Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,703
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wafdi uu hoggaaminayo sii hayaha xilka Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ee xukumadda federaalka Soomaaliya, Xersi Rooble oo uu ka mid ahaa maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ,Axmed Macallin Xasan ayaa goor dhow gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Wafdigaan waxaa sidoo kale qeybka ah quburo ajaanib ah oo hay’adda kala shaqeeya arrimaha Garoomada Dalka waxaana lagu wadaa inaay indho-indheyn ku sameeyaan xaalada Gegida Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne. Sidoo kale wafdigaan ayaa dhagax dhigo doono mashruuc laga fulin doono Garoonka iyo sidoo kale shaqaalaha garoonka oo loo furi doono tababar kor loogu qaadayo aqoontooda View the full article
  2. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa beri oo Talaado ah wuxuu ku wajahan yahay Magaalada Muqdisho oo uu ka dhacayo Shir looga arinsanayo Doorashada [...] The post Shirkii Muqdisho oo Arbacada Bilaabanaya appeared first on . Source
  3. Buugaagta khilaafsan diinteena Maalmahan waxaa jirtay hadalhayn iyo cadho ka dhalatay buugaag la sheegay in ay ku qoran yihiin cutubyo (chapter) khilaafsan diinta iyo dhaqanka Islaamiga ah ama faafinaya diimo iyo aragtiyo aan waafaqsanayn diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Marka lagga yimaado wararka baraha bulshada oo aan la sugi karin xaqiiqadooda hadaan ka duulo hadalkii Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL waxaa ku cad in wax ka jiraan oo tusmada buug ay ka muuqato wax aan ku haboonayni, sidoo kale agaasimaha waaxda manaaijtuna waxa uu sheegay in layli ahaan (exercise book) loo isticmaalayay oo wixii anfacaya ardayda looga dhiggo. Hadalada labada masuul waxaa inooga soo baxay: 1- in ay jiraan buugaagtani oo dalka la soo geliyay. 2- in iskuulada gaar ka loo leeyahay qaar ka midi u isticmaalaan wixii ardayda nafci u leh. 3- in ay ku qoran yihiin buugtaas wax ka hor imanaya diinteena 4- in gudi loo saaray lana xisaabtami doonaan ka wasaarad ahaan cidii danbigaa laggu helo. Markaa waxaa muhiima in lays waydiiyo meeyay doorkii wasaaradda awqaafta oo ahayd in ay la socoto buugaagta iyo kutubta dalka soo gelaysa oo ay ahayd in wixii diinta saxa ah khilaafsan ama ka horimanaya ay joojiso. Waxaan soo jeedin lahaa xoogga ha la saaro in lagala shaqeeyo dawladda in la abuuro hay’ad ama gud’di qaabilsan faaf reebka aqoonta iyo buugaagta dalka soo gelaysa iyo kuwa laggu dhigto iskuulada, macaahidda iyo malcaamadahaba. Waxaa iyana u baahan in la shaandheeyo maktabadaha wax akhriska (libraries) oo la hubiyo in buugaagta taalaa aanay ka hor imanayn diinteena iyo dhaqankeena taa la’aanteedu waxay horseedi kartaa burbur iyo dhaawac soo gaadha diinta iyo dhaqanka ardayda, dhalinyarada iyo da’yarta u ooman aqoonta ee ka faaidaysanaysa maktabadahaas iyo goobaha aqoonta laggu kaydiyo. Arinta in la xuso mudan waxaa soo if baxaya in dalka uu ka jirro olole xawli ku socda oo lagu faafinayo diinlaawanimada (Secularism,العلمانيه ) Ayadoo baraha bulshada iyo goobaha waxbarashadaba lagga soo sheegayo dad faafinaya fikirkaas, arintaasi waa arin masuuliyadeedu inna wada saarantahay una baahan in laggu baraarugo lalana dagaalamo oo la suuliyo iyadoo la adeegsanayo wacyigelin iyo sixidba, dawladda iyo hayadaha ay khusaysana looga baahan yahay in ay xil iska saaraan loo dabar tiri lahaa fikirkan, qofkii laggu helana ay tahay in lala tiigsado sharciga oo la mariyo ciqaabta uu mutaystay. Waxaan qormadan ku soo afmeerayaa Soomalidu waxay tidhaahdaa “Ninkii seexdaa sacii dibi dhalay) arintu way ka sinno balaadhan tahay sida dadka qaarkii moodayaan waa duulaan qorshaysan oo ku socda da’yarta soo koraysa lehna ahdaaf iyo awood dabada ka riixaysa oo ay tahay in laga hortago layskana kaashado sidii loo badbaadin lahaa diinta iyo dhaqanka dhalinyarada iyo ubadka soo kacaya. Q: Ahmed Abdulkadir Ahmed(Kayse) Qaran News
  4. (SLT-Hargeysa)-Somaliland ayaa daahfurtay qalabka maamulka Hirarka isgaadhsiinta oo markii ugu horreysay laga hirgalin doono dalka Somaliland. Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Somaliland ayaa munaasabadda daahfurka ku sugnaa waxaana ay noqon doontaa markii ugu horreysay ee Somaliland laga hirgaliyo qalabka maamulka Hirarka Isgaadhsiinta. Dhammaan bulshada iyo siyaasiyiinta Somaliland ayaa soo dhaweeyay arrintaan, waxaana tallabadani ay noqonaysaa markii ugu horreysay ee degaanada Somaliland laga hirgaliyo qalabka maamulka Hirarka Isgaadhsiinta. “Qalab wax lagu dhageysto oo aanu wax ku dabagalaynaa qalabkani maaha , oo suuqaaba maanu la matneene waanu qarin lahayn , dadka wixii so kordha dhaliila ayaa halkaa ula kici doona , anaguna sharci uma haysano inaan dadka xogtooda dhageysano , ee waa Tiknoolajiyad cusub oo inoo soo korodhaye halasoo dhaweeyo “. Wasiirka Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi ayaa sidaa yidhi Source
  5. (SLT-Laascaanood)-Shil ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Laascaanood Iyo deegaanka Gambadha ee Bariga Gobolka Sool, waxaana lasoo sheegayaa in uu jiro khasaare ka dhashay shilkaas dhacay. Shilka ayaa yimid kadib markii gaadhi nooca Soomaalidu u taaqanno Booyadda uu jiidhay Geel farabadan waddada soo galay, waxaana dad goob joogayal ah ay sheegeen in Geelu uu fadhiyay waddada kadibna uu gaadhigu ku yimid. Khasaaraha ayaa ah ku dhawaad Labaatameeyo Geel ah oo halkaasi ku baaba’ay, degaanka uu shilku ka dhacay oo ah dhul baaddiye ah ayaan jirin Ciidan ama gurmad kale oo gaadhay sida la sheegayo. Wali maamulka Gobolka Sool iyo mas’uuliyiinta Somaliland kama hadlin arrintaan, waxaan muddooyinkii danbe soo badanayay Shilalka ka dhaca dalka Somliland, inkastoo shilkaani ay ka duwan yahay shilalkii hore uga dhici jiray dalka. Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Guddi hoosaadka Arrimaha gudaha iyo Nabadgalyada ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Shalay Gole-weynaha Wakiillada u gudbiyey isla-markaana soo bandhigay Wax ka beddel ay ku sameeyeen Xeerka doorashooyinka, waxayna soo jeediyeen in qodobbada ay wax ka beddelka ku sameeyeen sidaa lagu ansixiyo. Qoddobada ay wax ka beddelka ku sameeyeen isla-markaana Farqadihiisa qaarkood wixii ay dhigayeen Laaleen waxa ka mid ah Qodobka 76-aad ee Xeerka doorashada, kaasi oo Farqaddiisa 5-aad ka hadlaysay Kuraasta Kootada ah ee Haweenka loo qorshaynayo, laakiin Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Wakiilladu waxay sheegeen inay laaleen Qodobkaasi, maadaama uu ka hor imanayo Dastuurka oo sheegaya in Muwaadiniinta Somaliland u siman Sharciga hortiisa marka ay tahay doorashada, sidaasi darteedna aanay jirin wax Kooto ah oo Dastuurku sheegay. Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki oo Gole-weynaha u faahfaahinaya qodobbada ay wax ka beddelka ku sameeyeen iyo kuwa ay laaleen ayaa yidhi “Qodobka 36-aad Farqaddiisa koowaad ‘Xuquuqda Xorriyadda iyo waajibaadka uu Dastuurku uu xaqiijiyey, Haweenku way ula siman yihiin Ragga wixii Shareecada Islaamku midkood u gaar yeeshay mooyaane.” Ayuu yidhi, Xildhibaan Cabdillaahi Ballaaki oo soo xiganaya Dastuurka, waxaanu intaa ku daray oo sheegay inay Laaleen Farqado ka mid ah Qodobka 76-aad ee Xeerka doorashada “Guddiga waxa u caddaatay in qodobka 76-aad Farqaddiisa 5-aad iyo Qodobka 18-aad Farqaddiisa 2-aad iyo 3-aad ay ka soo horjeedaan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ogolayna wax kooto la yidhaahdo, siinayana xuquuq siman Muwaadiniinta Somaliland, sidaasi darteed waxa la laalay Qodobbada 76-aad farqaddiisa 5-aad iyo qodobka 18-aad Farqaddiisa 2-aad iyo 3-aad.” Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki waxa kale oo uu ka hadlay Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada “Guddiga Arrimaha guduhu iyagoo ka duulaya War-bixintii ay ka soo diyaariyeen Gobollada iyo degmooyinka dalka, markay arkeen in lagu kala qaybsan yahay, Cabasho badana ka jirto arrimaha Saami-qaybsiga, gaar ahaan Gobollada darafyada Somalilad, inay lagama maarmaan tahay in la helo Hanaan ama Qaab Saami-qaybsi oo ay Raalli ka wada yihiin heshiisna ku yihiin Dadweynaha ku nool gobollada iyo degmooyinka dalka. In arrinta Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilladu aanay ahayn mid sharci oo keliya, balse ay Tahay Carqalad siyaasadeed iyo degaan, sidaasi darteedna loo baahan yahay in xal waara loo helo. Waxaanu Golaha u soo jeedinaynaa Golaha inuu go’aan ka qaato arrimaha Saami-qaybsiga ee ay Cabashadu ka jirto, in Goluhu uu wax ka beddel ku sameeyo Saami-qaybsiga ku xusan Xeerkan Qodobkiisa 78-aad ee habka qaybinta Kuraasta Golaha Wakiillada.” Ugu dambayn, Xeerka doorashada ee Guddiga arrimaha Guduhu wax ka beddelka iyo kaabista ku soo sameeyeen ayaa loo qaybiyey Mudaneyaasha Golahaasi si ay u soo akhriyaan, si Maalmaha soo socda loo ansixiyo. Source
  7. Waqtiga iyo waayahuba waa casharo aadanahu, dunida ka korarsadaan, khibrad iyo aragtiyo cusub. Xikmad ku odhanayso ayaa jirta “taariikhdu waxay kaaga warantaa wixii dhacay, si ay kuu tusto mustaqbalkaaga” oo uu nuxurkeedu yahay qaladaadkii horay kuugu dhacay in aaney,dib danbe kuugu dhicin. Waxaa xusid mudan in aynu dib u eegno loolanadii siyaasadeed iyo dagaaladii qabaaileed ee aynu soo marnay iyo is maan dhaafkoodii ku saleysnaa damaaci xukun, mid kastana la dayeysanaa, WALAALKAA DIBIBINDAABYEE, taasoo aakhirkii keentay in ay kuligood isku noqdaan cadow, beeshuuna u durbaan tumeneysey, dakano qabiil iyo mid dowladeedba. Ragaas inta uu loolanka uu u dhaxeeyey waa laga waayay, in ay isu tanaasulaan si ay u meel marto dantooda iyo tan umadda ay mas’uulka ka yihiin ha ahaatabe. Haddaba, raggii ku dhaqmi jirey caadooyinka aragtidooduna aynu soo sheegnay oo iyagoo walaalo ah ay colaadda foosha xun dhex mari jirtey, ayaa waxuu xaalkoodu ku danbeeyay in aakhirkii markii ay talo farahooda ka wada baxday oo ay jabeen ay isu soo direen gabayo digasho iyo dardaar werin isugu jiray oo nuxurkoodu uu kusoo ururayay “Ruux haduu kuu darnaan jiray waalagu digtaa”, iyo “maxaad igaga diganeysaa waxaad iga danbeysaaba waa, deyrta maanta ahe!”, iyadoo intii kasoo hadhayna dufaanadii colaadeed ay raaceen ileyn iyagaa isdabar gooyay oo garbahoodii dunshay. Waxaana nasiib daro labaad iyo sadexaadba ah, Qarnigan aynu joogno kuwa raba in shacab iyo dadyow badan aay meel ugu xidhnaadaan, oo jid iyo jahoba u diidaan, walibana magacyo iyo maamuus ku dhex leh dadkii, masuuliyadna kuu xambaarsan yihiin oo waliba codkaaga iyo ficilkaaga kugu dulaystaan, kugu dulmaan, dhiigaagana ku xalaalaystaan , adiguna aad garan ladahay. PROF. MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA) KRISTIANSAND, NORWEY jaafaa66@gmail.com . Qaran News
  8. New York (Caasimada Online) – Mareykanka oo ka mid ah dalal taageero Somalia ayaa ka hadlay amniga dalka, gaar ahaan lacagaha uu ku bixiyey 20-kii sano ee la soo dhaafay. Ku simaha safiirka Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay, Cherith Chalet ayaa Golaha Ammaanka ka hor shaacisay in lacag gaareyso $5.3 bilyan ay ku bixiyeen amniga Soomaaliya, islamarkaana aysan ka soo bixin wax natiijo ah, sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale waxa ay intaasi raacisay in aysan isu dhigmin lacagaha faraha badan ee lagu bixiyey ammaanka Soomaaliya iyo natiijooyinka ka soo baxa. Cherith Chalet ayaa sheegtay in Mareykanku uu muddadaasi adeegsanayey duqeymo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab, balse tallaabooyinka Milatari kaliya aan xal lagu gaari karin. “Mareykanku wali wuxuu adeegsanayay duqeymo isagoo rajeynayay inuu ku dhufto shakhsiyaadka muhiimka ah ee Shabaab– Hase yeeshee waxaa shaki la’aan ah in tallaabooyinka milatari aanu ahayn xalka kaliya ee looga guulaysan karo argigixisada Al-Shabaab,” ayuu tiri Cherith Chalet. Ugu dambeyn waxay ay walaac ka muujisay lacagaha Canshuuraha ah ee la siiyo dagaalyahanada Al-Shabaab, iyada oo tusaale u soo qaadatay weerarkii Hotel Elite oo ay sheegtay in dhaqaalaha lagu abaabulay laga qaaday xarumaha ganacsiga Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo todobaadkan Africom shaacisay duqeymaha ay sanadkan 2020 ka fulisay Soomaaliya, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab. The post Immisa lacag ah ayuu Mareykanka ku bixiyey amniga Soomaaliya? first appeared on Caasimada Online.
  9. Qatar Airways ayaa saacadihii tagay ku dhawaaqday iney dib u bilaabi doonto duuliimaadyadeeda caasimadda Muqdisho. Sida ay wararku sheegayaan, waxaa lagu wadaa in todobaadkii ay saddex jeer timaamo Muqdisho, waxaa uuna duulimaadka ugu horeeya bilaaban doonaan 06 September 2020. Diyaaradda oo nooceedu yahay Airbus A320 ayaa mar walba iman doonta Soomaaliya, waxaana la sheegay in leeyahay 12 kursi oo Business class ah iyo 120 kursi oo Economy class ah. Diyaraddan oo heshay abaalmarin calami ah ayaa qeyb ka ah duliimaadyada ay ku tageyso meelo badan oo Afrika ah sida Addis Ababa, Dar es Salaam, Djibouti, Kigali, Kilimanjaro, Nairobi, Tunis iyo Zanzibar. Xiriirka Qatar iyo maamulka Farmaajo ayaa aad u wanaagsan, waana dalka keliya ee Khaliijka ah ee diyaaradiisu timaado Soomaaliya, lamana hubo in Qatar ay sii wadi-doonto adeegees Farmaajo kadib iyo in kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Golaha Wakiilada Somaliland Oo Laalay Kootada Haweenka “Guddiga waxa u caddaatay in qodobka 76-aad Farqaddiisa 5-aad iyo Qodobka 18-aad Farqaddiisa 2-aad iyo 3-aad ay ka soo horjeedaan Dastuurka, sidaasi darteed waxa la laalay…” Guddi hoosaadka Arrimaha gudaha iyo Nabadgalyada ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Shalay Gole-weynaha Wakiillada u gudbiyey isla-markaana soo bandhigay Wax ka beddel ay ku sameeyeen Xeerka doorashooyinka, waxayna soo jeediyeen in qodobbada ay wax ka beddelka ku sameeyeen sidaa lagu ansixiyo. Qoddobada ay wax ka beddelka ku sameeyeen isla-markaana Farqadihiisa qaarkood wixii ay dhigayeen Laaleen waxa ka mid ah Qodobka 76-aad ee Xeerka doorashada, kaasi oo Farqaddiisa 5-aad ka hadlaysay Kuraasta Kootada ah ee Haweenka loo qorshaynayo, laakiin Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Wakiilladu waxay sheegeen inay laaleen Qodobkaasi, maadaama uu ka hor imanayo Dastuurka oo sheegaya in Muwaadiniinta Somaliland u siman Sharciga hortiisa marka ay tahay doorashada, sidaasi darteedna aanay jirin wax Kooto ah oo Dastuurku sheegay. Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki oo Gole-weynaha u faahfaahinaya qodobbada ay wax ka beddelka ku sameeyeen iyo kuwa ay laaleen ayaa yidhi “Qodobka 36-aad Farqaddiisa koowaad ‘Xuquuqda Xorriyadda iyo waajibaadka uu Dastuurku uu xaqiijiyey, Haweenku way ula siman yihiin Ragga wixii Shareecada Islaamku midkood u gaar yeeshay mooyaane.” Ayuu yidhi, Xildhibaan Cabdillaahi Ballaaki oo soo xiganaya Dastuurka, waxaanu intaa ku daray oo sheegay inay Laaleen Farqado ka mid ah Qodobka 76-aad ee Xeerka doorashada “Guddiga waxa u caddaatay in qodobka 76-aad Farqaddiisa 5-aad iyo Qodobka 18-aad Farqaddiisa 2-aad iyo 3-aad ay ka soo horjeedaan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ogolayna wax kooto la yidhaahdo, siinayana xuquuq siman Muwaadiniinta Somaliland, sidaasi darteed waxa la laalay Qodobbada 76-aad farqaddiisa 5-aad iyo qodobka 18-aad Farqaddiisa 2-aad iyo 3-aad.” Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki waxa kale oo uu ka hadlay Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada “Guddiga Arrimaha guduhu iyagoo ka duulaya War-bixintii ay ka soo diyaariyeen Gobollada iyo degmooyinka dalka, markay arkeen in lagu kala qaybsan yahay, Cabasho badana ka jirto arrimaha Saami-qaybsiga, gaar ahaan Gobollada darafyada Somalilad, inay lagama maarmaan tahay in la helo Hanaan ama Qaab Saami-qaybsi oo ay Raalli ka wada yihiin heshiisna ku yihiin Dadweynaha ku nool gobollada iyo degmooyinka dalka. In arrinta Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilladu aanay ahayn mid sharci oo keliya, balse ay Tahay Carqalad siyaasadeed iyo degaan, sidaasi darteedna loo baahan yahay in xal waara loo helo. Waxaanu Golaha u soo jeedinaynaa Golaha inuu go’aan ka qaato arrimaha Saami-qaybsiga ee ay Cabashadu ka jirto, in Goluhu uu wax ka beddel ku sameeyo Saami-qaybsiga ku xusan Xeerkan Qodobkiisa 78-aad ee habka qaybinta Kuraasta Golaha Wakiillada.” Ugu dambayn, Xeerka doorashada ee Guddiga arrimaha Guduhu wax ka beddelka iyo kaabista ku soo sameeyeen ayaa loo qaybiyey Mudaneyaasha Golahaasi si ay u soo akhriyaan, si Maalmaha soo socda loo ansixiyo. Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa inay beri oo Talaado ah, kuna beegan 1-da September 2020 ay soo gaari doonaan gudaha caasimada. Wararkii u dambeeyey ayaa sheegaya in qaban-qaabada socdaalka labada Madaxweyne ay uga soo kala kicitimayaan Kismaayo iyo Garoowe laga dareemayo magaalooyinkaasi. Sidoo kale wafdi horudhac u ah iyo ciidamo ilaalo ah ayaa saacadihii la soo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaas oo diyaarad qaas ah lagu keenay. Axmed Madooeb iyo Deni oo la filayey in Axadii ay yimaadaaan Muqdisho ayaa u baaqday arrimo farsamo, balse waxay si rasmi ah beri uga soo dagayaan garoonka Aadan Cadde. Hoggaamiyeyaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo horey diiday shirkii magaalada Dhuusamareeb ayaa wada-hadallo la yeelan doono Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana gadaal ka riixaya shirkooda xubnaha beesha caalamka. Dhinaca kale xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in labada Madaxweyne ay degi doonaan madaxtooyada iyo agagaarkeeda, Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu dego madaxtooyada, halka Deni uu degi doono guri gaar ah oo u dhow madaxtooyada. Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo xiisada u dhexeysa dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland ay ka dartay, kadib shirkii Dhuusamareeb oo lagu go’aamiyey doorashada 20/21. The post Wararkii ugu dambeeyey safarka Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ee Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  12. Warar hoose ayaa ka soo baxaya kulan qarsoodiya, oo sabtidii dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland iyo Saraakiil ciidan oo ka soo jeeda gobolka Sool, kaas oo looga hadlay arrima xasaasiya. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyaha Ciidamada Gen. Nuux Ismaaciil Taani, oo sabtidii kulan qarsoodiya Hargeysa kula yeeshay Saraakiil ciidan oo ka yimid gobolka Sool, ayaa kala hadlay sida ugu fudud ee Somaliland ku qabsan karto degmada Boocame ee gobolka Sool. Wasiirka Kaahin, ayaa u sheegay saraakiisha ka soo jeeda gobolka Sool, in wakhtigan aan loo baahnayn dagaal toos ah oo dhexmara Puntland iyo Somaliland, maadaama sida uu xusay labada dhinac uu ka dhexeeyo heshiis nabad-gelyo, balse loo baahanyahay in la abaabulo ciidamo xooggan oo degaanka ah, kuwaas oo Puntland ka fara-maroojiya degmada Boocame. Gen. Taani, oo isna hadal kooban u jeediyay saraakiisha, ayaa sii xoojiyay hadalka Wasiirka, isagoo ka dalbaday saraakiisha in ay abaabulaan ciidamo degaanka ah, oo ku hawlgala magaca Somaliland, si degmada Boocame u gasho gacanta Somaliland. Labada mas’uul, waxay sidoo kale saraakiisha reer Sool u sheegeen, in abaabulka loo ekaysiiyo mid ka yimid dadka degaanka oo taageersan Somaliland, balse laga ilaaliyo in uu u muuqdo mid Somaliland abaabushay. Ugu dambayntii, saraakiisha reer Sool ayaa ballan-qaaday in ay ku dhaqaaqi doonaan abaabulka iyo diyaarinta hawshaas, waxaase ay dalbadeen kharashkii lagu fulin lahaa qorshaha, kaas oo mas’uuliyiinta Somaliland ballan-qaadeen. Kulanka labada dhinac, ayaa la sheegay in ay abaabuleen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo ka soo jeeda gobolka Sool, inkastoo aysan ka qayb-gelin, taas oo lagu micneeyay in uu jiray kulan hore u dhexmaray mas’uuliyiinta reer Sool iyo Wasiir Kaahin oo looga hadlay arrimahan. PUNTLAND POST The post Xog: Somaliland oo qorshaynaysa in ay si xeeladaysan ku qabsato Degmada Boocame appeared first on Puntland Post.
  13. Madaxweyne Carbeed oo ku baaqay in dalkiisa qaato Nidaamka Calmaaniyadda !! Madaxweynaha dalka Lubnaan, Misheel Cawn, oo ka hadlay sanad guurada 100-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Lubnaan ayaa ku baaqay in dalkiisa qaato nidaamka Calmaaniyada oo wax badan u tareysa sida uu tilmaamay. Waxa uu sheegay Madaxweyne Cawn in nidaamka Calmaaniyada uu yahay midka keliya ee xiligan lagu ilaalin karo isla markaana midnimo dhab ah looga hirgelin karo dalkaasi oo xaalad adag ku jira. Madaxweyne Misheel Cawn, ayaa tilmaamay nidaamka awood qeybsiga diimaha ee dalkaasi looga dhaqmo uusan xiligan ku habooneyn uuna caqabad ku yahay horumarka iyo la dagaalanka musuq-maasuqa. Dalka Lubnaan ayaa waxaa ka jira xiligan nidaam awood qeybsi dhanka diimaha ku saleesan, waxaana Madaxweynaha dalkaasi kasoo jeeda Masiixiyiinta Lubnaan ,halka Ra’isul Wasaarihii is casilay kasoo jeedo Muslimiinta sunniga , Afhayeenka Baarlamaanka ayaa isna kasoo jeeda Shiicada Lubnaan. Madaxweynaha dalka Lubnaan ayaana hada wada olole xoogan uu ku doonayo in meesha laga saaro nidaamkan diimaha wax loogu qeybsado, waxa uuna ku taliyay in dalkaasi qaato nidaamka aan diinta ku saleesneen ee Calmaaniyada . Qaran News
  14. Ra’iisal-wasaaraha Israel oo ka shifay Sir ku saabsan Wadahadalo Hoose oo ay la leeyihiin dalal … Dowlada Mareykanka ayaa bilowday in qaar kamid ah Wadamada Carabta in ay ku cadaadiso in ay la heshiiyaan sidoo kale xiriir la sameestaan maamulka Yahuuda Isra’il oon wax xiriir ah kala dhaxeyn inta badan Wadamada Carabta iyo kuwa Islaamka. Isra’il ayaana dhawana heshiis la gashay dowlada Imaaraadka Carabta waxaa sidoo kale hada wadahadalo qarsoodi ah kula jiraan qaar kamid ah Wadamada Carabta oo la filayo in dhawaan heshiis gaaraan. Ra’iisul Wasaaraha maamulka Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu jiro wadahallo qarsoodi ah oo maamulkiisa la leeyahay dhowr dal oo Carbeed kuwaa uu sheegay in ay cilaaqaad sameysanayaan. “Waxaa jira shirar aan la shaacin oo Israel ay la yeelatay hoggaamiyeyaal Carab iyo Muslimiin ah oo lagu doonayo in lagu caadiyeeyo xiriirka ay la leeyihin Israel” ayuu yiri Benjamin Netanyahu . Dowlada Mareykanka ayaana kaalin weyn ku leh cadaadiska qaar kamid ah Wadamada Carabta lagu saarayo in xiriir la yeeshaan maamulka Isra’il, waxaa sidoo kale socda qorshe lagu soo celinayo duulimaadka Tooska ah ee Isra’il iyo qaar kamid ah wadamada Carabta. Qaran News
  15. Wasiir hore oo shaaciyey in Musuq-maasuqa hadda ka jira Soomaaliya uu billaabay Farmaajo Wasiirkii hore qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa aaminsan in Madaxweyne Farmaajo aysan u furneen waddo uu ku diido musuq-maasuqa ka jira Soomaaliya. Caynte wuxuu qabaa in madaxweynaha hadda talada haya uu yahay shaqsi kusoo baxay hanaanka is-dabamarinta iyo laaluush bixinta mar uu ka qeyb galayay kulan ay soo qaban-qaabiyeen hawlwadeenada Machadka Daraasaadka Hiigsi. Wasiirkii hore wuxuu sheegay in Farmaajo uu laaluush ku bixiyay doorashadii lagu doortay horaantii 2017, sidaas darteed aysan muuqan sabab uu kula dagaalamo musuq-maasuqa. Dhawaan ayey aheyd markii xukunno kala duwan lagu riday hawlwadeeno ka tirsanaa wasaaradaha caafimaadka, kalluumeysiga iyo warfaadinta kuwaas oo lagu eedeeyay musuq-maasuq. “Waxaan arkay rag agaasimayaal ah oo loo heysto lacag ay ka dhaceen wasaaradda caafimaadka, ninka hogaamiya wadanka ayaa bilaabay, aniga waxaan rabaa in qofka uu isaga marka hore nadiif yahay, markaas ayuu wax diidi karaa,” ayuu yiri Caynte. Dhanka kale Cabdiraxmaan Caynte wuxuu carabka ku dhuftay in xukuumadda hadda jirta ay ku fashilantay qeybo ka mid ah hirgalinta heshiiskii London, kuwaas oo ay ugu weyn yahiin dastuurka iyo cod bixinta. Qaran News
  16. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ah Sii hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Maanta oo Isniin ah kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradda Difaaca iyo Taliska Ciidamada Milateriga Soomaaliya. Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in Sii hayaha Xilka Ra’iisul wasaaraha Dalka uu kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Difaaca iyo Taliska Ciidanka Milateriga. Kulanka waxaa looga hadlay Dardar-gelinta iyo dhammaystirka Dib u-habaynta Ciidamada sida lagu sheegay Qoraalka xafiiska Sii haya Ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed. PUNTLAND POST The post Sii hayaha Xilka Ra’iisul wasaaraha oo Kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradda Difaaca iyo Taliska Ciidamada Milateriga appeared first on Puntland Post.
  17. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo ballaaran oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada Jubbaland ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose. Howl-galladan ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay illaa 20 ruux oo isugu jira dad ka ganacsanayey Maandooriyaha iyo kuwa isticmaalayey. Taliyaha Booliiska Kismaayo Warsame Axmed Rooble oo la hadlay Wariyeyaasha aya sheegay in u jeedka howl-galka uu yahay mid ay kula dagaalamayaan maandooriyaha. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya inay sii wadi doonaan, si loo xaqiijiyo amniga guud ee magaaladaasi. Kismaayo oo xarun KMG u ah Jubbaland ayaa ka mid ah meelaha sida wey loo xoojiyey amnigeeda, waxaana ka howl-gallada ciidamada ammaanka ee maamulkaasi. View the full article
  18. Beerta Xayawaanka Maraykanka oo ay ku qaadatay 114 sano inay raalli gelin ka bixiso wiilka Afrikaana oo ay xayawaan ula dhaqantay? Ota Benga oo haya daanyeer gudaha Mareykanka Ota Benga ayaa sannadkii 1904 laga afduubtay halka maanta loo yaqaano Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, waxaana la geeyay beer lagu xanaaneeyo xayawaanada oo ku taalla dalka Mareykanka si dadku ay ugu daawasho tegaan, weriye Pamela Newkirk, oo wax ka qortay xaaladda wilkan ayaa ka shekeyneysa tobbonaan sanno kaddib sida ay wax u dhaceen. In ka badan muddo qarni ah kaddib markii warbaahinta caalamka ay siyaabo kala duwan uga hadashay wiil yar oo Afrikaan ah oo la geeyay beer lagu hayo daanyeerka si dadku ay u daawasho tegaan, beerta xayawaanka Bronx Zoo oo ku taalla New York ayaa ugu dambeyntii raalli gelin ka bixisay wiilka lagu hayay halkaas. Raalli gelinta ay bixiyeen ururka ilaalinta duur joogta ayaa imaaneysa xilli dunida ay ka socdeen dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dilka ninkii madowga ahaa ee loogu geystay Mareykanka. Agaasimaha ururka ilaalinta duur joogta (WCS) Cristian Samper, wuxuu sheegay in beertaas oo ay maamulaan ay ka go’antahay in si hufan ay u abaarto dhacdadaas oo si weyn ay u baahiyeen warbaahinta Yurub iyo Mareykanka 9-kii bishii September sanadkii 1906-dii, maalin uun kaddib markii Ota Benga lagu soo bandhigay beerta tan iyo markii lasii daayay 28-dii bishii September sanadkii 1906-dii. ‘Wuxuu ahaa shaqaalaha beerta’ Horraantii sanadkii 1906-dii, warqad kasoo baxday beerta xayawaanka ayaa muujineysa in saraakiisha in Ota Benga uu ahaa shaqaalaha beerta xilli la dhaleecenayay dhacdadaas. Ota Benga (Midig) oo la sawiran saaxibadiis, sanadkii 1904 xilli la geeyay bandhig carweed ka dhacay Mareykanka Waa kuma Ota Benga? Waxaa la qabtay bishii Maarso sanadkii 1904-tii, waxaa Congo ka qabtay ganacsade Mareykanka u dhashay oo la yiraahdo Samuel Verner, Inkasta oo aan xilliggaas la ogeyn da’diisa balse waxaa lagu qiyaasay 12 ama 13 jir. Waxaana lagu qaaday markab, waxaa la geeyay New Orleans, sanad kaddib waxaa lagu soo bandhigay goob ku taalla St Louis isaga iyo 8 wiil oo kale. Wuxuu bandhiggaas socday ilaa xilligga qaboobaha, lamana siin wax dhar ah oo ay dhaxanta isaga celiyaan. Bishii September ee sanadkii 1906-dii, waxaa 20 maalmood lagu hayay beerta xayawaanka ee ku taalla New York ee Bronx Zoo, dad fara badan ayaa usoo daawasho tegay. Waddaado kiristaan ah ayaa ka carooday arrintaas, taas waxay horseeday in laga sii daayo beerta, waxaana la geeyay xarun lagu xanaaneeyo agoonta oo uu maamuli jiray nin la yiraahdo James H Gordon. Bishii Jannaayo sanadkii 1910-kii, wuxuu aaday kuleej ay dhigtaan ardeyda madowga ah oo ku yaallay Virginia. Waxaana markii dambe lagu soo warramay in uu lasoo dersay welwel, bishii Maarso sanadkii 1916-kii waa uu is dilay kaddib uu isku dhuftay qori uu qarsanayay, waxaana loo maleynaya in da’diisu ay aheyd 25. Sawir laga soo qaaday Ota Benga sanadkii 1904 Isha: Buugga la qoray nolosha Ota Benga Wargeyska New York Times wuxuu marar badan wax ka qoray xaaladda Ota Benga, markii ugu horreysay 9-kii bishii September 1906-dii, wuxuu cinwaan boggiisa hore ka dhigay “Ninkii duurgalka ahaa oo beerta Bronx Park kula jira daanyeerka” Agaasimaha ururka maamula xaruntan ayaa sheegay “In si weyn ay uga shaleynayaan in dad iyo jiilal badanba ay waxyeelleysay arrintani ama inay horey ay ugu guuldareysteen in si cad ay u dalleeceeyaan dhacdada” Wuxuu sidoo kale cambaareeyay in dadkii aasaasay beerta oo ay kamid yihiin Madison Grant iyo Henry Fairfield Osbor in kaalin weyn ay ka qaateen in Ota Benga la geeyo beerta xayawaanka si loo daawado. Qaran News
  19. Jowhar (Caasimada Online) – HirShabelle oo ah maamulkii u dambeeyey ee ka aas-aasmay dalka ayaa ahaatan u diyaar garoobeyso doorashada guud ee maamulkaasi. Xildhibaan Nuur Xaashi oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka maamulkaasi oo u warramay Mustaqbal ayaa ka hadlay arrimaha doorashada ee maamulkaasi iyo haddii ay jirto cabsi ay ka qabaan in dowladda federaalka ah ay fara-geliso doorashada HirShabelle. Mr Xaashi ayaa sheegay in aysan cabsi ka qabin fara-gelin toos ah oo uga imaata dowladda dhexe, isaga oo sheegay in kaalinteedu ay tahay kaliya kor joogteynta doorashadaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in nidaamka dhismaha uu yahay mid ay ku qanacsan tahay dowladda Soomaaliya, islamarkaana aysan HirShabelle mucaarad aheyn. “Cabsi kama qabno Hir-Shabeelle ahaan in DFS ay farageliso Doorashada, waxa ay kaalin ku leedahay in ay kor joogteyso sida ay wax u socdaan, Nidaamka Dhismaha waa mid ay ku qanacsan tahay Dowladda oo maamulka mucaarad kuma ahan DFS” ayuu yiri Xil. Nuur. Dhinaca kale wuxuu faah faahin ka bixiyey u diyaar garowga doorashada iyo qorshaha uu wada maamulka, isaga oo hoosta ka xariiqay inay si wanaagsan wax u socdaan. “Si wanaagsan ayay wax u socdaan, kaalin dastuuri ah ayay ku leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Dhismaha Maamulka, kor joogteyn iyo wax toosin, Hir-Shabeelle Dowladdu uma aragto khatar mucaaradnimo”. ayuu sii raaciyey Xildhibaanka oo ka tirsan Baarlamaanka HirShabelle. Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in laga wada shaqeyo midnimada iyo horumarka maamulkas, si looga gudbo caqabadaha ka jira gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. HirShabelle ayaa dhowaan ku dhaqaaqay guddiga soo xulista baarlamaanka 2-aad ee maamulkaasi, waxaana xigi doono doorashada Madaxweynaha. Isha ayaa si weyn loogu hayaa doorashadaasi, gaar ahaan waxa ay uga duwanaan doonto tii Galmudug oo door muuqda ay ku laheyd dowladda federaalka ah ee Soomaalliya The post HirShabelle cabsi ma ka qabtaa in DF Soomaaliya ay fara-geliso doorashadeeda? first appeared on Caasimada Online.
  20. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaaTalaadada berriya oo ku beegan 1-da September 2020 ku wajahan Magaalada Muqdisho, halkaas oo socdaalkii u horreeyay uu ku tegi doono tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Puntland 8-dii January 2019. Madaxweyne Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo isna berri tegi doona Muqdisho, waxay Kulan gaar ah la oo ku saabsan Arrimaha Doorashada Soomaaliya la yeelan doonaan Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto oo dhex-dhexaadinaya iyaga iyo Farmaajo. Deni iyo Axmed Madoobe, waxay sidoo kale Kulan la qaadan doonaan Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay ka wada-hadli doonaan Turxaan-bixinta Heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo Puntland iyo Jubaland ka maqnaayeen, islamarkaana Qodoba kamid ah ay weli diiddan yihiin. Kulamadaasi kadib, waxa la filayaa in uu Muqdisho ka dhaco Shir ay u dhan yihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaas oo looga hadlayo Marxaladda kala guurka ah iyo Hannaanka Doorashada 2020/2021. Sidoo kale, Madaxweyne Deni wuxuu kulamo gaar-gaar ah Muqdisho kula qaadan doonaa qaar kamid ah Safiirada dalalka Shisheeye, oo ay ku jiraan Turkiga iyo Talyaaniga, kuwaas oo uu kala hadlayo Arrimaha Puntland. PUNTLAND POST The post Deni oo Talaadada berriya ku wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. (SLT-Hargeysa)-Guddida doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhammaadka toddobaadkn diwaan-gelin tijaabo ah ka bilaabaya gobollada Hawd iyo Daadmadheedh. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ku bogaadiyey guddida doorashooyinka qaranka Diiwaangelinta casriga ah ee codbiyeyaasha ee tijaabada ah sida uu kusoo qoray barta uu ku leeyahay Facebook “Waxa aan ku bogaadinayaa Komishinka Doorashooyinka Qaranka [KDQ] in ay ka bilaabayaan Arbacada 2da September 2020ka, Gobolka Daadmadheedh Magaala Madaxdiisa Oodweyne iyo Gobolka Hawd Magaala Madaxdiisa Balligubadle Diiwaangelinta casriga ah ee codbiyeyaasha oo tijaabo ah” ayuu yidhi Source
  22. (SLT-Laascaanood)-Sheekh Maxamed Shekh Cumar Dirir iyo wefti culimo ah oo uu hogaaminayo oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Sida uu ku soo waramayo wariye Liibaan Axmed Ciise (Liibaan Qaran) oo wakaaladda wararka Somaliland ee solna uga soo warama gobolka Sool, weftiga uu Sheekh Maxamed Shekh Cumar Dirir, hogaaminayo oo ka soo kicitimay gobolka Buuhoodle ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey dulaadka magaalada Laascaanood, kaas oo ay si weyn uga dhexmuuqdeen culimada gobolka Sool iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee magaalada Laascaanood, waxaana halkaas ka hadlay xubno ka tirsan culimada gobolka Sool oo sheegay in ay aad ugu farxsan yihiin in ay halkaas ku soo dhaweeyeen weftiga culimad ah ee uu hogaaminayo Sheekh Maxamed Shekh Cumar Dirir, kana mid ahaayeen Sheekh Xasan Sheekh Cali Warsame, Sheekh Axmed Jaamac Ismaaciil Mire iyo Sheekh Mahad iyo culimo kale. Geesta kale, Sheekh Maxamed Shekh Cumar Dirir, oo halkaas ka hadlay ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta ballaadhan ee loo sameeyey weftigooda, isaga oo intaas raaciyey in ay aad ugu faraxsan yihiin tagitaanka gobolka Sool, oo uu tilmaamay in aanu muddo dhawr iyo toban sannadood ah tagin, wuxuuna Sheekhu alle ka baryey inuu dadka iyo dalkaba inoo barakeeyo. Source
  23. Ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay soo qabteen askari la sheegay inuu ka tirsanaa xoogga dalka oo dil u geystay qof shacab ah mid kalena dhaawacay. Howlgal ka oo dhacay degmada Dhoobley ayaa lagu soo qabtay askariga la xusay inuu falka geystay, waxaana jirtay inta qabashadu socotay uu dagaal uu dhex maray ciidamada iyo askariga la baadi goobayey. Saraakiisha ciidamada Daraawiishta ayaa sheegay in la hor geyn doono sharciga lana waafajinayo cadaaladda, waxaana muddooyinkii danbe jiray askar dil iyo dhaawac u geysanayo dadka shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. (SLT-Lubnaan)-Madaxweynaha Lubnaan, Misheel Cawn, ayaa ku baaqay in dalkiisa uu qaato nidaamka calmaaniyadda, kaasoo uu ku tilmaamay inuu yahay qaabka keliya ee “lagu ilaalin karo wadaniyadda” isla markaana midnimo dhab ah looga hirgelin karo dalkaasi. Mr Cawn ayaa sheegay in awood qeybsiga ku salaysan diimaha ay dalkaasi ku habooneyd 1980-maadkii, xilligaasi oo uu ka soo baxayay dagaal sokeeye, balse hadda ay caqabad ku tahay horumarka iyo la dagaallanka musuq-maasuqa. Waxa uu ka hadlayay sanad guurada 100-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Lubnaanta maanta jirta. Xilalka ugu sarreeya dalkaasi ayaa hadda lagu qeybsadaa qaab diini ah. Misheel Cawn oo madaxweynaha ah waxa uu ka soo jeedaa Masiixiyiinta Lubnaan, halka ra’iisal wasaaraha uu yahay nin Muslim Sunni ah, afhayeenka baarlamaankana laga dhigo qof Muslim Shiici ah. Xukuumaddii uu hogaaminayay ra’iisal wasaare Xasan Diyaab ayaa is-casishay 10-kii August kadib markii uu dekadda caasimadda Beyrut ka dhacay qarax xooggan oo khasaaro badan dhaliyay. Ugu yaraan 200 oo qof ayaa ku dhintay qaraxaasi ka dhashay 2,700 tan oo ah maadada ammonium nitrate, taasoo si ka fiirsasho la’aan ah loogu keydiyay makhaasiin ku yaal dekadda. Tan iyo waagaasi waxaa jiray dedaallo lagu soo dhisayo xukuumad cusub. Wararka ayaa sheegaya in danjiraha Lubnaan u fadhiya Jarmalka, Mustafa Adiib, ay u badan tahay inuu xilkaasi qabto kadib markii uu taageero ka helay dhinacyada ugu muhiimsan siyaasadda waddankaasi. Lubnaan ayaa waxaa haysta dhaqaalo xumo baahsan, oo waxaa cayrtoobay tobanaan kun oo qof. Arintaasi ayaa dhalisay dibedbaxyo ballaaran oo ka dhan ah dowladda. Haddii aanay waxba isbedelin, waxa ay u badan tahay in danjire Mustafa xilkaasi loo magacaabo Isniinta maanta ah. Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa lagu wadaa in isla maanta uu booqdo caasimadda Beyrut, si uu hogaamiyayaasha Lubnaan ugu cadaadiyo inay keenaan isbedal wax ku ool ah. Source