-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa ku eedeeyay sii-hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu ku tuntay dastuurka dalka. Abshir Bukhaari wuxuu qabaa in Farmaajo isagoo ogsoon in dastuurka dalka uu qeexayo dhismaha guddiyada madaxa bannaan uu hadana hareer maray, wuxuuna tusaaleyn usoo qaatay wareegtadii ugu dambeysay ee la sheegay iney kasoo baxday xafiiska sii hayaha madaxweynaha taasoo lagu magacaabay guddiga adeegga garsoorka. “Waa kan Farmaajo oo mar kale ku tumanaya dastuurkii dalka, wuxuu wareegto kusoo saaray guddi ka mid ah guddiyada madaxa banaan isagoo ogsoon in dastuurka kumeel gaarka ah qodobkiisa 112-aad uu qeexayo habraaca loo maraayo guddiyada madaxa banaan,” ayuu yiri Abshir Bukhaari. Sidoo kale warqadii kasoo baxday xafiiska Farmaajo wuxuu ku tilmaamay mid sharci darro ah oo aan raacsaneyn dastuurka. Wareegtada kasoo baxday xafiiska sii hayaha madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa gaashaanka u daruuray gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi kaas oo sheegay iney tahay waxba kama jiraan maadaama aan aqalka sare lasoo marsiin, sida sharcigu qabana ay tahay in lasoo marsiiyo.
-
The federal government of Somalia and the United Nations on Monday launched the 2021 Somali Humanitarian Response Plan (HRP). HRP seeks $1.09 Billion to assist 4 million people who will be in critical need of humanitarian assistance across the country in 2021. HRP predicts that an estimated 5.9 million people will need assistance this year, an increase from 5.2 million last year. According to the UN, the situation in Somalia was worsened by COVID-19, desert locusts and the triple threat of floods. “Multiple crises including erratic climate shocks, protracted conflict, disease outbreaks and a massive desert locust infestation have driven millions of children, women and men in Somalia to the brink of survival,” said Mr. Adam Abdelmoula, the Humanitarian Coordinator for Somalia. “As a result, we expect humanitarian needs to grow during 2021. Our support in ensuring Availability and access to basic services such as food, shelter ad health services is therefore vital.” In a press statement released Monday, Minister of Humanitarian Affairs and Disaster Management Hon. Khadija Mohamed Diriye said “This 2021 response plan clearly emphasizes the Government’s position that humanitarian needs in Somalia cannot be addressed by the delivery of life-saving assistance alone and it highlights that there are opportunities for development actors to contribute to strengthened resilience of Somalis.” View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/Warka-Habeen-1522021.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa maanta markale ka hadlay banaanbaxa ay ku dhawaaqeen inuu ka dhacayo magaalada Muqdisho, xili uu dalka marayo marxalad xasaasiya. Mucaaradka ayaa shalay ku dhawaaqay banaanbax weyn oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, iyada oo dadweynaha ay iskugu imaanayaan Taalaada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, maalinta Jimcaha ee taariikhdu tahay 19-ka Febraayo. Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo ku hadlayay Afka Musharaxiinta ayaa sheegay in banaanbaxaas uu yahay mid nabdoon, islamarkaana wax fowdo iyo dhibaato ah u keeneyn amaanka caasimada. Waxaa uu sheegay in Musharaxiinta ay ka war heleen in dowladda ay doonayso inay carqaladeyso banaanbaxaas, oo looga soo horjeedo madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, laguna dalbanayo doorasho wada-ogol ah oo si dhaqso ah uga dhacda dalka. Daahir Geelle ayaa ugu baaqay Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdi Xijaar iyo guud ahaan taliyeyaasha ciidanka inay ka qeyb qaatan sugida amniga dadweynaha maalinta Jimcaha iskugu soo baxaya magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa uu ka dalbaday ciidamada inay taxadar iyo feejignaan dheeriya muujiyaan, islamarkaana ay ka fogaadan hirdanka siyaasadeed ee dalka taagan, loogana baahan yahay inay xaqiijiyaan amaanka guud ee goobta ay u asteeyen inuu ka dhaco banaanbaxaas. Musharaxiinta mucaaradka ayaa shalay ku dhawaaqay banaanbaxaas oo dhacay dhamaadka toddobaadka, iyagoona sheegay inay hor-kici doonaan, kaasi oo ay uga soo horjeedan madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday, islamarkaana ay ku dalbanayaan in dalka ka dhacdo doorasho dhaqso ah oo wada-ogol ah.
-
(SLT-Riyadh)-Qoyska, gabadha u dhaqaaqda arrimaha haweenka Sacuudiga Loujain al-Hathloul, ayaa sheegay in guushii doorashada ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ay gacan ka gaysatay in gabadhaas lasii daayo kadib saddex sano oo ay u xidhneyd mas’uuliyiinta Sacuudiga. Loujain al-Hathloul, oo 31 jir ah, ayaa waxaa Arbacadii shuruud kusii daayey mas’uuliyiinta Sacuudiga. Waxaa la xidhay bishii Mya 2018 ayada iyo tobaneeyo kale oo haween ah, toddobaadyo un kahor inta ayna boqortooyada qaadin xayiraaddii haweenka ka saarneyd inay baabuurta wadaan. “Waxaan dhihi lahaa waa ku mahadsan tahay madaxweyne inaad caawimaad ka gaysatay in walaashey lasii daayo,” waxaa sidaas tidhi Alia al-Hathloul, oo ay walaalo yihiin Loujain. “Waa xaqiiqo in Loujain la xiray xilligii maamulkii hore, islamarkaana lasii daayey maamlmo kadib markii Biden uu awoodda la wareegay,” ayey tidhi Alia. “Imaanshaha Biden ayaa gacan weyn ka gaysatay sii deynta walashey.” Sacuudi Carabiya, oo xirtay boqolaal qof oo dhaq-dhaqaaqeyaal ah, wadaaddo iyo xubno ka tirsan qoyska boqortooyada saddexdii sano ee tagtay, ayaa dedejisay maxkamadeynta qaar ka mid ah oo ay ku jirto Loujain kadib markii uu Biden ku guuleystay doorashada. Biden ayaa ballan-qaaday inuu xoojin doono daba-galka dhaxal-sugaha awoodda badan ee Sacuudiga Maxamed Bin Salman, oo lagu eedeeyo xadudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Bin Salmaan ayaa aad ay isugu dhowaayeen madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. Source
-
Jaamacadda SIMAD ayaa maanta markii ugu horeysay dalka Soomaaliya ku qabatay Xaflad Qabinjebin oo qaab fogaan arag ah (virtual). Xafladdaan qalinjebinta ee Dufcadda 16-aad ee Jaamacadda SIMAD ayaa qorshaheedu ahaa in lagu qabto Xarunta Dhexe ee Jaamacada SIMAD balse saamaynta iyo dib usoo laba kaclaynta xanuunka caabuqqa COVID-19 dartii ayaa loo bedalay hanaanka hirgelinta xafladda. Xubno ka tirsan Guddiga Sare ee Jaamacadda, Maamulka, iyo macalimiinta Jaamacadda iyo dhamaan ardaydii qalinjebinaysay ayaa uga qeybqaatay Xafladda qaab fogaan arag ah. Waxaa xusid mudan in xiriiriyaha munaasabadda uu ku sugnaa dalka Turkiga. Waxaana munaasabadda kalimado ka jeediyey qaar ka mid xubnaha sare ee Jaamacadda. Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Ustad Dahir Hassan Abdi, ayaa ugu horayn hambalyo diiran udiray dufcada 16-aad ee ka qalinjabineysay maanta jaamacadda SIMAD isla markaana la wadaagay in go’aanka ku aaddan munaasabadda qalinjebinta uusan aheyn mid si sahlan lagu gaaray balse caafimaadka ardayda iyo waalidiintooda uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Jaamacadda. Professor Kamal Ubaid ayaa ku hadlay codka Gudiga Sare ee Jaamcadda asiga oo u hanbalyeeyay dufcadda 16-aad ee ka qalinjabineysay maanta jaamacadda. Sidoo kale munaasabadda waxaa ka hadlay Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odowaa oo ugu hambalyeeyey ardayda guusha ay gaareen. Wuxuu sidoo kale xusay in munaasabadda kusoo aadday xili uu caabuqqa koroonavirus soo laba kacleeyey laakiin wadajirka ardayda iyo Jaamacadda ay sahashay in si guul ah looga qabto xafladda. Ugu dambayn xafladdaan ayaa noqonaysa waa cusub oo u baryey Waxbarashada Sarre ee Soomaaliya kuwaa oo laga doonayey in ay xal la imaadaan xiligaan adag oo Coronvirus uu jiro ayaga oo aanan baajinayn hawlahooda waxbarasho. Sawirada Xafladda Source: goobjoog.com
-
Bosaso (PP News Desk) — Puntland Security Forces have conducted a security operation in Bari region. A blurred photo of Al-shabaab fighters arrested by Puntland Security Forces. PSF arrested senior Al-shabaab commanders and fighters who were allegedly in charge of assembling improvised explosive devices and planting them in the main road between Karin and Galgala. PSF seized materials used for explosives. PSF has not disclosed the names and number of Al-shabaab commanders it had taken into custody. Some materials Al-shabaab uses for IED and seized by PSF. Puntland State Television reported that the operation aims to target Al-shabaab bases in Puntland. “Security forces captured supplies, camels and donkeys Al-shabaab uses for ferrying weapons and ammunitions” reads a PSF statement posted in Facebook. PSF patrolling parts of Galgala mountains. Puntland Government stepped up pressure on Al-shabaab and ISIS fighters in hideouts at hard-to-access parts of Bari, a region known for mountains and treacherous, unpaved routes. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Security Forces Arrest Al-shabaab Commanders appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa ka hadashay markii ugu horreysay go’aankii ay maxkamadda cadaaladda Adduunka (ICJ) ka qaadatay codsigeedii ahaa in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda Soomaaliya. Xoghayaha joogtadda ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Macharia Kamau, oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah, ayaa sheegay iney diyaar u yahiin ka qeyb galka dhageysiga dacwadda, islamarkaana aysan go’aanka maxkamadda u aheyn guuldarro. Dhageysiga dacwadda waxaa loo ballansan yahay 15-ka Maarso, iyadoo socon doonta ilaa 19-ka Maarso, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay diidmo ay ka muujisay in dib loo dhigo dacwada badda markii afaraad, kadib isku day ay sameysay Kenya. “Aniga oo tixraacaya kiiska xadeynta badda Indian Ocean ee Soomaaliya vs Kenya, iyo codsiga Kenya ee ah hakinta sii wadista dhageysiga, waxaan jeclahay inaan idinku war-geliyo, in kadib markii aan ka fakarnay doodaha labada dhinac, in maxkamadda ay go’aansatay inay sii waddo dhageysiga sida loo qorsheeyey oo billaabaneysa 15-ka March,” ayuu yiri Philippe Gautier oo ah diiwaan-hayaha maxkamadda ICJ, oo qoraal soo saaray Sabtidii. Inkastoo uu sheegay iney xaadiri doonaan, haddana Macharia Kamau wuxuu mar kale diray fariin dadban oo ah inaan meesha laga saarin halista cudurka Covid-19, taasi oo muujineysa in Kenya weli aysan ka rajo dhigin in kiiska dib loo dhigo. Balse, Philippe Gautier ayaan sheegay in dhageysiga uu dhici doono qaab online ah, oo aan Maxkamadda la tegi doonin, taasi oo meesha ka saareysa halista COVID-19 ee Kenya ay isku dayeyso inay ku cudur daarato. Dowladda Soomaaliya waxey sheegtay iney diyaar u yahiin qareenadeeda isla markaana ay rajeynayaan iney helaan xukun cadaalad ah. Sida horey loo qorsheeyey dhageysiga dacwadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay dhici doontaa 15-ka illaa 19-ka bisha March ee sanadkan.
-
Baydhaba (Caasimadda Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa galinka dambe ee maanta gaaray guddiyada farsamada ee xal u helidda khilaafka doorashooyinka. Guddiyadan ayaa yeelan shir ay soo qaban-qaabiyay beesha caalamka, waxeyna guddigaan ka kala socda dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir ka arrinsan doonaan sidii xal loogu heli lahaa qodobada la isku mari weysan yahay ee ku hor gudban arrimaha doorashooyinka, isla markaana keenay fashilka shirkii dhuusamareeb 4. Guddiga ayaa galabta yeeshay shir kooban oo furitaan ah, hase yeeshee waxaa laga war sugayaa guddiyo yar oo weli maqan, si shirka rasmi ahaan loogu furo. Beesha Caalamka ayaa kulankaan ka ah kor joog, waxaana la doonayaa in xal looga gaaro arrinta gobolka Gedo oo ah tan ugu weyn ee ku hor gudban doorashada, sidoo kale guddiyadaan shirka uga socda waxey si toos ah ula xiriirayaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Wararka hoose oo ay Caasimadda Online heleyso waxaa ka mid ah in xubno ka tirsan guddiga ay booqan doonaan gobolka Gedo, gaar ahaan Garbahaarey, waxeyna doonaayaan iney soo qiimeeyaan xaaladda deegaanada lagu mursan yahay. Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa isku raaci waayay hannaanka doorashada iyadoo wali aan dhinac loo bixin, beesha caalamka ayaana ka shaqeyneysa sidii la isugu soo dhawaan lahaa loona qaban lahaa doorasho wakhtigeeda ku dhacda oo loo wada siman yahay.
-
Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir ayaa Magaalada Muqdisho ku qabtay Shirwaynaha Guddiga Isboortiga Gobolka Banaadir 2021,Shirkan oo oo ka dhacay xarunta Guddiga Olombikad Qaranka Soomaaliyeed ee GOS ayaa looga hadlay waxqabadka Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir Sanadki tagay 2020 “Sanadkii la soo dhaafay waxaa inoo qabsoomay shaqooyin badan,waxaana ugu weynd guushii uu Gobolka Banaadir ka garaży tartankii kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ka dhacay caasimada Muqdisho,waxaan rajaynayaa in aan sanadkan gaarno guulo waaweyn” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Daa’uud Axmed Dheere oo madaxa farsamada Maamulka ciyaaraha Gobolka Banaadir. Shirka waxaa lagu soo bandhigay qorshaha Isboortiga 2021, waxaa shir -guddoominayay Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Xasan Wiish waxaana kasoo qeyb galay Madaxa Horumarinta Amuuraha Gobolada ee Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed Ibraahin Xuseen Cali (Roombo) kaasoo bogaadiyay howsha wacan ee uu Isboortiga Gobolka qabtay, guud ahaan sanadkii la soo dhaafay 2020. Shirka waxaa lagu soo bandhigay guushii Gobolka Banaadir 2020 ka gaaray Ciyaaraha kubbadda Cagta Maamul Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020 iyo sidoo kale tartankii kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir iyo tartankii kubbadda cagta waaxyaha Gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar,waxaan si guud shirka looga mahadceliyay dadkii ka danbeeyay shaqooyinkii guulaha ku dhisnaa uu Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir gaaray sanadkii la soo dhaafay 2020. “Waan u mahadcelinaynaa dhamaan Madaxda isbortiga Gobolka,kaalintee ay ka qaateen shaqooyinkii adkaa ee inoo qabsoomay sanadkii lasoo dhaafay,waxaan rajaynaynaa in aan sanadkan gaarno guulo waaweyn” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Banaadir mudane Xasan Yabarow Wiish Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Gobolka Banaadir Guddoomiye Xasan Yabarow Wiish “Waan U Hambalyaynaa Daadir Amiin Iyo Axmed Tahliil” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Yaa ku qasbay Sacuudiga inay sii daayeen Loujain al-Hathloul? Qoyska, gabadha u dhaqaaqda arrimaha haweenka Sacuudiga Loujain al-Hathloul, ayaa sheegay in guushii doorashada ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ay gacan ka gaysatay in gabadhaas lasii daayo kadib saddex sano oo ay u xirneyd mas’uuliyiinta Sacuudiga. Loujain al-Hathloul, oo 31 jir ah, ayaa waxaa Arbacadii shuruud kusii daayey mas’uuliyiinta Sacuudiga. Waxaa la xiray bishii Mya 2018 ayada iyo tobaneeyo kale oo haween ah, toddobaadyo un kahor inta aysan boqortooyada qaadin xayiraaddii haweenka ka saarneyd inay baabuurta wadaan. “Waxaan dhihi lahaa waa ku mahadsan tahay madaxweyne inaad caawimaad ka gaysatay in walaashey lasii daayo,” waxaa sidaas tiri Alia al-Hathloul, oo ay walaalo yihiin Loujain. “Waa xaqiiqo in Loujain la xiray xilligii maamulkii hore, islamarkaana lasii daayey maamlmo kadib markii Biden uu awoodda la wareegay,” ayey tiri Alia. “Imaanshaha Biden ayaa gacan weyn ka gaysatay sii deynta walashey.” Sacuudi Carabiya, oo xirtay boqolaal qof oo dhaq-dhaqaaqeyaal ah, wadaaddo iyo xubno ka tirsan qoyska boqortooyada saddexdii sano ee tagtay, ayaa dedejisay maxkamadeynta qaar ka mid ah oo ay ku jirto Loujain kadib markii uu Biden ku guuleystay doorashada. Biden ayaa ballan-qaaday inuu xoojin doono daba-galka dhaxal-sugaha awoodda badan ee Sacuudiga Maxamed Bin Salman, oo lagu eedeeyo xadudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Bin Salmaan ayaa aad ay isugu dhowaayeen madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. Qaran News
-
Qaramada Midoobay ayaa war ka soo saartay xaaladda Bini’aadanimo iyo cunna yari ee ka jirta gobalada dalka Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay QM ayaa lagu sheegay in xaalad cuna yar ah oo aad u liidata ay wajahayaan 4 milyan oo qof oo ku nool dalka Soomaaliya loona baahan yahay in ay la gaarsiiyo gargaar deg deg ah . War kasoo baxay QM ayaa lagu yiri “Codsi wada jir ah oo ay soo saareen UN-ka iyo Dowlada Soomaaliya Isniintii ayaa lagu dalbaday $ 1.09b si loo gaarsiiyo afar milyan oo Soomaali ah oo la saadaalinayo inay wajahaan cunno yari ba’an sanadkan”. QM ayaa sidoo kale qoraalkooda waxaa intaasi lagu daray “Afar milyan oo qof ayaa wajihi doonta cunno yari ba’an sannadkan sababo la xiriira isugeynta saameynta cudurrada iyo cimilada, UN-ka iyo Dowladda Soomaaliya ayaa Isniintii sheegay iyagoo codsaday gargaar caalami ah”. Iu-duwaha Gargaarka Aadamiga ee Qaramada Midoobay, Adam Abdelmoula, ayaa yiri “Dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin jahwareer cimilo xumo, iskahorimaad daba dheeraaday, cudurro dillaaca iyo ayax aad u fara badan ayaa u horseeday malaayiin carruur, haween iyo rag ah oo ku nool Soomaaliya inay qarka u saaran yihiin badbaadin,”. Source: goobjoog.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Inkastoo uu baaqday shirkii ay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ku yeelan lahaayeen guddi farsamo oo ka kooban maamul goboleedyada dalka, gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka, kuwaas oo u sii gogol xaari lahaa gollaha wadatashiga qaran, si xal u helida khilaafka ka taagan doorashada dalka, hadana waxaa su’aal la iska weydiinayaa “Maxey qaban doonaan guddiga ku shiri doona magaalada Baydhabo” Guddigan oo uu magacaabay ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka, Maxamed Xuseen Roble, kana kooban 14 xubnood ayaa ah mid daba socda shirkii maalma kahor ka dhacay magaalada Samareeb ee u dhaxeeyay dowladda federaalka, gobolka Banaadir iyo dowladda federaalka oo k dhammaaday is-afagard waaga. “Shirkan wuxuu daba socdaa shirkii wadatashiga qraana ee ooga hadlay arrimaha doorashooyinka, guddiganna wuxuu turxaan bixin ku sameyn doonaa arrima fara badan, wuxuu u gogol xaari doonaa shirka ay madaxda isugu iman doonta, iyagoona ka doodi doonaa waxyabaa badan oo la xiriir arrimaha khilaafka doorashooyinka kahor inta aysan madaxda isugu imanin shir”, ayuu yiri wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed, Ilyaas Saciid oo la hadlay BBC-da. Waxyabahaa kasoo baxa shirka ayuu wasiirka sheegay in wixii ay isla meel dhigaan ay u gudbin doonaan dowlad goboleedyada, kadibna madaxda dowlad goboleedyada ay usii gudbin doonaa madaxda dowladda federaalka. “Shirkan waa uu ka duwan yahay kuwii hore oo lagu baaqay inay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo kan waa guddi farsamo”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka. Kullankii qaar kamid ah dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ku dhexmaray magaalada Samareeb ee Galmudug ayaa fashil ku dhamaaday kadib markii la isku mari waayay qoddobo ay kamid tahay sida doorashada ay uga dhaceyso gobolka Gedo, maadaama uu maamul ahaan katirsan yahay Jubaland balse ay gacanta ku heyso dowladda federaalka. Haddase waxaa muuqata in wadahadalada loo wajhaayo si ka duwan sidii hore, maadaama kullamadii hore ay isa soo hor frriisan jireen madaxad labada dhinac, balse hadda guddigan ayaa filayaa inay sii jilciyaan arrimaha khilaafka uu ka taagan yahay ee doorashooyinka, kuwaas oo marka ay wax isla meel dhigaan loo gudbin doona madaxda ay matelaan, si loo saxiixo kadibna loo meel mariyo. Arrintan ayaa timid kadib markii ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble uu magacaabay guddi farsamo oo ka shaqeeya qabanqaabada Shirka golaha wadatashiga qaranka, six al looga gaaro khilaafka harreeyay doorashada. Dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe cadaadis iyo baaqya kala kulmayay beesha caalamka iyo gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo ah inay ka wadahadlaan khilaafka ka taagan doorashooyinka, dalkana ay ka dhacdo doorashada wada ogol ah inkastoo dib u dhac ku yimid wakhtigii la qorsheeyay. Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto. ISHA: BBC SOMALI + CAASIMADA
-
Shir saacadihii tagay ay qabatay xukuumadda federaalka gaar ahaan Guddiga Ka Hortagga iyo Maaraynta soo laba-Kaclaynta Caabuqa COVID-19, kana qeyb galeen Mahdi Guuleed oo ah raísul wasaare ku xigeenka iyo wasiirka caafimaadka Fawsiyo Abiikar ay dowladda sheegtay in caabuqa uu soo laba kacleeyey, khatarna ku hayo Soomaaliya, waxaana shirka la isla qaatay in dawladu qaadato talabooyin lagu hubinnaayo badqabka shacabka Soomaaliyeeda si looga hortago faafitaanka iyo kahtarta Xanuunka. Wasaaradda caafimaadka ayaa maalmahan dib u bilowday iney shacabka la wadaagto dadka uu si maalinle ah usoo rito caabuqa COVID-19, iyada oo axaddii sheegay in laga helay 91 qof oo kala jooga Banaadir iyo Boosaaso, ilaa hadda waxaa guud ahaan laga helay 5,183, inta bogsootay 3,739 halka dhimashudana ay gaartay 152 qof. Wasaaradda ayaa February si maalinle ah u daabici jirtay dhibaatada caabuqa, wasaaradda caafimaadka, waxaa ay sheegay in February 13 laga helay dadka Banaadir deggan ilaa 17 qof. February 12, ilaa 62 qof(Banaadir), February 10, ilaa 28(Banaadir(27) iyo hal Hirshabelle, February 9, ilaa 51(Banaadir 50 iyo hal Hirshabelle ah), February 8 ilaa 14(Banaadir 12 iyo Hirshabelle 2), February 7 ilaa 58(Banaadir 34, Puntland 10 iyo Somaliland 14), February 6 waxaa Banaadir laga helay 8 qof, isla wasaaradda ayaa daabacday in 1-5-ta February laga helay 40 qof oo dhammaan ku sugnaa Banaadir. Dhanka kale, dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay iney dalka keeneyso tallaalka caabuqa COVID 19 nooca AstraZeneca/Oxford oo qeybta hore ay heli doonaan 1,224,000, Guud ahaan tirada guud ee tallaalka la gaarsiin doono waa 3,000,000 (saddex milyan) oo qof, tiradaas oo si gaar ah looga tallaali doono xanuunka coronavirus, waxaana horay loo talaali doonaa dadka (1) Shaqaalaha Safka hore, (2) Dadka da’da ah (50jir iyo wixii ka weyn) (3). nuunada ee qaba xanuunada hoos u dhiga difaaca jirka ama si joogto ah ula nool xanuunada. Xilli ay wasaaraddu sheegeyso in caabuqa uu soo laba kacleeyey ayaa dhanka kale, waxaay Goobjoog News ogaatay in xafiiska hanti-dhowrka qaranka uu baaris ku bilaabay. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Maxamed Yuusuf Xaaji oo ka tirsanaa xildhibaannada Aqalka sare ee Dalka Kenya. Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska iyo ehelada Alle ha unaxariistee Senator Maxamed Yuusuf Xaaji oo xilal kala duwan oo muhiim ah kusoo matalay Soomalida Kenya, Waxaan Alle uga baryayaa in uu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiiyo. Aamiin.” Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee difaaca dalka Kenya Senator Maxamed Yuusuf Xaaji oo xilal kala duwan kasoo qabtay Kenya ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi. View the full article
-
Wadamo dhowr ah oo ay qeyb ka tahay Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey dilka 13 ruux oo u dhashay dalka Turkiga oo dhowaan lagu dilay waqooyiga dalka Ciraaq. Dadkaasi oo la sheegay in hore loo afduubay ayaa waxaa dilay dagaalyahano ka tirsan jabhadda hubeysan ee PKK oo dagaal kula jirta dowladda Turkiga. Wasiirka cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka tacsiyeeyey dhimashada dadkaasi oo dhamaantood aan waxba galabsan. Mr. Cabdulqaadir ayaa intaasi ku daray in murugada uu la qaybsanayo walaalaha Turkiga, isaga oo xusay in Soomaaliya ay mar-walba garab taagan tahay dowladda Turkiga. Turkiga ayaa dhawaan shaaciyey dilka 13 muwaadin oo looga dilay waqooyiga wadanka Ciraaq, iyaga oo sheegay in ay soo gaba-gabeeyeen howl-gallo ka dhan ahaa PKK. View the full article
-
Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cisman & wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buulo burde ee gobolkaasi. Wafdigan oo uu qeyb ka yahay gudoomiye ku xigeenka maaliyada iyo siyaasada gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Cabdulahi Maadey ayaa halkaasi si weyn loogu soo dhoweeyey. Ujeedka socdaalka guddoomiye Jeyte iyo mas’uuliyiinta la socda ayaa ah sidii xal loga gaari lahaa khilaaf u dhexeeya ciidamada AMISOM iyo maamula degmada Buulo-Burte. Shalay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose maamulka HirShabelle Mudane Maxamed Cali Caadle ayaa gaaray degmadaasi. View the full article
-
Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee qaranka ayaa baaris la xiriirta hawlaha COVID 19 ee Soomaaliya ka bilaabay Muqdisho isaga oo arrintaa 7-badii bishan ku wargeliyey wasaaradda caafimaadka iyo xafiiska ra’isul wasaaraha. Sida ku qoran warqad ay heshay Goobjoog News, meelaha uu hanti-dhowrka baari rabo waxaa ka mid ah: Lacagaha ay dowladda federaalka ah ku bixisay COVID 19, deeqaha dibadda oo isgu jira lacag, qalab iyo dawo ama raashiin iyo wax walba oo la xiriira COVID 19. Sida qoraalka ku xusan, baarista ayaa la fulinayaa iyada oo la tixgelinayo si loo xaqiijiyo ineysan dhicin khalad ama khiyaano iyo in hanti-dhowrka lala wadaago macluumaadka cid kasta oo arrintan uga baahdaan. Source: goobjoog.com
-
Faysal Cabdullaahi Warsame Agaasimihii guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Faysal Cabdullaahi Warsame ayaa iscasilay. Agaasimaha ayaa iscalilay maalintii shalay, waxaana sida ay ogaatay Puntland Post uu isu casilay wadashaqeyn xumo soo kala dhexgashay isaga iyo madaxda kale ee Wasaaradda Maaliyadda. Faysal Cabdullaahi Warsame ayaa xilka uu iska casilay loo magacaabay bishii July ee sanadkii 2019. Dhanka kale warar aan helnay ayaa sheegaya in uu iscasilaad qorsheynayo Agaasime Ku xigeenka Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda Keenadiid Cali Jaamac. Muddadii ay jirtay Xukuumadda Siciid Deni, waxaa xilal iska casilay wasiiro, agaasimeyaal iyo taliyeyaal ciidan. PUNTLAND POST The post Puntland: Agaasimihii Wasaaradda Maaliyadda oo iscasilay appeared first on Puntland Post.
-
Ururka iskaashiga islaamka ayaa si kulul u cambaareeyay weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay dhibaatooyin kasoo gareen dadka shacabka ah. Bayaan kasoo baxay ururka iskaashiga islaamka ayaa lagu sheegay in ay tahay arrin fool xun werarada ka dhacaya caasimadda, iyada oo lagu guda jiro diyar-garowga doorashada. “Waxaan u tacsiyadeyneynaa ehellada dadkii ku dhintay weerarada baahalnimo ee ka dhacay Soomaaliya, waxaan sidoo kale caafimad u rajeyneynaa dadkii ku dhaawacmay,” ayaa lagu yiri bayaanka uu soo saraay ururka Iskaashiga islaamka. Qoraalka ayaa lagu soo gaba-gabeeyey in ururka iskaashiga islaamku garab taagan yahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ku garab siinayo sidii looga guuleysan lahaa dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli dagaal kula jiro ciidamada dowladda federaalka. View the full article
