Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gubistii Laydhka ee Gurigayga iyo Garoowshiiyo La’aantii Sompower. Qalinkii Cabdicasiis Bashiir Nuur. Habeen khamiis ah, oo Taarikhdu tahay 23-kii September 2020-ka 10:30-kii Habeenimo, ayaa Gurigaygaa oo ku yaala Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaafada Sheekh Nuur waxa qabsaday Dab ka dhashay Laydhka Guriga ku jira, gaar ahaan qolka hurdada oo xilligaas xidhnaa. Dabka ayaa ka dhashay, halka ay iska galaan Guluubka iyo sidoo kale Fadhiga lagu xidho, gaar ahaan xadhiga Dabka sida halkuu uga yimmaado fadhiga lagu xidho guluubka, waxana halkaa ka dhashay Shoodh, isla markaana waxa uu sameeyey Shoodhku di’itaan, kaasoo kusoo dhacay Sariirta dusheeda, isla markaana waxa uu qabsaday Furaashka, waxana daqiiqado gudahood Gurigii isku xidhay qiiq iyo ur, nasiib wanaag waxa isla markiiba dareentay Marwadayda oo Caruurta TV, kula daawanaysay qolka fadhiga, Shaki Kadib, waxay caruurtii u Saartay dibada, isla markaana waxay u qaylo diratay Xaafadaha jaar, kuwasoo daqiiqado gudahood, usoo gaadhay guriga oo qiiq iyo uuro ku xidhan tahay, nasiib wanaag, waa lagu guulaystay in Dabkii la bakhtiiyo. Iyadoo waxyeelada Dabku qaystay ku koobnayd hal qol, hase-yeeshee qiiq iyo uuradu guriga ka dhigtay, meel midab madow isku bedeshay. Waxa guriga ku gubtay allaabooyin aan sidaas u buuray, oo ay kamid tahay Hurdadii iyo daahyo qaybo kamid ah Silliiga iyo weliba aallaabooyin uu kamid yahay TV-ga. Alxamdululah waa Khasaare aad u fudud anigu waxaan soo gaadhay iyadoo markaas uun la bakhtiinayo, waxanaan markii la isoo sheegay la Hadlay Taliyaha Saldhiga Sheekh Nuur ama Kiliilka, oo lagu Magacaabo Nimcaan, oo aan ka dalbanaayey inuu Dab-demis igu yeedho, isla markiiba Taliyuhuu waxa uu sameeyey Gurmadkii oo ahaa inuu u yeedho Dab-demiska iyo inuu isaga iyo Ciidamadiisu degdeg gurigayga usoo gaadhan, xiligaas oo lagu guulaystay in la bakhtiiyo Dabkii. Ciidamaddu waxay bilaabeen inay Warbixin ka qoran, Iyadoo la waayey wax raad la hubo oo dabka dhaliyey markaas, waxa iyaguna isla markiiba nasoo gaadhay Ciidamada Dab-demiska oo hubiyey in weli wax Dab ahi, guriga haystaan. Intaa markaa kusoo dhaafo khasaarihii iyo dhacdadii dabka, waxan isla markii la bakhtiiyey iyo weliba markii uu dabku qabsaday Guriga la xidhiidhka qolada Laydhka Sompower, ee Laydhkoodu Sababay inuu guriga Gubo, waxanan markaa ka dalbanaynay in guriga laga jaro Laydhka, laba sacaadood ayey Nagu qaadatay in Laydhka nalaga jaro. Subaxnimadii Khamiista ee shalay waxan qaybo kamid ah guriga ugu talo galay in dib aan u sameeyo, waxanan marinaayay Istambarkii iyo Siiligii. Sidoo kale waxan u taagay Xafiiska xaafada Sheekh Nuur ee Shirkada Sompower, oo aan ka codsanayey inay Xadhka Laydhka ee guriga aan iska bedelo, isla markaana la ii diro shaqaale. Waxaan la kulmay Maamulkii Xaafada, waxanan u sheegay in la isoo wada tijaabiyo xadhka Laydhka, isla markaana Laydhka guriga la igu celiyo, waxaan Maamulkii Xafiiska ee Laydhka kala kulmay weedho aan dam-qasho lahayn, iyo hadallo jees-jees ah, kuwasoo ahaa “Lacag iska bixi Nin ayaa ku raacinayaayee”. Waxaan ku celiyey gurigayga waxa gubay Dabkiina, dhibkaasna isagaa na gaadhsiiyey, hadana waxba idinma haystee, kaalayoo Laydhka iga hagaajiya. “Waar orod cid ku hagaajisa Magaalada ka raadsoo hadaad Laydh u baahan tahayna waxba ma jeegaranaynee halugugu celiyo”. Runtii weedhaha Wiilkaas waan dhibsaday waanan iskaga soo baxay, kadib Nin aanu saaxib nahay ayaa igu yidhi, waxaad la hadashaa Call-centerka Shirkada Sompower, waxanan sameyey sidii, Kadib waxa Telefoonka iga qabtay Nin aad u wanaagsan oo si wanaagsan isoo dhoweyey, isla markaana I sheegay in si dhakhso ah hawshaas la igu qaban doono. La soco qaybaha dambe. Qalinkii Suxufi Cabdicasiis Bashiir Nuur. Tel: 0634144434 Hargeysa/Somaliland. Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xalay kulan casho ah u sameeyey Xildhibaano ka tirsan labada gole, oo kasoo jeeda beelaha Mogadishu Clan. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaasi ayaa looga hadlay 13-ka xubnood ee gobolka Banaadir laga siiyey Aqalka Sare, taasi oo hadda u muuqata inay meesha ka baxday kadib markii laga reebay heshiiskii doorashada ee 17-kii bishan lagu gaaray Villa Somalia. Kulankii xalay ayaa waxaa ka dhacay dood kulul ayada oo xubnaha ka qeyb-galay ay ka careysnaayeen in 13-ka kursi ee Aqalka Sare laga siiyey gobolka Banaadir laga reebay heshiiska Muqdisho lagu gaaray ee doorashada, oo maanta uu baarlamanka cod u qaado. Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa ku dhaliilay Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynayaasha Galmudug, HirShabelle iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir inay ka gaabiyeen dhaqan gelinta 13 kursi oo aan haba yaraatee heshiiskii Dhuusamareeb 3 iyo heshiiskii Muqdisho aan lagu soo hadal qaadin. 13-ka kursi ayaa waxaa diiday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, hase yeeshee xubnihii gobolkan u doodi lahaa ayaa noqday kuwa aan lahayn karti ay xuquuqda gobolka usoo dhiciyaan. Xildhibaannada qaar ayaa xalay illaa saaka wada olole la doonayo in kuraasta 13-ka kursi lagu soo daro kulanka maanta ee baarlamanka si mar kale loo ansixiyo, hase yeeshee ma cadda sida taas u suurta-geli doonto. Xildhibaano Mogadishu Clan ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in qorshahoodu yahay in arrintan ay maanta kusoo qaadaan kulanka golaha, balse waxay u eg tahay in qorshahooda aanu guuleysan doonin, oo heshiiska doorashada kaliya la ansixin doono. The post Qorshaha xildhibaannada Mogadishu Clan ee maanta kadib kulankii xasaasiga ee xalay first appeared on Caasimada Online.
  3. Marwadii Hore Michelle Obama oo Shaacisey in Carruurteedii Naceen+Sababta Xaaska madaxweynihii hore ee Mareykanka Michelle Obama ayaa shaaca ka qaaday in labadooda gabdhood ee lagu kala magacaabo Sasha (19) iyo Malia (22) ay neceen islamarkaana aysan dooneyn in ay wakhiga la qaataan. Michelle Obama, ayaa arrintani u sababeysay cudurka coronavirus oo ay sheegtay in uu iska horkeenay iyaga iyo carruurta maadaama maanta wakhtiga intiisa badan guriga lagu wada jiro. Haweeneydan oo wareysi siineysay Conan O’Brien ayaa sheegay in iyada iyo Barack Obama ay u alifeen carruurta barnaamijo ay wakhtiga isku dhaafiyaan, balse barnaamijyadaasi usbuucyo iyo bilooyin kadib ay ka horyimaadeen. ” – Waxaan dhihi karaa, carruurteenna waa na neceen, waana wax caadi ah anagaba waan nacnay oo waan isnacnay”, ayay tiri Michella Obama. Waxay sidoo kale sheegtay in ay xitaa muddoo kooban ka guureen guriga oo ay u guureen guri aad u weyn si loo kala nafiso. Si kastaba. xayiraadaha in guryaha lagu jiro ee uu keenay cudurka COVID 19 ayaa isku diray dadka guryaha ku wada nool sida waalid iyo carruurtiisa, dad isqaba iyo kuwo wada noolba. Qaran News
  4. Maxay Falastiin ku diiday inay qabato Xilka Gudoomiyenimada Ururka Jaamacadda Carabta? . Wargeysyada Carbeed ee saaka soo baxay ayaa ka hadlay go’aanka Maamulka Falastiiniyiintu ku diiday in uu qabto xilka gudoomiyenimada Jaamacadda Carabta oo doorkan ku soo beegmay iyaga, sababtuna ay tahay in ay kaga falcelinayaan in Jaamacaddu ” ku fashilantay”in ay canbaarayso heshiiska dalal Carbeed iyo Israel dhawaan dhex maray. Faallooyinka qaarkood waxay diiradda saareen talaabada ugu haboon ee ay qaadi karaan Falastiiniyiintu ee ay kaga falcelin karaan labada heshiis ee ay Imaaraadka iyo Baxrayn la galeen Israael. “Damaashaadka heshiiska Carbeed iyo Israel” Wargeysyada Falastiiniyiinta ee maanta soo baxay waxay badankoodu ka warameen go’aanka Maamulka Falastiiniyiintu ku diiday qabashada xilka guddoomiyenimada ee doorkan. Faallo uu ciwaan uga dhigay “Anaga, Jaamacadda Carabta iyo u guclaynta Israel” ayaa wargeyska Al-Qudus ee Falastiin ku yidhi “Ururka Jaamacadda Carabtu mudadii dheerayd ee uu jiray marnaba go’aan la taaban karo kama uu qaadan qaddiyad laga dooday oo la soo hordhigay. Had iyo goorna waxa uu raacaa hadba waxa ay doonayaan dalalka xubnaha ka ah iyo danahooda gaarka ah. Sidaa awgeed markii la horkeenay in laga doodo arinta xidhiidhka Imaaraadka iyo Baxrayn la yeesheen Israel, waxaabad moodaysay mawqifka ururku inuu noqday inuu si buuxda u taageerayo arintaas oo xataa erayo uu ku cambaaraynayo muu soo saarin”. Wargeysku waxa uu intaa ku daray “anagu haddii aynu Falastiiniyiin nahay, maadaama arintu sidaa tahay, ma doonayno in aanu ka baxno ururkan kaalintiisii ka soo bixi waayey. Laakiin waxaanu qaadanay mawqif fariin diraya oo ah in Maamulka Falastiiniyiintu diiday in uu qabto guddoomiyenimada ururka Jaamacadda Carabta ee haatan si uu u muujiyo inuu ka xun yahay mawqifka ururku qaatay. Tallabadaasina waa mid sax ah oo loo baahnaa sababta oo ah qadiyadda Falastiin mahaa wax afka uun laga sheego ee waa qaddiyad waddani ah oo ka turjumaysa aragtida iyo mawqifkeenna”. Wargeyska Al-Ayaam ayaa isna qoray “ururka Jaamacadda Carabtu wuu hagaasay oo wuu diciifay, faa’iido uu leeyahay na ma jirto. Sababta oo ah marnaba muu difaacin aragti Carbeed oo ah in la midoobo iyo hurumar toona, waxaa bu se dhawr goor ku kala qaybsamay arimo waaweyn iyo xataa kuwo yar yar oo gobolka ka dhacay, arintaasina waa mid aan weli ka bi’in xusuusta dadka”. Ayey dani ugu jirtaa? Wargeyska Al-Quds Al-Carabi ee ka soo baxa London ayaa faalladiisii ku yidhi “waxa Maamulka Falastiiniyiintu dorraad shaaciyey in aanu qabanayn guddoomiyenimada ururka Jaamacadda Carabka, arintaas oo uu ku cabirayo sida uu uga xunyahay in Jaamacadda Carabtu diido in ay dhaleecayso heshiisyada dalalka Carbeed iyo Israel dhex maray dhawaan. Laakiin Maamulku kamuu bixin ururka, go’aankiisaasina wuxu uga dan leeyhay in uu si adag ugu muujiyo in Falastiiniyiintu ku dhegan yihiin mabda’ooga.” Madaxweynaha Falastiiniyiinta, Maxamuud Cabbaas Qoraaga Caadil Sulaymaan ayaa maqaal uu ku qoray wargeyksa Al-Carabi Al-Jadiid ee ka soo baxa London, waxa uu ciwaan uga dhigay “go’aannada adag ee hor yaal Falastiiniyiinta” ayaa waxa uu ku yidhi ” hiilkii Carbeed way waayeen Falastiiniyiintu, qadiyadadooduna waxay ku soo ururtay sidii ay ahayd oo ah in ay tahay qadiyad waddaniyadeed oo Falstiiniyiintu ku keli yihiin.” Sulaymaan waxa uu intaa ku daray “hadba waa maxay mawqifyada adag ee horyaal Falastiiniyiintu? Looma baahna in waano loo gudbiyo Falastiiniyiinta sababta oo ah 72 sano ayaa lagu waday. Laakiin waxa haatan cadaaday waxa weeyi in ay iyagu yihiin cidda keliya ee garan karta mawqika ay u baahanyihiin in ay qaataan iyo fahamka go’aamada dawladaha gobolka iyo kuwa duniduba ay ku yeelan karaan qaddiyadooda. Uma baahna mutacalimiin iyo dad aqoonyahan ah oo garaad kuma yara, waxa keliya ee ay u baahan yihiin waa in ay midoobaan oo ay mawqif waddani ah oo ay ku midaysan yihiin gaadhaan. Waa in aad idinka oo midaysan gaadhaan go’aanno ku haboon qadiyadiina maadaama dhulku yahay dhulkiinii, xaqa maqan ee la goobayaana yahay xaqiiana. Waxaanad ogaataan in aan ummaduhu baabi’in inta ay leeyihiin rabitaan ee halganna ka go’an yahay.” Haseyeeshee waxa jiray qaar ka mid ah dadka wax qora oo go’aanka Maamulka Falastiiniyiinta dhaliilay. Baasil Turjumaan oo maqaal uu ku qoray wargeyska Al-Dastuur ee ka soo baxa Urdun ciwaan uga dhigay “Falastiiniyiinta is go’doominayaa ayey u danaynayaan?” ayaa waxa uu ku yidhi “cidda keliya ee go’aankaa Falastiiniyiinta ka faa’iidaysanaysaa waaa Israel oo maqnaanshaha Falastiin ku heli doonta fursad ay ku xodxodato dunida iyo dalalka jaarka ah ba maadaama oo ay Falastiiniyiintu si aan maan gal ahayn oo aan la fahmi karin uga gaabinayaan difaaca qadiyadooda, amaba ay gole kastaba ka garnaqsadaan si ay u muujiyaan in dooddoodu tahay mid xaq ku salaysan oo cadaalad ah.” Qaran News
  5. Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xalay ka qeybgalay xaflad soo dhowayn ah oo isaga iyo wefdigiisa loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaaladda Baydhabo. Hadal-jeedin uu Madaxweynuhu sameeyay, waxaa uu sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ku heshiiyeen horumarinta iskaashiga, dhinacyada Amniga, ganacsiga, isdhexgalka Bulsho iyo dowladd dhiska. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Puntland wixii aqoon dowladdnimo iyo shuruuc ah ku taageerayso Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Madaxweyne Deni, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo dhammaan dadka reer Koonfur Galbeed dowlad iyo shacaba sida ay usoo dhoweeyeen isaga iyo wefdigiisa. Hoos ka eeg Muuqaalka iyo Sawirada PUNTLAND POST The post Puntland iyo Koonfur Galbeed oo heshiis ku gaaray Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  6. Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa Saaka oo Sabtiya yeelan doona fadhi wadajir ah oo ay kaga doodayaan Heshiiskii Siyaasadeed ee dhowaan lagu go’aamiyay Hanaanka Doorashada Soomaaliya. Heshiiska waxa 17-kii bishan wada-gaaray Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, kadib Shirkii ay ku yeesheen Muqdisho, kaas oo dhammaystir u ahaa Dhuusamareeb 3. Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa farriin qoraaleed xalay loo diray lagu ogaysiiyay in ay ka soo qayb-galaan fadhi wadajir ah oo looga doodayo Heshiiskii Siyaasadeed ee Arrimaha Doorashada. Fadhiga wadajirka ah ee labada Aqal, ayaa la filayaa in Xildhibaannadu dood kadib cod u qaadaan Heshiiska, si ay u ansixiyaan ama u diidaan. PUNTLAND POST The post Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo fadhi wadajir ah kaga doodaya Heshiiskii Arrimaha Doorashada appeared first on Puntland Post.
  7. Mogadishu (PP Features) — Sooyaan (not his real name) is a twenty-four year old man in Mogadishu. He works as an administrator with a government agency. When he is not at work, he is glued to his mobile, sometimes for several hours on end betting on results of European football matches. For many people, it is inconceivable that a Somali can bet online in Mogadishu without having a Visa card or Mastercard or an account with a betting company based in Europe or North America. Enter Kulan Sports, a Somalia-specific online betting shop whose servers are based in Tanzania. It is where Sooyaan spends three to four hours a day, spending US $80 a week on average. Taken for a ride: Electronic money transfer platforms may be unaware of Kulan Sports using their services. Kulan Sports has a facility for Somalia-based gamblers. Registering with Kulan Sports and having an electronic money transfer service account such as EVG, Sahal or Zaad are two requirements. There is a minimum deposit of US$0.50 to start betting online with Kulan Sports. A betting enthusiast is required to predict the results of two matches correctly to win the bet. In the case of winning a bet, the betting enthusiast will have to wait for forty minutes to have the winnings transferred into his or her account without notification. Sooyaan complains of the betting habit which” is becoming addiction”. He is not the only person who finds online betting an economically costly hobby. “I had to borrow money from friends and relatives several times to pay the bills because I lost far too many bets than I had won” Sooyaan told Puntland Post. A receipt showing a bet placed with Kulan Sports. Owners of Kulan Sports managed to hide their company’s identity but they found a way to do business through deals with major money transfer service providers in Somalia. In its websites, Kulan directs customers to 3093, a Hormuud-operated telephone number. Some Somalia-based telecommunications companies block access to online betting shops such as 365.com, where having a credit card or debit card is a prerequisite for betting. Hormuud Telecom operates Kulan Sports customer service telephone number. “Mobile money transfer service providers are probably unaware of how an unregulated business is using their services,” says Abdirahim Aden, a Nairobi-based financial analyst. Kulan Sports provides yet another example about how unscrupulous businesses can exploit the lightly regulated telecommunications and financial service industries in Somalia. © Puntland Post, 2020 The post Online Betting Arrives in Somalia appeared first on Puntland Post.
  8. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo Shalay Khudbad u jeediyay Meertada 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa bogaadiyay Heshiiskii Arrimaha Doorashada ee Soomaaliya. Madaxweyne Geelle, ayaa sheegay in Heshiiska midaysan ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalku ay ka gaareen Arrimaha Doorashada soo socota, uu si cad u muujiyay in Soomaaliya ay qaadday Dhabbe ku jihaysan nabad, xasilooni iyo barwaaqo. Sidoo kale, wuxuu soo dhoweeyay magacaabidda Ra’iisul wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, si loo helo Xukuumad fulisa Heshiiskii Muqdisho ee lagu go’aamiyay Hannaanka Doorashada. Madaxweynaha Jabuuti, wuxuu dhinaca ku baaqay in Beesha Caalamku ay laba-jibbaarto taageerada ay siiso Ciidamada AMISOM ee ka hawlgala Soomaaliya, si gebi ahaanba meesha looga saaro Al-shabaab oo sida uu sheegay haatanba qayb-ahaan laga adkaaday. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jabuuti oo bogaadiyay Heshiiskii Arrimaha Doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Laamaha Amniga degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa galabta gacanta ku dhigay Maxamed Xassan Cali, oo la sheegay inuu ka tirsan yahay ururka Al-Shabaab, kaas “oo doonayay inuu hoobiyeyaal ka tuuro” degmada Dayniile. Gudoomiye ku-xigeenka Amniga gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in shaqsigaasi lagu qabtay degmada Dayniile, islamarkaana dhawaan caddaaladda la horkeeni doono. “Laamaha Amniga degmada Dayniile ayaa galabta qabtay dhagarqabe Maxamed Xassan Cali oo ka mid ah kooxda Al-Shabaab kaas oo rabay inuu hoobiyeyaal ka tuuro degmada Dayniile,” ayuu yiri gudoomiye Tuulax. Waxaa uu intaasi kusii daray “Waxaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa ciidamada amniga oo heegan buuxa ugu jira sidii ay shacabka Gobolka Banaadir uga badbaadin lahaayeen dhagarta cadawga.” Wararka ayaa sheegaya in ninkan uu hoobiyaha uu ku tuuri rabay Garoonka Stadium Muqdisho oo galabta ciyaar ay ka socotay. Garoonka kubadda Cagta Stadium Muqdisho ayaa dib loo furay labo bil ka hor, kaddib markii dib u dhis lagu sameeyay. Bilihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Madaxtooyada iyo xarunta Xalane waxaa ku dhacayay hoobiyeyaal laga soo tuurayay xaafado ka mid ah Muqdisho. The post Sawirro: Nin weerar hoobiyeyaal ah ka fulin rabay Muqdisho oo la qabtay isaga oo ku guda jira first appeared on Caasimada Online.
  10. Garowe (PP Features) — Puntland democratisation process is coming under fire from one of Puntland political leaders. Writing in WardheerNews, a news website, Mohamed Ismail Mohamed (Siibad), the Chairman of Mustaqbal, a Puntland-registered political association, deplored the failure on the part of Puntland political class to conduct one person, one vote elections before and after 2002. The constitution endorsed in 2012 is incompatible with both the democratisation process and the second attempt to conduct local government elections, argued Ismail, who recommends constitutional review as the path to removing barriers to genuine democratisation in Puntland. Two aspects of the electoral law — the restriction of competive politics to three political associations, and the denial of Puntland people their “right” to nominate “their favourite candidate” to contest Puntland presidency without being nominated by one of the three political associations that will graduate to political parties — are the target of Ismail’s critique. Mustaqbal Chairman: Ismail sees constitutional review as the path to removing barriers to democratisation process in Puntland Ismail contends that the Puntland electoral law disenfranchises citizens due to powers invested in political associations when it comes to Puntland presidential elections. In the essay Ismail takes an issue with the decision to conduct pilot local elections only in three Puntland districts. He views it as a violation of article 44 of Puntland Constitution, which states that “voting will be universal…” While the decision to hold local government elections only in three designated districts gives a sufficient reason to have reservations about planned elections, why Mustaqbal Chairman favours direct democracy over a multiparty system is puzzling. Ismail draws attention to other anomalies in Puntland Constitution particularly articles about spreading disinformation. Puntland Constitution was written to regulate competing interests of citizens who identify firstly with shared kinship rather than citizenship. Its foundations are the customary law. Currently, Puntland State Government news is tightly controlled by the incumbent administration. There is a limited role for private media outlets despite the Transitional Puntland Electoral Commission introducing guidelines that “ensure fair use of government media by registered political associations”. TPEC Chairman Guled Salah recently met representatives from the International Community in Nairobi to seek support for the democratisation process in Puntland. Planned local government elections in Puntland raise questions of legitimacy against the three political associations that will have become political parties. Only a segment of Puntlanders will exercise their right to vote in local elections. The outcome of the democratisation process in Puntland will likely become more contested and less democratic than the current, clan-based elections held in Puntland Parliament premises once every five years. © Puntland Post, 2020 The post Siibad: Puntland Constitution is Incompatible with the Democratisation Process appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-habeen-2592020.mp3 View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kulan aan la shaacin iskugu yeeray Xildhibaano ka tirsan labada gole, gaar ahaan kuwa Beesha Mogadishu Clan, sida ay ogaatay Caasimada Online. Filish ayaa caawa kulan casho sharaf ah iskugu yeeray xildhibaanada beesha Mogadishu Clan ku metela labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kaasi oo ka dhacaya huteel ku yaal magaalada Muqdisho. Marti-qaadka guddoomiyaha ee kulankaasi ayaa Xildhibaanada loogu kala direy fariimo loogu wargelinayo, sida ay Caasimada Online u sheegen xildhibaano ka qeyb-galay caawa kulankaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Kulankaasi ayaa looga tashan doona 13-ka xubnood ee metelaada gobolka Benaadir, oo hore loogu canaantay inuu Filish kaga hadlin Shirkii Muqdisho ee ka dhacay Villa Somalia. Kulanka caawa ee Filish uu fidiyay marti-qaadkaasi ayaa waxa ka qeyb gali doona xildhibaano iyo wasiiro kasoo jeeda Beesha Mogadishu Clan. Wuxuuna kusoo aadaya kulankan, xili Filish lagu eedeynayo inuu si weyn uga gaabiyay metelaada gobolka, isla markaana uu magac ahaan uga qeyb galay shirarkii Dhuusamareeb-3 iyo midkii Muqdisho ee lagu gaarey heshiisyada Doorashada 2020/2021 oo aan marnaba looga hadlin qoondada gobolka ee uu mas’uulka ka yahay. Meel-marinta metelaada gobolka Benaadir ayaa waxa weli ka taagan dood xoogan, iyada oo arrintaasi ay meel adag iska taageen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, oo iyagu qeyb ka ah ololaha lagu rabo 13-Mudane. The post Xog: Filish oo kulan deg-deg ah iskugu yeerey xildhibaanada iyo wasiirada beesha Mogadishu Clan iyo arrin taagan first appeared on Caasimada Online.
  13. Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa durba waxaa gaaraya cabashooyin kala duwan oo loo jeedinaayo wasiiradii xukuumadii hore, kuwaas oo lagu eedeenaayo ku tagrifal awoodeed, musuq maasuq iyo eex ay kula kaceen shaqaalaha Dowladda. In ka badan 50 qof oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda caafimaadka ayaa ra’iisul wasaare Rooble u diray warqad ay ashatako kaga yihiin wasiiradda caafimaadka Fawzia Abikar Nuur oo ay ku eedeeyeen iney muddo 3 sanno iyo bar ah tacdi iyo dhibaato ku heysay shaqaalaha wasaarada. Qoraalkan cabashada ah ayaa kusoo aadaya xilli Fowzia Abiikar oo wasaaradeeda uu musuq badan ka dhacay dadna loo xiray ay wali raajicineyso iney kusoo laabato wasaaradda. Hoos ka aqriso qoraalka cabashada ah. Taariikh: 23 September 2020 Ku: Raysal Wasaaraha JF Soomaaliya -Muqdisho- Ujeeddo: Dacwad ka dhan ah sii haya Wasiirka Wasaaradda Caafimaadk Fawzia Abikar Nur Mudane Resysal Wasaare, Maxamed Xuseen Rooble, waxaan xaashidaan dacwadda ah usoo gudbinnay kadib markii ay aad noogu adkaatay in aan intaan kabadan kasii aamusnaano dulmiga, shaqa hallaynta iyo dhibaataynta raagtay oo ku socotay shaqaalaha wasaaradda caafimaadka muddo 3 sano iyo bar ka badan, innaga oo intaas oo dhan rajo ka qabnay inay wax uun is badali doonaan. Mudane Resysal wasaare, sida aad la socotaanba shaqaalaha wasaaradda caafimaadku waa shaqaale haya adeeg kamid ah adeegyada ugu muhiimsan ee ay u baahantahay bulshada Soomaaliyeed, waa shaqaale u dhabar adayga una dulqaato dhibaatooyin badan oo uu xanbaarsanyahay xilka saaran ee aadka u culus, hadaba iyada oo ay sidaas jirto ayay shaqaalahu mudo 3 sano iyo barkii la soo dhaafay la kulmayeen dhibaatooyin kale oo kaga imaanayay madaxda loogu dhiibay xilka oo ah wasiirka wasaaradda caafimaadka Fawzia Abikar Nur. Dhibaatooyinka aan ka docwoonaynno waxaa kamid ah kuwaan hoos ku qoran: • Ku takrifal awoodeed oo xad dhaaf ah oo ay ka marag kici karaan shaqaalaha wasaaradda oo isugu jira gunno ka jarid, email xirid. • Ku takrifal iyo musuqmaasuq maaliyadeed oo marag ma doonto ah oo ay iska dafirto masuuliyada ay ku leedahay Waziir Fowziya mar walba. • Beegsi, Dulmin iyo dhibaatayn shaqaale iyadoo si shaqsi ah loo beegsanayo shakhsiyaad wax tar u leh wasaaradda • Hor istaagid shaqo iyo burburin mashaariic aad wax tar ugu leh wadanka oo ay wasiiraddu u hor istaagaysay sababo la xariiro shaqsi la dirir iyo daneheeda gaarka ah oo aysan ka dhex arkin • Been abuur iyo Samayn warqado taariikhdooda la hormariyay (Back dated) • Xil ka qaadisyo iyo xil magacaabidyo baal marsan hab raacyada iyo shuruucda shaqaalaha, taas oo ay ka marag kici karaan Guddiyada anashaxa, goob shaqo iyo Guddiga shaqaalaha rayidka ah • Shaqaale in la duudsiiyo xuquuqdooda lana siiyo dad kale oo aan mudnayn Hadaba, innaga oo kamid ah shaqaalaha wasaaradda caafimaad oo gaaraya 54 sarkaal, waxaan dacwo ka dhan ah wasiirka wasaaradda caafimaadka u soo gudbinaynnaa Xafiiska Reysal Wasaaraha JFS, waxaana kaa codsanaynaa tallaabo haboon oo sharci ah in aad ka qaado dulmiga joogtada ah ee ku socda wasaaradda caafimaadka iyo shaqaaleheeda, baaritaan dhab ahna lagu sameeyo. Ugu dambayn waxaan kaa codsanaynaa in si dhab ah wax uga qabato arrinkaan, tix galin gaar ahna siisid sidii shaqaalaha wasaaradda oo dhibanayaal u ah dulmiga Wasiir Fawzia sharcigana loo marsiin lahaa wasiiradda danbiyada ay ka gaysatay wasaaradda iyo ciddi kale ee ku lug lehba. F.G. Warqaddaan Waxaa si wadajir ah usoo gudbiyay 54 kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Lifaaq: Tusaalooyin Shaqoxumo, Fashil iyo Hoggaanxumo ee Wasiirka Caafimaadka Tusaalooyin Shaqo xumo, Fashil iyo Hoggaan xumo ee Wasiirka Caafimaadka Wasiiradda Caafimaadku waxa ay ka gaabisay ama si bareer ah iskaga diiday in ay gudato waajibaadkeeda shaqo kuwaas oo lagu badbaadin lahaa ama ay ka dhalankarto badbaadinla’aan naf bini’aadim iyo bedqabka bulshada Soomaaliyeed. Hawlaha ay iska diiday in ay qabato waxaa ka mid ah: 1. Saxiixidda Hindisaha Qorsheynta Siyaadadda Caafimaadka ee Labaad (Health System Strategic Policy-2). Qorshani waa kan haga hannaanka guud ee caafimaadka waxaana la dhameystiray 2016. Ilaa iyo hadda lama saxiixin. Sidaa darted caafimaadka Soomaliya waxa uu shaqeeyaa isaga oo aan lahayn qorshe dhameystiran. 2. Dib u dhiska Bankiga Dhiiga Soomaaliya. Kadib 14 October 2017, waxaa la helay taageero dhameystiran oo dhan siyaasad iyo mid dhaqaale leh looguna talo galay in dib loogu dhiso Bankiga Dhiiga Soomaaliya. Wasiiradda Caafimaadku waxa ay ku fashilantay in hawshan la fuliyo iyada oo loo haysto taageero dhaqaale oo dhameystiran. Kadib markii Wasaaraddu si hufan u gudanweysay waajibkeeda ku aadan arrintaan ayay taageeradii iyo deeqihii si iskood ah isaga baaba’een. 3. Dhameystirka dhisimaha hay’ado caafimaad oo aasaasidooda laga soo shaqeynayay muddo badan. Dhameystika hay’adahaan kaabeyaasha u ah adeega caafimaadka ayaa ku soo beegmay muddo-xileedka wasiiradda. Nasiib darro wasiiraddu wey iska diiday in la unko waliba ayadoo ay u caaboonyihiin shaqaalihii ku hawlanaa loona helikaro baahiyihii ay u baahnaayeen hay’adahaas. Hay’adahaas waxaa ka mid ah: • Dhameystirka Qaabdhismeedka Wasaaradda Caafimaadka (MOH organogram 2014 ilaa hadda) • Machadka Caafimaadka Qaranka (2018 ilaa hadda) • Golaha Xirfadleyaasha Caafimaadka Qaranka (2017 ilaa hadda) • Hay’adda Daawada Soomaaliyeed (2017 ilaa hadda) • Bankiga Dhiiga Soomaaliyeed (2017 ilaa hada • Dhismaha Keydka Daawadda iyo Talaalka (2016 ilaa hadda) • Dhismaha Sheybaarka baaritaanka faldambiyeedyada (Forensic Lab) 4. Wada Shaqeynxumo iyo abbaarsi hayado dowli ah, hay’ado iyo shirkado gaar loo leeyahay, safaarado iyo shakhsiyaad Soomaaliyeed oo sumcad ku leh saaxadda caafimaadka Soomaaliya. Wasiiraddu waxa ay ku sifowday qof dagaal iyo fowdo u taagan mar walba iyo goob walba taas oo uusan xamili karin diyaarna u ahayn hanaanka iyo adeega caafimaadka oo u baahan isku wad, is ogol iyo tanaasul. Hay’adaha ay si bareer ah dagaal iyo fowdo ugu qaadday wasiiraddu waa ay fara badanyihiin lakin waxa aan ku soo gaabineynaa kuwa soo socda: Maamulka Gobolka Banaadir Wasiiraddu waxa ay dagaal ku qaaday maamulkii gudoomiye Thabit iyo kii ka dambeeyay ee Eng. Cabdiraxmaan Yarisow (AUN). Waxa ay ka dhaga adeygtay in la heshiisiiyo iyada iyo gudoomiye Yariisow waliba iyada oo uu Raiisal Wasaaraha Soomaaliyeed dhexdhexaadin u sameeyay. Waxa uu geeriyooday AUN iyada oo aan heshis la ahayn. Hadda waxaa dagaal foolxun kala dhexeeyaa Gudoomiye Cumar Filish. Waxa ay mar kale ka dhaga adeygtay in la heshiisiiyo iyada iyo gudoomiye Cumar Filish waliba iyada oo uu Raiisal Wasaaraha Soomaaliyeed dhexdhexaadin u sameeyay. Arrimahaani waxa ay keenaan jaha wareer soo foodsaara shaqaalaha caafimaadka oo aad ugu dhibtooda fulinta adeega caafimaadka gobolka banaadir. Waxaa ay sidoo kale ku noqdaan caqabad fulinta adeegyada caafimaadka kuwaas oo badbaado u ah naf hooyo iyo dhallaan Soomaaliyeed sida kaambeynada talaalka caruurta Soomaaliyeed. Isbitaalladda Yardemili iyo Jazeera Specialists Hospital Wasiiraddu waxa ay dagaal bareer ah ku qaaday isbitaalada kor kuxusan kuwaas oo sifo sharci ah ku aasaasan bixiyana adeeg caafimaad oo lagu kalsoonaan karo. Dagaalka ka dhanka ah isbitaaladaas oo ay wasiiraddu u isticmaashay astaanta Wasaaradda caafimaadka waxa uu markii dambe kusoo idlaaday in uu ahaay mid shakhsi ah. Deeqbixiyeyaasha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee taageera caafimaadka. Wasiiraddu waxa ay handadaad, cagajugleyn iyo hor istaag ku sameysay hay’ado iyo deeqbixiyeyaal farabadan oo dhammaantood sumcad ku leh taageeridda iyo hirgelinta adeega caafimaadka Soomaaliya. Maamulgoboleedyada iyo Wasaaradaha kale ee quseeya shaqada caafimaadka Wasiiradda caafimaadku waxa ay iska diiday in ay udub-dhexaad u noqoto fulinta adeega caafimaadka taas beddelkeedana waxa ay dooratay in ay dagaal la gasho maamulka caafimaadka dowlad goboleedyada. Wasiiradda caafimaadku waxa ay iska diiday in ay la shaqeyso wasaaradaha kale ee ay kala dhaxeyso wada shaqeynta kuna hawlan baahinta adeega caafimaadka. The post Ra’iisul wasaare Rooble oo loo gudbiyay dacwo ka dhan ah wasiiradda caafimaadka Fawzia Abikar first appeared on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey ayaa kasoo horjeestay heshiiska laga gaaray doorashada ee la filayo in berri la horgeeyo labada Aqal ee Baarlamanka, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Muudeey uu isku dayayo in heshiiska uu ku fashiliyo baarlamanka, wuxuuna ururinayaa xildhibaano uu rabo inaysan codka ansixinta siin heshiiska. Ma cadda tirada xildhibaanada ku ra’yiga ah Muudey, balse waxaa la rumeysan yahay inaysan badneyn. Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee baarlamanka ayaa saacadihii ugu dambeeyey waday dadaallo ay ku qancinayaan Muudey inuu taageero heshiiska, kuwaasi oo weli aan lagu guuleysan. Muudey ayaa la rumeysan yahay in weli uu ku dheggan yahay qorshaha muddo kordhinta, ayada oo sababtuna ay tahay inuu ka cabsi qabo inuu soo laaban waayo, haddii doorasho la galo. “Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta-gareen wuxuu damaanad qaaday kursiga guddoomiye Mursal, balse sidaas uma sameyn Muudey, waana taas waxa ka carreysiiyey Muudey,” ayuu yiri xildhibaan xog-ogaal ah oo la hadlay Caasimada Online. Mursal iyo Muudey ayaa labadaba laga soo doortaa Koonfur Galbeed. Heshiiska ayaa la filayaa inuu meel-maro, waxaana la rumeysan yahay in Muudey uusan heli karin xildhibaano ku filan oo uu ku mucaarado, sida aan xogta ku helnay. Waxaa sidoo kale heshiiska lagu ansixinayaa kulan loo dhan yahay oo ay yeelanayaan labada aqal ee baarlamanka, taasi oo sii kordhineysa rajada ah in la meel-mariyo, maadaama xubnaha Aqalka Sare ay badankood taageersan yihiin. Si kastaba, cabsida jirta ayaa ah in kulanka qalalaase uu ka dhaco, oo ay sameeyaan Muudey iyo xubnaha taageersan. The post Xog: Muudey oo ka hor-yimid heshiiska doorashada iyo olole ka socda Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  15. Raysal wasaaraha uu Madaxweyne Farmaajo magacaabay iyo Xukuumada uu soo wado wax macne ah oo ay soo kordhin doonaan ma jidho hadii Labada Gole ay [...] The post Taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo oo Rajadii u dambaysay beri ka warsugaya appeared first on . Source
  16. Hay’ada IMF oo faro-gelisay adeegga lacagaha mobile-ka Somalia, amarna siisay DF Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ka dalbatay dowladda Soomaaliya inay dedejiso diiwaan-gelinta shirkadaha ka shaqeeya lacagaha la isugu diro mobile-ka ee Soomaaliya, si sharci loogu sameeyo qeybta lacagaha mobile-ka. IMF ayaa bayaan ay soo saartay Khamiistii, kadib wada-hadallo socday toddobaad oo ay la yeelatay mas’uuliyiinta Soomaaliya, ku sheegtay in loo baahan in la xaqiiyo diiwaan gelinta shirkadaha lacagaha mobile-ka, taasi oo ay sheegtay inay muhiim u tahay ka hortagista lacagaha sharci-darrada ah iyo been xalaaleynta lacagaha. “Howlgalka IMF wuxuu mas’uuliyiinta ugu baaqay inay dedejiyaan diiwaan gelinta shirkadaha lacagaha mobile-ka, si taasi ay horey ugu dhaqaajiso sharciyeynta lacagaha mobile-ka,” ayaa lagu yiri bayaanka IMF. IMF waxay intaas ku dartay inay isku raaceen dowladda Soomaaliya nidaam cusub oo xaqiijin doona daah-furnaan ayada oo la diiwaan-gelinayo shirkadaha. Bankiga Adduunka ayaa warbixin uu soo saaray 2018 uga digay in maqnaanshaha qaab sharciyeed lagu xakameynayo adeegga lacagaha mobile-da ay khatar ku tahay dhaqaalaha, sababo la xiriira saameynta ay yeelan karto haddii ay shirkadaha lacagaha mobile-da ay burburaan. Sida uu sheegay Bankiga Adduunka, 155 milyan oo jeer ayaa bishii gudaha Soomaaliya lacagaha la isku dhaafsadaa mobile-da, taasi oo qiimo ahaan gaareysa 2.7 milyan oo dollar, inkasta oo la rumeysan yahay in lacagta ay intaas aad uga badan tahay. Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay Ra’iisal wasaaraha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble inuu feejignaan dheeri ah ka muujiyo, islamarkaana uu ka digtoonaado tallaabo kasto oo uu ku raacayo Villa Somalia. Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa Ra’iisal wasaaraha cusub usoo jeediyay inuu ka dheeraado inuu u xagliyo Madaxtooyada, isaga oo qeyb ka noqonaya olole uu hore ugu gacan seyray Xasan Cali Kheyre, sida uu hadalka u dhigay. Gaas oo u waramayey idaacada VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa ku cel-celiyey in Rooble looga baahan yahay inuu noqdo mid dhex-dhexaad ah oo aan ku milmin is-diidooyinka labada dhinac. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in xiligan loo baahan yahay in Ra’iisal wasaaraha cusub uu xooga saaro sidii ay u fuli lahaayeen qoddobadii lagu heshiiyey shirkii Muqdisho, kuwaasi oo gogol xaadh u ahaa doorasho xiligeeda ku dhacda. “Aniga siday ila tahay Rooble waxa laga rabaa inuu madaxweynaha si daacadnimo ah ugala shaqeeyo wixii danta dalka iyo dadka ay ku jirto, isaga oo u eekaan Nin fulinaya howshii uu qaban waayay ama uu diideyba Kheyre” ayuu yiri Cabdiweli Gaas. Wuxuuna intaas kusii daray “Markaasi waa in uusan [Rooble] noqon Nin fulinaya damac qof kale, laakiin uu noqdo nin madaxweynihiisa daacad u ah oo wixii danta dalka ah un kala shaqeynaya, markaasna si madax-banaan u gudanaya waajibaadkiisa iyo shaqada hortaala”. Gaas ayaa ugu dambeyntiina Ra’iisal wasaaraha cusub kula dar-daarmay inuu soo dhiso xukuumad tayo leh, oo dalka si nabdoon uga saarta marxalada kala-guurka ah, midaasi oo looga baaqsado muddo kordhin, uu si adag uga digay. Farmaajo iyo Kheyre ayaa hore iskugu fahmi waayay arrimaha doorashooyinka, midaasi oo keentay in meesh uu ka baxo ra’iisal wasaarihii hore, kadib kala aragti duwanaantooda, iyada oo uu dhawaan shaaciyey Kheyre inuu tartan ugu jiro xilka u sareeya ee dalka, ee uu xiligan ku fadhiyo Farmaajo. Wuxuuna hadalka Gaas kusoo aadaya xili uu banaanka usoo baxayo guux aan weyneyn oo ku aadan in Rooble uu qeyb weyn ka qaadan doono ololaha Farmaajo, wallow aysan xiligan si dhab ah u cadeyn. The post GAAS oo Rooble uga digay 'arrin uu horey u diiday' Kheyre first appeared on Caasimada Online.
  18. Maxaa u sabab ah in militariga Masar ka awood bataan kuwa Turkiga? Qiimeynta awoodda ciidan ee dal uu haysto waxay ku xiran tahay dhaqaalaha iyo tirada ciidamada ee uu haysto – marka la isku daro kuwa keydka ah iyo kuwa shaqada ku jira. Waxayna ka koobnaanayaan, ciidamada Cirka, dhulka iyo badda. Sidoo kale waxaa la qiimeeyaa tirada shacabka caadiga ah ee haddii loo baahdo dagaal geli karta. Sidoo kale waxaa la qiimeeyaa hubka, qalabka iyo saanadda kale ee ay haystaan militariga dalkasta, sida uu sameeyay wargeyska Global Firepower. Qiimeynta sannadkan 2020-ka la sameeyay waxaa ka muuqata in Turkiga uu hoos u sii dhacayo. Masar waxay ku jirtaa kaalinta 9-aad halka Turkigana uu ku jiro kaalinta 11-aad. Waxaa u dhexeeya dalka Brazil oo sida muuqata ka awood badan Turkiga. Haddaba sidee lagu qiimeeyay awood ciidan ee Turkiga iyo Masar? Dhaqaale ahaan, Turkiga ayaa miisaaniyad aad u badan ku bixiyay dhanka ciidamada, balse Masar, waxay heysataa ciidamo dagaal geli kara iyo kuwa keyd ah oo ka badan Turkiga, sidoo kale, dhanka qalabka ciidamada dhulka ayey Masar ku sareysaa. Balse, ciidamada Cirka waxaa awood wayn ku leh Turkiga oo haysta diyaarado dagaal iyo hub kale oo ka badan midka Masar. Dalka Turkiga ayaa sanadkii lasoo dhaafay kaalinta sagaalaad ka galay dalalka ugu awoodda badan dunida, balse haatan waxaa muuqata in uu hoos uga dhacay. Madaxweyne Sisi oo ciidanka kormeeraya Wargeyska The Forbes ayaa milateriga waddanka Masar ku tilmaamay kan ugu awoodda badan dalalka Bariga Dhexe, waxaana kaalinta labaad galay dalka Turkiga oo sanadkii hore wargeyska uu ku qiimeeyay in uu yahay dalka ugu awoodda badan gobolkaas. Shacabka dalka Masar oo ku dhow boqol milyan oo qof ayaa tirada dadka dagaalami kara waxaa uu wargeyska Global Firepower ku qiyaasay in ay yihiin 43 milyan oo qof, halka kuwa hawgalka hore ka geli kara ay yihiin 36 milyan oo qof. MASAR Ciidanka milateriga ee dhulka ee u diiwaangashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Masar ayaa tiradoodu waxaa ay gaareysaa 920 kun oo askari, halka ciidammada hadda ka hawl gala ay tiradoodu gaareyso 440 kun oo askari. Dowladda Masar ayaa sidoo kale heysata ciidamo keyd ah oo gaaraya 480 kun, kuwaas oo haddii loo baahdo dagaal gali kara saacad walba. Wargeyska waxaa uu soo wariyay in Masar ay heysato 4,295 oo ah taangiyada dagaalka, 11,700 oo ah baabuur gaashaaman, 2,189 oo ah gantaallada goobta laga rido iyo 1,084 oo ah madaafiicda wax duqeeya. Taangiyada dagaalka ee Masar Dhanka ciidammada badda ee Masar waxay lagu qiyaasay in agabka ay heystaan uu guud ahaan gaarayo 316. Ciidanka badda ee Masar ayaa heysta laba markab oo ah kuwa qaada diyaaradaha, kuwaas oo ay adag tahay in la helo dal kale oo Afrikaan ah oo heysta. Waxaa ay xukuumadda Qaahira sidoo kale haysataa siddeed gujis oo ah kuwa badda hoosteeda mukhuura, 45 markab oo ah kuwa kormeera xeebaha iyo 31 maraakiib oo ah nooca badda ku aasa miinooyinka ama burburiya miinooyinka badda lagu aaso. Milateriga Masar ayaa sanadkiiba waxaa lagu kharash gareeya lacag dhan 3 bilyan oo doolar, waxaana qeyb ahaan lacagtaas bixiya Dowladda Mareykanka. Ciidanka cirka ee Masar ayaa heysta 215 diyaaradood oo ah nooca dagaalka, 59 diyaaradaha milateriga ee xamuulka qaada ah, 387 oo ah diyaaradaha lagu tababaro cidamada cirka, 294 oo ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarka loo yaqaano iyo 81 oo ah helikobtarada wax weerara. TURKIGA Dalka Turkiga oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 82 milyan oo qof ayaa dadka shaqeeya waxaa lagu qiyaasay ku dhawaad 42 milyan oo qof, waxaana ciidanka dalka Turkiga guud ahaan tiradooda uu wargeyska ku sheegay 735 kun oo askari. Ciidanka sida tooska ah u dagaal geli kara ee Turkiga ayaa jariiradda The Global Fire Power waxay ku qiyaastay 355 kun oo askari, halka ciidamada heegankana ama keydka ku jira ay gaarayaan 380 kun oo aksari. Turkiga ayuu GFP sheegay in ay ka mid yihiin tobanka dowladood ee ugu awoodda badan caalamka, waxaana diyaaradaha ciidanka cirka ee Turkiga lagu sheegay 1,067 diyaaradood, kuwaas oo isugu jira noocyo kala duwan. Diyaaradaha dagaalka ee ciidanka Turkiga ayaa tiradoodu waxay gaareysaa 207, halka kuwa wax duqeeya ay iyaguna gaarayaan 207. Diyaaradaha xamuulka ee milateriga Turkiga ayaa gaaraya 87 diyaaradood, halka kuwa lagu tababaro ciidamada cirkana ay gaarayaan 289 diyaaradood. Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helikobtarka ee milateriga Turkiga ayaa tiradoodu dhan tahay 792, waxaana 94 kamid ay yihiin kuwa wax duqeeya ee weerarada loo adeegsado. Sidoo kale Turkiga ayaa dhawaan dalka Ruushka kasoo iibsaday gantaalada difaaca cirka ee loo yaqaano S-400, kuwaas oo uu farsameeyay Ruushka, si casri ahna loo farsameeyay. Ciidanka dhulka ee milateriga Turkiga ayaa kaalinta toddobaad waxaa ay ka galeen ciidamada ugu awoodda badan ee caalamka. Taangiyada dagaalka ee Turkiga ayaa gaaraya 3,200, halka baabuurta gaashaaman ee dagaalkana ay gaarayaan 9,500 oo baabuur. Ciidanka Turkiga ayaa sidoo kale leh madaafiicda goobta ee loo yaqanao Artilariga oo gaaraya 1,120, 350 oo ah hubka ay Soomaalidu u taqaano BM-ka iyo noocyo kale oo ah madaafiic casri ah, kuwaas oo iskood u dagaal geli kara, tiradoodudana ay gaareyso 1,272. Ciidanka Turkiga Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan ayaa toddobadyo kahor daaha ka rogay gujiskii ugu horeeyay ee lagu farsameeyo gudaha wadankaas, waxaana uu sheegay in kuwa kale oo badanna ay ka shaqeynayaan sameyntooda. Ciidanka badda ee Turkiga ayaa leh 34 marakiib oo lagu ilaaliyo xeebaha dalkaas, 12 gujis, 16 maraakiibta dagaalka iyo 11 maraakiibta kahortagga miinooyinka lagu aaso badda hoosteeda. Ciidanka badda ee Turkiga ayaa sidoo kale leh markab loogu magac daray Peninsula of Anatolia, kaas oo ah markab xambaara diyaaradaha dagaalka. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in marka la gaaro sanadka 2022 ay si toos ah u hawlgelin doonaan gujiska lagu farsameeyay gudaha Turkiga. Gujiska ayaa awood u yeelan doona in uu hawgallo ka fuliyo meelo fogfog. Qaran News
  19. Boqolaal dadweyne ah ayaa maanta isugu soo baxay gudaha magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kuwaas oo dhigay dibad-bax looga soo horjeedo dowladda Kenya. Dibad-baxayaasha ayaa ka cabanayey dhibaatooyin ay sheegeen inay shacabka ku hayaan ciidmada Kenya ee ka howl-gala gobolka Gedo. Sidoo kale waxa ay ku qeylinayeen erayo ka dhan ah ciidamada Kenya, iyaga oo ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay dalka ka saarto ciidamadaasi. Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada Kenya ay dad shacab ahaa dil, dhaawac iyo afduub ugu geysteen duleedka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo View the full article
  20. Dad lagu tooryeeyay meel u dhow xafiiska wargeyskii sawir gacmeedka ka sameeyay Nabiga (NNKH) Afar qof ayaa lagu soo warramayaa in dhaawac toorrey loogu geystay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, meel u dhow xafiisyadii hore ee wargeyska Charlie Hebdo, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas. Labo ka mid ah ayaa qaba dhaawac daran. Qof looga shakiyay inuu falkaas geystay ayaa lagu xiray meel u dhow Bastille kaddib markii uu booliisku sheegay in hal qof uu ka baxsaday goobta. Ciidamo ammaanka suga ayaa la geeyay meelaha u dhow xafiisyada. Shacabka ayaana loo sheegay inay halkaas ka fogaadaan. Dhowr iskuul oo meesha ku yaalla ayaa sidoo kale la xiray. Baangad ayaa sidoo kale laga helay goobta uu falku ka dhacay. Eedeysanaha la xiray ayaa waxaa dharkiisa ku yaallay dhiig. Weerarkan wuxuu ku soo aadayaa iyadoo maxkamadeyn heerkeedu sarreeyo ay ka socoto Paris, taas oo lagu maxkamadeynayo 14 qof oo lagu eedeeyay inay kooxaha jihaad doonka ah ka caawiyeen weerarkii 2015 lagu qaaday waregyskii loo haystay inuu sawir gacmeed ka sameeyay Nabiga (NNKH) ee Charlie Hebdo, weerarkaas oo lagu dilay 12 qof. Qaran News
  21. Dhibaatada qabsata dadka madow ee caruur caddaan ah korsata Peter iyo wiilka uu korsaday ee Johnny Dadka korsada caruur aan u midab eekayn waxa had iyo goor u badan qoysaska caddaanka ah ee korsada caruurta madow ama Aasiyaanka ah. Laakiin marka ay arintu sidaa ka gedisan tahay ee qoys madow ah ama Aasiyaan ahi ay korsadaan caruur caddaan ah, waxa dhacda in booliska iyo bulshada caddaanka hi b aka shakiyaan dadkaas. Wiil yar oo todoba jir ah oo la yidhaa Johnny oo caddaan ah, ayaa isaga oo subax la socda aabihiis korsaday ay arin la yaab lihi la kulan tahay. Iyaga oo ka qadaynaya makhaayad ku taal magaalada Charlotte ee gobolka North Carolina, ayuun buu arkay Peter, oo aabihii ahi Johnny oo y caruur kale dagaalamayaan. Intuu deg deg u soo dhaqaaqay ayuu inankiisii uu korsaday gacanta u soo qabsaday ayuu degdeg u bixiyey lacagtii oo baxeen. Markuu baabuurkiisii gaadhay ee ilmihii yaraa dhulka dhigay ee uu damcay inuu baabuurka dhaqaajiyo, ayaa haweenay ku soo dhaqaaqday iyadoo yaaban. “wiilkan yar hooyadii meeday?” ayey waydiisay. “Aabihii baan ahay” ayuu ugu jawaabay. Haweenaydii baa intay dib u dhaqaaqday horjoogsatay gaadhigii Peter. Taarikada baabuurka intay hoos u eegtay ayey telefoonkii la soo baxday. “Hello, booliiskii saw maahaa” ayay si degan u tidhi iyadoo telefoonka ku hadlaysa. “Nin madow ayaa halkan joogaa oo wiil yar oo caddaan ah afduubaya”. Wiilkii yaraa ee Johnny ayaa naxdin la dhaqaaqi waayey, oo Peter kor u eegay. Peter ayaa isku duubay wiilka uu korsaday oo ku yidhi “dhib ma leh”. Peter qudhiisu waayo adag oo nololeed ayuu soo maray. Wuxu dib jir ku ahaa dariiqyada magaalo madaxda Kampala ee Uganda. Peter iyo wiil kale oo caddaan ah oo uu korsaday Nin naxariis badan oo la odhan jiray Jacques Masiko ayaa ku arkay suuqa. Marka uu suuqa u soo doonto adeegiisa todobaadlaha ah ayaa inta aanu noqon cunto u iibin jiray Peter. Qiyaastii sannad ka dib ayaa Masilo weydiiyey Peter in uu doonayo inuu wax barto iyo in kale. Peter ayaa haa ugu jawaabay, markaas ayuu Masiko maalmo ka dib Iskuul ku daray. Lix bilood ka dib, markuu arkay in Peter ku dadaalayo waxbarashda ayaa Jacques Masiko iyo qosykiisu wiilkii yaraa gurigeeda geeyeen si uu ula noolaado. Peter ayaa abaalkaa ku guday inuu tacliinta ku dadaalo waxaanu markii dambe ku guulaystay deeq waxbarasho oo uu ka helay Jaamacad Maraykan ah. Tobanaan sano ka dib, ayaa Peter oo 40 jir ah wuxuu deganaansho ka helay dalka Maraykanka. Wuxuu u shaqaynayey hay’ad maxali ah oo khayri ah oo deeqaha gaadhsiisa bulshada saboolka ah ee Uganda. Isaga oo maalin socda ayuu arkay qoys caddaan ah oo gabadh yar oo ay korsadeen wata. Waana markaas kolka ay Peter ku soo dhacday in caruurta Maraykanka ku nool ee saboolka ah qudhoodu u baahanyihiin cid daryeesha sida kuwa Afrika oo kale. Mark uu ka soo noqday safar uu ku tagay Uganda oo ayaa markuu ku soo noqday North Carolina, Peter u tagay wakaaladda caruurta la korsado dadka u sharciyeysa oo uu u sheegay inuu diyaar u yahay in uu kafaalo qaado ilmo uu korsado. “Ma ka fiirsatay in aad noqoto waalid Imo aanu dhalin korsada” ayay weydiisay gabadhkii xafiiska ka shaqaynaysay oo hadana weydiisay in uu macmuulmaadkiisa oo dhan bixiyo. “Xaas ma lihi” ayuu ku jawaabay Peter. Markii uu saxeexay waraaqihii looga baahnaa, Peter wuxuu filayey in ilmaha lagu wareejin doonaa noqon doono mid ay isku midab yihiin oo Maraykanka madow ah. Laakiin u qaadan waa ayay ku noqotay markuu ogaaday in ilmaha loo qooneeyey yahay wiil yar oo shan jir ah oo caddaan ah. ”Waa markaan ogaaday in caruurtu cid daryeesha u baahantahay ee aanu midabku macno ii samaynayn aniga” ayuu yidhi Peter. ”Waxa gurigayga ka banaanaa laba makhsin oo dheeraad ah oo fursad aan cid hoy ku siiyo waan hayey. Sidii Masiko anigaba fursadda nololeed ii siiyey ayaan aniguna doonayey in aan caruur fursad u siiyo” ayuu intaa ku daray. Arintan ay haysata Peter waa dhibaato jirta oo dad badan oo isaga la mid ahi ay la kulmaan. Waa aragti qaldan oo loo qabo in caruurtaas caddaanka ahay afduubanayaan. Peter iyo odaygii u naxay ee qudhiisa soo koriyey Jacques Masiko Laakiin sida uu tibaaxay Nicholas Zill oo ah cilmi baadhe cilmi nafsiga ah kana tirsan mac-hadka daraasaadka qoyska ee dalka Maraykanka, qoyskaska caddaanka ah ee Maraykanku way uga badan yihiin dhigooda madowga ah in ay korsadaan caruur aan isirkooda ahayn. Xogtii ugu dambaysay ee soo baxday ilaa tan iyo 2016 waxay tibaaxaysaa in qoysaska Maraykanka madow ahi caruurta ay dayreelaan ee ay korsadaan 1% ay caruur caddaan ah yihiin. Dhanka kale se qoysaska caddaanka ah ayaa caruurta ay daryeelaan ee korsadaan ay 11% ka yihiin caruur ay kala isir yihiin oo weliba 5% ay madow yihiin. Peter wuxuu sheegay in ay u qorshaysantahay in marka xayiraadda socdaalka la qaado in uu doonayo inuu Johnny geeyo Uganda si uu u soo arko halka ninka soo korsaday ka soo jeedo, waa Peter qudhiisee. Waxa kale oo uu doonayaa in xidhiidh fiican la yeesho waalidiintii dhashay Johnny si ay hadhow ugu fududaato in marka uu weynaado aanay xanuun noloshiisa ugu noqon in uu waalidkii dhalay mid aan ahayni soo koriyey. Qaran News
  22. Labada aqal ee Baarlamaanka dalka ayaa berri oo sabti ah 26-ka September yeelanaya fadhi wada-jir ah oo ay uga doodayaan heshiiska siyaasadeed ee doorashada oo ay 17-dii bishan gaareen dawladda Federaalka Soomaaliya, dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo la doonayo inay ansixiyaan Baarlamaanka. Mudanayaasha golaha shacabka iyo aqalka sare ayaa la gaarsiiyey farriin ogeysiis ah oo ah inay berri 9:00am ka soo wada qayb galaan fadhi wada-jir ah oo Baarlamaanku yeelanayo, si ay uga doodaan heshiiskan siyaadsadeed, ka dibna ay cod ugu qaadaan. Heshiiska siyaasadeed ee doorashada ayaa qeexaya hab-raaca doorashada dalka ka dhacaysa, waxaana qodob ka mid ah uu sheegayey in la hor geeyo Baarlamaanka si ay ugu badalaan go’aan sharci ah oo tixraac rasmi ah u noqon kara geedi socodka doorashada. View the full article
  23. NAIROBI (HOL) - Somalia will forge ahead with elections despite the COVID19 pandemic, the country’s ambassador to the UN has said. Source: Hiiraan Online
  24. Xarunta Afrika ee xakaameynta cudurada ee loo soo gaabiyo CDC, ayaa sheegtay in marka qaaradaha kale la eego sida dhibaatoyiinka uu ugu geystay Covid-19 ay qaaradda Afrika ka yartahay isla markaana la xakameyay saameyntiisa. Waxaa aad u hooseysa tirada dhimashada qaaradda Afrika marka loo barbar dhigo dalalka kale ee caalamka. Madaxa xarunta xakameynta cudurada ee qaaradda Afrika ayaa waxaa uu ku ammaanay sidii ay dalalka qaarddu u maareyeen xakamaeynta faafidda feyriska karoona. Qaaradda Afrika ayaa ayaa waxaa uu cudurka guud ahaan soo ritay 1.4 milyan oo qof. Tan iyo bishii February waxaa cudurka u dhintay 34,000 oo qof. Tirada ayaa marka la barbardhigo qaaradaha Yurub, Asia iyo Mareykanka si aad ah ugu hooseysa, islamarkana waxaa hoos u sii dhaceysa tirda uu haatan cudurku soo ridanayo. Feyriska karona oo si degdeg ah looga bixiyay jawaab ayaa door muhiim ah ka ciyaartay xakameynta cudurka iyo in uu faafo waxaa sidaasi BBC-da u sheegay madaaxa xarunta xakaameynta cuduradaee qaaradda afrika Dr John Nkengasong. Waxaa uu sidoo kale uu sheegay in qaaradda oo dadka ku nool ay u badan yihiin dhalinyaro ay gacan ka geysatay in tirada dhimashada ay yaraato. Madaxa xarunta xakameynta cudurada ee qaaradda Afrika Dr John ayaa dhanka kale u aaneeyay habka wanaagsan ee feyriska loo xakameeyay in ay tahay qaaradda oo lahayd khibraado ku aadan cudurada faafa sida Ebola oo casharo badan laga bartay. Xaruntaan loo soo gaabiyo CDC ayaa ah hay’adda 55 dal ee midowga Afrika u qabailsan Caafimaadka. Qaaradda Afrika oo ay ku nool yihiin in ka badan 1 bilyan oo qof ayaa marka la eego caalamka waxay ka tahay dhanka kiisaska karona wax ka yar 5%, halka tirada dhimasahda ay qaaradu ka tahay 3.6%. Balse waxaa laga digayaa haatan in cudurku uu mar kale ku soo laba kaclayn karo islamarkana tirada hoos u dhacday darteed aysan dalalku is dhigan karona wax ka yar 5%, halka tirada dhimasahda ay qaaradu ka tahay 3.6%. Balse waxaa laga digayaa haatan in cudurku uu mar kale ku soo laba kaclayn karo islamarkana tirada hoos u dhacday darteed aysan dalalku is dhigan Qaran News