Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz ayaa adkeeyey xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeya labada dal. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed aysan marna ilaawi doonin abaalka Turkiga, ugana mahad-celinayaan taageerada iyo waxqabadka muuqda ee suurageliyey in waddankeena uu tallaabo horey u qaado, isagoo xusay in Xukuumaddiisu ay sii adkeyn doonto xiriirka walaaltinimo ee labada dal ka dhexeeya. Eng. Rooble ayaa sheegay in xiligan muhiimka ah ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo u baahan in laga caawiyo arrimaha banii’aadamnimada, isagoo uga mahadceliyey taageerada dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo Gargaarka. “Xiriirka aan la wadaagno Turkiga waa mid ahmiyad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed iyo sidii ay dib ugu soo kaban lahayd.Waxaan uga mahad celineynaa Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda garab istaaggii ay inoo muujiyeen xiliyadii adkaa ee nasoo maray iyo mashaariicyadii ay ka fuliyeen dalkeenna welina u taagan yihiin garab istaaggeena”. Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa dhankiisa balan qaaday in ay sii wadi doonaan garab istaaggooda dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay in la sii dardargeliyo taageerada aan shuruuddu ku xirnayn ee dalkiisu siiyo Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  2. Dowladda Kenya ayaa haatan qorsheyneysa inay ciidamo dheeraad ah u soo dirto xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay u xoojiyaan amniga. Madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyatta oo tababar u soo xirayey189 askari oo ka tirsan Booliiska Kenya ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidamadaasi la geyn doono deegaanada ku yaalla Xadka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lagu xoonin doono kuwii horey u joogay halkaasi, si ay roondooyin iyo howlgallo uga sameeyaan xadka labada dal. Inta badan dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ku fuliya wadanka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. View the full article
  3. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyanada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidmada Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaan hoos yimaad magaalada Xudur. Wararka ayaa sheegaya in halkaasi uu la dhacay dagaal foolka fool ah oo dhexmaray labada dhinac. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidmada daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. View the full article
  4. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-30102020.mp3 View the full article
  5. ‘No more sambusa diplomacy’: Muslim political organizers want real political participation—not just friendly mosque visits with the old political establishment. Source: Hiiraan Online
  6. ‘No more sambusa diplomacy’: Muslim political organizers want real political participation—not just friendly mosque visits with the old political establishment. Source: Hiiraan Online
  7. Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga, oo dhowaanahan xiriir aan wanaagsanayn la lahayd dowladda Faransiiska, ayaa cambaareysay weerarkii shalay ka dhacay magaalada Nice ee dalka Faransiiska. Weerarkaas oo toorrey loo adeegsaday ayaa lagu qaaday kaniisad ku taalla magaalada Nice ee dalka Faransiiska, halkaas oo lagu dilay seddax qof, dhowr kalena lagu dhaawacay. Labadan qof ayaa kala ahaa haweeney iyo nin lagu gowracay gudaha kaniisadda, sida ay wararku sheegayaan. Haweeney kale oo ku carartay maqaayad u dhoweyd goobta uu weerarka ka dhacay ayaa la sheegay in qofka weerarka fuliyay uu dhowr jeer toorrey ku dhuftay, dhaawac ka soo gaarayna ay u geeriyootay. Turkiga ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid “wuxuushnimo ah” oo aan la aqbali karin waxayna sheegtay inay sida ugu xooggan u cambaareyneyso. Dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Erdogan ayaa dhowaan ka carootay hadallo ka soo yeeray madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel macron, kaas oo ka dhan ahaa “diinta islaamka iyo Nebi Maxamed NNKH”. Faransiiska iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeyay xiisad xooggan kadib markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan u uku baaqay in “maskaxda laga baaro” madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, xilli ay sii kordheyso carada ka dhalatay hadal uu ugu gefay Islaamka. Macron ayaa ka carreysiiyey Muslimiinta kadib markii uu cambaareeyey wax uu ugu yeeray “islaamiyiinta”, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH, kadib markii la gowracay Samuel Paty, oo ahaa macallin Faransiis ah oo ardaydiisa tusay sawir gacmeed loola jeedo Nebiga NNKH. The post Maxay dowladda Turkey ka tiri weerarkii Faransiiska lagu qaaday kadib gefkii ay u gaysteen Nebiga NNKH? first appeared on Caasimada Online.
  8. The 1990s were personally tough for me. I spent the decade immersed in action based on climate catastrophe science, trying, and by all accounts failing, to stem the tide. Hardest of all, death and dementia came to my family. Source: Hiiraan Online
  9. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan xus iyo maamuus qaran ah la qaatay Duuliye sare Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere) oo ka mid ahaa ciidankii cirka ee dawladdii la isku odhan jiray Soomaaliya, Islamarkaana ahaa Bayloodkii diiday inuu fuliyo amarkii lagu siiyay inuu duqeeyo Magaalada Hargeysa 1988-kii, diyaaraddii uu wadayna ka dejiyay Dalka Jabuuti. Munaasibaddan qaran ee lagu xusayey kaalinta muhiimka ah ee uu Duuliye Axmed Maxamed Xasan kaga jiro taariikhda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo caawa lagu qabtay qasriga madaxtooyada, islamarkaana uu abaabulkeeda lahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa ka qaybgalay shir-guddoonka golaha wakiillada, qaar kamid ah mujaahidiintii usoo dagaallamay dibu-xoraynta dalka oo ay kamid yihiin Mujaahid Axmed Mire Maxamed, Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhego-weyne), Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, haldoor ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada iyo marti-sharaf kale iyo duuliyaha la maamuusayey, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku hayey doorkii shariifka ahaa ee duuliye Axmed Maxamed Xasan kasoo qaatay badbaadada nafaha shacabka iyo hantida Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu horrayn xubno rug-caddaayo ah oo dalka dibu-xorayntiisii ku suntan oo ay kamd yihiin Mujaahid Axmed Mire Maxamed, Mujaahid Ibraahim Dhego-weyne, wasiir Maxamed Kaahin iyo Oday Saleebaan Cumar-ku-joog oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa dhammaantood si isku mid ah u sheegay in Duuliye Axmed-dheere uu yahay shaqsi ku suntan taariikhda dalka, islamarkaana uu mudan yahay in sidan iyo si ka sarraysaba loo maamuuso, kana soo baxay waajibkii ciidannimo faraysay oo uu ka dhiidhiyey inuu laayo dadkii uu ku dhex noolaa. Guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, ku-xigeenkiisa, Mudane Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa iyaguna duuliyaha ku tilmaamay halgamaa qaatay go’aan geesinnimo leh oo baal dahab ah ka galay taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland. Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere) oo isaguna kelmedo kooban jeediyey, ayaa ugu horrayn si ballaadhan ugu mahadnaqay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxdooda oo uu ku tilmaamay dad xariir ah oo xasuusan abaalkii loo galay, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay qalbigiisa ku weyn tahay wanaagga taageerada looga muujiyey guud ahaan geyiga Somaliland. Duuliyuhu waxa uu ka xog-warramay dhibaatadii uu taliskii Af-weyne u geystay shacabka Somaliland, waxana uu ammaanay dhammaanba halgamayaashii naftooda u huray inay taliskaas meesha ka saaraan, xorriyadda iyo qarannimada Somaliland-na dib usoo celiyaan,“Dhibaatadii dhacday iyo gabbood-falkii dhacay wax lasoo koobi karo ma aha, waxana mahad iska leh raggii iyo haweenkii guntiga dhiisha iskaga dhigay ee u duubtay inay badbaadiyaan oo dadkii iyo dalkii ka qaadaan nidaamkii waxshiga ahaa oo marka horeba midiidin u ahaa gumaysigii dalka haysan jirey,” ayuu yidhi Axmed Maxamed Xasan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda maamuuska qaran soo gunaanaday, ayaa si mug leh ugu mahadnaqay duuliye sare Axmed Maxamed Xasan, waxana uu ku tilmaamay geesi indheer-garad ah oo qaatay go’aan adag oo uu ku badbaadiyey kumannaan nafood oo shacab ah iyo hanti ummadeed oo dulmi lagu burburinayey. Madaxweynuhu waxa uu sharaf iyo karaamo ku tilmaamay cid kasta oo ku sifowda halgan iyo ka gilgilasho dulmi, isaga oo xusay in dagaalkii Magaalooyinka Somaliland lagu duqeeyey uu ahaa mid dad badan oo Soomaali ahi ku waxyeelloobeen, “Halganka, xornimo-doonka iyo shahiidnimadu waa farxad iyo ummad loo taliyo, mana aha wax laga baqo iyo wax laga argogaxee waa waxa ay noloshu ku dhisan tahay, dagaalkuna muu ahayn mid qolo u socdee Soomaali oo dhan baa joogtay dhulka la garaacayey ee Burco iyo Hargeysa Joogay, cid walibana way ku noolayd,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ugu dambayntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu guddoonsiiyey duuliyaha billad-sharafta ugu weyn ee maamuuska qaranka Somaliland lagu bixiyo, Baasaboorka Somaliland oo Diblomaasi ah iyo mulkiyadda dhul uu duuliyuhu leeyahay oo looga binayn doono dhisme guri isaga u gaar ah. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
  10. The governments in one of Oregon’s most diverse counties are starting to reflect that diversity Source: Hiiraan Online
  11. Ka dib markii uu fashilmay hiigsigii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku doonayey inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, dalka waxuu u jihaystay doorasho (xulasho) aan wax badan ka duwanayn tii 2016, taas oo ku suntanayd musuq iyo awood maroorsi! Walaaca shacabka Soomaaliyeed ay qabaan ayaa ah faraggelinta shisheeye xilliga doorashooyinka. Haddaba waa maxay sababta dowladaha qaar ay u faraggeliyaan doorashooyinka dalal kale? Barre Dov H. Levin oo wax ka dhiga Jaamacada Hong Kong ayaa ku doodaya in faraggelintu dhacdo marka ay labo xaaladood isku mar kulmaan: (1) Awood shisheeye oo si qoto dheer u cabsi gelisa musharrax ama xisbi ku tartamaya doorasho leh “kala-doorbidyo” aad u kala duwan oo aan ahayn kan ay iyagu leeyihiin; iyo (2) Jiritaanka jilaa kale oo maxalli ah oo ka jiraa waddankaas, oo oggolaaday inuu la heshiiyo faraggeliyaha shisheeye. Jilayaashan maxalliga waxay oggol yihiin inay faraggeliyaha siiyaan xog siyaasadeed oo uu u baahan yahay si uu fursad ugu helo ku guuleysiga hawshaas (USAToday 7/09/2020). Dalalka soo koraya, ayna ka jirto furfurnaanta siyaasadda iyo nidaamka xisbiyada badan, isla-markaasna leh khayraad dabiici ah, amase ku yaalla marinnadda muhiimka u ah ganacsiga iyo tamarta caalamka (Istratiiji ah), waxaa aalaaba ku baratama quwadaha xoog milateri iyo awood dhaqaale ugu tunka weyn adduunka. Sida laga soo xigtay xog ururin uu sameeyey Barre Sare Dov Levin, dalka Maraykanka waxuu isku dayay inuu faraggeliyo 81 dal madaxtooyo doorasho muddadii u dhaxaysay 1946 ilaa 2000. Halka Dalka Ruushka uu isku dayay inuu wareejiyo 36 dal doorasho, laga soo bilaabo dhammaadkii Dagaalkii 2aad ee Adduunka – taasoo ka dhigan, in wadar ahaan ugu yaraan mid ka mid ah labada quwadood ee waaweyn ee qarnigii 20aad uu soo faraggeliyeen ku dhawaad 1 ka mid ah 9-kii tartanba, heerka fulinta waqtigaas. Tiradaas oo uu soo bandhigay Mr. Dov Levin kuma jirto afgembiyada milateri ay ku lug lahaayeen quwadaha waaweyn (Los Angeles Times Dec 21, 2016). Dumistii dowladii dhexe iyo dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, waxaa ka dhashay barakac baahsan, macaluul aad u xun iyo kooxo diimeedyo hubaysan. Saddexdaan xaaladood dartood, Soomaaliya waxay “martiggelisay” faraggelin shisheeye oo wadata sharciyada QM! Dowladaha faraggelinta ku sameeya Soomaaliya waxay wada xaqiijinayeen danaha ammaankooda iyo dhaqaale. Balse waxay ku kala geddisan yihiin wadiiqooyinka ay u marayaan, kuwaasoo kala qaaday labo dhabbo: (b) Kuwo u arkay inay dantooda ku xaqiijin karaan Soomaaliya oo leh dowlad nugul (maamul, & ciidanba), iyo (t) Qaar aaminsan inay dantooda ku xaqiijin karaan Soomaaliya oo leh dowlad ay xoog badan yihiin hay’adaheeda dastuuriga, lehna cudud ciidan. Faraggelinta ugu khatarta badan waxay ka kala imanaysaa dowladaha deriska iyo kuwa Khaliijka Carabata! Imaaraadka Carabta waxuu danaynayaa inuu si xaraash ah ku hantiyo dakadaha dalka, halka Kenya ay rabto inay si sharci-darro ah ku milkiso qayb ka mid ah badda Soomaaliya. Waxaa xusid mudan, in Itoobbiya uu hunguri kaga jiro inay Soomaaliya la saxiixato heshiis aan dheeli-tirnayn si ay uga faa’iidaysato dekedaha Soomaaliya. Dalka Qadar oo si weyn ay isu hayaan isbahaysi Carbeed oo ay hoggaaminayaan Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa ku loollamay siyaasadda Soomaaliya. Balse ilaa iyo hadda ma cadda dano muuqda oo uu dalka Qadar ka leeyahay Soomaaliya, marka laga reebo inuu si xor ah u isticmaalayo “Air space” ka Soomaaliya, si aysan u saamayn cunaqabataynta ay saareen Isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka. Turkiga waxuu Soomaaliya u soo birmaday xilli dadka Soomaaliyeed quus ay joogaan, gacan furnaantiisa iyo taageeradiisa aan shuruuda ku xirnayn waxuu ku kasbaday quluubta milaayiin Soomaali ah. Waana dalka keliya ay dadaalladiisa dib-u-dhiska si cad looga dareemayo dhinacyada, ciidanka, waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha – taasoo ka dhigan in Turkiga yahay dal doonayo inuu la yeesho dalka kale xiriir ku dhisan sinnaan iyo iskaashi oo ka fog wiiqid iyo ka faa’idaysiga tabardarrada dalka kale. Waxgarad badan ayaa rumaysan, in doorashada nagu soo aaddan si weyn ugu hardami doonaan Qadar iyo Imaaraadka oo kaashanaya Kenya. Waxaa la saadaalinayaa in dhaqaale xoog badan la adeegsan doono si codadka loo gato. Haddii doorashada madaxtooyada Soomaaliya ay ku guulaystaan Jilayaasha jaalka la ah Imaaraadka Carabta iyo Kenya, waxaan shaki ku jirin inuu dhaawac weyn soo gaarayo xiriirka waxtarka leh ay dadka Soomaaliyeed la leeyihiin dalka Turkiga, maadaama Imaaraadka Carabta iyo Kenya aysan dantooda ku jirin xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Waxaa xusid mudan, in sanadkii 2016 markii uu xumaaday xiriirka ka dhaxeeya Sacuudiga iyo Iiran ay saamaysay xiriirka Soomaaliya iyo Iiraan. Sida ku cad dokumenti ay aragtay Wakaalada Wararka ee Reuters “Soomaaliya ayaa 50 milyan oo doolar ka heshay Sacuudi Carabiya bishan ay u jareen xiriirka Iiraan” (Reuters 17/01/2016). Soomaaliya waxaa ragaadiyay faraggelin shisheeye oo adeegsanaysa dabaqadda siyaasiyiinta soomaaliyeed oo u badan danaeystayaal ka hormarinayo danahoda gaarka ah kuwa qaranka iyo shacbiga, sidaas daraddeedna u bareeraya u adeegidda faraggelinta shisheeye oo masiirka dalka ku leh saameyn aad halis u ah. Dhanka kale, waxay u muuqataa in shacabka Soomaaliyeed uusan ku baraarugsanayn saamaynta ay ku yeelan karto jiritaanka Soomaaliya. Weyna adagg tahay in laga baxo ilaa ay shacabka garwaaqsadaan inay yihiin awooda dhabta ah. “Awoodda dadka ayaa aad uga xoog badan dadka xukunka haya” waxaa sidaas yiri Faylasuufka Weal Ghonin. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Doorashada Soomaaliya ma saamayn doontaa xiriirka TURKIGA iyo Soomaaliya? first appeared on Caasimada Online.
  12. The podcast aims to humanize refugees' experiences by sharing personal stories about conflict. Source: Hiiraan Online
  13. ADDI ABABA (Reuters) - Clashes between two Ethiopian states that have long disputed their border have killed at least 27 people, Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa inta badan canshuuro xad dhaafa ka qaada bulshada Soomaaliyeed, iyada oo shaqsiyaadka ka madax adeyga ama diida canshuurtaasi marsiisa ciqaab adag, sida dhawaan lagu baahiyey warbixin dheer oo uu soo saaray Machadka HIRAAL ee darasaadka amniga. Shakhsiyaadka diida bixinta canshuurta Shabaabka ayaa gebi ahaanba waxa lagu qasbaa inay xiraan ganacsiyadooda ama ka baxsadaan dalka, iyaga oo badalaya dhamaan cinwaanadii lagala soo xiriiray, si ay u bad-baadsadaan naftooda. Sidoo kale waxay kooxdu ku ciqaabta shaqsiyaadka ka hor-yimaada bixinta canshuurahooda inay ku fuliso qorshe dil toogasho ah, kaasi oo ay u fuliyaan dagaalyahanado daacad u ah saraakiisha qaabilsan aruurinta canshuuraha. Mararka qaar waxa dhacda in Al-Shabaab ku qasabto ganacsiyada inay bixiyaan cashuurihii sanado tegay oo aanu ganacsigu u diiwaan-gashanayn kooxda, iyada oo ganacsiyada hadda la diiwaan-galiyayna lagu qasbo inay bixiyaan cashuuraha sanadkan iyo tii kii tegay, sida lagu sheegay warbixinta Machadka HIRAAL. Inta badan ciqaabta adag ee ka dhalata diidmada bixinta canshuuraha Shabaabka ayaa horseeda in ganacsatadu ku qasbanaadaan bixinta lacagahaasi baada ah, iyaga oo u arka in dantooda iyo amnigoodu ku jiro bixinta canshuurta ay rabto kooxdaasi. Warbixinta ayaa sidoo kale waxay daaha ka rogtay inay jiraan saraakiil ka tirsan dowladda, kuwaasi oo Shabaabka siiya qayb ka mid ah mushaharkooda si aysan kooxdu u bartilmaameedsan. Waxaana ugu dambeyntii lagu sheegay warbixintaasi in kooxdu ay lacag diiwaan-gelin ah ka qaado saraakiisha dowladda hoose markasta oo ay diiwaan-geliyaan boosas dhul ah, taasi oo xadigeeda lagu sheegay $1000. The post Xog: Qaabka Shabaab ula macaamisho shaqsiyaadka diida bixinta canshuurta first appeared on Caasimada Online.
  15. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa munaasabad xus iyo maamuus ah u qabtay duuliye sare Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere) oo ka tirsanaa ciidankii cirka ee dowladdii Jaalle Siyaad, Islamarkaana ahaa duuliyihii fulin waayay amarkii lagu siiyay in uu duqeeyo Magaalada Hargeysa. Munaasibaddaas lagu xusayey kaalinta muhiimka ah ee uu Duuliye Axmed Maxamed Xasan kaga jiro taariikhda dadka Soomaaliyeed, oo xalay lagu qabtay madaxtooyada Hargeysa, taas oo uu abaabulkeeda lahaa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa ka qaybgalay Guddoonka Golaha wakiillada Somaliland, xubno ka tirsan Xukuumadda, siyaasiyiin, Taliyaal ciidan iyo marti sharaf kale. Munaasabadda waxa laga jeediyay khudbado kala duwan, oo ku saabsan xuska iyo maamuuska Go’aankii duuliye Axmed Maxamed Xasan, uu ku badbaadiyay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Hargeysa, kadib markii Taliskii Siyaad Barre ku amray in uu duqeeyo magaalada. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda gunaanaday, ayaa si mug leh ugu mahadnaqay duuliye sare Axmed Maxamed Xasan, waxana uu ku tilmaamay geesi indheer-garad ah oo qaatay go’aan adag oo uu ku badbaadiyey kumannaan shacab ah iyo hantidooda. Sidoo kale, Madaxweyne Biixi waxa uu guddoonsiiyey duuliyaha Baasaboorka Somaliland oo Diblomaasi ah iyo mulkiyadda dhul uu duuliyuhu leeyahay oo looga dhisi doono guri isaga u gaar ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo kulan xus iyo mahadnaq ah ku maamuusay duuliye Sare Axmed Dheere appeared first on Puntland Post.
  16. Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed, oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee degaanada Koonfur Galbeed, ayaa kala hadlay arrimo quseeyo xaaladda doorashada Soomaaliya. Kulankaan ayaa dhacay 23-kii bishaan oo ku beegneed Jimcihii hore waxaana hadda la helay hadal kulul oo isugu jira digniin iyo wargelin oo la siiyay Odayaasha Koonfur Galbeed isagoo kulankaas kadibna usoo safray Muqdisho. Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa odayaasha dhaqanka u sheegay in aysan aqbali doonin Koonfur Galbeed in uu tartan ka galo Xildhibaan Mucaarad ah. “Waa muhiim inaa la socotaan xaaladda dhabta ah ee dalka, Koonfur Galbeed mucaarad waxba uma galo mana rabno inaa soo saarno qof muaacarad ah oo aan faa’iido noo laheyn xataa ma rabno inuu tartan soo galo iskaba daa inuu guuleystee,” ayuu Lafta-gareen ku yiri Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed, sida aan ka soo xiganay odayaal ka tirsan kuwii kulanka ka qeyb galay. “Aad ayaa idin xushmeeyaa, iima keeni kartaan qof mucaarad ah xataa haddii uu wiilkiina yahay haddii aad isku daydaan sidii mid kamid ah dhaqankiina ayuu maamulka go’aan idinka qaadan doonaa, liiska dhaqanka qof u qalma oo nala shaqeen kara ayaa keeni doonaa,” ayuu sidoo kale ka hor sheegay Madaxweyne Lafta-gareen. Arrintaan ayaa la yaab ku noqotay Odayaasha dhaqanka ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana sidoo kale la sheegay In looga hanjabay xarig haddii ay warbaahinta ka hadlaan ama ay xogtaan bixiyaan. Hadal heynta ugu weyn ee odayaasha dhaxdooda ayey arrintaan noqotay inkastoo aysan ka hadli karin. The post Lafta-gareen oo odayaasha dhaqanka siiyey digniin la xiriirta xildhibaanada cusub first appeared on Caasimada Online.
  17. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa Danjire Mehmet Yilmaz u sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan marna ilaawi doonin abaalka Turkiga, ugana mahad-celinayaan taageerada iyo mashaariicda ay ka fuliyaan Soomaaliya, isagoo xusay in Xukuumaddiisu ay sii adkeyn doonto xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal. Eng. Rooble ayaa sheegay in wakhti xaadirkan ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo u baahan in laga caawiyo arrimaha banii’aadamnimada, isagoo Turkiga uga mahadceliyey taageerada dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo Gargaarka. “Waxaan uga mahad celineynaa Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda garab istaaggii ay inoo muujiyeen xiliyadii adkaa ee nasoo maray iyo mashaariicyadii ay ka fuliyeen dalkeenna welina u taagan yihiin garab istaaggeena.” ayuu yiri Mr Rooble. Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz, ayaa dhankiisa balan qaaday in ay sii wadi doonaan caawinta iyo isgarab taagga dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay in la dardargeliyo taageerada dalkiisu siiyo Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Turkiga appeared first on Puntland Post.
  18. Golaha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa meel mariyey ku talagalka Miisaaniyad sanaddeedka Dowladda ee 2021, oo uu ku jiro Kharasha Doorashada 2020/2021. Miisaaniyadda guud ee sannadka 2021, oo dhan $671.8 million ayaa u qeybsan saddex qeybood oo kala ah ,Dakhliga Gudaha 260.1 million iyo Kabka Miisaaniyadda oo noqonaysa 170.9 million, halka ay mashaariicdu yihiin 240.8 million. Miisaaniyadda ayaa diiradda saareysa fulinta qorshaha qaranka, waxaana loo qoondeeyey dhanka horumarinta qaddar dhan 38 million, lacagtaas ayaa lagu bixin doonaa arrimo la xiriira; Caafimaadka, Waxbarashada, Ka hortagga fatahaadaha, Garsoorka iyo Dib u dhiska waddooyinka. Sidoo kale, Golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa la isku raacay sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen golihii Wasiirrada Xukuumaddii xil gaarsiinta, kuwaas oo isugu jiray xeerar , siyaasado iyo heshiisyadii ay galeen. PUNTLAND POST The post Golaha Xukuumadda Soomaaliya oo ansixiyay Miisaaniyad-sannadeedka 2021 appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa walaac xoogan ka muujisay canshuuraha xad dhaafka ah ee kooxda Al-Shabaab ay ka qaado ganacsatada Muqdisho iyo guud ahaan kuwa Soomaaliya kaasi oo ay u adeegsato falalka argagixiso ee gudaha dalka. Ergayga UK ee Qaramada Midoobay, Jonathan Allen ayaa sheegay in halis badan ay ka muuqato warbixinta guddiga amniga ee QM ka diyaariyeen Soomaaliya, gaar ahaan qaabka dakhliga ku hesho Shabaab, kaasi oo farta ku fiiqaya awooda kooxda. Jonathan ayaa xusay in arrintaasi ay qeyb ka tahay caqabadaha culus ee weli ka jira Soomaaliya, inkasta oo ay jiraan horumar laga sameeyay dhinacyo badan, wuxuuna yiri “Waxaan u baahanahay in aan taageerno Soomaaliya oo aan si wada-jir ah uga shaqeyno la dirirka Al-Shabaab” Warbixinta QM ee dhawaan lagu soo bandhigay shir uu yeeshay golaha amaanka, ayaa daaha ka rogeysay in Shabaab ay 21-milyan ka hesho sanadkii canshuuro ay ka qaado dekedda Muqdisho iyo ganacsatada magaalooyinka. Waa arrin halisteeda leh in Shabaab ay canshuur ka qaado ilaha dhaqaalaha ee dalka, taasi oo la rumeysan yahay inay horseed u tahay amni darada ka jirta caasimada iyo gudaha Soomaaliya. Ma jirto jawaab rasmi ah oo ay dowladda ka bixisay warbixinta QM ku soo bandhigayso dhaqaalaha ay kooxdaasi ka aruuriso dekeddda iyo ilaha dhaqaale ee dalka, marka laga reebo inay hore u sheegtay inay isha ku hayso arrintaasi, inkasta oo ay muuqato inay ku guul-dareysatay wax ka qabashadeeda. The post Dowladda UK oo war kasoo saartay lacagta Shabaab ay ka qaadaan ganacsatada first appeared on Caasimada Online.
  20. Riyadh (Caasimada Online) – Saraakiisha Mareykanka ayaa ka digay weeraro lala beegsan karo magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga, xilli boqortooyada ay dhexda ka qabatay gantaallo iyo diyaarado drone ah oo ay soo direen kooxda Xuutiyiinta Yemen. Xuutiyiinta xiriirka la leh Iran ayaa bilihii tegay sare u qaaday weerarada ay la beegsadaan Sacuudiga, gaar ahaan gobollada Koonfureed ee ku teedsan xuduudda Yemen. Safaaradda Mareykanka ee Riyadh ayaa muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan caasimadda uga digtay “inay feejignaadaan oo ay qaataan taxaddarada lagama maarmaanka ah.” “Safaaradda waxay isha ku haysa warbixino sheegaya gantaallo iyo diyaarado drone ah oo laga yaabo inay kusoo wajahan yihiin Riyadh,” ayaa lagu yiri qoraal ay safaaradda soo dhigtay website-keeda, ayada oo aan bixin wax faahfaahin ah. Xuutiyiinta ayaa horey u beegsaday Riyadh ayaga oo adeegsanaya gantaallo iyo diyaarado drone ah, halka isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka Yemen ay sheegeen inay inta badan dhexda ka qabteen. Riyadh ayaa 700 oo km waqooyi kaga beegan xuduudda Yemen. Saacado kadib qoraalka safaaradda, isbaheysiga ayaa sheegay inay dhexda ka qabteen lix diyaarado drone ah oo ay ka buuxaan bamooyin kuwaasi oo ay soo direen Xuutiyiinta. Lama shaacin bartilmaameedka diyaaradahaas. The post MAREYKANKA oo ka digay weerar ku wajahan Riyadh first appeared on Caasimada Online.
  21. UNITED NATIONS (AP) — The United States strongly backed efforts to disrupt the illegal financing methods used by Somalia’s al-Shabab extremist group, which according to U.N. experts raised more than the $21 million it spent last year on fighters, weapons and intelligence. U.S. Ambassador Kelly Craft told the Security Council on Wednesday the Trump administration is committed to partnering with other countries and using U.N. sanctions to counter al-Shabab’s “financing of terrorism” and the threat from homemade bombs the group is making. The United States also remains focused on limiting the ability of al-Shabab to conduct attacks against civilians, she said. The Security Council was focusing on the panel of experts whose latest report stresses the continuing impact of al-Shabab’s operations not only in Somalia but in neighboring Kenya. “The threat posed by al-Shabab to peace, security and stability in Somalia goes beyond the impact of the group’s conventional military action and asymmetric warfare to include sophisticated extortion and `taxation’ systems, child recruitment practices and an effective propaganda machine,” the report said. Al-Qaida-linked al-Shabab remains the most active and resilient extremist group in Africa, controlling parts of southern and central Somalia and often targeting checkpoints and other high-profile areas in the capital, Mogadishu. It has fired several mortars this year at the heavily defended international airport, where the U.S. Embassy and other missions are located. The panel said al-Shabab lost territory as a result of military operations by the Somali National Army and the joint U.N.-African Union peacekeeping force and the increased intensity of airstrikes “by international actors,” including the United States. But since last December, it said the group was able to carry out three large-scale complex attacks, including on a U.S.-Kenyan military base in January and Mogadishu’s Elite Hotel in August. The experts stressed that military operations against al-Shabab “must be accompanied by non-military efforts to degrade the group’s capacity and combat its propaganda.” The panel of experts focused on one al-Shabab “taxation” checkpoint in Lower Juba, the group’s extortion of businesses in Kismayo, and two bank accounts associated with the group’s collection of taxes on imports into the port in Mogadishu, and “zakat” — an annual religious obligation. Its investigation found that al-Shabab generated approximately $13 million in these four case studies alone. It assessed that the group remains “in a strong financial position and is generating a significant budgetary surplus, some of which is invested in property purchases and businesses in Mogadishu.” The experts’ report said the Somali government has taken steps to strengthen the country’s financial sector to combat terrorism financing through legislation and oversight, and the private sector has also implemented measures to protect its systems. The government, supported by the U.N. Office on Drugs and Crime and the panel, is developing a disruption plan for al-Shabab finances that builds on current reforms and requires engagement from across government, the private sector and the international community, the report said. Belgium’s U.N. Ambassador Philippe Kridelka, who chairs the Security Council committee monitoring an arms embargo and other sanctions against Somalia, reported on the panel’s work Wednesday, emphasizing its financial analysis of al-Shabab’s revenue and insights from the U.N. Office on Drugs and Crime into the trafficking of improvised explosive device components. In their 2019 report, the experts said al-Shabab was manufacturing its own explosives, and in the latest report they said IEDs continue to be its “primary weapon of choice.” The panel said an analysis by the U.S. Federal Bureau of Investigation confirmed that al-Shabab was using nitroglycerine as an explosive, potassium nitrate as an oxidizer, and charcoal as fuel in some explosives — and it said the group was using a variety of switches to trigger explosions. Craft, the U.S. ambassador, said: “Addressing the ongoing al-Shabaab threat requires close cooperation between the federal government of Somalia, the Somali private sector, and international partners in order to disrupt their sources of financing.” “We are encouraged to learn this cooperation has been gaining momentum,” she said. Craft also urged council members to renew the U.N. sanctions next month, including a ban on IED components. Germany’s U.N. Ambassador Christoph Heusgen welcomed the panel’s improved cooperation, saying it is needed to tackle “the continuing challenge that al-Shabab poses to the stability and security of the country.” Therefore, he said, “it is very important that the sanctions regime will be continued to really prevent al-Shabab to do what they try to do.” Russia’s Deputy U.N. Ambassador Anna Evstigneeva said Moscow considers sanctions, including the restrictions on IED components, an important instrument to assist the Somali government in establishing peace and security. But she stressed that sanctions “should under no circumstances be an impediment” to the Somali National Army in the fight against al-Shabab. The post US focused on disrupting finances for Somalia's Al-Shabab first appeared on Caasimada Online.