-
Content Count
212,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isi-soo taraya dalalka dadkooda ka daad gureysanaya Soomaaliya sababo la xariira cudurka Coronavirus oo si aad ah ugu sii faafaya dalka. Waxaana haatan soo baxaya warar sheegaya in dowladda Sweden ay qorsheyneyso in saacadaha soo socda ay Soomaaliya kala baxdo muwaadiniinteeda. Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dowladda Sweden ay Muqdisho u soo direyso diyaarad khaas ah si ay dalkooda ugu celiso muwaadiniinta ka jooga Soomaaliya, sida Diplomaasiyiinta iyo Soomaalida kale ee dhalashada ka heysta dalkaas ee ku xayirmay dalka, kadib markii la joojiyay duullimaadyadii caalamiga ahaa. Muwaadiniinta iyo Diplomaasiyiinta kale ee Sweden ka jooga Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay inay u diyaar garoobaan safarkaas, in kastoo uusan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay safaaradda ay dowladda Sweden ku leedahay Muqdisho. Horay dowladaha Turkiga, Mareykanka iyo UK ayaa Soomaaliya ugala baxay muwaadiniintooda, kadib markii ay ku xayirmeen saameynta cudurka Coronavirus awgiis.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay go’aanka ay maxkamadda cadaaladda Aduunka ee ICJ ay dib ugu dhigtay dhageysiga kiiska badda ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ay maxkamaddu u iclaamisay in uu bilaawdo 15-ka bisha Maarso ee sanadka 2021-ka. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo goor dhaw ka hadlay go’aankaas kasoo baxay maxkamadda ICJ ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya mar waliba ay dooneysay in dacwadda la dhageysto xilligii loo qorsheeyay ee aheyd horraanta bisha soo socota, balse haatan ay dowladdu ku qasbantahay inay u hoggaansanto amarka dib loogu dhigay dhageysiga kiiska ee kasoo baxay maxkamadda. Mahdi Guuleed ayaa sheegay in sidoo kale ay maxkamddu go’aamisay in dhageysiga dacwadda uu noqon doono mid afka ku saleysan oo aysan jiri doonin caddeymo qoraal ah, kuwaas oo maxkamadda lala tegi doono, maadaama labada dowladood ay horay u geeyeen caddeymaha ay dacwaddooda saldhigga uga dhigayeen. Warqad loo diray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayey garsoorka maxkamaddu ku sheegeen in markii ay dhageysteen codsiga dib u dhigista oo ay Kenya usoo gudbisay maxkamadda, sidoo kalena eegeen xaaladda adag ee uu sababay xanuunka Coronavirus ay go’aansadeen in waqtiga furitaanka dhageysiga kiiska laga dhigo 15-ka bisha Maarso ee sanadka 2021-ka. Dhowr jeer oo hore ayaa dib loo dhigay dhageysiga kiiskan, kadib codsiyo maxkamadda uga yimid dowladda Kenya, balse haatan waxaa lagu cadeyay qoraalka ICJ in saameynta xanuunka Coronavirus uu qeyb ka tahay go’aanka dib u dhigista. Jadwalka cusub ee dhageysiga dacwadda ayaa ah: Wuxuu dhageysiga billaabanayaa bisha March, 2021-ka, waxaana la wadi doonaa ilaa 4 maalmood. Isniin, 15 March, (10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad. 03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad. Arbaco, 17 March, ((10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad. 03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad. Khamiis, 18 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda labaad. Jimce, 19 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda labaad. Halkan ka Daawo Mahdi Guuleed
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Bar-___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-19052020-web.mp3 View the full article
-
The International Court of Justice has agreed to Kenya’s request to delay the public hearing in its maritime boundary case with Somalia. ICJ pushed the case to March 15, 2021 due to the exceptional circumstances of the coronavirus pandemic. Last week, the Kenyan government reached out to the ICJ to seek another extension owing to the fact that the Covid-19 pandemic had wreaked havoc in its plans to defend itself., saying it needed time to reconstitute a legal team. according to documents sent to the court and seen by the BBC. The Somali government has strongly opposed Kenya’s plans to delay the maritime trial and accused Kenya of seeking to resolve the dispute outside the court. Somalia had asked the court to hold the hearing virtually using video technology. Somalia’s Deputy Prime Minister has however told BBC that his government had accepted though it is not happy with the court’s decision, but will adhere to it. Kenya and Somalia were involved in a bitter diplomatic spat after the Horn of Africa nation allegedly auctioned off oil, gas and mineral blocks falling within the disputed territory. Kenya termed the decision by Somalia to auction the disputed maritime blocks in the UK as an “unparalleled affront” and vowed that the “illegal grab” will not go unanswered, a charge Somalia denies. Ever since the maritime dispute gained traction, Kenya has maintained that it would prefer to resolve the boundary issue out of court, while Somalia wants the case to be heard by the International Court of Justice (ICJ). In August 2014, Somalia filed a case before the ICJ at The Hague over a dispute in relation to “the establishment of the single maritime boundary between the two neighbouring countries in the Indian Ocean delimiting the territorial sea, exclusive economic zones and continental shelf beyond the 200 nautical miles.
-
Hague (Caasimada Online) – Garsoorka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loo dhigay waqtiga dhageysiga dacwadda muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. War-maanta kasoo baxay maxkamadda uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa lagu sharraxay sababta dib loogu dhigay iyo waliba jadwalka dhageysiga kiiskaas. Warqad loo diray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayey garsoorka maxkamaddu ku sheegeen in markii ay dhageysteen codsiga dib u dhigista oo ay gudbisay Kenya, sidoo kalena eegeen xaaladda uu sababay xanuunka Coronavirus ay go’aansadeen in waqtiga furitaanka dhageysiga kiiska laga dhigo 15-ka bisha Maarso ee sanadka 2021-ka. Dhowr jeer oo hore dib loo dhigay kiiska, kadib codsiyo maxkamadda uga yimid Kenya dartiis, balse haatan waxaa la sheegay in saameynta xanuunka Covid-19 ay qeyb ka tahay go’aanka dib u dhigista. Jadwalka cusub ee dhageysiga dacwadda ayaa ah: Wuxuu dhageysiga billaabanayaa bisha March, 2021-ka, waxaana la wadi doonaa ilaa 4 maalmood. Isniin, 15 March, (10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad. 03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda koowaad. Arbaco, 17 March, ((10:00 am – 01:00 pm): Furitaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad. 03:00 pm – 04:30 pm: Sii waditaanka doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda koowaad. Khamiis, 18 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Soomaaliya, wareeggeeda labaad. Jimce, 19 March, (03:00 pm – 06:00 pm): Doodda afka ah ee dhinaca Kenya, wareeggeeda labaad.
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay Ha’yadda Caafimaadka Adduunka inay tahay ‘eey uu wad wato Shiinaha’, hadalka Trump ayaa imaanaya xilli WHO uu u socdo kulan labo maalmood qaadanaya oo ay uga hadlayaan safmarka feyraska Corona, wuxuu sheegay in ‘WHO ay bixisay talooyin qaab daran oo qalad ah isla markaana garab lagu siinayo Shiinaha’ Inkasta oo Trump uusan ka qeybgelin shirka WHO, balse waxaa kulan qaab muuqaal ah uga qeybgalay xoghayaha arrimaha caafimaadka ee Mareykanka, Trump wuxuu sidoo kale ku eedeeyay WHO in si khaldan ay u maareysay ka hortagga cudurka. Trump oo isagu lagu dhaleeceeyay sida uu ula tacaalay safmarka waxaa uu marar badan ku eedeeyay Ha’yadda Caafimaadka Adduunka inay ku guuldareysatay in caalamka ay u fidiso wacyigelin buuxdo isla markaana ay u eexatay Shiinaha, wuxuu ku eedeeyay Shiianha in uu daboolayo dhibaatada ka dhalatay cudurka markii uu ka dilaacay halkaas. Mareykanka wuxuu horey u hakiyay maalgelintii uu siin jiray Ha’yadda Caafimaadka ee Adduunka, wuxuuna wadaa baaritaanno ku aadan sida Ha’yadda u maareysay safmarka. Markii uu bilowday shirka WHO, madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping wuxuu ka sheegay in Shiinaha uu yahay mid ”furfuran oo caddaalad ah’, wuxuuna ku adkeystay in baaritaan kasta la sameyn karo marka lagu guuleysta xakameynta feyraska Korona. Dhanka kale, madaxweyne Trump wuxuu warqad u qoray madaxa Ha’yadda Caafimaadka Adduunka oo uu ugu hanjabay in Mareykanka uu si joogto ah kala noqon doono maalgelintii uu siin jiray Ha’yadda, wuxuu u qabtay muddo 30 cisho ah si ay usoo ‘bandhigaan dadaallo wax ku ool ah oo ka dhan feyraska’ Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ oo ay hor-taallo dooda badda ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa markale dib u dhigtay dhageysiga dacwadda ee labada dal. Warqad ka soo baxday garsoorka maxkamadda ayaa waxaa lagu sheegay in dib loo dhageysan doono kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya 15-ka March ee sanadka 2021-ka. Sidoo kale ICJ ayaa go’aankeeda la xiriirisay saameynta cudurka faafa ee Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya dalal badan oo caalamka ku yaalla, balse waxay arrintaan ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan Kenya ay dalbatay in mar 2-aad dib loogu dhigo kiiskan. Dowladda Soomaaliya oo sidoo kale si weyn uga biyo diidaneyd dib u dhigista dacwadda ayaa haatan sheegtay inay u hoggaansami doonto jadwalka cusub. Tan iyo markii maxkamadda cadaaladda adduunka loo gudbiyey dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Keyna xiisada u dhexeysa labada dowladood ayaa aheyd mid kacsan. View the full article
-
Tripoli (Caasimada Online) – Ciidamada dagaal-ooge Khaliifa Xaftar ayaa xalay isaga baxay qeybo ka mid ah magaalada Tripoli kadib markii shalay laga qabsaday saldhig weyn oo muhiim u ahaa oo ku yaalla galbeedka Libya, taasi oo waxyeello weyn u gaysatay isku day sanad socoday oo ay doonayeen inay qabsadaan caasimadda. Afhayeen u hadlay ciidamada Xaftar, Ahmed al-Mismari ayaa sheegay in ciidamada ay sameeyeen wax uu ugu yeeray “dib isu-qaabeyn iyo isu-qeybin la xiriirta dagaalka, ayaga oo ka baxay meelaha dadku ku badan yihiin.” Ciidamada Xaftar ayaa sanad waday dagaal ay ku doonayaan inay ku qabsadaan caasimadda Libya ee Tripoli oo xarun u ah dowladda caalamku aqoonsan yahay, ee taageerada militari ka heleysa Turkey. Dagaal-ooge Khalifa Xaftar ayaa waxaa taageera Imaaraadka Carabta, Masar iyi Ruushka. Isniintii, Ciidamada dowladda caalamku aqoonsna yahay ee Libya ayaa saldhigga muhiimka ee ciidamada cirka ee al-Watiya ka qabsaday maleeshiyada Khalifa Xaftar. Kadib markii ay saldhigga qabsadeen, ciidamada ayaa ku dul dabaal degay wax ay ku sheegeen inuu yahay habka difaaca gantaallada ee Pantsir oo Ruushka ay siiyeen Khalifa Xaftar. Hase yeeshee Mismari ayaa sheegay inay saldhigga uga baxeen go’aan muddo la qorsheynayey oo xeelad dagaal ah, islamarkaana ay uga tageen kaliya qalabka aan loo baahneyn. Wasiirka arrimaha gudaha Libya Fathi Bashagha ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “Fursadaha guul ee Xaftar iminka waa eber, kadib markii uu lumiyey saldhigga al-Watiya.” Maleeshiyada Xaftar ayaa saldhigga kasoo qaadi jiray weerar dhanka cirka ah oo ay ku beegsan jireen goobo badan oo ciidamada dowladda ay kaga sugnaayeen galbeedka, taasi oo hadda meesha ka baxeysa.
-
Dadka danyarta ah iyo ganacsatada magaalada Xudur ayaa si wadajir ah uga cabanaya saameynta cudurka safmarka ah ee COVID 19 uu ku yeeshay nolosha. . Suuqyada lagu iibiyo raashiinka quutul daruuriga ee magaalada Xudur ayaa ka jirin dhaq dhaqaaq ganacsi sababtuna waxa ay tahay cuddurka Fayriska Karoona oo saameyn weyn ku yeeshey ganacsigii iyo isu socodkii magaalooyinka. Magaalada Xudur oo aan waxba soo gelin iyo raashiinadii keydka ahaa oo qaali garoobey ayaa keentay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah lasoo deristay dadkii murugmaalka ahaa oo aan wax shaqo ah heysan iyo dadkii ganacsiga yar yar lahaa oo tafaariiqdaa gadayey. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in cudurka COVID 19 uu saameyay noloshada bulshada, iyadoo wax kiis ahna aan weli laga helin magaalada Xudur. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MUqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixinteedii maalin laha aheyd ee tafaasiisha cudurka Coronavirus, waxayna shaacisay kiisas hor leh, bogsasho iyo dhimasho uu sababay xanuunkaas. Tirada dadka saacadihii u dambeeyay laga helay xanuunka ayaa lagu sheegay inay gaareyso 47 qofood oo ku kala nool, Puntland, Banaadir, Somaliland iyo Koonfur Galbeed. Sidoo kale warbixinta wasaaradda ayaa lagu sheegay in laba qof ay u geeriyoodeen cudurka COVID-19, halka 15 kalena ay kasoo bogsadeen. Kiisaska ugu badan ee maanta la shaaciyey ayaa laga diiwaan geliyay deegaanada Puntland, waxaana laga helay 19-kiisa, Banaadir ayaa laga helay 13-kiis, Somaliland 8-kiis, halka deegaanada Koonfur Galbeed laga diiwaan geliyay todoba kiis oo Coronavirus ah. Waa markii ugu horreysay ee kiiska guud ee gobolka Banaadir laga weriyey 24 saac ay ka bataan meelaha kale ee dalka, waxaana maanta ka badan Puntland. Dadka cudurkaas laga helay 42 kamid ah rag, halka shanta kale ay dumar yihiin. Guud ahaan Soomaaliya tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus ayaa gaartay 1,502 xaaladood, 178 qofood ayaa kasoo bogsatay xanuunkaas, halka inta la ogyahay 59 kale ay u dhinteen.
-
Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta komeer ku tagay ciidamo tababar uu uga socday dugsiga tababarka ee Har-qaboobe ee degmada Guriceel kuwaasi oo loo tababarayo dagaalka ka dhanka ah dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab . Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa warbixin ku saabsan xaaladahooda ka dhageystay saraakiisha dugsiga, waxaana ka mid ahaa taliyaha qeybta 21-aad Generaalka Qooje ,Taliye ku xigeenka qeybta iyo taliyaha dugsiga ee Har-qaboobe iyagoo tilmaamay in lagu guuleystay ka soo gudbida marxalado adag oo ciidankaan lagu diyaarinayay sidoo kale sheegay in haatan ay diyaar uyihiin qabshada waajibkaadka la saaray ee dalka. Taliyaha ciidanka xoogga Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa ciidamada Dugsiga ku jira iyo saraakiishoodaba Ku amaaney dhabar adeega ay muujiyeen xiliga dheer ee tababarku socdey waxa uuna balan qaadey in loo dhameystirayo agabkooda si looga faa’iideesto Aqoontooda Ciidan iyo waalibaadka ka saaran ilaalinta dalka iyo u adeegida shacabkooda . “Dhammaan hogaanada,saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka ku jiraan xeradaan Har-qaboobe waxaan leeyahay waxaad muujiseen karti iyo awood sidaa daraadeed waxaan balan qaadeynaa inaan idin qalabeyn doono si aan cadawga ummadda aan uga dulqaadno”ayuu yiri taliyaha Ciidanka Xoogga dalka. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-habeen-19052020.mp3 View the full article
-
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay xanuunka Karoona ka bogsoodeen 15 qof taaso oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 178 oo ka dhigan inay xanuunka ka reysteen ku dhawaad 12% dadkii uu feyrusku haleelay. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 47 xaaladood oo kala jooga Puntiland, 19 gobalka Banaadir 13, Somaliland 8 iyo Koonfur Galbeed 7. Xaaladaha cusub 42 kamid ah waa rag, 5 kalana waa haween. 1,502 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay. Laba ruux ayaa cudurka COVID19 ugu geeriyooday Somailand iyo gobalka Banaadir waxaana tirada guud ee geeridu noqotay 59. Dowladda ayaa wadda dadaallo xooggan oo looga hor tegayo, laguna xakameynayo faafitaanka Feryruska karoona, laguna yareynayo saameynta uu bulshada ku yeelanayo, waxaana dhaqan galay amarro dowladdu soo rogsay si loogu guuleysto qorshaha xakameynta iyo sare u qaadidda bed-qabka bulshada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimadda Online) Dowladda Soomaaliya ayaa qaadeysa tallaabo ay dadka ku xayiran Kenya uga soo daad gureyneyso iyadoo la raacayo tilmaamaha iyo taxadarka xanuunka COVID19, balse mid ka mid ah warbaahinta dalkaas ayaa safaaradda Soomaaliya ku eedeeyay iney sameynayeen baaritaanno qarsoodi ah oo ku aadan Coronavirus. Talafashinka Citizen oo ka mid ah kuwa afka dheer ayaa aaminsan inuu hayo muuqaalo cadeynaya in muwaadiniin Soomaaliyeed lagu sameeyay baaritaan qarsoodi ah oo la xiriira Coronavirus. TV-ga wuxuu leeyahay dadka waxey galayeen dhismo ay ku marayeen baaritaan qarsoodi ah, sidoo kalana wuxuu soo bandhigay warqado cadeynaya in sheybaarka Lancet uu yahay halka uu baaritaanka ka dhacay, kaasi oo mid ka mid ah quburadooda uu markii dambe twitter-ka ku beeniyay warka uu baahiyay TV-ga. Si kastaba Maxamuud Axmed Nuur Tartan oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, isla markaana ku hawlan howsha daad gureynta ayaa BBC-da uga warramay wax walba, wuxuuna siiyay wareysi cod ah uu ku beeninayo arintaas. “Marka hore Safaaradda Soomaaliya isbitaal ma lahan, mana jiro isbitaal ay heshiis la gali karto” “Isbitaalkaan dowladda Kenya ayaa tilmaam bixisay oo tiri qofkii ka baxaya, anagana xaq waxaan u leenahay in dadkeena ku xayiran halkaan aan ka daad gureyno, dowladda Kenya iyo dowladeena Soomaaliyana waan isku waafaqnay.” “Shardi waxaa ah in qofka baxaya uu ka caafimaad qabo Coronavirus, marka waa inuu is hubiyo, shirkadaan la dhaho Lancet waxey ku taallaa meelo kala duwan, meel walba ayey ku taallaa, sababta aan kan u isticamaaleyno waxey tahay sababtoo ah Islii ayey dadka ka imaanayeen, waxaana la galiyay Karantiil, waana isbitaal ay dowladdu cayintay” “Anagu waxeena sir maahan waa wax dowladdu ogtahay, Liiskii lasoo qaaday ee baxaya ee la hubiyay caafimaadkooda waxaan u dirnay wasaaradda arrimaha dibadda” Safiirka wuxuu sidoo kale si adag u sheegay iney jiraan shaqsiyaad Soomaali ah oo ka xun shaqada ay qabaneyso Safaaradda. isla markaana soo abaabulay halkaan, wuxuuna adeegsaday hadal adag oo ah in Soomaalidu iyadu cadaw isku tahay. Tarsan wuxuu sidoo kale sheegay in kaliya Sheybaarka Lancet uusan aheyn meesha ay dadka iska baari karaan, kaliya dad lagu qiyaasay 18 qofood oo kaliya ay iska baareen sheybaarkaan ku yaalla Islii iyadoo la ogyahay iney safaaraddu soo daad gureyneyso marka hore 107 qofood sida uu safiirka sheegay. Dhanka kale Dr. Axmed Kalebi oo ka mid ah quburada caafimaad ee ka hawlgala sheybaarka Lancet ayaa barta twitter-ka kaga jawaabay arinta wuxuuna sheegay ineysan jirin wax sir ah oo ay u sameeyeen safaaradda Soomaaliya, wuxuuna warbixinta TV-ga Citizen ku sheegay mid been abuur ah oo aan sal iyo raad toona laheyn.
-
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay xanuunka Karoona ka bogsoodeen 15 qof taaso oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 178 oo ka dhigan inay xanuunka ka reysteen ku dhawaad 12% dadkii uu feyrusku haleelay. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 47 xaaladood oo kala jooga Puntiland, 19 gobalka Banaadir 13, Somaliland 8 iyo Koonfur Galbeed 7. Xaaladaha cusub 42 kamid ah waa rag, 5 kalana waa haween. 1,502 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay. Laba ruux ayaa cudurka COVID19 ugu geeriyooday Somailand iyo gobalka Banaadir waxaana tirada guud ee geeridu noqotay 59. Dowladda ayaa wadda dadaallo xooggan oo looga hor tegayo, laguna xakameynayo faafitaanka Feryruska karoona, laguna yareynayo saameynta uu bulshada ku yeelanayo, waxaana dhaqan galay amarro dowladdu soo rogsay si loogu guuleysto qorshaha xakameynta iyo sare u qaadidda bed-qabka bulshada. View the full article
-
Wafdi uu hogaaminayo Senatar Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid isla markaana ay qeyb ka yihiin maamulka Gobolka Mudug kan degmada Gaalkacyo ayaa gaaray Degaanka Taarroge oo dhanka galbeed uga aadan magaalada Gaalkacyo, qiyaastii u jira 9km oo saakay ay ku dagaalameen maleeshiyaad ka soo kala jeeda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland. Mas’uuliyiintaan ayaa ku guuleystay hakinta Dagaalkaan, waxaana la soo sheegayaa inay dib u kala rareen ciidamadii dirirtu u dhexaysayay, mas’uuliyiinta maantay ku baxay kala celinta maleeshiyaadka Dagaalamaya ayaa maalmahaan waday dib u heshiisiin looga samayn lahaa degaankaasi oo colaadiisu taagnayd todobaadyadaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhammaan Shacabka reer Somaliland iyo maamulkoodu waxey mudanyihiin in aan ku bogaadino guullaha ay ka gaareen nabadda, horumarka, dib-uheshiinta, hannaanka doorashooyinka, wadajirka bulshadda iyo hirgalinta nidaamka axsaabta. Qof walba oo nabad iyo nidaam ka hirgaliyay taako ka mid ah dhulka Soomaaliddu degto waa tusaale xigasho iyo ammaan mudan. Maanta 29 sano ayaa laga joogaa markii ay walaalaha reer Soomaliland iclaamiyeen gooni isu-taag dhankooda ah. Dhalaankii maalinkaas dhashay, hada waa masuul iyo aqoonyahan talada qeyb ka ah. Haddaba si jiilka noocaas ah loogu qanciyo wadajirka iyo midnimadda Soomaaliya waa arrin u baahan qorshe weyn, faham caafimaad qaba, qirrasho sugan, dad ku dhacleh iyo tanaasul siyaasadeed. Waxaan ka mid ahaa dadkii hormuudka u ahaa wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland xilligii Dowladdii hore. Waxaan xusuustaa iney walaallaheen reer Somaliland dabacsannaan muujiyeen, howshuna ay joogtay meel fiican oo laga sii amba-qaadi karay, laakiin nasiib daro xukuumadda hada jirta ee Soomaaliya ayaan ahmiyad badan siinin maqnaanshaha Somaliland iyo midnimadda dalka. Inta ay Somaliland naga maqantahay, ma jiri karto qaranimo taam ah, wax badan ayaana Dowladnimadda Soomaaliya uga xayiran wadahadalladaas, sidaa darteed waxaan codsanaya in Dowladda Federaalka ah ay dib u billaawdo wadahadalladii socday oo xaggeeda ka xayirmay. Waxaana ku talinayaa maadaama qadiyadda Somaliland ay noqotay mid 30 jirsatay in howsha lagu wajaho geedi socod wadahadal oo ka fog laab-lakac, gacan maroojin huwan isxambaar siyaasadeed oo bilaa qorshe ah iyo khiyaano. Qof walba oo Villa Soomaaliya qabta, waa loo xisaabin doonaa waqtiga uu galiyay iyo sida uu u maareeyay qadiyadda Somaliland oo ah arin muhiim u ah wadajirka umadda Soomaaliyeed. Mahad-badan Abdikarim Hussein Guled Source
-
Washigton (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii ku hanjabay inuu si joogto ah u joojin doono maal-gelinta hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, haddii aysan ballan-qaadin inay horumarro ku sameyn doonto 30 maalmood gudahood. Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu dib uga fakari doono xubinnimada Mareykanka ee hay’addaas. Trump ayaa bishii tagtay si ku-meel gaar ah u joojiyey tabarucaaddii Mareykanka ee WHO, isaga oo ku eedeeyey inay taageereyso “akhbaaraadka qaldan” ee Shiinaha ay ka bixinayaan cudurka Coronavirus, eedeymahaas oo WHO ay beenisay. “Haddii WHO aysan ku ballan-qaadin horumarro weyn oo la taaban karo 30-ka malamood ee soo socda gudahood, waxaana hakinta ku-meel gaarka ah ee aan ku sameeyey maal-gelinta WHO ka dhigi doonaa mid joogto ah, waxaana dib uga fakari doonaa xubnnimadeeda,” ayuu Trump ku sheegay warqad uu u diray agaasimaha WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo uu twitter-ka soo dhigay. Trump ayaa horey u sheegay in WHO ay sameysay “shaqo laga niyad jabo” marka ay timaado habka ay ula tacaashay fayruska, islamarkaana uu dhowaan qaadan doono go’aanka Mareykanka ee maal-gelinta WHO. Warqaddan ayaa Trump waxa uu ku sheegay in waddada kaliya ee horey loogu socon karo ay tahay in WHO ay muujiso inay ka madax-banaan tahay Shiinaha, wuxuuna intaas ku daray in maamulkiisa uu goor horeba billaabay wada-hadallo dib u habeyn oo uu la leeyahay Tedros. WHO ayaa Isniintii sheegtay in dib u eegis madax banaan oo lagu sameynayo jawaabta caalamka ee Coronavcirus loo billaabi doono sida ugu dhaqsiyaha badan, islamarkaana taageero iyo ballan-qaad maal-gelin oo weyn ay ka heshay Shiinaha, oo ah dalka uu fayruska kasoo billowday. REUTERS + VOA
-
Kenyan police have thwarted an attack by suspected Somali militants al Shabaab after the group engaged a fierce clash with Kenyan police forces in Garissa county, the northeast part of the east African nation. Police confirmed. North Eastern Regional Commissioner Nick Ndalana said that al-Shabab extremists launched an attack after a vehicle belonging to Kenyan police officers ran over a homemade bomb along the Bura-East-Garissa Lappset road on Monday. He further added that the IED exploded behind the vehicle. “We got information that the suspected militants were around and our police officers were on patrol. After they (militants) noticed the vehicle missed the IED they had planted, they started shooting at the police officers,” Mr Ndalana said. Local authorities reported that the rear right tyre of the police Toyota Land Cruiser was punctured by an enemy bullet. The vehicle’s body also had five bullet holes. Mr Ndalana confirmed that no casualties were reported. The incident came two days after suspected Al-Shabaab militants destroyed a Safaricom communications mast in Khorof Kharar in Wajir County. Based in the Horn of Africa, the al-Qaeda-linked group initially concentrated its attacks in Somalia, where it wants to overthrow the Western-backed government. But since 2011, the group has increasingly been targeting Kenya. In 2013, it claimed responsibility for a deadly shopping center attack in the Kenyan capital, Nairobi,that killed more than 60 people. In December 2014, al-Shabab killed 38 non-Muslims at a quarry after separating them from Muslim workers. In April 2015, an assault on a university in the town of Garissa left at least 147 dead. Kenyan troops entered southern Somalia in 2011 to fight Al Shabab fighters following a spate of kidnappings in its coastal region. Kenya sent its troops into neighboring Somalia to target al-Shabab fighters, whom it blamed for the abductions. Al-Shabab denied involvement in the kidnappings. Kenyan troops, backed by Somali soldiers, pushed al-Shabab out of several towns controlled by the group in southern Somalia. Al-Shabab then started carrying out deadly attacks in Kenya, saying they were in retaliation for Kenyan troops crossing into Somalia. Al Shabaab, the deadliest Islamic organization in Africa declared their allegiance to Al-Qaeda in 2010.
-
Qaran News
-
Madaxweyne-Xigeenka Puntland Oo Cunaqabteyn la saarey Wararakiisa in Laga baahiyo Warbaahinta Ku Hadasha Afka Maamulka Puntland Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland, Axmed Karaash ayaa cuno qabatayn laga saaaray in wararkiisa lagu baahiyo xarumaha warbaahinta ku hadasha afka maamulka Puntland, sida Puntland Tv iyo baraha internetka. Arintaan ayaa loo sababeynayaa inay qeyb ka tahay khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweyne Deni, khilaafkaas oo ka dhashay xil ka qaadis madaxweynuhu ku sameeyay sarkaal katirsan madaxtooyadda. Xayiraada wararka madaxweyne ku xigeenka waxay kasoo bilaabatay kadib markii la joojiyay ama laga saaray baraha warfaafinta maamulka tacsi uu ka diray dilkii guddoomyihii gobolka Mudug Mas’uuliyiinta madaxda ka ah xarumahaas warbaahineed wax faallo ah kama bixin sababta madaxweyne ku xigeenka wararkiisa loo mamnuucay. Ma ahan markii ugu horreysay oo ay arrintaan dhacdo, balse waa arin soo laalaabata mar walba oo ay isqabtaan labada masuul ee ugu sarreeya Puntland. Arinta kale ee xusida mudan waxay tahay in Axmed Karaash uu sameystay bog baraha bulshada ah oo wararkiisa lagu faafiyo, waana markii ugu horreysay oo ay dhacdo in madaxdu kala yeeshaan laba warfaafineed. Inastoo ay socdeen dadaalo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka mas’uuliyiinta Puntand, balse wax natiijo ah kamasoo bixin. Qaran News
-
Rome (Caasimadda Online) Silvia Romano oo ah gabar la heyste u aheyd Al-Shabaab muddo 18-bilood ah, dibna loogu celiyay dalkeeda kadib markii la bixiyay madax furasho, ayaa qabsatay warbaahinta isbuucyadii ugu dambeeyay, waxeyna wax walba ku saabsanaayeen shaki laga muujiyay dharka ay xirneyd iyo iney la baxsay sida la sheegay Caa’isha. Caa’isha Romano mar kale ayey gilgishay gudaha Talyaaniga kadib markii ay barteeda Facebook-ga soo dhigtay aayado qur’aan ah oo sida laga fahmay ay ugu jawaabeyso dadka u hanjabay iyada, waxaana jirta in dad badan ay dhaleeceyn dusha uga tuureen. Sida sawiirka hoose ka muuqata aayadaha ay soo dhigtay baraha bulshada oo ay ku fasirtay luqadda talyaaniga waxey ku jiraan suuradda 41-aad ee Qur’aanka (Fussilat) oo ka kooban 45 aayadood , waana suurad qeybaheeda hore ay kusoo dagtay magaalada Makka halka qeybaha dambe ay kusoo dagtay magaalada Madiina. Iyadoo ay taasi jirto ayaa gabar Soomaali (Talyaani) ah oo warbaahinta ka shaqeysa ayaa walaac weyn ka muujisay qoraalka gabadhaan iyo adeegsiga aayadaha, waxeyna aaminsan tahay iney gabadhaan qiil u raadineyso kooxahii heystay oo ay ku tilmaameyso kuwa hadda cadaw u muuqda balse ay noqon karaan saaxiibo. Shukri Saciid waxey leedahay macnaha hadalka Silvia (Caa’isha) wuxuu iila muuqdaa iney kooxaha xagjirka ah oo ay dadka u heystaan dad xun, sidoo kalana ay aragti ahaan u heystaan dad cadaw ah iney saaxiibo noqo karaan, balse ay u baahan tahay samir. Shukri waxey sidoo kale aaminsan tahay in kooxahii afduubayaasha iyo Silvia Romano ay isku milmeen oo ay noqdeen dad wada nool, halka markii hore loo heystay qof la qafaashay iyo koox wax qafaalatay. Shukri oo BBC-da la hadashay waxey farta ku fiiqeysaa in walaacii dadka aan la dhicin iney diinteeda badashay ay sii kordhi karto maadaama ay difaaceyso kooxahii heystay sidey ka fahmeen hadalka ay kusoo qortay baraha Bulshada. Warbaahinta Talyaaniga aad ayey arinkaan u hadal qaadeen, waxaana jirtay in dowladda talyaaniga ay dhawaan bilowday baaritaan la xiriira hanjabaado ka dhan ah gabadhaan oo lasoo gaarsiiyay, dad badan ayaa qaba in dowladda talyaaniga ay ku qaldantay iney sii deyso ama ay dadaal badan ku bixiso in lasii daayo maadaama ay ka caroodeen iney diinteeda badashay.