Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (PP News DesK) — Ali Mohamed Gedi, a former Prime Minister of the Transitional Federal Government of Somalia and the leader of Somali Patriotic Party, has clarified why his party is not a member of Forum for National Parties. In an interview with Puntland Post Monthly Mr Gedi said differences in principle and political programmes make the case for forming a pact with the Forum tenuous. Ali M. Gedi: In favour of one person, one vote Mr Gedi said Somali Patriotic Party is based on secularism and human rights. Former TFG President Sharif Sheikh Ahmed heads the The Forum for National Parties. President Hassan Sheikh Mohamud’s Peace and Development Party is a member of the Forum. “The Forum is an alliance of parties viewed by many potential voters as opportunists using religion to gain power again by hook and crook” says Saleh Aden, a political commentator. “Both President Sharif and President Hassan Sheikh Mohamud belong to Aala Sheikh and Damuljadiid groups respectively. Mr Gedi is right to differentiate Somali Patriotic Party ideologically. Secularism is not anti-religion in the Somali context. Those using religion to gain political power are putting people off politicians with overt or covert religious platforms.” One person, one vote elections are slated to take place in Somalia in 2021. Somali Patriotic Party was formed in 2016. It has branches in Federal Member States. © Puntland Post, 2020 The post A FORMER SOMALI PRIME MINISTER’S PAR CHARTS A SECULAR COURSE IN SOMALI POLITICS appeared first on Puntland Post.
  2. Wararka ka imaanaya degaanka Teerage oo dhanka galbeed kaga beegan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay halkaas ay dagaal culus ku soo qaadeen ciidamo ka soo jeeda dhinaca Galmudug. Ciidamadaas oo ka soo gudbay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa dagaal xooggan la galay ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo degaanka difaaac kaga jiray Teerage waxaana halkaas ka dhashay khasaare aan weli si rasmiya loo xaqiijin. Wararka hordhac ah ayaa tibaaxaya in hal askari oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland uu ku dhintay dagaalka saddex kalena ay ku dhaawacmeen balse weli lama oga khasaaraha gaaray dhanka Galmudug Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha Amniga dhinaca Puntland oo warbaahinta Puntland Post xiriiro kala duwan la samaysay ayaan ilaa iyo haatan suura-gelin in ay ka jawaabaan Taleefannadooda. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland iyo Galmudug oo ku dagaallamay duleedka Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  3. English club Arsenal’s star Mesut Ozil has donated 713,000 Turkish liras ($101,000) to the Turkish Red Crescent for an aid campaign for the Muslim holy month of Ramadan. The money will be used to provide iftar – the evening meal to break the daily fast during the month – to 16,000 people in Turkey, according to the group. Families in Turkey and Syria will receive 2,000 food packages through Ozil’s donation, while 90,000 iftar packages will be distributed in Somalia’s capital Mogadishu. Kerem Kinik, head of the Turkish Red Crescent, thanked the London-based footballer for the donation. “We will deliver the packages provided with the donation of my brother Mesut to people in need as soon as possible,” he said. Copyright 2020 Anadolu Agency. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten, or redistributed.
  4. Uur sagaal toddobaad ah ayay lahayd kolkii uu jidh-dilku ku bilaambay. Shan bilood oo xidhiidh ah ayaa hooyo Nuura si bahalnimo ah loo jidh-dilayay, illaa iyo ay gaadhay heer ay miyir-beesho. Kaligeed ayaa lagu xidhay qol yar sagbad ka samaysan. Wehelka qudha ee ay haysataa wuxuu ahaa qaylada ka soo yeedhaysa dadka sida wuxuushnimada ah loogu jidh-dilayo qolalka kale ee ku hareeraysan. Cuntadeedu waxay ahayd in marmar loo keeno roodhi engagan oo la soo raaciyay biyo yar. Xiitaa waxa loo diiday inay suuliga isticmaasho, xaajadadeedana waxay ku gudan jirtay isla qolka yar ee ay ku xidhan tahay. Ciidanka xabsiga haysta ayaa isla qolka ay ku jirto kaadida la iman jiray iyaga oo hooyadan uurka leh korkeega ku kaadji jiray. Waxay madaxa u gelin jireen bac, ka dib waxay ku muquunin jireen biyo dhexdood illaa iyo ay ku sigato dhimasho. Isla markaas, waxa dhafoorka lagaga qaban jiray afka qoriga. In ninkeegu uu SNM ku biiray ayaa ahayd marmarsiiyaha qiilka looga dhigtay in sidaas bahalnimada ah loo jidh-dilo qof biri-ma-geydo ah oo cid in uun damiir lihi aanay xagtin u quudheen. Xiitaa hadday dhab ahayd eeddaasi, iyadu ma ninkii baa? Dambi ay qirayaan inuu qof kale galay sidee ayaa loo dul saari karayay iyada? Nuura Maxamed waa hooyo 36 jir ah (waraysiga Landhan ayaa lagaga qaaday 1990-kii). Waxay sheekadeeda u soo tebinaysaa si adkaysi iyo sharafi ka muuqato, marka qudha ee ay ilmadu indhaheega qoynaysaana waa kolka ay xasuusato afarteedii hablood ee ay kaga timid xeryihii qoxoontiga. Tacaddi badan ka dib Nuuri waa ay baxsatay, iyada iyo hablaheeguba waxa ay ka tallaabeen xadka Itoobiya. Jidhdilkii badnaa ee loo geystay wuxuu ku keenay dhiig-bax gudeed, sida oo kale waxa isugu darsamay xanuunka Duumada iyo rafaadkii ka soo gaadhay baxsadkii dheeraa ee ay soo gashay. Mararka qaar, dharaaro ayay u socon jireen si ay in uun biyo u helaan, kolka uu roob da’ana waxay kaga gabban jireen isla geedaha hoostooda. Qoyskaasi wuxuu ku bedbaaday kaymaha dhexdooda oo ay kaga dhuuman jireen askartii dawladda. Dabcan, dugaagga ayay ka dhawaysteen ciidankii Afweyne. Addis Ababa dhakhtarrada joogaa waxay u sheegeen in aanay waxba ka qaban karayn xaaladdeeda caafimaad, ka dib ayaa ururka “Medical Foundation for the Care of Victims of Torture” uu siiyay Fiise ay ku tagto Boqortooyada Biritan si loogu soo daweeyo, inkasta oo kolkii dambe ay magangelyo heshay. (Ururkaasi hadda wuxuu magiciisa u beddalay Freedom From Torture). Immika qudheeda, nabar buluug ah ayaa ka muuqda garabka bidix ee Nuura kaasi oo ah dhaawac ka soo gaadhay soodhka qoriga. Cagaheega – inkasta oo ay immika xidhan tahay kabo buudh ah oo huudhaydh ah, haddana waxa ka sii muuqda nabarradii ay ku dhigeen silsiladihii lugaha lagaga xidhi jiray intii ay xabsiga ku jirtay. Sida oo kale hooyadani kuma dhawaaqi karto xarfaha shaqallada ah ee Ingiriisiga, maadaama oo ay ka dhaawacan tahay lafaha daanka oo si joogto ah loogu garaaci jiray qori-dabadii, feedh iyo dhirbaaxaba. Hooyo Nuura Maxamed waxay sheegtay in daryeelka caafimaad ee loo fidiyay uu mar labaad dareensiiyay inay weli nooshahay oo aanay rejo-dhigin, waxaana loo ballanqaaday in ciyaalkeega loo keeni doono. Dabcan dadka sidaas ugu naxariisanayaa waxay u badnaayeen gaalo, halka kuwa sidaas u galay ay ahaayeen Soomaali. Waraysigan waxa lagaga qaaday dhisme Landhan ku yaalla oo lagu ururiyo dadka dhibbanayaasha u ah talisyada ugu bahalsan ee dunida ka jira (wakhtigaas ka jiray). Labada sawir ee sare: Midi waa joornaalkii lagu soo daabacay sheekada Nuura Maxamed 1990-kii. Sawirka kalena waa sawir laga qaaday isla Nuura, tobanlihii hore ee qarnigan 21aad. F.G: Sheekada Joornaalka waxaan u kala horraysiiyay sidii ay u kala horreeyeen dhacdooyinku. Qore: Maxamed Sharma’arke sharmaake91@gmail.com Qaran News
  5. Warbixin hordhac ah oo wali aan sobrani ah loo shaacin ayaa Dowlada Puntland ay ka diyaarisay khasaaraha gaaray Magaalada Qardho oo Daad kusoo rogmaday 28 [...] Source
  6. Wasaarada caafimaadka ee xukumadda Farmaajo ee ka talisa qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa warbixin ay soo saartay waxa ay kaga warantay xaalada xanuunka ee Coronavirus. Waxana ay warbixintaasi ku sheegtay in xanuunkaasi ay u bukaan 3 qof oo reer Somaliland ahi, war saxaafadeedkaasi oo warbaahinta caalamka loo qaybiyana waxa uu u dhignaa sidani hoos ku xusa, waxana ay warbixintani ka hor imanaysaa, warbixintii ay xukumadda Somaliland hore uga sheegtay. PRESS RELEASE Coronavirus – Somalia: Update on COVID-19 in Somalia 02 May 2020 MOGADISHU, Somalia, May 2, 2020/ — New cases confirmed today: 70 Benadir: 67 Somaliland: 3 Male: 48 Female: 22 Recovery: 3 Death: 3 Total confirmed cases: 671 Total recoveries: 34 Total deaths: 31 Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health & Human Services, Federal Republic of Somalia. SOURCE Ministry of Health & Human Services, Federal Republic of Somalia Qaran News
  7. PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: Covid-19 reported cases in Ethiopia – 2 May 2020 ADDIS ABABA, Ethiopia, May 2, 2020/ — New Cases: 0 Active Cases: 59 Critical: 0 New Recovered: 3 Total Recovered: 69 New Deaths: 0 Total Deaths: 3 Total Cases: 133 Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. View multimedia content SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News
  8. QARNIYADII TAGEY , QADHAADHKII LA SOO MARAY , QODXIHII LA SOO GURAY , QUMAATI U SIXIDA QALADAADKII HORE , QURXINTA WAXA AYNU HAYSANO , QORI ISU DHIIBKA JIILASHA IYO QARANIMADA SOMALILAND !!! Somaliland Waa qaran halgano badan oo kala wada duwan ku soo jiray ilaa sanadkii 1885 ee ay boqortooyada Ingiriisku dalkan ka dhigatay mahmiyad ay iyadu gacanta ku hayso iyada oo sida taariikhda ku xusan ay Somaliland muhiim ugu ahayd boqortooyada ingiriiska arimo badan oo ay ka mid yihiin halka ay aduunka ka dhacdo ama kaga taalo Somaliland oo meel aad u muhiima ahayd marka la eego loolanada awood ku dirirka, dhaqaalaha iyo danaha dawladooda oo uu ugu muhiimsanayd in ay saldhigii weynaa ingiriisku ku lahaa Cadan , Yemen in uu ka ilaashado. 1885 ilaa 1991 waxa ay soo gashay halgano adag oo kala duduwan oo aad u qadhaadh, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen, gumeysi la dirir, gobanimo doon , halgankii dib ula soo noqoshada qaranimada Somaliland ee lagu guulaystay 1991 kii , halgan kasta oo la galay nafo iyo maal waxii dadkani haystay ayaa galay, markii ugu dambaysayna Somaliland waxa lagu soo celiyey halgan ay ku geeriyoodeen 10,000 kun oo halyey oo xaq u dirir iyo xoriyad u dagaalan ahaa , sida oo kale waxa barkacii iyo duqeymihii dawladii kalitaliska ahayd ku nafwaayey dad 50,000 oo qof ah , halka dad badan oo kalena ay u dhinteen xanuunadii gaajadii iyo barakacii dalka ka dhacay. Tacab badan iyo talo saarasho Alle waxa lagu guuleystay in dib loo soo celiyo qarnimadii Somaliland ( Somaliland British Protectorate ) ee ay Ingiriiska ka qaadatay 26 June 1960 kii , iyada oo 1 July 1960 kii midnimo aan la mahadin la yeelatay koonfurta Somalia (Italian Somaliland) taasi oo la sameeyey dal la yidhaahdo Jamhuuriyada Somalia oo jiray 30 sanadood oo murug, dagaalo iyo kalitalisnimo la isku maamulayey mark laga reebo 9 sanadood oo talinayeen dawlado rayid ahi. 1991 kii ayaa ay dadka Somaliland isku tashadeen waxaana ay ku dhawaaqeen 18 May 1991 in ay dib ula soo noqdeen qaranimadoodii , halkaasi ayaa hadana waxa seeska laga soo bilaabay halgan dib u dhis dal , dad iyo dawladnimo ah , maadaama hore loo baabiiyeey dhulkana loola simay waxii tacab mood iyo noolba lahaa ee ay soo dhaqanayeen intii Alle ku uumay dhulkan, halgankani oo isaguna ahaa mid adag oo kuwii hore ka sii adag maadaama sagxada iyo seeska laga soo bilaabay guud ahaanba noloshii ayaa waxa laga gaadhay guulo wanaagsan oo la taaban karo. Waxa la dhisay dalkii, dadkii iyo dawladnimadii tacab badan oo caqabadihiisa iyo waayaha ku gedaanaa ka dib waxa lagu guuleystay in la abuuro nolol iyo dawladnimo isaga oo qofwaliba si iskaa wax u qabso ah halkii kaga beegnayd nolosha tabar iyo tacab galiyey, kagana midho dhaliyey oo maanta la dareemi karo waxqabadkii iyo halkii dalka laga soo dhaqaajiyey iyo halka uu maanta taagan yahay oo ah mid aad u kala fog marka aad eegto waxa inoo qabsoomay. Waxa xusid mudan oo kaalinta dhismaha qaranka dhidibada u ahaa odayadii dhaqanka ee lahaa salaadiin, cuqaal, Guurti, waayeel iyo waxgarad ee ka shaqeeyey in nabadgalyo la dhiso oo la sameeyo isa saamax iyo dib u heshiisiin, arimahani oo ah kuwa salka u dhigay dawladnimada Jamhuuriyada Somaliland isla markaana dhidibada u adkeeyey, ilaa maantana la garab taagan talo , tilmaan iyo toosin. Madaxdii qaranka soo martay duruufaha ay soo mareen iyo dariiqyada ay qaadayeen ha kala duwanaadeen ee waxa dedaal loogu jiray oo laga sinaa sidii qaranka Jamhuuriyada Somaliland u taabagali lahaa , taasi oo ay isa soo badeleen shan Madaxwayne mudo 30 sano wax yari ka dhiman yihiin oo uu qaranka Jamhuuriyada Somaliland gaar uga taagnaa amaba dib ugala soo noqday dawladnimadiisii. Qori isu dhiibka madaxdii dalka soo martay ayaa waxyaabaha lagu xasuusto amaba aynu kaga duwanahay mandaqada ay Somaliland ku taalo ee lagu amaano waxa ka mid ahaa wadatashiga, isutanaasulka iyada oo danta qaranka waxwalba laga horeysiinayo, walow ay jiraan duruufo badan oo aan dani keenin ee dad samee ah oo ay ka mid yihiin dhicid la’aanta ay doorashooyinkii xiligoodii ku dhici laayihiin, mudo kordhiska goleyaasha qaranka Somaliland ee caadada noqday ee ay dhashay doorasho la’aanta iyo xagal daaca ku yimid nidaamkii dimuqaradiga ahaa ee Somaliland. Waxa jira arimo badan oo Aduunku Somaliland ku amaanay laguna ixtiraamo oo ay gobolka ay ku taalo marka la eego ku mutaysatay cadaawad badan, waxaana ugu horeeya nabadgalyada, dimuqaradiyada iyo doorashooyinka, ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo xoriyatul qawlka, wadatashiga iyo isku tanaasulka oo aanu jecelahay qaybo badan oo ka mid ah in la soo celiyo. Waxaana wanaagsan in danta guud ee dalka meel looga soo wada jeedo, loolanada siyaasada iyo tartanka hanka iyo hogaaminta qaranka ku salaysanina uu ahaado mid aad looga fekero si aan danaha dalka uga hor Iman isla markaana adigu maalinta aad fursada hesho dabar iyo caqabad kuugu noqon, iyada oo aan hadba hogaanka jooga looga habranayn lexojeclada iyo wanaajinta dalka oo ah waajibaad Ina wada saaran oo si isku mid ah inoo damqaya. Muhamed Dhimbiil Mohamed Abdi Jama Qaran News
  9. Labadii maalmood ee lasoo dhaafay Waxaa Yurub iyo Amerika ka socda olole balaaran oo dhaqaale loogu ururinayo Shacabka Qardho. Jamcadii waxaa meelo badan laga ururiyay [...] Source
  10. Federation of Somali Journalists ‘Annual Press Freedom Report’ for Somalia has expressed concerns over the escalating climate of intimidation and harassment affecting the freedom of expression and access to information environment in the country, said a report issued by the group on Sunday. Between May 2019 and May 2020, Somali journalists and media workers faced a deadly climate of violence and repression. In total, four journalists were killed, 47 were physically tortured or harassed, 7 wounded, 5 media outlets were attacked while 64 were arbitrarily arrested in different parts of Somalia while carrying out their duties. Although, article 32 of Somalia’s provisional constitution protects the citizens right to access information, in practice, journalists, activists, researchers and citizens routinely face bureaucratic roadblocks in their quest to access even basic information. This is especially common across many ministries and office with the presidency and the prime minister “the least compliant”. In the midst of of the coronavirus outbreak, none of the Somali media institutions were accorded the opportunity to engage and ask either President or the Prime Minster questions about the country’s plans to combat COVID-19. The lack of opportunities for the press to speak directly with the leaders is a clear demonstration of an administration reluctant to interact with the media and to directly respond matters of public concerns. “The Right of Access to Information law is one of the most important tools citizens have to ensure the openness and transparency of their government and its institutions, and it plays a role in the promotion and protection of democracy, so FESOJ with the help of other media organisations in Somalia will prioritize in the coming years for Somalia to have access to information law” said Mohamed Ibrahim Moalimuu Secretary General of Federation of Somali Journalists (FESOJ) Fighting Misinformation in the Age of the Coronavirus Journalists covering the coronavirus pandemic in Somalia are facing a variety of challenges such a movement restrictions and lack of access to timely and reliable pandemic information. This has the potential to raise the risk of false information spreading in the country. In spite of assurances from the Somali Prime Minster who announced that journalists will be classified as part of “essential services in the fights against #COVID19” in order to guarantee unhindered media operations during the curfew, still, at-least three journalists who were detained while working on stories about coronavirus. The issue of misinformation related to the outbreak of coronavirus (COVID-19) has been rampant in Somalia since the first diagnosis emerged on 16 March,2020 with conspiracy theories and falsities being shared online regarding the origin, scale and various other aspects of the disease. Some of the most common claims include that the coronavirus doesn’t kill Muslims. In other instance, some traditional healers claimed to have treated patients with COVID-1. These kinds of myths may worsen the situation and the media should care such misinformation. Rumors also proliferated that Somalis are immune to the disease and that the virus cannot survive in high-temperature climates like Somalia and so on. “Journalists working in this period of influx of misinformation over COVID-19 need to refer official figures to the authorized agencies involved in Coronavirus control, such as the Ministry of Health and WHO and so on, otherwise they may write false information which can put danger the lives of many people” Moalimuu added. See full annual report here: https://fesoj.org/wp-content/uploads/2020/05/FESOJ-REPORT-2020.pdf https://fesoj.org/from-bad-to-worse-press-freedom-in-somalia-continues-to-decline/ End.
  11. Reer Gaalkacyo ayaa Caawa waxay lacago Gargaarka ku dirayaan Barnaamij cusub oo Qardho Lacag loogu ururinayo, Barnaamijkaasoo Idaacadaha Gaalkacyo si toosa ay Dadku Lacagaha ugu [...] Source
  12. Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland, ayaa caawa shaacisay in maanta oo keliya 12 bukaan, oo horleh laga helay xanuunka COVID-19 Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xassan, ayaa sheegay in maanta xanuunka laga baaray 20 ruux, islamarkaana laga helay 12 kamid ah, halka 8 kale laga waayay. Bukaannada maanta la baaray, ayaa isugu jiray 16 rag ah iyo 4 dumar ah, waxaana xanuunka laga helay 9 nin iyo 3 haween ah. Dadka cudurka laga helay ayaa da’doodu u dhexaysaa 15-sano jir ilaa 65-sano jir. Wasiir Jaamac, ayaa tilmaamay in tirada dadka laga helay cudurka COVID-19 ee gudaha Puntland ay gaartay 23 ruux, kuwaas oo uu ku jiro bukaan u geeriyooday xanuunka balse aysan jirin cid weli ka bogsatay. PUNTLAND POST The post Kiisaskii ugu badnaa COVID-19 oo maanta Puntland laga helay appeared first on Puntland Post.
  13. Masuuliyiinta Xisbiyada Midnimo Qaran ayaa ku soo wajahan Puntland , Masuuliyiintaan ayaa waxay wadaan Kaalmo ka koobnaan doonta Lacag iyo Agab kale. Xildhibaano kamida Midnimo [...] Source
  14. Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa dhowaan la filayaa in magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, ay usoo dirto wefdi culus oo qeyb ka noqonaya mucaawino dhowaan ay dowladdaasi kasoo dejinayso madaarka Hargeysa. Sida ay tibaaxayaan xogo aanu ka helayno safarka wefdigaasi, ayaa kusoo aadi doono dhamaadka ama bilowga todobaadka cusub, iyaga oo la socda diyaarad mucaaawino caafimaad ah, oo wax weyn ka caawin doonto xukuumada Somaliland dhanka la dagaalanka cudurka Coronavirus/Covid-19. Wefdigaasi ayaa la filayaa in deeqdaasi ay ku wareejiyaan guddiga u diyaar garowga iyo ka hortaga ee Somaliland, oo Madaxweyne Muuse Biixi u igmaday inay hormuud u noqdaan dagaalka ka dhan ah Coronavirus. Mana cadda ilaa hadda in deeqdaasi ay ku imaneyso codsi ay Somaliland u gudbisay dowladda Qatar, iyo in si iskeed ah ay Qatar usoo gaarsiineyso mucaawinadaasi, xili ay dhowaan dowlada Imaaraadka Carabtu ay deeq caafimaad ka dejisay magaalada Hargeysa. Dowladda Qatar ayaa inta badan lagu tiriyaa inay xiriir dhow oo saaxiibtinimo ay la leedahay dowlada federaalka, iyada oo deeqdan la filayo ay dadka qaarkood u arkaan in Qatar ay daneynayso inay xiriir diblomaasiyadeed oo cusub la sameysato Somaliland, walow uusan si rasmi ah u cadeyn arrinkaasi. Waxayna deeqdaasi ay noqon doonta midii u horeysay ee nooceeda ah oo dowladda Qatar ay si toos ah ugu deeqdo xukuumada Somaliland.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli socota dooddii ka dhalatay gargaar saddex diyaaradood saarnaa oo shalay la geeyey Garoowe, si loogu caawiyo dadka ay saameeyeen fatahaadaha Qardho. Gargaarkaas ayaa waxaa markii hore sheegtay wasiiro ka tirsan dowladda federaalka, oo sheegay inuu yahay gargaar ay dowladda soo dirtay, hase yeeshee waxaa beeniyey wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo sheegay in gargaraka uu ka yimid UNHCR. Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya Johann Siffointe ayaa isna qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka u muuqday inuu xaqiijinayo warka Puntland, isaga oo si dadbanna u duray dowladda federaalka. Johann Siffointe ayaa sheegay in gargaarka uu ka yimid UNHCR, balse dowladda federaalka ay lahayd abaabulka iyo inay gaarsiiso magaalada Garoowe. “UNHCR waxay ku faraxsan tahay dadaallada dowladda federaalka iyo Puntland ee looga jawaabayo xaaladda deg degga ah ee daadadka Qardho. 920 agab gargaar oo horey oo ay qoondeysay UNHCR, ayaa waxaa mas’uuliyaddooda iyo abaabulkooda qaatay dowladda federaalka oo diyaarado ku gaysy Garoowe,” ayuu yiri Siffointe isaga oo adkayanaya in agabkan ay bixisay UNHCR. Waxa uu intaas ku daray in UNHCR ay sii wadi doonto inay ka qeyb qaadato jawaabaha laga bixinayo daadadka, ayada oo loo marayo hoggaanka dowladda federaalka iyo wada shaqeynta maamulka Puntland. Madaxda dowladda federaalka, oo lagu eedeeyo inay aad u faan jecel yihiin, ayaa marar badan beenin kala kulamay gargaar ay bixiyeen hay’ado shisheeye oo ay sheegteen ayag oo aan xusin cidda bixisay gargaarka balse ka dhigay mid ay dowladda ugu deeqday shacabka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey sidan oo kale u sheegtay in dowladdiisa ay abuurtay barnaamij la dhaho Baxnaano oo lacag lagu siinayo qoysas dhibaateysan, isaga oo aan xusin Bankiga Adduunka oo maal-geliyey barnaamijkaas, taasi oo keentay in Bankiga Adudunka ay ka daba hadlaan, sheegaanna inay ayaga bixiyeen barnaamijka balse loo dhiibay dowladda si ay u fuliso.
  16. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Bar___Qubanaha-Shabelle-020520.mp3 View the full article
  17. Abdulkadir was born in 1978, and following his early years of education on Islamic studies and Quran memorization and later becoming Hafiz (a term used for someone who has completely memorized the Quran). Source: Hiiraan Online
  18. Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa laga yaabaa inay xirto xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka ee dalkaas. Wasiirka Caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa sheegay inay macquul tahay in Dowladda Kenya ay xirto xuduuda Soomaaliya iyo Kenya maadaama uu sheegay inuu aad u faafay cudurka Coronovirus. Wasiirka ayaa tilmaamay in xuduuda laga xiri doono dhanka Wajeer, halkaas oo uu sheegay in laga diiwaan geliyey illaa 500 qof oo qabo cudurka COVID19. ” Xadka laga soo gudbo Wajeer iyo Soomaaliya oo laga helay in ka badan 500 kiis oo cudurka Coronavirus ayaa waxay u badan tahay in la xiri doono si loo yareeyo faafitaanka cudurka” ayuu yiri Kutahu Kagwa. Wasiirka Caafimaadka si rasmi ah uma sheegin waqtiga la xiri doono xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhanka Wajeer, waxaana labada dowladood ka dhaxeeyo xiriir ganacsi iyo mid bulsho. Dhawaan ayey aheyd markii dhawr qof lagu karantiilay Wajeer kuwaas oo ka imaaday gudaha Soomaaliya, waxaana maalmo kadib la xaqiijiyey kiisaskii ugu horeeyey ee Coronovirus in laga helay Wajeer.
  19. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubaland, Maxamed Warsame Darwiish, ayaa dhaliilay xil ka qaadis ay xukuumadda federaalka ku sameysay qaar kamid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Gedo. Darwiish oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ah in ay jahwareer ka abuureyso gobolka. Xukuumadda dhexe ayuu ku booriyey in ay ka fiirsato talaabooyinkaas oo uu ka dhawaajiyey in ay yihiin sharci darro, sidda uu yiri. Isagoo hadalkiisa sii wata, Darwiish ayaa daboolka ka qaadey maamulka Jubaland uu aqoonsan yahay gudoomiyeyaashii hore. Shalay ayay ahayd markii gudoomiyaha ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u magacowday gobolka Gedo uu xilalkii ka xayuubiyey gudoomiyeyaasha degmooyinka Garbahaareey iyo Buurdhuubo. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo saartay digniino hor leh, kuwaasi oo la xiriira fatahaadaha iyo daadadka roobka Gu’ga ee ka bilowday qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka dalka. Wasaarada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee dowladda Soomaaliya, ayaa ka cabsi qabta in bulshada Soomaaliyeed ay waxyeelo badan kasoo gaarto fatahaadaha iyo daadadka roobkaasi ay sababaan, iyada oo warbixin digniin ahna soo saartay. Wasaarada ayaa warbixinteeda ku sheegtay meelaha ugu khatarsan ee waxyeelada badan kasoo gaari karto fatahaadaha ay sababaan roobabka Gu’ga ee bishan May, kuwaasi oo qaarkood ay hadda saameyn weyn ku yeesheen degmooyin ka tirsan dalka. “Sida aan ka garan karno saadaasha cilmiga ku dhisan ee roobabka, waxaanu qiyaasi karnaa baaxadda ay yeelan karto khatarta fatahaad dhici karta, dhinaca kale waxaa adkaan doonta in loo gurmado bulshooyinka ay fatahaaduhu saameeyn doonaan iyadoo ay sababtu tahay in isku socodku adagyahay xaaladda COVID19 darteed” ayaa lagu yiri warbixinta Wasaarada. Waxaana la saadalinayaa in waqtiga lagu gudo jiro bisha May ee sanadkan ay fatahaado hor leh dhici doonaan, kuwaasi oo saameyn baaxad leh ku yeelan doona degmooyin dhowr ah oo uu maro webigu, sida Jowhar, Baardheere, Baladweyne iyo kuwo kale. Sida warbixinta lagu sheegay waxa sidoo kale khatartaasi wajahi doona, gobolo kamid ah dalka, sida Sanaag, Bari, Nugaal, Sool, Awdal iyo kuwa kale, oo looga baahan yahay inay muujiyaan feejignaan dheeriya mudada lagu jiro bishan bilowga ah. Warbixinta wasaarada ayaa ugu dambeyntii lagu sheegay inay adkaan doonto in si deg-deg ah loogu gurmado dadka ay waxyeeladu kasoo gaadho fatahaada iyo daadadka roobabkaasi, maadama uu dalka faro ba’an ku hayo cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19.
  21. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in dalka laga diiwaan geliyay 70 xaalado cusub oo COVID-19. Sedax bukaan ayaa cudurka ugu geeriyooday gobalka Banaadir, Puntiland iyo Somaliland. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee Feyruska Karoona waxay ku sheegtay in 48 kamid ah bukaannda cusub ay rag 22-na haween. 3 qofood oo cusub ayaa ka bogsooday xanuunka. 67 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, sedaxda-na waxay ku suganyihiin Somaliland. Tirada xaaladaha COVID-19 ee wasaaradda caafimaadku ay dalka ka diiwaan gelisay ayaa gaartay 670, waxaa cudurka ka bogsooday 34 Ruux. 31 ruux oo kale ayaana u geeriyooday. Dowladda oo wadda dadaallo looga hor-tegayo laguna xakameynayo faafitaanka COVID-19, ayaa qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiisay dowlad gobaleedyada dalka si ay awood ugu yeeshaan la tacaalidda Feyruska Karoona. Gabagabadii, Fowziya ayaa ugu baaqday dadweynaha in ay hogaan-samaan talooyinka caafimaad. Waxay sheegtay in xukuumadda ay ku dedaaleyso siddii ay u yareyn lahayd khasaaraha guud ahaan waddankeena. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-02052020.mp3 View the full article
  23. Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Jubbaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay tallaaboyinka cusub ee dowladda federaalka ay ka qaaday gobolka Gedo, oo xiisad cusub abuuray. Xiisadda cusub ee gobolka ayaa salka ku haysa qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka oo uu xilka ka qaaday Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Gobolka Gedo ahna Madaxa Amniga ee Gobolkaas Cismaan Nuur Xaaji Macalimow, oo ku xiran dowladda. Wasiirka ayaa sheegay in dowladda federaalka ay gobolka Gedo ka abuureyso jahwareer siyaasadeed oo aad u xun, sida uu hadalka u dhigay. Darwiish ayaa sheegay in arrimaha muddooyinkii danbe ka socday gobolka Gedo ay gadaalay ka riixeyso dowladda federaalka inay yihiin kuwo sharciga baalmarsan, waxuuna sharci darro ku tilmaamay in xil ka qaadis lagu sameeyey qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Gedo. Darwiish ayaa sheegay in Jubbaland ay aqoonsantahay guddoomiyeyaashii ay wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland u magcowday degmooyinka gobolka Gedo, isaga oo mid aan sharci aheyn ku tilmaamay maamuladii ay dowladda federaalku dhawaan u magacawday degmooyinka gobolkaas. Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Darwiish ayaa dowladda federaalka uga baaqay inay ka fiirsato arrimaha ay ka wado gobolka Gedo, si gaar ah wasaaradda arrimaha gudaha heer federaalka ayuu ka dalbaday inay arrimaha gobolkaas wax ka bedesho.
  24. Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in dalka laga diiwaan geliyay 70 xaalado cusub oo COVID-19. Sedax bukaan ayaa cudurka ugu geeriyooday gobalka Banaadir, Puntiland iyo Somaliland. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee Feyruska Karoona waxay ku sheegtay in 48 kamid ah bukaannda cusub ay rag yihiin, halka 22-na haween yihiin. 3 qofood oo cusub ayaa ka bogsooday xanuunka. 67 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, halka sedaxdna ay ku suganyihiin Somaliland. Tirada xaaladaha COVID-19 ee Wasaaradda Caafimaadku ay dalka ka diiwaan gelisay ayaa gaartay 670, waxaa cudurka ka bogsooday 34 ruux. 31 ruux oo kale ayaana u geeriyooday. Dowladda Soomaaliya oo wadda dadaallo looga hor-tegayo laguna xakameynayo faafitaanka COVID-19, ayaa qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiisay dowlad gobaleedyada dalka si ay awood ugu yeeshaan la tacaalidda Feyruska Karoona. PUNTLAND POST The post Soomaaliya: Kiisaska Karoona oo aad u kordhay appeared first on Puntland Post.
  25. Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in dalka laga diiwaan geliyay 70 xaalado cusub oo COVID-19. Sedax bukaan ayaa cudurka ugu geeriyooday gobalka Banaadir, Puntiland iyo Somaliland. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee Feyruska Karoona waxay ku sheegtay in 48 kamid ah bukaannda cusub ay yihin rag 22-na haween. 3 qofood oo cusub ayaa ka bogsooday xanuunka. 67 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, sedaxda-na waxay ku suganyihiin Somaliland. Tirada xaaladaha COVID-19 ee wasaaradda caafimaadku ay dalka ka diiwaan gelisay ayaa gaartay 670, waxaa cudurka ka bogsooday 34 Ruux. 31 ruux oo kale ayaana u geeriyooday. Dowladda oo wadda dadaallo looga hor-tegayo laguna xakameynayo faafitaanka COVID-19, ayaa qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiisay dowlad gobaleedyada dalka si ay awood ugu yeeshaan la tacaalidda Feyruska Karoona. Goobjoog News Source: goobjoog.com