Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxay ku meel mariyeen Hindise-sharciyeedka dhismaha hey’adda diiwaan gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed, Hindise Sharciyeedka dhismaha hey’adda dhiirri-gelinta maal-gashiga iyo siyaasadda isbedelka cimilada. Shirka Golaha ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Istaraatiijiyadda dhiirri-gelinta maal-gashiga qaranka, Axdiga jaamacadda Carabta ee la dagaallanka Musuq-maasuqa,heshiiska Iskaashiga arrimaha waxbarashada ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga iyo Heshiiska iska ilaalinta laba jeer canshuuridda iyo kahor tagga la baxsiga canshuuraha saaran dakhliga ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Qatar. Kulanka oo uu guddoomiyay Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka,Mahdi Guuleed ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixnta amniga iyo xaaladda waxbarashada dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Buugga GALALAATI waxa qoray Xasan Cabdi Madar, waxa daabacday shirkadda Sagal-jet, tarmintii koowaad waxa la daabacay 2020, wuxuu ka kooban yahay 400 bog. “Waxa aan ahay qofka ugu caqliga badan noolaha, sababtuna waa garashada aan garanayo in aanan wax ba garanayn!” Baluuto. Hab-xisaabeed haddaan u hadlo qoraha, waxa aan kaga aragti duwanahay 12 qodob, 6 qodob na waan kula socdaa.Walaw aanan bartan ku soo wada qaadan doonin qodobadaas. Hasayeehee, mar haddaan murtidaas gedaha weyn ee faylasuufka reer Galbeed laga guntay, ku furtay aan raaciyo erey aan afeef uga dhiganayo, tabyo-ogaalkayga tiro-beelka ah. Sidaas darteed, ayaan Rabbina magan uga ahay in uu iimahayga qoraal asturo, idinna haddaad tihiin akhristeyaashayda, ku taxan faallooyinka falayn-qaynta iyo gorfeynta iskugu jira ee aan baraha bulshada idin kula wadaago, waxa aan idiinka marti ahay, in aad u dul-qaadataan surma-seegtooyinkayga dhigaal ee aad aragtaan. Runtii haddii la yidhaa buug afar boqol oo bog ka kooban naqdigiisa ha lagu soo koobo laba waraaqood iyo badh noocoodu yahay “AfarA” way kakan tahay waana shaqo tacab badan u baahan. Qushiye saacado badan kaddib Alle waa igu guuleeyay. Ereyga GALALAATI oo turunturro qumman sharraxiisa ugu dhow ee aan fahankayga saari lahaa yahay iyo sawirka jaldiga buugga oo ah nin isagu guri dhisan burburinaya halkaas isa-seeg ayaa iiga muuqda. Haddaan gudaha buugga sii akhriyayna waxa iiga soo baxday in qoruhu ninka jaldiga oogadiisa ku sawiran uga gol-lahaa Maxamed Siyaad Barre. Taasi waa fahankayga. I. Qoruhu wuxuu rumaysan yahay oo boggaga ugu horreeya ee buugga aad ka dhadhansan kartaa imaatinkii gumaystaha reer Galbeed dhulka Soomaalida yimid in aanay jirin ilbaxnimo, aqoon, garasho iyo nolol ugu horreysay Soomaalida. Taasi oo aan qof ahaan aad uga xumaaday. Qoruhu wuxuu liidayaa idil ahaan ba wixii aan haysannay ee ka horreeyay gumaystaha, waxa aanu ku talax-tagayaa buunbuuninta wixii gumaystahu keenay, waxaas oo dhan ha igu taagnaadeene waxa wax wal oo kale ba igaga daran in uu qoruhu ku dhiiriday in uu buuggiisa ku xardho ereyo dulucdoodu tahay in xataa ceel biyoodyada Soomaalida uu gumayste kaalin weyn ku lahaa. Haddii xataa qof caddaan ahi buuggan qori lahaa ma qabo in uu ammaanta reer Galbeedka sidaas ugu fogaan lahaa. p. 9-13. II. Waxa aan aad iyo aad uga soo horjeedaa aragtida qoraha ee ku aaddan dagaalkii Soomaalida iyo itoobiya ee 1977 kaasi oo kun iyo kaw ilduuf uu ka samaynayo qoraal ahaan, waxa aanu asaraar gelinayaa kaalintii shisheeyuhu ku lahaa dagaalkaasi. Hasa yeeshee iyada jawaabteeda isku luri maayee waxa aan kaga gudbayaa magaca riwaadda la yidhaa; GALBEED WAA LA XORREEYEE, WAARSAA SE GAAGIXISAY! III. Dunida qoraalka in aan caddaalad ku helno ayaan jeclaan lahaa, mar haddii Soomaali dunidii kale oo dhan caddaalad-darro la tiicayso. Sidaa darteed qoraha buuggan mudane Xasan Cabdi Madar iyo hal-abuur, aqoon-yahan iyo qalinley door ah oo beelaha Isaaq iyo Majeerteen ka soo jeeda ba inta badan qalinkoodu wuxuu la taraaraa caaddifad iyo nacayb ay Maxamed Siyaad Barre u qabaan. Waxa aanan jeclahay in aan taariikhda Maxamed Siyaad Barre iyo dawladnimo ee Jamhuuriyaddii Soomaalidu iskaga keen milmin. Qofkii damca in uu taariikhda Maxamed Siyaad Barre wax ka qoro waxa u bannaan in uu qoro buugga noociisu yahay; taariikh nololleed” Autobiography” IV. Qoruhu wuxuu qabaa aragtida ah in Soomaalidu yihiin dad isku af, isku dhaqan, isku diin iyo isku isir ah. Waa aragti aad luugu kala tagay, anigu se waxa aan qabaa in ay aragtidani tahay mid Carabtu maal-gelisay, waxa runta u dhaw aragtiinkayga in Soomaalidu aanay isku isir ahayn, isku dhaqan ahayn, isku caadooyin ahay, oo xataa aanay isku af ahayne ee uu jiro af la dulmo oo la yidhaa; May. Weli ismaynu weydiin maxaa wanaag ku jira in Soomaalidu isku isir ahaato? Anigu waxa aan u haystaa in quruxdu ku jirto innaga oo kala isir iyo af ba duwan in aan dawladnimo iyo nidaam inna kulmiya oo caddaaladdi sees u tahay samaysanno. Wanaag iyo qurux taas ka sarreeyaana ma jirto. V. Isir-qalaanqal” Identity Crises” Ma qabo talo-xumada hoggaanka siyaasaddeed ee Soomaalida in ay door sidaas u shilis ku leedahay arrinta Isir-qalaanqalku. Sababtuna waa in ummado badan oo nidaam siyaasaddeed oo taabbo-gal noqday samaystay oo haddana innaga la siman madhmadowga xagga isirka innaga jira. Sidaas darteed, arrintan oo qoraaga buuggu ahmiyad dheeri ah siiyay anigu in ay aad muhiim ugu tahay hano-qaadka dawladnimo lama qabo.p. 73. VI. Caddaaladda Qodobka caddaaladda marka uu qoruhu ka warramo wuxuu ku furanayaa sheekadan gaaban, oo nooceedu yahay kuwa kutidhi-kuteenka lagu madadaasho loo sameeyay in buug cilmibaadhiseed taariikh ah lagu soo daraa waxa ay iila muuqataa meel-ka-dhac xag-jrnimada qoruhu horseedday. P. 151. “Nin ay Maxamed Siyaad Barre saaxiibo ahaayeen ayaa u yimid oo ku yidhi: “Madaxweyne Wasiirka Batroolka ii magacow.” Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku jawaabay; “Dalku ba shidaal ma lehee sideen kuugu magacaabaa wasiirka baatroolka?” Ninkii ayaa ku jawaabay; “Oo sowdiga wasiirka caddaaladda ba leh!” VII. Dugsigii Tababarrada Ee Xalane Barnaamijkii dugsiga xalane ee tababarrada oo aan qof ahaan aaminsanay in uu waddaniyadda iyo dhismaha xoogga qoran ee kaydka door weyn ku lahaa ayuu qoruhu isna ka asarrarayaa. Amar dhacay haddaad Aaminaay, iga la ooyayso. Ma og tahay abkay macallin bay, edge ku oodeene. Ma og tahay arooryada horaan, orad bilaabaaye. Ma og tahay anfacada aan cunaa, malaha iidaane. Ma og tahay askari jaahilaan, amar ka qaataaye. Ma og tahay waxaan eersadaa, odayga weeyaane. p.145. VIII. Cayn-wareegga suugaanleyda buuggu cuskanayo maansooyinkooda. Suugaanta uu qoruhu inta badan soo xiganayaa waxa ay u badan tahay suugaan hal-abuurka Isaaq tiriyay walaw ay jiraan kuwa kale oo taliskii Maxamed Siyaad lagu ammaanayay oo buuggu xusayo haddana habka uu soo qaadanayo iyo tafsiirka qoraha marka aad akhrido waxa aad dareemaysaa in uu la dhacsan yahay suugaantaa hal-abuurka Isaaq. IX. Xigashooyinka buugga barnaamijyada waxa ka muuqda dheeli-tirnaan la’aan. Buugta halkan ka muuqata iyo kuwa kale oo aan ka gaabsaday in aan bartan idin kula wada wadaago qoruhu wuxuu ku bartilmaameedsaday aragtida xag-jirnimo ee guud ahaan ama qaybo ka mid ah uga muuqata ee ku aaddan taariikhda Maxamed Siyaad Barre. • Halgan Iyo Hagardaamo. • Soomaaliya Maxay kala tirsanaysaa? • In Siyad barre’s Prison. • Askartii lagu laayay Garab-case; duleedka Jigjiga. • Sinnaantii la eeday. • Xasuus-reeb Hadraawi. • Soomaaliya Maxay kala Tirsanaysaa. • Soomaaliya, Qaranjabkii. • Tiirka Colaadda. • Dal dadwaayay iyo duni damiir beeshay. A. Waxa aan qoraha ku raacsanahay sida uu u sharraxay wixii dalka ka dhacay 1969 in uu ahaa; Afgami ee aanu ahayn kacaan.p. 33. B. Waan la qabaa aragtida qoraha ee ku aadan in xeerka qoysku ka mid aha ail-duufyadii ugu horreeyay ee uu taliskii Maxamed Siyaad barre sameeyay ka mid ahaa. P. 55. Sida oo kale dilkii toogasho ee culimada Jan. 18-19.1975 in uu isna ka mid ahaa bilawgii dildilaaca hoggaaminta Maxamed Siyaad Barre. P. 67. C. Hir-gelintii Farta Soomaaliga. Sida wanaagsan ee qoruhu ugu ammaanay nidaamkii uu hoggaanka ka ahaa Maxamed Siyaad Barre hawl-qabadkii hir-gelinta farta, waan bogaadinayaa waxa aanu u dhigay dariiq cilmiyaysan. P. 138. D. Ololilhii horumarinta reer miyiga. Tanna waa arrin kale qoruhu ku ammaanan yahay sida uu u soo soohay dhigaalka iyo xogaha xaggan ku duugan. P. 139. E. Aasaaska jaamacadda ummadda Soomaaliyeed”JUM” p. 141. Jaamacaddan iyo waxtarkeedii iyo aasaaskeedii qoruhu si wanaagsan ayuu u dhigay waanu ku mahadsan yahay. Ugu dambayn ammaano Alle ayaan ku soo af-meerayaa qormadaydan Gorfeynta buugga Galalaati. DHAMMAAD Sent from Yahoo Mail on Android Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dugsiyada xubnaha ka ah Dalladda waxbarashada ee SAFE ee gobolka Banaadir ayaa waxay jawaab adag ka bixisay hadalkii sii-hayaha wasiirka waxbarashada, C/llaahi Goodax Barre. War-saxaafadeed kasoo baxay dugsiyada xubnaha ka ah dalladaasi ayaa lagu cambaareeyay sababtii uu Goodax ku sheegay inay u dhaceen ardeydii kumanaanka aheyd, taasi oo ku sheegayinay aheyd “Iskuulo iyo macalimiin tayo aan la heyn oo ka shaqeeya Muqdisho”. Waxayna sheegen in tayada macalimiintooda iyo waxbarashada ay bixiyaan ay ku kalsoon yihiin, iyagoona hadalka wasiirka ku tilmaamay mid laga xumaado oo uu mar-marsiyo uga dhigayo fashilka wasaarada waxbarashada dalka. “Waxaan cambaareynaynaa falcelinta ay ka sameeyeen iyo ku adkeysashada qaladka weyn ay ka galeen ardeyda iyo dugsiyada gobolka Banaadir: Sii haayaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Agaasimaha Waxbarashada gobolka Banaadir oo qaladka dusha ka saaray Dugsiyada, Macalimiinta iyo Ardeyda gobolka Banaadir, waxaa is ka cad in ay ka muuqato tayo xumo, Mas’uuliyad daro weyn iyo daneysi” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaasi. Sidoo kale waxa lagu xusay inay waxba kama jiraan tahay eedeynta Goodax ee uu ku sheegay inay jiraan iskuulo gaar loo leeyahay oo ardeyda ka bootiya qaar kamid ah fasalada. War-saxaafadeedkaasi ayaa ugu dambeyntiina lagu sheegay inay shaki badan abuureyso ka aamusnida arrinkaasi ee madaxda sarre ee dalka (Farmaajo iyo Mahdi Guuleed). Dugsiyada xubnaha ka ah Dalladda waxbarashada ee SAFE ee gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ku hanjabay inay tallaabada ku haboon wixii dhacay ay ka qaadan doonaan. Hadalkan ayaa imanaya xili ay xiisad xoogan ka dhalatay natiijada imtixaanka dalka ee sanadkan oo ay ku dhaceen 8-kun oo Arday oo kamid ahaa 33-kun ee imtixaanka u fadhiistay. The post Dugsiyada gobolka Banaadir oo jawaab kulul ka bixiyay hadalkii Goodax Barre first appeared on Caasimada Online.
  4. Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxay ku meel mariyeen Hindise-sharciyeedka dhismaha hey’adda diiwaan gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed, Hindise Sharciyeedka dhismaha hey’adda dhiirri-gelinta maal-gashiga iyo siyaasadda isbedelka cimilada. Shirka Golaha ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Istaraatiijiyadda dhiirri-gelinta maal-gashiga qaranka, Axdiga jaamacadda Carabta ee la dagaallanka Musuq-maasuqa, heshiiska Iskaashiga arrimaha waxbarashada ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga iyo Heshiiska iska ilaalinta laba jeer canshuuridda iyo kahor tagga la baxsiga canshuuraha saaran dakhliga ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Qatar. Kulanka oo uu guddoomiyay Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixnta amniga iyo xaaladda waxbarashada dalka. Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxay ku meel mariyeen Hindise-sharciyeedka dhismaha hey’adda diiwaan gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed, Hindise Sharciyeedka dhismaha hey’adda dhiirri-gelinta maal-gashiga iyo siyaasadda isbedelka cimilada. Shirka Golaha ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Istaraatiijiyadda dhiirri-gelinta maal-gashiga qaranka, Axdiga jaamacadda Carabta ee la dagaallanka Musuq-maasuqa, heshiiska Iskaashiga arrimaha waxbarashada ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga iyo Heshiiska iska ilaalinta laba jeer canshuuridda iyo kahor tagga la baxsiga canshuuraha saaran dakhliga ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Qatar. Kulanka oo uu guddoomiyay Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixnta amniga iyo xaaladda waxbarashada dalka. View the full article
  5. Waxaa maanta Shir uga furmay Villa Soomaaliya Madaxda Soomaaliya shirkasoo maalmahaan buuq ka taagnaa, isla hadana wali buuqii ayaa taagan. Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeele Ayaa [...] The post Sawiro Shirka Madaxda Soomaaliya iyo wali muran ka taagan appeared first on . Source
  6. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan qado sharaf ah ku maamuusay madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Kulankan qado sharafeedka ah oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa hordhac u ahaa shirka dhammeystirka qodobbadii ka soo baxay Dhuusamareeb-3. Shirka Muqdisho oo maanta dib u dhacay ayaa lagu wadaa inuu furmo maalinta sabtida ah oo ku beegan 12-ka bishan September. Madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ilaa galabta ku sugan xarunta Villa Somalia, iyadoo madaxdu ay si gaar gaar ah isku wareysanayso. Shirka Muqdisho ayaa laga sugayaa heshiis lagu mideysan yahay oo laga gaaro hannaanka doorashada dalka ee 2020/202. PUNTLAND POST The post Kulan hordhac ah oo ka dhacay Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cismaan Suldaan Xaaji Cali Kooshin oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 10/09/2020, dalka Imaaraadka Carabta. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiirka baxay bahda dhaqanka Somaliland, iyadoo sanadkii 1968 lagu caleemo saaray magaalada Berbera, markii uu geeriyooday aabihii Suldaan Xaaji Cali Kooshin oo ay ka soo wareegtay muddo 52 sannadood ah oo uu hayey masuuliyada suldanada guud, waxaana lagu xasuusan doonaa marxuumka in aanu mudadaa lagu dhex arag arrimaha siyaasadda oo aanu ku milmin. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  8. Six seafarers, five Kenyans and a Tanzanian, have been left stranded in Kismayo by a ship owner. Veteran sea captain Leonard Omollo, 51, is a disturbed man stranded in war-torn Somalia with little food to spare and at the command of an un-seaworthy vessel. Omollo together with five others have been holed up in Somalia since June 23 this year after they were hired by a Mombasa based Somali businessman to transport 7 tonnes of miraa (khat), a stimulant popular with many people in parts of East Africa including war-torn Somalia. Speaking exclusively to The Standard on telephone from Kismayo Port where his rickety vessel, MV Al -ANAMMAR 1 is stationed, the veteran mariner of more than two decades said that they left the Port of Mombasa with the khat cargo which was initially scheduled to be offloaded in Djibouti . They were later directed by the ship owner who called them nearly halfway their journey to make a detour and offload at Port El Maan in Somalia territory instead. ”We obeyed and did as what was directed for us to do and on our journey back ended up in Mogadishu Port after encountering very rough seas,” he said. It was while at Mogadishu Port that Port authorities and security teams boarded their vessel for mandatory Port inspections and took away their vital documents that included passports and seamen books. Other crew members include Benedict Lumati (engineer), Salim Rashid (bosun) George Odhiambo Adongo (able seaman) Ali Manyiro Banzi (oiler), all Kenyans and Mr Rajab Ali Rajab (able seaman), a Tanzanian national. And as is if to make matters worse, the owner of the vessel, a dhow registered vessel that flies a Zanzibari flag has abandoned them. ”We have been surviving on donated food from the Kenya Navy personnel who are part of the Amisom team currently on deployment mission in Kismayo,” Captain Omollo said. Apart from being abandoned, the crew cumulatively are yet to be paid $ 4840 (Sh432,000) since they joined the ship. Their hope of returning home after the initial voyage to join the rest of their families continues to be nightmare each passing day. ”You all know that Somalia is a war-torn state. In fact, recently when we were in Mogadishu, our vessel was within the vicinity of the popular Lido Beach which was the scene of an Al Qaeda bombing incident that left scores dead and several injured,” Capt Omollo said. It is after this incident that Omollo decided to head to Kismayo where their safety could be guaranteed. “This unseaworthy ship has become our floating prison since June as we await help from the Kenyan government to travel back home,” he said. The International Transport Workers Federation (ITF) Mombasa Ship Inspector, Ms Betty Makena who has been following on the case of crew from Al- Annamar 1 said that the owner who lives in Mombasa has gone underground. ”Despite summoning him to my office, he has remained adamant. I have informed Kenya Maritime Authority (KMA) on the case and hope that they will follow up with relevant government agencies to compel the owner to repatriate the crew back home to Kenya,” she said. In Mombasa, where Omollo and team have families, their absence is taking a heavy toll. Makena said that she has contacted the Seafarers Union of Kenya to try and reach out to the families of the seafarers together with the Mission to Seafarers, Mombasa centre to offer physiological support and counselling. ”We are hoping that sooner these seafarers will return back home safe and sound,” she said. Capt Omollo said that since the vessel lost its main anchor after it fell off into the deep waters, they have been afraid to venture out into open seas as its navigational capabilities is hindered. ”We were able to cruise at a speed of 10 knots on our initial days in the voyage when we set off from the Port of Mombasa. Today, that is next to impossible with terrible weather, we are only able to do 1 knot which is not enough for good sailing,” Capt Omollo said. Meanwhile, the family’s debts are piling up. With some being forced to sell personal belongings to help make ends meet. SUK Secretary General, Mr Steve Owaki said that they have been contacted by some family members whose next of kin are aboard the ill-fated vessel for help. ”At the moment, we are overwhelmed and hope that the vessel local handling agent can chip in and assist the relatives of the seafarers here with food supplies and money for upkeep.” Worldwide, there are no less than 5,000 seafarers on a total of 400 vessels that have been recorded as abandoned on board ship, in records kept by the International Maritime Organisation (IMO) and the International Labour Organisation (ILO). There has been a dramatic rise in cases over since 2017 and 2018. In 2018, 791 sailors on 44 ships were abandoned, while in 2017 a total of 55 instances were reported, according to the IMO/ILO database. In the previous five years, an average of just 12 to 17 ships a year were abandoned. The IMO and human rights groups have compared abandonment to forced labour or modern-day slavery. The post KDF rescues five seamen abandoned by ship owner in Kismayu first appeared on Caasimada Online.
  9. Golaha wasiirrada xil-gaarsiin ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen ku meel mariyey hindise sharciyeedka dhismaha hey’adda diiwaan gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed, hindise sharciyeedka dhismaha hey’adda dhiirri-gelinta maal-gashiga iyo siyaasadda isbedelka cimilada. Shirka Golaha ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Istaraatiijiyadda dhiirri-gelinta maal-gashiga qaranka, Axdiga jaamacadda Carabta ee la dagaallanka musuq-maasuqa, heshiiska iskaashiga arrimaha waxbarashada ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga iyo Heshiiska iska ilaalinta laba jeer canshuuridda iyo kahor tagga la baxsiga canshuuraha saaran dakhliga ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Qatar. Kulanka oo guddoomiyay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixnta amniga iyo xaaladda waxbarashada dalka. Golaha wasiirada xil-gaarsiin ayaa riditaankii Kheyre kadib meel mariyey sharci badan oo qaarkood ay ka horyimaadeen qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka. PUNTLAND POST The post Golaha wasiirada xil-gaarsiin oo meel mariyey sharciyo appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu maanta kulan qado sharaf ah u sameeyey madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Kulankan qado sharafeedka ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Axmed Islaan Maxamed, Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed. Qoraalka Villa Somalia ayaa lagu yiri “kulankan ayaa hordhac u ah Shirka dhammeystirka qodobbadii ka soo baxay Samareeb-3 oo furmi doona 12-ka bishan.” Qoraalka ma bixin faah-faahin intaas dheer. Shirka rasmiga ah ee madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada oo lagu waday inuu maanta furmo ayaa baaqday ayada oo weli ay jirto in khilaafkii dowladda federaalka iyo Jubaland ee gobolka Gedo aan la xalin. Sida aan xogta aan ku helnay, Jubaland ayaa dooneysa in la fuliyo qaar ka mid ah qodobadii ay horey u dalbatay ee dowladda ay ballan-qaaday ee la xiriiray gobolka Gedo, waxayna dooneysaa in dowladda ay qaado tallaabooyin muujinaya inay ka go’an tahay fulinta ballan-qaadyadaas.. Wararka ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan arrimo u dhaxeeya maamul goboleedyada oo aan weli la caddeyn waxa ay yihiin, waxaana la rumeysan yahay in maamul goboleedyada ay laba dhinac u kala safan yihiin. The post Sawirro: Villa Somalia oo war kasoo saartay kulankii madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada first appeared on Caasimada Online.
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan qado sharaf ah ku maamuusay Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo si wada jir ah uga qeyb gali doona Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada. Kulankan qado sharafeedka ah oo ay ka soo qeyb galeen Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Mudane Axmed Islaan Maxamed, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa hordhac u ah Shirka dhammeystirka qodobbadii ka soo baxay Samareeb-3 oo furmi doona 12-ka bishan. View the full article
  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan qado sharaf ah ku maamuusay Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo si wadajir ah uga qeyb gali doona Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada. Kulankan qado sharafeedka ah oo ay ka soo qeyb galeen Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Mudane Axmed Islaan Maxamed, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa hordhac u ah Shirka dhammeystirka qodobbadii ka soo baxay Samareeb-3 oo furmi doona 12-ka bishan. Eeg Sawiradda Kulankii Farmaajo,Madaxda Maamul Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Beirut (Caasimadda Online) – Wararka naga soo garaayo magaalada Beirut ee dalka Lubnaan ayaa sheegayo inuu dab weyn ka kacay Dekadda Magaaladaas oo bil ka hor uu ka dhacay qarax khasaaro xoog leh geystay. Dabka oo ah mid si weyn ugu faafayo qeybo badan oo kamid ah Dekadda Beirut ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay bakhaaro ay ku jireen saliid iyo taayirada, waxaana cirka isku shareeray uuradda iyo qiiqa ka baxaya goobta uu dabku ka kacay. Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidanka Lubnaan ayaa ka qeyb qaadanaya dadaalada lagu daminayo dabka. Ilaa hadda lama soo sheegin khasaaro nafadeed oo ka dhashay dabka ka kacay Dekadda Magaalada Beirut balse waxaa jiro khasaaro maaliyadeed oo xooggan. Dhawaan ayay ahayd markii magaaladaasi uu ka dhacay qarax ay ku geeriyoodeen 191 ruux, halka 1750 ruux ay ku dhaawacmeen, waxaana qaraxaasi sababay sun ku keydsaneyd bakhaaro ku yaala dekadda magaalada Beyruut. The post Dab xoog leh oo ka kacay Dekadda magaalada Beirut first appeared on Caasimada Online.
  14. Maanta halkaas bay ku banjartay The post Masawirka maanta : – Siyaasada Arimaha Dibada ee dalku halkaas ayey mareysay intaan masiibadu dhicin. appeared first on . Source
  15. During the 2002 Fifa World Cup co-hosted by Korea and Japan, the history-making Lions of Teranga from Senegal made the African continent proud and won the hearts of many as they made it to the quarter-finals. Source: Hiiraan Online
  16. Six seafarers, five Kenyans and a Tanzanian, have been left stranded in Kismayo by a ship owner. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa digniin culus kasoo saartay dagaalada mararka qaar dhexmara ciidamada ka wada tirsan dowladda, kuwaasi oo badankoodu ka dhaca gobolka Banaadir. Col. Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa wax la aqbali karin ku tilmaamay dagaaladaasi oo muddooyinkii dambe kusoo noq-noqday gobolka Banaadir iyo kuwa kale ee dalka. Guddoomiye Shuute ayaa sheegay in dadka Shacabka aysan mudneyn in dushooda lagu dagaalama, isla markaana ay ka badbaadaan gacanta Ciidamada, maadama ay waxyeelada ugu badan kasoo gaarto dagaaladaasi. Dhinaca kale, wuxuu carabka ku adkeeyay inaysan marnaba maan-gal aheyn in ciidamad dowladda ee ku sugan gobolka Gedo ay ku dagaalaman degmada Beled-Xaawo, xili ay degmadaasi ku sugan yihiin saraakiishoodu. Shuute ayaa wacad ku maray in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan ciidamadii ku dagaalamay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. Digniintan ayaa imaneysa xili ay marar badan dagaalada u dhaxeeya ciidamada ka wada tirsan dowladda ku soo noq-noqdaan gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah gobolada dalka. Waxayna inta badan dagaaladaasi khasaaro ba’an kasoo gaarta shacabka ku nool deegaamada ay ku dagaalaman ciidamada, midaasi oo ka hor imaneysa shaqada ay u igman yihiin ciidamadu. The post Shuute oo digniin kasoo saaray arrin kusoo noq-noqotay gobolka Banaadir first appeared on Caasimada Online.
  18. Madaxweynayaasha Soomaaliya ayaa shir uga socdaa Villa Soomaaliya kasoo Bülow u ah Shirkii Muqdisho ee Wadaxaajoodka Arimaha Doorashada. Shirka maanta ayaa looga hadlayaa ajandaha Shirka [...] The post Kulan villa Soomaaliya uga socda Madaxweynayaasha Soomaaliya appeared first on . Source
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulan qado ah ayaa xilligaan waxaa Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ku leh Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Kulanka hadda u socdo Dowladda iyo madaxda Maamul Goboleedyada ayaa gogol xaar u ah sidii ay madaxda isugu qancin laheyd furitaanka kulanka la filayo inuu Muqdisho ka dhaco. Waxaa jiro caqabado hor taagan furitaanka kulankii uu shaaciyey madaxweyne Farmaajo, waxaana hadda la filayaa in caqabadahaas la xaliyo. Kulankaan qadada ah ayaa yimid kadib markii uu Maanta baaqday kulankii Muqdisho uga furmi lahaa madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe. Ammaanka Magaalada Muqdisho iyo agagaarka madaxtooyada Soomaaliya ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana la xiray qaar badan oo ka tirsan jidadka Muqdisho. Wixii kusoo kordha kulankaan kala soco Caasimadda Online. The post Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Maamul Goboleedyada oo hadda kulan ku leh Villa Somalia first appeared on Caasimada Online.
  20. Maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka Sep 2020-ka, waxaa Shir isugu yimid Guddida wada-hadalka Xisbiyada Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI oo ay kala hoggaaminayeen Madaxweyne Kuxigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Saylic, Eng Faysal Cali Waraabe, & Mudane Cabdiraxmaan Cirro.  Ujeedada Kulanka Xisbiyada Qaranka JSL waxa ay ahayd sii loo sii ambaqaadi lahaa howlaha dardargelinta ee Doorashada isku sidkan ee Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka ee dhawaan dhici doonta.  Saddexda Xisbi Qaran waxa ay saaka dood ka yeesheen sidii ay Xisbiyadu u soo wada saari lahaayeen Shuruudo isku mid ah (Criteria) oo lagu soo xuli doono Musharrixiinta Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka iyada oo la tixraacayo Xeerarka Doorashooyinka iyo Xeer-hoosaadyada Xisbiyada. Qaran News
  21. Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay dib ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Janaay Cabdalle oo qiyaastii 60 KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland. Ciidamada hunwanta ayaa lagu soo warramayaa in xalay saq-dhexe ay dib uga soo baxeen deegaankaasi oo dhowaan ay la wareegeen. Al-Shabaab ayaa tiro laba jeer ah weeraray Janaay Cabdalle inta ay ku sugnaayeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska horjeeda maaanta laga dareemayaa duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. View the full article
  22. Taliyaha cusub ee ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya General Diomede Ndegeya ayaa guul ku tilmaamay dib u qabsashada ciidamadooda ay kula wareegeen deegaano dhowr oo ay horey Al-Shabaab ay gacanta ugu hayeen. Generalka ayaa waxaa uu dhowaan booqday dhammaan qaybaha ciidamada AMISOM ee ay kaga sugan yihiin Soomaaliya, isagoo ku hor maray mida koowaad. Sidoo kale waxaa uu muddadii uu ku jiray safarkiisa uu tegay deegaanadii ugu dambeeyey ee ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka ay kala wareegeen Al-Shabaab, sida Sabiid, Caanoole, Bariire, Awdheegle Ceel Saliini iyo Janaale, iyadoo xilligaasi uu ciidamada AMISOM hogaaminayey General Brig Richard Otto. Ndegeya ayaa tilmaamay in deegaanada ay la wareegeen ciidamada Midowga Afrika ay muhiim u ahaayeen Al-Shabaab oo ka soo abaabuli jiray weerarada ka gaystaan gudaha Soomaaliya. Waxaa sidoo kale uu intaasi ku daray in magaalooyinkaasi ay muhiimad weyn ugu fadhiyaan ciidamada AMISOM, islamarkaana ay isku xiraan deegaano badan oo ku yaalla gobalka Shabeelada Hoose. Ugu dambeyn Taliyaha cusub ayaa ciidamada AMISOM kula dardaarmay in ay xoojiyaan dagaalka Al-Shabaab, si ay guud ahaan Soomaaliya nabad ugu soo dabaalaan. View the full article
  23. Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa qarax barqanimadii maanta ka dhacay gudaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay maqaayad ku taalla bartamaha magaalada, taas oo ay ku sugnaayeen askar iyo dad shacab ah. Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo qaraxa kadib sameeyey baaritaano kooban. Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa qaraxyada ceykan oo kale ah ka fuliya gudaha Soomaaliya, iyaga oo inta badan bartilmaameedsada ciidamada dowladda. View the full article