-
Content Count
211,703 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Jaamac Hilaac oo ahaa xoghayihii dib u dejinta ee cusbiga WADDANI, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii iyo xubinimadii xisbigaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Wararka aan ku heleyno qeybo ka mid ah Muqdisho ayaa sheegaya in saaka ay xiran yihiin qeybo ka tirsan jidadka magaalada Muqdisho. Dadka oo isugu jira shaqaale, ardey iyo dhammaan yar iyo weyba dan kasta oo ay leeyihiin ayaa lagu qasbay iney lugeeyaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in loo xiray imaanshiyaha ay Xamar iman-doonaan madaxweyneyaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland Saciid Deni. Labada nin ayaa lagu wadaa iney Farmaajo kala hadlaan arrimaha doorashada 2020/2021 iyo natiijada shirkii Dhuusamareeb 3. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-London)-Booliska UK ayaa madaxiisa dul dhigay lacag muwaadin Somali British ah oo laba sanno ah baadi goob loogu jiray, kaasoo lala xidhiidhiyay dil ka dhacay magaalada Cleethorpes. Abdi Ali oo leh magacyo kala duwan sida Madman, Madders ama Gulaid ayaa lala xidhiidhiyay inuu qeyb ku lahaa dil 2018 lagu khaarijiyay Shaun Lyall, 47-jir, meydkiisana laga dhex-helay guri uu ku noolaa bishii July, 2018-kii. Ciidammada booliskana waxay xaqiijiyeen in jidhkiisa ay ka muuqdeen dhaawacyo gaadhaya 170. Afhayeen u hadlay booliska ayaa ku dhawaaqay in lacag dhan $6,666 la siin doono qofkii keena xog ku saabsan soo qabashada Abdi Ali. Kiiskan waxaa hore xabsi daa’in loogu xukumay Craig Whittle oo lagu waramay in ay fal-dambiyeedka isla geysteen, isla markana biqiyay xogta ku saabsan Abdi Ali. Booliska ayaa soo bandhigay astamaha lagu garan karo Abdi Ali oo leh Ilkahiisa hore dahab, wuxuuna badi adeegsadaa magacyadda Madman, Madders ama Gulaid”. Haddii gacanta lagu dhigo Abdi Ali ayaa wuxuu waajahi karaa xabsi daa’in cimrigaa haku furto ah. Muwaadinkaan Somali Britishka ah ayaa wuxuu ka tirsan yahay koox dilaayaal ah isla markaana derogada Saxaafadda Britain ayaa warisay in Cabdi Cali uu ka tirsan yahay koox budhcad ah oo ciidamadda Cleethorpes aad u doon-doonayaan. Fal-dambiyeedyadda ay kamid yihiin dhaca iyo dilalka loo adeegsado Tooreyda ayaa ku badan gudaha Ingiriiska, iyaddoo qaarkood ay ku lug-yeeshaan dhalinyaro Soomaali ah, kuwaasoo xukuno culus lagu rido. Source
-
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Tababar usoo xiray ciidamo kamid noqonaya Darawiishta Dowlada Goboleedka Jubbaland. Ciidamadan oo si gaar ah u tababaran ayaa ka qaybqaadan doonaan Howlgalada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab oo ciidamada Darawiishta Jubbaland ay kawadaan deegaannada maamulkaasi. Madaxweyne Madoobe ayaa sheegay in ciidankaan sidoo kale ay ka qeyb qaadan doonaan sidii la isugu la furi lahaa deegaannada Jubbaland, kuwaas oo ay kala go’doomiyeen Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Riyadh)-Saraakiil ka tirsan dowladda Sucuudiga ayaa xilka laga qaaday, waxaana ka mid ah laba xubnood oo ka tirsan qoyska boqortooyada. Wareegto kasoo baxday boqor Salmaan ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Amiir Fahad Bin Turki oo ahaa taliyihii ciidammada isbaheysiga ee Sucuudiga hoggaaminayo ee howlgallada ka wado Yemen. Waxaa sidoo kale shaqada laga eryay wiilka Amiir Fahad, Cabdulcaziiz oo ahaa ku-xigeenka badhasaabka gobolka waqooyiga dhaca ee Al Jowf. Waxay saraakiishan waajahayaan baadhitaan ku aadan eedeymo ku saabsan wax isdaba marin heshiis maaliyadeed ah, sida ku xusan wareegtada kasoo baxday wasaaradda gaashaandhigga. Dhaxal sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan wuxuu gadh-wadeen ka ahaa olole ka dhan ah musuq maasuqa ka dhaca dowladda. Wuxuu hantay qalbiyada hogaamiyeyaasha reer galbeedka ka dib markii uu ku dhaqaaqay tallaabooyin uu isbaddallo uga sameeyay Sucuudiga, oo ah waddan sharci adag, waxaana isbadalladaas ka mid ahaa xayiraaddii uu ka qaaday gaari wadista dumarka iyo dadaalkii uu ku raadinayay sidii loo ballaarin lahaa dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha. Si kastaba dadka dhaleeceeya siyaasaddiisa, waxay ku eedeynayaan in uu bartilmaameedsanayo dadka uu u arko inay caqabad ku yihiin awooddiisa. Horraantii bishan ayay aheyd markii jornaalka Wall Street uu ku warramay in saddex sarkaal oo ka tirsan boqortooyada la xiray, waxaana kamid ahaa nin la dhashay boqor Salmaan oo la yiraahdo Amiir Axmed bin Cabdul Caziiz iyo dhaxal suge hore ,Maxamed Bin Nayef. Source
-
(SLT-Delhi)-Madaxweynihii hore ee Hindiya, Pranab Mukherjee, ayaa geeriyooday 21 maalmood kadib markii la xaqiijiyay inuu qaaday Fayraska Korona. 84 jirkan ayaa cisbitaalka la dhigay si looga qalo xinjir lagu arkay maskaxdiisa, waxaana laga baadhay oo laga helay cudurka safmarka ah. Ka hor inta aanu madaxweynaha ka noqon Hindiya 2012 illaa 2017, ayaa Mr Mukherjee waxa uu soo qabtay xilal kala duwan 51-kii sanno ee uu ku jiray siyaasadda waddankaasi. Xilkaasi waxaa kamid ahaa wasiirrada maaliyadda, arrimaha dibedda iyo gaashaandhigga. Ra’iisal wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa madaxweynaha geeriyooda ku tilmaamay nin “waxqabad muuqda uga tegay horumarka dalkiisa”. “Waxa uu ahaa aqoonyahan, hogaamiye la dugsado, waxaana laga jeclaa dhammaan dhinacyada siyasadda iyo guud ahaan bulshadeena,” ayuu Mr Modi ku qoray bartiisa Twitter. Xilka madaxweynaha Hindiya ayaa sida caadiga ah mid aan awood badan wadan, balse waxa uu muhiim noqdaa marka ay doorashooyinka horseedaan in la waayo xisbi si buuxda aqlabiyad u helay. Kolkaas, madaxweynaya ayaa go’aan ka gaadha xisbiga soo dhisaya xukuumadda. Mr Mukherjee ayaan fursaddaasi helin inta uu madaxweynaha ahaa, maadaama lagu kala adkaaday doorashada. Balse waxa uu awooddiisa ku muujiyay dhinacyo kale, sida inuu diiday cafis u fidinta dhowr qof oo dil lagu xukumay. Inta badan waayihiisa siyaasadeed waxa uu ku qaatay xisbiga Congress Party kaasoo sanado badan hogaanka u hayay Hindiya ka hor inta aanu guuldarooyin is xiga kala kulmin sanadihii 2014 iyo 2019 xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) ee ra’iisal wasaare Modi. Mr Mukherjee ayaa xisbigaasi ku biiray 1960-maadkii xilligaasi oo uu talada hayay ra’iisal wasaare Indira Gandhi, kaasoo uu ku tilmaamay ninka uu ku dayan jiray. Markii 2012 loo magacaabay xilka madaxweynaha, dadka badankiis waxa ay u arkayeen inuu yahay siyaasiga ugu khibradda badan ee xilkaasi qabtay. Intii uu madaxweynaha ahaa waxa uu diiday 18 hindse sharciyeed loo gudbiyay si uu u saxiixo. Sida caadiga ah, madaxweynayaasha Hindiya ma diidaan hindise sharciyeedka u baahan saxiixooda. Sidoo kale waxa uu qaadacay 30 codsi cafis ah oo uga yimid dad ku xukunnaa dil, taasoo ah tirada ugu badan ee uu diiday madaxweyne Hindi ah. Sidaa awgeed, waxaa xukun dil ah lagu fuliyay Afzal Guru oo lagu helay inuu ku lug lahaa weerar 2001 lagu qaaday baarlamaanka Hindiya, Yakub Memon oo lagu helay inuu maalgaliyay weerar argagixiso oo Mumbai ka dhacay 1993 iyo Ajmal Kasab oo kamid ahaa dableydii 2008 weerarrada ka fulisay Mumbia. Source
-
London (Caasimada Online) – Booliska UK ayaa madaxiisa dul dhigay lacag muwaadin Somali British ah oo labo sano ah baadi goob loogu jiray, kaasoo lala xiriiriyay dil ka dhacay magaalada Cleethorpes. Abdi Ali oo leh magacyo kala duwan sida Madman, Madders ama Gulaid ayaa lala xiriiriyay inuu qeyb ku lahaa dil 2018 lagu khaarijiyay Shaun Lyall, 47-jir, meydkiisana laga dhex-helay guri uu ku noolaa bishii July, 2018-kii. Ciidamada booliskana waxay xaqiijiyeen in jirkiisa ay ka muuqdeen dhaawacyo gaaraya 170. Afhayeen u hadlay booliska ayaa ku dhawaaqay in lacag dhan $6,666 la siin doono qofkii keena xog ku saabsan soo qabashada Abdi Ali. Kiiskan waxaa horey xabsi daa’in loogu xukumay Craig Whittle oo lagu waramay in ay fal-dambiyeedka isla geysteen, isla markana biqiyay xogta ku saabsan Abdi Ali. Booliska ayaa soo bandhigay astamaha lagu garan karo Abdi Ali oo leh Ilkahiisa hore dahab, wuxuuna badi adeegsadaa magacyadda Madman, Madders ama Gulaid”. Haddii gacanta lagu dhigo Abdi Ali ayaa wuxuu wajahi karaa xabsi daa’in cimrigaa haku furto ah. Muwaadinkaan Somali Britishka ah ayaa wuxuu ka tirsan yahay koox dilaayaal ah isla markaana derogadaSaxaafadda Britain ayaa warisay in Cabdi Cali uu ka tirsan yahay koox burcad ah oo ciidamadda Cleethorpes aad u doon-doonayaan. Fal-dambiyeedyadda ay kamid yihiin dhaca iyo dilalka loo adeegsado Tooreyda ayaa ku badan gudaha Ingiriiska, iyaddoo qaarkood ay ku lug-yeeshaan dhalinyaro Soomaali ah, kuwaasoo xukuno culus lagu rido. The post Booliska UK oo lacag dul dhigay madaxa Cabdi Cali first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowelad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magacaabay agaasimaha madaxtooyada maamulkasi. Qoraal xeer madaxweyne ah oo kasoo baxay madaxweynaha ayaa Cabdullaahi Cali Watiin loogu magacaabay inuu noqdo agaasimaha madaxtooyada maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa saaka inta badan xiran waddooyinka muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ee M/Muqdisho, iyadoona ciidamada dheeraad ah la dhigay jidadkaasi. Ciidadama ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliiska Soomaaliyeed ayaa gebi ahaanba gaadiidka u diidaya inay maraan waddooyinka qaar, waxaana ka mid ah jidadka saaka xiran qeybo ka mid ah waddada dheer ee Makka Al-Mukarrama, tan Wadnaha iyo kuwa ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo sidoo kale xarunta madaxtooyada Somalia. Sababta loo xiray dhammaan waddooyinkaasi ayaa waxaa lagu sheegay imaashiyaha Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo maanta ku soo wahan M/Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa inta badan xirta waddooyinka muhiimka ah, marka ay shirar waa-weyn dhacayaan ama wafdi culus uu imaanayo magaalada Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka si weyn loo adkeeyey ammaanka magaalada caasimada ah ee Muqdisho oo maanta ay ku soo wajahan yihiin labada Madaxweyne ee maamullada Jubbaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Siciid Deni. Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliyeed ayaa la dhigay isgoysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale ciidamada ayaa celinaya gaadiidka isaga kala gooshaya jidadkaasi, iyaga oo ku amraya inay kala wareegaan, waxaana taasi ay keentay inay shacabku lugeeyaan. Waddooyinka ku dhow Garoonka Aadan Cadde ayaa gabi ahaan la xiray, halkaas oo ay saacadaha soo socda ay ka soo dagi doonaan Axmed Madoobe iyo Deni. Waxaa sidoo kale la xiray qeybo badan oo ka mid ah waddada Makka Al-Mukarrama iyo dhammaan jidadka dhinac mara xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa wada-hadallo la leh Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana kulankooda uu ka dhici doono xarunta Xalane. Intiisa waxaa badan waxaa shirkan diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka oo tabasho ay ka muujinayaan labada hoggaamiye. Shirkan ayaa daba-scoda kii Dhuusamareeb, kaas oo lagu go’aamiyey nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso, balse waxaa ka maqnaa madaxda Jubbaland iyo Puntland. The post Ammaanka Muqdisho oo maanta la adkeeyey iyo jidad badan oo la xiray first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Siciid Cabdillaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta ku soo wajahan Muqdisho, iyadoo ay soo gaareen wufuud hordhac ah. Labada mas’uul ayaa lagu wadaa in ay kulan la qaataan Farmaajo, kaas oo looga hadli doono arrimaha doorashada iyo wax ka bedelka qaar kamida qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb3. Deni iyo Madoobe ayaa bannaan joog ka ahaa shhirkii Dhuusamareeb3, kaas oo dowladda federaalka, maamullada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo maamulka gobolka Banaadir,kaas lagu gaaray heshiis doorasho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku soo wajahan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Qaban-qaabada soo dhoweynta Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa waxaa saaka laga dareemayaa gudaha caasimadda, iyadoona si weyn loo adkeeyey ammaanka. Labada hoggaamiye ee Jubbaland iyo Puntland ayaa socdaalkooda horey loo sii shaaciyey, kadib shir wada-tashi ah ee ay ku yeesheen gudaha magaalada Garoowe ee xarunta G/Nugaal, waxayna wada-hadallo gaar ah ay la yeelanayaan Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyaga oo ka arrinsan doono doorashada 2020/21. Beesha caalamka ayaa cadaadis xoogan ku saartay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntaland inay yimaadaan Muqdisho, kadib markii ay iska diideen ka qeyb-galka shirka Dhuusamareeb 3, kaas oo lagu go’aamiyey nooca doorasho ee ka dhaceyso dalka. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Subax-0192020.mp3 View the full article
-
Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulla Deni ayaa maanta kusii jeeda Muqdisho. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Deni ayaa Muqdisho u [...] The post Wafdigii Madaxweyne Deni oo Maanta Muqdisho kusii jeeda appeared first on . Source
-
CAIRO — Saudi Arabia's King Salman sacked two royals and referred them along with four military officers for investigation into corruption at the defence ministry in a royal decree issued early on Tuesday and carried by state media. Source: Hiiraan Online
-
Wargeyska lagu magacaabo The National Interest, oo ka soo baxa Waddanka Maraykanka, ayaa Isniintii Shalay warbixin ka qoray Xiriirka ka dhexeeya Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin iyo Kooxaha Argagixisada ah. Wargeyska ayaa sheegay, in Taliyaha NISA uu xiriir hoose la leeyahay Kooxda Al-shabaab ee ku xiran ururka Al-Qaacida, kuwaas oo falal argagixiso ka fuliya gudaha Soomaaliya, islamarkaana halis weyn ku ah Amniga Qaranka Maraykanka. The National Interest, wuxuu tilmaamay in Taliyaha NISA Fahad Yaasiin uu si gaar ah u caawiyo maxaabiista laga qabto Al-shabaab iyo kooxaha lamidka ah, kuwaas oo uu qaarkood sii daayo, qaar kalena u fududeeyo in ay Xabsiga dhexdiisa Bulshada uga gudbiyaan fikirka iyo mabaadi’da Argagixisada. Wargeysku wuxu tusaale u soo qaatay Wadaadka Xasan Daahir Aweys, oo u xiran Dowladda Soomaaliya, kaas oo uu sheegay in uu afkaartiisa iyo mabaadi’diisa Xagjirka ah ka dhex gudbiyo Xabsiga, kadib markii loo dhammaystiray Agabka Isgaarsiinta ee kala duwan. Xasan Daahir, waxa helidda Agabkaasi ka caawiyay Fahad Yaasiin, oo ay saaxiibo dhow yihiin, waxaana wadaadku hadda si fudud halkaasi Bulshada uga gudbiya fikirkiisa Xagjirka ah ee ku salaysan dilalka iyo isqarxinta sida wargeysku xusay. Todobaadkii hore, Muuqaal laga soo duubay Xasan Daahir Aweys, wuxuu si adag u cambaareeyay dilka hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Kumaandoos, oo ku dhintay duqayn Maraykanku ka fuliyay Koonfurta Soomaaliya. Mr. Aways oo u xiran falal argagixisanimo, wuxuu sidoo kale Maraykanka ka dalbaday in uu raalli-gelin iyo magdhow deg deg ah ka bixiyo dilka hoggaamiye Kumaandoos, isagoo ku hanjabay dilkiisa laga bixin doono jawaab qaraar. PUNTLAND POST The post Wargeys ka fashifay xiriirka hoose ee ka dhexeeya Fahad Yaasiin iyo Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Man sentenced to 7 1/2 years for killing sister's boyfriend
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mark Cardilli Jr. was convicted for shooting Isahak Muse in March 2019. The case brought up questions about race and legal limits Source: Hiiraan Online -
Riyadh (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Gedo ee taageersan dowladda Soomaaliya, oo shir ku yeeshay magaalada Beled-Xaawo, ayaa sheegay inaysan hadda kadib ka mid ahayn maamulka Jubaland ee uu hoggaamiye madaxweyne Axmed Madoobe. “Maamulka Gobolka Gado wuxuu isagoo ka turjumaya rabitaanka shacabka ku dhaqan gobolka uu Dawladda federaalka ah iyo beesha caalamka ku wargelinayaa in Gobolka Gedo uusan siyaasad, maamul, amni, iyo arrimo bulsho intaba u hoos tagin maamulka Axmed Madoobe uu sida sharci-darrada ah iskiis ugu yagleeshay Kismaayo, wuxuu maamulka Gedo inta laga helayo maamul ay si xor iyo xalaal ah ay dadka Jubaland kusoo doorteen sii wadi doonaan gudashada howlaha u yaal,” ayaa lagu yirio bayaan kasoo baxay shirka. Maamulka Gedo ayaa sidoo kale sheegay inay ka digayaan qorshe ay sheegeen in kuraasta baarlamanka federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Gedo loogu wareejinayo magaalooyin kale oo uu gacanta ku hayo madaxweyne Axmed Madoobe, sida magaalada Kismaayo. Waxay sheegeen inay soo dhoweynayaan go’aanadi kasoo baxay shirka Dhuusamareeb 3 ee la xiriiray doorashada dalka, ayna diyaar u yihiin inay fududeeyaan sidii gobolka doorasho heer federal loogu qaban lahaa. Qoraalka kasoo baxay shirka ayaa sidoo kale baaq loogu diray isimada iyo waxgaradka Puntland, ayada oo laga dalbaday inay gacan ka gaystaan sidii maamulka Puntland u joojin lahaa wax ay ugu yeereen faro-gelinta qaawan ee uu ku hayo arrimaha jubaland. Hoos ka aqriso bayaanka shirka The post Maamulka gobolka Gedo oo sheegay inay ka go'een maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe first appeared on Caasimada Online.
-
Tahriibayaal Soomaali ku jirto oo dooni ay la socdeen kula gubatay xeebaha Talyaaniga Ugu yaraan afar muhaajiriin ah ayaa dhimatay shan kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii uu dab ka kacay dooni ay la socdeen. Shanta qof ee dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalada kadib markii doon ay saarnaayeen 20 muhaajiriin ah uu dab ku qabsaday meel ku dhow xeebta Calabrian ee dalka Talyaaniga. Mas’uuliyiinta caafimaadka ee ku sugan magaalada dekedaha leh ee Crotone ayaa sheegay in laba muhaajiriin ah ay xaaladdoodu aad u liidato. Wakaaladaha wararka ayaa markii hore weriyey in saddex tahriibayaal ah, laba rag ah iyo qof dumar ah ay dhinteen. Wakaaladda wararka ee AFP, ayaa markii dambe tirada dhimashada ku sheegtay afar qof. Laba sarkaal oo ka tirsan bilayska ayaa dhaawacmay markii ay isku dayeen inay ka xeeyaan doonta gubatay si ay u badbaadaan, taliyaha bilayska Emilio Fiora ayaa laga soo xigtay oo la hadlay wakaaladda wararka ee AdnKronos. Sida laga soo xigtay badbaadayaasha, doonta waxay sidday muhaajiriin ka kala yimid Sri Lanka, Masar, Soomaaliya iyo Pakistan. Toban ka mid ah tahriibayaasha la soo badbaadiyay ayaa da ‘yar, sida uu sheegay xafiiska taliyaha. 12 muhaajiriin ah ayaa la sheegay in loo qaaday xero qaabilaad oo ku taal Crotone. Xog ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee Talyaaniga ayaa muujineysa in 16,914 muhaajiriin ah ay si aan caadi aheyn u yimaadeen Talyaaniga iyaga oo sii maray badda intii u dhaxeysay 1-dii Janaayo ilaa 20-kii Ogosto ee sanadkan. Taasi waa koror afar laab ah marka la barbardhigo isla muddadaas sanadkii la soo dhaafay. Qaran News
-
Meelo badan oo laga cambaareeyay dhacdooyinkii Sweden iyo Norway ee kitaabka qur`aanka lagu wax-yeeleeyay+Haweenaydii Jeex-jeexday oo lala cararay Fanny Bråten oo kitaabka jeexjeexeysa Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) ayaa cambaareeyay dhacdooyinkii dalalka Sweden iyo Norway ka dhacay maalin ka hor ee kitaabo qur`aanka ka lagu gubay. lana jeex-jeexay. Muqul ka mid ah kitaabka Qur`aanka ayaa lagu gubay magaalada koofurta dalka Sweden ku taalla ee Malmo, waxaana sidoo kale lagu jeexjeexay kitaab qur`aan caasimadda Oslo ee dalka Norway Warbixin uu soo saaray ururka oo fadhigiisu yahay magaalada Jiddah ayaa lagu sheegay in falka gubitaanka kitaabka uu yahay “fal kicin ah” uuna “ka hor imaanayo dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo cunsurinimada iyo kicinta nacaybka ku saleysan diinta”. Taageerayaasha hoggaamiyaha cunsuriga ah ee Denmark u dhashay Rasmus Paludan ayaa jimcihii Malmo ku gubay nuqul kitaab Qur`aan ah. Sidoo kale maalinimadii Sabtida, dibedbax ka dhacay magaalada Oslo ayaa xubin ka mid ah ururka SIAN ku jeex-jeexday baalal ka mid ah kutubka qur`aanka, ayna candhuuf ku tuftay iyadoona ugu dambeyn ku tuurtay dhanka dibadbaxayaashii kasoo horjeeday. Booliska Norway oo la cararaya haweeneydii kitaabka jeexjeexday. Haweeneydan falkan lagu bahdilay kitaabka sameysay ayaa lagu magacaabaa Fanny Bråten, waxaana mar qudha la cararay booliska kadib markii ay eryadeen dibedbaxayaal cadheysan oo dhaawacyo fudud u geystay. Isu soo bax ay sameeyeen muslimiinta ku nool labadaasi dal ayaa waxaa hareeyay rabshado, lagu dhaawacay dhowr sarkaal oo booliiska ka tirsan, iyadoo tobannaan qof ayaa lagu xidhay isu soo baxyadaas. Booliiska ayaa sidoo kale muddo labo sano ah ka mamnuucay Paludan inuu Sweden soo galo. Ururka OIC ayaa soo dhoweeyay tallaabada uu qaaday booliiska Sweden. Dhanka kale, Pakistan ayaa si xooggan u cambaareysay falkaasi lagu gubay nuqul ka mid ah kitaabka Qur`aanka. Afhayeen u hadlay Pakistan ayaa sheegay in dhacdooyinka ku saleysan nacaybka Islaamka ee meelo badan ka dhacaya ay ka hor imaanayaan shurcuuda diin walba. Fanny Bråten oo kutaabka jeexjeexeysa Qaran News