-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Labadan doon oo uu ku rarnaa hub sharci darro ah ayaa lagu qabtay Xeebaha Dalka Soomaaliya, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Badda ee Dalka Mareykanka. Markab Dagaal oo laga leeyahay Dalka Mareykanka oo lagu magacaabo USS Winston S. Churchill ayaa gacanta ku dhigay labadan doon aan weli la shaacin dalka laga leeyahay. Qoraal ka soo baxay Saraakiisha Markabka USS Winston S. Churchill ayaa lagu xusay in doonyahan ay sideen hub kala duwan oo ku wajahnaa Dalka Soomaaliya. Waxaa sidoo kale ay shaaciyeen in ay qabteen dadkii la socday labadaasi doon. Bayaanka laguma xusin halka ay ka soo shiraacdeen doonyahan iyo cidda ay u sideen hubkii lagu qabtay Xeebaha Soomaaliya. Sikastaba, Dalka Soomaaliya ayaa weli waxaa saaran cunaqabateyn dhanka hubka oo ay ku soo rogeen Qaramada Midoobay, si hub farabadan uusan ugu gacan gelin Al Shabaab oo weli Dagaal kala soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Bar___Qubanaha-1622021.mp3 View the full article
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Xog aan goor dhow helnay ayaa sheegeysa in heshiis lagu gaaray wada-hadalladii magaalada Baydhaba uga socda guddiga Farsamada ee ka socday dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadi. Wararka ayaa sheegay in heshiis buuxa laga gaaray dhammaan qodobadii la isku hayay ee caqabada ku ahaa hirgelinta doorashooyinka dalka. Qodobada laga heshiiyey ayaa waxaa ka mid ah Arrinta Guddiga doorashada ee lagu muransanaa, arrinta Somaliland, gobolka Gedo iyo qoondada haweeenka, sida ay xubno ka mid ah guddiga u sheegeen Caasimada Online. Gudidga weli wax faah-faahin ah kama bixin qaabka ay xalka uga gaareen qodobadan, iyagoo ku gaabsaday inay madaxda la wadaageen, kuwaas oo heshiiska saxiixi doona. Guddigii Farsamada ayaa isku raacay in 18-ka bishan ay kulan isugu yimaadaan madaxwaynaha, raii’sul wasaaraha iyo madaxda maamul goboleedyada, si loo saxiixo wixii lagu heshiiyay.
-
Ugu yaraan 16 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen, duufaanno wata baraf, roob iyo dabeylo aad u qaboow oo Sabtidi ilaa Arbacada maanta ah ka socdo qaar ka mid ah gobollada koofureed ee dalkaan Mareykanka. Qabowgan oo lagu sheegay mid ka mid ah kuwi ugu xumaa ee soo mara Mareykanka, ayaa aad u saameeyay gobollada Texas, Louisiana, Tennessee, Kentucky iyo North Carolina. Talaadadi shalay, meydadka saddex qof ayaa laga helay xeebaha gobolla North Carolina, halka magaalada Houston ay ku dhinteen qoys ka kooban afar qof, kaddib marki ay ku gubteen dab ay diirrimaad ka raadinayeen. Gobolka Texas, ugu yaraan afar milyan oo guri iyo xafiisyo ayaa koronto la’aan ah. Hey’adda Qaran ee Saadaasha Hawada Mareyakanka ayaa ka digtay in ilaa 174 milyan oo qof ay saamey doonaan duufaanta ka dhaceysa Mareykanka xilligaan qaboow ee jiilaalka. PUNTLAND POST The post Dad Qabow daran ugu dhintay Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa culumada Soomaaliyeed. Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa Culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa ku geeriyooday Isbitaalka de Martini ee Magaalada Muqdisho. Sheekh Gurxan ayaa sida la sheegay u geeriyooday cudurka Coronavirus oo uu la xanuunsanaa. View the full article
-
Gudiyadii ku shirsanaa Baydhabo waxaa muuqata inaysan Heshiis rasmiya ka gaarin Qodobadii miiska saaraa kuwasoo aysanba awood buuxda aysan u layhayn ka xalgaaristooda. Sida Puntlandi.com Xogta ku hayo waxay Gudiyadu soo Diyaariyeen Afar qodob oo ah kuwa ay shaaciyeen balse San xal rasmi ah wali laga gaarin. Qodobadaan waxaa looga wada hadlayaa Shirka 18/2,2021 ay isugu imaanayaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada iyo Madaxda Dowlada Federaalka ee Xilku ka dhamaadey. Qodobada ay soo Diyaariyeen waa Arimaha Gobolka Gedo Cida soo xulayss Ergada Soomaaliland Gudiga Doorashada ee Muranku ka taagnaa Qoondada Haweenka Sida Puntlandi.com Xogta ku hayo wax heshiis ah oo laga gaaray dhamaan qodobadaan ma jiraan, Gudigaan wuu isku afgaran waayay laakiin waxay soo jeediyeen in Madaxda Sare loo daayo. Su’aashu waxaa weeye Madaxda Sare ee Dalka horay ayay qodobadaan isugu afgaran waayeen, Shirkoodii u dambeeyay ee Dhuusamareeb waxaa lagusoo kala tagay iyadoon wax xal ah laga gaarin Afartaan Qodob, Puntlandi.com Baydhabo The post Gudiyadii ku shirsanaa Baydhabo oo aan gaarin wax heshiis ah oo macne leh ( Weli waa ila meereyso ) appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey geerida Sheekh Nuur Baaruud Gurxan. Wararku waxay sheegayaan in Sheekhu u geeriyooday cudurka Coronavirus oo dhawaan soo ritay. Waxuu ku geeriyooday isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho oo ah xarunta ugu muhiimsan ee hadda lagu dabiibo dadka uu soo rito COVID-19. Cudurkan ayaa hadda ku soo laba kacleeyey Soomaaliya, waxuuna horay u laayey dad hal door ka ahaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.
-
Tan iyo shalay waxaa socdey olole balaaran oo Xukuumadu ay ku cabsi galinayaan Shacabka iyadoo Dadweynaha loo sheegayay in Cudurka Corona uu hada Muqdisho ku hayo fara kulul. Raysal wasaare Rooble ayaa isna hada Saxaafada la hadlay wuxuuna ka digay kulamada Dadka badan isugu imaanayaan isagoo ku sababeeyey Covid19 oo soo laba kacleryay. Wararka la helayo waxay sheegayaan in Xukuumada wakhtigeedu dhamaadey ay qaabkaan uga hortagayaan Mudaharaadka ay iclaamiyeen Mucaaradku. Bilowgii bishaan kumayaal Qof oo Gobolka Banaadir soo abaabuleen ayaa isusoobax sameeyey kasoo lagu taageerayay Xukuumada, Xiligaas Covid19 cabsi lagama qabin laakiin Jamcada 19 bishaan waxaa Dalka kusoo wajahan Covid 19!!!!!!!! Tani waxay muujinaysaa in Villa Soomaaliya ay Shacabka ku cabsi galinayaan Covid19 si ay Maan Guryaha ugasoo bixin, waxaa jira iyana warar sheegaya in Xukuumadu ay khamiista soo saarayso Amaro cusub oo lagu xakameynayo isu Imaatinka, Qaabka noocaan ah ee Xukuumadu adeegsanayso waa hub cusub oo Mucaaradka looga hortagayo. Laakiin Hadalka maanta kasoo yeeray Raysal wasaare Rooble wuxuu muujinayaa in Villa Soomaaliya ay ka walwalsan tahay Mudaharaadka la iclaamiyey. Puntlandi.com Muqdisho The post Xukuumada Oo Covid19 ka dhigatay hub ay uga hortagayso Mudaharaadka Jamcada appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo musharaxiinta mucaaradka ay dibad-bax ballaaran ka qorsheeyeen magaalada Muqdisho maalinta Jimcaha, ayaa ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya waxa uu shacabka u diray digniin xooggan oo ku aadan kulamada waa weyn. Rooble oo qoraal soo saaray caawa ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay khatarta cudurka Coronavirus oo ku soo laba kacleeyay dalka, sida uu sheegay. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa aad uga digay in dadka Soomaaliyeed sameeyaan isku soo baxyo, xilli Jimcaha soo socda loo balansan yahay banaanbax ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya. “Farriinteydu waxa ay ku socotaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Waxaan idinka codsanayaa in aad taxaddar muujisaan oo ka qeyb qaadataan xakameynta iyo ka hortagga cudurkan halista ah,” ayuu yiri Rooble. Waxa uu kula dardaarmay shacabku inay raacaan talooyinka hay’adaha caafimaadka. “Si aan nafteenna, qoysaskeenna iyo guud ahaan dadkeenna uga badbaadinno xanuunkan, fadlan aan raacno tilmaamaha wasaaradda Caafimaadka iyo khubarada caafimaadku bixinayaan sida: Fara dhaqashada, Kala fogaanshaha, Xirashaa Mask-ga ama Af-xirka, In qofka isbaaro,haddii uu isku arko astaamaha xanuunka, Joojinta isu imaatinnada iyo kulammada waaweyn iwm”ayuu yiri. Ugu dambeyntii “Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday qeybaha kala duwan ee bulshadu in ay kaalintooda ka qaataan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan Covid-19, waxa uuna caddeeyay in dowladdu qaadi doonto tallaabooyin lagu xakameynayo xanuunkan halista ah.” Madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka ayaa la aaminsan yahay inay sameyn doonaan qorshe kasta oo ay uga hor tegi karaan banaanbaxa ay musharaxiinta mucaaradka ah iclaamiyeen in la dhigo Jimcaha soo socda. Hoos ka Daawo fariinta Rooble
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay khatarta cudurka Corona Virus/ COVID-19 oo soo laba kacleeyay. Ra’iisul Wasaare Rooble oo farriin u diray Shacabka Soomaaliyeed ayaa yiri” Farriinteydu waxa ay ku socotaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Waxaan idinka codsanayaa in aad taxaddar muujisaan oo ka qeyb qaadataan xakameynta iyo ka hortagga cudurkan halista ah”. Waxa uu kula dardaarmay shacabku inay raacaan talooyinka hay’adaha caafimaadka. “Si aan nafteenna, qoysaskeenna iyo guud ahaan dadkeenna uga badbaadinno xanuunkan, fadlan aan raacno tilmaamaha Wasaaradda Caafimaadka iyo khubarada caafimaadku bixinayaan sida: Fara dhaqashada, Kala fogaanshaha, Xirashaa Mask-ga ama Af-xirka, In qofka isbaaro, haddii uu isku arko astaamaha xanuunka, Joojinta isu imaatinnada iyo kulammada waaweyn IWM”. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday qeybaha kala duwan ee bulshadu in ay kaalintooda ka qaataan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan COVID-19, waxa uuna caddeeyay in dowladdu qaadi doonto tallaabooyin lagu xakameynayo xanuunkan halista ah. View the full article
-
Shirka Gudiyada Farsamada ee Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada uga socda Baydhabo ayaa hada galay jawi xasaasi ah oo ku saabsan Qodobada hortaagan Heshiiskii 17 Septembar oo qoloba si u aragto. Maanta waxaa la islasoo qaadey Arimaha Gobolka Gedo balse Gudiga ka socda Dowlada Federaalku waxay muujiyeen inay wali mershoodi taagan yihiin, Waxayna ku adkeysanayaan in aan Gobolka lagusoo celin Jubbaland ilaa Doorashadu ka dhamaanayso, inkastoo ay soo jeedoyeen Qodobo dhowra oo u saamaxaya Jubbaland inay saameyn aan saas u waynayn ay ku yeelato Maamulida Doorashada ee Gobolka. Jubbaland wali waa ka biya diidan yihiin Qodobadaas oo idil, Waxayna soo jeediyeen in Dhamaan Maamul Goboleedyadu ay si siman u maamulaan Deegaanadooda, Mid kamida Gudiga ka socda Jubbaland ayaa yiri “ Gedo haday Xukuumada Dhexe maamulaysa Caabudwaaqna Maxaa diidey inay kasoo goyso Galmudug. Sida muuqata wali Buuq ayaa ka taagan Arinta Gobolka Gedo, waxay Maamulada qaar soo jeediyeen in Wax laga badalo Qodobadii Heshiiskii 17 dsebtembar si xal loogu helo Qodobada qaar,maadaama Wakhtiga Doorashadu gaaban yahay. Dhaqaaluhuna yaryahay waxaana lasoo jeediyey in Deegaan Doorashada, halkii Heshiiskii 17 Sebtembar ka oranayay laba Magaalo in lagu badalo In Doorashadu ay ka dhacdo Caasimadaha Maamul Goboleedyada oo qura, Gudiyada qaar ayaa u riyaaqay soo jeedintaan iyagoo u arkaya in ay xal u noqon karto Buuqa Gobolka Gedo, Walhtiga Doorashada oo gaaban iyo Dhaqaalaha Doorashada oo la cadidayo. Gudiga ka socda Dowlada Federaalka Arinkaas si cad ayay u diideen, waxaa si lama filaan ah usoo dhaweeyey soo jeedintaan Gudiga ka socdey Galmudug. Waxaa iyana wali la isku diidan yahay Saamilayda Siyaasada sidii talada ay qayb ugu lahayn lahaayeen, Puntland ayaa soo jeedisay in Musharixiintu ay qayb ka noqdaan shirarka dambe, Arintaan wali Buuq ayaa ka taagan waxaana si cad u diidan Dowlada Federaalka ah waxaana ku raacsan Galmudug iyo Hirdhabeele. Dhamaan Qodobadaan wali wada xaajood ayaa uga docda Gudiyada, waxayna isku dayayaan in meel Dhexe la isugu yimaado ilaa caawa iyo subaxnimada hore ee Beri oo khamiis ah. Puntlanfi.com Baydhabo The post Xogtii u dambaysay Shirka Gudiyada Farsamada uga socda Baydhabo appeared first on . Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mowqifkiisa ku aadan in la qabto banaanbaxa ay iclaamiyeen musharaxiinta mucaaradka ah, kaas oo madaxda dowladda federaalku aysan raali ka aheyn. Fiqi ayaa sheegay in aysan waxba ku jabneyn in taageerayaasha musharaxiintu ay afkaartooda u soo bandhigaan si nabad ah. “Musharixiinta madaxtinimada dalku maalin kasta waa banaan baxaan, maxaa ku jaban in xeerada la weyneeyo oo taageerayashooduna ay kala soo qeybgalaan ayagoo si amni ah ku qabsanaya?” ayuu Axmed Macalin Fiqi ku yiri. Qoraalka Fiqi ayaa intaas ku daray, “Sidoo kale waxaa banaan-baxyo aan tiro lahayn qabsada madaxweynaha iyo taageerayaashiisa ayadoo halkudhigyo, fanaanado sawiradiisu ay ku daabacan yihiin xiran, calanka dalka iyo kan Gobolka Banaadirna ay Daljirka Dahsoon ku xardhan yihiin?” Waxa uu sheegay in dastuurka dalku uu fasaxayo in banaanbaxyo nabad-gelyo ay muwaadiniintu ay qabsan karaan. “Maalin walba ciid maahan, madaxtooyaduna meel lagu sii waarayo ma ahan sida cid walbaba ay ogsoon tahay, berito Marka banaanka la tago xuquuqda maanta aad diido adna ma helaysid, Marka inta ay le’eg tahay xorriyadda iyo xuquuqda muwaadinka ee aad bixiso maantay ayaa noqonaya keydka aad akoonkaada gashato, musharixiinta maantay dalbanaya banaanbaxana berito waxaa u taalla in aysan isku dayin diidmo xuquuqda ay u bukaan waqtigan la joogo ama ay dalbanayaan,” ayuu yiri Fiqi. Banaanbaxa ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta ayaa hadal heyn badan ka abuuray magaalada Muqdisho, waxaana su’aalo badan la gelinyaa habka ay u suurta geleyso in la qabto iyo waxa ka dhalan kara. Dad badan ayaa qaba in la dhigo banaanbaxa, halka dadka qaarna ay ka soo hor jeedaan, iyagoo ku doodaya in caqabad loo banaanbaxo aysan jirin, oo dowladdu aysan diidaneyn in la aado doorasho.
-
Qore : Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Doorashadiisii farxad iyo mashxarad baa dhulka buuxisay laakiin wuxuu ka tegayaa iyadoo murugo iyo colaado labo-labo laysu haysto! Waxaa hubaal in dadka iyo dalka Soomaaliyeed ay soo martay afar sano oo hagardaamo, mu’aamaraad, dhagar, iyo isku-dir ah, Sanooyinkii Farmaajo!… Afar sano oo la dilay qiimihii qaranimmada, dadnimmadii ummadda, iyo wax kasta oo dhaxal gal u noqon lahaa faca soo socda si ay ugu yaraan ugu soo dhowaadaan inay la ambo qaadaan waayaha aduunka!… Afar sano oo qaranimmadii dalka ay gacanta u gashay dowlad qowlaysato ah oo golayaasheeda ay buux dhaafsheen dad wada dheef doon ah oo aan dhergeyn! Dowlad iyada laaluushkii kala qaadanaysa madax-weynaheedii, Ra’iisal wazaaraheedii, waziirradeedii, xil-dhibaannadeedii oo uu horkacayo af-hayeenkii oo waliba dhammaanteed suud (suit) u soo wada qaadatay musuqmaasuq iyo dhacdo kheyraadkii dalka iyo hantidii dad-weynaha… Eebbe Weynihii dalka inoo badbaadshay baa mahad oo dhan leh!… SHacabku waa hurdaayee ha ka kaco!… Abiy Axmed!…Yuki Yamamoto (Donald)!… Maxamed Farmaajo!…Xasan KHeyre… iyo Maxamed Mursal!… SHacabku wax ma ka bartay?!…KHatarta ma dareemeen? In dal iyo dowladnimo aan loo oggoleyn ma garteen?!… Dad-weynaha waxay ku tageen oo dhibaatada uga timid dhaqankii siyaasadeed iyo keli talisnimmadii Maxamed Siyaad runtana waxay tahay inay wali cabursanyihiin oo codkooda iyo xuquuqdooda aasaasiga ah ee muwaadhinimo ay ka maqantahay, nidaamka ay horseedka ka tahay waxa Beesha Caalamka loogu yeerana uu ka hor joogsaday haba yaraatee inay talo ku yeeshaan arrimaha dalka. Farmaajo afar sano uu dalka xukumay waxay ku soo dhammaatay Allahayow adigaa ina dhigay xabbaddii meseggada (haruurka) ahayd ee kasha iyo mooyaha dhexdooda ku barisay/badbaadday! Hasa yeeshee wali khatartii ma dhammaan, sida ka muuqatay khudbaddiisii uu ka hor jeediyay waxa loogu yeero golaha shacabka markii uu soo burburiyay shirkii DHuusomareeb 4, waxaa si cad uga muuqday inuusan marna garowsanayn in muddo xileedkiisii dhammaaday uuna ku fekerayo inuu sii taliyo, muddadii uu hadliyay oo ahayd ku dhowaad 20 daqiiqo marna so ma hadal qaadin waxa ku talo galkiisu yahay maadaama xilkiisii uu gabaabsi ahaa golihii uu la hadlayayna aysan iyagana/uusan isagana waxba talo ah ka weydiin halka looga dhaqaaqayo xaalka meesha uu joogo si aad moodyso ama u eg inuu khudbaddii jimcaha u aqrinayo!… wax shaki ah kuma jiro in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in kastoo xilkiisii xafiiska uu dhammaaday ahaanayo madax-weyne iyadoo sida muuqata uu ku talo galkiisa yahay inuu inu abuuro xiisad siyaasadeed oo uu ku cimri dheereysto isla markaasna isku haleyniya carrab laalaadin uu ka haysto waxa loogu yeero Beesha Caalamka…Farmaajo markii la doortay faarxad iyo mashxarad baa dhulkii buuxisay hadana wuxuu ka tegayaa dad-weynihii reer Jubbaland oo hub isugu dhiibay, GalMudug oo lays wada gaadayo, HirSHabeelle oo dhufeys laysugu jiro!… Waxaa arrin laga xummaado ah in nin kasta oo qabta xukunka dalka oo ku waasho kursiga iyo xukunka sidii Xabiib Burghiiba, madax-weynihii hore ee Tunisia oo isagoo xanuunsan oo aan xis lahayn subax kasta gurigiisa kursi intuu soo fariisto waraaqo saxiixi jiray isagoo isu haysta inuu wali madax-weyne yahay. Farmaajo isagaa si bareer ah uga hor yimid dastuurkii iyo shuruucdii dalka u taalay oo dhan, sidaas oo kalana wuxuu ka baxayay dhammaan waxyaabaha ay ku heshiiyaan isaga iyo Dowlad-Goboleeddada oo iyagu runtii noqday ilaaliyaasha sharciga iyo dowladnimmada dalka ka dib markii uu Max’ed Cabdullaahi Farmaajo lacagta Qatar iyo xubno kale oo ka mid ah waxa Beesha Caalamka loogu yeero uu ku iibsaday awoodii iyo sharaftii Golihii wakiilla shacabka Soomaaliyeed iyo guddoomiyahoodii Max’ed Mursal SH. Cabdi-Raxmaan… AaaH! Nimaan dowlad macnaheeda aqoon marka xilka loo dhiibo sida Farmaajo ayuu u dhaqmaa ama sida xildhibaannada Baarlamanka 10 aad iyo guddoomiyahooda bay sharaftooda iyo ammaannada ummaddu u dhiibatay xoogaa liita oo aduunya ah siistaan!… waa dhagar qaranka iyo ummadda laga galay taariikhdana aysan waligeed hilmaamayn!… KHaa’in Al-Wadhan baa dalkii helay! Ma Farmaajaa mise Mursal mise KHeyre?! Ma Golaha Waziirradaa?! mise Golaha SHacabkaa?! Mise waa dowlada oo dhan?! SHaki kuma jiro in DHagar laga galay dadka iyo dalka ee yaa ka galay?… Waxaa iyadana arrin xanuun badan ah inaysan kaa hor muuqanayn cid aad sheegto haddii lagu weydiiyo yaan dooranaa?! Bal adigaba aan ku weydiiyee yaan dooranaa murashaxiinta faraha badan ee isu soo taagay xilka madax-weynaha?…Tani ma aha inaan u gefayo murashaxiinta laakiin waa aqoonta aan u leenahay iyaga iyo waayo aragnimmada aan ka helnay madaxda ina soo martay oo ay qaarkood la soo shaqeeyeen/shaqaysteen ama sifooyin badan ay wadaagaan. Madax-Weynihii la doortaba ma Feex dalkii gashay buu noqnayaa?!… Waa Saban!…Saban baa ina haya! Bal fiiri inta deegaankaaga ah ee xil-dhibaanimo raadinaysa!… Bal fiiri inta agaasime iyo waziir doon ah ee Xamar joogta!…Bal fiiri inta murashax ah ee madax-weynenimo u tartamaysa!… yaa inoo soo hor mariyay?! Waa weydiin jawaabteedu tuhun badan ku gadaamanyahay!… Waana taas midda jawaabta u baahan; ma odayaasha dhaqanka baa inoo soo hor mariyay?! Mise madaxda dowlad goboleeddada inoo soo hormariyay?! Mise waxa Beesha Caalamka loogu yeero?!…koleyba arrintu waa Timiri Laf Baa Ku Jirta! Fara gelinta shisheeyaha waxay ka gudubtay xad kasta oo shuruucda iyo anshaxa dalka u dhigan, waxaana arrintaas ay u ekeyd inay oggolaansho uga haystaan hay’add fulinta iyo madaxtooyada, waxaana laoran karaa in dhagaraha dhacay ee dadka iyo dalka laga galay aan wali la ogaan ama aan waxba laga soo qaadin sabab kastaba ha ugu wacnaatee, iyadoo khataraha ugu weyn iyo halista ugu badan ay dalka ka soo gaartay xil-dhibaannada golaha shacabka (aqalka hoose) oo iyagu wax kasta oo sharci daro ah ka aamusiyay ama ansixinayay, si ay ka muuqato in golaha aqalka hoose (AH) ay iska war-qabaan madaxtooyada iyo hay’adda fulinta, waxayna taas keentay in la tuuro ama la inkiro awoodihii sharciga ahaa ee ay lahaayeen Dowlad-Goboleeddad (DG) iyo Aqalkii Sare (AS), iyadoo labadaba looga cararayo in xubnaha AS ay u badanyihiin siyaasiyiin soo shaqeeyay ama aqoon leh oo wakiil ka ah siyaasadaha DG isla markaasna laga dareemay inay sharciga uga adadgyihii aqalka hoose. June 16, 2018, waxaa magaallada Muqdisho ka soo degay Colonel Abiy Axmed oo markaas laba bil iyo bar keliya ra’iisal wazaaraha Itoobiya ku magacaaban, wuxuu soo doonay dadka horay looguma sheegin, laakiin imaatinkiisa dad-weynaha badankood waxay u qaataan inuu yahay mid u doonayo inuu ku bilaabo waan-waan iyo nabad labada dal dhex marta, hasa yeeshee saacado kooban ka dib wuxuu dalka ka dhoofay isagoo sheegaya in afar dekedood xukuumada Soomaaliyeed siisay!…muddo yar ka dib waxaa bilowday saaxiibnimo qoto dheer oo si degdeg ah u kobocday oo dhex martay madax-weyne Farmaajo iyo Abiy Axmed! Waxaa xigay socdaalo uu Farmaajo ku tegey Addis Ababa iyo Casmara, inta ay socdaaladaas socdeen wallaaca iyo tuhunka dadkii Soomaaliyeed wuxuu ahaa mid taagan oo dad badan hurdo la’aan dhigay! Waxaa taas ka daran Farmaajo mar kasta oo uu Itoobiya ka soo laabto isagoon cidna waxba u sheegin buu albaabada xiranayay, laakiin nasiiba wanaag wax kasta oo uu qarin lahaaba waxaa jadhaa-balaf laga heliyay Colnel Abiy Axmed oo dadkiisa iyo xil-dhibaannada barlamankiisa u sheegayay guulaha uu ka gaaray wada hadallad uu la galay Farmaajo; Soomaaliya iyo Itoobiya labada dal waa laysu furayaa (macnaha waa iska cadyahay oo waa hal dal bay isku noqonayaan) labada dad baa is dhex gelaya!…oo macnaheed?! Xamar baad ka soo shaqaysanaysaan habeenkiina guryihiina baad u soo noqonaysaan!…Nin ay dameer ka luntay baa laga sheegay Allow yey mar un BURURUF u tiraahdaa! Madax-weyne Soomaaliyeed oo ay saaxiib shaksi ah noqdeen ra’iisal wazaare Itoobiyaan ah?! Yaa sow yaab ma aha?! Oo kaaga daranee habeenimo u guureyn habeenimana ka soo dheelman oo aan marna laga maqlayn waxay is yiraahdeen koley erey ku tahay. SHacabka waxaa la gudboon inay Eebbe-Weyne ku xamdiyaan, dagaalkii Tigray wuxuu xirsi furyo u noqday dhibkii Itoobiya ay ku haysay Soomaaliya! Denbi kasta oo uu Farmaajo galay waziir kasta waa la galay, xil-dhibaan kastana waa la galay. Farmaajo baa u dhoofayaa Itoobiya labadii golaba iyagoo suud wada xiran bay saf u soo gelayaan oo sagootinayaan, Itoobiya buu ka soo laabanayaa iyagoo aad moodo inay ka qayb gelayaan ban-dhig faashan (Fashion Show) bay saf u soo gelayaan oo soo dhoweynayaan!… Cidna wax weydiin mayso kaaga daranee iyaga dhexdooda xataa iskama waraysanayn! Ma dalkuu keligiis leeyahay?! Ma dadkuu leeyahay?! Waa iyaga aamusanee miyeysan ogeyn inay madaxdii dalka yihin!…Barlamnka 10aad khayaannada uu dalka ka galay waa in ilmaha taariikhda lagu baraa, siiba gudomiye Maxamed Mursal, iyo ku xigeennadiisa Cabdi-Wali Muudeey, iyo Mahad Cawad oo iyaga ujeeddadii golaha isla markaasna khayaanay ammaanadii dalka iyo dadkaba… Itoobiyaa 4 dekedood loo saxiixay Barlamanka 10aad xataa kama hadal!…War maxaa dhacay?! Jawaabtii waxay noqotay wixii dhacay dhulka ka qaado!…Soomaaliyaa khariidaddii laga tirtiray oo Itoobiya khariidaddeeda ku balaarsatay barlamaanka 10aad kama hadal!…Ciidamo Soomaaliyeed baa dagaal la geliyay oo lagu gummaaday iyagoo waliba u dagaalamay dalka Itoobiya barlamanka 10aad kama hadal!… Wada hadalladii Soomaaliland iyo dowladda Federal-ka ee bishii june, 2020kii lagu qabtay Djibouti waxaa qorshuhu ahaa in Soomaaliya lagu mideeyo, iyadoo ku talo galku ahaa inay taas meel mariyaan Donald Yamamoto iyo Colonel Abiy Axmed, haddii ay arrintaas ay ku guulaysan lahaayeen waxaa qorshahoodu ahaa in bil gudaheed ay shir weyne kale oo Itoobiya iyo Soomaaliya lagu midaynayo ay ku qabtaan Djibouti. Iyadoo ay arrintii sidii u taagantahay baa bishii July xabbad cirka ka timid waxay dishay fannaankii Hachalu Hundesse oo isagu ahaaxubin muhiim ahaa oo ka mid ahaa hoggaanka kacdoonka Orommada, waxaana ka dhashay xiisad siyaasadeed iyo in qowmiyaddii Orommada ay kacdoonto, iyadoo qalalaasahaas siyaasadeed uu sidii u taaganyahay baa November 04, 2020, waxaa qarxay dagaalkii dowladda federal-ka Itoobiya iyo maamulka gobolkaTigray (TPLF) … ninkaan u dhaqmaaya sidii General-dii Sumurai-ga ahaa ee Yamamoto wuxuu juhdi badan geliyay inuu sumcad diplomats-iyadeed ku dhisto siyaasaddii ay ku guul daraysteen guumeystayaashii Soomaaliya ku soo duulay. SHacabnimmada iyo codka dad-weynaha waa tiirarka ay ku taaganyihiin ummadnimmada iyo qaran ahaanshaha dalka! Bal is weydii afartii sano ee uu jiray maamulka hadda xilkiisii dhammaaday immisa jeer baad xasusatay magacyadan; KHaa’in Al-Wadhan, Tuug iyo Tuug-Kalkaal iyo Qaade iyo Qarshe!…Been-Hawaas!… waxaa dalka soo maray magac-xumo iyo meel ka dhacyo aan la oran karayn damiir shacab Soomaaliyeed baa dalka ka jiray ama aan looga sheekeyn karayn jiilasha soo socda!…Itoobiyaa dekedihii dalka loo saxiixay!…Ciidamo Soomaaliyeed baa Itoobiya u dagaalamay oo aan raq iyo ruux meelna lagu sheegin!…Faham, ma aha ciidamo Itoobiya ka xoreyniyay gobolka Soomaaliyeed ee ay guumeysato!…Oo waliba kaaga daranee waxaa sidaas ugu tagri falay hal nin oo madax-weyne ah, Farmaajo! Oo aaway dad-weynihii dalka lahaa?! Waxaase ka sii darnaa in golihii shacabka ee ninkaas doortay ee ilaallinta xeerarka dalka iyo la xisaabtanka xukuumadda loo igmmaday uusan marna weydiin madax-weynaha wax la xiriira arrimahaas!…Xataa hal mar! SHacabku waa hurdaayee ha ka tooso hurddada!… Cibaarrada yaabka ah oo shacabka Soomaaliyeed ceebihiisa ugu weyn waxay tahay inay isugu soo baxaan taageerrada siyaasiga waliba isagoon dantooda hayn, inay u soo saftaan soo dhoweyntiisa iyo sagootintiisa isagoon ka mudnayn! SHacab awooddiisii iyo kaalintiisii siyaasaadeed nuxurkeedii uu noqday soo dhoweyn iyo sagootin! Waxaase taas ka sii daran hooyooyin ooyaya oo aan shacab ka damqanaya oo u kacaya uusan jirin oo markay dad-weynihii maciin ka waayeen u dacwooniya kii ilmahoodii miidaamiyay!… hooyooyin ooyaya oo u cabanaya kuwii dalkooda gumeeyay, oo u cabanaya waxa Beesha Caalamka loogu yeero oo iyagu ku dul haya Farmaajo maalin kastana xoog, xeyllad iyo xoolaba ku bixinaya inay Farmaajo oo kale dusha ka saaraan!.. hooyooyin waayay ka dhiidhisa xummaatada oo ay ku dhaataan sharaftoodana dhowra!… SHacabnimmada iyo codka dad-weynaha waa tiirarka ay ku taaganyihiin ummadnimmada iyo Qaran ahaanshaha dalka!… Waxaana la gudboon dad-weynaha Soomaaliyeed inaysan yeelin inay dalka ka baxaan ilaa maxkammad la hor keeno Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal Wazaarihii hore Xasan Cali KHeyre, Maxamed Mursal Cabdi-Raxmaan, Cabdi-Wali Muudeey Ibraahim, iyo Mahad Cawad, dhagaraha iyo tagri falka awoodeed ee intay xilka hayeen dalka ka dhacay. The post Axmed-yasiin Sooyaan : – Alley-lahee Farmaajo siduu u dhaqmay abaalkeeda lama marin! appeared first on . Source
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud, oo ah hogaamiyaha gole isku magacaabay Kacdoonka gobolka Hiiraan oo kasoo horjeeda maamulka HirShabelle ayaa digniin culus soo saaray, wuxuuna muddo ku siman 48 saacadood gudahood u qabtay inay magaalada Beledweyne iskaga baxaan mas’uuliyiinta maamulkaas. Jeneraal Xuud, ayaa hanjabaadiisan culus, oo uu soo saaray shalay, ku saleeyay inay uga dan leeyihiin inay bulshada Beledweyne uga kor qaadan dhibaatooyinka ay maamulka HirShabelle ka geysaneyso magaaladaas. Waxaa hadda mudadaas ka hartay 24 saac. Waxa uu sheegay in marnaba aysan u dulqaadan doonin in maamulka HirShabelle uu xad-gudubyo iyo tacadiyo kula kaco dadka shacabka ah, isagoona ku eedeyay mas’uuliyiinta maamulka ee ku sugan Beledweyne inay kaalin weyn ka qaateen amaan darrada taagan. Sidoo kale waxa uu fariin kulul u diray madaxda dowladda federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay si gaar ah ‘beegsi haybeysan’ ugu hayso saraakiisha xooga dalka ee u kasoo jeeda gobolkaas, kuwaasi oo qaarkood bedel lagu sameeyay, sida uu sheegay. Hanjabaada Xuud ayaa imaneysa xili ay jabhadiisa taageero u muujiyeen boqolaal dadweyne ah, oo shalay tagay fariisinka Golahaas, oo si weyn uga soo horjeeda maamulka cusub ee loo dhisay HirShabelle. Horraantii bishan unbey aheyd markii ay magaalada Beledweyne weerar ku qaadeen ciidamo ka amar qaata Jeneraal Xuud, kuwaasi oo dagaal saacado qaatay uu gudaha magaalada ku dhexmaray ciidamada HirShabelle.
-
(SLT-Hargeysa)-Dadka la xidhay ayaa waxay kala yihiin Lamaane is-qaba iyo Ilmo yar oo dhawaan u dhashay iyo laba Haween ah. 21-kii bishii hore, ayaa Ciidammada Boolisku waxay Magaalada Hargeysa ku xidheen lamaane Magacyadooda lagu sheegay Maxamed Iyo Xamdi oo uu la socday Ilmo yar oo ay dhaleen iyo Aster oo u dhalatay dalka Itoobiya, Maalmo ka dib oo Ciidammadu baadhitaan ku sameeyeen Gurigii ay Qoyskaasi deganaayeena waxay ka soo xidheen Haweenay kale, taasi oo tirada Dadka Kiristaanka ah ee la xidhay ka dhigaysa 4 iyo Ilmaha yar. Warku wuxuu intaa ku darayaa in 10-kii February Dacwad-oogayaasha la siiyey wakhti dheeraad ah, si ay Xabsiga ugu sii hayaan Dadkan loo xidhay inay faafinayeen Diinta Kirisaanka, si ay wakhti ugu helaan baadhitaanka ay wadaan. Ugu dambayn, Dawladda Somaliland ayaa hore u qab-qabatay Dad faafinayeen Diinta Kiristaanka, kuwaasi oo markii dambe qaarkood Dalka laga Mastaafuriyey. Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Habeen-1622021.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa maanta kula la yeeshay Saddexda Xisbi Qaran, Wasaarada Waxbrashada, Guddida Tacliinta Sare, Wasaaradda Maaliyada, Wasaradda Caafimaadka, Xeer-Ilaalinta Qaranka & Hay’ada Shaqaalaha Dawladda. Kulankan ayaa lagaga hadlayay sidii Xulista Musharixiinta Doorashooyinka Deegaanka iyo Wakiillada loo dardar-gelin lahaa iyo sidii loo hubin lahaa in dhammaan Murashixiintu ay buuxiyeen Shuruudaha uu qeexay, isla markaana uu waajibiyay Xeerka Guud ee Doorashooyinka & Diiwaangelinta Codbixiyayaasha 91/2020 iyo Dastuurka JSL. Laamaha Dawlada ee kala duwan ee shirkan ka qayb galay ayaa doorar kala duwan ku leh bixinta Waraaqaha cadeynaya Shuruudaha buuxintooda uu Xeerku ku waajibiyey Murashixiinta sida Shahaadooyinka Waxbrashada, Cashuur-bixinta, Deebaajiga, Dambi-la’aanta, Shaqo ka-tegista Shaqaalaha Dawladda, Warqadaha Caafimaadka, iwm. Waxaana si qoto-dheer lays kula eegay sidii Xisbiyada, Hay’adaha kala duwan ee Dawladda iyo KDQ u hubin lahayeen fulinta Xeer Lr. 91/2020 iyo dhaqan-gelinta Qoddobada Xeerka sida Shuruudaha ku xidhan Murashixiinta isku taagi doona Doorashooyinka inagu soo foolka leh. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa kasoo baxeysa ciidamada Soomaaliyeed ee dowladda federaalka ay tobabarka u geysay dalka Eritrea, kuwaasi oo muddooyinkii dambe hadal hayn iyo dood badan ka dhex abuuray bulshada Soomaaliyeed. Barnaamijka Galka Baarista ayaa toddobaadkan diirada saaray ciidamada Soomaaliyeed ee dowladda federaalka geysay Eritrea, wuxuuna daboolka ka qaaday in qorshaha looga dejiyay dalkaas uu soo bilowday horaantii 2019 oo laga joogo labo sano. Qorshaha ciidamada lagu geeyay dalka Eritrea ayaa waxa markii u horeysay iska lahaa madaxweynaha xiligan waqtigu ka dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhigiisa Eritrea ka dalbaday in ciidamo loogu qaado dalkiisa xili uu dhamaadka 2018-kii booqasho ku yimid magaalada Muqdisho. Ciidamadaan ayaa waxa markii hore uu qorshuhu ahaa in lagu tobabaro gudaha magaalada Muqdisho, taasi oo keentay in wafdi heer sarre ah uu dalka yimaado bishii Maarso ee 2019-kii, kuwaasi oo markii dambe meesha ka saaray suurta-galnimada in ciidamo lagu tobabaro gudaha dalka. Kadib markii uu shaqeyn waayey qorshihii ahaa in gudaha Muqdisho lagu tobabaro ciidamadaas ayaa loo qaaday dalka Eritrea bishii Ogoos ee 2019-kii, waxaana xiligaas soo aruuriyo oo soo qortay dhalinyarada dalkaas loo qaaday hay’adda NISA, sida ay sheegen saraakiil sar-sare oo la socday qorshahaan. Ciidamada Soomaaliyeed ee loo qaaday dalka Eritrea oo difcado kala duwanaa ahaa ayaa waxa lasoo warinayaa inay tiradoodu u dhaxeyso 5-kun ilaa 7-kun oo dhalinyaro ah. Galka Baarista oo la hadlay qaar kamid ah Waalidiinta dhalinyarada ku maqan Eritrea ayaa sheegay in markii hore wiilashooda loo sheegay inay tagayaan Qatar, kadibna loo leexiyay dalka Eritrea oo lagu xareeyay xeryo ciidan oo lagu tobabaro. Waalidiintaan ayaa sheegay in wiilashooda oo kamid ah ciidamada ay dowladda ka dejisay Eritrea ay wada-hadleen bartankii 2019-kii, intaas wixii ka dambeeyayna aysan jirin wax xiriir ah oo dhex-maray, midaasi oo ay walaac xoogan ka muujiyeen. Sidoo kale waxa Barnaamijka Galka Baarista lagu wareystay Aabe looga yeeray xarunta NISA bishii 5-aad ee sanadkii 2020-ka, kaasi oo Saraakiisha Nabad-Sugida ay ku wargeliyeen in wiilkiisa uu dhintay, xili uu ku gudo jiray tobabarka loo geeyay Eritrea. Dowladda Qatar ayaa dhawaan war-saxaafadeed ay soo saartay waxay si adag uga hadashay arrinta ku aadan dhalinyaradan Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo markii hore dalkooda looga qaaday in la geynayo Qatar. “Waan cambaareyneynaa shaqsi kasta oo si been abuur ah loogu sheegay inay u guurayaan Qatar, si ay fursado shaqo uga helaan, Qatar waxay ka soo horjeedda dhaqamada noocan oo kale ah waxayna ku boorrineysaa dhammaan dowladaha inay baadhaan xadgudubyada noocaas ah,” ayaa xiligaas lagu yiri warsaxaafadeedkan. Waxa kale oo lagu yiri “Nasiib darro kooxaha nugul ayaa inta badan ku dhaca dalabyo been abuur ah iyo ballamo been abuur ah oo deganaansho ah. Si looga hortago arrintan Qatar waxay ka hirgelisay dalal badan oo ay ka yimaadaan shaqaalaha rasmiga ah xarumo lagu biyo dal ku galka, waana tallaabo looga gaashaamanayo in ay aqbalaan dalabyada been abuurka ah”. Xogta uu soo bandhigay Galka Baarista ayaa sii xoojinaysa walaaca iyo tuhunka laga qabo in dhalinyarada Soomaaliyeed ee loo qaaday dalka Eritrea ay ka qeyb-qaateen howl-galkii dagaal ee gobolka Tigray, ee uu Abiy Axmed ku qaaday maamulkii TPLF, waxaana mad-madow badan ku gadaaman yahay hanaankii loo qaaday ciidamadaas. Hoos ka dhageyso barnaamijka
-
Alley-lahee Farmaajo siduu u dhaqmay abaalkeeda lama marin!
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Doorashadiisii farxad iyo mashxarad baa dhulka buuxisay laakiin wuxuu ka tegayaa iyadoo murugo iyo colaado labo-labo laysu haysto! Waxaa hubaal ah in dadka iyo dalka Soomaaliyeed ay soo martay afar sano oo hagardaamo, mu’aamaraad, dhagar, iyo isku-dir ah, Sanooyinkii Farmaajo!… Afar sano oo la dilay qiimihii qaranimmada, dadnimmadii ummadda, iyo wax kasta oo dhaxal gal u noqon lahaa faca soo socda si ay ugu yaraan ugu soo dhowaadaan inay la ambo qaadaan waayaha aduunka!… Afar sano oo qaranimmadii dalka ay gacanta u gashay dowlad qowlaysato ah oo golayaasheeda ay buux dhaafsheen dad wada dheef doon ah oo aan dhergeyn! Dowlad iyada laaluushkii kala qaadanaysa madax-weynaheedii, Ra’iisal wasaaraheedii, wasiirradeedii, xil-dhibaannadeedii oo uu horkacayo af-hayeenkii oo waliba dhammaanteed suud (suit) u soo wada qaadatay musuqmaasuq iyo dhacdo kheyraadkii dalka iyo hantidii dad-weynaha… Eebbe Weynihii dalka inoo badbaadshay baa mahad oo dhan leh!… SHacabku waa hurdaayee ha ka kaco!… Abiy Axmed!…Yuki Yamamoto (Donald)!… Maxamed Farmaajo!…Xasan KHeyre… iyo Maxamed Mursal!… SHacabku wax ma ka bartay?!…KHatarta ma dareemeen? In dal iyo dowladnimo aan loo oggoleyn ma garteen?!… Dad-weynaha waxay ku tageen oo dhibaatada uga timid dhaqankii siyaasadeed iyo keli talisnimmadii Maxamed Siyaad runtana waxay tahay inay wali cabursanyihiin oo codkooda iyo xuquuqdooda aasaasiga ah ee muwaadhinimo ay ka maqantahay, nidaamka ay horseedka ka tahay waxa Beesha Caalamka loogu yeerana uu ka hor joogsaday haba yaraatee inay talo ku yeeshaan arrimaha dalka. Farmaajo afar sano uu dalka xukumay waxay ku soo dhammaatay Allahayow adigaa ina dhigay xabbaddii meseggada (haruurka) ahayd ee kasha iyo mooyaha dhexdooda ku barisay/badbaadday! Hasa yeeshee wali khatartii ma dhammaan, sida ka muuqatay khudbaddiisii uu ka hor jeediyay waxa loogu yeero golaha shacabka markii uu soo burburiyay shirkii DHuusomareeb 4, waxaa si cad uga muuqday inuusan marna garowsanayn in muddo xileedkiisii dhammaaday uuna ku fekerayo inuu sii taliyo, muddadii uu hadlayay oo ahayd ku dhowaad 20 daqiiqo marna soo ma hadal qaadin waxa ku talo galkiisu yahay maadaama xilkiisii uu gabaabsi ahaa golihii uu la hadlayayna aysan iyagana/uusan isagana waxba talo ah ka weydiin halka looga dhaqaaqayo xaalka meesha uu joogo si aad moodyso ama u eg inuu khudbaddii jimcaha u aqrinayo!… wax shaki ah kuma jiro in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in kastoo xilkiisii xafiiska uu dhammaaday ahaanayo madax-weyne iyadoo sida muuqata uu ku talo galkiisa yahay inuu inu abuuro xiisad siyaasadeed oo uu ku cimri dheereysto isla markaasna isku haleyniya carrab laalaadin uu ka haysto waxa loogu yeero Beesha Caalamka…Farmaajo markii la doortay farxad iyo mashxarad baa dhulkii buuxisay hadana wuxuu ka tegayaa dad-weynihii reer Jubbaland oo hub isugu dhiibay, Galmudug oo lays wada gaadayo iyo Hirshabeelle oo dhufeys laysugu jiro!… Waxaa arrin laga xummaado ah in nin kasta oo qabta xukunka dalka oo ku waasho kursiga iyo xukunka sidii Xabiib Burghiiba, madax-weynihii hore ee Tunisia oo isagoo xanuunsan oo aan xis lahayn subax kasta gurigiisa kursi intuu soo fariisto waraaqo saxiixi jiray isagoo isu haysta inuu wali madax-weyne yahay. Farmaajo isagaa si bareer ah uga hor yimid dastuurkii iyo shuruucdii dalka u taalay oo dhan, sidaas oo kalana wuxuu ka baxayay dhammaan waxyaabaha ay ku heshiiyaan isaga iyo Dowlad-Goboleeddada oo iyagu runtii noqday ilaaliyaasha sharciga iyo dowladnimmada dalka ka dib markii uu Max’ed Cabdullaahi Farmaajo lacagta Qatar iyo xubno kale oo ka mid ah waxa Beesha Caalamka loogu yeero uu ku iibsaday awoodii iyo sharaftii Golihii wakiilla shacabka Soomaaliyeed iyo guddoomiyahoodii Max’ed Mursal SH. Cabdi-Raxmaan… AaaH! Nimaan dowlad macnaheeda aqoon marka xilka loo dhiibo sida Farmaajo ayuu u dhaqmaa ama sida xildhibaannada Baarlamanka 10 aad iyo guddoomiyahooda bay sharaftooda iyo ammaannada ummaddu u dhiibatay xoogaa liita oo aduunya ah siistaan!… waa dhagar qaranka iyo ummadda laga galay taariikhdana aysan waligeed hilmaamayn!… KHaa’in Al-Wadhan baa dalkii helay! Ma Farmaajaa mise Mursal mise KHeyre?! Ma Golaha Wasiirradaa?! mise Golaha SHacabkaa?! Mise waa dowlada oo dhan?! SHaki kuma jiro in DHagar laga galay dadka iyo dalka ee yaa ka galay? Waxaa iyadana arrin xanuun badan ah inaysan kaa hor muuqanayn cid aad sheegto haddii lagu weydiiyo yaan dooranaa?! Bal adigaba aan ku weydiiyee yaan dooranaa murashaxiinta faraha badan ee isu soo taagay xilka madax-weynaha?…Tani ma aha inaan u gefayo murashaxiinta laakiin waa aqoonta aan u leenahay iyaga iyo waayo aragnimmada aan ka helnay madaxda ina soo martay oo ay qaarkood la soo shaqeeyeen/shaqaysteen ama sifooyin badan ay wadaagaan. Madax-Weynihii la doortaba ma Feex dalkii gashay buu noqnayaa?!… Waa Saban!…Saban baa ina haya! Bal fiiri inta deegaankaaga ah ee xil-dhibaanimo raadinaysa!… Bal fiiri inta agaasime iyo wasiir doon ah ee Xamar joogta!…Bal fiiri inta murashax ah ee madax-weynenimo u tartamaysa!… yaa inoo soo hor mariyay?! Waa weydiin jawaabteedu tuhun badan ku gadaamanyahay!… Waana taas midda jawaabta u baahan; ma odayaasha dhaqanka baa inoo soo hor mariyay?! Mise madaxda dowlad goboleeddada inoo soo hormariyay?! Mise waxa Beesha Caalamka loogu yeero?!…koleyba arrintu waa Timiri Laf Baa Ku Jirta! Fara gelinta shisheeyaha waxay ka gudubtay xad kasta oo shuruucda iyo anshaxa dalka u dhigan, waxaana arrintaas ay u ekeyd inay oggolaansho uga haystaan hay’add fulinta iyo madaxtooyada, waxaana la’oran karaa in dhagaraha dhacay ee dadka iyo dalka laga galay aan wali la ogaan ama aan waxba laga soo qaadin sabab kastaba ha ugu wacnaatee, iyadoo khataraha ugu weyn iyo halista ugu badan ay dalka ka soo gaartay xil-dhibaannada golaha shacabka (aqalka hoose) oo iyagu wax kasta oo sharci daro ah ka aamusiyay ama ansixinayay, si ay ka muuqato in golaha aqalka hoose (AH) ay iska war-qabaan madaxtooyada iyo hay’adda fulinta, waxayna taas keentay in la tuuro ama la inkiro awoodihii sharciga ahaa ee ay lahaayeen Dowlad-Goboleeddad (DG) iyo Aqalkii Sare (AS), iyadoo labadaba looga cararayo in xubnaha AS ay u badanyihiin siyaasiyiin soo shaqeeyay ama aqoon leh oo wakiil ka ah siyaasadaha DG isla markaasna laga dareemay inay sharciga uga adadgyihii aqalka hoose. June 16, 2018, waxaa magaallada Muqdisho ka soo degay Colonel Abiy Axmed oo markaas laba bil iyo bar keliya ra’iisal wasaaraha Itoobiya ku magacaaban, wuxuu soo doonay dadka horay looguma sheegin, laakiin imaatinkiisa dad-weynaha badankood waxay u qaataan inuu yahay mid u doonayo inuu ku bilaabo waan-waan iyo nabad labada dal dhex marta, hasa yeeshee saacado kooban ka dib wuxuu dalka ka dhoofay isagoo sheegaya in afar dekedood xukuumada Soomaaliyeed siisay!…muddo yar ka dib waxaa bilowday saaxiibnimo qoto dheer oo si degdeg ah u kobocday oo dhex martay madax-weyne Farmaajo iyo Abiy Axmed! Waxaa xigay socdaalo uu Farmaajo ku tegey Addis Ababa iyo Casmara, inta ay socdaaladaas socdeen wallaaca iyo tuhunka dadkii Soomaaliyeed wuxuu ahaa mid taagan oo dad badan hurdo la’aan dhigay! Waxaa taas ka daran Farmaajo mar kasta oo uu Itoobiya ka soo laabto isagoon cidna waxba u sheegin buu albaabada xiranayay, laakiin nasiiba wanaag wax kasta oo uu qarin lahaaba waxaa jadhaa-balaf laga heliyay Colnel Abiy Axmed oo dadkiisa iyo xil-dhibaannada barlamankiisa u sheegayay guulaha uu ka gaaray wada hadallad uu la galay Farmaajo; Soomaaliya iyo Itoobiya labada dal waa laysu furayaa (macnaha waa iska cadyahay oo waa hal dal bay isku noqonayaan) labada dad baa is dhex gelaya!…oo macnaheed?! Xamar baad ka soo shaqaysanaysaan habeenkiina guryihiina baad u soo noqonaysaan!…Nin ay dameer ka luntay baa laga sheegay Allow yey mar un BYPYPY u tiraahdaa! Madax-weyne Soomaaliyeed oo ay saaxiib shaksi ah noqdeen ra’iisal wasaare Itoobiyaan ah?! Yaa sow yaab ma aha?! Oo kaaga daranee habeenimo u guureyn habeenimana ka soo dheelman oo aan marna laga maqlayn waxay is yiraahdeen koley erey ku tahay. SHacabka waxaa la gudboon inay Eebbe-Weyne ku xamdiyaan, dagaalkii Tigray wuxuu xirsi furyo u noqday dhibkii Itoobiya ay ku haysay Soomaaliya! Denbi kasta oo uu Farmaajo galay wasiir kasta waa la galay, xil-dhibaan kastana waa la galay. Farmaajo baa u dhoofaya Itoobiya labadii golaba iyagoo suud wada xiran bay saf u soo gelayaan oo sagootinayaan, Itoobiya buu ka soo laabanayaa iyagoo aad moodo inay ka qayb gelayaan ban-dhig faashan (Fashion Show) bay saf u soo gelayaan oo soo dhoweynayaan!… Cidna wax weydiin mayso kaaga daranee iyaga dhexdooda xataa iskama waraysanayn! Ma dalkuu keligiis leeyahay?! Ma dadkuu leeyahay?! Waa iyaga aamusanee miyeysan ogeyn inay madaxdii dalka yihiin!…Baarlamaanka 11aad khayaannada uu dalka ka galay waa in ilmaha taariikhda lagu baraa, siiba gudomiye Maxamed Mursal, iyo ku xigeennadiisa Cabdi-Wali Muudeey, iyo Mahad Cawad oo iyaga ujeeddadii golaha isla markaasna khayaanay ammaanadii dalka iyo dadkaba… Itoobiyaa 4 dekedood loo saxiixay Baarlamaanka 10aad xataa kama hadal!…War maxaa dhacay?! Jawaabtii waxay noqotay wixii dhacay dhulka ka qaado!…Soomaaliyaa khariidaddii laga tirtiray oo Itoobiya khariidaddeeda ku balaarsatay baarlamaanka 10aad kama hadal!…Ciidamo Soomaaliyeed baa dagaal la geliyay oo lagu gummaaday iyagoo waliba u dagaalamay dalka Itoobiya baarlamaanka 10aad kama hadal!… Wada hadalladii Somaliland iyo dowladda Federal-ka ee bishii june, 2020kii lagu qabtay Djibouti waxaa qorshuhu ahaa in Soomaaliya lagu mideeyo, iyadoo ku talo galku ahaa inay taas meel mariyaan Donald Yamamoto iyo Colonel Abiy Axmed, haddii ay arrintaas ay ku guulaysan lahaayeen waxaa qorshahoodu ahaa in bil gudaheed ay shir weyne kale oo Itoobiya iyo Soomaaliya lagu midaynayo ay ku qabtaan Djibouti. Iyadoo ay arrintii sidii u taagantahay baa bishii July xabbad cirka ka timid waxay dishay fannaankii Hachalu Hundesse oo isagu ahaa xubin muhiim ahaa oo ka mid ahaa hoggaanka kacdoonka Orommada, waxaana ka dhashay xiisad siyaasadeed iyo in qowmiyaddii Orommada ay kacdoonto, iyadoo qalalaasahaas siyaasadeed uu sidii u taaganyahay baa November 04, 2020, waxaa qarxay dagaalkii dowladda federal-ka Itoobiya iyo maamulka gobolkaTigray (TPLF) … ninkaan u dhaqmaaya sidii General-dii Sumurai-ga ahaa ee Yamamoto wuxuu juhdi badan geliyay inuu sumcad diplomats-iyadeed ku dhisto siyaasaddii ay ku guul daraysteen guumeystayaashii Soomaaliya ku soo duulay. SHacabnimmada iyo codka dad-weynaha waa tiirarka ay ku taaganyihiin ummadnimmada iyo qaran ahaanshaha dalka! Bal is weydii afartii sano ee uu jiray maamulka hadda xilkiisii dhammaaday immisa jeer baad xasuusatay magacyadan; KHaa’in Al-Wadhan, Tuug iyo Tuug-Kalkaal iyo Qaade iyo Qarshe!…Been-Hawaas!… waxaa dalka soo maray magac-xumo iyo meel ka dhacyo aan la oran karayn damiir shacab Soomaaliyeed baa dalka ka jiray ama aan looga sheekeyn karayn jiilasha soo socda!…Itoobiyaa dekedihii dalka loo saxiixay!…Ciidamo Soomaaliyeed baa Itoobiya u dagaalamay oo aan raq iyo ruux meelna lagu sheegin!…Faham, ma aha ciidamo Itoobiya ka xoreyniyay gobolka Soomaaliyeed ee ay guumeysato!…Oo waliba kaaga daranee waxaa sidaas ugu tagri falay hal nin oo madax-weyne ah, Farmaajo! Oo aaway dad-weynihii dalka lahaa?! Waxaase ka sii darnaa in golihii shacabka ee ninkaas doortay ee ilaallinta xeerarka dalka iyo la xisaabtanka xukuumadda loo igmmaday uusan marna weydiin madax-weynaha wax la xiriira arrimahaas!…Xataa hal mar! SHacabku waa hurdaayee ha ka tooso hurddada! Cibaarrada yaabka ah oo shacabka Soomaaliyeed ceebihiisa ugu weyn waxay tahay inay isugu soo baxaan taageerrada siyaasiga waliba isagoon dantooda hayn, inay u soo saftaan soo dhoweyntiisa iyo sagootintiisa isagoon ka mudnayn! SHacab awooddiisii iyo kaalintiisii siyaasaadeed nuxurkeedii uu noqday soo dhoweyn iyo sagootin! Waxaase taas ka sii daran hooyooyin ooyaya oo aan shacab ka damqanaya oo u kacaya uusan jirin oo markay dad-weynihii maciin ka waayeen u dacwooniya kii ilmahoodii miidaamiyay!… hooyooyin ooyaya oo u cabanaya kuwii dalkooda gumeeyay, oo u cabanaya waxa Beesha Caalamka loogu yeero oo iyagu ku dul haya Farmaajo maalin kastana xoog, xeyllad iyo xoolaba ku bixinaya inay Farmaajo oo kale dusha ka saaraan!.. hooyooyin waayay ka dhiidhisa xummaatada oo ay ku dhaataan sharaftoodana dhowra!… SHacabnimmada iyo codka dad-weynaha waa tiirarka ay ku taaganyihiin ummadnimmada iyo Qaran ahaanshaha dalka!… Waxaana la gudboon dad-weynaha Soomaaliyeed inaysan yeelin inay dalka ka baxaan ilaa maxkammad la hor keeno Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal Wasaarihii hore Xasan Cali KHeyre, Maxamed Mursal Cabdi-Raxmaan, Cabdi-Wali Muudeey Ibraahim, iyo Mahad Cawad, dhagaraha iyo tagri falka awoodeed ee intay xilka hayeen dalka ka dhacay. W.Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Afeef:- Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan, PUNTLAND POST marnaba masuul kama aha aragtida dad kale. The post Alley-lahee Farmaajo siduu u dhaqmay abaalkeeda lama marin! appeared first on Puntland Post. -
Muqdish (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn ugu faafay baraha bulshada inay korortay tirada dhimashada uu sababay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, islamarkaana ay xalay Isbitaalka Madiina Martiin ugu dhinteen 30 qof. Wasiirka caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay inay xaqiiqo tahay in cudurka Coronavirus uu kusoo labo kacleeyay dalka, hase yeeshe waxay meesha ka saartay in tiro soddomeeyo ah ay xalay u geeriyoodeen. Fowsiya ayaa sheegtay in Isbitaalka Martiini in la keenay dad badan oo uu soo ritay cudurkaas, ayada oo xustay in shalay ilaa maanta ay tageen 16 qof, mid kamid ahna la geeyay qeybta daryeelka deg-degga ah ee loo yaqaano ICU-da. Sidoo kale waxay warbaahinta u sheegtay in 9 qof oo kale la jiifiyay Isbitaalka, halka lix qof ay dib ugu laabteen Guryahooda, kadib markii dhakhaatiirtu ay siiyeen talooyin caafimaad. Tirada dadka cudurka Coronavirus u geeriyooday shalay ilaa maanta ayaa ahaa 5 qof ah oo keliya, sida ay sheegtay Wasiirka caafimaadka dowladda federaalka oo bulshada ugu baaqday inaysan aaminin wararka been abuurka ah ee lagu faafinayo baraha bulshada. Ugu dambeyntiina waxay sheegtay inay si maalinle ah usoo gudbin doonto wasaaraddu warbixinta cudurka Coronavirus, midaasi oo meesha ka baxday tan iyo markii uu cudurka hoos uga dhacay dalka.
-
Xogheyaha guud ee qaramada Midoobey iyo madaxa midowga Afrika ayaa madaxda Soomaalida ugu baaqay iney tanaasul muujiyaan, kana gudbaan ismariwaaga, sida ugu dhaqsaha badanna loo gaaro is afagrad lagu fulinayo heshiiskii September 17, 2020. António Guterres iyo Moussa Faki ayaa ku ammaanay shacabka iyo madaxda Soomaaliyeed horumarka la gaaray sanadihii dambe iyo Ilaalinta nabadda iyo xasiloonida la helay kadib sanado badan oo dhibaato ah. Xogheyaha guud ee qaramada midoobey iyo madaxa Midowga Afrika ayaa ku celiyey sida ay uga go’antahay in ay sii wadaan taageeraa ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan horumarka iyo nabadda. Source: goobjoog.com
-
Xukuumadda Nairobi ayaa ka hadashay maalmo, kadib go’aankii maxkamadda ICJ ay ku diiday codsigeedi ahaa in dib lo dhigo dacwadda badda ee kala dhexeysa Soomaaliya. Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay in dowladda Kenya ay diyaar u tahay inay ka qeyb-gasho dooda arrimaha badda, wuxuuna intaas ku sii daray in markasta ay ka go’an tahy inay is-difaacaan. Mr. Macharia Kamau oo warbaahinta la hadlayey aya yiri ” Go’aanka diidmada ah ee maxkamadda kama dhigna in Kenya ay guul-darreysatay, balse waxaan rajeynayaa in tallaabo horay loo qaado, waxaan hubaa in Soomaaliya an kaga guleysaneyno dacwadda“ ICJ ayaa ku amartay labada dhinac inay soo dirsadaan xubno si toos ah uga qeyb-gala dhageysiga dacwadda, iyadoo weli aduunka uu la ciir-cirayo xaladda Coronavirus. View the full article
