-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: COVID-19 reported cases in Ethiopia (20 October 2020) ADDIS ABABA, Ethiopia, October 21, 2020/ — Daily Laboratory test: 6,602 Severe cases: 301 New recovered: 489 New deaths: 6 New cases: 630 Total Laboratory test: 1,410,496 Active cases: 45,479 Total recovered: 43,638 Total deaths: 1,371 Total cases: 90,490 Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. View multimedia content SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen daacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-habeen-21102020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, oo ka mid ah shaqsiyaadka aadka u taageera Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si hoose loogu magacaabay safiirka dowladda Soomaaliya u fadhin doona dalka Jabuuti. Siyaasiga Salaad Cali Jeelle, ayaa rajo weyn ka qabay inuu kamid noqdo Golaha Wasiirada Soomaaliya ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble, balse waxaa loo sheegay in la siin doono Safiir taas oo markii dambe looga dhabeeyay. “Madaxweynaha ayaa ii gartay inaa noqdo Safiirka Soomaaliya u fadhin doono dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, waxaana ku muteystay dowlad jaceelkayga iyo shaqadii aan dalka usoo qabtay afartii sano ee Madaxweyne Farmaajo,” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle. “Intii aan ahaa la-taliyaha Madaxweynaha iyo ka horba, si hagar la’aan ah ayaa ula shaqeeyay waxaana laygu abaal guday in dalka ugu dhow Soomaaliya oo waligiis na garab taagnaa aan u matalo dowladda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ambassador Salaad Cali Jeelle. Salaad Cali Jeelle, waxa uu si indho la’aan ah u taageeray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mudda uu xafiiska joogo, waxa uuna dagaalka ugu badan ku qaaday siyaasiinta ka soo jeeda beeshiisa iyo sidoo kale danaha beesha uu ka dhashay. Dad badan ayaa taageerada Salaad ee Farmaajo iyo inuu kasoo horjeestay madaxweynayaashii hore oo ku qabiil ah ku macneeyey in Soomaaliya ay ka gudbeyso qabyaaladda, una gudbeyso siyaasad ku dhisan dan iyo is xulufeysi. Balse dadka qaar ayaa u arka in Salaad Cali Jeelle taageerada Madaxweynaha Soomaaliya ku waayay sumacadiisa, dadkiisa iyo in badan oo k amid ah dadkii taageersanaa kadib markii si indho la’aan ah Farmaajo ugu taageeray qaladaad badan. The post Xog: Salaad Cali Jeelle oo 10 sano kadib xil muhiim ah looga magacaabay DF first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu helay musuq-maasuqii ugu cuslaa ee xarumaha dowladda, tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Farmaajo, sida uu shaaciyey barnaamijka Galka Baarista ee idaacada VOA-da. Barnaamijka Galka Baarista ayaa shaaciyey in lacag ka badan lix milyan lagu lunsaday magaca wasaaradda caafimaadka, taasi oo ka timid deeq bixiyeyaasha caalamka ee sida gaar ah u taageera caafimaadka Soomaaliya Lacagahaasi ayaa waxay si toos ah ugu dhaceen Akoono wasaarada looga furay bank-yo gaar loo leeyahay, midaasi oo fududeysay ku tagri-falka dhaqaalahaasi badnaa. Qaladka ugu weyn ayaa ka yimid ayada oo hay’adaha deeqda bixiyey aysan lacagta soo marin qasnadda dowladda dhexe, balse ku shubay akoono ay wasaaradda sameysatay oo aanay cid kale ka war-hayn Waxaa maamulka lacagahaasi laga hagayey xafiis qarsoodi ah oo ku yaalay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, kaasi oo saraakiil sar-sare oo ka tirsan wasaaradda ay ku kala wadeen wax loogu yeeray ‘shaqooyin been abuur ah’. Xafiiskaasi ayaa waxa uu Galka Baaristu ku tilmaamay mid qeyb weyn ka qaatay musuqii wasaarada, isla markaana halkaasi lagu sameeyay jeegag iyo fool-jaro lagula baxay lacagtaasi, kuwaasi oo ay ku qornaayeen shirkado been abuur ah iyo kuwa jira oo aysan wax wada shaqeyn ah kala dhaxeyn wasaaradda. Waxaana qeyb weyn ka qaatay xatooyada lacagahaasi sida lagu sheegay barnaamijka xafiiska degmada Waaberi ee wasaaradda, kaasi oo ahaa mid ka madax-banaan wasaaradda caafimaadka, balse lagu abaabuli jirey falalka musuq-maasuqa ah. Dhaqaalahaasi oo ahaa 6.1 Milyan oo Doollar ayaa waxa uu ka yimid beesha caalamkam waxaana si gaar ah dowladda Soomaaliya ugu deeqay Hay’adaha Qaramada Midoobay ee kala ah: Hay’adda UNPF, UNICEF iyo Hay’adda World Vission. Lacagta Wasaaradda caafimaadka ka heshay Hay’adahan iyo cadadkeeda waxay kala tahay: 1. United Nations Population Fund (UNFP) oo bixsay: $3,400,000 2. Hay’adda Q/Mdioobay u qaabilsan Xanaananda Caruurta (UNICEF) oo bixisay $2,100,000 3. Hay’adda World Vision oo bixisay $575,000 Musuqa lacagahan oo la ogaaday inay soo taxnaayeen sanadihii u dambeeyay ayaa waxa loo aaneynaya inay horseeday hubin la’aan dhanka dowladda ah, oo iyadu kal hore ku faantay inay dagaal xoogan la gashay musuqa dalka. Hoos ka dhageyso barnaamijka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/10/Galka.mp3The post Sidee loo dhacay 6 milyan oo dollar oo loogu deeqa DF ayada oo aan ka war-hayn? first appeared on Caasimada Online.
-
Magaalada Jowhar ee gobalka Shabeellada dhexe dhexe waxaa gaaray qaar ka mid ah duubabka dhaqanka Hirshabeelle, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya soo xulista Baarlamnka labaad ee Maamulka Hirshabeelle, waxaana hoggaaminayey Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi. Waxaana waxgaradkaan garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay Xilibaanno, Wasiiro iyo guddiga farsamo soo xulista Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle. Guddoomiyaha guddiga Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inay soo dhameestirmaan duubabka dhaqanka Hirshabeelle. Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi oo dhankiisa hadlay ayaa been abuur ku tilmaamay warar lagu baahiyay baraha bulshada, kaaso lagu sheegay inuu ka soo horjeedo dhismaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo markale doorashadiisa ka dhaceyso magaalada Jowhar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Galmudug parliament passes law on formation of state police
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
DHUSAMAREEB (HOL) - Galmudug Parliament Wednesday passed a bill seeking the creation of a state police force which derives authority and legitimacy from the state law. Source: Hiiraan Online -
SOMALIDU KAALIN NOOCEE AH BAY KU YEELAN DOONTAA ISBADELADA BARIGA AFRICA , NABAD KUWADA NOOLAANSHAHA GOBOLKA GEESKA AFRICA , GACANKA CADMEED IYO QAARADA GUUD AHAAN ; Waxa ka socda gobolka geeska Africa iyo bariga dhexe , jasiirada carabtaba isbadelo siyaasadeed , dhaqaale , nololeed , hogaamineed oo saameyntooda ku leh dalkasta iyo qofwalba oo gobolkani ku nool , taasi oo u baahan in laga fekero mustaqbalka sidee uu noqon doonaa , dadka soomaalida ah ee ku nool gobolka geeska Africa iyo bariga Africa kaalin noocee ah ayey ku yeelan doonaan isbadeladan , isbadeladu se kaalin noocee ah ayey ku yeelan doonaan soomaalida ? Marka laga yimaado goboladani somalidu waxa ay ku nooshahay marinada badeed ee ugu muhiimsan aduunka oo ah ka badacas iyo ka badweynta hindiya oo aduunka guud ahaan u muhiim ah , soomaalidana maadaama oo ay is haysato inta badan cidi waxba kama waydiiso talada labadan marin ( two main sea corridors ) taasi oo ah nusqaan ay sababtay colaadaha iyo muruga gudaha ka jiraa. Isbadelada socda hadii aynu ka eegno xaga niyad samida waxa aad moodaa in gobolka geeska Africa iyo bariga dhexeba ay ka bilaabeen siyaasado isku soo dhawaansho iyo abuurid xidhiidho cusub oo dawladaha dhex mara , kaasi oo sababi kara in nabadgalyada goboladani ay noqoto mid ka soo wanaagsanaata sidii hore isla markaana yareysa colaadaha siyaasadeed , kuwa jinsiga iyo diimaha ah ee inta badan ka jiray goboladan taasi oo loo qaadan karo talaabo xaga wanaagsan iyo horumarka loo qaaday. Dhinaca kale hadii aynu ka eegno waxa ay u muuqataa in qaab cusub oo hogaamineed ay soo baxayso taasi oo sababi karta halkii colaadaha iyo xoog isku muquuninta lagu badelay in lawada hadlo oo wax lawada qabsado iyada oo dalwalba siyaasadiisa daneed ee hoose u laaban tahay ama u dahsoon tahay , taasi oo aan la saadaalin karin nooca ay ku dambayn doonaan isbadelada hada muuqdaa . Waxa dhici kara iyaguna marka hoos loogu daadego dalwalba gudihiisa iyo xaaladaha taagan in murug badan dhasho oo sababi kara colaado iyo dagaalo hor leh , kuwaasi oo aan dadka goboladani ku nooli qaadi karin marka aad eegto taariikhda adag ee ay soo mareen, haddana xaaladaha taagani maaha qaar la dafiri karo ee waxa haboon in xalintooda loo guntado. Sidaasi oo kale waxa isweydiin leh waxyaabaha socda dadka soomaalidu sidee ay uga qayb qaadan karaan , intee ay ku baraarugsan yihiin siyaasadaha ka socda gobolka iyo gobolada ku dhow dhow ee xawliga ku socda , maxaase ay saameyn ku yeelan karaan dadka soomaaliyeed ee ku nool mandaqada bariga Africa oo uu ku dhacay burbur qaybsanaan iyo iyaga oo aan ka muuqan kaalin firfircoona kaga jirin xaaladaha ka jira gobolka geeska Africa. Soddonkii sanadood ee ugu dambeeyey dadka somalidu meelkasta oo ay ku nool yihiin marka laga reebo dalka Djibouti waxa ay ku noolaayeen nolol dib u dhis , halgan siyaasadeed , halgan dawladnimo iyo halgan ay wax kula qaybsadaan somalida Ethiopia iyo somalida Kenya dalalka ay ka tirsan yihiin oo aanay kaalmo muuqda oo siyaasadeed iyo hogaamineed ba ku lahayn . Somaliland iyo Somalia oo iyaguna ilaa maanta ay jirto in aanay soddon sanadood waxba ku heshiin kala tagid in ay laba dal noqdaan iyo isku darsi in midnimadii hore ee 1 July ay soo noqoto , waliba waa ay adag tahay taa dambe oo halka la kala taagan yahay marka aad eegto ma muuqato mustaqbalka dhow , caqlina maaha in soddon sanadood aan dhulka laga soo kicin waa arin u taalla qofkasta oo soomaaliyeed in uu wax iska weydiiyo qadiyadani . Danta dadka soomaaliyeed ee gobolkani waxa ay ku xidhan tahay iyada oo la helo gobolka geeska Africa oo noqda mid degen , hela hogaamin aragti dheer oo iskuwadi karta nabad kuwada noolaanshaha dadka gobolka geeska Africa iyo wax wada lahaanshahooga si siman , taasi oo noqon doonta rajo cusub iyo waa u baryey Africa guud ahaan , gaar ahaan bariga Africa. Muhiimada qoraalka aan ka leeyahay waxa weeye in hogaanka siyaasada ee soomaalida iyo kuwa qoomiyadaha kale ee bariga Africa ku nooli ay kor u qaadan hab fekerkooda wadciga jirana ku baraarugsanaadaan iyada oo laga fekerayo nabadgalyada , horumarka iyo waxwada qabsiga dalalka iyo qoomiyadahaba ee mustaqbalka dambe ee umadahani yeelan doonaan. Umad walba dadka nool ayuun baa xiligaa ay nool yihiin taariikhda sameeya , oo wax ay dadkooga dambe ku noolaadaan uga taga , taasi oo u baahan in marka aad ka fekerayso arimahani wax badan aad ka tanaasusho oo meel dheer la hiigsado , waa sida kaliya ee taariikh lagu sameyn karo wax tarta umadaha kuwada nool guud ahaan gobolkani. waxa iyaduna isweydiin leh intee in leeg ayey dadka goboladani ku nooli guud ahaan ay ku baraarugsan yihiin siyaasadaha dunida iyo hirdanada dunida ee ku haya farogalinta tooska iyo ta dadbanba isaga oo dal waliba danihiisa ka dhex raadinayo xaaladaha siyaasadeed , dhaqaale nololeed ee gobolkani ka jira . Taasi oo iyaduna ah mid u baahan in aad fiiro gaar ah loogu yeesho , intii meel kuwada nooliba iyaga ayey dano ka dhexeeyaan farobadani , colaad kasta iyo dhib kasta oo dhacda waxa ay sii hurinaysaa in uu xumaado mustaqbalka umadaha meeshaa kuwada nool iyo rajada jiilashooda dambe , waxa aan uga socdaa inta ugu badan cid meel kale ka timaadaa xal kama keeni karto hadii xataa arimaha nabadgalyada , nolosha iyo wax wada lahaanshaha dadkaasi ay daacad ka yihiin . Mohamed Abid Jama Mohamed Dhimbiil Qaran News
-
Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda u ah maamulkaas ayaa ansixiyey sharciga lagu dhisayo ciidanka daraawiishta, kaas oo horay ay u soo gudbisay wasaaradda amniga gudaha Galmudug. Xildhibaannada soo xaadiray fadhiga kulanka ayaa ahaa 51 mudane, waxaa sharciga loogu codeeyey hab gacan taag ah, waxaana ogolaaday 50 xildhibaan, halka uu ka aamusay 1 mudane majirin mid diiday meelmarinta sharciga. Wasiirka Amniga gudaha maul goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo sharcigaan Baarlamaanka horgeeyay isbuuc ka hor ayaa Xildhibaannada golaha wakiillada uga mahad celiyay ansixinta Sharcigaan ay meel mariyeen. “Wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug waxay u mahadcelinaysaa Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal, Guddiga Amniga iyo Xuduudaha iyo xildhibaanada Barlamaanka Galmudug oo maanta si aqlabiyad ah ku ansixiyey Sharciga dhismaha ciidamada Booliska Galmudug” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda amniga Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Deeqsigii Degmada Xaaxi ee Hashii keliya ee uu lahaa u qalay Wasiirrada Somaliland ! Tuulada Xaaxi oo hoos tagta Gobolka Daad-madheedh ee Ood-weyne ayaa dadka halkaas ku nool oo ah dad Beeralay iyo Xoolo-dhaqato isugu jira waxaa ka mid ah nin aad u Danyar ah oo Deeqsi oo aanay marnaba dhaafin Marti Xaaxi timi ilaa uu sii sooryeeyo, ninkan waxa magaciisa la yidhaahsaa Iid dheere Cali dheere, waxaana uu maqaaxi yar ku haysta Xaaxi. Hadaba 5tii Bishii May ee sanadkii 2018 waxaa Tuulada Xaaxi booqday Wafti Wasiirro ah oo ka koobnaa Lix Wasiir oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Beeraha Axmed Muumin Seed, Wasiirkii hore ee Maaliyada Yuusuf Maxamed iyo Wasiirro kale oo halkaas u tagay Mashruuc la xidhiidhay Beeraha. Hadaba Deeqsiga sharafta badan ee Iid dheere Cali dheere waxa uu markiiba ka fekeray sidii uu martidan culus ee Wasiirrada ah uu u sooryayn lahaa, waxa Iid uu wax Geel ah ka lahaa Hal keliya oo Saddexdiisa Xaas ee Xaaxi yaalla geelba u ahaa. Markiiba waxa uu dhuunta ka lisay Hashii keliya ee uu haystay, waxaana saddexdiisii Xaas ay markiiba dabka u saareen hilibkii oo ay Martidii Wasiirrada ahayd ay ku sooryeeyeen, iyaga oo ardaa fiicana u gogolay. Ii dheere Cali dheere sidaas ayuu Hashii keliya ee uu lahaa ugu gawracay uguna sooryeeyay Weftigaa Xukuumada ka socday isaga oo eegayay Gobobimada iyo Sharafta ay leedahay in la soo dhaweeyo oo la sooro Martida iyo Madaxda Xukuumadaada ee ku soo booqata. Inkasta oo aanay Wasiirradaasi dhaadin in Sooryada la siiyay ay ahayd Hashii keliya ee uu lahaa ninkaas danyarta ah ee saddex Xaaslaha ahaa, isla markaasna aan garaadkoodu siinin inay ninkaas waxoogay dhaqaale ah ku saacidaan, hadana Iid dheere iyo Qoyskiisuba waxa farxad u ahaa inay Sooryeeyaan oo ay soo dhaweeyaan Madaxdooda. Waxaan ku rejo-weynahay in Weftiga Madaxweynuhu ay soo maraan Degmada Xaaxi oo ku qabsan una dhow Oodweyne oo la filayo in Madaxweynuhu booqan doono, soona salaamaan deeqsiga Iid Dheere Cali Dheere si ay dhiirri gelin ugu noqoto. Ugu danbayn Gobonimada iyo Dhaqanka reer Somaliland ayay ka mid tahay in la sooro oo la soo dhaweeyo martida iyo Madaxdaada ku soo booqata. Deeqsiga Iid Cali Dheere waxa uu qabaa Saddex Xaas, waxaana uu leeyahay Labaatan Carruur ah, mar kasta oo aad la kulantana waxaa Wajigiisa ka muuqda Farxad iyo Nuur. Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiiradda cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid noqday xubno ka tirsanaa xisbiga Kulmiye ee haya talada maamulka Somaliland. Prof. Maxamed Cismaan Dubbe, oo ka mid ahaa xubnihii udub dhexaadka u ahaa ee diyaariyey barnaamij siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye ku galay doorashada madaxtinimada uu ku guuleystay Muuse Biixi biixi 2017, ayaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta Soomaaliya halka Cabddale Xaaji Cali oo isna xisbigaasi ka tirsanaa loo magacaabay wasaarada qorshaynta. Arrintaani ayaa aad looga hadal hayaa magaalada Hargeysa maadaama xisbiga Kulmiye uu dhigiisa Waddani horay ugu eedayn jiray xiriir uu Somaalia la leeyahay xubno ka mid ahna ay ku biireen dowladda Somalia ayaa hadda eedeyntaasi waji kale yeelatay. Xubnaha cusub ee golaha wasiiradda ugu mid noqday gobollada Waqooyi ayaa meesha ka saartay xubnihii dowladdihii kala duwanaa xilal wasiiro kasoo qaban jiray sida wasiir Maareeye oo seddaxdii dowladood ahaa mas’uul aan dhicin. The post Xog: Xisbiga talada haya ee Somaliland oo xubno ku yeeshay xukuumada Somalia first appeared on Caasimada Online.
-
Laftagareen oo Magacaabay Taliyaha Howlgalinta Daraawiishta
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha dowladda goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa u Magacaabay Aadan Xared Cumar taliyaha howlgelinta ciidanka Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Muxuu wadnuhu ila dakaamayaa, Maxaan la hiin raagayaa, Maxey xubnuhu ila wada xanuunayaan, Aqoon la’aan, Talo la’aan, Ilbaxnimo la’aan Siyaasad la’aan iyo Kalsooni la’aan, ayaa dib u dhigtey Gobalada Togdheer, Sanaag iyo Sool, Waxa ay soo mareen marxalado kala duwan oo haba yaraatee ilaa dawladdihii ka talin jirey aaney wax qaab dhismeed dowladnimo ka geysan, dib u dhac weynina ka haysto baahiyihii nolosha, laakiin, Allaah Subxaanahu Watcaalaa uu ku muneystey dhul baaxad leh oo bad iyo berri ba leh, balse dhaqashada xoolaha ku garasho wacan yihiin kuna badbaadeen. Gobolada Togdheer, Sanaag iyo Sool, waxa ugu wacan inaaney garan ka faaiideysiga, hantida Deegaankooda, Kheyraadka ku dihin dalkooda waa Siyaasigooda iyo Aqoonyahankooda, kuwaasaa kursi iyo xildoon ku foogan, shacabkiina ka dhigtey ( Dameer malab la Saarey). Dulucda iyo murtidu waxa weeye Akhriste in aan muujiyo khatarta ka iman karta wax qabad la’aanta Goboladaa, ee Siyaasiga ka soo jeeda Gobaladdaasi garaneyn mudnaanta iyo shacabka badbaadadooda. PROF. MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA) ANKARA, TURKEY jaafaa66@gmail.com Qaran News
-
Qore : Sacdiyo Axmed Daahir iyo dhamaan Qoyska Reer Axmed Daahir. WARGELIN : TO: PRESIDENT MOHAMED A FARMAAJO TO : PM MOHAMED H ROOBLE TO [...] The post Wasiirka Cusub ee Arimaha gudaha iyo dibu-heshiisiinta Jeneral Mukhtar oo xoog ku haysta gurigii AUN Advocate Axmed Dahir Xasan appeared first on . Source
-
Maxaad kala socotaa barnaamijka baraha bulshada ee sawirradaada qaawin kara? In ka badan boqol kun oo haween ah ayuu saameeyay barnaamijkan Warbixin dhawaan lasoo saaray ayaa lagu sheegay in sawirrada haween tiradoodu ka badan tahay 100,000 oo wada qaawan lagu faafiyay app-ka Telegram, kaddib markii barnaamij tiknoolojiyad ah lagu khiyaanay sawirro ku jira baraha bulshada. Shirkadda lagu magacaabo “Sensity”, oo warbixintan shaacisay ayaa sheegtay in sawirradaas qaarkood ay yihiin carruur. Software-ka loo adeegsaday sawirrada la qaawiyay ayey shirkaddu sheegtay in loogu talagalay madadaalo ahaan. BBC-da ayaa tijaabisay barnaamijkaas, iyadoo uusan wax saameyn buuran ah ku yeelanin. Shirkadda “Sensity” waxay intaas ku dartay in barnaamijkan uu ku dhisan yahay “male’awaal qotadheer”, iyadoo sawirradana loo adeegsado muuqaallo ku jira bogagga lasoo galiyo sawirrada anshax xumada ah. Hase yeeshee madaxa shirkadda, Giorgio Patrini, ayaa sheegay in hadda loo soo jeestay sawirrada wajiga kaliya ah ee ay dadka soo dhigaan baraha bulshada, arrintaasina ay tahay wax ku cusub internet-ka. Wuxuu digniin u diray dadka sawirradooda soo dhiga qeybaha kala duwan ee baraha bulshada, kuwaasoo uu sheegay inay bartilmaameed sahlan u noqon karaan kooxaha sawirradaas been abuurka ah sameynaya. Sidee buu u shaqeeyaa barnaamijkan sawirrada qaawiya? Barnaamijkan waxaa heysta qolo channel ku leh barta Telegram, qof kasta oo doonaya in sawir loo qaawiyo ayaana u diri kara sawirradaas, isla daqiiqado gudahoodna waxay usoo qaawinayaan iyagoo aan wax kharash ah weydiinin. BBC-da ayaa aragtay dad tijaabo ahaan sawirradooda ugu diray qolyahaas, markii dib loogu soo celiyay iyagoo qaawanna waxay ahaayeen kuwo gabi ahaanba aan la rumeysan karin. Waxaa suuragal ah in barnaamijkan uu u shaqeynayo sidii ay u shaqeynayeen barnaamijyo la mamnuucay sanadkii lasoo dhaafay. Sawirro tusaale ahaan loogu muujinayo sida uu barnaamijkaas u shaqeynayo “Waxani waa madadaalo, qalalaasena kuma jiro,” ayuu yidhi qofka mas’uulka ka ah barnaamijkaas, oo magaciisa ku soo koobay Mr. Pei. Wuxuu intaas ku daray: “Ma jiro qof kugu cabsi galinaya barnaamijkan ama noloshaada ku baabi’inaya, maadaama natiijadu aysan ahayn mid sax ah.” Isagoo hadalkaas sii wata ayuu sheegay in kooxda shaqadan ku howlan ay tixraac ku sameeyaan sawirrada, “mar walba oo ay helaan sawirro carruurna ay barnaamijkooda xayiraad mamnuucid ah ka saaraan ciwaannada dadka usoo diray sawirradaas”. Laakiin wuxuu sidoo kale sheegay in go’aanka ku saabsan faafinya sawirradaas qaawan uu u yaallo dadka markii horeba dalbaday in loo baddalo. Isagoo difaacaya dhibaatada uu barnaamijkan u geystay dad badan ayuu Pei yidhi: “Adduunka waxaa ka jira dagaallo, cudurro iyo waxyaabo badan oo dadka waxyeelleeya.” Maamulka shirkadda Tegram wax jawaab ah kama aysan bixinin su’aalo aan ka weydiinnay aarinta ku saabsan warbixintan. Sida ku xusan warbixinta “Sensi” intii u dhaxeysay bishii July ee sanadkii 2019-kii ilaa bishii July ee 2020-kii, qiyaastii 104,852 haween ah ayaa lagu bartilmaameedsaday barnaamijkan sawirrada lagu dhalan rogo, kaddibna waxaa baraha bulshada lagu faafiyay sawirrada been abuurka ah ee laga sameeyay, loona maleynayo iyagoo qaawan. Waxay warbixintu sheegtay in qaar ka mid ah dadka la bartilmaameedsaday ay ahaayeen gabdho aan qaan gaarin, taasoo bidhaamineysa “in dadka qaarkood ay isku dayayaan inay geystaan tacaddi ka dhan ah ilmaha”. Sensity waxay sheegtay in dadka ugu badan ee barnaamijkan adeegsada ay yihiin kuwo u dhashay waddanka Ruushka iyo dalalka kale ee horay uga tirsanaan jiray isbahaysigii la odhan jiray Midowgii Soviet. App-ka Telegram wuxuu mamnuuc ka ahaa waddanka ruushak wixii ka horreeyay billowgii sannadkan, ka hor inta aan mar kale dib loo fasixin. Qaran News
-
21-Oktober-1969, 6 Maalin kaddib dilkii Allaha u naxariistee Madaxweyne Cabdirashiid Cali sharma’arke waxa ka dhacay Jamhuuriyadda Soomaaliya afgenbigii loo bixiyey Inqillaabkii caddaa, oo malaha loola jeeday in aan dagaal loo adeegsan hirgelintiisa, taasina waxa ay ku dhacday in koox ka tirsan ciidanka XDS oo derejo sare ka joogay ciidamadu ay si farsameysan u abaabuleen afgenbiga. Ka hor dilka Ahun Madaxweyne C/rashiid Cali Sharma’arke waxa jiray doodo ka taagaan doorashadii June 1967dii, kala qaybsanaan u dhaxeysay mucaaradka iyo qabaailka qaarkood oo u arkayey in saami wadaagga siyaasadda ay ku dulman yihiin, waxa kale oo jiray xisbiyo waday Olole ka dhan ah madaxweynaha iyo xisbigiisa SYL kuwaas oo sheegayey in lacag farabadan oo dowladdu leedahay loo adeegsaday si gaar ah, islamrakaana is xun loo maamulay dhaqaale gargaar ah oo ay dowladda Soomalaiya ka heshay dibadda. Arrin kale oo dhiirrigelisay kooxdii maleegtay afgenbiga iyo la taliyeyaashooda Ruushku waxa ay ahayd in Ahun Madaxweyne Cabdirashiid iyo Afhayeenkii golaha shacabku ay u baxeen booqashada gobolada Waqooyi (Somaliland), halka raisalwasaare Cigaalna uu ku jiray Siyaaro uu ku marayey Mareykanka. Ka maqnaanshaha madaxda ee Caasimaddu waxa ay hawo fiican siisay farsamayaqaankii Afgenbiga Ahun: SG:Salaad Gabayre Kediye, waxa uu sameeyey xiriir qarsoodi ah oo uu la yeeshay qaybaha ciidanka ee 26, 21aad, iyo 67aad, kuwaas oo uu u arkayey in ay muhiim u yihiin in dalku galo gacanta ciidanka, Habeeno ka hor 21-ka October; waxa soo baxay in uu jiro abaabul ay wadaan rag ka tirsan ciidanka XDS; balse si loo rumeeysto iyo si loo beeniyo ma haysan madaxdii xukuumadda Rayidku wax muujinaya oo ka badan in inqilaabkaasi marayo heerka fulinta, intii uu ku jiray heerarka fakarka iyo qabanqaabada waxa ay ragga diyaarinayey u dhaqmayeen si aan loogaba shakin Karin in ay wadaan qorshe iyo abaabul afgenbi, Ahun: Sarreeye Gaas Jaalle Maxamed Siyaad Barre; waxa uu xilliga intiisa badan la qaadanayey madaxda xukuumaddii uu afgenbiga u maleegayey, taas oo hoos u dhigtay shakiga geli kara. Sida uu Maxamed Turunji ku qoray buuggiisa Somalia Untold History Ahun; Raisalwasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa intii uu hayey xilka raisalwasaarenimo welwel iyo walbahaar ku hayey xogta uu ka helo dhinaca Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre oo ahaa taliyaha ciidanka xoogga dalka, dhowr bil ka hor afgenbiga xukuumaddii rayidka ahayd waxa uu raisalwasaare Cigaal wadey qorshe Taliyaha xoogga dalka loogu dirayo Raashiya si uu uga qaybgalo tababar iyo aqoon kororsi dhanka ciidanka ah, sidaas oo kale waxa jiray hindise xilka taliyaha ciidanka looga qaadayo SG; Maxamed Siyaad Barre, taasna waxa riixayey dhaqdhaqaaqa Jananka iyo saaxiibadii oo xukuumadda aanay waxba kala socon iyo hadal haynta suurtgalnimada in afgembi dhaco. Iyada oo doodahaasi taagan yihiin ayaa waxa soo dhacay warka sheegaya in uu dhintay madaxweyne Crashiid; kadib markii uu toogtay mid kamid ah illaaladiisu. 15; October-1969; 12:45, maalin tallaado ah ayaa laga maqlay Radio Muqdisho in Khaain kamid ah ciidanka booliisku uu fuliyey dil toogasho ah oo sababay dhimashada Madaxweyne Crashiid Cali Sharma’arke Warqad uu qoray Henry Kissinger, la taliyihii ammaanka ee Aqalka Cad, October 21, 1969; saacado ka hor afgembiga, kuna socotay Madaxweynihii 37aad ee Maraykanka Richard Milhous Nixon; ayaa muujisay in xitaa sirdoonka Mareykanku uusan xog iyo xaraf ka hayn dilka Ahun Madaxweyne Crashiid Cali Sharma’arke, balse ay heleen in dilka madaxweyne Crashiid uu sababi karo dagaal ballaaran oo dhexmara Qabaailka Soomaaliya, islamarkaana aanay fileyn in xubno kamid ah ciidanka XDS; oo diiddan waanwaan ay madaxweyne Cabdirashiid iyo Raisalwasaare Cigaal la geli lahaayeen Itoobiya, iyaga oo ka duulaya in aanay kulmin curashada dowladda Soomaaliya iyo collaadda Itoobiya. Waanwaanta ayaa ku qotantay in Itoobiya joojiso olaha ka dhanka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay markaas ka wadday fagaarayaasha ururada Caalamiga ah, iyada oo isku dayeysay in ay danaha dowladda Soomaaliya col uga abuurto golayaasha caalamiga ah iyada oo adeegsanaysa dacaayad ah in Soomaalidu tahay dad qallafsan oo lagayaabo in ay baabi’iyaan dhammaan danaha reer Galbeedka ee geeska Afrika. Henry Kissinger; Xaashida uu u diray madaxweyne Nixon ayaa waxa kale oo ku qornaa in askari booliiska Soomaaliya kamid ah oo iskii isu abaabulay uu fuliyey dilka madaxweynaha, raisalwasaare Cigaal ayaa ka soo duulay gobolka California, saacado yar kadib waxa dhacay afgenbigii, raisalwasaare Cigaalna waxa uu kamid ah madaxdii islamrkiiba xabsiga la geliyey. Kooxdii Afgenbiga fulisay wixii koowaad oo ay qabteen waxa ay ahayd in dastuurka buriyaan, Maxkamadda laalaan, xeerarka dalka oo dhanna ka dhigaan waxba kama jiraan, dalkana u bixiyaan magac cusub oo lagu qurxinayey wejiga xun ee xukun maroorsiga ah, halkii uu magacu ahaa Jamhuuriyadda Soomaaliya ayay u rogeen Jamhuuriyadda dimoqraadiga Soomaaliya, sidaas oo kalana waxa ay xabsiga dhigeen madaxda xukuumaddii rayid ahayd, waxa ayna baabi’iyeen hannaankii xisbiyada badan, kaas oo Baarlamaankii 9; ee Soomaaliya uu dib u meelmariyey 46; sano kaddib. Bishii November waxa ay kooxdii inqilaabku ku mashquulsanayeen sidii ay u sameyn lahaayeen marmarsiinyo loo maray afgenbiga xukuumadda doorasho ku timid, waxa ay soosaareendhowr xaashiyood oo maareynayey arrimaha qaanuunka iyo xiriirka dibadda. Magacyada iyo Derajada Saraakiishii afganbisay Dawladdii Rayidka, habeen Talaado ah 21 October 1969-kii, Maj. Gen. Maxamed Siyaad Barre (XDS) Brig. Gen. Salaad Gabeyre Kediye (XDS) Maj. Gen Jaamac Cali Qorsheel-Booliiska. Brig. Gen. Maxamed Ceynaanshe Guuleed (XDS) Brig. Gen. Xuseyn Kulmiye Afrax -Booliiska. Brig. Gen. Maxamed Cali Samatar (XDS) Brig. Gen. Cabdalla Maxamed Faadil (XDS) Col. Cali Mataan Xaashi (XDS) – Ciidanka Cirka) Col. Axmed Maxamuud Cadde -Booliiska. Col. Maxamuud Mire Muuse -Booliiska. Lt. Col. Ismaaciil Cali Abokar (XDS) Lt. Col. Axmed Suleymaan Cabdalla (XDS) Lt. Col. Maxamed Sheekh Cusmaan (Boolis) 14. Lt. Col. Maxamed Cali Shire (XDS) Lt. Col. Maxamuud Geele Yuusuf (XDS) – Ciidanka Badda) Lt. Col. Faarax Waceys Duule (XDS) . Lt. Col. Axmed Maxamuud Faarax (XDS) Lt. Col. Axmed Xasan Muuse (XDS) Maj. Cabdirisaaq Maxamed Abuukar (XDS) Maj. Bashiir Yusuf Cilmi (XDS) Capt. Cabdulqaadir Xaaji Maxamed (XDS) Capt. Abdi Warsame Isaaq Capt. Muhammad Omer Jees Capt. Osman Mohamed Jelle Capt. Muse Rabiile Good. Dhacdooyinkii waaweynaa ee Dhacay Muddadii uu xilka hayey Jaalle Siyaad 6-dii sano ee ugu horreysay xukunkiisa xoogga ku dhisan waxa uu isku dayey in uu sameysto hab uu dalka ku xukumo, iyada oo laga shidaal qaadanayo aragtida Hanti-wadaagga (Socialism), sidaas awgeed waxa Kaadirkii Kacaanku howl badan geliyey sameynta xarumaha hannuuninta, kooxaha fanka, ururada shaqaalaha iyo in dowladdu yeelato hantida waaweyn. 1975-tii ayuu qaaday mid kamid ah tallaabooyinka hirgelinta aragtida hantiwadaagga; waxa uu isku dayey in uu billaabo hirgelinta xeerka qoyska oo soo baxay 1970-kii, kaas oo jiiraya hannaanka dhaxalka, kaalimaha Xaaladaha shaqsiga ah ee diinta Islaamka, waxa uu jeediyey hadal gogoldhig u ahaa hirgelinta xeerkaas. Rag isugu jira culimo iyo dhallinyaro ayaa ka hadlay masaajidda iyaga oo muujinaya sida ay u diidan yihiin qodobo kamid ah xeerka qoyska ee xukunkii kacaanku soosaaray, taasina waxa ay u horseedday in dhammaantood la laayo, sida ay muujinayaan dhowr qoraal oo arrintaas xiriir la leh madaxdii Kacaanku waxa ay diideen talo ay siiyeen dowladaha qaarkood, gaar ahaan kuwa Muslimka, taladaas oo ku saabsanayd in aan xukuumaddu marna qaadan tallaabo iyo go’aan gaarsiisan dil oo ka dhan ah dadka sida nabadda ah u diiddan xeerka Qoyska, Taladaasii kuma dhicin dhego doonaya, jaalle Siyaad iyo Kaadirkiisii Kacaankuna waxa ay qaateen in la laayo Dadka ka hor yimid xeerkaas. go’aankaas ayaa xukunkii Kacaanku fuliyey kaddib markii lawada qaarijiyey 10 kii qofood ee ka hor yimid xeerkii qoyskana Kahmiis-23-January-1975-tii ayaa Radio Muqdisho laliyey War aad murugo u geliyey dad badan kaas oo ahaa: In Dil toogasho ah lagu fuliyey 10-kii qofood ee maxkamadda badbaadadu ku xukuntay dilka ee ka soo horjeestay xeerka qoyska, dilkaasi waxa uu ka dhacay meel u dhow dugsiga tababarka Booliiska. Dadkaas uu kacaanku laayey oo isugu jiray culimo iyo xertoodii ayaa waxa lagu eedeeyey in ay ka hor yimaaddeen xeer Labarka 12-aad, Qodobka 54-aad ee soo baxay 10-September-1970, waxa ayna kala ahaayeen. Sheekh Axmed Sheekh Maxamed, Sheekh Muuse Yuusuf, Sheekh Axmed Iimaan, Cali Xasan Warsame, Xasan Ciise Iley, Maxamed Siyaad Xirsi, Cali Jaamac Xirsi, Aadan Cali Xirsi, Saleebaan Jaamac Maxamed iyo Yaasiin Cilmi Cawil Markii uu warkaas dhiillada leh gaaray adduunka oo dhan ayuu jeediyey hadal uu ku sheegay in dilka raggaasi uu uu dhacay hab uu isku raacay golaha sare ee kacaanku, waxa uu sheegayaa in inta badan raggii ku jiray guddiga sare ee kacaanku ay diideen in lagu daayo cafis madaxweyne. Fanka iyo suugaanta oo ahaa shidaalka dhaqaajiya Kacaanka ayaa kamid ah waxyaabihii dhiirrigeliyey in Xukunkii kacaanku qaato tallaabooyin qallafsan, iyada oo markii dambana la soo saaray Suugaan ka dhan ah kacaanka. April; 1978; dii Inqilaabkii Dhicisoobay’ waxaa hoggaaminayey GS Maxamed Sheekh Cismaan oo ku magac dheeraa ‘Cirro’ iyo GS: Abdullahi Yusuf Ahmed; Markii inqilaabkii fashilmayna waxaa la toogtey 17; kamid ah rag lagu eedeeyey in ay qabanqaabiyeen Afgenbigaas dhicisoobay, kaas oo xukunka looga tuuri lahaa dowladda Kacaanka oo qudheedu ku timid 5; farood iyo calaacal; saraakiil kale oo ka badbaadday dilka, ayaa xabsiga la dhigay. 17-ka sargaal ee loo toogtay eedda afgenbigaas waxa ay kala ahaayeen:- Maxamed Sheekh Cismaan ‘Cirro’ G/le. Saciid Maxamed Jaamac G/le. Saciid Jaamac Nuur Dhamme: C/salaan Cilmi Warsame Dhamme: Ibraahim Maxamuud Xirsi Dhamme: Cabdullaahi Nuur Dhamme: Cabdullaahi Faarax Dhamme: Caagane Axmed Yuusuf Dhamme: Bashiir Abshir Ciise S/xarigle: Faarax Xalwo L/xarigle: C/Qaadir Geelle Cumar L/xarigle: C/Raxmaan Macallin Bashiir L/xarigle: Cabdi Ugaas Cismaan L/xarigle: Aadan Warsame yare L/xarighle: Maxamed Saciid Cabdulle L/xarigle: C/Wahaab Axmed Xaashi Rayad: C/Qaadir Warsame Yare. Waxa ka baxsaday oo kamid ahaa qorshaha afgenbiga GS: C/laahi Yuusuf Axmed; oo u cararay Dhinaca Itoobiya, kaddibna waxa uu unkay Jabhaddii SSDF; sanadkii 1978-dii Tobankii sano ee u dambeysay waxa uu xukunkii kacaanku billaabay in uu taagdarreeyo, kaddib dagaalkii ciidanka XDS la galay taliskii Itoobiya iyo jabhadihii xukundiidka hubeysan ahaa oo xoogeystay. Magacyada Saraakiishii hoggaminaysay Afgambiga. Maj. Gen. Maxamed Siyaad Barre (Xoogga) Brig. Gen. Salaad Gabeyre Kediye (Xoogga) Maj. Gen Jaamac Cali Qorsheel (Boolis) Brig. Gen. Maxamed Ceynaanshe Guuleed (Xoogga) Brig. Gen. Xuseyn Kulmiye Afrax (Boolis) Brig. Gen. Maxamed Cali Samatar (Xoogga) Brig. Gen. Cabdalla Maxamed Faadil (Xoogga) Col. Cali Mataan Xaashi (Xoogga – Ciidanka Cirka) Col. Axmed Maxamuud Cadde (Boolis) Col. Maxamuud Mire Muuse (Boolis) Lt. Col. Ismaaciil Cali Abokar (Xoogga) Lt. Col. Axmed Suleymaan Cabdalla (Xoogga) Lt. Col. Maxamed Sheekh Cusmaan (Boolis) Lt. Col. Maxamed Cali Shire (Xoogga) Lt. Col. Maxamuud Geele Yuusuf (Xoogga – Ciidanka Badda) Lt. Col. Faarax Waceys Duule (Xoogga) Lt. Col. Axmed Maxamuud Faarax (Xoogga) Lt. Col. Axmed Xasan Muuse (Xoogga) Maj. Cabdirisaaq Maxamed Abuukar (Xoogga) Maj. Bashiir Yusuf Cilmi (Xoogga) Capt. Cabdulqaadir Xaaji Maxamed (Xoogga) Capt. Abdi Warsame Isaaq Capt. Muhammad Omer Jees. Capt. Osman Mohamed Jelle. 1980-1988 waddanku waxa uu galay deganaansho la’aan siyaasadeed, Jabhado hubeysan iyo iskudhexyaaca siyaasadda gudaha ah, taasina waxa ay sababtay in 1987 dowladdu iskudaydo in ay mucaaradka iyo calawga siyaasadda ku xalliso xoog, waana sababta keenta in Muqdisho, gobolada Bartamaha, Bari iyo Waqooyi-galbeed ay ka dhacaan dagaallo lagu hoobtay iyada oo shacabka loo adeegsaday gaadiidka iyo diyaaradihii lagu keenay canshuurta gudaha iyo deeqaha adduunku siiyey Soomaaliya. Sanadkii 1991 ayaa xukunkii kacaanku Burburay, Maxamed Siyaad Barre Waxa uu tegey gobolka Gedo, markii dambana waxa uu megengelyo siyaasadeed ka helay Nayjeeriya (Nigeria) magaalada Legos ayuu ku geeriyooday sanadkii 1995-kii. WQ: Axmed Ciise Guutaale Dersa Sharciga, Qaanuunka & Warbaahinta AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post 21-Oktobar: Afgembigii caddaa ee sababay daadashada dhiig badan! first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ku toogtay laba qof oo mid ay ku sheegeen sarkaal ka tirsanaa NISA, kan kalena oday kamid ahaa ergadii doorashada. Shabaab ayaa shaacisay in dagaalyahano ka tirsan ay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ay ku khaarajiyeen Sarkaal ka tirsan Hay’adda nabad-sugida ee NISA. Sarkaalkaasi ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdillaahi Maxamed Isxaaq, oo lagu soo waramayo inuu caan ka ahaa degmada ay dableydu ku dileen. Sidoo kale waxay sheegen in deegaanka Ceelasha Biyaha ay ku dileen Maxamed Aadan Sagaaroow, oo kamid ahaa ergadii soo dhisay maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya. Caasimada Online ma xaqiijin karto sheegashadan, sidoo kale ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga iyo saraakiisha dowladda Soomaaliya oo mararka qaar ka hadla dilalka ay geysato Shabaab. Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ka fulisa dilal qorsheysan oo ku bartilmaameedsanayso shaqsiyaad ka tirsan dowladda ama ay u aragto inay muhiim yihiin. The post Laba qof oo Muqdisho lagu dilay iyo Al-Shabaab oo ku eedeysay laba arrin oo kala duwan first appeared on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maalmahanba safarro shaqo ku marayey qaar kamid gobollada dalka, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheedh. Madaxweynaha iyo weftigiisa oo saaka kasoo kicitimay magaalada Burco, ayaa ka hor intii aanay gaadhin magaalada Oodweyne waxa lagu soo dhaweeyey deegaannada Ceel-bilcille iyo Ceel-same oo u dhexeeya Burco iyo Oodweyne, waxana shacabka deegaannadaasi ay madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisa ku qaabileen caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland. Qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheedh oo ay hormuud u yihiin maamulka degmada, waayeelka, waxgaradka, madax-dhaqameedka iyo haweenka, islamarkaana wegen fardo ahi hoggaaminayaan, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay waddada weyn ee dhinaca Bari uga baxda magaalada Oodweyne, waxana iyaga oo lulaya calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan ay madaxweynaha iyo weftigiisa u galbiyeen xarunta cusub ee Baanka dhexe ku leeyahay Oodweyne. Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa socod lug ah la qaatay shacabkii soo dhaweeyey, iyaga oo barxadda weyn ee dhismaha cusub ee Baanka dhexe halkaas ka binaystay kala hadlay bulshadii soo dhaweysay oo ay ka muuqatay xammaasad, waddaniyad iyo jacayl ay u qabaan madaxweynahooda. Ugu horrayn waxa shacabkii soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa la hadlay maayarka magaalada Oodweyne, Mudane Cabdixakiin Nuur Muuse iyo badhasaabka gobolka Oodweyne, Mudane, Nuur Cismaan Guuleed, waxana ay uga mahadnaqeen sida waddaniyadda leh ee ay madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaweeyeen, iyaga oo madaxweynahana uga mahadnaqay sida uu isaga xil-saaray inay Oodweyne hesho mashaariic waaweyn oo ay xukuumaddu u qorshaysay. Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good oo kamid ah salaadiinta waaweyn ee kasoo jeedda gobolka Daad-madheedh oo la hadlay shacabkii madaxweynaha soo dhaweeyey, ayaa mahadnaq kaddib shacabka reer Daad-madheedh ugu baaqay inay taageero iyo gacanba siiyaan mashaariicda waaweyn ee xukuumaddu ka waddo guud ahaan gobolka. Wasiirrada wasaaradaha Xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandarre iyo guddoomiyaha Baanka Dhexe, Mudane Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo iyaguna hadallada u kala dambeeyey, ayaa si guud ugu mahadnaqay bulshada ku dhaqan gobolka Daad-madheedh, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay xukuumadda ka go’an tahay in gobolka laga fuliyo mashaariic Aayo-tiin leh oo mustaqbalka la intifaacsado. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dheer u jeediyey bulshada reer Oodweyne, ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen madaxweynaha iyo weftiga heer qaran ee uu hoggaaminayo, waxana uu xusay soo dhaweyntaasi tahay farriin waddaniyadeed oo muujinaysa sida ay ugu heellan yihiin midnimada iyo horumarka dalka ka socda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxa aad diraysaan farriin qarannimo, mid nabadeed, mid walaalnimo oo aad qaranka oo dhan u diraysaan, maadaama oo aannu nahay wefti heer qaran ahna farriintiinnaas, niyad-wanaaggaas iyo horumarkaas waannu gaadhsiinaynaa, qarankuna wuu idiinka mahadnaqayaa.” Madaxweynuhu waxa uu shacabka la wadaagay isteraatiijiyadda iyo taariikhda faca-weyn ee magaalada Oodweyne leedahay, isaga oo sheegay inay tahay goob muhiimad gaar ah ugu fadhida qaranka, “Oodweyne waxa ay ahayd meel taariikhda Somaliland fac-weyn ku leh, haddii taariikhdii hore ee Somaliland la eegona meel dad taliya oo dadka wax tara oo magac leh Ilaahay ku abuuray taariikho badanna usoo joogtay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xadhigga ka jaray Dhisme laba dabaq ah oo loo bineeyey laanta Baanka dhexe ee Somaliland ku leeyahay magaalada Oodweyne, taas oo wax weyn ka taraysa bilicda iyo dakhliga magaalada. Wa-bilaahi Tawfiiq Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qirtay inuu leeyahay xisaab bangi oo uga furan bangi Shiinees ah sidda ay daabacday jariirada New York Times. Akaawnkan ama xisaabta bangi oo ay leedahay shirkadda Trump ee adeegyada hotelada ayaa waxaa la canshuuray intii u dhexeysay sannadkii 2013 illaa 2015 Afhayeen u hadlay Madaxweyne Trump ayaa sheegay in akaawnkan loo sameeyay arrimo la xidhiidha howlaha hotelada ee qaarada Aasiya. Mr Trump ayaa hore u dhaliili jirey shirkadaha Maraykanka ee ganacsi la sameeyo dalka Shiinaha waxana uu qarxiyay dagaal ganacsi oo ka dhan ah Shiinaha. Arrintan ayaa waxa ay soo shaac bixiyay wargeyska New York Times kadib markii wargeyska uu helay faahfaahino la xidhiidha dhaqaalaha Trump ha noqoto mid shaqsi ah ama mid shirkadaha uu leeyahay ah. Wargeyska ayaa hore u daabacay warbixino sheegaya in Trump uu bixiyay lacag gaadheysa $750 (£580) sannadihii 2016 iyo 2017,halka Xisaabta bangi uu ku leeyahay Shiinaha canshuur ahaan u bixiyay $188,561. Source
-
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa mannta magaalada muqdusho ka daah furtay kulan wadatashi oo ku saabsan abuurista xarunta macluumaadka ee loo yaqaano (resource centre) ee arrimaha dhab-u-heshiinta iyo federaalka. kulankaan oo socon doono mudo laba maalmood ah ayaa lagu falanqeen doona sida ugu haboon ee loo unki karo xarun lagu kaydiyo laguna fidiyo aqoonta , macluumaadka iyo khibradda la xiriirta arrimaha nabadda, dhab-u-heshiinta iyo federaalka, iyadoo laga tala galinaayo khubarada, ururada bulshada rayidka ah iyo hay’adaha waayo-aragnimada u leh arrimaha nabadda iyo dowladnimada. Shirkaan waxaa soo qaban qaabiyay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-hishiisiinta ee dowladda Soomaaliya. View the full article
