Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug. Guddoomiyaha iyo wafdigaasi la socday,waxaa garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta Galmudig iyo hoggaamiyaasha qeybaha bulshada. U jeedada socdaalka Guddoomiyaha ee dhinaca Galmudug ayaa lala xiriiriyay ka qeybgalka furitaanka Kalfadhiga labaad ee golaha wakiilada Galmudug. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  2. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) oo ka mid ah Siyaasiyiinta ugu caansan Xisbiga KULMIYE inta bandanna ka hadla hadba xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo gaar ahaan tan xisbiga uu ka tirsan yahay ee KULMIYE ayaa shaaca ka qaaday Qorshe cusub oo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ku dhisayo KULMIYE cusub oo isaga gaar ah oo ka duwan KULMIYIhii hore kaasi oo qorshaha dhismihiisa nidaamka cusub ee KULMIYE cid kasta oo ka hor timaad bustihiisa dibadda u dhigaya sida uu hadalka u dhigay Siyaasi Cali Guray. Sidoo kale Siyaasi Cali Guray waxa kale oo uu sheegay in siyaasadda guud ee xisbiga KULMIYE aanu waddanku waxba uga aayin Somaliland-na aanay ka dambayn doonin Siyaasadda Muuse Biixi iyo Xisbiga KULMIYE oo uu ku sifeeyey xisbi dani ku badday ah. Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray oo qoraallo koobkooban oo uu xaaladda xisbiga KULMIYE kaga hadlayo ku baahiyay degelka uu ku leeyahay Mareegta Facebook waxa uu yidhi: “Waan ka xumahay saaxiibadayda Kulmiye ugu muddada dheer. Muuse waa Madaxwayne waana Guddoomiyaha xisbiga. Markan isaga ayaa gacantiisa ku samaysanaya Kulmiyihiisa. Qof kasta oo aan ahayn Kulmiyihiisa bustihiisu waa dibadda. Wixii hore loogu heshiiyay oo dhan wax ka jiraa ma jiro ama jeclaada ama necbaada. Kulmiye ayaa ka hadlaysaane ma filayo Somalilandba in ay ka dambaynayso”. Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Awrka Dhasha Xun Geelaba Waa Loo Beddelaa Saw Maaha?. KULMIYE wuxuu Somaliland u dhalay laba Xukuumadood oo aan midna wax looga aayay oo wayni jirin. Ma filayo in Kulmiye uu xukuumad saddexaad u dhali doono Somaliland waayo awrkaba haddii ay dhashiisu xumaato waa loo beddelaa geela oo baarqab cusub ayaa lagu daraa hadii loo soo helo. Markaa xisbiyada kale fursadda may ka faa’iidaysan oo si fiican may u soo qooqi mise waabay dhufaanan yihiin oo KULMIYE wuxuu noqon dani ku badday? Somaliland Ilaahayow ka badbaadi”. Ugu dambayn Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) waxa uu hannaan kaftan ah ugu jawaabay dadka ku dhaliila in uu isaguba taageeray xisbiga KULMIYE iyo Murashaxnimadii Muuse Biixi waxa uu yidhi: “Kollay Aakhiro intii Muuse taageertay waa la waydiin Maxaad ku raacday? Dayaxa waa markii iigu horreysay weligay een tegay. Nuxurka maqaalkan maalintaa wuxu Ahaa Cabdiraxmaan Cirro Loogama Tegin Nacayb Loo Qabo Ee Muuse Waxa Looga Yaacay Waa Nacayb Loo Qabo. Maanta kuwii ugu xigay ee maalintaa ka dhaqaaqay inay iga saxsanaayeen oo anigu aan ka keliya ee qaldamay ahaa ayuun buu isagu ii sheegay. Waanan qaatay in aan isa saxona iyo sida aan isu saxayaa aniga keligay ayay ii taalaa saw maaha markaa” ayuu yidhi Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray). Source
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, isagoo tan iyo 2018-kii ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimada Kenya. Shariif Xasan ayaa markii uu soo gaaray Muqdisho wuxuu la hadlay warbaahinta, isagoo si gaar ah uga hadlay xaaladda guud ee xilligaan uu marayo dalka iyo marxaladda kala guurka. Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa ugu horeyn dhinacyada siyaasadda ugu baaqay inay aragtiyadooda isugu geeyaan doorashada guud ee la filayo inay dalka ka dhacdo. Wuxuu tilmaamay in waqtigaan uusan aheyn xilli mucaarad iyo muxaafad loo kala safto kaliya balse loo baahan yahay in dalka uusan ka hoos marin heerarkii horey loo soo maray. Shariif Xasan ayaa sheegay in sunna ay tahay dalka taladiisa qori isku dhiib ay tahay , islamarkaana waxaa uu ku baaqay in doorashada ay ku dhacdo waqtigeeda, isagoona ka digay khilaaf siyaasadeed oo ka dhasha doorashada. “Waa sunna in dalka taladiisa qoray isku dhiib laga dhigo doorashadane ay ku dhacdo si nabad ah oo aan khilaaf dhalin, doorashada ayuu sheegay in laga wada qeyb qaato ruux walibana calafkiisa uu qaadan doono,waxaan moodayay in ley hilmaamay blse may dhicin mar haddii si heer sareysa leysoo dhaweeyay”. Socdaalka Shariif Xasan ee Muqdisho ayaa ku soo aaday, iyadoo haatan uu dalku ku jiro marxlad doorasho, islamarkaana ay bilaaban doonaan wada-tashiyo ballaaran oo u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka. The post Shariif Xasan “ Waa sunno in dalka taladiisa qoray isku dhiib laga dhigo” first appeared on Caasimada Online.
  4. The United States military denied claims by Somali Islamist militant group Al-Shabaab that American military personnel were injured in an airstrike on Monday. The U.S. military conducted an airstrike in the vicinity of Dar as Salam after Al-Shabaab militants attacked partner forces from a building. The airstrike killed six militants and injured three others. A statement by the U.S. Africa Command acknowledged that American forces were in the locality to support Somali forces but none of them were casualties in the strike. “When this airstrike occurred, U.S. forces were in the vicinity in order to advise and assist Somali partner forces. Al-Shabaab falsely claimed U.S. casualties. No U.S. forces were injured or killed during the attack,” AFRICOM said in a statement. The Al-Qaeda-linked group is known to use propaganda videos and messages to lure in unsuspecting members, build community support, seek media attention and dupe the Somali public, a fact that AFRICOM was quick to point out given this most recent claim. “Al-Shabaab routinely resorts to the tradecraft of terror, crime, and propaganda to intimidate and seek control of the local populace. Persistent pressure against the al-Shabaab damages their narrative, network, and plans for broader destruction and violence,” Colonel Chris Karns, AFRICOM director of public affairs, said. In May, AFRICOM flagged a Twitter account for falsely alleging that two civilians were killed in an airstrike in a village called Araboow. AFRICOM, at the time, responded clarifying that it had not conducted an airstrike in Somalia since April 10. “This report is not accurate. This may be an example of al-Shabaab using lies and propaganda to spread false civilian casualty allegations in order to grab media attention and deceive the Somali public,” AFRICOM tweeted. In April, AFRICOM said that Al-Shabaab was increasingly relying on lies and propaganda as it had been weakened by sustained military operations led by the Somali National Army and AMISOM forces. View the full article
  5. Wafdiga uu hogaaminaayo Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug,waxaana caasimada si heer sare ugu soo dhaweeyay guddoomiyaha Baalamaanka Galmudug iyo madaxda ka tirsan golayaasha Dowladda u jeedka socdaalka guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa lagu sheegay ka qeybgalka furitaanka Kalfadhiga labaad ee golaha wakiilada Galmudug. Eeg Sawiradda Qaabka Loo Soo Dhaweeyay Wafdiga Aqalka Sare Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/WARKA-DUHUR-2782020-o.mp3 View the full article
  7. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo hadal kooban jeediyay, kadib markii uu soo dhammaaday Shirkii Puntland iyo Jubaland uga socday Garoowe, ayaa sheegay in hal ujeeddo loo qabtay Shirkaasi. Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in Shirka loo qabtay sidii Madaxda Puntland iyo Jubaland ay mowqif midaysan uga yeelan lahaayeen Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada 2020/2021. Sidoo kale, wuxuu xusay in Shirku uu ku soo dhammaaday guul, islamarkaana haatan Puntland iyo Jubaland ay ka midaysan yihiin Mowqifkooda Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka iyo Arrimaha Doorashada soo socota. Mudane Deni, wuxu dhinaca kale Raja wanaagsan ka muujiyay Shirka qorshaysan in Muqdisho lagu qabto in Heshiis looga gaaro Hannaanka Doorashada Dalka. Hoos ka daawo Hadalkiisa PUNTLAND POST The post Deni oo sheegay in hal ujeeddo loo qabtay Shirkii Garoowe appeared first on Puntland Post.
  8. 51-kii Muslimiinta ahaa ee lagu xasuuqay laba masaajid oo ku yaalla dalka New zealand Qaran News
  9. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, oo Warbaahinta la hadlay kadib Shirkii Garoowe ugu soo dhammaaday Puntland iyo Jubaland, ayaa ku baaqay in dhinacyada isku haya Siyaasadda Soomaaliya ay tanaasul iyo dulqaad isu muujiyaan. Madaxweynaha Jubaland, wuxuu sheegay in Marxaladda kala guurka ah ee Dalku haatan marayo, ay tahay mid u baahan dulqaad iyo isu-tanaasul dheeriya, si looga heshiiyo Hannaanka Doorashada 2020/2021. Axmed Madoobe, ayaa xusay in Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya loo baahanyahay, in ay ku qabsoonto Wakhtigeeda, ayna noqoto mid lagu wada qanacsanyahay, oo si xasilooni iyo Nabad ah ku dhacda. Balse, wuxu si adag uga digay, in Muranka iyo Is-qab-qabsigu sii socdo, taasi oo sida uu sheegay Xasilooni-darro iyo Khal-khal Amni gelinaysa Xaaladda Waddanka. Hoos ka daawo Hadalkiisa PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo ka digay in Qalalaase Siyaasadeed ka dhaco Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  10. Itoobiya:Bukaanno buux dhaafiyay Cusbitaalada & Goobaha lagu dabiibo dadka qaba Xanuunka Covid19 Fayraska karona ayaa ku sii kordhay dalka Itoobiya Saraakisha xarunta ugu wayn ee lagu dabiibo dadka uu soo ritay feyriska Corona ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ay sheegeen in xaruntaasi ay buuxsamayso sababa la xiriira kiisaska fayraska karona oo sare u kacay. Saraakiisha caafimaadka dalkaasi ayaa sidoo kale waxay sheegeen in bukaanno cusub aysan imika qaabili Karin. Agaasimaha xarunta Millennium Hall’s medical Dr Wuletaw Chanie ayaa BBC-da u sheegay in qeybta la dhigo dadka xaaladoodu ay culus tahay ama u baahan qalabka neefsashada ay imika qarka u saaran tahay iney buuxsanto. Dr Chanie ayaa sheegay in xaruntan lagu daweeyo dadka uu ku dhaco feyriska Corona ay buuxsami doonto muddo toddobaad gudihiis ah, islamarkana aysan qaabili Karin bukaannada cusub ee u baahan qeybta xaaladaha culus, sida kuwa u baahan qalabka neefsashada. Xaruuntan ayay dhakhaatiirtu sheegeen in maalinkii ay qaabisho 20 bukaan oo ah dad uus oo ritay fayraska corona. Waxaa xaruntan ku taala magaalada Addis Ababa imika lagu daweynayaa 200 oo bukaan. In ka badan kala bar bukaannada xaruuntan ku jira ayaa waxaa ku xiran qalabka dadka ka Kaaba neefsashada. Tirada bukaanada uu soo ridanayo fayraska Corona ayaa sare u sii kacaysay muddooyiinkii ugu dambeeyay . Bishaan Agoosto oo kaliya waxaa dalkaasi laga diiwaangaliyay 25,000 oo kiis. Sida ay sheegtay wasaaradda ee dalka Itoobiya waxaa dalkaasi ilaa iyo imika laga diiwaangaliyay in ka badan 42,000 oo. Kiisaskan ayaa intooda badan laga helay caasimadda dalkaasi ee Addis Ababa Qaran News
  11. Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maamulka Puntland ayaa kulan la qaatay Injineerka Gacanta ku haya dhismaha Garoonka Kubbadda cagta Mire Awaare ee Caasimada Dowladda Puntland. Wasiir Jaamac Faarax Muuse oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud Axmed Cabdalla Tigaana ayaa kulan soo dhowayn iyo Iswaraysi la qaatay injineerka, injineerka ayaa dalka dabadiisa ku maqnaa mudooyinkii u danbayey Xanuunka Dunida Saameeyey Covid19 awgii oo shaqadu gaabis ku timi mudadaa. Kulankan ayaa waxaa goob joog ahaa Madax ka tirsan xiriirka kuubada Cagta Puntland iyo Gudoomiyaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Nugaal. Kulankan ayaa ahaa sidii loo dardar gallin lahaa Dhismaha Garoonka mudo koobana ugu dhamaan lahaa qaybaha ka harsan dhismaha Garoonka loona gogli lahaa Rooga Cagaaran, injineerka gacanta ku haya ayaa Cadeeyey inay soo gaba gabayn doonaan Dhisamaha Garoon Dhamaadka bisha September 2020. Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda cagta Maxamed Cali Ciise (Ciiro) ayaa sheegay in ay dhawaan heli doonaan garoomo kubbadda cagta oo si wanaagsan loo diyaariyay. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/Ciiro.mp4 Ugu Danbayntii wasiirka Wasaaradda Mudane Jaamac Faarax ayaa u mahad Celiyey injineerka, Gudida Garoonka iyo Cid walba oo ka qayb qaadatay dhismaha Garoonka Kuubada cagta ee Mire awaare, wuxuuna Dhallinyarada ugu bushaareeyey in la dhamays tiri doono kuna qabsoomi doonto Ciyaaraha Gobolada Puntland. Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maamulka Puntland Jaamac Faarax Muuse ayaa bogaadiyay da’daalada dib u dhiska garoomada kubbadda cagta Puntland wuxuuna sheegay in Dowladda ay dhallinyarada u diyaarinayso garoomo caalami,isagoo bulshada Puntland ee gudaha iyo dibada ugu baaqay in laga qeyb qaato horomarka iyo kobaca isboortiga deegaanada kala duwan ee maamulkaas. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/mira-awaare.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  12. MOGADISHU (HOL) - Two senior officials in the Ministry of Fisheries and Office of the Accountant General were Thursday slapped with an accumulated jail term of 19 years for embezzlement of public funds and use of public office for personal interest. Source: Hiiraan Online
  13. Dhuusamareeb ( Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Cabdi Xaashi oo ay wehlinayaan Senataro ka tirsan Aqalka Sare ayaa waxaa garoonka Ugaas Nuur ee magaalada ku soo dhoweeyey guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, xildhibaano, wasiiro Galmudug ka tirsan iyo boqlaal dadweyne ah. Wararka ayaa sheegaya in u jeedka socdaalka guddoomiye Cabdi Xaashi uu yahay sidii uu uga qeyb geli furtaanka caawa ee Kalfadhiga labaad ee baarlamaanka Glamudug. Sidoo kale inta uu joogo magaalada wuxuu la kulmo doonaa madaxweynaha Galmudug, isagoo kala hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka. Guddoomiyaha aqalka sare oo muddooyinkii dambe uu khilaaf kala dhexeeyey golaha shacabka iyo villa Soomaaliya ayaa kali ku noqday marka la’eego saaxada siyaasadda, balse lama oga sida ay wax noqon doonaan, maadaama xaaladda dalka ay ka sii dareyso. Si kastaba ha’ahaatee dhowaan ayey aheyd markii Dhuusamareeb lagu soo gaba-gabeeyey wejiga saddexaad ee shirka wada-tashigda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaas oo lagu caddeeyey nooca doorashada ay dalka ka dhaceyso sanadkan 2020 illaa 2021-ka. The post Muxuu yahay u jeedka safarka guddoomiye Cabdi Xaashi ee Dhuusamareeb? first appeared on Caasimada Online.
  14. War-murtiyeed ka soo baxay Shirkii Madaxda Puntland iyo Jubaland uga socday Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa lagu shaaciyay in Shir Wada-tashiya oo ku saabsan Arrimaha Doorashada Somaaliya lagu qaban doono Magaalada Muqdisho. War-murtiyeedka waxa lagu xusay in Deni iyo Axmed Madoobe ay Wada-hadal Khadka Taleefonka ah la yeesheen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada kale ee Dalka kaasi oo ay kaga arrinsadeen sidii Heshiis midaysan looga gaari lahaa Hannaanka Doorashada Dalka. Sidoo kale waxay sheegeen in Wada-hadalka lagu go’aamiyay in Shir Wada-tashiya la isugu yimaado Magaalada Muqdisho si looga wada-hadlo Arrimaha Doorashada iyo Xaaladda Kala guurka ah. Madaxda Puntland iyo Jubaland waxay sidoo kale u mahadceliyeen Beesha Caalamka oo sida ay sheegeen dadaal ku bixinaysa in Doorashada Soomaaliya ku qabsoonto Wakhtigeeda. Hoos ka akhriso War-murtiyeedka PUNTLAND POST The post War-murtiyeed ka soo baxay Shirka Madaxda Puntland iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.
  15. Borama ( PP Features ) — The Political turmoil in Ethiopia has had an impact on the vegetable prices in Somaliland. Awdal vegetable traders import vegetables and fruits from Oromia, the centre of uprising in Ethiopia following the assassination of the singer Hachalu Hundessa in Addis Ababa two months ago. Sheikh Mohamed Saeed Saaweer of Borama recently urged locals to learn from the episode of vegetable and fruits shortage in the city and till the land. “ Our land is fertile. We have to devote time and resources to our agricultural sector. It took only a political unrest in Ethiopia to result in a surge in vegetables and fruits prices” said Sheikh Saaweer. Somaliland Vision 2030 rhetoric: Agriculture is a key sector in Ethiopia. According to the Somaliland Government “The agricultural practices of … farmers [in Awdal] remain relatively simple, using single pointed shafts for ploughing, and neglecting the potential advantages of fertiliser and extension work.” Property and land prices in Awdal keep rising. Property speculators are behind the drive to extend construction planning to agricultural areas of Borame. The decline of the agricultural industry in Awdal points to a Somaliland Government policy that attaches no importance to boosting agriculture in regions with a farming tradition. Sheikh Mohammed S. Saaweer: Let us boost our agricultural productivity. The low agricultural productivity in Somaliland stands in stark contrast to the lofty vision summarised in Somaliland National Vision 2030: “The key position of agriculture in the economy means that there remains a strong imperative to resource the development of the agricultural sector to raise the standard of living of the majority and ensure food security for the nation.” The swarm of locusts that swooped down upon farms in Somaliland exacerbates the situation of farmers forging ahead despite absence of a sound agricultural policy in Somaliland. “Somaliland leaders pay lip service to agricultural development. We have a Faculty of Agriculture and Environment at Amoud University but we import what we can grow in our region and suffer when supplies stop” says Mohamud Ali, a trader in Borama. “Our MPs hardly discuss human development issues. It is at the mosque where citizens air views on the impact of poor economic policies on society” says an economist who has decided to lobby MPs from Awdal for more investment for the agricultural sector. Ironically Somaliland President Muse Bihi renamed the Ministry of Agriculture to the Ministry of Agricultural Development. If the agricultural underdevelopment in Somaliland is any guide, it leaves no one in doubt that Somaliland Government views agriculture as an economically less viable sector. © Puntland Post, 2020 The post Political Turmoil in Ethiopia Exposes Lack of Agricultural Policy in Somaliland appeared first on Puntland Post.
  16. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa war-murtiyeed ka soo saaray xaaladda dalka, kadib shirar ay ku yeesheen magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay ka wada-hadleen xaaladda siyaasadeed iyo mida amniga ee dalka. Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay inay wada-hadal taleefanka ah la yeesheen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada, islamarkaana la’isla gartay in la’isugu yimaado shirweyne kale oo dhowaan ka dhacaya M/ Muqdisho. Halkan hoose ka aqriso: View the full article
  17. .Xukunka Maxkamadda Gobolka Banaadir ay maanta Xukunno ku ridday saraakiil ka kala tirsan wasaaradda Warfaafinta, Kalluumeysiga, Maaliyadda iyo mulkiilayaal shirkadeed. Aweys Xasan Cumar, oo ah xisaabiye ka tirsan waaxda Maaliyadda wasaaradda warfaafinta ayaa maxkamaddu ku xukuntay hal sano iyo 6 bilood xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $ 1,183 oo Dollar. Guuleed Ibraahim Maxamed, oo ah Agaasimaha waaxda Maaliyadda wasaaradda Kalluumeysiga waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $137, 907 oo Dollar. Khadar Aweys Xassan ayaa isagana Maxkamadu ku xukuntay 3 sano oo Xabsi ah. Cali Sheekh Doon Cabdi, oo ah Madaxa hubinta xafiiska Xisaabiyaha guud ee dowladda federaalka waxay maxkamaddu ku xukuntay 9 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $3,549 USD. sidoo kale, waxaa lagu amray in uu qasnadda dowladda ku soo celiyo $58,555 USD oo ah lacagtii uu lunsaday. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Xukunno ku ridday mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamullada Jubbalnad iyo Puntland oo maalmihii u dambeeyey shirar ku lahaa magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku aadan waxyaabihii ay ka wada-hadleen labada dhinac. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay ka arrinsadeen xaaladda guud ee dalka, si loo gaaro xal siyaasadeed, ka hor doorashooyinka 2020/2021-ka. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay inay wada-hadal dhanka teleefanka la yeesheen madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, islamarkaana ay isla garteen in xal mideysan laga gaaro xaaladda dalka, gaar ahaan arrimah doorashooyinka dalka. War-murtiyeeedka ay soo saareen Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa sidoo kalelagu sheegay inay wada-hadal la geli doonaan dowladda federaalka ah, islamarkaana ay imaan doonaan Muqdisho oo uu ka dhici doono shirweyne wada-tashi ah oo dhex-mari doono madaxda dowladda dhexe, kuwa maamul goboleedyada iyo saamileyd kale ee dalka. Ugu dambeyn waxaa lagu sheegay in warsaxaafadeedka inay labada dhinac ay ka wada-hadleen iskaashiga ka dhexeeya Jubbaland iyo Puntland. Dhowaan ayey aheyd markii gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmdug lagu soo gabagabeeyey shir ay ka maqnaayeen Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, kaas oo lagu go’aamiyey nooca doorasho ee sanadkan ka dhaceysa dalka. The post Axmed Madoobe iyo Deni oo war xasaasi ah ka soo saaray shirarkii Garoowe first appeared on Caasimada Online.
  19. Muqdisho Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, isagoo tan iyo 2018-kii ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimada Kenya. Shariif Xasan oo haatan ah guddoomiye ku xigeenka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin kala duwan, sida xildhibaano iyo wasiiro. U jeedka safarkiisa ayaa waxaa lagu sheegay inuu qeyb-ka yahay is-bedalka siyaasadeed ee dalka, isagoona ka qeyb qaadan doono arrimaha doorashaa ee 20/21. Sidoo kale waxaa la filayaa inuu kulamo ka bilaabi doono gudaha magaalada caasimadda Muqdisho, isaga oo marka hore la fariisan doono Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuued iyo Sheekh Shariif Sheekh oo haatan ay saaxibo dhow yihiin. Waxaa sidoo kale lagu wadaa inuu warbaahinta u qabto shir jar’aaid, kana hadlo xaaladda siyaasadeed dalka, gaar ahaan xilliga kala guurka ee haatan lagu jiro. Si kastaba ha’ahaatee socdaalka Shariif Xasan ayaa ku soo aadaya, iyad haatan uu dalku ku jiro marxlad doorasho, islamarkaana ay bilaaban doonaan wada-tashiyo ballaaran oo u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka. The post Shariif Xasan oo sanado kadib dib ugu soo laabtay dalka + Ujeedka first appeared on Caasimada Online.
  20. Warmurtiyeed kasoo baxay Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu sheegay in Muqdisho u iman doonaan shir wadatshi ah iyaga oo intaa ku daray in intii ay ku wada hadlayeen Garoowe ay wada hadal xagga telefoonka ah la yeesheen madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada. Akhriso: Warmurtiyeedka: Source: goobjoog.com
  21. Hogaamiyayaasha Jubbaland iyo Puntland oo maalmahaan ka arinsanayay Doorashada Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii maanta soo saari doona Warmurtiyeed ka turjumaya Natiijada kulankooda. Warar kala duwan [...] The post Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo maanta soo saaraya Warsaxaafadeed appeared first on . Source
  22. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa rabacadii Cabdicasiis Nuur Xuseen u magacaabay Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Galmudug, tallaabadan oo imaaneysa maalmo uun kadib markii uu horay u magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare. Madaxweyne Axmed Kaariye Qoorqoor oo ay muuqato inuu dhisayo garsoor dhameystiran ayaa wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, waxaa ay u qorneyd sidan: Markuu arkay Qod:6aad ee dastuurka DGM ee qeexaya sarreynta sharciga. Markuu arkay: Qod.18aad ee dastuurka DGM ee qeexaya dhawrista xaquuqda eedeysanaha. Markuu arkay: Qod:46 ee qeexaya awoodaha madaxweynaha. Markuu arkay: Qod:60aad,61aad iyo 62aad ee dastuurka DGM ee xeerinaya garsoorka Galmudug. Markuu helay soojeedinta: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee DGM Markuu garowsday: baahida deg deg ah ee loo qabo dhisidda hay’adda xeer ilaalinta ee DGM Markuu la tashaday: madaxweyne ku xigeenka DGM Wuxuu soo saaray xeerkaan: Qodobka 1aad Waxaa loo magacaabay Mudane: Cabdicasiis Nuur Xuseen Xeer ilaaliyaha guud ee DGM Qodobka 2aad Xeerkan wuxuu dhaqangalayaa marka uu madaxweynuhu saxiixo waana saxiixay. Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristeyaasheeda usoo gudbineysaa taariikh nololeedka Cabdicasiis Nuur Xuseen Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Galmudug. Cabdicasiis Nuur ayaa waxaa uu ku dhashay Galkacyo 1988-dii, isaga oo Jaamacadda SIMAD ka dhameeyey heerka 1aad ee qaanuunka(Bachelor of Laws) . Shaqooyinka uu soo qabtay waxaa ka mid ahaa: Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Galmudug waxaa uu xilliga la magaacabayey ilaa sanadka bilowgiisa ahaa lataliye sharci oo madaxbannaan. Halka April 2019 ilaa Dec 2019 uu sidoo kale ahaa La-taliye sharci Nootaayada Dr.Faaruuq, isaga oo July 2017-Dec 2019 caawiye qareen ka ahaa Xafiiska Qareenada ee Xalane Law Office. Waxaa uu heystaa tababarro la xiriira shaqadiisa, oo ay ku jirto mid uu ka qaatay maxkamadda gobolka Banaadir. Tallaabada uu madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ku magaacabay xeer ilaaliyaha Galmudug oo lagu daray middii guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa nooceeda ah, waa mid horay loo qaaday, waana mid wax badan ka badali doonta in Galmudug yeelato garsoor wax badan ka qabta baahiga dadka ku nool dowlad goboleedka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Garsoore u dhashay Waddanka New Zealand, ayaa Khamiista maanta ah xukun xabsi daa’im oo aan cafis laheyn ku riday ninka caddaanka ah, Brenton Tarrant, kaasi oo 51 qof oo Muslimiin ah oo cibaadeysanayay ku toogtay dalkaasi taasi oo ahayd toogashadii ugu dhimashada badneyd ee New Zealand. Waa markii ugu horreysay ee maxkamad ku taal New Zealand ay xukun xabsi daa’im ah ku riddo qof inta noloshooda ka harsan. Qaaliga maxkamada sare ee Christchurch Cameron Mander ayaa sheegay in Tarrant uusan muujin wax qoomamo ah iyo in muddada dheer ee lagu xukumay aysan ku filneyn in ay ka cafiso dambigiisa. Tarrant, oo ah 29 sano jir u dhashay Australia ayaa qirtay 51 dambi oo dil ah, 40 dacwadood oo isku day dil iyo hal eedeyn oo ah inuu galay fal argaggixisinimo intii uu ku guda jiray toogashadii 2019-kii ka dhacday laba masaajid oo ku yaal magaalada Christchurch isagoo toogashada si toos ah uga baahinayay Facebook. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post New Zealand: Xabsi daa’im lagu xukumay Brenton Tarrant appeared first on Puntland Post.