Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha wasiirrada xukuumadda xil gaarsiinta dalka, ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku meel mariyeen hab-raaca hoggaanka hubka iyo rasaasta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda difaaca dalka. Hoggaanka Hubka iyo Rasaasta Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa qeyb ka ah hoggaannada muhiimka u ah shaqooyinka CXD, waxaana habraaca maanta la ansixiyay oo qeyb ka ah qorshaha dib-u-habeynta ciidanka uu sare u qaadayaa hufnaanta iyo horumarinta awoodda ciidanka si ay ugu guuleystaan dadaallada xoreynta guud ahaan dalka iyo nabad dhisidda si mawaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan amni buuxa. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa guddoomiyay shirka golaha oo sidoo kale looga hadlay amniga dalka, xaaladda COVID-19 iyo dayn cafinta. Daawo Warka Ka Soo Baxay Shirka Golaha wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/whats-2.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo dhowr sano ku jiro xabsi guri ay kor kala socoto Dowladda Soomaaliya ayaa hanjabaad culus hawada usoo mariyey Dowladda Mareykanka kadib markii duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday degmada Saakow lagu dilay Cabdulqaadir Cusmaan Yarow Kumandoos. Sheekh Xasan ayaa sheegay in C/ Cabdulqaadir Kumaandoos uu xanuunsanaa isla markaasna uu ahaa bukaan socod, wuxuuna tilmaamay in la dilay isagoo gurigiisa iska joogo oo aan wax dagaal ah ku jirin sida uu hadalka u dhigay. Sheekh Xasan ayaa Dowladda Mareykanka ugu hanjabay inay la kulmi doonaan wax ay taariikhda xusi doonto haddii aysan jawaab deg deg ah ka bixin duqeyntii lagu dilay Kumaandoos xilli uu muuqaal uu soo duubay soo dhigay baraha Bulshada. “Haddii aadan kasoo garbixin godobtaas waxaan bixin doonaa jawaab adag, waxaana reebi doonaa raad qarniyo badan aad xusuusataan. Anigoo idiin xiran oo xabsi kujira ayaan idiin hanjabayaa..wuxuu noqon doona arrin qarniyo socda.. haddii aadan jawaab sax ah ka bixin idinkaa eedi doona.. inaad eedaan ayaan idinn tusin doonnaa… waa idin dilaa ma lihi laakiin wax taariikh reebi doona ayey noqoneysaa” ayuu yiri. Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sii hadlayey ayaa sheegay in Cabdulqaadir Kumaandoos uu ahaa shakhsi ka tirsan ciidamada Qalabka sida isla markaasna wuxuu ku nuux nuuxsaday inuu ka dhintay Soomaalida oo dhan. “Kumandoos wuxuu ahaa wiil Soomaaliyeed. Soomaali ayuu ka dhashay, Soomaali ayaa soo korsatay, Soomaali ayaa soo waxbartay, Soomaali ayuuna wax u taray, sida magaciisa ka muuqata wuxuu ka tirsanaa ciidamada Qalabka sida sidaas darteed dilkiisa waa godob Soomaali oo idil laga galay”. Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Kumandoos ayaa ahaa laba shakhsi oo saaxiibo ah oo muddo badan isla soo galmay, waxaana xusid mudan in Kumandoos uu kamid ahaa saraakiishii Milateriga ee Xoogga dalka Soomaaliya, kadibna wuxuu ka mid noqday ururkii Al-itixaad, wuxuu qeyb ka ahaa dagaalkii ciidamada Itoobiya lagula galay Muqdisho 2007 – 2009, wuxuu xoghayaha difaaca ka ahaa ururkii Xizbul Islaam ee uu hogaaminayay Sheekh Xasan Daahir Aweys, markii danbena wuxuu ku biiray Ashabaab isagoo oday iyo hoggaamiye. Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin hanjabaadda kasoo yeertay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xabsi guri ugu jiro, waxaana suuragal ah in arrintaan ay abuurto xiisad culus. The post Xasan Daahir Aweys oo hanjabaad culus hawada usoo mariyey Mareykanka first appeared on Caasimada Online.
  3. Sii haya Xilka Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda ayaa Maanta si rasmi ah ula wareegay Gaadiidka Gaashaaman oo Dowladda Turkiga ay ku deeqday Soomaaliya. Munaasabad kooban oo lagu qabtay Dekadda Muqdisho taas oo ay joobjoog ahaayeen Sii haya Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ,Taliyaha Xoogga Jeneraal Odawaa yuusuf Raage iyo Safiirka Dowladda Turkiga u joogaa soomaaliya ayaana loogu wareejiyay gaadiid Gaashaaman oo ah nuuc casri ah . Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo xoogan oo lagu dhisayo Ciidanka Xoogga Waxaana arimahaas barbar socda qalabeynta Ciidamada ,iyadoo qalabkan looga mahad-celiyay Dowladda Turkiga. Sidoo Kale Eeg Sawiradda Qalabka Lagu Wareejiyay Dowladda Soomaaliya Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Golaha wasiirrada xukuumadda xil gaarsiinta dalka, ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku meel mariyeen hab-raaca hoggaanka hubka iyo rasaasta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda difaaca dalka. Hoggaanka Hubka iyo Rasaasta Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa qeyb ka ah hoggaannada muhiimka u ah shaqooyinka CXD, waxaana habraaca maanta la ansixiyay oo qeyb ka ah qorshaha dib-u-habeynta ciidanka uu sare u qaadayaa hufnaanta iyo horumarinta awoodda ciidanka si ay ugu guuleystaan dadaallada xoreynta guud ahaan dalka iyo nabad dhisidda si mawaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan amni buuxa. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa guddoomiyay shirka golaha oo sidoo kale looga hadlay amniga dalka, xaaladda COVID-19 iyo dayn cafinta. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  5. (SLT-Hargeysa)-Go’aan ay soo saartay maxkamadda sare ee Somaliland ayay ku sheegtay in doorashada soo socota ee Golaha Wakiillada Somaliland lagu gali doono qaabkii horey loogu galay 2005tii. Doorashada qaabkan ah ayaa waxaa diidan qaar kamid ah bulshada gobolka Awdal. Source
  6. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-habeen-2782020.mp3 View the full article
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Haramcad ee Dowladda Soomaaliya ayaa Xalay weerar ku qaaday guriga uu Magaalada Muqdisho ka dagan yahay Taliyihii hore ee ciidamada Milatariga Axmed Jimcaale Cirfiid. Guriga ay ciidamada Haramcad weerareen ayaa wuxuu ku yaalaa agagaarka Isgoyska Taleex, waxaana halkaas tagay ciidamo ka tirsan Haramcad. Ciidamada ayaa guriga taliyaha ka qaatay hub badan iyo qoryaha fudud, sidoo kalana waxay isku dayeen inay qaataan gawaari halkaas taalay balse uma suurtagelin. Ciidamada Hamracad ee weeraray guriga taliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Cirfiid ayaa jabiyey albaabka hore ee guriga xilli uu taliyaha ka maqnaa. General Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa la sheegay inuu safar debadda ah ku maqan yahay sababo la xiriiro dhanka Caafimaadka. Illaa hadda lama oga sababta keentay weerarkaan, mana aysan ka hadlin Dowladda Federaalka Soomaaliya. The post Ciidamada Haramcad oo hub ka qaatay guriga taliyihii hore ee Ciidamada Xoogga first appeared on Caasimada Online.
  8. Borama (PP News Desk) — Somaliland authorities in Awdal have denied Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi entry into Somaliland. Dugsiye accused Somaliland government of disrespecting the traditional leader whom RRU denied entry into Somaliland. A large number of residents from Borame travelled to Gorayo-awl to welcome the traditional leader. Soldiers from Rapid Response Unit deployed at border between Somalia and Ethiopia opened fire on people who objected to the decision to prevent the influential tradional leader from entering Awdal region. Ugas Abdirashid Ugaas Roble. One young man had sustained serious injuries and was rushed to Borame General Hospital. Clips of videos shared on the social media show people shouting anti-Somaliland slogans, apparently angry at the decision to deny the tradional leader entry into Somalia. Homecoming: People who travelled from Borama to welcome Ugas Abdirashid had unfurled a slogan emblazoned with “Welcome” in Somali. Musse Arab Dugsiye, the Spokesman for Ugas Abdirashid, has accused Somaliland Government of depriving citizens of their political rights and disrespecting the traditional leader. Influential tradional leaders and politicians have vowed to boycott Somaliland parliamentary elections unless the power-sharing system gets reformed. © Puntland Post, 2020 The post RRU “Denies” a Tradional Leader Entry into Somaliland appeared first on Puntland Post.
  9. Rabashado iyo iska horimaado sababay dhimasho iyo dhawaac ayaa magaalada Boorame maanta ku dhexmaray Shacbiga Reer Awdal iyo Ciidamada Maamulka Muse Biixi ee Hargeisa. Banaanbaxyada [...] The post Daawo : – Somaliland oo u diiday in Ugaaska Beesha Gudobuursi soo galo Boorame iyo Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay falkaas. appeared first on . Source
  10. Boorama (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay go’aan aan la shaacin oo lagu hor istaagayo inuu gudaha deegaanadeeda uu soo galo Ugaaska Beelaha Awdal Clan, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble, sida ay ogaatay Caasimdaa Online. Go’aankaasi ayaa gebi ahaanba ka hor imanayey inuu magaalada Boorama usoo gudbo ugaaskaasi, xili uu kasoo tallaabayay xadka dhulka ah ee ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya. Ciidamo badan oo fulinaya amarkaasi ayaa rasaas ku kala eryay dad badan oo rabay inay soo dhaweeyan ugaaska, xilli ay weli taagan tahay xiisad ka dhalatay qabsoomida doorashooyinka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, rasaasta ay fureen ciidamadu ayaa sababtay dhaawaca wiil dhalinyaro ah, kaasi oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Barkhad. Waxaana gudaha gobolka, gaar ahaan Boorama ka bilowday rabshado hor leh oo ka dhan ah go’aankaasi, iyada oo gebi ahaanba ay xiran-yihiin waddooyinka muhiim ah. Gobolka Awdal ayaa hore u qaadacay in doorasho aan dib u eegis lagu sameyn saami-qeybsigeeda ay galaan, midaasi oo la rumeysan yahay inay arrintaasi ku lug leedahay imaanshihiisa. Xukuumada Muuse Biixi oo xasaasiyad gaar ah ka qabta in dhaq-dhaqaaq cusub uu ka bilowdo gudaha gobolkaas, ayaa horseed u ah inay gebi ahaanba Somaliland ka mamnuucdo Ugaas Cabdirashiid. The post Go'aan kasoo baxay Somaliland oo maanta rabshado hor leh ka abuuray G/Awdal first appeared on Caasimada Online.
  11. Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo gaba gabeeyay booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland intii u dhaxaysay 24 ilaa 27 Bishan August 2020. Madaxweynaha ayaa intii uu halkaas ku sugnaa waxaa uu kulamo miro dhal ah la qaatay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoonka Baarlamaanka. Kulamada uu Madaxweynahu la qaatay Masuuliyiinta Puntland ayaa diirada lagu saarayay iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya labada Dowladood iyo Arimaha Siyaasada dalka. Madaxweynahu wuxuu uga mahad celiyay Masuuliyiinta iyo Shacabka Puntland sidii milgaha lahayd ee ay usoo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa. Sidoo Kale Aqriso Warmurtiyeedkii Ka Soo Baxay Labada Dhinac Saciid Deni Iyo Axmed Madoobe Oo Guul Iyo Horomar Ku Sheegay Shirarkii Ugu Qabsoomay Garoowe Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha golaha aqalka sare Cabdi Xaashi C/laahi oo maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb. Ugu horreyn Madaxweyne Qoo-Qoor ayaa uga mahaceliyey guddoomiyaha imaashiyha caasimadda Galmudug, halkaas oo uu caawa uga qeyb-galayo munaasabadda furitaanka Kalfadhiga labaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Sidoo kale Qoor-Qoor ayaa guddoomiyaha aqalka sare warbixin dheer ka siiyey xaaladda Galmudug iyo horumada laga dareemayo deegaanada maamulkaasi. Dhankiisa Cabdi Xaashi oo madasha ka hadlay ayaa boggaadiyey dadaalka uu sameeyey Madaxweynaha Galmudug, isaga kula dar-daarmay inuu xoojiyo dib u heshiisiinta. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Madaxweynaha Galmudug dadaalladii uu ka geystey sidii la isugu soo dhoweyn lahaa madaxda dowlada dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, kadib shirarkii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb. Cabdi Xaashi ayaa waxaa sidoo kale la filaya inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb in uu la kulmo guddoonka baarlamaanka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. The post Maxay ka wada-hadleen Qoor-Qoor iyo guddoomiye Cabdi Xaashi? first appeared on Caasimada Online.
  13. Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Goboleedka Galmudug Mudane Cali Dahir Ciid ayaa Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Xassan Bin Xamsa. Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay arimaha Hormarinta Galmudug iyo kaalinta ay Dowlada Qatar ka qadanayso dib u dhiska Hay’adaha kala duwan ee Dowlada Galmudug. Sidoo kale, waxaa la isku soo qaaday sidii Dowlada Qatar ay Galmudug uga caawin lahayd dhismaha Ciidanka Daraawiishta ee Galmudug. Ugu dambeyn kulankaan ayaa waxaa uu ku soo dhamaday is afgarad, waxaana Safirka Qatar uu Galmudug ku amaanay horumarka ay samaysay mudadii koobnayd ee ay jirtay oo la xusi karo dadaalada ay ugu jirto dibu dhiska iyo Mideynta dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaasi. View the full article
  14. Hal ruux ayaa ku dhaawacmay mudaharaad maanta ka dhacay magaalada Boorama. Mudaharaadkan ayaa la sheegay in uu yimid ka dib markii magaalada laga hor istaagay in uu gudaha u soo galo Ugaaska Beelaha Awdal Clan. Muddooyinkii ugu dambeeyay gobolka Awdal ayaa waxaa ka taagnayd xiisad la xidhiidha saami qeybsiga Golaha wakiillada Somaliland, halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Waxaan halkan idin kugu soo koobeynaa magacyada Soomaalidii ku dhintay weerarkaasi. Waxay u tageen New Zealand inay nolol cusub ka abuurtaan iyaga iyo qoysaskooda. Cabdiqaadir Cilmi Wuxuu ahaa aabbe 70 sano jir ah oo dhalay afar carruur ah. Wuxuu ka yimid Soomaaliya, wuxuuna ka mid ahaa dadkii lagu dilay masaajidka Al Nuur. Wiilkiisa Saciid ayaa gaaray masaajidka iyadoo uu weerarku socday, ninka hubeysan markii uu arkayna wuu ka cararay goobta. “Waa arrin naxdin badan leh. Aabbahey wuxuu ka badbaaday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya. Ma uusan lahayn waxyaabahaasi oo kale ayaa ka dhici kara New Zealand,” ayuu yiri Saciid oo la hadlay wargeyska Washington Post. Mucaad Ibraahim Mucaad oo seddax sano jir ahaa ayaa noqday qofkii ugu da’da yaraa ee lagu dilay weerarkaasi. Wuxuu la socday walaalkii Cabdi iyo aabihii oo labaduba ka badbaaday weerarka. Walaalkii Cabdi ayaa sheegay in Mucaad uu ahaa “wiil firfircoon, ciyaar badan, oo mar kasta qosoli jiray, aadna u dhoola caddeyn jiray” Muuse Nuur Cawaale Muuse Nuur Cawaale wuxuu markii hore ka yimid Soomaaliya. Xaas ayuu ifka kaga tagay, balse ma uusan dhalin carruur, sida lagu daabacay barta uu internetka ku leeyahay waregeyska Stuff News. Waxaa la sheegay inuu ahaa macallin darasaadka Islaamiga ah ka bara iskuulka Hagley iyo masaajidka Al Nuur. Qaran News
  16. Qabiil ka kooban 53 qof ee laga cabsi qabo inuu Dunida ka dabar go’o Qabiil fog oo deggan Jasiiradaha Andamans ee ka tirsan dalka Hindiya ayaa laga helay kiiskii ugu horreeyay ee coronavirus ah. Afar xubnood oo ka soo jeeda qabiilka “Greater Andamanese” ayaa laga helay cudurka Covid-19, sida uu sarkaal caafimaad BBC-da u sheegay. Labo ka mid ah ayaa la dhigey isbitaal, halka labada soo hartayna lagu karantiilay xarun daryeel. Qabiilkan ayaa la rumaysan yahay inay ka kooban yihiin 53 qof, oo ku nool mid ka mid ah 37-ka jasiiradood ee noloshu ka suurtawdo oo ay ku xeeran yihiin deegaanno aan la gaadhin. Jasiiradaha bariga ka xiga ee Andamans iyo Nicobar ayaa waxay diiwaan geliyeen 2,985 kiis oo Covid-19 ah iyo 41 dhimasho oo ka dhalatay cudurkaas tan iyo markii ugu horaysay ee fayraska laga helay bilowgii bishii June. Kiisaska ugu horreeya ee cudurka ‘Covid-19’ ee ku dhacay qabiilkan aadka u tirada yar, siina dabar go’aya ee Andamanese ayaa la ogaadey isbuucii hore markii dhammaan 53-da xubnood lagaga baadhay cudurka goobta Strait Island, oo u dhow caasimadda Blairir, halkaas oo ay ku nool yihiin. Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda Caafimaadka, Dr Avijit Roy oo la hadlay BBC ayaa sidaasi sheegay. Shaqaalaha caafimaadka iyo gurmadka deg-degga ah ayaa doomo u raacay jasiiraddaasi toddobaadkii la soo dhaafay si ay usoo baadhaan qabiilkan muddo hal maalin gudaheed ah. “Dhammaantood waxay ahaayeen dad iskaashada oo noloshoodu isku xidhan tahay,” ayuu yidhi Dr Roy. “In badan oo kamid ah xubnaha qabiilkan waxay u kala safraan inta udhaxeysa Port Blair iyo jasiiraddooda, waxaana suuragal ah in cudurka intii ay safarradaa ku jireen uu ku dhacay,” ayuu yidhi. Qaar ka mid ah xubnaha qabiilkan ayaa xitaa ka shaqeeya shaqooyin yaryar oo magaalada gudaheeda ah. Dr Roy wuxuu sheegay in ay hadda mudnaanta koowaad siinayaan sidii loo hubin lahaa in cudurka uusan ku faafin jasiiradaha kale. “Waxaan ilaalinaynaa oo si dhaw ula soconaynaa dhaqdhaqaaqyadooda annagoo mar walba baari doonna,” ayuu yiri. Andamans waxay hoy u tahay shan qabiil oo nugul, qarkana u saran inay dabar go’aan, waxayna kala yihiin: Jarawas, North Sentinelese, Great Andamanese, Onge iyo Shompen. Jarawas iyo North Sentinelese lama dhaqmaan intooda kale. Waxayna cadaw u yaqaannaan shisheeyaha oo dhan, qofna uma ogola inuu soo galo jasiiraddooda. Sanadkii 2018-kii, muwaadin Mareykan ah oo la yirahdo John Allen Chau, ayaa waxaa lagu toogtay qaansooyin iyo fallaaro kaddib markii uu isku dayay inuu halkaas soo eego. Dalxiiseyaal badan ayaa basas u raaca si ay usoo arkaan qabiilka Jarawas Hayadda Tirokoobta Dadyowga ee fadhigeedu yahay London ee Survival International, isla mar ahaantaana u doodda xuquuqda qabiilladaasi, ayaa sheegtay in Greater Andamanese ay ahaayeen 5,000 qof markii British-ku guumeysanayeen jasiiradahaas sannadkii 1850-kii. Muddo dheer oo ay la daalaadhacayeen saamaynta xanuuunno badan kaddib ayey tiradooda guud ahaaneed hoos u dhacday. Sannadkii 2010, Boa Senior, oo ahaa af-yaqaankii ugu dambeeyay ee ku hadli kara luuqadaha Great Andamanese wuxuu dhintey isagoo jira da’da 85. Jasiiraddan waxaa badanaa loo yaqaan “riyada cilmi baarayaasha bini’aadanka” waana aagagga ugu badan ee lagaga hadlo luuqadaha kala duwan ee adduunka. Dhanka kale, 476-xubnood oo ka soo jeeda qabiilka reer-guuraaga ah ee Jarawa, oo iyana ku nool kayn aad u ballaaran oo u dhexeysa koonfurta iyo bartamaha Andamans, ayaa durba la raray oo ku go’doonsan qaybta ugu fog ee hawdka kadib markii uu faafay cudurka, sida ay saraakiishu sheegeen. Kooxo ka kooban shaqaalaha caafimaadka iyo dhakhaatiir ayaa loo diray si ay usoo baaraan in kabadan 115 xubnood oo ka tirsan qabiilka Ongi ee iyagana kula nool hal jasiirad, sida uu sheegay Dr Roy. Xubnaha qabiilka Shompen ayaa sidoo kale la baari doonaa. Andamans waxay hoy u tahay “dad si gaar ah khatar ugu jira” oo ay ka mid yihiin qabiillada Jarawas iyo North Sentinelese Shaqaalaha gurmadka iyo shaqaalaha caafimaadka ee u safraya jasiiradaha ay ku noolyihiin qabiillada halka meel ka soo wada jeeda ayaa la rabaa in ay soo caddeeyaan oo iskasoo baaraan ‘Covid-19’ ka hor inta ayan safrin, waxaana la karantiilay hal toddobaad markii ay soo noqdeen. Dr Roy wuxuu sheegay in kiisaska “Covid-19” ee laga helay 10-kan jasiiradood aysan badnayn illaa hadda. Qabiilka Andamans ayaa waxay leeyihiin labo isbitaal, seddex xarumo caafimaad iyo 10 xarumood oo lagu daweeyo bukaanada Covid-19. Waxay sidoo kale leeyihiin mid ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee imtixaanka Hindiya. Qaran News
  17. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa faah faahin ka bixiyay sababaha ka dambeeyay inay Magaalada Garoowe kulan gaar ah ku yeeshaan isaga iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Deni waxaa uu sheegay in shirkaasi uu lahaa hal ujeedo oo ah sidii Madaxda Puntland iyo Jubaland ay mowqif midaysan uga yeelan lahaayeen Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada 2020/2021. Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegay in shirkii ay Magaalada Garoowe ku yeesheen isaga iyo Madaxweynaha Jubbaland uu kusoo dhamaaday guul, isla markaana ay soo wada saareen go’aano ay ku mideysan yihiin. Madaxweynayaasha maamullada Jubbalnad iyo Puntland oo maalmihii u dambeeyey shirar ku lahaa magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku aadan waxyaabihii ay ka wada-hadleen labada dhinac. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay ka arrinsadeen xaaladda guud ee dalka, si loo gaaro xal siyaasadeed, ka hor doorashooyinka 2020/2021-ka. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay inay wada-hadal dhanka teleefanka la yeesheen madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, islamarkaana ay isla garteen in xal mideysan laga gaaro xaaladda dalka, gaar ahaan arrimah doorashooyinka dalka. War-murtiyeeedka ay soo saareen Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa sidoo kale lagu sheegay inay wada-hadal la geli doonaan dowladda federaalka ah, islamarkaana ay imaan doonaan Muqdisho oo uu ka dhici doono shirweyne wada-tashi ah oo dhex-mari doono madaxda dowladda dhexe, kuwa maamul goboleedyada iyo saamileyd kale ee dalka. The post Deni oo ka hadlay sababta keentay shirkii uu Garoowe kula yeeshay Axmed Madoobe first appeared on Caasimada Online.
  18. GAROWE (HOL) - The leaders of Puntland and Jubbaland have said they will be heading to Mogadishu to meet the Federal Government leadership over the electoral deadlock after they boycotted the talks in Dhusamareb. Source: Hiiraan Online
  19. Kulankii u dhexeeyey Jubbaland iyo Puntland wuxuu kusoo dhamaadey in Shir cusub oo Arimaha Doorashada looga hadlayo lagu qabto Magaalada Muqdisho. wararka hoose oo Puntlandi.con [...] The post Shir cusub oo looga hadlayo Arimaha Doorashada oo ka dhacaya Muqdisho appeared first on . Source
  20. Warmurtiyeed kasoo baxay Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu sheegay in Muqdisho u iman doonaan shir wadatshi ah,iyaga oo intaa ku daray in intii ay ku wada hadlayeen Garoowe ay wada hadal xagga telefoonka ah la yeesheen madaxda Dowladda Fderaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada. Daawo Warmurtiyeedka Ka Soo Baxay Shirarkii U Dhaxeeyay Labada Maamul Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in kulamadii ku qabsoomay magaada Garoowe guul ay ku soo dhamaadeen guul iyo horomar kuwa kale ay sidaa ka rajaynaynaa. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa isna sheegay in ay madaxda heer Ferdaal iyo heer Dowlada goboleed loo baahanay in loo tanaasalo danta shacabka. S kastaba Labadan mas’uul ayaa iman-doona Muqdisho si ay Villa Somalia u hordhigaan waxyaabaha wax ka bedelka u baahan ee heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo la warinayo in mabd’a ahaan ay aqbaleen. Goobjooog News Source: goobjoog.com
  21. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaallo u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay gobolka Sh/Hoose. Dagaallada ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen fariisimo ciidan oo ku yaalla agagaarka degmooyinkaa Baraawe iyo Qoryooley ee gobolkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalladaasi, waxaana saraakiisha ciidanka dowladda ay shaaciyeen inay ka hortageen weerarada lagu soo qaaday. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu diray ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo howl-gallo ka wada halkaasi. View the full article
  22. Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Shariif Xasan oo haatan ah guddoomiye ku xigeenka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey xildhibaano, wasiiroka tirsa dowladda dhexe Socdaalka Madaxweynihii koowaad ee Koonfur Galbeed ayaa ku soo aadaya, xilli haatan uu dalka ku jiro xaalad siyaasadeed oo cakiran iyo marxalad kala guur ah. View the full article
  23. Madaxweynihii hore Koonfur Galbeed sidoo kale mar soo noqday guddoomiyihii hore Baarlamaanka Sooomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa soo gaaray caasimada Mqudisho waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xildhibaan ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Fedraalka iyo madaxda oo ka socotay xisbiyada. Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Soo Dhaweynta Shariif Xasan Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Kulan La Filayay in ay Habeennimadii Xalay jilbaha isku daraan Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ahna Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, oo la sheegay in uu dabada ka riixayay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Ambassador Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa gabi ahaanba baaqday oo aanay waxba ka suurto galin. Sida ay ilo wareedyo rasmi ahi wargeyska Foore xalay u xaqiijiyeen Kadib kulankii qadada ahaa ee shalay Huteel Cali Jirde ay isugu yimaaddeen siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE, Wasiirradii hore ee xukuumaddii Siilaanyo iyo wax-garad kale oo gabagabadiisii ay kulan gaar ah ku yeesheen Baashe Cawil Xaaji Cumar iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi kaasi oo uu Baashe Maxamuud Xaashi kaga dalbaday in uu isu keeno Madaxweynaha cadaadisna ku saaro sidii uu Siyaasi Maxamuud Xaashi dib ugu dhigi lahaa hankiisa siyaasadeed ee Guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE wakhtiganna uu Madaxweynaha ku garab galo sidii uu Madaxweynuhu ugu sii fadhiyi lahaa kursigaasi balse xogahani sheegeen in Siyaasi Maxamuud Xaashi Arrintaasi gaashaanka ku dhuftay oo diiday. Ilo-wareedyadani waxa ay tibaaxeen in ugu dambayn kadib kulankaasi qadada ahaa uu Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirkii hore ee Madaxtooyadu badheedhihiisa ugu sheegay Ambassador Baashe Cawil Xaaji Cumar in aanay isaga iyo Madaxweynaha wax dhibaato ahi dhex oollin balse kaliya uu ku taamayo sidii uu hankiisa siyaasiga ah xisbiga uu wax ka aasaasay uga dhex tartami lahaa, Madaxweynuhuna u fulin lahaa ballan qaadyadii iyo heshiisyadii u dhaxeeyey Xisbiga oo ahaa in sidii Axmed Siilaanyo uu Muuse Biixi kursiga banneeyo taasina uu ku adag yahay oo aanu cidna uga tanaasulayn. Si kastaba ha ahaatee waxa sidaasi meesha kaga baxay hadal hayn badan oo ka dhalatay qorshaha Baashe Cawil Xaaji Cumar shalay ula tagay Siyaasi Maxamuud Xaashi oo lagu sheegay in ay ahayd sidii Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada loogu qancin lahaa in aanu wakhtigan xisbiga dhexdiisa ka tartamin si wada jir ahna Madaxweynaha loogu cimaamado sii haynta xilka kursiga Guddoomiyenimo. Dhinaca kale Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in kulankii qadada ahaa ee shalay uu soo abaabulay Wakiilka Somaliland ee Kenya Baashe Cawil ay xukuumaddu ka war qabtay qabanqaabadiisa, halka wararka qaar kalena sheegayaan in aanay taasi jirin ee uu ahaa kulan ku koobnaa Baashe Cawil Xaaji Cumar oo sheegay in qadadan ay u soo wakiisheen qoyska Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Siilaanyo iyo isaga oo la sheegay in uu doonayo in uu isku muujiyo tallaabadaasi halganna ugu jiro sidii uu door ugu yeelan lahaa xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi dhexdeeda iyo waliba xisbiga oo uu Mustaqbal dheeraad ah ka rabo. Source
  25. (SLT-Muqdisho)-Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Banaadir ayaa maanta toban sanno oo xabsi ah iyo ganaax dhan $2,366, ku riday Agaasimihii maamulka iyo maaliyadda wasaaradda kalluumaysiga iyo kheyraadka badda ee dowladda Soomaaliya, Guuleed Maxamed Ibraahim. Maxkamadu waxay masuulkaan ku heshay inuu lunsaday lacag dhan $137,907 waxayna amar ku bixisay inuu lacagtaas kusoo celiyo qasnada dowladda sidoo kalena waxay ka mamnuucday inuu xafiis dambe oo dowladdeed maamulo. Maxkamada gobolka Banaadir waxay sidoo kale 9 sanno oo xabsi ah ku riday Cali Sheikkdoon Cabdi oo ahaa madaxa hubinta xafiiska xisaabiyaha guud ee dowladda federalka ahna mulkilaha shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Maamuus. Sarkalkaan ayaa lagu helay xatooyo hantida dadweynaha iyo ku daneysiga xafiis dowladdeed ee uu ka howlgalayay, waxayna maxkamadu sidoo kale ku xukuntay inuu qasnada dowladda ku celiyo lacagta uu lunsaday oo dhan $58,505 uuna bixiyo ganaax lacageed oo gaaraya 59 malyan oo shilinka Soomaaliga ah, waxay maxkamadu ka reebtay inuu shaqo dambe oo dowladdeed qabto. Uways Xasan Cumar iyo wiilkiisa Khadar Uways Xasan oo lagu helay ku daneysi xafiis dowladdeed iyo xatooyo, ayaa lagu riday xukuno kala duwan. Maxkamadu waxay Uways ku riday hal sano iyo 6 bilood oo xabsi ah iyo ganaax dhan $1,183. Halka wiilkiisa oo maamule ka ah shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Xabiib ay ku riday saddex 3 sano oo xabsi ah iyo $1,183 ganaax ah Dhawaan ayay ahayd markii sidaan oo kale maxkamada gobolka Banaadir ay xukuno ku riday masuuliyiin katirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya kadib markii lagu helay musuq maasuq. Source