Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Subax-1292020.mp3 View the full article
  2. Xisbiga Shaqaalaha Xoogsatada ee Puntland ayaa Olole ka bilaabay Qurbaha, Gudoomiyaha Xisbiga Cabdirshiid Shiekh Maxamuud (Siyaasi) oo ayaa Xaflad loogu qabtay Caasimada labaad ee Denmark, [...] The post Gudoomiyaha Xisbiga Shaqaalaha Xoogsatada Puntland oo Xaflad daahfur ah loogu qabtay Denmark (Khudbadiisii+Sawiro) appeared first on . Source
  3. Maxamuud Xaashi iyo dagaalkiisa siyaasadeed Maxamuud Xaashi waa nin ku bixin kara damaciisa dhaqaale iyo dood, waa aftahan deegaankiisa u ah siyaasiga kowaad oo cid walba ka wata. Hadii si madax banaan ugu tartamaan xisbiga dhexdiisa Maxamed kaahin iyo Maxamuud Xaashi waxa badinaya Xaashi waayo waa nin xodxodosho badan oo shir beeleedyada Xariif ku ah. Hadii siyaasigu damaciisa lacag u quudhayo waxa uu leeyahay mustaqbal siyaasadeed. Intii uu xilka hayey waxa uu sii maalgashaday dad badan oo kala jooga lixda gobol ha usii badnaato deegaankiisa. Dadkuna inta badan waxay taageeraan qofka hanka sare leh waxayna Kaahin iyo Xaashi kala marayaan halkii shalay Biixi iyo Samaale kala marayeen. Hadii deegaanka ay ka soo kala jeedaan Kaahin iyo Xaashi la kala waydiiyo keeba wax idin qabtay waxay kuu tilmaamayaan Xaashi. Hadii la eegayo kaltanka siyaasada deegaankooda dhexdiisa waxa dood la qaadan karo keenaya Xaashi deegaankiisa, maadaama oo ay hore usoo dhiseen Siiilaanyo iyo saleebaan gaal, maanta ay doorkoodi yahay, sida Jamaal ugu tanaasulay Muuse oo kale . Khudbadiisi maalintii dhowayd waxa uu taageero ka helay intii uu khudbadiisa kaga hadlay , waxaanu kasbaday sadex dhinac oo uu ka hadlay. 1. Mar waxa uu sheegay in deegaanadii soo doortay uu madaxweynuhu dagaal la gallay, waxaanu ka dareen qaadanay guuxa ka jira. 2. Wuxuu yidhi kulmiyihii hore ayuu neceb yahay si uu kulmiyihii hore oo cid walba lahaa taageero uga helo kuna diro xukuumadda. 3. Reer Boorama waxa uu u sheegay in kursigooda oo qudha lagu tartamayo, taasna ay ceeb ku tahay gobolka mar hadii aan kuraasta oo dhan lagu tartameen, qodobkaasi wuxuu abuurey guux kale oo suaal la iska waydiinayo sababta kooga oo qudha loogu tartamayo. 4. Waxa kale oo uu ka hadlay in wasiirka ganacsiga Saajin loo keensaday kulmiye si uu u kala jabiyo quwad aan markii hore taageeri jirey xisbiga oo lagu kala qaybinayo. Dhamaan hadaladiisu waxay ahaayeen kuwo uu ku helay cid la dagaal gasha, waxaana maantaba isku dhinac ah Xaashi, jaamac shabeel, Qabo, Samsam iyo Samaale oo ay sugayaan inuu isna soo goosto iyo Saylici oo ay ku taageeri doonaan inuu ku dhexdagaalamo xisbiga si loo qaawiyo Kulmiye. Isku soo duubo Maxamuud Xaashi waxa uu haysta awood uu ugu yaraan buuq ku furi karo xukuumada, inta u hadhsana qaylo ku dhamaysan doonaan. Source
  4. New coronavirus infections are now steadily declining in many parts of Africa, but this good news has been marred by scandals over corruption and missing funds earmarked for the pandemic. Source: Hiiraan Online
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa safarkii deg degga ahaa ee madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu shalay ugu baxay magaalada Nairobi. Qoor Qoor oo diyaarad gaar ah ka qaatay Xamar, ayaa deggay hotelka Four Points Hotel oo ku dhex yaalla garoonka Joma Kenyatta, halkaasi oo uu kula kulmay sarkaal Imaaraatka u qaabilsan Geeska Afrika oo lagu magacaabo Xuseen Darwiish Al-Shamsi Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Qoor Qoor iyo mas’uuliyiinta Imaaraadka ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin sidii Galmudug looga caawin lahaa dhismaha garoonka diyaaradaha Dhuusamareb, iyo sidii loo qaban qaabin lahaa kulan dhex-maray Qoor Qoor iyo madaxda sare ee Imaaraadka. Galmudug ayaa sidoo kale raadineysa in taageero laga siiyo dhismaha ciidankeeda iyo mushaharkooda oo ay aad ugu baahan tahay, taasi oo Imaaraadka diyaar la yahay marar badanna u yaboohay. Wararka ayaa sheegaya in kulankan markii hore la qorsheeyay inuu ka dhaco Jabuuti laakiin ay diideen Imaaraadka Carabta, ayna dalbadeen inuu ka dhaco magaalada Nairobi. Kulankan ayaa dhaawac xooggan gaarsiin kara xiriirka Qoor Qoor iyo madaxweyne Farmaajo oo ku xiran dowladda Qatar, oo ah dowlad saaxiib dhow la ah dowladda federaalka, aadna ay u xifaaltamaan Imaaraadka. Wararka ayaa sheegaya in Galmudug ay ka carreysan tahay in dowladda Qatar ay ka baxday ballan-qaadkii dhismaha dekedda Hobyo. Qatar ayaan sidoo kale wax taageero ah oo muuqda siin Galmudug iyo maamul goboleedyada kale ee dalka. The post Xog: Qoor Qoor iyo saraakiil Imaaraati ah oo kulan qarsoodi ah ku yeeshay Nairobi first appeared on Caasimada Online.
  6. LYNCHBURG, Va. (WSET) -- A former WSET reporter was announced as the new co-host of the ABC News programs World News Now and America This Morning Wednesday, Sept. 9. Source: Hiiraan Online
  7. Malta-based humanitarian NGO MOAS has delivered 25 tonnes of life-saving nutritional supplies to Somalia, as a continuation of their programme #MissionOfHope. Source: Hiiraan Online
  8. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo gelinkii dambe ee Shalay safar aan la sii shaacin ku tegay Magaalada Nairobi ee Xarunta Waddanka Kenya, ayaa la xaqiijiyay in uu halkaasi kula kulmay Saraakiil ka tirsan Dowladda Imaaraadka Carabta. Madaxweyne Qoor Qoor, ayaa la sheegay in uu fiidnimadii Xalay kulan gaar ah Nairobi kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Dowladda Imaaraadka Carabtu ku leedahay Dalka Kenya, oo uu hoggaaminayo Sii haya Safiirka Imaaraatiga ee Nairobi Xuseen Darwiish Al-shamsi. Al-shamsi oo sidoo kale Imaaraadka u qaabilsan Arrimaha Sirdoonka Geeska Afrika, ayaa saaxiib dhow la’ah Ganacsade Liibaan Tahliil oo ka soo jeeda Galmudug, kaasi oo fududeeyay Kulanka Qoor Qoor iyo saraakiisha Imaaraadka. Wararka qaar waxay sheegayaan, in Madaxweyne Qoor Qoor uu Saraakiisha Imaaraadka ka dalbday taageero dhinacyo kala duwan ah, oo ay ku jirto Tababarka Ciidanka, Qalabayntooda, dhismaha Mashaariic horumarineed iyo taageero dhaqaale. PUNTLAND POST The post Qoor Qoor oo Nairobi kulan qarsoodiya kula yeeshay Saraakiil ka tirsan Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
  9. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan deg deg ah la qaatay Sarakiisha Hay’adaha Amniga Maamulkaas kadib Qaraxii shalay ka dhacay kismaayo. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Saraakiisha Laamaha Amniga faray in ay keenan baaritaanada dhacdooyinkii u danbeeyay ee dhinaca Amniga ah oo uu ugu danbaysay qaraxii Shalay ka dhacay Kismaayo. Sidoo kale wuxuu amar ku bixiyay in Ciidamada Nabad sugida iyo Booliska Jubaland ay dardar galiyaan howlgalada sugida nabadgalyada muwaadiniinta isagoo xusay in loo baahan yahay feejignaan dheeri ah. Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in howlgalada ka dhanka ah Al-sahbaab ay sii socon doonan islamarkaana la adkayn doono Amniga guud ee Jubaland. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo amray in baaritaan lagu sameeyo Qaraxii Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  10. Three suspected al Shabaab militants died after they were blown up by their own bomb device in Garissa, near the Kenyan border with Somalia, according to police reports. Source: Hiiraan Online
  11. PM Abiy dismissed Tigray polls as a 'shanty election', federal officials said polls have 'no legal basis'. Source: Hiiraan Online
  12. There are serious concerns about the legality of the current “Production Sharing Agreements”. Troubling questions also persist over how foreign companies managed to secure extraordinary concessions to the detriment of Somalia. A few weeks ago, the Financial Governance Committee (FGC) – a committee chaired by Somalia’s Minister of Finance and includes an advisory panel from the International Monetary Fund, the World Bank, the African Development Bank and representation from Somalia’s donor partners – published its annual Financial Governance Report on Somalia. The FGC was established in 2014 in response to the egregious levels of corruption within the Federal Government of Somalia (FGS) at the time, and pervasive worries that the Somali government could not be trusted to act in the country’s national interest. An extraordinary step, but hardly surprising. FGC’s primary role is to perform an independent assessment of all major contracts and concessions, applying the “principles of value for money and good governance”. Its remit is to “provide advice on existing concessions and contracts the FGS has entered into, and recommend potential remedies where necessary”. The conclusions from the FGC, as presented in its annual reports, therefore reflect the collective views of FGC members. In addition to Somalia’s Finance Minister who chairs the FGC, other FGS members of the FGC include the Governor of the Central Bank, representatives from the President and Prime Minister’s offices, the Chair of the Parliamentary Finance Committee and the Attorney General. In July 2020, the FGC issued a report in which they reiterated their continued concerns about the legal framework for oil and gas contracts and concessions. In particular, the report highlighted serious discrepancies and persistent questions about the legality of the Production Sharing Agreements (PSA) – the documents that sets out the fiscal terms such as royalties and profit share from oil and gas earnings – that the FGS is now using for the licensing rounds. In addition, the FGC report also makes it clear that the FGS did not make the changes they recommended with respect to the concessions given to Soma Oil and Gas Exploration Ltd. In order to understand what this means, it is important to trace the sequence of events and look back at what has been happening in the past few years that led to this. The current Somali PSAs are against the law In 2016, Somalia’s PSA was subject to extensive technical and legal review by the FGC, and significant changes to its terms were made. Both the FGC and FGS agreed that the “model” oil and gas PSA, that incorporates FGC’s changes, would be adopted as a basis for all future licencing agreements. However, in February 2019, the FGS held a roadshow in London and published the PSA to be used. When the FGC later compared this PSA against the original one agreed with the FGS, they found that it was substantially different and contained terms that significantly weakened Somalia’s position. In addition, neither the PSA nor the accompanying tender protocols were approved in line with the requirements of Somalia’s Procurement Law (an important legal requirement to mitigate the risk of corruption), nor were all documentations for licensing rounds approved by the Inter- Ministerial Concessions Committee – another legal requirement. In essence, the PSA was inconsistent with the law. Furthermore, the fiscal terms in the PSA were not aligned with the Extractives Industries Income Tax (EIIT) legislation (which is yet to be passed). This means another legally important safeguard against fiscal exploitation, and a key requirement for the debt-relief completion point, was completely ignored. In May 2020, the FGS went ahead with a licencing round for seven blocks. FGC’s other concerns about Soma Oil and Gas concessions On the 6th of August 2013, the FGS signed a Seismic Option Agreement (SAO) with Soma Oil and Gas Exploration Ltd – “SOMA” – a wholly owned subsidiary of Soma Oil and Gas Holding Ltd. It is a company registered in the United Kingdom. Hassan Khaire (who later became Somalia’s prime minster) was a director and a Group shareholder. Under the terms of the SOA (what we know so far), SOMA was to (i) undertake seismic surveying in onshore and offshore areas of SOMA’s choice that are not the subject to prior grants of petroleum rights; (ii) after delivering the survey results to the FGS, SOMA had a year of exclusivity to negotiate PSAs with the FGS in 12 offshore blocks of “potential prospectivity” that SOMA will select, covering up to a total of 60,000 km sq; (iii) the PSAs negotiated would remain in force for 8 years; (iv) should a commercial discovery be made, up to 25 years of exploitation would be permitted.[ii] On the 3rd of August 2015, the Somalia Eritrea Monitoring Group report highlighted a letter signed by the Minister of Petroleum on the 8th of May 2014 that extended the offshore area available to SOMA for survey to include the JORA Block (Somalia – Kenya border), which SOMA may also select as one of the areas in which it chooses to negotiate a PSA on an exclusive basis[iii]. On the 31st of October 2015, the FGC noted in its report that, having reviewed the SOMA contract and recommended changes to it, the Somali government remained “unresponsive”. Furthermore, the FGS did not tell the FGC that SOMA’s contract was extended to include JORA Blocks.[iv] Ever since that time, the FGC tried unsuccessfully to get the FGS act on its recommendations to make changes to the SOMA contract. The FGC confirm in their July 2020 report that, to date, the FGS has not incorporated FGC’s recommendation into the SOMA concession. In addition to SOMA, the FGS also gave concessions to Spectrum ASA in September 2015 for the rights to acquire up to 28,000 kilometres of Multi-Client 2D data. Spectrum was granted the exclusive brokerage rights for an existing 2D dataset of 20,000 kilometres which was acquired and processed in 2014. In this instance, the FGS incorporated the FGC’s recommendations into the Spectrum contract. [v] What does this all mean for Somalia? These findings raise three important and serious questions: (i) the legality of the current PSAs, (ii) the significance of the SOMA and Spectrum concessions, and (iii) the legal and reputational risks for investors: The legality of the PSA The current PSA the FGS is using contravenes the procurement law and does not incorporate the requirements of the EIIT legislation. It means any agreements struck with the FGS could easily unravel and likely to be void. The PSA contains terms that are unfavourable to Somalia and intended to weaken Somalia’s position. The current government’s rush to auction the country resources is therefore an egregious example of the rot that has taken hold within the FGS. It also illustrates that corruption within the FGS is not only thriving but is now in plain sight. Why else would the FGS do something that is considered to be detrimental to Somalia and does not comply with the law? The significance of the SOMA & Spectrum concessions Here the questions are equally profound and deeply worrying too: Why is the FGS consistently refusing to renegotiate the terms of the concessions given to SOMA as recommended by the FGC? Why is the FGS refusing to publish all of the contracts and concessions, including the revenue sharing agreements given to SOMA and other foreign companies? Why is FGS hiding these from the people of Somalia? SOMA was doing the seismic surveys and was also given the right to select the best 12 blocks they like for free, and 25 years of exploitation if there is a discovery. The blocks SOMA takes could be worth billions, if not, trillions of dollars and can be exploited for the next 25 years. This means SOMA will take the best petroleum blocks and what is left could be worth nothing or of little value. Why did the FGS agree to these extraordinary terms? What does the Spectrum concession mean for Somalia and how long will it run? SOMA Oil and Gas Exploration Ltd was created on the 23rd of July 2013 (the holding company was incorporated a few weeks earlier on the 26th of April 2013). Barely, two weeks later, on the 6th of August 2013, it was able to secure the major concessions mentioned above. Why would a company that is two weeks old manage to get such significant concessions? What due diligence was done to ensure that the company had the right market and technical expertise, as well as the resources to fulfil its contractual obligations in a way that did not pose material long-term risks to Somalia? In the absence of a national oil company, who is accountable for managing the contracts and concessions given to these foreign companies? Legal and reputational risks for investors There had always been a growing concern that the sale of Somalia’s natural resources was driven by personal greed, rather than national interest. FGC’s reports add important detail and credibility to what the people of Somalia always suspected. The danger for potential investors is significant too. The FGC is chaired by Somalia’s Minster of Finance and includes key representation from the different arms of the government, as well as international development institutions. The conclusions from the FGC therefore reflect the collective views of all of the committee members, including the FGS. In the circumstances, the FGC report is a clear warning that the licensing rounds already contravene relevant laws, exposing investors to material legal and corruption risks. Investors ignore this at their own peril. Conclusion The most extraordinary thing here is that, on one hand, the FGS is rushing to sell off the country’s resources outside of the legal and transparency processes. On the other, FGS members in the FGC concur that that there are serious questions about the legality of the PSAs and continuing concerns about the SOMA concession. It is a timely reminder of the disfunction within the FGS and highlights that there are no basic accountability pillars in place. The very little we know comes from the FGC reports. The real worry is that all of this could well be the tip of a gigantic iceberg. No one has the faintest idea what successive Somali governments had signed away and what it means for the people of Somalia. Fisheries is another story. That is why there needs to be a complete moratorium on all agreements; a full independent audit of all contracts and concessions to make sure everything passes relevant legal, value-for-money and national interest tests; and public disclosures of all agreements. Hassan Sheikh (the previous president and 2021 presidential hopeful) and Hassan Khaire (the previous prime minster) must be clear with the people of Somalia and explain their roles in all of this. The future of the people of Somalia is at stake. The real tragedy is that no one in government can be trusted to protect Somalia’s national interests. For Farmaajo, let us hope that, for once, he does the right thing for his country. Sources: FGC July 2020 Report: https://mof.gov.so/sites/default/files/2020-08/Financial%20Governance%20Report%202020%20-%20English%20Report.pdf FGC Contracts and Concessions (August 2016): https://mof.gov.so/sites/default/files/2018-10/Third-FGC-Contracts-and-Concessions-Report.pdf FGC Contracts and Concessions (October 2015): https://mof.gov.so/sites/default/files/2018-10/Second-FGC-Contracts-and-Concessions-Report_0.pdf Spectrum Annual Report 2015: https://www.spectrumgeo.com/wp-content/uploads/SPU-Annual-Report-2015-RO.pdf Soma Oil and Gas Exploration Ltd (incorporation): https://beta.companieshouse.gov.uk/company/08619726/filing-history?page=3 See FGC July 2020 Report [ii] See FGC Contracts and Concessions (August 2016, page 27) [iii] See FGC Contracts and Concessions (August 2015, pages 1, 11) [iv] See FGC Contracts and Concessions (October 2015, pages 1, 11, 12 and 30) [v] See Spectrum Annual Report (2015), page 11 Abdi Ali can be reached at abdirahman.ali3@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You The post The auctioning of Somalia’s oil blocks is against the law first appeared on Caasimada Online.
  13. Minneapolis (Caasimada Online) – Garsoore federal oo Mareykan ah Michael Davis ayaa Khamiistii amray in xabsiga laga sii daayo haweeney 73 jir Soomaali ah oo sanadii 2011 xabsigi loogu xukumay inay taageero siisay kooxda Al-Shabaab. Xaawo Maxamed Xasan ayaa qorshuhu ahaa in lasii daayeo bisha Janaayo ee 2021, hase yeeshee garsoore Davis ayaa sheegay inay u qalanto in goor hore lasii daayo, sababo ay ka mid yihiin xaaladdeeda caafimaad oo sii xumaaneysa iyo faafitaanka cudurka COVID-19. Waxa uu sheegay in Xaawa ay qabto cuduro dhowr ah oo dhiig-karka uu ka mid yahay. “Eedeysanaha waxay ku doodday in xaaladahan caafimaad ay yihiin halis muuqata oo sare u qaadi kara in nolosheeda ay halis gasho haddii uu ku dhaco cudurka COVID-19,” ayuu yiri garsoore Davis. Davis ayaa sidoo kale ku dooday inay u badan tahay inaysan dib u gelin dambigii horey loogu xiray marka la eego da’deeda. Xaawo ayaa waxa ay ku xiran tahay xabsiga Hazelton ee gobolka West Virginia. Xaawo, oo ah muwaadin Mareykan ah, iyo Aamina Faarax Cali ayaa 2011 lagu helay dambi ah inay taageero siiyeen kooxda Al-Shabaab, ayaga oo lacag ka ururiyey magaalada Rochetser ee gobolka Minnesota. Xaawo ayaa waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah, halka Aamin lagu xukumay 20 sano. Kiiska Xaawo ayaa sanadii 2011 noqday kiis aad looga hadaly hayey warbaahinta Mareykanka, ayada oo lasoo bandhigay codad looga duubay taleefonka oo ku caddeynaya dambiyada lagu soo oogay. The post Xaawo Maxamed Xasan oo xabsiga laga sii deynayo kadib kiiskii caanka ahaa ee 2011 first appeared on Caasimada Online.
  14. Wararka laga helayoa magaalada Gaarrisa ee Gobolka Waqooyi bari Kenya, ayaa sheegaya in 3 qof oo looga shakisan yahay Al-shabaab ay ku geeriyoodeen, 4 kalena ay ku dhaawacmeen,kaddib markii qarax ay dhulka ku aasayeen uu ku qarxay. Laamaha ammaanka Kenya oo war ka soo saaray dhacdadan, ayaa xaqiijiyay geerida 3 qof xilli ay qarax aasayeen,waxayna intaasi ay ku dareen in 4 qof oo dhaawacyo ay soo gaareen. Booliiska Kenya ayaa heley xog ku saabsan in 4-ta qof ee dhaawacantahay durba lagu qaaday gaari nuuca Toyota Hilux ah,islamarkaana ay qaadeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo goobta ka baxsaday. Laamaha Ammaanka Dalka Kenya ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay kordhiyeen muddooyinkii ugu dambeeyay miinooyinka ay dhulka ku aasayaan,gaar ahaan Gobolka Waqooyi bari ee Soomaalidu degto. PUNTLAND POST The post Gaarrisa: Xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku dhintay qarax ay aasayeen appeared first on Puntland Post.
  15. Dalkii 2aad ee ka Tirsan Dalalka Khaliijka ee heshiis la galay Israel Ra’isal wasaaraha Israel iyo Boqorka Baxrayn Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa shaaciyey in Israel iyo dalka Baxrayn ee Khaliijku ay gaadheen heshiis meel mar ah oo ay si buuxda ugu hagaajinayaan xidhiidhkooda. “Waa dalkii labaad ee Carbeed ee muddo 30 maalmood gudahood ah nabad la qaatay Israel” ayuu ku yidhi qoraal uu ku baahiyey bogga uu ku leeyahay Twitter-ka. Muddo tobanaan sanadood ah ayaa dalalka Carbeed badankoodu go’doomiyeen Israel iyaga oo ku akdaysanayey in ay xidhiidh la yeelan doonaan oo keliya marka khilaafka u dhexeeya Falasiiniyiinta la xaliyo. Laaliin bishii hore ayaa dalka Isutagga Imaaraadka Carabtu wuxuu aqbalay in uu xidhiidh la yeesho Israel. Ma jirin wax hadal hayn ah oo ku saabsanaynd in Baxrayn ku dayan doonto Imaaraadka. Trump oo bishii Jeeniweri soo bandhigay qorshihiisa nabadda Bariga Dhexe oo lagu doonayo in lagu furdaamiyo khilaafka Israel iyo Falastiiniyiinta, ayaa labadan heshiis ba ka odayeeyey. Ra’isal wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa Jimcihii sheegay in uu “la dhacsan yahay” in “heshiis kale oo nabadeed” ay la gaadheen dal kale oo Carbeed. “Waa waa cusub oo u baryey nabadda. Nabad baa nabad dhalisa, dhaqaalena dhaqaaluu kaabaa. Sannado badan ayaanu nabadda gelinay dedaal lagu gaadho, haatanna nabaddii ayaa midhaheedii noo dhashay” ayuu yidhi. Baxrayn waa dalka Afraad ee Carbeed ee ku yaal Bariga Dhexe – marka lagu daro Imaaraadka, Masar iyo Urdun- ee aqoonsada Israel tan iyo markii la aasaasay dalkaas 1948. ”Maanta waxa la gaadhay heshiis kale oo taariikhi ah” ayuu Trump ku qoray boggiisa Twitter-ka waxaanu intaa ku daray ”Labadayada saaxiib ee waaweyn Israel iyo Boqortooyada Baxrayn ayaa gaadhay heshiis nabadeed.” Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale qoraalladiisaa uu Twitter-ka ku baahiyey ku lifaaqay nuqul ka mid ah warbixintii ay soo wada saareen saddexda hogaamiye – Trump, Netenyahu iyo dhaxal sugaha taajka Baxrayn Salmaan Bin Xamad Aal-Khaliifa. Dhawaanahan ba cabsi ay si wada jira uga qabaan Iran, ayaa dhalisay xidhiidho aan rasmi ahayn oo labada dal yeeshaan. Benjamin Netanyahu iyo Salmaan Bin Xamad Aal-Khaliifa Bishii hore ayaa duulimaadkii ugu horeeyey ee diyaarad rayid ah oo ka kacday Israel caga dhigatay Imaaraadka, arintaas oo loo arkayey in ay tahay talaabo weyn oo loo qaaday dhanka xoojinta xidhiidhka labada dal. Wiilka Madaxweyne Trump soddoga u yahay sidoo kalena ah la taliyehiisa, Jared Kushner, oo diyaaraddaa la socday ayaa ku tilmaamay heshiiskaa Imaaraadk inuu yahay mid ” gebigiisaba bedeli kara majaraha Bariga Dhexe.” Baxrayn ayaa todobaadkii hore sheegtay in ay duulimaadyada rayidka ah ee u kala gooshaya Israel iyo Imaaraadka u ogolaanayso in ay hawedeeda maraan. Trump ayaa lagu wadaa inuu Salaasada Washington ku qabto xaflad si rasmi ah loogu saxeexi doono heshiiska Israel iyo Imaaraadka. Sannadkii 1999 ayaa dalka Mauritania ee ku yaal woqooyiga galbeed ee Afrika oo ah dal xubin ka ah ururka Jaamacadda Carabta uu xidhiidh diblomaasiyadeed la yeeshay Israel, laakiin wuxuu xidhiidhkaa u jiray sannadkii 2010. Qaran News
  16. Sarkaal sare oo ka tirsan Dawladda Brazil oo lagu dilay fallaadh Rieli Franciscato wuxuu inta badan noloshiisa ku qaatay ilaalinta qowmiyadaha ku nool kenta Amazon Khabiir sare oo u dhashay Brazil oo si weyn ula socday xaaladda qabaa’ilka is go’doomiyay ee ku nool keynta Amazon ayaa waxaa xabadka kaga dhacday fallaar xilli uu ku sugnaa goob ay ku nool yihiin qabaa’illadaas. Rieli Franciscato,oo 56 jir ahaa ayaa Arbacadii ku geeriyooday deegaan miyi ah oo ku yaalla gobolka Rondônia ee waqooy galbeed Brazil. Wuxuuna deegaanka u joogay in uu soo kormeero qabaa’iilka ku nool keyntaas, wuxuu ka tirsanaa laanta dowladda ee u qaabilsan ilaalinta dadkaas ee la yiraahdo Funai. Ha’yad aan dowli aheyn oo uu aasaasay Mr Franciscato waxay ku tilmaantay in uu ahaa “qof waangsan oo dadaal badan oo howlkar ah” Urur u ololeeyo ilaalinta deegaanka oo uu kamid ahaa dadkii aasaasay ninkan siddeetamaadkii wuxuu sheegay in qabaa’ilka ku nool keynta Amazon aysan laheyn awood ay ku kala saari karaan cadowgooda ama saaxibkooda. Maxaa ku dhacay Mr Franciscato? Dad goob joogayaal ah waxay sheegeen in Franciscato iyo kooxdiisa lasoo weeraray markii ay ku ag dhawaadeen qabaa’ilka ku nool keynta. Franciscato waxaa la socday booliska, wuxuu isku dayay in uu gabaad ka dhigto gaari yaalla goobta balse waxaa xabadka kaga dhacday fallaar ay soo ganeen, sida ay sheegayaan goob joogayaasha. Sarkaal boolis ah oo la kulmay dhacdada ayaa sheegay in Franciscato ay u suurogashay in uu iska siibo fallaarta kaga dhacday wadnaha korkiisa. “Waa uu ooyay, wuu iska siibay fallaarta, ilaa 50 miitar ayuu cararay kaddibna wuu dhacay” waxaa sidaas yiri sarkaalka booliska oo codkiisa lagu baahiyay baraha bulshada. Weriye ku sugan gobolka Gabriel Uchida, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Mr Franciscato uu isku dayay xilligii uu dilka dhacayay in uu soo kormeero qabiilka la yiraahdo Cautario River oo ku nool keynta. Wuxuu intaas ku daray in dadka ka tirsan qowmiyaddaas ay ahaayeen kuwo nabadda ilaaliyo balse haatan ay jiraan shan rag ah oo hubeysan oo qowmiyadda ka tirsan. Sanadkii 2018-kii, John Allen Chau oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxaa fallaar ku dilay qowmiyad ku nool jasiiradaha Andaman iyo Nicobar ee dalka Hindiya. Maxaa ka socdaa deegaanka? Ha’yadaha u doodo xuquuqda qowmiyadaha ku nool keynta Amazon ayaa sheegay in Franciscato looga yeeray deegaanka kaddib nabaad guurka iyo xaalufinta lagu hayo deegaanka. Waxaana sanadihii u dambeeyay xaalufin lagu hayay keymaha ku yaalla haalkaas, kooxda waxay sheegeysa in dilkiisa ay ‘jawaab u tahay cadaadiska lagu hayo dadka u ololeynayo ilaalinta deegaanka iyo dadka ku nool halkaas’ Qowmiyadaha ku nool keynta Amazon iyo dunida kaleba waxay ka falceliyaan dadka shisheeye ee duullaanka ku hayo dhulkooda. Madaxweyne Bolsonaro ayaa lagu eedeeyay in uu wax ka qaban la’yahay xaalufinta lagu hayo keynta Amazon Hogaamiyeyaasha deegaanka waxay sheegayaan in beeraleyda, dadka macddanta qodotada ah iyo kuwa alwaaxda gurto ay kusoo bateen deegaanka tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro sanadkii 2019-kii kaas oo ballan qaaday in uu wax ka qaban doono ilaalinta dhirta iyo bilicda keynta Amazon. Dadka u ololeeyo ilaalinta deegaanka ayaa madaxweyne Bolsonaro iyo dowladdiisa ku eedeeyay inay joojiyeen dhaqaalihii la siin jiray ha’yadaha Funai iyo Ibama ee ka shaqeeyo ilaalinta keynta isla markaana uu indhaha ka dadatay dadka xaalufinta iyo nabaad guurka ku hayo keynta Amazon. Amazon, waa keynta ugu weyn caalamka, waxaa ku nool 100 qowmiyadood oo is go’doomiyay, sida laga soo xigtay ha’yadda Survival International. Ha’yadda Funai oo uu madax ka ahaa barnaamijkeeda ilaalinta qowmiyadaha ku nool keynta Amazon,” wuxuu naftiisa u huray badbaadinta dadkan, muddo 30 sano ah ayuu shaqadan ku jiray, wuxuu ka tegay taariikh dhaxal gal ah oo ku saabsan badbaadinta dadkan” waxaa hadalkaas sheegay sarkaal ka tirsan Funai oo la yiraahdo Ricardo Lopes Dias. Qaran News
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Taiwan Joseph Wu ayaa sheegay inay cadaadisyo xoogan kala kulmeen xiriirka cusub ee ay la sameysteen Somaliland, xili uu dhawaan ka qeyb galay munaasibadda furitaanka xafiiska Somaliland ee Taipei. Taiwan ayaa culeyso xoogan oo dhanka dibedda ah kala kulantay xiriirkeeda Somaliland, taasi oo ay diyaar u yihiin u dhabar adeygidooda, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibedda ee xukuumaddaasi. Joseph Wu ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in Somaliland iyo Taiwan wadaagaan qiyamka guud, isla-markaana ay Taiwan ka caawinayso Somaliland horumarinta Kalluumaysiga, Beeraha, Tiknoolajiyadda, Waxbarashada iyo Arrimo kale oo horumarineed. “Xafiis-wakiilkeedka Somaliland ka furatay Taiwan wuxuu baal cusub u furayaa xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan” ayuu yiri Wu. Wuxuuna intaas kusii daray “Labadayada dhinac waxaanu la kulanay Cadaadisyo dibedeed, laakiin waxaanu diyaar u nahay inaanu difaacno”. Xiriirka Somaliland iyo Taiwan ayaa waxa meel adag iska taagay Shiinaha, iyada oo kasii dartay maadama ay Taiwan si rasmi ah xafiiskeedii uga furatay Hargeysa, halka Somaliland uga furatay Taipei, iyada oo uu diidan yahay Shiinuhu. The post TAIWAN oo 'dhibaato kala kulantay' xiriirka Somaliland first appeared on Caasimada Online.
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Mid ka mid ah ardaydii kaalimaha sare ka galay imtixaankii dugsiyada sare ee dalka ayaa lagu dilay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Kismaayo. Allaha u naxariisto Taabit Cabdullaahi Xasan Raabi ayaa ahaa ardaygii Kaalinta 22-aad ka galay Imtixaankii Shahaadiga Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, wuxuuna dhigan jiray dugsiga sare ee Ganaane Secondary School. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa lagu yiri “Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan ehelka, masuuliyiinta, bahda waxbarashada iyo bulshada reer Jubbaland geerida naxdinta leh ee ku timid Taabit Cabdillaahi Xasan Raabi oo ahaa ardaygii kaalinta 22aad ka galay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee dhawaan la shaaciyay. Waxaan Alle uga baryeynaa isaga iyo dhammaan inta ku geeriyootay musiibadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, inta dhawaaca ahna caafimaad degdeg ah siiyo.” Taabit ayaa lagu warramay inuu adeer u ahaa guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Maamulka Jubaland Shaafi Raabi Kaahin oo isna qarax ku geeriyooday, kaasi oo xilligii uu qaraxa dhacayey ay wada socdeen. Qaraxaas ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay afar qof oo kale oo badankood ahaa ilaalada guddoomiyaha, ayada oo tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu fuliyey Nin soo xirtay jaakad ay ku rakiban yihiin waxyaabaha qarxa, isla markaana uu isku qarxiyay banaanka Masaajidka Jaamac Qadiim ee magaalada Kismaayo. The post Arday kaalin sare ka galay imtixaankii dugsiyada sare ee Soomaaliya oo la dilay first appeared on Caasimada Online.
  19. The United States military released the identity of the senior Al-Shabaab leader who was killed in an airstrike in Somalia last month. Source: Hiiraan Online
  20. Dowladda Switzerland ayaa ugu deeqday Hay’adda QM ee UNFPA deqq lacageed oo kor u dhaafeyso 4 million iyo bar oo dollarka Mareykana si loo xoojiyo dadaallada loogu jiro hagaajinta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, la dagaallanka dhaqamada waxyeellada leh oo ay ka mid yihiin Gudniinka Fircooniga ah iyo awoodsiinta dhallinyarada ee Soomaaliya. Sida lagu sheegay war qoraal ah ay baahisay Safaarada Switzerland ee ku taala magaalada Nairobi malaayiin haween iyo gabdho ah oo ku nool Soomaaliya ayaa weli halis weyn ugu jira dhimashada xiliga dhalmada iyo gudniinka Fircooniga ah. Dhimashada xiliga dhalmada ayaa ah mid aad u sareysa, iyadoo 20kii dumar ahba mid ka mid ah oo ay da’doodu tahay 15 jir u dhimato, halka la filan karo inay u dhintaan uurka ama dhibaatooyin la xiriira dhalmada marka ay gaaraan da’da 49. Faafitaanka gudniinka fircooniga ayaa gaaray 99 boqolkiiba dumarka iyo gabdhaha da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 49 sano jir. “Waxaan ku faraxsanahay inaan taageero siino Soomaaliya iyada oo loo marayo UNFPA, maadaama aan sii wadno wadashaqeynta si gacan looga geysto dib-u-dhiska nidaamka caafimaadka iyo wax ka qabashada caqabadaha gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha soo wajahay” ayuu yiri Thomas Oertle oo ah Agaasimaha Gobolka Geeska Afrika ee Hay’adda Iskaashiga Switzerland. Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya Mr. Anders Thomson ayaa mahadcelin balaaran ujeediyey Dowlada Switzerland isagoo sheegay in taageeradan ay imaaneyso waqtiga saxda ah ee adeegyadan muhiimka ah inta badan loobaahanyahay, iyadoo lagu gudajiro aafada Covid-19, oo ah xilli nuglaanta iyo baahiyaha haweenka iyo gabdhaha ay xoogeysteen. View the full article
  21. Kenyan police on Friday confirmed that three al-Shabab members were killed and four others injured on Thursday by a bomb they were assembling to carry out roadside attacks in Garissa county near the Somali border. Rono Bunei, Northeastern regional police commander, said the terrorists were killed when an improvised explosive device (IED) exploded while being assembled in an area in Fafi region in northeast Kenya. “An IED exploded while being assembled by the al-Shabab operatives, killing three al-Shabab militants on the spot and injuring four others,” Bunei said. Several security officers and scores of civilians have been killed, many maimed and property worth millions were destroyed in northeast region since the Kenyan soldiers entered Somalia in 2011 in a bid to forestall dangers facing from threats of al-Qaida-linked Somali Islamist group. View the full article
  22. At least three people, including a security guard and two civilians, were killed and seven others wounded in a suicide attack outside a mosque in southern Somalia on Friday, an official said. The deceased include Jubaland Chamber Of Commerce Chairman Shafi’i Rabi Kahin, according to Ahmed Madobe, Jubaland’s state president. “Today’s terrorist attack in Kismayo killed Jubaland chamber of commerce chairman Shafi’i Rabi Kahin. We extended our condolences to families and friends of those lost their lives in the attack,” Madobe said in a statement. Al-Shabaab claimed responsibility for the attack. The attack came a day after a landmine targeted a busy restaurant in the border town of Elwak, Gedo region, killing at least two civilians and wounding three others. On Wednesday, a suicide bomber blew himself up near Somalia’s presidential palace in the capital Mogadishu, killing at least five people including security forces claimed by the al-Shabaab group. View the full article
  23. Bahrain ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyey oo Carab ah oo ogolaada inuu xidhiidh la yeesho Israel, taasi oo qeyb ka ah dadaal uu wado maamulka madaxweyne Trump oo is-dhexgal loogu abuurayo Israel iyo dalalka Carabta ee Bariga Dhexe. Trump ayaa heshiiskan ku dhowaaqay maanta kadib wada-hadal taleefon oo saddex geesood ah oo uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo boqorka Bahrain Hamad bin Isa Al Khalifa. Saddexda mas’uul ayaa sidoo kale soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah. “Heshiis kale oo taariikhi ah ayaa dhacay maanta,” ayuu Trump soo dhigay Twitter-ka. Dhowaqan ayaa guul diblomaasiyadeed oo kale u ah Trump, oo lagu wado inuu 15-ka bishan Aqalka Cad ku qabto munaasabad lagu saxeexayo heshiiska Imaaraadka Carabta iyo Israel, kaasi oo sidoo kale la filayo inay ka qeyb-gasho Bahrain. “Tani waxay heshiis kale oo taariikhi ah u tahay sare u qaadidda nabadda Bariga Dhexe,” ayaa lagu yidhi bayaan ay wadajir usoo saareen Trump, Netanyahu iyo Boqor Hamad. “Furista wada-hadal iyo xidhiidh toos ah oo dhex-mara labadan bulsho ee firfircoon iyo dhaqaalahooda horumaray waxay isbeddel wanaagsan u tahay Bariga Dhexe, waxayna sare u qaadeysaa xasiloonida, nabadda iyo barwaaqada gobolka. Bahrain ayaa noqoneysa dalkii labaad oo Khaliij ah oo xidhiidh la yeesha Israel kadib Imaaraadka, iyo dalkii afaraad oo Carab ah, kadib Masar, Jordan iyo Imaaraadka Source
  24. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa beeniyay war laga baahiyay kaas lagu dhaleceeyay Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa been abuur cad ku tilmaamay warkan oo ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta ka hawl-gasha gudaha Somaliland. Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis oo xidhiidh la soo sameeyay shabakadda wararka Somalilandtoday ayaa waxa uu sheegay in Maxamuud Xaashi uu yahay wasiir ay ka wadda tirsanaayeen xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxaanu sheegay in uu ixtiraam u hayo waxaana ka mid ah hadalladiisii “waxaan beeninayaan warkaa lagu baahiyay warbaahinta qaar ka mid ah, Maxamuud Xaaahi waxa aanu ka wada tirsanayn xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaan u hayaa ixtiraam”. Siyaasiga Maxamed Biixi Yoonis ayaa warbaahinta Somaliland ugu baaaay inay ka waantoobaan baahinta wararka been abuurka ah iyaga oo ilaashanaya sumcadooda waxaanu yidhi “warbaahintu waa inay ka digtoonaataa baahinta wararka aan xaqiiqada ahayn, waa inay ilaashadaan sumcadooda iyo kalsoonida bulshada ku xidhan wararkooda” Source