Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,703
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Dubai)-Markii ugu horreysay taariikhda, waxa saaka lagu wadaa in duulimaad rakaab ah oo ka soo kicitimay Israa’iil uu soo caga dhigto dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, kadib markii labada dal ay caadi ka dhigeen xidhiidhka u dhexeeya. Diyaaraddaasi waxa raaci doona wefti ka socda Israai’iil iyo saraakiil Maraykan ah kuwaasoo gacan ka geystay gaadhidda heshiiska nabadeed. Heshiiskaasi ayaa ah kii saddexaad ee Israa’iil ay la yeelato dal Carbeed. Kalmadda nabad oo ku qoray luuqadaha Carabiga, Ingiriiska iyo Hebrew-ga ayaa lagu xardhay diyaaradda El Al ee ay leedahay Israa’iil. Waxa sii raaci doona mas’uuliyiin ka tirsan Israa’iil kuwaas oo si rasmi ah u furi doona safaaradda dalkooda uu ku yeelanayo Imaaraadka si ay u sahasho isu socodka iyo ganacsiga u dhexeeya labada waddan. Wararka qaar ayaa sheegaya in lataliyaha Madaxweyne Trump ahna wiilka uu soddoga u yahay, Jared Kushner uu hogaamin doono wefdiga. Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa toddobaadkii hore soo afjaray cunaqabateynta ganacsiga ee uu ku hayay Israa’iil. Source
  2. Diyaaraddan oo sidday 207 rakaab ah ayaa ku wajahnayd dhinaca dalka Turkiga waxaana ay la kulantay ciladda dhinaca oxygen-ka ah kaddib markii uu gabaabsi ku noqday xilli ay sii galaysay hawada dhinaca Itoobiya. Sida ay sheegeen maamulka hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ee oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in diyaaraddu ay si nabad ah ku soo cago dhigatay iyadoo eegayaan injineerada Shirkadda duulimaadka si loo hagaajiyo cilladda. “Diyaaradda ayaa waxa ay saacadu marka ay aheyd 1:15 ka duushay garoonka aadan cade ee magaalada Muqdisho waxaana markii ay ku dhaweyd hawada dalka itoobia ku timid cilad hase ahaatee markii dambe waxa ay si nabad ah dib ugu soo laabatay garoonka Aadan Cade iyadoo nabad qabta mana jirto halis hada. Ugu dambeyn diyaaradda ayaa loo hagaajiyay Xiriirka duulimaadka kaddibna ka duushay Garoonka iyadoo kusii jeeda dalka turkiga oo ay hore ugu socotay. Turkish airline oo bilowday duulimaadyo joogto oo ay ku timaado dalka sanadkii 2012-kii, Turkiga ayaa ah saaxiibka ugu awoodda badan oo isticmaalay 1 bilyan oo doolar sanadkii 2011-kii taasi oo isagu jirta gaargaar iyo soo celinta kaabayaasha dalka ee burburay 30-sano kahor. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- TAGS Diyaarada Turkiga Oo Ku Ciladowday Hawada Soomaaliya Ayaa Si Nabad Uga Soo Dagtay Garoonka Muqdisho View the full article
  3. (SLT-Washington)-Xilli uu Madaxweynaha Maraykanka galaangal badan ugu jiro Ololihiisa Dib-u-doorashada ayaa waxa uu bilaabay inuu sameeyo Dhacdooyin Mar-la-arag ku ah muddadii uu xilkaasi hayey. Madaxweyne Trump oo malaha Siyaasad ka soo gashay inuu casuumo Saygii hore ee Xildhibaand Ilhaan Cumar ayaa waxa uu kala kulmay Weji-gabax, kadin markii uu Axmed Xersi ka biyo-diiday Qaabilaadaasi. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ku yidhi: Nin aduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban. Madaxweynaha Mareykanka aa casumaad ii soo direy in uu ila kulmo. Rag aan ogahay hadeey fursadaan heli lahaayeen, inteey sawir la soogalaan ey dhihi lahaayeen, waxaan ka wada hadalney arimaha Soomaaliya. Wuu ku mahadsanyahay Madaxweynaha laakiin ma kulmi karno!! Dhinaca kale, Tallaabadda Axmed Xersi ku laalay Casuumaadii Donald Trump ayaa waxa uu War Micno-sameeye ah u noqon karaa Ilhaan Cumar oo iyadu dagaal siyaasadeedkii ugu darnaa kula jirta Madaxweyne Trump oo isaga had iyo jeer Twitter-kiisa soo dhiga Qoraallo uu ku eedaynayo Ilhan Omar oo loo arko inay Trump ku noqotay Laf dhuun gashay oo kale. Source
  4. Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Ajandaha kulanka ayaa ah: 1. Akh 1aad H/Sh adeegyada Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed 2. Akh 2aad ee Sharciga Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Ciidamada Booliiska Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay askari shalay gelinkii dambe dil iyo dhaawac ka geystay duleedka degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa sheegaya in askariga oo baxsad ahaa uu la dagaalamay ciidamada ammaanka, balse markii dambe isaga oo dhaawac ah la soo qabtay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen is-rasaaseynta dhex-martay labada dhinac. Taliyaha Booliska degmada Dhoobley oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in haatan askariga baxsadka la dhigay isbitaalka magaaladaasi, si loogula tacaalo xaaladdiisa. Ammaanka Dhoobley ayaa muddooyinkii la soo dhaafay si aad ah loo xoojiyey, waxaana howl-gallo baaritaano ah ka waday ciidamada Booliiska ee maamulka Jubbaland. View the full article
  6. Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Mas’uulyiintaas waxa hoggaaminaya Wasiir ku xigeenka Duulista Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xirsi Rooble oo ay weheliyaan Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Axmed Macallin Xasan iyo xubno kale. Sidoo kale waxa la socda quburo ajaanib ah oo hay’adda ka la shaqeeya Arrimaha Garoomada Dalka waxaana lagu wadaa in ay indho-indheyn ku sameeyaan xaaladda Garoonka Diyaaradaha Beledweyne ee Ugaas Khaliif. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo gaaray Beledweyne appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Subax-31082020.mp3 View the full article
  8. ROME (AP) — Italian officials hastily chartered more ferries Sunday and put other measures into place to fight severe overcrowding at migrant centers on the tiny island of Lampedusa, where the arrival of 450 migrants on a rickety fishing boat triggered protests by islanders. Source: Hiiraan Online
  9. Talks to normalize relations between Israel and the United Arab Emirates launch this week with a focus on economic issues, with thornier defense matters pushed off as controversy churns around the Gulf Nation’s bid to buy the U.S.’s top warplane. Source: Hiiraan Online
  10. Fifty years ago, lawmakers in Washington opened the doors to immigrants from Africa. Today, dozens of new Americans — from Liberia, Nigeria, Ethiopia, Somalia, and more — are running for office in Minnesota. And they’re winning. Source: Hiiraan Online
  11. MOGADISHU – The Secretary General of the United Nations has awarded medals to over 600 Ugandan Officers and Militants serving under the sixth United Nations Guard Unit (UNGU VI) in Somalia. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Muqdisho ku dhex maraya madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Jubaland iyo Puntland ayaa la filayaa in heshiis cusub looga gaaro doorashooyinka dalka ka dhacaya kadib markii labada madaxweyne goboleed ay diideen heshiiskii Dhuusamareeb 3. Hase yeeshee waxaa shirka Muqdisho ka maqan saddexda madaxweyne goboleed ee Galmudug Axmed Cabdi Qoor Qoor, HirShabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, oo qeyb ka ahaa heshiiskii Dhuusamareeb 3. Haddaba sidee loo gaari doonaa heshiis ay ka maqan yihiin? Xog aan helnay ayaa sheegeysa in shirka Muqdisho ujeedkiisa uu yahay in lagu xaliyo qodobo dhowr ah oo ku jiray Dhuusamareeb 3, oo ay diidan yihiin Jubaland iyo Puntland, kuwaasi oo ay aad isugu hayaan madaxda dowladda federaalka. Qodobadaas waxaa ka mid ah awoodda guddiga madax-banaan ee doorashooyinka, tirada ergooyinka dooranaya xildhibaanada, magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka iyo arrimo kale. Marka ay heshiis buuxa gaaraan madaxweyne Farmaajo iyo Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa la filayaa in loo yeero Qoor Qoor, Waare iyo Lafta-gareen kadibna heshiis kale mar qura la wada saxiixo. Tani waa astaan kale oo muujineysa in loolanka siyaasadda Soomaaliya uu u dhaxeeyo oo kaliya madaxweyne Farmaajo oo dhinac ah iyo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo dhinac kale ah, wixii kasoo harana ay labadaas dhinac kala raacsan yihiin. Maxay tahay kaalinta Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Waare? Saddexda madaxweyne goboleed ee kasoo haray Deni iyo Jubaland waa kuwa aan siyaasad ahaan madax banaaneyn, oo saameyntooda siyaasadda Soomaaliya ay aad u yar tahay haddiiba aysan jirin. Tusaale, Lafta-gareen waa madaxweyne ay Villa Somalia keensatay oo dhiig badan loo daadiyey inuu madaxweyne noqdo, sidaas darteedna wuxuu si buuxda siyaasad ahaan iyo aragti ahaan ugu xiran yahay madaxtooyada. Waare oo horey uga mid ahaa isbaheysiga Jubaland iyo Puntland ayaa ugu dambeyn heshiis la galay Villa Somalia, isaga oo dhaafsaday in kursigiisa loo bad-baadiyo iyo dhaqaale, sidaasna ugu biiray xulufada madaxweynaha. Qoor Qoor, waxa uu kursiga ku yimid hab la mid ah Lafta-gareen oo kale. Hase yeeshee markii la doortay kadib, dhowr toddobaad ayuu isu muujiyey inuu yahay madaxweyne go’aan kaligiis qaadan kara, oo madax-banaan, taasi oo uu ku muteystay inuu madaxda dalka oo dhan marti-geliyo oo la aamino. Hase yeeshee, waxay dhammaatay markii la isugu tegay Dhuusamareeb 3, markaasi oo uu iscaddeeyey inuu ka mid yahay xulufada madaxweyne Farmaajo. The post Sababta rasmiga ah ee Qoor Qoor, Waare iyo Lafta-gareen looga reebay shirka Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  13. Duulimaadkii & Rakaabkii ugu horreeyay oo ka soo kicitimay Tel-aviv (Israel) oo Saaka ka degaya UAE+Xoggo kale oo xasaasiya Markii ugu horreysay taariikhda, waxa saaka lagu wadaa in duulimaad rakaab ah oo ka soo kicitimay Israa’iil uu soo caga dhigto dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, kadib markii labada dal ay caadi ka dhigeen xiriirka u dhexeeya. Diyaaraddaasi waxa raaci doona wefdi ka socda Israai’iil iyo saraakiil Maraykan ah kuwaasoo gacan ka geystay gaaridda heshiiska nabadeed. Heshiiskaasi ayaa ah kii saddexaad ee Israa’iil ay la yeelato dal Carbeed. Kalmadda nabad oo ku qoray luuqadaha Carabiga, Ingiriiska iyo Hebrew-ga ayaa lagu xardhay diyaaradda El Al ee ay leedahay Israa’iil. Waxa sii raaci doona mas’uuliyiin ka tirsan Israa’iil kuwaas oo si rasmi ah u furi doona safaaradda dalkooda uu ku yeelanayo Imaaraadka si ay u sahasho isu socodka iyo ganacsiga u dhexeeya labada waddan. Wararka qaar ayaa sheegaya in lataliyaha Madaxweyne Trump ahna wiilka uu soddoga u yahay, Jared Kushner uu hogaamin doono wefdiga. Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa todobaadkii hore soo afjaray cunaqabateynta ganacsiga ee uu ku hayay Israel. Ra’iisal wasaaraha Israa’iil , Benjamin Netanyahu, oo kulan la qaatay lataliyayaal ka tirsan Aqalka Cad oo ka mid ah wefdiga raaci doona diyaaradda, ayaa sheegay in dalkiisa uu wadahadallo qarsoodi ah kula jiro waddamo kale oo Carab ah. Waxa uu sheegay inuu filayo in dalalkaasi ay mari doonaan dhabaha Imaaraadka oo kale, isagoo intaa raaciyay in Falastiiniyiinta aanay hadda kadib lahaan doonin waxa uu ugu yeeray “go’aan qayaxan oo ay ku horjoogsadaan nabadda”. Falastiiniyiinta ayaa si weyn u dhaliilay go’aanka uu Imaaraadka heshiiskaasi ku qaatay iyada oo aan xal laga gaarin colaadda kala dhexaysa Israa’iil Qaran News
  14. PORTLAND, Maine — Asha Muse said she likely will feel some comfort knowing that her brother’s killer will soon be sentenced to prison. But it won’t erase the pain her family has endured since her 22-year-old brother Isahak Muse was shot and killed during a fight at his girlfriend’s family home in March 2019. Source: Hiiraan Online
  15. Haweeney loo xidhay maxaad isu-qaawisay Haweeney u dhalatay dalka Faransiiska ayaa lagu xiray magaalada Rishikesh ee ku taala waqooyiga dalka hindiya kadib markii ay iska duubtay muuqaal iyadoo qaawan xilli ay ku sugneyd buundada caanka ah ee Lakshman Jhula. Wakaaladda wararka ee AFP ayaa kusoo warrantay in muuqaalka haweeneydan oo qaawan lasoo dhigay baraha bulshada, waxaana haweeneydan lagu eedeeyay inay ku xadgudubtay dhaqanka iyo sharciga dalkaas. Haddii lagu helo dembiga lagu soo eedeeyay waxaa laga yaabaa in lagu xukumo saddex sanoo xarig ah. Buundada oo ku dul taalo wabi ku yaala magaalada Rishikesh ayaa ah goob caan ka ah dalkaas oo ay siyaartaan dadka Hinduuga iyo dalxiisayaasha. Haweeneydan oo lagu soo daayay damiin ayaa booliska u sheegtay in sababta ay isaga duubtay muuqaalka ay tahay sidii ay xayaysiin ugu sameyn lahayd ganacsigeeda dahabka. “Dabcan gudaha dalka Faransiiska, waxa ay sameysay kama ahan wax la dhibsado balse Rishikesh waa goob la siyaarto, gaar ahaan Lakshman Jhula,” sidaas waxaa AFP u sheegay RK Saklani oo ah taliyaha booliska ee saldhigga haweeneydan lagu xiray. Haweeneydan oo ilaa iyo hadda aanan la garaneyni heybteeda ayaa la xiray khamiistii lasoo dhaafay kadib markii booliska lagu wargeliyay muuqaalka. “Markii su’aalaha la weydiinayay waxaa ay qiratay in muuqaalka qaawnida ay iyada duubtay balse waxaa kale oo ay sheegtay in aysan ogeyn in falka ay sameysay uu dembi ka yahay dalka Hindiya, ujeedadeedana waxay ahayd sidii ay sare ugu qaadi laheyd ganacsigeeda,” sidaas waxaa warbaahinta gudaha ee dalkaas u sheegay sarkaal kale oo katirsan booliska. Dhageysiga dacwadda loo heysto haweeneydan Faransiiska ayaa laga yaabaa in ay qaadato muddo bilo ah. Qaran News
  16. DUBAI, United Arab Emirates (AP) — New labor rules in the energy-rich nation of Qatar “effectively dismantles” the country’s long-criticized “kafala” employment system, a U.N. labor body said Sunday. Source: Hiiraan Online
  17. A new Somali media law meant to enforce professionalism and safeguard the country’s state secrets from ‘enemies’ has been met with wide-ranging criticism for ‘criminalising’ journalism. Source: Hiiraan Online
  18. Shirkii ku qabsoomey magaalada Garoowe ee u dhexeeyey maamulada Jubaland iyo Puntland waxaa ka soo baxay in shir afaraad la isugu tegayo magaalada Muqdisho shirkaas oo ay ka qayb-galayaan labadan maamul ee horey u qaadacay shirkii Dhuusamareeb 3. Shirka ayaa lagu macneeyey in uu noqon doono mid lagu qabyo tiraayo natiijadii Dhuusamareeb 3. Waxaa laa filaayey in shirka Muqdisho ay ka soo wada qaybgalayaan dhamaan Dowlad goboleedyada, ayaa hadda waxaa muuqata in saddexdii Dowlad goboleed ee qaybta ka ahaa Dhuusmareeb 3 ay u muuqdaan kuwo aan ka qaybgalayn markii ay soo saareen war-saxaafadeed wada jir ah oo loo fahmey in ay u arkaan shirka Muqdisho mid u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo labdii maamul ee ka maqnaa Dhuusmareeb 3, maadaama ay iyagu horey u saxiixeen heshiiskii Dhuusamareeb 3. Isbeddel kasta oo lagu sameeyo heshiiskaas ayaan la ogeyn inay duuduub ku qaadan doonaan. Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland, waxaana la is weydiinayaa waxa iska beddeley go’aamadii hore. Marka aan dib u eegno go’aamadii labada maamul ay ku qaadaceen Dhuusmareeb 3 iyo eedaymaha ay u jeediyeen Dowladda federaalka waxaan ku soo koobi karnaa: Burburinta xukuumaddii hoggaamin lahayd doorashada Faro gelinta Dowladda Federaalku ay ku hayso gobolka Gedo Ku xadgudubka metalaada Golaha Aqalka Sare Isku gaar yeelidda Guddigii Farsamada ee lagu heshiiyey Dhuusamareeb 2. Haddaba si ay shir kale uga qayb-galaan waxay xujeeyeen: In Madaxweynuhu magacaabo Raysal wasaarihii qayb ka noqon lahaa fulinta heshiisyada iyo qabsoomidda doorashooyinka 2020/21. Qabsoomidda shirka waxaa ka horeysa in la helo hubinta in lagu gaarayo heshiis saldhig leh, (kadib khudbaddii Farmaajo ee Golaha Shacabka) sidaas darteed in shirka ay ka qaybgalaan diblomaasiyiinta beesha caalamka. Dhuusamareeb 3 kadib Labada maamul ayaa war-saxaafdeed wadajir ah oo ay soo saareeb kadib natiijadii shirkii Dhuusamreeb 3 waxay muujiyeen dabac iyo in ay salaankii dheeraa ka soo degeen, maadama ay meesha ka baxday qorshihii uu watey Madaxweyne Farmaajo ee qof iyo cod ee ay ku qarsooneyd muddo kordhin, sidoo kale waxaana jirey culeys diblomaasiyadeed oo labada maamul la saarey. Shirka Muqdisho qabyo-tir ? Shirka Muqdisho macada in lagu gaari doono heshiis dhameystiran hadii la isku afgaran waayo in qodobadii Dhuusamareeb 3 la faro geliyo, inkasta oo qodobada la faro-gelinaayo maamulada kale dheef mooyee aysan wax dhibaato ah ugu jirin waxaana kamid ah. Guddiga doorashada in si wada jir ah loo magacaabo Xisbiyada oo meesha laga saaro maadaama aysanba jirin Xisbiyo rasmi ah Tirada Ergooyinka wax dooranaya Saddexdan qodob ayaa ugu muhimsan in wax laga beddelo natiijadii heshiiskii Dhuusamareeb 3. Waxaa muuqata in maamulada Puntland iyo Jubaland ay meel iska dhigeen in ay cid kale u doodaan, sida magacaabidda raysal wasaaraha oo saami-qaybsiga dadkii iskalahaa loo daayo. Madasha Xisbiyada iyo mucaaradka ayaa Dhuusamareeb 3 si duuduub ah u soo dhaweeyey, sidoo kale waxaysan sooba hadal-qaadin magacaabidda Raysal wasaaraha, taas oo Puntland iyo Jubaland ku xambaartey cidkasta ha fulise in aan xujo danbe laga dhigun magacaabidda raysal wasaaraha. Haddaba dadka ka faallooda arrimahan ay sheegayaan in laba arrimood midkeed ay Muqdisho geyneyso Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland. Wixii ka soo baxay Dhusamareeb 3 in ay ahayd waxay Dowaldda Federaalku soo diyaarsatey, maamuladan kalena aysan waxba ku darsan cidda ay wax ka beddelkooda iyo wax ku darkooda kala gor-gortamayaan ay tahay cidda markii horeba soo diyaarsatey. In la tago Muqdisho ayaa dhinaca kale meesha ka saareysa doodii Madaxweyne Farmaajo ee ahayd inuu mar walba Muqdisho wadatashi dib ugu noqodo, taasi oo loo arkay mid uu Madaxweynaha wakhtiga ku dilayo. Mid ay tahayba, Puntland iyo Jubaland waxaa looga fadhiyaa in dadkooda u caddeeyaan waxa beddeley in ay Dhuusamareeb 3 diidaan oo Muqdisho 1 yeelaan. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Maxay Puntland iyo Jubaland ku diideen Dhusamareeb 3 oo Muqdisho ay ku tegayaan? first appeared on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii la soo dhaafay waxaa mashquul aad u daran uu ka jiro guriga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen, waxaana ku qul qulaya dhalinyaro badan oo xil doon ah. Dhalinyaradaan oo u badan Jaamiciyiin islamarkaana ka soo jeeda HirShabelle ayaa doonaya in ay kamid noqdaan xildhibaanada cusub ee maamulkaas, waxeyna Guudlaawe u arkaan albaabka laga galo HirShabeelle. “Aniga iyo masuuliyiin kale ayaa u tagay Guudlaawe waxaan u sheegay rabitaankayga waxa uuna ii balan qaaday inuu iga dhigayo xildhibaan, markii aan soo baxana aan ka shaqeeyo sidii aan codkayga usiin lahaa xilliga doorashada,” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada Muqdisho oo habeen hore loo geeyay Madaxweyne Cali Guudlaawe. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe dadkii loo geeyay u balan qaaday inuu ku gacan siin doono inay kamid noqon doonaan baarlamaanka cusub, isagoo u sheegay in aan looga baahneen raadinta odayga dhaqanka iyo qancinta beeshooda. HirShabeelle ayaa gashay marxalad kala guur ah, waxaana dhawaan la magacaabay guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka labaad ee maamulkaas, kaasi oo soo doornan doona madaxweynaha Muddo xileedka baarlamaanka HirShabeelle ayaa ku eg 9-ka bisha October ee sanadkaan halka Madaxweynahana uu ka horreeyo maalmo kooban. Cali Guudlaawe ayaa ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad ee la filayo inay xilka qabtaan, waxaana jira warar sheegaya in rajadiisa aad u xoogan tahay, inkasta oo aysan caddeynm waxa laga yeelayo heshiis dhigan oo sheegaya in beel ka mid ah kuwa dega Hiiraan oo kaliya ay xilkaas qaban karto. The post Xog: Maxaa ka socda oo loo buux dhaafiyey guriga Cali Guudlaawe ee Muqdisho? first appeared on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah Soomaaliya ayaa maanta wafdi u dirtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ee xukumadda federaalka Soomaaliya, Xersi Rooble, waxaana ku wehlinaya socdaalka maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ,Axmed Macallin Xasan. Sidoo kale waxaa wafdigaasi ka mid ah qubaro ajaaniib ah oo ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u dirtay garoonka Beledweyne, kuwaas oo indho indheyn doono garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaaladaasi. Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismsan iyo mas’uuliyiin kale ayaa wafdigan ku soo dhoweeyey gudaha magaalada Beledweyne, waxaana la sheegay in sidoo kale ay dhagax dhigo doonaan mashruuc laga fulin doono daroonka iyo tababar loo furayo shaqaalaha garoonka, kaas oo kor loogu qaadayo aqoontooda. Garoonka Beledweyne ayaa u baahan dib dayactir ballaaran, waxaana dhowaan ku dhacday diyaarad sahay u siday ciidamada Jabuuti, taas oo laga lahaa wadanka Kenya. The post Sawirro: DF oo khubaro u dirtay garoonka Beledweyne first appeared on Caasimada Online.
  21. Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah guddoomiyaashii degmooyinka gobalka Gedo oo ku biiray dowladda Soomaaliya islamarkaana xilalkii laga qaaday ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in mas’uuliyiintaan oo ka tagay Jubbaland islamarkaana isu dhiibay dowladda Soomaaliya ay dib ugu laabteen maamulkooda kadib markii ay waayeen rabitaankii ay usoo galeen dowladda Soomaaliya. Guddoomiyaasha tagay Kismaayo waxaa kmaid ah guddoomiyaasha degmooyinka Garbahaareey, Luuq iyo ku-xigeenka guddoomiyaha Baardheere iyo saraakiil kale oo muhiim ah oo ka tirsanaa dowladda federaalka Soomaaliya kuwaas oo ka tirsanaa maamulka gobalka Gedo. Xubnahan ayaa markii ay kacsaneyd xiisadda Gedo laga soo gooyey Jubaland, loona adeegsaday in cadaadis la saaro maamulka Axmed Madoobe, taasi oo shaqeyn weysay, kadibna xilalkii laga qaaday. Lama oga sababta ay mas’uuliyiintaan ugu laabteen maamulkii ay ka soo tageen, hase yeeshee warar hordhac ah ayaa sheegaya in looga baxay ballamo badan oo ay la gashay dowladda Soomaaliya. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland oo arrintaan ku saabsan. Khilaaf raagay ayaa u dhaxeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya kaas oo soo taagnaa muddo dheer islamarkaana saameeyay shaqooyin badan oo muhiim ah. The post Mas'uuliyiintii degmooyinka GEDO ee DFS ay xilalka ka qaaday oo Kismaayo tagay first appeared on Caasimada Online.