-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
It takes a village Hawa Abdi died on August 5th The doctor who dreamed of rebuilding Somalia was 73. After her morning prayer and before she had eaten breakfast, the sun barely up, Hawa Abdi liked to walk around the village. First she would go to the communal farm to start the generators and check the crops: sorghum, maize, bananas, beans. Then she would go past the villagers’ dwellings, just stirring. When she had bought this land, in the Lower Shebelle west of Mogadishu, the capital, trees stretched to the horizon. Many remained, but now thousands of people sheltered among them, in a haven that had come to be called Hawa Abdi, after her. “Where are you going?” one dusty, desperate traveller might ask another in the years of Somalia’s civil wars, and the frequent answer was: “To Hawa.” Her name was not only on it, but she ran it, sorting out problems with the village elders in the shade of the mango grove she had planted. She guided its growth over three decades from a one-room rural maternity clinic, built in 1983 with some family gold she had put by, into a 400-bed hospital with three operating theatres, a school for 850 children and seven feeding centres. Eventually the village was home to 90,000 people. She was chief doctor and surgeon, farm manager, strategist, fundraiser and spokesman for the place. When the rest of the world forgot about Somalia, or turned away, she kept going at a furious pace. “Sitting is empty,” her grandmother taught her, “but working is plenty.” This was a village of the poor and needy. Its houses were shacks of sticks and woven grass, or bubble-tents rainproofed with plastic sheets. New arrivals often slept in the open, lining up each morning to see her and ask to stay. Many would be women, heavily pregnant, seeking a safe place to give birth where care was free. Some people came to find jobs; she trained a band of sharp-eared boys to be security guards and put men to work at building and farming. In the 1990s, when the hospital overflowed with injured soldiers and refugees who stumbled out of the bush, she became skilled, well beyond her expertise in obstetrics and gynaecology, at taking bullets and shrapnel out of them. When famine struck, especially the dreadful hunger of 2011, people came simply to be fed. At times she could not think how to help so many, but gave them whatever she had: sorghum chapatis every other day, a little donated rice cooked up in oil drums, cool water from the wells, a place to sleep. The residents of her village were mostly women and children. Their men had gone: killed, away fighting, or working in some other land. This gave her a fine chance to empower women, and she set to it. She knew how little they counted in Somali society, where boys were kings. When she was a child her mother had died before her eyes after a miscarriage, the blood pooling out of her robe; she decided then to become a doctor, to save the lives of other mothers. At seven she had been cut and stitched, which made the birth of her first child, at 13 after a forced marriage, wretchedly hard. The sickly little girl died, but happily her husband divorced her, and at 17 she leaped into studying: medical training in Kyiv on a Soviet scholarship, then a law degree in her spare time. Devoutly Muslim though she was, she dressed as she liked, and hotly disputed the parts of sharia law that offended her. In her village, equal rights were meant to prevail. Men were not allowed to beat their wives, and were locked in a storeroom if they did. Women were taught to sew and read in a special centre. Girls packed the school, smiling shyly in their uniform yellow hijabs alongside the boys. Her two daughters by her second, free, marriage, Amina and Deqo, set the example by becoming doctors and working with her. As for her, she could hold her own against anyone. Her body might be weak, but her tongue could defend against a thousand. She refused to tolerate the clan identities that made men fight each other, forbidding clan politics in the village and hanging white sheets round the boundaries to show it was a neutral place. That did not stop the Islamist militants, however. They routinely blocked food shipments and barged several times into the village, most violently in 2010 when teenage fighters ransacked the hospital, smashed the four incubators that were the only ones in the country, drove out the patients and tore up their records. She shouldn’t be in charge of anything, one gunman sneered, because she was old, and a woman. Well, she shouted back, he was young, and a man; he had two testes; but so did a goat. She was doing something to help her country. What exactly was he doing? She demanded a written apology. To her great satisfaction, it came. As their staff were increasingly attacked and killed, the international aid agencies left one by one. She had mixed feelings about that. People should work, not get handouts; it was better to train Somalis, many of them nomadic herders, to fend for themselves by farming or fishing. She gave the villagers patches of land and a small fleet of boats to encourage them. But she also needed big infusions of money and willing hands. In 2010 her three-year partnership with Médecins Sans Frontières, which had helped run large parts of the hospital, came to an end; in 2013 msf left Somalia. The un World Food Programme suspended aid too, and the Italian company that had subsidised the farm no longer dared send ships to buy its bananas. Trips to America from 2010 brought her welcome publicity and money from the diaspora, but when the foreign ngos ventured back in later years they still avoided the riskiest areas, like hers. She thought about leaving too, but who would care for her patients then? She sighed and stayed. Sometimes she was so weary that she could hardly walk. She felt Somalia was lost. What kept her going was a dream of her village as the country in miniature: the Somalia she remembered from childhood as a string of jewels along the Indian Ocean, its fields and tall trees greening miraculously after the rains. This seemed to her to have been a society of diligence, honesty, respect and love. Slowly, she had begun to rebuild it. No sound of gunfire there, just the sing-song of children at their lessons; no one hiding in terror from armed gangs, but women working at crafts and men fishing off the shore. And if a traveller should ask these people where they came from, they would answer: “From Hawa.” Source: The Economist The post Hawa Abdi: Obituary appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Ankara)-Dhulgariir xoog leh ayaa ku dhuftay xeebta Aegean ee Turkiga iyo waqooyiga jasiiradda Giriigga ee Samos, halkaas oo uu ku burburiyey guryo ayna ku dhinteen ugu yaraan 22 qof. Dhulgariirka cabirkiisu yahay 7.0 ayaa haleelay gobolka Izmir ee Turkiga, sida ay sheegtay USG. Turkiga ayaa cabirka ka dhigay mid hoose, oo ah 6.6, iyaga oo sheegay in 20 qof ay dhinteen 786 ay ku dhaawacmeen gobolka Izmir. Halka Samos, laba dhalinyaro ah ay ku dhinteen. Mas’uuliyiinta Izmir, oo ah xarunta gobolka, ayaa hadda samaynaya aag teendho ah oo ay ku xaraynayaan qiyaastii 2,000 oo qof habeenkii, iyadoo laga cabsi qabo in dhismayaal badan ay dumaan. Maamulka ayaa sheegay in 70 qof laga soo badbaadiyay burburka hoostiisa. Samatabbixiyeyaashu waxay sii wadeen inay qodaan godad shub ah, iyagoo rajeynaya inay helaan oo badbaadiyaan dad intaas ka badan. USGS waxay sheegtay in dhul gariirkan – oo laga dareemay meel fog sida Athens iyo Istanbul – uu ku dhuftay dhul gaadhaya 10km (lix mayl), in kastoo saraakiisha Turkiga ay sheegeen inuu dhulka ka hooseeyo 16km. Turkiga iyo Giriiga labaduba waxay ku fadhiyaan khadadka cilladaha, dhulgariirku waa wax ka caadi ah. Magaalada Izmir, oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn dalka Turkiga oo ay ku nool yihiin ku dhowaad saddex milyan, waxaa la arkaayey dad badan oo ku qulqulaya waddooyinka iyagoo argagaxsan iyo cabsi kadib dhulgariirkii dhacay. Ugu yaraan 20 dhisme ayaa dumay. Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada oo u muuqda mid muujinaya hal dhisme oo dhowr dabaq ah uu hoos isugu dumay, sida ay ku soo warantay weriyaha BBC-da ee Istanbul Orla Guerin. Muuqaalo kale ayaa muujinaya dadka deegaanka oo ka dul daadanaya burburka iyagoo raadinaya dad badbaaday. Chris Bedford, oo ah macalin Ingiriis ah oo hawlgab ah oo ku nool magaalada Urla, galbeedka Izmir, ayaa u sheegay BBC “Waxay ahayd ruxitaan aad u xoog badan oo ku dhowaad inuu cagahaaga kaa rido. Ka baxsashada guriga aniga iyo caruurtaydu ayaa na badbaadisay” . Source
-
(SLT-Johannesburg)-Kooxo hubeysan oo budhcad Koonfur Afrikaan ah ayaa habeenimadii xalay aheyd weerar ku qaaday dad Soomaali ah oo ku sugnaa gudaha Koonfur Afrika, iyagoona u geystay fal iskugu jiray dhimasho iyo dhaawac. Budhcadda ayaa weerarkaas ku qaaday dukaanka ganacsatadan Soomaalida ay ku laheyd deegaan lagu magacaabo Cosmos oo ka tirsan Magaalada Johannesburg, iyagoona halkaas ku dilay laba Soomaali ah. Sidoo kale Raggii hubeysnaa ayaa hore dhaawac Culus ugu geystya meel ku dhow Cosmos nin kale oo Soomaali ah, isla markaana halkaas ku lahaa goob Ganacsi, kaasi oo si deg deg ah loogula cararay xarun Caafimaad. Dad yaqaanay laba Marxuum ee la dilay ayaa magacyadooda ku soo gaabiyay Cabdisalaan Axmed iyo Qeys, iyagoona ahaa Ganacsato hal dukaan ka wada shaqeynayay, waxaana goobta Meydadka ka qaaday dad kale oo Soomaali ah. Dalka Koonfur Afrika ayaa si joogto ah loogu dilaa dad Soomaali ah ee dalkaasi u raadsaday Ganacsi, waxaana dalkaasi lagu dilay boqolaal qof, iyadoona ayna jirin cid weli iska xil saartay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka Soomaalida loo geysanayo. Source
-
IL MA’ARAGTEYDII ADUUNKA BEDESHAY!. Waxay ahayd bishii 12aad 2019 markii magaalada Wuuhaan ee dalka Shiinaha uu Ka dilaacay caabuqa ‘Coronavirus’ kuna suntan COVID-19, Judhiiba wuxuu Ku fiday Dunida daafaheeda, waxa uu sahayday inka badan malyuun ruux, waxa uu joojiyey isku socodkii aduunka gebi ahaantiiba, waxa uu sameeyey in taariikhda Abid markii ugu horaysey dalalka aduunka ummadaha Ku nool in ay mudo maxaabiis guryahooda Ku noqdaan, markii lagu soo rogay Bandoo, waxa istaagay shaqooyinkii, ganacsigii, waxsoosaarkii, taariikhda islaamka in kor u dhaafaysa 1400 oo sanadood waxa dhacday in markii ugu horaysay masaajidadii Xaramaynka in irdihii loo xidhay oo xujaydii Dunida la hakiyey. Mudo dabadeed iyada oo la moodaayey in saxalkii sii baxaayo oo dhaqdhaaq bilaabmaayo, ayuu soo laba kacleeyey oo wadamo badan oo aduunka ah mowjadii labaad ee COVID-19 ayaa hirdiday iyaga oo hujuunkii hore weli kasoo kaban, kaga darane weli looma caal helin oo dawadiisii waa la raacdaynayaa, oo khubarada daawooyinka aduunku aadbay ugu howlanyihiin, Dhanka kale waxa Soo hirraaya isbedelo badan haday noqoto dhaqaale, cudud iyo magac, waayo wuxuu covid-19 kalifay in wadamo qani ahaa uu cunsiiyey kaydkoodii oo wax u danbayn, kuwo kalana kobaca dhaqaale laxaadle uu u kobcay dhaqaalihii durba, Se ifafaalada Ka muuqata aduunka hada kasoo kabashada covid-19 Bariga aduunka ayaa Galbeedka aduunka ka wata, dalka Shiinaha ayey u muuqataa intuu maraykanka cusub ee Dunida noqdo, Sidda dhakhsaha leh ee uu uga kabanaayo covid-19 iyo Sidda uu ugu howlanyahay dib u tisqaadsiinta Wadadii Xariirta ee uu berisamaad dhaqaalaha aduunka Ka hagaayey, taas oo mashruuceedii uu gebagebo yahay, isaga oo xaga warshadaha waxa kasoo baxa ama wax lasameeyo Dunida in 10kii Shay 7ba Ka mid ah uu Shiinuhu lahaa, iminkana dalka saamaynta ugu weyn Dunida kuleh inuu noqdo ayuu u tafo xaydan yahay, dhanka kale Sidda ay dalalka aduunku ugu howlanyihiin ladagaalanka iyo cidhib tirka covid-19 Ka weli faraha baas Ku haya, hubaal wixii soosocda guulaa og, se sanadkii hore ee tegey aduunku siddii ahaa maaha, waayo halkii markaad goob ganacsi ama dukaan inaad soo gasho adiga oo afka iyo Sanka duuban ay reebanayd Maanta adiga oo Sanka iyo afku kuu duuban yihiin mooyee ma geli kartid adigoo bilaa afsaar ah!, Siddii loo tukan jiray salaadaha wadarta ee masaajidada ayaa isbedelay oo halkii safaf Garbo-siman oo jeeniga iyo boqnaha isku haya ahaan jireen hada 3 talaabo ayaa labadii ruuxba u dhaxeeya, iyana kabcada siddii loo dawaafi jiray ayaa isbedeshay oo raxan raxantii jibaysnayd ee guclo roorka Isla dhex qaadaysay iyo dhagaxii Madoobaa ee la dhunkan jirtay ama lataaban jiray waa la joojiyey, hadda kolba goosan dad ah oo siddii askar gaardi Ku dawaafaysa lamoodo ayaa maraysa, waayo waxa barxadii lagu dawaafi jiray lagu xarxariiqay xariijimo Dadka faraaya inaanay isku soo dhaafin, socod iyo taagnaan labadaba mudada ay dawaafayaan, siddaa laajigeed ruux kasta maanka badhkii wuxuu ku howlanyey xariijimaha xadaynaaya isku Jirka labada ruux, oo majiraan isriix, isjiidh iyo kacbo gacmo lasoo haabasho, sanadkii hore si kaduwan ayaa loo dawaafayaa, Waxa siddoo kale isbedel Ku yimi dadkii Dunidu sidday u noolaayeen iyo sidday u fikiri jireen, waxa soo foodsaartay cabsi joogta ah, werwer iyo shaki, waayo magaalooyinka waaweyn Dunida waxa aad Ku arkaysaa wadooyinka iyo meel kasta ama goob kasta oo dadku Ku kulmo, fariimo Ku dhegsan oo Dadka faraaya in aanay isku soo dhawaan oo ay laba mitir isku jirsadaan taas oo dhulka loogu dhigay xariijimo laba mitir isku jira, afka iyo sanka oo lahagoogo ayaa iyana sharci waajib ah noqotay oo waa inuu wajigu daboolnaadaa, muuqaalka guud dadka waxa aad Ka dheehanaysaa in ay siddii wax go’doosan oo takoormay uu ruux kastaa yahay , Halka labada indhood ee rag iyo dumarba muuqda aad Ka dhugan karto aragtida dhiibsan ee maanka Ku libdhan ee lahaysata meel lalsan iyada oo aanay u muuqan humaag wax kastoo hor iyo hareer joogaba, dadku wey wada maqan yihiin, siddoo kale waxa uu abuuray Kala xidhiidh fur asxaab iyo qoysba waayo wadamo badan waxa laga madnuucay isku imaatinka qoysaska aan guri kuwada noolayn inay goob Ku kulmaan, in laba mitir layskaga soo dhawaado lama ogola markaa waad dareemi kartaa ummada sidduu caabuqa’Coronavirus’ uu maskaxiyan uu u dhanjafay ee uu u dooriyey Samaan iyo Silowba, ha ahaato hanbarbarka foojignaanta ah ee uu dadkii ku abuuray, ismaydh iyo faraxal, salaan jeeni isku dhiib gacan-qaad, wey ku daysay, gacmo iska dhunkasho iyo Kal iyo laab, iyaga warkood daa’, waayo Cabsi joogto ah ayaa ummadii lasoo wada deristay, taas oo ah, isaga oo ruuxii is og in uu fayowyahay oo aanu bukin, haddana covid-19 dadkii wuu Kala durkiyey, oo waxa sharci noqotay in dadku ama laba ruux isku jirsadaan laba mitir ama saddex talaabo, dadkii wey iswada uruurinayaan ruuxna inuu ruux kale kusoo dhawaado ma ogola inuu Cid Ku dhawaadana ma ogola, waad qiyaasi kartaa dareenka hogoshada leh ee kalinimo ee ku duran ruux kasta iyo siduu ruux kastaa uu u baxsanyahay ee uu u fikirsan yahay, isaga oo Takooran oo gooni jooga, goor walba dadkii Cabsi ayey fiigan yihiin, haddii gaadiidka dad weynaha ama goob dad tiro lahi joogaan, ay dar Alle Rixanyo Ku qabato oo aad qufac joojin weydo, kal hore halkii ummadu ay odhan jireen daaqada u fura, laydha u bax ama bal biyo siiya, Iminka hadaad rixanyooto, waxaad noqon siddii dad socoto ah oo maraaya dhul bahalo lagu sheego goor habeen dumay, oo jihadii hortooda ahayd ee ay u socdeen uu Aar Libaax ahi Ka ciyo, sidday u salbabakhayaan ee cabsida jeho wareerka leh u diddiso ruuxba meel, ruuxa Qufacaa kadaran oo Ka didmo xun Aar haamaansaday hadda, waayo waa waxaanad arkayn, maqlayn, urinahayn, dareenna malaha oo qofka sambabadiisa markuu mudo daaqo ee uu Soo rito ayaa la dareemaa, dibindaabyana dheer oo qofkasta dareen shaki ayaa ku abuurmaya iyo armuu covid-19 qabaa?!, Se hubaal dadkaa gocoshada qufacaasi mudo wey ku mudnaanaysaa, Hadal Iyo dhamaan waa Cibaaro!, aduunkii dhamaa noole yaraan wuxuu Ka qabo, ah il Ma aragtay, oo lagu magac ***** COVID-19 ayaa bedelay, bal mucjisada Ilaahay sw.! Illaahay baa Awood leh Ciddii Aaminsan baa Aqoon leh Fuad Fartaag fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
(SLT-Addis Ababa)-Raysal waaaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa billaabay qorshooyin uu kusoo dhaweynayo Soomaalida ku nool dalkaas, xilli Itoobiya la filayo inay doorashooyin ka dhacaan sannadka soo socda. Raysal Wasaare Abiy ayaa shalay magaalada Godey ka daah furay mashruuc lagu dhisaayo wado muhiim ah oo gaadhayso 300 KMG. Mashruucaan oo ku baxayaa lacag dhan 6 Billion Birr ayaa waxaa lagu dhisayaa wadDooyinka Gode-Kelofo Lot-1, Gode-Hargele Lot iyo Yale-Dana Lot-3. Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in deegaanka Soomaalida Itoobiya ay u baddali doonaan mid horumar leh oo lagu tiirsado. Waddooyinkaan cusub ayaa waxay bulshada u sahli doontaa isku xidhka ganacsiga iyo isdhexgalka bulshada. Munaasabadii furitaanka ayaa waxaa Ra’iisal wasaare Abiy kala soo qeybgalay ku-xigeenkiisa Demeke Mekonnen, madaxweynaha deegaanka Soomaalida, Mustafa Cumar, madaxweynaha ismaamulka Oromiya Shimelis Abdisa iyo xubno kale. Source
-
(SLT-Nairobi)-Garsooraha maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa ku xukuntay laba qof xabsi dheer oo 18 sanno iyo 33 sanno ah kadib markii lagu helay inay gacan ka geysteen weerarkii lagu qaaday Xaruntii ganacsiga ee Westgate sanadkii 2013. Maxamed Axmed Cabdi ayay maxkamadu ku xukuntay 33 sanno halka Xuseen Xasan Mustafa ay maxkamadu gadhka u gelisay 18 sanno oo xadhig ah. Ugu yaraan 67 qof ayaa ku geeriyadooy weerarkan ay Alshabaab ku qaadeen Westgate. Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay in afar qof ee weerarka soo qaaday laga helay meydkooda burburka xarunta Westgate. Nin saddexaad oo lagu waayay dambiga Liibaan Cabdulaahi ayaa la sii daayay kadib markii dambi lagu waayay hase yeeshee tan iyo markii laga sii daayay xabsiga ayaa rag hubeysan ay qafaasheen iyadoo illaa iyo hadda la la’ yahay halka uu ku dambeeyay Source
-
Today, Canada announced its 2021-2023 Immigration Levels Plan. Canada will target the highest level of immigration in its history. Source: Hiiraan Online
-
Refugees who were affected by US President Donald Trump's Muslim travel ban are closely following the US election. Many are hoping for a new life in the US — but their futures hang in the balance. Source: Hiiraan Online
-
Maxkamad ku yaalla dalka Kenya, ayaa Jimcihii shalay xukunno kala duwan ku ridday, laba eedaysane oo loo haysto in ay door ku lahaayeen weerarkii 2013-kii lagu qaaday xarunta loo yaqaan Westgate Mall ee magaalada Nairobi. Labada eedaysane, ayaa lagu helay in ay weerarkii Westgate Mall ku gacan-siiyeen dabley ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo mudda afar maalmood ah haystay dhismaha, islamarkaana ku dilay 67 qof oo Rayid ah. Maxamed Axmed Cabdi, ayaa Maxkamaddu ku xukuntay 33 sano oo xarig ah, Xusseen Xassan Mustafa lagu riday 18 sano oo xabsiya, sida uu shaaciyay Garsooraha Maxakamadda Francis Andayi. Sidoo kale, Waxaan weli la ogayn halka uu ku sugan yahay eedaysane saddexaad, Liibaan Cabdullah Cumar, oo horraantii bishan October ay maxkamaddu ku weysay wax dambi ah. Liibaan ayaa waxaa kaxaysatay dabley hubeysan oo aan la aqqoonsan. Dhammaan saddexda eedeysane ayaa isirkoodu yahay Soomaali, iyadoo laba ka mid ah ay yihiin muwaadiniin Kenyan ah. PUNTLAND POST The post Nairobi: Xukunno adag oo lagu riday Soomaali ku lug-yeeshay Weerarkii Westgate Mall appeared first on Puntland Post.
-
Ugu yaraan 12 ruux ayaa geeriyootay, 522 qof oo kalena waa ku dhaawacmeen kaddib markii dhul gariir xooggan Jimcihii ku dhuftay Gobolka Izmir ee dalka Turkiga sida ay shaacisay Hay’adda Maareynta musiibooyinka ee dalkaasi. Guddoomiyaha Gobolka Izmir Yavuz Selim Kosger, ayaa sheegay in kooxaha gurmadka deg deg ah ay soo badbaadiyeen 70, qof oo ku hoos jiray dhismayaasha dumay, waxaan ay weli ku howlanyihiin sidii loo baadi goobi lahaa dadka kale oo lagu la’yahay burburka. Duqa magaalada Izmir Tunc Soyer, ayaa tilmaamay in ku dhawaad 20 guri uu bur buriyay dhul giriirka, isagoo intaa ku daray in meelaha ugu daran ee uu saameeyay dhul giriirka ay tahay degmooyinka Bayrakli iyo Bornova ee Gobolka Izmir. Wasiirka Deegaanka waddanka Turkiga Murat Kurum, ayaa isna sheegay in dad badan ay ku xanibanyihiin ilaa iyo shan dhismo oo ku dumay dhul giriirka, waxaana uu intaa ku daray in kooxaha gurmadka deg deg ay ku howlyihiin sidii dadkaasi loo soo bad baadin lahaa. Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa dhankiisa shaaciyay in dowladdu ay u istaagtay sidii loogu gurman lahaa muwaadiniinta uu waxyeelada u geystay dhul giriirka ka dhacay Gobolka Izmir. PUNTLAND POST The post Dhul giriir sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
Laba Nin oo Soomaaliya oo Goor-dhaweyd la Dilay & Mid la dhaawacay+Dalka lagu dilay Waxaa goordhaweyd Magaladda Johannesburg Gaar ahaan Xafadda Cosma City lagu dilay labo wiil oo Somali ah,Halka mid kalena lagu Dhawacay Allaha u naxariistee Wiilasha la Dilay ayaa Magacyadood lagu kala sheegay Abdisalan Ahmed Kooke iyo Qeys ,halka mid kalena la dhawacay Falkan Waxashnimo ayaa waxaa uu dhacay Fiidkii waxaana falkaan geystay budhcad Hubeysan oo South African ah ,ku darsoo ilaa hadda Police-ku ma qaban Ragii dilka gaystay. Sawirka Mid ka mid ah Wiilasha la dilay Qaran News
-
Wadaad Caan ah una dhashay Dalka Faransiiska oo Magangalyo weydiistay Madaxweyne Erdogan+Sababta Muslimiinta kunool dalka Faransiiska ayaa xiligan la kulmaya cadaadis xoogan oo kaga imaanaya dowlada iyo dadka kale ee cunsiriyiinta ah, kadib markii Faransiiska ka dhaceen weeraro lagu dilay muwaadiniin dalkaasi u dhashay. Ciidamada amaanka ee dalka Faransiiska ayaa dhawaan xidhxidhay dad badan oo muslmiin ah oo lagu eedeeyay in ay taageereen falal argagaxiso iyo sidoo kale kuwa loo xidhay tuhuno kadib dilkii loo geestay Macalin Faransiis ah oo ku xadgudbay diinta Islaamka. Dadka ay xidheen Booliiska Faransiiska waxaa ku jiray Idriss Sihamedi oo kamid ah hogaamiyaasha muslimiinta ugu caansan ee kunool dalka Faransiiska, wadaadkan ayaana markii dambe xabsiga laga soo daayay iyadoona la xidhay Hay’ad uu madax ka ahaa. Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Gerald Darmanin ayaa sheegay in albaabada la isugu dhuftay hay’adda BarakaCity uu gudoomiye ka ahaa Idriss Sihamedi, waxa uuna sheegay in go’aankaasi lagu gaadhay shir golaha Wasiirada yeesheen. Idriss Sihamedi, ayaa qoraal uu soo saaray kaga dalbaday Madaxweynaha dalka Turkiga Rajebv Dayib Erdogan in magan galyo siiyaan isaga iyo xubnaha kale ee kamidka ahaa Hay’adiisa BarakaCity. ” Waxaa jeclaan lahaa in aniga iyo shaqaalahayga(BarakaCity) inaan magangalyo weydiisano Turkiga maxaa yeelay waxaan dareemaya inaan ku badqabi karin gudaha Faransiiska”, ayuu ku soo qoray bartiisa Twitterka isagoo adeegsanaya luuqadda Turkiga.” Codsigan kasoo baxay Hogaamiyahan katirsanaa Mislimiinta Faransiiskla ayaa kusoo beegmaya xili uu meel xun gaadhay xidhiidhka u dhaxeeya Faransiiska iyo Turkiga, kadib markii Dowlada Faransiiska ku xadgudubtay Diinta Islaamka una geftay Nabi Maxamed NNKH. Qaran News
-
War naxdin leh oo goor dhoweyd naga soo gaadhay dalka Turkiga+Khasaaraha Dhimasho & dhaawac Wararka ka imaanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in dhul gariir xoog leh uu ku dhuftay gobolka xeebta ku yaal ee Izmir ee dalka Turkiga, waxaana dhul gariirkan uu sababay khasaaro kala duwan. Waxaa laga dareemay dhul gariirkan oo cabirkiisu lagu qiyaasay 6.6magnitude cabirka Dhul gariirka qeybo kamid ah dalalka Turkiga iyo Gariiga, waxaana socda gurmad xoogan oo loo fidinayo dadka ay waxyeelada kasoo gaartay dhul gariirkan. War kasoo baxay dowlada Turkiga ayaa lagu sheegay in dhul gariirkan sababay in dhismayaal badan soo dumeen, waxa ayna dowlada sheegtay in ay jiraan dad badan oo ku hoos jira dhismayaal kusoo dumay dhul gariirkan. Dad ku dhaw 10-qof ayaa wararka horu dhaca ah sheegayaan in ay ku dhinteen dhul gariirkan, waxaana suurto gal ah in khasaaraha inta hada la ogyahay uu kasii bato lana helo meydadka dad wali nolol iyo geeri lagu la’yahay. Qaran News
-
Magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu waddaa in maanta ay ka dhacdo munaasabad lagu dhaarinayo xildhibaannada cusub ee baarlamaanka maamulkaas. Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa ka qeyb geli doona mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka labaad. Doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa Jowhar ka dhici doonta maalmaha soo socda. PUNTLAND POST The post Xildhibaannada cusub ee Hirshabeelle oo maanta la dhaarinayo appeared first on Puntland Post.
-
Laba xubnood oo loo haysto weerarkii Westgate oo lagu riday Xukun dheer Xuseen Xasan Mustafa (Bidix) iyo Maxamed Axmed Cabdi (Midig) ayaa lagu riday xukun maxkamadeed Garsoore ku sugan dalka Kenya ayaa xukun 18 sano iyo 33 sano oo xarig ah ku riday laba qof oo ku eedeysnaa iney gacan siiyeen kooxa islaamiyiin hubeysan oo 2013-ki weerar ku qaaday dhismaha ganacsiga ee Wastgate ee laga dukaameysto oo ku yaalla magaalada Nairbi. Weerarka ay koox hubeysneyd oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku qaadeen suuqa Westgate ee ku yaalla bartmaha magaalada Nairobi waxaa ku dhintay 67 qof. Dowladda Kenya xilliga weerarkaasi la soo afjarayna waxay sheegtay 4 ka mid ah dableydii weerarka soo qaadday in halkaasi lagu dilay. Dableyda weerarka soo qaadday ayaa dhismaha ganacsiga ee Wastgate haysatay afar maalmood, weerarkaasi oo lagu sheegay inuu ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee Kenya ka dhaca. Xukunkan ay maxkamaddu ridday ayaa ahaa kii ugu horreeyey oo ay maxkamad ka soo saarto weerarka Westgate. Eedeysanayaasha oo seddex toddobaad ka hor dambiga lagu helay, maxkamadda dacwadda qaadeysay waxay sii deysay Liibaan C/llaahi Cumar oo wax dambi ah lagu wayey. Ururka al-shabab oo xiriir la leh ururka al-Qaacida oo Soomaaliya fadhigisu yahay ayaa dalka Kenya ka fuliya weerarro qorsheysan, iyada oo ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin gudaha Soomliya si ay ula dagaallamaan ururka Al-shabaab. Maxay ahaayeen shaqsiyaadka xukunka lagu riday? Maxamed Axmed Cabdi oo lagu xukumay 33 sano, iyo Xuseen Xasan Mustafa oo lagu xukumay 18 sano waxaa lagu soo eedeeyey qorsheynta, fulinta fal argagixiso iyo iney koox argagixisa ah ay gacan siiyeen. Xuseen Xasan Mustafa (bidix), Maxamed Axmed Cabdi (Midig) iyo Liibaan Cabdullaahi Cumar (Dhexda) Xubinka seddexaad ee dacwadda kula jiray Liibana C/llaahi Cumar marki dambi lagu waayey ayey maxkamaddu si daysay. Ninkan dambiga lagu waayey oo ahaa qoxooti reer Soomaaliya ah dambiga kale ee lagu soo oogay oo ahaa inuu sharci darra uu ku joogay Kenya uuna adeegsanayo dokumati been abuur ahna sida oo kale waa lagu waayey. Dad sii deyntiisa goob joog u ahaa waxay sheegeen marki xubinkan seddexaad dambi lagu waayey oo la sii daayey, rag hubeysan iney taxigi uu saarnaa ay joojiyeen kaddibna ay kaxeysteen, wixi intaa ka dambeeyeyna aan la arag. Westgate maxaa ka dhacay? Galabnimo Sabti ah oo ku beegneed September 2013-ka dabley hubeysan ayaa dhismaha ganacsiga ee Wastgate gudaha u galy isla-markaana billaabay dadki halkaasi ka dukaameysanayey iney rasaas oodda kaga qaadaan iyaga oo dhismahaasi afar maalmood gacanta ku hayey. “Dadku wey argagaxsanaayeen, carruurtana wey ooyayeen,” ayuu yiri Surajit Borkakyoty oo ka mid ahaa dadki weerarkaasi ka badbaaday oo BBC u warramay. “Waxaan isku dayeynay iney dadku isdajiyaan, waxaanna u sheegeynay iney taleefannadooda isticmaalin oo ay aamusnaadaan. Marweliba dhawaaqa rasaasta ayaan maqleynay. Goob dagaal oo kale ayey xaaladdu ahayd.” Baahinta talafishiinnada tooska ah ayaa laga dheehanayey qiiq madow oo ka baxaya dusha sare ee dhismaha ganacsiga ee Wastgate, iyada oo ay dhisamahana isku hareereeyeen gaadiidka booliska iyo militariga, tira dad ah oo wajiyadooda argagax iyo cabsi laga akhrisanayana oo dhismahaasi laga soo badbaadinayo. Afar maalmood kaddib marki howlgalka weerarkaasi uu soo gabagaboobay waxay dowladdu sheegtay iney weerarkaasi ku dhinteen 71 qof oo isugu jiray 62 qof oo rayad ah, 5 ciidamada ammaanka iyo 4 ka mid ah dableydii weerarkaasi fulisay. Ururuka Al-Shabaab wuxuu sheegay inuu weerarkaasi qaaday jawaabna uu uga dhigayo howlgallada ay ciidamada Kenya ka wadaan Soomaaliya. Dowladdu waxay horay u sheegtay ragga weerarka soo qaaday iney tiradoodu ahayd 10, balse marki dambe tirada ay dowladdu ka dhigtay 4 qof, dhammaantoodna halkaasi lagu dilay. Hase yeeshee dowladdu baadhitaannadi ay sameysay faahfaahin intaa ka dheer kama soo bixin. Casharro ma laga bartay weerarkaa? Xifaaltanka u dhaxeeya booliska iyo militariga ayaa hadda ka hor lagu sheegayey iney sabab u ahayd in weerarkaasi si degdeg ah lagu soo afjari waayo ama jawaabta ku habboon looga bixin waayo. Balse wixii weerarkaasi ka dambeeyey booliska iyo milatariga waxay leeyihiin iskaashi wanaagsan, ayuu yiri wariyaha BBC u soo warrama. Iskaashigaasi waxay keentay in weerarki lagu qaaday dhismaha Huteelka DusitD2 bishi January 2019, oo ay 21 qof ku dhinteen in degdeg lagu soo afjaro. Unugyada ka hortagga argagixisada ee booliska iyo militariga, sirdoonka waddamada ajaanibta, gaadiidka gurmadka degdegga ah iyo kooxaha dab damiska oo iskaashaday waxay suuragelisay in weerarkaasi muddo gaaban lagu soo afjaro. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa dib u billowday xiisad xoogan oo muddooyinkii dambe kala dhaxeysa Taiwan, oo ay ku doodo inay tahay qeyb ka tirsan dhul-weynaheeda, halka ay iyaduna taasi badalkeeda ku andacooneyso. Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Amb. Qin Jian ayaa saddexdii maalmood ee u dambeeyay baraha bulshada ku baahinayay hadalo u muuqday kuwo uu ku durayo Taiwan, isla markaana meesha ka saareysa madax-banaanida ay sheegato. Safiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Taiwan oo sheegata inay hore uga go’day Shiinaha ay weligeedba ka sii mid ahaan doonto, ayna si adag u ilaalin doonaan madax-banaanida dhulkooda, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuuna meesha ka saaray in Shiinuhu duulaan uu ku yahay dalalka xiriirka la sameystay Taiwan, balse uusan aqbali doonin in dhul-weynihiisa la kala gooyo, isla markaana uusan diyaar u aheyn inuu lumiyo taako dhulkiisa kamid ah. “Shiinaha ma weerari doono dalal kale, laakiin weligii ma ogolaan doono inuu dalna weerarro. Ma dhiiri-geliyo khilaafaadka, laakiin weligii kama baqdo. Madax-bannaanida dhuleed, waxay la xidhiidhaa Sharafta dalka iyo Qaranka. Waddan walba wuxuu si adag u ilaalin doonaa Madax-banaanidiisa dhuleed, weligiina ma lumin doono Taako dhul ah” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu qoraal kale oo uu baahiyey ku yiri “Shiinaha wuxuu leeyahay Taariikh iyo dhaqan 5000-kun sano ah, Taiwan waxay ahayd dhulka Shiinaha 5000-kun sano ka hor, waxayna ka sii mid ahaan doontaa dhulka Shiinaha illaa dunida la rogo”. “Shiinaha wuxuu diyaar u yahay inuu sameeyo Wax walba Qiimo kasta ha ku kacee, Marna uma ogolaanayo Taiwan inay ka go’do dhulka China, waxaanuna si adag u difaaci doonaa dhulkayaga Qaran”. Xiisada Taiwan iyo Shiinaha ayaa sarre usii kacday, kadib markii Taiwan ay xiriir diblumaasiyadeed ay la sameysatay Somaliland oo ah maamul ka tirsan Soomaaliya, balse ku doodo inuu ka go’ay, isla markaana yahay dal madax-banaan. The post Safiirka Shiinaha ee Somalia oo qaaday tallaabooyin ka sii daraya xiisadda Taiwan first appeared on Caasimada Online.
-
Dekeda Caalamiga ah ee Berbera, ayaa waxa Maanta kusoo xidhay Markabkii ugu weynaa ee abid kusoo xidha Dekeda Berbera. Markabkan, ayaa sida in ka badan laba kun oo Koontiinar, kuwasoo u siday ganacsatada reer Somaliland Badeecadaha kala soo dega Dekeda caalamiga ah ee Berbera. Markabkan oo ay leedahay Shirkada MSC, ayaa dhereerkiisu yahay 243 Meter. Waxanu noqonayaa Markabkii ugu weyna ee abid kusoo xidha Dekeda Berbera. Markabkii kan ka horeeyey ee noqonaya kii labaad ee ugu weynaa ee abid kusoo xidha Dekeda Berbera, waxa uu dhereerkiisu ahaa 232 meter. Dekeda Berbera ayaa maalinba maalinta ka dambaysa noqonaysaa mid Caalamiya. Tan iyo intii ay dekedu yeelatay Taagag Taagag Casriya, kuwasoo awood u leh inay soo xidhaan Maraakiibta waaweyn ee sida Koontiinaska. Sidoo kale, waxay Dekedda Berbera ku Talaabsatay sadexdii sanaadood ee u dambeeyey horumarka dhinacyo badan, Kuwasoo ay kamid tahay tayeynta Shaqaalaha Badda iyo qalabayn heer-sare ah. Qaran News
-
Bahdilaada haysata Muslimiinta Faransiiska iyo Dhacdo Foolxun oo aan goob-joog u ahaa ! Maalin Jimce ah oo ay taariikhdu ahayd 4tii bishii September 2015 ayaa aniga oo ku sugan magaalada Paris ee xarunta Dalka Faransiiska, ayaa waxaan jeclaystay inaan Salaadii Jimce ku soo tukado Misaajidka weyn ee caanka ah ee ku dhex yaala badhtamaha magaalada Paris, Waa misaajid aad u qurux badan oo ay ku tukadaan dadka Caasimada Paris ku nool ama ka shaqeeya sida Shaqaalaha Safaaradaha Iyo Diplomaasiyiinta muslimka ah, waana Masjid aad loo ilaaliyo ammaankiisa oo ay afarta jihoba ka taagan yihiin Askar hubaysan. Hadaba Khadiibkii Misaajidku intii aanu weli bilaabin akhrinta Qudbada waxa uu noo akhriyay Tafsiir kooban oo aad u macaanaa oo Suurto Al-Kahaf aayado ka mid ah uu Qalbiga noogu qaboojiyay. Markii uu Sheekhii Jarranjarradii koray ee uu bilaabay Khudbadiisii oo Arrimaha Xajka ku saabsanayd, laakiin aanuu weli saani u gudo gelin ayaa qiyaas ahaan Nin da’diisu qiyaas ahaan ay ahayd 45 ilaa 50 jir intuu dadkii soo dhex maray uu Iimaamka hortiisa istaagay ka dibna waxa uu Jeebada kala soo baxay Waraaq balaadhan oo uu ku sawiran yahay Nin Ololaya oo holcaya waxaana waraaqda ku hoos qornaa Mohamed +Ramadan. Cod dheer oo Faransiis ayuu kor ugu qayliyay oo uu Af-labadii yeedhay isaga oo af Faransiis ku hadlaya. Yaabay oo Amakaagay waanan fahmi waayay waxa uu ninkani la qaylinayo, Ninkani oo Carab inuu yahay iila eekaa waxaan niyada iska idhi Sawirkan uu wadhfinyaa ee uu kor u taagayaa malaha waa kii yaraa ee Dalka Tuuniisiya isku gubay ee uu gugii Carabtu uu ka bilaabmay ee Xusni Mubarik iyo Colkiisii lagu riday oo wuxuu rabaa in loo duceeyo! Mar kale waxaan is idhi ninkan Qudbada badhtankeed ka kacay rabshad iyo Akhlaaq xumo ayuu wadaa… calaa ayi xaal dhawr qof oo ka ag dhawaa ayaa garbaha qabtay oo Banaanka u saaray iyaga oo Ciidanka Boliska oo hubaysan oo Masjidka hor taagnaa u dhiibay. Intii aan ninkaas Banaanka loo saarin ayuu Jeebada gacanta intuu geliyay uu buqshad waraaqo ah soo saaray markaasuu saydhay oo meel kasta ay waraaqihii u duuleen, waraaqaha waxa ku qornaa qoraal Faransiis ah oo aanan anigu fahamsanayn. Salaadii markii la tukaday ayaan dadkii ninkaas qabtay aan waraystay waxaanay ii sheegeen inuu Ninku Nabigeenii Suubanaa Naxariisi korkiisa ha ahaatee uu aflagaadaynayay. Runtii aad Iyo aad ayaan uga xumaaday ninkaas sida kibirka ah Misaajidka ku soo dhex galay ee weliba Nabigii sharafta badnaa ku dhex caayay, waxaanse aad uga sii xumaaday kuwa Masjidka ka buuxay ee fahmayay wuxuu ku hadlayo ee ugu yaraan intay qadaadka qabtaan isaga oo bahdilan banaanka u tuuri waayay si degdeg ah, in cabbaar ah ayuu dhurmayay ninkaas mujrimka ahi. Markii misaajidka aan ka baxay ayaan waraysay Askartii Boliska ee banaanka taagnay waxa ay ka yeelayaan ninkii loo dhiibay, waxay ii xaqiijiyeen in ay u gudbiyeen qaybaha kale ee Booliska caadiga ah, sharcigana la marin doono. Run ahaan Muslimiinta Faransiiska waxaa haysta culays aad u weyn, hore ayaa Xijaabkii looga mamnuucay, waxaana saaran culaysyo kala duwan oo aan saarnayn Muslimiinta ku nool UK iyo Wadamada kale ee Yurub badankooda. Rabbi ha u gargaaro. Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed kaysar@diplomats.com Qaran News
-
Nice (Caasimada Online) – Ninkii ku toorriyeey labada gabdhood iyo ninka tan iyo ilaa inta ay ka dhinteen kaniisad ku taal dalka Faransiiska ayaa la sheegay in uu ka yimi uun maalmo ka hor dalka Tunisia. Eedeysanahan oo 21 jir ah, laguna magacaabo Brahim Aouissaoui, ayaa watay Dukumenti Laanqeyrta Cas ee Talyaanigu oo la siiyey ka dib markii uu Doon Tahriibayaal ku yimid Jesiiradda Lampedusa ee Talyaaniga bishii la soo dhaafay. Waxaa toogtay booliska, waxa uuna hadda ku sugan xaalad halis ah. Mid ka mid ah dhibbanayaasha weerarkii Khamiistii ka dhacay Notre-Dame basilica ee magaalada Nice ayaa “gebi ahaanba uu qoorta ka gooyay”. Madaxweyne Emmanuel Macron ayaana ku tilmaamay falkan “weerar argagixiso oo ay fuliyeen koox islaamiyiin xagjir ah”. Mr. Macron wuxuu sheegay in tirada askarta loo daad gureynayo inay ilaaliyaan goobaha ay bulshada isugu timaado – sida kaniisadaha iyo iskuulada – inay ka kici doonaan 3,000 ilaa 7,000. Dacwad oogayaasha la dagaalanka argagaxisada ayaa furay baadhitaan, Faransiiska ayaa sare u qaaday heeganka amniga qaranka ilaa iyo heerka ugu sarreeya. Falkan ayaa ka daba imanaya weerar kale oo horraantii bishan ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaal waqooyiga-galbeed ee magaalada Paris. Samuel Paty, oo ah macalin, ayaa qoorta laga jaray maalmo ka dib markii uu tusay kartoon sawirka nabi Muxamed NNKH uu ku sheegay qaar ka mid ah ardaydiisa. Dilkaas ayaa sare u qaaday xiisadaha ka taagan Faransiiska. Difaaca Mr Macron ee xuquuqda daabacaadda kartoonada iyo iskudayada dowladda ee ku aaddan la dagaalanka islaamka xagjirka ah ayaa ka cadheysiiyay Turkiga iyo wadammo kale oo muslimiin u badan. Qofka looga shakisan yahay weerarka Nice ee Brahim Aouissaoui ayaa la maqlayey marar badan isaga oo ku celcelinaya”Allahu Akbar” (Ilaahay baa weyn) ka hor inta aysan boolisku toogan. Kitaab Quraan ah, labo taleefan iyo mindi 30cm ah (12 inji) ayaa laga helay ninkii weerarka soo qaaday, ayuu yiri madaxa dacwad oogaha Faransiiska ee la dagaalanka argagixisada Jean-François Ricard. “Waxaan sidoo kale helnay boorso uu ka tagay qofka weerarka soo qaaday, boorsadaan waxaa ku jirey labo mindiyo oo aan loo adeegsan weerarka, “ayuu raaciyay. Isaga oo ka hadlaya booqashadii Nice, Mr Macron wuxuu yiri: “Haddii mar labaad nala soo weeraro waa qiimahaa aan leenahay: xorriyadda, suurtagalnimada dhulkeenna in aan si xor ah u aaminsanaano oo aan loo dhiibin ruux kasta oo argaggixiso ah” “Waxaan si cad ugu sheegayaa mar kale maanta: isma dhiibi doonno.” Laba weerar oo kale ayaa dhacay Khamiistii, mid ka dhacay Faransiiska iyo mid ka dhacay Sacuudi Carabiya. Nin ayaa lagu toogtay Montfavet oo u dhow magaalada koonfurta Faransiiska ku taal ee Avignon ka dib markii uu booliska ugu hanjabay baaskoolad. Waardiye ayaa lagu weeraray bannaanka qunsuliyada Faransiiska ee Jeddah ee Sacuudi Carabiya. Tuhmane ayaa la qabtay, halka waardiyihii loo qaaday isbitaalka. The post Waa kuma ninkii shalay dadka ku gowracay Faransiiska kadib aflagaadadii loo gaystay Nebiga NNKH? first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-habeen-30102020.mp3 View the full article
