Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’isulwasaaraha cusub ee Waddanka Lubnaan Mustafa Adib ayaa maanta shaaciyya in uu is-casilay, ka dib markii uu ku guul-darreystay dadaal muddo bil ah qaatay oo uu ku rabay in uu ku soo magacaabo golahiisa wasiirrada. Arrintaan ayaa dhabar-jab ku noqoneysa dadaalkii ay dowladda Faransiisku ku dooneysay in hogaamiyeyaasha siyaasadda Lubnaan ay xal deg-deg ah uga gaaraan qalalaasaha haatan ka taagan waddanka oo lagu tilmaamay kii ugu xumaa tan iyo dhammaadkii dagaalkii sokeeye ee Lubnaan ee 1990-kii. Ra’isulwasaaraha is casilay Mustafa Adib, oo horayna u ahaa safiirkii Lubnaan ee dalka Jarmalka ayaa codka kalsoonida ka helay Golaha Baarlamaanka 31-kii bishi hore, ka dib markii uu magacaabistiisa ku taliyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron. Faransiiska oo saameyn siyaasadeed ku leh Lubnaan ayaa ku dadaalaya sidii loo heli laa xukuumad si deg deg ah wax uga qabata musuq-maasuqa Lubnaan, islamarkaana dhaqan-gelisa is baddallada ay beesha caalamku dooneyso, si loo helo balaayiin dollar oo wax looga qabanayo dhaqaalaha liita ee Lubnaan. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Lubnaan oo is casilay kadib markii uu awoodi waayay in uu Xukuumad soo dhiso appeared first on Puntland Post.
  2. Sii-hayaha wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya,Taliya ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa Ku dhawaad 300 (Saddex boqol) oo askari oo ka tirsan ciidanka kumaandooska Gorgor kusoo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde. Ciidankaan oo muddo tababar ku qaadanayay dalka Turkiga ayaa saaka dib ugu soo laabtay caasimadda. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Janaraal, Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlay munaasabadda soo dhaweynta ayaa sheegay in ciidankaan ay qeyb ka qaadan doonaan la dagaalanka Al-Shabaab. Sii-hayaha wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) ayaa ciidanka ku dhiirigeliyay in ay aqoontooda uga faa’iideeyaan sidoo dalka looga saari lahaa dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu dowladda Turkiga uu uga mahadceliyay taageerada dhanka tababarka ah ee ay siiso ciidanka Qaranka. Dowladda Soomaaliya oo taageero ka heleysa dhiggeeda Turkiga ayaa waddo dadaallo dib loogu soo celinayo awooddii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  3. Senetarada iyo Xildhibaanada Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyey doodoodii ay ka doodayeen Heshiiskii Doorashada ee Dhowaan wada gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya, Waxayna si aqlabiyad ah u ansixiyey [...] The post Breaking News — Labada Aqal oo si aqlabiyad ah u ansixiyey Heshiiskii Doorashada appeared first on . Source
  4. Wali waxaa Socda diodii ay labada Aqal sida wada jirka ah uga doodayaan Heshiiskii Doorashada ee ay wada gaaraan Madaxda Soomaaliya. Maxamed Cudmaan Jawaari oo [...] The post Prof Jawaari” Heshiiska Doorashada ma khilaafsana Dastuurka” appeared first on . Source
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka ayaa u fadhiya ansixinta heshiiska doorashada ee dhawaan lagu gaaray Muqdisho, waxaana soo xaadiray 255 xildhibaan oo ay 40 ka mid ah yahiin Senataro. Labada Guddoon ee Golaha Shacabka & Aqalka Sare ayaa si wadajir u shir guddoominaya kulanka, waxaana isha lagu heyn doonaa natiijada kasoo baxda. Barqadii ayaa xildhibaanad loo qeybiyy nuqulk ansixinta heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka iyo codsi ka yimid madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku aadan in la ansixiyo heshiiska. Qodobada ku qoran nuqulka la qeybiyay wuxuu tibaaxayaa in xildhibaanada 10-aad ee Baarlamaanka ay xilka sii heyn doonaan inta laga dhaarinayo xildhibaanada cusub ee 11-aad. Si kastaba isha ayaa lagu heyn doonaa natiijada kasoo baxda, waxaana rajo badan laga qabaa iney ansixiyaan maadaama madaxweynayaasha maamul goboleedyada ay olole ku aadan heshiiskaan Muqdisho ka sameeyeen kadib heshiiska. Wixii warar ah ee kusoo kordha halkaan kala soco. The post Tirada Xildhibaanada soo xaadiray ansixinta heshiiska doorashada iyo nuqul la helay first appeared on Caasimada Online.
  6. Waxaa goor dhow xarunta Villa Hargeysa ee ay ku shaqeyaan xildhibaanada Golaha shacabka ka furmay kulan wadajir ah oo ay leeyihiin labada Gole ee BF Somalia. Kulanka oo ah mid xasaasi ayaa waxaa looga doodayaa heshiiska doorashooyinka ee ay dhowaan gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Xildhibaanada ayaa ansixin doono heshiiskan ama laali doono, marka ay soo dhammaato dooda haatan socota. Guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa furay kulanka, iyada oo ay marka hore xidhibaanadu cambaareeyeen falkii dhowaan afarta qof ee shacabka ahaa ay ku dileen ciidamada Kenya ee ku sugan degmada Ceelwaaq. Intaasi kadib labada gole ee baarlamanka Soomaaliya ayaa guda-galay ka doodista heshiiska doorasho ee dhowaan lagu gaaray magaalada Muqdisho. View the full article
  7. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Duhur-2692020.mp3 View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka hadlay kulankii uu dhawaan la qaatay ra’isul wasaarahii hore dalka mudane Xasan Cali Kheyre kaas oo xukuumadiisa la tuuray dhamaadkii July. Labadaan masuul ayaa dhawaan ku kulmay Muqdisho, balse ma aheyn markii ugu horreysay oo ay isku yimaadaan sida uu ka dhawaajiyay Jawaari oo qiray in April 2018 ay kulmeen. Hadal heyn badan ayaa laga sameeyay kulankii uu Xasan Cali Kheyre hoygiisa ku booqday Prof. Jawaari 15-kii bishaan, kaas oo siyaabo kala duwan loo fasiray, waxeyna kusoo aaday xilli ra’isul wasaarahii hore uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa xilka madaxtinimada dalka. Prof. Jawaari wuxuu biyo qabow ku shubay wararka sheegaya in kulankii ugu dambeeyay uu ahaa raali-gelin, wuxuuna sheegay in maalmo kadib gudbinta istiqaaladiisii xilka gudoonka golaha shacabka ay taasi dhacday. “Laba bari kadib markii aan istiqaalada gudbiyay ayuu guriga iigu yimid, wuxuu igu yiri: noo duceey, waan duceysanay, sheydaan ayaa nasoo kala dhexgalay aan is facino ayuuna igu yiri, markaas bey aheyd raali galinta,” ayuu yiri Jawaari. Si kastaba Xasan Cali Kheyre wuxuu mudooyinkii dambe waday kulamo uu la yeelanayo siyaasiyiinta Soomaalida si looga dhex arko siyaasadda Soomaaliya. The post Jawaari: "Kheyre guriga ayuu iigu yimid wuxuuna i weydiistay arrintan." first appeared on Caasimada Online.
  9. Dagaal xadka ku dhexmaray Ciidamada Somalia iyo kuwa Kenya – Iskahorimaad dhexmaray Ciidamada dawlada Kenya iyo kuwa Soomaaliya ayaa ka dhacay xadka ay wadaagaan magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo iyo degmada Mandhera. Lama oga sababta ka dambeysa iska horimaadkan balse goob joogayaal ayaa sheegaya in labada ciidan ay tacshiirad xooggan isweydaarsadeen. Askari ka tirsan Ciidamada Kenya ayaa la soo sheegayaa inuu ku dhaawacmay iska horimaadkan, waxaa jiri kara khasaare kale Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamadii Kenya ay iskaga carareen fariisimihii ay ku sugnaayeen ee ku yaallay xadka gobolka Gedo ee Beled Xaawo iyo Mandhera Xaaladda ayaa hadda lagu soo warramayaa inay tahay mid deggan, iyadoo ay ku sugan yihiin goobta Ciidamada dawlada Soomaaliya oo halkaas mudooyinkanba ku sugnaa, welina ma jiro war ku saabsan iska horimaadkan oo ka soo baxay saraakiisha labada dowladood. Dagaalkan ayaa ku soo aaday xili ciidamada Kenya ay laba maalin ka hor deegaan ka tirsan Ceelwaaq ku dishay qof shacab ah, saddex kalena ka xaysatay, kuwaasoo iyana markii dambe ay dileen, waxaana arintaas ka dhalatay caro xooggan iyo dibed baxyo looga soo horjeedo ciidamada Kenya Qaran News
  10. Waxaa si cad u muuqata in Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay aad usoo dhaweynayaan Heshiiskii Doorashada ee Muqdisho lagu gaaray. Kulanka oo wali socda [...] The post Breaking News— Saadaalinta rasmiga ah .. Labada Aqal oo intooda badan soo dhaweeyeen Heshiiskii Doorashada balse aan wali Cod loo qaadin appeared first on . Source
  11. Isbarbardhigga awoodda militari ee Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya Wargeyska Global FirePower, ayaa dhawaan soo bandhigay liiska muujinaya awoodaha milatari ee waddamada caalamka. Warbixintan waxaan ku eegeynaa farqiga awoodaha milatari ee dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya. Inkastoo arrimo badan lagu eegayo xogta waddamada, Soomaaliya ayaa tirada ciidanka u dhiganta ama wax yar ka hooseysa Kenya. Waxaan isbarbardhig ku sameyneynaa awoodaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ee dhinaca milatariga. Kenya Kenya waxay kaalinta 84-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada, oo ka kooban 138 dal. Tirada guud ee shacabka Keny waxay ka badan yihiin 48 milyan, Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 19,600,998 ruux, oo u dhigma 40.5%, oo ka mid ah shacabka guud. 12,662,245 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka. Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 848,370. Tirada ciidanka milatariga Kenya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 24,150 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Kenya. Awoodda Ciidanka Cirka – Kenya Isku darka 150 diyaaradood ayey leeyihiin ciidamada cirka ee dalka Kenya. 17 ka mid ah diyaaradahaas ayaa ah nooca dagaalka. 20 waxay kala gudbiyaan saanadda milatari. 32 waa diyaaradaha tababarka. 2 waxay fuliyaan howlgallada khaaska ah. 79 waa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaanno “Helicopters”. Awoodda Ciidamada Dhulka – Kenya Ciidammada dhulka Kenya waxay leeyihiin: 76 taangi. 479 gawaadhida gaashaaman ah. 30 madaafiicda iskood isu haga ah. 25 madaafiicda la jiido ah. Kenya ma laha qalabka gantaallada lagu rido. Awoodda Ciidamada Badda – Kenya Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Kenya waxaa lagu sheegay 19. 7 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah. Kenya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha. Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Kenya Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Kenya waa $121,000,000 oo doolar. Deynta dibadda waa $27,590,000,000. Muhiimadda Juqraafi ahaan – Kenya Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 580,367 km. Dhulka xeebta ku teedsan waa 536 km. Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 3,457 km. Kenya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo. Soomaaliya Soomaaliya waxay kaalinta 136-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada, oo ka kooban 138 dal. Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 11,258,029. Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,702,167 ruux, oo u dhigma 24.0%, oo ka mid ah shacabka guud. 1,621,300 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka. Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 121,598 qof. Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 20,000 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya. Awoodda Ciidanka Cirka – Soomaaliya Soomaaliya xilligan ma laha awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka. Taasi waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya aysan lahayn ciidan kuwa cirka ah iyo diyaarado toona. Awoodda Ciidamada Dhulka – Soomaaliya Soomaaliya waxay leedahay 10 taangi. 100 gawaadhida gaashaaman. Soomaaliya ma laha madaafiicda iskood isu haga ah. 30 madaafiicda la jiido ah. 10 qalabka lagu rikabo gantaallada. Awoodda Ciidamada Badda – Soomaaliya Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3. 11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah. Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha. Waxa soo saarka Saliidda – Soomaaliya Ma jirto saliid laga soo saaro Soomaaliya. Saliidda la isticmaalo waa 6,200 bbl. Ma jirto saliid keyd ah oo la xaqiijiyay. Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Soomaaliya Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Soomaaliya waa $62,200,000 oo doolar. Deynta dibadda waa $5,300,000,000. Muhiimadda Juqraafi ahaan – Soomaaliya Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 637,657 km. Dhulka xeebta ku teedsan waa 3,025 km. Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 2,385 km. Soomaaliya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo. Itoobiya Itoobiya waxay kaalinta 60-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada, oo ka kooban 138 dal. Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Itoobiya qiyaas ahaan waa 108,386,391. Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 41,143,474 ruux, oo u dhigma 38.0%, oo ka mid ah shacabka guud. 25,508,954 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka. Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 1,989,698 qof. Tirada ciidanka milatariga Itoobiya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 162,000 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Itoobiya. Awoodda Ciidanka Cirka – Itoobiya Awoodda ciidanka cirka ee Itoobiya waa 86. Itoobiya waxay leedahay: 24 diyaaradaha dagaalka ah. 9 saanadda kala gudbiya. 20 loogu talagalay tababarka. 33 diyaaradaha qumaatiga u kaca ah. 8 diyaaradaha qumaatiga u kaca ee weerarrada fuliya ah. Itoobiya ma laha diyaarado loogu talagalay howlgallada khaaska ah. Awoodda Ciidamada Dhulka – Itoobiya 400 taangi. 114 gawaadhida gaashaaman. 67 madaafiicda iskood isku haga. 650 madaafiicda la jiido ah. 183 qalabka lagu rido gantaallada ah. Awoodda Ciidamada Badda – Itoobiya Itoobiya ma laha awood dhinaca ciidanka badda ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka. Taasi waxay ka dhigan tahay in Itoobiya aysan lahayn ciidan kuwa badda ah iyo maraakiib toona. Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Itoobiya Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Itoobiya waa $350,000,000 oo doolar. Deynta dibadda waa $26,050,000,000. Muhiimadda Juqraafi ahaan – Itoobiya Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 1,104,300 km. Itoobiya ma laha dhul ku teedsan xeeb. Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 5,925 km. Marin biyoodyada la isticmaali karo waa 104,300 km. Qaran News
  12. Waxaa hadda fadhiga baarlamaanka ka socda doodda mooshin ka dhan ah dalka Kenya iyo xasuuqa ay wado gudaha Soomaaliya gaar ah xadka Gedo. Qeyb yar oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ayaa saaka gudbiyey mooshin ka dhan ah Kenya, loogana hadlayo xadgudbyada Kenya tiiyo hadda ay socoto in laga hadlo. Arrintan ayaa waxaa ay kusoo beegmeysaa iyada oo ay dibadbaxyo ka socdaan ilaa 7 degmo oo ka tirsan gobolka Gedo. Source: goobjoog.com
  13. Xeryo horleh oo lagu dhibaateeyo Muslimiinta Shiinaha oo la soo helay Shiinaha ayaa sheegay in xeryaha ay lagama maarmaan u yihiin tallaabooyinka lagu xakamaynayo argagixisada Shiinaha ayaa waxa uu ballaariyay xarumaha uu ku hayo Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighur-ka, inkastoo Shiinuhu uu ku adkaystay in barnaamijka “dib-wax-u-barista” aad loo khafiifiyay, warbixin cusub ayaa sidaasi sheegtay. Mac-hadka Daraasaadka Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda ee Australia ayaa sheegaya in 380 xarumood oo laga shakisan yahay inay ku yaalaan gobolka Xinjiang – tiradaas oo 40% ka badan xarumihii markii hore la qiyaasayay inay jiraan. Shiinaha ayaa sheegaya in ujeedka xarumahaas uu dhisay ay tahay in lagu xakameeyo saboolnimada iyo xagjirnimada diinta ku salaysan ee ka jita gobolka Xinjiang. Hasayeeshee Mareykanka ayaa xarumarahaasi waxa uu la meel dhigay inay yihiin goobo dadka lagu ciqaabo. Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in ugu yaraan hal milyan oo qof lagu xiray hannaankaas. Maxay warbixintu sheegaysaa? Warbixinta ayaa waxaa lagu ogaaday in 100 xarumood oo dheeraad ah oo dad lagu hayo ay muujinayaan baaritaannada la sameeyay, kuwaas oo lagu saleeyay sawirro lagu qaaday dayaxgacmeed, wareysiyo lala sheegay dad indhahooda goobahaas ku soo arkay, warbixinnada ay warbaahintu tabisay iyo dikumintiyo rasmi ah. In ka badan 60 goobood oo dadka lagu xiro ayaa waxaa la dhisay intii u dhaxaysay July 2019 illaa July 202, halka 14 xero oo kalana haatan uu dhismaha ku socdo, sida warbixintu ay sheegayso. Xarumaha lagu hayo Muslimiinta Shiinaha Ku dhawaad kala bar xarumaha cusub ayaa ah goobo aad uu u sarreeyo ammaankooda, taas oo ka dhigaysa suuragalnimada ah in goobahaas laga dhigo jeelal casri ah, waxaa sidaasi sheegay ninka qoray warbixinta oo lagu magacaabo Nathan Ruser. “Xogta ku jirta cilmi-baaristan ayaa waxa ay burinaysaa waxyaabihii ay saraakiisha Shiinaha ku andacoonayeen ee ah in dhammaan dadkii ‘lagu tababarayay’ goobaha loogu yeeray xarumaha tababarka ay halkaas ‘ka qalinjabiyeen’ dabayaaqadii 2019,” ayuu yiri. “Taa badalkeeda caddaymaha la hayo ayaa waxa ay tilmaamayaan in inta badan goobaha dadka lagu ciqaabo ee Xinjiang ee uu Shiinuhu u yaqaan goobaha “dib u waxbarista” ay haatan yihiin kuwo aad ammaankooda loo ilaaliyo oo xiran, oo ay ku jiraan jeelal cusub oo dhawaan la dhisay iyo kuwo la ballaariyayba, ama waxaa dadkaas loo diraa warshado kor ka xiran oo ay ku qabtaan shaqooyin qasab ah.” Sikastaba xaalku ha ahaadee, ku dhawaad 70 xarumood ayaa waxaa laga fujiyay siliggii iyo darbigii waynaa ee ku dayrnaa, warbixinta ayaa intaas ku sii dartay. Wargayska Global Times ee ay dowladdu maamusho ayaa waxa uu wixii markaas ka dambeeyay ku warramay in Clive Hamilton iyo Alex Joske oo wax u qora Mac-hadka Daraasaadka Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda ee Australia laga saaray xayiraad. Beijing ayaa waxa ay wajahday cambaarayn caalami ah oo ku aaddan xeryahaas lagu hayo dadka u badan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighur-ka. Mareykanka ayaa waxaa uu cunaqabatayn ku soo rogay siyaasiyiin Shinees ah kuwaas oo uu ku eedeeyay inay arrintaas ku lug leeyihiin, horraantii bishanna waxa uu hor istaagay qaar ka mid ah khubaro uu sheegay inay ku luglahaayeen “shaqaalayn khasab ah”. Dowladda Shiinaha ayaa todobaadkii la soo dhaafay sheegtay in “xarumaha lagu barto farsamada gacanta” ay fursado shaqo abuurayeen kana qeyb qaateen la dagaalanka saboolnimada ee gobolka Xinjiang. Qaran News
  14. (SLT-Berbera)-Dhismaha madaarka caalamiga ah ee Berbera ee Somaliland oo ah madaarka labaad ee dalka oo socday in muddo ah ayaa waqtigan ku dhow dhammaad, iyada oo hab casri ah loo dhisay. Madaarka ayaa loo dhisay hab cusub oo casri ah, kaas oo waafaqsan nidaamka dulimaadyadda hawada ee qaaradda, sida uu sheegay Diritan Gajonbalaj oo ah Agaasimaha guud ee Madaarka. Agaasimaha oo warbixin siiyey warbaahin caalami ah oo kala duwan ayaa sheegay in ay si dhab ah u maalgeliyeen madaarka , isla markaana loo qalabeeyey , iyada oo la hubinaayo in uu la jaan qaadaayo madaarku nidaamyadda caalamiga ah ee madaaradda dunnida, waxaanu Agaasimuhu intaas ku daray in uu gabogabo ku dhawyahay, isla markaana laga shaqayn doono waxyaalaha lagama maarmaanka ah, ka hor inta aanay baadhitaan ku samayn nidaamkooda dhisme maamulka Hawada ee Somaliland. Sidoo kale, waxa uu sheegay Agaasime Diritan Gajonbalaj in ay waajib ku tahay dhismaha madaar adag oo laysku halayn karo, isaga oo intaas ku daray in maamul ahaan iyo nidaam ahaan la aamini karo, wuxuuna tilmaamay in ay baadhitaan ku samayn doonaan koox baadheyaal ah oo caalami ah, isla markaana madaxbanaan, kuwaas oo eegi doona in nidamkooda dhisme uu waafaqsan yahay xeerarka amaanka hawada ee ee caamaiga ah loona yaqaano (Chicago Convention). Warbixintan oo lagu daabacay shabakada Construction review , isla markaana ay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ka soo xigatay warkan ayaa lagu sheegay in dawladda Somaliland ay doonayso in magaaladda Berbera ay noqoto xarun ganacsi, isla markaana ay u baahan tahay in la dhiso madaarka oo noqon doona mid gudaha iyo dibaddaba u shaqeeya, isla markaana ay isticmaalaan maalgashadeyaasha gudaha iyo dibadduba, iyada oo ay ka soo degi doonaan dalxiiseyaasha caalamiga ahi. Furitaanka madaarka ayaa lagu sheegay warkan in uu kor u qaadi doono sumcadda Somaliland, iyada oo sidoo kalena la wado waddada isku xidhi doonta xuduudka Itoobiya iyo magaaladda Berbera ee Somaliland. Source
  15. Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay deegaanka Buq-Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ku toogtay labo ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin ama jawaasiis, sida ay hadalka u dhigeen. Labada ruux ee la toogtay ayaa waxaa maxkamad hoostagta Al-Shabaab ay sheegtay inay u shaqeynayeen sirdoonada Soomaaliya iyo AMISOM. Axmed Maxamed Abiikar oo ahaa 33 sano jir ayaa laga qabtay deegaanka Burdheere ee gobolka Hiiraan, isaga oo Al-Shabaab ay ku eedeysay inuu la shaqeynayey ciidamada nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa ku sugan Jalalaqsi. Sidoo kale eedaysanaha labaad ee lagu toogtay deegaanka Buq-Aqable oo lagu magacaabi jiray, Cabaas Maxamed Cismaan ayaa laga qabtay tuulada Booco ee gobolka Hiiraan, waxaa isna lagu eedeeyey inuu la shaqeynayey ciidanka nabad-sugida Beledweyne. Fagaaraha lagu toogtay shaqsiyaadkaasi oo ku yaalla deegaanka Buq-Aqable ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne iyo sidoo kale xubno ka tirsan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab. Inta badan Xarakada Al-Shabaab ayaa deegaanada ay maamusho ee koonfurta iyo bartamaha dalka ka fuliso xukuno kala duwan oo u badan dilal toogasho ah. View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda Beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed ayaa ka laabtay heshiis uu hore ula galay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha taas oo geedka Coster ka beeri lahayd Wajaale. Wasiir Seed ayaa shirkadda hore ugu ogolaaday in ay Wajaale geedka ka beerto isaga oo aan wax baadhitaan ah ku Samayn khatarta geedka . Qaar ka mid ah khubarrada beeraha ayaa si adag uga hadlay dhibaatada uu geedka u leeyahay dhulka, Xoolaha iyo dadka waan sababta uu hadda Wasiirku ugu noqday heshiiska. Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya iska hor imaad kooban oo barqanimadii maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ku dhex-maray duleedka magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii ciidamada Kenya ee jooga xadka ay rasaas ku fureen dibad-baxayaal careysan oo ka tallaabaday Beled-Xaawo, waxaana xigtay rasaas ay dhankooda ku wajaabeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaal muddo kooban socday uu ka dhacay halkaasi, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Mid ka mid ah waxgaradka Beled-Xaawo ayaa ka warbixiyey sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in haatan xaaladdu ay tahay mid degan. “Dad dibadbaxayay oo ka careysan falka Ciidamada kenya ay ku dhibaateeyeen shacabka ayaa ka gudbay dhanka Baladxaawo, muddo kooban kadib waxaa rasaas kusoo riday Ciidamo Kenyan ah, markii dambe waxaa rasaas aan badneen isku tuur-tuuray Askarta DFS & Kuwa Kenya, balse way joogsatay, xaalku waa degen yahay” Idiris Aadan oo ka mid ah Odoyaasha dhaqanka ee ku sugan degmada Balad-Xaawo. Isku dhacan ayaa isku aadaya, iyada oo haatan xiisad xoogan oo ka dhalay tacadiyo ciidamada Kenya ay ka geysteen degmada Ceelwaaq uu ka taagan yahay gobolka Gedo, waxaana maanta inta badan ka dhacay degmooyinka gobolkaasi dibad-baxyo ballaaran. The post Wararkii u dambeeyey iska hor imaad dhexmaray ciidamada DF iyo kuwa Kenya first appeared on Caasimada Online.
  18. MOGADISHU (HOL) - Security forces in Mogadishu have arrested a suspected Al-Shabaab operative while trying to launch mortar shells. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta inta badan degmooyinka gobolkaas ay ka dhaceen dibad-baxyo looga soo horjeedo ciidamada dalka Kenya ee ka howl-gal gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Dibad-baxayaasha oo isugu soo baxay fagaareyaal kala duwan ayaa ku qeylinayo erayo ka dhan ah ciidamada Kenya oo dhowaan tacadiyo ka geystay dgemada Ceelwaaq. Sidoo kale waxa ay qaar ka mid ah dibad-baxayaasha ka dalbadeen dowladda Soomaaliya in ciidamada Kenya gabi ahan laga saaro gobolka. Demooyinka ay dibad-baxyadu ka bilowdeen waxaa ka mid ah, Baardheere, Beled-Xaawo, Ceelwaaq iyo meelo kale oo ka mid ah gobolka Gedo. Shacabka ayaa ka careysan gabood fallo isugu jira dil, dhaawac ciyo afduub ay ciidamada Kenya dad rayid ah ugu geysteen tuulooyin hoostaga Ceelwaaq. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana arrintan dadka horey uga dhiidhiyey ka mid ah xidhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Kenya waxa ay ka mid ah howl-galka AMISOM ee Soomaaliya, balse waxaa la sheegay in ciidamada dhibaatada geystay aysan ka mid aheyn kuwa ku jira howl-galka M/Afrika. The post Sawirro: Dibad-baxyo looga soo horjeedo ciidanka Kenya oo ka dhacay gobolka Gedo first appeared on Caasimada Online.
  20. Waxaa dibadbaxyo ka socdaan degmooyin ka mid ah gobolka Gedo, arrintan oo looga soo horjeedo dilal ay dorraad geysteen ciidamada ladagaalanka argigixisada ee Kenya. Wariyeyaal ku sugan Gedo oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in dibadbaxyo ka biolwdeen Baardheera halka lagu wado in ay kulmiyaan dhammaan 7bada degmo ee Gedo. Lama oga in xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah ay arrinkan ka hadli doonaan iyo in kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta dibad-baxyo ballaaran oo laga soo horjeedo ciidamada Kenya ay ka dhaceen degmooyinka gobolkaasi. Dibad-baxyada oo ay dhigeen boqolaal shacab ah oo careysan ayaa ka dhacay dhammaan degmooyinka gobolka Gedo oo dhaca koonfuta Soomaaliya. Dadka dhigayey dibad-baxyada ayaa ku qeylinayey erayo ka dhan ah ciidamada Kenya, oo dhowaan tacadiyo ka geystay degmada Ceelwaaq. Sidoo kale waxa ay dalbanayeen dibad-baxayaashu in gabi ahaan ciidamadaasi laga saaro dalka oo dhan. Dhanka kale waxaa dibad-baxa ka dhacay Beled-Xaawo uu sababay iska hor imaad kooban oo dhex-maray ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada Kenya ee jooga xadka ay rasaas ku fureen dibad-baxayaal ka tallaabaday degmada Beled-Xaawo, waxaana xigtay rasaas ay iyaguna dhankooda ku wajaabeen ciidamada Soomaaliya ee ku sugan halkaasi. Nabadoon Idiris Cabdiraxmaan oo ka mid odayaasha dhaqanka Beled-Xaawo ayaa Shabelle uga warrramay, sida ay wax u dhaceen iyo dibad-baxyada gobolka Gedo. Xaaladda ayaa hadda dagan, balse wuxuu isku dhacan ku soo aadayaa iyada oo ay haatan ka sii dareyso xiisada ka dhalatay tacadiyada ay ciidamada Kenya ka geysteen degmada Ceelwaaq, ka gadaal markii ay dil iyo dhaawac ugu geysteen dad rayid ah. View the full article
  22. Waxaa dibadbaxyo ka socdaan degmooyin ka mid ah gobolka Gedo, arrintan oo looga soo horjeedo dilal ay dorraad geysteen ciidamada ladagaalanka argigixisada ee Kenya. Wariyeyaal ku sugan Gedo oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in dibadbaxyo ka biolwdeen Baardheera halka lagu wado in ay kulmiyaan dhammaan 7bada degmo ee Gedo. Arrintan ayaa imaaneysa xilli maanta lagu wado in baarlamaanka federaalka ah uu u fariisto anisixinta heshiiska doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Wararka PP) — Nooc qamaar ah oo Soomaaliya aan hore uga jirin ayaa hadda faro-ba’an ku haya dhallinyarada Soomaaliyeed. Kulan Sports waa saldhig fadhigeedu Tansaaniya yahay hase ahaatee si sharcidarro ah uga ganacsata Soomaaliya. Shirkaddu waxay dadka ku tartansiisaa sheegidda natiijooyinka ciyaaraha kubadda cagta ee kooxaha qaaradda Yurub iyo kuwa ka dhaca qaarado kale Shirkadaha leh EVC, Sahal iyo Zaad waxay fududeeyaan adeegyada Kulan Sports Kulan Sports waxa ay kaga duwan tahay shirkadada sharadka ciyaaraha waa iyada oo aan qofka ku xirin kaar bangiyeed. Marka uu qofka sharadka dhiganaya isdiiwaangeliyo wuxuu adeegsanayaa EVC, Zaad ama Sahal si uu marka hore u dhigto Kulan Sports lacag hormaris ah oo dhan 0.50 Doollar. Halkii ciyaar qofku wuxuu dhigan karaa lacag aan ka badnayn 90 Doollar. Milkiilayaasha Kulan Sports way qariyeen haybtooda. Waxay ku guuleysteen inay shirkadaha isgaarsiinta leh EVC, Zaad iyo Sahal ku qanciyaan inay hoy ganacsi siiyaan shirkad qamaarka ciyaaraha si sharcidarro ah uga hirgalisay Soomaaliya. Hormuud Telecom ayaa fidisa taleefanka adeegga xiriirka macaamiisha ee Kulan Sports. Risiidh muujinaya sharad ku saabsan saadaalinta natiijada ciyaar kubbadda cagta ah Sooyaan (ma aga magaciisa dhabta ah) wuxuu ka cabanayaa hiwaayadda dhigashada sharadka oo uu marar badan ku qaamoobay. “Amaah ayaan saaxibbaday ka qaatay waayo sharadka la igaga guulaystay baa aad uga badan kan aan ku guuleystay” ayuu Puntland Post u sheegay. Hormuud Telecom waxay bixisaa adeegga telefoon oo macaamiishu kula soo xiriiraan Kulan Sports Waa in qofka sharadka dhigtay uu natiijooyinka laba ciyaarood iyo wixii ka badan si sax ah u saadaaliyo si uu u guuleysto. Haddii uu mid gefo wuu guuldarraysanayaa. “Adeegyada lacagaha la iskugu diro may oga” in Kulan Sports adeegsato adeegyadooda, buu yiri Cabdiraxmaan Aadan, oo ah gorfeeye maaliyadeed oo ku sugan Nayroobi. Weli shirkadaha isgaarsiintu kama falcelinin fududaynta qamaarka aan sharciga ahayn ee Kulan Sports ka hirgelisay Soomaaliya markii ugu horreysay. © Puntland Post, 2020 The post Sharadka natiijooyinka ciyaaraha oo faro-ba’an ku haya Soomaaliya appeared first on Puntland Post.