Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Haweeney Asal ahaan ka soo jeeda Somaliland oo hirgelisay Wershada ugu weyn Africa ee soo saarta Sonkorta+Dalkay ku taalo & Xoggo kale Haweeney Soomaaliyeed oo ka mid ah ganacsatada ugu taajirsan Africa ayaa waqooyiga dalka Uganda ka hirgelisay warshada ugu weyn Africa ee Sonkorta, waxaana xafladda furitaanka warshadaasi oo dhici doonta Khamiista kasoo qeyb geli doona madaxda Africa oo ugu horeeyo madaxweynaha Uganda Yuweri Musafeni. Drs.Aamina Xirsi Mooge oo dalka Uganda iyo dalalka kale ee deriska la ah ka hirgelisay maalgashiyo kala duwan ayaa waxay ku guuleystay inay Ugandha markaan ka hirgelisao warshadda ugu weyn ee soo saarta Sonkorta, taasoo lagu magacaabo Atiak, taasoo horumar iyo dhaqaale kusoo kordhin doonta gobolka Geeska iyo Afrikaba. Maalgashiga weyn ee ay Drs. Aamin Xirsi Mooge ku samaysay warshadan sonkorta ayaa noqonaya mashruucii ugu balaadhnaa ee laga hirgeliyo waqooyiga dalka Uganda, iyada oo la filayo in warshada Atiak ee sonkortu ay gobolka geeska Afrika ku soo kordhin doonta dakhli iyo horumar balaadhan kadib marka la gaadhsiiyo wadamada ku yaala gobolka. Drs. Aamina ayaa horay dalka Uganda ugu hirgelisay warshadda sibidhka iyo qalabka dhismaha ee lagu iibiyo magaalooyinka wadanka Uganda, loona dhoofiyo dalalka kale ee gobolka, waxay kaloo ay leedahay xarunta ganacsiga Oasis Shopping Mall ee ku yaal xaafadda ganacsiga ee badhtamaha caasimada Kampala iyo guryaha Laburnam Courts oo ku yaal Nakasero Hill oo deris la ah Aqalka Madaxtooyada ee Kampala. Haweeneydaan ayaa si weyn looga tixgeliyaa dalka Uganda oo saameyn xoogan ay ku leedahay, iyadoo dhaqaalaha wadanka soo gala ay ka tilmaaman tahay. Qaran News
  2. Qarax Ruxay Muqdisho oo Koobsaday Khasaare Dhimasho & Dhaawacba leh+ Masuul ka bad baaday Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax nooca Miinada wadada dhinaceeda la dhigo oo caawa fiidkii lala eegtay gaadhi uu lahaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Korneel Maxamed Aadan Koofi. Qaraxan ayaa ka dhacay isgooska KM4-ee magaalada Muqdisho gaar ahaan afaafka hore masjid halkaasi kuyaala, waxaana la sheegay in qaraxa oo bac lagu qariyay in lasii dhigay laamiga dhinaciisa. Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu dhacay xili uu goobtaasi marayay gaadhi la sheegay in uu lahaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Koofi, waxaana la sheegay in agaasimaha uu ka bad baaday qaraxaasi. Inta la xaqiijiyay hal askari oo kamid ahaa ilaalada agaasimaha ayaa ku dhintay qaraxa, warar kale oo soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in 3 qof oo shacab ah oo goobta marayay inay isla qaraxa ku dhintay. Laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin qaraxan caawa ka dhacay isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho, waxaana goobta qaraxa ka dhacay meel u muuqata koontarool ku leh ciidamada Soomaaliya oo ku fashilmay in ay ka hortagaan qaraxaasi. Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Magacaabistii xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku dhawaaqay Tallaadadii 20-10-2020 ayaa waxaa ka falceliyay mid ka mid ah wasiiradii hore ee aan kasoo dhex muuqan xukuumada cusub, kaasoo si hufnaan ah u bogaadiyay. Wasiirkii hore ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa soo dhoweeyay xukuumadda cusub, isagoo hambalyo, boggaadin iyo ducoba u diray guud ahaan Golaha Wasiirada cusub ee XFS ee uu ku dhawaaqay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. “Xilku waa meerto waana sunaha dawladnimo oo kolba qofkii loo garto ee nasiib u yeesha in loo soo magacaabo, shalay anigaa hayey maantana muwaadin kale oo Soomaaliyeed baa haya, muhiimaddu waa in wadankeenu hore u socdo, waa inaan dib-u-dhiska wadankeena iyo horumarkiisaba aan ka wada qeyb-qaadanno oo qofba wax ku kordhiyo,” ayuu ku yiri wasiirkii hore ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Eng Abdullahi Ali Hassan. Wuxuu u rajeeyay mas’uuliyiinta cusub ee xilalka loo magacaabay gaar ahaan kuwa Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, inuu ku asturo xilkaa loo igmaday, isagoo u rajeeyay in dedaaladii socday ee horumarka ahaaba ay halkaas ka sii wadaan.  Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee xilalka kasoo qabtay dowladdihii kala duwanaa ee dalka soo maray loogama baran in ay tahniyadeeyaan, fariin noocaan ahna u divan xubnaha xilalka ay kala wareegaan, iyadoo tallaaybadaan wasiir Abdullaahi lagu amaanay markuu soo dhigay barta uu baraha bulshada ku leeyahay. The post Mid ka mid ah wasiirada xilalkooda waayay oo si aan la fileyn ugu falceliyay first appeared on Caasimada Online.
  4. Baaderi “Wadaad Kiristaana” oo sadaaliyey in Xanuunka Covid 19 Mar labaad ku dhici doono Donald trump Donald Trump oo ku sugnaa kaniisad ku taalla Las Vegas Kaniisad ku taalla gobolka Las Vegas ayaa waxaa kasoo baxay hadal uu muqdo inay dan ugu jirto Trump. Baaderi la yiraahdo Denise Goulet ayaa Trump ku tiri “Abbaare 4.30, Ilaahey wuxuu ii sheegay ‘Waxaan madaxweynaha guddoonsiin doonaa dabeyl labaad’ oo ay ugala jeeddo cudurka Koroonaa oo dhawaan ku dhacay Trump, waxay sheegtay in madaxweynaha dib loo dooran doono. Trump wuxuu taageero xooggan ka heystaa Dadyowga aaminsan Kirishtanka Evangelical, sida ay muujineyso daraasad dhawaan la sameeyay, maadama uu ka shaqeeyay arrimo badan oo dan u ah dadyowgan. Qaran News
  5. Kampala (Caasimada Online) – Haweeney Soomaaliyeed oo ka mid ah ganacsatada ugu taajirsan Africa ayaa waqooyiga dalka Uganda ka hirgelisay warshada ugu weyn Africa ee Sonkorta, waxaana xafladda furitaanka warshadaasi oo dhici doonta Khamiista ay kasoo qeyb geli doona madaxda Africa oo ugu horeeyo madaxweynaha Uganda Yuweri Musafeni. Drs.Aamina Xirsi Mooge oo dala Uganda iyo dalalka kale ee deriska la ah ka hirgelisay maalgashiyo kala duwan ayaa waxay ku guuleystay inay Ugandha markaan ka hirgelisao warshadda ugu weyn ee soo saarta Sonkorta, taasoo lagu magacaabo Atiak, taasoo horumar iyo dhaqaale kusoo kordhin doonta gobolka Geeska iyo Afrikaba. Maalgashiga weyn ee ay Drs. Aamin Xirsi Mooge ku samaysay warshadan sonkorta ayaa noqonaya mashruucii ugu balaarnaa ee laga hirgeliyo waqooyiga dalka Uganda, iyada oo la filayo in warshada Atiak ee sonkortu ay gobolka geeska Afrika ku soo kordhin doonta dakhli iyo horumar balaaran kadib marka la gaarsiiyo wadamada ku yaala gobolka. Drs. Aamina ayaa horay dalka Uganda ugu hirgelisay warshadda sibirka iyo qalabka dhismaha ee lagu iibiyo magaalooyinka wadanka Uganda, loona dhoofiyo dalalka kale ee gobolka, waxay kaloo ay leedahay xarunta ganacsiga Oasis Shopping Mall ee ku yaal xaafadda ganacsiga ee bartamaha caasimada Kampala iyo guryaha Laburnam Courts oo ku yaal Nakasero Hill oo deris la ah Aqalka Madaxtooyada ee Kampala. Haweeneydaan ayaa si weyn looga tixgeliyaa dalka Uganda oo saameyn xoogan ay ku leedahay, iyadoo dhaqaalaha wadanka soo gala ay ka tilmaaman tahay. The post Sawirro: Haweeney Somali ah oo hirgelisay warshada ugu weyn Africa ee sonkorta first appeared on Caasimada Online.
  6. Riyadh (Caasimada Online) – Gabadhii u calmaneyd suxufigii reer Sacuudi ee la dilay Jamal Khaashuqji iyo koox u doodda xuquuqda aadanaha oo uu aas-aasay, ayaa maxkamad ku taalla Mareykanka ka diiwaan-geliyey dawacd ka dhan ah dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, oo lagu eedeeyey dilkiisa. Dacwaddan, oo ah mid madani ah, ayaa waxa ay Maxamed Bin Salmaan ka dooneysa magdhow aan la shaacin, waxaana sidoo kale qeyb ka ah 20 eedeysane oo kale oo Sacuudiyaan ah. Dacwadda ayaa kusoo aadeysa xilli xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga uu sii xumeeyey dilkii weriyaha oo dhacay 2018, xadgudbyada xuquuqda aadanaha ee lagu eedeeyo Riyadh, iyo ku lug lahaashaheeda dagaalka Yemen. Safaaradda Sacuudiga ee Washington kama jawaabin codsi la xiriiray inay ka hadasho dacwadda. Maxamed Bin Salmaan ayaa horey u beeniyey inuu wax lug ah ku lahaa dilka Khaashuqji, oo haystay sharciga deganaanshaha Mareykanka. Khaashuqji oo aad u dhaliili jiray boqortooyada, islamarkaana wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa bishii October 2018 lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Waxa uu halkaas u tegay inuu kasoo qaato warqado uu u baahnaa si uu guursado gabadha ay is-calmadeen ee Hatice Cengiz, oo ah muwaadin Turkish ah. Cengiz iyo ururka Dimoqraadiyadda Dunida Carabta ee loo yaqaan DAWN, oo ah urur uu Khaashuqji aas-aasay oo ka dhisan Mareykanka, ayaa dacwadda ka diiwaan geliyey maxkamad federal, oo ku taalla Washington DC. The post Dacwad ka dhan ah Max'ed Bin Salman oo laga furay maxkamad Mareykan ah first appeared on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Yahxe Sheekh Caamir oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa qeyla dhaan kasoo saaray muwaadin Soomaaliyeed oo si aan sharciga waafaqsaneyn dil loogu xukumay dalka Mareykanka, kaasoo lagu soo eedeeyay inuu caawinayay burcad badeed Soomaaliyeed. Prof. Yaxye wuxuu qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku muujiyay in qof walba oo Soomaaliyeed ay ka qeyb qaadato sii deynta muwaadinkaasi Soomaaliyeed, wuxuuna qoraalka u ghignaa sidaan:. Akhristoow, Ma Ogtahay in Walaalkaa ku Xakuman yahay Xabsi Daa’im? Akhristoow waxaan kaa codsanayaa in aad ka qeeyb qaadato sii deeyntiisa. Fadlan wada Akhri Qoraalkaan, si aad Go’aan u gaarto. Anniga oo marayo Xamar weyne ayaa Telephone ii soo dhacay, codkii ayaa ka go’ay, Usbuuc kadib ayaa isla Numbarkii oo Amerika ah la iga soo wacay. Ma ogi sida uu Number keyga ku helay. Waa Nin Somali ah oo ku jiro Xabsi ku yaal Mareykanka oo lagu xakumay Xabsi daa’im. waxa uu igu yiri: waxaan xiranahay 10 Sanno iyo 7 Billood, waxaan rabaa in aad cafis ii weydiisto. Waxa uu igu yiri: waxa la iga qabtay Xeebaha Galmudug Anniga iyo Saaxiibadeey oo kaluumeysaneyno, Doonteena waa laga waayay wax Hub ah waxaa na lagu yiri: Shidaalkaan ayaad u wadaan Burcad badeed, waxaa nala keenay Mareykanka waxaana nalagu xakumay Xabsi daa’im. Ma qabsan Karin Qareen, mana aqaanin Luqadda. kadibna Waxaan u sheegay Maxbuuska in aan Dadaalayo intii tabarteeyda ah, umana shaqeeyo Dowlada ama Urur Caalamiya oo wax ka qaban karo. Waan ogahay Xaqa uu Maxbuusku u leeyahay in uu arki karo qaraabadiisa sida ku cad Xuquuqul insaanka, “Human Rights”. Maxbuuskan Somaliga ah, hal mar ayaa Usbuucii loo ogolyahay in uu Dadka la hadli karo, iyada oo weliba isaga la dhageeysanayo, Qofna Dibadda kama soo wici karo in uu isagu Waco maahine. Waxaan weydiiyay Maxbuuska File Numbarkisa Xabsiga, waxa uu ii sheegay in uu yaqaan Xabsiga magaciisa oo kaliya laakin uuna aqoon File Numbarkiisa, kadibna waxaan ku dadaalay in aan raadiyo File Numbarkiisa, waxaan ogaaday Macluumaadkaan:(Name: Abdi Mohamed Gure Wardhere,.…Register Number.75675-083,…Age: 37…Sex: Male,…Release Date: LIFE, …Location At: FCI McDowell- west Virginia ). Oo ah Xabsiga uu ku xiran yahay. Waxaan ogaaday in uuna leheyn ( Parole Date) oo ah marka Qofka Xabsi daa’im lagu xakumo , Haddii Qaaligu uu Xukunka ku qoro “Parole Date”, waxa uu cafis weydiisan karaa 10-12 Sanno kadib, haddii mudadaa uuna Xabsiga dhaxdiisa ku galin Dambi, Akhlaaqdiisuna ey wanaagsaneyd. Waxaa suura gal ah in la cafiyo. Laakin haddii uuna Go’aanka ku qorin Xaakimku “Parole date” ,rajo male waa in uu Cumrigiisa ku dhameeysto Xabsiga. Walaalkeen, Cabdina looguma qorin file-ka “Parole Date”. Laakin waxa uu ku soo badbaadi karaan isaga iyo Saaxiibadii in loo soo wareejiyo Xabsiyada Somaliya si ey qaraabadooda u arkaan taa oo ah mid fudud, mana ahan waddada loo marayo mid adag. Waxaa loo mari karaa “U.S. Department of Justice (DOJ)”ama la xiriir International Prisoner Transfer Unit (IPTU) at the Department of Justice , Cinwaanka: Paula A. Wolff, Associate Director…..International Prisoner Transfer Unit….Office of International Affairs….Criminal Division….U.S. Department of Justice….1301 New York Avenue, NW….Washington, DC 20530….. Telephone: (202)514-3173 Fax: (202)514-9003. Waxaana kuu fasaxyo heshiiskaa, BOP :Treaty Transfers oo ku cad American public Law 95-144 (18 USC 4100 et seq.) sharcigaa IPTP The International Prisoner Transfer Program oo Congress-ku ogolaaday 1977. Shurrudda Maxbuuska lagu soo deyn karo ayaa ah: in uu jiro Heshiiska Labada Dal, waa in aan Xaalad Dagaal Ciidan aan lagu soo qaban, waa in aan Dil lagu xakumin, waa in uuna Dambi Siyaasad u xirneeyn. Shuruudahaana waa buuxiyeen Walaalaheen. Wadamada la galay Mareykanka heshiiskaan oo kale waxaa ka mid ah. Bolivia, Canada, France, Hong Kong, Mexico, panama, Peru, Thailand, Turkey iyo in ka badan 70 Dal oo kale. ( Xabsiyada Mareykanka qaarkood , Dowladu male, waa private , Qof ayaa Xabsi dhisanayo, Shaqaale iyo Maamul ayuu u sameysanayaa, Dowladuna waa ka kireysanee, Qofkaasi waxa uu rabaa in Maxaabiis badan la keeno Xabsigiisa, weliba kuwa Xabsi daa’imka ah si uu ugu xisaabtamo dhakhligiisa Joogtada ah, illaa Maxbuusku ka dhimanayo) Anigu waa dareemi karaa Qof ku xiran wadan Ajnabi ah, kadib Markii Anniga oo Arrimo Caafimaad u joogo Hindia aan la kulmay Maxaabiistii lagu eedeeyay Burcad badeeda oo ku xirnaa Magaalada Mumbai ee Dalka Hindia, Maalintaa oo Maxkamad la saarayay iyaga oo Gacmaha ka katiineysan oo Gabdha Hindi ahi ey ku ilaalinayeen Qoriga Faalka ah, Aniga iyo Sarkaal ka socday Safaaradda Somalida ee Dalhi, Wiilkaa oo hadda ka ah Safiirka Dalka Indonesia noo joogo ,waxaa Dhageeysiga Makamadda kadib , Makhaayad banaanka ah ayaana kula kulanay Dacwa oogihii Hindiga ahaa oo laftiisu Dareemayay dhibaatada Heeysato Maxaabiista Somalida, wixii dadaala ee tabarteena ahaana waan sameynay. Safaaradda Somalida ee Washington shaqadeedu ma ahan oo kaliya in ey Visa bixiso, Safaaradda iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somalida ayaa laga rabaa in ey codsadaan in ey la saxiixdaan Mareykanka Heshiiska Maxabiis isku celinta. Madaxda Dowlad Gobaleedyada, Madaxda Baarlamaanadda, Xildhibaanadda iyo Ehelka Maxaabiista ayaan ka codsanayaa in ey culeys saaraan sidii heshiiskaa loo saxiixi lahaa. Adigana Akhristoow sidoo kale waan kaa codsanayaa in aad gacan ka geeysato wixii karaankaaga ah,una soo Duceyso. In ka badan 30 Somaliya oo aan heysan dhalashada Mareykanka ayaa halkaa ku xirin , Xaqna u leh in la soo celiyo. Allaah hanoo Fududeeyo sidii aan Maxaabiistaa loogu soo celin laheyn Dalka Hooyo si ey ula kulmaan Qaraabadooda. FG: waxaan u mahadcelinayaa Mr. Mohamed Dudishe oo Howlaha qaar gacan iga siiyay. Qore: Yahya Amir The post Sheekada dhex martay Prof. Yaxye Caamir iyo dil suge ku jira xabsi Mareykan ah first appeared on Caasimada Online.
  8. Fihima Mohamed Ismail travelled back to her native Djibouti after working in Europe for a decade and found her purpose helping children and widows. Source: Hiiraan Online
  9. Halkan ka dhageyso faaqidaad xukuumada cusub ee Raisal Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble soo bandhigay. The post Dhageyso Faaqidaada Golaha Wasiirada : – Safiiro la soo diiday oo Wasiiro loo magacaabay appeared first on . Source
  10. September 5: Egal leaves for the African Summit in Addis Ababa Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xalay ku dhawaaqay Golaha cusub ee wasiirada Soomaaliya oo muddo dheer laga dhowrayay Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana ka soo muuqday wejiyo cusub iyo qaar ka mid ah kuwii hore. Wasiirada Xukuumadda Rooble ayaa ka kooban 27 wasiir, 17 wasiiru-dowle iyo 26 wasiir ku xigeen, waxayna wadartu yihiin 70 Xubnood. Qaar badan oo kamid ah Golihii hore ee Xukuumadii Kheyre ayaa dib u soo laabtay halka qaar kalane ay booska baneeyeen. Caasimada Online ayaa heshay warar sheegaya in Golaha Wasiirada ay wajihi doonaan caqabado badan oo ka imaan karta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya si loo siiyo codka kalsoonada. “Xubnaha ka haray xukuumadaan ee ku jiray xukuumadii hore waa Xildhibaano waana careysan yihiin, waxaa kaloo jira Xildhibaano raadiyay wasiirnimo oo waayay, arimahaas oo dhan waxay sababi karaan in baarlamaanka kalsooni ka weyso Xukuumada,” ayuu yiri Prof Cali Saciid Maxamuud Kulane oo la hadlay Caasimada Online. “Waqtiga oo kala guur ah, Xildhibaano badan oo wasiirnimo waayay, kuwa aan qabin rajo soo laabasho ah oo u baahan lacag waxay sababi kartaa in kalsoonida weyso Xukuumadda cusub,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Prof Cali Saciid Maxamuud Kulane. Caqabadaha ugu waa weyn ee baarlamaanka kala kulmi karto ayaa la sheegay in ay kala yihiin:- 1) – Xildhibaano badan oo iska dhax waayay liiska wasiirada oo ay raadsadeen, wasiiro Xildhibaano ahaa oo laga reebay liiska oo aad u careysan. 2) – Waqtiga oo kala guur oo Xildhibaano badan qabaan rajo xumo soo laabasho ah taasna ay sababi karto in ay lacag ku xiraan ansixinta Xukuumadda sida ay qabaan falanqeeyaal badan. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in maalmaha soo socda Baarlamaanka horgeeyo Golahiisa cusub ee Wasiirada kuwaas oo aan la ogeyn waxay kala kulmi doonaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. The post Laba arrin oo waa weyn oo ay xukuumadda Rooble ku weyn karto kalsoonida BF first appeared on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahinno hor dhac ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax caawa ka dhacay agagaarka isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho. Sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya, qaraxaas oo ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa lala beegsaday Agaasimaha hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi. Inta la xaqiijiyey laba qof oo mid yahay askari ka tirsanaa ilaalada Agaasime Koofi iyo qof shacab ah oo wadada marayey ayaa ku geeriyootay qaraxaas. Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo kale oo ka dhashay qaraxa, in kastoo aan weli tiradooda rasmiga ah loo xaqiiji karin. Qaraxa waxaa ka badbaaday Agaasimaha hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday, wax yar un kadib markii uu ka soo baxay Hotel Afriik oo u dhaw isgoyska KM-4. Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay wadada ka baxda isgoyska KM-4 ee aada dhan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, gaar ahaan banaanka hore ee Hotel Afriik. Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online. The post Faah-faahin: Khasaaraha ka dhashay qarax caawa lala beegsaday agaasime Koofi first appeared on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Bar___Qubanaha-20102020.mp3 View the full article
  14. A police source says the head of Somalia’s immigration department Mohamed Aden Koofi has narrowly escaped unhurt from an explosion in Mogadishu on Tuesday evening. The IED blast struck the vehicle carrying Koofi as it was driving outside the C.I.D headquarters around the K-4 intersection in the capital, according to the source. Some reports suggest that several passer-by civilians were killed in the explosion and no group has so far claimed responsibility for the bombing. View the full article
  15. Faah faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo goordhaw ka dhacay agagaarka isgooska KM4 ee Muqdisho. Sida dad goobjoogayaal ah ay u sheegeyn Shabelle waxaa qaraxa la dhigay darbiga masjid ku yaalla hareeraha wadada aada garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Sidoo kale wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxaasi xilliga uu dhacay uu halkaasi marayey Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Somalia Maxamed Aadan Jimcaale Koofi. Inta la xaqiijiyey hal qof rayid ah ayaa geeriyooday, halka uu dhaawacmay qof kale, inkastoo khasaaruhu intaasi ka badan yahay. La soco wixii soo kordha. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa laga soo warinayaa musuq-maasuqii ugu cuslaa ee xarumaha dowladda, tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Farmaajo, sida uu daboolka ka qaaday barnaamijka Galka Baarista. Barnaamijka Galka Baarista ee idaacada VOA-da ayaa tirsigiisi toddobaadkan kusoo bandhigay lacag malaayiin doolar ah oo mas’uuliyiinta wasaarada caafimaadka ay lunsadeen, xili qaar kamid ah xubnahaasi lagu riday xukuno kala duwan. Musuq-maasuqa wasaaradda caafimaadka ma aheyn mid keliya ku koobnaa dhaqaalihii loogu tala-galay cudurka safmarka ah ee Covid-19, balse soo taxneyd muddo ka badan saddex sano, taasi oo ka dhigeysa bilowga xiligii uu Farmaajo qabtay talada dalka. Lacagta la musuq-maasuqay ayaa Galka Baarista uu ku sheegay mid kor u dhaafeysa Lix milyan oo dollar, kuwaasi oo ka kala yimid deeq-bixiyeyaasha kaalmada ka geysta caafimaadka Soomaaliya. Dhaqaalaha oo ka yimid Beesha Caalamka ee sida sharci darrada ah loogu lunsaday Wasaaradda Caafimaadka ayaa gaaraya 6.1 Milyan oo Doollar, waxaana dowladda Soomaaliya ugu deeqay Hay’adaha Qaramada Midoobay ee kala ah: Hay’adda UNPF, UNICEF iyo Hay’adda World Vission, iyo msuqan uu socday muddo sanado ah. Lacagta Wasaaradda caafimaadka ka heshay Hay’adahan iyo cadadkeeda waxay kala tahay: United Nations Population Fund (UNFP) oo bixsay: $3,400,000 Hay’adda Q/Mdioobay u qaabilsan Xanaananda Caruurta (UNICEF) oo bixisay $2,100,000 Hay’adda World Vision oo bixisay $575,000 Waxayna lacagahaasi si toos ah ugu dhacday Akoono wasaarada looga furay bank-yada gaarka loo leeyahay, kuwaasi oo xisaaboodka ka madax-banaana qasnada dhexe ee dowladda, isla markaana si weyn loogu tagri falay. Arrintan ayaa imaneysa xili maxkamadda gobolka Banaadir ayaa 24 August ee sanadkan 2020-ka, xukuno kala duwan ku riday 9-mas’uul oo ka tirsanaa wasaarada oo loo haystay inay musuq-maasuqeen dhaqaalaha cudurka Covid-19. Si-kastaba, Musuq-maasuqa wasaaradda caafimaadka ayaa ah mid soo socday dhowr sanno, taasi oo meesha ka saareysa in keliya musuq lagula kacay dhaqaalihii badnaa ee aduunku ugu deeqay ka hortaga cudurka safmarka ah ee Coronavirus. Halkan ka dhageyso barnaamijka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/10/Galka.mp3The post Wasaarada ka mid ah kuwa DF oo lagu lunsaday lacag ka badan 6 milyan oo dollar first appeared on Caasimada Online.
  17. Garowe (PP News) — The Justice and Legislative Select Committee of Puntland Parliament today held a meeting with the Senior Puntland Judiciary Committee. MP Abdiqani Abshir (left) and MP Sadiq Abshir Garad (right) of the Justice Select Committee. The Select Committee listened to reports about how Puntland judiciary is coping with backlog of cases due the Covid-19 health emergency and how Puntland courts are ensuring access to justice for citizens. Members of the Senior Puntland Judiciary Committee. Of particular interest to the Justice Select Committee were complaints about recent court rulings. Puntland justice system is reeling from accusations of partiality. Mrs Hiis Ismail Abdi had accused Sheikh Adan Mohamed, the Chairman of Puntland Appeals Court, of bias. Mrs Hiis alleges Nugaal Appeals Court ruled the case for a man who was not involved in the case. “Sheikh Adan is a cousin of the lady who destroyed the fences and a shed in a plot of land we legally bought. The Appeals Court upheld the first court’s ruling but the woman who claims ownership of my land appealed to the supreme court. The Appeals Court asked the Supreme Court for the case to heard again at the Appeals Court where a new judge appointed by Sheikh Adan ruled the case for a man who was not involved in the first place. The First Court dealt with a criminal case for property damages but the Appeals Court downgraded it to a civil case” said Mrs Hiis. The Nugaal Appeals Court Chairman Sheikh Adan Mohammed is related to a woman who was accused of property damages. The case prompted Justice Select Committee to inquire about how courts are handling cases that grabbed the public attention. Members of the Senior Judiciary Committee pledged to deal with complaints effectively and fairly. © Puntland Post, 2020 The post Puntland Parliament Briefed by Senior Judiciary Committee appeared first on Puntland Post.
  18. After several days of outage, Internet service is back in the south and central Somalia, the main service provider Hormud Telecom announced on Tuesday in a statement. View the full article
  19. Waxaa dib usoo laabtay Internet-kii ka go’naa Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya maalmihii lasoo dhaafay kadib markii cilad ay ku timid xarigga Internetka ee Dalcom. Dalcom waa shirkadda iska leh xarigga Fiber Optic ee dalka la keenay. Hoos ka akhriso war-saxaafedeed: View the full article
  20. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen daacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Habeen-20102020.mp3 View the full article
  21. Istanbul (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa la sheegay inuu ka xanuunsanayo dalka Turkiga. Wasiirka ayaa qaliin ku galay dalkaas Turkiga, waxaana la sheegay in laga qalay Carabka, sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, oo codsaday inaan la magacaabin.. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ay qaraabo ama isku beel yihiin Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa Caasimada Online u sheegay in xaqiiq ay tahay qaliinka uu galay Wasiir Goodax. “Waa dhab, qaliin ayuu galay oo Carabka ah waana lagu guuleestay waxaana soo hagaageyso xaaladiisa caafimaad,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo la hadlay Caasimada Online. Cabdullaahi Goodax Barre, oo ka tirsanaa Xukuumadii Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xalay ka soo muuqan liiska Golaha cusub ee wasiirada Ra’iisul Wasaare Rooble inkastoo la sheegay inuu raadiyay xilkaas. Ma cadda haddii sababta uu xilka ku waayey ay tahay sababo caafimaad iyo in qof kale laga door biday, waxaase xusid mudan inuu ka mid ahaa wasiirada aadka ugu dhow madaxweyne Farmaajo. The post Xog: GOODAX oo xaalad caafimaad u jooga Turkiga iyo qalliin lagu sameeyey first appeared on Caasimada Online.
  22. Qarax sababay dhimasho iyo dhawaac ayaa caawa ka dhacay agagaarka Isgoyska KM-4 ee wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdihso. Qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi, oo xiligaas marayay wadada Maka Al-Mukarama. Agaasime Koofi ayaa ka badbaaday qaraxaas, basle waxaa dhimasho iyo dhaawac gaareen qaar kamid ah ilaaladiisa iyo dad shacab ah oo marayay wadada. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay 2 qof oo mid kamid ah yahay rayid, halka inta la ogyahay ilaa 4 qof oo isugu jira shacab iyo askar ay dhaawacyo kala duwan gaareen, kuwaas oo la geeyay xarumaha caafimaadka ee Muqdisho. Lamaaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wali ka hadlin qaraxan oo ahaa mid laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Mas’uul ka tirsan DFS oo ka badbaaday qarax lala eegtay appeared first on Puntland Post.
  23. Ottawa police Const. Daniel Montsion has been found not guilty of manslaughter, aggravated assault or assault with a weapon in connection with the 2016 death of Abdirahman Abdi. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay soo faro-geliyaan xiisadda ka taagan HirShabeelle. Saddexda madaxweyne ee hore ayaa qorshaynaya in ay ku baxaan muranka u dhaxeeya beelaha Abgaal iyo Xawaadle, kaas oo ka dhashay dhismaha baarlamaanka 2-aad ee HirShabeelle, iyo jagada madaxweynaha oo la isku hayo. Beesha Xawaadle ayaa dooneysa in loo daayo xilka madaxweynaha, halka beesha Abgaal ay rumeysan tahay in xilka loo siman yahay. Waxaa sidoo kale xiisadda qeyb ka ah dowladda federaalka oo xilka madaxweynaha la rabta Cali Guudlaawe oo kasoo jeeda beesha Abgaal. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ay kulamo gaar gaar ah billaabeen, sidoo kalane ay Mobile kula hadleen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo siyaasiinta gobalka. “Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Cali Mahdi, waxay isla garteen in la badbaadiyo HirShabeelle oo si dhab ah loo galo tabashooyinka taagan waxaana arrintaas ka qeyb qaadan doono Imaamka iyo Ugaas-ka Abgaal,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka beesha Abgaal oo la hadlay Caasimada Online. “Xawaadle waxay Madaxweyne Xasan Sheekh, salaadiinta iyo odayaasha Abgaal u sheegeen in ay tabasho qabaan dowlada Soomaaliya-na ay dab ka dhax-shideyso labadaan beel, taas waxay sababtay in arinta si dhab ah loo guda galo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay nabadoonka aan la hadalnay. Shalay waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay siyaasiinta, odayaasha iyo aqoonyahaanka Beesha Xawaadle, iyagoo ka hadlay tabashooyinka ay ka qabaan dhismaha 2-aad ee dowlad gobaleedka HirShabeelle waxayna soo saareen baaqyo ay ku dalbanayaan in khilaafkooda la xaliyo. The post Madaxweynayaashii hore oo soo faro-geliyey xiisadda Abgaal iyo Xawaadle - Xog first appeared on Caasimada Online.