Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ka hadlay weerarkii saddex sanno ka hor ay ciidamada dowladdu ku qaadeen hoyga hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur. 17-kii December ee sanadkii 2017-kii, ayaa ciidamo ka tirsan dowladda weerar ku qaadeen hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kaasi oo xiligaasi uu ku sugnaa isaga iyo xildhibaano iyo siyaasiyiin kale. Wasiir Ducaale ayaa waxba kama jiraan ama ‘been abuur’ ku tilmaamay in weli aysan cadaalad helin dadkii lagu dilay weerarkaasi oo uu sanad ka hor sheegay Cabdishakuur, xili uu xus u sameynayay. Cabdiraxmaan ayaa xiligaasi sheegay inay xuska dhalinyaradaas sanad walba u dhigaan ‘in aan la iloobin iyaga oo aan wali cadaalad helin’, isagoona xusay in kuwii dilay ay wali dalka xukumayaan, isla markaana hal mar aysan muujin garowshiyo. Wasiirka ayaa isaguna sheegay in dhalinyaradii ku naf weyday weerarkaasi ay heleen cadaalad, iyada oo la bixiyey magtoodii, isla markaana ay dowladduna kala xaajootay qoysaskoodii. Wuxuuna sheegashada Cabdishakuur ku tilmaamay ‘macaash siyaasadeed’ oo aan sal iyo raad midna laheyn, maadama ay dowladdu siisay ‘duugtii iyo diyadiiba’ qoysaskii dhalinyaradaasi, sida uu sheegay. “Cabdiraxmaan Cabdishakuur arrintaasi waxa uu ka dhex arkay arrimo siyaasi ah, wuuna ogyahay in arrintaasi loo xaliyay qaab garsoor, dhaqan iyo mid Diini ahba,” ayuu yiri Wasiir Ducaale. Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa isagu sanad walba bisha December 17-keeda u sameeya xus dhalinyaradii ilaalada u aheyd, oo uu sheegay inaysan cadaalada helin, halka dowladda taasi badalkeeda ku doodeyso. The post Wasiir Ducaale oo markii ugu horreysay 'been abuur' ku tilmaamay arrin laga faafiyey kiiskii CC Shakuur first appeared on Caasimada Online.
  2. The United States military says it killed six al-Shabab extremists with an airstrike in Somalia after the al-Qaida-linked group attacked Somali forces while U.S. forces were nearby. The U.S. Africa Command statement says Monday’s airstrike was carried out near Darasalam village after al-Shabab fighters attacked from a building in the area. The statement says three al-Shabab fighters were wounded. It says no U.S. forces were killed or wounded, dismissing an al-Shabab claim of U.S. casualties. Al-Shabab remains the most active Islamic extremist group in Africa, and the U.S. under President Donald Trump has increased the number of airstrikes against it. View the full article
  3. The Somali government has given Kenya five conditions ahead of lifting the blockade of miraa imports. Nyambene Miraa Traders Association (Nyamita) reckon that talks to end the khat stalemate have hit a snag and Somali has issued demands that must be addressed by Kenya. The demands include; Kenya must treat Somalia as an equal, desist from interfering with Somalia’s internal affairs, apologise for violating Somalia airspace, allow in goods from Somalia including fish, rice, sugar, honey, meat and milk and Kenya stops forcing flights from Somalia to make a detour to Wajir for inspection. Somali had also demanded government-to-government talks after it snubbed a delegation of traders and officials from Kenya crops regulator—Agriculture and Food Authority (AFA). “Top government officials in Somalia said Kenya has been unresponsive to the issues. We are banking on President Uhuru Kenyatta to resolve the diplomatic tiff,” Nyamita chairman Kimathi Munjuri said. He said traders had agreed to pay increased tax of $4 (Sh432) per kilo in Somalia and adhere to new guidelines aimed at preventing the spread of Covid-19. “Kenya must take a concrete position on miraa because we are still facing basic challenges locally. This will go a long way in countering the anti-khat campaigners from Europe who have pitched tents in Somalia,” Mr Munjuri said. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka gudbay 30-kii maalmood ee la filayey inuu gudahood kusoo magacaabo ra’iisul wasaare cusub kadib markii Xasan Cali Kheyre xilka laga qaaday 25-kii July. Warar badan oo kala duwan ayaa kasoo baxay cidda loo magacaabayo ra’iisul wasaaraha ayada oo marba magac cusub uu kusoo biirayey liiska dadka la hadal hayo. Magacyada la hadal hayo ayaa gebigood ah shakhsiyaad badan oo kasoo jeeda beesha Mogadishu Clan. Si kastaba, Caasimada Online ayaa ogaatay in dadka looga fakarayo xilkan aysan ku koobneyn oo kaliya Mogadishu Clan, islamarkaana mid ka mid ah waxyaabaha uu madaxweynaha aadka uga fakarayo ay ku jirto in muddo xileedka kooban ee ka harsan waqtiga dowladda uu xilka dhameysto sii-hayaha ra’iisul wasaaraha cusub. Weli ma cadda sida uu sharciga qabo iyo in haddii Mahdi Maxamed Guuleed uu xilka ku dhameysan karo sii-haye ahaan iyo inay qasab tahay in madaxweynaha magacaabis sameeyo. hase yeeshee, mid ka mid ah doodaha Villa Somalia ayaa waxaa ka mid ah in waqtiga harsan oo aad u yar, laguna jiro xilli kala guur ah, ay adkaan doonto in haddii ra’iisul wasaare cusub la magacaabo uu wax badan qabto, maadaama uu waqti badan u baahan yahay. Waxaa sidoo kale jirta cabsi ay qabto Villa Somalia oo ku aadan in ra’iisul wasaaraha cusub la loolami karo madaxweynaha kana horiman karo siyaasad ahaan si la mid ah Xasan Cali Kheyre. Kaaga sii daran’e, ra’iisul wasaare cusub kama baqayo xil ka qaadis, maadaama lixda bilood ee ugu horreysa aan laga keeni karin mooshin. Si kastaba, xildhibaanada Mogadishu Clan qaarkood ayaa ku gacan seeray dooddan, waxayna qabaan in tani ay tahay isku day uu madaxweynaha beesha Mogadishu Clan uga qaadayo xuquuqda matalaad ee ay ku lahayd dowladda federaalka, kadib markii meesha laga saaray Kheyre, sidoo kalena la wiiqay awooddii wasiiradii Mogadishu Clan ugu saameynta badnaa. Warar aan ka helnay Villa Somalia ayaa sheegaya in arrinta ku saabsan in xilkan uu sii hayo Mahdi Guuleed ay tahay mid xooggan, balse ay jiraan caqabado badan oo madaxweynaha u diidi kara inuu sidaas sameeyo, taasi oo ah mid ka mid ah sababaha weli aan ra’iisul wasaare loo magacaabin. Waxaa caqabadahaas ka mid ah cabsida laga qabo sida xildhibaanada Mogadishu Clan iyo xisbiyada mucaaradka oo badankood ay ku xooggan yihiin Hawiyaha ay uga falcelin karaan iyo waxa ka dhalan kara diidmadooda. The post Beesha Mogadishu Clan oo ay suurta-gal tahay inaan loo magacaabin raiisul wasaare first appeared on Caasimada Online.
  5. Saaka waxaa Garoonka Diiyaaradaha lagu hor istaagay Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre xili uu safro lahaa. Lama shaacin meeshee uu Xasan Cali [...] The post Raysal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo loo diiday inuu ka dhoofo Muqdisho appeared first on . Source
  6. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay xeerka cusub ee warbaahinta oo ku jiraan qodobo adag oo cadaadis saaraya saxaafadda. Dowladda federaalka ayaa maanta Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu dhaqangalinayay xeerkan, waxaana ka qeybgalay Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed. Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in xeerkan oo la tashiyo iyo dib-u-eegis lagu sameeyay uu wax badan ka qaban doono dhibaatada ay qabeen bahda warbaahintu, sidoo kalana uu qeexayo mas’uuliyadda ballaaran ee saaran bahda warbaahinta. Mahdi Guuleed oo ka hadlay maxkamadda ku haboon qaadidda dacwadaha iyo eedaha saxafiga ayaa yiri, “Anigu runtii sharci yaqaan ahaan iyo qof ahaan ra’yiyan ma fahmi karo sababta qof suxufi ah xeer ciqaabeed loogu oogaayo waxay tahay waayo ciqaabta Iyo mihnadda saxafinimo ee qofka suxufiga ahi waa kala caaganyihiin”. Xeerka saxaafadda ee Madaxweyne Farmaajo saxiixay ayaa qoraalkiisii ugu horreeyay lasoo billaabay 14 sano kahor, waxaana markii ugu horreeyay golaha shacabku meel mariyeen 2008, yeeshee waxaa qodobada qaar dood ka keenay bahda warbaahinta, taas oo dhalisay in 2013 la billaabo dib-u-eegis lagu balaaranayo, waxaana mar kale baarlamaanku meel mariyeen 2015, waxaana madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh saxiixay 2016. Sannadkii 2017 ayaa mar kale dib u eegis lagu billaabay sharcigan, waxaana la sheegay in wax ka bedel lagu sameeyay 11 qodob oo kamid ah 15 qodob oo bahda warbaahintu dood ka keeneen. Ugu dambeyna waxaa meel mariyay golaha shacabka iyo aqalka sare, waxaana saxiixay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo weli ay taagan tahay cabashadii bahda warbaahinta. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharci cadaadis adag saaraya saxaafadda appeared first on Puntland Post.
  7. Ciidamada amniga magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku soo dhigay Maandooriyayaal si sharci darro ah looga ganacsanayay xaafado ka tirsan magaalada Howlgalkaan oo qayb ka ah qorshaha xoojinta amniga iyo nabad gelyada gobalka Mudug waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada Booliiska iyo Nabad sugida gobalka Mudug, isagoo xalay ka dhacay xaafado ka tirsan magaalada Gaalkacyo. Ciidamada oo sameeyay xog uruurin iyo baaritaanno ayaa waxaa u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan waxyaabaha maanka dooriya oo ay ka mid yihiin Qamri iyo Xashiish aad u farabadan, oo si sharci darro ah lagu soo galiyay magaalada Gaalkacyo. Taliyayaasha qaybta Booliiska iyo nabad sugidda gobalka Mudug.Gaashaanle Sare Cabdirasaaq Maxamuud Sheekh Yuusuf (Faracadde) iyo Gaashaanle dhaxe Qaasim Shirdoon Cali ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidamada amniga ay ku guuleysteen inay waxyaabaha maanka dooriya Sidoo kaleTaliye ku xigeenka ciidanka Booliska Galmudug Gaashaanle Sare Maxamed Nuur Cali ayaa isna xusay in Qamriga iyo xashiishku ay yihiin kuwa qeyb ka qaata amni darada iyo falalka dhaqan xumida ah ee mudooyinkaan dambe ku soo kordhay Gaalkacyo. Ugu danbayntii Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal ayaa bogaadiyay kaalinta ciidamada Booliska iyo Nabad sugidda ay ka qaataan xoojinta amniga Gobalka. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarkii gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho laga fuliyay 10-kii bishan August ayaa waxa kasoo baxaya xogo dheeriya, sida uu baahiyay barnaamijka Galka Baarista ee idaacada VOA-da. Baaritaan uu sameeyay Galka Baarista ayaa waxa lagu ogaaday in Ibraahim Maxamuud Maxamed “Gama’diid” oo ahaa maxbuus ku xiran xabsiga dhexe uu qorsheeyay weerarkaasi oo ay ku naf waayeen 19 qof, halka ay ku dhaawacmeen 7-qof oo kale. Ibraahim Gama’diid ayaa waxa lasoo xiray 7-dii bisha May 2018-ka, isaga oo ugu dambeyntiina lagu xukumay xabsi sanado badan ah, kadib markii lagu helay inuu qorsheynayey weerar ka dhaca xabsiga dhexe. Gama’diid ayaa muddo qorsheynayay weerarkii loo soo xiray, isaga oo gacan ka helaya shaqsi gudaha xabsiga kaga dhex ganacsada, kaasi oo Maxaabiista u keeni jirey Hilibka iyo Khudaarta. Wuxuna ku guuleystay 10-kii bishan ee 2020 inuu weerarkii loo soo xiray sanado ka hor uu ka fuliyo gudaha xabsiga dhexe, isaga oo gacan ka helaya maxaabiis kale oo argagixiso-nimo loo soo xiray. Qorshaha weerarkaasi ayaa si dhab ah u hirgelay 8-dii bishan inta la ogyahay, iyada oo hub iyo bambaanooyin lagu dhex qariyay Hilib iyo Jawaan Liin ah, gudaha loo geliyay xabsiga. Sidoo kale waxa subaxdii hore ee 10-kii bishan oo aheyd maalinkii uu gelinkeeda dambe uu weerarkaasi fulayey gudaha xabsiga lagu daabulay rasaas dheeri ah, oo qeyb ka aheyd qorshaha uu maleegayay Gama’diid. The post Sidee Ibraahim Maxamuud Maxamed "Gama'diid" u abaabulay weerarkii Xabsiga Dhexe? first appeared on Caasimada Online.
  9. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka,Mahdi Maxamed Guuleedayaa bahda saxaafadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xeerka saxaafadda ee dib-u-eegis dheer lagu sameeyay kadib uu saxiixay madaxdweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ka qeyb galay munaasabadda dhaqan gelinta xeerka warbaahinta, ayaa caddeeyay in xeerkan oo la tashiyo ballaaran iyo dib-u-eegis ballaaran lagu sameeyay uu wax badan ka qaban doono dhibaatada ay qabeen bahda warbaahintu sidoo kalana uu qeexayo mas’uuliyadda ballaaran ee saaran bahda warbaahinta. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay maxkamadda ku haboon qaadidda dacwadaha iyo eedaha saxafiga ayaa yiri, “Anigu runtii sharci yaqaan ahaan iyo qof ahaan ra’yiyan ma fahmi karo sababta qof suxufi ah xeer ciqaabeed loogu oogaayo waxay tahay waayo ciqaabta Iyo mihnadda saxafinimo ee qofka suxufiga ahi waa kala caaganyihiin”. Xeerka saxaafadda ee madaxweynuhu saxiixay ayaa qoraalkiisii ugu horreeyay lasoo billaabay 14 sano kahor, waxaana markii ugu horreeyay golaha shacabku meel mariyeen 2008, hase yeeshee waxaa qodobada qaar dood ka keenay bahda warbaahinta, taas oo dhalisay in 2013 la billaabo dib-u-eegis lagu balaaran, waxaana mar kale baarlamaanku meel mariyeen 2015, waxaana madaxweynihii hore ee dalku saxiixay 2016. Senator Axmed Macallin Nadiir oo ka mid ah guddiga arrimaha bulshada iyo warbaahinta Golaha Aqalka sare ayaa bogaadiyay dhaqan-galka xeerka saxaafadda uu Madaxweynaha Farmaajo Saxiixay. Sannadkii 2017 ayaa mar kale dib u eegis lagu billaabay waxaana wax ka bedel lagu sameeyay 11 qodob oo kamid ah 15 oo bahda warbaahintu mar kale ay dood ka keeneen, waxaana ugu dameyn meel mariyay golaha shacabka iyo aqalka sare, waxaana saxiixay madaxweynaha dalka. sii hayaha wasiirka warfaafinta Dowladdda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa isna faahin sharaxaad ka bixiyay Marxaladihii kala duwanaa uu soo maray dhaqan-galka xeerka saxaafadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu dambeyntii saxiixay wax ka badalka sharciga Saxaafadda Soomaaliya oo mudda badan u xayirnaa saxiixiisa kadib markii ay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ansixiyeen 8-da Luulyo 2019 iyo 14 Janaayo 2020 Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hadal ka jeediyey xaflad lagu dhaqan gelinayey sharcigaan ayaa sheegay in arrintaan ay tahay mid taariikhi ah oo muhiim u ah Saxaafadda Soomaaliya haddii ay ahaan laheyd kuwa Dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay. Wasiir Maareeye ayaa sheegay inuu u hambalyeenayo saxaafadda Soomaaliya maadaama uu sheegay inay maanta leeyihiin sharci qaran oo ilaalin doona. Sharciga maanta dhaqan galay ee saxaafadda ayaa waxaa in badan muran ka keenay Saxaafadda iyagoo si gaar ah walaac uga muujiyey qodobadaan soo socdo: (1) – Kaalinta wasaaradda warfaafinta ee soojeedinta, 9-ka xubin oo ay 3 ku lahaadaan, xulista iyo xataa shaqo siinta ama ceyrinta guddiga saxaafadda. (2) – Maxkamadda ku shaqada leh iyo ciqaabta la marsiinayo saxafiga. (3) – Rukhsad bixinta iyo arrimaha la xiriira. (4) – Guud ahaan saameynta xeerka ee saxaafadda. Saxaafiyiinta Soomaaliyeed ayaa kulamo la qaatay baarlamaanka federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo xataa Farmaajaha qudhiisa si loogu qanciyo in xeerkan uu caqabad ku yahay xuriyadda hadalka iyo saxaafadda, laakin dheg jalaq looma siin. The post Madaxweyne Farmaajo oo maanta saxiixay sharci uu muran badan ka taagnaa first appeared on Caasimada Online.
  11. MOGADISHU (HOL) - Somali president Mohamed Farmaajo Wednesday signed into a law an amended version of the country’s Media Law following three years of debate on the law. Source: Hiiraan Online
  12. Xukumada Farmaajo oo 4 Shuruudood oo siyaasadysan ku xidhay Qaadka Kenya keento Somalia Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo hore xayiraado ugu soo rogtay qaadka ka imaan jiray dalka Kenya, sababo la xidhiidha Covid-19 ayaa go’aankaasi wuxuu saameyn xoogan ku yeeshay xukuumadda Kenyai iyo sidoo kale ganacsatada Qaadka ee wadankaasi Kenya. Wargeyska The Business Daily ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa warbixin uu ka qoray xayiraada ay Soomaaliya saartay Qaadka ayaa soo bandhigay shuruudo uu sheegay in dowladda federaalka ay ku soo rogtay Qaadka maalin-walba uga imaan jiray dalkaasi. The Business Daily ayaa shaaciyey illaa afar qodob oo Soomaaliya ay hor dhigtay Kenya, kuwaas oo kala ah:- 1 – In dowladda Kenya ay faragelinta ka deyso Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isla markaana si siman ula macaamiisho dadka Soomaaliyeed. 2 – In Kenya raali gelin ka bixiso inay kusoo xadgudubtay Hawada Soomaaliya 3 – In Kenya ogolaato inay dhoofsato wax soo saarka Soomaaliya, sida Kalluunka, Malabka, Hilibka iyo Caanaha iyo waxyaabaha kale ee muhiim ah. 4 – In Kenya ay laasho in duulimaadyada ka baxa Soomaaliya ugu leexiso Magaalada Wajeer taas oo dhibaato weyn ay ku qabaan dadka ka baxa gudaha dalka Somaaliya. Dhinaca kale Wargeyka ayaa warbixintiisa ku xusay inuu go’aankan saameyn ku yeeshay ganacsatada Kenya, islamarkaana uu dhulka galay dhaqaalahooda, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dalab ay u soo jeedisay dowladda Soomaaliya ay ku gacan saydhay, si looga qaado xayiraada. Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo todobaadkii la soo dhaafay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay sii adkeysay xayiraadaha Qaadka ee saaraan duulimaadyada dalka Kenya, iyadoo digniin u dirtay diyaarado la sheegay in si qarsoodi ah Jaadka ku soo geliyaan dalka. Halkan ka kahri warkaas oo English ku qoran:- The Somali government has given Kenya five conditions ahead of lifting blockade of Miraa imports. Nyambene Miraa Traders Association (Nyamita) reckon that talks to end the Miraa stalemate has hit a snag and Somali has issued demands that must be addressed by Kenya. The demands include; Kenya must treat Somalia as an equal, desist from interfering with Somalia’s internal affairs, apologise for violating Somalia airspace, allow in goods from Somalia including fish, rice, sugar, honey, meat and milk and Kenya stops forcing flights from Somalia to make a detour to Wajir for inspection. Somali had also demanded government-to-government talks after it snubbed a delegation of traders and officials from Kenya crops regulator—Agriculture and Food Authority (AFA). “Top government officials in Somalia said Kenya has been unresponsive to the issues. We are banking on President Uhuru Kenyatta to resolve the diplomatic tiff,” Nyamita chairman Kimathi Munjuri said. Qaran News
  13. Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Xarunta Madaxtooyada ku soo dhoweeyay siihayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS Mudane Xamsa Saciid Xamsa, iyo Wefdi uu hoggaaminayo oo arrimo shaqo u yimid Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Dhinacyadaasi,waxa ay halkaasi isku weydaarsadeen arimo la xiriiray horumarinta maamulka Dowlad Goboleedkaasi.waxaana goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Galmudug mudane Abdirahman (Makaawe). Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye wuxuu bogaadiyey daddaalka wasaaradda Gargaarka eek u aadan latacaalida masiibooyinka iyo halis wadareedka. Wafigaasi ka socday Dowladda FS oo maanta garay Dhuusamareeb, waxaa si diiran u soo dhoweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada. View the full article
  14. Maxkamad ku taal magaalada Bankok ee caasimadda dalkaasi Thailand ayaa warqad waaran soo qabasho ah u jartay milyaneerka da`da yar ee dhaxlay shirkadda soo saarta cabitaanka loo yaqaan Red Bull. Ninkan da`da yar oo lagu magacaabo Vorayuth Yoovidhya islamarkaana ku magacdheer «Boss» ayaa lagu haystaa dilka nin boolis ah kaas oo uu jiirsiiyay gaari qaali ah (Ferrari) oo uu watay, horraantii sannadkan. Bishii July ayaa waxaa soo ifbaxay in maxkamadi laashay dambiga loo haystay taajirkan taas oo dhalisay hadal-hayn badan islamarkaana lagu eedeeyay hay`adaha caddaaladda dalkaasi in musuq ay faraha la galeen. Dhaleeceyntaasi kaddib ayay hay`adaha caddaaladdu ka laabteen xukunkoodii hore ee laalidda, waxaana ay iminka soo saareen warqad ay ku dalbanayaan in lasoo qabto ninkan islamarkaana la hor keeno caddaaladda si loo looga abaalmariyo dambiyada loo haysto oo kala ah dil iyo isticmaal daroogo xilli uu gaari waday. Wiilkan yar ayaa waxaa awoowe u ahaa taajirkii hindisay ee abuuray shirkadda Red Bull kaas oo lagu magacaabay Chaleo Yoovidhya, islamarkaana dhintay sannadkii 2012-ka. Qaran News
  15. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay shuruudo adag ku xirtay in dib loo bilaabo Jaadka (Qaadka) Soomaaliya looga keni jiray Kenya, kaas oo loo joojiyay sababo la xiriira COVID-19, iyada oo shuruudahaas u gudbisay dowladda Kenya. Sida uu daabacay Wargeysa ka hadla arrimaha Ganacsiga ee Business Daily iskaashatada Qaadka ee degaanka Nyabene xubno ka socday ayaa yimid magaalada Muqdisho, si ay dowladda Soomaaliya ugala hadlaan in xayiraada laga qaado Haadka, hayeeshee dowladda Soomaaliya ay ku xirtay shuruudo ay ka mid yihiin. 1: In dowladda Kenya ay faragelinta ka deyso Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isla markaana si siman ula macaamiisho dadka Soomaaliyeed. 2: In kenya raali gelin ka bixiso inay kusoo xadgudubtay Hawada Soomaaliya 3: In Kenya ogolaato inay dhoofsato wax soo saarka Soomaaliya,sida Kalluunka, Malabka, Hilibka iyo Caanaha iyo waxyaabaha kale ee muhiim ah. 4: In Kenya ay laasho in duulimaadyada ka baxa Soomaaliya ugu baareyso Magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari taas oo dhibaato weyn ay ku qabaan dadka ka baxa gudaha dalka Somaaliya. Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd markii maareeyaha hay’adda duulista rayidka Axmed Macalin uu sheegay in marnaba ay Soomaaliya aysan soo geli karin diyaaradaha sida Qaadka, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay mamnuucday in dalka la keeno. View the full article
  16. Munaasabadan oo ahayd mid lagu dhaqan gelinayo Xeerka Saxaafada Soomaaliyeed, laguna furayo Xafiiska Wararka Dowlada iyo warbaahinta Madaxa Banaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay sii hayaha Xlka R/Wasaaraha Dalka ahna ku xigeenka Reysul Wasaaraha,Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska, Wasiir ku xigeenka Wasaarada, Xildhibaano iyo Suxufiyiin ka tirsan Warbaahinta Madaxa Banaan iyo Warbaahinta Dowlada. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf (Al Cadaala) oo ugu horeyn ka hadlay Munaasabada ayaa shaaca ka qaaday Marxaladaha uu Soo Maray Xeerkan iyo ahmiyada uu u leeyahay Warbaahinta Dalka. Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay inuu Xeerkani ka dhigayo Warbaahinta Dowlada mid u firay Qof waliba oo Soomaaliyeed halka ay markii hore ahayd warbaahinta Dowlada mid gudbisa Fariimaha Dowlada. Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada SOomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegau in Xeerkani uu yahay mid ilaalinaya Saxaafada oo aysan sahlaneyn inuu SHaqsi iska xiro Wariyaha uu Shaqadiisa ku jira. Sii hayaha Xilka Reysul Wasaaraha dalka ahna ku xigeenka Reysul Wasaaraha dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ku dhawaaqay inuu Xeerku dhaqan gal yahay ,isla markaasina furay Xafiiska Xiriirka Warbaahinta Madaxa Banaan iyo Dowlada Soomaaliya. Xeerkaan ,waxaa hotay u saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya ,waana mid soo naray Goleyaasha Dowladam kuwaasi oo meel mariyay. View the full article
  17. Afhayeenka maamulka HirShabelle, Daa’uud Xaaji Cirro oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen qabashada doorashooyinka maamulkaasi. Daa’uud ayaa carabka ku dhuftay in aysan doorashadu dib uga dhici doonin waqtigii loo asteeyeym, taas oo isugu jirta mida Madaxweynaha iyo baarlamaanka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ololaha doorashada ay si rasmi ah u bilaaban doonaan bisha soo socota ee September. Doorashada ayuu sheegay inay noqon doonto mid dimuquraadi ah, una dhaceyso si xor iyo xalaal ah, sida uu hadalka u dhigay. HirShabelle ayaa haatan wajaheysa caqabad waa weyn oo ay ugu daran yihiin dhaqaalaha iyo amniga deegaanada maamulkaasi. View the full article
  18. Farmaajo oo Noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee Somalia xukuma ee jebiyay soo jireen dastuuri ahaa Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ku sugan Dhuusamareeb ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimo ku aadan magacaabista Ra’iisul wasaaraha dalka. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ka hadlay arrimo Dastuuri ah, sida muddada magacaabida Ra’iisul wasaaraha iyo nidaamka 4.5, wuxuuna sheegay in labaduba aysan ku qorneyn Dastuurka,balse ay yihiin kuwa curfi iyo soo jireen. ”Dastuurka qodobbadiisa kuwana waa qoran yihiin, kuwa waa curfi iyo soo jireen. Tusaale ahaan, awood qaybsiga 4.5 ma aha qodob dastuuri ah oo qoran,” ayuu CC Shakuur. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Farmaajo uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee jebiya soo jireen dastuuri ahaa, maadaama illaa iyo hadda uusan macagaabi Ra’iisul wasaare, iyadoo ay ku qaaday in ka badan 30 cisho, welina uusan ku laaban baarlamaanka. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in Madaxweyne Farmaajo uusan aqbali karin xilligan inay dhammaatay afartii sano ee muddo xileedkiisu ahaa, balse wuxuu u soo jeediyey inuu magacaaba Ra’iisul wasaare dalka ka bixya marxaladda adag ee haatan lagu jiro. Hadalka siyaasgan ayaa ku soo aadaya, xilli weli Villa Soomaaliya looga fadhiyo magacaabida Ra’iisul wasaare cusub oo bedalaya Mudane Xasan Cali Khayre oo si lama filaan ah bishii la soo dhaafay ay ku rideen xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya. Qaran News
  19. Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa maanta oo Arbaco ah mar kale dhegaysatay dacwadda loo haysto 7 nin oo ku eedaysan Kiiska AUN Hodan Axmed Maxamed Shanlayste. Hodan Shanlayse, waxay ahayd gabar xaas ah oo 11-kii April 2019 la sheegay in kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. 15-kii February 2020, ayay Maxkamaddu markii u horraysay dhegaysatay Dacwadda loo haysto Ragga ku eedaysan Kiiska, balse saddex jeer oo dambe ayaa dib loo dhigay Dacwadda. Daawo Go’aanadii Ka Soo Baxay Maxkamadda Gobolka Nugaal Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Taiwan’s Representative to Sweden Vincent Yao (姚金祥) accepted an exclusive interview with Radio Sweden to discuss the establishment of representative offices between Taiwan and Somaliland and the impact of Beijing’s new national security law on Hong Kong. On Wednesday (Aug. 19), Yao gave an interview on Sveriges Radio, stating that Taiwan is actively expanding its presence in Africa, and after several consultations with Somaliland, the two nations decided to mutually set up representative offices. Yao stated that eight other countries, the EU, as well as a number of international organizations, have set up official representative offices in Somaliland, CNA reported. He added that the East African country also has representative offices in 22 countries, including Sweden. Yao emphasized that Somaliland’s location is strategically important and that cooperation between the two countries in agriculture, fishing, energy, mining, and information and communications is bound to expand. When asked whether Taiwan might become the next target of the Hong Kong National Security Act, Yao said that the nation is different from Hong Kong, as it has never been under Chinese Communist Party (CCP) rule. Moreover, he said that the people in Taiwan have a good understanding of the nature of the CCP and do not believe or accept the “one country, two systems” framework. Yao pointed out that the Hong Kong National Security Law applies to all countries, and the goal is to sever Hong Kong’s connection with the world. Taiwan hopes that the international community can condemn this law and support Hong Kong’s democracy and freedom. Swedish Sinologist Torbjorn Loden, who was also invited on the program, said that the more negative China’s international image becomes, the more likely Beijing will engage in a diplomatic battle with Taipei. The content of the Hong Kong National Security Law exposes the CCP’s ambitions and scares the “truth-tellers,” making him fearful of the situation in the formerly autonomous territory. Radio Sweden, established in 1925, is Sweden’s most important public radio station. Yao’s appearance on the radio program is the first time that Taiwan’s representative in Sweden has been invited for an interview on such a significant outlet in Swedish media. Taiwan News Qaran News
  21. Wafdi uu hugaaminayo sii hayaha wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka soomaliya mudane, Xamsa siciid xamsa ayaa manta gaaray caasimada Galmudug ee dhuusomareb. Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusomareb waxaa kusoo dhoweeyay wasiirka wasaaradda Gargaarka Galmudug mudane Abdirahman (makaawe) xilibaano iyo wasiiro ka tirsan Galmudug. Wafdigaasi oo uu ka mid ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada gargaarka iyo mareynta musiibooyinka Galmudug Samiiro ibraahim cali,waxaa mudada ay joogaan Degmadaasi ay la kulmi doonaan madaxda Dowladda Galmudug. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  22. Ambassador Bashe Cawil Xaaji Cumar oo wada dedaalo uu ku qancinaayo Siyaasi Maxamuud Xaashi inuu ka tanaasulo inuu Madaxweyne Muuse biixi kula tartamo gudoomiyanimada Xisbiga marka la gaadho Shirweynaha 4-aad ee Xisbiga Kulmiye. Safiirka oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa dedaalo badan gelinaaya sidii aanu muran u soo dhex geli laheyn Xisbiga Kulmiye balse loo sii xoojin lahaa midnimada Xisbiga ee mustaqbalka. Sida ay ilo xog ogaal ahi ii xaqiijiyen Ambassador Bashe ayaa wada kulamo gooni gooni ah oo uu la qadanayo qoorweynta Kulmiye ee ugu horeeyo Maxamuud Xaashi isagoo rabba in murashaxiinta hanka gudoomiyanimo leh u tanaasulan oo aaney kula tartamin jagadan Madaxweynaha Somaliland oo mar labaad la filaayo inuu u tartamo jagadaasi. Write Luqmaan Sawirradan hoos ka muuqda waa Siyaasi Maxamuud Xaashi oo ka soo dhex -Muuqday Kulan qado ah oo uu sameeyay Safiir Baashe Cawil . Kulankani ayaa siyaasiyiin ka ag-dhawi ii sheegeen in safiirku waddo isku soo jiidka Madaxwaynaha iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi oo muddo aan Wajiyadoodu is arkin. Source
  23. Kor Ka Xaadis Taariikhdii Hore Dawladnimo soomaaliyeed oo hindisaheegu yahay in ay Somaalida Bariga Africa ku nool oo dhami hal dal isku noqdaan waxa bilaabay oo hamuunteeda iyo jacaylkeegu iyo jibadeedu hayey dadka Jamhuuriyada Somaliland, waana dalkii ugu horeeyey ee dawladnimadiisii u loogay in ay helaan shan soomaaliyeed oo dal isku noqda. Marka aad taariikhda iyo dhacdooyinkii jiray dib u raacdo Jamhuuriyadii Somalia ee burburtay 1990kii waxa ay dhisnayd 30 sanadood oo kaliya , waxa ku midoobay shantii soomaaliyeed laba ka mid ah oo kala ahaa British Somaliland Protectorate ( British Somaliland) iyo Italian Somaliland Trusteeship ama ( Italian Somaliland) oo noqday Jamhuuriyadii Somalia 1 july 1960kii. Waxyaabaha Somalia burburiyey ayey ka mid tahay riyada doonista Shanta soomaaliyeed, sababta oo ah labadii ugu horeeyey ee isku darsadey markii ay xoroobeen ayaan waxbaba ku heshiin, waxii ay kala qorteen ee lagu midoobayeyna iskuba diiday, waxa taa ka sii wadada lagu doonayey Shanta soomaaliyeed waxa ay ka hor imanaysay shuruucdii midowga Africa oo ee 1963kii oo dhigayey in aan dalna dal kale farogalin arimihiisa gudaha isla markaana aqoonsanaa xuduuduhii uu isticmaarku ka tagey , taasi oo Jamhuuriyadii Somalia loo arkay fidno cusub , loona werweray dalalka Africa oo aan isir ku dhisnayn ee xuduudo ku dhisan. Kacaakufkii iyo daalaadhacii faragalin dibadeed iyo mid gudaheega jamhuuriyadii Somalia wax kala hororsatay waxa ay dhashay burbur, xasuuq, dawlad la’aan iyo in soddon sanadood oo kale maanta laga joogo iyada oo labadii Soomaali ee isku biiray ay midina inta ay dawladnimo iyo dib u heshiisiin dhisatey aanu caalamku aqoonsi siinin oo u garba duubnayd Somaliyadii koonfureed oo iyaga soddonka sanoba aan marna tashan ee dawlado shisheeye iyo sokeeyeeba lihi gacanta ku hayeen marka laga soo bilaabo shirkii Djibouti ee 1991 ilaa shirkii ugu dambeeyey ee muqdisho lagu qabtay ee lagu soo dhisay xukuumada caalamku garbaha hayo ee hada ku magacaaban jamhuuriyada federaalka somalia. XAQIIQADA MAANTA TAAGAN IYO XALKA SOMALILAND IYO SOMALIA Kaalinta Somaliland iyo qiimaha dawladnimadeedu u leedahay aduunka. 1- Somaliland waxa ay soddon sanadood kaalin muhiima ah kaga jirtay nabadgalyada, horumarka iyo xasiloonida gobolka iyo gobolada la jaarka ah. 2- Waxa ay soddon sanadood maamulaysay dalkeeda guud ahaan xuduudihiisana 97% ku sugtay nidaamka dawladnimo iyo kala dambayneed iyada oo ay ku haeeeraysan tahay halis badan iyo cadawyo dawladnimada iyo nolosha dadka khatar ku ahi. 3- Somaliland waxa ay xuduud la leedahay wadamada Ethiopia, Djibouti, Somalia iyo marin biyoodka bada cas ee Gacanka Cadmeed oo intaasiba soddonkaa sanadood ahaa nabadgalyo ay tacab Somaliland galisay iyada oo ay hareereheega ka jiraan dawlad la’aan , argagixiso, budhcad badeed iwm oo laga suurtagalin kariwaayey dawladnimo mudadaasiba. 4- Somaliland waxa ay ku taalaa meel aad u muhiim ah oo hadii ay dawlad la’aani jiri lahayd ay dunidu kala xidhmi lahayd xaga bada cas , oo uu dab sudhmi lahaa dawladaha jaararka la ah taasi oo sababi lahayd in Geeska Africa iyo Gacanka cadmeedba ay noqdaan fawdo , hoy colaado iyo argagixiso. DANTA ADUUNKA SOMALILAND IN LA AQOONSADO UGU JIRTA 1- Somaliland waxa ay ka baxaysaa go’doonka iyo culeyska xaga aduunka ka saarnaa soddon sanadood waxa aanay kaalin firfircoon ka qaadaneysaa oo xaga horumarka, dimuqaradiyada, dawladnimada , nabadgalyada iyo dhismaha Gobolka Geeska Africa iyo Badda cas . 2- Somaliland waxa ay tahay cidda kaliya ee jamhuuriyada federalka Somalia wax la qaban karta isna garabsan karaan iyada oo cidwal oo kaleba uga faham fog ugana faro dhuudhuuban arimaha soomaalida . 3- Somaliland waxa ay tahay dalka kaliya ee nidaam dimuqaeadiyadeed oo xor ahi ka jiro marka aad u eegto Gobolka ay ku taallo waxaana ay hormood u noqonaysaa dawlad wanaag iyo dimuqarad ka hirgasha Gobolka Geeska Africa ee Go’doonka iyo dib u dhaca weyn ku jiray qarni badhkiisii ugu dambeeyey. DANTA JAMACADA CARABTA UGU JIRTA AQOONSIGA SOMALILAND. 1- Dawladaha jamacada carabta waxa u soo kordhaya dal kale oo kaalin mug leh ka qaata arimaha carabta, islaamka iyo horumarka. 2- Somaliland waxa ay ka qayb qaadaneysaa xasiloonida Gacanka cadmeed iyo ciidamada badacas loo sameynayo maadaama ay xuduud 1000km ku dhow la leedahay Somaliland Somaliland badda cas. DANTA GOBOLKA GEESKA AFRICA IYO AFRICA UGU JIRTA AQOONSIGA SOMALILAND 1- Geeska Africa oo in badan ka hadhsan ama ka dambeeya Qaarada Africa ayaa waxa ay u tahay Somaliland oo la aqoonsadaa albaab kale oo uu horumarku ka soo gallo iyo ku xidhnaanta aduunku Africa iyo Geeskaba halka maanta hal albaab oo cidhiidhi ah oo aan kuna filnayni jiro (Djibouti ). 2- Africa waxa ay aqoonsan tahay xuduudihii uu ka tagey isticmaarkii kaasi oo Somaliland u sahlaya in ay ka mid noqoto midowga africa isla markaana qayb weyn ka qaadato hawlaha horumarka, nabadgalyada , isku socodka iyo hiigsiga qaarada oo dhan. 3- Geeska Africa iyo Africa waxa kale oo ay muhiim ugu tahay Somaliland maadaama gobolku uu xasilooni daro amni iyo mid siyaasadeed ay saashadeen oo ay Somaliland na ahayd meelaha ugu wanaagsan soddonkii sano ee ugu dambeeyey in ay kaalin ka wanaagsan oo ka xoog badan tii hore ay ka gasho xaga xasiloonida, nabadgalyada , horumarka, iwm. DANTA UGU JIRTA SOMALIDA AQOONSIGA SOMALILAND 1- Somalida ku nool bariga Africa ama shantii soomaaliyeed hadii ay hirgali wayday oo aanay sharciyan iyo caqliyanba xiligan wax soo muuqda aheyn waxa haboon in midwaliba halkeega ku horumarto oo la iskaga warhayo la iskuna kaashado.. 2- In dadka soomaaliyeed noqdaan dadka Gobolka iyo Qaaradaba ugu dalal badan maadaama oo ay leeyihiin shan dawladood taasi oo macno weyn iyo qiimo weynba u leh soomaalida guud ahaan. 3- In dalalka islaamka ah ee Gobolka Geeska Africa noqdaan qaar tarma oo aqlabiyad ah . 4- in la helo shan soomaaliyeed oo is jecel oo isku damqata marka la dhameeyo xanafaha iyo xafiiltanka siyaasadeed ee Somaliland iyo Somalia, isla markaana la Isla cafiyo dhacdooyinkii iyo taariikhdii madoobayd we Somaliland iyo Somalia soo kala dhex martay. 5- in qabka iyo qoidhnimadii qofka soomaaliyeed ay soo noqoto oo aan dib loo arag soomaali is haysata gudaheega ee la helo soomaali is garabsata oo horumar isku kaashata. 6- In ay meesha ka baxaan danaha ay dawladaha shisheeye ku kala hororsanayaan soomaalida iyaga oo aan waxba u qabaneyn we midba mid uun lagu soofaynayo iyaga oo ka fushanaya hawlahooga. 7- In somalidu isku soo dhowaato oo is fahmi karto mustaqbalkooga dambe iyo qarniyada soo socda waxii la yeeli lahaa ama qaabkii loo noolaan lahaa uu aqoonsiga Somaliland dhagax dhig u noqdo, oo bal aynu sameyno jidkii wanaaga iyo wadiiqooyinkii horumarka wax wada lahaanshaha iyo hadiiba mustaqbalka dambe dadkii gaadhaa ay midnimo ku hamiyayaan ama ay sidaa ahaanayaan. Qalinka: Muxamed Dhimbiil Source
  24. Laacibka Adduunka ee Lionel Messi oo ku dhawaaqay hadal Barcelona wadnaha jaray Xiddiga weyn ee ree Argentina Lionel Messi ayaa kooxdiisa baarceloona u sheegay inuu xilli ciyaareedkan ka tagayo naadiga. Lionel Messi oo ay da’diisu tahay 33 jir, cimrigiisa ciyaareed oo dhanna kusoo qaatay Barcelona ayaa ku dhawaaqay go’aankan oo aanan marnaba laga filanayn. Waxa uu kooxda ka codsaday in si dhakhsiya lagu fasaxo oo weliba bilaash ah. Barcelona ayaan kala daahin jawaabteeda, waxaanay si degdeg ah ugu sheegtay Lionel Messi in aanay marnaba u ogolaan doonin inuu si bilaash ah kaga tagoi kooxda. Inkasta oo uu laacibkani wax badan usoo qabtay, haddana Barcelona ayaa ka fikiraysa dhinaca ganacsiga marka ay timaaddo inuu tago xiddigga ugu wanaagsan dunida, mana ogolaan karto in uu bilaash ku baxo maadaama lasoo dhaafay waqtigii uu heshiiskiisu u ogolaa inuu si bilaash ah ku bixi karo. Barca ayaa waxaa 8-2 ku garaacay Bayern Munchen rubuc dhammaadkii horyaalka Yurub ee Champions League, 16-kii bishan August. Messi oo niyad jab ka muuqdo, kaddib guul-darradii Bayern Munich Messi oo lixjeer ku guuleystay billada ciyaaryahanka addunka ugu wanaagsan ee Ballon d’Or, ayaa kulankiisii ugu horreeyay Barcelona u saftay sannadkii 2004-tii, waxa uuna koobka Champions League ku guuleystay afar goor. Qandaraaska uu naadiga kula jiro ayaa ku eg dhammaadka 2021-ka. Waxaana la filayaa iney goor dhow kulan qaataan maamulka kooxda. Waxaana jira warar sheegaya in waxa keliya ee Messi lagu qancin karo ay tahay in madaxweynaha kooxda Josep Maria Bartomeu uu is casilo, sidoo kalana la qabto doorasho deg-deg ah balse Messi ayaa u muuqda qof gaaray go’aankiisi ugu dambeeyay ee aan sinna lagu qancin karin. Kaddib markii la baahiyay warka ah in Messi uu codsaday inuu la fasaxo oo ka tago naadiga ayaa garoonka Nou Camp ee Barcelona waxaa soo buu dhaafiyay taageerayaasha oo ku mudaaharaadaya maamulka kooxda, iyagoona taageero u fidinaya laacibkooda ku gaamuray kooxda. Rokooradii uu dhigay Messi Waxa uu Baarceloona ku soo biiray isagoo 13 sanno jir ah sannadkii 2000, xilligaasi oo uu ka soo wareegay naadiga Newell’s Old Boys ee dalkiisa Argentina. Tan iyo markaasi waxa uu dhaliyay 637 gool, 731 ciyaarood oo uu saftay Barca. Waxa uu kooxda kula guuleystay 34 koob oo waaweyn oo ay kamid ahaayeen 10 horyaalka Spain ee La Liga iyo 4 koob Champions League ah. Waxa uu dhaliyay goolashii ugu badnaa ee laga dhaliyo La liga (444) Waxa uu noqday cayaarhanka ugu billadda badan, marka laga hadlayo Ballons d’Or Waxa uu 2012-kii noqday cayaaryahanka ugu goolasha badan, dhammaan tartannada kubadda cagta ee caalamka isagoo shabaqa ku hubsaday 79 gool Waa cayaarhanka keliya ee in ka badan 40 gool dhaliyay 10 cilli ciyaareed oo isku xigta Waxa uu haystaa goolasha uga badan ee halkoox loo dhaliyo ee Champions League (115 gool) Qaran News