Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo ifbaxay khilaaf culus oo u dhaxeeya madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo saraakiisha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud. Khilaafkan ayaa salka ku haya gadiidkii iyo hubkii Ahlu-Sunna oo mar kale ku laabtay gacanta Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame, oo horay u ahaa taliyihii ciidamadii Ahlu-Sunna ee markii dambe ay la wareegtay dowladda federaalka. Hubkan iyo gaadiidka khilaafka dhaliyey waa kii u dambeeyey ee lagala wareegay hoggaanka ururkii Ahlu-Sunna, oo si awood ah hub ka dhigis loogu sameeyey, kadib markii lagu weeraray xaruntii ay ka deganaayeen magaalada Dhuusamareeb ee Inji. Gaadiidkaan, oo gaaraya shan Cabdi-bile iyo qoryo u badan Dhashiikayaal iyo BKM ayaa markii lagala wareegay Ahlu-Sunna, waxaa lagu xareeyey madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb oo uu deganyahay Madaxweyne Qoor Qoor. Najiib Xirsi Dhoore oo ahaa Taliyaha ciidamada madaxtooyada Galmudug ayaa gaadiidka iyo hubka Ahlu-Sunna ee ku xareysnaa madaxtooyada waxa uu ku wareejiyey Jeneraal Mascuud, intii uu madaxweyne Qoor Qoor ku maqnaa magaalada Muqdisho. Intaas kadib waxaa qarxay khilaaf culus oo soo kala dhex galay Taliyihii ciidanka madaxtooyada Galmudug Najiib Xirsi Dhoore iyo Madaxweyne Qoor Qoor, waxuuna Qoor Qoor aad uga xumaaday in hubkaas uu galay gacanta Janankii hoggaamin jiray ciidamadii Ahlu-Sunna, haatana ah Taliyaha guutada 15-aad, qeybta 21-aad ee militeriga Soomaaliya Mascuud Maxamed Warsame. Najiib Xirsi Dhoore ayaa shalay iska casilay xilkii taliyaha ciidanka gaarka ah ee madaxtooyada Galmudug, waxuuna madaxweyne Qoor Qoor si ku meel gaar ah xilkaas ugu magacaabay Maxamed Gaanyac oo ahaa Taliyihii NISA ee degmada Gurceel. Waxaa jira is xulufeysi aad u culus oo ay sameysteen saraakiisha beesha Ceyr ee kala ah Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame oo ah taliyaha guutada 15-aad qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka, G/Dhexe Cabdullahi Cabdi Raage oo ah taliya qeybta NISA ee gobolka Galgaduud, Najiib Xirsi Dhoore oo ahaa taliyihii madaxtooyada Galmudug iyo saraakiil kale, kuwaas oo dhamantood si toos ah u hoos taga qeybha ciidanka ee dowladda federaalka. Hubkii iyo gaadiidkii Ahlu-Sunna ee laga bixiyey madaxtooyada Galmudug ayaa la geeyey magaalada Gurceel oo saraakiishan awood buuxda ay ku leeyihiin. Horay waxaa deegaanka uga taagnaa khilaaf u dhaxeeyey saraakiishan iyo wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo haatan dantu biday aas-aasidda ciidan daraawiish ah oo ay yeelato Galmudug. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa galabta ka baxay Dhuusamareeb, isagoo gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaas oo uu ka jeediyey khudbad u badneyd ka mahad celinta soo dhaweyntiisa. Madaxweyne Qoor Qoor oo qeybta u dambeysa hadalkiisa laga dhadhansanayey culeyska uu ku hayo khilaafkaas ayaa yiri, “Waxii xumaan-wada oo nabadda, wanaaga iyo guusha aan gaarnay raali aan ka aheyn, xoogna waan isaga qabaneynaa xeelna waan isaga qabaneynaa.” Waaberigii hore ee saakay ayaa 50 askari oo ka tirsan booliska sida gaarka u tababaran ee Haramcad waxaa laga dejiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo diyaarad looga soo qaaday magaalada Muqdisho. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxaa la sheegay in dowladda dhexe uu ka dalbaday illaa 200 oo askri, kadib markii uu dareemay culeyska ka soo wajahay saraakiishaas, waxaana si hor dhac ah saakay loogu diray 50 askari, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada Galmudug. The post Xog: Khilaaf culus oo ka dhex qarxay Qoor Qoor iyo saraakiisha beesha Ceyr first appeared on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Habeen-26092020.mp3 View the full article
  3. Bariire (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in hawlgal ay ka sameeyeen gobolka Shabeellada Hoose ay ku toogteen dhawr xubnood oo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab, sidoo kalana kasoo badbaadiyay caruur fara badan. Sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska ciidanka xoogga, ururka 143-aad ee guutada 14-ka October ayaa hawlgal ka sameeyay tuulooyin hoos taga deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose. Qoraalka waxaa lagu sheegay in 16 ka tirsan xubnaha Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida la qaarijiyay, sidoo kalana laga soo badbaadiyay 40 caruur ah oo sida la sheegay ay kasoo qafaasheen gobolada dalka. Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo ah taliyaha ururka 143-aad ee guutada 14-ka October ayaa sheegay iney gacanta ku hayaan caruurtii ay soo badbaadiyeen, kuwaas oo loo diyaariyay iney qaraxyo iyo weeraro ka geystaan gudaha Soomaaliya. Ciidamada Xoogga Dalka ayaa kordhiyay hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay ka sameynayaan koonfurta Soomaaliya, waxeyna dhawr jeer soo badbaadiyeen caruur loogu talgalay in la askareeyo. The post Ciidamada Danab 'oo soo bad-baadiyey 40 caruur ah oo ay qafaasheen' Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.
  4. Somalia both houses of the Federal Parliament on Saturday jointly approved the recent election agreement, stipulating the next national voting to be conducted in an indirect election, speaker of parliament Mohamed Mursal Abdirahman announced. During the session, 252 MPs from the two houses of the Somali Federal Parliament have finally endorsed the political agreement on the 2020/21 electoral model for Somalia. Somalia has an electoral model. The model is a slight improvement in the 2016 Election Model. Electoral delegates voting for every individual MP increased by 50. Now 101. Electoral constituencies increased from 1 to 2 per FMS. This will pave the way for a free, fair, and timely election. View the full article
  5. Saraakiil ka tirsan Safaaradda Dowladda Turkigu ku leedahay Soomaaliya, oo maalmahan ku sugan magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash). Saraakiisha Safaaradda Turkiga iyo Madaxweyne Ku xigeenka, ayaa ka wada-hadlay furitaanka Xafiis ay si ku meel gaar ah ugu shaqayn doonto Qunsuliyadda Turkiga ee Puntland, kaas oo qaabilsan bixinta adeegyada fiisaha dalkaasi. Todobaadkan gudihiisa, ayay sheegeen Saraakiisha Safaaraddu in la furayo Xafiiska oo la yiraahdo (MS Visa), kaas oo dadka ku nool Puntland ay ka heli doonaan fiisihii Turkiga ee ay ka doonan jireen Muqdisho. PUNTLAND POST The post Dowladda Turkiga oo Garoowe ka furanaysa xafiis laga helayo adeegyada fiisaha dalkaas appeared first on Puntland Post.
  6. Jubbaland ayaa maanta guddi gaar ah u saartay baarista dhacdada dadkii ay dhowaan ciidamada Kenya ku laayeen duleedka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Guddiga oo ka kooban shan xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay wasiirka amniga Jubbaland, Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan). Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
  7. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa maanta magacaabay guddi baaritaan ku sameeya dhacdadii 23-kii bishan ka dhacday duleedka Ceelwaaq oo ciidamo ka tirsan Kenya ay ku dileen dad rayid ah. Guddigan ayaa waxaa magacaabay madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee dawlad goboleedka Jubaland Maxamuud Sayid Aaden, oo maanta shir gudoomiyay shirka billaha ah ee Jubaland ee looga hadlo amniga deegaanada Jubaland, kaasi oo ka dhacay Magaalada Kismaayo. Guddiga ayaa ka kooban shan xubnood, waxaana guddoomiye looga dhigay Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan. Waxaa sidoo kale guddiggaan la faray in ay si deg deg ah baaritaano ugu saameyaan dhacdooyinka Ciidanka Kenya ay ka wadaan Soomaaliya gaar ahaan gobolka Gedo. Ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa dhowaan dil iyo dhaawac u gaystay dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanka Yeedow oo hoos yimaada degmada Ceelwaaq. Ciidamada Kenya ayaa lagu soo warramayaa in howl-gal ay ka sameeyeen gudaha deegaankaasi, islamarkaana ay ku beegsadeen dad shacab ah. Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 2 kale oo dhammaan ahaa dhalinyaro ka mid ah dadka deegaanka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in meydka marxuumka ay dileen ciidamada Kenya iyo dhaawaca labada qof ee kale in ay horey u sii qaateen, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka. The post Jubaland oo magacowday guddi uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan first appeared on Caasimada Online.
  8. Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Cadaado Ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Maamulka iyo shacabka Degmadda iyo Xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Galmudug. Socdaalkan waxaa Madaxweynaha ku wehlinayay wasiirka arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Fedaraalka Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel, iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Galmudug Cabdicasiis Nuur. Madaxweynaha oo goob fagaara ah kula hadlay dadweynaha ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diirran, isagoona ku tilmaamay cadaado inay aasaas u tahay midnimadda Galmudug. Madaxweynaha ayaa waxgaradka iyo hoggaanka dhaqanka ku dhiirageliyay iney ka qeybqaataan dib heshiisiinta bulshada, isagoona reer Cadaado ugu baaqay inay hormuud u noqdaan nabadda iyo wada-noolaashiyaha sidii looga bartay. Socdaalka madaxweynaha ayaa ku qotama adkeynta amniga iyo arrimaha dib u heshiisiinta. wuxuuna kulamo la qaadan doonaa laamaha kala duwan ee bulshadda. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iiusul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo dhoweeyey go’aankii ay maanta xildhibaanada labada Aqal ku ansixiyeen heshiiska doorashada, wuxuuna soo jeediyey dalab la xiriira doorashada dalka ka dhaceysa. Kheyre oo qoraal kooban soo dhigay labadiisa cinwaan ee facebook iyo twitter ayaa yiri “Waxaan bogaadinayaa go’aanka ay labada gole ee baarlamaanku wadajirka ugu ansixiyeen heshiiska doorashada.” Waxa uu intaas ku daray “Tallaabadaas ayaa dalka u jiheyneysa dariiqii doorashada. Waxaan ku baaqayaa in nidaamka Doorashadu uu noqdo mid loo dhanyahay, daah furan oo u qabsoonta si xor iyo xalaal ah.” Doorashada ayaa waxaa si wada-jir ah u maamuli doono guddi doorasho oo cusub oo uu soo dhisayo madaxweyne Farmaajo, kaasi oo la shaqeynaya guddi doorasho heer gobol ah oo maamul goboleed kasta uu soo dhisi doono. Kheyre ayaa dhowaan shaaca ka qaaday inuu yahay musharax madaxweyne, waxaana la filayaa in dhowaan uu billowdo loolanka doorashada oo ku billaabmaya xildhibaanada oo musharaxiinta madaxweynaha ay isku dayi doonaan inay kaalin ku yeeshaan, si ay u helaan in wakiilo taageersan oo codka siiya ay fariistaan baarlamanka. Sida ku qoran heshiiska ay gaareen madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada, qorshaha doorashada ayaa billaabmaya 1-da November, balse heshiiska laguma sheegin waqti xadidan oo ay tahay in xildhibaanada lagu soo xulo. The post Kheyre oo soo saaray dalab la xiriira doorashada kadib tallaabadii ay qaadeen BF first appeared on Caasimada Online.
  10. Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor ayaa la sheegayaa inuu goordhow si degdeg ah ku gaaray magaalada Cadaado. Mr. Qoorqoor oo la ogeyn ujeedka safarkiisa ayaa tagistiisu waxaa ay imaanaysaa kadib markii uu saaka ciidamo aad u tababaran ka waday caasimadda Soomaaliya Muqdisho si ay maamulkiisa ugu saldhigaan Dhuusamareeb. Maamulka cusub ee Galmudug ayaa wajahaya caqabado amni darro kadib markii uu ay Al-shabaab si joogtaha ah usoo wareerareen goobo ku dhaw xarunta maamulka. Dhanka kale, warar kala duwan ayaa ka soo baxaya saameynta ay weli kooxdii suufiyada ku dhex leeyihiin Dhuusamareeb iyo cabsi laga yaabo iney mar kale soo noqdaan si ay u wiiqaan maamulka curdinka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Xisbiga Wadajir ayaa soo dhaweeyey in maanta ay Xildhibaanada Federaalku ay Ansixiyaan Heshiiska Doorashada oo si Aqlabiyad ah ay Xildhibaanada labada Aqal ay u meelmariyeen [...] The post Xisbiga Wadajir oo soo dhaweeyey Ansixintii Heshiiska Doorashada, eedeyna dusha uga tuuray Madaxweyne Farmaajo appeared first on . Source
  12. Dowlada Jubbaland ayaa Gudi gaara u Magacawday Weerarkii ceelwaaq ka dhacay ee Ciidamada Kenya ay ku dileen Dad rayid ah. Gudigaan ayaa soo baaraya waxa [...] The post Jubbaland oo Gudi u diraysay Ceelwaaq appeared first on . Source
  13. At least 16 al-Shabaab members were killed and 40 captive children rescued in a military operation in southwestern Somalia, officials said on Saturday. The operation against the al-Qaeda affiliated group was carried out near the recently liberated agricultural town of Bariire, located 62 kilometers (38 miles) from the capital Mogadishu, in the Lower Shabelle region. “During the operation in Nuuney village outside Bariire town, the military managed to rescue at least 40 children hailing from different parts of the country,” Ahmed Hassan Salad, a military commander, told the media. The insurgents had kidnapped the children and planned to use them as suicide bombers, according to Somali military radio. Security officials in the Lower Shabelle region told Anadolu Agency that operations against al-Shabaab will continue without letup to curb the group’s ability to disrupt next year’s presidential and parliamentary elections. View the full article
  14. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay Ansixinta heshiiska Doorashooyinka ee labada Aqal ee Baarlamaanka ay maanta meel mariyeen. Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Heshiiskaas uu dhabbaha u xaarayo in lasii dardar galiyo shaqooyinka dhiman iyadoo laga faa’iidaysanayo waayo aragnimada uu dalka u leeyahay qabashada Doorashooyinka heer Federaal afartii sanaba hal mar. “ waxaan rumays nahay in ay maanta labada aqal ee Baarlamaanku gaareen go’aan Tariikhi ah oo fursad inoo siinaya in aan sii amba qaadno waxyaabaha dhiman si Doorashadu ay ugu dhacdo jawi nabdoon oo lagu qanacsan yahay taas oo ah arin soo socotay Sanadahii lasoo dhaafay ee dib u dhiska Dowladnimadeena” ayuu yiri Madaxweynahu. Sidoo kale Madaxweynaha Jubaland wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay wada shaqayn buuxda iyo dadaal hagar la’aan ah oo dhamaan dhinacyadu ay u dhan yihiin si loo wajaho mustaqbalka iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed. Geba gabadii Waxaa Madaxweynahu uu u mahad celiyay Xildhibaanada Baarlamaanka labada Aqal ee Baarlamanka Federaalk ago’aanka Tariikhiga ah ee ay maanta gaareen taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay in laga dhabeeyo rajada shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan sidii dalka ay uga dhici lahayd Doorasho heshiis lagu yahay. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe: Waa go’aan taariikhi ah in Baarlamanku ansixiyeen Heshiiskii Doorashada appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyey In Xildhibaanada Federaalku ay Ansixiyeen Heshiiskii Doorashada ee bishaan bartankeedii ay wada gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya oo [...] The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo guul ku tilmaamay shaqadii ay maanta qabteen Xildhibaanada Federaalku appeared first on . Source
  16. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey in maanta ay Labada Aqal ay Cod Aqlaboyad ah ku meel martyren Heshiiskii Doorashada ee Madaxweynayaasha Dalku [...] The post Madaxweyne Deni oo soo dhaweeyey in Labada Aqal ay gudbiyeen Heshiiskii Doorashada appeared first on . Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay Ansixinta heshiiska Doorashooyinka ee labada Aqal ee Baarlamaanka ay maanta meel mariyeen. Waxaa Madaxweynahu uu sheegay inay tani dhabaha u xaarayso in lasii dardar galiyo shaqooyinka dhiman, iyadoo laga faa’iidaysanayo waayo aragnimada uu dalkeenu u leeyahay qabashada doorashooyinka heer Federaal afartii sanaba hal mar. “Waxaan rumays nahay in ay maanta labada aqal ee Baarlamaanku gaareen go’aan tariikhi ah oo fursad inoo siinaya in aan sii amba qaadno waxyaabaha dhiman si doorashadu ay ugu dhacdo jawi nabdoon oo lagu qanacsan yahay taas oo ah arin soo socotay sanadahii lasoo dhaafay ee dib u dhiska Dowladnimadeena,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale soo jeediyey wada shaqayn buuxda iyo dadaal hagar la’aan ah oo dhamaan dhinacyadu ay u dhan yihiin si loo wajaho mustaqbalka iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed. Doorashada ayaa waxaa wada maamuli doono guddi ka kala socda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxaana muhiim ah inay wada shaqeeyaan, si guul loo gaaro, xilli laga cabsi qabo in loolanka labada dhinac uu saameeyo. Waxa uu ugu dambeyn u mahad celiyay Xildhibaanada Baarlamaanka labada Aqal ee JFS go’aanka Tariikhiga ah ee ay maanta gaareen, taas oo muujinaysa, buu yiri, sida ay uga go’an tahay in laga dhabeeyo rajada shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan sidii dalka ay uga dhici lahayd Doorasho heshiis lagu yahay. The post Axmed Madoobe oo hal mid soo jeediyey kadib go'aankii ay garaeen baarlamanka first appeared on Caasimada Online.
  18. Xildhibaanada labada Aqal waxay maanta Ansixiyeen oo u cadeeyeen In Dalku uu galo Doorasho bisha Novembar, taasi waxay ka dhigan tahay in kulankii maanta uu [...] The post Xildhibaanada Federaalka waxay laga bilaabo maanta Mid walbaa u olole tagayo Meeshii lagsoo doortay. appeared first on . Source
  19. Xidhibaannada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta ansixiyey heshiis siyaasadeed oo dhigaya doorasho dadban in dalku aado 2020/2021 Codeyn ay sameeyeen waxaana heshiiska ogolaatay 252 xildhibaan, halka ay diideen labo Xildhibaan, waxaa ka aamusay hal Xildhibaan. Madaxweyne Farmaajo iyo maamulkiisa nabad iyo nolol ayaa ku guuldareystay iney dalka ka hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa aqbalay heshiiska doorashooyinka ee dhawaan gaareen madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Kulan wadajir ah oo maanta yeesheen xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliaya ayay ku ansixiyeen heshiiskaas. Waxaana cod gacan taag ah ku ogolaaday 252 mudane, waxaa diiday 2 mudana, halka uu ka aamusay 1 mudane. Ka hor inta aan la ansixin heshiiska waxaa xildhibaanada labada aqal loo qeybiyay nuqulka ansixinta heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka iyo codsiga Madaxweyne Farmaajonee ansixinta heshiiskaas. Qodob ka mid ah nuqulka baarlmaanka loo qeybiyay waxaa ku qormaa in baarlamaanka 10-aad uu xilka sii heynayo illaa maalinta la dhaarinayo xildhibaannada la soo doorto ee baarlamaanka 11aad. Sidoo kale heshiiska doorashooyinka waxaa ku jira qodobo aan la qeexin, oo ay ka kamid yihiin soo xulista ergada oo ay iska kaashan doonaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo dowlad goboleedyada. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saari doona xeer lifaaq ah oo lagu sharciyayn doono heshiiska siyaasaded ee doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
  21. Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay Ansixinta heshiiska Doorashooyinka ee labada Aqal ee Baarlamaanka ay maanta meel mariyeen. Axmed Madoobe ayaa sheegay inay tani dhabaha u xaarayso in lasii dardar galiyo shaqooyinka dhiman iyadoo laga faa’iidaysanayo waayo aragnimada uu dalkeenu u leeyahay qabashada Doorashooyinka heer Federaal afartii sanaba hal mar. “Waxaan rumays nahay in ay maanta labada aqal ee Baarlamaanku gaareen go’aan Tariikhi ah oo fursad inoo siinaya in aan sii amba qaadno waxyaabaha dhiman si Doorashadu ay ugu dhacdo jawi nabdoon oo lagu qanacsan yahay taas oo ah arin soo socotay Sanadahii lasoo dhaafay ee dib u dhiska Dowladnimadeena.” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland. Sidoo kale wuxuu intaas ku daray Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam in loo baahan yahay wada shaqayn buuxda iyo dadaal hagar la’aan ah oo dhamaan dhinacyadu ay u dhan yihiin si loo wajaho mustaqbalka iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn Madaxweynaha Jubbaland ayaa u mahad-celiyay Xildhibaanada Baarlamaanka labada Aqal ee JFS go’aanka Tariikhiga ah ee ay maanta gaareen taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay in laga dhabeeyo rajada shacabka Soomaaliyeed. View the full article
  22. MOGADISHU (HOL) - Somali parliament has approved the newly agreed electoral model paving way for elections slated for later in the year. Source: Hiiraan Online
  23. Fadhi wada jir ah oo ay maanta yeesheen labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayey ku meel mariyeen heshiiska siyaasadeed ee doorashada dalka 2020/21-da, kaas oo hadda noqonaya sharci hab-raac u noqonaya doorashada heer Federaal ee soo socota. Gudoomiyaha golaha shacabka oo shir gudoominayey fadhigan wada-jirka ah ayaa ku dhawaaqay natiijada codaynta xildhibaanada, isagoo xusay in 252-mudane ay ogolaadeen, 2-mudane ay diideen, hal mudane oo kali ahna uu ka aamusay. Baarlamaanka ayaa qodobada heshiiska raaciyey lifaaq ku aadan in la bayaaniyo qodobada qaarkood, lana raaciyo xeer nidaamiyeyaal fududeeya dhaqangalinta heshiiskan. Heshiiskan siyaasadeed ayaa waxaa 17-dii bishan gaaray madxda dawladda FS, dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, ka dib wada-xaajood in muddo ah u socday. View the full article