-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horreysay ka hadashay islamarkaana mowqif aan la fileyn ka muujisay qorshaha ay Israel ku goosaneyso qeyb ka mid ah Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin. Sarkaal sare oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegay in tallaabo kasta, oo hal dhinac, oo Israel ay ugu darsaneyso qeybo ka mid ah Daanta Galbeed, ay dib u dhac weyn ku noqon doonto hanaanka nabadda Bariga Dhexe. Ra’iisul Wasaareaha Israel Benjmain Netanyahu ayaa sheegay in golahiisa wasiirada ay 1-da bisha July billaabi doonaan wada-xaajoodyo ku saabsan qorshaha Israel ay madax-banaanideeda ugu dabaqeyso dhul ka mid ah kan Falastiin. Netanyahu ayaa sheegay in qorshaha nabadda Bariga Dhexe ee uu bishii Janaayo soo jeediyey madaxweyne Trump uu ballan-qaadayo aqoonsashada deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed inay yihiin dhul Israel. Falastiiniyiinta ayaa si aad ah u diiday qorshaha nabdda Trump, sababtoo ah waxa uu inta badan Israel u sharciyeynayaa dhulkii ay ku qabsatay dagaalka, oo ay ku jiraan dhammaan deegaanada Yahuudda ee ay dhistay, taasi oo ah wax Israel ay raadineysay tobaneeyo sano. “Sii socoshada hadalka ku saabsan ku darsashada qeybo ka mid ah dhulka Falastiin waa in la joojiyaa,” ayuu yiri wasiiru dowladaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Anwar Gargash, oo qoraal soo dhigay twitter-ka. Waa markii ugu horreysay oo Imaaraadka Carabta ay si rasmi ah ugu hadlaan qorshahan, waxaana ay imaneysa ayada oo lagu xanto in ayaga iyo Sacuudiga ee xiriir hoose la leeyihiin Yahuudda. Waxay horey uga aamuseen xadgudub badan oo Yahuudda ay kula kacaan Falastiiniyiinta. Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa horey ugu eedeeyey qaar ka mid ah dalalka Carabta inay taageerayaan qorshaha madaxweyne Donald Trump, oo uu ku qeexay “Khiyaano Qaran.” “Qaar ka mid ah dalalka Carabta ee taageeraya qorshaha noocan ah waxay sameynayaan Khiyaano Qaran oo ka dhan ah Qudus, shacabkooda iyo guud ahaan bani’aadannimada” ayuu Erdogan u sheegay madax goboleedyada xisbigiisa oo uu kula kulmay Ankara. Erdogan oo ah hoggaamiye diinta ku adag, una ololeeya xuquuqda Falastiin, ayaa si gaar ah u magacaabay Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Masar, Baxreyn iyo Jordan.
-
Sarkaal sare oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegay in tallaabo kasta, oo hal dhinac, oo Israel ay ugu darsaneyso qeybo ka mid ah Daanta Galbeed, ay dib u dhac weyn ku noqon doonto hanaanka nabadda Bariga Dhexe. Ra’iisul Wasaareaha Israel Benjmain Netanyahu ayaa sheegay in golahiisa wasiirada ay 1-da bisha July billaabi doonaan wada-xaajoodyo ku saabsan qorshaha Israel ay madax-banaanideeda ugu dabaqeyso dhul ka mid ah kan Falastiin. Netanyahu ayaa sheegay in qorshaha nabadda Bariga Dhexe ee uu bishii Janaayo soo jeediyey madaxweyne Trump uu ballan-qaadayo aqoonsashada deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed inay yihiin dhul Israel. Falastiiniyiinta ayaa si aad ah u diiday qorshaha nabdda Trump, sababtoo ah waxa uu inta badan Israel u sharciyeynayaa dhulkii ay ku qabsatay dagaalka, oo ay ku jiraan dhammaan deegaanada Yahuudda ee ay dhistay, taasi oo ah wax Israel ay raadineysay tobaneeyo sano. “Sii socoshada hadalka ku saabsan ku darsashada qeybo ka mid ah dhulka Falastiin waa in la joojiyaa,” ayuu yiri wasiiru dowladaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Anwar Gargash, oo qoraal soo dhigay twitter-ka waa markii ugu horreysay oo Imaaraadka Carabta ay si rasmi ah ugu hadlaan qorshahan nabadda Bariga dhexe Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa horey ugu eedeeyey qaar ka mid ah dalalka Carabta inay taageerayaan qorshaha madaxweyne Donald Trump, oo uu ku qeexay “Khiyaano Qaran.” waxaana uu yiri. “Qaar ka mid ah dalalka Carabta ee taageeraya qorshaha noocan ah waxay sameynayaan Khiyaano Qaran oo ka dhan ah Qudus, shacabkooda iyo guud ahaan bani’aadannimada” ayuu Erdogan u sheegay madax goboleedyada xisbigiisa oo uu kula kulmay Ankara. Erdogan oo ah hoggaamiye diinta ku adag, una ololeeya xuquuqda Falastiin, ayaa si gaar ah u magacaabay Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Masar, Baxreyn iyo Jordan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta oo Isniin ah Xarunta Madaxtooyada Kulan Qado ah ugu sameeyay Isimada dhex-dhexaadinaya isaga iyo Madaxweyne Ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash). Madaxweynaha iyo Isimada oo ay Kulanka ku weheliyeen Guddoonka Baarlamanka Dowladda Puntland ayaa ka wada-hadlaya xal u helidda Khilaafka ku salaysan Awoodaha Dastuuriga ah ee ka dhexeeya labada Hoggaamiye ( Deni& Karaash). Kulanka labada dhinac ayaa weli socda waxaana Madaxweynaha laga dhegaysanaya Qaladaadka uu ka tirsanayo Madaxweyne ku xigeenka ee dhaliyay isfaham-waaga labada mas’uul si xal rasmiya looga gaaro Arrimaha ay ku muransan yihiin. Warbaahinta Puntland Post waxay saacadaha soo socda idiin soo gudbin doonta wixii ka soo baxa Kulankaasi weli ka socda Xarunta Madaxtooyada ee u dhexeeya Isimada dhex-dhexaadinta iyo Madaxweyne Deni oo ay wehliyaan Guddoonka Baarlamanka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Madaxtooyada Kula shirsan Isimadii dhex-dhexaadinta appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo waxa sii kordhaya tirada dadka ku dhimanaya iyagoo leh astaamaha xanuunka safmarka ah Coronavirus iyadoo ay kuwa kale u jiifaan calaamadaha xanuunkaasi goobaha caafimaadka Waxaa 48-kii saac ee la soo dhaafay la sheegay inay dhinteen lix qof oo markii hore lagu arkay xumad daran, qufac, dhadhanka iyo urta oo ka tagta iyo neefta oo qabata. Beledxaawo hadda malaha shaybaadh lagu ogaan karo haddii xanuunka dadkani u dhinteen uu yahay COVID-19 iyo inuu yahay cudur kale lagu ogaan lahaa balse kooxda caafimaadka ee magaalada ayaa horey Muqdisho ugu diray baaritaannada labo qof oo midkood cudurka laga helay. Dhawr iyo toban qof oo kale oo laga qaaday baaritaano la xiriira Fayraska COVOID-19 ayaa maanta Muqdisho loo soo duuliyay baaritaannadii laga qaaday. Adeega caafimaadka ee magaalada ayaa aad u liita taas ayaana adkaysay in si dhaqso ah loo ogaado jawaabaha. Dadka deegaankuna kuma baraarugsanna khatarta cudurka iyagoo aan dhago nugleen talooyinka caafimaadka ee ka hortaga Xanuunnka COVID-19 sida Isuduwaha caafimaadka ee degmada Beledxaawo Axmed Caddow uu u sheegay laanta afka Soomaalga ee BBC-da. “Tirada la jiifta xanuunka waxay gaarayaan 40, dadka u dhintay ee muujiyay calaamadihii cudurkana waa dad gaaraya lix qof. Dadka xanuunka u jiifa calaamadaha lagu arkay waxa kamid ah qufac, cunihii oo xanuunaya, qandho daran, urtii oo ka tagta, iyo xanuun ay jirka ka dareemayaan” Ayuu yiri Axmed Caddow isku duwaha caafimaadka. Tirada guud ee cudurka COVID-19 laga helay guud ahaan Soomaaliya ayaa gaaraysa 1,976 iyadoo tirada u dhimatayna lagu sheegay 78. Illaa hadda waxa cudurka ka bogsaday 348. xanuunka ayaa hadda saameyn badan ku yeelanaya gobolada dalka halka magaalada caasimadda ah uu aad uga sii yaraanayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda Soomaaliya ayaa liisankii duulimaadka ay ku imaan lahaayeen Soomaaliya kala noqotay diyaaradaha laba shirkadood oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya. Dowladda Somaaliya ayaa ku eedeysay mid ka mid ah labada shrikadood oo lagu magacaabo Buff AIR SERVICES inay diyaarad ay leedahay ay si sharcidarro ah qaad usoo gelisay Soomaaliya iyo inay ku xadgudubtay xayiraaddii ay soo rogtay dowladda Soomaaliya ee dhinaca duulimaadka cudurka COVID-19 awgeed, sida ay ilo lagu kalsoon yahay u sheegeen VOA. Sararaakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in diyaarad ay leedahay shirkaddaas ay 26-kii May shixnad qaad ah gaysay magaalada Buuhoodle, iyadoo hawada Soomaaliyana kusoo gashay inay waddo gargaar daawo ah. Sidaasi oo kale, dowladda Soomaaliya waxay liisankii duulimaadyada Soomaaliya kala laabatay Silverstone Air Services oo isla sidaasi oo kale lagu eedeeyey inay qaad si sharcidarro ah kusoo gelisay waddanka iyo inay ku xadgudubtay xayiraadihii ay soo rogtay dowladda Soomaaliya cudurka COVID-19 dartiis. Ilo wareedku waxay intaasi ku dareen in diyaarad ay leedahay shirkaddaasi ay 31-kii May ka degtay magaalada Jowhar oo ay gaysay shixnad qaad ah iyadoo hawada Soomaaliyana kusoo gashay inay siddo daawo. Dowladda Kenya iyo shirkadaha la mamnuucay ayaan weli ka hadlin tallaabadan ay qaadday dawladda Somaaliya. View the full article
-
Dawladda Soomaaliya ayaa liisankii duulimaadka ay ku iman lahaayeen Soomaaliya kala noqotay diyaaradaha laba shirkadood oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya. Dawladda Somaaliya ayaa ku eedaysay mid ka mid ah labada shrikadood oo lagu magacaabo Buff AIR SERVICES inay diyaarad ay leedahay ay si sharcidarro ah qaad usoo gelisay Soomaaliya iyo inay ku xadgudubtay xayiraaddii ay soo rogtay dawladda Soomaaliya ee dhinaca duulimaadka cudurka COVID-19 awgeed, sida ay ilo lagu kalsoon yahay u sheegeen VOA. Sararaakiisha dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in diyaarad ay leedahay shirkaddaas ay 26-kii May shixnad qaad ah gaysay magaalada Buuhoodle, iyadoo hawada Soomaaliyana kusoo gashay inay waddo gargaar daawo ah. Sidaasi oo kale, dawladda Soomaaliya waxay liisankii duulimaadyada Soomaaliya kala laabatay Silverstone Air Services oo isla sidaasi oo kale lagu eedeeyey inay qaad si sharcidarro ah kusoo gelisay waddanka iyo inay ku xadgudubtay xayiraadihii ay soo rogtay dawladda Soomaaliya cudurka COVID-19 darteed, sida ay ilo wareedyo u sheegeen VOA. Ilo wareedku waxay intaasi ku dareen in diyaarad ay leedahay shirkaddaasi ay 31-kii May ka degtay magaalada Jowhar oo ay gaysay shixnad qaad ah iyadoo hawada Soomaaliyana kusoo gashay inay siddo daawo. Dawladda Kenya iyo shirkadaha la mamnuucay ayaan weli ka hadlin tallaabadan ay qaadday dawladda Somaaliya oo ay ku joojisay duulimaadyada labadaas shirkadood ay ku imaan lahaayeen gudaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa shatiga duulimaadka ay ku iman lahaayeen Soomaaliya kala noqotay diyaaradaha laba shirkadood oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya. Dawladda Somaaliya ayaa ku eedaysay mid ka mid ah labada shrikadood oo lagu magacaabo Buff AIR SERVICES inay diyaarad ay leedahay ay si sharcidarro ah qaad usoo gelisay Soomaaliya iyo inay ku xadgudubtay xayiraaddii ay soo rogtay dawladda Soomaaliya ee dhinaca duulimaadka cudurka COVID-19 awgeed, sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay. Sararaakiisha dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in diyaarad ay leedahay shirkaddaas ay 26-kii May shixnad qaad ah gaysay magaalada Buuhoodle, iyadoo hawada Soomaaliyana kusoo gashay inay waddo gargaar daawo ah. Sidaasi oo kale, dawladda Soomaaliya waxay shatiga duulimaadyada Soomaaliya kala laabatay Silverstone Air Services oo isla sidaasi oo kale lagu eedeeyey inay qaad si sharcidarro ah kusoo gelisay waddanka iyo inay ku xadgudubtay xayiraadihii ay soo rogtay dawladda Soomaaliya cudurka COVID-19 darteed. Ilo wareedku waxay intaasi ku dareen in diyaarad ay leedahay shirkaddaasi ay 31-kii May ka degtay magaalada Jawhar oo ay gaysay shixnad qaad ah iyadoo hawada Soomaaliyana kusoo gashay inay siddo daawo. Dawladda Kenya iyo shirkadaha la mamnuucay ayaan weli ka hadlin tallaabadan ay qaadday dawladda Somaaliya. Isha: VOA
-
SUNDAY MAY 31 2020 In Summary Madeira has been the head of Amisom since January 2016 when he replaced Tanzanian diplomat Augustine Mahiga as the [...] The post New report accuses envoy of running down Amisom appeared first on . Source
-
Along the miles-long Minneapolis street where more than a century of migrants have found their American footholds -- Germans, Swedes, Vietnamese, Somalis, Mexicans -- a new history can be traced. Source: Hiiraan Online
-
Agaasimaha cusub oo xilka kala wareegaya Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Maxamed Cabdiladiif Yuusuf. Munaasibadda oo ku dhacday hab- maqal iyo muuqaal ah waxaa ka qeybgalay Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Cabdiweli Timacadde, Af-hayeenka Madaxtooyada Jaamac Dabaraani iyo dhammaan Agaasime waaxeedyada Madaxtooyada. Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Maxamed Cabdiladiif wuxuu ka warbixiyey shaqadii qabsoontay intuu xilka hayey iyo qorsheyaasha u yaallay, isagoo kelmad dardaaran iyo mahadcelin ah u jeediyey dhammaan Shaqaalaha Madaxtooyada. Cabdiweli Timacadde Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada oo wakiil ka ah Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Maxamed Cabdiladiif, ayaa Dukumentiyada iyo agabka kale ee xafiiska ku wareejiyey Agaasimaha cusub Maxamed Cabdirashiid Cali. Dhammaadkii kulanka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdirashiid ayaa hadal kooban jeediyey, wuxuuna uga mahadceliyey agaasimihii hore shaqada uu soo qabtay, iyo sidoo kale dhammaan shaqaalaha lasoo shaqeeyay. PUNTLAND POST The post Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Puntland oo xilka la wareegay appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka amniga dowlad goboleedka HirShabelle, Maxamed C/raxmaan Khayre, ahna xubin ka tirsan guddiga xaqiiqo raadinta ee loo saaray falkii dhowaan lagu laayey dhalinyaradii ku sugneyd deegaanka Gololey ayaa ka warbixiyey halka uu marayo baaritaanka ay wadaan. Maxamed C/raxmaan Khayre oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa sheegay inuu meel wanaagsan marayo baaritaankooda, islamarkaana ay la kulmeen waxgaradka deegaanka. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan ka hari doonin dadkii ka dambeeyey falkaasi, islamarkaana ay soo taagi doono maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-safa-wasiirka-amniga.mp3 View the full article
-
Garowe (Caasimada Online) – Mudooyinkaan dambe waxaa aad loo hadal hayay khilaafka xoogan ee u dhaxeeya madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa, waxaana sida la sheegay uu ku saleysan yahay habka awoodaha dastuuriga ah. Madaxweyna Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa inuu maanta la kulmo guddiga wada dhex-dhexaadinta iyo xubno ka tirsan Gudoonka Baarlamaanka. Kulanka maanta dhici doona waxey guddiga iyo gudoonka baarlamankaba madaxweynaha ka dalban doonaan inuu ka waramo waxa dhaliyay khilaafka soo kala dhex galay isaga iyo ku xigeenkiisa. Sabtidii ayey aheyd markii odayaasha iyo Gudoonkaba ay la kulmeen Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), waxeyna ka wareysteen sababaha keenay iney is fahmi waayaan isaga iyo Deni. Khilaafka labada nin ayaa bannaanka yimid kadib markii 14-kii bishan May uu madaxweyne kuxigeenka kasoo horjeestay magacaabista taliyaha iyo taliye kuxigeenka madaxtooyada Puntland oo uu magacaabay madaxweyne Deni. Mudane Karaash ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistaasi. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa toddobaadkii hore sheegay in khilaafkooda uu gaaray heer aysan hadda saalanta iska qaadin labadan mas’uul oo ku wada shaqeeya dhismaha madaxtooyada Garowe.
-
Dowladda Jabuuti oo ciidamo fara badan ay ka joogaan gobolka Hiiraan ayaa maanta waxa ay deeq raashin ah gaarsiisay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, taas oo loogu talo-galay dadka uu saameeyay fataahada webiga Shabelle ee mara magaaladaasi. Deeqdaan oo dhan 90 tan ayaa dowladda Jabuuti waxa ay u soo wakiilatay saraakiil ka tirsan ciidamada Hiil-Walaal, waxaana lagu wareejiyay Madaxweynaha Hir-Shabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare. Korneyl Maxamed Barqad oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Jabuuti ee Hiil-walaal oo loo soo wakiishay raashiinkan ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Waare iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, iyaga oo ka wada-hadlay sidii lagu gaarsiin lahaa dadka ka barakacay fatahaada Beledweyne. Dhankiisa Madaxweynaha Hirshabelle ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti kaga mahadceliyey, sida ay u garab taagan yihiin dadka reer Hiiraan, isaga oo sheegay in ciidamada Jabuuti ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan. Deeqdaan ayaa waxaa ay ku soo aadeysaa, xilli weli aysan helin wax gurmad ah dadkii dhowana u barakacay deegaanka Ceeljaale ee gobolka Hiiraan. View the full article
-
Shirqool ay Dawlada Qatar damacsaneyd inay ka fuliso Sudan oo la fashiliyey Guddoomiye ku xigeenka Golaha Madaxbanaanida Suudaan Sareeye Gaas Maxamed Xamdan, oo loo yaqaani Ximadati Dagalo ayaa shaaca ka qaaday qorshe qarsoodi ah oo ay Qatar la damacsaneyd wadankiisa, kaasi oo ay hoggaanka militarigu ay ka hortageen. “Qatar waxaa ay hogaamineysay qorshe qarsoodi ah oo ka dhan ah Golaha kala Guurka Militariga ee la sameeyay markii xilka laga tuuray Cumar Al-Bashiir, waxay wasiirkeeda arrimaha dibadda u dirtay Sudan, iyadoon ogeysiin hoggaankii ku sugnaa Khartuum,” ayuu yiri Ximadati. Ximadti, oo sidoo kale taliye u ah Ciidanka Gurmadka deg-degga ah ee Sudan, ayaa shaaciyay Golaha militarigu uu diiday in ay la kulmaan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar Maxamed bin Cabdulraxmaan Al-Thani sababtoo ah lama ogeysiin booqashadiisa. “Waan la yaabnay markii April 2019 naloo sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar uu Sudan usoo socdo,” ayuu yiri. “Muddo waan la yaabaneyn dhaqanka Doxa. Kadib waxaan go’aan deg-deg ah ku gaarnay in aanan la kulmin wasiirka Qatar diyaaradiisii in ay soo degtana waan diidnay,” ayuu Ximadti ku sheegay wareysi uu siiyay Sudan 24 TV. Xamidati waxaa uu adkeeyay in “xiriirka Sudan ay dunida la leedahay uu ku saleysanyahay danaha guud balse aysan dooneyn in ay xulufo la noqoto cidna.” Waxaa uu ku tilmaamay qorshihii Qatar in uu ahaa “shirqool xaasidnimo ah” kaasi oo loogu talogalay in lagu kala qaybiyo hoggaanka iyo xubnaha Golaha Militariga. Waxaa uu sheegay in jaho wareer ay abuureen kuwo ka tirsanaa rajiimkii hore kuwaas oo sheegay in ay madaxweynihii golaha militariga ah General Abdel Fattah al-Burhan la ogeysiiyay booqashada. “Xilligaas Burhaan waxaa uu ii xaqiijiyay in aan la ogeysiin booqashadda waxaana uu nagu raacay in aan lasoo dhaweyn wasiirka Qatar,” ayuu Xamidati hadalkiisa ku daray. Waxaa uu yiri “dhibaato kuma qabno Qatar. Nalagama doonayo in aan wadanna tuurno, balse taas badelkeeda waa in aan dana loo dhanyahay dhisno.” Qorshaha Wasiirka arimaha dibadda Qatar ku booqanayey Khartuum waxa uu yimid maalmo kadib markii Golaha Militarigu ay eryeen Madaxweynihii hore ee Cumar Xasan Al Bashiir kadib dibad baxyo muddo socday, kuwaas oo soo gebo-gabeeyey 30 sano oo uu waddanka maamulayay. Xukuumadda Doxa oo xiriir dhow la lahayd maamulkii hore ee Sudan, ayaa sidoo kale taageerta kooxaha Islaamiyiinta ah ee Sudan. Bishii April sanadkii 2019, Golaha ku Meel-gaarka ah ee Militariga ayaa beeniyay wararkii ku saabsanaa booqashada, laakiin hadalka uu dhowaan sheegay gudoomiye ku xigeenka Golaha Madaxbanaanida Sudan ayaa xaqiijiyay in booqashadu jirtay. Hadda wax xiriir ah kama dhaxeeyo Sudan iyo Qatar, Dowladda Sudan ayaana Qatar ku eedeysa in ay ka shaqayneyso xasilooni darrada wadanka iyadoo taageereysa Ikhwaanul Muslimiin-ka. Qaran News
-
Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta ciidamada Somaliland ay dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa laga dareemayaa deegaanka Tukaraq oo ah aag ay isku hor-fadhiyaan ciidanka Somaliland iyo kuwa Puntland. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ciidamada milatariga Somaliland oo wata gaadiidka dagaalka lagu arkayo halkaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad ukacsan, iyadoona laga cabsi qabo in markale uu dagaal ka qarxo deegaanka Tukaraq, gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya. View the full article
-
Fariin uu Facebook ku qoray nin jooga baadiyaha Kenya oo dood kulul ka dhalisay Gudaha Dalka Maraykanka THEY ARE THREATENING TO BURN DOWN THE WHITE HOUSE! We must Protect President Trump and his Administration. All threats must be taken seriously. Please RT to inform the FBI, Secret Service and the CIA .@FBI @CIA @SecretService pic.twitter.com/7Wbvwsmd4k — Terrence K. Williams (@w_terrence) May 29, 2020 Fariin uu barta Facebook ku qoray Alex Ndiritu, oo ka soo jeeda magaalada Nyeri ee dalka Kenya ayaa dood kulul dhalisay Maraykanka. Alex ayaa muuqaal si toos ah looga baahinayay barta Facebook ku reebay fariin ah in dibaxayaasha ku sugan Maraykanka ay “gubaan aqalka cad ee Maraykanka”. Fariintan ayaa hadal hayn ka bilawday baraha bulshada iyada oo muwaadiniinta Maraykanka ay la wadaagayeen FBI-da iyo CIA. Booliiska iyo dibadbaxayaasha ayaa isku dhacay magaalooyiin ku yaalla dalka Mareykanka, xilli ay sii xoogaysanayan dibadbaxyada caradii ka dhalatay dilkii ninkii madowga ahaa, George Floyd. Waxaa foodda is daray dibadbaxayaasha iyo booliiska magaalooyiinka, New York, Chicago, Atlanta, Philadelphia iyo Los Angeles. Booliiska ku sugan goobaha ka xeeran aqalka cad ee ku yaalla magaalada Washington ayaa suntan dadka ka ilmaysiisa ku riday dibadbaxayaal tuurayay dhagxaan. Ku dhawaad 40 magaalo ayaa Bandow lagu soo rogay, balse dibadbaxayaal badan ayaa bandowga iska indha-tiray taasi oo keentay in booliiska ay isku dhacaan. Qaran News
-
Askari ka tirsan ciidamada DF oo dil ka geystay M/ Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Askari Boolis ah oo ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan isgoyska Siinaay dhanka degmada Yaaqshiid ayaa la sheegay in maanta uu dil u geystay wiil dhalinyaro ahaa. Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Abuukar Tuuryare ayaa lagu soo warramayaa in subaxnimo uu ka soo baxay hoygiisa, islamarkaana uu sagootinayey qof ehelkiisa ah oo safar ahaa, hayeeshee la dilay . Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka uu dilka u dhacay, waxaana qaarkood ay sheegayaan in shaki loo dilay, halka kuwa kalena ay ku warramayaan in marxuumka iyo askariga ay wada murmeen, kadibna sidaasi lagu toogtay. Dhinaca kale taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya, General Cabdiraxmaan Maxamed (Tuuryare) ayaa ka hadlay dilkaasi oo wiilka loo geystay ay ilmo adeero ahaayeen, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga. Genaral Tuuryare soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa qoraalkiisa ku sheegay in geerida Maxamed ay u xanuunjisay sida curadkiisa oo dhintay kale. Sidoo kale waxa uu tilmaamay marxuumka oo dhalinyaro ahaa uu isagu soo bar-baariyey, islamarkaana uu qorshihiisu ahaa in sanadkaan uu bilaabo Jaamacadda. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in marxuumka ay dishay gacan ka xaq-daran oo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article -
According to the reporter in Addis Ababa, Ethiopia’s prime minister’s attempt to mediate between Somaliland and Somalia has failed. The reporter, who wrote yesterday about the arms provided by the Egyptian government to the Somali government, cites Abye Ahmed’s discussions between Somaliland and Somalia that the newspaper has failed and the two sides refuse to see each other directly. . He first quoted security sources and quoted them as saying that the weapons were a threat to the security of the region, which has already been burdened with insecurity. He spoke about Somaliland’s Defense Minister Abdiqani Aateye in a tweet condemning these weapons. Ethiopia’s foreign ministry also declined to comment on Ethiopia’s view of the weapons, but sources said the Ethiopian government had to re-evaluate relations with some of the neighboring countries, which the newspaper did not name. The paper, focusing on Abiye Ahmed’s efforts to approach Somaliland and Somalia, concludes his report, “In recent months, Somalia and Somaliland have exchanged hot talk, and Abye Ahmed’s mediation has failed, with both sides refusing to direct. of themselves. ” According to the reporter in Addis Ababa. Egypt and Ethiopia have been deeply disturbed by the dam that Ethiopia built and wants to fill this month, which Egypt sees as a threat to the lives of its citizens on the Nile, and the two countries are embarking on diplomatic efforts. Violence against one another, and some reports indicate it appears to be a war preparatory exercise. Qaran News
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Duhur-010620.mp3 View the full article
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Africa: COVID-19 Africa Update 01 June 2020 BRAZZAVILLE, Congo (Republic of the), June 1, 2020/ — Over 144,700 confirmed #COVID19 cases on the African continent – with more than 61,100 recoveries & 4,100 deaths. View country figures & more with the WHO African Region COVID-19 Dashboard: https://arcg.is/XvuSX Distributed by APO Group on behalf of WHO Regional Office for Africa. View multimedia content SOURCE WHO Regional Office for Africa Qaran News
