Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A St. Cloud woman is being honored with a statewide award for her work to strengthen the community. Source: Hiiraan Online
  2. Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo maalman ku sugnaa Baydhabo ayaa faah faahin ka bixiyey heshiis uu la gaaray dhigiisa K/ Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen. Deni oo ka hadlayey munaasabad soo dhoweyn oo loogu sameeyey qasriga madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay labada dhinac ku heshiiyeen horumarinta iskaashiga, Amniga, ganacsiga, isdhexgalka Bulshada iyo dowlad dhiska, iyadoo Puntland wixii aqoon dowladdnimo iyo shuruuc ah ku taageerayso K/Galbeed. “Waxaan u baahanahay in nidaamyada sugida amniga, fulinta sharciga, dhisida kaabayaasha dowladda in la iska kaashado, Puntland waxay ku dhaanto Koofur Galbeed inay ku taageerto haddii ay ahaan laheyd shuruuc, tababar, taakuleyn inay gacan ka geysato sidii Koofur Galbeed cagaheeda ugu istaagi laheyd.” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo danaha guud iyo iskaashiga ka dhexeeya labada maamul. Ugu damgbeyn wuxuu ka mahaceliyey soo dhoweynta ay u sameeyeen Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo. Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa wadaaga xiriir ganacsi, iyada dad ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ay ganacsiyo ku leeyihiin magaalooyinka Puntland. The post Muxuu yahay heshiiska ay gaareen KG iyo Puntland? first appeared on Caasimada Online.
  3. (SLT-Jabuuti)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay heshiiskii 17-kii bishaan September ay Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyneyaasha maamul Gobolleedyada iyo Guddoomiyaha Banaadir ka gaadheen Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021. Madaxweyne Geelle oo shalay Khudbad ka jeediyay Meertada 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay heshiiskii ay Madaxda ka gaadheen Doorashada, isagoona u mahadceliyay Madaxdii ka qeyb gashay shirkii Muqdisho. Sidoo kale Madaxweynaha Jabuuti ayaa heshiiska Doorashada ku tilmaamay mid muujinaya in Soomaaliya ay qaaday dhabbaha jiheysan ee nabadda iyo xasiloonida, isla markaana si wadajir heshiis loo gaadhay. Dhinaca kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, isagoona soo dhaweeyay magacaabista Rooble oo kalsoonida lasiiyay, si uu u soo dhiso Xukuumad Cusub, isagoo Beesha Caalamka ugu baaqay taageerista Somalia. Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay laba ruux ku toogtay ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Labada ruux ee la toogtay ayaa waxaa Al-Shabaab ay ku eedeysay inay ahaayeen basaasiin u shaqeeya sirdoonaya Soomaaliya iyo AMISOM, sida uu ku dhaqaaqay Qaadiga maxkamada Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan. Axmed Maxamed Abiikar oo ahaa 33 sano jir ayaa gacanta lagu soo dhigay, isagoo lagu eedeeyey inuu shaqeynayay ciidamada AMISOM ee ku sugan Jalalaqsi. Sidoo kale qaadiga maxkamadda ayaa sheegay in Axmed muddo laba jeer ah cafis loo fidiyay, balse uu mar kale dib ugu laabtay la shaqeynta ciidamada AMISOM, kadibna laga soo qabtay tuulada Buurdheere. Eedaysanaha labaad ee lagu dilay deegaanka Buq Aqable oo lagu magacaabo jiray Cabaas Maxamed Cismaan ayay Shabaab sheegeen in uu la shaqeyn jiray qeybta sirdoonka ee Beledweyne, waxaana laga soo qabtay tuulada Booco ee gobolka Hiiraan. Goobta fagaaraha ah ee lagu toogtay raggaas wayaa axaa sidoo kale ku sugnaa dadweyne iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Inta badan Al-Shabaab ayaa xukuno u badan toogasho ka fuliso deegaanada ay ka arrimiso ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay labo ruux + sababta first appeared on Caasimada Online.
  5. Xalay waxaa Magaalada Muqdisho ka socdey olole ay wadeen koox Xildhibaano ah oo aan saas u badnayd kuwasoo u ololeynaya in la hor istaago kulanka [...] The post Labada Aqal oo maanta kulmaya, Iyo olole ka socda Muqdisho appeared first on . Source
  6. REPRESENTATIVES of Islington’s close-knit Somali community have criticised Mayor of London Sadiq Khan in the wake of the killing of a teenager in Holloway, claiming people feel that he has “abandoned” them. Source: Hiiraan Online
  7. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo booqasho Sharafeed ku jooga Koonfur Galbeed ayaa Xalay Xaflad loogu sameeyey Baydhabo. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo [...] The post Madaxweyne Deni oo Casho sharaf loogu qabtay Baydhabo appeared first on . Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeelan doono kulan Wadajir ayaa ka doodaya heshiiska ay doorashada ka gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada & G/Banaadir. Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wadaa inuu goor dhow ka furmo xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Xildhibaanada labada aqal ayaa loo diray farriimo, iyada oo lagu war-geliyey kulanka maanta oo uu Ajendahu yahay ka doodiska sharciga doorashooyinka iyo ansixintiisa. Wararka ayaa sheegaya inay u badan tahay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay meel-mariyaan heshiiskaas oo muhiim u ah doorashada 2020 illaa 2021-ka. Madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa horey u sameeyey dadaallo ku aadan ansixinta heshiiskan, iyaga oo kulamo gooni gooni ah la yeeshay xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Heshiiska ayaa qeexaya hab-raaca doorashada dalka ka dhacaysa dhammaadka sanadkan iyo ka xiga ee 2021-ka. Si kastaba ha’ahaatee Soomaaliya ayaa haatan ku jiray xilli kala guur ah, iyada oo lagu sii dhowaanayo waqtiga loo qorsheeyey inay dhacaan doorashooyinka dalka. The post Wararkii u dambeeyey kulanka labada aqal ee BF Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
  9. Xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh Muqdisho, waxaana lagu wadaa in la horgeeyo heshiiskii doorasho ay wada gaareen Villa Somalia iyo madaxda maamul goboleedyada. Xildhibaannada ayaa lagu wadaa iney ansixiyaan heshiiskii jiheynta doorasho ee dalku aadayo 2020-2021-ka, kaas oo dhameystir u ahaa heshiisyadii Dhuusamareeb 1, 2, iyo 3. Cod u qaadidda heshiiskaan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo dhowaan Baarlaamnku meel mariyey oo codka kalsoonida uu siiyey Ra’iisalwasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo laga sugaayo in sida ugu dhaqsiyaha badan uu soo dhiso xukuumaddii ka shaqeyn laheyd doorashooyinka qaranka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay xaflad soo dhoweyn ah oo isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo. Hadal-jeedin uu Madaxweynuhu sameeyay waxaa uu sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ku heshiiyeen horumarinta iskaashiga, dhinacyada Amniga, ganacsiga, isdhexgalka Bulshada iyo dowlad dhiska, Iyadoo Puntland wixii aqoon dowladdnimo iyo shuruuc ah ku taageerayso Koonfur Galbeed. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo dhammaan dadka reer Koonfur Galbeed dowlad iyo shacaba sida wanaagsan ee isaga iyo wafdigiisa usoo dhoweeyeen. View the full article
  11. Labada aqal ee Baarlamaanka dalka ayaa maanta oo sabti ah 26-ka September 2020 lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ku yeeshaan fadhi wada-jir ah oo ay uga doodayaan heshiiska siyaasadeed ee doorashada oo ay 17-dii bishan gaareen dawladda Federaalka Soomaaliya, dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo la doonayo inay ansixiyaan Baarlamaanka. Mudanayaasha golaha shacabka iyo aqalka sare ayaa la gaarsiiyey farriin ogeysiis ah oo ah inay 9:00am-ka subaxnimo ee maanta ka soo wada qayb galaan fadhi wada-jir ah oo Baarlamaanku yeelanayo, si ay uga doodaan heshiiskan siyaadsadeed, kadibna ay cod ugu qaadaan. Heshiiska siyaasadeed ee doorashada ayaa qeexaya hab-raaca doorashada dalka ka dhacaysa, waxaana qodob ka mid ah uu sheegayey in la hor geeyo Baarlamaanka si ay ugu badalaan go’aan sharci ah oo tixraac rasmi ah u noqon kara geedi socodka doorashada. View the full article
  12. Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeedinayey shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan xaaladda Soomaaliya. Geelle ayaa ugu horreyn boggaadiyey heshiiska ay doorashooyinka ka gaareen madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inay taageeraan heshiishaas, si loo dhaqan-geliyo doorashada una dhacdo. “Waa go’aan wanaagsan, dabcan Soomaalida oo isku madax bannaan ayaa heshiiskaas gaartay, waxa kaliya Qaramada Midoobay iyo Saaxiibada Soomaaliya waa in ay taageero garab istaag ah u muujiyaan si loo dhaqangeliyo una dhacdo doorashada Dalka” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada dowladda federaalka iyo kuw AMISOM ay guullo ka gaareen howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya. “Horumar dhanka ah ayay Gaareen Ciidamada Dowladda Federaalka, dabcan waxaa la howlgala oo garabsiinaya Askarta AMISOM, waa in la taageero Ciidamadaas si looga guuleysto Argagixisada” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Hadalkan Madaxweynaha Jabuuti ayaa ku soo aadaya, iyada oo maanta baarlamaanka Soomaaliya uu maanta cod-gelinayo heshiiska laga gaaray doorashada 2020/2021-ka. The post Madaxweynaha dalka Jabuuti oo diray farriin la xiriirta heshiiska doorashada Somalia first appeared on Caasimada Online.
  13. Ciidamada ammaanka gobolka Banaadir ayaa howl-gallo ay sameeyeen waxa ay sheegeen inay ku soo qabteen xubin ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo ay tilmaameen in uu waday fal amaanka lidi ku ah, islamarkaana uu doonayey inuu ka fuliyo Dayniile. Sarakiisha amniga ayaa xusay in gacanta lagu dhigay ninkaasi oo ay magaciisa ku sheegeen, Maxamed Xasan Cali oo doonayey inuu rido Hoobiye. Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa sheegay in shaqsigaasi dhawaan la horgeeni doono caddaaladda. Sidoo kale wuxuu ammaan iyo boggaadin u jeediyey ciidamada ammaanka Soomaaliya ee ka hortagay falkaasi. ”Waxaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa ciidamada amniga oo heegan buuxa ugu jira sidii ay Shacabka Gobolka Banaadir uga badbaadin lahaayeen dadka ka shaqeynayo falalka amni darro” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax). Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamaa dowladda, gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa xoojiyey howl-gallada lagu xaqiijinayo ee amniga ee ka socda magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  14. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Subax-2692020.mp3 View the full article
  15. Raaqiyo Mohammed Ismail oo u dhaltay Soomaalida UK, kana tirsaneyd xisbiga shaqaalada wasdanka Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in ay iska casishay xubintii xildhibaannimo ee xisbiga, kadib markii ay khudbad ay ka hor jeedisay shirkii guud ee golaha xisbiga. Raaiyo ayaa xustay in ay is casilaadeedy ay ka dambeysay kadib markii ay dareentay inaan la ixtiraameynin, lana faquuqaayo sida ay hadalka u dhigtay, waxaana intaas ay ku dartay in ay noqotay duqii magaalo ugu horeeyey oo Xijaaban gudaha wadanka Ingiriiska. “ Lix sano ee la soo dhaafay inta lagu gudo jiray waqtigeyga, waxaan dareemay qiimaheyga inaan la ixtiraamin, hoggaanka iyo xubnaha, waan ka xumahay in ay dhacdo tah. Waxay noqotay duqii magaalo ee ugu horreeyay ee Xijaaban gudaha dalka Ingariiska” ayey tiri xildhibaanad Raaqiyo Maxmed Ismaaciil. Raaqiyo Mohammed Ismail oo muwaadin Soomaaliyeed ah ayaa sanadkii 2019-ka waxaa loo doortay duqa magaalada Islington, kadib kulanka sanadlaha ah ee golaha deegaanka Holloway, waana haweyneydii ugu horeysay oo qabato duq magaalo ka tisan Boqortooyada wadanka Ingiriiska. Raqiyo oo u dhatay Soomaaliya ayaa wadanka Ingiriiska qaxooti ku gashay sanadkii 1980-yadii sida la wariyey, waxaana ay ku nooleed degmada tan iyo sanadkii 1993-kii, waxaana markii ugu horeysay loo doortay golaha Islington sanadkii 2012-kii iyadoo ku-xigeen ka noqotay duqa magaalada sidoo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Agency will provide over-the-phone contractors to preserve social distancing; advocates call for videoconferencing to include attorneys Source: Hiiraan Online
  17. A hard-working rodent named Magawa has gotten the international recognition most rats can only dream of. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo gobalka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ay lacag baad ah weydiisteen saddex kamid ah odayaasha dhaqanka gobalka Gedo oo aad loo yaqaano, kuwaas oo muddo maalmo ah u xiran maamulka gobalka Gedo. Odayaashaan laga qabtay degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo kadib markii ay ka soo laabteen Caleema saarka Nabadoon Shukri Cusmaan Cali, oo ka dhacay Tuulada Makalaa oo hoos tagto degmada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo. Dadka xiran ayaa lagu kala magacaabaa Nabadoon Cumar Shide Guure, Nabadoon Maxamed Macalim Nuur iyo Nabadoon Macalim Sahal Cabdi, waxaana sababta xarigooda lagu sheegay in degaan ay joogaan Al-Shabaab ay uga qeyb galeen Caleema saarka Nabadoon Shukri Cusmaan Cali oo ay isku beel yihiin. Ciidamada dowladda ee soo qabtay odayaashaan ayaa sidoo kale dhaawacay Xaliimo Cabdullaahi Warsame, oo ah Xaaska Nabadoon Cumar Shide, sida ay noo sheegeen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee degaanka. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in odayaashaan hadda lagu haayo degmada Doolow ee gobalka Gedo, waxaana qofkiiba laga rabaa lacag dhan $1,500, waxeyna wadarta lacagta noqoneysaa $4,500. Dalabka lacagtaan ayaa la sheegay in ay dhiibteen ciidanka dowladda ee ku sugan degmooyinka Beladxaawo iyo Doolow oo odayaasha laga qabtay midna lagu haayo. Qaar kamid ah ehalada dadka xiran ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan awoodin lacagtaas islamarkaana ay arrintaasi sababtay in odayaasha ay maalmo badan sii xirnaadaan. Maamulka gobalka Gedo ayaa ilaa hadda ka hadlin xarigga odayaashaan dhaqanka oo la sheegay in degaanada Al-Shabaab ay tagi jareen kana soo laaban jireen, arrintaas oo gobalka caadi ka ah maadaama ay dadka degaanka u badan yihiin xoolo dhaqato iyo beeraley iyo dad kale oo reer guuraa ah. The post Ciidamada DF oo sabab yaab leh u xiray odayaal caan ka ah gobolka Gedo, kadibna dalbaday kumanaan dollar first appeared on Caasimada Online.
  19. Afhayeen maanta gelinkii dambe u hadlay wasaaradda Gaashaandhigga ee wadanka Shiinaha , magaciisana la yidhaahdo Tan kafei ayaa warbaahinta u sheegey in ciidamadda wadanka shiinaha oo loo yaqaano , ciidamadda xoraynta dadka shiinahA ( PLA) ay dhoola tus wayn oo ah mid u eeg dagaal rasmiya ay ku samayn doonaan gacanka Taiwan ee badwaynta Pacific gga. Maraakiibta diyaaradaha xambaara ee wadankaasi shiinaha ee la kala yidhaahdo Liaoning iyo Shandong ayaa ka midda ciidamadda ka qayb qaadanaya dhoolatuskan , waxaana maraakiibtani imika ku sugan yihiin gacanka Taiwan iyagoo aad ugu dhaw dhulka Twain , iyadoo dhoola tuskani socon doono sidda la sheegey ilaa berri gelinka dambe. Dhinaca kale , afhayeen u hadlay maalintii shalay wasaaradda arrimaha dabadda ee shiinaha ayaa ku hanjabay hadii ay sii socdaan kulamadda heerka sarre ah ee dhexmaraya madaxda Taiwan iyo wadanka maraykanku in ay ciidamadooda u diri doonaan Taiwan , sidaa darteed dhoolatuskan ayaa laggu macnaynayaa in uu jawaab u yahay xidhiidhadda tooska ah ee baryahan dambe dhex marayay Taiwan iyo Maraykan . Si kastaba ahaatee , 5 sanadood ee ugu dambeeyey aduunyaddu waxay badhtanka ugu jirtay dagaal qabow oo si lama filaana uga dhex bilaabmay dawldaha waawayn , waxaana imika meel walba lagga dareemayaa , dhoolatuska ciidamadda , iibka hubka oo sarre u kacay iyo tartanka dawladuhu ugu jiraan samaynta hub cusub. Waxa diyaariyay Axmed Nuur Guruuje Source
  20. (SLT-Muqdisho)-Waxaa maalinta Axada ee soo socota la filayaa inuu xilka si rasmi ah ula wareego Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo maalin ka hor ay ansixiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Dood ku aadan sharcinimada xil wareejinta Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo baxday iyo cidda ay tahay inuu xilka kala wareegay, waxaa aad u xooggan warka sheegaya in cidda xilka wareejin doonto uu yahay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Guuleed. Mahdi Guuleed ayaa dhowaan magacaabay Guddi Wasiiro ah oo diyaariya munaasabada xil wareejinta Ra’iisul Wasaaraha cusub, waxaana durba soo baxayay in cidda xilka wareejineyso inuu yahay Mahdi Guuleed. Warar ay heshay ay baahiyeen warbaahinta Muqdisho oo ay xiganayso Somalilandtoday ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre uu warqad rasmi ah u qoray Ra’iisul Wasaare Rooble, kuna ogeysiiyay Madaxweynaha, Guddoonka Labada Aqal iyo Maxkamadda sare oo ah inuu isaga xilka ku wareejiyo sifo sharci ah, ayna tahay xoggo iyo dukumentiyo qaranka ku saabsan inuu ku wareejiyo Raiisal Wasaaraha sida sharciga ah Golaha Shacabka u ansaxiyay. Madaxweyne Farmaajo ayaa markii la riday Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa uu soo saaray wareegto Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed ugu magacaabay sii haye Ra’iisul Wasaare, taasoo siyaasiyiinta mucaaradka ku tilmaameen in aanay sharci aheyn. Mahdi Guuleed ayaa 50 maalmood xilka Ra’iisul wasaaraha hayay, waxaana mudadaas uu shirayay dhowr jeer Golaha Wasiirada, iyadoo la ansixiyay sharciyo iyo guddiyo mugdi ku jiray, sharci ahaanshahooda aad loo duray, maadaama loo arkayay in la dedejinayay iyo dano siyaasadeed oo ku hoos-jirtay. Si kastaba ha ahaatee Dastuurka KMG ayaa qaba in Ra’iisul Wasaaraha marka uu is casilo ama xilka laga qaado inuu xilka ku wareejiyo Ra’iisul Wasaaraha la soo magacaabo, tiiyo ay aheyd arrin soo jireen ah tan iyo markii Dastuurkan la ansixiyay 2012, dowladdii tan ka horreysayna markii xilka laga qaaday labadii Ra’iisul wasaare inay xilalka ku wareejiyeen Ra’iisul Wasaareyaashii iyaga ka dambeeyay. Source
  21. (SLT-Xafiiska Boqortooyada Malaysia ayaa Jimcihii shalay shaaciyay in Boqor Sultan Abdullah cisbitaalka la dhigay, xilli xiisad siyaasadeed ka dhex jirto Baarlamaanka dalkaasi. Hoggaamiyaha Isbaheysiga Mucaaridka Anwar Ibrahim ayaa sheegay in uu hadda heysto codka inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka in xilka laga xayuubiyo Raysal wasaaraha hadda xilka haya Muhyiddin Yassin. Xisbiga Muhyiddin Yassin oo tiro yar ku heysta Aqlabiyada Baarlamaanka ayaa la sheegay in xisbigiisa isaga baxeen tiro xildhibaanno ah oo ku biiray mucaaridka. Balse Yassin ayaa diidan inuu xilka isaga dego. Hoggaamiyaha Mucaaridka Anwar Ibrahim ayaa olole ugu jira in Boqor dalkaasi uu fursad u siiyo inuu isagu soo dhiso xukuumad cusub, hase yeeshee Boqorka ayaa la sheegay inuu xiligan ku jiro cisbitaal oo aanu cidna qaabileyn. Xiisada ka dhex taagan xisbiyadda dalkaasi Malaysia ayaa imaaneysa 7 bilood kadib markii uu xilka qabtay Raysal wasaaraha Muhyiddin Yassin xili uu hoos u dhac weyn ku yimid dhaqaalaha dalkaasi. Boqorka Malaysia ayaan inta badan soo dhexgelin siyaasada, balse wuxuu awood u siinayaa dastuurka dalkaasi inuu isagu magacaabo Raysal wasaaraha uu isleeyahay wuu soo dhisi karaa xukuumad heysata kalsoonida Baarlamaanka. Source
  22. Oballa Oballa inspired new state legislation. Amran Abukar writes powerful books for kids and adults. Farhiya Iman talks to her community. Source: Hiiraan Online
  23. Outgoing mayor delivered emotional speech before breaking off from Zoom call Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa inuu si rasmi ah xilka ula wareego maalinta Axadda ah, sida aan xog ku helnay. Si kastaba, waxaa su’aal ay ka taagan tahay cidda xilka ku wareejineysa Rooble; Mahdi Guuleed oo ah sii-hayaha xilka ra’iisul wasaaraha ama Xasan Cali Kheyre oo ah ra’iisul wasaarihii ka horreeyey ee xilka laga qaaday. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Mahdi Guuleed uu qorsheynayo inuu isaga xilka ku wareejiyo Rooble, isaga oo horey u magacaabay guddi ka shaqeeya xil wareejinta, hase yeeshee waxaa taas dood ka qaba sharci-yaqaanada iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Sharci yaqaanada ayaa sheegaya in Mahdi Guuleed aanu marnaba noqon ra’iisul wasaare, oo uu ahaa kaliya sii-haye xilka ku simayey inta laga helayo ra’iisul wasaare cusub, sidaas darteedna, xilkan ay tahay inay isku wareejiyaan labada ra’iisul wasaare ee isaga dambeeyey. Sidoo kale, Xasan Cali Kheyre ayaa sida aan ogaanay warqad rasmi ah u qoray Ra’iisul Wasaare Rooble, kuna ogeysiiyay Madaxweynaha, Guddoonka Labada Aqal iyo Maxkamadda Sare, taasi oo u uku sheegay inay tahay in isaga uu xilka ku wareejiyo Rooble, taasina ay tahay sifada sharciga ah. Kheyre ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo in xogo iyo dukumentiyo qaranka ku saabsan inuu ku wareejiyo Raiisal Wasaaraha sida sharciga ah Golaha Shacabka u ansaxiyay. Dastuurka KMG ayaa qaba in Ra’iisul Wasaaraha marka uu is casilo ama xilka laga qaado inuu xilka ku wareejiyo Ra’iisul Wasaaraha la soo magacaabo, taasi ay aheyd arrin soo jireen ah tan iyo markii Dastuurkan la ansixiyay 2012, balse waxay u muuqataa in sharcigaas iminka la dhinac mari doono. Dooddan ayaa waxaa soo afjari kara Rooble, oo dooran kara cidda xilka ku wareejineysa, balse ma cadda haddii uu dalban doono Kheyre, taasi oo macnaheedu yahay inuu ka horyimaado madaxweynaha. The post Dood ka taagan cidda xilka ku wareejineysa Rooble iyo Kheyre oo tallaabo qaaday first appeared on Caasimada Online.