Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ilwad Elman oo si weyn ugu ololeyso nabadda ayaa ku guuleysatay Abaal-marinta ugu sarreysa qaaradda Afrika ee sannadkan 2020-ka. Ilwad oo ah gabadh Soomaali ah ayaa madax ka ah hay’ad loogu magac daray Aabbaheed oo la yidhaado Elman, taas oo u ololeysa ilaalinta xuquuqda Aadanaha. Abaal-marinta ay ku guulleysatay Ilwad Elman oo ah mid aad u sarreysa ayaa waxaa bixineysa hay’adda caalamiga ah ee Jarmal-Afrika Foundation. Sidoo kale Abaal-marintan oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa la siiyaa shaqsiyaadka ugu fir-fircoon ee ku sugan dhammaan dalalka qaaradda Afrika. Wasaaradda arrimaha dibadda Jarmalka oo iyadu maal-geliso ha’yadda Jarmal-Afrika Foundation ayaa sidoo kale shaacisay in Ilwad oo ah gabar dhalinyaro ah lagu sharfi doono dhammaadka bishan magaalada Berlin ee dalkaasi, si loo guddoonsiiyo billada. Gabadha ku guuleystay Abaal-marintan ee Ilwad Elman oo guusheeda ka hadleysay ayaa tiri “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan aqoonsigan ka helay Jarmalka,” Dadkii ku guuleystay billadan oo horey loo siiyey ayaa dhammaan waxa ay u ololeeyeen dimuqraadiyadda, nabadda, xuquuqda aadanaha, farshaxanka iyo dhaqanka. Si kastaba ujeedada loo bixiyo Abaal-marintaani caalamiga ah ayaa ah in lagu muujiyo muuqaalka wanaagsan ee Afrika, waxaana bixinteeda ay soo bilaabatay tan & 1993-kii Source
  2. (SLT-Khartoum)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Suudaan uu ka saari doono liiska dowladaha taageera argagixisada haddii ay bixiso magdhow dhan 335 milyan oo dollar. Ra’iisal wasaaraha Suudaan Cabdalla Hamdook oo ka jawaabaya ayaa yidhi dhaqaalihii waa la wareejiyay laakiin ma jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in Mareykanku si deg-deg ah u helay. Suudaan waxay ku jirtay liiska tan iyo 1993 markii hogaamiyaha al-Qaacida Cusama Bin Laden uu halkaas ku noolaa isagoo marti u ahaa dowlada. Magdhowgu wuxuu la xidhiidha qaraxii al-Qaacida ee safaaradaha Mareykanka ee Afrika sanadkii 1998. Weerarradii ka dhacay Tansaaniya iyo Kenya waxaa ku dhintay in ka badan 220 qof, lacagta magdhawga ahna waa in la siiyaa “dhibbanayaasha argagixisada Mareykanka iyo qoysaska”, ayuu yidhi Mr Trump. Xidhiidhka u dhexeeya Mareykanka iyo Suudaan ayaa soo fiicnaanayay tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir ka dib mudaaharaadyo ballaadhan oo ka dhacay dalkaas sannadkii hore. Mr Bashiir wuxuu xukumayay wadanka Suudaan ee ay colaaduhu ragaadiyeen muddo 30 sanno. Ka saarista Suudaan liiska madow waxay noqon doontaa war aad looga soo dhoweeyo dalka, halkaas oo cuntada, shidaalka iyo daawadu ay qaali yihiin oo ay gabaabsi yihiin. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Donald Trump sidaan ku yidhi: “War wanaagsan! Dowladda cusub ee Suudaan, oo horumar weyn sameyneysa, waxay ogolaatay iney 335 MILYAN siiso dhibbanayaasha argagixisada Mareykanka iyo qoysaska. “Marka la ii shubo, waxaan ka saari doonaa Suudaan liiska dowladaha taageera Argagixisada. Ugu dambeyntiina, waa caddaaladda dadka Mareykanka ah iyo tallaabo weyn oo loo qaado Suudaan!” Madaxweynaha Mareykanka wuxuu awood u leeyahay inuu Suudaan ka saaro liiska wadamada taageera argagaxisada ,aqalka wakiiladuna waxaa uu haystaa 45 maalmood uu wax kaga yidhaa tallaabadaan. Suudaan ayaa hadda ka mid ah afar dal oo ay ka mid tahay Iiraan ,waqooyiga Kuuriya iyo Suuriya oo ku jiira liiska madow. Source
  3. Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay dil ka geysteen duleedka degmada Mahadaay ee gobolkaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamada Burundi ee qeybta ka ah AMISOM ay toogasho ku dileen haweeney ka mid ah dadka deegaanka Buurane ee Sh/Dhexe. Wararka ayaa sheegaya in dilka uu yimid, ka gadaal markii ciidamada AMISOM qarax khasaare geystay lagula eegtay halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in haweeneyda la dilay ah ay korineysay caruur Agoon ah oo horey Aabahood u dishay AMISOM, sida ay sheegeen dad deegaanka. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay madaxda HirShabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan ciidamada AMISOM ayaa dil iyo dhaawac u geysta dadka rayidka ah, xilliyada ay la kulmaan weerarada qaraxyada ah, iyaga oo fura rasaas aan loo meel dayin. View the full article
  4. Jowhar (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sh/ Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii ciidamada AMISOM ay dil ka geysteen duleedka degmada Mahadaay ee gobolkaasi. Dilka oo loo geystay haweeney ka mid aheyd dadka deegaanka ayaa yimid, kadib markii ciidamada AMISOM qarax miino lagula eegtay deegaanka Buurane ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo la sheegay inuu khasaare kala duwan ka soo gaaray. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ay geysteen falkaasi, kadibna ay goobta isaga dhaqaaqeen. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadii ka dambeeyey dhacdadaasi ay haweeneyda geeriyootay ugu tageen gurigeeda, kadibna ay toogteen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in marxuumadda la dilay ay korineysay caruur Agoon ah oo ay Aabahood horey u dileen ciidamada AMISOM, kadib markii ay haleeshay rasaas habow aheyd, kadib markii sidan oo kale qarax loola eegtay ciidamadaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan. Ciidamada AMISOM oo ka howl-galka meelo kala duwan oo dalka ka mid ah ayaa had iyo jeed dilal iyo tacadiyada kale u geystay dadka rayidka ah ee aan waxba galabsanin. The post Ciidamada AMISOM oo toogtay haweeney ay horey u dileen Sayigeeda first appeared on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilwad Elman oo si weyn ugu ololeyso nabadda ayaa ku guuleysatay Abaal-marinta ugu sarreysa qaaradda Afrika ee sanadkan 2020-ka. Ilwad oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa madax ka ah hay’ad loogu magac daray Aabaheed oo la yiraado Elman, taas oo u ololeysa ilaalinta xuquuqda Aadanaha. Abaal-marinta ay ku guuleysatay Ilwad Elman oo ah mid aad u sarreysa ayaa waxaa bixineysa hay’adda caalamiga ah ee Jarmal-Afrika Foundation. Sidoo kale Abaal-marintan oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa la siiyaa shaqsiyaadka ugu fir-fircoon ee ku sugan dhammaan dalalka qaaradda Afrika. Wasaaradda arrimaha dibadda Jarmalka oo iyadu maal-geliso ha’yadda Jarmal-Afrika Foundation ayaa sidoo kale shaacisay in Ilwad oo ah gabar dhalinyaro ah lagu sharfi doono dhammaadka bishan magaalada Berlin ee dalkaasi, si loo guddoonsiiyo billada. Gabadha ku guuleystay Abaal-marintan ee Ilwad Elman oo guusheeda ka hadleysay ayaa tiri “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan aqoonsigan ka helay Jarmalka,” Dadkii ku guuleystay billadan oo horey loo siiyey ayaa dhammaan waxa ay u ololeeyeen dimuqraadiyadda, nabadda, xuquuqda aadanaha, farshaxanka iyo dhaqanka. Si kastaba ujeedada loo bixiyo Abaal-marintaani caalamiga ah ayaa ah in lagu muujiyo muuqaalka wanaagsan ee Afrika, waxaana bixinteeda ay soo bilaabatay tan & 1993-kii. The post Ilwad oo ku guuleysatay Abaal-marin caalami ah first appeared on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin duleedka magaalada Mandera ee gobolkaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in weerarka, kadib uu dagaal foolka fool ah ka dhacay deegaanka Lafey oo ku yaalla saldhigga la weeraray. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen rasaasta ay labada dhinac is-weydaarsanayeen, waxaana iska hor imaadka uu socday muddo kooban. Dhanka kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegaya in weerarkaasi ay ku dhaawaceen ugu yaraan ilaa saddex askari oo ka tirsan ciidamada Kenya. Xaaladda goobtii lagu dagaalamay ayaa saaka degan, hayeeshee ciidamada milatariga Kenya ayaa dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabay halkaasi. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro culus ka fulisa Kenya, gaar ahana gobolka Waqooyi Bari oo ku yaalla dhanka xuduudada ay wadaagaan Soomaaliya & Kenya. The post Al-Shabaab oo weerar culus ka fulisay dalka KENYA first appeared on Caasimada Online.
  7. Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo ka wada gobolka Shabeelada hoose ayaa ka warbixiyey howlgalladii ay qaadeen saacadihii lasoo dhaafay oo ay sheegeen in ay ku dileen hoggaamiye ka tirsan Al-shabab iyo tiro dagaalamayaal ah oo la socday. Taliyaha ururka 143-aad ee ka howlgala gobolka Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay idaacada ciidamada qalaba sida ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyey lagu dilay sarkaal iyo 10 dhowr dagaalame oo ka tirsan Al-shabab. Taliyaha ayaa sheegay in howlgalladaan ay si gaar ah uga dhaceen buundada Bariire iyo tuulada Nuungare oo ka tirsan gobolka shabeelada hoose, taliyaha sidoo kale sheegay in hoggaamiyaha la dilay lagu magacaabo Siidow Nuur Abuu Muxsin oo madaxii Jamhadda ee gobolka sida uu hadalka u dhigay taliyaha. Ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM ayaa howlgallo ka wada gobolka Shabeelada hoose, kaas oo ka dhan ah Al-shabab, oo deegaanno dhowr ah kaga sugan gobolka, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo u dhaxeeyo ciidamada howanta ah iyo Al-shabab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Wararka ay Warbaahinta Puntlandi.com ka helayaan Madaxtooyada Puntland , waxaa hada diyaar ah Gudiyada Doorashooyinka heer Federaal Puntland qaybtooda. Madaxweyne Deni markuu kusoo laabtay Puntland [...] The post Madaxweyne Deni oo diyaariyey Gudiyada Doorashada heer Federaal appeared first on . Source
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Garoowe ayaa sheegaya in saacadaha soo socdo madaxweynaha Puntland uu ku dhawaaqi doono xubnaha uga mid noqonaya guddiga doorashooyinka heer federaal iyo kan xallinta Khilaafaadka intaba. Siciid Deni ayaa sacaadihii la soo dhaafay wada wada-tashiyo ballaaran, iyadoo ugu dambeyn xal rasmi ah laga gaaray khilaaf ka taagnaa magacaabista xubnahaasi. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in haatan ay diyaar yihiin dhammaan xubnaha Puntland ku metalaya guddiga doorashooyinka heer federaal iyo kan guddiga Khilaafaadka, balse ay harsan tahay kaliya inuu shaaciyo madaxweyne Siciid Deni. Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa qorsheynaya inuu magacaabo guddi-hoosaadka maamulkaasi oo arrimaha doorashada kala shaqayn doono guddiga doorashooyinka heer federaal, si ay u yeeshaan wada-shaqeyn dhow oo wadajir ah. Si kastaba 10-kii cisho ee loo qabtay in lagu soo magacaabo guddiga farsamada doorashada 2020/21 ayaa maanta ku eg, iyadoona weli aan la soo dhisin guddigaasi. Soomaaliya oo ku jirta marxalad kala guur ah ayaa isku diyaarineyso doorashada soo socota ee 2020 illaa 2021-ka, taas oo isugu jirta mida madaxweynaha iyo tan baarlamaanka, taas oo ay heshiis rasmi ah ka gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir. The post PUNTLAND oo 'diyaarisay' xubnaha ku metalaya guddiga doorashada ee heer federaal first appeared on Caasimada Online.
  10. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen oo uu wehliyo Gudoomiyaha Barlamanka Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Dr Cali Saciid Fiqi ayaa Madaxtooyada kulan kula qaatay Masuu,liyiin kasocday USAID iyo Hay,adda TIIS oo Baydhabo soo gaaray Madaxweynaha ayaa ugu horeyn Warbixin ka dhagaystay Mas,uuliyinta iyo Socdaalkooda Baydhabo Waxaana ay ka warbixiyeen Howlaha shaqo ee ay ka wadaan Deeganada Koonfur Galbeed iyo sida ay uga qeybqadanayaan Hirgelinta Goobaha Muhiimka uah Bulshada sida Dib-udhiska Wadooyinka iyo Xarumaha Danta Guud, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa Masuuliyiinta uga mahadceliyey Booqashada ay ugu imadeen Waxaana uu Amaanay Shaqooyinka Wanaagsan ee ay ka wadaan deeganada Koonfur Galbeed Waxa uu ku Bogaadiyey inay sii laba jibaaran Shaqooyinka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  11. Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda magacaabo min laba xubnood oo Puntland uga mid noqonaya Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka. Madaxweyne Deni, ayaa sidoo kale magacaabaya Guddi-hoosaadka heer Puntland oo Arrimaha Doorashada kala shaqayn doona Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, sida ay xaqiijiyeen Ilo xog-ogaal ah. Wararka Puntland Post ka helayso Madaxtooyada Puntland, ayaa sheegaya in haatan ay diyaar yihiin dhammaan xubnahaasi kala duwan, kadib markii xal rasmiya laga gaaray khilaaf saacadihii u dambeeyay ka taagnaa magacaabistooda. Sidoo kale, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu maalmaha soo socda magacaabo qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradaha Puntland iyo mas’uuliyiin kale, ka hor Kalfadhiga Baarlamanka oo ku beegan 25-ka October 2020. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacinaysa Liiska xubnaha Guddiyada kala duwan ee Doorashada Federaalka appeared first on Puntland Post.
  12. Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa sheegay in dagaal-yahanno ku lug lahaa weeraro lala beegsaday dad shacab ah oo dhowaanahan ka dhacayey galbeedka dalkaas, lagu soo tababaray oo ay gabaad ku heleen Sudan. Abiy ayaa intaas ku daray in caawimaadda Khartoum loo baahday si goobahaas loo xasiliyo. Abiy ma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan rabshadaha, cidda ay yihiin dagaal-yahanada iyo tirada rasmiga ah ee dhimashada. Waxa uu sheegay in boqolaal qof lagu xiray howlgal sifeyn ah oo ay ka qeyb galeen militariga. Ugu yaraan 12 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay aagga Metekel toddobaadkii tegay, halka 15 kale ay ku dhinteen weerar la mid ahaa oo dhacay bishii September. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Abiy oo ka hadlay weeraro ka dhacay Galbeedka Ethiopia appeared first on Puntland Post.
  13. Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Sh/Hoose. Howl-galka ayaa waxaa laga fuliyey buundada Bariire iyo tuulada Nuungare ee gobolkaasi, halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab. Taliyaha ururka 143-aad ee Xoogga dalka Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howl-gakaas lagu dilay sarkaal uu magacaabiisa ku sheegay Siidow Nuur Abuu Muxsin iyo 18 dagaalame, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa shaaciyey in sarkaalka la dilay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa madaxii Jabhadda ee dhanka Gobolka Shabeellaha Hoose. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhaq-dhaqaqyo culus ka waday koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  14. Minneapolis (HOL) - Republicans in Minnesota say that the state should open up it’s economy ahead of state elections. Source: Hiiraan Online
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasiirka Koowaad ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh oo ka shaqeyn karta hirgelinta qorsheyaasha hortabinta u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan qabsoomidda doorashada, adkeynta amniga iyo sii ambaqaadidda guulihii dhanka dowladnimada ee sanadihii la soo dhaafay la gaaray. Madaxweyne Farmaajo oo ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda tashiyadii ballaarnaa ee uu kala yeeshay qeybaha bulshada soo xulista Golaha cusub ee Xukuumadda ayaa kula dardaarmay dhammaan Golaha Wasiirrada in ay noqdaan masuuliyiin ka tarjuma hamiga iyo himalada ay ku qabaan shacabka Soomaaliyeed xilligaan muhiimka u ah dowlad-dhiska iyo horumarka dalka. Madaxweynaha ayaa ka codsaday Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Xukuumadda, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga rajeeyey Golaha Xukuumadda ee la magacaabay in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee hortaalla, kana yeelo Gole si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeega shacabka Soomaaliyeed. View the full article
  16. Milateriga Somaaliya, ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen saraakiil iyo dagaallamayaal kale, oo ka tirsanaa Al-shabaab, kadib weerar ciidamadu ka fuliyeen Gobolka Shabeellada Hoose. Dhamme Axmed Xassan Siyaad oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Milateriga Soomaaliya, ayaa laga soo xigtay in hawlgalkaasi qorshaysan lagu dilay sarkaal lagu magacaabi jiray Siidow Nuur Abu-muxsin, oo Al-shabaab u qaabilsana jabhadaha Gobolka Shabeellada Hoose. Hawlgalka oo laga fuliyay Degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose, waxa sidoo kale lagu dilay 18 dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab, sida uu xusay Dhamme Axmed Xassan Suiyaad. Milateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaanna Kumaandooska DANAB, ayaa todobaadyadii u dambeeyay hawlgalo ka dhan ah Al-shabaab waxay ka wadeen Gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo ay ku dileen dagaal-yahanno kala duwan. PUNTLAND POST The post Saraakiil iyo dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-20102020.mp3 View the full article
  18. Plans by the United States to withdraw its troops from Somalia has caused anxiety among partners involved in the war against terror in the country, with appeals for Washington to reconsider its decision. Source: Hiiraan Online
  19. The long-awaited verdict in the trial of an Ottawa police constable, charged with manslaughter in the death of Abdirahman Abdi, is set to be delivered. Source: Hiiraan Online
  20. Mogadishu (HOL) - Duran Ahmed Farah, a humanitarian worker and an influential sporting leader who has lent a firm commitment to the development of sport in Somalia, has now been appointed as the Minister of Labour and Social Affairs of the Federal Government of Somalia following a cabinet reshuffle. Source: Hiiraan Online
  21. Somali-Canadian peace activist Ilwad Elman has been awarded the 2020 German Africa Prize. The German Africa Foundation has confirmed she will be honored later this month in Berlin by German Foreign Minister Heiko Maas. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay ku dhowaaqay Golaha Wasiirada Cusub ee xukuumaddiisa, ee muddada laga sugayey, kuwaasi oo ka kooban 27 wasiir. Haddaba Caasimada Online ayaa idiin soo gudbineysa magacyada iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan wasiirada, sida shanta beel ay u kala heleen wasiirada. Hoos ka aqriso liiska oo dhameystiran. Beesha Digil iyo Mirifle 1- Wasiirka Gaashandhiga, Xasan Xuseen Xaaji – Garre 2- Wasiirka Cadaaladda, Cabdulqadir Maxamed Nuur – Jilible 3- Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen (Badni) – Dabarre 4- Wasiirka Tamarta, Xasan Cabdinuur – Eelay 5- Wasiirka Haweenka, Xanifa Maxamed Ibrahim – Leesaan Beesha Mogadishu Clan 1- Wasiirka Arrimaha Gudaha, General Mukhtar Xusen Afrax – Xawaadle 2- Wasiirka Amniga Gudaha, Xasan Xundubey Jimcale – Abgaal 3- Wasiirka Diinta, Cumar Cali Roble – Abgaal 4- Wasiirka Boostada, Cabdi Sheikh Axmed Rooble – Murursade 5- Wasiirka Caafimadka, Fowsiya Abiikar Nuur – Gaaljecel 6- Wasiirka Ganacsiga, Khalif Cabdi Cumar – Baadi Cadde Beesha Daarod 1- Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad – Majeerteen 2- Wasiirka Qorsheeynta, Jamal Maxamed Xasan – East Sanaag Clan 3- Wasiirka Kaluumeysiga, Cabdullahi Bidhaan – Sool clan 4- Wasiirka Gaadidka, Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar – Ogaaden 5- Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Duraan Axmed Farax – Leelkase Wasiirada Beesha Shanaad 1- Wasiirka Gargaarka, Khadija Maxamed Diiiriye – Yaxar 2- Wasiirka Beeraha, Siciid Xuseen Ciid – Carab Saalax 3- Wasiirka Dekedaha, Maryan Aweys Jaamac – Jareerweyne 4- Wasiirka Dhalinyarada, Xamsa Saciid Xamsa – Barawani 5- Wasiirka Batroolka Cabdirashid Maxamed Axmed – Banaadiri Wasiirada Dir 1- Raisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuled – Ciidagale 2- Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jamac – Habar Yoonis 3- Wasiirka Maaliyada Cabdiraxman Ducaale Beyle – Awdal Clan 4- Wasiirka Warfaafinta Cisman Abukar Dubbe – East Burco Clan 5- Wasiirka Howlaha Guud Maxamed Adan Macalim – Biyamaal 6- Cabdullahi Abuukar Xaaji – Surre The post Magacyada iyo beelaha ay kasoo jeedaan wasiirada cusub ee xukuumada Rooble first appeared on Caasimada Online.
  23. Dr Leyla Hussein OBE has been elected as rector at the University of St Andrews – making history as the first black woman to hold this position. Source: Hiiraan Online
  24. The fates of thousands of immigrants and refugees hinge on the presidential election, as President Donald Trump looks to continue his rollback of programs that admit or legally protect foreigners in America. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo war ka soo saaray magacaabista xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Rooble ayaa si weyn uga hor-yimid mid ka mid ah xubnaha wasiirada ee ku jira. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu horreyn u hambalyeeyey wasiirada cusub, balse xusay inay arrin laga naxo tahay magacaabista mid ka mid ah. “Waxaan bogaadinayaa xubnaha loo magacaabay Golaha Wasiirada. Waxaana ILAAHEEY uga baryayaa in uu hawshooda u fududeeyo” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraalkan oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga. Cabdiraxmaan ayaa qoraalkan ku shaaciyey in wasiirrada cusub uu ka mid yahay shakhsi wax ka fuliyey weerarkii xarunta xisbigiisa lagu qaaday seddax sano ka hor. “Waxaa arrin laga naxo ah in C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horay u ahaa Ku-simaha Taliyaha Nabadsugidda Qaranka, hormuudna u ahaa kooxdii 17-kii Diseembar 2017-kii weerarka ku soo qaaday xarunta Xisbiga Wadajir loo magacaabo Wasiirka Caddaaladda,” ayuu yiri. Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaas ku daray, “Tani waxay tusaale u tahay sida ay kooxda Madaxweyne Farmaajo uga go’an tahay dhiiragelinta gacan ku dhiiglayaasha, ku tumashada caddaaladda iyo damqinta boogaha.” Ugu dambeyntii siyaasigan ayaa ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ugu baaqay inuu arrintaas go’aan ka qaato, kana fogaado xubnihii weerarka u geystay. “Waxaan ugu baaqaynaa Ra’iisul Wasaare Rooble in uu go’aan degdeg ah arrinkaas ka qaato, iska fogeeyo shakhsiyaadka diiwankoodana madowyahay, kuna caan baxay xadgudubka sharciga iyo ku tumashada xuquuqul insaanka” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku soo gabagabeeyey qoraalkiisa. The post CC Shakuur oo si weyn uga horyimid magacaabista mid ka mid ah wasiirada cusub first appeared on Caasimada Online.