1-da May, munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka, waxaan hambalyo qiimo badan u dirayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyaga iyo qoysaskooda. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinaynaa maskax iyo muruqa ay geliyeen dib u dhiska iyo horumarinta dalkeenna. Waxaan xasuusannahay dadaalladii wax ku oolka ahaa iyo doorkii taariikhiga ahaa ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, iyaga oo saldhig u ahaa halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna. Waxay maanta oo kale mudnaayeen u qabasho dabaaldegyo, kulamo lagu sharfayo iyo guddoonsiin abaalmarino. Hase yeeshee, saamaynta uu keenay caabuqa COVID-19 darteed suurtogal inooma ahan arrimahaasi. Dalkeenna maanta waxaa uu la tacaalayaa halis caafimaad oo uu sababay cudurka COVID-19, kaasoo dunida oo idil ku yeeshay saamayn xoog leh oo dhinacyada caafimaadka, dhaqaalaha, bulshada iyo weliba suuqyada shaqooyinka. Waxaa intaas inoo dheer masiibooyin dabiici ah oo ku dhuftay qaybo ka mid ah dalkeenna, iyo argagixiso ummadda dhibaatadeeda guul u arka. Dhammaan caqabadahan waxa ay inagu waajibinayaan in aan laba laabno dadaalkeenna iyo waxqabadkeenna, innaga oo mideynayna muruqeenna iyo maankeenna, si aan u xaqiijinno hiigsigeenna ku aaddan dal horumarsan oo barwaaqo ah. Inkasta oo shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku shaqeeyeen duruufo adag, haddana waxa ay muujiyeen hawlkarnimo iyo dhabar adayg, iyaga oo ka gudbay caqabado badan, isla markaana xaqiijiyay rajada iyo yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee dib u soo nooleynta Qarankeenna. Dawladdu waxa ay xoogga saartay Ilaalinta xuquuqda iyo sharafta shaqaalaha Soomaaliyeed, kuwa dawladda u shaqeeya iyo kuwa aan dawladda u shaqaynba, waxaana aan mudnaanta siinay kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada. Waxaan xaqiijinay inaan shaqaalaha dawladda xuquuqdooda mushahar siino, taas oo aan uga golleenahay yareynta shaqo la’aanta ka jirtay dalkeenna, waana ku dadaalaynaa sidii guri kasta oo Soomaaliyeed u heli lahaa dhaqaale uu ku maareeyo noloshiisa. Si loo xoojiyo xuquuqda iyo waxqabadka shaqaalaha, waxaan dardar gelinaynaa dadaalladeenna ku aaddan xoojinta Iskaashatooyinka dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah. Waxaan munaasabaddan uga faa’iidaysanayaa inaan halkaan baaq uga diro loo-shaqeeyeyaasha, ha ahaadaan dawlad, ganacsato, iyo hay’ado kaleba, in la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha waqtigan adag ee cudurka COVID-19 saameeyay noloshooda oo idil. Ha la isku naxariisto si EEBBE noogu naxariisto. Waxaan Alle naxariistiisa Jannatul Fardows u weydiinayaa waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku naf waayey iyaga oo maskaxdooda iyo muruqooda ugu adeegaya dalkooda. HAMBALYO SHAQAALE WAYNAHA SOOMAALIYEED View the full article
  2. Somali authorities should immediately release radio journalist Mohamed Abdiwahab Nuur and allow him to work freely, the Committee to Protect Journalists said today. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-010520.mp3 View the full article
  4. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii ugu hanjabay Shiinaha canshuur cusub, isaga sheegay inuu arkay caddeymo muujinaya in cudurka Coronavirus uu ka yimid shaybaar ku yaalla magaalada Wuhan. Fayruskan ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu sanadii tegtay kasoo billowday suuq xoolaha lagu qalo oo ku yaalla magaalada Wuhan, hase yeeshee waxaa jira warar suuqeed sheegayey inuu kasoo baxsaday shaybaar sir ah oo ku yaalla Wuhan. Mar waxa laga weydiiyey haddii uu arkay wax caddeymo ah, oo lagu kalsoonaan karo oo muujinaya in fayruska uu kasoo billowday Machadka Fayruska ee Wuhan, ayaa Trump waxa uu ku jawaabay “Haa, waan hayaa.” Mar weriyayaasha ay ku cadaadiyeen sababta uu taas ugu kalsoon yahay, ayaa Trump waxaa uu yiri “Taas kuuma sheegi karo.” Trump ayaa isku dayaya inuu sida ay Shiinaha ula tacaaleen dillaaca cudurkan ka dhigo arrinta ugu weyn ololihiisa dib u doorashada. Mar waxa laga weydiiyey inuu nasakhi doono daynta ay Shiinaha ku leeyihiin Mareykanka, Trump waxa uu ku jawaabay inuu taas u sameyn karo si kale. “Taas waa sameyn karaa, balse xitaa lacag kale oo badan ayaan ka qaadi karaa, aniga oo saaraya canshuur dheeri ah,” ayuu yiri madaxweyne Trump. Inkasta oo bishii Janaayo ay heshiis ka gaareen dagaalkii ganacsiga, ayaa haddana weli saddex meelood laba maal canshuurihii ay isku soo rogeen Beijing iyo Washington ay weli yihiin kuwa halkoodii jooga. Weerarka cusub ee Trump uu ku qaaday Shiinaha ayaa imanaya ayada oo xog cusub ay muujineyso in cudurka Coronavirus uu horseeday in 30 milyan oo qof ay ku shaqo waayaan dalka Mareykanka, sababo la xiriira xayiraadaha la soo rogay Shaqo la’aanta iyo dhaqaale xumada ayaa aad u wiiqeysa rajada madaxweyne Trump uu ka qabo in dib loogu doorto xafiiska doorashada dhaceysa 3-da November. AFP + VOA
  5. Ergaygii Gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya 2003 ilaa 2010 Augustine Philip Mahiga ayaa maanta ku geeriyooday Dalkiisa Tanzania. Mahiga wuxuu ahaan jiray [...] Source
  6. Darajooyinka ciidanka dunida waxa ugu sarreysa darajada Sarreeye “General”. Sarreeye ru. Darajo ciidan oo uu qof gaaray dunida waxa ugu sarreysa darajada Lix Xiddigood (Generalissimo). Source: Hiiraan Online
  7. Wasiirkii dastuurka iyo arrimaha sharciga dalka Tanzania Augustine Mahiga ayaa saaka ku geeriyooday magaalada caasimadda ah ee Dodoma, iyadoo aan la shaacin xanuunka uu u geeriyooday laakiin la sheegay in lagu soo booday. War-Saxaafadeedka ka soo baxay Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli yaa lagu xaqiijiyey in uu geeriyooday Wasiirkii Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka dalkaas Augustine Mahiga. Dhanka kale Madaxweynaha Tanzania John Magufuli wuxuu sheegay in Mahiga uu ku xanuunsaday gurigiisa isla markaana uu geeriyooday markii la geeyay isbitaal maxalli ah si loogu baxnaaniyo xaaladiisa caafimaad. Mahiga wuxuu ahaa wakiilkii hore ee gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee qaabilsanaa Soomaaliya nta u dhaxeysay June 2010 iyo June 2013, wuxuu sidoo kale ahaa ergeygii joogtada ee Qaramada Midoobey ee Tanzania, waxuu silamida uu soo noqday wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Tanzania. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Maxamed Xayir (Maareeye) oo ka hadlayey cudurka faafa ee Covid-19 ayaa sheegay in xanuunka uu yahay mid aan la yareysan karin, islamarkaana loo baahan yahay in si wadajir ah loola dagaalamo. Maareeye ayaa tilmaamay in kiisaska cudurka Coronavirus maalin kasta ay isa soo tarayaan, taasina ay muujineyso halista uu cudurkaan ku hayo Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda federaalka qof kasta oo dhinta maanta ay aqoonsan tahay inuu dilay Coronavirus, sida uu hadalka u dhigay. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sababta ku sheegay in dadka dhimanaya maanta ay badankood u geeriyoonayaan cudurkan saf-marka ah ee Corona. Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in Qandha oo dhan ay tahay Coronavirus, isagoona ugu baaqay dadka inay ka fogaadaan qof-kasta oo Qandheysan. “Wuxuu dhahayaa qofka Malaariyo ayaa i heyso, Cagaarshow buu u dhintay dowladda Soomaaliya qof-kasta oo dhinta maanta waxay aqoonsan tahay inuu dilay Coronavirus, maadaana uu yahay majority -ga ugu badan.” ayuu yiri wasiir Maareeye. Magaalada Muqdisho oo ah meesha ugu badan ee kiisaska Coronavirus laga helay ayaa waxaa jira dad badan oo xanuunsan, islamarkaana sheegaya inay isku arkeen astaamo u eg kuwa Covid-19-, sida qandho, qunfac, kor xanuun iyo urta oo ka maqan, kuwaas oo hadana aan tagin gooba caafimaadka, si loogu saameeyo baaritaan guud. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Maareeye.mp3
  9. Bukaankii ugu horeeyey oo laga helay xanuunka Coronavirus ayaa deegaannada dowlad goboleedka Puntland ugu geeriyooday xanuunkaas ka dib markii horay loo karaantiilay maadaama looga shakiyey COVID-19. Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax ayaa faahfaahin ka bixisay kiiskaan soo kordhay isaga oo xustay in bukaanka horay dheecaan looga qaaday si loo soo baaroo kaas oo loo diray wadanka Kenya. Marxuumka ayaa 21-ki bishaan April 2020-ka ku geeriyooday degmada Galdogob ee gobolka Mudug wasaaradda ayaana markaasi ka qaaday dheecaan si loo xaqiijiso in uu qabo xanuunka Coronavirus kadib baaritaankii ayaa lagu ogaaday in bukaanka uu laxanuunsanaa COVID-19. Kiiskaan ayaa waxaa uu noqonayaa kiiskii ugu horeeyey oo dhimasho ah oo laga diiwaan geliyo dowlag goboleedka Puntland iyadoo ay xusid mudantahay inuu noqonayo dowlad goboleedkii labaad oo xaqiijiya kiiska dhimashada maadaama horay wasiiru dowle ka tirsanaa Hirshabeelle uu u geeriyooday xanuunka safmarka ah ee COVID-19. Dhanka kale Somaliland ayaa maalimadii shalay xaqiijisay inuu qofkii ugu horeeyey ugu geeriyooday xanuunka COVID-19 deegaanadeeda, kaas oo ku geeriyooday magaalada Boorama kaas oo haray loo sheegay inuu qabo xanuunka Coronavirus. Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qofkaasi oo ahaa dhalinyaro uu ku jiray xarun karantiil oo ku taalla magaalada Boorama,isla markaana dheecaan laga qaaday loo diray baaritaan,hayeeshee inta aan la helin jawaabta uu geeriyooday. Meydka marxuumka ayaa waxaa aaskiisa ka qeyb qaatay shaqaale waaxda Caafimaadka Soomaaliland ka tirsan oo la diyaariyey iyo dad kooban oo kamid ah eheladiisa,sida ay sheegeen wariyeyaal ku sugan Magaalada Boorama ee gobolka Awdal, waana kiiskii ugu horeeyey oo dhimasho ah oo laga diiwaan geliyey deegaannada Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta gudaha ee wadanka Tanzania ayaa saaka warisay inuu gudaha dalkaasi ku geeriyooday ergeygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya, Danjire Augustine Mahiga. Dowladda Tazania ayaa sidoo kale xaqiijisay geerida Mahiga, kadib markii uu ku soo booday xanuun deg-deg ah oo sababtay geerida ku timid. Augustine Philip Mahiga ayaa ahaa wakiilka QM ee Soomaaliya intii u dhexeysay 2010-kii, illaa 2013-kii, kaas oo saameyn ku lahaa arrimaha gudaha ee dalka. Sidoo kale wuxuu haatan ahaa wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka ee xukuumadda Dodomo. Tanzania oo xilligan la daala dhaceyso Covid-19 ayaan weli faah faahin nooca cudurka ee uu u geeriyooday Augustine Mahiga oo ku dhintay isbitaal ku yaal magaalada caasimada ah ee Dodomo, kadib markii isagoo joogo gurigiis uu ku soo booday xanuunka. Geerida ku timid Mahiga waxaa ka tacsiyeeyey Madaxweynaha wadankaasi Tanzania, John Magufuli, wuxuuna dhambaal tacsi ah u diray ehelladiisa iyo asaxaabtiisa, isaga oo qoraalkaan sidoo kale ku sheegayn in dowladdiisa ay aad ugu murugootay geeridaasi. Augustine Philip Mahiga oo ahaa diblumaasi sare ayaa ka soo shaqeeyey wadamo badan, wuxuuna dhashay 28-ka bishii August ee sanadkii 1945-kii.
  11. Mogadishu (HOL) - Ambassador Augustine Mahiga, the Tanzanian politician, diplomat and former UN Special Representative for Somalia from 2010 to 2013 has passed away at his home on Friday in the Tanzanian capital Dodoma. He was 74. Source: Hiiraan Online
  12. Waaxda Caafimaadka iyo Gurmadka Deg-dega ee Dowlada Hoose ee Xamar ayaa xalay howlo buufin ah oo loogu hortagayo Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 ka sameeyay qeybo ka mid ah suuqa Bakaaro ee Magaalada Muqdisho, Gaadiidka gurmadka deg dega ee Dowladda Hoose ayaa ka qeyb-qaatay howlaha lagu buufinaayo qeybo badan oo ka mid ah suuqaasi iyadoo daawooyin jeermis dile ah loo adeegsaday halkaasi. Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan iyo Guddoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud Cumar Cali Cabdi ayaa kormeeray Howlwadeenada Waaxda Caafimaad iyo Gurmadka Deg-dega ee Dowlada Hoose ee Xamar, kuwaasi oo fulinayay qorshaha ka hortaga Caabuqa COVID19 ee lagu Buufinayo Caasimadda. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay u soo buufiyay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho si loo xakameeyo faafidda xanuunka Coronavirus kaas oo in ka badan 600 oo kiis laga helay Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Suuqa Bakaaraha Muqdisho oo COVID-19 laga buufiyay appeared first on Puntland Post.
  13. Xukuumadda Puntland ayaa xaqiijisay in bukaankii ugu horreeyay gudaha Puntland ugu geeriyooday xanuunka COVID-19 sida ay shaacisay wasaaradda Caafimaadka. Marxuumka ayaa 21-ki bishaan April ku geeriyooday degmada Galdogob ee gobolka Mudug kadib markii laga qaaday dheecaan si loo xaqiijiyo in uu qabo xanuunka Coronavirus. Sidoo kale Puntland waxay sheegtay in tirada dadka laga helay cudurka ee degaannada Puntland ay gaartay 11 ruux balse aysan jirin cid weli ka bogsatay. PUNTLAND POST The post Bukaankii u horreeyay oo xanuunka COVID-19 ugu geeriyooday Puntland appeared first on Puntland Post.
  14. Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay weerareen saldhig ciidanka Kenya ku leeyihiin degaanka Hosingow ee gobolka Jubada Hoose. Dadka degaanka ayaa u sheegay Raadiyaha Shabelle in weerarkaas uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Balse, illaa iyo haatan ma jirto wax war ah oo ku saabsan iska hor-imaadka oo kasoo baxay dhinacyadda dagaalamay. Wararka ayaa intaas ku daraya in Al-Shabaab ay dhowr madfac ku tuurtay xerada ciidamada Kenya, kuwaas oo dhankooda ka jawaabay. Inta badan xarakada Al-Shabaab ayaa falal noocaan ah waxay ku beegsataa fariisimaha ciidamada Kenya iyo kuwa kale ee ku sugan gudaha waddankeena. View the full article
  15. Garoowe (Caasimada online) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Puntland, Dr. Jaamac Faarax Xasan oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa ka warbixiyey xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan cudurka saf-marka ah Covid-19. Ugu horreyn wasiir Jaamac ayaa xaqiijiyey in qofkii ugu horreeyey uu xanuunkaan ugu geeriyooday deegaanada maamulkaasi, wuxuuna tilmaamay in ruuxaasi oo looga shakisnaa cudurka uu dhowaan dhintay isaga oo ku jiray xaalad karantiil ah. Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in baaritaanka dheecaan laga qaaday ay u direen dalka Kenya, islamarkaana ay haatan jawaabta soo baxday lagana helay Covid-19, taas oo ka dhigeysa dhimashadii ugu horreysay xanuunka ee deegaanada Puntland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in marxuumka uu ahaa qof da’ah, islamarkaana uu ku noolaa degmada Galdogob ee gobolka Mudug. Dr Jaamac Faarax Xasan wasiirka caafimaadka dowlad goboleedka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi inay qaataan talooyinka caafimaadka, si loo xakameeyo fidista Coronavirus. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo marba marka dambeysa uu ka sii darayo cudurka Covid-19 ee Soomaaliya oo laga xaqiijiyey kiisas kor u dhaafaya 600 oo qof.
  16. Muqdisho (SMN) – Culimada Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqdey in dowladda federaalka u fasaxday in Salaadaha lagu tukado Masaajida. Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdul-Baari, oo culimada ka tirsan, ayaa shir jaraa’id ka sheegay in dowladda qaadatay taladooda. Xukuumadda federaalka ah ayuu kaga mahadceliyey in ay soo dhaweysay baaqoodii ahaa in aan Masaajida loo xirin Coronavirus. Dhanka kale, culimada ayaa soo saartay habraac Masaajida loogu tukunayo, waxaana kamid ah in la xiro Musqulaha ama Suuliyadda. Sidoo kale, waxay soo jeediyeen; in qof walba uu gurgiisa kasoo qaato Sali, jameecada kala fogaato iyo in ay soo xirtaan Maaskarada. Wasaaradda Awqaafta ayaa horey u fartay maamuleyaasha Masaajida in ay Salaadaha Cishada iyo Taraawiixda albaabada u laabaan Masaajida. View the full article
  17. Koox la sheegay in ay yihiin burcad ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay dhac wadareed ka geysteen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Dhacdooyinkan ayaa laga soo wariyey inta u dhaxeysa degaanka Qalimow iyo magaaladda Balcad, sidda ay sheegeen dadka degaanka. Qof kamid ah dadka degaanka oo u waramay Raadiyaha Shabelle ayaa ka dhawaajiyey in dableyda ay gaadiidleyda ka qaadaan lacag badan. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ay u geystaan gaadiidleyda jirdil, hadii ay ka biyo diidaan dalabka lacageed ee ay u gudbiyaan. Mas’uuliyiinta maamulka HirShabelle ayaa nan wali ka jawaabin dhibaatooyinka dib uga soo cusboonaadey degaano iyo degmooyinka mamaulkaas. View the full article
  18. Tartaankii xalay dhexmaray Dagmooyinka Hodan iyo Waaberi waxa uu ku soo dhamaaday bar bar dhac dagma walba waxa ay la timid min 12 Dhibcood. Kulankaan ayaa wuxuu ahaa kan ugu dambeeyay is-aragga koowaad ee heerka Group-yadda wareegiisa koowaad. Tartameyaasha degmooyinka ayaa soo bandhigay aqoontooda, waxaana ay su’aallaha kaga soo jawaabeen si hufan. Caawa waxaa isku fara-saari doona tartan aqooneedka Shabakada Warbaahinta Shabelle degmooyinka Wadajir iyo Howlwadaag. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-01052020.mp3 View the full article
  20. Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa howla kormeer ah ku tagay xaafadaha kala duwan ee Degmada Hiliwaa oo xigta qeybta Bari ee Magaalada Muqdisho. Kormeerkan ayaa muhiimadiisu aheyd u kuurgalida xaalada amni ee Degmada ee sida ay ciidamada amniga heeganka ugu yihiin bad baadinta shacabka iyo la dagaalanka nabadiidka sidoo kale kormeerkan ayaa ahaa mid quseeya dhaqangalinta Bandowga ay Dowlada uga hortageyso faafitaanka caabuqa Coronavirus. Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa warbaahinta uga warbixiyay muhiimada kormeerkani. “Kormeerkaan waxaa mid aan ku kala bixin jirnay dhamaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si aan u hubino xaaladaha Amniga iyo sida ay iskula falgalayaan shacabka iyo Ciidmada Amaanka iyo sidoo kale dhaqan gelinta Bandowga lagu xakeymayao Cudurkaan safmareenka ah ee Karoona Feryuska sidoo kale waxaa ku bixin doonaa Degmooyinka oo dhan inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan” PUNTLAND POST The post Guddoomiye Tuulax oo kormeer lagu hubinayo Amniga ku tagay Degmada Hilwaa appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax khasaare geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso la galiyey agagaarka maxkamaddii hore ee degmadaasi. Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhaawacmay qaraxaan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale qaraxa kadib ayaa waxaa lagu soo warramayaa in goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, kuwaas oo dad badan u qab-qabtay qaraxaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga Marka iyo maamulka magaaladaasi. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fuliyo caasimada gobolka Shabeelaha Hoose ee Marka, kuwaas oo ku xoogan deegaanada hoos-yimadaa degmadaasi.
  22. Ankara (Caasimada Online) – Turkiga ayaa ugu baaqay dowladda Imaaraadka Carabta inay joojiso siyaasaddeeda cadaawadda ay ku dheehan tahay ee ku wajahan Ankara, islamarkaana ay aqoonsato mas’uuliyadeeda. “Bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta iyo xiriirka caalamiga ah, waa laba wajiilenimo siyaasadeed oo uu muujiyey dal taageero siiya kooxo afgambi raadinaya,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda dibedda Turkey Hami Aksoy. Waxa uu sheegay in hadalka kasoo yeeray Imaaraadka ee ah in Ankara ay faro-gelin ku hayso siyaasadda Carabta uu yahay mid aan sal lahayn, wuxuuna sheegay in Turkey ay sii wadi doonto inay dalalka kale ku taageerto si sharciyad iyo xal siyaasadeed leh. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Turkey Hami Aksoy ayaa sidoo kale ku eedeeyey Imaaraadka Carabta inay tagaeeraan kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya, sidoo kalena ay xasilooni darro ka waddo dalal kale. “Ma ahan wax qarsoon in Imaaraadka Carabta ay muddo taageerayeen ururo argagixiso, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab, iyo kooxda gooni u goosadka Yemen,” ayuu yiri. Waa markii ugu horreysay ee dowladda Turkiga ay si rasmi ah oo shaacsan ugu eedeyso Imaaraadka inay taageeraan kooxda Al-Shabaab. Xiisadda Turkey iyo Imaaraadka ayaa dhowaanahan sare uga sii kaceysay dalka Libya, halkaasi oo Ankara ay tagaeerto dowladda la aqoonsan yahay ee dalkaas, Imaaraadkuna ay taageeraan Jeneralka fallaagad ah ee Khalif Haftar, ee doonaya inuu rido dowladda. “Muddo sanado ah, waxay Imaaraadka hub, qalab militari, iyo taageero calooshood u shaqeystayaal siinayeen kuwa afgambiga qorsheynaya ee Libya,” ayuu yiri Aksoy. Ankara ayaa marar badan ugu baaqday quwadaha caalamka inay joojiyaan taageerada maleeshiyada Haftar.
  23. Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee gobolka Shabeelleha hoose ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax Khasaaro geystay. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Miino nooca dhulka lagu aasa ah isla markaana uu ka dhacay halka loo yaqaan Maxkamaddii hore. Dad joobjoogayaal ah ayaa laga soo xigtay in jugta qaraxa laga maqlay xaafado ka tirsan magaalada isla markaana ay dadku muujiyeen cabsi badan. Inta la xaqiijiyay qaraxaas Miino waxaa ku dhaawacmay hal qof oo Shacab ah waxaana jiray baaritaano ay sameeyeen ciidamada dowladda iyada oo lagusoo qabtay tiro dhalinyara ah oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyaan qaeaxaan ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay degmada Marka appeared first on Puntland Post.
  24. MOSCOW (AP) — Russian Prime Minister Mikhail Mishustin said Thursday that he has tested positive for the new coronavirus, becoming the highest-ranking Russian official known to have gotten infected. Source: Hiiraan Online