Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Khartoum)-Raysal wasaaraha Sudan Cabdalla Hamdok ayaa shalay oo Sabti ahayd sheegay in Sudan ayna dooneyn is la isku xidho ka saarista dalkaasi ee liiska argagixisada ee Mareykanku ku daray oo ah arrin hortaagan helitaanka maalgalin shisheeye ee dhaqaalaha dalkaasi, iyo in la hagaajiso xidhiidhkeeda Israa’iil. Ilo wareedyo ayaa toddobaadkan ku warramay in saraakiisha Mareykanku ay muujiyeen in ay doonayeen in Khartuum ay raacdo Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn oo ay xidhiidh la sameysato Israa’iil. Liiska Sudan u aqqoonsanaya in ay ka mid tahay dalalka taageerada siiya argagixisada ayaa soo bilowday waqtigii uu dalkaasi ka talinayay kaligii taliyihii xilka laga tuuray Cumar al-Bashir, waxaana ka mid ahaanshaha liiska ay adkaysay in dowladda cusub ee ku meel gaarka ah ay si deg deg ah u hesho kaalmo deyn cafin ah iyo maalgalin shisheeye. Hamdok ayaa sheegay in Sudan ay u sheegtay Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Mike Pompeo booqashadii uu bishii hore ku tagay dalkaasi in ay lagama maarmaan tahay in la kala saaro ka saarista liiska Maraykanka iyo in la caadiyeeyo xidhiidhka ay la leedahay Israa’iil. “Mowduucan (xidhiidhka Israa’iil) waxa uu u baahan yahay dood qoto dheer oo bulshada dhexdeeda ah,” ayuu ra’iisulwasaaruhu ka sheegay shir looga hadlayay dib u habeynta dhaqaalaha oo ka dhacay Khartuum. Sicir-bararka sii kordhaya ee dalka Sudan iyo lacagta oo hoos u siidhaceysa ayaa ah caqabadaha ugu weyn ee heysta maamulka KMG ee ee Hamdok, oo talada la wadaaga millatariga tan iyo markii xukunka laga eryay Bashiir. Sudan ayaa lagu daray liiska Mareykanka ee dalalka taageerada siiya argagixisada sannadkii 1993-kii, sababt oo ah Mareykanka ayaa rumeysnaa in taliskii Bashiir uu taageerayay kooxaha mintidiinta. Laakiin qaar badan oo ka mid ah dadka reer Sudan ayaa u arka in tani ayna caddaalad aheyn maadaama xilka laga tuuray Bashiir sannadkii hore, Suudaanna ay muddo dheer iskaashi kala sameysay Mareykanka howlaha la dagaallanka argagixisada. Burhan iyo Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa horraantii sanadkan kulan lama filaan ah ku yeeshay dalka Uganda. Haddana, yagleelidda xidhiidh lala yeesho Israa’iil ayaa ah mid xasaasi ah, maadaama ay Sudan cadow weyn ku ahayd Israa’iil xilligii Bashiir uu talada hayay. Source
  2. For three decades now the Somali capital Mogadishu has been a conflict zone: fought over by warlords, foreign forces and now militants who terrorise the population with suicide bombings. Source: Hiiraan Online
  3. (SLT-Addis Ababa)-Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Itoobiya ayaa sheegay inuu dacwad ku soo oogay dad ka badan 5,700 qof oo lala xidhiidhiyey rabshadihi dalkaasi Itoobiya ka dhacay ee ka dhashay dilki loo geystay fannaanki la dilay Hachaalu Hundheesaa. Xeer Ilaaliyuhu wuxuu sheegay fal-dambiyeedyadi dalka Itoobiya ka dhacay wixii ka dambeeyey marki la dilay fannaanki caanka ahaa Hachaaluu Hundheesaa baadhitaanki uu ku waday inuu haatan soo gabagabeeyey. Xeer ilaaiyaha Guud ee dalka Itoobiya iyo Xeer Ilaaliyaha guud ee deegaanka Oromada oo shir jaraa’id oo wadajir ah qabtay waxay sheegeen 5,728-ka qof in lagu soo oogay dacwad ah iney dalka ka abuurayeen dagaal sokeeye. Ku Xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Fiqaadu Tsegga wuxuu sheegay baadhitaanka kiiska xubnahan dacwadda lagu soo oogay iney ka qayb qaateen Xeer Ilaaliyaha guud ee Federaalka, Xeer ilaaliyaha guud ee deegaanka Oromada, Booliska federaalka iyo Booliska Dowlad Deegaanka Oromiya. Dadkaasi dacwadda lagu soo ogayna xeer ilaaliyuhu wuxuu u kala qaaday 3,377 oo ka mid ah iney kiiskooda dowladda dhexe gacanta ku hayso halka 2,351 qofna kiiskooda uu gacanta ku hayo deegaanka Oromiya. “Waxaana xubnahaasi laga diyaariyey 114 kiis uu Xeer ilaaliyaha guud ee Federaalka Gacanta ku hayo iyo 374 deegaanka Oromiya gacanta ku hayso” ayuu yidhi ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Fiqaadu Tsegga. Xeer ilaaliyaha guud ee Federaalka Itoobiya Gediyon Timotiyos wuxuu isna sheegay dadka lala xidhiidhiyey rabshadihi ka dhashay dilki loo geystay Fannaan Hachaaluu Hundheesaa dhageysiga dacwaddooda iney billaabmeyso toddobaadka soo socda. Dhinaca kale xadhigga ay dowladda Itoobiya u geysatay dadkaasi faraha badan kooxaha dhaliila waxay xadhiggaasi ku timaameen xadhig wadareed iyaga oo sheegay dadka falkaasi looga shakisan yahay inay tiradoodu aad u yar tahay. balse ay dowladdu dad aad u badan xidhxidhay. Xubnaha ay dowladda Itoobiya gacanta ku hayso ee dhageysiga dacwaddoodda la billaabayo waxaa ka mid ah ayuu yidhi xeer ilaaliyuhu, siyaasyiin balse siyaasiyiintaasi aan loo qaban aragtida siyaasadeed ee ay aaminsan yahay balse loo qabtay qalalaasihi dalka Itoobiya ka dhacay doorki ay ku lahaayeen. Xeer ilaaliyaha Guud ee Fedraalka wuxuu intaasi ku daray dadka dhacdadaasi looga shakisanaa ee ay dowladda qabatay oo aad u badnaa iyo fal dambiyeedka dhacay oo aad u ballaadhnaa awgii iney baadhitaanka ay muddo dheer ku qaadatay. Rabshadihi ka dhacay deegaanka Oromada ee ka dhashay dilki loo geystay fannaanka Hachaaluu Hundheesaa waxaa ku dhintay 167 qof halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 360 qof, waxaana ku burburtay hanti lagu qayaaso 150 malyan oo doollar. Source
  4. The two were being tracked for the last three months. Source: Hiiraan Online
  5. (SLT-Hargeysa)-Raysal wasaaraha cusub ee dalka Lebanon Mustapha Adib ayaa shalay ku dhawaaqay in uu is-casilay, ka dib markii uu ku guul-darreystay dadaal muddo bil ah qaatay oo uu ku rabay in uu ku soo magacaabo golahiisa wasiirrada. Arrintaan ayaa dhabar-jab ku noqoneysa dadaalkii ay dowladda Faransiisku ku dooneysay in hogaamiyeyaasha siyaasadda Lubnaan ay xal deg-deg ah uga gaadhaan qalalaasaha haatan ka taagan waddanka oo lagu tilmaamay kii ugu xumaa tan iyo dhammaadkii dagaalkii sokeeye ee Lubnaan ee 1990-kii. Ra’isul wasaaraha is casilay Mustapha Adib, oo hore u ahaa safiirkii Lubnaan ee dalka Jarmalka ayaa codka kalsoonida ka helay Golaha Baarlamaanka 31-kii bishi hore, ka dib markii uu magacaabistiisa ku taliyay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron. Faransiiska oo saameyn siyaasadeed ku leh Lubnaan ayaa ku dadaalaya sidii loo heli laa xukuumad si deg deg ah wax uga qabata musuq-maasuqa Lubnaan, islamarkaana dhaqan-gelisa is baddallada ay beesha caalamku dooneyso, si loo helo balaayiin dollar oo wax lagaga qabanayo dhaqaalaha liita ee Lubnaan. Source
  6. Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shalay galab gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana soo ifbaxay khilaaf culus oo kala dhaxeeya saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ee beesha Ceyr. Khilaafkaas ayaa salka ku haya gadiidkii iyo hubkii Ahlu-Sunna oo mar kale ku laabtay gacanta Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame, oo horay u ahaa taliyihii ciidamadii Ahlu-Sunna ee markii dambe ay la wareegtay dowladda federaalka, waxaana wareejinta gaadiidka iyo hubkaas oo ku xareysnaa Madaxtooyada xilkiisii ku waayey taliyihii ciidanka ilaalada madaxtooyada Galmudug Najiib Xirsi Dhoore. Qoor Qoor ayaa Cadaado uga sii gudbi doona magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaas oo uu tababar ugu soo xirayo ciidamo cusub oo ku biiraya daraawiishta Galmudug oo dhawaan aas-aaskoodu bilaawday. Horay waxaa deegaanada Galmudug uga taagnaa khilaaf u dhaxeeyey saraakiisha beesha Ceyr ee ka tirsan dowladda federaalka oo is xulufeystay iyo wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo haatan dantu biday aas-aasidda ciidan daraawiish ah oo ay yeelato Galmudug. Qoor Qoor iyo Fiqi ayaa hadda xooga saaraya sidii ay u dhisan lahaayeen ciidamo daraayiish ah oo toos uga amar qaata, maadaama ay isku xumaadeen saraakiisha hoggaamisa qeybaha ciidamada ee dowladda federaalka ka jooga Galmudug. Wasiir Fiqi ayaa waayihii dambe deegaanada Galmudug waday uruurinta maleeshiyo beeleedyada iyo hubkooda, isagoo koox kasta deegaan uga furayey tababarro, si uu u soo saaro ciidan daraawiish ah oo ka amar qaata. Madaxweyne Qoor Qoor oo khilaafkaas aawgiis isaga bedelay taliyihii ciidanka gaarka ah ee ilaalada madaxtooyada Galmudug ayaa dowladda federalka ka dalbaday ciidan Haramcad ah. Dowladda federaalka oo ka jawaabeysa dalabka Qoor Qoor ayaa saakay Dhuusamareeb ka dejisay 200 oo askarta Haramcad ah, kuwaas oo uu hoggaaminayo taliye Farxaan Qaroole. Sidoo kale isla shalay waxaa Dhuusamareeb gaaray wafdi uu hoggaaminayey taliyaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi oo halkaas u tegay xalinta khilaafka soo kala dhex galay saraakiisha iyo madaxweyne Qoor Qoor. Wafdiga Koofi iyo xubno kale oo ka raacay Dhuusamareeb ayaa xalay Qoor Qoor uga daba tegay Cadaado, waxayna halkaas ku leeyihiin kulan looga arrinsanayo sidii xiisaddan loo qaboojin lahaa. Hubkii iyo gaadiidkii Ahlu-Sunna ayaa waayihii dambe lagu dhex waardiyey jiray Madaxtooyada Galmudug, waxaana laga saaray intii uu Muqdisho ku maqnaa madaxweyne Qoor Qoor, iyadoo taliyihii hore Najiib Xirsi uu ku wareejiyey Jeneraal Mascuud taliyaha guutada 15-aad qeybta 21-aad ee militeriga Soomaaliya. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ku adkeysanaya in gadiidka iyo hubka Ahlu-Sunna lagu wareejiyo wasaaradda amniga Galmudug, balse Jeneraal Mascuud iyo saraakiisha la safan ayaa ku doodaya in hubkaas uusan aheyn hub dowladeed ee uu yahay hub beeleed. Qoor Qoor oo hadal ka jeediyey fagaarihii lagu soo dhaweeyey ee magaalada Cadaado ayaa yiri, “Waxii xumaan-wada oo nabadda, wanaaga iyo guusha aan gaarnay raali aan ka aheyn, xoogna waan isaga qabaneynaa xeelna waan isaga qabaneynaa.” The post Kulamo ka socda Cadaado iyo madaxweyne Qoor Qoor oo khilaaf kadib billaabay qorshe isku tashi ah (Xog) first appeared on Caasimada Online.
  7. Somali and Kenyan troops engaged in a minutes-long firefight on Saturday at the two countries' shared border, local officials and witnesses said after the Kenyan side fired shots to deter Somali demonstrators from approaching. Source: Hiiraan Online
  8. Guddoomiyaha Maxkamadda Derejada Kowaad ee Gobolka Nugaal, Shiikh Cabdinuur Jaamac Xuseen, oo hadal kooban siiyay Warbaahinta, ayaa dalbaday in Caddayn loo keeno eedaymo uu sheegay in loo jeediyay isaga iyo xubno kale oo ka tirsan Garsoorka Puntland. Shiikh Cabdinuur, ayaa ka dalbaday Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad in uu caddayn u keeno eedaymo la xiriira Laaluush-qaadasho, oo uu ku eedeeyay Garsoorka Puntland, gaar ahaanna Maxkamadda Derejada kowaad ee Gobolka Nugaal. Guddoomiye Cabdinuur, ayaa ballan-qaaday in uu sida ugu dhakhsaha badan isu casili doono, haddii lagu caddeeyo in uu Laaluush ku qaato Shaqadiisa Garsoorka, gaar ahaanna Kiiskii u dambeeyay ee marxuumad Hodon Shanlayste, oo ay cabasho ka keeneen Qoyskeeda. “Haddii Ninkaasi Arrinta uu sheegay igu soo caddaysto, oo warkaasi war jira uu noqdo, intaas waxaan ogaysiinayaa istiqaalada in aan geynayo, Kiisaska aan ku jirana meesha ay joogaan kaga harayo” ayuu yiri Shiikh Cabdinuur Guddoomiyuhu wuxu sidoo kale ugu baaqay Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad, in uu cafis weydiisto Garsoorka Puntland, haddii uusan caddayn u hayn in ay Laaluush ku qaateen Shaqada loo igmaday, si gaar ahna kiiskii u dambeeyay ee Hodon Shanlayste. PUNTLAND POST The post Nabadoon Yaasiin oo laga dalbaday in uu caddayn u keeno hadii Kiiskii Hodon Shanlayste Laaluush lagu qaatay appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay Machadka Raas ee Falaanqeynta Siyaasadda ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ay ku bixisay qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka iyo dimuqradiyadda dalka. Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey muhiimadda ay dalka u leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada dalka iyo mataleyaashooda Baarlamaanka, maadaama doorasho qof iyo cod ah ay xal u tahay ka hortagga faragelinta shisheeye, musuqmaasuqa iyo xasillooni darrada siyaasadeed. “Isu-tanaasulku waa arrin xoojiya dowladnimada iyo hirgelinta sharciga, waxa uu adkeeyaa xasilloonida iyo wadajirka. Tanaasulkii aan sameeyey ee arrimaha doorashada waa mid aan uga gol lahaa arrimahaas. Dhanka kale, waxaan qorsheynaynaa in laga bilaabo bisha Nofeembar ee sanadkan ay bilaabato soo xulista Xildhibaannada, si bilowga sanadkan aan ugu guuleysanno soo xulista Xubnaha Baarlamaanka,” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka jawaabay weydiimaha qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee qeybta ka ahaa Dood-cilmiyeedkan, su’aalahaas oo ay ka mid ahayd wakhtiga qabsoomidda doorashada, doorka dhallinyarada ee isbeddelka siyaasadeed ee sanadka 2021-ka, sababaha ay u qabsoomi weyday doorashada qof iyo cod ah, guulaha iyo caqabadaha dib u heshiisiinta. “Tan iyo markii aan xilka imid waxaan awood siinnay dhallinyarada, iyagoo qeyb ka ah hoggaanka iyo talada dalka. 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir ee aan ka codsaday Golaha Shacabka oo ay aqbaleen, haatan waxa ay horyaallaan Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka, maadaama ay ka soo gudubtay hannaanka siyaasadeed oo lagu heshiiyey oo ay dhiman tahay in la waafajiyo sharciga.” Sidoo kale, Madaxweynaha oo ka jawaabayey weydiimo la xiriira dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada ay ku dhibaateeyaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in muddadiii uu hayey xilka Madaxtinimada dalka la wiiqay awooddii argagixisada Alshabaab, iyada oo dib u dhis xooggan lagu sameeyey Ciidamada Qalabka Sida, lana xoreeyey deegaanno badan oo argagixisadu ay ka soo abaabuli jireen qaraxyada iyo weerarrada ay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed. The post Farmaajo oo shaaciyey xilliga doorashada iyo qorshaha 13-ka kursi ee G/Banaadir first appeared on Caasimada Online.
  10. Mandheera (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay iney ku raad joogto saddex qofood oo aan Muslim aheyn oo laga soo afduubtay magaalada Mandhera, waxeyna sabab uga dhigeen in ciidamadooda ay soo galaan gobolka Gedo. Sida ay wararka sheegayaan saddex qofood oo aan Muslim aheyn ayaa laga soo afduubtay Mandhera, bus ay saarnaayeen 54-qofood ayaa lagala dagay dadkaas, iyadoo loo maleynayo iney dadka falkaas geystay yahiin Al-Shabaab. Taliyaha Booliiska Gobolka Waqooyi Bari Rono Bunie ayaa u sheegay warbaahinta caalamka in laamaha amaanka ay ku raad joogaan afduubayaasha. “Waan ognahay saddexda qof ee baska lagala dagay, si cajiib ah ayuu weerarka u dhacay, waan raadineynaa, dadaal ayaan wadnaa, waana inaan nolosha ku helno,” ayuu u sheegay AP. Taliyaha wuxuu qirtay iney qalad aheyd in gaariga bas-ka ah uu baxo ilaalo la’aan iyadoo dagaalyahanada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ay goobahaas aad ugu badan yahiin kana geystaan falal kala duwan. Ciidamada Kenya oo aan aheyn kuwa nabad ilaalinta u jooga qeybo ka mid ah koonfurta dalka ayaa soo galay, waxeyna marmarsiyo ka dhiganayaan iney baadi goobayaan afduubayaasha ay ku tuhunsan yahiin Al-Shabaab. Si kastaba xiisado ayaa ka taagan Gobolka Gedo iyadoo ciidamada Kenya ay halkaas ka geysteen falal argagax leh, waxaana jira dhaq-dhaqaaqayo ciidan oo halkaas ka jira. The post Kenya oo ciidan soo gelisay Soomaaliya kadib markii ay sameysay mar-marsiiyo first appeared on Caasimada Online.
  11. Ra’iisulwasaaraha Sudan Cabdalla Hamdok ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in Sudan aysan dooneyn is la isku xidho ka saarista dalkaasi ee liiska argagixisada ee Mareykanku ku daray oo ah arrin hortaagan helitaanka maalgalin shisheeye ee dhaqaalaha dalkaasi, iyo in la caadiyeeyo xidhidhkeeda Israel. Ilo wareedyo ayaa toddobaadkan ku warramay in saraakiisha Mareykanku ay muujiyeen in ay doonayeen in Khartuum ay raacdo Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn oo ay xidhiidh la sameysato Israel. Liiska Sudan u aqqoonsanaya in ay ka mid tahay dalalka taageerada siiya argagixisada ayaa soo bilowday waqtigii uu dalkaasi ka talinayay kaligii taliyihii xilka laga tuuray Cumar al-Bashir, waxaana ka mid ahaanshaha liiska ay adkaysay in dowladda cusub ee ku meel gaadhka ah ay si deg deg ah u hesho kaalmo deyn cafin ah iyo maalgalin shisheeye. Hamdok ayaa sheegay in Sudan ay u sheegtay Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Mike Pompeo booqashadii uu bishii hore ku tagay dalkaasi in ay lagama maarmaan tahay in la kala saaro ka saarista liiska Maraykanka iyo in la caadiyeeyo xidhiidhka ay la leedahay Israel. “Mowduucan (xiriirka Israel) waxa uu u baahan yahay dood qoto dheer oo bulshada dhexdeeda ah,” ayuu ra’iisulwasaaruhu ka sheegay shir looga hadlayay dib u habeynta dhaqaalaha oo ka dhacay Khartuum. Sicir bararka sii kordhaya ee dalka Sudan iyo lacagta oo hoos u siidhaceysa ayaa ah caqabadaha ugu weyn ee heysta maamulka KMG ee ee Hamdok, oo talada la wadaaga militariga tan iyo markii xukunka laga eryay Bashiir. Sudan ayaa lagu daray liiska Mareykanka ee dalalka taageerada siiya argagixisada sanadkii 1993-kii, sababtoo ah Mareykanka ayaa rumeysnaa in taliskii Bashiir uu taageerayay kooxaha mintidiinta. Laakiin qaar badan oo ka mid ah dadka reer Sudan ayaa u arka in tani aysan caddaalad aheyn maadaama xilka laga tuuray Bashiir sanadkii hore, Suudaanna ay muddo dheer iskaashi kala sameysay Mareykanka howlaha la dagaallanka argagixisada. Burhan iyo Ra’iisulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa horraantii sanadkan kulan lama filaan ah ku yeeshay dalka Uganda. Haddana, yagleelidda xidhiidh lala yeesho Israel ayaa ah mid xasaasi ah, maadaama ay Sudan cadow weyn ku ahayd Israel xilligii Bashiir uu talada hayay. Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Wargeyska Global FirePower oo ka faalooda awoodaha militeri ee caalamka ayaa warbixin uu dhawaan soo saaray waxuu ku soo bandhigay liis muujinaya farqiga u dhaxeeya awoodaha militeri ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Soomaaliya iyo Kenya haatan waxaa ka dhexeeya khilaaf culus oo salka ku haya lahaanshaha dhul isugu jira badd iyo berri oo dhaca halka ay isaga darsamaan labada dal, mana jiro xuduud ay isla ogolyihiin oo u dhaxeeya, maadaama gumeystihii Ingiriiska uu Kenya siiyey qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya. Warbixintaan oo lagu eegayo arrimo badan oo ku saabsan xogta labada wadan ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa muujineysa in tiro ahaan ciidamada labada dal ay aad usugu dhawyihiin. Waxaan isbarbardhig ku sameyneynaa awoodaha Soomaaliya iyo Kenya ee dhinaca militeriga. Waxaana ku hor-mareynaa awooda ciidan ee Soomaaliya. Soomaaliya waxay kaalinta 136-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha militeri ee 138 dal oo caalamka ka tirsan. Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliyeed qiyaas ahaan waa 11,258,029 oo qof. Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,702,167 qof, oo u dhigma 24.0%, oo ka mid ah shacabka guud ee Soomaaliya. 1,621,300 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay hadda ka mid noqdaan ciidanka. Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaarto heer ay ciidanka ku biiri karaan waa 121,598-qof. Tirada ciidanka militeriga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 20,000 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah militeriga Soomaaliya. Awoodda Ciidanka Cirka ee Soomaaliya Soomaaliya xilligan ma lahan awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda militeri ee wadamada caalamka. Taasi waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya aysan lahayn ciidan kuwa cirka ah iyo diyaarado toona. Awoodda Ciidamada Dhulka ee Soomaaliya Soomaaliya waxay leedahay 10 taangi. 100 gawaarida gaashaaman ah. Soomaaliya ma lahan madaafiicda iskood isku haga. 30 madaafiicda la jiido ah. 10 qalabka lagu rikabo gantaallada. Awoodda Ciidamada Badda – Soomaaliya Hantida guud ee Ciidanka Badda ee Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3. 11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah. Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burburiya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baara toona. Wax soo saarka Saliidda ee Soomaaliya Ma jirto saliid laga soo saaro Soomaaliya. Saliidda la isticmaalo waa 6,200 bbl. Ma jirto saliid keyd ah oo la xaqiijiyay. Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Soomaaliya Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee Soomaaliya waa $62,200,000 oo doolar. Deynta dibadda waa $5,300,000,000. Juqraafi ahaan dhulka Soomaaliya Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 637,657 KM. Dhulka xeebta ku teedsan waa 3,025 KM. Xuduudda ay Soomaaliya la wadaagto dalalka kale waa 2,385 KM. Soomaaliya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo. Dhanka Kenya Kenya waxay kaalinta 84-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha militeri ee wadamada, oo ka kooban 138 dal. Tirada guud ee shacabka Kenya waxay ka badan yihiin 48 milyan, Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 19,600,998 qof, kuwaas oo u dhigma 40.5%, oo ka mid ah shacabka guud ee Kenya. 12,662,245 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay hadda ka mid noqdaan ciidanka qalabka sida ee Kenya. Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaarto heer ay ciidanka ku biiri karaan waa 848,370 qof. Tirada ciidanka militeriga Kenya ee hadda shaqeeya qiyaastii waa 24,150 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah militeriga Kenya. Awoodda Ciidanka Cirka ee Kenya Isku darka 150 diyaaradood ayey leeyihiin ciidamada cirka ee dalka Kenya. 17 ka mid ah diyaaradahaas ayaa ah nooca dagaalka. 20 waxay kala gudbiyaan saanadda military. 32 waa diyaaradaha tababarka. 2 waxay fuliyaan howlgallada khaaska ah. 79 waa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaanno “Helicopters”. Awoodda Ciidamada Dhulka ee Kenya Ciidammada dhulka Kenya waxay leeyihiin: 76 taangi. 479 gawaarida gaashaaman ah. 30 madaafiicda iskood isu haga ah. 25 madaafiicda la jiido ah. Kenya ma laha qalabka gantaallada lagu rido. Awoodda Ciidamada Badda ee Kenya Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Kenya waxaa lagu sheegay 19. 7 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah. Kenya ma lahan Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burburiya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha. Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga ee Kenya Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Kenya waa $121,000,000 oo doolar. Deynta dibadda waa $27,590,000,000. Juqraafi ahaan dhulka Kenya Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 580,367 KM. Dhulka xeebta ku teedsan waa 536 KM. Xuduudda ay Kenya la wadaagto wadamada kale waa 3,457 KM. Kenya ma lahan marin biyoodyo la isticmaali karo. The post Is-barbar dhig: Awoodaha militari ee Somalia iyo Kenya first appeared on Caasimada Online.
  13. Xildhibaan Cali Cabdiwaaxid, oo ka tirsan Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, lagana soo doorto Gobolka Sanaag, ayaa si kulul uga hadlay Jawaabtii Madaxweyne Farmaajo ka bixiyay su’aal la xiriirtay Doorashada oo Xalay laga weydiiyay Sool iyo Sanaag. Su’aasha la weydiiyay Madaxweyne Farmaajo, oo ku saabsanayd halka ay ka dhacayso Doorashada Xildhibaannada Heer Federaal ee ka imaanaya Gobollada Sool iyo Sanaag, ayuu sheegay in ay tahay su’aal adag oo uusan ka jawaabi Karin. Haddaba, Xildhibaan Cali Cabdiwaaxid oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu dafiray Jiritaanka Bulshada deggan Sool iyo Sanaag, taasna uu ku raalli-gelinayay dad iyaga lamid ah. “Farmaajo caawa, waxa uu dafiray jiritaanka dadka u dhashay gobollada Sool iyo Sanaag, isaga oo raalli-gelinaya dad lamid ah dadka gobollada dega” ayuu yiri Xildhibaanka . Sidoo kale, wuxu Xildhibaannada heer Federaal ee Sool iyo Sanaag laga soo doorto ugu baaqay, in aysan codka siin Madaxweyne Farmaajo, islamarkaana uga boodaan sidii isaguba uga booday Su’aashii la xiriirtay Sool iyo Sanaag. “Dadka Sool iyo Sanaag, caawa wax badan oo aysan hore uga aqoon Farmaajo ayey ka barteen, waxaan filayaa in sida uu su’aashu uga booday in looga boodi doono isna.” Ayuu sii raaciyay. PUNTLAND POST The post Xil. Cali: Farmaajo wuxu dafiray jiritaanka Sool iyo Sanaag isago raali-gelinaya dad iyaga lamid ah appeared first on Puntland Post.
  14. Mogadishu (PP Features) — The preparations for 2021 elections seem to be in full swing. The Somali political parties have welcomed the electoral agreement that will keep Somalia wedded to 4.5, a flawed power-sharing system. The Somali Federal Parliament endorsed the electoral agreement today; questions of interpretation will gain salience. The Electoral Law will become defunct once the Parliament gives the Federal Government the green light to organise election in conjunction with Federal Member States. The electoral agreement contains a vague clause on the election of MPs and Senators from Somaliland. Neither the Electoral Law nor the electoral agreement clarifies the meaning of Somaliland. If the last two elections are any guide, the negotiations for selecting MPs and Senators from disputed territories will get more complicated. Puntland cites the 2016 agreement and 1998 Puntland Charter to nominate MPs and Senators from the Disputed Territories in ex-British Somaliland. The 2012 elections saw a 5-3 split of MPs from parts of disputed territories. An agreement signed in 2016 by former Puntland President Abdiweli Mohamed Ali and former Federal Government Prime Minister Omar Abdirashid entitled Puntland State to nominate MPs and Senators from disputed territories. The agreement on the electoral model contains an article on the selection of MPs and Senators from Somaliland without geographically defining which parts of Somalia proper is known as Somaliland and which social groups inhabit there. Asked how MPs and Senators from Sool, Sanaag and Cayn will be selected, President Mohamed Abdullahi Mohamed said that he was unable to answer the question. President Mohamed cannot risk a return to strained relationship with Puntland State whose leaders accused President Mohamed of, among other things, not sending ammunitions to Garowe when Puntland and Somaliland forces clashed at Tukaraq in Sool two years ago. President Mohamed was reluctant to send supplies to forces that do not come under the command of the Mogadishu-based Somali National Army although Puntland is a Federal Member State. The 2016 agreement ended the federal representation privileges of Khatumo Movement led by Dr Ali Khalif Galaydh, who signed an agreement with Somaliland Government in 2017. Much depends on how the articles of the electoral agreement will be interpreted. Political expediency will determine the outcome. © Puntland Post, 2020 The post Sticking Points in the Somali Electoral Model Agreement appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay Machadka Raas ee Falaanqeynta Siyaasadda ayaa sheegay in Dowladdu ay dadaal ku bixisay in Doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo “Isu-tanaasulku waa arrin xoojiya dowladnimada iyo hirgelinta sharciga, waxa uu adkeeyaa xasilloonida iyo wadajirka. Tanaasulkii aan sameeyey ee arrimaha doorashada waa mid aan uga gol lahaa arrimahaas. Dhanka kale, waxaan qorsheynaynaa in laga bilaabo bisha Nofeembar ee sanadkan ay bilaabato soo xulista Xildhibaannada, si bilowga sanadkan aan ugu guuleysanno soo xulista Xubnaha Baarlamaanka.” Madaxweyne Farmaajo ayaa ka jawaabay weydiimaha qaar ka mid ah shacabka ee qeybta ka ahaa Dood-cilmiyeedkan, su’aalahaas oo ay ka mid ahayd wakhtiga qabsoomidda doorashada, doorka dhallinyarada ee isbeddelka siyaasadeed ee sanadka 2021-ka, sababaha ay u qabsoomi weyday doorashada qof iyo cod ah, guulaha iyo caqabadaha dib u heshiisiinta. Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka jawaabi waayay su’aalo laga weydiiyay Arrima ay kamid yihiin halka lagu dooranayo Xildhibaannada heer Federaal ee laga soo doorto Gobollada Sool iyo Sanaag. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka jawaabi waayay su’aalo lagu weydiiyay dood ku saabsan Doorashada appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal socday muddo kooban ayaa maanta ka dhacay hooyga uu magaalada Muqdisho ka dagan-yahay madaxweyne ku xigeenla dowlad goboleedka Hir-shabeelle Cali Gudlaawe Xuseen. Guriga Cali Guudlaawe ee uu dagaalku ka dhacay ayaa ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Dagaalkaan ayaa dhacay gelinkii dambe ee maanta, waxuuna u dhaxeeyay ciidamo ay kala hoggaaminayeen sarkaal magaciisa lagu soo koobay Shataqey oo ka tirsan militeriga Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada Hir-Shabeelle Nuur Dheere. Inta la xaqiijiyey hal qof oo shacabka ah ayaa ku geeriyooday is rasaaseyntaas ciidamada dhex martay, waxaana jira dhaawacyo soo kala gaaray, sida ay noo sheegeen ilo xog-ogaal ah. Si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysay isku dhaca ciidamadaas ay kala hoggaaminayeen saraakiishan, mas’uuliyiin ku dhaw madaxtooyada Hir-Shabeelle oo aan wax ka weydiinana waa ay ka gaab-sadeen. Wax yar un kadib, xilliga ay is-rasaaseyntu dhacday waxaa la sheegay in goonta uu gaaray Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, kaas oo kala dhex galay labada dhinac, welina ma jirto cid faahfaafin ka bixisay dhacdadaas. The post Dagaal khasaare gaystay oo ka dhacay guriga Cali Guudlaawe ee Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  17. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee shanta gobol Bari, Sanaag, Hayland, Karkaar iyo Gardafuu ayaa maanta xukuno isugu jira dil iyo xabsi u diray 5 nin oo lagu eedeeyay Shabaab iyo Daacish. Eedeysane lagu magacaabo Maxamuud Maxamed Siciid ayaa lagu riday xukun dil ah, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee shanta gobol, Ibraahim Bile Maxamed. Xasan Moosow Cali, Cabdikariin Cali Maxamed iyo Xuseen Cabdiqaadir Maxamed oo ah dhallinyaro da’doodu u dhaxayso 16 ilaa 18 ayaa maxkamaddu ku xukuntay 20 sanno oo ah xabsi ah, halka Cabdiqafaar Siciid Yuusur lagu xukumay 15 sano oo ah xasbi. Xeer ilaalinta maxkmadda ayaa raggan ku eedeysay inay Koonfurta Soomaaliya uga yimaadeen si ay falal amni darro uga geystaan degaannada Puntland. Maxkamadda ayaa xustay in muddo 30 cisho ah xukunka ka furan yahay racfaan. PUNTLAND POST The post Puntland oo xukuno ku riday 5 eedeysane appeared first on Puntland Post.
  18. Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Wararka caawa naga soo gaaraya xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ee degmooyinka Beladxaawo iyo Mandheera ayaa soo sheegaya in mas’uuliyiin ka socda Mandheera ay galabta tageen goobihii maanta lagu dagaalamay. Wafdigaan ka socdo Kenya ayaa waxaa hogaaminayay duqa magaalada Mandheera Cali Roobow iyo mas’uuliyiin kale waxayna la hadleen maamulka degmada Beladxaawo iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya. Mas’uuliyiintan ka socda Kenya ayaa kuwa Soomaalida ka dalbaday in la joojiyo wax kasta oo abuuri kara isku dhac dambe, iyagoo dhinaca kale raali gelin ka bixiyay dadkii ay ciidamada Kenya dileen. “Annaga waxaa nahay Soomaali, xageyna dhib ma idinkaga imaan doono wixii dhibaato ah oo ay geesteen Milateriga Kenyane raali kama nihin mana ka yeeli doono,” ayuu yiri Guddoomiye Cali Roobow oo la hadlay masuuliyiinta Soomaalida. Qof kamid ah maamulka degmada Beladxaawo oo la hadlay idaacadda Kulmiye ee Muqdisho ayaa sheegay in caawa ay dagan tahay xaaladda goobihii lagu dagaalamay waxaana wali aaggi lagu dagaalamay ka maqan Milaterigii Kenya oo maanta ka baxay. Wali waxaa jirta cabsi iyo walaac ay qabaan dadka degaanka iyadoo ay sii kordheyso carada dadweynaha taas oo ka dhalatay dadkii ay leeyeen Milateriga Kenya. Hoos ka dhageyso codka qof ka mid ah dadka deegaanka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/09/Cabdifitax-Cabdiraxmaan-Ibraahim-.mp3The post Wafdi Kenyan ah oo gaaray goobihii ay kula dagaaleen ciidamada DF kadibna... first appeared on Caasimada Online.
  19. MOGADISHU (HOL) - At least 16 al-Shabaab terrorists were killed and 40 captive children rescued in a military operation in southwestern Somalia, officials said on Saturday. Source: Hiiraan Online
  20. Boqor Cismaan Aw Muxumed Maxamed (Buur-madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa ka hadlay Xaaladda siyaasadeed dalka iyo ta Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE. Boqor Buur-madow oo ku sugan dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta ayaa Waraysi dheer oo uu siiyey Telefiishanka SAHAN wuxuu kaga hadlay heshiis siyaasadeed oo uu sheegay inay hore u wada galeen Beelaha Subeer Awal iyo East Burco Clan, kaasi oo ku salaysnaa in Guddoomiye-nimada Xisbiga Kulmiye lagu wareejiyo Beesha East Burco Clan, marka kursiga Madaxweynaha ee Somaliland uu ku fadhiisto Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, arrintaasi oo uu sheegay inay wax ka beddeleen Xukuumadda talada haysa iyo Xisbigeedu. Buur-madow oo ugu horrayn sharraxaya heshiiska Beelaha Subeer Awal iyo East Burco Clan wada-galeen ayaa yidhi “Markii hore qaabka Somaliland wax u wadday waxay ahayd in Beelaha loo abaabulo inay taageeraan Xisbiyo, maadaama oo ay sidaasi jirtay wax la odhan karaa maxaa keenay in Beesha East Burco Clan oo Dawladda Muxaafid u ahayd ee Xisbiga dhisatay (Hadda Mucaarad noqoto) ma wixii ay (Bixiyeen) ayay ka hadhi kari waayeen Mise wax kalaa soo baxay ? Madaxweynaha Kursigii ugu mudnaa baanu ku dhisnay waanu ku hambalyeynay, inaanu beel ahaan u taageernay ma diiddanin. Waxaan doonayaa (inaan sheego) arrinka sida loo dhigayo in wax ka duwan yihiin, marka hore waxaan Hambalyeynayaa Beelaha Subeer Awal ee aanu Huteelka Palaca ee Burco heshiiska ku wada gaadhnay, waan u hambalyeynayaa oo Beeshaa heshiis fiican oo siyaasi ah ayaa na dhex maray, siyaasiyiintu wax ay wada galeen (Heshiis) ma jirin (Xilligaa), haddii Xukuumadda Kulmiye ay tidhaahdo Maxamuud Xaashi iyo Muuse Biixi waxba ma wada galin, arrinkaasi waa run, laakiin annagu beelo ayaanu wada-galnay illaa imikana wax ay nagaga baxday ma jirto (Beesha Subeer Awal), laakiin Soomaalidu waxay tidhaahdaa Bisin nin Xoogle ayaa bii’yey, annaga iyo Beeshii (Subeer Awal) Xukuumad baanu dhisnay, Madaxweyne ayaanu dooranay, Dastuur bay leedahay, markaa anigu waxaan aaminsanahay iyaga laftoodii (Subeer Awal) ayaa lagaga baxay oo iyaga laftoodii baan Talo badan ku lahayn, Tujaartoodii baa cabanaysa, Raggii Hantida badan geliyey ee Maxamed Aw Siciid ka mid yahay ayaan meesha ka muuqan, Salaadiintii Subeer Awal baan ka muuqan, markaa mar keliya may odhanin ballantii waanu ka baxay. Heshiiskaa aanu wada galnay sidiisii hore ee la isugu wareejiyey buu ahaa, waxay la noqon wayday qolada Xisbiga iyo Xukuumadda.” Buur-madow wuxuu sharraxay sababta ay Beeshiisu xilligan mucaaradka ugu tahay Xukuumadda Madaxweyne Biixi “Waxaan qabaa Kacdoonka East Burco Clan inuu ka duwan yahay halkaa (Arrinta Xisbiga), laakiin halka Sartu ka qudhantay waxa weeyaan, Siilaanyo markii uu xilka wareejiyey Xisbigiisii baa kala wareegay, markiiba waxa la bilaabay in la yidhaahdo ‘Tuugtii meesha boobtay, tuugtii meesha dhacday’ iyadoo Deyntuna ahayd 8 Million oo qudha, oo Dawladdu dhaliilaysaa Maxamuud Xaashi, Cali Mareexaan, Xirsi, Baashe, Siilaanyo, Marwadii Madaxweynaha, markaa waxaan u arkaa in Dawladdu ay beeshii Garabka u ahayd Tuugo la qoro oo la ceebeeyo oo lala dagaalamo oo aanu mar keliya Madaxweynuhu Raalli-gelin ka bixin.” Boqor Buur-madow waxa kale oo uu sheegay inuu Madaxweyne Biixi kula taliyey inuu Guddoomiye-nimada Xisbiga Kulmiye ku wareejiyo Maxamed Kaahin Axmed “Aniga, Maxamuud Xaashi Cid baanu isku xignaa, waxa laga yaabaa inaan taageersanaa in Maxamed Kaahin uu wax noqdo, waayo? East Burco Clan waxay leedahay dhaqan ah ‘Cukaashaa kaaga horreeyay’, Muuse Biixi, Anigu maan lahayn Maxamuud Xaashi ku wareejin ee Maxamed Kaahin u dhiibbaan lahaa, Maxamuud Xaashina waxaan ku lahaa Maxamed Kaahin baa Maanta darka taagane daa’, Waayo? Maxamed Kaahin waa Wasiirka Daakhiliga, Waa Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga, waa nin soo halgamay, Maxamed Kaahin waa Ina Kaahin Il-xidh, Qoys soo talinayey ayuu ka soo jeedaa, waa Nin Reerkiisa Qadarin ku leh.” Boqorku wuxuu sheegay in Maxamed Kaahin iyo Xasan-gaafaadhi aanay beeshooda qaban kari waayin, balse aanay Xagga Madaxweynaha waxba ka dhamayn karin “Anigu, waxaan qabaa in Maxamed Kaahin aanu Reerkiisa qaban kari waayin oo isma Xaafadayn kari waayin, laakiin Maxamed Kaahin iyo Xasan Gaafaadhi oo aanu Madaxweyenimo u wadnay dhibaatada haysataa waa Daa’uus boog leh, waxayna Boogta ka leeyihiina waa xagga Madaxweynaha, Waayo? Maxamed Kaahin intaas oo jeer ayuu Madaxweynaha ugu tagay inuu ogolaansho uga soo qaado diyaaradaha Fly Dubai iyo Al-arabia, Maraakiibtii shidaalka ee badda taagnayd ee la faro-geliyey inuu wax ka qabto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Maxamed Kaahin iyo Xasan Gaafaadhi beeshu ma diiddin oo Kalsooni buuxda ayay ka haystaan, laakiin haddii Wasiirradii Qiimaha lahaa aanay xallil karin dhibaatada dhex taallay Madaxweynaha iyo Beesha, waxaan leeyahay Madaxweynuhu isagaa garbihiisa waxyeelay. Maaha kuwan oo qudha, Maxamed Muuse Diiriye (Wasiirka Biyaha) waa Wasiirkiisii, Sodoggii iyo soddohdii ayaa dhulkii (lagu muransanaa) lagu dhex garaacay, Maxamed Aw Siciid waa taajirkiisii ayaa lagu hor qaawiyey oo lagu hor dhibaateeyay.” Boqor Cismaan waxa kale oo uu ka hadlay Shirweynaha Xisbiga Kulmiye iyo khilaafka siyaasadeed ee xilligan ka dhex jira Xisbiga Kulmiye “Madaxweynaha iyo Raggiisu inay isku joojiyaan ayay ahayd, Cid ku haysatay in la dhiso Teeramka labaad, ma jirin Cid ku haysatay in qanciyo Raggaas oo la isku soo jeediyo, Maxamed Kaahin hadduu Guddoomiye-nimada isaga sii wareejiyo maaha nin qabsanaya oo waa nin la yaqaano oo aan ballanta ka bixin, East Burco Clan ahaan Ninka Maxamed Kaahin ka daba baxa dhegta ayaanu ku dhufan lahayn, markaa wixii ka dhiman Madaxweynaha iyo ciddii talada siinaysay iyagaa iska khalday, imikana waxaanu leenahay East Burco Clan ahaan Mucaaradad idinku kalifi mayno, waanuna idin Hambalyeynayaa ee sidaa Xisbiga ku dhista.” Ayuu yidhi waxaanu intaas ii raaciyey in Madaxweynuhu diiday inuu la kulmo Madax-dhaqameedka “Waxaanu jeclayn inaanu Madax-dhaqameed ahaan la kulano, laakiin Madaxweynuhu isagaa saddexdaa sanadood diiday inuu cid la kulmo, imikana inta Madaxweynaha u hadhay Qaylo iyo Rabshad la’aan iyo Xisbigaaga oo aad Maamulato, Annagu ka beel ahaan Talo dambe ayaanu isugu noqonaynaa, Mucaaraddadana hala joojiyo ayaan leeyahay.” Boqorku waxa kale oo uu ka hadlay kulan ay Magaalada Dubai ku yeesheen isaga iyo Faysal Cali Waraabe, kulankaasi oo dhaliyey tuhun “Xisbiyadu way badan yihiin, Wada-hadallo siyaasadeed ayaanu galaynaa, Sawirka Aniga iyo Faysal Cali Waraabe Wada-hadallada ayuun buu ka mid ahaa, wax heshiis ah iyo Xisbi uu iibinayo ma jirto. Xisbiyadu waa isku dhadhan, Gurigii hore ee aanu fadhinay ee Kulmiye wuxuu nagu noqday Guri cas iyo Dulin, kuwa kalena weli waa dulin oo cid dimuqraadiyad ka muuqato oo aanu nidhaahno beesha ha loo dareeriyo nooma muuqato.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu Madaxweynaha u soo jeediyey “Madaxweyne Muuse Biixi waxaan leeyahay Ganacsiga faraha ka qaad oo dantaada iyo hawshaada kalaa kaa badane Ganacsatadu amaan ha kaa hesho.” Geeska Qaran News