-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada dalka ayaa shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho kadib dhowr jeer oo uu sababo kala duwan u baaqday. Kulankii shalay ayaa ahaa furitaan iyo qado sharaf kaliya waxaana ajendeyaasha shirka si rasmi ah la guda geli doonaa maanta iyo wixii ka dambeeya, taasi oo macnaheedu yahay in doodda iyo loolanka siyaasadeed uu si rasmi ah u billaaban doono. Shirka ayaa waxaa hortaalla su’aal keeni karta in inta aanba si buuxda loo guda gelin la isku khilaafo taasi oo ah waxa laga yeelayo heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee ay saxiixeen madaxweynaha iyo madaxweyne goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed. Puntland iyo Jubaland ayaa qaba in heshiiskaas aanu waxba ka jirin, sidaas darteedna hadda iyo kow laga wada-hadlo dhammaan arrimaha doorashada, halka madaxweyne Farmaajo uu qabo in laga wada-hadlo qodobada ay doodda ka qabaan ama ay diidan yihiin. Si kastaba, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaaba diidan inta badan qodobada ugu muhiimsan shirka sida qodobka qeexaya tirada ergada ee 301, awoodda la siiyey guddiga madax-banaan ee doorashooyinka qaranka, qodobka dhigaya in afar deegaan ay ka dhacdo doorashada, qodobka dhigaya in magaaladii ay amni darro ka jirto laga wareejin karo doorashada, qodobka dhigaya in doorashada lagu galo hanaan xisbi iyo kuwa kale. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa u arka in haddii heshiiska Dhuusamareeb 3 iyo qodobadiisa dib loogu laabto ay siin karto awood gorgorton, sababtoo ah wuxuu u adeegsan karaa inuu qodobada qaar ka tanaasulo si uu kuwa kale ugu guuleysto, ayna Axmed Madoobe iyo Deni ku adkaan doonto inay qodob walba diidaan. Waxaa sidoo kale madaxweyne Farmaajo ku ra’yi ah madax goboleedyadii la saxiixay heshiiska Dhuusamareeb 3, oo in heshiiska waxba kama jiraan laga soo qaado u arka in ayaga iyo maamul goboleedyada ay maamulaanba laga dhigo kuwa aan macno lahayn. Sidaas darteed su’aasha ku saabsan waxa laga yeelayo heshiisa Dhuusamareeb 3 ayaa ah loolanka ugu adag ee horyaalla furitaanka shirka, waxaana shirka guul ku billaaban doono ciddii ay jawaabta dhankeeda raacdo. The post Qodobka ugu adag ee la isku hayo kadib furitaankii shirka DF iyo dowlad goboleedyada first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Kulanka oo ka dhacay hoyga uu caasimadda ka dagan yahay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka. Qoor Qoor iyo Siciid Deni ayaa si gaar ah diirada uu saaray arrimaha doorashooyinka ee 2020/21 iyo shirka wada-tashiga Muqdisho oo galay maalintii labaad. Sidoo kale waxa ay isla qireen inay muhiim tahay in xal mideysan la gaaro, si ay dalka uga dhacdo doorasho la’isku raacsan yahay. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka socday shirar gaar-gaar ah oo looga hadlayo marxaladda kala guurka ah ee uu haatan ku jiro dalka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo xalay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa isku afgartay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dhinac gaar ahaanna Arrimaha Amniga. Ilo wareedyo ka tirsan Puntland ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Deni iyo Qoor Qoor ay Kulankooda ku xalliyeen mad-madow ka dhashay Shirkii Dhuusamareeb 3 kaas oo ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubaland. Labada Madaxweyne ayaa la sheegay in ay isaga cudur-daareen ismaan-dhaaf shakhsiyeed oo dhexmaray xilli uu Qoor Qoor doonayay in uu Deni ku qanciyo ka qayb-galka Shirkii Dhuusamareeb 3 balse aysan suurta-gelin. Sidoo kale waxay isku afgarteen in Arrimaha Siyaasadeed ee ka aloosan Muqdisho iyo Marxaladda kala guurka ah aysan saamayn ku yeelan xiriirka iyo iskaashiga labada Maamul ee deriska ah. PUNTLAND POST The post Deni iyo Qoor Qoor oo xalliyay Ismaan-dhaaf Shakhsiyeed oo u dhexeeyay appeared first on Puntland Post.
-
The 65-year-old model believes the industry needs to embrace diversity and has called for more "transparency" and "accountability" as a means of reaching that ambition. Source: Hiiraan Online
-
Kooxo hubeysan oo xalay dil ka geystay magaalada Beledweyne
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Warar ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay ku soo warramayaan in dabley hubysan ay xalay magaaladaasi ku dileen nin aad looga yaqaanay gudaha Beledweyne, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo Shabelle u warramay ayaa waxaa ay sheegeen in kooxo hubeysan ay ninkaasi hoygiisa oo ku yaalla xaafadda Howl-Wadaag ee magaalada Beledweyne ku weerareen, waxaana magaciisa lagu sheegay Xuseen Dhurwaa, kaas oo ay is rasaaseyn kooban dhex-martay isaga iyo Kooxda hubeysan ee dilka u geysatay. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ninkaasi la dilay, waxaana wararka ay sheegayaan in uu ka mid ahaa hoggaamiyaasha Kooxda Macawiisleyda ee dagaalka kula jiro Al-Shabaab. halka kuwa kalena ay sheegayaan in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in is rasaaseynta dhex-martay kooxda hubeysan iyo ninka la dilay uu dhaawac kasoo gaaray dhowr qof oo ay ku jiraan Hooyo iyo Gabadheeda, kuwaas oo la geeyay Isbtaalka guud ee magaalada. Beledweyne ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ku soo kordhay falal amni darro, iyada oo lagu dilay mas’uuliyiin iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda & kuwa Hir-Shabelle. View the full article -
Wararka ka imanaya Degaanka Tukaraq ayaa ku warramaya in xalay halkaasi uu ka dhacay Dagaal u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo Jabhadda la baxday Dib u xoraynta SSC oo uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug. Dagaalka ayaa bilowday kadib markii dabley hubaysan oo ka tirsan Jabhadda ay weerar xooggan ku qaadeen saldhig ay Ciidamada Somaliland ku leeyihiin halka lagu magacaabo Xagarrey oo ka tirsan Degaanka Tukaraq. Somaliland iyo Jabhadda SSC ayaan midkoodna weli ka hadlin Dagaalkaas waxaana adag in xog sugan laga helo Khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac. Jabhadda Dib u xoraynta SSC ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug oo ku sugan Gobolka Sool ayaa inta badan weeraro gaadmo ah la beegsata Ciidamada Somaliland. PUNTLAND POST The post Dagaal ka dhacay Tukaraq appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa laga yaabaa inuu cafis u fidiyo sarkaal baxsad ah oo sabab u noqday in xabsi la dhigo afar qof oo kasoo jeeda Soomaali ah. Warbaahinta maxaliga ah ee Mareykanka ayaa warisay inay suurto-gal tahay cafis loo fidiyo Edward Snowden oo dhexda kaga jiray kiis qabsaday hadal heynta waddanka mareyknaka sannadkii 2013. Donald Trump wuxuu difaacay Snowden, wuxuuna shaaca ka qaaday in dib loo eegi doono, taasoo loo fasirtay inuu gogol xaadhanaayo cafis uu u fidiyo. “Waan maqlay in dad badan ay ii arkaan inaanan cadaalad sameyn, dadna waxey u arkaan inaan wax fiican sameeyay, marka si wanaagsan ayaan ula macaamilaynaa,” ayuu yidhi. Edward Snowden ayaa isaga cararay waddanka Mareykanka kadib markii uu soo bandhigay cidda sababtay in xagjirnimo iyo Al-Shabaabnimo loo maxkamadeeyo afar nin oo Soomaali ah. Basaaly Saeed, Ahmed Nasir Tahliil Mohamud, Mohamed Mohamud iyo Issa Doreh oo ku noolaa magaalada San Diego ayaa la xidhay. Hay’adaha Sirdoonka Mareykanka waxey sheegeen in sarkaalkaan uu ogolaansho la’aan qabtay shaqadaan. Dhawaan ayey aheyd markii maxkamad federaal ah ay xukuntay in Snowden uu sharci darro sameeyay, balse ayna wax saameyn ah ku laheyn go’aankii lagu xidhay soomaalida dambiga lagu soo oogay. Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Subax-1492020.mp3 View the full article
-
(ERGO) – Lakay Sheikh Abdirahman, 43-year-old mother of nine, is the proud owner of a thriving wholesale business supplying fresh fruit and vegetables to 32 women-owned stalls in Dollow market, in southern Somalia’s Gedo region. Source: Hiiraan Online
-
Hambalyo Meher Bahda Qarannews Waxay Tahniyad & Hambalyo Meher qaali ah U Dirayaan Lamaanaha Iscalmaday ee Nolosha ku Midoobay waa Mohamed Ali Ibrahim “ Baqaadi “ iyo Bilan M. Jama Jengali oo Meherkoodu ka dhacay Shalay Caasimada Minneapolis ee Gobolka Minnesota-USA Waxaanu leenahay Baara-kallaahu laka,Wa-baaraka calayka wa jamaca baynakumaa fi khayrin Waxaanu mar labaad ugu ducaynaynaa Allena uga baryaynaa inay Guul ka gaadhaan Hadafkooda Nololeed,Kuwii ku noolaada farxad,Guul iyo Barwaaqo Ubad kheyr-qabana kala hela Amiin Qaran News
-
Taliska Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay saacadihii la soo dhaafay laba hawlgal oo kala duwan ku khaarajiyeen laba horjooge oo ka tirsan Al-shabaab. Hawlgalka kowaad oo ka dhacay meel qiyaastii 45KM dhanka Galbeed kaga beegan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa lagu dilay horjooge Ibraahim Macallin Cabdi oo magaciisa afgarashadu yahay Geney. Saraakiishu waxay sheegeen in Horjooge Geney uu Al-shabaab u qaabilsanaa Degmooyinka Baydhabo iyo Bardaale ee Gobolka Baay. Hawlgalka labaad oo ka dhacay Degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose ayay Saraakiishu sheegeen in lagu khaarajiyay horjooge Aaden Yuusuf Sheekh Maxamuud (Abu-Salmaan) oo Al-shabaab u qaabilsanaa Jubbooyinka. Hawlgalka Jamaame waxa sidoo kale lagu dilay afar xubnood oo ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo weheliyay horjoogaha la dilay sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha. PUNTLAND POST The post Milateriga Soomaaliya oo shaaciyay in ay dileen laba horjooge oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay hoyga uu ka dagan yahay gudaha magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Puntland, Siciid Deni. Kulanka dhex maray labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka 2020/2021-ka. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Qoor Qoor iyo Deni ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan shirka wada-tashiga ee ka socda Muqdisho oo galay maalintiisii labaad. Sidoo kale waxa ay isla qireen inay muhiim tahay in xal mideysan la gaaro, si ay dalka uga dhacdo doorasho la’isku raacsan yahay. Labada hoggaamiye ee Galmudug iyo Puntland oo Muqdisho u jooga wada-hadallada u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa shirkooda ku soo qaaday iskaashiga ka dhexeeya labada maamul, maadaama ay daris wadaag yihiin. Shirarkan gaar-gaarka ah ee madaxda maamul goboleedyada oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey caasimada ayaa ujeedkooda uu yahay, sidii is-faham looga gaari lahaa wada-hadallada ka socda Muqdisho ee looga hadlayo doorashada soo socota ee 2020 illaa 2021. The post Sawirro: Maxay Qoor Qoor iyo Deni ka wada-hadleen? first appeared on Caasimada Online.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Dowlado Carbeed ayaa wada olole ka dhan ah wadanka Turkiga kaas oo si xoog leh uga soo horjeestay isbaheysiga ay la sameynayaan Yahuudda, waxeyna markaan dood ka keenayaan galaan-galka uu ku yeelanayo wadamada colaadaha kasoo kabanaya, sida Soomaaliya. Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Racep Tayip Erdogan ayaa ku dadaaleysa iney dib usoo celiyaan saameyntii ay ku lahaayaan dalalka dibadda, waxaana lagu dhaleeceeyay xiriirka weyn oo ay la leeyahiin Soomaaliya. Turkiga wuxuu taageero buuxda siiyay Soomaaliya, waliba dhanka militariga aad ayuu uga saaciday, taasna waxey keentay in Dowladda Jordan ay ku tilmaanto sharci darro. Wargeyska The Jordan Times ayaa daabacay qoraal laga dheehan karo in lagu baaqayo dagaal ka dhan Turkiga oo ay sameeyaan dowladaha Carbeed iyadoo lasoo hadal qaaday saldhigyada ay ku leeyahiin Liibiya, Suuriya iyo Ciraaq oo ah saddex wadan oo carbeed. Sidoo kale waxey warbixinta si toos ah u abaareysaa madaxweyne Racep Tayip Erdogan kaas oo lagu sheegay inuu xayeysiinayo awoodahooda. “Turkiga wuxuu saldhigyo militari ku leeyahay wadamada Soomaaliya, Liibiya, Qadar, Ciraaq, Suuriya iyo waqooyiga Qubrus, dhamaantood ma heystaan ogolaansho sharci ah,” ayaa ka mid ahaa qoraalka wargeyska lagu qoray. Turkiga waxey saldhigga ugu weyn ee meel ka baxsan wadankooda ka dhiseen Muqdisho, waxaa lagu tababaraa ciidamada Soomaaliya kuwaas oo si gaar ah ula dirira kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida. The post Dowlad Carbeed oo sharci darro ku tilmaantay taagerada ciidan ee uu Turkiga siiyo Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
-
Trump iyo Ilhaan Cumar oo isku maandhaafsan qorshe dalka Marayakanka lagaga soo mustaafurinayo dad Soomaaliya Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa si adag uga soo horjeesatay qorshe ay wadaan laanta socdaalka iyo kastamka dowladda Mareykanka, kaas oo sababi kara in Soomaali badan la musaafuriyo. Dadka laga yaabo in lagu soo celiyo Soomaaliya waa dad si sharci darro ah ku jooga gudaha dalka Mareykanka, balse Ilhaan Cumar oo ka mid ah xildhibaanada aad uga soo horjeeda xukunka Trump ayaa diiday tallaabada maamulka Trump, ayada oo dhowr sabab sheegtay. Sababaha ay Ilhaan ku diiday go’aanka ay qaadaneyso laanta socdaalka iyo kastamka dowladda Mareykanka, waxaa ka mid ah xaaladda ammaanka Soomaaliya iyo arrimo la xiriira xanuunka Coronavirus oo mar kale kusoo laba kacleeyay dalka Mareykanka. Ilhaan Cumar waxey aaminsan tahay in dib u celinta dadkaan ay halis weyn galin karto dadka ku nool gudaha Soomaaliya maadaama laga yaabo in dadka la celinayo ay qabaan xanuunka Covid-19 kadibna ay ku faafiyaan Soomaaliya. Mareykanka waxaa ku nool Soomaali badan oo qaarkoodna sharci heystaan, qaarna ay sharci la’aan isaga nool yahiin, tiro badan oo Soomaali ah ayaana laga soo celiyay wadankaas tan iyo markii sanadkii 2016 la doortay Donald Trump. Qorshahaan ay wadaan laanta Socdaalka iyo Kastamka waxaa laga yaabaa inuu riixayo Donald Trump oo aad u neceb dadka soo galootiga ah, gaar ahaanna Soomaalida. Qaran News
-
Tahriibayaal 40-ka maalmood Markab badda lala dhex-meeraysanaayey markii dal waliba diidey oo Aakhirkii la qaabilay Markabki Maersk Etienneoo badbaadiyey bilawgii August Koox tahriibayaal ah oo uu soo badbaadiyay markab laga leeyahay dalka Denmark oo ku sugnaa badda Mediterranean-ka ayaa loo ogolaaday inay ku degaan dalka Talyaaniga kadib in ka badan 40 maalmood oo ay badda ku jireen. 27-ka qof – oo ay ku jirto haweeney uur leh – waxay ka amba baxeen Liibiya 2-dii bishii Ogosto. Markabkii Maersk Etienne ee Dheenishka ahaa ayaa soo qaaday waxyar kadib markii markabkoodii uu bilaabay inuu quuso. Laakiin markabkan ayaa loo diiday ogolaansho ah inuu ku xidho waddan kasta muddo bil ka badan. Muhaajiriintan ayaa se ugu dambeyntii ka degay Sicily habeenkii Sabtida. Jimcihii kooxda waxaa loo wareejiyay markab samatabixin ah oo ay maamusho NGO-ga Badbaadinta ee lagu magacaabo Mediterranea Saving Humans. Waxaana la keenay dekedda Pozzallo. “Tani waxay soo afjaraysa istaaagitaankii iyo baajintii ugu dheeraa uguna ceebta badnaa ee soo mara badda Yurub,” ayay Mediterranea ku soo qortay Twitter. Waxay ku soo beegantay arrintani xilli Giriiggu la daalaa dhacayo in ka badan 12,000 oo muhaajiriin ah oo ku sugan Lesbos ka dib markii xerada qaxootiga ee Moria uu burburiyey dab. Sida laga soo xigtay wadaha markabka Maersk Tankers, masuuliyiinta Malta waxay ka codsadeen shaqaalaha markabkani inay qaabilaan tahriibayaashan. Malta ayaa beenisay, waxayna sheegtay in badbaadintu ka dhacday meel ka baxsan dhulkooda. Tani waxay horseeday is-faham, iyadoo Talyaaniga iyo Liibiya ay sidoo kale diideen inay qaataan kooxdan, ayuu yiri Maersk. “Shaqaalaha waxay qabteen intii karaankooda ah si ay noloshooda u badbaadiyaan intii suurtagal ah laakiin maahan shuruudo aad qofna u bandhigi karto muddadan dheer,” agaasimaha farsamada Maersk Tommy Thomassen ayaa u sheegay BBC. . Hal nin oo magaciisa lagu sheegay Qaasim, ayaa la hadlay weriyayaasha wargeyska MaltaToday. waxaana uu weydiistay inay u wacaan qoyskiisa oo jooga Suudaan una sheegaan inuusan ku dhiman badda Mediterranean-ka. Haweeneyda uurka leh oo iyana la yidhaahda- Embetta, oo reer Cameroon ah – ayaa iyana u sheegtay suxufiyiinta: “Kaliya waxaan dooneynay caawimaad, waxaan dooneyna uun inaannu ka degno markabkan.” Warar ay qoreen warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegaya in sidoo kale ay saarnaayeen tahriibayaal ka yimid dalalka Chad, Eritrea iyo Libya. Maalmihii la soo dhaafay saddex ka mid ah muhaajiriinta ayaa xitaa ku booday badda si ay isugu dayaan inay is dilaan. Waxaa se mar labaad badbaadiyey shaqaalihii markabka. Waxyna sheegeen in qaarkood isku dayeen inay sidaas oo kale is dilaan ama naftooda waxyeelaan. Maxaa ka dhacaya badda Mediterranean-ka? Ilaa 19,400 oo tahriibayaal ah ayaa ka degay xeebaha Talyaaniga ilaa iyo sannadkan, marka la barbardhigo qiyaastii 5,200 isla muddadan oo kale sanadkii la soo dhaafay, sida lagu sheegay xog rasmi ah oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters. UN-ku waxay sheegeen in 40,000 oo qof ay yurub ka soo galeen xaga badda sanadii 2020 halka in ka badan 400 oo qof ay dhinteen ama la waayey iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan badda mediterraneanka ee waqooyiga Afrika. Waxaa se isweydiintu tahay sida loola macaamilayo soo-galootigan tirada badan, inta badan Talyaaniga iyo Griiga, ayaa ku kala qaybsamay Midowga Yurub sannado badan qaabilaadooda. Talyaaniga iyo Giriigga waxay ku eedeeyeen waddammada waqooyiga ee hodanka ah inay ka gaabiyeen inay wax badan qabtaan, halka tiro ka mid ah wadamada bartamaha iyo bariga ay si cad uga hor imaanayaan fikirka ah inay qaataan qoondada kaga soo hagaagta muhaajiriinta. Guddiga Yurub wuxuu soo bandhigi doonaa heshiis cusub oo ku saabsan socdaalka iyo magangalyada 30 Sebtember. Qaran News
-
Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa laga yaabaa inuu cafis u fidiyo sarkaal baxsad ah oo sabab u noqday in xabsi la dhigo afar qofood oo kasoo jeeda Soomaaliya. Warbaahinta maxaliga ah ee Mareykanka ayaa warisay iney suuragal tahay cafis loo fidiyo Edward Snowden oo dhexda kaga jiray kiis qabsaday hadal heynta waddanka mareyknaka sanadkii 2013. Donald Trump wuxuu difaacay Snowden, wuxuuna shaaca ka qaaday in dib loo eegi doono, taasoo loo fasirtay inuu gogol xaaranaayo cafis uu u fidiyo. “Waan maqlay in dad badan ay ii arkaan inaanan cadaalad sameyn, dadna waxey u arkaan inaan wax fiican sameeyay, marka si wanaagsan ayaan ula tacaamuleynaa,” ayuu yiri. Edward Snowden ayaa isaga cararay wadanka Mareykanka kadib markii uu soo bandhigay coda sababay in xagjirnimo iyo Al-Shabaabnimo loo maxkamadeeyo afar nin oo Soomaali ah. Basaaly Saeed, Ahmed Nasir Tahliil Mohamud, Mohamed Mohamud iyo Issa Doreh oo ku noolaa magaalada San Diego ayaa la xiray. Hay’adaha Sirdoonka Mareykanka waxey sheegeen in sarkaalkaan uu ogolaansho la’aan qabtay shaqadaan. Dhawaan ayey aheyd markii maxkamad federaal ah ay xukuntay in Snowden uu sharci daro sameeyay, balse aysan wax saameyn ah ku laheyn go’aankii lagu xiray soomaalida dambiga lagu soo oogay. The post Trump oo cafis u fidinaya sarkaal baxsad ah oo dambi ku oogay dad Soomaali ah first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Gobolka Banaadir qeybtiisa Canshuuraha ayaa ka shiray dar-dar galinta qaadista lacagaha laga qaado guryaha dadka rayidka ee ku yaalla magaalada Muqdisho. Maamulka kulanka yeeshay waxey sheegeen in saddex arrimood lagu xalin doono canshuurtaan taasoo ay ka mid yahiin: Waxbarashada Ardayda, Caafimaadka iyo Dhismaha waddooyinka Magaalada Muqdisho. Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan ayaa shir gudoominayay, waxaana la sheegay in guryaha dadka rayidka ah kaliya aan laga qaadi doonin isla markaana masuuliyiinta xitaa la canshuuri doono. Afhayeen u hadlay maamulka gobolka Banaadir wuxuu sheegay iney dar-dar galinayaan hawlo badan oo loo xilsaaray oo ay ka mid tahay caafimaadka iyo dib u dhiska bilicda caasimadda. Afhayeenka wuxuu sheegay iney ganaaxyo la kulmi doonaan masuuliyiintii diida bixinta lacagaha ay sheegeen in dib loogu celinayo dadka ku dhaqan gobolka Banaadir. Si kastaba arintaan ayaa kusoo aadeysa xilli canshuur guryaha horay looga qaadi jiray shacabka Soomaaliyeed iyadoo nadaafadda gobolka Banaadir ay gaartay heerkii ugu xumeyd. Dagmooyinka qaar ayaan laheyn bilic lagu faani karo iyadoo dhanka nadaafadda aan waxba laga qaban, waxaana su’aal laga keeni karaa waxa ay soo kordhineyso lacagaha dheeraadka ah oo ay sheegeen iney maamulka qaadayaan. The post Shacabka Muqdisho oo lagu soo rogayo lacag dheeri ah first appeared on Caasimada Online.
-
Baraawe (PP News Desk) — Tradiotional leaders of Tunni clan have called on South West State President Abdiaziz Laftagareen to intervene to stop Illegal sale of plots of land in Baraawe, the administrative capital of South West State. South West President Abdiaziz Laftagareen faces a host of challenges including illegal sale of land in Baraawe. “We are calling on the South West President to deal with illegal sale of land in Baraawe. People are coming to the district with money to buy land illegally. Those selling and buying land in Baraawe are breaking the law” said one elder. Another elder warned sellers and buyers about the consequences of illegal transactions involving land belonging to other people. “Selling one thousand plots of land to one person at five dollars for each plot of land is absurd. People involved in illegal sale of land in Baraawe have the intention to destroy the district. No land can be sold without the knowledge of the government and elders” said another elder. Baraawe is an old Somali coastal district in Lower Shabelle region. It is one of the districts whose original inhabitants were forced to flee as a result of occupation by armed clan militias from other Somali regions. The title of the story deleted by the Somali TV network reads in translation: “One of the Baraawe clans calls on South West President [to address illegal sale of land]”. When South West State was formed several years ago Baraawe had become the seat of the Federal Member State made up of Lower Shabelle, Bay and Bakool but the South West Government works in Baidoa. The spate of landgrabbing about which Tunni traditional leaders have raised the alarm adds to challenges facing South West State to address illegal sale of land and dispossession in a region known as the breadbasket of Somalia. Editor’s Note: This story is based on a report broadcast on a Somali TV channel that deleted the clip. © Puntland Post, 2020 The post A Somali Clan Raises Alarm About Illegal Sale of Land in Baraawe appeared first on Puntland Post.
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Qubanaha-Shabelle-13092020.mp3 View the full article
